SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 55-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
D |
hawrkii sanno ee u dambeeyay, waxa inta badan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, sida daruuraha u hadheeyay dhul-boob xoog leh, waxaanu dhulku noqdo Saylad ganacsi oo xaami ah. Arrinta dhul-boobku waxay keentay murug iyo cawaaqib-xumo dhinacyo badan leh. Bil kasta tiro dad ah, ayaa ku naf waaya ama ku naafooba iska-horimaadyo ka dhasha muran dhinaca dhulka ah. Inta badan, goobihii danta guud iyo dhulkii dawladda ayuu dhul-boobku sababay in ay dhaxal wareegaan oo ay gacanta u galaan dad gaar ah. Waxa kale oo dhul-boobku sababay, fool-xumooyin aan hore loo arag oo indhaha ka riday billicdii iyo hannaankii degsiimo (Town plan) ee magaalooyinka waaweyn. Waxaanay ficillada dhul-boobku gaadheen, heer lagu tilmaamo xaaluf-daaqnimo aan waxba loo aabo yeelayn. Taasina, waxay dhalisay in goob kasta oo Magayno ah iyo bog-cad kasta oo aan dhisme munaasib ku ahaynba, inta habeen madow gacanta la isku dhiibo la bixiyo, taas oo keentay in inta badan magaalooyinka waaweyn laga waayo meel cagtaa la dhigo. Goobaha noocaas ah, waxa ugu dambeeyay bog-cad yar oo ku taalla albaabka waqooyi ee Biriijka Hargeysa.
Sidoo kale cawaaqib-xumada dhul-boobku keenay, waxa
ka mid ah; in dad badan oo dan-yar ah, awood lagaga fara-maroojiyo dhul ama
haddii la doono dhisme, cidla madow-na laga dirro, hantidoodiina saxeex iyo
shaambad xafiis dawladeed ka soo baxday lagu mulkisiiyo cid kale.
Dhibaatooyinka kale ee mawduuca dhul-boobka ka dhashay, waxa ka mid ah; in
madaxa la isku geliyo bulshada, kuwaas oo kumanaan qof ay mindiyaha isu
listaan, kadib markii ilaa laba qof ama qoys iyo in ka badan laga dhaxaysiiyay
hal baloodh, oo qolo walba goonideeda loo siiyay Shati muujinaya in ay
bog-caddaa ama gurigaa leeyihiin, iyadoo sharciga ugu mudan ee mulkiyadda
helisteeda kaa xiggaa, la aaminsan yahay inuu yahay Maamulaha Xafiiska fadhiya
oo aad gacanta isku dhiibtaan.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, su’aasha
is-weydiinta lihi waxay tahay; Yaa dabadda ka wada mushkiladda dhul-boobka ee
marba marka ka dambaysa fayga la sii baxaysa? Maxayse tahay sababta dabadda
looga wadaa?
Marka hore arrinta dhulka, waxay dad badani ku
tilmaamaan in ay noqotay Saylad ganacsi oo bucshurad ahaan ay beylahdiisu
badatay, taas oo laga yaabo in ay dad ama kooxo badan oo kala nooc-nooc ahi
farta dareen, midba inta uu doono haka leefee. Hase yeeshee, waxa la rumaysan
yahay in kooxo ka soo kala jeedda ugu yaraan saddex dhinac, ay ugu fir-fircoon
yihiin dadka dilaalla ama ka ganacsada Sayladda Dhulka, kuwaas oo kala ah;
Kooxo dhalinyaro ah oo la tuhunsan yahay in ay ka gu’i la’ yihiin dhaqaale ay
ku barteen darteed. Kooxo Maamulka dawladda ah, iyadoo ay Maamulka dawladaha
hoose yihiin, kuwa ugu gacanta dheer ee loo arko in ay Sayladda Dhulka
dhex-mare ka yihiin iyo Kooxda saddexaad oo ka soo jeedda, dhinaca ganacsatada
ama ragga lacagta leh, kuwaas oo isugu jira qaar gacan-saar la leh
Maamulayaasha dawladda iyo qaar iyagu xidhiidh la leh Kooxaha dhalinyarada ah,
kuna yidhaahda; “Soo xasiliya dhulka, anagaa idinka iibsanaynee.” Inkastoo ay
Sayladda Dhul-boobku, si weyn u biyo dhigtay guud ahaan magaalooyinka waaweyn
ee Somaliland, haddana waxa ugu sii daran magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Waxaana labadaa magaalo, dhowr iyo labaatankii bilood ee u dambeeyay ka dhacay
dhul-boobkii ugu darnaa. Magaalada Burco, wuxuu dhul-boobkaasi ka dhacay intii
ay haysteen labadii Maamul ee ka horeeyay Maayarka cusub ee hadda loo
magacaabay, balse magaalada Hargeysa waxa lagu tilmaamaa in dhul-boobkii ugu
darnaa ka dhacay, cahdigii Maayarka weli xilka haya. “Markii meel walba la soo
dhameeyay, waxa maalin walba nalagu haystaa gidaaradii iyo albaabkii dugsiga.”
Sidaa waxa yidhi, C/Laahi Maxamed oo Maamule ka ah Dugsi hoose oo ku yaalla
magaalada Burco, lana yidhaahdo ‘Burcada cusub.’
Marka la eego dhinaca dawladda, Sayladda ganacsiga
dhulka waxa la odhan karaa cid waliba way gacan-gelisay, haddii ay tahay
dawladda dhexe, dawladaha hoose iyo haddii ay tahay hay’ad ku shaqo leh iyo mid
aan ku shaqo lahayn-ba. Mana muuqdo Hannaan-siyaasadeed adag oo lagaga jibo
keeno, mushkiladda dhulka oo ka shaqeeyay dalka, kaas oo la rumaysan yahay inuu
horseeday in ay cid waliba fara-geliso arrimaha dhulka. “Dhulka cabirkiisu
yahay 24x24m, waxa ku gar helay Axmed Maxamuud Cabdi, waxaana ku gar waayay
Ilma C/laahi Indho-buur.” Sidaa waxa yidhi, go’aan ay soo saareen Guddi lagu
magacaabo Guddiga Garsoorka Dhulka Burco, kuwaas oo 17-kii bishii May, 2002,
Xukun ka riday dhul ay ku muransanaayeen laba dhinac oo kala ahaa; Axmed
Maxamuud Cabdi iyo Ilma C/laahi Indho-buur, waxayna guddigaasi dhulkaa u
xukumeen wakhtigaa Axmed Maxamuud Cabdi. Hase yeeshee, sheekadu intaa kuma
dhammaan ee guddi lagu magacaabo Guddida Nabadgelyada Gobolka Togdheer, ayaa 15
Ogost, 2001, mar kale ka gar-naqay dhulkaas, waxayna guddigaasi u xukumeen in
ay dhulkaa leeyihiin dhinicii guddigii hore ka xukumay. “Go’aankii hore waa
buriyay, dhulka koonfur u jeedda ee 24x24m ah, wuxuu u caddaaday oo leh Agoonta
Ilma C/laahi Indho-buur.” ayey yidhaahdeen guddiga nabadgelyada ee gobolka
Togdheer. Arrintu way sii socotay, waxayna u gudubtay xagaa iyo Maxkamadda Sare
oo mar saddexaad ka gar-naqday, kana riday Xukun. “Maxkamadda Sare waxay ayiday
go’aankii Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer.” Halkaa waxa ka muuqata in ay
Maxkamadda Sare, Guddiga Nabadgelyada Gobolku iyo Guddiga Garsoorka Dhulka
Burco-ba go’aanadaa kala duwan ka gaadheen arrintaa.
“Dhulka cabirkiisu yahay 16x12m iyo 60x60m, waxa
leh oo sheegan karta Shuun Aadan Nuur, kadib markii ay u codeeyeen xoggo-gaal
iyo Masuuliyiin hore, ganacsade Mulac-na ma sheegan karo mar haddii uu
caddaysan kari waayay.” Sidaa waxa yidhi, Masuuliyiinta Waaxda Axmed Dhagax ee
magaalada Hargeysa oo Xukun ka riday, dhul ay isku haysteen ganacsade Mulac iyo
Shuun Aadan, go’aankaasina wuxuu dhacay 18 ogost, 1998. Ku-xigeenkii Duqa
Caasimadda ee xilligaa oo ahaa, Xasan Cismaan Aadan (Sabce), ayaa isna laba
jeer u codeeyay in dhulkaa lahaanshihiisu u sugnaaday Shuun Aadan Nuur. “Anigu,
waxaan rumaysnahay in ay dhulkaa leedahay Shuun Aadan.” Sidaa waxa isna yidhi,
Maayar Ku-xigeenka labaad ee Hargeysa Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo 26
Diisambar, 2001, go’aan ka soo saaray dhulkaa ay isku hayeen labada dhinac.
Arrintu way sii socotay, waxayna Masuuliyiinta Dawladda Hoose iska soo daba
saareen Qoraalo ay ku sheegayaan in ay dhulkaa leedahay Haweenaydaasi. Hase
ahaatee, waxay aakhirkii gaadhay in ay afarta Masuul ee ugu sareeya dawladda
hoose ee Hargeysa oo kala ah; Cawl Cilmi Cabdalla (Maayar), Khaliil Ibraahim
Xawaadle (Maayar Ku-xigeenka Koowaad), Maxamed Axmed Caalin (Maayar Ku-xigeenka
Labaad) iyo C/raxmaan Cismaan Ducaale (Xoghayaha Fulinta), ay 3 July, 2001 soo
saaraan amar wada-jir ah oo ay ku caddaynayaan in ay dhulkaa leedahay Shuun
Aadan loona baneeyo. “Warqaddaha Cumar Abokor Taani (Wakiilka Ganacsade Mulac),
uma muuqdaan wax, wax lagu mulkiyi karo, sidaa daraadeed lahaanshaha dhulkan,
waxa loo aqoonsaday Shuun Aadan Nuur, waxaana la farayaa Guddoomiyaha Waaxda
Axmed Dhagax inuu fuliyo go’aankan.” Sidaa ayay afarta Masuul ku yidhaahdeen
Qoraalkoodaa.
Inkastoo ay Maamulayaasha Dawladda Hoose soo
saareen go’aankaa wada-jirka ah, haddana arrintu waxay ugu dambeyntii ku
dhammaatay in ay isla afartii Masuul ee go’aanka hore soo saaray, kuna sheegay
in ay Shuun Aadan leedahay dhulkaa, ay haddana mar kale soo saareen Xukun ay ku
caddaynayaan inuu dhulkaa leeyahay Ganacsade Mulac, kaas oo ay soo saareen 19
Diisambar, 2001. “Dhulkan oo uu leeyahay Cumar Abokor Taani (Wakiilka Mulac),
waxa loo ogolaaday inuu dhisto” ayay ku yidhaahdeen Madaxda dawladda hoose,
go’aankooda labaad ee ay wada-jirka u soo saareen Maayarka, labada Ku-xigeen
iyo Xoghayaha dawladda hoose. “Dhulkayga dawladda hoose, Wasiirka Daakhiliga
iyo Dawladda oo dhan ayaa awood igaga qaaday.” Sidaana waxa tidhi Shuun Aadan.
Go’aanada
noocyadan oo kale ah ee ka soo wada baxa Xafiis keliya, waxa la aaminsan yahay
in ay yihiin qaar intaa ka tiro badan, hase yeeshee waxa markhaati ugu filan
saxeexa afartaa Masuul ee labadii qof ee dhulka ku muransanaa, midba mar u
saxeexay. Tallaabooyinkana, waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin qaar marar badan
sababay isku-dhacyo bulshada dhexdeeda ah, waxaanay muujinayaan saymaha
qallinku u horseedi karo bulshada.
……………………………………………………………………………….
Olole Ku Saabsan Faya-dhowrka
Cisbitaalka iyo
Biyaha Ceelasha Dooxa
Hargeysa oo Shalay La Fuliyay
H |
argeysa (Haatuf): Olole Kaneecadda,
Duqsiga iyo Cayayaanka kale lagaga buufiyay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla
markaana lagaga hortagayay Caafimaad-darro ka dhalata biyaha Ceelasha Dooxa,
ayaa shalay laga fuliyay magaalada Hargeysa. Sidaana waxa sheegay Cabdiwahaab
Cabdi Nakruuma oo Maamulka Fayo-dhawrka u qaabilsan dawladda hoose.
Mr. Nakruuma, wuxuu sheegay in Cusbitaalka laga buufiyay Kaneecadda oo dhibaato ku haysay Bukaan-jiifka, waxaanu intaa ku ladhay in buufintaasi wax weyn ka tarayso faya-dhawrka guud ee Cusbitaalka. Waxa kale oo uu sheegay in ay daawadda koloriinta ku shubeen Ceelasha Dooxa Hargeysa, si loo yareeyo ayuu yidhi; “Khatar ka timaaddaa marka biyahooda la cabo.”
……………………………………………………………………………………………
Dagaalo U Dhexeeyay Kooxaha Ciyaaraha Boorama oo La Soo Afjaray
B |
oorama (Haatuf): Kulan ballaadhan oo
lagu soo afjaray dagaalo in muddo ahba u dhexeeyay kooxo dhalinyaro ah, ayaa
Khamiistii lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha ee Boorama.
Siduu ku soo waramay Weriyahayaga G. Awdal Maxamed
Cumar, kulankaas oo uu soo qaban-qaabiyay ururka dhalinyarada ee lagu magacaabo
“Ururka Badbaadinta Dhalinyarada Somaliland,” waxaa ka qayb-galay Masuuliyiinta
Maamulka dawladda ee Boorama, Taliska Ciidanka Nabadgelyada, Salaadiin,
Aqoonyahano, Culimo iyo in ka badan 9 kooxood oo ciyaartoy ah, kuwaas oo ka mid
ah, kooxo uu dagaal koox-koox ahi u dhexayn jiray. Guddoomiyaha ururka
dhalinyarada ee “SAYS” oo soo qaban-qaabiyay kulankaas, ayaa hadal uu halkaa ka
jeediyay Sharaxaad kaga bixiyay dedaalkii ay u soo galeen sidii ay isugu keeni
lahaayeen kooxaha dhalinta ah ee dirirtu dhexmari jirtay, kuwaas oo
ficiladoodaasi ay khalkhal gelin jireen nabadgelyadda iyo xasiloonida
magaalada.
“Maanta waxay ku heshiiyeen in ay Waalidiintooda
kala shaqeeyaan nabadgelyada” ayuu yidhi Gudoomiyaha SAYS, Mr. Ridwaan Maxamed.
Waxa kale oo uu sheegay in heshiiska kooxuhu gaadheen uu dhabaha u xaadhayo
horumarka ciyaartoyda Gobolka iyo sidii loogu samayn lahaa garoomo ay ku
ciyaaraan.
Munaasibaddaa, waxa kale oo hadalo waano iyo
wacyi-gelin ah ka jeediyay, xubno ka mid ah ka-qayb-galayaashii kulankaa.
……………………………………………………………………………………………..
“Shacbigu Ha Ogaado In Xukuumaddu Albaab Cusub
Furtay”
“Waa In Si Deg-deg
ah Loo Sii Daayaa Yuusuf iyo Cabdikhadar”
H |
argeysa (Haatuf): Isbahaysiga ASAD,
ayaa war uu soo saaray ku sheegay in laba xubnood oo ka tirsan la xidhay, isla
markaana wuxuu ururku dalbaday in la sii daayo xubnahaasi. Sidaana waxa lagu
cadeeyay War-saxaafadeed uu soo saaray, Xoghayaha Warfaafinta ee ururka ASAD,
Yuusuf Maxamed Cali.
War-saxaafadeedkaas uu Xoghayaha Warfaafinta ee
ASAD soo saarayna, wuxuu u dhignaa sidan:
“Waxa Isbahaysiga ASAD aad uga cadhaysan yahay, xadhiga laba xubnood oo ururka ASAD ka tirsan , lana kala yidhaahdo; Yuusuf Bashiir Xirsi iyo C/Khadar Axmed oo Ciidamo Duub-cas ah oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ka qabteen Fiidnimadii 27-kii March, guryahooda oo ku yaalla Xaafadda Sheekh Muuse Ducaale agtooda. Labadan Nin waxa loo aaneeyay ka-tirsanaanta ururka ASAD, iyadoo loo adeegsaday rag ka mid ah Beeshooda oo Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed-ba leh, oo dawladda taageera. Wuxuu Isbahaysiga ASAD arrintaa u arkaa, ugaadhsi gaar ahaan Xukuumadda iyo Taageerayaasheedu ula jeedaan Isbahaysiga ASAD. Waxa in dhowaydba socotay oo aanu indhaha ka qarsanaynay in rag badan oo ka tirsan ururka ASAD, qaar badanina yihiin Mujaahidiinta SNM, in guryahooda Ciidamo loo diro Saqda-dhexe. Isbahaysiga ASAD, waxa si buuxda ugu caddaatay in Xukuumadda oo adeegsanaysa Ciidamada Qaranka iyo Hay’adaha kale ee Qarankaba, ay si sharci-darro iyo badheedh ah ula dagaalamayso, Xubnaha ASAD Madax iyo Mijaba, kuna xad-gudbayso xuquuqda shakhsiga iyo xorriyadihiisa aasaasiga ah ee lama taabtaanka ah. Ururka ASAD, marnaba ogolaan maayo keli-talisnimada, cabudhinta, caga-jugleynta iyo xadhiga dastuurka iyo shuruucda dalka ka horjeedda.
Waxaanu ku baraarujinaynaa Shacbiga reer Somaliland ee halganka qadhaadh u soo galay xornimadooda in aanay ka ogolaan Xukuumadda in ay ku tumato xuquuqdooda. Ha ogaado Shacbiga Somaliland in ay Xukuumadda iyo inta taageertaa, albaab cusub fureen, kuna soo biirsheen Siyaasadda Somaliland ugaadhsiga Mucaaridka. Waa in si degdeg ah loo sii daayaa Yuusuf iyo C/khaddar. Waxaanu ugu baaqaynaa in ummadda reer Somaliland, ilaashadaan xasiloonida iyo nabadgelyada dalka, mar hadday dawladdu ku tallaabsatay in ay gudaheena qallaanqal iyo nabadgelyo-darro ka abuurto. Waxa kale oo abuurmi doona, furimo cusub oo qofku ku ilaaliyo naftiisa.”
……………………………………………………………………………………….
Siyaasadda Arrimaha
Dibedda ee Somaliland ma
Gabnaa mise waxaan
Gaawaha u qaban Nin Godli yaqaan?
Cumar Daahir Cumar
T |
an iyo markii lagu dhisay xukuumaddii ugu horreysay ee Somaliland magaalada Burco (marka laga reebo 1960) sannadkii 1991 waxa jiray oo la magacaabayay mar walba wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan xukuumad walba iyo wasiir madax ka ah wasaaraddaas hawsha loo igmaday wasiirka iyo wasaaraddiisa Arrimaha Dibedda waxay ahayd inay horumar iyo is-soo dhaweyn ka keenaan xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha kale ee adduunka ha ugu horreeyaan waddamada aynu jaarka nahay, Afrikada kale, Carabta, Yurub, Maraykanka iyo dalalka kale ee adduunka.
Innagoo maskaxda ku hayna arrimaha aynu xusnay aynu
isweydiino maxay soo kordhisay, maxaase ku soo kordhay xidhiidhka ay la
leedahay Somaliland waddamada dibedda?
Haddii aan horumar jirin dhinaca xidhiidhka
arrimaha dibedda ee Somaliland maxaa u sabab ah?
Inkasta oo uu jiro wasiir arrimo dibadeed haddana
waxa jirta in wasiirku ku shaqaynayo siyaasadda arrimaha dibedda ee
madaxweynaha hawshaa u soo igmaday, arrintaas oo iyana saamayn ku leh
firfircoonida iyo fadhiidnimada siyaasadda arrimaha dibedda.
Mar haddii aan Somaliland la siin aqoonsi dibadeed
aan isweydiino sidee ayay dalalka kale ula soo xidhiidhaan ama ay dadkoodu ku
yimaadaan?
Inkasta oo aan la aqoonsan Somaliland, haddana waxa
jooga Aj-nebi kala duwan oo ka kala yimi dalalka adduunka iyaga oo wata ama u
shaqeeya hay’adaha samofalka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay. Hadaba
haddii la doonayo in xidhiidhkeenu wada caalamka uu sare u kaco miyaanay lama
huraan ahayn in dadka Aj-nebiga ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah in loo
xulo mas’uuliyiin xilkas ah oo ka hufan mad-madowga, musuqmaasuqa, dano gaar ah
iyo weliba in mas’uuliyiinta la xidhiidhaysa iyaga oo wata magaca Somaliland ay
noqdaan kuwo waayo-aragnimo iyo aqoon wanaagsan u leh xidhiidhka caalamiga ah
si ay sharaf iyo xidhiidh wanaagsan ugu jiidaan qaranka ay metelayaan, markaynu
arrintan barbar dhigno xaaladda iminka jirta oo aad moodayso in loo xulay
xidhiidhka hay’adaha intooda badan mas’uuliyiin aan asalkoodii hore shaqadoodii
ahayn la xidhiidhka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ka shaqayn jiray shaqooyin
kale sida; ciidan, kuwaas oo ay dhacday inay kula dhaqmeen hay’adaha iyo
mas’uuliyiintooda hab-dhaqan aan raaligelinayn oo aad uga fog xidhiidhka
caalamiga ah, waa marag ma doon in mas’uuliyiin faro badan oo ka tirsan hay’ado
waxtar u leh Somaliland uu mas’uul ay dawladdu u igmatay la xidhiidho ku cadaadiyay
qaab hufnayn, musuqmaasuq iyo dano gaar ah, isaga oo dawladdana u muujinaya
inay isaga iyo hay’addu isku qabteen dan guud, waxaase mas’uulkaa reer
Somaliland ee sidaa u dhaqmay moog yahay in sida uu ula dhaqmo muwaadin dal
kale ka yimi oo ka shaqeeya hay’ad ka hawlgasha Somaliland ay saamayn iyo
warbixinba ku tahay xaalka maamul ee ka jira Somaliland ha u dhacdo si toos ah
ama si dadban, dhinaca kale mar aan ka qaybgalay shir-jaraa’id oo uu qabtay mid
ka mid ahaa wasiirada arrimaha dibedda ee soo maray Somaliland oo weliba ahaa
ku dad badan oo reer Somaliland ahi ay u yaqaaneen inuu ahaa wasiir firfircoon,
haddana markii aan qiimayn ku sameeyay shirkii jaraa’id oo warka uu saxaafadda
siinayay aanu ahayn mid qoran oo uu soo diyaariyay. Wasiirku wuxuu xilligaa
saxaafadda ugu warramayay kolba waxa uu afkiisu soo qabto, halkaa waxa iiga soo
baxday inaanu jirin barnaamij siyaasadeed oo qoran oo la raaco oo u yaalay
wasaaraddaas Arrimaha Dbedda ee xilligaas wasiirkaasi ka warbixinayay, markaa
waxaan is weydiiyay wasiirka adiga ku qancin waayay ma wuxuu qancin karaa
diblomaasi waddan kale ah oo uu ka dhammayn karaa danaha Somaliland? Jawaabtu
waxay noqotay mid fudud oo waxaan is idhi maya.
Dhinaca kale safarada ay u baxaan mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda Somaliland oo intaan ka xasuusanahay ay ku tageen waddamada Itoobiya, Kenya, Talyaaniga, Faransiiska, Maraykanka, Simbaabwi, Liibiya, Masar iyo Yemen, intooda badan waxay ahaayeen kuwa aanay ka soo bixin midho muuqdaa, marka laga reebo Itoobiya oo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland ay ka muuqato qaddar horumar ahi.
Marka xisaabtankaa kor ku xusan
la barbar dhigo gobolka ay Somaliland kaga taalo dunida oo u muuqda mid dano
badan looga baahan karo Somaliland waxa ay u muuqataa dabiiciyan inayna
siyaasaddeeda arrimaha dibeddu aanay gabno noqon karin, laakiin marka la isku
daro dhaliilo faro badan oo ay leedahay siyaasadda arrimaha dibedda ee xilligan
Somaliland waxaa la odhan karaa malaha umuu qaban gaawaha nin godli yaqaan ee
ha loo xulo si ay madmadowga uga baxdo midho-dhalna u noqoto.
………………………………………………………………………………………
Wasiirka Xanaanada Xoolaha
H |
arg (Haatuf) :- Wasiirada Xannaanada Xoolaha ee
qaarada Afrika ayaa soo gebogebeeyay shir muddo lix maalmood ah uga socday
magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagaga wada hadlayay sidii kor loogu
qaadi lahaa suuqgeynta xoolaha iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor
taagan dhoofka xoolaha Afrika.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka mid ahaa madaxdii shirkaa ka qaybgalay ayaa sheegay in gebogebadii shirka la iskula meeldhigay saddex qodob oo kala ah; in kor loo qaado tayaynta xoolaha Afrika, in la iska kaashado cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha, iyo sidii xayiraada looga qaadi lahaa waddamada cuna-qabatayntu ka saaran tahay dhoofinta xoolaha.
Shirka wasiirada Xoolaha Afrika oo lagu qabtay
xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa, intii u dhaxaysay 18 ilaa 24
bisha March, waxaa ka qaybgalay 46 wasiir iyo safiiro kale oo metelayay dalalka
aan shirka wasiiradu ka iman.
Wasiirka oo la weydiiyay qodobadii ay la shir
tageen iyo waxyaabihii uga qabsoomay wuxuu ku jawaabay; “Soo jeedintayadii
waxaa ka mid ahaa maadaama Somaliland tahay meesha ugu mudan xoola-dhoofinta oo
ay ku taalo dekedda Berbera in la siiyo mudnaanta koowaad iyo in si wada-jir ah
looga wada qaybqaato sidii cuna-qabataynta saaran looga qaadi lahaa xoolaha
Somaliland, arrintaana waa laysla qaatay arrimaha kale ee aan isleeyahay shirka
waad gashatay. Waxaa ka mid ahaa sidii qaab wada-jir ah loogaga hawlgeli lahaa
culaysna loogu saari lahaa waddamada Carabta oo ah meesha loo iib geeyo xoolaha
ugu badan ee Somaliland, sidaa darteedna ay tahay in cuna-qabataynta laga
qaado, taana nasiib wanaag si fiican baa loo qaatay,”
Wasiirka mar wax laga weydiiyay in shirku go’aan ka
soo saaray cuna-qabataynta saaran dhoofka xoolaha Somaliland, wuxuu sheegay in
aan arrinta si gooni gooni ah looga doodin, balse si guud looga hadlay xaaladda
xoolaha Afrika; “Si gar ah oo waddan-waddan ah arrinta looma eegin, laakiin
waxaa la xusay qodob ahaa in si guud looga wada hawlgalo dhammaan meelaha
cuna-qabatayntu ka jirto,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo dalka ku soo laabtay 26 bishan, kadib markii uu soo dhammaystay socdaal muddo 10 maalmood ah qaatay oo uu ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in tallaabada Afrika qaadaa ay wax weyn ka tari doonto xal u helida xayiraada xoolaha Somaliland oo wadamada Bariga Afrika.
…………………………………………………………………………………………………………………
Dhibaatada
caafimaad ee biyaha Badda oo wasakhooba
Badaha
oo biyahoodu hoy u yihiin kumanaan kun oo noole ah oo qaarkood faa’iido u
leeyihiin dadka, waxaa marar qaarkood ku dhaca xad-gudub lagu sameeyo iyada oo
lagu dadiyo wasakh ama hadhaa warshadeed oo ka kooban kiimiko lid ku ah nolosha
iyo degaanka dhirta ku taala badda hoosteeda.
Haddaba marka la wasakheeyo biyaha badda ee uu
sumoobo noolihii ku dhex noolaa, waxaa dhacda in dadka qaar ay cunaan Kalluun
sumoobay, taas oo halis iyo caafimaad-darro u keenta qof cunay, dhibaatada
cunista Kalluunka sumoobay waa mid dunida aad uga dhacda, gaar ahaan inta ay
soo kordheen dunida guudkeeda horumarka, isticmaalka wershedaynta iyo qashinka
Nukliyeerka ee badaha lagu shubo.
Sannado badan ayaa dad ku noolaa biyo mareen la
yidhaa “Minamata” oo ku taala dalka Japan ayaa waxaa lagu arki jiray astaamo
xannuun aan hore loogu aqoon deegaankaas, astaamahaasi waxay ahaayeen dadkaas
oo ay diciifaan gacmaha iyo luguhu oo ay nafoobaan, waxaa kaloo lagu arkay
aragtida indhaha iyo dhegaha oo iyana awoodoodu yaraato.
Qaarkoodna waxaa ka lumay awooda hadalka iyo
fikirka maskaxda, qoysas badan oo ku noolaa “Minamata Bay” ee waddanka Japan oo
ahayd kalluumaysato waxaa dhashay carruur ay jidhkooda wax badan xubno ka
dhimman yihiin, markii ugu horreysay waxaa degaankaa ku dhintay 52 qof.
Dhibaatada weyn waxaa dadkaa u keenay wershado ku
yaalay biyo mareenkaa oo ku shubay hadhaa ah waxa loo yaqaan “Mercury”,
wershadahaas oo wasakhayntaa waday muddo 40 sannadood ah, noolaha ku jiray
Badda ee ili ma aragtayga ah ayaa la falgalay meerkuridii ay wershaduhu ku
shubeen Badda gacanka Minamata, waxaa falkaa ka dhashay sun xoog badan, suntii
waxaa qaatay kalluunkii ku jiray biyo-mareenka dadka kalluumaysatada ahaa ee ku
noolaa Minamata waxay si joogto ah u cuni jireen kalluunka sumoobay marba waxaa
sii kodhiyo sumowga dadkaa ilaa uu heer dhimasho.
Kalluunka ay sumaysay merkurida lagu daadiyay
badaha waxaa kale oo xannuuno iyo bukaano aan hore looga aqoon ku keeneen
dhulal kale oo leh bado, sida Kanada, Faransiiska iyo Talyaaniga.
Arrintani waxay keentay in dalal badan ay shuruuc
ka soo saaraan in badahooda lagu shubin hadhaaga wershadaha ay ku jirto
Meerkuridu.,
……………………………………………………………………………………………….
Maxaa dunida looga joojiyay isticmaalka sunta cayayaanka ee DDT?
Markii ugu horreysay ee ay soo baxday sunta
cayayaanka disha ee DDT sannadkii 1940-kii, waxay u muuqatay sun dishay
cayayaankii waxyeelada u lahaa dalagyada beeraha, DDT, aad ayay ugu caan baxday
beeralayda aadna waa loo isticmaalay, wax-soosaarkuna kor ayuu u kacay,
cayayaan badana waxaaa dalaga lagaga reebay markaa la isticmaalay DDT.
Laakiin markii muddo la isticmaalay waxaa dhacay
isbeddel lama filaaana, DDT way shaqayn weyday mar labaad cayayankii ayaa halis
ku noqday dalagyadii la beeranayay oo baabiiyay ama ayareeyay wax soo saarkii,
kaneecada ayaa iyana keentay cudurka Malaariyada oo dad badani dunida ugu
dhinteen.
Markaa maxaa ku dhacay suntii DDT? Cayayaanku waxay
yeesheen adkaysi aanay dilayn DDT, waxaa kale oo soo baxday in DDT ay tahay sun
ku jiraysa jidhka, kalluunka, xoolaha iyo dadka muddo dheer. DDT waxay sumaysay
markii la isticmaalay hawadii, biyaha iyo dhulku.
DDT waxaa lagu sameeyay daraasado ilaa haddana lama
wada oga waxyeeladeeda ay ku keento jidhka Bani’aadamka.
DDT waxaa la ogaaday marka la isticmaalo ee lagu
buufiyo beero ku yaal degaan ee ay ka baxeen dalagyada la cuno, sida qamadiga,
heeda, arabikhida, hadhuudhka iwm. In xataa marka la kariyo ay DDT ugu jirto
sun ahaan iyada oo dadka cuna qaarkood la hubiyay inay sabab u ahayd cudurka
halista ah ee Kansarka oo ku dhacay marar qaarkood.
DDT waxaa kale oo baadhitaano lagu soo saaray inay
sababtay naafanimada carruurta degaanada lagu buufiyay ku dhasha ee
curyaanimadu ka midka tahay.
Inkasta oo dunida lagu baahiyay sumo dila
cayayaanka ee kiimikada ah, laakiin waxay Saynisyahanadu tijaabooyin ku
sameeyeen sidii loo heli lahaa xalal kale oo beeraha lagaga ilaaliyo cayayaanka
iyo cudurada waxyeeleeya, iyada oo aan la isticmaalin waxyaalo kiimiko ah oo
degaanka waxyeelo u leh, sida cayayaanka.
Nooca cuno cayayaanka kale ee waxyeela beeraha oo
beerta lagu dhaqo, ama dalagyada u adkaysta waxyeelada cayayaanka oo ka soo
baxay xarumaha tijaabooyinka beeraha.
……………………………………………………………………………………………
R |
amaleh (W. Wararka): Iyada oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si buuxda isugu raacay in ay Israa’iil joojiso duqaynta ay ku hayso dadka Shacabka ah ee reer Falastiin, isla markaana ay Ciidamadeeda kala baxdo Xarunta taliska Madaxweyne Carafaat iyo magaalada Raamalah, ayaanay haddana Xukuumadda Arial Sharon dheg-jalaq u siin baaqa Caalamiga ah ee Golaha Ammaanku ugu baaqay in ay si dhakhso ah ugala baxdo Ciidamadeeda dhammaan goobihii ay dhawaanka qabsatay Falastiin.
Fadhi degdeg ah oo uu Golaha Ammaanku yeeshay
shalay ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen, meel-marinta qaraarka 14 dal, halka
uu fadhigii codaynta ka maqnaa Wakiilka dalka Suuriya oo ku fadhiya Kursiga aan
joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.
Ciidamada Israa’iil, ayaa weli ku guda-jira
duqaynta ay ku haysay Falastiiniyiinta ayaa gubtay Xafiiska Yaasir Carafaat,
isla markaana ka goysay qalabkii Isgaadhsiinta, laydhkii iyo Biyihii.
“Waxaa laga jaray Laydhkii iyo Telefoonkii, ma
haysto daawo iyo cunto midna, waxaa u baxayay Shamac. Noloshiisa ayaanu u
baqaynaa.” Sidaa waxa Warfidiyeenada u sheegay afhayeen u hadlay Yaasir
Carafaat.
Baabuurta Gaashaaman iyo Tawaangida Israa’iil, ayaa
isku xeertay xarunta uu degan yahay Carafaat, waxayna halkaa ku dileen xubno ka
mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Askarta Israa’iil oo isticmaalay cod aad u dheer oo
argagax gelinaya dadka, ayaa guri-guri u baadhaya magaalada, si ay uga soo
ururiyaan dadka ku sii hadhay, hase yeeshee magaalada ayaa ah gabaahiir cidla
ah.
Ergo ka kala socota wadamada Ruushka, Maraykanka,
Midowga Yurub, Qaramada Midoobay oo wakhti dame oo xalay ah kulan ku yeeshay
magaalada Qudus, ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dirirtu ka dhaxayso in ay
xabad-joojin ku dhaqaaqaan una hogaansamaan qaraarka Golaha Ammaanka ee
tirsigiisu yahay (1402).
Ciidamada Israa’iil, ayaa baajiyay kulan ay ergada
afarta dhinac la yeelan lahaayeen Yaasir Carafaat, kadib markii ay ergada u
diideen in ay galaan Xafiiska uu Yaasir Carafaat ku sugan yahay.
Xukuumadda Israa’iil, ayaa ku gacansaydhay qaraarka
Golaha Ammaanka, iyada oo ku tilmaantay mid aan u cuntami karin oo aan Maslaxad
u ahayn danaheeda. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Israa’iil, ayaa
sheegay in aanay wax la aqbali karo ahayn in Ciidamadayadu ka baxaan Ramaleh,
ka hor inta aan xabad-joojinta la dhaqan-gelin.
Dhinaca kalena, Madaxweynaha Maraykanka, ayaa
tilmaamay in ay weli banaan tahay fursad xabadda lagu joojin karo, wuxuu
Madaxweynaha la haysto ka codsaday inuu Falestiiniyiinta ka joojiyo falalka
qarxinta ah ee ay ku hayaan dalka Israa’iil, sidoo kale wuxuu Madaxda Israa’iil
ku booriyay in ay iyana dhinacooda ka joojiyaan duqaynta ay ku hayaan Rayidka,
Inkasta oo dhinacyo badani kula taliyeen in Israa’iil dagaalka joojiso, isla
markaana qaraarka Qaramada Midoobay ku amray in ay Ciidamadeeda kala baxdo
dhulka Falastiin, haddana weli ma muuqato tallaabo horumar lehi, Israa’iilna
waay u dhaqmaysaa sidii gar-darro garab og.
……………………………………………………………..
ODHAAHDA
AKHRISTAHA
War-murtiyeed
ay wada-jir u soo saareen dhammaan Salaadiinta, wax-garadka, cuqaasha, aqoonyahanka
iyo dhammaan mas’uuliyiinta beesha Gabooye ee muwaadiniinta JSL, waxay ku
caddeynayaan in lasoo afjaray dhammaan wixii khilaaf iyo muran u dhexeeyay
beesha, taas oo marar badan lagu gudbi jiray xuquuqda muwaadinimo ee ay
leeyihiin iyo saami-beeleedka ay lahaayeen, lana odhan jiray soo heshiiya.
Haddaba maanta waxaan halkan ku sheegaynaa inay dhammaatay boogtaasi lagu gudbi
jiray beesha, isla markaana la helay dawadii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen.
Haddaba waxaa ceeb iyo fool-xumo ah inaanay beesha
Gabooye ku jirin kana muqan sawirka dawladeed ee JSL ilaa madaxweyne,
madaxweyne ku xigeen, agaasime iyo dhammaan hay’adaha, laamaha dawliga ah iyo
hay’adaha samofalka ee aan dawliga ahayn.
Sidaas darteed, hoggaanka beeshu wuxuu ka rabaa
xukuumadda JSL inay ka hesho dhammaan saamiga beeleed ee dawladnimo sida uu
dhigayo qod. 8aad ee xeerka distoorka JSL, in loo wada siman yahay xuquuqda
muwaadinimo, haddaba miyaan lagu shaqaynayn distoorka JSL? Ma waxaa jirta sabab
kale oo ka horjoogsanaya beesha Gabooye inay hesho saami beeleedka ay leedahay.
Waxaanu dalbanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan
aanu u helo wixii xuquuq muwaadinimo iyo saami-beeleed ah ee aanu u leenahay
xaq, anaga oo isku mid ah talo iyo hoggaan midaysanba.
1.
Sul.
Iid C/llaahi Xirsi iyo Suld. Maxamed Suld. Cabdi Ismaaciil,
2.
Prof.
Rashiid Cabdi Xuseen,
3.
Dr.
Axmed Jaamac Samatar,
4.
Dr.
Maxamed Ayaanle Shire,
5.
Eng.
C/risaaq Xuseen Xariir,
6.
Eng.
C/raxmaan Cabdi C/llaahi,
7.
Eng.
Kamaal Daahir Cashuur,
8.
Aq.
Aadan Jaamac Maxamed,
9.
Caaqil.
Cali Faarax Axmed,
10.
// Maxamed Cali Faahiye,
11.
// Iid Jaamac Cige,
12.
// Cumar X. C/llaahi,
13.
// Ibraahim Axmed Salaan,
14.
// Iid Cismaan Dhabar,
15.
Cawil
Cabdi Xasan,
16.
Cali
Daahir Gud-gude,
17.
Kaafi
Guhaad Ibraahim,
18.
C/llaahi
Mire Dacar.
……………………………………………………………………………………….
Saxansaxada Nabadeed iyo
Saluugga Xukuumadda
X
aaladaha cusub ee siyaasadeed ee soo foodsaaray
Somaliland, waa mid runtii aan lagu raaxaysanayn, waxaan anigu shakhsiyan
aan aad u soo dhawaynayaa dadaalka nabadgelyo ee ay wadaan shaksiyaadka uu ka
midka yahay Mr. Ahmed Mohamed Siilaanyo. Mana aha markii koowaad
ee mujaahidku u tafaxayto nabadgelyada waddanka. Sidaan la socono
Mr. Siilaanyo oo ka mid ah dadka nabadda jecel, wuxuu ka shaqeeyay oo ku
ammaanan yahay intuu Madaxda u ahaa SNM oo uu soo maray wakhti aad u xun oo
inagu furan tahay dhaqaalihii, siyaasaddii, iyo barobagaandhadii mid ka mid ah
dawladdii ugu xoogga waynayd geeska Afrika, oo isku dayday in ay in
badan minjo xaabiso halgankii lagu jiray, laakiin Madaxdii sare ee SNM
waxaa u suuragashay in aanay ku guulaysan dhagarta ay maleegaysay
xukummaddii milateriga ee xilligaasi. Inkastoo taas lafteedu aanay
khilaaf la'ayn oo ay markastaba jiray waxyaabo lagu kala fikrad
duwanyahay, haddana marnaba arrintu faraha kama bixin. Marnabana qof kaliyihi
talada ma maroorsan sidan hadda muuqata.
Intuu Madaxa ka ahaa SNM Mr. Siilaanyo beelihii SNM
taageersanaa marnaba iskuma dhicin, waxaana arrimahaa iyo wax kastoo yimaadaba
lagu dhamayn jiray wadahadal iyo is-qancin. Waxyaabaha Siilaanyo lagu xusuusto
waxaa ka mid ah siduu u xallin jiray waxyaabihii lagu kala fikrad duwanaa
dhinaca siyaasadda. Mr. Siilaanyo wuxuu Xukunka iska dhiibay, iyadoo la
jecelyahay. Kamana fadhiisan ee sidii buu usii waday, waxaanu jecel yahay khilaaf
kastoo yimaadda in lagu dhameeyo jawi nabadeed.
Mr. Siilaanyo markuu Xukunka dhiibay ee uu
Madaxweynaha noqday Mr. Cabdiraxman Ahmed Cali kama fadhiisan hawshii geeddi
socodka nabadda iyo xorriyadda ee halkii buu ka siii waday. Markii dalka la soo
galay bilawgii sannadkii 1991kii wuxuu aad uga shaqeeyey walaalaynta iyo
nabadayntii beelaha Somaliland ee isku dhuftay taliskii hore ee Siyaad
Barre, waxaana isaga iyo Madaxdii sare ee SNM culayska saareen inaan laga
aargoosan beelihii kale ee Somaliland ee aan taageersanayn SNM. Waxaana uu ka
mid ahaa Madaxdii sare ee SNM ee wadday nabadaynta iyo turxaanbixinta beelaha
Somaliland ee ay ka dhexaysay xurgufaha iyo khilaafka siyaasadeed wakhtigii
taliskii Siyaad Barre. Wuxuuna ka mid ahaa Madaxdii ugu sarraysay ee SNM
ee taga iyagoo hawlaha nabadaynta wada magaalooyinka Booraame iyo
Laascaanood. Wuxuuna kusoo guulaystay hawlihii nabadaynta ee halkaas u
tegay. Waxaanu ka mid ahaa Madaxdii qaban qaabisay shirkii
dibuheshiisiinta ee Berbera. Isku dhacyadii sokeeye ee dalka ka dhacay waagii
Tuur wuxuu ka mid ahaa Madaxdii wax ka wadday shirarkii dibu heshiisiinta ee ka dhacay Burco iyo Shiikh.
Dagaaladii sokeeye ee u danbeeyey ee dhacay
intii dawladda maanta joogta talada haysay Mr. Siilaanyo, wuxuu ka mid ahaa
dadkii u ololaynaayey dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta, wuxuuna qayb libaax ka
qaatay shirkii Caynaan ee lagu qabtay Caynaba ee ay ka qayb-galeen beeluhu,
kuna baaqayey nabadda saamaysay markii danbe dhamaan daafaha Somaliland.
Ugu danbayna wuxuu ahaa siyaasiga qudha ee Madaxdii
sare SNM ama dawladdaba ee joogay shirkii dibuheshiisiinta beelaha reer
Togdheer ee ka dhacay tuulada Beer aanay ka soo baxeen go'aamada
nabadgelyada taamka ah ee aan maanta haysanno. Waxaanu mudan yahay in hawshan
uu wado ee nabadgelyo lagu taageero. Dadkeenu isma ciseeyaan, qofna lib looma
ogalee, wuxuu mudan yahay in aan nidhaahno waa Somaliland Hero, waxaa iyana
taas aan soo sheegnay dhinac taalla in ay kollayba jireen khaladaad dhacay iyo
dhaliiliba sababo kastaba haku yimaadeene.
Su'aashuna
waxaa weeye dhowr jeer buu Mr. Siilaanyo damiyey dab ka oogmi lahaa
Somaliland ee maku guulaysan doona hawshan uu hadda isugu iskii isu xilsaaray
ee la rabo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan? Cigaal-se
dani ma ugu jirtaa? Waxaana jira dareen ku saabsan in dawladda maanta talada
haysaa aanay xaalanayn danta guud, ujeedadeeduna tahay in ay talada kaligood
isku koobaan danahooda gaarna ka hormariyaan kuwa guud. Waxaanay u egtahay
markastoo uu yimaaddo khilaaf siyaasadeed in dawladdu aanay isku dayin in wada
hadal lagu dhameeyo arrimaha jira, ee ay isku daydo in ay xoog ku caabido
mucaaridka oo khasab ku marsiiso muraadka ay leedahay oo ah in ay ku fushadaan
damacooda siyaasadeed.
Waxaana habboon in shacbigu aanay kala raacin dhinacyada
is-haya, ee ay isku dayaan in ay isku soo dhaweeyaan oo la wada hadlo, taas oo
dani ugu jirto cid kastaba Muxaafid iyo Mucaaridba. Waxaana muuqda,
inkastoo dadaalo badani ay jiraan saxan saxo nabadeedna ina hayso, in haddana
jiraan shaki iyo saluug badan oo ku saabsan in dhinacyada is-hayaa ay
khilaafkooda ku dhammayn karaan wada hadal oo miiska la soo wada fadhiisan
karo, taas oo dhinaca Xukuumaddu shuruud adag ku xidhay wada hadalkii,
bulshadeenuna way soo martay in kaga filan dhibaato iyo dagaal, haddana
cidnaba maaha in ay ku taageeraan wax ka baxsan deganaashaha iyo
xasiloonida aan haysanno.
Abdi Abdillahi Hassan, Holland
Waadiga
Ciyaaraha
Zidane oo caddeyay
inaanay jirin cid ay koobka Adduunka uga baqayaan
P |
aris (AP) – Ciyaaryahanka khadka dhexe Zinedine Zidane ayaa sheegay inaanay jirin koox ay ka baqayaan, markii labaad oo xidhiidh ah ay ku guulaysanayaan koobka Adduunka, xataa buu yidhi hadii uu maqnaado Robert Pires, oo dhawaan dhaawacmay.
“Waanu ognahay inaanu haysano koox fiican iyo
fursad weyn oo mar labaad aanu si toos ah ugu hanan karno koobka adduunka,”
sidaa waxa yidhi xiddiga Faransiiska ah oo u warramay cadadkii soo baxay
Jimcihii ee wargeyska Lequipe, oo ah maalinle ka soo baxa dalka
Faransiiska.
Zidane oo dhaliyay mid ka mid ah 5-0 ay kooxda
haysata horyaalka adduunka iyo ka Yurub kaga adkaatay Scotland, oo ay Arbacadii
la soo dhaafay garoonka Stade de France ku dhexmarta ciyaar la isugu
kululaynayay koobka adduunka.
Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee ay
yeeshan intii ay waayeen Pires oo ku dhaawacmay ciyaar Arsenal la yeelatay
Newcastle.
Pires, wuxuu hore u sheegay inuu seegay ka
qaybgalka koobka adduunka.
“Waxaa noo jooga ciyaartoy awood u leh inay
buuxiyaan kaalinta uu Pires banneeyay. Lama dafiri karo inuu yahay mid ka mid
ah furaha ciyaartoygayaga, nasiib xumo ma soo celin kartid waqti tegay,” ayuu
ku daray.
Zidane wuxuu ku adkaysanayaa in kooxdiisa dirayska
buluuga ah lihi ay kalsooni buuxda ka qabto qaadashada koobka adduunka.
Ciyaaryahanku waxa kale oo uu waraysigaas kaga
warramay taageerayaashooda oo ku qayliyay markii uu ciyaarta qaybteedii dambe
beddel ku soo galay Christian Karembeu, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu
yidhi; “Markaad cambaarayso Karembeu, waxaad cambaaraysay kooxda Faransiiska oo
dhan, wuxuu mudan yahay xushmayn, manaan fahmin tallaabadan, waana ka niyad
xumaaday oo ka murugooday.”
Weli si buuxda looma caddayn sababta keentay
diidmada taageerayaasha ee la xidhiidha Karembeu.
Hase yeeshee, sida uu wargeysku ka soo weriyay qaar
ka mid ah taageerayaasha waxay rumaysan yihiin in ciyaartoyga Olymipiakos aanu
ahayn mid wanaagsan oo leh ciyaar ku filan inuu kaga mid noqdo kooxda ka
qaybgelaysa koobka adduunka, maadaama aanu ciyaarin tartankii 1998.
29-jirka Zidane waxa kale oo uu ka hadlay kooxdiisii
hore ee Juventus, oo uu kaga tegay xagaagii hore qiime gaadhaya (U.S $ 65)
milyan oo ay ku iibsatay Real Madrid.
“Kooxdaa la’aanteed, dabcan wax waliba sidan way ka
duwanaan lahaayeen, waqtigii iigu muhiimsanaana wuxuu ahaa kii markaan Juventus
joogay,” ayuu yidhi Zidane.
……………………………………………………………………….
Espanyol oo soo
iibsatay ciyaartoy cusub
B |
arcelona (AP) – Kooxda heerka koowaad ee Espanyol
ayaa soo iibsatay ciyaartoyga lagu magacaabo Maxi Rodriguez, oo u ciyaara
naadiga reer Arjantine ee Newell Old Boys. Wargeyska ciyaaraha ka faalooda ee ‘Marca’
oo arrintaa wax ka qoray maalintii Jimcihii ayaa sheegay in ciyaartoyga khadka
dhexe uu kooxda ugu kacay $7 milyan dollar.
Rodriguez oo ka mid ahaa xuklii ku guulaystay
koobka dhallinyarada adduunka ee sannadkii tegay Arjantina hanatay wuxuu
dhawrayaa inuu Espanyol ku soo biiro dhammaadka bisha May.
Dhinaca kale ciyaaryahanka reer Brazil ee Emerson
ayaa la sheegay inuu doonayo sidii uu uga tagi lahaa kooxda Deportivo marka la
gaadho dhammaadka xilli-ciyaareedka.
Sidaana waxa sheegay wakiilka Emerson, Jose Viega
oo Jimcihii u warramay wargeysyada ciyaaraha.
Ciyaartoygii hore ee Middlesbrough, oo heshiis shan
sannadood ah lagalay Deportivo oo uu ugaga soo wareegay Tenerife bishii July
2000 qiime gaadhaya $8.31 milyan.
29-jirka Emerson, oo saddex kulan oo keliya kooxda
xagga hore uga saftay xilli-ciyaareedkan ayay wararku sheegayaan inuu u
wareegayo kooxda hoggaaminaysa naadiyada heerka labaad ee Atletico Madrid, oo
la filayo in ay albaabada u furi doonto ciyaartoy badan.
horyaalka kooxaha
England iyo Hirdanka Kooxaha Dhar Casta
L |
ondon (Reuters) – Kooxda Liverpool ayaa ku negaatay sii haysashada hoggaaminta horyaalka, kadib markii ay dhammaan badiyeen saddexdii kooxood ee ugu sarreeyay horyaalku.
Kooxda Gerard Houllier ka badintii Charlton waxa
kaga yimi waxoogaa dhibaato ah oo xagga maamulka ciyaarta ah.
Liverpool waxa kor u badhitaaray Vladimir Smicer,
kadib markii debedda loo saaray Emile Heskey oo dhaawacmay.
Weeraryahanka Michael Owen ayaa isna xaqiijiyay goolkii
24aad ee xilligan, isla markaana xalaaleeyay saddexda dhibcood ee Liverpool.
Kooxda Manchester United ayaa dhalisay goolkii 82aad ee xilli-ciyaareedkan, hase yeeshee difaaceeda oo jilicsan ayaa meesha ka saaray in ay haysan karto guul hubaal ah, xataa haddii ay ciyaarta saddex gool ku hoggaaminayso.
Kulanku wuxuu mid isu dheeli tirawn noqday
daqiiqaddii 20 markii Mark Viduka waxba kama-jiraan ka dhigay hoggaaminta M.
United oo Paul Scholes u dhaliyay bilowgii ciyaarta.
Hase yeeshee, laba gool oo deg-deg ah oo uu
dhaliyay Ole Gunnar Solskjaer iyo goolka uu dhaliyay Ryan Giggs, ayaa hoosta ka
xarriiqay in kooxdii Middlesbrough gurigeeda ku guraacday ay debedda ku aarsan
taqaano.
Laba gool oo ay ka daba keentay Leeds ayaa markale
naxdin-gariir ku riday shayaadiinta cas-cas, kadib markii ay labadaa gool u
kala dhaliyeen Ian Harte iyo Lee Bowyer.
Ciyaartii waxay noqotay mid yax-yax badan ku
abuurtay Alex Ferguson oo dhabanada haystay ka hor intii aan lagu dhawaaqin
siidhigii dhammaadka ciyaarta.
Arsenal weli waxay u muuqataa inay hanan karayso horyaalka, kadib markii ay kulankii shalay 3-0 kaga badisay Sunderland, sidaana ay ku xejisatay kaalinta saddexaad, iyada oo gacanta ku haysata laba kulan oo u hadhsan.
Ciyaaryahanka Patrick Vieira ayaa albaabka
gool-dhallinta u furay keliya markii ciyaartu socotay 81 il-bidhiqsi, sidoo
kalena Dennis Bergkamp ayaa u labeeyay laba daqiiqadood kadib, Sylvian Weltord
ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Arsenal oo adhaxda ka sii jabiyay rajadii
Sunderland.
Chelsea ayay kor u sii kacday rajadii ay ka qabtay
inay hiigsato horyaalka Yurub, kadib markii ay 2-1 kaga badisay Derby.
Jimmy Floyd Hesselbaink ayaa jebiyay werwerkii
Chelsea oo la dawakhday goolal la’aantii ciyaarta qaybteedii hore, hase yeeshee
dirays buluuglay may kadban hoggaaminta oo waxaa markiiba barbaraysay Derby oo
uu goolka u dhaliyay John Terry, oo kubbad gudub ah ka helay Graeme le Saux.
Muddo kadib ayay Chelsea dhalisay goolkii guusha
waxaana u suurtogeliyay Emmanuel Petit, oo waqti dambe ku caawiyay guusha.
Kooxaha kale ee shalay kulmay waxay ciyaarahoodii u
dhaceen sidan;
Bolton waxat 3-2 kaga adkaatay Aston Villa,
Liecester City ayaa 2-1 ku dhirbaaxday Blackburn.
Soton iyo Fulham-na waxay ku kala baxeen barbaro
1-1.
Sidoo kale Westham ayaa 3-1 u dhiibtay kooxda
Ipswich town.
……………………………………………………………………..
Inter oo weli
hoggaanka u haysa horyaalka Talyaaniga
F |
irenze (AP) – Kooxda Inter Milan ayaa weli
hoggaan-qaadaysa horyaalka kooxaha Talyaaniga kadib markii ay kulankii shalay
1-0 ku dirtay Fiorentina.
Fiorentina ayaa ciyaarta weeraro ku bilowday,
Adriano oo amaah kaga maqan Inter ayaa ku sigtay inuu la hadho kooxdiisa,
wuxuuna kubadda kaga laaday qiyaas 20 mitir goolka u jirta, ka hor intii aanu
Recoba kubbad tijaabo ah ku dhirbaaxin goolhayaha Fiorentina, isla shan
daqiiqadood kadib ayuu Recoba kubbad u dhigay Vieri, balse waxaa joojiyay
difaaca kooxda.
Daqiiqaddii 62aad ayuu Recoba kubbad u dhiibay Cordoba oo isna Vieri ku caawiyay kubbada uu u dhaliyay kooxda lebisan dirayska madowga iyo buluuga isugu jira.
Seedorf oo ahaa ninka kulanka ugu wanaagsanaa ayaa
wacdarihiisa bilaabay markii ciyaartu waxyar socotay.
Kooxda Roma oo kaalinta labaad kaga jirta kala
horraynta horyaalka ayaa iyana xejisatay kaalinteedii waxayna 3-1 ku jiidhay
Bologna ciyaaryahanka Emerson ayaa laba gool u dhaliyay, ka kalena Montella
ayaa u saxeexay naadiga Roma.