SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 52-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf Tirisga 52, Jimce, March 22, 2002
Madaxweyne
Cigaal iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Socdaal Rasmiya ku Tegay Itoobiya
H |
argeysa (Haatuf): Madaxweynaha
Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa shalay
socdaal rasmi ah ku tegay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaanay
Madaarka Hargeysa ka raaceen diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee
Itoobiya, taas oo uu u soo diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Meles Zenawi.
Socdaalka Madaxweynaha iyo Weftigiisu ku tageen
dalka Itoobiya, lagama soo saarin warar faahfaahsan oo la xidhiidha dulucda
safarkaa, hase yeeshee Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, War-saxaafadeed
uu soo saaray, wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Cigaal uu Marti-qaad rasmiya ka helay
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Meles Zenawi, isla markaana uu u soo diray
diyaaradda qaaday. Madaxweyne Cigaal, waxa socdaalkiisaa ku weheliyay Wasiirka
Arrimaha Dibadda Maxamed Siciid Gees, Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf
Ducaale, Gudoomiyaha Baanka C/raxmaan Ducaale iyo Xoghayaha Madaxtooyadda.
Ka hor intii aanu diyaaradda raacina, wuxuu
Madaxweyne Cigaal salaan sharaf kaga qaatay Madaarka, Cutubyo Ciidanka Qaranka
ka tirsan. “Waar dalka ka war-haya oo ogaada.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha
mar uu salaan gacan-qaad ah mid mid ugu fidiyay qaar ka tirsan Saraakiisha
Ciidanka Qaranka oo saf u taagnaa, si ay u sii sagootiyaan. Waxa kale oo halkaa
ku sii sagootiyay Weftiga, xubnaha golayaasha dawladda iyo dad kale oo Shacbiga
ka tirsan. “Farriin baan idiin soo diray, laakiin waa isu soo noqonaynaa oo waa
isu imanaynaa.” Sidaa wuxuu Mr. Cigaal ku yidhi, xubno ka mid ah Wefti ka socda
Jaaliyadda dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaas oo u
yimi dalka ka qayb-qaadashada xalinta khilaafaadka Siyaasadeed ee marxalladan,
kana mid ahaa xubnihii shalay sii sagootiska weftigaa u tegay Madaarka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ka
duulay Madaarka Hargeysa waxyar ka hor Salaadii duhurnimo, markii ay gaadheen
magaalada Addis Ababa, waxaa la dejiyay Hotelka Hilton, halkaas oo la sii
sudhay Calanka Somaliland, ka hor intii aanay gaadhin Cigaal iyo Weftigiisu.
Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaalada Addis Ababa, Cigaal iyo
Weftigiisu waxaa la filayaa in ay joogaan halkaas muddo dhawr maalmood ah.
Warku wuxuu intaa ku daray, in arrimaha ay ka wada-hadlayaan labada dhinac ay
ka mid yihiin qodobo ku saabsan Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu
wado inuu ka dhaco magaalada Nayroobi iyo arrimo kale oo ku lug leh xidhiidhka labada
dal.
Somaliland iyo Itoobiya, waxaa ka dhexeeya xidhiidh
aad u weyn oo sokeeye, kaas oo isugu jira dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga,
Sirdoonka iyo qaybo kale oo badan, dawladda Itoobiyaha waxay magaalada Hargeysa
ku leedahay, Xafiis ganacsi iyo mid arrimaha nabadgelyada ah.
Dhinaca kale, waxaa lagu daray barnaamijyadda ay
baahiso Idaacadda Raadiyow Hargeysa, barnaamij ku baxaya luqadda Afka Amxaariga
ee lagaga hadlo dalka Itoobiya. Baahintii ugu horaysay ee barnaamijkan afka
amxaariga ku baxayana, waxay idaacaddu sii daysay maalintii shalay. Siduu
sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafintu,
barnaamijkan cusub oo qayb ka noqonaya, barnaamijyada afafka qalad ku baxa ee
Raadiyow Hargeysa, wuxuu socon doonaa muddo 15 daqiiqo ah maalin walba.
Afhayeenku, wuxuu War-saxaafadeedkiisaa ku sheegay
in sababta barnaamijka amxaariga ah loogu daray baahinta idaacaddu ay tahay mid
la xidhiidha oo ka turjumaysa, xidhiidhka derisnimo ee u dhexeeya labada dal ee
Somaliland iyo Itoobiya ayuu yidhi Afhayeenka War-saxaafadeedka soo saaray oo
lagu magacaabo Maxamed Siciid Muxumed oo ah Agaasimaha Waaxda Idaacadda ee
Wasaaradda Warfaafinta.
Jaamacadda Camuud:
waxay Cid Walba ku Dhaaftay Kartida Maamulka Hogaamiya
Warbixin – Saleebaan I Guray
S |
ideed iyo Konton bilood kadib, ayay Jaamacadda
Camuud u muuqataa mid midha-dhal ah oo dhawaan la manaafacaadsan doono, marka
la gaadho xilliga gu’ga ee soo socda markaas oo ay ka qalin-jebinayaan afar iyo
soddon (34) arday oo ka mid ah (60) lixdan arday oo lagu bilaabay furitaankii
Jaamacada ee badhtamihii 1997.
26 ka mid ah ardaydu, waxay dhammaysanayaan kuliyadda maaraynta iyo Maamulka, sideed ardayna waxay ka faraxalanayaan Kuliyadda Waxbarashada.
Dhalinyarada dhammaysatay Waxbarashada Jaamacadda
Camuud ka sokow, Sumcadda ay u leeyihiin Somaliland, waxay waxtar weyn u yihiin
Jaamacadda oo ay ka daboolayaan kaalin mug leh, kadib marka sida la filayo qaar
ka mid ahi ay kal-kaaliyayaal ka noqdaan tacliinta Jaamacadda, halka qaar
kalena lagu wado in ay waxbarashadoodii sii wataan oo ay koorasyo dheeraad ah
ka helaan Wadamada debedda.
320 arday, ayaa wax ka barta Jaamacadda, kuwaas oo
u kala qaybsama saddex kuliyadood oo kala ah; Waxbarashada, Caafimaadka iyo
Maamulka iyo Maaraynta, waxa kale oo Jaamacadda si aan joogto ahayn (part-time)
wax uga barata 40 arday oo kale.
Jaamacadda Camuud, waxay ku shaqaysaa qaab iskaashi
iyo wada-tashi ah oo leh dalaayad guud, guddi-fulineed, Guddoomiye iyo
guddoomiye xigeeno isku xidhan oo kala ah sidan:
- Gole sare oo isugu jira odayaal iyo aqoonyahano
uu hormood u yahay Xaaji Jaamac Maxamed. Guddi-fulineed oo toddoba xubnood ka
kooban oo ah rag profosooro ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda oo ah prof. Saleebaan Axmed
Guuleed;
Laba guddoomiye ku-xigeen oo kala qaabilsan qaybaha
waxbarashada iyo maamulka Jaamacadda Camuud.
Hormoodka Jaamacadda, macalimiinta (Professers).
Guddoomiyaha Jaamacaddu, wuxuu ku yimaadaa hab
doorasho ah, muddada uu xilka haynayaana waa laba sannadood oo marka ay ka
dhammaato dib loo soo dooran karo.
Jaamacadda oo markii hore lagu bilaabay labada
Kuliyadood ee Maamulka iyo Maaraynta, iyo waxbarashada, waxaa dhawaan lagu
daray kuliyadda Caafimaadka oo hadda Tacliinteedu si toos ah uga socoto.
Kulliyadda cusubi, waa mid si casri ah u qalabaysan oo ay u dhan yihiin Buugtii
Caafimaadka, qalabka qalliinka, theather, qalliinka Cusbitaalka oo casri ah,
sida qalabka lagu qalo kelyaha, wadnaha, sambabada iyo weliba qalabka dhiigga
lagu baadho oo ah mid la mid ah kuwa Cusbitaalada Casriga ah yaala.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan
Axmed Guuleed oo aan xafiiskiisa ku booqday, ayaa ii sheegay in ay dhawaan
Jaamacadda ku darayaan dhismayaal cusub oo lagu darayo qaybta Libareriga, iyada
oo dhinaca waxbarashadana lagu darayo kuliyad cusub oo lagu baran doono
Culuunta beeraha.
Guddoomiyaha Jaamacadda oo muddo dheer macalin
ahaa, isla markaana meelo kala duwan kaga soo shaqeeyay wakhtigan kuma eka
Maamulka guud ee Jaamacadda, balse wuxuu qayb ka qaataa dhinaca cashar bixinta,
wuxuuna dhigaa laba kooras oo kala ah Cilmi Nafsiga iyo Waxbarashada.
Dhismaha Jaamacadda oo hore u ahaan jiray Dugsigii
Sare ee Camuud, waxaa la dhisay sannadkii 1953, hase yeeshee sannadkii 1997,
ayaa loo bedelay in ay noqoto Jaamacad.
Jaamacaddu, way u madaxbanaan tahay hawl-qabadkeeda
Maamul, dhaqaale, waxbarasho iyo wixii la mid ah, hase yeeshee waxaa xidhiidh
Iskaashi ka dhexeeyaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ay ka wada-socdaan
Istaraatijiyadda loo doorto ardayda ay Jaamacaddu qaadanayso, waxayna labada
dhinac isla qaateen in ardayda la qaadanayaa ay noqdaan kuwo ka soo maray
imtixaanka dugsiga sare ee Wasaaradda.
“Hawlahayaga waanu u madaxbanaan nahay, laakiin
waxaanu ku dhaqanaa in ardayga aanu dalka gudihiisa ka qaadanaynaa uu yahay mid
soo maray imtixaankii Wasaaradda.” Sidaa waxa yidhi Prof. Saleebaan, oo
sharaxaad kooban ka bixinayay Siyaasadda lagu hago Jaamacadda.
Ardayda wax ka barataa kuma koobna, kuwa dugsiyada
dalka ka soo baxay oo keliya, balse waxaa jira 17 arday oo ka soo noqday
Wadamada Carabta, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaas oo qaarkood ka mid
yihiin ardayda dhawaan waxbarashadooda dhamaysanaya.
Afar hablood oo ka mid ah ardayda ka soo laabatay
Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayay saddex ka mid ahi dhigtaan Kuliyadda
Caafimaadka, halka gabadha kale ay Waxbarashadu dhawaan u dhammaanayso.
15% ardayda wax ka barata Jaamacadda, waxa marka
loo eegaa qiyaasta hablaha waxbarashada u baahan, hase yeeshee Prof. Saleebaan
oo aanu waydiinay in ay kordhinayaan tirada hablaha, ayaa sheegay in ay
qorshahaas wax ka barta gaadhsiinayaan 30%. “Maadaama ay gabdhuhu hormood ka
yihiin dhinac kasta oo nolosha laga eegoba, sida dhaqaalaha, nabadgelyada,
tarbiyadda, markaa waxaanu ku dedaalaynaa in ay helaan xuquuqdooda waxbarasho,”
ayuu yidhi Prof. Saleebaan.
Isaga Profossorku ka hadlaya, sababta yaraysay
tirada gabdhaha wax barta ee wakhtigan, wuxuu yidhi: “Tirada hablaha
dhammaystay dugsiyada sare oo wakhtigan aad uga hoosaysa ta inamada, ayaa
keentay in ay aad u yaraadaan gabdhaha Jaamacadda Camuud wakhtigan wax ka barta.”
Jaamacaddu, waxay leedahay Maktabad casri ah oo la
odhan karo, waxay ka mid tahay kuwa ugu baaxadda waaweyn Maktabadaha (Library)
ku yaal Wadamada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Jaamacadda, ayaa tirada Buugaagta
Jaamacadda u taal ku sheegay ilaa (83,000) oo Buugaag kala duwan ah, kuwaas oo
qaarkood ardayda la siiyo, kuwa kalena la dhigay guryo waaweyn oo aad looga
shaqeeyay.
Maamulka Jaamacaddu, wuxuu ku dedaalay sidii ay
kaalin waxtar leh uga qaadan lahaayeen, baahida dalku u qabo Maktabadaha, sidaa
darteed waxay qaar ka mid ah magaalooyinka Wadanka u fidinayaan Buugaagtii
loogu talo-galay in la dhigo goobo si guud dadku wax uga bartaan.
Guddoomiyaha Jaamacaddu, ayaa ii sheegay in ay
hadda diyaar u yihiin kuwii loogu talo-galay Boorama iyo degmada Gebilay. mid
ka mid ah Bakhaarada kaydka Jaamacadda oo ay dhexyaaleen tiro aan ka yarayn
ilaa (25,000) oo buug, kuwaas oo qaar ka mid ah kartoomada ay ku jiraan
dushooda ay ku qornayd degmada Gebilay.
Guddoomiyaha oo aan waydiiyay tirada buugta ay ugu
tala-galeen, ayaa ii sheegay in ay (3,000) oo buug diyaar u yihiin degmada
Gebilay, kuwii magaalooyinka kalena ay Jidka ku soo jiraan.
Marka laga eego dhanka Waxbarashada Jaamacadddu,
waxay kulmisaa dhammaan ardayda gobolada dalka oo dhan, gobol ka maqanina ma jiro
haba u kala badnaadeene.
Arday lagu magacaabo Faarax Yiroowe, ayaa ka mid ah
kuwa Camuud muddada dheer wax ka baranayay, isaga oo weliba ahaa ardaygii ugu
horeeyay ee Jaamacadda la qoro. Faarax Yiroowe oo aan weydiiyay sababta uu
magacaasi ugu baxay iyo wakhtigii uu magaalada Boorama tegey, ayaa sheegay in
isaga oo deggan magaalada Yiroowe uu maqlay Jaamacadda la furayo, kadibna uu
sidaa ku tegay Camuud, wuxuuna sheegay in magacu kala xidhiidhay magaalada uu
ka yimi oo wakhtigaa maqalkeedu dad badan ku cusbaa.
Cabdiraxmaan Nuux Xuseen oo wax ka barta Kuliyadda
Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud oo aan la kulmay, isaga oo Library-ga
Jaamacadda ku dhex akhrisanaya buug ka hadlaya barashada noolaha (biology),
ayaa ii sheegay in casharada lagu qaato kuliyadda uu doortay ay ka adagyihiin
kuwa kale, sidaa darteedna ay akhris dheeraad ah u baahan yihiin, C/raxmaan
wuxuu sheegay in ugu yaraan uu maalin walba afar saacadood wax akhristo, intaa
in le’eg oo kalena uu fasalka gudihiisa casharada ku qaato, wuxuu kale oo intaa
ku daray inuu habeenkii waxbaro carruur ay walaalo yihiin.
Maxamuud Daahir Coofle oo ku guda-jira, sannadkii
labaad ee kuliyadda waxbarashada, ayaa isna ii sheegay mar aan kula kulmay isla
goobta wax akhriska (library) in ay helaan waxbarasho fiican, iyo inuu wax
akhriyo in ka badan sagaal saacadood.
Coofle oo gelinka dambe ku shaqeeya macalinnimo,
wuxuu Maadadda Afka Soomaaliga ka dhigaa dugsiga sare ee Al-Aqsa, Siduu sheegay
maalin walba wuxuu bixiyaa shan xiisadood oo mid waliba 40 daqiiqadood tahay.
Wakhtigan, waxa Jaamacadda ka hawl-gala 23 Macalin,
kuwaas oo bixiyay duruusta kala gedisan ee ardaydu qaadato, tirada
macalinmiinta Jaamacadda lagu bilaabay oo markii hore saddex keliya ahayd,
waxaa la filayaa in ay sannadkan noqoto 31 macalin.
Gudoomiyaha Camuud, ayaa sheegay in ay sannadkan
Jaaamacadda ku soo biirayaan Sideed Macalin oo isugu jira, shan reer galbeed ah
iyo saddex Soomaali ah.
“Sannadkan, waxaanu Jaamacadda ku soo kordhinaynaa
sideed macalin oo isugu jira saddex Maraykan ah, laba Faransiis ah iyo saddex
Soomaali ah oo uu ka mid yahay abwaanka caanka ah ee Maxamuud Xaashi Dhamac
(Gaariye), oo isagu dhigi doonna Maadadda (Somali Litreture) oo ah maado ku
cusub Jaamacadda,” ayuu yidhi Prof. Saleebaan.
Dhammaan Macalimiinta wax ka dhigga Jaamacaddu, waa
in ay haystaan ugu yaraan Shahaadadda Waxbarasho ee M.A (Master of Arts),
lamana ogola in uu bare ka noqdo qof aqoontiisu ka hoosayso Shahaadaddaa.
Maxamed Xirsi Qalinle oo ah, hormoodka qaybta
waxbarashada ee Jaamacadda Camuud, isla markaana ah nin bartay Cilmiga bulshada
(Social Science) oo sita Shahaadadda M.A, ayaa ka waramay qaabka waxbarasho iyo
Maamul ee Jaamacadda Camuud oo uu sheegay in ay si weyn uga duwan tahay
Jaamacadda Hargeysa.
Prof. Qalinle, oo u dhashay deegaanka Gebilay oo
aan waydiiyay sababta uu Camuud u doorbiday, maadaama ay jirto Jaamacad kale oo
uga dhowi, ayaa sheegay in ay Jaamacadda Camuud baahideeda ogtahay oo ay u
doonanayso meel kasta oo ay ka heli karto, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu
yidhi; “Maamul ahaan way kala duwan yihiin labada Jaamacadood, Boorama way
garanaysaa baahideeda, laakiin Jaamacadda Hargeysa ma garanayso. Macalinkuna,
wuxuu u baahan yahay in la dareensiiyo in loo baahan yahay. aniga oo Gebilay ka
shaqeeya, ayuu Prof. Saleebaan ii yimi, oo igu yidhi: “Waar Camuud way kuu
baahan tahaye iskeen,” sidaas ayaan ku imi.”
Jaamacadda dhaqaalaha ay hawlaheeda ku socodsiiso,
waxay inta ugu badan ka heshaa lacagta Fiiga ah ee ardayda laga qaado oo halkii
Simistar (120 US) ah iyo dadka reer Somaliland gudo iyo debedba oo iyana si
hagar la’aan Jaamacadda isula barbar taagay, sidii suurto ay u noqon lahayd
Jiritaankeedu, waxa kale oo waxtar mug leh u fidiya hay’adaha oo iyagu gacan ka
gaysta, sidii ay u heli lahayd Buugaag.
Cabashooyin Ka
Aloosmay Qaybinta Bacadlaha Hargeysa iyo Jawaab Dawladda Hoose ka Bixisay
H |
argeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee
Hargeysa oo ku gudda-jirta qaybinta iyo dib-u-furista Bacadlayaasha iyo
Sariibadda Suuqa dhexe ee Waaheen, ayaa waxa soo baxay cabashooyinkii u
horeeyay oo ku saabsan musuq-maasuq iyo wax is-dhaaf-dhaafis la sheegay inuu
galay qaabka loo maamulay qaybinta dhismayaasha suuqaas, taas oo masuuliyiinta
dawladda hoose-na ay beeniyeen.
Bacadlayaasha suuqa oo dib-u-dhis iyo dib-u-habayn
lagu sameeyay, waxay dawladda hoose bilowday hawsha dib-u-furista iyo qaybinta
dhismayaashaas toddobaadkii hore, waxayna si fiican ugu guulaysatay qaybta
suuqaas ee Khudradda iyo Hilibka oo lagu magacaabo Sabadda oo ka kooban 36 qol,
iyo qayb ka mid ah Bacadlayaasha oo hore loo odhan jiray Kilaadhi-xun, taas oo
hadda loo qaybiyay Bacadlayaal, kadib markii dib-u-dhis lagu sameeyay.
Hase yeeshee, waxaa labada meelood ka jira saxmad
iyo buuq ka aloosay suuqaas, khilaaf ka dhashay qaybinta dhismayaasha
Bacadlihii hore ee Waaheen iyo qayb ka mid ah Bacadlaha oo loo yaqaan
Hindhisada.
18 qof oo sheeganaya in ay ganacsi ku lahaan
jireen, suuqaas hindhisada loo yaqaano, ayaa qoraal ay soo gaadhsiiyeen Haatuf,
isla markaana ay u gudbiyeen Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Golayaasha
Baarlamaanka iyo Xukuumadda, Maamulka Dawladda Hoose ku shaqada leh qaybinta
suuqaas, ku sheegay in aan si cadaaladda waafaqsan loo qaybin. Waxa kale oo ay
qoraalkoodaa ku sheegeen in lacag hawl-fududayn ah, ay guddi ay leeyihiin u
gudbin jirtay Madaxda hawshani khusayso.
Dadkaasi, waxay qoraalkooda ku doodeen in suuqa
hindhisada oo ka tirsanaa Bacadlaha Waaheen, uu ahaa suuq ganacsi ilaa
1950-kii, hase yeeshee waxay sheegeen goobtaas oo ahaan jirtay Rayislayaal ay
Bacadlayaal isku rogtay 1960-kii, markaas oo sida ay ku sheegeen qoraalkooda
dawladda hoose ka saartay Rayislayaashii, iyagana ku wareejisay.
Waxa uu qoraalkaasi intaa ku daray in 1991-kii,
dawladda hoose ku amartay in ay dib u dhistaan, taas oo ay ku andacoodeen in
qofkastaba ay kaga baxday dhismaha qolkiiba, aduun dhan 5,000 USD (Shan kun oo
doollar).
Bacadlayaashaas cabanayay, waxay intaas ku dareen
in sannadkii 1995-kii, maamulka dawladda hoose dumiyay dhammaan qaybta Waaheen
iyo Hindhisada, qorshe dib-u-dhis awgii, iyagoo sheegtay in la siiyay ballanqaad
ah in dib loo siin doono qolalkooda marka dib loo dhiso, qofkasta oo ka mid ah
Bacadlayaasha cabanayaana in uu haysto sharci dawladda hoose siisay iyo ruqsad
ganacsi.
Sabaax Axmed Cadami oo ka mid ah, 18-ka qof ee
saxeexay Qoraalka ay Bacadlayaashu ku cabanayaan, ayaa weriyayaasha Haatuf
u sheegtay in si sharci ah loo siiyay qolalka Hindhisada ee suuqa Bacadlaha
sannadkii 1991-kii, xilligaas oo ay sheegtay in dawladda hoose fasax u siisay
in ay dhistaan qolalkaas. Sabaax, waxay sheegtay in ilaa 7,000 USD kaga baxday
dhismaha qolka.
18-ka qof ee Bacadlayaasha ah, waxay ku
andacoonayaan in si toos ah iyo si dadbanba looga qaaday lacag hawl-fududayn
ah, si loo siiyo qolalkaas. Waxaanay sheegeen in lacagtaas laga qaaday loo
geeyay Maayarka iyo Ku-xigeenkiisa labaad. Lacagtaas oo ay tibaaxeen in ay ka
qaadir jireen guddi bacadluhu leeyahay.
Haddaba, Wargeyska Haatuf markii uu
qoraalkaasi soo gaadhay, wuxuu waraysi kula yeeshay shalay goobta bacadlaha ee
dawladda hoose qaybinayso, ku-xigeenka labaad ee Duqa Caasimada Hargeysa
Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), halkaas oo uu ka wado hawsha qaybinta 307 Qol
oo uu ka kooban yahay Bacadlihii hore oo isugu jira, qaybo ay Bacadlayaashu u
yaqaanaan Sabadda, Waaheen iyo Hindhisada. Qolalkaas, waxa iyagana qayb laga
siiyay Ganacsatada khudradda iyo hillibka.
Guddoomiye Ku-xigeenku, isaga oo ka waramaya sida
ay dawladda hoose u maamusho hawshaas, wuxuu yidhi; “Waxaanu qolalka
Bacadlayaasha u qaybinaynay, laba nooc oo Bacadlayaal ah; Bacadlayaashii hore
iyo kuwa hadda haysta Bacadlayaasha, waxaanuna ugu qaybinay; Bacadlayaasha hore
qofkii ku lahaan jiray qol suuqaas ee ay u caddahay, waxaanu siinaynaa
qolkiisii, Bacadlayaashuna waxay samaysteen Guddi, waxaanay noo soo gudbiyeen
liis ka kooban Bacadlayaashii hore, qolalka Bacadlyaasha ee hadda aanu
qaybinaynaa, haddaanu nahay dawladda hoose way ka badan yihiin kuwii ka dhisnaa
suuqaa, wixii ka horeeyay 1988-kii. Sidaa daraadeed, wixii qolal ah ee ka soo
hadha Bacadlayaashii hore qolalkooda, waxaanu siinaynaa ganacsatada hadda Bacadlayaasha
ah ee hore u lahaan jirin qolalka, waxaanu ballan qaaday in qofkasta oo bacadle
lahaan jiray oo qol ku lahaan jiray suuqaas inuu heli doono qolkiisii, hadduu
garanayo meesha uu ku yaalay iyo lambarkiisii.
Guddoomiye Ku-xigeenku, isagoo ka hadlayay qaybta
Hindhisada oo ka mid ah qaybaha Bacadlaha ee ay cabashadu ka timid ee xilligana
dawladda hoose qaybinaysay, in qaybtaasi aanay ahaan jirin Bacadle ee
Hargeysadii hore loo yaqaanay Rayislayaasha, markaa uu u aqoonsan yahay
Rayislayaashii lahaa. Dadkan imika ku doodayaa, haddii ay Rayislayaashii ku
wareejiyeen, waxaa looga baahan yahay caddayn, isagoo ka hadlayay dadka ku
andacoonaya in ay lacag dib-u-dhis ah geliyeen qolalkaas, wuxuu sheegay qofkii
dhisme dawladi leedahay isagu iskii lacag u geliyay, dawladii lahaydna ay
dunsatay aanu fahmi karayn sida uu magdhow u doonayo.
Guddoomiye Ku-xigeenku, isagoo ka jawaabayay su’aal
ahayd cabashada qaar ka mid ah Bacadlayaasha oo sheegtay in lacag hawl-fududayn
ah laga qaatay, wuxuu yidhi; “Way fiican tahay, anagaaba doonaynay ee ha
cadeeyaan qofka ka qaaday, halkuu kaga qaaday iyo sababtuu uga qaaday, waxaana
qurux badan in cabashadaasi ay sal leedahay.”
Dhinaca kale, Maxamuud Axmed Cali (Diiq-diiq) oo ka
mid ahaa ragga ugu faca weyn, uguna caansan Bacadlaha Hargeysa qaybtiisa
Waaheen, ayaa Weriyayaasha u sheegay in ilaa 1956-kii uu ka ganacsanayay
suuqaas, isla markaana dawladii C/rashiid Cali Sharmaake ay dhismihii u
horaysay ka samaysay Bacadlahaas, kuna wareejisay dadka ka ganacsan jiray ee uu
isagu ka midka ahaa.
Maxamuud Diiq-diiq oo ka mid ah, Bacadlayaasha
sugayay in ay ka helaan qolalkoodii hore ay ugu ganacsan jireen ee qaybta
Waaheen oo aan Maamulka Dawladda Hoose weli qaybin, wuxuu ku eedeeyay Maamulka
dawladda hoose in ay si aan toos ahayn oo mad-madow ku jiro u maamuleen qayb
Bacadlaha ka mid ahaan jirtay oo loo yaqaanay Kilaadhi-xunta, iyagoo siiyay dad
aan ahayn dadkii hore uga ganacsan jiray, dadkii qaybtaa ku ganacsan jirayna
ugu ballan qaaday qaybta Waaheen, taasina ay sii kordhisay culayska iyo muranka
hadda taagan. Laakiin Ku-xigeenka Duqu, wuu beeniyay eedayntaas iyo gebi
ahaanba inuu jiro qorshe ay dawladda hoose wax ku siisay dad aan hore u lahaan
jirin Bacadlayaasha, wuxuuna yidhi; “Bacadlaha Waaheen, wuxuu hore u ahaa 86
qol, waxayna dawladda hoose ku kordhisay 34-qol, taas oo guud ahaan ka dhigaysa
120-qol, markaa qofwal oo hore ugu lahaan jiray qol, qolkiisii wuu helayaa,
inta cusub ee lagu kordhiyayna waxa la siinayaa Bacadlayaasha cusub ee aan hore
ugu lahaan jirin qolalka.”
Guddoomiye Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata,
wuxuu sheegay in aanu jirin wax bakhtiyaa-nasiib ah oo ay gelinayaan, dadkii
hore ugu lahaan jiray qolalka bacadlayaasha suuqaas, laakiin ay
bakhtiyaa-nasiibka u tuurayaan qolalka ay u qaybinayaan Bacadlayaasha cusub ee
aan qolal ganacsi hore ugu lahaan jirin suuqaas.
B |
urco (Haatuf): Maayarka cusub ee
Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay Hudheelka Nageeye ee magaalada Burco
kula shiray ganacsatada reer Burco, wuxuuna shirkaasi ku saabsanaa sidii kor
loogu qaadi lahaa bilicda iyo nadaafadda magaalada.
Sida uu ku soo waramay Weriye Haatuf
ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel, Maayarku wuxuu ka dalbaday ganacsatada in
ay iska bixiyaan wixii Cashuuro ah ee ay dawladda hoose ku leedahay iyo in ay
gacan ka geystaan wax ka qabashada dhibaatooyinka jira, taas oo ay
ganacsataduna dhinacooda soo dhaweeyeen, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin
sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo adeegyada magaalada.
Kulankan uu Maayarku la yeeshay ganacsatada, waxa
uu qayb ka yahay hawl-galo uu ku tallaabsaday Maayarku toddobaadkan, taas oo uu
doonayo inuu wax kaga qabto, duruufaha Maamulkiisa horyaal.
Salaasadii toddobaadkan, ayuu Maayarka cusub ee
Burco, markii ugu horaysay bilaabay hawl-gal uu ku burburinayo dhismayaasha
sharci darrada ah, taas oo uu ugu horayn baabi’iyay dhismayaal ku yaalay
Wajahada iyo daaqadaha Xarun MCH ah, isla markaana wuxuu farta ku fiiqay meelo
dhawr ah oo uu sheegay in la baabi’inayo. Waxaana Maamulka Dawladda Hoose,
hawl-galkaas gacan ka siiyay Ciidamada Booliiska iyo dadweynaha magaalada,
iyadoo ay dadku aad u soo dhaweeyeen hawl-galka lagu burburinayo dhismayaasha
Sharci-darada ah.
“Waanu taageersan nahay, wixii waxqabad dhab ah,
wixii sharci-darro wadana waa in wax looga qabtaa si loo midaysan yahay meel uu
joogaba.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Shugri oo ka mid ahaa, dadkii wax ka
fulinayay hawl-galka.
Shamis Yuusuf Cartan oo ka mid ah, shaqaalaha
Caafimaadka ee MCH-ka dhismayaasha laga hor baabi’iyay, ayaa iyana dareenkeeda
ka muujisay hawl-galkan cusub ee uu ku tallaabsaday Maamulka dawladda hoose,
waxayna tidhi; “Dhibaatada noogu darnayd waxay ahayd, marka aanu hooyada uurka
leh eegayno waxa nagu adkaan jiray in aanu eegno, waayo, daaqadda qolka waxa ku
beegnaa dhismaha la wado, markaa way nagu adkaan jirtay in aanu qaawino hooyada
uurka leh, waayo daaqadaha ayaa nalaga soo eegayay, sidaa darteed waanu soo
dhawaynaynaa hawl-galka ay dawladda hoose qaaday.”
Maayarka dawladda hoose, ayaa isna Shir-jaraa’id oo
uu qabtay kaga hadlay hawl-galkan, wuxuuna yidhi; “Hawl-galkani, wuxuu ku
saabsan yahay sidii aanu wax uga qaban lahayn dhulka danta guud ah ee la
dhistay, taas oo aanu doonayno in aanu banayno Wadooyinka xidhan iyo dhismayaal
laga sameeyay meelo aan munaasib ahayn.”
B |
urco (Haatuf): “Meesha waa la
duminayaa, ilaa berito ayaan idin siinaynaa ee ka urursada wixii idinka yaal.”
Sidaa waxa yidhi maayarka cusub ee magaalada Burco oo la hadlayey dad degan
dhismayaal meherado ganacsi ah oo uu amray in la dumiyo .
“Qabanqaabadii shirku way socotaa, laakiin hadda
kuuma sheegi karo maalinta kama dambaysta ah ee uu ku beegmayo.” Sidaana waxa
yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah, Ragga Salaadiinta ah ee
hore ugu dhawaaqay qabashada Shirweyne Qaran.
Suldaan Maxamed, waxaan kula kulmay magaalada Burco
oo aan socdaal dhawr maalmood qaatay ku tagay, aniga oo Hargeysa dib ugu soo
laabtay Khamiistii shalay.
Maqaalad keliya laguma soo koobi karo, xaaladaha
Siyaasadeed, Nabadgelyo, Maamul, Ganacsi iyo Jawiga nololeed ee wakhtigan
dhexyaal magaalada Burco, hase yeeshee waxaynu waxooggaa iftiimin ah ka
bixinaynaa waxyaalaha ugu xiiso badan ee ay marka ugu horaysaba ishu ku
dhacayso ama dhegtu maqlayso, iyada oo ay magaaladu mudooyinkan dambe
dagal-fadhi ka dhigteen Kooxo Mucaarid ah oo dhinacyo badan leh. Hase yeeshee,
sheekooyinka ugu xiisaha badan ee wakhtigan magaalada dhexyaal, waxa ka mid ah;
Mushkilad baahsan oo dhinaca dhulka ah, kadib markii ay laba Maayar oo talada
Burco isaga dambeeyay (Haybe C/llaahi iyo Muuse Cabdi), Masalaha hor qaadeen
dhul-boob oodda goostay oo magaalada ka dhacay dhawr iyo tobankii bilood ee ugu
dambeeyay.
“Dhibaatada ugu weyn ee aan la kulmay waxa ka mid
ah; Dhulka, gaar ahaan dhulkii dawladda oo la boobay iyo dhaqaale la’aan.”
Sidaa waxa yidhi Maayarka cusub, Maxamed Cali oo aan kula kulmay Xafiiskiisa,
waxna ka weydiiyay dhibaatooyinka ilaa hadda la kulmay, isaga oo sheegay inuu
dhulka xidhay ilaa amar dambe, isla markaana uu kharashaadka Maamulkiisa
hakiyay muddo ilaa laba toddobaad ah.
Shaqaalaha dawladda hoose ee Burco, afartii bilood
ee u dambeeyay ma qaadan wax mushahar ah, haddana Maayarkii Xilka laga qaaday
Muuse Cabdi, waxa uu Xafiiska kaga tagay deyn gaadhaysa hal bilyan iyo lix
boqol oo milyan oo shillin Somaliland ah.
Inta badan dhulkii danta guud ee magaalada Burco,
waxa uu gacanta u galay kooxo dadweyne ah oo ay qaarkood haystaan Waraaqo
lahaansho ah oo ay siiyeen maamuladii talada isaga dambeeyay, halka ay dadkaa
qaarkoodna iskood iskaga qaateen dhulka dawladda. Hase yeeshee, Maayarka cusub
mar aan weydiiyay sida uu ka yeelayo dhulka danta guud ee ay bixiyeen
Maayaradii ka horeeyay ama la iska boobay, wuxuu ku tiraabay, “Anigu ma
aqoonsanayo, waraaqaha ay Maayaradii hore bixiyeen ee lagu qaadanayo dhulka
danta guud ee meel kasta oo dhulka dawladda ah waxa aan u aqoonsanahay, meel
dawladdu leedahay.”
Marka laga yimaado dhulka danta guud ee la boobay,
waxa kale oo magaalada hafiyay dhismayaal aan loo meel dayin oo laga taagay
suryooyinka Xaafadaha, Wadooyinka iyo suuqyada faras-magaalaha, taas oo keentay
inuu muuqaalka iyo hannaanka degsiimo ee magaaladu noqdo, meel isku cayn iyo
bayd go’an oo aan lahayn Faras-magaale iyo wadooyin laga foofo.
Maayarka cusub, ayaa Salaasadii toddobaadkan
bilaabay hawl-galkii u horeeyay ee uu ku baabi’inayo dhismayaasha murugsan ee
loo dhistay sida sharci-darada ah, lagana taagay meelaha aan munaasibka ahayn,
taas oo uu Maamulka dawladda hoose cagta mariyay dhismayaal isugu jiray Daaro
iyo Sandaqado oo ku yaalay Wajahadda iyo Daaqadaha Xarun Caafimaadka Hooyada
iyo Dhallaanka ah oo ku taal badhtamaha magaalada, iyadoo uu Maayarku meelo
kalena digniin ku bixiyayin laga gurto, kuwaas oo uu sheegay inuu dumin doono.
Hase yeeshee, dadka reer Burco waxay aad isu
waydiinayaan Maayarka cusubi maka midho dhalin doonaa talaabada uu ka qaaday
dhinaca dhul-boobka, mise sanqadhiisu waxay ku ekaan doontaa inta uu la
qabsanayo degalka Maamulka, sidii labadii Maayar ee ka horeeyay.
Magaalada Burco oo ahayd, xarunta ganacsiga xoolaha
nool, ayaa si weyn looga dareemayaa diifta dhaqaale ee ay dadku kala kulmeen
xayiraadii ganacsiga xoolaha. Hase yeeshee, Inkasta oo la odhan karo waa Nin
iyo waagii, haddana xaaladda nololeed iyo ganacsi ma aha mid ku didinaysa
waayo, ishaadu ma qabanayso calaamado muujinaya Macluul iyo darxumo nololeed.
Inkasta oo magaalada laga isticmaalo lacagta
Somaliland, haddana lacagta Giinbaarta loo yaqaan ee shillin soomaaligii hore,
ayaa haysata suuqyada ganacsiga, iyadoo boqolka doollar lagu sarrifo ilaa
2,200.000/= Sh.So.
Koobka Shaaha ah waxa laga iibinayaa 800 Sh. So,
taas oo ay gadbadda sonkorta ahi tahay 400,000 oo shillin Soomaali ah.
Arrinta in la xuso muddani waxay tahay, iyadoo
wakhtigan xaadirka ah magaalada Burco iyo wixii bari ka xigga uu ganacsigoodu
si weyn ugu janjeedhsaday dhinaca Boosaaso, taas oo xoolaha nool loo iib geeyo,
badeecadaha ganacsigana laga keeno.
Magaalada Burco, waxa ka muuqata nabadgelyo iyo
xasilooni shilis, mana dareemaysid haba yaraatee wax dareen cabsiyeed ah iyo
xataa ifa-faallo la odhan karo wuxuu keeni karaa suurad nabad-gelyo-darrp/
Dadka reer Burco, waxay saluug xoog leh ka
muujinayaan xaaladda Maamul iyo adeegyada bulsho ee dhinaca dawladda, taas oo
ay dadku si ba’an uga cabanayaan waxqabad la’aan iyo tayo-darro maamul.
Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, waxa dhex hurda
xamlado Mucaarid ah oo ka horjeeda Maamulka Madaxweyne Cigaal.
Qaar ka tirsan Salaadiintii hore ugu dhawaaqay
Shir-qarameedka, ayaa fadhigoodu yahay magaalada Burco, kuwaa oo saamayn ku leh
dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee gobolka.
“Qaban-qaabadii shirku way socotaa, laakiin hadda
kuuma sheegi karo wakhti kama dambays ah oo uu ku beegmayo.” Sidaa waxa yidhi
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo aan habeenimadii arbacadii toddobaadkan,
kula kulmay gurigiisa Burco, kalana sheekaystay halka ay xaaladiisu marayso
Shir-qarameedkii ay ku baaqeen, wuxuuna Suldaanku intaa ku daray, “Anagu,
haddii aanaan wax badan oo danta dadka ah xeerinayn, waxa jira tallaabooyin
badan oo aanu mar hore qaadi kari lahayn, imikana qaadi karno, shirkana waxaanu
u aragnaa inuu yahay dariiqa lagaga bixi karo muruga Siyaasiga ah ee jira ama
lagaga badbaadi karo burbur yimaado, mar kastana mowqifkayagu waa wada-hadal
iyo xal nabadgelyo.”
Siyaasiyiinta ururka ASAD, ayaa iyaguna ka mid ah
Mucaaridka ugu fadalo cadcad ee gobolka jooga, iyadoo guddoomiyaha ururka ASAD,
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) fadhiisin ka dhigtay Burco.
Dhinaca kalena, wefti Wasiiro ah oo Xukuumadda
Somaliland ka tirsan, ayaa muddo bil ka badan ku sugnaa magaalada Burco, kuwaas
oo la rumaysan yahay in ay ujeeddadooda ugu weyn ee ay Burco u joogaan tahay,
in ay ka hor tagaan Mucaaridka luxdan ee Burco yuurura.
Mid ka mid ahaa, Weftiga Wasiiradda oo ah Wasiirkii
Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/jibaar Maxamed Siciid, ayaa is-casilay toddobaad ka
hor, kana baxay weftiga.
“Xilkii Wasiirnimo waanigii iska casilay,
xubinimadii UDUB oo aanan weli iska casilina, haddana waraaq qorayaa oo iska
casilayaa.” Sidaa waxa ku tiraabay C/jibaar oo aan maalin maalmaha ka mid ah
isa soo dul taagay, isaga oo dhexda ugu jira xubno ka tirsan ururka Mucaaridka
fog ah ee ASAD, taas oo u muuqata inuu C/jibaar ka soo jeestay geesta
Mucaaridka.
Shahaadooyin
laguddoonsiiyay arday ururka NAGAAD u baratay Computer-ka
H |
arg (Haatuf) – 32 arday oo ururka haweenka ee NAGAAD uu ka bixiyay kharashka waxbarashada Computer-ka duruustana, ku qaatay mac-hadka Micro-computer Service, ayaa shalay shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xaflad lagu qabtay Hotelka Mingsing ee magaalada Hargeysa.
Xafladdan oo la qabtay subaxnimadii shalay waxa
hadallo ka jeediyay maamulaha mac-hadka M.C.S., Eng. C/raxmaan Daahir oo ka
waramay duruustii ay 32-ka arday qaateen muddadii afarta bilood ahayd ee ay
waxbaranayeen oo uu sheegay inay ahaayeen duruus dhaxalgal ah mustaqbalkana
anfici doonta iyo guud ahaanba kaalinta uu mac-hadku ka qaato waxbarashada,
gaar ahaana cilmiga computer-ka oo si gaar ah mac-hadka loogu barto.
Waxaa iyaduna xafladdaasi ka hadashay guddoomiyaha
ururka NAGAAD, Ismahaan Cabdisalaan oo ka warrantay ujeedada ay tabobarkan ka
lahaayeen oo ay tilmaantay inay ugu danaynayeen ardaydaasi si ay u helaan aqoon
anfacda iyo ahmiyad uu ururkoodu siiyo waxbarashada, gaar ahaana haweenka.
Khudbad kooban oo uu isna ka jeediyay xafladdaasi
agaasimaha waxbarashada Xuseen Daarood, waxa uu kaga hadlay ahmiyadda
waxbarashada iyo doorka uu kaga jiro mac-hadka M.C.S, oo uu aad u ammaanay.
Waxa iyaduna kalmad mahad-naq ah ka soo jeedisay halkaas Khadra Cumar Xasan oo ku hadlaysay magaca 32-ka arday, iyada oo aad ugu mahad-naqday ururka NAGAAD, oo waxbarashadan ugu deeqay iyo mac-hadka M.C.S oo fuliyay.
Gebogebadiina waxa shahaadooyinkii ay mutaysteen
lagu guddoonsiiyay 32-ka arday ee tabobarku u dhammaaday oo hablo u badnaa.
“Usaama wuu caafimaad qabaa, Hooyadiina Telefoon buu kula soo
Xidhiidhay,”
Sh. Axmed – Usama walaalkii
(waraysi)
C |
NN – Nin lagu magacaabo Sh. Axmed oo la sheegay inay xagga hooyo walaalo ka yihiin Usaama binu Laden, ayaa beeniyay inuu walaalkii Usaama wax lug ah ku lahaa qaraxyadii ka dhacay Maraykanka 11-kii September, ee sannadkii hore mar uu waraysi la yeeshay Telefishanka Maraykanka ee CNN 20-kii bishan aynu ku jirno ee March.
Waxaanu intaa ku daray inay xaaladdiisa caafimaad
aad u fiican tahay uuna sidaa niyadda ugu qaboojiyay hooyadii mar ay Telefoon
kula xidhiidhay.
Mar uu ka hadlayay dabeecadaha Usaama waxa uu
sheegay inuu yahay qofka ay isugu dhawdhaw yihiin walaaladii oo dhan uuna aad u
yaqaano, tan iyo markii loo aqoonsaday argagixisada oo ay reerkoodii oo dhami
ka goosteen xidhiidhka uu isagu la lahaa, uuna ku yaqaano inuu ilaahay aad uga
cabsado.
Waxaanu intaa ku daray inuu walaac weyni ku
abuurmay tan iyo markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu raad-gurayo walaalkii
Usaama, balse uu haatan walaacaasi ka yaraaday, ayna la qabsadeen xaaladdan
warwarka leh, ayna ugu daran tahay hooyadii oo uu ku abuurmay walaac weyni,
balse haatan la qabsatay warbaahintu waxay ka sheegayso Usaama oo ay had iyo
jeer dhegta u dhigto.
Sh. Axmed oo aan la sheegin halka uu joogay marka
la waraystay, waxa uu ka gaabsaday inuu magaciisa dhammaystiro, balse wuxuu
sheegay inuu diyaar u yahay inuu walaalkii metelo haddii la soo saarayo filim
ka hadlaya walaalkii Usaama bin Laden.
Maraykanka oo sheegay inuu
Cadaymo u hayo Joogitaanka Al-Qaacida ee Soomaaliya
A |
ddis Ababa (B.B.C): Abaanduulaha
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada
Gen. Tommy Francis, ayaa shaaca ka qaaday in ay caddaymo u hayaan eedayntooda
ah in ay Soomaaliya joogaan kooxo Cilaaqaad la leh ururka Al-Qaacida, mar ay
waraysi la yeelatay idaacadda B.B.C-du, mar uu booqasho ku joogay magaalada
Addis Ababa, badhtamihii toddobaadkii hore, isaga oo booqasho ku marayay dalal
ka tirsan Geeska Afrika, taas oo ku soo beegantay iyada oo uu soo baxayay
tuhunku saabsan inuu Maraykanku damacsan yahay weerar uu ku qaado Soomaaliya.
Waxaana Gen. Tommy, waraysigiisaa walaac weyn ka
muujiyay arrintaa oo ay dawladda Maraykanku IL gaar ah ku eegayso.
“Waxaanu muddo dheerba haynay macluumaad ku saabsan
in ay Soomaaliya ku sugan yihiin, Kooxo cilaaqaad la leh Al-Qaacida, laakiin
haatan faahfaahin kama bixin karayo macluumaadkaasi waxa ay yihiin,” ayuu yidhi
Gen. Tommy, isaga oo intaa ku daray; “Walaac weyn ayaanu ka qabnaa arrintaasi,
wax la fogaysan karana maaha in aanu talaabo ka qaadno dalka aanu sidaa uga
walaacsan nahay,” ayuu yidhi. Waxaanu muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin
Maamulka Cabdiqaasim oo uu farta ku fiiqay inuu gacan siiyo, waxa uu ugu
yeedhay kooxaha argagixisada.
Dhinaca kale, dawladda Maraykanka ayaa beenisay
warar shalay soo baxay oo sheegayay in ay Ciidamada Maraykanka ee dagaalka ka
wada Afgaanistaan ay heleen Qalab uu lahaa mid ka mid ah Askartii Maraykanka ee
lagu dilay dagaaladii ku dhexmaray Muqdisho, Maleeshiyooyin Soomaaliya bishii
Oktoobar 1993-kii, kuwaas oo lagu dilay 18 Askari oo Maraykan ah. Waxaanay
sheegeen inuu warkaasi, ku faafay si khalad ah oo aan laga fiirsan.
Cabdiqaasim oo
Carabta uga Ashkatoonaya Maraykanka
M |
uqdisho (Haatuf): Xukuumadda Carta ee
uu Madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ku talo jirta in ay
Maraykanka ka ashkatayso Shir-madaxeedka dalalka Carabta oo lagu qaban doono
Caasimadda dalka Lubnaan, dabayaaqadda bishan March. Sida ay sheegeen ilo u
dhuun daloolla Xukuumadda Carta, Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ku talo
jiraa inuu Shir-madaxeedka Carabta ka dalbado in ay si weyn uga wada-hadlaan
Hanjabaadda Maraykanka ee ku saabsan inuu weerarayo Soomaaliya laga soo bilaabo
11-kii Sebtember iyo in ay dhex-dhexaadin ka galaan arrintaasi, si ay
Maraykanka uga baajiyaan weerarka uu damacsan yahay.
Dawladda Maraykanka, ayaa hore ugu eedaysay
Xukuumadda Cabdiqaasim in ay gacan siiso kooxaha argagixisada ah. Waxaanay
walaac ka muujisay, sida ay kooxahaasi xubnaha uga yihiin Xukuumadda iyo
baarlamaanka Cabdiqaasim, iyada oo u soo jeedisay inuu ka si feeyo Xukuumadiisa
kooxaha argagixisada, gaar ahaana ururka Al-Itixaad oo Maraykanka ugu jira
liiska, waxa uu ugu yeedho argagixisada, kuwaas oo la sheegay in ay sutida u
qabteen qorshe kasta oo arrintaa lagu fulinayo Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa
uu maalintii Salaasadii la kulmay Cadnaan Daraabulisi oo Wasiiro-dawle ka ah
Xukuumadda Lubnaan oo u gudbiyay Marti-qaad uu u soo diray Cabdiqaasim.
Madaxweynaha Lubnaan, Amiin Laxuud, si uu gua qayb-galo
Shir-madaxeedka Carabta oo bishan March 27-keeda ka furmidoona Bayruut.
Xubin ka tirsan
AL-qaacida oo lagu qabtay Suudaan.
K |
hartuum (Wakaaladaha wararka) – xubin muhiim ah oo
ka tirsan ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden, ayaa la sheegay
in lagu qabtay dalka Suudaan. Kaas oo ka tirsan 22 qof oo ay dawladda
Maraykanku toosh ku doondoonayso.
Ninkan oo magaciisa la yidhaa Abuu Anas Al-liibi,
waxa ay wararku sheegeen inay xukuumadda Maraykanku dedaal ugu jirto sidii
loogu soo gudbin lahaa ee ay gacanta ugu dhigi lahayd, arintaasi oo ay haatan
wada xaajood kala leedahay dawladda Suudaan.
Waxaa kale oo doodi ka taagan tahay in loo gudbiyo dalka Masar, iyada oo lagu eedaynayo inuu lug ku lahaa isku-daygii ahaa in la dilo madaxweynaha Masar. Hase yeeshee dawladda Suudaan ayaa beenisay inuu warkaasi jiro.
Abuu
Anas oo u dhashay Liibiya, da’diisuna tahay 37-jir waxa la sheegay inuu
Al-Qaacida ku biiray 1992-kii, haatana uu gacan-yare u ahaa Usaama bin Laden,
waxaana lagu eedaynayaa inuu dad Maraykan ah laayay sannadkii 1998-kii, uuna ku
lug lahaa qarxintii Safaaradaha Maraykanka ee Kiiniya iyo Tansaaniya.
Qabashadiisana waxaa la sheeg
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Adhiyahow gil-gilo
Nabadda siyaasadeed waa danta qaranka, haddii sida
ay tahay loogu dhaqmo oo aan la majara habaabin labada kooxood waxaa kala
hoggaamiya Dhidar iyo Weere. Waxay isku haystaan Adhi xayeesh ah oo ugu jira
xero weyn oo kala qoqoban, oo diif iyo darxumo ka muuqato, oo aan garanayn in
Dhidar iyo Weere isku haystaan, oo uu mid kastaaba leeyahay anigaa adhiga
raacaya oo meel tigaadle furaya.
Labadii xero ee ahminka ahaa ee ay iska soo sooceen
si ay danahooda u ilaaliyaana dib-ba ugamay soo noqon adhiga, arrinka taagan
maantana xal umay helin.
Adhigu xog-ogaal maaha, hase yeeshee waxay maqlaan
kooxda Dhidar halku-dheggooda oo ah erayga Nabadda, oo ay u isticmaalaan sida
uu Maraykanku u isticmaalo erayga argagixisada. Kooxda kalena waxay maqlaan
iyaga oo ku dhawaaqaya Baha-adhi waxay ku badbaadayaan shir-qaran iyo
wada-tashi laga yeesho xaaladda lagu jiro. Laakiin adhigu waa warmooge, iska
qaata waxay maqlaan uun, sidaa daraadeed waxa kala qaybiyay hadaladaa labada
kooxood, waxaanay ku kala biireen labadaa dhinac.
Adhigii oo jaah-wareerka ku jira ayaa waxaa carrada
yimi Bakayle muddo dheer maqnaa, kaas oo markuu ka damqaday xaaladda bahdiisa
ku jirto u soo gurmaday si uu iskugu keeno kooxaha adhiga isku haysta.
Marba koox la fadhiisay, isku hawl badbaadinta
adhiga, balse Alle waxba kama tarin, oo isaga laftiisiibaa ayaabay, eedi ka raacday
oo lagu tilmaamay inuu dhinac u xagliyay.
Yididiiladii keli ahaydna halkaasay ku gudhay.
Maanta ayaanay adfhiga xaaladdiisii ugu daran tahay.
Adhigu wuxuu ku maahmaahaa, “Lax dhali wayday
Alleelo ku waalatay,” hadda cidda keli ah ee haddaanu adhiga nahay aanu wax
weydiinaa waa ciidamada maqaamada ee riyada wax lagu tuso. Markaas wankii u
weynaa ayaa soo warramay, waxaanu yidhi; “Xalay waxaa manaam laygu tusay wiyil
(Dagaal), waxaanu igu yidhi; anigu muddo dheer ayaanka maqnaa, oo aan meelo
kale mashquul ku ahaa, meesha la iiga baahdana waan tagaa oo anigaa xalka
noqda.
mid kalena waan idiin sheegayaaye Dhidar iyo
Weeraba adeer baan u ahay, mana farogeliyo, laakiin markay sida mara-boobta
isku dhegaan ayaan hootada soo qaataa.
Waxaanan tusaa in midkoodna aanu gacan ugu jirin
adhigan uu tirsanayaa iyo guusha u filayaa. Markaa ugu dambayntii waxan idin
leeyahay, adhigu dhaqan buu lahaan jiray uu dhibaatooyinkiisa ku xalliyo ee
maxaa idinku dhacay? Degdeg reeban, dibna isugu noqda, haddii kale anigu shaqadaydaan
Gudanayaa, waxaan idin geyaysiiyana la arkee, in la arko basaska oo istaanka taagan oo kaarigu ku dhawaaqayo, xamareey, xamareey. Xamareey, iyo inaad dib ugu noqotaan meel aydaan mar dambe ka soo noqon karin. Markaa waxaan idin leeyahay adhiyow gil-gilo.
Axmed Waxar, Hargeysa.
Dadka iyo dalkyuba
waxay u baahan yihiin waa isbeddel nidaam
Siday ila tahay waa in ay dadku ka gudbaan fikirkan ah ayaa la isla oggol yahay ee la hayaa ama madaxweyne noqon kara.
Waayo sidaynu wada ogsoonahay adduunka waxaa xukuma
waa nidaam, markaa qof looma baahna in la yidhaa kuma, kii doonaaba ha
fadhiisto, maadaama ay jirto wax ummaddu dhigatay oo uu raacayo, taas oo qof
walba xaqqiisa siinaysa, wixii xaq loogu leeyahayna ka qaadaysa.
Markaa waxaa imanaysa inay shacbigu gartaan, in
xukuumadu iyaga shaqaale u yihiin, ninkii ay saluugaan shaqadiisa ama
wax-qabadkiisaba inay iska beddeli karaan xaqna ay u leeyihiin iska badalkiisa
ninka mas’uulka dawladda ahina waxa uu ogaanayaa in uu xoolo ummadeed hayo,
waanu iska ilaalinayaa inuu isku muujiyo wax-qabadkiisa iyo daacadnimadiisa iyo
waddaninimadiisa, waana laga gudbayaa ta maanta joogta ee ah ka taajiridda
hantida ummadda iyo adeegsiga qabiil ee foosha xun ee marba dhinac loo
adeegsanayo, iyada oo aan cidna qabiil wax loogu qaban ee lagu maalin-guuro
uun.
Haddaba markay sidaa tahay waa in aynu ogaanaa
dadka iyo dalkuba waxay u baahan yihiin waa isbeddel nidaam.
Dadku waa inay ogaadaan inay isku dan yihiin, waxna
u wada baahan yihiin, kana wada tashadaan masiirkooda iyo mustaqbalka
carruurtooda. Haddaba si ay taa u helaan waa inay isku si u fakiraan ogaadaana
inay wax u wada baahan yihiin falawgeedana qabtaan sidii ay nidaam u wada
samaysan lahaayeen.
Maanta waynu wada ogsoon nahay in aynu samaysanay
distoor ama nidaam. Laakiin ma aha afkuun ka dheh.
Distoorbaynu samaysanay haddii aan la dhammaystirin
oo aan loo saarayn dad sharci yaqaan ah oo ka turjuma waxna laga weydiiyo ku
dhaqanka sida distoorku yahay, oo golihii sharciga oo la nooleeyo awooddiisiina
la siiyo iyo madax-bannaanidiisa iyo madaxda sare oo laga dhigo waxay ahayd iyo
awoodeeda maxkamadeed oo la xoojiyo.
Ta kale Baarlamaanka oo iyana shaqadooda garta iyo awoodooda iyo isticmaalka distoorka iyo ilaalinta ku xad-gudubka distoorka xaggooda iyo xagga dawladaha. Haddaan soo qaato maanta waxa jirta wasiiro badan oo ilaa hadda aanay Baarlamaanku u yeedhin si ay u ansixiyaan, distoorkuna siduu dhigaayo waa inay bil gudaheed ugu yeedheen haddana ilaa sannad ku dhawaad ayay marayaan. Markaa waxaan leeyahay dawladdu waa dadka, dadkuna waa dawladda, waa inay oggolaataa in lala xisaabtami karo ama wax laga weydiiyo xilkii loo dhiibtay siday u maamulen. Kadibna waxaa imanaysa in qaladka jira la saxo oo wax la isla meeldhigo. Haddii se dawladdu u qaadato in ay iyadu keligeed isku dawlad tahayna markaa waxa iman kara is-maandhaaf dhibaato dhaliya ay ka iman karto, markay dadweynuhu arkaan in hantidoodii si qaldan loogu tagri falayo, awoodiina iyaga loo adeegsanayo nidaamna aanu jirin.
Haddaba hadalka waxaan ku soo koobayaa, nidaam ayaa
loo baahan yahay wax kala haga ee ha lagu fakiro sidii loo heli lahaa.
Cali Jaamac Guuleed.
Waxaanu hambalyo u
diraynaa madaxweynaha
Anigoo ah guddiga wanaag-faridda iyo
xumaan-reebista ee garabka haweenka waxa aanu bogaadin iyo hambalyo u diraynaa
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Ibraahim Cigaal go’aamada
qiimaha badan ee uu ku ansixiyay ka hortagga mukhaadaraadka.
Mukhaadaraadkaas oo beryahan dambe dalka loo soo
geliyo si qayru-caadi ah oo ay soo geliyaan dad aan u dhalan dalka iyo kuwo u
dhashayba, kuwaas oo aan xilkas ahayn oo aan kala garanayn waxa dalkooda iyo
dadkoodaba dhibaatada u keenaya iyo waxa faa’iidada ah.
Waxa kale oo aanu bogaadinaynaa labada gole ee
Guurtida iyo Wakiillada, oo iyaguna markay lafo-gureen u gudbiyay madaxweynaha.
Hadaba waxa aanu idin leenahay hore ayay inoogu
ekayd in sidaa la yeelo, haddiise maanta la fahmay waa Alle mahaddii.
Haddaba waxa aanu ku guubaabinaynaa in sida loo
go’aamiyay loo hirgeliyo, laguna dedaalo cidhibtirka maandooriyaha ilaa ay kala
caagan dalkeena kuwa ku ba’ay ka shaqaysiga maandooriye.
Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa dadka reer
Somaliland in dhaqan-xumada iyo fawaaxishka nooc kasta ha ahaadaane ay ka
hortagaan Haddaba haddii aanu nahay ururka wanaag-farista iyo xumaan-reebka
dedaalkayaga waanu wadaynaa, dawladdana waanu ku garab taaganahay wax ka
qabadka mukhaaraadka iyo fawaaxishkaba.
Hargeysa.
Talo soo jeedin aan marti idiinka ahay
Anigoo ah muwaadinka magaciisu hoos ku yaalo, kuna dhashay magaalada Berbera, deggana Burco, waxaan ka codsanayaa bulsho-weynta reer Somaliland inay talo iga siiyaan arrintan, waxaan doonayaa in aan shaqo deg-deg helo si aan hanti korodhsi uga helo, haddaba waxaan bulsho-weynta reer Somaliland ka codsanayaa inay arrintan mid uun igula soo taliyaan.
·
In
aan madaxweyne Cigaal u tago oo uu ii soo magacaabo xil wasiirnimo ama
maayornimo.
·
In
aan maamulaha shirkadda qaadka 571 ee ina-Afdiinle aan u tago oo uu dhiibo
maqsin si aan wakiil u noqdo.
Markaa waxaan bulshada reer Somaliland mar labaad
ka codsanayaa inay labadaas ii soo kala dooraan midii aan u shaqo tegi lahaa.
Labadaas arrimood jawaabteeda fadlan joornaalka
iigu soo qora idinkoo raali ah.
Farxaan Maxamed Jaamac,
Burco.
Maxaa
ka socda xarunta UNHCR
Waxa jira in hablaha da’da yar-yar ee Hargeysa qaarkood ay taagan xafiiska UNHCR gelinka dambe, iyada oo maalin walba tirada habluhu sii kordhayso, dadka qaarna sheegeen inay kubbad ku ciyaaraan.
Haddaba, iyada oo aan cidina si cad u ogayn sababta
ay u tagaan xafiiskan da’yartani, ayaanu u aragnaa mid halis ah.
Waxa mudan, in dadkan oo islaam ah aanay ku
habbonayn dhaqamada noocaas oo kale ahi.
Gunaanadka hadalka, waxaanu leenahay wasaaradda
dhallinyarada iyo ciyaaruhu ha u samayso meel ku habboon oo ay habluhu
iftiinkii ku ciyaaraan. Sidoo kale walidku ha isweydiiyo meesha hablahoodu ku
maqan yihiin.
Hablahayagana waxaanu kula talinaynaa annagoon
ciyaarta idiin diidanayn, inaad ku ciyaartaan meelaha ku munaasibka ah, weliba
idinkoo asturan.
Ugu dambayna, UNHCR, waxaanu leenahay wasaarad ayaa
arrintan noo qaabilsan ee ka waantooba, farahana ka qaada.
Arrintan oo ah mid aan noo cuntami karin.
1.
Maxamed Daahir,
2.
Keyse Axmed
3.
Baashe Muuse,
4.
Cigaal Maxamed,
5.
Cabdillaahi Cabdi.
WAADIGA CIYAARAHA
Kluivert muxuu u noqon waayay ka ugu wanaagsan Barcelona
Marka aynu si mug leh uga hadalno sababta uu
Kluivert u noqon waayay ka ugu fiican. Haddiiba taa laga tago Patrick Kluivert
maaha nin xun.
Marka uu isaga oo cadhaysan oo sida ilays-gudbiyaha
laga dhex akhriyayo uu qolkiisa galo wuxuu markiiba kugu soo laabanayaa isaga
oo aan kiiba ahayn oo ilka-caddaynaya.
Kluivert, wuu lahaa xumaano markii uu yaraa sida
David Beckham, mana ahayn mid maskax badan. Laakiin wuxuu ahaa wiil fiican oo
kubadda cagta aad ugu wanaagsan.
Waana ta keliya ee uu ku noqon karo ka ugu
wanaagsan markii uu hunguriyeyay inuu dib ula soo noqdo ayay kooxdiisu kala
daadatay, Barcelona-na hoos bay u dhacday.
Real Madrid koox caan ah oo iyana urursatay
xiddigaha caanka ah ayay sabtidii hore fooda isku dareen garoonka Nou Camp.
Markii ugu horreysay ee uu soo ban-baxay waxay u
koolkoolin jireen sida dhallaanka, walibana wuxuu ku hadaaqayay Kluivert,
Kluivert; “Haddii uu noo yimi hadda ayaanu horyaalka ku guulaysanaynaa,”
waxayna ku soo dhaweeyeen heestii loo sameeyay markii uu Ajax ahaa sannadkiisii
koowaad ee 1994/95.
15-jirkiisii ayuu dhaliyay 18 gool oo gundhig u
ahaa guushii ay ka gaadheen kulankii kama dambaysta ee horyaalka Yurub.
Marxaladdii taa xigtay ee kubbaddiisu noolaatay
waxay ahayd muddadii aanu qaangaadhka noqon.
Intaa wixii ka dambaysay ciyaartoygu marba marka
dambaysa wuu sii niyad jabayay. Taas oo qof waliba ka cadhooday. Wuxuu markii
dambe si deg-deg ah ku helay lacag, baabuur uu ciyaarta ku tago, wuxuuna
beddelay noloshiisii hore.
Markale ayuu 19-jirkiisii ku kacay fal dambiyeedyo
kale. Wuxuu dilay agaasime xarun-dhaqanka lagu kaydiyo, isaga oo gaadhigiisu
xawli sare ku soconayay. Sidoo kale koox saaxiibadii ka mid ah ayaa ku eedeeyay
in uu si ciyaalo suuqnimo ah ula dhaqmay gabadh yar.
19-jir markuu gaadhay ayuu bilaabay inuu is
dabaqabateeyo, wuxuuna ka hadhay dhac-dhac badan oo lagu yaqiinay.
Johan Cruyff, ayaa kamid ahaa dad badan oo
majeertay farsamada ku qarsoon Kluivert oo ay dad badani ku tuhunsanayeen
xaalad ciyaareed oo rasiim ah.
Bilowgii hore, Kluivert wuxuu aad ugu fiicnaa
hannaanka dhex-ka weerarka ah oo uu kubadaha ka qaybin jiray, balse waxaa
lagala quustay gooldhalinta.
Laga bilaabo 1997-2000, markaas oo uu Holland iyo
Barcelona, uga ciyaarayay baal, ayuu curiyay inuu kaalinta dhex-ka weerarka
kaga wanaagsan yahay, wuxuuna horumar ka muujiyay inuu laba iyo in ka badan
kubadda la dhaafi karo oo weliba uu goolna dhalin karo.
Hase yeeshee, may ahayn mid xiise dheeraada leh,
mana uu dhalin goolal gaadhaya 20, xilli-ciyaareed keliya, isaga oo mararka
qaarkoodna u muuqday mid aan niyadba u hayn. Weliba wuxuu mar-marka qaarkood
lumin jiray fursado ay ka mid ahayd mid uu ka helay goolka Ireland hortiisa,
taas oo waddanka xeebta ah ee Holland ka caawin lahayd koobka Adduunka.
“Waxaan u arkaa mid khadka dhexe ah,” ayuu yidhi
Louis van Gaal, maamulaha Holland oo waqtigaa wareegaalaysanayay.
Weli waa 25-jir, oo waxay isku maalin wada dhasheen
July, 1,1976 Ruud van Nistelrooy oo ciyaartiisu si xidhiidh ah u soo kordhayso.
Wuxuu bilaabay inuu si joogto ah goolal u dhaliyo.
Haddana wuxuu leeyahay 16 gool xilligan iyo lix gool oo horyaalka Yurub ah,
inkasta oo uu u ciyaaro Barcelona, oo inta badan ciyaartoygu caruurnimada ugu
yimaadaa ay xubin ka noqdaan kooxda.
Qofkii daawaday kulankii Liverpool ee ka dhacday
Nou Camp, wuu ka xumaanayay.
Baalashu way shaqaynayeen, inkasta oo ay
raacsanaayen Rivaldo iyo Javier Saviola, labadaa ciyaartoy oo qayb ka ah habka
uu kubadda ku helo marka uu cagaha lagalo xeebta goolka.
Saddex ka mid ah khadka dhexe ayaa kulankaa maqnaa,
Saviola iyo Rivaldo-na inta badan kubadda way jiidayeen ilaa inta ay kubaddu ka
dhimanayso ama ay goolka ku garaacayaan, gaar ahaan Rivaldo. Saviola iyo
Rivaldo inkasta oo aanu la kaalin ahayn, haddana ciyaartoyga Holland u dhashay
kubadda meel bannaan oo kone ah inuu ka helo wuu ku fiican yahay.
Markii ciyaartu dhammaatay waxay dad badani
dhaliilayeen hannaanka tabobare Charly Rexach, u maaamulay dhismaha kooxda,
waxayna in badani isweydiinaysay muxuu baalaha uga weerargelin waayay, maadaama
uu haysto saddex weeraryahan, ilaa haddana xaaladdu waxay u muuqataa mid aan
kasoo rayn lahayn, arrintuna kama maarmayso in kooxda baalaha laga dhiso.
ay in lagu helayo 25 malyuun oo dollar.