SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland

Wargeys Maalinle ah oo ka soo baxa magaalada Hargiesa

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com


Haatuf  Tirisga 53, Salaasa March 26, 2002

Wararka Gudaha

 

Wefti Ingiriis ah oo ka Warramay Qorshaha Dib u Soo Celinta Qaxooti Reer Somaliland ah

 

H

argeysa (Haatuf): Wefti ka socda hay’adda socdaalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska oo muddo afar maalmood ahba socdaal ku jooga Somaliland,  wada-xaajoodn kala yeeshay Xukuumadda soo celinta dad u dhashay Somaliland oo qaxooti ku ah Ingiriiska, ayaa shalay faahfaahin ka bixiyay qorshaha ay la socdeen iyo wada-hadaladii ay la yeesheen Masuuliyiinta Maamulka Somaliland.

 

Weftigan oo ka kooban Mr. Cohen Harbin oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Socdaalka ee Ingiriiska iyo Richard Pearse oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan, arrimaha magan-gelyo-doonka iyo ambiil qaadashadooda, waxay dalka soo gaadheen March 23, waxayna axadii tagtay wada-hadal kula yeesheen xarunta Madaxtooyadda Madaxweyne Ku-xigeenka Daahir Riyaalle Kaahin iyo xubno Wasiiro ah.

 

War-saxaafadeed kulankaas kadib, Madaxtooyaddu soo saartayna waxa lagu sheegay in kulankaas lagu lafo-guray qorshe ku saabsan soo celinta qaxooti reer Somaliland ah oo ku guul daraystay in ay dalkaas ka helaan aqoonsi qaxootinimo, taas oo weftigu soo bandhigay.

Isla markaana, sida war-saxaafadeedku sheegay Xukuumadda Somaliland, waxay meel adag iska taagtay barnaamijka soo celinta qaxootigaas ee wakhtigan. Hase yeeshee, weftiga Ingiriiska oo shalay u waramay Wargeysyadda Haatuf iyo The Somaliland Times, waxay hadal kooban oo qoraal ah oo ay saxaafadda ugu talo-galeen ku sheegeen in ay hay’adda socdaalka ee Ingiriisku ay mahad-naq weyn uga jeedinayso Maamulka Somaliland, fursadda ay u siisay in ay wada-hadalo xog-raadin ah ka yeeshaan, sidii Somaliland loogu soo celin lahaa dadka aan waafaqin shuruudaha ama sharciga joogitaanka carrada Ingiriiska.

 

“Waxa na raali-gelisay sidii diiranayd ee naloo soo dhaweeyay iyo furitaanka habka agaasiman ee Xukuumadda Hargeysa, u waajahday wada-hadalkan,” ayey ku yidhaahdeen qoraalkooda. “Hadda waxaanu wada-tashi ugu noqonaynaa London, ka hor inta aanaanu Xukuumadda Hargeysa u soo qorin soo-jeedinta ama codsiga rasmiga ah ee arrintan, taas oo wada-hadalo laga yeelan karo,” ayay raaciyeen.

 

Sarkaalka ka socda waaxda socdaalka ee Ingiriiska, Mr. Cohen oo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay arrintan, waxa uu ku celceliyay mugdigana ka saaray in dadka la doonayo in la soo celiyo aanay ku jirin dadka helay Warqadda dhalashada ee Ingiriiska iyo kuwa la siiyay ogolaanshaha joogitaanka, balse ay khusayso oo kaliya dadka aan buuxin shuruudaha joogitaanka dalkaas, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin dad sannadahan dambe galay dalkooda.

Dalka Ingiriiska iyo Wadamo kale oo reer Yurub ahiba, waxay bilahan u dambeeyay ku baraarugeen socoto tiro badan oo magan-gelyo-doon ah, waxaanay isku dayeen sidii ay u heli lahaayeen shabakad isku xidhan oo ay iskaga caabiyaan qaxootigaa sida sharci-darrada ah ugu qulqulaya dalkooda. Dalka Ingiriiskuna, wuxuu tallaabadan cusub qorshaystay wixii ka dambeeyay September 11, 2001, markaas oo ay soo baxday in Boqortooyada Ingiriisku doonayso in ay dalalkoodii dib ugu celiso qaxootiga Afgaanistaaniyiinta iyo Soomaalida ah. Mr. Harbin laftiisuna, wuxuu socdaalkiisan Somaliland qorsheeyay isla September sannadkii hore, mar uu booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay socdaalkiisana kagala xaajooday Wakiilka Somaliland ee Itoobiya Mr. C/Laahi Askar.

 

Mr. Harbin, isaga oo ka jawaabayay sababta keentay wakhtigan in ay go’aankan qaataan, waxa uu yidhi; “Duruufihii halkan ka jiray markaanu dadkan qaabilnay, way isbedeleen. Anaguna waxaanu dib u eegnay Siyaasaddayada oo aanu wax ka bedelnay, taas oo ku muddaysan wakhtiga iyo jawiga ama duruufaha isbedelay. Dadkuna, waxay sii wadaan in ay soo galaan dalka Ingiriiska, iyagoo doonaya magan-gelyo ama manaafacaad ka doonaya.” Waxaanu intaa ku darray oo uu sheegay in dadka la soo celinayaa aanay Soomaali uun ahayne, balse ay u badan yihiin, waxaanu tibaaxay in dadkaasi doonayaan oo keliya in ay faa’iido ku helaan joogitaanka Ingiriiska, taas oo uu sheegay in aanay daw ahayn. Sidaa daraadeed ayuu yidhi; “Dawladda Ingiriisku taa way caddaysay, fikradda dhabta ah ee wakhtigan lagu sababeeyayna waxay tahay in lagala xaajoodo Maamulada jira, sidii la iskaga kaashan lahaa dib-u-soo-celinta dadkaa.”

 

Sida uu sheegay War-saxaafadeedka Madaxtooyaddu ka soo saartay wada-hadalkii Xukuumadda iyo weftiga, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu u sheegay weftiga in aanay Somaliland wakhtigan diyaar u ahayn in ay qaabisho dad kale oo la soo celiyo, waxaanu taa sabab uga dhigay sida Qoraalkaa ku xusan, duruufo dhaqaale oo haysta Somaliland, kaalmada Caalamiga ah oo aad u yar, adeegyadii aasaasiga ahaa oo aan loo diyaarin dadkaa iyo culayska qaxootiga tirada badan ee ka soo noqonaya wadamada deriska ah. Waxaanu u riixay Madaxweyne Ku-xigeenku arrintaa, dhinaca Wasaaradaha Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Dibadda. Hase yeeshee Mr. Harbin oo arrintaas wax laga weydiiyay, waxa uu sheegay in wada-hadaladii ay la yeesheen Xukuumadda ay u dhaceen si wanaagsan, dhammaan Masuuliyiinta dawladda ee uu la kulmayna ay si fiican isula jeexjeexeen arrinta, oo ka hadalkeedu heer bilow ah yahay, isla markaana Madaxweyne Ku-xigeenku uu soo dhaweeyay in ay arrintan wada-hadal dheeraad ah ka yeeshaan, kadib marka uu soo dhammaysto la-tashiyo uu sheegay inuu ugu noqonayo London.

 

“Dabcan, xaq baanu u leenahay in aanu dalka Boqortooyada Ingiriiska ka saarno, dadka aan buuxin shuruudaha joogitaanka. Dalkastana, waxa waajib ku ah inuu aqbalo Muwaadiniintiisa ku soo noqotay” ayuu yidhi Harbin. Waxaanu intaa raaciyay oo uu sheegay in dhammaan Wasiiradii uu la kulmayna ay taa qireen. Waxaanu intaa ku ladhay inuu u yimi dalka, inuu ogolaansho u helo in la soo celiyo dadkaas. Waxa uu sheegay in ay doonayaan in dadkaas loo soo ceiyo si sharaf leh, iyadoo karaamadooda bila’aadanimo la ilaalinayo, oo aan ju-juub iyo soo tuuris lagu samayn.

Mar la weydiiyay su’aal ku saabsanayd, maadaama aanay Ingiriiska iyo beesha Caalamku aqoonsanayn Somaliland, sababta ay haddana u doonayaan in ay ula dhaqmaan sidii dal aqoonsan yahay, marka arrintan oo kale laga hadlayo. Wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin buuxda ka bixiyo, hase yeeshee wuxuu si kooban ugu jawaabay oo uu yidhi; “Arrinta aqoonsigu waa mid uu Maamulka Hargeysa, iskaashi kala samayn karo Xafiiska Arrimaha Dibadda. Laakiin, anigu halkan waxaan wakiil ka ahay Hay’adda Socdaal UK.”

 

Mr. Harbin ma sheegin, tirada dadka u dhashay Somaliland ee ay doonayaan in laga soo celiyo Ingiriiska, balse wuxuu sheegay in ay taasi ka mid tahay Macluumaadka uu doonayo inuu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo Somaliland, marka uu London ku noqdo.

 

Xubnaha Weftigani, waxa lagu wadaa in ay maanta dalka ka dhoofaan.

…………………………………………………………..

 

Suudaani ka Tirsan Hay’adda Sucuudiga ah ee Al-xaramayn oo lagu Amray inuu Burco ka Baxo

 

B

urco (Haatuf): Maamulka Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Togdheer, ayaa ku amray Nin Suudaani ah oo Maamule ka ah Dugsi wax lagu baro Caruurta Agoomaha ah oo ku yaalla Burco, inuu magaalada Hargeysa u tago arrimo la xidhiidha Caddaynta sharciyadda uu dalka ku joogo.

 

Ninkaas Suudaaniga ah oo lagu magacaabo Jumca, waxa uu ka tirsan yahay Hay’adda Sama-falka Sucuudiga ah ee Al-xaramayn, taas oo uu dhawaan Maamulka Maraykanku Xayiraad saaray Maaliyadoodii xafiisyada ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo Boosniya, kuna eedeeyay in ay taageeraan ururka Al-Qaacida iyo kooxaha argagixisada ah.

 

Siduu ku soo waramay Wariyahayaga Gobolka Togdheer, arrinta ninkaas waxa ka hadlay Taliyaha Sirdoonka Gobolka Togdheer Cabdi Xaaji C/laahi (Cabdi-buushe), kaas oo sheegay in Mr. Jumca uu markii hore dalka ku soo galay Fiiso toddoba maalmood ah. “Jumca, wuxuu dalka ku soo galay Fiiso toddoba maalmood ah, waxaana kafiil ka ahaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaanu ka yimid dhinaca Xamar, Fiisahaasina wuu dhacay,” ayuu yidhi Cabdi-buushe. Taliyuhu, wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Markaas Hargeysa, ayaa nalaga soo weydiiyay sharciga uu Jumca ku joogo magaalada Burco. Taasaanu anaguna waydiinay, waxaanu sheegay Mr. Jumca in Baasaboorkiisii ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu hayso, markaa waxaanu ku nidhi orod oo Hargeysa Sharcigaagii u doono.”

 

Mr. Cabdi-buushe, wuxuu beeniyay warar sheegayay in Ninkaa la mustaafurinayo, dugsiga uu maamulana loo wareejinayo magaalada Gebilay. “Wax la mustaafurinayaa ma jiro, Iskuul Gebilay loo rarayaana ma jiro. Mr. Jumca, wuxuu nagu yidhi; yaan Maamulka Iskuulka kaga taggaa, anaguna waxaanu ku nidhi, ku-xigeenkaaga kaga tag, markaa taasuu ka dhega-adeygayaa,” ayuu yidhi Taliyaha Sirdoonka Gobolka Togdheer.

…………………………………………………………………………..

 

Hawl-gal Culus oo Ciidamada Booliska iyo Milaterigu ka qayb-qaateen oo laga Fuliyay Burco

 

B

urco (Haatuf): Maamulka Dawladda Hoose ee magaalada Burco oo adeegsanaya Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Booliska, ayaa shalay dumiyay guryo si sharci-darro ah dad uga dhisteen goobo dawladdu leedahay, isla markaana dhawr boqol oo qoys ka saaray guryo ay dawladdu lahayd oo ay ku jireen.

 

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire, Guryaha hawl-galkaa lagu dumiyay waxay ahaayeen guryo dhismahoodu dhammaaday oo Jiingadii la saaray, kuwaas oo ka koobnaa laba guri iyo bakhaar, lacagta ay ku kaceena lagu qiyaasay ilaa dhawr iyo labaatan kun oo doollar. Hawl-galkaas, waxa kale oo ay dawladda hoose ku burburisay, Seesas si sharci-darro ah dad u samaysteen, kuwaas oo gaadhayay ilaa saddex.

Dhanka kale isla hawl-galkaa, waxay dawladda hoose ku banaysay dhismayaal dawladdu leedahay oo ku yaalla xaruntii hore loogu yaqaanay Injida Burco, kuwaas oo ay dawladda hoose hore u dhistay, looguna talo-galay in ay noqdaan suuq ganacsiga Bacadlayaasha ah. Hase ahaatee, ay markii dambe hoy ka dhigteen kooxo ka tirsanaa ururkii SNM iyo Xaasaskoodii, kuwaas oo gaadhayay ilaa dhawr boqol oo qoys oo ah dadkaa shalay laga saaray guryaha.

Maayarka magaalada Burco, Maxamed Cali Maxamed oo hawl-galkaa hogaaminayay, ayaa u sheegay Weriyahayaga in kooxahaa ay guryaha ka saareen ay la xaaleen, balse aanay wax lacaga siinin una ballan qaadin. “Ujeeddadii ay guryahaa u dageen waxay ahayd, mid ay kaga cadhoodeen arrin Maamul-xumo, markaa taasaanu ka wada-hadalnay waanuna isu afgaranay in guryahani goob ganacsi yihiin oo ay baneeyaan,” ayuu yidhi Maayarku. Wuxuu intaa raaciyay in guryahaa la baneeyay la siin doono, ganacsatadii loo qorsheeyay si ay ugu shaqaystaan. Waxaanu intaa ku darray in ay guryahaa u sameeyeen Ilaalo gaar ah.

 

Hawl-galkaa oo ay ka qayb-qaateen 150 askari oo isugu jira Boolis iyo Milateri, waxa kale oo iyana goob-joog ka ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Burco, Saleebaan Muuse Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka Togdheer, C/laahi Biixi.

 

Dhinaca kale, waxay dawladda hoose ee Burco hawl-galkan kii ka horeeyay ku baabi’isay seesas lagu sameeyay dhul xaafadda shacabka ku yaalla oo ay maraan Beebabka waaweyn ee magaalada biyaha keena iyo dhawr beerood oo si sharci-darro ah loo seertay. Tallaabadani, waxay ka dambaysay cabashooyin Wakaaladda Biyaha ka soo baxay, kuwaas oo ay ku sheegeen in dad boobeen oo qabsadeen, marinadii dhul ahaan ay marayeen beebabka waaweyn ee biyuhu.

 

Maamulka Cusub ee magaalada Burco, waxa kale oo uu maalmahanba waday olole uu dadweynaha ku ogeysiinayo in aan hubka lala dhexmari karin magaalada gudaheeda, cidda lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Ogeysiiskaana, waxa laga baahinayay gaadhi makirifoono lagu xidhay oo ku wareegayay qaybaha magaalada, dhawrkii maalmood ee u dambeeyay.

……………………………………………………………………..

 

Warar Koob-Kooban

Xukuumadda oo Ku Dhawaaqday Heshiis lagu soo Af-jaray Shaqaaqadii Boorama

 

B

oorama (Haatuf): Ergo isugu jirtay Golaha Wasiiradda iyo Golaha Guurtida oo Boorama u tegay xallinta xurguf dhexmartay laba beelood oo deegaankaa ka tirsan, ayaa ku dhawaaqay heshiis lagu soo af-jaray mushkiladii dhextaalay labada beelood oo March 10, 2002, uu dagaal ku dhexmaray badhtamaha magaalada Boorama, kaas oo ay dhawr qof ku dhinteen, dhawr kalena ku dhaawacmeen.

 

Kalfadhigii 16aad ee Golaha Guurtida oo la soo Gunaanaday

H

argeysa (Haatuf): Kalfadhigii 16aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa lagu soo gunaanaday xarunta Golaha ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Guurtida oo ka hadlay kulankaas geba-gebada ahaa, ayaa Mudanayaasha kula dardaarmay in ay isa saamaxaan iskana cafiyaan xurgufihii yaraa ee ka dhashay doodihii goluhu ka yeeshay Ajandihii kal-fadhigan hadda xidhmay. “Mar haddii aynu fasax gelayno oo la kala tegayo, waxa fiican in aynu isa saamaxno oo aynaan caloosha waxba isugu hayn,” ayuu yidhi xildhibaan Siciid.

 

 

RAADIYOW MA QALOOCSHE

A.A.Garas

H

alkani waa raadiyow Ma Qalooshe oo idiinka foodhya Mawjadaha kala ah; Ta dhakada buuran iyo ta caloosha buuran saaxiibada suuqa naga dhegaystow, waxaan soo tuurayaa warkii dunida ee ka foorarsada, waxaana shiidka warka idinla dayan doona Weriye Mr. Wiiro-wiiro

ISAGII OO LA SOO TUURAY

Madaxkuuska Jamhuuriyadda Shankaroonland, Mr. Cigaal yare, ayaa maalin dhawayd ku luuday Atoobiya, kadib markii burtuur Atoobiya Sarif Sanaawi ku yidhi; “Waar igu soo roor” Cigaal yare, wuxuu dhababaco ku tegay ceelka Cardasababa, halkaas oo si yar oo kurus ah loogu dhaweeyay.

Dad Anjii u badnaa, ayaa si caashaqle u soo dhaweeyay, iyagoo ku heesayay; “Taqabali Qushbali.” Ereyadaas oo anigu aan cay u maleeyay, laakiin laysheegay in ay soo dhaweyn xabashi sare tahay.

 

Wakhtigaas aan warboobe dalkooda ka xayasan, weriyayaal xaqanaas, ayaa ka soo tebiyay in labada burtuur is guda galeen oo saacado dhawr ah isku buufinayeen, waxaan la garanayn.

Bisad daaqad ka eegaysay markay buurtuuradu shirayeen oo aan weydiiyay, bal in ay arkaysay aqoonsi laysu dhiibay, ayaa tidhi; “Anigu maan arkaynin aqoonsi laysu dhiibayo, haddaanu ahayn wax kuus-kuusan oo Boorsadda Cabdiraxmaan lagu ridayay.” Bisadaasi, waxay ii sheegtay in sifafaalihii meeshaas ka dhacay oo ay arrimaha xoogoodu inshii ku dhammaadeen. Waxa kaloo wararku sheegeen in Madaxkuusku, kulan geeska la dhigay ninka Maraykanka ka tuulahaas u joogga iyo Rag kale, kulamadaas wixii lagaga wada-hadlay aan cid loo sheegin, balse anigu aan u malaynayo odaygu soo qarinayo oo hoosta soo gelinayo. Waxaa kolayba dadbadani sheegayaan in ay diyaar yihiin Kaariyoonayaashii iyo Xamaaliintii aqoonsiga soo qaadilaydba.

 

Odayga oo la filayo inuu dhababaco kale carro Yurub ku kala bixiyo, waxaanse anigu u malayn inuu hadda aqalkiisa u soo caano doonandoono socatadani, waxay ka dambaysay iyadoo dhawaanahanba, Atoobiya laga soo sheegayo Caashaq ay u qabto Shankaroonta.

 

HARGEYSA

Rag ka yimi Xafiiska socotada Ingiriiska, ayaa ayaan Jamhuuriyadda Shankaroonland ka codsaday in ay keenaan dad Ingiriiska ku martiyay. Dadkaas oo ah Soomaalidu waxa ay sheegeen in qaxootinimadoodii ay ku citiraafiwayday. Ingiriiskuna aanu ka taaghaynin marti qayilaysa, sidaa awgeed in ay shankaroontu ogolaato keenista dadkaa madax-dhuubka Shankaroonta ayaa weftigaas u quturay oo ku yidhi; “Nimanyow Ingiriis, Aqoonsi baanu idinka sugaynaaye dad la soo celiyo idinkamaanu sugayn.” Waxa kaluu u sheegay dalkani, in aanu dhaqaale haysan, hantidiisa ugu badanina yihiin nabad iyo mirqaan ku filan inta maanta joogta, sidaa awgeed aanay u taaghayn dad ingiriisba hayn kari waayay.

Wakhtigani, wuxuu ku soo beegmay wakhti Madaxkuusku khuruuj ugu maqan yahay Atoobiya, sidaas awgeed, ayaa dadbadani garan la’ yihiin sababta raggani u soo daba-ka-waydaartay odayga, taas oo aan is idhi malaha waxay is yidhaahdeen, kol haddii odaygii maqan yahay, meeshu waa cidla’e ka faa’iidaysta.

Dawladda Shankaroonland, ayaa ka baqatay in ay ku furanto waddo qaxooti mareen ah.

 

WAASHITOON.

Dalka Maraykan, ayaa fur wayso ka helay dalka Afbagistaan. Waxa kale oo qalabka la helay ka mid ahayd Gaaweetada Askarta. Madaxweynaha Maraykanka oo fur buraashadeedkaas ka hadlay sheegay inuu furkani yahay qalabkii Soomaaliya lagaga furtay, waxaanu yidhi; “Igsimid, it is our furwayso came from Somalia.”

Mar dambe ayaa haddana Maraykanku sheegay in furkaasi mid kale uga ekaaday oo 18 moodku dhacay. Haddaba, arrintan ayaa dadka qaar ku tilmaameen daandaasi iyo adyad doon Maraykanka Soomaalida ku daandaansanayo. Habar afhayeen  u ahayd habrihii Maraykanka Xamar ku baadhay, ayaa tidhi; “Qalabkii anigu waxaan ka helay bir madaw oo Jaandi ahaan ayaan uga iibiyay carabta.”

RAYJEERIYA

Haweenay reer Nayjeeriya ah, ayaa dhagax ku dilid lagu xukumay, kadib markii Sumalxad lagu eedeeyay. Haweenaydaasi intii aan dhagxaanta lala dhicin ay rafcaan ka qaadatay xukunkaas, walina ma dhicin.

Waxa kale oo war macsiyeedku intaa raaciyay in gabadhaasi qoqoba dhaafkaa ay ku dhashay ilmo ku maraq ah.

Gabadhan oo la sheegay in ay muslin ahayd, Dimuqraadiyaddana ahayd, waxa Xukunkeeda uu ka xanaajiyay hay’adaha xuquuqaha sheegta.

 

GABAY

Citiraafkii baa laygu yidhi

Wuu sanqadhayaaye

Inankii Sanaawaa la yidhi

Waa bixinayaaye

Odaygii Cigaalbaa la yidhi

Wuu eryanayaaye

Alle wuxuu ka qaybshaba

Beryahan Caashaqbaa jira

Waxaan bahalka raadraadiyaan

Habar duqeeyaaba

Hadba waxaan wasiir aan u diray

Duco-qabeeyaaba

Imikuu sidii habar indho la’

Soo tukubayaaye

Afartaa sidii Shaag banjaray

Fiish makaga siiyay

Afar kale intaan soo dhukuray

Timaha ma u feedhay

Siyaasaddi marbay Cagaha iyo

Madaxa taagtaaye

Quruumahan is dilay

Dawladahan khoofku kala gaadhay

Qamta yeedhay iyo

Boholahaa la isu qarinaayo

Inay qoloba qolo daalibtaa

Qaadir soo rogaye

Qarnigaa la galay

La isu guray qalabkii shaydaane

Qumbuladii Jabaan lagu dhuftaa

Qaar cutinayaan

Qarka waxay u taallaa

Inay balo ka qiiqdaaye

Qaadirow na bixi

Waxaanu nahay

Qoom mushaahid ahe

 

 

 

 

 

 

Wararka Dibadda

 

Ingiriiska oo Ciidamo iyo Diyaarado ku kordhiyay Xoogagga Isbahaysiga ee Kulaalaya Soomaaliya

N

ayroobi (W. Wararka): Laba ka mid ah Diyaaradaha wax bassaasa ee Ingiriiska iyo Boqol iyo afartan askari ee ka tirsan Ciidamada Cirka ee Boqortooyada (Royal Airforce), ayaa axadii ku biiray Ciidamada Cirka iyo Badda ee dalalka Maraykanka, Jarmalka iyo Faransiiska ka joogga magaalada Mombasa ee dalka Kiiniya. Ciidankaas iyo Diyaaradahaasi, waxay qayb ka qaadayaan hawl-gal sahamin ah oo ay beryahanba diyaaradaha Maraykanka iyo Jarmalku, ku dulmeerayeen hawada Soomaaliya, halkaas oo ay Maraykanka iyo Xulifadiisu ka cabsi qabaan in ay hoy u noqoto kooxaha argagixisada, ama ay soo magan-galaan dagaalyahanada Al-Qaacida ee ka soo firxadda Afgaanistaan.

 

Markab dagaal oo Ingiriisku leeyahay, ayaa lagu wadaa isna inuu gaadho Xeebta magaalada Mombassa, horraanta bisha April ee soo socota si uu u caawiyo Ciidanka Boqortooyada ee RAF.

 

Ciidamada Isbahaysigu soo ururiyay ee kulaalaya Soomaaliya, ayaa lagu tilmaamay in ay si dhakhso ah u noqdeen Kolanyadii Milateri ee ugu weynayd ee reer galbeedku u diro Qaaradda Afrika, tan iyo dagaalkii qaboobaa.

 

Dawladda Maraykanka oo indhaha ka la’linaysay Soomaaliya, tan iyo markii Ciidamadeedii hor kacayay Barnaamijkii loogu magac daray ‘Rajo soo Celinta’ ee loogu gurmanayay dadkii macluushu asiibtay, ay kala baxday magaalada Muqdisho 1993-kii, ayaa wakhtigan hawl-galo sirdoon oo door ah ka wada meelihii ay Maleeshiyaddii hore ee Al-Itixaadku xoogga ku lahaan jireen ee badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya. “Waxa anaga na werwer geliyay, inuu jiri karo xidhiidh dhab ah oo ka dhexeeya Al-Itixaad iyo Al-Qaacida, waxaanuna il-dheer ku eegaynaa arrintaas.” Sidaa waxa yidhi, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, Mr. Walter Kansteiner. Wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxaanu haynaa baadhis iyo macluumaad, kuwaas oo si cad u taabanaya xidhiidhkaas.” Hase yeeshee, Maamulka Cabdiqaasim ayaa dafiray haba yaraatee in wax xidhiidh caynkaas ahi jiro, waxaanay dhawr goor ugu baaqeen Maraykanka iyo Xulafadiisaba in ay Ciidamo u soo diraan Soomaaliya, si ay u eegaan. “Waa laga yaabaa in ay jiraan waxoogaa dad ah oo joogga dhawr Masaajid oo taageera Binu Laadin, laakiin ma jiraan kooxo argagixiso ah oo joogga Soomaaliya.’ Sidaa waxa yidhi Cabdiqaasim Salaad Xasan oo telefoon lagu waraystay, isagoo joogga magaalada Muqdisho.

 

Aaladda Satalaytka lagaga ogaado qofku meesha uu joogo (GPZ) oo Ciidamada Maraykanku ay ka heleen Isniintii toddobaadkii hore godod ku yaalla Afgaanistaan, ayaa Saraakiisha Maraykanku u qaateen Marag-muujin caddaynaysa xidhiidhka Soomaaliya iyo Al-Qaacida, waxaanay ku andacoodeen in qalabkaas uu lahaa askari ka mid ah 18-kii askari ee Raanjariska Maraykanka laga dilay Muqdisho 1993-kii. Hase yeeshee, wax yar kadib ayaa Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku beenisay daliilkaa. Warar kale oo hadda soo baxay, ayaa iyana sheegay in ka badan 30 Soomaali ah oo u dagaalamaysay ururka Al-Qaacida in lagu qabtay Afgaanistaan.

……………………………………………….

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka Carabta oo Shir uga Furmay Bayruut

B

ayruut (W. Wararka): Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta, ayaa shalay ka furmay Caasimadda dalka Lubnaan ee Bayruut. Shirkan oo gogol xaadh u ah Shir-madaxeed ay isugu iman doonaan Madaxda Carabta oo ka furmi doona Bayruut maalinta berri oo Arbaca ah, socona doona laba maalmood.

 

Muddada labada cisho ah ee uu socdo Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibaddu, waxa ay ka wada-hadlayaan go’aanada ay hordhigayaan Madaxda Carabta, iyada oo arrimaha muhiimka ah ee horyaal ay ka mid yihiin xaaladda Bariga dhexe, Xurgufta u dhaxaysa Ciraaq iyo Kuweyt iyo guud ahaana arrimo ku saabsan wadciga ka taagan dalalka Carabta.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Lubnaan oo ka hadlayay Furitaankii Shirkaa, ayaa sheegay in ay Carabtu doonayaan nabad, balse aanay is-dhiibayn, waxay ay dagaalka ugu jiraana ay tahay in ay soo ceshadaan xuquuqdooda ka maqan.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Cumar Muusa oo isna ka hadlayay Furitaanka Shirkaa, ayaa isna sheegay inuu mustaqbalka mandiqaddu ku xidhan yahay kala doorashada laba arrimood oo kala ah, nabad iyo deganaansho cadaalad ah ama dagaalo iyo qallalaase ka abuurma.

 

Dhinaca kale, warar mar dambe soo baxay, ayaa sheegay inuu Amiirka dalka Qatar qaadacay Shir-madaxeedka Carabta, balse lama xaqiijin. Shirkan oo ah kii 14aad ee ay ku kulmaan Carabtu, waxa wali muran ku jira inuu ka qayb-geli doono Hoggaamiyaha Falastiin, Yaasir Carafaat iyo in kale.

…………………………………………………………

Taxaddarka siyaasadeed ee Itoobiya iyo taageero-doonka Somaliland ma wada tallaabsan karaan?

Cumar Daahir Cumar-- Faallo

 

Waddanka qoomiyadaha badan ee Itoobiya wuxuu ka soo jeedaa Boqortooyo iyo xilli-taariiikeed fog oo kumaankum sano ah sida “Axum” iyo ‘Abysinia’, waa waddan saamayn ku leh guud ahaan siyaasada Afrika, gaar ahaan gobolka uu kaga yaalo geeska Afrika, waddanka Itoobiya waxa ku taala xarunta Midowga Afrika (OAU), taageerada ama is-hortaaga Itoobiya ee danaha dal kale oo ku yaala Afrika waa mid leh mudnaan ama dhegaha Afrika iyo dalaka ka baxsan Afrikaba waa kuwa u furan, haddaba dhulka ay ku nooshahay qoomiyadda Soomaalida gaar ahaan dhulkii hore loogu yiqiin Barri Soomaal, oo hadda loo yaqaano Somaliland, waxa ka dhaxaysa jaarnimo soo jireen ah, xilligay Itoobiya ay ka jireen xaddaarada ay ku dhisantay magaalada Axum, Somaliland waxa loo yaqaanay (IFAD), waxaana jiray xidhiidho iyo wax-is-dhaafsi ay taariikhdu xustay.

Muddo dheer waxa jiray is-faham la’aan iyo is-colaadsi la dhexdhigay dadyowga jaarka ah ee ku nool dhulka deriska ah ee Itoobiya iyo Somaliland, hase yeeshee intii maamulka Itoobiya qabtay jagooyin kala duwan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ee xilligan Males Zenawi waxa muuqda inuu meesha ka saaray cadownimadii dhex taalay labada shacbi.

Arrintaasi waxay kor u qaaday kala ganacsiga, is-dhexmarka iyo wada noolaanshaha labada dadyow.

 

Dhinaca kale, Itoobiya waxa iyana hawl ku soo kordhisay burburkii dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray oo u kala googo’ay dalal, gobollo iyo goobo.

Haddii aynu arrintan ku dabaqno jewiga siyaasadeed ee Somaliland oo muujiyay isku-tashi iyo dhisme nidaam oo dalka gudihiisa ah, hase yeeshee dalalka la jaarka ah ee Itoobiya ay ka midka tahay ay kala gaws adaygeen aqoonsi diblomaasiyadeed, waxa isweydiin leh Somaliland oo la aqoonsado dhinacee aad uga faa’iidaya ma Somaliland mise dalalka la jaarka ah ee Itoobiya ka midka tahay?

 

Jawaabta arrintani waxay ka muuqan kartaa wax-tarka uu aqoonsigu u soo kordhin karo Somaliland, markaynu eegno Somaliland waxay xallisay mashaakil badan oo haysta dhul badan oo ku yaala dhulkii hore loo odhan jiray Somaliya marka la eego jewiga nololeed ee ka jira, Somaliland waxa kale oo ay deggenaanshaheeda nabadgelyo siisay fursad nololeed dad badan oo ka soo baxay gobollada kale ee Soomaaliya nabadgelyo darro awgeed, nidaamka maamul iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland waa qayb ka mid ah guud ahaan nabadgelyada iyo deggenaanshaha Geeska Afrika, markaa aqoonsiga Somaliland waa mid sii adkaynaya hannaanka maamul iyo kala dambaynta ka jirta dhulka ay ku taalo, taas oo waxtar weyn u leh waddamada Geeska Afrika ee Itoobiya ka mid tahay, haddaba inkasta oo maamulka Meles Zenawi uu waxoogaa kor u hinjiyay iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland, haddana waxa ka muuqda taxaddar aad moodo in Ra’iisal-wasaare Zenawi uu ku tixgelinayo aragtida arrintan ee madaxda talogabka ah ee muqdisho.

 

Haddaba taxaddarka siyaasadeed ee Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi iyo Somaliland oo uu waxtar weyn u yahay aqoonsiga diblomaasiyadeed waxay ku wada tallaabsan karaan laba arrimood, tan koowaad waa Itoobiya oo fahamta faa’iidada weyn ee aqoonsiga Somaliland uu u soo kordhinayo deggenaanshaha geeska Afrika ee Itoobiya ka midka tahay, tan labaad waa xirfad siyaasadeed oo ay la timaado xukuumadda Somaliland, taas oo ku qancisa Itoobiya inay aqoonsato, Somaliland oo la aqoonsaday iyo Itoobiya iskaashigoodu midho faro badan oo faa’iido u leh labada dalba ayaa ka dhalan kara.

……………………………………………………………….

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

 

Fakerka wasiirada, fajaca shacbiga, falaadha Cigaal iyo fiirsashada mucaaradka

M

adaxweyne shaki kuma jiro in shacbigu kaa sugayo isbeddel maamul oo mugiisa leh, kaas oo aanu odhan karno waad la raagtay.

Waxa aynu ognahay in muddo iminka ku dhaw laba bilood iyo badh aan wasaaradaha dalku sidoodii u shaqayn, taas oo dadka qaadaa dhiga arrimaha siyaasaddu ay ku macneeyeen inay sababtay tuhun ay wasiiradu ka baqayaan inay xilkooda waayaan, kadib markii ay dhammaatay muddadii xilka loo igmaday, kaas oo haddana aanay wax kalsooniya ka haysan madaxweynaha.

 

Sida la sheegayana, wasiirada qaarkood fulinta xilkoodii waxa kala xoog batay sidii ay xog uga heli lahaayeen inay kursiga sii joogayaan iyo inkale.

Arrintan dhibkeeda leh ee ay ku sugan yihiin wasiiradii dalku waxay saamaysay dhammaan adeegii wasaaradaha dalka, intooda badana iminka niyad-jab ayaa ka muuqda, mana soo fadhiistaan xafiisyadooda.

 

Marka arrini sidaa tahay ee baqdinta xadkaa lihi gashay golihii wasiirada, isweydiintu waxay tahay maxaa dhici kara hadday tahay xagga golahan wasiirada iyo dhanka mucaaridka iyo weliba shacbiga oo iyagu ah kuwa laysku dul haysto. Bal aynu ku horrayno golaha wasiirada:

Maaha mushkilad yar, balse waa mashaqo inteeda le’eg mas’uul ka warwarsan xilka uu hayo oo is leh beribaa duco-qabe lagu odhan. Waxaana luntay hawshii qaranka uu u hayay oo dhan.

Sidoo kale, waxa laga yaabaa inaanu ogayn wasaaradda uu wasiirka ka yahay waxa ka dhacaya iyo sida ay hawluhu u socdaan. Waxaana dhacda in wasaaradaha qaar uu magaca wasiirka saxeexo agaasime-waaxeed.

 

Dhibaatada kale ee dhacday ama la dareemay waxay tahay musuqa oo noqday mid xad-dhaafa, iyada oo sababtu tahay deggenaan la’aanta wasiirada badhkood.

Xag kale markaynu ka eegno waxa farihii ka baxay shaqaalihii dawladda oo markay arkeen sida xaalku yahay ka faa’iidaystay oon qaarkood imanba shaqada, waxaana dhacday in qaar badan oon la arag in ka badan sannad ay haddana lacagtooda qaataan, kadib markay heshiis la galeen madaxda maamulka.

Maaha arrinkani mid la eegan karo, waxaan talo ahaan madaxweynaha leeyahay, madaxweyne meesha wasiiro ma joogaane niman naftu hayso ayaa fadhiya ee ama u cusboonaysii oo niyadda u deji ama xaaji xilku waa meertee duco-qabayaal dhahoo ha banneeyaan meesha sidan iyaguna ku dhinte shacbiguna ku baaba’e, danti qarankuna ku luntay.

 

Mucaaridka

Awooda mucaaridka dalku maaha mid la dhayalsan karo, marka laga tago hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka, sida SAHAN iyo ASAD.

1.       Saleebaan Maxamuud Aadan,

2.       Maxamed Xaashi Cilmi,

3.       C/raxmaan Aw Cali Faarax,

4.       Maxamed Cabdi Gabboose,

5.       Muuse Biixi Cabdi,

6.       Maxamed Maxamuud Faarax (Oday),

7.       Mataan Hoori,

8.       Fu’aad Aadan Cadde,

9.       Cali Maxamuud Waran-cadde,

10.    Pro. Maxamed Cumar Jiir,

11.    Prof. Axmed As-hari,

Iyo qolyaha kale ee siyaasaddooda lagu tilmaamo mid dhexdhexaada sida, Muj. Xasan Ciise Jaamac.

Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ururada qunyar-socodka ah ee kala ah;

1.       Faysal Cali-waraabe (UCID),

2.       Axmed Xaashi Madar (Hormood),

3.       Cumar Jaamac Faarax (

4.       Axmed Sandoon (Birsol),

5.       Axmed Jaamac (UMAD)

Iyo ururadooda oo ay ku jiraan niman qudhoodu ah macaarad mayal adag.

Waxa haddaba kor u sii qaadaya awoodooda hoggaan dhaqameedyada oo ay intooda badan gacanta ku hayaan ama ka soo horjeeda xukunka hadda jira tusaale ahaan gobol kasta waxa taageersan hoggaan-dhaqameedyadan:

1.       Sul. Maxamed C/qaadir (Hargeysa),

2.       Sul. Maxamuud Guuleed (Burco),

3.       Ugaas Doodi (Boorama),

4.       Sul. Maxamuud Axmed (Berbera),

5.       Sul. C/llaahi Cali (Burco),

6.       Sul. Maxamed Xirsi Qani (Burco),

7.       Sul. Barre (Burco),

8.       Sul. Maxamed Amiin (Hargeysa),

9.       Sul. Maxamed Axmed Xadi (Boorama).

Dhinaca kale, Garaadada beesha Sool ayaa iyagu dhammaan ka soo horjeeda maamulka hadda jira marka laga reebo Garaad Ismaaciil.

Waxa isagu aad u  fogaaday hoggaamiyaha aadka loo yaqaan ee Garaad C/qani Garaad Jaamac, oo xataa walaalkii oo ka yar laga dhigay wasiir, balse an weli dheg jalaq u siin halkiisiina ku adkaysanaya.

Tiradan badan ee hoggaan-dhaqameedyada ah ee mucaaridka gacantooda gashay waxay u sahashay inay yeeshaan miisaan la mida ah ama ku dhaw ka xukuumadda.

 

Madaxweynaha

Hoggaamiyaha Somaliland Md. Cigaal oo aad u yaqaan dhaqanka iyo siyaasadda Beelaha Somaliland, haddana gacanta uguma jiraan hoggaan-dhaqameedyo badan oo awood lihi marka laga reebo;

Sul. Maxamed Diiriye (Hargeysa), Sul. Cismaan Cali Madar (Burco), Sul. Maxamed Faarax (Hargeysa), iyo Suldaan dhawaan la sameeyay oon weli hana-qaadin.

Arrinta fajaca leh ee la kulantay maamulka madaxweynaha, waxaa loo sababeeyaa ama loo aaneeyaa laba arrimood oo kala ah:

Guurtida

Oo la sheegay inay meesha ka saartay hoggaan-dhaqameedyadii, kadib markay dhegta u fadhiisteen madaxweynaha, hoggaan-dhaqameedyadiina ay waayeen meel ay u soo maraan madaxweynahooda.

Golihiisa Wasiirada

Oo intooda badan looga awood badan yahay hoggaan-dhaqameedyadooda, iyo wasiirada qaarkood oo fogeeyay hoggaan-dhaqameedyada, kadib markay isku hubsadeen xilka wasiirnimo.

Labadan arrimood ee aan kor ku soo xusay waxay noqdeen qaar maanta maamulka jiraa uu faro madhan ka taagan yahay hanashada hoggaan-dhaqameedyada, waana arrinta hoggaan-dhaqameedyada ku kelliftay inay ku dhawaaqaan ‘Golaha Saldanadda’.

Marka arrini halkaa marayso, madaxweyne Cigaal waxa la gudboon inuu qeexo arrinkan hoos ku xusan:

·         Inuu u yeedho shirna u qabto hoggaan-dhaqameedyada dalka oo dhan, isaga oo marinaya milgihii iyo sharaftii ay lahaayeen Suldaanada dalku, kuna salaynaya dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee aynu ku liibaanay kuna dhaafnay qayrkeen, welibana u yeelo in uu talada wax ka siiyo ama kala tashado arrimaha dalka, maadaama ay yihiin ciddii keentay Guurtida, Wakiilada iyo Wasiiradaba. Taas oo aan anigu u arko inay tahay halka keliya ee uu maanta madaxweyne Cigaal kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Waxa kale oo aan laga indho qarsan karin, sida wanagsan ee ay inooga soo jeedaan indhaha caalamku, waxaana la gudboon inuu adkeeyo xidhiidhka iskaashi, nabadgelyo iyo ganacsi ee dalka Itoobiya.

Waxa iyaduna horumar ah magacaabida Maxamed Siciid Gees loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda, kaas oo ah nin wax ka beddeli kara xidhiidhka aynu laleenahay caalamka intiisa kale.

 

GEBOGEBO.

Dhexdeena ayaa xummaantu ka jirtaa, laakiin dawladaha caalamku hadday mar inaga sii jeedaan iminka way inoo soo jeedaan.

1.       wax ka beddelka xukuumadduna waa tiirka ugu horreeya ee ina gaadhsiin kara horumar.

2.       mucaaridka oo oggolaada muddo-kordhintana waxaan hubaa in wax weyn inoo qabsoomi karaan.

3.       Guurtida oo hoggaan-dhaqameedyada soo dhaweysaana waxay meesha ka saaraysaa shir-beeleed iyo wixii la mid ah.

4.       Ururada siyaasadda oo kordhaana waxay noqon doonaan qaar wax-tar weyn u yeesha dhinaca siyaasadda.

5.       Shacbiguna waa inuu dantiisa gartaa oo uu ilaashadaa nabadda.

C/raxmaan Maxemed Guun,

Hargeysa.

……………………………………………………………………………………

Saxansaxada nabadeed iyo saluugga Xukuumadda

 

X

aaladaha cusub ee siyaasadeed ee soo foodsaaray Somaliland, waa mid runtii aan lagu raaxaysanayn, waxaan anigu shakhsiyan aan aad u soo dhawaynayaa dadaalka nabadgelyo ee ay wadaan shaksiyaadka uu ka midka yahay Mr. Ahmed Mohamed Siilaanyo. Mana aha markii koowaad ee mujaahidku u tafaxayto nabadgelyada waddanka.  Sidaan la socono Mr. Siilaanyo oo ka mid ah dadka nabadda jecel, wuxuu ka shaqeeyay oo ku ammaanan yahay intuu Madaxda u ahaa SNM oo uu soo maray wakhti aad u xun oo inagu furan tahay dhaqaalihii, siyaasaddii, iyo barobagaandhadii mid ka mid ah dawladdii ugu xoogga waynayd geeska Afrika, oo isku dayday in ay in badan minjo xaabiso halgankii lagu jiray, laakiin Madaxdii sare ee SNM waxaa u suuragashay in aanay ku guulaysan dhagarta ay maleegaysay xukummaddii milateriga ee xilligaasi.  Inkastoo taas lafteedu aanay khilaaf la'ayn oo ay markastaba jiray waxyaabo lagu kala fikrad duwanyahay, haddana marnaba arrintu faraha kama bixin. Marnabana qof kaliyihi talada ma maroorsan sidan hadda muuqata.

 

Intuu Madaxa ka ahaa SNM Mr. Siilaanyo beelihii SNM taageersanaa marnaba iskuma dhicin, waxaana arrimahaa iyo wax kastoo yimaadaba lagu dhamayn jiray wadahadal iyo is-qancin. Waxyaabaha Siilaanyo lagu xusuusto waxaa ka mid ah siduu u xallin jiray waxyaabihii lagu kala fikrad duwanaa dhinaca siyaasadda. Mr. Siilaanyo wuxuu Xukunka iska dhiibay, iyadoo la jecelyahay. Kamana fadhiisan ee sidii buu usii waday, waxaanu jecel yahay khilaaf kastoo yimaadda in lagu dhameeyo jawi nabadeed.

 

Mr. Siilaanyo markuu Xukunka dhiibay ee uu Madaxweynaha noqday Mr. Cabdiraxman Ahmed Cali kama fadhiisan hawshii geeddi socodka nabadda iyo xorriyadda ee halkii buu ka siii waday. Markii dalka la soo galay bilawgii sannadkii 1991kii wuxuu aad uga shaqeeyey walaalaynta iyo nabadayntii beelaha Somaliland ee isku dhuftay taliskii hore ee Siyaad Barre, waxaana isaga iyo Madaxdii sare ee SNM culayska saareen inaan laga aargoosan beelihii kale ee Somaliland ee aan taageersanayn SNM. Waxaana uu ka mid ahaa Madaxdii sare ee SNM ee wadday nabadaynta iyo turxaanbixinta beelaha Somaliland ee ay ka dhexaysay xurgufaha iyo khilaafka siyaasadeed wakhtigii taliskii Siyaad Barre. Wuxuuna ka mid ahaa Madaxdii ugu sarraysay ee SNM ee  taga iyagoo hawlaha nabadaynta wada magaalooyinka Booraame iyo Laascaanood. Wuxuuna kusoo guulaystay hawlihii nabadaynta ee halkaas u tegay.  Waxaanu ka mid ahaa Madaxdii qaban qaabisay shirkii dibuheshiisiinta ee Berbera. Isku dhacyadii sokeeye ee dalka ka dhacay waagii Tuur wuxuu ka mid ahaa Madaxdii wax ka wadday shirarkii dibu  heshiisiinta ee ka dhacay Burco iyo Shiikh.

 

Dagaaladii sokeeye ee u danbeeyey  ee dhacay intii dawladda maanta joogta talada haysay Mr. Siilaanyo, wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololaynaayey dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta, wuxuuna qayb libaax ka qaatay shirkii Caynaan ee lagu qabtay Caynaba ee ay ka qayb-galeen beeluhu, kuna baaqayey nabadda saamaysay markii danbe dhamaan daafaha Somaliland.

Ugu danbayna wuxuu ahaa siyaasiga qudha ee Madaxdii sare SNM ama dawladdaba ee joogay shirkii dibuheshiisiinta beelaha reer Togdheer ee ka dhacay tuulada Beer aanay ka soo baxeen go'aamada nabadgelyada taamka ah ee aan maanta haysanno. Waxaanu mudan yahay in hawshan uu wado ee nabadgelyo lagu taageero. Dadkeenu isma ciseeyaan, qofna lib looma ogalee, wuxuu mudan yahay in aan nidhaahno waa Somaliland Hero, waxaa iyana taas aan soo sheegnay dhinac taalla in ay kollayba jireen khaladaad dhacay iyo dhaliiliba sababo kastaba haku yimaadeene.

 

Su'aashuna waxaa weeye dhowr jeer buu Mr. Siilaanyo damiyey dab ka oogmi lahaa Somaliland ee maku guulaysan doona hawshan uu hadda isugu iskii isu xilsaaray ee la rabo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan? Cigaal-se dani ma ugu jirtaa? Waxaana jira dareen ku saabsan in dawladda maanta talada haysaa aanay xaalanayn danta guud, ujeedadeeduna tahay in ay talada kaligood isku koobaan danahooda gaarna ka hormariyaan kuwa guud. Waxaanay u egtahay markastoo uu yimaaddo khilaaf siyaasadeed in dawladdu aanay isku dayin in wada hadal lagu dhameeyo arrimaha jira, ee ay isku daydo in ay xoog ku caabido mucaaridka oo khasab ku marsiiso muraadka ay leedahay oo ah in ay ku fushadaan damacooda siyaasadeed.

Waxaana habboon in shacbigu aanay kala raacin dhinacyada is-haya, ee ay isku dayaan in ay isku soo dhaweeyaan oo la wada hadlo, taas oo dani ugu jirto cid kastaba Muxaafid iyo Mucaaridba.  Waxaana muuqda, inkastoo dadaalo badani ay jiraan saxan saxo nabadeedna ina hayso, in haddana jiraan shaki iyo saluug badan oo ku saabsan in dhinacyada is-hayaa ay khilaafkooda ku dhammayn karaan wada hadal oo miiska la soo wada fadhiisan karo, taas oo dhinaca Xukuumaddu shuruud adag ku xidhay wada hadalkii, bulshadeenuna way soo martay in kaga filan dhibaato iyo dagaal, haddana cidnaba maaha in ay ku taageeraan wax ka baxsan deganaashaha iyo xasiloonida aan haysanno.

Abdi Abdillahi Hassan, Holland

……………………………………………………………….

Nabad-diid Waa Qaran-diid

U

mmadi waxay hore ugu martaa markay ku wada socoto nabad,xeerka oo lagu wada dhaqmo, dawladda dalka maamusha oo Xukunka ammaanada  ah ee loo dhiibtay lafteedu, ixtiraanta iyo distoorka oo Xukuumad iyo shacaba lagu dhaqmo.

Sida runta ah, distoorka aad bay u wanaagsan tahay in laga dambeeyo, waxaase ayaan-darro ah marka ay Xukuumaddii  ahayd ilaaliyaha distoorku ay ku dhaqmi waydo, kuna bajiso shacabka iyo axsaabta mucaaradka ah in aanay ka hor iman distoorka.

Somaliland ma jirto Maxkamad distoori ahi, hadday jirtana waxaa magacaaba Madaxweynaha, hadday Maxkamaddaasi ka hor timaaddana, waxaa dhab ah in aannu Xaakimka Maxkamadda distooriga ahi aanu marnaba Maxkamaddaas dib u sii joogaynin. Hay'ad  dhex ah oo ka garnaqdaana  khilaafka distooriga ah haba yaratee dalku male! Markaa waa hadba siday Xukuumaddu u turjumato.

 

Arinkan ku saabsan nabadda iyo dhexdhexaadinta ee dhawaan u ku baaqay Mujaahid Axmed Maxamuud Silaanyo, runtii waa fursad haboon oo loo baahan yahay ,waa mid inooga baahan in la wada taageero, sideedabana haddii khilaaf ka dhex dhaco laba dhinac xalkeeda iyo dawadeeduba waa wada hadal, dhaqankeennuna ma dhigayo in shuruud lagu xidho wada hadalka nabadeed. Maanta waa aragtaan waxaynu kaga duwannahay dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waa nabadda aynu ku wada noollahay. wax yaabaha baryahan dambe adduunyadu inoo hadal haysaa, shirka april ee Somalidana la inooga reebay waa nabadgalyada aynu soo shaqaysanay. Waxaan filyaa dadka reer Somaliland in ay maanta kala barteen nabadda iyo nabad la’aanta, in ay kala yaqaanaan khasaaraha dagaal sokeeye leeyahay, in ay hadda waaya-arag ku yihiin sagaalkii sannadood .Hadalkayga waxaan ku soo gabagabaynayaa, kumaa qaldan? Ma ka yidhi aynu wada hadalo? Ma ka yidhi aan idin dhexdhaxaadiyo? mise ka yidhi haddii kordhinta Xukuumaddayda iyo shirbeeleed laga hadlayo ma rabo? Madaxweyne Cigaal , waxaa lagugu soo doortay laba goor oo  shir beeleed ah laba goorna waa laguu kordhiyay.

 

Salaan waxaa iga mudan shacabka wanaagsan ee reer Somaliland, kuwa jecel nabadda, kuwa jecel dalkooda  Somaliland, kuwa xasuusan xasuuqii faqash shalay inoo gaysatay .Waxaanan idinku guubaabinayaa xajista nabaddiina, ha dhagaysanina afmiinshaarka  dal iyo dadba mijin qaada siisanaya. Nabadiid waa qaran diid.

 Maxamuud Caydiid Raghe

Toronto , Canada

…………………………………………………………………….

 

 

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

 

Duqa Burco oo furay tartanka horyaalka kubadda cagta ee gobolka Togdheer

Burco (Haatuf) :- Duqa cusub ee magaalada Burco Maxamed Cali Maxamed ayaa Arbacadii toddobaadkii hore si rasmi ah u furay tartanka horyaalka kubadda cagta ee kooxaha gobolka.

Munaasibaddii furitaanka ciyaaraha oo ka dhacay garoonka Alamsay Stadium waxa ku loolamaya toddoba kooxood oo kala ah; Star Airilines, Caafimaadka, Kastamka, Nesco, Icms, Stc iyo Ramadaan. Waxa kale oo xafladdii furitaanka ka soo qaybgalay ku xigeenka Badhasaabka gobolka, isu-duwaha ciyaaraha gobolka Togdheer, Xoghayaha guud ee guddida Olympiga Somaliland Mubaarik Faarax Yuusuf (Xadhigle) iyo xubnaha Olympikada gobolka.

 

Duqa Burco, oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii tartankaa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo aadna ugu faraxsan yahay tartamada ciyaaraha gobolka, wuxuuna caddeeyay inay si dhakhso ah u samayn doonaan koox ku ciyaarta magaca Dawladda Hoose.

“Waad ku mahadsan tihiin sida aad u soo agaasinteen hawshan aanu furitaankeedii ka soo qaybgalnay ee ciyaaraha, inkasta oo aanu tartanka ku jirin naadi ka socda Dawladda Hoose, oo aanu fagaarahan ka muuqan, haddana waxaanu ku rajo weynahay inaanu dhakhso idiin kala so qaybgalno, Dawlad Hoose ahaan,” sidaa waxa yidhi Duqa cusub ee magaalada Burco oo ka hadlay xafladdii tartanka.

 

Ku xigeenka Badhasaabka Yaasiin Maxamed, oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wixii karaankooda inay gacan ka geystaan horumarinta ciyaaraha gobolka.

Sidoo kale isu-duwaha dhallin-yarada iyo ciyaaraha gobolka Jamaal Cismaan Saleebaan (J. Huuhaa), oo isna ka hadlay xafladdii furitaanka ciyaaraha ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay dhiirigelinta dhallinyarada ciyaartoyga ah oo markasta qayb weyn ka qaadan karta is-dhexgalka bulshada gobolka ku dhaqan.

“Waxaan idiin rajaynayaa in aad heer sare ka gaadhan ciyaaraha oo aad u safataan naadiyada adduunka. Maamulka Dawladda Hoosena waxaanu marti uga nahay inay gacan naga siiyaan sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha,” ayuu yidhi Jamaal Huuhaa.

Tartankan oo ay soo qaban-qaabiyeen xubnaha guddiga Olympiga qaranka iyo kuwa gobolka, waa mid is wada arag ah, wuxuuna soconayaa muddo 21 maalmood ah oo ka bilaabmaya 20/3/02-09/4/02.

 

Furitaanka ciyaaraha waxaa lagu bilaabay kulan dhexmaray kooxaha Star Airlines iyo Caafi, wuxuuna ku dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay naadiga Caafi, goolkaasna waxaa qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay weeraryahanka lambar sagaalaad u qaata oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Cismaan (Y. Guray). kulankii labaad ee tartanka horyaalka oo ay wada yeesheen kooxaha S.T.C iyo Nesco, oo dhacay 21/03/02, ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo raaligeliyay dadweynihii ka soo qaybgalay daawashadeeda.

 

Qaybtii hore ee ciyaartu waxay ahayd mid ay labada kooxood isku itaal ahaayeen, balse qaybtii dambe waxaa ku gacan saraysay kooxda STC. Kulanka qaybtiisii hore waxay ku dhammaatay 1-0 ay STC leedahay, balse markii la isugu soo laabtay wejigii labaad ayay ciyaarta wax weyni iska beddeleen, gebogebadiina waxay noqotay 4-0 ay guushu ku raacday STC.

Haddaba kulamadii kale ee tartankaas oo maalintii lixaad galay waxay ciyaarihii kooxuhu wada yeesheen u dhaceen sidan:

Ramadaan 2 – Alla-aamin 0, Star 2 – STC 0, Caafi 3 – Kastamka 0.

Jadwalka Ciyaaraha

Caafi vs Star

STC vs Nesco

Kastamka vs ICM

Nesco vs Ramadan

STC vs Star

Caafi vs Kastamka

Ramadaan vs ICMS

Star vs Nesco

Kastamka vs Ramadaan

Caafi vs STC

Star vs ICMS

STC vs Kastamka

Caafi vs Ramadaan

Nesco vs ICMS

Star vs Kastamka

STC vs Ramadaan

Caafi vs Nesco

STC vs ICMS

Star vs Ramadaan

Kastamka vs Nesco

Caafi vs ICMS

……………………………………………………

Inter oo hoggaan-qaaday horyaalka Talyaaniga

Rome (AP) – Weeraryahanka Uruguay ee Alvaro Recoba ayaa dhaliyay laba gool mid kalena sallaxay kulankii Axaddii oo Inter Milan 3-1 ku dhirbaaxday As Roma oo ay ka fara-maroorsatay kaalinta hoggaaminta horyaalka Talyaaniga.

 

Guushaasi waxay ka dhigtay in Inter 59 dhibcood hoggaanka ku qabato, Roma ayaa kaalinta labaad ku dhacday oo leh 56 dhibcood. Sidoo kale Juventus oo Sabtidii 1-0 lagu samirsiiyay ayaa kaalinta saddexaad fadhida oo leh 55 dhibcood.

Recoba, ayaa Inter u keenay goolka hoggaaminta daqiiqaddii labaad ee ciyaarta oo ahayd toddobaadkii 28aad, weeraryahanku wuxuu ka tallaabsaday difaacyahanka Arjantiin Walter Samuel iyo goolhaye Francesco Antonioli, ka hor intii aanu karbaashin ninkii ugu dambeeyay oo ahaa difaaca Faransiiska ah Jonathan Zebina.

 

Laba daqiiqadood ka hor waqtiga nasashada ayaa Recoba kubad uu dhanka midig ka soo rogaalay waxaa madaxa ku dhaliyay weeraryahanka qaranka Talyaaniga ee Christian Vieri.

Goolka Vieri oo ahaa kii 19aad ee xilligan wuxuu dhanka bidix ka dhaafiyay goolhaye Antonioli.

Recoba ayaa ciyaarta ka dhigay 3 - 1, dqiiqaddii 72aad, kadib markii uu kubbad xor ah oo loo dhigay uu dulmariyay derbiga difaaca ee ay xidheen Roma, kadibna uu dhanka midig ka sudhay goolka, sidaana uu ku dhaliyay goolkiisii shanaad.

Kabtanka Roma Francesco Totti, ayaa dhaliyay goolka madiga ah ee kooxdiisa daqiiqaddii 57aad, goolkaas oo ahaa kii siddeedaad ee xilli-ciyaareedkan, ayuu kubadda dhulka ugu dhuftay goolhaye Francesco Toldo.

 

Roma, muddo 23 daqiiqadood ah ayay kubadda ku ciyaaraysay 10 nin, kadib markii garoonka laga saaray Zebina oo gagabiyay Recoba oo ay laba kelmadood isweydaarsadeen.

Kooxaha Bologna, Chievo, iyo AC Milan ayaa iyana dhammaantood badiyay kulamadii ay ciyaareen galabtii Axaddii.

Bologna, waxay 4-3 kaga adkaatay Lecce, waxay haysataa 48 dhibcood.

Chievo, ayaa difaacatay kaalinta shanaad markii ay 2-1 kaga adkaatay Verona, waxayna haysataa 45 dhibcood, sidoo kale AC Milan ayaa 44 dhibcood urursatay kadib markii ay 1-0 ku samirsiisay Piancenza.

Kulamadii kale ee kooxuhu waxay u dhaceen sidan;

Brescia 3, Perugia0, Lazio 2 – Udinese 0, Torino 1 – Fiorentina 0, Atalanta 1 – Venezia 0.

……………………………………………………………………………….

Guddoomiyaha UEFA oo ballan-qaaday inuu ixtiraamayo maxsuulka ka soo baxa doorashada FIFA

Copenhegen (Denmark) (AP) – Madaxa xidhiidhada dawliga ah ee kubadda cagta Yurub (UEFA), ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu ixtiraamayo haddii dib loogu doorto Blatter guddoomiyenimada FIFA, laakiin aanu dedaal taageero ah ku xakamayn doonin danaha ciyaaraha Yurub.

Sepp Blatter, oo quud-daraynaya in mar labaad muddo afar sannadood ah dib loogu doorto madaxtinimada xidhiidhka kubadda cagta adduunka oo codayntiisu 29 May ka dhici doonto magaalada Seoul oo ay ku shirayso FIFA, laba maalmood ka hor intaanu koobka adduunku bilaaban Jabaan iyo K. Kuuriya.

 

Johanson, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Midowga Yurub, wuxuu ku celceliyay taageerada uu u hayo madaxa ciyaaraha Afrika Issa Hayatou, ee reer Cameroon, haddii uu beddelo ninka dagaalku muddada dheer u dhaxeeyay ee Blatter, balse uu isagu markasta tixgelinayo natiijo kasta ka soo baxda shirkaa.

“Haddii maanta (Hayatou) noqdo guddoomiye, aad baan ugu qanacsanahay. Laakiin haddii Blatter ku sii negaado gacantaan u lulayaa, waana adeecayaa, hase yeeshee, waxaan ku dagaalamayaa waxa uu xaqa u leedahay kubadda cagta Yurub,” sidaa waxa weriyeyaasha u sheegay Johansson oo si taxaddar badani ka muuqdo isu ilaalinaya.

Blatter oo soo bandhigay in awooda UEFA lagu badhxo ta FIFA, ayaa lagu eedeeyay inyuu mas’uul ka yahay in UEFA ku guulaysato gacantana ku hayso hoggaaminta 24 ka mid ah guddiga fulinta ee xubnaha dunida, taas oo keentay in baadhis lagu sameeyo dhaqaalaha FIFA, iyo xafiis guddoomiyaha laftiisa.

 

Blatter oo tan iyo muddadaa lagu qal-qaalinayay sidii guddiga fulintu baadhis ugu samayn lahayd xafiiska ayaa dhawaan lagu guulaystay.

“Dabcan anigu waan adeecayaa guddoomiyaha FIFA, laakiin waa in doorashadani ka duwanaataa oo tartanku tago Blatter Jagada sidii 1998.

Ururka Yurub, wuxuu ka baqdin qabaa in baadhis sax ah oo FIFA lagu sameeyaa ay keeni karto inuu lumiyo mustaqbalka koobabka adduunka, oo aanu koobka adduunka dib ugu soo noqonayn qaaradda Yurub tan iyo 2022 oo markeliya uu Jarmalku martigelinayo 2006 tartanka.

“Taasi waa tallaabo lid ku ah UEFA. Waana fikrad aniga ii gooni ah,” ayuu ku daray Johansson.

Ninka reer Sweden wuxuu sheegay inaanu ayidsanaantiisa kala noqonaynin Hayatou, balse uu xaq u leeyahay mid kasta oo ka mid ah ururka Yurub inuu go’aanka kama dambaysta isagu gaadho. “Waxaan filayaa in waqtiga doorashada si buuxda loo ogaandoono xaaladda ka dhlalata aragtiyaha kala duwan, taas oo la filayo in ay keeni doonto in la oggolaado xaqa qofku u leeyahay codaynta,” ayuu ku daray.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha FIFA Sepp Blatter, ayaa shir-jaraa’id oo isla Jimcihii qabtay wuxuu ku sheegay in guddiga FIFA ay isugu timaado shir aan caadi ahayn 28 May, kaas oo lagaga hadlayo mushkilada dhaqaale.

Kulankani wuxuu ka dhacayaa magaalada Seoul, ee K. Kuuriya maalin ka  hor u codaynta jagada guddoomiyenimada FIFA. Blatter oo 66-jir ahi wuxuu quud-daraynayaa in dib loo doorto, hase yeeshee, waxaa hortaala loolan adag oo uu kula jiro musharaxa Afrika Issa Hayatou oo u dashay dalka Cameroon oo 53-jir ah.

 

Blatter, waxaa ka hor timi dhalleecayn weyn tan iyo markii ay xidhantay shirkaddii suuq-geynta FIFA ee ISL/ISMM, taas oo laga baqdin qabo inay ka luntay lacag lagu qiyaasay saddex boqo oo milyan oo dollarka Maraykanka ahi.