SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 54-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf Newspaper, Issue 54, Date: Jimce, March 29, 2002

 

Imaatinkii Cigaal iyo Hirdankii Madaarka Hargeysa

 

Hawl-galkii Cawl, Ololihii Suldaan

Maxamed C/Qaadir, Guurtiyeyntii Cigaal

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa Salaasadii toddobaadkan ka soo laabtay socdaal muddo shan maalmood ah oo ay ku tageen Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana Madaxweyne Cigaal iyo Weftigiisa Madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyay, Masuuliyiin door ah oo ka tirsn dawladda Somaliland, iyadoo uu Madaxweynuhu Madaarka salaan kaga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

 

Madaxweyne Cigaal, waxa socdaalkiisa Addis Ababa ku weheliyey Wasiiradiisa arrimaha dibadda, waxbarashada iyo Gudoomiyaha Baanka (Maxamed Siciid Gees, Axmed Yuusuf Ducaale iyo C/raxmaan Ducaale). Hase yeeshee, Madaxweyne Cigaal oo Madaarka Hargeysa ugu waramay Saxaafadda Wadaniga ah, ayaa sheegay inuu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi la yeeshay kulan khaas ah oo aanay cidi ku wehelin, taas oo ay debedda ka joogeen Wasiiradda Madaxweynaha weheliyay, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu weriyayaashii Madaarka kula kulmay u sheegay in aanu wax tafaasiil ah ka bixinayn wixii ay Meles Zenawi ka wada-hadleen.

 

“Muddo Saacad iyo badh ku siman, ayaanu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya wada fadhinay labadayada oo  qudhi, laakiin gelimaayo tafaasiisha wixii aanu ka wada-hadalnay” ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal.

socdaalka Madaxweyne Cigaal ee Itoobiya, waxa uu dhawr maalmood oo keliya ka dambeeyay mar ay ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ka soo yeedhay hadal ay Saxaafaddu faafisay oo uu ku qirayo, Jiritaanka iyo Maqaamka Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

 

Sidaa darteed, hadalka ka soo yeedhay Meles Zenawi iyo Casuumadii waxyar kadib loo fidiyay Madaxweyne Cigaal, waxay dad badan oo reer Somaliland ahi uriyeen yididiilo la xidhiidha qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, taas oo ay dad badani u dheg taagayeen bal waxa ay Madaxweyne Cigaal iyo weftigiisu kala soo guryo-noqdaan Itoobiya. Hase yeeshee Madaxweyne Cigaal, isaga oo tilmaamaya qadiyadda Somaliland iyo wixii uu kala soo kulmay Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, wuxuu yidhi: “Meles Zenawi, shalay (25 March) ayuu tegay Abuja, halkaas oo ay ku shirayaan Madax badan oo Afrikaan ahi, waxaan odhan karaa fadhigaa ayuu ka soo qaadi doonaa Masiirkii Somaliland, wuxuu noqon doonnana Illaahay baa og.”

 

Maadaama aanu Madaxweyne Cigaal, wax tafaasiil ah ka bixin wixii ay ku wada-hadleen Meles Zenawi, lama saadaalin karo waxtar iyo qadoodi midka uu Meles Zenawi, Somaliland uga soo heli doono meesha uu Madaxweynuhu sheegay inuu ka soo qaadi doono Masiirka Somaliland, isla markaana lama sheegin cidda uu Meles Zenawi kala soo hadlayo qadiyadda Somaliland ee diiday ama yeelaysa.

Dhinaca kale marka laga eego, Jawigii soo dhowaynta Madaxweyne Cigaal, waxa Madaarka ilaa magaalada ka dhacay muuqaalo iyo sheekooyin xiiso leh oo uu qaarkood Madaxweynaha laftiisu la kulmay, qaarna ay dhaceen intii uu socday xarakaadkii soo dhowaynta Madaxweynuhu.

 

Intii aanay Madaxweynaha iyo weftigiisu soo degin, waxa gudaha iyo duleeddada Madaarka lagu daadiyay Ciidamo hubaysan, kuwaas oo ay qaybo ka mid ahi ku xeernaayeen duleedka dhabaha, halka ay qaar kalena gaaf-wareegayeen gudaha Madaarka, iyadoo ay Cutubyo Ciidanka Qaranka ah iyo Kooxda Baanboyda Boolisku si gaar ah ugu safnaayeen Salaanta Madaxweynaha.

Hase yeeshee, cutubyo dhawr nooc ah oo ay ka mid yihiin Ilaalada Madaxtooyadda, ayaa iyaga oo qoryo ku gaadhan ku teedsanaa garoonka gudihiisa, si ay u ilaaliyaan Ammaanka. Ta kale inta badan Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada sar-sare ee hay’adaha dawladda, ayaa iska xaadiriyay Madaarka, kuna xerrooday gudaha. Sidaa darteed, marka la isku darro Ciidamada iyo ragga Masuuliyiinta ah ee Madaarka dhoobnaa, waxa la odhan karaa dadka dhinaca dawladda ka socday Masuul iyo Ciidan-ba, ayaa meel ay kala qabsadaan waayey, iyadoo ay jireen kooxo kale oo dad ah oo u soo xaadiray in ay ka qayb-galaan soo dhowaynta Madaxweynaha, sida; kooxo arday ah iyo dad kale oo Madaxbanaan. Sidoo kale, waxa Madaarka joogay kooxo Weriyayaal ah oo ka kala socda Warbaahinta Wadaniga ah, Jaraa’idka iyo Idaacadaha, iyadoo ay Weriyayaashu gudaha u galeen hawl-saxaafadeed.

 

Hase yeeshee, Imaatinkii iyo tegistii Madaxweynaha-ba, Weriyayaashu waxay Madaarka kala kulmeen dhibaato isugu jirta handadaad, cidhiidhi ay kala kulmaan hawl-gudashadooda iyo gacan-saar.

Tifaftiraha Wargeyska Haatuf, Muuse Faarax Jaambiir ayay Askarta Ilaalada Madaxtooyaddu ay gacan saareen, kadib markii uu Taliyaha ilaalada Madaxtooyadda Maxamuud Sulub, qaar ka tirsan askartiisa ku amray in ay garaacaan oo dibadda u saaraan Muuse Faarax Jaambiir, kadibna waxa Tifaftiraha ku xoomay koox askar ah oo hal mar gacanta wada saaray. Hase yeeshee, waxa jugtii ugu weynayd u gaystay askari lagu magacaabo Muuse oo ka tirsan ilaalada. Lama garanayo sababta ay askartaasi ku dileen Tifaftiraha, wakhtigaana wuxuu isaga oo fara madhan la laafyoonayay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, laakiin tan oo qudha ma aha ee Khamiistii toddobaadkii hore markii uu Madaxweynuhu ka dhoofayay Madaarka, waxay ilaalada Madaxtooyaddu Madaarka handadaad iyo gacar-saarba ugu geysteen ilaa saddex Weriye oo ka kala tirsan Warbaahinta Wadaniga ah.

 

Ninka Weriyaha ahi Madaarka uma tago dalxiis iyo dagaal midna, laakiin waxa uu u tagaa hawl-saxaafadeed, hubkiisuna waa Rikoodh yar iyo Kamarad, isla markaana waa la ogyahay imaatinkooda ee qarsoodi kuma soo galaan. Sidaa darteed, ma jirto sabab loo dilo iyo sabab loo handadaa toonna.

Waxyaabaha kale ee garoonka ka muuqday, waxa ka mid ahaa kala dambayn la’aan iyo is-dhexyaac aad u arbushay hanaankii Madaarka iyo hawshii soo dhoweynta, taas oo aan la kala garanayn cidda hawsha soo dhoweynta Maamulaysa iyo cidda soo dhoweynta oo qudha u timi.

 

Sidoo kale, askarta Madaarka la keenay oo dhawr dhinac ka kala socday, kama muuqato isku xidhnaan hawleed iyo amar qaadasho hal meel ahi, sidaa darteed koox waliba sida ay doonto ayay u shaqaynaysaa ama waxa ay doonto ayay iska samaynaysaa, taas oo aad xataa arkayso nin askari ah oo nin Wasiir ah indhaha kaga dhacaya oo aan wax amar ah ka qaadanayn, waxaana dhacday in ay xataa rag Wasiiro ahi gidaarka ka boodaan, kadib markii ay askartu u diiday in ay kadinka ka galaan qolka nasashada Madaarka.

 

Muuqaalada xiisaha leh ee uu Madaxweyne Cigaal la kulmay waxa kale oo ka mid ahaa, dhacdo ka dhacday xaafadaha ku yaal wadada Madaarka tagta ee Calaamadaha loo yaqaan, halkaas oo uu Madaxweynuhu markii uu Madaarka ka soo baxay kula kulmay boqolaal dadweyne ah oo uu Maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle, Subaxnimadii hore ee isla maalintaa ka burburiyay dhismayaal Jiingado ah oo meherado u badnaa.

 

Subaxnimadii hore intii aanu Madaxweynuhu soo degin, waxay dadka Meheradaha laga dumiyay qaarkood ku hadaaqayeen ereyo calaacal ah oo ay ka mid yihiin; “Dawlad iyo Madaxweyne-toona dooni mayno.” Hase yeeshee, markii uu Madaxweynuhu dadkaa baabuurka uga soo degay ee la hadlay way yara qaboobeen, waxayna markii uu Madaxweynuhu ka soo dhaqaaqay, kadib ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin; “Cawl ha dhaco; Madaxeyne Cigaal-na ha noolaado.” “Annagu waxaa ka war haynay ma jirto, nin wax dhistay oo tacab ka galay, waa khalad in laga dumiyo meeshii uu ku tabcay inuu nin habeen madow meel aan sharci ahayn iska dhistaana waa qalad” ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal oo la hadlayay dadkii ay dawladda hoose ka dumisay dhismayaasha.

 

Dhacdada ay dawladdu ku burburisay dhismayaashaa oo ku beegantay, maalintii uu Madaxweynuhu ka soo laabtay Itoobiya, waxay Madaxweynaha iyo dadkaasi kulmeen, iyadoo ay dadkii guryaha laga dumiyay alaabtoodu wadhan tahay bacadka.

Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo in dhawaydba aanay isku wanaagsanayn Madaxweynaha, ayaa isna la aaminsan yahay inuu arrintaa awgeed u tegay Madaarka maalintaa, halkaas oo ay isku salaameen Madaxweynaha.

…………………………………………………………………………

 

Maryan Mursal: Booqashadeeda Hargeysa iyo Riyadeeda Rumowday

 

H

argeysa (Haatuf): In ka badan Toban sannadood markii ay dibadyaal ahayd dal-tabyo io dad-jacaylna la diifaysnayd, ayaa hoboladda caanka ah ee Maryan Mursal Ciise, waxay labadii maalmood ee u dambeeyay oo ay ku sugnayd dhex mushaaxaysay mawjadda farxadeed ee hafiyay, waxayna xaqiijisay inta badan riyadeedii ay lix sannadood ka hor ay soo bandhigtay, iyadoo badhtanka ugu jirtay koox fannaaniin ah oo isugu jirey fac kasta iyo rag iyo dumar oo ay shalay ku qaabishay guriga hooyada fanka Shamis Abokor, ayay Maryan Mursal si shucuur leh ugu luqaynaysay hees ka mid ah Albamkeedii ugu dambeeyay oo ka turjumaysa baahideeda iyo dareenkeedii qurbaha.

“Bulshadii Fanka iyo bahdii aan jeclaa, Hargeysaan dadyahow u baahnahayeey…”

“Burciyo Gebilay, Buuhoodle, Sanaag, dalkii aan bartaan u baahnahayeey..”

 

Beydadkaas ayaa ka mid ahaa heesta ay ku luuqaynaysay oo ay asxaabteeda Fanaaniinta ahina la jiibinayeen. “Dareenkayga ayaan ka heesay, markii aan fekeray anigoo maxbuus ku ah gurigayga” ayay tidhi Maryan Mursal oo shalay u waramaysay Haatuf, iyadoo heestaa xasuusta weyn ku leh ka sheekaynaysa. “Maantana riyadaydii ayaa ii rumowday oo waxaan taaganahay meeshii aan ku taamayay,” ayay raacisay.

Maryan Mursal oo ah hobolad caan ka ah Soomaalida, waxay Madaarka Hargeysa ka soo degtey Salaasadii markii u horaysay muddo Toban sannadood ah oo ay qaxooti ku ahayd dalka Denmark ee Waqooyiga Yurub. Waxayna soo martay Djabuuti oo ay ku soo hakatay muddo saddex maalmood ah.

 

Maryan Mursal, waxay socdaalkeeda ku tilmaantay mid ay dawo ugu raadinayso buktada dal-tabyo ee ay dareenkeeda ku soo bandhigtay albamkeedii ugu dambeeyay oo ay soo saartay 1996-kii. Maryan, waxay heesteedaa ku magacowday meelo badan oo Soomaaliyadii hore ah oo ay u boholyowday booqashadooda, haddana waxay sheegtay in aanay u wada suura-galayn in ay dalkaas oo dhan wada marto, balse waxay xustay in ay soo booqato Gobolka Bari ee hadda la baxay Puntland, Gaalkacayo oo ah deegaanka ay ku dhalatay, waxayna si gaar ah u xustay xamayska oo ah Ceel dabiici ah oo ku yaalla Gaalkacayo, halkaas oo ay sheegtay Maryan in ay tahay halkii ay ku dhalatay, ayna doonayso in ay isku soo sawirto.

“Maanta (shalay) keliya caafimaadka aan helay ma malayn karaysid, intii aan fanaaniintaas booqday ee saakoo dhan intaan makhaayadihii tago aan awlal (hilib) dalbanayay. Intaas weeyaan caafimaadka aan raadinayo ee aan u imi dalkayga,” ayay tidhi Maryan Mursal.

 

Maryan, dabiibka ay nafteeda u soo doorbiday in ay u timaado dalkeeda iyo dadkeeda ay boholyowgooda u bukootay kuma koobna socdaalkeedu, balse waxay jeceshay in dadkeeda ay u timina u siddaa Bandhig Faneed ay doonayso in ay ugu gudbiso, dhibaatada dhoofka iyo nolosha qurbaha oo ay dayro uga siddo.

“Hadda, waxa I keentay oo ugu weyn in aan riwaayad shicibka u dhigo baan rabbaa oo aan uga sheekeeyo, waxa qurbaha yaalla” ayay tidhi. “Wax wanaagsan bay u haystaan, laakiin waxa aad iyo aad u foolxun baa qurbaha yaalla. Marka in aan idhaahdo joogga oo ha aadina ayaan doonayaa” ayay raacisay.

 

Maryan Mursal, waxay sheegtay in bandhig faneedkaas oo ay kala shaqayn doonaan fanaaniinta ay halkan ugu timi ay soo saari doonto inta ay Hargeysa joogto. Waxay sheegtay in Hargeysa ay joogi doonto muddo 10 maalmood ah, isla markaana meelaha kale ee u qorshaysan in ay tagto sida Puntland ay iyagana ka dhigi doonto, Inkasta oo ay ka cabatay wakhtiga oo cidhiidhi ku ah. Djabuuti ayay iyadana sheegtay in laga sugayo oo ay hadda iksa soo maslaxday. “Magaca (Bandhig faneedka) ma sheegayo hadda, laakiin laga yaabee inuu noqdo “Habeenkii Maryan iyo Magaalada Hargeysa” ayay tidhi Maryan Mursal.

Maryan, waxa ay aad uga mabsuuday xaaladda ay kala kulantay Hargeysa, oo ay sheegtay in ay dibadda ay ku haysteen aragti ka duwan ta dhabta ah. “Horta, dadkeena qurbaha joogga sheekadu way badan tahay, si yaablana naloogu sheekeeyaa, dalka in lugta la soo gelin karoba uma haysano. Anigu markaan soo baxayey caruurtaydu way ooyayeen oo waxay lahaayeen ‘Hooyo waa lagu dilayaaye ha tegin,’ sidaasaana dadkoo dhan ka dhaadhacsan” ayay tidhi Maryan.

 

“Marka anigu sawirka aan ka arko Somaliland aad iyo aad mid u qurux badan weeye, Illaahay waxaan ka rajaynayaa sidaa mid ka sii badata in ay noqoto” ayay raacisay, iyadoo ka sii hadlaysa Maryan, waxay tidhi; “Anagu haddaanu fanaaniinta nahay, dadku waa dadkayagii ama Somaliland ha noqdo ama Puntland ama koonfur, anagu fanaaniin baanu nahay.”

“Mid kasta annaga waa gurigayagii, marka anagu tii nabaddu u badan tahay baanu isug imanaynaa. Tana waxaan rajeynayaa tii nabaddu badato in Illaah ka dhigo, tii xoogeysatana uu ka dhigo” ayay raacisay, waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay xaaladda, ayna dad badan u soo hogaamin doonto marka ay noqoto ee ay dadka u geyso cajaladaha ay ka duubto Somaliland.

 

Maryan Mursal, way ka gaabsatay in ay ka sii faallooto, riwaayadda ay wado iyo xumaanta ay ka digeyso ee qurbaha. Hase yeeshee, waxay sharaxday heesta ku jirta albankeedii u dambeeyay oo gebi ahaanba ay ku cabirayso cadaadis ay kala kulantay nolosha qurbaha. Waxay sheegtay in markii hore ay iyadu boholyoo dartii meel ciirsi la’ ah kaga calaacashay baydad ka mid ah heesta oo iyadu samaysay kadibna in Abwaanka Cabdi Qays uu dib ugu habeeyay heestaa ay ku soo saartay Albamkaa. Maryan, hadda waxa ay ku hawlan tahay diyaarinta Albamkeedii saddexaad.

 

…………………………………………………………………………………………….

 

Ururka SAHAN oo ka Hadlay Xadhiga Tifaftiraha Jamhuuriya

Xeer-Ilaaliyaha Guud oo Sheegay in Dacwadii lagu Oogay Bilaabmayso

H

argeysa (Haatuf):  Urur-siyaasadeedka SAHAN, ayaa War-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya uu ku xidhan yahay Sifo Qayra-sharci ah, isla markaana soo jeediyay in bilaa shuruud lagu sii daayo. Hase yeeshee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xuseen Dheere, ayaa isna sheegay in xadhiga Tifaftiraha Jamhuuriya loo maray dariiqii sharciga ahaa.

War-saxaafadeedkaa ururka SAHAN ee uu saxeexay Gudoomiye Ku-xigeenka ururkaas, Xuseen Caynaan, wuxuu ururku ku sheegay in Jamhuuriya warkii uu Guurtida ka qoray ee uu soo gudbiyay uu ahaa dood uu golahaasi yeeshay. “Tifaftiruhu, wuxuu soo gudbiyay doodii Golaha oo waajibkiisa ahayd, ilaa haddana Maxkamadi kuma caddayn wax dambi ah” ayuu ku yidhi, Gudoomiye Ku-xigeenku war-saxaafadeedkiisa. Waxaanu intaa ku ladhay in ururka SAHAN, uu u arko xadhigga Tifaftiraha, mid xad-gudub ah. “Waxaanu u aragnaa in uu ku xidhan yahay sifo qayra-sharci ah, markaa waxaanu dhawraynay in dawladdu khaladkeeda saxdo oo ay sii dayso. Iminkana waxaanu ku boorinaynaa in si bilaa shuruud ah, xorriyadiisii ugu soo celiso” ayuu yidhi ururku.

 

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa isna dhinaciisa sheegay in xadhiga tifaftiraha loo maray dariiq sharci ah oo Maxkamadeed. Waxaanu intaa ku darray in dacwadii lagu soo oogay loo gudbiyay Maxkamadda, lana filanayo in ay si dhakhso ah u bilaabanto, sidaa daraadeedna looga baahan yahay Wargeyska Jamhuuriya, inuu Maxkamadda horteeda iskaga difaaco eedaha loo haysto.

Dabayaaqadii bishii hore, ayaa Wargeyska Jamhuuriya Shaaciyay War sheegayay in aqalka Odayaashu isku raacay inuu guddi u diro Madaxweyne Cigaal, si ay ugala soo xaajoodaan lacag abaal-marin ah oo uu Wargeysku sheegay inuu Madaxweynuhu hore ugu ballan qaaday Guurtida, markii ay u fadhiisanayeen Shirarkii ay go’aankii Muddo-kordhinta ku gaadheen. Wargeysku, waxa kale oo uu warkiisaa ku sheegay magacyada guddigaa wada-hadalka kala soo yeelanayay Madaxweyne Cigaal, abaal-marintaa lacageed oo uu Wargeysku sheegay in ay ku mutaysteen Muddadii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa u kordhiyeen. Faafintii warkaas kadib, Shir-jaraa’id oo Shir-gudoonka Golaha Guurtidu qabtay ayuu si kulul ugu beeniyay jiritaanka warkaa, waxaanay shirkaa Jaraa’id ku sheegeen in warkaasi yahay mid aan sal lahayn, dacwad arrintaa ku saabsana ay ku oogayaan Wargeyska. Waxa kale oo ay Shir-gudoonku ku beeniyeen Shirkaa Jaraa’id, qodobo kale oo warkaa ku jiray sida magacyo ay sheegeen in aanay Golaha Guurtida tirsanayn oo Wargeysku qoray.

 

Wargeyskuna, dhinaciisa jawaab uu ka bixiyay hadalkaa Guurtida, wuxuu ku sheegay inuu hayo xaqiiqada warkaa uu faafiyay. Intaa kadibna, waxa bilaabmay baadhis kiiskaa la xidhiidha, badhtamihii bishan ayaana Tifaftiraha xabsiga loogu taxaabay arrintaa. Xadhigiisana waxa cambaareeyay ururada Siyaasadda ee Mucaaridka ah iyo xubno kale, hase yeeshee Shir-gudoonka Guurtida ayaa iyaguna kaga jawaabay in ay sharciga ku kala baxayaan Jamhuuriya iyo Golaha Guurtidu, waxaana la filayaa in kiiska arrintani dhakhso u bilaabmo, siduu sheegay Xeer-ilaaliyaha Guud.

……………………………………………………………………………

 

Shirkii Dib-u-heshiisiinta Kooxaha Soomaaliya oo Dib-u-dhac Ku Yimi

 

N

ayroobi (Haatuf): Shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee loo ballansanaa inuu badhtamaha Abril ka furmo magaalada Nayroobi, ayaa hadda dib loogu riixay dabayaaqada bisha Abril. Sidaana waxa ku dhawaaqay Sarkaal ka tirsan dawladda Kiiniya oo war arrintaa ku saabsan siiyay, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan dhinaca warar ee IRIN.

 

Wasiiradda dalalka ku jira ururka IGAD, ayaa shir ay ku yeesheen Nayroobi ku go’aansaday in shir dib loogu heshiisiiyo kooxaha Soomaaliya lagu qabto Nayroobi badhtamaha bisha Abril, shirkaas oo ay wada-jir u martigelinayaan dalalka urur-goboleedku. Sidoo kale, shirkaa ay hore u yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka IGAD, waxa kale oo uu ku heshiiyay in guddi farsamo oo ka kooban dalalka jaarka la ah Soomaaliya, sida Itoobiya, Djabuuti iyo Kiiniya, loo xilsaaro qaban-qaabadda shirkaa. Hase yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Kiiniya Maxamuud Cabdi Afey, ayaa u sheegay Xafiiska Wararka ee IRIN in dawladaha Itoobiya iyo Djabuuti aanay ilaa iyo hadda u soo gudbin dawladda Kiiniya, magacyada xubnihii gudigaa ka meteli lahaa. Waxaanu intaa ku ladhay in ay rajaynayaan in ay soo gudbiyaan, toddobaadkan ama horaanta toddobaadka soo socda. Mr. Afey oo dawladiisa Kiiniya ay qabanayso Shirkaa, wuxuu sheegay in saddexda dal ee gudigu ka kooban yahay ay tahay in ay isu duwaan Mowqifyadooda, diyaariyaana arrimaha shirku ka duulayo, isla markaana ay go’aamiyaan sida looga qayb-gelayo, waxaanu intaa raaciyay in qabashada shirku ka dambayn doonin dhammaadka bisha Abril. “Haddii ay yeeli waayaan, waxaanu awoodnaa in aanu hadal qoraal ah oo kama-dambays ah ka soo saarno, sababta wada-hadaladu u qabsoomi waayeen” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenku.

 

Dhinaca kale, Khabiir arrimaha gobolka ku xeeldheer ayaa isagu ka dayriyay gebi ahaanba, qabsoomida shirkaa iyo tabaabushihiisa. Khabiirkan oo aan la magacaabin, siduu u sheegay Xafiiska Wararka ee IRIN, shirkani uma eka mid qabsoomaya bisha Abril oo dhan. “Itoobiya iyo Djabuuti ilaa hadda waxay ku guul-daraysteen in ay soo magacaabaan, xubnihii guddiga qaban-qaabadda ka geli lahaa, umana muuqdaan in ay soo magacaabayaan wakhtigan iyo xitaa dhammaadka bisha Abril-toona” ayuu yidhi Khabiirkaasi, waxaanu intaa ku daray in aanay jirin wax qorshayaal ah oo loo sameeyay diyaarinta Shirkaa.

Dhinaca kale, dawladda Kiiniya ayaa toddobaadkan daboolka ka qaaday Mowqifka ay ka taagan tahay hannaanka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, taas oo muujinaysa aragtiyaha murugsan ee weli dalalka gobolku ka kala qabaan, xaaladda Soomaaliya ee loo xilsaaray in ay xal u raadiyaan. Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Kiiniya Mr. Afey oo Sabtidii ina dhaaftay u waramay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du, wuxuu sheegay in ay dawladiisu qabto in shirka dib-u-heshiisiinta ee loo ballansan yahay uu noqdo mid lagu qabyo tirayo, hannaanka nabadda ee tuulada Carta laga soo unkay, laguna wada-hadalsiin doono wixii halkaa lagu soo dhisay iyo kooxaha ka soo horjeedda. Kooxahaas oo uu Mr. Afey sheegay in Kiiniya doonayso in ay ku biiraan Maamulka Cabdiqaasim.

 

Dalka Itoobiya oo isu arka Cududda ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika oo taageeray shirkaa, kuna hannuuniyay kooxaha loogu yeedho Golaha SRRC in ay ka qayb-galaan Shirkaa, ma aqoonsana midkoodna Maamulka lagu soo dhisay Carta, hase ahaatee Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Kiiniya, wuxuu sheegay in dawladiisu u aqoonsan tahay Maamulka Cabdiqaasim, dawlad sharci ah oo Soomaaliyeed, waxayna u aragtaa in loo baahan yahay qabyo-tir iyo in kooxaha ka soo horjeedda lagu qanciyo in ay ku biiraan Maamulkaa. Dawladda Djabuuti oo soo dhistay Maamulka Cabdiqaasim iyo dawladda Itoobiya, ayaa iyana dhawaan hadalo kul-kulul oo ku waajahan, sida loo wajahayo wada-hadalada shirka Nayroobi is-weydaarsaday.

Guud ahaan, wararka qadiyaddan la xidhiidha ee ilaa hadda soo baxayna waxay tibaaxayaan in afkaarta dawladaha deriska ee shirka qaban-qaabin lahaa, ay durba ku kala tagsan yihiin qadiyadda.

……………………………………………………………………….

 

Tababar u Xidhmay Kooxo Beeralayda Reer Awldal ka Mid ah

B

oorama (Haatuf): Tababar ku saabsanaa kor-u-qaadidda Tacabka u diyaargarowga Qodaalka Beeraha, ayaa shalay lagu soo geba-gebeeyay Xarunta ururka Horumarinta Beeraha Gobolka Awdal ee magaalada Boorama.

 

Tababarkan oo u socday 16 xubnood oo ka kala socday Beeralayda Deegaanadaa Boorama iyo Baki, waxa xidhitaankiisii ka hadlay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Gobolka Awdal iyo Maamulaha ururka (ADO) ee horumarinta Beeraha Xasan Xuseen Nuur, kuwaas oo dhammaantood ka waramay dedaalkii loo soo maray Hir-gelinta Tababarkan oo socday muddo Shan casho ah, iyagoo ka qayb-geleyaasha ku booriyay in ay Beeraleyda kale uga faa’iideeyaan Duruusta ay muddadaa qaadanayeen.

Tababarkan, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha, ururka ADO iyo Hay’adda IRC.

…………………………………………………………….

“Golaha Guurtida Badidiisu Wuxuu Doonayaa in Warkii Jamhuuriya Qoray laga Sal-gaadho”

Xoghayaha Guurtida

H

argeysa (Haatuf): Xoghaya Guud ee Golaha Guurtida C/Laahi Ibraahim Habane, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray Jawaab kaga bixiyay qoraalo la xidhiidhay xadhiga Tifaftiraha Jamhuuriya oo Wargeyskaasi daabacay.

 

War-saxaafadeedkaa Xoghayuhu soo saaray oo dhawr bog ka koobnaa, wuxuu nuxurkiisu u dhignaa sidan:

“Muddadii ka dambaysay, qoraalkii ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya iyo qabashadii Tifaftiraha Wargeyskaba, waxa jiray qoraallo ka soo baxayay Shakhsiyaad magac kastaba ha ku hadleene oo ay ka mid ahaayeen Shan xubnood oo Golaha Guurtida ka tirsani. Dabcan raggani, waxay ka tirsan yihiin Golaha, guud ahaana way la qabaan magaca Guurtida been-abuurka loola badheedhay Golaha, si kastaba ha u dhigeene fikarka ay qabaan, Inkasta oo aanay qudhoodu meesha ka saarin wixii dhacay, haddana sida ay tahay, waa iyaga’e, wixii su’aalo ka soo baxa qoraalladoodaa, shakhsi ahaan uma taallo Xoghayaha, waxayse u taallaa Golaha iyo Xeerarkiisa. Haddii aynu eegno qoraalkii ugu dambeeyay ee ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya, Cadadkiisii 1755 ee 25/3/2002, wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Xoghayaha Guud ee goluhu si gaar ah u daba-socdo tifaftiraha, waxaanu sheegay in aanu joogin goobta maalintaas. Si kastaba arrintu ha ahaatee, qoraallada noocan ahi gacan kama geysanayaan in ay Wargeyska Jamhuuriya Bari yeelaan, waxayse u taallaa sharci ahaan Hay’adaha Sharciga. Su’aasha ugu muhiimsan ee la is-weydiin karaa, waa falkani noocii uu u dhacay, cidda ka dambaysay, iyo waxa loola jeeday? Waa su’aasha labaad’e, labada arrimood ee xudunta u ahi waxa weeye, ma jiray go’aan goluhu isku raacay oo Shir-gudoonku soo hor dhigay golaha, goluhuna sidaa ku gudoonsaday oo cod-qaadis loo sameeyay.? Ma jiray ballan-qaad lacageed oo lagu heshiiyay oo uu Madaxweynuhu kaga baxay Golaha, isaga oo kaga iibsanayay Muddo-kordhintii.?

 

Su’aalahaa iyo qaar kale oo ah wixii Wargeyska Jamhuuriya daabacay, ayaa horyaalla Wargeyskaa. Hay’adaha Sharciga ayaana mas’uuliyadaas leh, sheegina doona wixii jira.

Golaha Guurtidu isaga oo ah Sharci-dejinta labaad ee Baarlamaanka, lehna maamuuskiisa iyo mudnaantiisa, wuxuu raacayaa Masuuliyadda tooska ah ee garsoorka oo aanu ku fara-gelinayn.

Intaas marka laga yimaado, Xoghayuhu wuxuu la shaqeeyaa Shir-gudoonka iyo guud ahaanba hay’adihiisa kala duwan ee Golaha, hawsha uu hayaana waa mid dastooriya, wixiise dhaafsan shaqada ee shakhsiyan Xoghayaha laga taban karo, waxa leh Shir-gudoonka iyo gole weynaha, haddii ay jirto cid wax gaara ka tabanaysaana  waxay u soo gudbin karaan hay’adahaa aan soo tilmaamay. Haddii ay jiraan wax ka baxsan shaqada guud iyo masuuliyaddaa iyada ahna, waxa loo mari karaa waddada ku haboon ee la isku qancin karo, aniguse ma ogi wax shakhsi ah oo Wargeyska Jamhuuriya na dhexyaal. Dhinaca kale, haddii aan waxyar ka xuso dareenka ay arrintani dhalisay, gole ahaan iyo dadweynaba waa mid aad u culus ee maaha arrin fudud. Su’aalaha dadweynuhu gudihiisa iska weydiinayayama Guurtida la weydiinayay ayaaban tiro yarayn. Golaha intiisa badan iyo dadweynuhuna way doonayaan in arrintan meel lagu tiirsho, lagana sal gaadho. Golaha badankiisu, waxa ay isku qanciyeen in arrintani dhaafsan tahay guurtidaba ilaa xad oo cidkastaaba haka dambaysee la weeraray go’aankii Muddo-kordhinta, su’aalna la geliyay degenaanshaha.

 

Ugu dambayntii, waxa muhiim ah una baahan in la is-weydiiyo su’aalahan;

§         Goluhu Ma wuxuu dacweeyay Shakhsiyadda qaanuuniga ah ee Wargeyska Jamhuuriya, Mise qof gaar ah?

§         Xuquuqda iyo Xoriyaadku Ma in dhinac keliya la ilaashaa, miyaanay ahayn in dhinac walba la ilaasho mid guud iyo mid gaar ahba?

§         Khaladaadka iyo gefafka ka yimi Wargeyska Jamhuuriya, ma waxa loo raacayaa Masuuliyad iyo hay’ad jirta oo ah Wargeyska Jamhuuriya, lehna xuquuq iyo waajibaad, mise sida laga dhadhansan karo shakhsiyaadka difaacaya, waxa loo raaci karaa waxa uu geysto Wargeysku, ardaayada ay ka soo jeedaan inamada qora Joornaalku? Yaase xilka qaadaya?

Su’aalahaas waxaan u bandhigayaa, guud ahaanba wax-garadka iyo dadweynaha xeerinaya waxyaabaha aan soo tilmaanay, gaar ahaan hay’adaha Sharcigu jawaab u helaan.

………………………………………………………………………………………

 

“Hawshaanu Shafka u Dhiganaynaa waa Mag iyo Dhiig”

Waraysi – Maareeyaha Shirkadda Caymiska Baabuurta ee Badbaado

H

arg (Haatuf):- Maareeyaha shirkadda caymiska gaadiidka dhulka ee Badbaado, Maxamuud Nuur Ducaale ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Haatuf ku sheegay in shirkaddiisu ay hawshii caymiska gaadiidka ka bilowday dekedda Berbera, halkaas oo ay ku caymiso baabuurta soo degaysa, isla markaana wuxuu beeniyay dhaliilo iyo cabashooyin la sheegay inay ka soo if-baxeen dekedda, kadib markii ay dad baabuur la soo degay saluugeen kharash dhinaca caymiska gawaadhidooda ah oo lagu amray inay bixiyaan, haddii kalena loo sheegay in aanay baabuurtooda la bixi karin.

Waraysigaas oo maareeyaha shirkadda Badbaado wax lagaga weydiiyay arrimahaas iyo qaar kale oo la xidhiidhaba wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Waxa jiray war sheegaya in dadka gaadiidka cusub kala soo degay dekedda Berbera lagu qasbay caymis, dadka qaarna diideen caymiskaas markaa arrintaa weli miyaa la isku afgaran la’yahay mise gaadiidka waa la geliyay caymiskii oo way dhammaatay?

J: Horta caymisku wuu ka jiri jiray halkan, haddana wuu ka jiraa oo shirkaddan caymiska gaadiidka dhulka ee Badbaado ayaa dhawaan laga furay, dadkuna caymiska wuu gashan jiray shirkadaha caymiska iskood, dhibaatada gaadiidka iyo shilalkoodu way sii kordhayaan dalka gudihiisa maalinba maalinta ka dambaysa, meel ay arrintaa dadweynaha gaadiidka lihi ay xal uga helaan way u baahnaayeen.

Golaha Guurtida ee Somaliland waxay kaga hadleen laba kal-fadhi sida loogu baahan yahay caymiska iyo sidii shirkad caymis dalka looga furi lahaa ee loo dhiiri-gelin lahaa caymiska, markii ay soo noqnoqotay dhibaatadaas ka hadalkeedu way soo noqnoqotay kadib ayay samaysantay shirkaddan caymiska ee badbaado ee hadda jirtaa hawlgashayna, markaa markii ay dawladdu hubisay tayada iyo awooda damaanadeed ee ay leedahay ayay dawladdu muhiimada arrintani ay leedahay awgeed gaadiidleyda ku adkaysay inay caymistaan gaadiidkooda, arrintaasina ay tahay arrin caalami ah oo gaadiidka caymisku ku yahay khasab in la caymiyo inta aan gaadiidku bilaabin dhaqdhaqaaqa waddooyinka ee keeni kara shilal iyo waxyeelo, taasaana ah arrinta keentay in dawladdu lagama maarmaan ka dhigto in gaadiidka caymiska la geliyo inta aanay dekedda ka soo bixin.

Dhinacayaga shirkadda Badbaado waxay martay jaranjarooyin ay dawladdu u samaysay hawsha caymiska gaadiidka ciddii qabanaysa, wixii shuruuc iyo dukumenti looga baahan yahay shuruud ahaan, shuruucdaas ayayna ku caddahay in baabuurta soo degtay caymiska la geliyo inta aanay dhaqdhaqaaqa bilaabin.

S: Dadweynaha gaadiidka leh ma jiraan tiro caymisay gaadiidkooda?

J: Haa way jiraan hawsha caymiskuna si toosa ayay uga socotaa xafiisyada shirkadda Badbaado, ilaa hadana 200 oo gaadiid kala duwana ayaa diiwaangashan oo heshiiska caymiska lagalay shirkadda Badbaado, maalinba maalinta ka dambaysana way soo kordhayaan gaadiidleyda codsanaya inay heshiis caymis la galaan shirkadda Badbaado.

S: Sida wararku nagu soo gaadheen ilaa 200 dollar inaad gaadhiiba inaad caymis ku gelinaysaan ayay wararka qaar sheegeen, markaa qiimaha caymiska ma idinkuunbaa goostay mise dawladda ayaad kala tashateen?

J: Xagga lacagta caymiska, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay,” dadka waxa jira qaar marka wax cusub yihiin xataa haddii ay arrintaasi faa’iido weyn u leedahay dadweynaha si xun wax uga sheega dano gaar ah oo ay leeyihiin awgeed.

Ma jiro 200 oo dollar oo khasab ah oo aanu ka qaadno gaadiidka caymiska la gelinayo, annagu shirkad ahaan waxaanu leenahay nidaam lagu qaado lacagta gaadiidka caymiskiisa, gaadiidka oo dhamina isku wada qiime maaha marka caymiska la gelinayo, dorraad ninbaa ku qoray jariirada Jamhuuriya 90 dollar ayaa gaadhiga yar ee taxiga ah shirkaddani ka qaadaysaa si caymiska loo geliyo, qofkaasi wuxuu u jeeday may noqon ee dad badan ayaaba noo yimid oo yidhi caymiskiinu wuu jaban yahay, haddana qiimahayagu wuu ka sii jaban yahay kaas oo gaadhiga yar shirkaddan caymiska ee Badbaado waxay lixdii bilood ka qaadaysaa 60-70 dollar, gaadhi lagu caymiyo 200 oo dollar way dhici kartaa haddii uu gaadhigu yahay gaadhi aad u weyn, xataa waxa dhici karta in ilaa 300 oo dollar laga qaado sida gaadhiga qiimihiisu taagan yahay 30,000 oo dollar, oo haddii uu burburo isaga oo ku jira caymiska shirkadda Badbaado la doonayo inaanu mag-dhawno waxa jira qaab loo qiimeeyo gaadiidka caymiska la gelinayo oo caalami ah, kaasaana shirkaddani isticmaalaysaa.

S: Caymiska shirkadda Badbaado ma lix biloodlaa mise waa sannadle?

J: Labada noocba waanu samaynaa waxaanay ku xidhan tahay dalabka qofka heshiiska nala gelaya lix bilood iyo sannad kolba kuu doorto.

S: Hawsha caymisku waa mid ku arooraysa mag iyo hanti bixin, markaa shirkadda badbaado ma tahay salka ku haysta hanti dabooli karta arrimahaas?

J: Soomaalida ayaa tidhaahda; “Haddii aad maxay cunayso fandhaalkiisaa la samaystaa,” waxa aanu annagu u soo badheedhnay ee aanu shafka u dhiganaynaa hawl fudud runtii maaha, waa mag iyo dhiig, dabcan inay culays badan leedahay waanu ognahay, shirkaddan badbaado maaha shirkad nin keliyi leeyahay waa shirkad (incorporation) saamiyo ayaa la iibsaday dad ayaana ku iibsaday hantidoodii oo dhigay dammaanada hawshana hantidaa iyo hantiilayaashaa iibsaday saamiyada ayaa ka wakiila, dad badan oo maal-qabeen iyo tijaar caan ah oo la yaqaan ayaa jira, hantida shirkadduna waa wax la yaqaan oo qoran, markaa haddii aanaan dammaanad qaadi karin gaadhiga iyo qofka wax ku noqda inaanu bixino markaa hore ayay khalad u tahay inaanu galno hawsha caymiska ah, markaa markii aanu shirkaddan furanaynay dawladdu way na weydiisay oo shuruuday nagu xidhay inaanu dammaanad qaadi karayno hawshan, markaa markii la hubiyay inaan hawshan dammaanad qaadi karno ayaa furitaanka shirkaddan lanoo oggolaaday dawladduna ay ku qanacday.

S: Gaadhiga aad caymiska geliseen dadka saaran ee caymiska ku jira haddii uu wax noqdo waa kuwa noocee ah?

J: Arrinkan qudhiisa oo si khaldan loo fasiray jariirada Jamhuuriya ayuu nin ku qoray oo aan ku arkay, markaa markaan eego xeerka shirkaddan ee arrintaas gaadhiga caymiska ku jira waxaa iyaguna caymiska ku jira dhammaan wuxuu geysto: haddii uu qof jiidho, haddii uu guri dumiiyo, haddii uu gaadhi kale jiidho ama gaadhiga caymiskayaga ku jiraa khaladka ha yeesho ama ka kale ha yeeshee waxaanu ku talogalay inaanu bixino, tan dadkay noqotay gaadhiga dad ayaa saaran qaababka caymiskuna way kala noocyo duwan yihiin sida nooca loo yaqaan (Full coverage) caymiska noocaas ah wuxuu dammaanad qaadaa xataa gaadhigu haddii uu gubto, la xado iyo wixii mag-dhaw ee uu geysto iyo samaynta isaga laftiisa haddii waxyeelo gaadho, markaas caymiska noocaas ahi wuu ka qaalisan yahay dadkeenuna ma awoodaan, innaga baahida weyn ee aynu caymiska ugu baahanahay waa wax aynu magta kaga baxno oo gaadhigu dhibaatada uu geysto haddii uu qof jiidho iyo hadduu toban qof jiidho inaan reerkii lagu noqon ee caymisku ka bixiyo, noocan caymiska ahna waxa loo yaqaan (Thirty party) waana caymiska kan ugu hooseeya ee ugu qiimaha jaban leh waana ka dalkeena ku habboon xilligan, shirkaddayadu ka ay waddaana waa kaas.

Gaadhiga waxa jira laba nooc oo ah dhibaatada shilalka ka timaada mar gardarada shilka dhibaatadu ka timid uu gaadhigaagu leeyahay iyo mar gaadhi kale leeyahay. Markaa shirkadda Badbaado gaadhiga ku jira caymiskeeda marka laga gardaran yahay waa mudamin oo waa la bixinayaa wixii gaadhigaasi dilay, laakiin marka gaadhigaagu khaladka leeyahay wixii gaadhigaagu geysto waa la bixinayaa eheladaada dhawdhaw wixii gaadhiga dhibaato ku gaadho waa la bixinayaa, laakiin haddii aad siday qof kale arrintaasi waxay u baahan tahay heshiis gaara oo caymis waana qofka gaadiidka leh u furan oo waxaad odhan kartaa gaadhigaygu waa afar kursi afartaba caymiska ha la ii geliyo, taasina waxay ku xidhan tahay awooda dhaqaalaha ee dadka gaadiidleyda ah inuu heshiiska noocaas ah galo iyo inkale, arrintan waxa ka gaara tagsiilayaasha oo iyagu caymiskooda ku daraya kuraasta gaadhigoodu tirada dad ee uu qaado, markaa waxa jira nidaamyo iyo heerar kala duwan oo caymis oo qofku uu kala dooran karo oo diyaara shirkadda Badbaado.

S: Tan iyo intii ay hawlgashay shirkaddan caymiska ee Badbaado ma jiraan shilal ay galeen gaadiidka aad caymiska geliseen oo dhibaatadii ka soo baxday ay shirkaddiinu xallisay?

J: Haa waxa jiray hal kiis oo ahaa Bas ku jira caymiska shirkaddan, markaa maadaama uu Basku caymiska ku jiray annagaa ka damiina oo lanala soo xidhiidhay waananu xallinay wixii dhibaato ah ee uu geystay Baskaas ku jiray shirkadda Badbaado, Baskana shaqadiisa lagama xanibin qofkii wadayna lama xannibin ee shirkadda ayuunbaa hawshii xalisay oo lala soo xidhiidhay qaabishayna dadkii dhibaatada sheeganayay.

……………………………………………………………………………………….

Abaalmarinta 2002 ee Oscarka oo intii badnayd ay heleen dad madow ahi

M

agaalada Los Angelesee dalka Maraykanka, waxaa Axaddii ina dhaaftay lagu qabtay Xafladii ugu weyneyd ee lagu bixiyo, Abaal-Gudka, Oskarka ee la siiyo Filimada, sida wanaagsan loo sameeyo.
Xafladaas oo ahayd tii 74-naad oo sanadkiiba mar la dhigo, waxaa lagu qiimeeyaa Filimada Sanadka la sameeyey ee lagu heshiiyey in ay ugu wanaagsan yihiin.
Xafladaas Xalay, waxaa Abaal-Gudkaas lagu sii-yey, dhawr qof oo Madow ah oo Jilayaal ah. waana markii ugu horeysey, oo dhawr qof oo Madow ahi ay mar kaliya Abaal-Gudkaas helaan.
Waxaana ka mid ah, Jilaaga caanka ah ee Denzel Washington oo Abaal-Gudkaas lagu siiyey, Filim, ku saabsan nin Booliis ah oo si-xun Laaluushka u gurta!
Waxaa kaloo Abaal-Gudkaas heshay, Gabadh iyana Madow ah, oo magaceeda la yidhaahdo, Halle Berry oo si aad loo jeclaystay, u ji-shay, Filim ku saabsana, Gabadh Xidhiidh Jacayl ah la yeelatay, nin dili-doona, ninkii iyada qabay.

Xafladaha Oskarka, waxaa la iloobaa oo ay Maskaxda dadka ka baxaan, mar alaaliyo marka ay dhamaadaan ee la laabo, Qadiifadaha Cas Cas ee loo dhigo inta ay Xafladahaasi socdaan.
Hase ahaate, Xafladii Xalay iyadu sidaas ma noqonayso oo deg deg looma iloobi-doono.
Guusha ay heleen, Halle Berry iyo Denzel Washington, waxaa ay noqonaysaa, mid gasha Taarikhda Abaal-Gudka Oskarka oo kii Axaddii oo ahaa kii 74-naad uu noqon-doono, kii uu Xarunta Filimada ee Holly Wood uu Aakhirkii ku Aqoonsaday Kartida Jilayaasha madowga ah.

Guusha ay heshay, Halle Berry oo 33 jir ah, waxaa ay noqotay, mid mudo dheer lagu xusuusan-doono, Xafladii Axaddii iyo kuwo badan oo kale oo dhici-doona.

 

Hadal gaaban oo iyadoo ooyeysa ay ku gudoomeysey, Abaal-Gudkaas, oo dad badan oo dhegeysanayey-na kaga ilmaysiiyey, waxaa ay ku sheegtay in Guusheedu ay tahay bilawgii, kuwo badan oo ay heli doonaan Jilayaasha Madowga ahi. Waxaanay tidhi; Halle Berry, intii aan Abaal-Gudkeeda lagu dhawaaqiin, Gudiga Akadameyaha Abaal-Gudku, waxaa uu Abaal-Gud gaar ah gudoon-siiyey, Ruug-Cadaaga Madow ee Jilaaga ah ee la yidhaahdo, Sidney Poitier, oo uu Gudigu ugu aqoon-sanayo, Kaalinta Qiimaha leh ee uu ka soo qaatay, Jilista Filimada.

 

Sidney Poitier, waxaa weeye, qofka kaliya ee Madowga ah ee Xalay ka hor, Abaal-Gudkaas Oskarka helay, mudo imika laga joogo 39 sanadood. Denzel Washington oo Axaddii Abaal-Gudkaas Oskarka helay, Hadal uu halkaas ka jeediyey, waxaa u ku yidhi; "40 sanadood ayaa waxaa aan daba-ordayey Sidney. Ugu danbaystii ayey anigana isii-yeen!
Maxay sameeyeen oo kale? Sidney ayey isna Caawaa sii-yeen, Abaal-Gudkaas. Waligey, waan ku daba ordi-doonaa, Sidneyow. Waligeyna, Raadkagaan hayn-doona. Waxa kale oo iiga-fiican oo aan samayn-doona ma jirto." Denzel Washington, ayaa yidhi."

Guusha ay Axaddii ina dhaaftay gaadheen dadka Madowga ahi, waxaa ay Hadhaysay, dad kale oo iyana Abaal-Gudkaas oo kale helay.

Xafladaasi waxaa lagu Xusay, dadkii ku Geeriyoodey, Qarax-yadii 11kii bishii September ee sanadkii hore ka dhacay dalka Maraykanka.

…………………………………………………………………………

 

Odhaahda Akhristaha

Waxaanu Codsanaynaa in Ninka Suudaaniga ah la Siiyo Sharci Joogitaan

H

addii aanu nahay guddida Waalidiinta Agoomaha Al-Xaramayn ee Burco & Waxgaradka hoos ku qoran, waxaanu halkan u soo gudbinaynaa Xukuumadda Somaliland, Codsi iyo cabasho la xidhiidha xaaladda ku saabsan xarunta xanaanaynta agoomaha Burco iyo Khilaafka Wasaaradda arrimaha gudaha, taas oo ku saabsan in xarunta Burco loo nisbeeyo, argagixisada Caalamiga ah iyo Siyaasadeeda. Isla markaana Masuuliyiinta xarunta oo sifo sharci ah ku soo galay wadanka, hadda uu muran ka taagan yahay Joogitaankooda Burco.

 

Haddaba, si aanu u iftiinimo dareenkayaga ku saabsan arrintan iyo xogteedaba, waxaanu xog ku haynaa in ay hay’adani si sharci ah ay ku soo gashay wadanka iyo iyadoo buuxisay shuruudihii dawliga ahaa ee looga baahnaa, barnaamijka waxqabadkeedana soo bandhigtay oo aanu ahayn wax qarsoon. Hawl-wadeenada hay’adda ee Ajaanibka ahina ay ogolaansho sharci ah ay wadanka ku joogeen, arrintaasna ay la socdeen Wasaaradda arrimaha gudaha, waxbarashada iyo awqaafta.

 

Waxaa 13/3/2002, na soo gaadhay war ku saabsan in hay’adda Al-xaramayn hawsha ay Burco ka waddo la joojinayo. Hawl-wadeenada hay’adda ee ajaanibka ahina in sharciyadooda mad-madow soo galay, Hargeysana lagu soo celiyo, arrinkaa murankeeduna uu muddo ka taagnaa Maamulka Gobolka.

Arrintaasina, waxay nagu abuurtay xanuun badan haddii aanu nahay Odayaasha iyo Waalidiinta agoonta, taas oo noola muuqatay in mashaariicda muhiimadda leh Hargeysa iyo galbeed loo duwo, haddii kale la joojiyo.

Hay’adda Al-Xaramayn-na, waxay noo kafaalo qaaday 110 wiil oo agoon ah oo da’doodu ugu weyn tahay 10 sanno, kuwaas oo ay hay’addu siiso; hu’, cunto, hoy iyo waxbarashaba. Waxa kale oo ay dhistay Iskuul waxbarasho oo ay wax ka bartaan 350 gabdhood iyo wiilal ay wax ugu bartaan lacag la’aan oo ay macalimiintana ay siiso Mushahar.

 

Waxa kale oo ay hay’addu fulisay, afuradii bishii Ramadaan oo ay ilaa 900(Sagaal boqol) oo qof ay ka afuri jireen, iyo (Deeq) Udxadii Ciidal-fidriga oo 1600 oo neef oo ay ugu deeqday Hargeysa iyo Burco, deeqdaas oo ay kala gaysay: Cusbitaallada, Jeelasha, Xeryaha Qaxootiga iyo dadka jilicsan, waxay kaloo bixisay raashin caawimo ah oo ay siisay qaxootiga ka soo noqday xeryaha Itoobiya.

1.       In Xukuumadda Somaliland ay ka hawl-gasho, sidii hay’adda Al-xaramayn ay u sii wadi lahayd gacan ku haynta iyo caawimada agoomaha Burco.

2.       In Ninka Maamulaha ka ha xarunta agoomaha Burco oo dhalashadiisu tahay Soodaani, la siiyo sharci joogitaan loona fududeeyo hadday jirto dhammaystirka waxyaabaha ka dhiman.

3.       In sida loogu jajaban yahay soo dhawayn iyo wada-shaqaynba, hay’adaha UN-ta iyo kuwa reer Yurub, loola shaqeeyo ama loola dhaqmo kuwa Islaamka ah.

Magacyada Guddiga iyo Waalidiinta qoray Warbixintan:

  1. Yuusuf Xasan Yayd
  2. Caaqil Xasan X. Maxamed.
  3. Caaqil Maxamed Cismaan.
  4. Caaqil Xasan X. Cabdi

Iyo afartan (40) qof oo kale.

…………………………………………………………………………………..

Wixii Rag u kaco Rabina Aqbalo wuu rumoobaa

W

axaa dhab ah in xaaladda guud ee maanta Somaliland marayso u tahay sharaf muwaadin kasta oo ka mid ah umadda reer Somaliland ee soo gelaya sidii Abwaankii ku yidhi, “Dalba waxaa leh kii dhista ee ku dhaatee,” isla markaana ka shaqeeya tallaabo kastoo dalku ku gaadhi lahaa heer ka sii wacan halkuu maanta marayo.

 

Xilligan oo dalkeenu ku jiro marxalad kala-guur, loona baahan yahay in iyada oo lays kaashanayo laga gudbo, lana gaadho helitaanka isbeddel iyo doorashooyin ku dhaca sida dastuurku dhigayo, ayaa waxaa mudan in la ogaado in isbeddelka marxal leeyahay caqabadihiisa, sida is-eegadka qaar ka tirsan ururada mucaaridka iyo xukuumadda sidii lagu gaadhi lahaa doorashooyin xalaala, oo ka mid ah caqabadaha marxaladdan kala-guur, laakiin tahay mas’uuliyad dusha ka saran muwaadin kasta oo dareensan waajibaadka dalkiisu ku leeyahay, sida horumarintiisa.

 

Waxaa hubaal ah in waajibaadka sare aynu ku sheegnay la qaaday, kana mid tahay hindisihii Mujaahid Axmed Siilaanyo ee dhexdhexaadinta xukuumadda iyo qaybta ka tirsan Xisbiyada mucaaradka tahay dedaal ah in laga midho dhaliyo, maadaama aan ku cabiri karno odhaahda hoos ku qoran; “Aan wada hadallo waa aan heshiino.”

Loona baahan yahay sidii hore qaybo badan oo ka tirsan bulshada reer Somaliland u soo dhaweeyeen, isla markaana taageero ka midhadhalintiisa la gaadho.

 

Waxaa mudan in la dareemo nuxurka qodobada ka mid dastuurka Somaliland xambaarsan yahay sida in xallinta khilaaf kasta loo maro wadahadal iyo is-afgarad.’

Doonista iyo taageerida xaalad (hindisaha wadahadal) ee qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland gudo iyo dibedba yahay qodob sharciyan looga baahan yahay golaha Wakiilada inuu kula xisaabtamo xukuumadda, maadaama xilkooda shaqo yahay ka turjumka doonista bulshada dooratay “Nin la sugayow adna yaad sugi.”

Waxaan kaga baxayaa sida odhaahdani cabirayso “wixii rag (umadi) u kacdo Rabina aqbalo wuu rumoobaa.”

M.A.Mohamed,

Hargeysa.

…………………………………………………………..

 

 



Waadiga Ciyaaraha

Koobka Adduunka iyo is-muujinta kooxaha awoodda badan

L

ondon (AP) – Inkabadan 38 waddan oo isugu jira dhammaan qaaradaha dunida ayaa Salaasadii iyo Arbacadii wada yeeshay kulano is-muujin ah oo dal waliba ku miisaamayo culayskiisa ciyaareed, gaar ahaana waddamada ka qaybgelaya koobka dunida oo bilaha May iyo June ka dhacaya waddamada K. Kuuriya iyo Japan, kuwaas oo mid waliba ku dedaalay inuu cududiisa muujiyo.

Waddamada Brazil, France, Italy iyo Germany ayaa ku guulaystay kulamadii ay Arbacadii yeesheen, taasina waxay calaamad fiican u tahay diyaargarowga kooxahoodu ugu jiraan koobka adduunka.

Kulamadii ay wada yeesheen waddamadu waxay u dhaceen sidan:

 

England 1, Italy  2

Weeraryahanka Vincenzo Montella, ayaa si farshaxanimo ah laad dheer ugu barbareeyay kubbad uu goolka ka sudhay figta sare ee labada birood ku kulmaan, isaga oo mar labaadna shabaga gundhada u dhigay fursad rigoore ah oo kooxdiisu heshay daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtigii ciyaarta ka lumay.

Maxsuulka ciyaartan ayaa kor u qaaday rajada Talyaanigu la tegayo koobka adduunka ee 31 May ilaa 30 June ka socon doona waddamada K. Kuuriya iyo Japan oo si wada-jir ah u martigelinaya.

Guushii Arbacadii waa tii sagaalaad ee Talyaanigu kaga adkaado Ingiriiska tan iyo sannadihii 1961.

England waxay ku socotaa inay markii shanaad la kulanto guulo la’aan, taasina waxay halis ku tahay Sven Goran Eriksson, oo ku hanweyn inuu guul ka xambaarto kulanka bisha soo socota uu la yeelan doono Paraguay.

 

“Isku-aadku wuxuu leeyahay natiijo baqdin leh, laakiin aynu iyana eegno kalsoonida gurigaagu guusha ka qaato, inkasta oo ay ciyaar saaxiibtinimo ahayd, haddana guushani waxay ku tusaysaa inaan kubadda Talyaanigu mid liidata ahayn,” sidaa waxa yidhi tabobaraha kooxda Talyaaniga Giovanni Trapattoni.

Trapattoni oo la dhacsan guusha uu gaadhay ayaa dhinaca kalena muujiyay in kooxda badisay aanay ahayn tii rasmiga ahayd, iyo weliba tii suurtogelisay inay u soo gudbaan koobka adduunka.

“Mar kasta waxaanu ku dhaqaaqnaa oo aanu muhiimadda saarnaa sidii aanu koox adag u abuuri lahayn. Montella wuxuu dhaliyay gool aad u qurux badan. Guushan waxaanu u qaadanaynaa kalsooni weyn, laakiin waxa nala gudboon inaanay waxba ka beddelin dedaalka kooxdayadu ku jirto hadda,” ayuu ku daray.

Montella oo inta badan xilligan kursiga kaydka ee Roma ku qaatay ayaa muujiyay tallaabo saamayn ku yeelatay beddelaadiisa.

 

“Waxaan sameeyay in kii beddelka ku soo galay uu goolal dhaliyo, waa guul aad u muhiim ah, inkasta oo ay ciyaar saaxiibtinimo ahayd, haddana aad baan ugu faraxsanahay guusha aanu kulanka ka gaadhnay,” ayuu yidhi Trapattoni.

Sidoo kale Tabobaraha xulka England Eriksson, oo ku guul-daraystay qaar badan oo dhallinyarada kooxdiisa ka mid ah oo uu safay qaybtii labaad ee ciyaarta, ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah ku lahayn natiijadii ciyaartu.

“Ma aha wax fiican guul-darradu, laakiin mana aha riwaayad,” ayuu yidhi Eriksson.

“Waxaan xaqiijinayaa marka tartanku dhammaado oo aan diirada saari doonaa 100% koobka adduunka, taas oo mooraalka kooxda ka dhigi doonta mid wanaagsan. Talyaanigu waa dal awood badan ku leh kubadda cagta. Waxayna wateen ciyaartoygoodii ugu fiicnaa. Aad baan u kala duwanayn, waayo waxaa naga maqnaa in badan oo ka mid ah ciyaartoyga muhiimka ah.”

 

Dhinaca kale ciyaarta qaybteedii hore waxa ku soo baxay falal aan munaasib ku ahayn kubadda cagta, waxaana dhacay khaladaad aan loo baahnayn.

 

Kabtanka England David Beckham ayay aad ugu fogayd 29 mitir oo uu kubbad xor ah kaga laaday Gianluigi Buffon, siddeed daqiiqadood ka hor intii aanu muujin inuu yahay mid ka mid ah goolhayeyaasha dunida ugu wanaagsan, kadib markii aanu si aan gabbasho lahayn uu isaga difaacay kubbad xannuun kulul oo uu ku soo laaday Sol Campbell.

Eriksson ayaa badiba beddelay raggii uu qaybtii hore safay, wuxuuna debedda dhigay sagaal ka mid ah raggii hore.

 

Fowler, oo ka mid ahaa ciyaartoyga cusub ayaa albaabka u furay daqiiqaddii 62aad.

Joe Cole, oo laftiisu ka mid ahaa ayaa u muuqday inuu lumiyay kubbad qiyaas 30 mitir ah u jirtay goolka Talyaaniga, balse waxa fursadda bixiyay Nesta oo kubaddii maarayn kari waayay, taas oo wiilka da’da yar ee reer West ham dib u qabsaday kubaddii, kadibna u gudbiyay Fowler oo ka ciyaarayay baalka uu ilaalinayay Christian Panucci, kaas oo uu si fudud kubaddii u dabamariyay Buffon.

Joe Cole ayaa lugtiisa lagala baxay fursaddii barbaraha markii uu khabiirka Albertini kubadda ka boobay, kadibna si gudub ah ugu dhiibay Montella oo dhanka bidix ka xigay, kaas oo isna si aan gabbasho lahayn kubaddii ku dhaafiyay goolhaye James.

 

Massimo Maccarone, oo Talyaaniga u dhaliyay goolkii barbaraha ee Salaasadii oo ay wada ciyaareen kooxda da’doodu 21-jirka ka hoosayso ayaa keenay fursadda guusha, kadib markii uu beddel ku soo galay iyada oo ay ciyaarta ka hadhay 15 daqiiqadood. Weeraryahanka kooxda heerka labaad (S.B) ee Empoli, wuxuu noqday kii ugu horreeyay taariikhda ee isaga oo ka yimi koox ka baxsan heerka koowaad si buuxda uga safta xulka Talyaaniga.

 

Arjantiin 2, Cameroon 2

Arjantiin oo sugaysay inay muddo dheer ka aargudato guuldaradii lama filaanka ahayd ee koobka adduunka ayay Cameroon beenisay kadib markii ay dhammaadkii ciyaarta keensatay goolkii labaad ee barbaraha.

Arjantiina oo ka mid ah waddamada ugu rajada weyn hanashada koobka adduunka, isla markaana naawileysay inay ka aar-gudato kulankoodii ugu dambeeyay ee Cameroon ee wareegii koowaad ee 1990, markaas oo ay ciyaartoodii ku dhammaatay 1-0 ay kooxda libaaxyadu ku adkaatay.

Kulankaas oo mid saaxiibtinimo ahaa wuxuu ka dhacay dalka Switzerland.

 

Ciyaartan oo ka dhacday meel dhexdhexaad ah, ayaa keentay inay ka soo qaybgalaan 7669 taageere oo ka yimid Geneva oo ah halka ay ugu badan yihiin dadka Afrikaanka ah iyo bulshada Laatiinku.

Kooxda Arjantiin waxay goolkeedii koowaad hashay daqiiqaddii 16aad markii uu rigoore abaal-marin ah u dhigay garsoorihii ciyaarta oo dhalashadiisu ahayd Swiss, khalad uu Raymond Kalla ku galay Pablo Aimar oo madaxa isula dhaca difaaca.

 

Kabtanka Arjantiin Juan S. Veron ayaa kubaddaa u soo baxay, kadibna dhaafiyay .

Cameroon oo aad loogu yaqaano aar-goosi ayaa ku wayraxday Arjantiin, taasina waxay keentay in weeraryahanka Samuel Eto dhaliyo goolkii barbaraha.

Aimar ayaa goolkii aar-gudashada dhaliyay daqiiqadii 63aad markii uu kubad gudub ah ka helay Claudio Caniggia, taas oo uu la helay shabaga Cameroon oo cidla ah.

Cameroon ayaa markale heshay fursad ay ciyaarta ku barbarayso daqiiqaddii 85aad, kadib markii uu difaaca Rigobert Song laad ku dhirbaaxa fursad koone ah, taas oo uu madaxa ku dhaliyay Patrick Suffo, oo ciyaarta beddel ku soo galay.

 

Brazil 1, Yuguslaafiya 0

Ciyaaryahanka inta badan dhaawacnaa ee Ronaldo ayaa ku soo laabtay ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii uu laba sannadood ka maqnaa.

Brazil waxay Yuguslaafiya kaga badisay 1-0 uu u dhaliyay Luizao daqiiqaddii 70aad.

 

France 5, Scotland 0

Waddanka difaacanaya koobka adduunka ee Faransiiska ayaa si xun uga adkaaday Scotland oo ay dhexmartay ciyaar saaxiibtinimo.

Weeraryahanka Juventus David Trezegeut ayaa dhaliyay laba ka mid ah, sidoo kale Zinedine Zidane iyo Thierry Henry ayaa kala dhaliyay laba gool oo ka mid ah 4-0 ay ku dhammaatay qaybtii hore ee ciyaartu.

Ciyaaryahanka Steve Marlet ayaa ku daray goolka shanaad.

Kulamadii dhacay maalintii Arbacadii oo aad u badnaa ayaanu idiin koobnay waxayna ku dhammaadeen sidan;

Georgia 4, S.Afrika 1

Estonia 2, Russia 1

Polland 0, Japan 2

Moldovo 0, Hungary 2

Croatia 0, Slovania 0

Greece 3, Belgium 2

Malta 1, Andora 1

Sweden 1, Swezerland 1

Senegal 2, Bolivia 1

Tunisia 0, Norway 0

Liechtenstien 0, N. Ireland 0

Rep. of Ireland 3, Denmark 0

Holland 1, Spain 0

Germany 4, USA 2

Austria 2, Slovakia 0

Wales 0, Czech Rep. 0

Portugal 1, Findland 4

Nigeria 1, Praguay 1

…………………………………………………………………………………….

Gaashaan oo 69-58 dhibcood ku jiidhay Degmada Gebilay

Kooxda kubada kolayga ciidanka Qaranka ee Gaashaan ayaa ka adkaatay koox ka socotay degmada Gebilay oo ciyaar adagi ku dhexmartay garoonka Timacadde ee magaalada Hargeysa.

Kulanka dhexmaray labada kooxood oo ahaa mid adag oo ay labada dhinacba soo bandhigeen farsamooyin casri ah oo raaligeliyay dadweynihii u soo daawasho tegay waxaa gundhiggiisii ku dhammaaday 69 dhibcood oo ay ku adkaatay kooxda Gaashaan iyo 58 dhibcood oo ay heshay kooxdii Gebilay.

Kulankaa waxaa dhexdhexaadiyay garsoorayaasha kala ah;

Xuseen Cabdi (Garsooraha koowaad)

Mr. Boolo (garsooraha labaad)

Iyo Barkhad Cabdi oo fadhiyay miiska garsoorka.