SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 47-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Boorame: waxaa
hadheeyay Duruufo Dhaqaale iyo Dabaylo Siyaasadeed
Warbixin—Saleebaan
Ibraahim (Gurey)
B |
oorame (Haatuf, Axad, March 10) Xaaladda guud ee
magaalada Boorama, waxaa ka muuqda isbeddel guud oo saameeyay dhinacyo badan,
sida dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda, caafimaadka iyo kuwo kale oo badan.
Haddii aynu ku horrayno dhinaca dhaqaalaha, waxaa
markiiba indhahaaga hor imanaya basaas iyo busaarad xoog leh oo ka muuqata
suuqyada ganacsiga kala duwan ee magaalada Boorama. Waxaana ka socda
dhaqdhaqaaq aan sidaa u sii xoog badnayn, gaar ahaan meheradaha caadiga ah sida
dukaamada, bacadlayaasha, sariibadaha iyo bakhaarada.
Sayladda xoolaha lagu kala iibsado ee magaalada
ayaa ah mid aanay ka socon dhaqdhaqaaq ganacsi, kadib markii ay istaageen
xoolihii Somaliland ee loo iibgeyn jiray dalalka Carabta.
Wax-soosaarka dalaga beeraha ayaa isna sannadkan si
weyn hoos uga dhacay halkii laga filayay, kaas oo ka dhashay biyihii xilliga
gu’ga oo aad u yaraa, isla markaana dib uga dhacay xilligii ugu habboonaa
beerista.
Ganacsiga ugu firfircoon suuqyada magaalada
Boorama, waxa ugu horrreeya qaadka.
Waddooyinka Faras-magaalaha waxaa ka buuxa dad
dumar u badan oo dul fadhfadhiya kabadho loox ka samaysan oo ay ku iibiyaan
qaadka. Waxa magaalada laga dareemayaa shaqo la’aan xad-dhaaf ah, oo dadku aad
uga cabanayo, taas oo ay dhaliisheeda saarayaan xukuumadda Somaliland, oo ay ku
eedaynayaan inaanay dadka reer Boorama u samayn shaqo abuuristii looga baahnaa.
Magaalada Boorama, oo ay waqtiyadii hore ka hawgeli
jireen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah, dad badanina ay shaqooyin kala
duwan ka heli jireen ayaa hadda meeshi ka baxday, taasina waxay qayb ka noqotay
shaqo la’aanta ku baahday magaalada oo guri kasta laga dareemay. Ka bixitaanka
hay’adaha ayay dadka intiisa badani ku xidhiidhinayaa inay xukuumadda ka
dambaysay.
Marka laga tago duruufaha dhaqaale iyo shaqo la’aanta
jirta, xaaladda nabadgelyada guud waa mid caadi ah maalintii, mana jiro dareen
cabsiyeed oo ku didinayaa. Hase yeeshee, marka la gaadho waqtiga habeenimada
ah, arrintu way ka duwan tahay sidaa oo waxaa soo baxa dareen cabsi huwan, kaas
oo jewiga Boorama ka dhiga magaalo kale oo aan ahayn tii aad maanta ogayd.
Isbeddelka intaa le’eg ee magaalada ku dhacay waxa
ugu muhiimsan saddex arrimood oo muddadan dambe ku soo kordhay, kuwaas oo ay
ugu horreyso ciidamo badan oo habeenkii lagu soo daayo suuqyada iyo xaafadaha
magaalada, iyaga oo koox-koox u wada socdana.
Ciidamadaa roondada ah oo magaalada ku cusub, waxay
noqotay arrin dareen baqdin huwan ku abuurtay dadka magaalada, gaar ahaan
dumarka iyo carruurta. Inkasta oo ay jiraan dad arrinta ciidanka ka aaminsan
fikrad taa ka duwan, haddana waxaa la odhan karaa waa mid ka yar tirada hore.
Qaar shacbiga ka mid ah ayaa qaba inay tahay xaalad
abuur iyo dareen colaadeed oo dadka lagu dhex beerayo.
“Aniga iima muuqato dabayl dagaal iyo cid
abaabulaysa midkoodna, tallaabadan ciidamaduna waa mid looga jeedo xaalad abuur
cusub, taasina waxay muujinaysaa fulaynimada xukuumadda,” sidaa waxa yidhi mid
ka mid ah degaanka magaalada Boorama oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan, oo
aan wax ka weydiiyay sida uu u arko ciidamada roondada ah.
Badhasaabka gobolka Awdal, Axmed Maxamed Maxamuud
(Afweyne), oo isna aan wax ka weydiinay sababta keentay in xilligan lagu
dhaqaaqo tallaabada ciidamada lagu hawlgelinayo, ayaa arrintaa ku tilmaamay mid
lagu adkaynayo nabadgelyada gobolka. Isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waa
arrin iska caadi ah, dawladduna xaqbay u leedahay inay sugto nabadgelyada
dalka.” Hase yeeshee, Badhasaabka oo la weydiiyay inay jirto wax nabadgelyo
xumi ahi ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi jirin.
Dhacdooyinka kale ee magaalada Boorama ku cusub
waxaa ka mid ah iska-horimaad xoog badan oo dhexmara dhallinyaro kooxo ah oo
habeenkii rabshado hubaysan iyo dhagax-tuur ku sameya xaafadaha magaalada.
Dhallinyaradaa oo da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 10-18 jir, oo qaarkood
ku hubaysan yihiin mindiyo iyo faashash, waxay sida la sheegay dabo joogaan
dhallinyaro ka baxday oo hore uga tirsanaan jirtay kooxahaa rabsho-walayaasha
ah.
Rabshadaha u dhaxeeya ururada dhallinyarada ahi
waxay mararka qaarkood isu rogaan gacan ka hadal iyo in laysu adeegsado rasaas,
maxaa yeelay waxay la dagaalamayaan cid kasta oo isku dayda inay ka reebto ama
ka celiso hadba cidda ay duulaanka ku yihiin, taasina waxay horseedaa inay
waqtiyada qaarkood weeraraan guryo la deggan yahay oo ay ku tuhmaan inuu baadi
u yahay qof ama koox ka mid ah kuwa ay doonayeen.
Dhacdada saddexaad oo ka mid ah waxyaabaha ku soo kordhay magaalada Boorama, waa mid lagu gubayo baabuurta iyo qalabka kale sida mishiinada, arintan oo ka dhalatay khilaaf u dhaxeeya laba ardaa oo ka tirsan beelaha degaanka Boorama, waxa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay khasaare loogu geystay saddex baabuur iyo hal mishiin oo kuwa laydhka ah, kuwaas oo qaarkoodna la gubay qaarna la rasaaseeyay.
Dhacdooyinkan u dambeeyay oo hal qof ku dhaawacmay
waxay intooda badani ka dhaceen gudaha iyo duleedka magaalada, gaar ahaan
habeenka qaybtiisa dambe marka cagtu go’do.
Dhacdooyinkaa cusub ee baqdinta ku abuuray shacbiga
deggan Boorama, waxay in badan oo ka mid ahi dhaceen intii uu jiray dhaqdhaqaaqa
ciidan ee roondaynta magaalada.
Hase yeeshee waxaa muuqata inaanay waxba ka qaban
marka laga tago 10 qof oo ka mid ah dhallinyarada oo ay soo qabteen ciidanka
Bilaysku.
Dhinaca caafimaadka, marka la eego, ma jirto khatar
caafimaad oo waqtigan xaadirka ah ka taagan Boorama. Inkasta oo ay cusbataalka
guud ee magaalada ay ka jirto xaalad murugsan oo la xidhiidha musuq-maasuq
hanti badan lagaga lunsaday, haddana waxa jirta hawlcaafimaad oo indhaha loogu
qalayo 450 qof oo isugu jira Somaliland, Somalia, Itoobiya iyo
D.Jibouti.qalliinkaas oo socon doona muddo shan maalmood ah oo ku beegan 11-15
bishan, waxaa fulinaysa dhakhaatiir ka socda cusbataalka KIKUYU Hospital ee
magaalada Nairobi, ee dalka Kiiniya, gaar ahaan qaybta Indhaha (Eye Unit).
Sidaa darteed waxaa la odhan karaa cusbataalka
Boorama, wuxuu ka mid yahay goobaha ay ka socoto shaqada ugu badan ee ay wadan
hawlwadeenada ku gudojira arrimaha cafimaadka.
Hase yeeshee, waxa Boorama ka jira sababo badan oo
la odhan karo, waxay halis gelin kawraan xaaladda caafimaad oo hadda ah mid
caadi ah, sababahaana waxaa ugu horraysa nadaafada oo la odhan karo waa mid aad
u hoosaysa, marka aad dhexmarto magaaladana waxaa indhahaagu markiiba ku
dhacayaan qashin badan oo isugu jira xashiish, dambas iyo lafaha hadhaaga ah ee
ay daadiyaan meelaha laga cunteeyo, kuwaas oo ku filiqsan hareeraha waddooyinka
magaalada dhexmara, meelaha biyo mareenada ah iyo weliba haamaha qashinka lagu
ururiyo oo si weyn u buuxdhaafsan.
Khatarta caafimaad ee kale waa mid ka dhalan karta
Eyda oo aad ugu badatay magaalada oo inta ay cunaan xoolaha ku dibjirta
suuqyada Boorama, oo iyana magaalada ku soo kordhisay qashin iyo ur ka dhalata
uuska caloosha oo inta badan aan laga basrin goobta neefka lagu cunay.
Kasokow halista caafimaad darro ee ka dhalan karta
Eyda, waxa kale oo ay baqdin ku hayaan dadka carruurta leh, oo uga baqdin qaba
inay ka cunto. Eyda hororka noqotay ee ku nool Boorama waxa tiradooda tiradooda
lagu qiyaasaa (1500-2000), oo xabbadood.
Dhinaca siyaasadda haddii aynu eegno, dadka reer
Boorama, waxa la odhan karaa intooda badani qaddiyadda Somaliland waxay kala
mid yihiin shacbiga ku dhaqan gobollada kale, iyada oo aad mararka qaarkood ku
arkaysid dad badan oo ay aad ugu fog tahay qaddiyadda madaxbannaannida
Somaliland.
Hase ahaatee, gobolka Awdal, waxaa ka jirta
mucaaradad mug leh oo loo hayo maamulka Somaliland, gaar ahaan madaxweyne
Cigaal[ iyo ku xigeenkiisa Daahir Riyaale, taas oo marka aad dadka qaarkood
weydiiso sababaha ku kellifay ay kuu sheegayaan inay ka sarcantay ammuuro door
ah oo is bursaday.
Waxyaabaha ugu horreeya ee ay markiiba ku soo
qaadayaan waxaa ka mid ah waxqabad la’aan dhinaca horumarinta gobolka ah,
ballanqaadyo badan oo marar kala duwan loo qaaday oo ay sheegeen in lagaga
baxay fulintoodii.
Waxyaabaha ay dadku ka cabanayaan waxaa ka mid ah,
inuu madaxweyne Cigaal ku soo hoggaamiyay cadow debedda ah oo ka xoog badan.
Sidoo kale arrimaha sida weyn looga cabanayo waxaa
ka mid ah, shakhsiyaad ay xukuumaddu u mas’uulka u dhigto gobolka iyo degmada
Boorama, kuwaas oo ay ku tilmaamaan qaar dano gaar ah fuliya oo aan waxba ka
qaban waxyaabihii danta guud looga baahnaa.
Mucaaradada gaamurtay oo ka dhalatay cabashooyinka
aynu kor ku soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin, waddooyin
xumaan xoog leh oo gobolka ka jirta, iyo dhalliilo la xidhiidha biyaha iyo
waxbarashada, ayaa keentay inay Boorama xoog ku yeeshaan ururada mucaaradka
qaarkood, taasina ay xukuumada ku beertay cabsi joogto ah oo laga qabo gobolka.
…………………………………………………………………
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Xafiiska dhexe
ee qasnaddu musuu qabtaa?
Abdiraxmaan Siciid
Maxamed
W |
arbixintan ku saabsan xafiiska dhexe ee qasnadda
waxa loogu talogalay inay mas’uuliyiinta sare ee dawladdu fahmaan muhiimadda uu
u leeyahay dhinaca maalgelinta shisheeye iyo guud ahaan nidaamka kharash
bixinta.
Waqtigan lagu jiro ee la doonayo in dalku uu ka
baxo barnaamijyada ay wadaan hay’adaha shisheeye ee gargaarka degdega ah ayaa
khilaafaya in laysku habeeyo sidii ay suurogal u noqon lahayd in Somaliland
hesho maalgelinta mashaariicda horumarinta.
Hay’daha iyo dawladaha shisheeye waxay inaga
doonayaan in aynu la nimaadno farsamo caalamku garab inagu siiyo ama inagula
shaqeyn karo. Sidaa awgeed, warbixintani waxay culayska saaraysaa in xafiiska
dhexe ee qasnaddu (Treasury), uu yahay halka laga unko maalgelinta shisheeye ee
mashaariicda horumarinta.
Xafiiska dhexe ama waaxda qasnaddu waxay ka tirsan
tahay wasaaradda maaliyadda.
Waaxda qasnaddu dalalka qaar waxay ku dhex jirtaa
xafiiska wasiirka maaliyadda, qaar kalena waa qayb ka mid ah xafiiska
xisaabiyaha guud. Waxa kale oo jira dalal ay waaxda qasnaddu tahay xafiis gooni
ah oo maamul ahaan toos u hoos yimaada wasiirka maaliyadda.
Qaab-dhismeedka wasaaradda maaliyadda
Meeshuu doono ha kaga jiro, xafiiska dhexe ee
qasnaddu waxuu ku shaqo leeyahay hawlo la xidhiidha dhinaca lacagta.
Hase yeeshee, hawsha xafiiska dhexe ee qasnaddu
waxay khusaysaa shaqo badankeeda uu fuliyay xafiiska xisaabiyaha guud.
Arrimaha sida tooska ah u saameeya hawsha uu
xafiiska dhexe ee qasnaddu qaabilsan yahay waxa ka mid ah:
Dhinaca kale, diiwaangelinta dakhliga dawladda ee
ka soo xerooda ilaha kala duwan waxa ku shaqo leh xafiiska xisaabiyaha guud ee
qaranka. Hase yeeshee, xafiiska dhexe ee qasnadda waxa u tagaya koobiga
xaashida dakhli xareynta (Pay-in slip) ee ay hay’adaha dawladda ee dakhliga
ururiyaa isticmalaan markay lacagta baanka dhigayaan yio koobiga xaashida
sheegida dakhliga (Acknowledement of receipts), ee uu xisaabiyaha guud ee
qaranku diyaariyo si dabogal loogu sameeyo lacagta lagu kaydiyay xisaabta
baanka ee wasaaradda maaliyadda.
Shaqada uu xafiiska dhexe ee qasnaddu qaabilsan
yahay ee aynu soo tilmaanay waxa aynu ka soo qaadnaynaa hawsha ‘maamulidda
maalgelinta mashaariicda horumarinta’ si aynu u sugno qaybta ama doorka uu
xafiiska xisaabiyaha guud ka qaato. Maamulidda maalgelintu waxay ku saabsan
tahay farsamada suurogal ka dhigaysa inay dawladda iyo hay’adaha shisheeye
dalka ka hirgelin karaan mashaariic horumarineed. Maamulidda maalgelintu waxay
bilaabantaa marka uu xafiiska xisaabiyaha guud isku habaynayo miisaaniyadda
qaranka, gaar ahaan qaybta kharashyada ku wajahan mashaariicda horumarinta.
Marka la diyaarinayo miisaaniyadda qaranka, ayuu
xafiiska xisaabiyaha guud uu ka doonayaa hay’adaha dawladda dhexe iyo dawladaha
hoose inay soo gudbiyaan waxyaabaha ay ka mid yihiin:
·
Xaashida
codsiga deeqda (Application for grant), ee lagu muujiyo noocyada kharashyada
mashaariicda horumarinta.
·
Qoraalada
farsamo (project proposals) ee mashaariicda horumarinta.
·
Qiimaynta
hore (pro forma) ee qalabyada mashaariicda.
·
Iyo
naqshadaha dhismayaasha mashaariicda.
Ka hor inta aanu u gudbin xafiiska dhexe ee
qasnadda koobiyada waraaqaha mashaariicda, xafiiska xisaabiyaha guud wuxuu ku muujinayaa
miisaaniyadda qaranka boqolkiiba inta ay dawladdu maalgelinayso mashruuc walba
iyo boqolkiiba inta loo doonayo maalgelin shisheeye.
Marka uu xafiiska xisaabiyaha guud uu dhammaystiro
miisaaniyadda qaranka, hawsha maamulidda maalgelinta iyo dhammaan waraaqaha
mashaariicda horumarinta waxa la wareegaya xafiiska dhexe ee qasnadda.
Guddi ka kooban agaasimaha xafiiska dhexe ee
qasnadda, xisaabiyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee maaliyadda,
agaasimaha guud ee qorshaynta, xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo hay’adaha
shisheeye ayaa go’aaminaya mashaariicda la fulinayo.
Sidaa awgeed, xafiiska dhexe ee qasnadda ayaa u
xilsaaran inuu mashaariicda ay guddidu ansixisay mid walba u sameeyo xaashida
dalabka hawsha (task order). Waxa kale oo xafiiska dhexe ee qasnaddu ku shaqo
leedahay inuu hubiyo inay xafiiska xisaabiyaha guud, wasaaradda qorshaynta
hay’adda dawladda dhexe iyo dawladaha iyo hay’adaha shisheeye ee maalgelinta
samaynaysaa helaan koobiyada xaashiyaha dalabka hawsha. Hase yeeshee, hawsha la
xidhiidha, bixinta qandaraaska waxa qaabilsan hay’adda dawladda dhexe iyo
dawladaha hoose ee mashruuca leh, hay’adaha shisheeye ee maalgelinta, iyo
guddida qandaraasyada qaranka. Dhinaca kale, hawsha kharash bixinta waxa wada
qabanaya xisaabiyaha guud, xafiiska dhexe ee qasnadda iyo hay’adda ama dawladda
shisheeye ee maalgelinaysa mashruuca.
Hase yeshee, jeega lagu bixiyo lacagtu wuxuu toos
ugu tegayaa shirkadda mashruuca fulisay.
Hawsha xafiiska dhexe ee qasnaddu waa jawaabta
su’aasha la weydiiyo dedaalka adduunka saddexaad ee ah “sidee ayaanu idiin
caawinaa?”
……………………………………………………………………
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
XAALADDA DEEGAANKA
Ilaalinta iyo Dhaqaalaynta
Xoolaha Nool ee Somaliland
X |
oolaha nool ee dalkeena waa ilaha ugu muhiimsan ee wax-soo-saarka dalka, iyadoo aqlibiyadda dad reer Somaliland ay tahay xoolo dhaqato.
Haddaba, xoolaha oo isugu jira Geel, Lo’, Adhi. Waxa jira dhibaatooyin u leh waxyeelo oo beryahan danbe soo siyaaday sida arrimaha hoos ku qoran:
1. Bacda
Bacda loo isticmaalo in lagu qaato alaabooyinka uu
qaadku ka mid yahay ayaa leh dhibaato marka ay xooluhu ka helaan duleedka ee ay
cunaan. Bacdu, waxay gufaysaa xiidmaha neefka cunay, taasina waxay keentaa inuu
bakhtiyo. Dilaagaasina, ma leh dawo lagaga daweeyo neefka cunay, waxaase qudha
oo lagu dawayn karaa wacyigalin lagu sameeyo dadweynaha, xoolo dhaqatada iyo
beeraleydaba, sidii ay uga hortegi lahaayeen in aan Bacdu ku faafin
degaankooda, haddii ay ku faaftona in ay kaga ururiyaan farsamooyin lagaga
faa’iidaysto oo bacda lagu ururiyo, sida dumarka oo sooha kana sameeya waxyaalo
badan oo faa’iido u leh dadka. Waxaana nasiib-darro weyn oo la soo dersay
xoolaheena lagu tilmaami karaa in ganacsadaha dhoofiyaa uu ku soo bedelo
dilaaga xoolaha (Bacda).
SUNTA DULINKA XOOLAHA IYO
DAWOOYINKA OO SI KHALDAN LOOGU ISTICMAALO XOOLAHA
Xoolo badan oo dadka lihi ay ku soo tabceen ayaa u dhinta sumaha dila dulinka xoolaha, sida Shilinta oo si khaldan loogu isticmaalay xoolaha iyo dawooyinka xoolaha oo iyana si khaldan loogu isticmaalay xoolaheenna nool ee leh waxtarka aan la koobi karin.
Haddaba, dhibaatadanna waxay ka timid dawooyin iyo
sunta dulinka oo ka ganacsigoodu xadgudbay. Qof aqoon u leh iyo mid aan aqoon u
lahayn-na aan loo aabba-yeelin si hufana aan ugu sharixi karin qaabka uu
isticmaalayo qofka iibsanaya.
Waxaa kale oo jira wacyi-gelinta isticmaalka sumaha
oo aan si fiican u gaadhin goobaha loogu tala-galay.
3.BAAD IYO BIYO XUMAAN
Xoolaha waxaa kale oo soo foodsaaray dhibaato kaga
timid dhulkii daaqsinta oo si sharci darro ah beero looga qotay, beeraha
degaanada qaar oo iyana la ooday (beer roobaad) xilli ay beeran yihiin iyo
xilli aysan beernayn, halkii aan dhul beereed la oodi jirin marka ay beeran
tahay waa la ilaashan jiray marka aanay beernayn waa la wada daaqi jiray.
Ceelasha biyaha xoolaha iyo balliyadii ayaan qudhoodii helin diyaarintii looga
baahnaa si ay xooluhu uga faa’iidaystaan. Tuulooyinka faraha badan ee ka
samaysmay meel walba, ayaa qayb weyn iyana qaatay xaalufka dhul daaqsinka
xoolaha. Seerayaasha xafidnaan jiray si xoolahu daaqsin uga helaan ayaa iyagana
ah kuwa aan shaqayn xiliyada. Waxaa iyana jirta ganacsatada xoolaha noo oo ka
madhan qaabkii ay u horimarin lahaayeen xoolaha ay ka ganacsadaan ama ay ugu
raadin lahaayeen taageero horumarineed macaamiishooda soo ku hawlan
dhaqaalaynta xoolaha nool ee ah xoolo dhaqatada.
Guud ahaan, xoolaha nool oo laga helo cashuurta
dawlada hoose iyo tan dawlada dhexeba waxaa maqan qaab loogu qoondeeyo
Barnaamij horumarineed ama taageero kolba wuxuu suurta gal ah.
……………………………………………………………………………………
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Cumar D.Cumar
Wadna xanuunka iyo wadna joogsiguba waa xanuun caan
ka ah hadda bulshada reer Somaliland. Haddaba, inta aynaan guda-gelin aan isku
dayno inaa fahamno wadna xanuun.
Waa maxay wadno xanuun?
Wadna xanuunku waxa lagu qeexi karaa xanuunka
wadnaha ee dhaca marka uu dhiigu ka joosado wadnaha iyo xubnaha jidheed ee ku
dhow.
Wadna xanuunku, wuxuu ku dhacaa si kadis ah laakiin
waxaa keena xanuun ku jiray qofka sannado badan, sida xanuunka (alheros
clerosis) oo baruuri ay xanibto artariyada uu dhiigu maro gaar ahaan kuwa
wadnaha markaa waxaa halis uu qofku ugu jiraa in uu wadnuhu xanuuno.
Marka uu wadnaha ku dhaco xanuun, Qaybta jidhka ee
u dhow wadnaha, ayaa waayaysa oxygen iyo nafaqo ay u baahnayd. Haddii markaa uu
wadna xanuunku sii socdo qaybtaa jidhka ee uu dhiigu ka joogsaday, taasina ay
keento in qaybtaas ay weydo oxygentii iyo nafaqadii ay u baahnayd markaa way
dhiminaysaa, kolba inta ay qaybtaas jidhka ah ee u dhow wadnaha ee dhimatay
le’eg tahay ayaa lagu gartaa. Haddii aanay qaybtaasi waynayn weli wadnuhu wuu
shaqaynayaa oo arteriyadii kale ee jidhka
ayaa qaatay shaqadii artariyada (xididada) xanibmay, laakiin wadnuhu uma
shaqaynayo sidii uu u shaqaynayay wadna xanuunka ka hor.
ASTAAMAHA WADNA XANUUNKA.
Dad badan oo qaba wadna xanuun ayaan rumaysan in ay
qabaan wadne xanuun.
Mararka qaar astaamaha wadne xanuunka lagu gartaa
waxa ay ku khaldamaan kuwa kale sida culays faro badan oo uu qofku ka dareemo.
Xanuun faro badan oo uu qofka ka dareemo laabta, xanuunkaas waxa dhici karta
inuu ku sii faafo gacmaha, shafka qoorta daamanka, dhabarka ama dareenka
jidheed oo ka lumi qaybtaas jidhka. Ugu danbayntii waxa dhaca madax wareer buuq
maskexeed ku jiro iyo yalaalugo. Neefsashada qofka oo yaraata awoodda qofeed oo
daciifta qofka wadna xanuunka ku dhacay inuu matago ayaa dhacda, xanuun aan xad
lahayn iyo astaamo kale faro badan.
Waxaa muhiim ah in qofka dareema inuu wadna xanuun
qabaa uu la tashado dhakhtar aqoon u leh wadna xanuunka.
Inta badan, badh ka mida dadka uu ku dhaco wadna
xanuunka ee ayaa ku dhinta meel ka baxsan dhakhtar laba saacadood gudahood.
ISKU BEDELKA WADNAHA.
Markii warkii ugu horeeyay ee qof wadnahiisa laga
beddelay uu soo baxay sanadkii 1967kii kumaan kun qof oo u liitay wadna
xanuunka dunida korkeeda ayaa dareemay rajo in ay ka badbaadi doonaan qaliinka
lagu sameeyay, sida Louis Washkansky oo 53 jir ahaa oo kale Louis waxaa lagu
tallaalay wadne qof dumar ah oo 25 jir ahayd. Hase yeeshee, Louis Washkansky
markii wadnihiisii laga saaray wadne xanuun awgii ee wadne kale lagu tallaalay
qaliinkaasi muu guulaysan, Louis-na si dgdeg ah ayuu u geeriyooday iyadoo
dhakhaatiirtii hawshaa geshay ay sabab uga dhigeen difaaca jidhkii Louis oo
diiday inaay qaabilaan wadnaha cusub ee lagu talaalay.
Laba boqol oo qof oo kale ayaa iyana qaliinkooda
wadne isku bedelku guuldarraystay sidaa Louis Washkansky iyo sabab la mida.
Muddadii dhexe ayaa xal loo helay sababta keentay guuldaradii qaliinka wadnaha ee 1967 ee Louis iyo kuwii ka dambeeyay, laakiin waxaa jirta mushkilad kale oo ah helintaanka wadne lagu bedelo wadnaha bukaanka. Wadnaha waxaa laga heli karaa oo kaliya dadka ku dhinta shilalka oo loo baahan yahay in qoyska qofka ka dhinto ogolaansho laga helo (xaaladda USA), in qaab haboon loo soo qaado wadnaha, dhakhaatiirtu in ay diyaariyaan qaliinka, dhammaan hawlahaasi waa in ay ku dhacaa 4-saacadood gudahood. Wadanka maraykanka 30,000 oo qof oo qaba wadne xanuun ayaay rajadooda nololeed ku xidhan tahay in loo helo wadne kale oo lagu talaalo hada xataa wadnaha la helo hawshaa qaliinka waxay ku kacaysaa kharash dhan 190,000$ hal wadne talaalkeed.
Guud ahaan, dunida Cusbitaalo tirsan oo tiro yar ayaa lagu sameeyaa talaal wadnaha dadka ee la kala bedelo.
……………………………………………………
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Aqoonyahano isu
Xilsaaray Xasillinta Mushkilado Boorame ka jira
B |
oorama (Haatuf):- Guddi aqoonyahano ah oo isku
xilqaamay xasillinta xiisado ka aloosan magaalada Boorama, ayaa shalay shir ugu
qabtay fagaare ku yaala badhtamaha magaaladaas waxgaradka iyo hoggaamiyeyaasha
bulshada.
Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee Boorama,
Maxamed Cumar, shirkaas oo ay ka qaybgaleen in kabadan 50 xubnood oo isugu jira
aqoonyahano, madaxdhaqameedyo, culimaa’u-diin iyo waxgarad kale, waxa lagaga
wada hadlay arrimo ku saabsan nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada bulshada
gobolka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan
Axmed Guuleed oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa guud ahaan ka warramay
waxyaalaha aanay reer Boorama dhaqanka u lahaan jirin ee waayadan dambe u
keenay xasillooni darada, qabiilka, kooxaysiga iyo sida dad aan u danaynin
maslaxadda gobolka iyo tan shacbiga dalka guud ahaanba ugu beerayaan waxyaalaha
xunxun. Prof. Saleebaan waxa dadweynaha reer Boorama ugu baaqay inaanay qarin
ama aanay ka aamusin gardarro iyo dulmi lagu kaco, muranka soo dhexgalana lagu
dhammeeyo si run ah lana caddeeyo cidda gardarro wadda iyo cidda nabadgelyo-darro
wadda.
Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Xaddi, oo isaguna
munaasibadda ka hadlay ayaa yidhi, “Nabadgelyada innaga ayaa u baahan ee iyadu
inooma baahna, nabadduna waxay u baahan tahay caddaalad, caddaaladuna waa inay
ka madaxbannaan tahay qabiil iyo kooxaysi.” Wuxuuna reer Boorama ugu baaqay
inay abuuraan bulsho caafimaad qabta oo ka fayow tan maanta reer Boorama ku
jiraan, si mustaqbalka loo helo da’yar u horseedda horumar.
Ugu
dambayn waxa munaasabadda mahadcelin u jeediyay aqoonyahanada duqa magaalada
Boorama, Maxamed Daheeye, isaga oo ugu baaqay guddigan aqoonyahanada ee iskood
isku xilqaamay in ay guul ka gaadhaan qaska iyo jaah-wareerka waayadan lasoo
dersay.
………………………………………………………..
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Haweenka Gobolka
Togdheer oo Taageeray Hindisaha Dhex-dhexaadinta ee Siilaanyo
Somaliland iyo xuska maalinta haweenka adduunka
H |
arg
(Haatuf):- Maalintii haweenka adduunka ee 8 March, oo sannadkiiba ay
haween-weynuhu ku muujiyaan cududooda ayaa si weyn looga xusay magaalooyinka
waaweyn ee dalka.
Xafladihii
ugu waaweynaa ee lagu xusayay munaasibaddaa haweenka ee 8 March, oo ku beegnayd
Jimcihii toddobaadkii dhammaadayna, waxay ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa iyo
Burco, kuwaas oo socday maalinimadii iyo habeenimadiiba.
Inkasta
oo xuska munaasibaddani ahaa mid si weyn looga dareemay dalka, haddana
magaalada Hargeysa xafladihii ugu muhiimsanaa ee lagu qabtay waxaa ka mid ahaa
xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyada iyo mid kale oo ururka Gabboodka Negaad
ku qabtay xaruntiisa oo ku taala xaafada Badda Cas.
Labadaa
xafladoodba waxaa ka qaybgalay marti-sharaf tiradoodu badnayd, oo ka kala
socday dawladda, haweenka, qaybaha kala ee shacbiga iyo hay’adaha samofalka
caalamiga ah ee dalka ku sugan. Labadaa xafladoodba waxaa sharraxaad xoog leh
ay haweenku kaga bixiyeen halgankii ay dumarka dunidu u soo galeen hanashada
xuquuqdooda. Waxa kale oo ay ku muujiyeen waayaha iyo duruufaha nololeed ee ay
haweenka Somaliland ku jiraan, iyo sida ay heeganka ugu yihiin horumarinta
dalka. Haweenkii xafladahaa ka hadlayna waxaa ka mid ahaa, mas’uuliyiinta
Gabboodka Negaad, Marwada Madweynaha Kaltuun X. Daahir iyo xubno kale oo ka mid
ah haweenka reer Somaliland. “Isweydiin mayno kaalinta firfircoon ee ay
haweenka Somaliland kaga jiraan bulshada iyo sida ay uga qaybqaataan ilaalinta
nabadda, daminta colaada, wax soo-saarka qoyska iyo ka bulshadaba,” sidaa waxaa
tidhi Marwo Kaltuun X. Daahir oo khudbad dheer ka jeedisay xafladdii
madaxtooyada. Kaltuun waxay ka dalbatay hay’adaha qaramada midoobay kuwa
samofalka inay labanlaabaan gacansiinta haweenka reer Somaliland.
Haweenka
muwaadiniinta ah ka sokow, waxaa dabaal-degga munaasibaddan iyana ka qaybgalayb
haween door ah oo Ajnebi ah, kuwaas oo maalintani ugu soo gashay dalka. “Markii
iigu horraysay ee aan imaado caasimadda Somaliland oo ahayd sannadkii 1992,
waxay Hargeysa ahayd magaalo waddo keliya ah, oo sawir burbur iyo fool-xumo ahi
ka muuqdo,” sidaa waxaa tidhi Mrs, Lucy Hannan, oo ah haweenay waqtigaa u
shaqayn jirtay Idaacadda BBC-da, balse iyadoo ka madaxbannaan hawlahaa hadal ka
jeedisay xafladdii madaxtooyada. Lucy Hannan waxay inta ku dartay oo ay tidhi;
“Waqtigaas magaaladu waxay lahayd hal Hotel, hal Baar oo wax laga cuno, haddii
aad u baahato buug yar oo xusuus qor ama beer muraayado ah, waxaad ka soo
iibsanaysay Djibouti.
Mararka
qaarkood xilligaa waxaan fuuli jiray dusha sare ee Hotel-ka, waxaanan halkaa
kala socon jiray dab-xidhka rasaasta culus ee isu weydaaranaysay labada qaybood
ee magaalada.
Maalmahaa
haweenka reer Hargeysa, ee aan la kulmay waxay ahaayeen qaar ka soo horjeeday
dhammaan waxyaabahaa xun-xun ee dhacayay, waxaanay isku dayayeen sidii ay u
qaban lahaayeen shaqooyin la mid ah kuwa ay maanta sameeyeen.”
Dhawr
xubnood oo kale oo ka mid ahaa haweenka Ajaanibka ah ee ka qaybgalay xuskii
munaasibada ayaa sidaas oo kale iyana khudbado uga jeediyay xafladahaas, kuwaas
oo ay ka mid ahayd, marwadaa safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya
iyo Somaliland.
Mrs.
Marian Daugles, oo iyada iyo odaygeeduba ay socdaal ku joogeen dalka muddo
dhawr maalmood ahba.
Dhinaca
kale, magaalada Burco, ayaa iyana si weyn looga xusay maalintan. Siduu noo soo
tebiyay weriyahayaga gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, xafladahaa ka
sokow, waxay haweenka gobolka Togdheer soo saareen bayaan ay kaga hadleen
aragtidooda ku wajahan jawiga siyaasadeed ee dalku madaxa la galay.
Bayaankaas
oo ay saxeexday guddoomiyaha ururka haweenka Hormood ee gobolka Togdheer, oo
lagu magacaabo Khadra Maxamed, waxay ku sheegeen in haweenka gobolkaasi
taageersan yihiin hindisaha dhexdhexaadinta, waxaanay ku taliyeen in wadahadal
bilaa shuruud ah lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah; “waxaanu soo
jeedinaynaa dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyaa inay wada-xaajood ku xalliyaan
arrinta, wadahalkana aan lagu xidhin wax shardi ah.” Ma cadda in bayaankaas ay
soo wada saareen ururada haweenka ee gobolkaasi. Ururada haweenka ee Gabboodka
UNITA iyo Kulmis oo ka jira magaalada Burco ayaa iyana baaqyo ay munaasibaddan
ugu talogaleen ku sharraxay dhibaatooyinka haweenka gobolkaa haysta. Labadaa
urur waxay ugu baaqeen haweenka gobolkaa inay midoobaan, kana hawlgalaan ururo
ahaan, kor u qaadida tayada waxbarashada haweenka, helitaanka xuquuqaha aasaasiga
ah ee kale iyo guud ahaanba horumarinta nololeed.
Guud
ahaan dabbaal-deggii munaasibaddaa waxaan iyana ka madhnayn oo ka bidhaamiyay
damaca siyaasiga ah ee ay haweenka reer Somaliland u qabaan ka qaybqaadashada
hoggaaminta talada dalka.
………………………………………………………………
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Cusbataalkii ugu
Casrisanaa Somaliland oo laga Furay Magaalada Hargeysa
H |
argeysa (Haatuf): Afar sannadood oo
lagu hawlanaa dhismihiisa iyo qalabayntiisa kadib, waxaa shalay si rasmi ah
xadhiga looga jaray oo loo furay Cusbitaalka Haweenka iyo Carruurta ee Adna
Aadan, kaas oo ku kacay 784-kun oo doollarka Maraykanka ah.
Goobta laga dhisay, waxay ahaan jirtay barxad
bannaan waayo badan, waxay ahayd goob lagu muujiyo dhoola-tuska Ciidamadii
rajiimkii digtaatooriga ahaa ee Barre, wakhtigaas waxaa khasab ku ahayd
bulshadii Hargeysadii hore tegista fagaarahaa, gaar ahaan maalintii uu sida
weyn u xusi jiray Siyaad Barre ee 21-ka Oktoobar. Dadkii xilligaa ku noolaa
Hargeysa, ee xuska maalintaa ay shardiga ku ahayd in ay tagaan Fagaarahaa in
badan oo ka mid ahi, waxay ku baxeen gacantii Ciidamadii taliskaa ee ay
Munaasibaddaa fagaarahaa ku daawan jireen. Wakhtigaa kadib, wuxuu fagaarahaasi
isu bedelay meel madow oo gabood u ah tuugada, laguna baadho Madaniyiinta.
Sannadkii 1992 iyo 1993, tiraba dhowr jeer ayaan
goor habeenimo ah ku soo beegmay goobtaa, oo aan arkay tuugo hubaysan oo dad ku
baadhanaysa, aniga (Muuse F. Jaambiir) laftaydana laygu hakiyay oo laygaga
fara-maroojiyay, wixii jeebka markaa iigu jiray. Waayahaa budhcadda dabadeed,
waxay bogcaddaasi noqotay meel aanay saxadeedu wanaagsanayn oo hoy u ah
qashinka iyo kudaafadda.
Muddo dheer markii ay goobtani ahayd, bogcad dhul
ahaan qodaxi taallo oo aan il-doogsi lahayn, ayay mar keli ah nabsi-bax heshay
oo ay noqotay Waslad-dhuleedda ugu qiimaha weyn Caafimaad ahaan deegaanka ay ku
fadhido magaalada Hargeysa. Sidaa aawadeedna, waxay maanta leedahay muuqaal ka
fog kaa shalay.
9 March 1998, ayay ahayd markii u horaysay ee
goobtaa laga jeexo Seeska dhismaha Cusbitaalka Haweenka iyo Dhallaanka ee EDNA,
kaas oo si rasmi ah loo furay shalay oo taariikhdu ahayd 9 March 2002, taas oo
ka dhigaysa muddadii uu dhismaha Cusbitaalku socday afar sannadood oo buuxa.
Dhib kastaba haka mudnaatee, waxaa hirgelinta iyo dhaqaajinta Cusbitaalkan
hooyo u ah Dr’s Edna Aadan Ismaaciil (Ina Aadan Dhakhtar).
Dr’s, Adna, 1969, waxay ahayd xaaska Ra’iisal
Wasaarihii la inqilaabay ee Soomaaliya, Mr. Maxamed Ibraahim Cigaal oo hadda ah
Madaxweynaha Somaliland ee talada haya. Sidaas awgeed, waxay shalay dib u yara
milicsatay waayihii wakhtigaa oo uu rajiimkii Siyaad Barre kala tuuray
himiladdii u guntanayd oo ahayd, sidii ay u hirgelin lahayd Cusbitaal u adeegga
Hooyada iyo Dhallaanka. Hase ahaatee, waxaa la odhan karaa duruuftii waagaa
(21-Okt-69), maanta guul bay ka joogtaa mar hadday fagaarihii taliskaasi,
dhoola-tuska Militeri ku saamayn jiray ee magaalada Hargeysa ka taagtay dhismaha
Cusbitaal ay muddo dheer ku hamiyi jirtay. “Munaasibaddan, waxaan sugayay muddo
53 sannadood ah, Illaahii igu simay maanta in aan arko riyadaydii oo rumowday,
ayaa mahadaa leh.” Sidaa waxa tidhi Dr’s Adna Aadan oo la hadlaysay Marti
sharaf tiro badan oo ka qayb-gashay Xafladdii furitaanka Cusbitaalka,
sharaxaadna ka bixinaysay hindisaheedii hore ee dhaliyay dhismahan Cusbitaalka.
Dr’s Edna Aadan, waxay ku jirtay Jawi farxadeed oo
aan qiyaas lahayn, kaas oo mararka qaarkood ku kelifay in ay ilowdo waxay doonaysay
in ay tidhaahdo, isla markaana ku khasbay in ay cudur-daar ahaan ugu bandhigto
goob-joogayaashii xafladda, Jawigaa riyaaqa ah ee hadheeyay.
Dr’s Edna, waxay sheegtay in dhismaha Cusbitaalku
ka soo jeedo fikir muddo dheer ay ku hamiyi jirtay. “11 Jir baan ahaa markaan
niyaystay in aan mar uun dhiso Cusbitaal wanaagsan. Wakhtigaasi, wuxuu ahaa
dhawr iyo konton sanno ka hor, waxaan xilligaa joogay magaalada Ceerigaabo,
aabahay Aadan Dhakhtar-na, wuxuu haystay Cusbitaalka magaalada.” Adna, waxay
intaa raacisay oo ay tidhi: “Xilligaa waxaa dalka ka dhacay abaar xun oo la
odhan jiray Abaartii Siigga-case. Dad badan ayaa tabaaloobay oo u baahday
gar-gaar Caafimaad iyo gurmad. Waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan aabahay
indhihiisa ilmo ku arko, isagoo ka xun xaaladii taagnayd ee Caafimaad. Wuxuu
dhawr goor ku cel-celiyay, Illaahayow Cusbitaal hagaagsan oo aan dadka ku
daweeyo ayaan kaa baryay.”
Dr’s Edna, waxay sheegtay in wakhtigaa laga bilaabo
ay niyadda gelisay, sidii ay u baran lahayd
aqoonta dhakhtarnimo, uguna hawl-geli lahayd
dhisida Cusbitaalkaa aabaheed Illaahay ka baryay. Waxay intaa ku dartay, in
muddo dheer ay dhigi jirtay qaybo ka mid ah Mushahaaradeeda, balse ay jaanis u
heshay bilaabista Mashruucan, markii ay hawl-gab ka gashay shaqadii ay u haysay
Hay’adda Caafimaadka adduunka (WHO), lana siiyay xuquuqdeedii. Wakhtigaas oo
ahaa dhawr iyo sagaashanaadkii kadib, waxay timi dalka, waxaanay sheegtay in ay
bilowday ololaha dhismaha Cusbitaalka sannadkii 1997, kaas oo si rasmi ah
seeskiisa loo jeexay sannadkii 1998, kadib markii ay Xukuumaddu ku deeqday
dhulka dhismaha laga dhisay. Dr’s, Adna Aadan, mar ay ka hadlaysay inta uu ku
kacay Cusbitaalku, waxay sheegtay in lacagta uu ku kacay ay dhan tahay 784-kun
oo doollarka Maraykanka ah. “Markii hore waxaanu filaynay inuu ku kici doono
hal milyan oo doollar, balse nasiib wanaag wuxuu ku kacay in ka yar. 461-kun oo
doollar oo lacagtaa ka mid ahna, waxay sheegtay Dr’s Adna in ay iyadu lahayd,
inta kalena ay ahayd deeq ay bixiyeen gacmo kale. “Maxamed Baarjeex ayuu ahaa
qofkii u horeeyay ee deeq bixiyaa, waxaanu ku deeqay 20 kiish oo Sibidh ah,”
ayay tidhi Adna Aadan, waxaanay intaa raacisay in ay tiro badan yihiin dadka
deeqda bixiyay; “Inna Geelle Arab, C/Laahi Oomaar, Ina Faarax Sugaal, Baxsane,
Ibraahim Dheere, Cali Yuusuf, Dahabshiil, Daallo Airline, Star Airline, Damal
Airline, Shukri Xaaji Baandare, Canab Cumar Illeeye, Aamina Milgo iyo qaar kale
oo badan ayaa iyana ka mid ahaa.”
Siday sheegtay, waxa kale oo iyana qayb ka qaatay
dhismaha Cusbitaalka, Jaaliyadaha Dibadda, Hay’adda UNCHR, UNICEF, dawladda
Ingiriiska, Maraykanka, ururo iyo dhinacyo kale, kuwaas oo dhammaantoodba
bixiyay deeqo kala duwan. “Far keli ahi fool ma dhaqdo. Sidaa aawadeed,
dedaalkii deeqdii iyo ducadii bulshada ayaa dhistay Cusbitaalka,” ayay tidhi
Adna. Waxaanay intaa raacisay, iyadoo si gaar ah ula hadlaysa inan-rag
weedhahan; “Cusbitaalkani, maanta wuu inoo dhismay, laakiin haddii ay berri ka
maalin joogsato gunnada yar ee aanu ku naas-nuujinaa, hadaad inan-raggow iska car-carartaan
wuu dumayaa, hadday sidaa noqotona anigaa wadaya Cagafta ugu horaysay ee lagu
duminayo.” Waxaanay intaa ku ladhay oo ay xustay in haweenka iyo carruurtu ay
ku faro-adaygayaan nabadda.
Munaasibadii furitaanka Cusbitaalkaa oo marka
dhinac laga eego ku beegantay Xuskii 8 March ee maalinta Haweenka Adduunka,
waxa ka qayb-galay, Marti-sharaf tiradoodu badnayd oo isugu jiray, Golayaasha
dawladda, shacbi iyo ajnabiba. Waxaana Cusbitaalka si rasmi ah xadhiga uga
jaray oo furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md, Daahir Riyaale Kaahin.
Hadal kooban oo uu xafladda ka jeediyayna, wuxuu si wayn ugu amaanay Dr’s Adna
Aadan oo uu ku tilmaamay in ay tahay Shakhsiyad astaan u ah horumarka.
“Kelmaddo laguma soo koobi karo runtii waxqabadka Adna, waayo maan maqal gabadh
dhista Cusbitaal intaa le’eg,” ayuu yidhi Riyaale. Wuxuu intaa ku daray oo uu
carabka ku dhuftay in ay jiraan ganacsato intaa iyo in ka badanba qaban kartaa,
waxaanan rajaynayaa ayuu yidhi; “In ay iyana wax badan taraan.” Sidoo kale
haweenay ka tirsan dadka u doodda xuquuqda aadamaha, ayaa iyana weedho kooban
oo ay halkaa ka jeedisay si wayn ugu amaantay waxqabadkaas.
Cusbitaalku, wuxuu ka kooban yahay dhisme saddex
dabaq ah, waxaana ka hawl-galaya kalkaaliyayaal Jiil cusub ah oo wax la barayay
afartii sannadood ee dhismaha Cusbitaalku socdayba.
Kalkaaliyayaashan cusubi, waxay ku soo beegmeen
wakhti aanay muddo dheer soo bixin kalkaaliyaal Caafimaad oo waxbarashadii loo
baahnaa qaatay. Markay laysku isku daro kalkaaliyayaasha iyo umulisooyinka ka
hawl-gelaya Cusbitaalka, waxay tiradoodu gaadhaysaa 32 haween ah.
Baadhista iyo dhiig qaadistana, waxaa ka
hawl-gelaya 10 wiil iyo afar gabdhood. Dhinaca kale, qaar badan oo ka mid ah
haweenka oo aanu wax ka weydiinay siday u arkaan furitaanka Cusbitaalkan cusub
ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin; “Laba sannadood ka hor, waxay laygaga
umuliyay qol madow oo shamac yari ka baxayo oo ku yaalla Cusbitaalka Hargeysa,
laakiin maanta Illaahay waa iga soo furtay.” Sidaa waxa tidhi hooyo lagu
magacaabo, Xaawo Aadan oo ka mid ahayd, dadkii xafladdaa ka qayb-galay qaar
kale oo badan, ayaa iyana ku tilmaamay furitaanka Cusbitaalkan mid wax weyn ka
taraya xaaladda liidata ee Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan haweenka iyo
carruurta.
Xubno kalena, waxay ku doodeen oo ay soo jeediyeen
in gunadda dadka laga qaadayaa ay noqoto mid lagu saleeyay haynta danyarta, si
hooyo kastaaba ay u hesho fursad ay isku dawayso.
Guntii iyo geba-gebadii, Cusbitaalka Haweenka iyo
Dhallaanka ee Adna Aadan oo maalintii shalay si rasmi ah hawshiisa u bilaabay,
waxaa loo rajeeyay inuu meesha ka saaro baqdin badan oo dhinaca Caafimaadka ah
oo hore loo qabay.
…………………………………………………………………….
Haatuf, Cadadkii 47-aad
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Siilaanyo, ma ka
Badbaadi doonaa Fayraska Sadheeyey Hindisihiisa
I |
yadoo go’aankii muddo-kordhinta ee guurtidu
sannadka ugu cusboonaysiisay Madaxweyne Cigaal iyo ku-xigeenkiisa uu sii
cakiray khilaafkii iyo is-mari-waagii soo taxnaa ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo
Mucaaridka, sida xoorka soodhahana ay u gudhay rajadii iyo laab-la-kacii lagu
soo dhoweeyay dedaalkii Odayaasha Guurtidu bilaabeen, waxyar kadib markii uu
beenoobay ballanqaadkii Xukuumadda ee ahaa in 20 Dec, 2001, ay qabsoomi doonaan
kuwii ugu horeeyay doorashooyinka xorta ah ee dalka, ayaa dalku muquurtay murug
iyo werwer kii ugu adkaa ee dalka iyo dadka soo mara shantii sannadood ee u
dambeysay.
Tallaabada Guurtidu, waxay ahayd tii labaad ee
dhaqan-siyaasadeedka aynu dheerayn Soomaalida inteeda kale iyo xataa bulshooyin
kale oo Afrika ah ee lunta, iyadoo horena kaalintooda sama-talisnimo la
burburiyey Madax-dhaqameedyada sare ee dalka, waxaana isku soo mudhuxsaday
Siyaasiyiin isu muuqda oo is-colaadsaday iyo geba-gebada sharciyaddii la isla
oggolaa ee dawladda.
In badan oo dadweynaha reer Somaliland ahi, waxay
eegayeen 23 February oo ahayd maalintii ay ku ekayd muddadii shanta sannadood
ahayd ee Xukuumadda, iyadoo ay Xukuumadduna ka sii digtey dagaal iyo qalaanqal
ay mucaaridku aloosayaan, gaar ahaan isbahaysiyada ASAD iyo SAHAN oo iyagu ku
celceliyay in sharciyadda Xukuumaddu ay ku egtahay February 23.
Hase yeeshee, waxyar ka hor intaanay saacaddu
dhicin ayaa si lama filaan ah rajadu u soo noolaatay, markii Siyasiga
ruug-cadaaga ah ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dibadda ka soo laabtay
uu bilaabay dedaal dhex-dhexaadin ah oo uu doonayo inuu isugu soo jiido
dhinacyada khilaafka Siyaasadeed u dhexeeyo, taas oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay
markii ay soo ajiibeen salaadiinta fadhigoodu yahay Burco iyo ururada
Mucaaridka ugu xoogga weyn ee ASAD iyo SAHAN. Sidoo kale, Xukuumadduna u carab
laad-laadisay Siilaanyo. Ka sokow, inuu ka maqnaa ciyaarta dhabaqsan ee
Siyaasadda dalka, Sidaana uu kaga fayoobaa turxaana dhextaalla Siyaasiyiinta
iyo in ay isugu dambeeyeen Xukuumadda, waxa dad badani ka eegayeen dhinacyo
kale oo ay danaynayeen: waa ta ugu muhiimsane in ay Siilaanyo isku beel ka soo
jeedaan Siyaasiga halka adag ee Xukuumadda iyo dadkeedu aad ugu collaysteen
Siyaasadda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo hoggaamiya Mucaarid
laxaad leh oo mayal-adag, beeshana dabadda kula jira, taas oo ay ka rajeynayeen
in uu si qabow oo qunyar socodnimo ah ula wareegi doono majiiraha mucaaridka,
kadibna gorgortan iyo waanwaan uu oggolaan doono, isla markaana haddii laga
fursan waayo isbeddel in lagu sameeyo hoggaanka dalka uu isagu yahay mid ka
ilka-qabow Saleebaan oo dhinacyada oo dhan isku wadi kara.
Xubno UDUB iyo Xukuumadda ka tirsan, ayaa ka mid
ahaa dadka soo dhoweeyay imaatinka iyo hindisaha Siilaanyo, kuwaas oo laga
yaabo qaarkood in ay daacad yihiin una arkaan dan guud, haddana waxa aan ka
maqnayn damaca qaar badan oo Xukuumadda iyo UDUB ka mid ah oo quuddaraynayey in
imaatinka Siilaanyo uu siin karo fursad sii kala qayb-qaybisa Mucaaridka iyo in
loollan ka dhex aloosmo Siilaanyo iyo Saleebaan.
Inkasta oo Siyaasiga Ishii-qaataha ah, Mr.
Siilaanyo uu ka soo abaaray xaaladda dalka, halkii ugu haboonayd ee isaguna uu
si xarrago leh cagta ugu soo gelin lahaa ciyaarta, haddana laguma simin inuu
biyo dhaco, burhaantiisuna daahirto, waxaana weerar kala hortagey Madaxweyne
Cigaal iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa oo dareemay khatar ama baqe. Waxay
markiiba Xukuumaddu qaaday olole dacaayad ah oo lagu diirayo hindisaha Axmed
Siilaanyo, iyada oo lagu deedafeynayo inuu jebiyay dastuurkii loo codeeyay iyo
inuu taageersan yahay Shir-beeleed. Taasina, waxay han-jebisay rajadii
dadweynuhu ka qabeen in wax waliba wada-hadal iyo nabadgelyo ku dhammaadaan.
Dhinaca kalena, waa wax sahlan in si fudud qof loo
cambaareeyo, looguna shaambadeeyo, iyadoo ay wax iska caadi ah noqotay in
jeermis ama (virus) Siyaasadeed loo abuuro oo Xukuumaddu aanay u bogin ama ay
ka dhex arki weydo danteeda. Waxaana la dareemayey dhowrkii maalmood ee tegey
ee warbaahinta dawladdu qaadaa-dhigeysay Axmed Siilaanyo iyo qasadka
hindisihiisa, inuu dadweynaha ku baahayay daniga la xidhiidha in aanu Siilaanyo
daacad ka ahayn dhex-dhexaadinta iyo inuu dhinac u xagliyey, taas oo ku
salaysan Xukuumadda oo dhaleecaynteeda markasta u cuskanaysay in Siilaanyo ay
isku beel yihiin Saleebaan iyo in ay kursiga ka siman yihiin.
Hase yeeshee, dhinaca kale, Mowqifka diidmada ah ee
Xukuumaddu iska taagtey hindisaha Siilaanyo, wuxuu hiil u noqday Saleebaan
Maxamuud Aadan iyo Siyaasiyiinta la ollogga ah iyo weliba Salaadiinta ay isku
aragtida yihiin, waxayna qaawisay Siyaasadda Geed-is-marisnimada ah ee
Xukuumaddu ku Gar-waasiiso cidkasta oo ay aragtida Siyaasadeed isku khilaafaan.
Xukuumaddu, waxay ku guulaysatay in ay xoog Ciidan
iyo xadhig xaq-darro ah ku kala tuurtay dedaalkii Salaadiintu u qaadeen dhinaca
ku soo dhoweynta afkaaraha Siyaasadeed ee kala tagan, taas oo ay waxoogaa garab
ah kaga haysatay qaybo ka mid ah bulshada. Sidoo kale, Siyaasiga Saleebaan Gaal
ayaa xadhig iyo cadaawad badan oo loo abuuray ku mutaystay ololihiisa
Siyaasadeed ee uu kaga soo horjeedo Madaxweyne Cigaal. Saleebaan iyo Kooxda
Salaadiinta ahba, waxa lagu shaambadeeyay dagaal oogayaal aan dalka iyo dadka
midna u tudhayn, waxaana lagu duudsiyey xuquuqdooda in ay diideen dastuurka.
Laakiin, hadda way adag tahay in si sahlan loo liqo
marmarsiiyaha Xukuumadda ee ah in Siilaanyo hindisihiisa dhex-dhexaadinta iyo
“Haybtiisa” uu ku noqday dagaal-ooge, waxaana lagu khasanaaday in xataa dib
looga fiirsado turxaantii iyo jawr falkii hore ee lagu fanteeyay Siyaasiyiin
iyo dad kale oo milgo leh, sidii guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda
Mudane Cabdulqaadir Jirde-ba uu dhawaan ugu garaabay Saleebaan Gaal.
Waxa kale oo mowqifka Madaxtooyaddu meesha ka
saaray hal-ku-dheggii ay dadka ku baqa gelinaysay ee ahaa “Haddaan dhigo
xilkaan sido yaad u dhiibanaysaan,” oo ka fasirmayey doodeeda ah in mucaaridku
ay wada baarqabbo yihiin oo aan midna mid wax u oggolayn.
Hammuunta la buun-buuniyay ee Saleebaan u qabo
kursiga loo beratemayo, marka laga eego dhinaca damaca, ayaa ah sababta ugu
macquulsan ee weerarka Siilaanyo oo la dareensanaa inuu saamayn aan caddayn ku
leeyahay ololaha Siyaasadda ee dalka, waxay sumcadiisa iyo magaciisu sare u kacayeen
intii aanu iman, marka loo eego Saleebaan, iyo Madaxweyne Cigaal.
Hase yeeshee, Xukuumadda iyo dad kale oo badaniba
waxay qabeen in cidda uu halista ku yahay ay tahay Saleebaan oo isagu aan sina
ku ogolaanayn inuu kaalinta uu qoondaystay cidna u banneeyo, balse waxa
is-weydiin iyo u fiirsasho leh sababta Saleebaan iyo kooxdiisu u soo dhaweeyeen
hindisaha Siilaanyo, uguna oggolaadeen in ay talada miiska dhigaan,
Xukuumadduna uga giigtay?
Si kastaba ha ahaatee, Fayraska loo abuuray
Siilaanyo, waa mid hore u khaarajiyey Siyaasiyiin iyo Madax badan oo qaarkood
ay uga haajireen dalkaba.
Siilaanyo oo hadda gole yimina, waxa dad badani dhawrayaan in uu si dhakhso ah u gaadho, halka Saleebaan iyo rag kale ku garba-duuban yihiin. Iyada oo sida muuqata dad kale oo badanina ay wax u biniixeen, una fahmeen xaajada sidii nin abwaan ah oo ku baraarugay Caaddifadii Siyaad Barre dadka ku asqeeyay ee uu ku macneeyay erayga “Kacaan diid” oo u dhigmayay hal-ku-dhegga (stercotybe)-ka ah ee “Qaran-dumis” ee hadda warbaahinta dawladdu ku shaambadayso kuwa ka soo horjeeda Siyaasadeeda, kaas oo ahaa “Kacaan-diid Waddani buu ahaa Maamul kaarahay.” Waxaana jira dhaqdhaqaaq laxaad leh oo loogu hiilinayo hindisaha Siilaanyo, oo ka socda Gudaha iyo dibaddaba.