SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 57-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Mawqifkii Kala Durugsanaa ee Salaadiinta

iyo Xukuumadda Cigaal, Maxaa Iska Bedelay?

“Cigaal, wuxuu igu yidhi; Suldaan Maxamedow waan ku hayn kari waayay, aniguna waxaan ku idhi…..”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir

 

H

argeysa (Haatuf): Ereyo kaftan ah oo ay isku tuur-tuureen Madaxweyne Cigaal iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir, ayaa dumiyay gidaarkii wada-hadal la’aanta ee u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Salaadiinta Mucaaridka ah, waxaana bilaabantay leexo Siyaasadeed oo Xukuumaddu ku jillaabanayso, qaar ka mid ah Madax-dhaqameedyada sar-sare ee ka soo horjeeda, iyadoo dhegta u raaricinayso dhinacooda.

Salaasadii toddobaadkii hore March 26, markii uu ka soo laabtay Safarkiisii Itoobiya ayuu Madaxweyne Cigaal, si lama filaan ah indhaha ugu dhuftay mid ka mid ah Salaadiintii ay Siyaasadda isku eedeen – Suldaan Maamed Sul, Cabdulqaadir oo ku dhexjirey dadkii ku soo dhawaynayay Madaarka, halkaas oo ay isku gacan-qaadeen, kadibna ereyo kaftan iyo dhab isugu jira isku weydaarsadeen.

 

“Anigu meesha uma tegin in aan Madaxweynaha soo dhaweeyo.” Sidaa waxa yidhi Sul; Maxamed Sul; Cabdulqaadir oo dhacdadaa Madaarka uga waramayay Haatuf. “Markii dadku ku yaacayay ee uu salaamayay, anigu halkaa dambe ee VIP-da ayaan iskala fadhiyay Sheekh Ibraahim iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdulqaadir Jirde,” ayuu raaciyay.

Laakiin, goor dambe ayuu Madaxweyne Cigaal ku naxay Suldaan Maxamed.

“Markii uu dadkii salaamay ee uu u kacay dhinaca qolka VIP-da oo aanu hor fadhino ayuu I soo gaadhay, markaasuu yidhi; ‘Waa kumuu ahaa ninkani’,” ayuu yidhi Suldaanku, waxana uu raaciyey’ “Runtii muddo dheerna ismaannu arag waxaanna ugu jawaabey Waxaynu isku haynaa waa Siyaasad, Siyaasaddana labadii ku loollanta mid uu bay guushu raacdaaye, labadaba ma wada raacdo, laakiin kursiga kuguma haysano.” isla markaana wuxuu intaa u dhexraaciyey oo sheegtay Muraadkii uu ka lahaa ee uu meesha u tegey.

 

Suldaan Maxamed Cabdulqaadir iyo Madaxweyne Cigaal, khilaafkooda Siyaasadeed wuxuu gaadhay colaad gacan ka-hadal leh, wuxuuna qayb weyn ka ahaa dagaalkii sokeeye ee Hargeysa ka qarxay dabayaaqadii 1994-kii, sannad uun kadib markii Cigaal talada qabtay. Heshiiskii Colaadaas lagu qaboojiyay 1997-kii, ayaa aad isugu soo dhoweeyay labadoodana, balse waxay mar kale isku dhaceen dabayaaqadii 2000, markii uu Suldaanku ka soo laabtay Shirkii Carta.

 “Alla Suldaan Maxamedow waan ku hayn kari waayay,” ayuu Madaxweynuhu, si kaftan ah iigu tuuray ayuu yidhi Suldaan Maxamed. “Aniguna waxaan ugu ku idhi” ayuu raaciyay, “Ma ninka Suldaan Maxamed oo Sagaal Ilig leh hayn kari waayey, ayaa Somaliland hayn karaya, dee iskaga tag meesha.”

Kaftankaa hoos-ka-tuurka ah kadib, Suldaan Maxamed wuxuu Madaxweyne Cigaal u horkacay dhinaca Xaafadda Calaamadaha oo ah deegaanka Beesha uu Suldaanka u yahay, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay, dad ka cadhaysnaa guryo Jiingado ah oo dawladda hoose, Subaxnimadii ka burburisay xaafaddaas oo dhacda waddada Madaarka tagta, dadkaas oo uu Suldaanku sii rigeeyey intii aanu Madaarka u tegin.

 

Suldaan Maxamed Cabdulqaadir, waxa uu ku guulaystay ujeeddadiisii oo ahayd inuu Maayarka ka ashkateeyo Madaxweynaha, isaga oo ku eedaynaya Maayarka fidmo-abuuris iyo kicin dadweyne oo uu doonayay ayuu yidhi inuu Madaxweynaha ka horkeeno, waxana uu Suldaanku isagoo ka hortegaya rabshaddaas, iskana duwaya eeddeeda ayuu tallaabadaas qaatay, taas oo  intaanu Madaxweynuhu soo deginna uu ku sii wargeliyay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiintii kale ee dawladda ka joogtey Madaarka.

“Markuu ka hadlayay arrinta Cawl, wuxuu igu yidhi [Madaxweynuhu]; Cawl adigaan kugu eegayaa,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed. “Aniga ha igu eegine, adigu wax ka qabo ayaan idhi,” ayuu raaciyay.

Sidii uu u ajiibay Madaxweyne Cigaal, dacwadda Suldaanka iyo garawshiiyihii uu u muujiyay dadkii ka cabanayay Maayarka, ayaa werwer weyn gelisay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, marka laga yimaado Maayarka oo isaga la sheegay in ay si weyn u saamaysay arrintu.

 

Maalmihii u dambeeyeyna, waxa la isla dhexmarayay warar sheegaya in xidhiidh wanaagsani u furmay Madaxweyne Cigaal iyo Suldaan Maxamed Cabdulqaadir, isla markaana ay meesha ka bixi doonaan xubno Wasiiro ah, gaar ahaan kuwa dawladda ugu jira Beesha Suldaanka.

Suldaan Maxamed, Inkastoo uu beeniyay wararka sheegaya in kulankaasi uu dabadda ku hayay xidhiidh hore ugu socday isaga iyo Madaxweynaha, sidoo kalena uu sheegay in aanu wax xidhiidh ahi uga dambeyn kulankaas, haddana waxa uu markii u horreysay ku taliyay in wada-hadal dhexmara Madaxweyne Cigaal iyo Salaadiintu uu xal u noqon karo Mushkiladda iyo khilaafka labada dhinac.

 

“Maya, wax xidhiidh ah oo markaa noo socdeyna ma jirin, wax wada-hadal ah oo noo bilaabmayna ma jiree. Arrintayadu waxay taagan tahay uun Xabsiga maalintii (nala yidhi), kala dareera, sidii bay weli u taagan tahay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed oo shalay waraysi khaas ah siiyay Haatuf.

“…Aniga qaabkaan u dhigi lahaa, waxa weeyaan horta Madaxweynaha iyo Salaadiintu in ay is arkaan oo waxyaabo badan baa la fududayn karaa, oo waxyaabo badan baa dalkan laga qaban karaa,” ayuu raaciyay. Isaga oo dhinaca kalena werwer iyo walaac ka muujiyay isku-xidhnaanta Salaadiinta iyo adkaynta Mawqifkii ay hore isula qaateen, isla markaana dareen ka muujiyay furfur dhinaca dawladda kaga socda. “Laakiin, in gaar-gaar loogu yeesho waa uun burbur Golaha Salaadiinta ku imanaysa,” ayuu yidhi.

Suldaan Maxamed, wuu ka gaabsaday inuu ka waramo faahfaahina ka bixiyo furfurkaas iyo walaaca uu qabo, balse waxa uu sheegay in uu maqmaqlayay wax arrimahaas ku saabsan, xog-ogaalse aanu u ahayn.

 

Hase yeeshee, waxa maalmihii u dambeeyay soo shaac baxay warar sheegaya in Ugaas Doodi oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Sare ee reer Awdal ee doorka ka qaatay abaabulka Golaha Salaadiintu, uu bedelay Mawqifkiisii, isaga oo aqbalay martiqaad gaar ah oo uu ka helay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Riyaale.

Tanina waxay timi, iyadoo warar aan la xaqiijin oo Burco ka imanayaa ay sheegayaan in Salaadiinta halkaa joogtaa ay diyaar-garow iyo tabaabushe ugu jiraan, wefti ay ku imanayaan Hargeysa oo ay Salaadiintu hore ugu qoondeeyeen in ay noqoto goobta lagu qabanaya Shirka Qaran ee ay ku baaqeen. Weftigaa oo ujeedadooda iyo qorshaha Socdaalkooda aan waxba laga ogaan ilaa iyo hadda Suldaan Maxamed Cabdulqaadir oo la weydiiyayna waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka hayn, ballana aanay ku lahayn Hargeysa.

Hase yeeshee, Suldaan Maxamed oo ku celceliyay Mawqifkiisa ah in la wada-hadli karo, khilaafka aragtiyaha Siyaasadeedna lagu dhameeyo wada-hadal, wax weyn kama soo qaadin arrinta Ugaas Doodi.

 

“Horta dee Cigaal, Shaaroon (Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil) oo kale maaha,” ayuu yidhi. “Siyaasadda waa la isku qabtaan, haddii Ugaasku uu arko xaqiiq…. Waxa la isku hayaa waa Siyaasadda dalka laga wado, Xukuumadda Siyaasadeedu waa qalloocan tahay iyo qaabka mustaqbalka wax loo dhisanayo in aanu Madaxa ka qalloocan, intaa uun baa la isku hayaa,” ayuu raaciyay. Waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin, dee maaha Shaaroon maanta Cigaal, waa Madaxweyne waa arki karaa, waa lala hadli karaa, waxbaa loo tilmaami karaa.”

Dhinaca kale, Suldaan Maxamed waxa uu mugdiga ka saaray werwerka la soo weriyay in xubno Wasiiro ahi ka qabaan xidhiidh Salaadiinta iyo Madaxweynaha u furmaa inuu khatar ku yahay Manaasiibtooda, waxana uu dusha u saaray Wasiiradda eedda khilaafka iyo mushkiladda ka dhex aloosan Salaadiinta iyo Xukuumadda, taasna uu doonayo in xal loo helo.

 

“Runtii meesha mushkilad baa taalla,” ayuu yidhi, waxana uu raaciyay; “Midhka yaallana waxa weeye, metelan, beeshan aan anigu ka soo jeedo Wasiiray leedahay oo Golayaasha Baarlamaankay leedahay. Baarlamaanka xubno way ogol yihiin wixii ku xidhma Xukuumadda ama Madaxweynaha in ay kuu geeyaan oo aad ka wada hadashaan, laakiin waxa jira raggan Golaha Wasiiradda ah beeshaydoo qudhaba yaanan odhanine beelaha oo dhanba, sitaarad baa Madax-dhaqameedkii iyo Madaxweynihii kala dhex taalla. Sitaaraddaasina, waa Golaha Wasiiradda!!” Kuwaas oo uu sheegay in ay hayaan shaqadii Madax-dhaqameedyada. Waxa uu sheegay in raggaasi aanay ogolayn cid u gasha Madaxweynaha, cid ay gacanta hayaan mooyaane, isla markaana aanay dad ku lahayn beelaha, marka laga reebo afar qof oo ay wataan.

 

“Wasiirkuna, nin beesha soo dhex-galaba maaha, afar shan qof buu iska wataayoo musawir ahaan uu ka dhigo oo uu geeyo marka loo baahdo,” ayuu yidhi.

Isagoo ka jawaabayay Shir-qarameedkii ay ku baaqeen halka uu ku dambeeyay, waxa uu sheegay in hawsha Shirkaa uu dabray hindisihii waan-waanta ee uu bilaabay Axmed Siilaanyo. Waxa uu sheegay in ergadaasi ay ka socon weydey dhinaca Xukuumadda sida uu sheegay Siilaanyo, hadal kama dambays ahna aanay weli ka hayn ee ay isaga ka warsugayaan

 

 

……………………………………………………………………………………………………………………..

 

“Madaxweyne Cigaal 20 Degmo oo uu Bixiyay Hal Mid Buu Ka siisay Awdal”

“Marka Tiro-koob la sameeyo haddii Gobolka Awdal Hal Kursi helo waanu Qaadanaynaa”

Md. Maxamed Axmed Barre (Garaad)

H

argeysa (Haatuf): Mudane Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, kana soo jeedda gobolka Awdal, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ee talada haysa si ba’an ugu dhaliilay, qaabka loo Maamulay dhismaha in ka badan labaatan degmo oo lagu soo kordhiyey Gobolada dalka, muddadii uu talada hayay Madaxweyne Cigaal, taas oo uu Mudane Garaad dhaliishiisa gundhig uga dhigay laba arrimood oo kala ah; qaabka loo abuuray degmooyinka cusub oo uu ku tilmaamay, qaab arbush ah iyo ta labaad oo uu sheegay in ay dadka reer Awdal magacaabidda degmooyinkaa ka uriyeen cadaalad darro weyn.

Mudane Garaad oo lagu tiriyo ragga ugu cad-cad kooxaha Mucaaridka ee aqalka Wakiiladda, waxa uu arrimahan ka hadlay maalintii shalay, isaga oo u waramay Wargeyska Haatuf, isla markaana hadalka Mudane Garaad ee ku waajahan aragtidiisa degmooyinka cusub, waxa uu ku soo beegmay xilli uu Golaha Wakiiladda horyaal Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka, iyadoo la aaminsan yahay inuu Xeerkani ka mid yahay Mawduucyada ugu xasaasisan ee ka dhex muuqda Muraayadda Siyaasadda Somaliland.

 

Mudane Garaad, isaga oo ugu horayn naqdiyaya Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ee degmooyinka cusub iyo qaabka murugsan ee loo bud-dhigay degmooyinkaa, wuxuu yidhi: “Marka aad eegto qaab-xumada loo dhisay degmooyinka cusub, waxay la mid tahay qaabkii ay Afrika kaga tagtay Mustacmaradii Ingiriiska, qaabkaas oo ku salaysnaa in soohdimaha la isku qabsado. Iminka haddii aad eegto degmooyinka cusub, qaar ka mid ah ayaa ku fadhiya dhul ay baaxadiisu ka yar tahay 7km. Sidaa darteed, degmooyinka tirada badan ee uu Madaxweyne Cigaal magacaabay, waxaan u arkaa in ay danta keliya ee laga leeyahay tahay, inuu Madaxweynuhu ku helo taageero Siyaasadeed iyo coddad doorasho, laakiin qaabka degmooyinkaa loo abuuray kama turjumayo dhismaha Qaran burburay oo ay sababta uu u burburayna tahay, cadaalad-darro kaga timi hogaankii u talinayay.”

 

Mudane Garaad, waxa uu ku dooday inuu Sawirka degmooyinka cusubi u muuqdo, mid keeni kara buuq iyo xaalad iska-hor-imaad, isaga oo ka digay khal-khal iyo murug ka yimaadda degmooyinka tirada badan ee la magacaabay, iyadoo aan loo meel-deyin, wuxuuna yidhi: “Waxa haboon in laga digtoonaado murug iyo khal-khal Siyaasadeed oo ka iman kara xuduudaha degmooyinkan, aniguna waxaan aaminsanahay in aanu murug yimaadeen haddii magacaabida degmooyinka cusub lagu saleeyo goobihii doorashooyinku ka dhaceen 1960-kii ee derejada B, kuwaas oo ay xuduudahoodu cad yihiin.”

 

Mudane Maxamed Axmed (Garaad), waxa kale oo uu ku dooday inuu Madaxweyne Cigaal markii uu qayb-qaybinaya degmooyinka tirada badan ka qadiyay gobolka Awdal, taasna uu u arko cadaalad-darro weyn, wuxuuna yidhi: “Madaxweyne Cigaal, wuxuu magacaabay 20 degmo iyo hal gobol oo cusub, wuxuuna u qaybiyay gobolka Hargeysa 6 degmo oo cusub, gobolka Saaxil 3 degmo oo cusub, gobolka Togdheer 3 degmo oo cusub, gobolka Sool 2 degmo oo cusub iyo gobolka Awdal hal degmo, iyadoo uu gobolku qaadi karo ilaa 4 degmo oo buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay degmo-nimada, sida: Boon, Geerisa iyo meelo kale. Laakiin, waxay dadka reer Awdal taa u arkaan nacayb uu Madaxweynuhu dadka ree Awdal u qabo, balse gobolka Awdal waa hooyadii Somaliland, xarunta gobolka ee Boorama-na waa meeshii Madaxweyne Cigaal lagu soo caleemo saaray, isla markaana dadka reer Awdal waxay ahaayeen, kuwo taageero buuxda la dabo-galay Xukuumadda Madaxweyne Cigaal, waxayse taa ka mooral-jabeen markii ay arkeen in aanu u hayn wax tixgelin ah iyo wax horumar ah midna.”

 

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2001, ayay dhammaan Mudanayaasha Beesha Samaroon, si ba’an u qaadaceen Ajande ku saabsan Saami-qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliland oo Wakiiladda la horkeenay, kadibna markii ay saluugeen saamiga laga siiyey gobolkooda, iyada oo ka dareemay Madashii fadhiga, isla markaana sheegay in aanay Ajandahaa ka qayb-gelayn doodiisa iyo falan-qayntiisa toona, taasina waxay keentay in gebi ahaanba la isku mari waayo Ajandaha Saami-qaybsiga Baarlamaanka, kadibna waxay duruuftu khasabtay in la-laabo ka hadalka Ajandahaa, iyadoo ay Wakiiladdu gudoonsadeen in dib loo dhigo. Hase yeeshee, Mawduucaa ilaa hadda maaro looma helin, wuxuuna qoddobkaasi ka mid yahay arrimaha  ugu waaweyn ee tusaalaha loo soo qaato marka laga hadlayo qabyooyinka doorashooyinka.

 

Mudane garaad oo ka mid ahaa, Mudanayaashii gobolka Awdal ee sida ba’an u qaaday Ajandihii Saami-qaybsiga xubnaha Baarlamaanka, ayaa mar la weydiiyay in arrintaa xal loo helay iyo in ay ka soo debceen Mowqifkii adkaa ee ay mowduucaa iska taageen, wuxuu yidhi: “Arrintaa weli maaro looma helin, waayo, Madaxweynuhu wuxuu bedelay Saami-qaybsigii ay beelaha Somaliland ku heshiiyeen oo uu ku bedelay, Saami-qaybsi ku salaysan lixdankii, taasina ma aha wax la aqbali karo, sidaa darteed anagu waxaanu waafaqsanahay in arrintaa loo raaco sida distoorku dhigayo, taas oo uu leeyahay waa in tiro-koob la sameeyo, tiro-koobkaana lagu saleeyo Saami-qaybsida Kuraasta. Sidaa darteed, marka tiro-koob la sameeyo, haddii uu gobolka Awdal hal Kursi helo, waanu qaadanaynaa.”

……………………………………………………………………………………………………………………...

 

Dalalka Xubnaha Ka ah Ururka Dawladaha Islaamka oo Taageeray Dagaalka Reer Falastiin

K

uwaalalanbuur (W. Wararka): Shir ay ku yeesheen dalalka Islaamku Caasimadda dalka Maleesiya ee Kuwaalalanbuur, ayna kaga wada-hadlayeen xaaladda dadka reer Falastiin ayay ku soo saareen go’aan ay ku taageerayaan Kacdoonka iyo halganka ay ku jiraan dadka reer Falastiin, iyaga oo ku baaqay in la kala saaro halganka xaqa ah iyo argagixisada.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen 53 dal ee xubnaha ka ah ururka dalalka Islaamku, waxa ay gaashaanka ku dhufteen isku-day kasta oo Halganka Falastiiniyiinta lagu tilmaamayo argagixiso, iyaga oo cadeeyay xaqa ay dadka reer Falastiin u leeyihiin in ay dhistaan dawladooda gaarka ah. Laakiin, waxa la sheegay in ay isku khilaafeen macne sugan oo loo yeelo Argagixisada, inkastoo oo ay tilmaameen in ay kala duwan yihiin argagixisada iyo halganka xaq-u-dirirka ahi.

 

Arrintani waxa ay ku soo beegantay, iyada oo ay Israa’iil sii wado duulaanka ay ku hayso deegaanada Falastiiniyiinta iyo falalka arxandarrada ah ee ay ku kula kacayso dadka aan waxba galabsan.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Arial Sharon, ayaana u soo jeediyay hogaamiyaha Falastiin Yaasir Carafaat in la siinayo ruqsad uu dibadda ugu bixi karo, haddii aanu dib u soo noqonayn, taas oo ay gaashaanka ku dhufteen Falastiiniyiintu.

Dhinaca kale, waxaa lagu soo waramayaa inuu kacdoonka Falastiiniyiintu keenay Sare-u-kac ku yimaadda qiimaha Shidaalka ee Sayladaha Ganacsiga Aduunka, kaas oo maalintii shalay gaadhay $ 27.05 US Doollar Foostadii.

Dalka Ciraaq, ayaa isna ku baaqay in dhinaca Shidaalka loo adeegsado, si loo taageero Halganka reer Falastiin.

…………………………………………………………………………………………………………………….

 

Madaxweynaha Baakistaan oo

Markii u horaysay Booqday Afgaanistaan

K

aabul (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Baakistaan Barfiis Musharaf, ayaa markii ugu horaysay maalintii shalay booqasho ku tagay dalka Afgaanistaan, tan iyo markii la riday Maamulkii Daalibaan dabayaaqadii sannadkii hore, waxaanu wada-hadal la yeeshay hogaamiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Afgaanistaan Xamiid Karasaay oo ay isla soo qaadeen, Cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo la-dagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisada.

 

Madaxweyne Musharaf, wuxuu taageero weyn siiyay hawl-galkii Maraykanka ee lagu burburiyay nidaamkii Daalibaan, waxuuna balanqaaday in aanu dalkiisu faro-gelin dambe ku samaynayn arrimaha gudaha ee Afgaanistaan. Waxa kale oo uu gudoonsiiyey Xamiid Karasaay, Jeeg lacag ah oo dhan Toban Milyan oo Doollar oo uu ugu talo-galay dib-u-dhiska Afgaanistaan.

Tallaabadan uu qaaday Musharaf, waxa lagu macneeyay mid uu ugu talo-galay inuu ku maydho Xurguftii muddaba ku kala dhex jirtay labada dal, iyada oo dalka Baakistaan ka mid ahaa Waddamadii tirada yaraa ee aqoonsanaa Maamulkii la riday ee Daalibaan.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya Baakistaan ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanku qabteen mid ka mid ah, Hoggaamiyayaasha ugu sareeyay ururka Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabay Abuu Mansuur.

 

Sidaa daraadeed, Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa arrintan ku tilmaamay guul laga soo hooyay dagaalka ay kula jiraan Al-Qaacida.

…………………………………………………………………………………………………………………..

 

Badheedhaha Wargeyska

Cahdiga Muddo-kordhinta, Wasiiradda Cigaal, Sharci iyo Sharci-darro Waa Iyama?

23

-kii bishii Febarweri 2002 oo saaka laga joogo laba bilood iyo sagaal maalmood, ayay Madaxweyne Cigaal iyo Ku-xigeenkiisa Daahir Riyaale, kaga ekayd muddadii shanta sannadood ahayd ee talada hogaaminta loogu cayimay Shirkii Hargeysa, ee xidhmay Febarweri 1997-kii.

 

Inkasta oo distoorka lagu qoray in marka kalkani dhammaado, ay kalka ku xiga kuraasta ku fadhiistaan hogaamiyayaal ku yimi habka doorashooyinka ee ay dadku u codeeyaan dadka u talinaya, haddana taasi may suurta-gelin, waxayna muddadii shanta sanno ahayd dhammaatay, iyadoo aanay wax doorashooyin ahi dalka ka dhicin.

Sidaa darteed, markii ay gabaabsi noqotay muddadii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ayay Golaha Guurtida oo cuskanaya, qoddob ka mid ah distoorka muddo hal sanno oo kale ah ugu dareen Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

 

Hase yeeshee, markii uu go’aankaasi Golaha Guurtida ka soo yeedhay, waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan badan oo Siyaasadeed, gaar ahaan ururada iyo kooxaha Mucaaridka ayaa qaylada ugu badan ka dhigay tallaabada muddo-kordhinta. Inkasta oo ay dadka diidan qaraarka Muddo-kordhintu, waxyaalo u badan u cuskanayaan dhaliishooda, haddana arrinta ugu weyn ee ay soo qadimeen waxa weeye, duridda Sharciyadda Muddo-kordhinta, iyaga oo ku andacoonaya in aanu qaraarka Muddo-kordhintu, waafaqsanayn shardiga uu ku ansaxayo qaraarka Muddo-kordhintu.

Hase yeeshee, marka taa laga yimaado su’aasha kale ee Mawduuca Muddo-kordhinta ka dhalatay waxay tahay, go’aanka Muddo-kordhintu Ma wuxuu khuseeyaa Golaha Xukuumadda oo dhan, mise wuxuu khaas u yahay labada xubnood ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo keliya.

 

Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda, wakhtigana ah ku-simaha Gudoomiyaha, Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo mawduucaa laftiisa ka hadlaya, ayaa yidhi: “Muddo-kordhintu ma khusayso Wasiiradda ee waxa weeye Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo keliya.”

Marka laga yimaado, dadka u dhuun-daloolla ama wax ka yaqaan arrimaha Shuruucda iyo nidaamka dawladda, waxa laga yaabaa in ay dadka qaarkood u haystaan in mar haddii Madaxweynaha loo jadiiyay ay Wasiiradiisuna, taa la wadaagaaan. Hase yeeshee, si aynu arrinta wax badan uga fahamno, bal aynu eegno waxa uu dhigayo qoddobka distoorka ee Muddo-kordhinta loo cuskaday.

Qoddobka 83aad, Faqradiisa ayaa ka hadlaysa habka Muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, wuxuuna u dhigan yahay; “Haddii ay suurtoobi waydo, duruufo la xidhiidha Nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, marka uu muddada xilkoodu dhammaado, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.”

 

Sidaa awgeed, waxa uu qoddobkan distooriga ahi dhigayaa in ay Muddo-kordhintu, Sharciyan u khaas tahay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo keliya, taas oo aanay la wadaagin xubnaha Golaha Wasiiraddu.

Su’aasha haddaba meesha taal waxay tahay, xubnaha Golaha Wasiiraddu, mar haddii aanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagin Sharci iyo Sharci-darro midkee bay kuraasta ku fadhiyaan?

 

Horta distoorka kuma taal qoddob sheegaya, sida Wasiiradda markaa xilka haya xaaladooda sharci noqonayso, laakiin marka dhinac laga eego, muddada sannadka ah ee loo kordhiyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxay ka dhigan tahay xilli cusub. Sidaa darteed Wasiiraddu, iyaga oo xilalka haya lagu yeedhiyay siidhigii dhammaadka ciyaarta, waxay u muuqdaan in aanay sharciyadda Muddo-kordhintu u hayn wax qiil ah, sidaa darteed uu qiilka keliya ee sharciga waafajin karaa yahay qallinka Madaxweyne Cigaal, taas oo sidii ay caaddadu ahayd Madaxweynaha laga rabo inuu sharciyan Wasiiradiisa soo waafajiyo kalka cusub ee xilka loo kordhiyay, iyadoo taa macnaheedu yahay inuu soo magacaabo, kadibna ka ansixiyo Golaha Wakiiladda.

Arrintu sida ay doonto ha ahaatee, waxay doodda Mawduucani muuqataa in Madaxweyne Cigaal looga fadhiyo inuu jawaab ka bixiyo, Wasiiradiisu Sharci iyo Sharci-darro midka ay kuraasta ku fadhiyaan, iyadoo dhinaca kalena ay Muddo-kordhintu ugu soo gashay xayn Wasiiro ah oo aan laga ansixin Golaha Wakiiladda, isla markaana muddo-dhaafay ayaamaha uu sharcigu ogolyahay in ay xilka ku-meel-gaadh u sii hayaan.

……………………………………………………………………………………………………………………

 

Hogaamiye-dhaqameed Koonfurta Soomaaliya ah oo C/qaasim ugu Baaqay inuu Is-casilo

M

uqdisho – Sagaal ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Koonfurta Soomaaliya, ayaa ugu baaqay C/qaasin Salaad, Madaxweynaha Maamulka Muqdisho inuu is-casilo, sidaana waxa Cadadkiisii shalay soo baxay daabacay Wargeys la yidhaahdo Xogo-gaal oo ka soo baxa magaalada Muqdisho.

Sida uu qoray Wargeysku, baaqaas oo qoraal ahaa waxay hogaamiyayaashaasi ku socodsiiyeen guddiga qaban-qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu wado inuu dhawaan ka dhaco Caasimadda Kiiniya ee Nayroobi, waxayna baaqooga ku sheegeen in ay dawladda Carta lagu soo dhisay ee C/qaasin Salaad, guul daraysatay. Sida darteed, waxay baaqooda ku xuseen qoddobo ay ka mid yihiin:

1.                   Inuu is-casilo C/qaasin Salaad Xasan, si looga wada-qayb-galo shirka dib-u-heshiisiinta Nayroobi.

2.                   In Miiska la dhigo Masuuliyadda Madaxweynaha, Golaha Wasiiradda iyo Maxkamadda Sare.

3.                   In Baarlamaanka Kooxda Carta uu noqdo mid dabba-furan oo lagu biiri karo, iyadoo ay mudanayaashii hore sidooda yihiin.

4.                   Waxaanu uga digaynaa C/qaasin inuu isku adkeeyo xilka loo dhiibay.

Hogaamiyayaasha Baaqa saxeexayna, waxay kala yihiin:

1.                    Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane,

2.                    Cabdi Suldaan Cali Abokro,

3.                    Ugaas C/Laahi Axmed Shide,

4.                    Ugaas Maxamed Sh. Axmed Nuur,

5.                    Ugaas Maxamuud Baqow,

6.                    Ugaas Sabriye Buulle,

7.                    Suldaan Aadan C/laahi,

8.                    Suldaan Carab Suldaan Ismaaciil iyo

9.                    Nabad-doon Macalin Cabdi Macalin Maxamed.

…………………………………………………………………………………………………………………..

Shixnaddii u Horeysay ee Kutubta Manhajka Cusub oo Dugsiyada Somaliland ah oo Ka soo Degay Berbera

B

erbera (Haatuf): 2470-kartoon oo ay ku jiraan Kutub Manhaj cusub ah oo loogu talo-galay Dugsiyada Hoose ee Somaliland, ayaa Jimcihii Toddobaadkan soo gaadhay magaalada Berbera, kadib markii Markab laga soo saaray magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya, halkaas oo lagu soo daabacay.

 

Weriyayaal ka tirsan Haatuf oo shalay booqday magaalada Berbera, ayaa la kulmay Shixnaddaa Buuggaagta ah. Hase yeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Xuseen Cilmi oo uu Wargeyska Haatuf, wax ka weydiiyay Kutubtaa, isaga oo joogga Hargeysa ayaa sheegay in Kutubtaa Manhajka cusub ah lagu soo daabacay Nayroobi, kadib markii ay Berbera soo gaadhayna ay u kala qaybiyeen Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

 

Agaasimaha Guud, wuxuu sheegay in ay Shixnaddan Kutubta ahi ka kooban tahay Maadooyinka Sayniska, Xisaabta, Soomaaliga iyo Maado la yidhaahdo Cilmiga Bulshada, wuxuuna intaa ku daray in ay weli xaga Nayroobi ku dambeeyaan Maadooyinka Carabiga, Diinta iyo Ingiriisiga, isla markaana wuxuu Agaasimaha Guud sheegay in Manhajkan cusub, Dugsiyada Somaliland lagu bilaabi doono sannad-dugsiyeedka foodda inagu soo haya oo bilaabmi doona bisha Ogost 2002.

Qoraalka Manhajkan cusub ee waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland, waxaa magaalada Hargeysa laga bilaabay sannadkii 1999-kii, waxaana qoray Macalimiin reer Somaliland ah, iyada oo ay hawsha diyaarinta Manhajkan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ka caawiyeen Hay’adaha Samo-falka UNESCO iyo UNICEF, taas oo uu Agaasimaha Guud ee Waxbarashadu xusay in ay daabacaadda buugtaa ku baxday lacag ka badan 100-kun oo doollar.

 

Marka laga yimaado Kutubta Dugsiyada Hoose ee la keenay, waxa kale oo uu Xuseen Cilmi sheegay in hadda tifaftir lagu wado Kutubta Dugsiyada Dhexe ee Manhajkan cusub, dhawaanna la daabici doono.

 

Sidoo kale, Xuseen Cilmi wuxuu sheegay in ay Manhajkan cusub u tababareen 480 Macalin, isla markaana ay mustaqbalka dhow ku talo-jiraan in ay tiro intaa le’eg oo Macalimiin ah u tababaraan Manhajka cusub.

…………………………………………………………………………………………………………………….

 

Odhaahda Akhristaha

Waxaan umadda u sheegayaa inaan

isu sharrixi doono madaxweynenimada

Inkasta oo aanay maamulka dalka gacanta ugu jirin kuwii loo yaqaanay tilmaamayaasha xaddaaradda dalkeena, caalamkuna soo maray, haddana waxa jiray markasta andimada dumuqraadiga ah kuwa loo yaqaano (ku dirqiyayaasha) oo ah shaqaalaha, dhakhaatiirta, looyarada, fannaaniinta, dumarka, Injineerada iwm, kuwaas oo ah tilmaamayaasha xaddaarad mujtamac leeyahay, ahna kuwa ku dirqiya maamul siyaasi cidhifyadiisa oo dhan (xukuumadda, Baarlamaanka, Xisbiyada iwm), waana ta keentay dalkeena in siyaasiyiintu si nafisa oo aan dhib lahayn inay jaraa’idka oo keliya wax ku qoraan.

 

Waxaan leeyahay hadday ka dhab tahay xisbiyada ama ururada inta hoggaanka u ah (fulineed) haysaa inay doonayaan isbeddel siyaasi oo aan fawdo lahayn (khalkhal nabadgelyo), oo ah kuwa diiwaangashan ha isugu yimaadaan fagaaraha Khayriyada socodna ha ka bilaabaan ama aynu bilowno halkaa ilaa madaxtooyada, innagoo cabirayna dhibaatadan uu ina-Cigaal maamulkiisu ku hayo dalka, aafadana kaga tagaayo, una diyaargaroobo xadhig garaacis.

Haddii kale waar yaynaan dadka been ku haasaawin.

 

Waxaana jirtay nin cir weyna oo la odhan jiray Ashaab, gabadh baa u soo karisay raashin, distidiina u keentay, markuu mar qaatay ee iyaduna mar faadatay ayuu yidhi; “naa heedhe gacmahan isweydaaranayaa badanaa.” Markaasay ku tidhi; “oo waa labadeenoo keliyee iimaanso,” markaasuu yidhi; “waan ogahaye waxaan jeclaa in aniga iyo distidu isku keliyaysano.”

Umaddana waxaan u sheegayaa inaan isu soo sharrixi doono jagada madaxweynaha, kuna dedaali doono inaan si lama huraan ah aan xilka u gudan doono.

C/casiis X. Yuusuf, X. Xasan,

Xoghayaha guud ee Birso,

……………………………………………………………………………………………………………………..

 

Cambaarayn xadhig laba muwaadin

27/3/2002, abbaaro 8:30 saac ee fiidnimo ayaa askar hubaysan oo isugu jirta ciidanka booliska iyo ciidanka millatariga u soo taxaabeen saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa laba nin oo kala ah;

Yuusuf Bashiir Xirsi iyo Cabdi-khadar Axmed, kadib markii koox odayaal ahi ay warqad dacwad ah hore uga so qoreen Yuusuf Bashir Xirsi, warqaddaas oo aan wax fal-dambiyeed ah ku salaysnayn, balse kuwan ujeedooyin siyaasadeed, u xadhigmaleegid iyo wanjalaad.

Arrintaasi waxay ka abuurtay beesha dhexdeeda xiisad kulul iyo dareen cadaawadeed.

Ma jirto cid uu waxyeelo u geystay naf iyo maal midna, waxaase jiray muran dhul oo hore u dhammeeyeen odayal xigto ahi.

Waxaan talo ku bixinayaa in xadhiga laga sii daayo labada muwaadin ee kor ku xusan xorriyadooda iyo sharaftoodana loo celiyo lagana hortago khilaaf arrintaasi ka abuurto gudaha beesha.

Garyaqaan Yuusuf Faarax (Yuusuf Geerash).

……………………………………………………………………………………………………………………

 

Adoo ciillan cid aad u cabato garanwaa

Waxaan ahay nin waayeel ah oo afar iyo toddobaatan jir ah, waxaanan maqlay in badan dad leh ‘maxaa ka habaaray ciidamadeena alfaan garbaha lagu qaato? Ayaase arrintan hortaagan?’ hadalkan anigu markii hore waan iska dhayalsaday oo kumabaan wadin in arrintani jirto oo waxaan u qaatay sheeko aan sal iyo raad midna lahayn. Hase yeeshee, maalin maalmaha ka mid ah ayaan ogaaday in arrintu dhab tahay, dhibaatada ay leedahayna aan mutay.

 

Nin aanu isku guri ahayn ayaa si lama filaan ah loo xidhay, deetana markaan maqlay ayaan tegay meeshii amarka ninka lagu xidhay ka soo baxay. Xafiiska dhawr nin ayaa fadhiyay, arrin dhacday ayaanay ka wada hadlayeen. Nimanku may sidan alfaan iyo astaamo kale oo muujinaya waxa ay kala yihiin midna, waanay ila fool xumaatay inaan idhaahdo waar keebaa idiinku sarreeya, markii su’aashu meesha ka baxdayna waxaan goostay inaan sugo tan iyo inta ay warka dhammaysanayaan. Markay hadalkii ka baxeen ayaan aniguna cabashadaydii bilaabay. Maan hubin in ninka aan u cabanayaa yahay kii xafiiska u sarreeyay iyo inkale. Hase yeeshee, waxaan ku daystay mar haddii uu isagu ahaa midkii aan hadal lagu celinayn inaan xafiiska cidina uga sarrayn.

 

Goobta aan joognay waxay ahayd Nabad-sugidda, deedna ninkii kooxda u soo sokeeyay ayaa I yidhi; “Waar ninka aad baadi doonaysaa waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Booliska ee hebel u tag isagaa ninka arrintiisa gacanta ku haya’e. markii aan saldhiga tegayna waxa la ii sheegay in ninka sare ee la ii tilmaamay xafiiska dusha uu joogo, markaasaan jaranjarada koray, bartaana waxaan ugu tegay afar nin oo alfan iyo istaaamo kale midna ku kala duwanayn, waanay igu adkaatay inaan su’aashii aan horeba uga maagay ku dhawaaqo, markaasaan warkaygii toos u bilaabay. Hase yeeshee, aniga oo warkii ku dhex jira ayaa nin afartii ka mid ah daymo kulul isoo daymooday. Eegmadaasina walaac iyo naxdin ayay igu kordhisay oo uurka waxaan ka idhi waar meeshan malaha waxba kaaga hagaagimaayaan oo ninkan isha kugu gubaya ayaa u sarreeya.

Arrintuse sidii aan maleyay may noqone nin kale ayaa ii jawaabay oo yidhi; waar sidaa iyo sidaa yeel oo xafiiskii hore ku noqo. Maalintii hore waxba iima qabsoomin maalin labaad baase ninkii la soo daayay.

 

Haddaba, iyada oo qof kasta oo aan xafiisyada hore u arki jirinba la kulmi karo hadimo tan aan anigu mutay la mid ah, haddana arrintu dhibaato dad tiro yar uun ku kooban maahee waxa ay noqon kartaa guul-darro qaran.

 

Maxaa yeelay, ciidan aan alfaan ku kala amar qaadanaynin waxa uu soo hooyaa waa jab iyo guul-darro. Bal aynu tusaale u soo qaadano dalka Shiinaha ee dunida ugu dad badan. Dadkaasi wuxuu dhaqan u lahaa inaan ciidamadiisu derejo qaadan, waxaanay caadadaasi dhaxalsiisay in dalka baaxaddaa lihi habarna iska celin waayay muddo 150 sano ka badan, ciidamada milatarina may muuqan intii ka horraysay 1949, markaas oo uu Shiinuhu habkii gaboobay dooriyay.

Miyaanay haddaba inala gudbanayn inaynu habka quman raacno, qardajeexna iska nacno.

Arrinta waxa la moodaa in dad qaranka xil weyn u hayaa ku gudban yihiin, waase in la xusuusnaadaa in tani tahay khiyaamo qaran oo qofkii ay ku caddaataa ciqaab ku mudan karo.

I.M.Nuur,

Hargeysa

 

…………………………………………………………………………………………………………………

Waadiga Ciyaaraha

Liverpool iyo Liverkusen midkee ku adkaan doonta kulanka caawa dhexmaraya?

L

iverpool, ayaa quud-daraynaysa inay markii koowaad u soo gudubto kulanka wareega kama dambaysta ah (semifaynalka), marka ay is arkaan kooxda Jarmalka ah ee Bayer Leverkusen, oo ay wejiga hore isku arkayaan caawa. Liverpool waa markii ugu horreysay ee ay soo gaadho wareega siddeeda kooxood tan iyo 1985, waqtigaas oo ay ku hungoobeen ciyaartii kamadambaysta ahayd, kadib markii ay sanadkii ka horeeyay ee 1984 ay ku guulaysatay koobkii afraad ee horyaalada Yurub.

 

Weeraryahanka Emile Heskey oo dhaawac sahlani ka soo gaadhay kulankii Sabtidii ee Charlton ayaa lagu wadaa inuu ka soo kabto dhaawaca muruqa ka gaadhay oo uu ciyaaro kulanka Arbacada.

Kaaliyaha tabobaraha Liverpool Phil Thompson, ayaa sheegay in dhaawaca Heskey ahaa mid sahlan, uuna ciyaarayo kulanka Arbacada.

 

Kooxda Liverkusen oo hadda gacanta ku haysa hoggaaminta Jarmalka ayay Liverpool madaxa is darayaan, iyada oo afar dhibcood ka goosatay kooxaha markii ay 4-2 ku samirsiisay Kaiserlautern.

Tallaabadaas oo kor u qaaday hungurigii ay ka qabtay koobka horyaalka Yurub, waxay hore u gaadhay kulanka kama dambaysta koobka Jarmalka.

Tabobaraha Leverkusen, Klaus Toppmoeller, ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo koobka Yurub.

“Maanta waa tijaabo, laakiin waxaanu wajahnay tijaabo toddobaad kasta ah, fursaddayada Liverpool waa 50-kiiba 50,” ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale kulanka labaad ee caawa waxa isku arkaya Barcelona iyo Panathinaikos.

Inkasta oo ay ciyaarteedu isbeddesho, haddana Barcelona waxay u badan tahay inay u itaal roontahay gaadhitaanka wareega kama dambaysta ah, sababta sidaa loo yeelay waa kooxda ay isku soo beegmeen ee Giriiga ah ayaa larumaysan yahay inay ta ugu tamarta daran tahay siddeeda kooxood ee loolamaya.

Barcelona, oo hadda ay yartahay rajada ay ka qabto horyaalka Isbaanishka, kadib markii ay Sabtidii 1-1 ku kala baxeen Las Palmas.

 

“Waanu nasiib daranahay, laakiin weli waxaanu haysanaa waqti aanu ku hanan karno horyaalka Yurub. Kulanka Arbacada aanu la yeelanayno naadiga Giriiga ah wuxuu yimi waqti wacan oo aanu ilaawi karno natiijadii hore,” sidaa waxa yidhi Carles Rexach.

Rivaldo oo kulankii Sabtidii kaga maqnaa dhaawac ruuga ka gaadhay, waxaase la filayaa inuu ciyaari karayo kulanka Panathinaikos. Sidoo kale ciyaartoyga Sergi Barjuan oo baalka bidix ee difaaca ka ciyaara, Gerard Lopez iyo difaacyahanka reer Sweden ee Patrick Anderson ayaa dhammaantood dhaawac qaba.

Giriigu, dhinaciisa wuxuu diyaar u yahay inuu safo dhammaan xiddigihiisa, hase yeeshe warar rasmi ah oo laga helay saraakiil sarsare ayaa sheegaya inay ka werwersan yihiin dhibaato ka dhacda Athens.

 

Taageerayaasha kooxda ayaa toddobaad kahor waxyeeleeyay garsoorihii dhexdhexaadinaya kulankii dhexmaray Panathinaikos iyo Piraeus.

………………………………………………………………………………………………………………….

Romario oo kor u qaaday doodii kaqaybgalka koobka adduunka

R

io De Janeiro (Reuters) – Dagaalyahanka weerarka ee Romario ayaa kor u qaaday isku celceliska gooldhalinta kulamada uu ciyaaray toddobaadkan, taas oo sii kordhisay dooda ka taagan inuu ka mid noqdo xulka koobka adduunka ka qaybgalaya.

36-jirka Romario oo ka fadhiyay ciyaar, isla markaana lumiyay dhawr fursadood oo bilowgii ciyaarta ah ayaa boobay fursad uu dedaal adag ku helay daqiiqaddii labaad ee waqtigii ciyaarta ka lumay sidaana ku dhaliyay goolkii barbaraha 1-1 ay Vasco da Gama kula simantay Santos oo ay isku haleeleen tartanka (Rio Sao Paulo Tournament).

 

Goolkaasi wuxuu noqday kii 11 ee uu dhaliyo 11 ciyaarood oo uu saftay.

Romario, oo Brazil ka caawiyay koobkii adduunka 1994, oo uu shan gool u dhaliyay, hase yeeshee, xulkiisa uma safan tan iyo bishii Julay markaas oo uu goolal badan u dhaliyay kooxdiisa, welina wuxuu ka mid yahay ragga takhasuska ku ah dhalinta goolasha xerada ganaaxa dhexdeeda.

Indheer-garadka reer Brazil, waxaa arrinkiisii qallooc cusubi galay Jimcihii markii wargeyska maalinlaha ee ciyaaraha wax ka qora uu sheegay inaan ciyaartoyga xulka qaranku rabin in Romario ka mid noqdo xulka Brazil ee koobka adduunka, waxayna ku tilmaameen shakhsiyad khilaaf badan.

Romario faallo kama bixin warkaa, balse wuxuu ka bixiyay jawaab kooban, “waxaan fahamsanahay inaanan kubad wanaagsan ciyaarin.”

Vasco da Gama, kaalinta lixaad ayay kaga jirtaa tartanka, halka ay Sontos-na kaalinta 10aad kaga jirto koobkaa.

 

Afarta kooxood ee tartanka hoggaaminaya lana filayo inay u soo baxaan wareega labaad oo ay laba ka mid ah wataan tabobarayaashii hore ee qaranka Brazil waxay kala yihiin.

Palmeiras oo uu gacanta ku hayo Wenderley Lexemberg oo xulka Brazil tabobarayay intii u dhaxaysay 1998-2000, waxayna kaalinta koowaad gashay markii ay 3-2 kaga adkaatay Guarani.

Corinthians oo uu laysliyo tabobarihii Brazil u soo hooyay guushii 1994 ee Carlos Alberto Parreira waxay fadhidaa kaalinta saddexaad, kulankii ugu dambeeyayna waxay 3-1 kaga tallaabsatay Saopaulo.

 

Flamengo oo ah kooxda Brazil ugu shacbiyada badan ayaa 2-1 laga badiyay kulankii ay la yeelatay Sao Caetano, guul-darradaasi oo ahayd tii ugu horreysay intii uu gacanta ku qabtay Carlos Cesar, oo ah tabobarihii saddexaad ee sannadka kooxda soo mara.

…………………………………………………………………………………………………………………..

Kanu oo kabtan-nimada Nayjeeriya u hibeeyay Okocha

L

ondon (AP) – Weeraryahanka Arsenal Nwankwo Kanu ayaa diiday fursad uu kabtan ugu noqonayo xulka Nayjeeriya, wuxuuna ku adkaystay in ciyaartoyga Paris Saint Germain ee Jay-jay Okocha shaqada kaga habboon yahay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borusia Dorfimund Sunday Oliseh, ayaa laga qaaday kabtan-nimadii markii laga reebay xulka Nayjeeriya, kadib markii ay ku hadhay kulankii wareega kama dambaysta qaramada Afrika ee ka dhacay Mali bishii January, Kanu-na wuu fahamsan yahay sababta uu ugu meeleeyay kaalintiisii tabobaraha cusub ee Nayjeeriya Festus Onigbinde.

Hase yeeshee, Kanu wuxuu muujiyay inuu u dhaafay Okacha oo kaalintaa u sharraxnaa markii Nayjeeriya tagtay London toddobaadkii hore oo ay kulan saaxiibtinimo la lahayd Paraguay. “Kanu wuxuu ku furdaamiyay xasaraddii cidda kabtan-nimada Gorgorada noqon lahayd intii la joogay London, taasina waxay muujisay sida xaalku noqonayaa marka la gaadho Japan.” Sidaa waxa sheegay xubno ka tirsan tabobarayaasha reer Nayjeeriya. Kanu oo sharaxay sababta uu Okocha ugu hibeeyay kabtanimada ayaa yidhi;

 

“Okocha kooxda wuxuu joogay aniga hortay, wuxuu xushmayn ku leeyahay isu ururinta kooxda iyo da’ weynida, wuuna mudan yahay inuu gacantiisa ku xidho calaamada kabtanimada.”

Onigbinde, wuxuu fahamsan yahay in mawduuca la lafo-guray, iyada oo ay qayb ka ahaayeen labada ciyaartoy intii ay ku sugnaayeen London. “Arrinta waxaa laga yeeshay wada-xaajood dheer, laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa wuxuu u batay in ciyaartoyga badankoodu doonayaan hoggaaminta Okocha,” sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah kooxda.

“Hadda ma doonayno inaanu doonta rux-ruxno. Wiilka ka ciyaara London, ayaa si fiican u dhaqmay kabtanimadana Okocha u oggolaaday, mana doonayno inaanu ku dhaqaaqno wax kasta oo hoos u dhigi kara niyadda kooxda,” ayay raaciyeen.

 

Oliseh, ayaa isku dayaya inuu iska maslaxo warbaahinta gudaha, kadib dhacdadii Mali markaas oo uu garawshiiyo ka bixin waayay gefkii loo haystay ciyaartoyga khadka dhexe.

Oliseh waxaa loo diiday hoggaaminta kooxda, taas oo ay doorka ugu firfircoon ka qaateen ragga wax ka xulaya kooxda ee dhinaca dawladda ka socda, wuxuu sida la sheegay hormood u ahaa laba xubnood oo ka socday wasaaradda ciyaaraha oo xoog lagaga saaray hudheelkii kooxdu deggenayd ee Bamako markii ay diideen inay qasab ku bixiyaan kharash kooxdu xukuumadda ku lahayd.

……………………………………………………………………………………………………………………..

 

Julio Crus oo xaqiraad ku tilaamay xulka laga reebay

B

ologna (AP) – Weeraryahanka Bologna Julio Crus ayaa ficil qoraal ku muujiyay in fursaddii uu isku muujin lahaa ee koobka adduunka uu dhibaato ku noqday Marcelo Bielse, wuxuuna sheegay inaanay ka gooldhalin badnayn ragga xulka loo doortay.

“Batistuta iyo Crespo, waa ciyaartoy dadku rabo, aniguna mahaysto xushmayn tooda la mid ah, xataa markii aan ciyaarayay may ahayn mid sidaa u badane aniguna si fiican umaan shaqayn,” ayuu yidhi Cruz.

 

Si kastaba ha ahaatee, weli wuxuu quud-daraynayaa in uu ka noqdo 23-ka ciyaartoy ee ka mid noqonaya xulka Arjantiin. “Maxay tahay sababta tabobaruhu noogu wada qaadan la’yahay Batistuta, Crespo iyo aniga koobka adduunka? Waa mid xannaaq badan aniga igu haysta waayida fursad aan kaga ciyaaro Japan iyo Kuuriya,” ayuu ku daray.

 

27-jirka Cruz, wuxuu dareensan yahay inuu iskii uga tegay markii hore, “dhinaca xulka waxaad ka baqaysaa inaad khalad gashid, laakiin Bologna waxaan haystaa xornimo badan oo aan ku shaqeeyo,” ayuu yidhi Cruz, oo tilman ka bixinaya sababta uu markii hore xulka uga tegay.

Julio Cruz, wuxuu ciyaarihiisa ka bilaabay kooxda Arjantina ee Banfield, oo uu 16 gool u dhaliyay 64 kulan oo uu u ciyaaray, kadibna wuxuu u wareegay River plate oo uu ku tilmaamay xilligiisii ugu fiicnaa, wuxuuna u dhaliyay 17 gool oo uu ka dhaliyay 27 kulan.

Dhaqdhaqaaqiisii badnaa ayaa keenay inay soo dalbato Feyenoord, oo uu u dhaliyay 44 gool saddex xilli-ciyaareed ka hor intii aanu Bologna tegin.

Kooxda ka dhisan waqooyiga Talyaaniga wuxuu toddoba gool uga dhaliyay 27 ciyaarood, xilligana wuxuu dhaliyay goolal badan.