SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 46-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Macallimiin loo Tabobaray Waxbarista Dadka Waaweyn
B |
oorama
(Haatuf):- Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed
ayaa shalay aqoon isweydaarsi ku saabsan waxbaridda dadka waaweyn u xidhay 20
macallin oo wax ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada Boorama. Kaas oo socday muddo
saddex maalmood ah.
Aqoon-isweydaarsigan,
oo ku saabsanaa sidii dadka waaweyn ee aan waxna qorin waxna akhriyin kor loogu
qaadi lahaa aqoontooda, ayaa xidhitaankiisii waxa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka
gobolka oo ka qaybgalayaasha u sheegay dedaalkii loo soo maray tabobarkan
qabashadiisa iyo suurtogelintiisa iyo sida macallimiinta loogu baahan yahay in
ay ku dedaalaan waxbaridda dadkooda waaweyn ee aan iyagu yaraantoodii helin
fursado u saamaxa.
Aqoon-isweydaarsigan
oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen wasaaradda waxbarashada, BBC-da,
hay’adda AET (Africa Educational Trust) ee fadhigeedu yahay Hargeysa, ayaa waxa
kale oo ka hadlay wakiilka hay’adda AET ee gobolka Awdal Cabdulwahaab Xasan
Iimaan, isaga oo sheegay in tabobarkani la xidhiidho iskaashi kor loogu qaadayo
aqoonta dadka waaweyn ee Soomaaliya iyo Somaliland, wadajirna ay u fulinayaan
BBC-da iyo AET, waxaanu ka codsaday macallimiinta tabobarka qaatay inay noqdaan
kuwa ka faa’iideya aqoontay barteen.
Dhinaca
kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed, wuxuu isla
shalay tabobar ku saabsan tallaalka cudurada carruurta laaya u xidhay 30 ka
tirsan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka
Awdal.
Tabobarkan
oo socday muddo afar cisho ah ayaa ka qaybgalayaashu ku baranayeen habka ugu
wanaagsan ee loo tallaalo carruurta da’doodu shanta sano ka yar tahay iyo sidii
waalidiinta looga dhaadhicin lahaa faa’iidooyinka tallaalku u leeyahay
carruurtooda. Guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlaya munaasibadda xidhitaanku
wuxuu dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ku guubaabiyay in si waddaninimo leh
ugu hawgalaan tallaalka carruurtooda.
Madaxa
qaybta tallaalka lixda cudur ee carruurta waxyeeleeya. Siciid Bile ayaa munaasibadda
xidhitaanka ka sheegay in waayadan dambe ay soo baxeen dad aan u danayn
ubadkooda oo been ka sheega tallaalka
faa’iidooyinkiisa, sidaas darteed aan dheg loo dhigin oo ay hawshooda u gutaan
si aan hagar lahayn.
H |
elisinki (Haatuf); Gudoomiyaha
urur-siyaasadeedka UCID (justice and Welfare Party), Faysal Cali Waraabe ayaa
markii u horeysay daboolka ka qaaday inuu u sharaxan yahay jagada
Madaxweyne-nimada Somaliland, tartanka doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh.
“Aqoonyahannada iyo anigaba, waxa ku waajiba in
aanu doorashooyinka tu Madaxweyne iyo tu kaleba isu soo taagno, si loo beddelo
Siyaasiyiintii Somaliland 11ka sanadood lee-leelinayay,” ayuu yidhi Faysal Cali
Waraabe oo lagu waraystay Shabakada Internet-ka ee ururkiisa ucidparty.com.
“Anigu waxaan jecelahay in aan isu taago
Madaxweynenimada Somaliland,” ayuu raaciyay Faysal Cali Waraabe oo deggan dalka
Finland, waxa uu waraysigan bixiyay isagoo oo sida warku sheegay ka soo
qayb-galka shir ay yeesheen xisbiyada “Social Democrats” loo yaqaan ee Yurub ku
yeesheen dalka Spain, iyadoo faysal xubin ka yahay Xisbiga Social Democratic
Party oo ka taliya dalka Finland. “Marka aan ku guulaysto jagadaas, Inshaa Allaah
- waxan dalka ku hogaamin doonaa barnaamijka Xisbiga ee aan doorashada ku
helay” ayuu yidhi Faysal oo ka jawaabayay waxa uu qaban doono haddii uu
doorashada ku guulaysto.
Waxaanu raaciyay inuu dhisi doono dawlad loo wada
dhan yahay oo casri ah, kuna salaysan caddaalad iyo wada tashi, taas oo soo
afjari doonta ayuu yidhi “Qabyaaladda iyo cunfiga, si simanna u qaybisa
khayraadka dalka.”
Faysal Cali Waraabe, waxa uu Waraysigaas ku sheegay
in “Somaliland maalin ay maanta ka fiican tahay aanay soo marin, tobankii
sanadood ee ay jirtay.” Waxa kale oo uu ka waramay khilaafka iyo kala
qaybsanaanta ka jirta habka doorashada oo uu sheegay in ay jireen laba ra’yi oo
kala ah doorashooyin ku salaysan habka axsaabta badan iyo Shir-beeleed, taas oo
uu sheegay in ururkiisa UCID ay kaga timid cadaawad badan “Kuwa dantooda u
arkayay shir-beeleed” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in ururkiisu uu ka soo horjeedo,
kuwa shir-beeleedka doonaya, ururka Xukuumadda ee UDUB-na ay ku kala aragti
duwan yihiin in Madaxweyne Cigaal, mar kale dib loo doorto.
Hase yeeshee, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay
in uu aad ugu kalsoonyahay in doorashooyin xalaal ahi ay Somaliland ka dhici
doonaan ururkiisuna ka adkaan doono Cigaal.” Waxaan ku kalsoonahay in ay
doorashooyin xalaal ahi ka dhici doonaan Somaliland, Madaxweyne Cigaalna laga
adkaan doono, UCID-na uu awoodda Xukunka Somaliland heli doono,” ayuu yidhi
Faysal.
Guddoomiyaha ururka UDUB, Madaxweyne Cigaal ayaa
isagu hore u caddeeyay inuu dib isugu sharixi doono jagada. Faysal Cali Waraabena,
waa guddoomiyihii labaad ee caddeeyay inuu u sharaxan yahay ururkiisa, todobada
urur ee is-diwaan-geliyay.
…………………………………………………………………………..
URURKA ASAD OO
DHAMBAAL U DIRAY
HAWEENKA
H |
argeisa (Haatuf): Maalinta Haweenka adduunka ee 8-da March oo ku beegan maanta, ayaa si weyn looga xusayaa dunida oo dhan islamarkaana meelo badan oo ka mida Jamhuuriyada Somaliland ayaa sidoo kale maanta laga xusayaa maalinta haweenka, iyadoo oo xaflad ballaadhan lagu qaban doono fagaaraha Khayriyada Hargeisa.
Isbahaysiga mucaaridka ee ASAD, ayaa iyaguna xalay
soo gaadhsiiyay Haatuf dhanbaal ay direen haweenka Somaliland iyo
guud ahaan haweenka adduunka, xuska 8-da March darteed.
Dhambaalkaas oo xambaarsan Hambalyo dhiiri-gelin,
taageero iyo ballanqaadyo, uuna ku saxeexnaa Afhayeenka ururka ASAD, Jaamac
Ismaaciil Shabeel, waxa uu u qornaa sidan:
“Ururku wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa
Haweenka Somaliland, iyo guud ahaan haweenka adduunka, Munaasibadda xuska
maalinta haweenka adduunka oo ah 8 Maarso.
Sidii kuwii hore, waxaynu maanta xusaynaa iyadoo
haweenka Somaliland ay haysataan dhibaatooyin farabadan oo ka dhashay duruufaha
nololeed ee sii adkaanaya maalinba maalinta ka dambaysa iyo dayaca wax-u-qabad
la’aanta ah. Marka laga reebo, dedaalka kooban ee hay’adaha Samofalka wadaniga
iyo kuwa Caalamiga ah.
Dhinaca kale, waxa lama ilaawaan ah kaalintii mugga
lahayd ee ay ka soo qaateen Haweenka reer Somaliland, halgankii qadhaadhaa ee
dib-u-xoraynta dalka iyo kaalintay kaga beegmeen dib-u-dhiska dalka.
Waxaanse sinaba laysu diidsiin karin muddadii ay
jirtay dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland in aanay haweenku ka helin
kaalintay mudnaayeen, hadday tahay wax u qabashada haweenka agoomaha ah iyo
kuwa kale ee tabaalaysanba, iyo hadday tahay dhanka talada midna.
ASAD, wuxuu urur ahaan u ballanqaadayaa inuu heegan
u yahay difaaca xuquuqda haweenka Somaliland, wakhti kasta iyo gole kasta.
Ururka waxa u qorshaysan fullinta mashaariic lagu horumarinayo oo kor loogu
qaadayo Haweenka heerkooda nololeed, iyadoo ahmiyadda ay leedahay la siinayo
arrintu. Waxa kale oo ururka u qorshaysan in ay helaan haweenka reer
Somaliland, kaalinta ku haboon ee ay kaga beegan yihiin talada dalka.”
……………………………………………………………………..
“Anigaa Iskay isu casilay, Madaxweynuhuna wuu
iga Aqbalay”
Burco (Haatuf):
Guddoomiyihii Gobolka Togdheer ee xilka iska casilay, Maxamuud Aadan Dheri,
ayaa beeniyay warar lagu xidhiidhiyay in ay is-casilaadiisu ka dhalatay, isla
markaana faahfaahin ka bixiyay sababta is-casilaadiisa.
Warar soo baxay Is-casilaadii Guddoomiyaha kadib,
ayaa sheegay sababaha Badhasaabku isu casilay inuu qayb ka ahaa bogcad dhul ah
oo ay Maayorka Burco, Muuse Cabdi iyo Wasiirka Wershadaha Axmed Jaamac Bootaan,
sida la sheegay ay wada-jir u bixiyeen taas oo la sheegay in Maxamuud Aadan
Dheri ka cadhooday iyo qodobo kale oo la xidhiidha. Hase ahaatee, Maayarka
Burco ayaa beeniyay jiritaanka wararkaa; “Dhul noocaas ah oo aan aniga iyo
Daaniye bixinay ma jiro,” ayuu yidhi Maayarku. Waxaanu intaa raaciyay, in aanu
ogayn arin noocaas ah oo uu isku casilay Guddoomiyuhu. Sidoo kale, Maxamuud
Aadan Dheri laftiisa oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka telefoonka, isagoo
joogga Burco, ayaa beeniyay jiritaanka warkaas. Maxamuud Aadan, wuxuu sheegay
inuu iskii isu casilay, Madaxweynuhuna uu ka aqbalay.
“Ilaa Ingiriskii baan soo shaqaynayay, waanan
daalay, markaa waxaan doonayaa in aan iska nasto oo aan geedka fadhiisto oo aan
odayeeyo,” ayuu yidhi. Wuxuu intaa raaciyay oo uu xusay, in ay saaxiib yihiin
Maayarka iyo Wasiirka Warshadahaba. Waxa kale oo uu xusay in markii horeba lagu
khasbay qabashada Jagada, balse aanu isagu u ololayn. Maxamuud Aadan Dheri,
wuxuu ku celceliyay oo uu sheegay inuu iskii isu casilay, laakiin aanay sabab
kale ku kelifin is-casilaadda.
…………………………………………………………………………….
Dhul-boob Xaalad
Qasan ka Abuuray Magaalada Burco
“Dhul nool oo
dawladdu leedahay oo aan ugu imiba waa yar yahay” Maayarka Burco
B
urco/Harg (Haatuf): Dhul-boob xoog
leh iyo xaalad qasan oo dhinaca Maamulka dhulka ah, ayaa ka aloosan magaalada
Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana badiba gacanta dawladda ka baxay dhulkii
danta guud, kaas oo bixintiisa lagu eedeeyay Maamulka dawladda hoose, balse uu
Maayarka Burco Muuse Cabdi, beeniyay jiritaankooda.
Siday sheegeen, warar naga soo gaadhay magaalada Burco,
goobaha dawladda ee la sheegay in la bixiyay, waxaa ka mid ah; Beerta Daallo oo
ka soo horjeeda dhismaha Baanka, taas oo ay wararku tibaaxeen in la siiyay Nin
shacbi ah;
-
Guryaha
Kastamka ku dhexyaalla.
-
Rugtii
Cashuur ururinta ee xaafadda Faarax Oomaar.
-
Xaruntii
hore loogu yaqaanay Dhalinta Kacaanka.
-
Xarunta
xaafadda Sh. Bashiir oo laba Bakhaar laga dhisay.
-
Hangaradii
Injida.
-
Qaybo
ka mid ah dhulkii dugsiga Farsamada Gacanta.
-
Goob
u dhow Hudheelka Baar Siigo.
-
Dhul
banaannaa oo ku yaalla Xafiiska Gobolka hortiisa, kaas oo la sheegay in la
siiyay gabadh ay walaalo yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga.
Guud ahaan goobahaa iyo meelo kale oo raacaba, waxa
la sheegay in la siiyay dad shicib ah. Sidoo kale Xaruntii Boosta ee magaalada
Burco, ayaa iyana laysku weydaarsaday tacshiirado rasaas ah, kadib markii ay
iska horyimaadeen Ciidanka Ammaanka iyo koox shicib ah oo halkaa deganaa,
kuwaas oo ay wararku sheegeen in ay isku dayeen in ay dumiyaan dhismaha Boosta
oo ah dhisme gaboobay, hase yeeshee laga horjoogsaday.
Wararku waxa kale oo ay intaa ku ladheen, inuu
magaalada ka socdo dhul-boob xoog lihi, Maamulka dawladda hoose-na ay ku
mashquulsan yihiin oo keli ah arrimaha dhinaca dhulka, loona tirinayo bixinta
goobahaa dawladda, kuwaas oo ay wararku tibaaxeen in la aaminsan yahay in laga
iibiyay dad ganacsato u badan.
Dhinaca kale, Maayarka magaalada Burco Muuse Cabdi
oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa isagu beeniyay
jiritaanka wararka sheegaya in Maamulkiisu dhaxal-wareejiyay, dhulkii danta
guud iyo dhismayaasha dawladda. “Horta dhul nool oo dawladdu leedahay oo aan u
imiba, waa yar yahay,” ayuu yidhi Maayarku. Wuxuu intaa raaciayay oo uu yidhi;
“Inji iyo Onat, hortaybaa la bixiyay. Garoomadii iyo Saldhigyada hortoodana
hortay baa la bixiyay. Dhulka Shacabka badankiisuna waa iga horeeyay oo waa la
bixiyay.” Maayarka mar wax laga weydiiyay, dhul bannaan oo xarunta gobolka
horteeda ah oo la sheegay in la seestay, wuxuu carabka ku dhuftay in aanu
Maamul ahaan wax lug ah ku lahayn arrintaas. “Gabadhaa ay walaalaha yihiin
Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, lama siinin meesha ee niman bay ka
iibsatay.” Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Laba nin baa Hargeysa laga soo
siiyay meeshaa, Badhasaabkuna waraaq buu noo soo qoray uu leeyahay, hala siiyo
nimankaa meesha. Dabadeed markuu arkay meesha, ma soconayso ayaan idhi, hase
yeeshee sees bay qodeen, dabadeed waanu ka joojinay, waanan xidh-xidhay, balse
waa la damiintay.”
Muuse Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in aanay
Maamul ahaan, wax shaqo ah ku lahayn; Beerta Daallo, Boosta, Kastamka iyo meel
kale toona. Waxaanu intaa raaciyay in aanu Maamulkiisu bixin in habayaraatee
wax dhul iyo dhisme dawladeed ah.
Maayarka mar wax laga weydiiyay, Mushahar la’aanta
haysata shaqaalaha dawladda hoose, wuxuu tibaaxay in aan Mushahaarooyinka loo
waayin, balse mararka qaarkood dib u yara dhacdo, sidaa aawadeedna ay ka yara
habsaantay.
………………………………………………………………….
H
argeysa (Haatuf): Hoggaamiyayaasha
Urur-siyaasadeedka SAHAN, ayaa shalay Xafiiskooda Hargeysa ku qaabilay kooxo
dad ah oo ka kala socda, dhawr urur-dhallinyaro oo ka jira xaafadaha magaalada
Hargeysa, kana mid ah taageerayaasha SAHAN, waxaana halkaa hadalo ka jeediyay,
qaar ka tirsan Siyaasiyiinta ururka SAHAN.
Munaasibaddan ay isku qaabileen kooxaha
dhallinyarada ah iyo hoggaamiyayaasha ururka SAHAN, waxa Koob lagu gudoonsiiyay
koox Kubadda Cagta ah oo ku guulaysatay tartan ciyaaraeed dhex-maray 16
Kooxood.
Kooxaha dhallinyarada ee kulankaa ka soo
qayb-galay, waxay ka kala tirsanaayeen ururo dhallinyaro oo la kala yidhaahdo;
DAHAB, UDAN, AAYATIIN iyo IFTIIN, iyadoo ay dhallinyaradii halkaa isugu timi
kulanku uu ahaa Munaasibad ay isku bartaan. Siyaasiyiinta ururka SAHAN ee
kulankaa ka hadlay, waxa ka mid ahaa; Guddoomayaha ururka SAHAN, Maxamed Cumar
Jiir, Cali Maxamed Waran-cadde, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Maxamed Cabdi
Is-keerse, waxayna dhallinyaradaa farta ugu fiiqeen talooyin door ah oo ay ka
mid yihiin; In ay wax bartaan iyo in ay la dagaalamaan dhaqan-xumada.
Kooxda dhallinyarada ah ee ay hoggaamiyayaasha
SAHAN koobka gudoonsiiyeen, waxay hal gool iyo saddex gool kaga badisay koox
kale oo ka soo jeedda ururada dhallinyaro ee taageersan ururka UDUB. Sidaa
darteed, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa kaftan Siyaasadeed ku tafsiiray, labada
kooxood ee kala badiyay oo ka soo kala jeedda ururo dhallinyaro oo kal
taageersan SAHAN iyo UDUB, wuxuuna Waran-cadde yidhi; “Ururka SAHAN, waxa ka
go’an inuu dhinac walba ka dhiso bulshadeenna, isla markaana waxaanu
ballan-qaadaynaa in aanu adkayno xasiloonida iyo midnimada Somaliland, dalkana
sida loogu talin karaa waa cadaalad iyo nabadgelyo, anaguna haddii aanu
madaxtinimada ku guulaysano, taa ayaanu ku maamulaynaa, saddexda gool ee ay
Kooxda SAHAN ku dhufatay Kooxda UDUB, waxay saadaal wanaagsan u tahay
doorashada.”
Hoggaamiyayaasha SAHAN, inkasta oo ay sheekadoodu u
badnayd guubaabo ay dhallinyarada ku guubaabinayeen in ay ka faa’iidaystaan
fursadooda dhallinyaro-nimo, oo ay ka shaqeeyaan horumarka Tacliinta iyo
Wacyiga wanaagsan ee bulshada, haddana kama ay tegin in ay kulankaa uga
faa’iidaystaan dhinaca Siyaasadda.
“Inkasta oo ay dawladdu tidhaahdo, distoorka hala
raaco, haddana waxba kama noola oo iyadaa wada jebisay.” Sidaa waxa yidhi
Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuuna mar kale yidhi; “Dawladda maanta jirta, kaa adki
mooyaane sharci kuma joogto, wixii ay kala iibsadeenna waa taa xaq-daradii
qar-qarxaysa ee la qorayo.”
Maxamed Cabdi Is-keersi oo isna halkaa ka hadlay,
waxa ereyadiisa ka mid ahaa; “Sababaha ay ururada u samaysmeen, wax ka mid ah;
Xukuumadda oo ku fashilantay wixii loo igmaday, anaguna waxaanu doonaynaa in ay
ummaddu goob-joog ka noqoto saaxadda taladeeda lagu goynayo.”
Guddoomiyaha SAHAN, Maxamed Cumar Jiir oo kulankaa
gebo-gabeeyay, waxa ereyadiisa ka mid ahaa; “Anigu, Xukuumadda oo qudha eedda
saari maayo, waayo dadweynihii dalka iyo taladiisaba lahaa ayaad moodaa in
aanay garan masiirkooda.”
……………………………………………………………………..
Sahan Ku Saabsan Xannuunada Laga
Dhaxlo Dagaalada oo Dhawaan la bilaabayo
H |
argeysa (Haatuf): Waxa dhawaan ka
bilaabmaya magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco, Sahan
Cilmi-baadhiseed oo ku saabsan Xannuunada Nafsaaniga ah ee ka dhasha dagaalada.
Sahankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNDP,
qaybteeda hub ka dhigista iyo jihaynta, iyada oo la kaashanaysa Akaadimiyada
Nabadda iyo Horumarinta, waxa lagu waraysan doonaa dad tiradoodu gaadhayso ilaa
Shan boqol oo qof oo isugu jira Dagaal-yahanadii hore, kuwa shaqeeya iyo kuwa
shaqada la’ba, hooyooyinka agoomoobay iyo carruurta tarbiyadu ka xumaatay.
Waxa si weyn loo rumaysan yahay in dalka Somaliland
ay ku nool yihiin, dad aad u tiro badan oo ay nafsaani ahaan saameeyeen,
dagaaladii iyo dhibaatooyinkii cuslaa ee dalku soo maray labaatankii sannadood
ee u dambeeyay. Ilaa hadda ma jirto cid isku hawshay, wax-ka-qabashada
Mushkiladdan baaxadda weyn leh ee sida gaarka ah u saameysay, dadkii ka soo
qayb-galay dagaalada, kuwii ku naafoobay iyo kuwii ku agoomoobayba.
Siday warar xogogaal ahi sheegayaan, ujeeddada laga
leeyahay waraysiyadan dadka laga qaadayo, waxay tahay in marka hore la helo
xogo lagu qiyaas qaadan karo oo ku saabsan, sida ay u jiraan xannuunada
Nafsaaniga ahi iyo xidhiidhka ay la leeyihiin dagaaladii dalku soo maray iyo
dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale, siday saamayn ugu leeyihiin Jiritaanka
Xannuunnadaasi.
Talaabada labaad ee ku xigta Sahan qaadistan, ayaa
la filayaa in ay noqoto in la aasaaso Rugo-caafimaadka Nafsaaniga ah u adeegga
oo laga dhex sameeyo meelaha ay bulshadu ku nooshahay, sida magaalooyinka iyo
tuulooyinka, iyada oo la door-bidi doono degaamada iyo goobaha shaqo ee ay ku
badan yihiin Dagaal-yahanadii hore, Agoomaha iyo Dhallinyarada dhaqanku ka
xumaaday, iyada oo gudashada hawshaasi loo tababari doono dad gaar ah.
Siday sheegayaan Warar ku dhow-dhow Hay’adda UNDP, waxa wareysiyada ku saabsan Barnaamijkan la bilaabi doonaa dabayaaqada bishan, kadib marka uu dhammaado tababar la siinayo afar kooxood oo loogu talo-galay in ay fuliyaan wareysiyada.
Hay’adaha WHO, UNIFEM, HCR iyo GTZ, ayaa la filayaa
in ay kaalin ka geystaan Barnaamijyada ku aadan, wax-ka-qabashada Xannuunada
Nafsaaniga ah.
………………………………………………………………………
“Muddo-kordhinta
ay Ku War-wareegayaan Arrintu Way Ka Durugsan tahay”
H |
arg(Haatuf): Guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida, ayaa shalay soo saaray war-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan qoraal uu hore wargeyska Jamhuuriya ugu qoray Gar-yaqaan Rooble Maykal Maryama, kaas oo uu kaga hadlay golaha Guurtida iyo arrimo la xidhiidha mawduucii Jamhuuriya faafiyay ee nuxurkiisu ahaa; Guurtida oo magacowday guddi madaxweyne Cigaal kala soo xaajooda abaalmarin lacageed oo uu hore ugu ballan-qaaday waqtigii muddo-kordhinta.
War-saxaafadeedkaa guddiga joogatada ah ee Guutidu
kaga jawaabeen maqaalka uu qoray garyaqaan Rooble Maykal, oo ku soo baxay
Jamhuuriya 4.3.2002, ayna saxeexeen xubnaha guddigaasi, wuxuu u dhignaa sidan;
“Tixraac wargeyska Jamhuuriya caddkiisu 1737aa ee
soo baxay 4/3/2002, maqaalka uu qoray Rooble Maykal, kana hadlayay Guurtida iyo
Shir-beeleedka, ayaa waxaan halkan ku siinaynaa jawaab-celin la xidhiidha
mawduuca uu ka hadlay.
Ma aha markii u horreysay oo uu Jamhuuriya ku
muujiyo Af-lagaadooyin uu ku weerarayo Guurtida iyo madaxda kaleba.
Maqaalkii kan ka horreeyay, wuxuu kaga hadlay
shakhsiyadda Guurtida iyo sifaha Guurtida looga baahan yahay, isaga oo ku
gebogebeeyay in ayna kuwani Guurti ahayn, una qalmin.
In badan ayuu fikirkiisa kooxeed ku cabbirayay
qoraalada wargeysyada, doodaha iyo kulamada ay qaban-qaabiyaan akaadeemiyada
iyo kuwo kaleba.
Noocyada bulshada iyo midabada ay qaadan karto,
isaga oo aan xeerin wuxuu muusikada ka garaacaa hal xadhig, waana qiyaasta keli
ahee uu nolosha iyo dhinaca sharcigaba wax ku cabbiro.
Wixii aan waafaqsanayn qaacidada aragti kooxeedka u
ah hal-ku-dhegga (slogan) xisaabtaba uguma jirto. Waxa kale oo aanu xisaabta ku
darsan isbeddelka dhinaca waayaha iyo socodka taariiikhiga ah ee bulshadu
marayso, mid taagan, mid tagtay iyo mid soo socotaba. Ma aha tani daliilkeedu
wax loo doon-doonayo, waayo wuxuu doonayaa isaga oo ka tarjumaya
aragti-kooxeedkiisa in dib loo riixo, laguna noqdo lix sano ka hor. Waqtigaasi
isaga ah, ma uu jirin waddo kale oo sharciyadeed oo lagu go’aan qaadan karayay,
oo aan ahayn shirweynihii ku qabsoomay Hargeysa 96/77, iyo kuwii ka
horreeyayba.
Fikir kooxeedkiisu wuxuu meesha ka saarayaa
isbeddelladii iyo waayihii dhacay muddadaa kadib, oo ahaa waqti taariikheed oo
lahaa qiimihiisa iyo horumarkiisa dhinacyada kala duwan.
Ninkani wuxuu meesha ka saaray Distoorkii ay
ummaddu ku oggolaatay aftida 97.6% 31/05/2001.
Muddo-kordhinta ay isaga iyo rag kaleba ku
warwareegayaan, arintu way ka durugsan tahay.
Waqtigii lagu gudo-jiray hawshi qaban-qaabada
Aftida ayay isaga iyo saaxiibadii kaga doodeen amba ka soo jeediyeenba in aan
la qaban Karin Afti u qaadis Dastuur, balse la qabto shir-beeleed.
Dhinac kale, maalmihii ugu dambeeyay bisha May
2001, kana hadhsanayd Aftida saddex ilaa afar maalmood, waxa uu daarta xarunta
u ah BBC-da ee (Bush house), ka yidhi isaga oo joogay London, “Aftida iyo
Distoorka midnaba waxba kama jiraan,” iyada oo laga sii daayay barnaamijka
Focus on Afrika. Waxa uu intaasi ku daray; “dadku ma taageersana, balse waxa
arrinta wata Cigaal iyo in taageersan.”
Iyada oo laga warqabay sida ay Aftidu u dhacday ee
ay shacbigu ficil ahaan ugu muujiyeen doonistooda iyo dareenkoodaba, kana
markhaati kaceen goob-joogayaashii caalamiga ahaa, iyaga oo ka soo saaray
dhakmentis rasmiya, natiijooyinkii iyo sidii ay wax u dhaceenba, gaadhsiiyeena
adduunweynaha.
Intaa kasokow, waxa jira hawl-qabadyo laxaad leh oo
lagu tallaabsaday Afti-u-qaadistii Distoorka kadib, sida xeerkii diiwaangelinta
Axsaabta, magacaabistii Guddiga diiwaan-gelinta ururada iyo ansixinta Axsaabta,
xeerkii doorashooyinka D/hoose iyo Madaxtooyada iyo magacaabista iyo ansixinta
Guddiga doorashooyinka iwm.
Dhinaca kale, waxa abuurmay ururo siyaasadeed oo
is-diiwaangeliyay, qabsadayna hawlahooda. Sidoo kale waxa la dhammaystiray
agabkii iyo miisaaniyaddii doorashooyinka oo hadda gacanta ugu jira xilkoodana
ay tahay Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo laga sugayo muddo qabashada rasmiga
ah, kadib marka ay golayaashu dhammaystiraan mashruucyada sharciga ee dhiman oo
ay hadda gacanta ku hayaan.
Sidaasi awgeed, marka arrimahaasi la isku wada
daro, xilka inoo yaal dhammaystirka hawshaasi iyada ah, iyo sidii loo meelmarin
lahaa tartan doorashooyin madax-bannaan oo ay si sharciya ugu loolamaan ururada
is-diiwaangeliyay, kuwaasi oo intooda ka gudubta heerka koowaad ku tartami
doonaan hoggaanka sare ee dalka iyo golayaashaba. Ma jiraan dariiqooyin kale oo
aan ahayn tan aan soo tilmaanay oo lagu biyo-cabbi doono, mana jiraan wax kale
oo qancin karaya shacbi-weynaha Distoorkooda u codeeyay iyo ururada
is-abaabulay. Wax kasta oo ay cidi ku riyoonayso oo ka duwan waddadaa iyada ah,
iyaga ayaa sheegi doona suuqa iyo shacbiga ay u hayaan ee ka iibsanaya.
Haddii aanu intaa kaga gudubno farriintan qoraalka
ah ee Rooble iyo saaxiibadii, bal si gaar ah aan u eegno Qareen Rooble iyo sida
uu isku muujiyo iyo sida uu u dhaqmaba. Run ahaan taasi naguma habboonayn,
laaqina nooma aha jawaabtiisu, balse mar haddii uu qareen sheeganayo
(gar-yaqaan), caadaystayna inuu dadka ka iibsho waxyaabo ka fog xaqiiqda iyo
sifooyinka sharciga ah, weliba u shakhsiyadda guud ee golaha Guurtida iyo
Mudanayaal gaar ahba ka been-abuurto, gaystana af-lagaadooyin iyo dhaleecayn
rakhiisa oo ayna geyin, una cuntamayn dadweynaha oo xog-ogaal u ah kaalinta
Guurtida ee muuqata ayay noogu kelliftay in aanu isaga iyo saaxiibadii
dadweynaha dareensiino shaqada ay ku hawlanaayeen isaga iyo saaxiibadii qaybo
yar oo ka mida:
Gebogebadii, waxaan Rooble weydiinaynaa ma kolba
waxa uu doonayo ayaa sax ah?
Mar haddii aanu oggolaynba Distoorka, muxuu uga
hadlaa ugana dan ah jebintiisa?
Xaggay joogaan shucuubta u ooman qabashada
shir-beeleedka ee isaga iyo saaxiibadii ugu jira xeryaha?
Qareen Rooble oo baalmarsan hab-dhaqankii qoyska
reer Maykal, wuxuu ku goolaaftamaa in ay xukunka dalka cidi u leedahay kaaye,
taasi oo aynaan ogayn meel iyo goor la isla meel-dhigay.
Gunnaanadkii, qareenka iyo Wargeyska Jamhuuriya, ha
soo bandhigaan ballan-qaadka uu madaxweynuhu kaga baxay Guurtida iyo go’aanka
Goluhu ka gaadhay inuu guddi u diro madaxweynaha, iyada oo looga fadhiyo inay
maxkamadda keenaan caddaymahooda.
Mr. Rooble, haddii uu ka tanaasuli waayo
aflagaadooyinka iyo dhalleecooyinka uu sida badheedhka ah ugu weerarayo duqayda
iyo guud ahaanba golaha, waxa la iftiimin donaa waxyaabo badan oo ku saabsan
dhaqankiisa runta ah.”
……………………………………………………………………………..
A |
dis(Haatuf) 12 sarkaal oo xilal sare ka hayey dawladda dhexe ee fedaraalka Itobiya iyo dawladda ismaamulka kililka shanaad ee ay somalidu degto ayaa dhowaan laga eryey xilalkii iyo xubin-nimadii ay ka hayeen xisbiga ka taliya degaanka ismaamulka somalida itoobiya ee S.D.R.P(Somali democratic repuplic part) ,waxayna taasi ka dambaysay khilaaf murugsan oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka dhex-oognaa siyaasiyiinta somalida ee xisbiga ka taliya kililka 5aad ee itoobiya .
Marka laga yimaado 12-ka xubnood ee xisbiga laga
eryey waxa is-na si weyn loo gilgilay ismaamulka somalida mudane C\rashiid
Duullane Rafle , ka dib markii uu qaar ka mid ah waayey awoodo badan oo uu ku
lahaa xisbiga dhexdiisa .
Intii u dhexaysay horaantii bishii jananweri ilaa
dabayaaqadii febarweri 2002, waxa casasumadda itoobiya ee Adi-ababa shir uga
socday xisbiga S.D.R.P. ee ka taliya kililka 5aad , dhirkaana waxa lagaga wada
hadlay khilaafaadkii u dambeeyey ee ks dhex-aloosmay siyaasiyiinta somalida
kililka 5aad , waxaana hadda kursiga madaxeynenimada kililka 5aad ku fadhiya
madaxweynihii 7aad muddo 10 sanno ah ,iyadoo ay taa ugu wacantahay khilaaf
gaamuray iyo xasilooni daro siyaasadeed oo mar qudha ka jimcin wayday geyiga
kililka 5aad .
Werye Maxamed-Rashiid oo Haatuf ka tirsan ,
dabayaaqadii toddobaadkii horena ka soo laabtay socdaal uu muddo dhawr
toddobaad ah ugu maqnaa dalka itoobiya ,gaar ahaan magaalooyinka Adis-ababa iyo
Jigjiga ayaa warbixin nooga diyaariyey guud ahaan xaaladaha kililka 5aad ,
murug siyaasadeed oo naafeeyeey geyigaa iyo isku dhacyadii u dambeeyey ee
siyaasyiinta somalida itoobiya ,wuxuuna warbixintiida ku bilaabay:
“ Madaxweynaha kilika 5aad ee ismaamulka somalida
itoobiya C\rashiid Duullane Rafle ayaa 25-kii jananwei 2002 soo saaray wareegto
uu shaqada kaga fadhiisiyey 7 sarkaal oo xilal sare ka hayey xisbiga S.D.R.P
iyo dawladda kililkaba,waxyna toddobadaa xubnood ka mid yihiin 12-ka xubnood ee
lag eryey xisbiga ka taliya kilika somalidu degto ee itoobiya , iyadoo uu
madaxweynaha kililku talaabadan qaaday wax yar ka dib markii laga soo dareeray
shir muddo bil iyo dheeraad ah Adi-ababa uga soxday xisbiga S.D.R.P.
Khilaafkan u dambeeyey ee xisbiga ka taliya kililka
somalida itoobiya ,inkasta oo uu muddo soo jiitamayey hadana waxa uu markii u
horayasay cirka isku shareeray ka dib markii xubno xisbiga ka mid ah lagu soo
eedeeye musuqmaasuq iyo lunsi hanti qaran ,taas oo keentay inuu xisbigu si weyn
u qaybsamo ,una kala jabo labo qaybood oo ay qaybi taabacsantahay madaxweynaha
ismaamulka C\rashiid Duullane iyo qayb taabacsan madaxweyne-ku-xigeenkiisa
Aadan C\laahi.
Jinaaxa madaxweyne ku xigeenka taabacsan oo aha aqlabiyadda
badan waxa ay damacsanaayeen inay madaxweynaha talada ka tuuraan . Haseyeeshe
inkasta oo ay mucaaradku wax gilgileen hadana waa lag gol-roonaaday waxaana
xilalkii ay maamulka ka hayeen iyo xubinimadii
xisbigaba dibedda laga dhigay 12 xubnood oo ka mid ah raggii taabacsanaa
madaxweyne ku xigeenka oo uu isaguna ka mid yahay, iyada oo ay shan xubnood oo
12-kaa ka mid ahi xilal sare ka hayeen dawlada dhexe ee federaalka Itoobiya,
halka ay toddobada kale xilal ka hayeen dawlada Kililka 5aad ee Soomaalida
Itoobiya.
Madaxweynaha Kililka 5aad, inkasta oo uu ka
badbaaday in kursiga madaxweynenimada laga tuuro, haddana wuxuu waayay laba
mansab oo uu ka hayay Xisbiga, kuwaas oo kala ahaa guddoomiye ku xigeenka
Xisbiga iyo xubin guddiga sare ee fulinta Xisbiga ah.
Marka laga yimaado madaxweyne ku xigeenkii, ragga
kale ee la eryay waxa ka mid ah Wasiirkii Waxbarashada Kililka 5aad
Cabdi-waasac Muxumed Mahdi iyo Badhasaabkii gobolka Goday Cabdi-casiis Sh.
Maxamed iyo afar sarkaal oo xilal sare ka hayay Xisbiga qaybtiisa is-maamulka,
kuwaas oo kala ah; Cabdi Aadan (Raaxo) (Arrimaha Bulshada), Cabdi Cali Shagax
(Arrimaha Maaliyadda), Cabdi Ismaaciil (Arrimaha Tabobarada) iyo Cali-Gurey oo
xibin ka ahaa Golaha Dhexe.
Shirka uu Xisbigu ku yeeshay Addis-Ababa, wuxuu socday
intii u dhaxaysay horraantii Jenuary ilaa daboyaaqadii February 2002, waxaana
shir-guddoon ka ahaa Cabdil-majiid Xuseen oo ah Wakiilka Itoobiya u fadhiya
Qaramada Midoobay, Xisbigana ka tirsan iyo Maxamuud Dirir oo ah Guddomiyaha
Xisbiga, isla markaana ah Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta ee dawladda
Federaalka Itoobiya.
22-kii February, oo ah laba maalmood kadib markii
uu xidhmay shirkii xisbigu ayuu Cabdul-majiid waraysi siiyay laanta Afka
Soomaaliga ee Idaacada Itoobiya, wuxuuna yidhi; “Shirka waxa lagaga wada hadlay
sidii meesha looga saari lahaa khilaafaadkii ku dhex jiray iyo sidii wax loogu
qaban lahaa bulshada, waxaana la is yidhi waa inay meesha (talada) timaado
ciddii diyaar u ah inay bulshada wax u qabato, waxaanuna samaynay aragti wax lagu
dhisi karo, iyada oo uu is-jiid-jiidad muddo 10 sano ah u dhaxeeyay
siyaasiyiinta maamulka haya keenay dib-u-dhac weyn oo aan xataa ilaa hadda la
qaban doorashooyinkii Tuulooyinka iyo Degmooyinka Kilalka 5aad, taas oo aanu
shirki ku go’aaminay in dhakhso loo qabto.”
Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta dawladda
Federaalka Itoobiya ahna guddoomiyaha Xisbiga SDRP Maxamuud Dirir, ayaa isna 25
January oo ahayd maalintii uu madaxweynaha Kililku shaqada ka joojiyay 7da
xubnood ee laga eryay Xisbiga ka taliya Kililka 5aad, waxa uu yidhi;
“Madaxweyne is-haysiga Soomaalidu waa noocaa, waxayna faa’iidada laga helaa
tahay in xilal lagu waayo oo qudha.”
Khilaafkan u dambeeyay maaha markii u horraysay ee
uu khilaaf iyo iska-horimaad dhex maro siyaasiyiinta iyo maamulayaasha xisbiga
ka taliya Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Hase yeeshee laga soo bilaabo
tan iyo markii ay dawladda Itoobiya qaadatay habka Federaalka oo hada laga
joogo muddo toban sano ah, Kililka Soomaalida waxa ka oognaa khilaafaad iyo
qalalaase siyaasadeed oo mar qudha saldhigi waayay, waxayna taasi keentay inay
muddadaa tobanka sano ah kursiga madaxweynenimada Kililka 5aad iska beddelaan
ilaa 7 madaxweyne, halka ay is-maamulada kale ee gobolada Itoobiya meesha ugu
badan muddadaa tobanka sano ah soo mareen laba madaxweyne.
Tusaale ahaan, Kililka 5aad sannadkii 1997-kii,
waxa ka dhacay isbeddelkii ugu naanaysta badnaa, kadib markii hal mar xabsiga
loo taxaabay, xilalkiina laga qaaday dhammaan madaxdii dawlada Kililka 5aad,
taas oo ku timid iska-hor-imaad ba’an oo ka dhex oogmay.
Khilaafaadka iyo muruga siyaasadeed ee muddadaa
tobanka sano ah mar qudha ka bixi waayay hoggaanka Kililka 5aad iyo guud ahaan
siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya, waxa
uu mujtamaca Soomaalida ah ee degaamadaa ku dhaqan dhaxal siiyay dib-u-dhac
weyn oo la xidhiidha dhinacyada dhaqaalah, nabadgelyada, bulshada iyo
jahawareer siyaasadeed, waxaana dadkaa naafeeyay macalluul iyo horumar la’aan,
taas oo kentay inuu Kililka 5aad ee Soomaalidu degto, ka mid noqdo gobollada
Itoobiya ee loogu yeedho gobollada dib-dhacsan, oo ay Canfartu ka mid tahay,
iyada oo ay naanaystaasi ku raacday horumar la’aanta iyo dhibaatooyinka
dhaqaale, ee haysta bulshada degaamadaa.”
…………………………………………..
ODHAAHDA
AKHRISTAHA
Haddii la Maro Jidkii Tii Hore Waa Cawaaqib-xumo
“Waxaa laygu xidhay
shar-cidarro”
W |
axay
ahayd fiidnimo ah oo sacaadu tahay 8:30 taariikdu tahay 2/3/2002 waxan joogay
xaafada jig-jigyar markii laba askari I qabteen anigoo taagan wadada qarkeeda
waxay igu yidhaahdeen waanu ka shakinay, waxa si degdeg ah la ii saaray gaadhi
boolisku leeyahay, waxa gaadhiga I saaray laba askari waxaana saarnaa afar
askari waxa markiiba laygu bilaabay qori dabadii iyadoo lay gaadhsiiyay jugo
aad u badan.
Haddaba,
anigu kama xumi wixii I gaadhay, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay ku
tumashada qaawan ee sharciga iyo dastuurka, iyadoo ay meel kadhac ku tahay
xuquuqda muwaadinka iyo jiritaanka bulshada. Maan samayn wax dambi ah, markii
lay qabtay, waxan kaliyoon sitay raadyow kuwa dhegaha ah. Waxaan kaloon aad ula
yaabay, qof aan waxba geysan oo lala dhaco qori dabadii.
Haddaba, waxaa aad u nasiib-darro ah oo wax laga
murugooda ah oo waxaan bulshadu geyin ah, in la soo nooleeyo wixii bulshadu ka
dooratay darxumada ee u lumisay shaqo iyo aqoonba, waayo bulshadani waxay soo
martay dhibaatooyin farabadan, taas oo ay ku bedesheen Xorriyada iyo
dimuqraadiyadda, markaas haddii la marin habaabiyo dimuqraadiyadda
xorriyatul-qawlka oo lagu gefo sharafta muwaadinka, waxaa dhaawac ku iman
doonaa wadajirka iyo xasiloonida. Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa; “Dawlad
xumo dawlad la’aan bay dhaantaa,” waxaa weeye idinkaa dalka dawlad u ah,
xilbaana idinka saaran ammaanka iyo nabadgelyada ummadda, laakiin haddii sifo
khalada loo maro waa nasiib-darro, waana mid gef ku ah bulshada rayidka.
Waxaan dawladda leeyahay, yaan laga been sheegin
dimuqraadiyadda, laguna gefin xuquuqda muwaadinka. Waxaa la yidhi, lugtu hadday
Jeeniga dhaafto way jabtaa. Waxaan kaloon iftiiminayaa in dhalinyarada
Somaliland ay yihiin, kuwo dulman oo ay ka muuqato diciifnimo iyo rajo la’aan,
waayo dhalinyarada Somaliland boqolkiiba sagaal iyo sagaashan way shaqo la’
yihiin (99%), boqolkiiba sideetan ma haystaan waxbarasho (80%), Caafimaadka
iskaba daa. Waxaa soo dhan waxaa ka sii xun, loolanka Siyaasadeed ee maalin
walba joogga iyo is-barbar yaaca aan mucaarid iyo muxaafidtoona loo danayn
ummaddan.
“Tolow goormay umadani nabsi-bax heli.”
……………………………………………………………………………………….
A |
nigoo
ah muwaadinka magaciisu hoos ku xusanyahay kana mida muwaadiniinta ku dhaqan
jamhuuriyada Somaliland degan magaalada Hargeisa waxaan qaylo dhaan iyo cabasho
u soo jeedinayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL. Waxa jirta in ay jiraan
tabashooyin ay beeshu tabanayso, taas oo ay hore ugu muujiyeen Saxaafadda
Madaxabannaan, wax laga qabtayna aanay jirin, sidaa daraadeed waxa dhacday in
maqaamkii beeshu lahayd ee Sh. Muuse Maxamed ee ku yaalay Xaafadda Sh. Nuur,
beeshuna ku siyaartaan Sheekhii ay ka tafiirmeen, una ah meel muhiim ah oo ay
aad u tixgeliyaan, kana midda maqaamada Somaliland, iyada oo ay ku dhisan
yihiin laba qol oo maqaam ah malcaamad iyo berked-biyood weyn, ayaa waxa
dhacday in maamulka dawlada hoose, gaar ahaan degmada Gacan Libaax,
Gudoomiyihii hore ee degmadaasi uu sifo aan sharci ahayn u bixiyay lix baloodh
oo ka mid ah, dhulkii maqaamka oo aanu ugu talo-galnay in aanu ka dhisno
Masaajid iyo Malcaamad aanuna hawsheedii gacanta ku hayno, iyada oo uu
arkayey Gudoomiyuhu dhiska Berkedda iyo
hantida ma-guurtada ah ee ka dhisan meesha, wakhtigaas oo ay ehelkii maqaamka
iyo muriidkuba uu ku maqnaa xerada qoxootiga ee Aw-Barre, iyada oo uu
Gudoomiyihii hore siiyey saddex Caaqil oo ka tirsan Cuqaasha ka diiwaan-gashan
Wasaaradda arimaha gudaha.
Waxa ayaan-darro ah in Cuqaasha ka hortegi lahayd
dhul-boobka iyo xad-gudubkaba ay ku dhiiradeen, kana qayb-galeen dhulboobkaa
xaq-darrada ah ee maqaamka Sh. Muuse oo aanu u aragno ku xad-gudub iyo dulmi
laga galay beesha.
Waxaanu cuqaasha xusuusinaynaa in maqaamku la mid
yahay, maqaamada awliyada ee ka dhisan Somaliland, lans xuquuq yahay, sida
maqaamada Sh. Nuur, Sh.madar, Sh. Cayngal Sh. Muuse, oo aanu aaminsanahay in
aan ninna damcayn dhulka maqaamada kale. Haddii aad han yaraysanaysaan maqaamka
Sh. Muuse, wuxuu la mid yahay maqaamada Somaliland.
Waxaan si naxariis leh uga codsaynaa, hay’adaha ay
khusayso sida; dawlada hoose ee Hargeisa, Wasaaradda arrimaha gudaha in wax
laga qabto dhulboobka lagu sameeyay maqaamka, ayna cuqaasha faraha ka qaadaan
dhulka xaqdarrada lagu siiyay cidii u baahana waxaanu tusaynaa hantida ma
guurtada ah ee ka dhisan maqaamka. Waxa kaloon aaminsanahay in tabashada beesha
aanay cidina dhagaysan oo aan dheg loo dhigin wax laga qabtaana aanay jirin,
sidaa daraadeed waxaan codsanaynaa in tabashada beesha wax laga qabto,
waxaanuna jecelnahay in la siiyo mudnaanta iyo tixgalinta ay leeyihiin
maqaamada kale, loogana xishoodo sida looga xishoodo maqaamada kale ee
Somaliland.
Xasan Sh. Maxamed Aw cali
Gudoomiyaha beesha Gabooyes
………………………………………………………………………………………..
Waxaan la
hadlayaa Dadka Moodaya meel lagu Xafiiltamay in lagu kala tegey
A |
niga oo ah nin Somalilandera oo inbadan qurbaha ku
noolaa,aad iyo aadna u bohol-
yoowbay oo jecel inuu dhulkiisa hooyo ku soo noqdo
uu ku nasto inta noloshiisa ka
hadhay, aad ayaan uga
xumahay waxyaabaha xafiiltanka siyaasadeed ah ee had iyo jeer ama jaraa'idku
qoraan ama idaacaduhu sheegaan ee maanta ka taagan dhulkeena.Taas oo nacabka
iyo si xun wax u waduhu ka faa'iidaysanayaan, maan gaabna qaldi karaysa.
Waxaanay ii la muuqatay inaan warqadan soo qoro oon
bal yara bayaamiyo arimo loo baahan yahay in la ogaado,si ay u kala cadaadaan
wadooyinka iyo wadiiqooyinka la marayaa,aniga oo rajaynaya inay dadka moodaya
meel lagu xafiiltamay in lagu kala tegay dawo u noqoto. Nacab iyo xuma-talis
ahina ku quustaan.
Marka hore, wadan kasta oo aduunkan korkiisa
jiraaba wxuu dawlad ku yahay ama ku noqdaa arimahan soo socda,oo lagu
ictiraafaasan yahay ama lagu ictiraafaa :-
1- Dhul xuduuddaysan oo la yaqaano.
2- Dad ku nool xuduudda dhulkaas (Shacbi)
3- Madax ay doortaan dadkaasi (Xukumad)
4- Distoor uu dalku yeesho.
5- Calan u gaar ah.
6- Lacag u gaar ah.
7- Ammaan lagu suggo dalkaas.
Waa Eebe mahaddiiyoo intaaba waynu leenahay, oo
waynu samaysanay,halgankeennii
dheeraa ee dhiig iyo dhaqaaleba loo huray dabaddii.
Hadaba,dhulku isagu waa ma guuraan
oo ha yaraado ama ha badnaadee khayraadka ku jira
ayay dadka iyo xukuumadduba ku
nool yihiin. Taas oo tilmaanta heer dhaqaaleedka
wadanka.Inana waynu ku dul noolahay, heer dhaqaalaadku siduu doono ha ahaadee.
Laakiin hadaan kala qaado shacbiga iyo xukuumadda,
mid waliba wuxuu leeyahay waajib iyo xuquuq u gaar ah. Aan ku horeeyee
Xukuumadda waajibkeeda iyo xuquuqdeeda waxa ka mid ah:-
Waajib
Inay sugto ugu horayn amaanka dalka oo dhan.
Inay cadaalad ku shaqayso oo ay musuq iyo maasuqba
tirto.
Inay shacbiga ka dayac tirto dhinaca nolosha sida
(Caafimaadka,Wax-barashada,
Biyaha,
Laydhka, Wadooyinka, Beerah iyo wixii la mid ah). Dalka meel walba.
Inay shaqooyin u abuurto dhalinyarada dugsiyada ka
soo baxay iyo kuwa suuqa iska
Jooga
een waxba haynba.
5- Inay dhaqaale u samayso dalka si uu isku
filaansho u gaadho.
6- Inay aduunka ku xidhiidhiso dalka oo aanay meel
ku oodin.
7- Inay dhowrto xuquuqda qof waliba leeyahay oo ay
qiimayso shacbiga.
Intaasi waxay ka mid tahay waajibka xukuumadda
saaran ee faraha badan,waana inta ugu muhiimsan ee dadku ka sugayo inay suura
geliso xukuumaddu intii kartideeda ah.
Inay ka hesho dadkeeda tayo iyo
taageero buuxda.
Inay hesho ilo dhaqaale sida cashuurta
oo la bixiyo.
Inuu shacbigu ixtiraamo fuliyana
distoorka la ansixiyey.
Inuu shacbigu u dul-qaato duruufaha
kolba taagan.Waayo waxaynu dawladnimada
ka bilawnay unuggii ugu horeeyay oo
waxba la'aan ah.
5- In nidaamka ay u dhigto habka nolol
maalmeedka la xurmeeyo.
Intaasina waxay ka mid tahay xuquuqda
ay leedahay xukuumaddu ee ay tahay inuu shac-
bigu fuliyo ama ku gargaaro xukuumaddiisa si hagar la'aanna.
Hadaan u galo waajibaadka iyo xuquuqda
dadku (shacbigu) leeyahay, waxa ka mid ah
kuwan :-
Inuu xukuumadda uu doortay, nidaamku
doono ha ku doortee, ka danbeeyo.
Inuu ku dadaalo siduu gacan uga geeysan
lahaa hormarka la doonayo.
Inuu bixiyo cashuuraha iyo wixii
xukuumaddu uga baahato.
Maadaama dalku sabool yahay, inay
shaqado u badato iskaa wax u qabso.
Inuu wixii uu diido, dariiqad distoori
ah oon nidaamka wax yeelayn ku doono.
Inaannu gargaarin musuq maasaq iyo
wixii la hal maala.
Intaasina waxay ka mid tahay waajibka
saaran shacbiga ee lama huraanka ay tahay inay hesho xukuumaddu.
Waajibaadka xukuumadda oo dhami waa xuquuqda shacbigu uu ku leeyahay, waana
inuu helaa dhamaan ama kolba intii
suuragal noqota, een hagrasho ku jirin, ilayn "luggi
luqun ma dhaaftee".
Intaa waxa ii raaca, sanku neefle
dhamaantii wuxu qirayaa inaynu leenahay wixii looga baahnaa inuu dal madax
banaani yeesho oo dhan. Iskamanay imane dadaal iyo isku
duubnaan ayaa lagu keenay taa, oo waynu
wada garanaynaa oo ninna looga sheekayn
maayo, kaan garanayna loo sheegi
maayo'e wakhtigaa tabo bari doona. Hadaba ilmo dhashay oo markiiba dhaqaaqa
lama arag, wax waliba waxuu u baahan yihiin inuu waqti
qaato, innana waxaad mooddaa inaynu
degdegayno ooynu doonayno inay wax waliba subax iyo galabteed inoo dhamaadaan.
"Hadduu deg degsiiye door dhalay, kaadsiiyana giish lacagga".
Sabir aan yeelano, oo yaanu xawliga u
lahashadu inla boodin. Waayo, sidoo macalinkeena suugaanto Mr.Xansan Ganay
yidhi"Xalaytaba cawaykii Canabay daruuruhu cimidhbay
ahaayeen, caawana laguma oga waqtigii
ku ciiloo, cisiga iyo wanaaguna way is daba
caraabaan".waa is-daba socodkaa
aduunyadu hadhka labaddiisa gelin midba gees jiro.
Wixii ina soo maray inteena maanta ka
nooli waa inaynu ku fara adaygno, oonay marnaba
Inaga qaloocsamin,si ay inteenii
dhimatay "alla ha u naxariistee" een dhadhaminnin midhihii dhiigoodu
qabrigai ugu ledaan, inanna cisi iyo wanaag ugu waaro, mustaqbalka ubadkeenuna
noqdo mid qurux badan oo aynu inaga ka shaqayno dhulkeena,ilayn cid
kale ina badali mayso'e, oo inooga
shaqayn mayso'e, isagoo diyaar ahna la ina keeni maay'e
Mida kale, wanaaga iyo quruxdu waxay ku
jiraan kala danbaynteena. In nin walba wixii
loo igmaday lagu xaq dhowro oon la is
barbar yaacin la isna yasin ee nin walba lagu qiim-
eeyo wax qabadkiisa iyo aqoontiisa,
meel ka dhacna aan la isku samayn.
Qaruumahan hore u maray, waxay halkaa
ku gaadheen isku kalsooni iyo iyadoo nin walba
wixii loo diray loo daayay laguna
gargaaray siduu xilkiisa u gudan lahaa.
Waxaan warqadda ku soo xidhayaa, waxaan
idin leeyahay "An
maalo hasheena maan-deeq. Hagoog xumana yeelkadiisa".
Maxamed Cabdi Biikay (Cadami
Biikay),
Riyad, Sucuudi Carabiya
E-mail hassanhaibeh@hotmail.com