SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 48-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Booliska Maraykanka oo toogasho ku dilay nin
Soomaali ah
M |
inneapolis-USA, (AP):- Booliska Minneapolis ee dalka Maraykanka, ayaa
toogasho ku dilay Axaddii dorraad nin Soomaali ah.
Marxuumkaas waxa la odhan jiray Qaasim Jeylaani, wuxuuna ahaa 28-jir,
sida ay dad qaraabadiisa ahi sheegeen.
Koox Boolis ah ayaa hareeraysay, kadibna rasaas ku riday ninkaas oo la
sheegay in uu sitay Baange. Hase yeeshee, waxa Booliska lagu eedeeyay inuu ku
isticmaalay awood dheeraad ama xad-dhaaf ah, marxuumkaas oo la sheegay in
xiskiisu aanu dhammayn oo maskaxda wax uga dhinnaayeen, Afka Ingiriisigana aan
garanayn.
Ugu yaraan shan saraakiisha Booliska ah ayaa arrintaa darteed la mariyay
ganaax shaqo ka fadhiisin oo caadi ah, isla markaana Maayorka magaaladaas Mr.
R. T. Rybark, ayaa qorshaynaya kulan uu la yeesho hoggaamiyeyaasha Soomaalida
oo ay kaga wadahadlaan arrinta toogashada.
Boolisku waxa la sheegay in ay isku gedaameen dhawr sekedood, ciidanka
iyo dadkii ninkaa garanayayna ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu tuuro
Baangaha iyo walax kale oo bir ah oo uu iyana sitay.
Kadib toogashada Jiilaani, Soomaali isu soo baxday ayaa ku qayliyay
Booliska iyaga oo cabanaya.
Ma rumaysan karo inay iyagu falkaas ku kaceen, waayo nin waalan buu
ahaa, sidaa waxa tidhi Amaal Yuusuf oo ah Agaasimaha fulinta ee ururka
haweenka Soomaalida.
Waxay awoodeen inay isticmaalaan rasaasta rabadhka ah ama qiiqa dadka
kaga ilmaysiiya, ayay raacisay Amal, oo gaadhi ku maraysay meesha toogashadu
ka dhacday.
Taliyaha Booliska Roper Olson, ayaa sheegay in ciidanku ay u muuqdaan
inay u raaceen sharciga sidii uu ahaa.
Waxaanu haynaa muwaadiniin badan oo dad u werwersan, xaqna way u
leeyihiin taas, ayuu yidhi Olson. Waxaan ka rajaynayaa inay dib isu qabtaan,
ayna sugaan ilaa ay helayaan waxa xaqiiqadu tahay, ayuu raaciyay.
Booliska Minneapolis, ayaa loo furay tabobar ku saabsan sida loola dhaqmo
dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin, tan iyo markii Boolisku ay toogteen
saddex qof oo maskaxda wax uga dhiman yihiin intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2000.
Dendell Holley, oo ka mid ahaa goob-joogayaashii arkayay dhacdada ayaa
sheegay in Jaylaani uu Baangaha laadlaadsanayay markii uu meesha marayay, balse
aanu ku handadayn ama aanu ku waabinayn dadkii agtiisa marayay. Laakiin wuxuu
intaa ku daray in Jaylaani uu baangaha ku gujiyay gaadhi Boolisku leeyahay,
kadibna intay boolisku ka soo boodeen gaadhigii ay u sheegeen Jaylaani inuu
hubka dhigo, markii uu dhegaha ka furaystayna ay u isticmaaleen rasaasta
rabadhka ah si ay u xannuunjiyaan uun.
Waxay lahaayeen oo ay u sheegayeen dhulka dhig (baangaha), dhulka dhig,
ayuu yidhi Holley. Waxay u ekeyd in aanay banaatiikhda u cabbaysanayn, ayuu
raaciyay.
Raxma Cali oo iyadu garanaysay marxuumka, lana socotay markuu suuqa u soo
dhaadhacayay ayaa sheegtay in Jeylaani aanu u muuqanayn nin garanayay ama u
joojinayay qofna dadkii hareerihiisa marayay.
Waxa keliya oo uu ku hadaaqayay Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, oo uu ku
celcelinayay, ayay tidhi Raxma.
Raxma Cali, waxa ay intaa ku dartay in marxuumku markii Boolisku
hareereeyay uu sare u taagay baangihii uu sitay, isagoo ku dhawaaqayay
kelmeddaas Allaahu Akbar oo macnaheedu yahay Ilaahay baa weyn, kadibna la
toogtay.
Madaxweyne Cigaal oo Oggolaaday dib u furidda Diiwaangelinta
Ururrada
H |
arg(Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay soo saaray xeer uu ku oggolaaday in dib loo furo diiwaangelinta ururada siyaasadda oo ay hore u meel-mariyeen golayaasha Baarlamaanku.
Sida uu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay
madaxtooyada, madaxweyne Cigaal waxa uu xeerkan ku baahiyay dhaqangalka wax
ka-beddel lagu sameeyay xeerka N0./4/2000, ee diiwaangelinta ururada siyaasadda
qodobkiisa 3aad, faqradda 1aad, kaas oo sida warku sheegay lagu kaabay xubin
cusub oo dhigaya in muddada diiwaangelinta ururada lagu kordhiyay laba bilood
oo kale.
Dib-u-furista diiwaangelintu wuxuuu dhaqan galay
shalay oo madaxweynuhu saxeexay, sida faqraddaa cusubi dhigayso, isla markaana
waxa tirsiga muddadaasi bilaabmaysaa marka guddiga diiwaangelintu baayiso
ogaysiiska furitaanka.
Toddoba urur-siyaasadeed oo kala ah; UDUB, UCID,
ILAYS, BIRSOL, UMAD, HORMOOD iyo SAHAN, ayaa diiwaangeliyay muddadii rasmi
ahaan ay u furnayd diiwaangelinta ururada siyaasadeed ee dalka, oo ahayd Sept.
20. ilaa Dec. 21.
Waxaana ku gacan-saydhay diiwaangelinta ururo dhawr
ah oo siyaasadda isu abaabulay, kuwaas oo kadib ku bahoobay isbahaysiga la
baxay ASAD (Alliance for salvation and Democracy).
Dib-u-furista diwaangelintana waxa curiyay golaha
Guurtida oo ansixiyay January, 2, 2002, kadib markii ay muddo sannad ah dib u
dhigeen doorashoooyinka, una kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Golaha
Wakiilada ayaa isaguna ansixiyay goaankaas Feb. 18, waxaana loogu talogalay in
fursad loo siiyo isbahaysiga ASAD iyo ururada kale ee is-abaabulaya inay is
diiwaangeliyaan.
Madaxweynaha oo Saxeexay Xeerka La-dagaalanka Mukhaaddaraadka
H |
arg (Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay saxeexay, isla markaana xeer madaxweyne ku baahiyay xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka oo ay soo saareen Golayaasha Baarlamaanku.
Sharcigan oo ka soo fulay Golaha Guurtida
Somaliland, oo uu waajibaadkiisa dastuuriga ah ay ugu waaweyn yihiin arrimaha
dhaqanka, diinta iyo nabadgelyada qaranka, waxaana uu u gudbiyay Wakiillada oo
isaguna ansixiyay, kadib markii uu dib-u-eegis ku sameeyay isla markaana uu
Goluhu xog-warran kala yeeshay hayadaha dawladda ee ku shaqada leh la dagaanka
mukhaaradaadka.
Sida sharcigu dhigayo xeerkani waxa uu
dhaqangelayaa markii uu madaxweynuhu saxeexay oo ahayd shalay.
Xeerkan oo ka kooban lix qodob, waxaa uu u qoran
yahay xeerkaasi sidan:
MACNAHA EREY-BIXINTA
Maandooriye: Waxa loola jeedaa shay
kasta oo isticmaalkiisu beddelo xiska Aadamaha oo keeni kara sakhrad muddo
dheer ama muddo gaaban sifo kasta ha lahaadee.
Isticmaalka: Waxa loola jeedaa sifa
kasta oo loo qaato maandooriye sida cabbid, qiijin, ursasho, turqin, irbad,
shidasho, cunid iwm.
Caadayste: Waxa loola jeedaa qof
kasta oo bariinsaday isticmaalka maandooriye oo lagu caddeeyay sida xeerkan
tilmaamayo.
REEBANAANTA MAANDOORIYAHA
Beerista, samaynta, ka ganacsiga, soo gelinta, haysashada iyo isticmaalka dhammaan maandooriyeyaashu way ka reebban yihiin gayiga Somaliland.
ISTICMAALKA MAANDOORIYAHA
1.
qofkii
isticmaala maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa
karbaash dhan afartan (40) jeedal iyo lix bilood ilaa hal sano oo xadhig aan
iib lahayn ah.
2.
qofkii
ku isticmaala maandooriye meel fagaare ah ama dadweynaha u furan ama sakhrad ku
muuja meel fagaare ah ama dadweynaha u furan waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku
xusan faqradda 1aad ee qodobkan. Waxa kale oo loogu siyaadinayaa ganaax dhan
500,000 Sl.Shillin ilaa 1,000,000 Sl.Shillin oo hadduu bixin waayo loogu
beddelayo xadhig u dhigma.
3.
qofku
hadduu yahay mid caadaystay isticmaalida maandooriyaha waxa lagu ciqaabayaa
karbaash dhan afartan (40) jeedal ama hal sano ilaa laba sano oo xadhig aan iib
lahayn iyo ganaax lacageed oo dhan 2,000,000 Sl.Shillin oo haddii uu bixin
waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.
4.
caadayste
waxa loo aqoonsanayaa qof kasta oo ay maxkamad horteed kaga caddaatay isticmaal
maandooriye afar jeer ugu yaraan.
5.
qofkii
siiya maandooriye qof dadiisu ka yar tahay 15-jir ama qof xiskiisu dhiman
yahay ee maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa xadhig dhan saddex
sano oo aan iib lahayn iyo ganaax lagaceed oo dhan 1,000,000 ilaa 2,000,000 Sl.
Shillin oo haddii uu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.
6.
qofkii
u qariya ama ku khasba qof kale shay maandooriye ah ama cunto ku dara ee
dadweynaha u soo bandhiga ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu
ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 5aad ee qodobkan.
KA GANACSIGA
1.
qofkii
dalka soo geliya ama beera ama sameeya ama ka ganacsada ama si uun u haysta
maandooriye ee lagu helo waxa lagu ciqaabayaa xadhig dhan saddex sano ilaa shan
sano oo aan iib lahayn iyo ganaax lacageed oo dhan 3,000,000 ilaa 5,000,000
Sl.Shillin oo haddii uu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.
2.
waxa
la baabiinayaa dhammaan maandooriyihii la qabtay, kii la beeray, qalabkii lagu
beeray ama lagu sameeyay.
3.
wadaha
gaadiidka dalka soo geliya maandooriye nooc kasta oo uu yahay (mid dhul, cir
iyo bad) ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku
xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
4.
gaadiidka
lagu qabtay maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaatay waxa marka
koowaad lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan 5% qiimaha gaadiidka iyo
digniin qoraal ah oo la siinayo mulkiilaha. Marka labaad waxa la ganaaxayaa 10%
qiimaha gaadiidka, marka saddexaad waa lala wareegayaa.
5.
deganaha
guriga (dhismaha) lagu iibiyo maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaato
waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, iyada oo
digniin qoraal ahna la siinayo marka koowaad mulkiilaha guriga, marka labaad ee
lagu helo waxa mulkiilaha guriga lagu ganaaxay 2% qiimaha guriga, marka
saddexaad ee lagu helo waxa lagu ganaaxayaa 5% qiimaha guriga, marka afraad ee
lagu helo waa lagala wareegayaa dhismaha.
BEDELAAD IYO BURIN
Xeerkani wuxuu beddelayaa qodobada 411, 412, 413, 414,
415, 416, 417, 342 iyo 343 ee xeerka ciqaabta guud, waxa kale oo uu burinayaa
xeer kasta oo ka soo horjeeda.
DHAQAN-GALKA
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka Baarlamaanku
ansixiyo, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saxeexo.
Raadiyoow
maqalloocshe
A.A.Garas
Halkani waa
Raadiyoow Maqalloocshe oo aydin kala xidhiidhaan mawjadaha kala yaryar.
Dhegaystayaashayada
dhudhunada yaryarow waxaynu soo gaadhnay waqtigii aanu idin hulluuqsiin jiray,
idinna dhegta ka maali jirteen warkii dunida.
Weriyaha
maanta warka u biyaystayna waa Mr. Bisad ina Baasto Far ku dhuuqe.
Isagii oo
kambadhuudha
Xaawiyo
Faadumo lagu xusayay maalinta Xaawlayda dunida ayaa lagu qabtay xadrooyin
dunida ku yaal.
Bilis,
Garoob iyo Guduudley isugu jirta ayaa aroor dhoweyd wishiiri la yimi xadrada
Hargeysa ee Khayriyada loo yaqaano, halkaas oo ay ka qabsadeen ciyaar walasaqo
ah oo jiib iyo jaanba laysla giraangiriyay.
Xaawalaydaas
waxa ciyaarta kala qaybqaatay Duqyaal Guurti ah iyo Ragag kale oo haweenka u
dhaxay iyo qaar ay dhaleenba.
Cawaysinkii
habeenkaas, ayaa wishiiriga Bilistu lala tegay xadrada madaxkuuska, halkaas oo
Afada madaxkuuska ay wada joogaan Bun-saloolkii Xaawiyo Faadumada ku samaysay.
Khudbado ay halkaas ka jeediyeen ayay ku sheegeen in haweenku ka il-baxeen
shuquladii hore, sida laxoox-dubidda, ciir-lulidda iyo Riyo lisidda, ayna
doonayaan inay shuqulada Qoodhu qaban jirtay sida sahaminta, reer-oodista,
faanka, Fardo-fuulka, maamulka iyo wax meherinta ay ka qayb galaan, shuquladaas
oo tahli-waa mooyaane cid u diiday aanay jirin, waxaana halkaa lagu
dhegaysanayay heesta tidhaa;
Habar yahay laaantaa,
adduunyadu hubaasihii,
hoog kama baxdenoo... Maalinta Naagga oo sannad walba dunida laga xasuusto
ayaa la sheegay in loola dan leeyahay iska dhicinta inan-rag, siiba kuwa
haweenka u haysta nacasyo bilaa xinniinyo ah.
Xafladdaas
waxa loogu duceyaa islaamihii Arraweelo, Dhegdheer, Indhiiro iyo Qadiija
Warsamadii Siddi-qabaxda soo saartay.
Hargeysa
Ceelka
Hargeysa ayaa naagaggu raganimo weyn is-taawiyeen, markii ay yeesheen cusbitaal
aanu rag shaqo shuqul toona ku lahayn oo dumarka lagaga umuliyo, kaas oo ay
iyagu dhisteen.
Dhakhtarkaas
oo quruxdiisa iyo qaayihiisa aan hore loo arag, waxa dumarka ugu deeqday naag
naago ka tegtay, ragna ay isku jiraan, kaas oo dowladda iyo raggeeduna aanay
bilaale ku darsan.
Dhakhtarkaas
waxa loogu walqalay maalinta Xaawiyo Faadumada ee 8-da Maaraj, waxaana foorjo
iyo wadhi ka raacday inan rag wixii joogay ceelka Hargeysa.
Siinbaabi
Dalka
Siimbaabi ayaa beryahaaba elegshankii la ildaraa, kadib markii suququl xagga
sanaaduuqda ahi soo food saaray.
Warkan oo
aan sabbaaxad Siinbaawi kaga keenay wuxuu sheegay in muddo saddex cisho ah
qasaawe-salal iyo isdaba qamaan badani ku dhacay dadka reer Siinbaawi, kuwaas
oo la sheegay inay codkooda la meehanaabayaan oo ay waayeen hog ay ku ridaan.
Shuqulkan
ayaa lagu tilmaamay farsamo uu cimri dherer ka dhiganayo ninka kursiga lagula
hirdamayo ee Raage Mugaawi.
Ninkaas oo
laba iyo labaatan sannadood dalkaas baastar ka ahaa, kadib markii kiishashka
codka lagagala caalwaayay inuu kordhiyo, ee qolyaha mucaaradka ahi ay ooyi
gaadheen, ayay maxkamadda sare ku xukuntay sanaadiiq kordhin, laakiin ilaa
alaana kuyuugii waa teedsan yahay.
Haddaba,
Oday Mugaawe oo raggii arkay ku tilmaamay oday eyni ah oo kursiga ku
ilka-dhacsaday, kadib markii laba iyo labaatan sano ka hor uu xukunka ka
faramaroojiyay nimanka qodaalka ah ee caddaanka, oo loo yaqiinay
Alaynismiidhyadii reer Rooddiidshiya, kuwaas oo Ingiriis-kacii ka hor
gobonimada jeebkooda kala baxay oo markii uu xornimada Ingiriisku u soo qaaday
ku yidhi, sorry my cat, we need dont it.
Haddaba,
dalkan oo ka mid ah dalal Afrikada Oogo, ee aan doorashooyinka iyo shuqul
asxaabiga aqoon, ayaa looga baqa qabaa inay dimuqraadiyaddu uga darto.
Isbeddelkana
waxa la xiiseeyey dhawr sano ka hor markii boob lagu caseeyay nimanka Faranji
ee qodaalka ah ee beeraha Buuriga iyo Khamradu ka baxdo arladaas ku leh. Oday
Mugaawe oo aan is idhi waxa lagu haystaa waar maxaad ragga madmadow ragga
cad-cad uga celin weyday ayaa u qaadan waayay doorashooyinkan iyo shuquladan
cusub, isaga oo laga sheegay inuu yidhi, gudhu-gudhu gudhuu.. baa gudhuu, oo
aan u gartay, maxay doorashada ku falayaan sawtan anigu aan dooranahay maaha.
Doorashadan
lala rafanayo ayaa waxay ka dhaxaysaa nin mucaarad ah, oo magaciisa la yidhaa
Shumburo Giraan Moorgan iyo oday Mugaawe oo ka soo jeeda xisbi Udubkiisa.
Oday
Mugaawe oo rag aynigii cabiray sheegeen inuu ina Cigaalna ka guunsan yahay,
ayaa weriyeyaashii BBC-da ka eryaday dalkaas, balse Maqalloocshe iyo Raadiyo
Asli warka ka dhergiyay.
Hargeysa
Habar
siyaasadda ka ganacsata ayaa dharaar dhaweyd degmooyin cusub magacawday.
Habartaasi
waxay magacaabida ku sababaysay Degmo-barar la sheegay in Shankaroontu
baraysatay.
Meelaha
habartaasi degmooyinka u magacawdayna waxa ka mid ah; Geedka dheenta (degmo),
Geed-deeble (degmo), Laanta Taaloogale (degmo), madaxtooyada deyrkeeda (degmo),
Maqaaxiyaha habeen-kaama-tegin (degmo), suuq-duqsiile (degmo), Bancadde (degmo),
Karamaan (degmo), Baar-siigo (degmo), Kaam-tuug (degmo), Istaanka Basaska
(degmo), Diyaaradda Cawl dabadeeda (degmo cusub), ugu dambayntii habartaasi
waxay Gobol u magacawday Bidaarteeda.
Dhegaystayaal
maanta gabay yellam! laakiin waxaan idiin hayaa qasiido ama shallaad qiiro
miidhan ah, oo uu inoo qaado Sheekh Gadhoose.
Dhinaan,
.. dhiidhaan,
.. dhiiraan,
dhariiram:
Maxamed yaa madaxweynahayagiiyoow,
Kurisigii waadigaa fadhiyee ka kici waayee
Xoogaa lacagaa damaaciga kaa xijaabtee,
Karaamada Sheekhu calayhaawaa korkaage
Adaa fadhiyee haddaad doontona ku seexo,
Dhidhiin
dhidhiindhidhiindhin..
Indhaha buuranee dadku waa belaayee,
Kuwaa yar-yar baa siyaasadda lagu arkaa,
Kordhinta sannad keliya waa kadeedee,
Malaha shan sanaa ka sii fiicnaan lahayde,
Kaambaynka Saleebaan walaaloow waa kulayle,
Ka Siilaanyaa qabow bay nagu lahaayeen.
Kuraasta buurbuuran haweenkuba waa geyaane,
Ilaahay maad ka yaabtaanoo yar siisaan.
Idaacadda mawjaddaa dhexe waa tushuushe,
EF-em taasaa dhafoorada kuu safaysa.
Shir-beeleed iyo shaqaaqadu waa qadhaadhe,
Misana sheekh allow mucaaridku maaha gaalo.
Basaasiintu beenta way qoraane inay runta soo bartaan baa la qaatay.
Madaxweynuhu mucaaridka wuu arkaaye, malaa iyaguna isaguunbay arkaan.
.
Ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Boorame
B |
oorama (Haatuf):- Odayaal, xubno madax-dhaqameed ah, maamulka gobolka Awdal iyo wefti wasiiro ah, oo gobolkaa u tegay daminta iska hor-imaad u dhaxeeya laba Ardaa oo Isniintii dagaal ku dhexnmaray magalada Boorama, ayaa ku gudo jira dedaal ay xal ugu raadinayaan dhammaystirka shaqaaqadaa. Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga gobolka Awdal, Maxamed Cumar, magaalada Boorama waxay weli ku jirtaa xaalad bandoo ah, waxaana magaaladaa gaadhay cutubyo ciidamo ah oo ka tegay dhinaca xarunta Hargeysa, kuwaas oo loogu talogalay adkaynta iyo sugidda ammaanka.
Warku wuxuu intaa ku daray in jawiga magaaladu uu deggan yahay, ciidamaduna ay saqaafayaan qaybaha magaalada.
Xallinta iska-hor-imaadkii Isniintii dhacay iyo sababihii dhaliyayna siday wararku sheegeen, waxaa gacanta ku haya furdaamintooda, wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Dib-u-dejinta Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), maamulka gobolka Awdal, odayaal iyo xubno madax-dhaqameed ah.
Istiintii dorraad ayaa malleeshiyooyin hubaysan oo ka soo kala jeeday laba Ardaa oo aano hore u dhaxaysay oo ka mid ah beelaha Samaroon, ee degaanka gobolka Awdal, uu iska-hor-imaad dagaal ku dhexmaray badhtamaha magaalada Boorama, dagaalkaas oo ay saddex qof ku dhinteen dhawr kalena ku dhaawacmeen.
Madaxweyne Cigaal oo Guurtida ka Dalbaday in
Muddada loo kordhiyo Golaha Wakiillada
H |
arg (Haatuf):- Iyada oo Golaha Guurtidu uu hal sano u kordhiyay Madaxweyne Cigaal muddada xilka horrantii January ayaa madaxweynuhu siday wararku sheegayaan wuxuu markale ka codsaday Golaha Guurtida inay sidoo kale muddo kooban u kordhiyaan Golaha Wakiillada oo xilku kaga eg yahay bisha May ee soo socota.
Sida uu sheegayo war aanu ka helay ilo muhiim ah oo ku dhow madaxtoyada, Md. Cigaal waxa uu horraantii toddobaadkan warqad u qoray shir-guddoonka Guurtida, taas oo uu kaga dalbanayo in Goluhu muddo saddex bilood ah u kordhiyo wakiillada. Muddadaas oo uu cayimay inay ku dhammaystiraan xeerarka qabyada ah ee doorashooyinka.
Madaxweynuhu tan iyo intii muddada loo kordhiyay wuxuu si ku cel-celis ah ugu eedaynayay golaha wakiillada dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii la filayay inay dalka ka dhacaan Dec. 20, iyada oo sababtuna tahay xeerarkii doorashooyinka oo wakiilladu dhammaytiri waayeen.
Si rasmi ah daboolka loogama qaadin warka ku saabsan dalabka.cusub ee madaxweynaha oo ilo golayaasha Baarlamaanka ahina ay u xaqiijiyeen Haatuf in ilaa Sabtidii hadalhaynta warkaasi la maqlayay, lana filayo in golaha la horkeeno.
Warar kale, oo aan sugnayn ayaa sheegaya in madaxweyne Cigaal uu dib ula noqday soo jeedintiisaa, taas oo la filayo sabab la xidhiidha dhinaca sharciga inuu u hakiyay.
Golaha wakiillada oo muddada xilkoodu ahayd shan sannadood, waxa golaha hadda waqtigaasi kaga egyahay bisha May ee soo socota, isla markaana sida xukuumadda aanay doorasho gole cusub suuroobaynin.
Haddaba sida uu sheegayo qodobka 42aad ee distoorka faqraddiisa saddexaad haddii doorashada golaha wakiilladu ku qabsoomi waydo duruufo adag awgeed, golaha hore ayaa xilka sii haynaya intay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo gole cusub. Isla qodobkaas xaggiisa dambe wuxuu goaan ka gaadhista iyo qiimaynta awood u siinayaa golaha Guurtida, oo qiimaynaysa goaana ka gaadhaysa kadib marka golaha xukuumaddu sidaa soo jeediyo.
.
Xubno ka tirsan
Madax-dhaqameedyada Gobolka Awdal oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay ka Baaqatay
Xalinta Mushkiladda ka dhacay Boorama
Maamulka ayaa
diiday in aanu Mushkiladda ka hawl-galo, wixii ceebka yimaadaana, iyaga ayaa ka
masuul ah
B |
oorama (Haatuf): Madax-dhaqameedyada gobolka Awdal
ee ka midka ahaa Golihii Salaadiinta
Muranku u dhexeeyay dawladda, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay
in ay ka gaabisay, wax-ka-qabashada Mushkiladda dagaal ee u dhaxaysa laba
beelood oo dagaal ku dhexmaray magaalada Boorama.
Madax-dhaqmeedyadaas oo kala ah, Ugaas Cismaan
Ugaas Doodi Ugaas Rooble, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xaddi
Axmed (Baade), Chief Caaqil Cabdi Aadan Aare, iyo Ibraahim Geedi Muuse, waxay
sheegeen in Maamulka dawliga ah ee gobolku iska hortaagay in ay kala
dhex-galaan, labadaa beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Awdal.
Madax-dhaqameedyadaa oo magaalada Boorama ugu
waramay Haatuf, ka hor intaanu dhicin dagaalka Jimcihii la soo dhaafay
dhexmaray labadaa beelood oo ay saddex qof ku dhinteen, qaar kalena ay ku
dhaawacmeen. Waxay kaloo Xukuumadda ku eedeeyeen in ay hurinayso Colaad cusub
oo ay bulshada iskaga horkeenayso, kaas oo ay ku macneeyeen mid ay ugu qiil
samaynayso muddo-kordhinta aan xalaasha ahayn. Intaa kadib, xubnaha
Madax-dhaqameedyada waxa suaalo dhinacyo badan leh waydiiyay, Weriye Saleebaan
Gurey oo dhawaan socdaal shaqo ku tegay magaalada Boorama, Waraysigana wuxuu u
dhacay sidan:
S: Suldaan Ibraahim idinu ka Madax-dhaqameed ahaan,
marar badan ayaad ku celcelisaan in aad nabadda u guntan tihiin, Xukuumadduna
waxay idinku eedaysaa in aad nabadgelyadda halis ku tihiin. Markaa haddiiba aad
nabadda ka shaqaynaysaan maxaa keenay baqdinta ay Xukuumaddu idinka qabto?
J: Wallaahay, Horta anagu halis aanu nabadgelyada
ku haynaa ma jirto, naloogana biqi-maayo in aanu waxyeelayno, sidaa aad adiguba
sheegtay waxaanu nahay Madax-dhaqameedyo, dadka oo dhammina sidaas ayay u
arkaan in aanaan dhib wadin, laakiin waxani waa Siyaasad ay Xukuumaddu ku
shaqaysanayso oo ay ku doonayso in ay dadweynaha ku kasbato oo ay ku jiidato,
had iyo goorna marka ay Xukuumaddu dan u gaar ah wadato ayay tidhaahdaa,
Salaadiinta, Ugaasyada iyo Madax-dhaqameedyada, ayaa fadqalado wada,
Xukuumaddaa la minjo-xaabinayaa, si sharci-darro ah ayay wax u doonayaan.
Laakiin, waxaasi waa qaar aanay waxba ka jirin.
S: Suldaan, waxaad carabka ku adkaysay
Muddo-kordhinta Guurtidu, Xukuumadda u samaysay. Idinku Gole ahaan, sidee u
aragtaan Muddo-kordhinta?
J: Arrintaa Muddo-kordhinta ah, hore ayaa dadku uga
hadlay, anaguna waanu sheegnay, waxaanu qabnaa in aan Shuruudaheedii la marin,
waayo, arrinta Muddo-kordhinta dastuuriyan waxay leedahay qodobo iyo shuruudo.
Marka aynu soo qaadano qodobka 83aad, dastuurka Somaliland sida uu dhigayo,
marnaba ma waafaqsana Muddo-kordhintan, waannuna ka soo horjeednaa, waayo,
shuruudaha ay kordhintu ku ansaxayso, waxaa ka mid ah; in ay doorashooyinku u
qabsoomi waayaan qodobba ay ka midka yihiin; dalka oo cadow shisheeye soo
weeraro, inuu dilaaco cudur halis ah oo dalka oo dhan saameeyay oo doorashadu
ka qabsoomi kari waydo iyo in ay dalka ka dhacaan abaaro. Qodobbadaa midkoodna
ma dhicin, waxay Guurtidu cuskatayna, wax sharci ah maaha. Sidaa darteed,
waxaanu leenahay, taa ma ogoline ee wixii kale ee xal ah ama wada-tashi ah,
hala sameeyo.
S: Haddii nabadgelyo buuxda Gobolkan ka jirto,
maxay qabanayaan Ciidamadan Roondada ah ee habeenkii magaalada wareegayaa?
J: Arrimahaasi waa kuwa aanu la-yaabanahay ee aanu
Saxaafadda dadka ugu sheegayno, waana kuwa aanu la-yaabanahay ee argagaxa na
geliyay, waa arrimaha ay la-yaaban yihiin Shacbiga, dumarka iyo carruuraha xaafadaha
magaaladu. Xukuumadda, waxaanu u sheegaynaa in ay khalkhal-gelinta ka daayaan
dadweynaha, Ciidamadan dariiqyada la dhigayna ay ka daayaan, waayo; tani waxay
dadka ku beeraysaa fikrad ah in aan nabadgelyo jirin.
S: Marka laga tago qoraalada aad Warbaahinta ku
baahisaan, idinka Madax-dhaqameedyo ahaan, Xukuumadda ma kala hadasheen
waxyaabahan aad ku dhaliilaysaan?
J: Haa! Markay noqoto xagga nabadgelyada, qolyaha
nabadda gobolka u qaabilsan waanu kala hadalnaa, gurigan Ugaaska laftiisa
ayaanu kaga wada-hadalnay, waxaanuna isla garanay in aanu hormood ka nahay oo
aanu kala shaqayno nabadda, mar walbana dhinacayaga heegan baanu u nahay.
Laakiin, waxaad moodaa in Maamulku, weli taa ka caga-jiidayo oo aanu doonayn in
lala soo fara-geliyo, sugida nabadgelyada, taasina waa ta mar walba dhibaatada
keenaysa. Waayo, wax dhibaato ahi ma dhaceen, haddii ay iska kaashadaan
Madax-dhaqameedyada oo dadka shacabka ah metelaya iyo Xukuumaddu.
S: Ugaas Cismaan, waxa jirtay in dhawaan mar uu
magaalada booqasho ku yimi, Madaxweyne-ku-xigeenku uu isku deyay inuu idinla
kulmo oo aad ka wada-hadashaan arrimaha idin dhexyaalla, arrintaasi maxay ku
dhammaatay?
J: Madaxweyne Ku-xigeenku magaalada Boorama wuu
yimi, waxa ila soo xidhiidhay Duqa magaalada oo Telefoon ii soo diray, iguna
yidhi; Madaxweynaha ayaa doonaya inuu kula kulmo oo uu kaala hadlo, arrimaha
nabadgelyada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Aniguna, waxaan ku idhi; ma xumma
bal aan la tashado Salaadiinta kale. Kadibna, markii aan ragii la xidhiidhayay,
waxaan ogaaday in mid kasta gooni loola xidhiidhay.
Mar labaad ayuu Maayarkii Telefoon igula soo
xidhiidhay, aniguna maan diidine waan ka aqbalay oo waxaan ku idhi; Maadaama
aan ahay Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, sida xeerkeenii dhigayo waa in uu
gurigayga iigu yimaado, waayo, Madaxweynuhu wuxuu ka mid yahay dadka aan
Ugaaska u ahay, gacmo furana waan ku soo dhaweeyay. Laakiin, nasiib-darro
halkii aan jawaab hufan ka sugayay, wuxuu iigu jawaabay hadalo aflagaado ah.
Suldaan Ibraahim, anagu markasta waanu qabnay in
wax walba wada-hadal lagu dhameeyo, laakiin sida naloola soo xidhiidhay waxay
ahayd, si dadban oo ay dhaliyeen Maamulka Gobolku. Runtii, Inkasta oo aanay
wakhtigani ahayn kii munaasibka ku ahaa in la wada kulmo, haddana waxay noqon
lahaydba waxaa dhacday in Salaadiinta qaarkeed, la isku dayay in khasab lagu
kaxeeyo inta wakhti aan munaasib ahayn oo habeenimo ah gurigooda loogu tegay.
Markii taasi dhacday, waxay noqotay in ay keentay in uu Jawigiiba xumaaday.
Anaguna, sidii aanu horeba u caddaynay waxaanu
diyaar u nahay in aanu Madaxweynaha is aragno, Golaha Salaadiinta oo isu dhan
aanu Caasimadda ku kulano, oo la isla meel dhigo waxyaabaha la isku hayo,
laakiin diyaar uma nihin in aanu si gooni-gooni ah gobolada cid ugula kulano.
S: Ma waxaad leedahay, ma kulmi karaan Madaxweyne
Ku-xigeenka iyo Madax-dhaqameedyada Gobolku?
J: Maya; taa uma jeedo, laakiin waxaa jirtay
qadiyad guud oo u dhaxaysay Golaha Salaadiinta iyo Xukuumadda, kaas ayaanu
leenahay halaga wada-hadlo oo halaga horaysiiyo arrimahan gaarka ah ee ay
dalbanayaan. Arrimaha gaarka ah ee gobolkana, waxaanu diyaar u nahay in aanu
kala hadalno Maamulka Gobolka uga Masuulka ah Xukuumadda.
S: Waa kuma Suldaanka aad sheegaysaan ee gurigiisa
lagu weeraray?
J: Suldaan Baade Horta aniga Madaxweyne Ku-xigeen
iima iman, ilamana soo xidhiidhin, laakiin, waxaa goor habeen badh ah oo
Saacaddu tahay 11-habeenimo, gurigayga yimi ninka Maayarka ah ee ina Daheeye,
oo aanu naga dhexayn wax wada-hadal iyo wada-shaqayn ahi ilaa muddo Sideed
bilood ah, isaga oo uu la socdo nin Kornayl ah oo la yidhaahdo Maxamuud Axmed
Yabaal. Ninkaasi, dadkii guriga joogay rag iyo dumarba wuu iska soo jiidhay.
Way fool-xun tahay in Nin aanaan habeen iyo dharaar
midna wada hadli jirini, uu wakhtigaa gurigayga yimaado, isaga oo wata Ciidan
hubaysan.
S: Marka laga tago shakiga ka dhashay wada xidhiidh
laaantii hore ee adiga iyo Maayarka ma jirtaa caddaymo kale oo muujinaya in
lagu qabanayay?
J: Wax war ah kama helin, oo markii ay I waayeen,
dib ayay isaga noqdeen, kadibna wakhti ilaa kowdii habeenimo ah ayuu ila soo
hadlay oo igu yidhi; waa maxay Filimka aad nagu meteshay. Intaa ayuu hadal
noogu dhammaaday, mar dambena cidi ilama soo xidhiidhin, laakiin, waxaan
leeyahay arrintu may ahayn Madaxweynaa ku doonaya, balse waxay ahayd Shirqool.
Waayo, haddii Madaxweyne Ku-xigeenkii idoonayo ama uu soo diray warbuu igu soo
celin lahaa, isaguna sidii buu Hargeysa isaga tegay.
S: Haddaad tihiin Golihii Salaadiinta, Xukuumaddu
waxay marar badan idinku eedaysay in aad duminaysaan Qaranimada Somaliland,
arrintaa maxaad ka qabtaan?
J: Annagu Somaliland-diid ma nihin ee waxaanu nahay
kuwii dhisay, dadkii shanta bilood fadhiyay Iskuulka Sh. Cali Jawhar ee
dawladda ku dhisay ee intaa Culaysku dul saarnaa baanu nahay, ilaa haddana
sidii baanu u danaynaynaa Somaliland in ay hesho Maamul hagaagsan, nabadgelyo
suganta iyo cadaalad. Waxaanu doonaynaa in ay Somaliland hesho, dad aamin iyo
isku halayn leh.
Waxaanu raadinaynaa masuuliyadda na saaran in aanu
iska reebno, oo aanu xilka na-saaran sheegno, markastana aanu xaqa ku adino.
Sidaa darteed, anagu Somaliland waanu aaminsanahay, laakiin, waxaanu ka soo
horjeednaa cid kasta oo Maamulka ah, oo laga arko cadaalad xumo, horumar laaan
iyo cago-juglayn, taasina waa mid aanu ku adagnahay, cidna uga haybadaysan
mayno.
S: Suldaan Baade, adiga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku,
waxaad tihiin isku raas, Suldaana waad u tahay, markaa maxay tahay sababta aad
uga hortimi, maadaama aad haysataan Kursigii labaad ee dalka ugu sareeyay?
J: Horta aad baad u mahadsan tahay, laakiin waxaan
leeyahay xaqbaa la doonayaaye, xigto la dooni maayo. Xaqa dadweynaha in la
sugaa loo baahan yahay, waxaana cid walba u sheegayaa; waar xigto ma jirto ee
xaq baa jira.
S: Waxa jira Muran marar badan soo noqnoqda, oo la
moodo in aad idinka iyo Maamulka Gobolku aad kala jiidanaysaan talada,
arrimahaas maxaa keena?
J: Wallaahi ka Gobolka uun maahae, Maamulada
waxaanu u haysanaa in ay danaystayaal yihiin, oo aanay dadka waxba u qabanayn.
Laakiin, ka ummadda wax u qabanaya anaguna waanu ku taageeraynaa, shacbiguna wuu
ku taageerayaa. Kaanu ka soo horjeednaa waa ka leh; Qaado Shillinka waxna ha u
qaban.
S: Waxa jira dhibaato dhextaal laba reer oo ka mid
ah Deegaanka Boorama, taas oo sida la sheegay adna aad ka mid ahayd guddidii ku
kala dhex jirtay, markaa miyaad ka baxdeen dhexdhexaadinta, mise waa lagaa
saaray?
J: annaga oo magaalada joogna ayaanu maqalay
Sanqadha rasaasta, dabadeed gurmad baanu galay oo waxaanu is-raacnay Ciidan
isugu jira Milateri iyo Bilays, waxa kale oo gurmadkaa tegey Maamulka Gobolka
iyo Degmada ee Xukuumadda. Arrintii anagaa qaboojinay oo kala kaxaynay
Ciidamadii dagaalku ka dhex qarxay, intii markaa dhacday oo ahayd qof dhimasho
ah iyo mid dhaawac ah mooyee, dabkii waanu qaboojinay. Waxaa nasiib darro ah,
in Maayarka iyo Badhasaabka magaalada ay ka dhegga adaygeen, qaylo-dhaantii
lagu soo celcelinayay muddo Saddex maalmood ah oo ka horaysay, intii aan
shilkani dhicin, markii dambena iyaga ayaa noo diiday in aan hawshii sii wadno,
iyagaana u magacaabay cidii ay doonayeen, wixii ceeb ka yimaadaana iyaga ayaa
ka masuul ah.
Golaha Wakiiladda oo
Gudagalay Doodda Miisaaniyadda Sannadka 2002
H |
argeysa (Haatuf): Guddiga dhaqaalaha u qaabilsan
Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa Golaha uga waramay qorshaha ku talo-galka ay
ee ya ku fadhido Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2002.
Guddiga dhaqaalaha Wakiiladda oo muddo ku hawlanaa
u dhabo-galka Miisaaniyadda Cusub, ayaa Warbixintooda ku sheegay in Miisaaniyaddan
lagu sarjaray tii sannadkii hore ee 2001, sidaa darteedna aanay ku jirin wax
kharash oo loogu tala-galay Mashaariic horumarineed, balse ay ku kooban tahay
Mushahaar, guno shaqaale, shidaal, raashin iyo wixii la mid ah. Guddidu, waxay
qorshahan cusub ee miisaaniyaddan ku tilmaantay mid ku salaysan, dakhli ururina
iyo xoojinta waaxda xisaabaadka guud ee dalka, taas oo ay sheegeen in looga dan
leeyahay si aanay u dhicin hanti lunsi ku yimaadda dhaqaalaha.
Guddoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha
Wakiiladda, Md Siciid Cilmi Rooble, oo Warbixin dheer ka akhriyay fadhigii
shalay ee aqalka Wakiiladda ayaa sheegay in ay kulamo kala duwan la yeesheen
dhammaanba dhinacyada kala duwan ee ay khusayso Miisaaniyadda cusubi ee 2002.
Md Rooble, wuxuu tilmaamo ka bixiyay dhaliilo xoog leh oo ka muuqda shaxda
Miisaaniyadda iyo qaabka dakhli ururinta oo uu ku sheegay mid kala daadsan oo
ku kala xeroota meelo kala duwan.
Miisaaniyadda sannadkani waxay la kulantay, iyada
oo ay xidhan yihiin dhoofkii xoolaha ee laf-dhabarta u ahaa dhaqaalaha dalka,
sidaa darteed kama jiraan kharasha loogu tala-galay mashaariic horumarineed,
waxayna ku kooban tahay, mushahaar, guno, shidaal iyo raashin, ayay tidhi
Warbixintii.
Warbixinta guddidu, waxay kaloo sheegtay in
dakhliga loo cayimay inuu ka soo xerooda Kastamadu uu yahay, Shan iyo
Toddobaatan (75) Bilyan oo Shillinka Somaliland, halka dakhliga ka soo
xeroonaya cashuuraha beriguna uu yahay Sagaal Bilyan oo keliya.
Warbixinta Guddidu, waxay dhaliishay Cashuuraha ay
Wasaaraddu ka qaado Shirkadaha Isgaadhsiinta oo ay ku tilmaantay in ay ka
hoosayso heerkii loo baahnaa in la gaadhsiiyo. Inkasta oo ay Cashuuraha gudaha
uu ka muuqdo korodh dhan 780 Milyan Sh.Sl, misna guddidu waxay xustay in
cashuurahaasi ay intaa ka badan lahaayeen,
haddii Wasaaradda Maaliyaddu ku dedaasho. Metelan, Cashuurta Isgaadhsiintu
sannadkii hore ee 2001m waxay ahayd 107 Milyan oo keliya, halka ay sannadkan
kor ugu kacday 210 (laba boqol iyo Toban) milyan.
Cashuuraha Macaashul-macaashka ganacsigu, sannadkii
hore wuxuu ahaa 205 Milyan, sannadkana waxaa la gaadhsiiyay 570 Milyan.
Cashuurta kirada Bakhaarada iyo Kaalmaha Shidaalka, waxay sannadkii hore 2001
ahayd 205 Milyan, sannadkana 2002-na waa 510 Milyan, ayay guddidu ku sheegtay
Warbixinteeda.
Guddoomiyahaa Guddida dhaqaaluhu, wuxuu
Warbixintiisa ku cadeeyay in Shirkadaha Isgaadhsiinta uu ku baaqday dakhli
lacageed oo gaadhaya Afar boqol iyo toddoba iyo sagaashan (497) Milyan
sannadihii 1999. Halka ay ganacsatada qaarkood u ku maqan yahay dakhli gaadhaya
8-9 Bilyan oo Shillinka Somaliland ah.
Warbixinta guddida, waxa kaloo lagu sheegay in ay
meesha ka maqan tahay, lacagta Cashuurta ah ee laga qaado shaqaalaha Rayidka
ah, taasna ay sabab u tahay Xafiiskii shaqada iyo shaqaalaha oo aan shaqayn,
lana dhaqan gelin.
Qodobka labaad ee guddidu xoogga saartay, ayaa ah
xoojinta Xafiiska iyo Xisaabaadka Guud ee Qaranka, waxayna talo ahaan ku soo
jeediyeen in wax laga bedelo Shuruucda ay dawladda dhexe ku shaqayso, si loo
xoojiyo ururinta dhaqaalaha dalka, in la dejiyo nidaam habaysan oo midaysan, in
kastamo la geeyo degmooyinka ku yaal xuduudaha dakhligu ka soo gelaya.
Daraasad dheer kadib guddida dhaqaaluhu, wuxuu soo
bandhignay in dhibaato ka jirto hayadaha Madaxabannaan, oo aan xisaabtoodu
marin Wasaaradda Maaliyadda, hase yeeshee iyagu si toos ah u hoos taga
Madaxtooyadda. Hayadahaas oo kala ah; Baanka, Madbacadda Qaranka, Hayadda
Wadooyinka, Wakaaladda Biyaha, Dekedda, Hayadda Shaqaalaha, Hudheelka Hargeysa
Club. Dhammaan hayadahaasi ma jiraan wax shuruuc ha oo Golaha Sharci dejinta
u ansixiyay ama looba soo gudbiyay. Wasaaradda Maaliyadda oo xakamayn lahaydna,
waxay odhanaysaa way naga Madaxbannaan yihiin. Hayadaha lagama hayo nidaam
xisaabeed iyo hannaan xalaal ah oo ay ku shaqeeyaan, ayay tidhi Warbixinta
guddidu.
Warbixinta guddidu, waxa kale oo ay caddaysay in
aanay jirin cid daba-gasha oo diiwaan gelisa hantida Wasaaraduhu ku
isticmaalaan Kharashka ay galaan.
Xildhibaan Maxamed Warsame Jiir oo la taliye u ha
guddida dhaqaalaha Golaha oo isna Warbixinta halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay
in ay kala daadsanaan badani ka muuqato, ururinta kharashka iyo in kharashkii
loogu tala-galay Gobolada iyo Degmooyinka aanay gaadhin isu-duwayaashii
Wasaaradaha, balse ay Hargeysa ku haysataan Wasiiro, taasina ay keentay
fiditaan laaanta Maamulka dalka.
Sannad walba waxaad Miisaaniyadda ku aragtaan iib
qalab Xafiis, Wasaarad waliba way soo qorataa, miyaanay Xafiisyadu buuxsamayn.
Waxaanu nidhi, waa in la sameeyo cid kaantaroosha. Waa in la sameeyo Bakhaaro
lagu kaydiyo. Waxa kale oo sannad walba la iibiyaa baabuur. Waxaa jira dhawr
iyo afartan degmo, oo mid kasta loo iibiyo gaadhi, qiimihiisu yahay Toban Kun
oo Doollar. Waxaa dheer baabuurta Wasaaradaha, kuwa Wasiiradda, kuwa
Agaasimayaasha Guud, iyo Agaasimayaasha Waaxyaha. Lacagta Baabuurta gashay ugu
yaraan waxay noqonaysaa 1-5 Milyan oo Doollar, haddana baabuurtaasi cidina ma
diiwaan-gelin, cidna uma tirsana, ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Warsame.
Warbixinta kadib, guddidu waxay soo jeediyeen
talooyin ka kooban 17 Qodob oo la xidhiidha, habka ugu wanaagsan ee loo
dheeli-tiri karayo ilaalinta dakhliga dawladda.
Miisaaniyadda cusub ee sannadka 2002, waxa la
filayaa in dhawaan goluhu ka dooddaan wax ka bedelkeeda, kadibna ay ansixiyaan.
B |
urco (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi
Cumar Cige, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Badhasaabka
cusub ee Gobolka Togdheer iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, Maxamed Aadan
Dheri oo dhawaan iska casilay Jagadaas.
Wasiirka Daakhiliga C/Laahi Cadde, hadal uu ka
jeediyay Xafladii Xil-wareejinta, wuxuu ka sheegay in aanay wada-shaqayn ka
dhexayn Gudoomiyaha Xilka wareejiyay Maxamuud Aadan Dheri iyo Maayarkii hore ee
Burco Muuse Cabdi ,waxaanu xusay in taasi caqabad ku noqotay shaqadii Qaranka.
Wasiirku isagoo si gaar ah ula hadlaya, Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer
iyo Maayar Cusub ee loo magacaabay magaalada Burco, wuxuu yidhi; Imika
Badhasaabka cusub, Maayarka cusub, Taliyaha Qaybta Booliska, waa in Guddigiinaa
nabadgelyaddu aad ka midaysnaataan hawsha Qaranka, oo tallo isugu timaadaan.
Iska ilaaliya tafaraaruq, aniguna qodobkaasaan idinku koontaroolayaa, haddaad
idinku gudihiina is-haysataan, cidna waxba ma tari kartaan. Wasiirka arrimaha
Guduhu, wuxuu intaa raaciyay oo uu ballan qaaday in shaqaalaha Gobolka ay
dhakhso u heli doonaan, mushahaarooyinkii oo in muddo ah aanay qaadan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hor, waxaa Xafladdaa ka
hadlay Badhasaabkii hore Maxamuud Aadan Dheri, waxaanu halkaa ka sheegay in
shaqaalaha Xafiiska Gobolku aanu qaadan wax mushahaaro ah, muddo saddex bilood
ah. Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale aanay Mushahaaro qaadanin 106-Caaqil oo
Gobolka Togdheer ahi. In badan baan idinku soo qaylinay oonu ka hadalay
dayntaa, markaa iyadoo sidaa isu saaran baan aniguna ku wareejinayaa Cali Cabdi
Hurre, ayuu yidhi Maxamuud Aadan Dheri. Waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi;
Saddex Nin oo habeen gudaya ayaa Abeeso isu dhiibay, iyagoo geel doonaya oo
habeenimo gudaya. Laba markay qaniintay, ayaa kii saddexaad yidhi; waar igala
taga. Markaa kolay anigu Cali baan ku wareejiyay, Cali-na Wasiirka Arrimaha
Gudaha ayuu ku wareejin doonaa. Hadalkaa Maxamuud Aadan Dheri, kadib waxaa
isna halkaa erayo kooban oo mahad celin ah ka jeediyay Guddoomiyaha cusub ee
xilka la wareegay Cali Cabdi Hurre.
Xafladdii Xil-wareejintaa, waxa kale oo khudbado ka
jeediyay Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, Wasiirka Gaashaandhigga
Axmed Cali, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.
..
Sidee looga
dhabaynayaa La-dagaalanka Mukhaadaraadka?
Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal,
wuxuu shalay qalinka ku duugay oo uu ogolaaday dhaqan-gelintiisa Xeer lagula
dagaalamayo Mukhaadaraadka, ka ganacsigiisa, samayntiisa, isticmaalkiisa
haysashadiisa iyo gelintiisaba. Xeerkan oo ka kooban lix qodob, waxaa markii u
horaysay soo curiyay Aqalka Odayaasha, kadibna waxa soo diyaariyay Golaha
Wakiiladda.
Haddaba, iyadoo Xeer noocan ahi uu yahay mid baahi
weyn loo qabo, marka la eego sida baan ee Mukhaadaraadku ugu batay dalka iyo
dhibaatooyinka dhaqan-xumadda ah ee uu dhaxal siiyay qaybo badan oo bulshada ka
mid ah, haddana waxaa in lays weydiiyo mudan, sidee buu Xeerkani u noqon karaa
mid wax ka tara xakamaynta aafaddaa?
Jawaabta suaashani rasmi ahaan, waa mid u baahan
fallanqayn iyo rog-rogis badan si loo helo talooyin dhaxal-gal ah oo dhaqaajiya xeerkan, si uu u noqdo mid
awoodiisu fusho, sababtoo ah way fududahay in xeer Qaran la soo saaro, balse
waxaa dhib badan sida uu u tamariyo. Haddaba, si aanu xaalku ugu ekaanin hadal
af laga yidhi oo qaran, waxaa muhiim ah in xeerkani marka hore ka dhex shaqeeyo
Golayaasha dawladda. Waayo, waxaa badan Masuuliyiin Golayaasha ka tirsan oo loo
aaneeyo isticmaalka Mukhaadaraadka, gaar ahaan Khamriga, kuwaas oo qaarkood
aanay iska qarin indhaha dadka.
Haddii taasi suuro-gasho, waxay u dhowdahay in uu
Xeerkani 99%, sidiisa u fullo, haddiise taa la waayo, wuxuu mari doonnaa
wadadii ay ku dambeeyeen xeerar badan oo hore oo sidaas oo kale u qoraa, balse
aan shaqaynin, kuwaas oo haddii cid lagu fuliyana qabta uun bulshada inta
awooda lahayn.
Sidaa aawadeed, bal waxaynu eegi doonaa hadba sida
loo dabaqo xeerkan, shalay Madaxweynuhu Qalinka ku duugay.
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Mudane Maxaa
kaa Lilaahiya ?
W |
axaan maqaaladan kaga
hadlayaa shirkii jaraaid ee uu qabtay Muadane A/qaadir Jirde ee uu xaalada
dalka kaga hadlayay Jimce 01/03/2002 ee
ku soo baxay cadadkaasi Wargayska Haatuf. Murti baa tidhaahda Ciyi waa ka baryey, ninkii cuney baa ka
liita.
Golaha Wakiiladda ee aad k/s
gudoomiyaha & gudoomiye ku xigeenka1aad ka tahay sharci dejinta oo ay ahayd
inuu dhamaystirto sharciyada qabyada ah ilaaliyana qodobada tirada badan ee
dastuurka ee Xukuumadu jabisay. Adigoo golaha xubin muhim ah ka ah haddana
hadimada sharci daro ee dalkaa maanta haysata
si weyn ayaad uga qayb qaadatay.
Haddana shirkaagii jaraaid
waxaad wel-wel ka muujisay sidii loo heli lahaa doorashooyin xalaala (FREE
& FAIR ELECTION) oo ay wer-wer ka
qabaan ururada mucaradku.
Mudane, murti baa tiraa TALADAAN LA RUUGIN WAA
LAGU RAFADAA
Mar hore oo aan maanta ahayn
ayaa ka hadalkeeda iyo wax ka qabadkeeduba kuu banaanaa; Waxay Ummadu kuu
ogtahay sidii dadaalka lahayd ee aad ugu guntatay hirgelinta aftidii dastuurka. Balse, hadalkaagii shirka jaraaid suaasha ka taagan ee is weydiinteeda leh
ayaa ah maxay ka tahay Mudanaha weedhahan quruxda badan ee ka soo yeedhay?
Waxaaan qabaa inaad soo bandhigayso ciyaar siyaasadeed aan ka duwanayn tii
Guurtidu soo bandhigtay ee dadka lagu khaldayey, iyadoo ragga ugu cadcad golaha
guurtidu laftoodu ay isku maan-dhaafsanaayeen dhex-dhexaadnimadooda, balse
wakhtigaa shirgudoonka guurtidu muujiyey arrin maanka dad badan u soo leexisay
xaqsoorka ay isku soo dabaaleen guurtidu inuu yahay mid sax ah.
Haddaba, waxaan ku xusuusinayaa in ciyaarta noocaas
ah la fahamay waxa ka dambeeya. Waxa la
jebiyey qodobo badan oo dastuuriya wax aad ka qabatayna ma jiraan ujeedada
salka u ah hadalkaaganna waxaynu u dhaafaynaa taariikhda.
Waxa cad in aad soo wadato waxaan ka fogayn fulinta
damaca Madaxweynaha. Waayo, waa wadadii wadaadka ayaad haysaa, waxa tusaale
inoogu filan codsigii Madaxweynaha ee Muuse Xisbi in duuduub lagu ansixiyo
iyadoo Mudane, golahiinu horey u diiday ayaan haddana codsigii Madaxweynaha ku
ansixiseen cod aqlabiyad ah. Miyaanay ahayn marag cad in sharci iyo sharci
daraba aad fulinaysaan wixii Odaygu idiin yeedhiyo? Mar uun bay kala cadaan
doontaa goobta ay isugu biyo shubato mashruucan cusub ee ciyaareed ee aaad soo
bandhigtay. Taarikhda iyo wakhtigeedana waan u daynayaa.
Waxaanad maanka ku haysaa in Golaha aad ka tirsan
tahay masuuliyadeeda leeyahay wixii dhibaato
yimaado ee ay sababeen sharciga la garab maray ee ilaalinteeda idinku
aad lahaydeen.
Waxaan ku
soo gunaanadayaa su,aasha ah mudane
A/qaadir ma aaminsatahay in xukuumadu jabisay qodobo badan oo dastuuriya,?
Haday haa tahay maxaad maanta iyo mar horaba uga hadli weydey. Maxaase kaa
lillaahiya haatan ?
C/Kariim Cabdillaahi
(Finiin), Hargeysa
.
Cuqaasha
Somaliland maxaa kala fadilay?
W |
axa jira caaqilada Somaliland in ay qaar qortay
dawladii Ingiriisku qaarna ay soo doorteen dadkoodii muddadii wadanka aynu dib
u xoraynay, kuwaas oo oo kaalin mug leh ka soo qaatay nabadayntii iyo dhisidii
dawladnimo iyo ilaa xorayntii dalkaba. Islamarkaana ay aqbashay Wasaaradda
arrimaha guduhu iyo Xukuumadduba, islamarkaana ay haystaanaqoonsi iyo qoraal ay
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo suldaanada beelahooduba siiyeen.
Sidaas darteed, waxa la-yaab leh in Xukuumadda
maanta jirtaa oo ah tii aqoonsatay caaqilada, isla markaana ay kala shaqeeyeen
hawlaha dhinaca nabadgelyada iyo dhismaha dalka iyo nabad ku wada noolaanshaha
taas oo aanay jirin waxay ku kala duwanyihiin labada caaqil.
Haddaba, markii dawladnimadu ay taabo gashay cuqaashani waxay dhaxleen:
1.
Mushahaaro
laaan ilaa intii wadanka la soo galay.
2.
Cadaadis
la yidhaahdo Wasaaraddaha dawladdu siiba kuwa ay wada shaqayntu ka dhaxayso,
sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ma waxaad tihiin kuwii Ingiriiska mise kuwiii
dambe, taas oon meesha leekayn.
3. Iyada oo sannad walba la yidhaahdo ka danbe ayaa la idinku darayaa, markaa qaarna la yidhaahdo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa idiin diiday. Sidaas darteed, waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa in arrimahaas aanu kor ku soo xusnay wax laga qabto, si aan u helno xuquuqdayadii sida ka Ingiriisku qoray uu lacagta u qaato anagoo dhib wada qabna, dheefna aan wada qabin.
4.
Baaqaas,
waxa soo saaray 26 caaqil oo ka tirsan Gobolka Hargeysa liiska magacyada
cuqaasha oo ku lifaaqnaa warqadda, waa kan:
26. Cabdi Yuusuf Cilmi
..
Jidkee loo Maarayn
karaa Khilaafka Siyaasiga ah. Maxaana Keenay?
M |
aaha arrin ugub ah in ismaandhaaf ka dhex aloosmo shakhsiyaad, bulsho ama dawladba, iyagoo dareemaya in ay kala leeyihiin danno iska hor imanaya, ama aan is-waafiqin danahaasi oo qolo waliba ama qof waliba doonayo in aanay lumin. Danahaasi oo noqon kara, kuwo muuqda, khiyaamo ama isir, marka loo maro wado khaldan. Inktastoo is-qabsigu la xidhiidho qodobadaasi aan kor ku soo sheegnay, ayaan waxaan yara iftiiminayaa is-qabsiga keenay iyo sida lagaga gudbi karo. Xaaladan ayaa waxaa keenay Wakiiladda la raaciyay danta ummadda oo mugdi ka gashay, hawshii loo soo dirtay ee bulshadu ka sugaysay, isla markaana ansixintii dastuurka ayaa abuuray muran qodobo qabyo ah oo ku jira awgeed.
Mar kale ayaa qodobadii loo adeegsaday sifo aan
sharci ahayn, waayo, xaaladda qodobka la cuskaday ma ahayn mid taagnayd. Markaa
arrimahan dawladdu, waxay u aragtay xalka qudha ee lagaga gudbi karo dayaca ka
muuqday hawlaha doorashada ee ay kaga gaadhsiin wayday muddadii loo cayimay
Xukuumadda, sidaas darteed Wakiiladdu waxay u muuqdeen qaar hagraday shacabka,
kana seexday sax iyo cadaalad u maamulida danta caamka ah ee dalka, si fiicana
waxa looga wada dheregsan yahay hawl gudashadooda iyo goaan qaadashadooda in
ay xor u yihiin.
Haddaba, muddadan la siyaadiyay waxay soo
kordhisay, hanjabaado badan oo la xidhiidha in Xukuumadda wakhtigeedii
dhammaaday, xaaraanina xalaaloobi karin marnaba. Haddaba, si wax looga qabto
khilaafkan waxaa lagama maarmaan ah in la wado kasbado faham guud oo ku saabsan
amuurahan iyo maarayntooda. Marka hore waa in la gartaa, waxa laga hadlayaa
inuu yahay dalka, dadka iyo dhacdooyinka. Waayo, cidda dhibtu asiibaysaa waa
dadka, si tan looga dheeraadona waa in tanaasulaad labada dhinac isu sameeyaan
oo la wada hadlo, waayo aan wada-hadalno waa aan heshiino.
Ragga iskood isku xilsaarayna laga daayaa
af-lagaadada laga af-lagaadaynayo Saxaafadda, mana aha in khilaaf shakhsiyaad
ay ka dhigaan mid Siyaasi ah. Si aan uga gudubno dhacdadan taagan, waa in
labada dhinac ee Muxaafidka iyo Mucaaridkuba, debecsanaan muujiyaan.
Mucaaridku waa in uu sannadkan sida khaldan
guurtidu ugula dul kuftay ina Cigaal ay u haneeyaan, si xeegana xeego u
noqoto, ilkana u nabad galaan. Xukuumadda mudane Cigaalla, waxaan u soo
jeedinayaa in ay dastuurka dib u hagaajin ku samayso oo ka saarto, qodobada cid
si gaarra ugu danaynaya, doorasho xalaallana loo galo, marka muddadani
dhammaato inta ka horeysa, si wada jira loo diyaariyo dhammaan hawlaha qabyada
ah.
2. Waa in aad Madaxbanaysaa guddida doorashooyinka,
habkan iminkana dib loogu noqdaa. Waayo, helida amuurtani waa habka keliya ee
ay ila tahay in lagu qaban karo doorasho xor ah. Haddii kale sidan doorasho ku
dhacdaa, waxay la mid tahay toori berkad ku qodid ama wax aan inoo suurto-gelin
hadhow marka la gaadho, kadib taladayda haddii ay u muuqato wax lagaga badbaadi
karo, dhibay aabo u tahay macangagnimo, sidii horumar ay u keentaa ay adkaan
doonto.
Shacabku, tirada ha ku darsadaan inta ay ka heli karaan
golayaasha, haddii ay u codeeyaan Afti si midna loo sugo waa in Baarlamaanka
lagu guraa dadkii dhiigoodii iyo dheecaankoodii dalka ku waraabiyay
wadaninimaduna biyo dhigtay oo wax walba ka horaysiinaya danta guud, mar
walbana u doodda sidii mushahaarka loogu kordhin lahaa askarta, shaqaalaha iyo
macalimiinta oo aan ugu horaysiin tooda gaar ahaaneed, sida dhacda marka
miisaaniyadda la ansaxinayo. Dalku xagga Golayaasha ayuu ka dumay.
C/Laahi Cali Xasan (John),
Hargeysa
..
S |
i loo ilaaliyo deegaanka, waxaa qayb muhiima ka ah
ilaalinta ciidda ay ka baxaan dhirta dabiiciga ah iyo kuwa aynu beerano, sida
raashinka, doogga iyo geedaha ay quutaan xooluhu ee aan ka helno cuntada
daruuriga ah, sida: Hilibka, Caanaha, Subagga iyo Haragga. Intaa waxa u dheer
iyadoo gaadiid ahaan loo isticmaalo, xoolaha qaar ama qayb weyn oo ay ka
qaataan hawlaha qodaalka beeraha, qaabka loo dhaqaaleeyo ciidda iyo kan biyaha,
waxaa ka dhexeeya xidhiidh.
Ciidda, waxaa laga dhaqaaleeyaa nabaad-guurka uu
keeno biyaha roobka ee socda, inta qulqulaysa ee aanay ciiddu awoodin in ay
kaydsato, socodkaas oo qaadda labeenta sare ee ciidda oo muhiim u ah dalagyada
la beerto iyo dhirta dabiiciga ahba.
Saameynta uu yeelan karo nabaad-guurka biyuhu
sababaan, ama loo yaqaan Jeexjeexyada, laagaha ama dooxyada, waxay u kala duwan
yihiin kolba qaabka loo beero dhulkaas, qaabka uu dhulku dabeeciyan u samaysan
yahay, iyo kolba farsamada la isticmaalo, si looga hortago, loo yareeyo
nabaad-guurka carrada ee ay biyuhu keenaan. Waxaa muhiima in la kordhiyo awooda
biyo isticmaalka carradaas, si loo yareeyo biyaha dul cararaya ee keenaya
nabaad-guurka.
Dhinaca kale, biyaha dheeraadka ah waxaa loo
saamayn karaa jaho duwis, inta aanay soo gaadhin dhulka uu nabaad-guurku
saameeyay. Waxaa kale oo la isticmaali karaa Moosas hakiya oo keena fursad ay
biyaha ciiddu ku qabsato ama yareeya xawliga uu ku qaadayo ciidda waxtarka leh.
Waxa iyana la isticmaalaa Qotimo la gudbay, si ay biyahana u sii daayaan
ciiddana uga reebaan. Waxaa iyana la isticmaali karaa jaranjarooyin dhagaxyo la
habeeyay ah oo nasiya biyaha.
Nabaad-guurka ay dabeyshu sababto, isagu wuxuu
dhacaa marka ay carradu qallalan tahay ee aanay rays lahayn, marka waxaa loo
baahan yahay in ay beertu ris leedahay iyo raysba, si looga badbaado. Inta
badan Keymaha dhiraysan iyo dhulka leh bur-cawseedka, kama dhaco nabaad-guurku,
hase yeeshee marka dhulka laga jaro dhirtii ku taalay sababo badan awgeed,
sida: iyadoo laga dhigayo beer oodan, ama la dhuxuleysto ama loo goosto qoryaha
dergedaha lagu dhiso, ayuu nabaad-guurku saameeyaa.
Beerta rista leh iyo beerta bannaan, marka uu
roobku ku wada dao, si kala duwan ayuu u saamaynayaa beerta bannaan ee
ciideeda aanay waxba ku daboolnayn; doog, caws, dhir gaagaaban ama dhir
dhaadheer. Dhibicda roobku, waxay kala furtaa isku dhiskii ciidda oo ay
biyahaasi qaadaan, ciidda oo si xad dhaafa loo beero ama xoolaha oo si xun u
daaqa, ayaa iyana dhiiri-gelisa nabaad-guurka ay biyuhu sababaan.
Nabaad-guurka ciidda ee ay biyuhu keenaan, wuxuu
maraa heerar kala duwan, sida wadiiqooyin yaryar, jeexjeexyo, qowraaro, dooxyo
waaweyn oo intaasiba meesha ka saara dhul lahaa ciid ay ka bixi jirtay dhir iyo
midho faaiido u leh dadka iyo xoolahaba.
Samaynta nooca carradu ay ku leedahay Carro-guurka
Nooca
ciidda ayaa arrin muhiima ah ama caawin karta nabaad-guurka ama adkaysi u
yeelan karta, sida carrada madow ee hore loogu sameeyay nafaqada dabiiciga ah,
waa mid u adkaysan karta nabaad-guurka biyaha, carrada marka horeba furfuran ee
u dhow bataaxa ee ay kku yeelatay nafaqada dibiiciga ah, waa mid u fudud
nabaad-guurka.
Nooca carro madowda ee aan lahayn nafaqeyn
furfurta, si biyuhu u galaan iyana way u nugushahay carro-guurka.
Haddaba, nafaqada dabiiciga ahi ma aha mid beerta
looga keenayo meel kale ee waxa weeyi, caleemaha, laamaha, jiridaha geedaha ka
baxay, ciidda oo dib ciidda beerta loogu carro rogo ama god yar nooca Compost
loo yaqaano oo loo diyaariyo beertana dib loogu daadiyo, ayaa leh faaiidada
aan soo xusnay.
Guud ahaan nafaqada ciidda oo hoos u dhacda, ayaa
ka mid ah sababaha keena nabaad-guurka ciidda. Haddaba, si looga hortago
carro-guurka, waxaa loo baahan yahay in dhulka loo naqshadeeyo la isuna raaciyo
qaabka uu isu raacayo, qayb walbana loo isticmaalo ujeeddada ku haboon sida;
beero, daaqsin iyo dhir waaweyn. Qayb walba dhulkaas ah waa in laga hirgaliyaa
shaqooyin ka farsameed ee dhulka ka dawaynaya nabaad-guurka hore ugu dhacay ama
ka hortagaya nabaad-guurka soo socda.
Tan saddexaad, qayb walba oo dhulka ka mid ah waa
in lagu isticmaala qaab beereedka ku haboon ee aan keenayn nabaad-guur.