SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 58-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

Madaxewyne Cigaal, Ma Wuxuu ka

Wer-wersan yahay Inqilaab Milateri?

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa mar kale ku celiyay werwerka uu ka qabo inqilaab Milateri oo lagu minjo-xaabiyo dawladiisa, isaga oo Ciidankana uga digey in loo adeegsado isku-dayga noocaas ah oo uu tuhunsan yahay in Mucaaridku ay qorshaynayaan.

Madaxweyne Cigaal, waxa uu arrintan ku soo bandhigay khudbad uu Arbacadii dorraad, Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka uga jeediyay Saraakiisha Ciidanka, halkaas oo uu booqasho kedis ah ku tegey Subaxnimadii. Taas oo uu ku beegay, xidhitaankii Siminaar muddo toddobaad ka badan, halkaa uga socday Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee Gobolada iyo qaybaha dalka.

Mudane Cigaal khudbadiisaa oo aad u dheerayd, isla markaana qaadatay in ka badan 30 minit, waxa uu si baahsan ugaga hadlay Inqilaabkii Milateri ee lagu afgembiyay dawladdii Rayidka ahayd ee Soomaaliya ee uu Madaxda ka ahaa iyo cawaaqib-xumadii uu dalka gayeysiiyay Xukunkii Milateri ee dalka ku amar-ku-taaglaynayay muddadii 21-ka sannadood ahayd, taas oo uu ugu araaranayey waano iyo baraarujin uu ku dheeraaday oo uu Ciidanka ugaga digayay in loo adeegsado Inqilaab, Xukunka lagaga tuuro dawladiisa.

 

“Wixii idinka soo maray haddii aanan idinka waaninaynin, aniguna ka waanin maayo dalkan Milateri inuu Xukumo, in aanu u hunguroonin, ma jirto Nin aan ka waaninaayo, haddii wixii idin soo maray ee aad soo aragteen aydaan kaga xanaaqin digtaatooriyad,” ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal, hadalkaas oo uu sheegay in uu hadda ka horna ka sheegay furitaankii dugsiga tababarka ee Dararweyne. Waxana uu ka sheekeeyay, halkii Maxamed Siyaad Barre ka soo bilaabay markii uu Inqilaabka ku qabsaday dalka oo uu sheegay in ay ahayd “Soomaalinimo” iyo halkii uu marayay markii Xamar laga saaray 1991-kii iyo weliba sidii uu raggii Inqilaabka la dhigay u galay, isaga oo xusay doorkii Ismaaciil Cali Abokor iyo Xabsigii uu ku dambeeyay iyo sidoo kale, Maxamuud Cabdi Carraale oo ka mid ahaa dawladii Kacaanka.

 

Waxa uu sheegay isagoo ammaanaya Ciidanka, in Ciidamada Qaranka Somaliland uu yahay mid sharaf kula dhex nool dadkiisa, meel kastana looga sacabtumo, halka Ciidamadii Siyaad Barre marka afar wada-socota la arko laga didi jiray ayuu yidhi. “Waxa weeye dalka, dadka iyo diinta, diktaatooriyadi qiimo uma soo wado,’ ayuu yidhi.

 

Madaxweyne Cigaal oo muddadii sharciga ahayd ee dawladiisa oo ahayd 5 sannadood, ay ku ekayd 23-kii Febr ee aynu soo dhaafnay, balse Golaha Guurtidu u kordhiyay muddo sannad ah in Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu xilka sii hayaan, waxaa si weyn u gilgilay qaadacaadii Mucaaridku qaadaceen Muddo-kordhintaas iyo badheedhahoodii in aanay aqoonsanayn wax dawlad ah, marka wakhtigaas la gaadho, iyadoo hanjabaadaas Mucaaridka u micnaysay Inqilaab, isla markaana xaaladdaasi waxay baqo gelisay hay’adaha iyo shisheeyaha dalka joogga.

Sidaas darteed, Madaxweyne Cigaal, isaga oo u soo gonad-degey arrimaha uu Ciidanka ka wacyi-gelinayay, waxa uu tusaale u soo qaatay xaaladdaas oo ku tilmaamay mid beenowday oo ay ku ceeboobeen Mucaaridku; “Rag badan maaha,” ayuu yidhi, isaga oo tilmaamaya Mucaaridka; “Waxa ay dunida la wareegayaan been, wax la eryadana been baa u gaabisa,” ayuu raaciyay, isaga oo xaaladdii Febr 23, ka hadlayana waxa uu yidhi: “Beri dhowayd, waxay yidhaahdeen 23-kii February baanu dhulka qabsanaynaa,” waxana uu sheegay in taasi ay walaacisay wefti Maraykan ah oo uu la ballansanaa, kuwaas oo uu sheegay in ay Addis Ababa fadhiisteen, halkaana ka soo direen nin ay soo biimeeyeen, kadibna uu u xaqiijiyay in ammaanku sugan yahay oo aanay waxba dhicin.

Madaxweyne Cigaal, waxa uu isku ammaanay laba arrimood oo ah in uu yahay, dadkuna ay u ogyihiin; Mid dadku u siman yihiin oo aan cidna cid ka dhaweysan iyo inuu yahay aamin aan xoolaha ummadda hungurayn, sidaas darteedna uu uga baahan yahay Ciidanku in ay ku taageeraan taas, isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay Ciidanka oo dhan; “Ma jiro wax gooniya oo aan u diranaayo, waxaan aniguba u shaqaynayo mooyaane oo ah dal-dhis, Qaran-dhis, Qoomiyad-dhis iyo dad walaalee mooyaane,” ayuu yidhi.

 

Mudane Cigaal, markii uu arrinta Mucaaridkiisa iyo ka hortagga qorshayaashooda ku guubaabinayay Ciidanka, waxa uu sheegay in aanay dalka waxba yeeli karin, laakiin ay iyagu is-ceebeeyaan. “Idinkana idinma lihi weji xun tusa, aniga iyo iyaguba waanu idiin siman nahay, waxa aanu nahay dadka aad difaacaysaan,” ayuu yidhi. “Laakiin, haddii wax la duminayo dadka sidan ka daaya, xaq baad u leedihiin,” ayuu raaciyay.

 

Mudane Cigaal, hadal dheer oo waano iyo baraarujin ah oo uu Ciidanka u jeediyay kadib, waxa uu biya-dhaceedii ku xusay dareenka uu ka qabo in Ciidanka loo adeegsado qorshe lagu af-gambiyayo dawladiisa, wuxuuna yidhi isaga oo ka waramay in Ciidanku markii la doortay 1993-kii, ay ahaayeen Maleeshiyo Wadooyinka fadhiya; “Maalmahan waaba la idiin gacan haadinayaa oo waxa la idin leeyahay, waar xoogaagan yar ee la idinku magacaabay, idinkaa dalkan u talin jiraye waa maxay waxani, ayaa la idin leeyahay. Ma laha hungurigaas baaba idin galay.” Taas oo uu markiiba ugu jawaabay, mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka oo sheegay in aanay ku simi-doonin dawladdaba, cidda arrimahaa ula timaadda ee ay iyagu gacan wax kaga qaban doonaan.

 

Madaxweyne Cigaal oo ahaa Ra’iisul-wasaarihii dawladii Rayidka ahayd ee Milaterigu, Inqilaabay Okt 21-keedii 1969, kaas oo uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidankii xoogga dalka la odhan jiray ee waagaas, ma aha markii u horeysay ee uu werwerka noocan ah muujiyo, hase yeeshee, mar dhowr ah oo kala duwan ayuu Ciidanka uga digay in Mucaaridka ka soo horjeedda, gaar ahaan Siyaasiyiinta SNM oo ay ku jiraan Saraakiil hore oo Milateri ay suurta-gal tahay in ay dhex xulaan Ciidamada Qaranka.

 

Markan markii ka horeysay ee uu tago Taliska Guud ee Ciidankana, arrimahan oo kale ka hadlo waxay ahayd February 2001, Xuskii Maalinta Aasaaska Ciidanka Qaranka, wakhtigaas oo uu Ciidanka u sheegay Shan sannadood oo kale inuu diyaar u yahay xilka.

Dhinaca kale, maalmo ka hor February 23, markii ay soo baxeen in Mucaaridka qaadacsan Muddo-kordhintu ay qorshaynayaan Inqilaab ama tallaabo kale oo ku lid ah Xukuumadda, ayaa Madaxweyne Cigaal waxa xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqalle, isaga oo ku bedelay Taliyaha cusub Xasan Yoonis Habbane.

 

Ismaaciil Shaqalle, waxa bedelkiisa loo aaneeyay dareenadaas. Hase yeeshee, Madaxweyne Cigaal oo khudbadiisii Arbacadii ku xusay waxa uu si weyn ugu ammaanay Ismaaciil Shaqalle dedaal iyo waxqabad, isaga oo sheegay in uu Ciidanka aad u dhisay una tayeeyay, waxana uu xusay inuu u soo iibiyay gaadiid aanu ogeyn halka uu lacagta uga helay, kaydna uu uga tegay Ciidanka. Laakiin, taas waxay dadka qaar ku naqdiyeen in aan hadalkaasi ammaan keliya ahayn.

Waxa kale oo iyana xusid mudan, booqashada qayrul-caadiga ah ee aan cidina ogeyn ee uu Madaxweynuhu, sida kediska ah ugu tegay Ciidanka, taas oo laga cabiri karo ahmiyadda ay leedahay arrintu.

……………………………………………………………………………………………..

Badheedhaha Wargeyska

Miyaa la isu Khuurinayaa, Mise waa la kala khatoobay?

Marxaladdan, waxa keliya ee aynu kaga bixi karnaa waa doorashooyin xor ah oo lagu tar-tamo, Ninka Shir-beeleedka wadaana wixiisu waa dagaal.”

“Shir-weyne loo dhan yahay oo ay ummaddu aayaheeda kaga tashato, ayaa lagaga bixi karaa Marxaladdan murugsan, Xukuumadduna way ku fashilantay in ay dalka doorashooyin xor ah u diyaariso.”

 

Labadan Tuduc, waxay qarxiso iyo firdhiso u kala ahaayeen doodo kul-kulul oo ay Atmosfeerka Warbaahinta isu marin jireen, labo huwan oo iska horjeeddaa, iyadoo ay labadaa qolo kala ahaayeen Mucaaridka, gaar ahaan ragga aaminsan Shirweyne Qaran iyo Salaadiinta hore ugu dhawaaqay qabashada Shirweyne Qaran oo is-huwan, huwanta labaadna waxa budh-tuur u ahaa dawladda iyo xisbigeeda UDUB.

 

Hase yeeshee, marka la eego Afkaaraha iska horjeedda ee dhinaca dawladda iyo mucaaridka Somaliland, luuqadda Siyaasaddu marba hal ku-dheg gaar ah bay lahayd, waxayna siiqadda lagu hadlayaa ku xidhnayd hadba ufada Siyaasadeed ee kacsan. Sidaa darteed, labada weedhood ee kala ah; “Waxaanu qabanaynaa doorasho iyo waxaanu qabanaynaa Shirweyne Qaran,” waxay carrabka ku badnaayeen ayaamo ka hor intii aanay odayaasha Guurtidu qallinka ku duugin, Muddo-kordhinta sannadka ah ee ay u kordhiyeen Madaxweyne Cigaal iyo Ku-xigeenkiisa Daahir Riyaale, iyadoo ay maalmahaa dawladdu ku hanjebaysay waxaanu qabanaynaa doorasho, halka ay dhinaca kalena ku hanjebayeen waxaanu qabanaynaa Shirweyne Qaran oo aanu weliba ku qabanaynaa Hargeysa.

Hase yeeshee, saacaddo kadib markii uu saaxadda soo galay go’aankii Muddo-kordhintu, waxa garoomada ciyaarta Siyaasadda ka kacay, Siigo kale oo kor u xushay Atmosfeerka Siyaasadda, waxayna taasi wax ka bedeshay luuqdii Siyaasadda iyo hal ku-dhegyadii garoonka Ciyaarta.

Sidaas darteed, waxa Jiibta Siyaasadda hal ku-dheg u noqday “Muddo-kordhintu xalaal ma aha” oo ahayd carrabka mucaaridka iyo muddo-kordhintu waa go’aan distooriya oo ahayd carrabka dawladda, iyadoo uu taa macneheedu ahaa mucaaridka oo dhiniciisa duray Sharciyadda Muddo-kordhinta, iyaga oo leh meesha ma taal Shardigii loo baahnaa iyo dawladda dhinaceeda oo lahayd go’aanka muddo-kordhintu waa lama taabtaan.

 

Muranka cusub ee ka abuurmay mawduuca Muddo-kordhinta, waxa ka dhashay doodo kul-kulul iyo sawaxan cirka isku shareeray, iyadoo ay Mucaaridka Muddo-kordhinta ka soo horjeeddaa kor ugu sii qayliyeen “Muddo-kordhintu, waa qayral-sharci, waxaanuna qabaynaynaa Shirweyne Qaran,” halka ay dawladduna lahayd “Muddo-kordhintu waa sharci, wixii looga gudbaana waa doorasho.” Taasina, waxay sheekada ka dhigtay soo mar melegaa hadalkana aad baa la isugu la isugu muday, taas oo ay mucaaridku ku tiraabeen in aanay wixii ka dambeeya 23-ka Febarweri 2002, dawlad sharciya u aqoonsanayn Xukuumadda Madaxweyne Cigaal, halka ay dawladduna taa kaga jawaabtay Mucaaridku waxay wadaan dumin iyo xasilooni darro.

 

Sheekaddu way sii socotay, waxayna Mucaaridku ku hanjabeen, gaar ahaan ururada ASAD iyo SAHAN in ay dhisi doonaan Xukuumad bedesha Xukuumadda Madaxweyne Cigaal. Intaa kadib, iyadoo ay sheekadu qir iyo qir taagan tahay ayuu maalin maalmaha ka mid ah, Madaarka Hargeysa ka soo degay Siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka soo kicitimay dalka Britain oo uu muddo ku maqnaa.

 

Axmed Siilaanyo, wuxuu isu maray magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, wuxuuna imaatinkiisii toddobaad kadib ku dhawaaqay inuu qaatay Mowqif uu ku dhex-dhexaadinayo Mucaaridka iyo Dawladda.

Marka laga tago dadkii uu Hargeysa kula kulmay, wuxuu magaalada Burco kula soo kulmay dhinacyo ay ka mid yihiin, Salaadiinta hore ugu baaqday Shirweyne Qaran, hogaamiyayaasha ururka ASAD iyo dad kale, kadibna wuxuu Axmed Siilaanyo dib ugu soo laabtay Hargeysa, wuxuuna saacado yar kadib markii uu soo galay Shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa, taas oo uu kor ugu dhawaaqay in ay dhinacyadii Mucaaridka iyo Salaadiintu ka aqbaleen hindisihiisa dhex-dhexaadinta, haddana uu la kulmayo dhinaca dawladda.

 

Labo maalmood kadib shirkiisii Jaraa’id, ayuu Siilaanyo la kulmay Madaxweyne Cigaal iyo guddi Wasiiro oo uu hor kacayay, Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, waxayna Madaxweyne Cigaal iyo Wasiiradiisu soo qadimeen shuruudo ay ka mid yihiin; lagama wada-hadli karo Muddo-kordhinta iyo Shirweyne Qaran, iyaga oo ku dooday in ay Muddo-kordhintu wax distoori ah tahay, shir-qarameedkuna distoorka ma waafaqsana, Axmed Siilaanyo-na wuxuu dhiniciisa u muuqday Nin aan shuruudahaa garawsan, isaga oo Xukuumadda u halceliyay ama ka codsaday in aanay wada-hadalka wax shuruud ah ku xidhin, balse Xukuumaddu taa uma soo joogsan.

Halkaa markii ay maraysay, ayuu Axmed Siilaanyo mar kale gurigiisa Hargeysa ku qabtay Shir-jaraa’id, wuxuuna sheegay inuu hindisihiisii dhex-dhexaadintu ka ragaaday dhinaca Xukuumadda, balse wuxuu intaa raaciyay in aanu ka tanaasulayn Mowqifkiisa dhex-dhexaadinta ee sii wadi doono.

Arrintu sida ay doonto ha u dhacdee hindisaha Axmed Siilaanyo, wuxuu isna noqday Jeegaan ka dhex muuqatay gibilka Siyaasadda Somaliland.

 

Hase yeeshee, sidii ay Xukuumaddu u bacaraarisay hindisaha Axmed Siilaanyo ma laq-laq badnayn Mawduucaasi. Sidoo kale, Mucaaridka laftiisu wixii muddadaa ka dambeeyay sawaxankoodu ma badnayn. Laakiin, taa macnaheedu ma aha in aanu jirin wax dhaq-dhaqaaq Siyaasadeed ahi ee xantu way badan tahay, waxaadse moodaa in la isu aamusay, sidaa darteed, waxay dadku isweydiiyaan, Tolow miyaa la isu khuurinayaa, Mise waa la kala khatoobay, Mise arrintu waxa weeye, ma hadhin hadal lays yidhaahdaa?

………………………………………………………………………………………………………………..

 

Jaamacadda Hargeysa: Furitaanka Kuliyadda Afraad

iyo Duruufaha Dhex-raamsanaya Degelka Jaamacadda

“Ceeb bay ku tahay Caasimadda, haddii ay Jaamacaddu ku dhex-bakhtido”

Maxamed Cumar Carte

Hargeysa (Haatuf): Kuliyad cusub oo sharciyadda ah, ayaa lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa, waxaana Kuliyaddaa la furay maalintii shalay, iyadoo ay kuliyaddaasi noqotay kuliyaddii afraad ee laga hirgeliyo Jaamacadda Hargeysa.

 

Xaflad ballaadhan oo loogu talo-galay furitaanka kuliyadda cusub ee Qaynuunka, ayaa Subaxnimadii shalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana Munaasibaddaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeena Somaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf iyo weliba xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Waxbarashada, Cadaaladda, Arrimaha Debedda iyo iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Debedda (Axmed Yuusuf Ducaale, C/Xamiid Garaad Jaamac, Maxamed Siciid Gees iyo Mudane Qaasin).

 

Kuliayadda cusub ee Sharciyadda, waxa lagu furay 31 arday oo ay 16 ka mid ahi yihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo noqon doona dafcaddii u horeysay ee ku biirta Kuliyaddaa.

Jaacadda Hargeysa oo markii u horeysay la furay sannadkii 2000, waxa hore u jiray saddex kuliyadood oo kala ah; Kuliyadda Maamulka iyo Ganacsiga, Kuliyadda Darraasaadka Islaamka iyo Luqadda Carabiga iyo Kuliyadda Sayniska, waxaana guud ahaan Jaacadda hadda wax ka barta in ku dhow ilaa saddex boqol oo arday, waxayna sheegeen Maamulayaasha Jaamacaddu in ay ku talo-jiraan in ay ardayda sannad-dugsiyeedkan ka soo baxaysa Fasalka Afraad ee dugsiyada sare, tirooyin ka mid ah u qaataan Jaamacadda.

 

Sidoo kale, waxay Maamulayaasha Jaamacaddu sheegeen in ay mustaqbalka dhow qorshaha ugu jirto in ay Kuliyad cusub oo Caafimaadka ah furaan. Hase yeeshee, Inkasta oo ay Jaamacadda Hargeysa shalay furtay kuliyadii afraad, qaar kalena ku talo-jirto in ay furto, haddana waxa geedi-socodka Jaamacadda ku gedfan duruufo dhaqaale iyo baahiyo kale oo dhinaca Waxbarashada ah.

Sarkaalka Jaamacadda Hargeysa u qaabilsan Arrimaha Waxbarashada iyo Agaasinka hawlaha aradayda, Maxamed Cumar Carte ayaanu kala sheekaysanay guud ahaan xaaladda Jaamacadda iyo gaar ahaan dhibaatooyinka ugu daran ee haysta Jaamacadda, wuxuuna Maxmed Cumar qiray in ay jiraan duruufo dhaqaale oo dabadda haysa awoodda Jaamacadda.

 

Maxamed Cumar, isaga oo farta ku fiiqaya meelaha ugu daran, isla markaana dadka ku guubaabinaya in ay gacan ka gaystaan xoojinta iyo jiritaanka Jaamacadda, wuxuu yidhi: “Arrimaha noogu daran waxa ka mid ah; duruufo dhaqaale oo markay doonaan wiiqi kara awoodda Jaamacadda, taas oo u baahan in wax laga qabto, isla markaana dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka magaalada Hargeysa ku dhaqan, Ceeb ayay ku tahay in ay Jaamacaddu ku dhex-bakhtido, iyaga oo xambaarsan magacii Caasimadda.”

 

Maxamed Cumar, waxyaalaha kale ee uu ka xusay dhibaatooyinka Jaamacadda haysta, waxa uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin Culays ka haysta Kutubta wax laga dhigo oo ku yar, wuxuuna yidhi: “Culayska noogu daran ee dhinaca Waxbarashada naga haysta waxa ka mid ah, sidii ay ardaydu u heli lahayd Kutubta Maadooyinka kala duwan ee ay qaataan, kuwaas oo nagu yar, waxayna taasi nagu keliftaa in aanu Simistar kasta daabacno in ka badan 150,000 oo xaashiyood oo ardayda loo qaybiyo, si ay wax uga akhristaan, Culayskaasina wuxuu sababay inuu xataa naga jabo Mishiinkii footo-koobiga (photocopy).”

 

Inkasta oo ay Jaamacadda Kutubta wax laga bartaa ku yar tahay, haddana ma qatana ee Kutub way haystaan, wuxuuna sheegay Maxamed Cumar inay dhinacyo kala duwani ku caawiyeen Kutub, kuwaas oo uu ka xusay Jaaliyadda reer Somaliland ee Kanada, Somaliland Forum iyo Jaamacado iyo ururo Caalami ah, sida urur layidhaahdo SABRE Foundation oo fadhigiisu yahay Maraykanka.

“Ilaa 97, 000-buug oo ay dabacaadooda iyo diyaarintooduba cusub yihiin, ayuu noo keenay ururka SABRE Foundation, taasina waxay naga khafiifisay culays badan oo na haystay,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte, wuxuuna intaa ku daray, “Lacagta fiiga ah ee ardayda laga qaadaa ma aha wax dabooli kara Mushaharka iyo adeegyada kale ee Jaamacadda, taasina waxay keentaa in aanu sannadkasta wayno ilaa 30-kun oo doollar oo aanu hawlaha Jaamacadda ku qaban lahayn, taasina waxay ka go’an tahay Itaalka iyo hor-u-socodka Jaamacadda.”

 

Marka laga yimaado shaqaalaha iyo hawl-wadeenada kale ee Jaamacadda ilaa 24-macalin, ayaa hadda wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa.

…………………………………………………………………………………………………

Warshadda Laydhka Hargeysa oo Dhowr

iyo Labaatan Sanno Markii u Horeysay La Shiday

Hargeysa (Haatuf): Wershadda Laydhka Hargeysa, ayaa muddo dhawr iyo labaatan sanno ka badan, markii u horeysay si tijaabo ah loo shiday habeen hore, kadib markii dayactir lagu sameeyay.

Xaflad kooban oo lagu qabtay Xafiiska Maareeyaha Wershadda Laydhka Fiidnimadii habeen hore, looguna talo-galay Furitaanka Tijaabada ah ee Wershadda, ayuu Maareeyaha Wershadda Laydhka Cabdi Cali Barkhad, ka jeediyay Warbixin ku saabsan xaaladda Wershadda, taas oo uu sheegay inuu dib-u-dhiska Wershaddu weli socdo, laakiin si tijaabo ah loogu guulaystay in ay Wershaddu shaqayso.

“Weli may dhammaan hawshu, laakiin waxaanu ku guulaysanay in aanu Wershadii Hargeysa daarno, mana jirto wax cilad ah oo nagaga soo baxay habkii aanu dhignay ee dabka,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dawladda Somaliland Eng. Yuusuf Caynab, ayaa isna ka hadlay Munaasibadii furitaanka Wershadda Laydhka, wuxuuna Wasiirku dib-u-dhiska Wershadda Laydhka ku tilmaamay arrin wax ku ool ah, isla markaana Wasiirku wuxuu hawsha dib-u-dhiska Wershadda uga mahad-dhaqay Maareeye Cabdi Cali Barkhad iyo Farsamo-yaqaanada kale ee Wershadda.

 

Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo caweysinkii habeen hore booqday xarunta Wershadda, ayaa sheegay in ay la kulmeen qaar ka mid ah Mishiinada Dabka dhaliya ee Wershadda laydhka oo shaqaynaya. Sidoo kale, meelo ka mid ah suuqyadda magaalada Hargeysa ayay agagaarka Wadooyinka ka baxayeen laambado ku shaqaynaya Tamarta laydhka cusub ee Wershadda la furay.

Mashruuca Dib-u-dhiska Wershadda Laydhka Hargeysa, waxaa Maal-gelisay dawladda Somaliland, waxaana hawshaa gadh-wadeen ka ahaa ninka Wershadda Maareeyaha ka ah Eng. Cabdi Cali Barkhad. Hase yeeshee, Inkasta oo Wershadda Laydhka si tijaabo ah loo shiday, haddana hawsheedu weli waa qabyo, wuxuuse sheegay Maareeyuhu in ay dhammaystiri doonaan, hannaanka dib-u-dhiska Wershadda Laydhka. Inkasta oo uu Maareeyaha Cabdi Cali Barkhad ku faanay in ay hawsha u hadhay ka faraxalan doonaan, haddana wuxuu xusay in ay jiraan caqabado horyaal geedi-socodka dib-u-dhiska Wershadda, wuxuuna si gaar ah xusay laymanka magaalada dhexmara oo uu sheegay in meelaha qaarkood, laymankii ay xadhkaha dabku ka dusi jireen lagu gooyey dhismayaal cusub oo dhawaan la taagay, taasina ay xanibaad ku noqotay hawsha dhigidda laymanka dabka.

Wershadda Laydhka Hargeysa, waxay markii ugu horaysay ku burburtay dagaaladii sannadkii 1988-kii, gudaha magaalada Hargeysa ku dhexmaray dagaalyahankii ururka SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre, sidaa darteed, waxay hawl-gab ahayd in ku dhow 24-sanno.

 

Sannadihii u dambeeyay ee la hadal-hayey dayactirka Wershadda Laydhka Hargeysa, marar dhowr ah ayay kooxo ganacsato ahi, gaar ahaan Shirkadaha Waddaniga ah ee Laydhku, quudareeyeen in ay Wershaddu noqoto mid Madaxbannaan oo ay ku shurkaan Shirkadaha gaarka ahi, dawladduna ay Cashuur ka qaadato ama haddii ay doonto ay saami ku yeelato. Hase yeeshee, taasi may dhicin, waxayna hadda u muuqataa in ay dawladdu isu dhigtay in ay Wershadda Laydhka iyadu maamusho, waxayse dad badani isweydiinayaan tolow Wershadda Laydhku, ma ku tamarin doontaa gacanta dawladda.

 

Dhinaca kale, su’aasha meesha taal waxay tahay, Maxay isla fali doonaan Wershadda Laydhka ee dawladda iyo Shirkadaha yar-yar ee Laydhka oo iyagu hadda haysta suuqa, lana odhan karo way soo kifaaxeen.

…………………………………………………………………………………………………………………

Dawladda Talyaaniga oo Dhexdhexaadinaysa

Kooxda C/Qaasim iyo Kooxda SRRC

 

 

 

 

 

Roma (W. Wararka): Waxaa maalmahanba ku sugnaa Caasimadda Talyaaniga ee Roma, laba Wefti oo ka kala socda; Maamulka C/qaasin iyo Golaha SRRC, labada wefti waxaa kala hogaaminaya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Cabdiqaasim, Yuusuf Xasan Ibraahim(Yuusuf-dheeg) iyo Wakiilka Soomaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Axmed Cabdi Xashare; Weftiga ka socda SRRC, waxaa hogaaminaya Xuseen Caydiid oo haatan haya xilka Guddoomiye-nimada meertada ah ee golahaasi, iyo Gen. Aadan Nuur Gabyow.

Labada Wefti, waxaa kulama kala duwan la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo la filiyo in ay ku hawlan yihiin, dhexdhexaadinta labada dhinac ee is-haya Maamulka Muqdisho iyo Kooxda SRRC.

Dawladda Talyaaniga, ayaa la sheegay in ay beryahanba culayska saartay, sidii uu u guulaysan lahaa Shirka kooxaha Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu bishan aakhirkeeda ka furmo caasimadda dalka Kiiniya ee Nayroobi.

Ilaa hadda lama sheegin, wax natiijo ah oo ka soo baxday dhexdhexaadinta ay ku hawlan tahay dawladda Talyaanigu oo iyadu hore u gumaysan jirtay Soomaaliya, ilaa haddana dano Siyaasadeed iyo dhaqalaba ku leh Soomaaliya.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

Nin Maxbuus ah oo lagu Dhex-dilay  Saldhiga Booliska Bebera

 

Hargaysa (Haatuf) Xasan Jaamac  Maxamed oo ka mid ahaa maxaabiis  ku xidhan saldhigga dhexe ee booliska Berbera ayaa shalay geeriyooday ka dib markii madaxa lagaga dhuftay dhagax weyn oo miisaankiisa lagu qiyaasay ilaa 3 kg., wuxuuna marka dhagaxa lagu dhuftay hurday meel saldhigga dhexdiisa ah.

 

Sida uu sheegay taliye-xigeenka qaybta booliska Berbera Ibraahin Aadan Yaasiin waxa dilkaa gaystay Nin la yidhaahdo Cabdi Haybe Cayngal, ninkaas oo shalay barqadii intuu saldhigga soo dhexgalay ninkaa maxbuuska ah ugu tegey goobtii uu jiifay ka dibna la beegsaday dhagax, kaas oo uu xusay inuu mar keliya kaga dhuftay madaxa nar kabaadkiina laga qabtay.

Marxuumka waxa loola cararay cusbitaalka, halkaas oo qaddar ka dibna naftu kaga baxday iyadoo gacanku dhiiglahana loo taxaabay xabsiga.

Sida uu ku soo waramay tifaftiraha Wargayska Haatuf, Muuse Faarax Jaambiir oo socdaal ku jooga magaalada Berbera, waxa kale oo la xidhxidhay afar askari oo heeganka saldhiga lahaa, waxaana sidaa sheegay taliye-ku-xigeenka Booliska qaybta Berbera.

 

“Arbacadii 3/April/2002, abaara 3:00 galabnimo, ayaa marxuumka la dilay dhaawac fudud madaxa ka gaadhsiiyay gacan ku dhiiglaha. Markaa sidii caadadu ahayd kii dhaawac geystay oo ahaa marxuumka waanu xidhnay, kii loo geystayna waxaanu siinay waraaq dhaawac-muujin ah, taas oo uu dhakhtarka la qabtay,” sidaa waxa yidhi taliye ku xigeenka qaybta Booliska Berbera Ibraahim Aadan Yaasiin.

 

Taliye xigeenku isaga oo arrintaa sharraxaad ka sii bixinaya wuxuu yidhi; “Intaa dabadeed saaka (shalay subax), ayuu ganan-ku-dhiigluhu u yimi qolada booliska ee saldhiga. Waxay ku yidhaahdeen na yara sug, warbixin baanu kaa qoranaynaaye, dabadeedna wuxuu arkay ninkii dhaawaca u geystay oo halkaa jiifey. Waxaanu madaxa kaga dhuftay dhagax, kadibna dhakhtarkaanu geynay, halkaas ayaanu ku geeriyooday Marxuum Xasan Jaamac Maxamed.” Taliye xigeenka mar aanu wax ka weydinay sababta maxbuukaasi uu dibedda u jiifay, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “ninka dilka geystay ee hore dhaawaca loo gaadhsiiyay oo la yidhaahdo Cabdi Haybe Caygal, walaalkii oo tuug ah ayaa ku xidhnaa saldhiga oo ku jiray qolkii marxuumku ku xidhnaa. Markaas ninkaas ayaa u hanjabay sidaa darteed ayaanu berendaha u fadhiisinay, maadaama uu kiiskiisu iska fududaa,” taliye xigeenka oo aanu wax ka weydiinay sababta qol kale loogu wareejin waayay, wuxuu sheegay in saldhigu leeyahay saddex qol oo dadka lagu xidho, kuwaasna ay laba ka mid ah ku xidheen dumar islaayay, ka kalena uu ahaa kan laga soo saaray.

 

Mar wax laga weydiiyay sababta loo sugi waayay ammaanka maxbuuska ee suurogelisay inuu ninka falka geystay ilaa goobta maxaabiista tago, wuxuu ku jawaabay; “had iyo goor ninka dhibbanaha ah ee isteedman laga qorayaa wuu ku dhowdhow yahay booliska, sida qaalibka ahna wuu dhex meeraystaa. Sida markhaatiyada oo kale ama dadka wax u geeya maxaabiista oo kalena wax dareena lagama qaato, oo falkan oo kale loogama shakiyi jirin iyo wuxuu intaa ku daray, oo ku tilmaamay falka qaddar Ilaahay oo waqtigiisii dhacay.

 

“Runtii falkan dhacay waad garan kartaan Boolisku siduu uga xun yahay waayo inay ceeb ku tahay, haddana waxa weeye dad islaam ah baynu nahay, markaa saacadiisii bay ahayd, halka inuu ku dhintana way ahayd,” ayuu yidhi taliye xigeenku.

Dilka noocan ahi waa kii saddexaad ee ka dhaca Berbera tan iyo sagaashanaadkii, waxaana falkii ka horreeyay lagu dilay marxuum la odhan jiray Faysal Maxamed Diiriye, kaas oo dhagax lagu dilay 13/6/2000. Falkii kaa ka sii horreeyay wuxuu ku sinaa sannadkii 1992, siday tibaaxayaan xogo aanu ka helnay ilo ku dhowdhow maxkamada gobolka Saaxil.

 

Guud ahaan tirada dadka lagu dilay magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda saddexdii sano ee u dambeeyay waxa gaadhayaan ilaa 7 qof, “laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa maanta waxa Berbera lagu dilay ilaa 6 qof.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Ducaale Saleebaan guddoomiyaha urur-siyaasadeedka ILAYS ee Berbera.

 

Wuxuu intaa raaciyay in falalka noocan ahi ay wax u dhimayaan nabadgelyada wuxuuna dhaliilay maamulka gobolka oo uu sheegay inay ciidankii Booliska ay ku mashquuliyeen, waxyaabo kale oo aan loo baahnayn “sidaa daraadeed urur ahaan waxaanu qaylo-dhaan u diraynaa Xukuumadda dhexe inay wax ka qabato arrimahan,” ayuu ku daray.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

Ardyada Dugsiga Sare ee VTC- Burco oo Qaadacay Imtixaanka Kama-dambaysta ah

 

 

 

 

Burco (Haatuf): Ardayda dhigata Fasalka Afraad ee Dugsiga barashada Xirfadaha ee Burco (BVTC) ayaa qaaddacay inay u faadhiistaan imtixaanka kama-dambaysta ah ee dugsigaas oo la qaadayo bisha June ee soo socota.

Ardaydaas oo tiradoodu dhan tahay 17 arday ayaa dugsiga tegin dhawrkii maalmood ee tegey, waxayna diideen inay bixiyaan lacag dhan US $22 doollar iyo saddex sawir oo maamulka dugsigu faray inay keenaan inta aan la gaadhin waqtiga imtixaanka, iyaga oo gebi ahaanba ka rajo go’san imtixaanka cabashooyin door ah oo ay qabaan darteed.

 

Guddi Afar xubnood ah oo ay iska dhexdoorteen ardaydaasi ayaa u sheegay weriyaha Haatuf ee Burco Liiban Shire in ay ka cabanayaan wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Guud oo ay sheegeen in aanay ku kalsoonaan karin. Ardaydu waxay sheegeen in fasalkii iyaga ka horreeyey ee dugsiga ka baxay sanadkii hore uu xafiiska imtixaanaadku si xaq-darro ah u ridey badankooda, intii gudubteyna la siiyey derejo ka hoosaysa intii ay mutaysteen.

Guddiga ardayda oo kala ah: Jibriil Maxamed Ismaaciil, Muuse Ismaaciil Aadan,Axmed Cabdi Jaamac iyo Maxamed Axmed Cabdillaahi waxay kaloo ka cawdeen guddoonka waxbarashada Gobolka Togdheer oo ay ku dhlliileen xilkasnimo-darro iyaga oo sheegay in markii imtixaanka la saxayey sannadkii hore lagu soo wargeliyey in ay soo dirtaan goob-joogayaal, laakiin aanay cidna u dirin, ayna ka doorbideen siminaar yar.

 

Dugsiga BVTC (Burao Vocational Training Center) waa dugsi gaar ah oo ay waddo hay’ad aan dowli ahayn oo waddani ah (Local NGO) laguna magacaabo Candle Light, isla markaana ku xidhan wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Sidaas darteed, ardaydu waxay werwer ka qabaan in wasaaraddu aanay shahaadooyin siinaynin, waxayna ka cawdeen lacagta $22 doolar ah ee laga dugsigu ka rabo si ay imtixaanka ugu fadhiistaan, taas oo ay sheegeen in ay mid iyaga uun lagu soo rogey ee aanay dugsiyada kale ee dalku la qabin.

 

Maamulaha dugsiga BVTC Cabdikariim Sheekh Xuseen oo isna wax laga weydiiyey cabashada ardaydaasi ku qaaddaceen imtixaanka ayaa sheegay in aanu ogeyn wax qaaddacaaad ah oo ay ardayda dugsigu ku dhaqaaqeen, markii ugu dambeyseyna uu u sheegay ardayda in ay u diyaar garoobaan imtixaanka ayna keenaan saddex sawir iyo US $22 ardaygiiba.

Cabdikariim waxa uu intaa ku daray in dugsigu yahay mid gaar ah, waqti dheerna ay ka qaadatay sidii ay ugu xidhmi lahaayeen wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu sheegay inay uga gollahaayeen in marka UNESCO ay diyaariso shahaadooyinka uu dugsigu wax ka qaato.

 

Waxa uu qiray in maamulka waxbarashada gobolku uu ka gaabiyey inuu goob-joogayaal u diro sixitaankii imtixaankii hore, ayna ku mashquuleen siminaar. Isaga oo ka jawaaba caddaalad-darrada ay ardaydu kaga cabanayso xafiiska Imtixaanaadka guudna wuxuu yidhi Cabdikariim: “Ardayda imtixaanka gashay sanadkii hore waxay ahaayeen 17 arday, saddex waannu filaynay inay dhacaan, saddex ardayse maannu filayn. Taas waannu baadhnay, waxayna wax la qabaan gobolada dalka. Waayo, gobolka Togdheer 70% way baaseen, halka Waqooyi-galbeed ay 60% ka baaseen ama gudbeen. Nasiib darro may noo suuroobin in imtixaankii nala tuso markii aannu dabagalay. Markaa karaa ardayda iminka waxan leh waxaan odhan karaa inay imtixaanka ka baqayaan, waxaanu u yeedhaynaa waalidiintoodii si aannu u ogaanno inay la qabaan arrinkan iyo in kale”.

…………………………………………………………………………………………………………………..

 

Madaxweyne Bush oo Israa’iil Ugu Baaqay In ay ka Baxdo Dhulka Falastiin

 

 

 

Washington (Reuters): Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush ayaa shalay ugu baaqay Israa’il inay iskaga baxdo dhulka is-maamulka Falastiin ee ay ciidamadeedu xoogga ku qabsadeen maalmahan, taas oo qayb ka ah cadaadiska isa soo taraya ee madaxda Israa’il lagu saarayo inay joojiyaan xad-gudubka ay ku hayaan dhulka Falastiin iyo in la joojiyo dhiigga ku daadanaya geyigaas hirdanku ka socdo.

 

Isaga oo farta ku fiiqay Madaxweyne Bush xaqa ay Israa’iliyiintu u leeyihiin inay is-difaacaan, haddana waxa uu sheegay in aanay taasi gabaad ugu noqonayn xoogga ay ku qabsadeen degaanada Falastiiniyiinta, waxana uu ugu baaqay inay deg-deg uga baxaan dhulkaas.

Waxa ay tani ku soo beegantay iyada oo uu weli si xaami ah u socdo iska horimaadyada dhiigga badani ku daadanayo ee labada dhinac. Iska horimaadyadii ugu dambeeyeyna waxa ay ka dhaceen Kaniisad ku taalla beytu Laxam oo ay Israa’il isku gedaantey kadib markii ay magangaleen in ka badan 200 oo qof Flastiiniyiin ah iyo 40 Baadari oo ka firxaday falalka waxashnimada ah ee ciidamada Israa’il ku hayaan dadka rayidka ah.

 

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan habeenkii xalay in qaraxyo rasaaseed laga maqlayey agagaarka kaniisadda, taas oo aanay caddayn sababta keentay iyo khasaaraha ay geysteen midna. Waxa kale oo ay ciidamada Israa’il sii wadaan inay qabsadaan deegaanada Falastiiniyiinta, iyaga oo shalay qabsaday degmada Naples, waana degmadii lixaad ee ay gacanta ku dhigaan tan iyo markii ay bilaabeen kacdoonka iyo gulufka ay ku hayaan maamulka Falastiin. Waxa isna socda halganka ay ay Falastiiniyiintu isku difaacyaan, kaas oo ka socda dhammaan deegaanada ay yuhuuddu xoogga ku galeen, gaar ahaan degmooyinka Jinayn, Khaliil iyo Naples.

 

Dagaalkan oo ay ciidamada Israa’iil qaadeen muddo haatan laga joogo hal toddobaad, waxay ku qabqabteen Kun iyo Boqol Falastiiniyiin ah, halka boqolkana dhimasho iyo dhaawacyo u geysteen.

Waxa isaguna taas barbar socda dedaalka diblomaasiyadeed ee xalka loogu raadinayo mashaqada ka aloosan geyigaas Bariga Dhexe, waxaana si aad ah ugu hawlan masuuliyiin ka kala socda dalalka Yurub iyo Maraykanka. Dhinaca kalena,w axa socda qaylo-dhaanta iyo muddaharaaddada lagu diiddan yahay weerarrada Israa’il ku hayso Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka dhacaya meelo badan oo ka mid ah caalamka, gaar ahaan dalalka Islaamka.

Muddaharaadadaas kuwii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen dalal ay ka mid yihiin Baxrayn, Imaaraadka, Ciraaq, Suuriya, yaman, Sucuudiga, Turkiga, Indooniisiya, Arjantiina iyo meelo ka mid ah Yurub.

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta ayaa lagu wadaa iyaguna maalinta berri inay shir ku yeeshaan magaalada Qaahir iyaga oo ka wada xaajoonaya sidii ay waddamada Carabtu mawqif wax mu ool ah uga qaadan lahaayeen xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.     

……………………………………………………………………………………………………………………..

Odhaahda Akhristaha

Maxaa Looga Faa’iidaysan Waayey Dunida Inoo Soo Jeedda?

 

Waayaha adduunyadu kolba waa cayn, waa hadhkaa labadiisa gelin, mar way kaa farxisaa, marna way kaa nixisaa, mar way ku taageertaa markaasaad iskala garanweydaa meel aad joogtaba, marna way kugu soo ciirtaa, markaasaa madaxu ku cuslaadaa. Marbaad ku jirtaa xaalad aad tidhaahdo, nabad uun ma helaa, marbaad ku jirtaa nabadgelyo oo aad tidhaahdaa, maxaa waxaa loo qabanwaayay,Isku soo wada duub oo ujeedada ka raac.

 

Jamhuuriyadda Somaliland, waxa dib loogu dhawaaqay 18-mey 1991, xilligaas oo dalka lagu soo noqday, iyadoo aanay waxba oollin. Qofkastaa, wuxuu ku ducaysanayay baradii aad ku barbaartay nolol maad ku tegi. Muddo yar dabadeed, waxaa bilaabmay dagaallo iyo wareer bulshadii danyarta ahayd dib u kala eryay. Dib ayaa la isu yabyabay, nasiib darro haddana, waa la kala yaacay. Wax sidaa lagu jiro, wax la isdaba meeraysto, wax la kala garanwaayo xag loo socdo iyo xag laga socdoba, waxaa la soo gaadhay xilli salka la dhigay oo la yidhi “HAA-KAH”! Markasta hogaamiyayaasha dalku waxay ku marmarsoon jireen, "Maxaanu qabannaa! sawkan dagaalku socdo". Markay bulshadu cabashada hogaamiyayaasha maqlaan ayay yidhaahdaan: " bulshooy xabbadda innaga joojiya, waxbaa la innoo qaban lahaa ee innagaa (dadweynaha) kala tuurnay wixii la innoo qaban lahaa!.

Aan u daadego dulucdayda, mudooyinkan danbe dagaal ma jirin, waa nabad iyo caano, dadkii waa walaalo, waxqabadkii shacbigu wuu muuqdaa, qof dhakhtar dhisa, mid macdaar samaysta, mid beer qota, mid gaadhi iibsada, mid makhaayad furta, dadaalka dadku ma yara. Haddaba, waxaa isweydiin leh hogaamiyayaashii ama horseedkii dalku mee? Waxa lagu mashquulay Mucaarad, muxaafad, Salaadiinta, xisbiyo ha la furto, xisbigaasi shuruudii muu buuxin iwm.

 

Waxaa jirtay mar adduunku dhabarka innoo jeediyay, maantase maaha sidii hore, albaab kastaa wuu furanyahay, keliya waxaa la sugayaa ciddii is hortaagi lahayd, xataa uma baahna in la garaaco irridda ee waabu ballaqan-yahay. Maxaa al-baabadii xidhnaa furay, siyaasadii adduunka ayaa mar-keliya is-rogtay... way socotaa.

Sayid Mohamed Yusuf (Dhegey)

Sweden

…………………………………………………………………………………………..

Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Cigaal

 

 

 

Mudane Madaxweyne salaan gacaltooyo oo qoto dheer iga gudoon. Waxan ahay gabadh Soomaaliya u dhalatay, hase yeeshee la macaamishay asxaab Somaliland u dhashay oo igula nool dalkan Sweden oo aan ku barbaaray, wax ku bartay kuna noolahay. Waxan ka mid ahay dadka tirada yar ee isasoo taraya maalinba maalinta ka dambaysa ee u dhashay Soomaaliya aaminsana in dadka reer Somaliland xaq iyo gar u leeyihiin aayo ka tashigooda noqonna karaan qaran karaamadiisa leh.

 

Waxan filayaa in aad noo cadayseen in aad khilaafkiina ku xalin kartaan wadahadal halka anagu aanu Qoriga miciinsano. Waxan ahay gabadh Soomaaliyeed oo baratay Cilmiga Xisaabta, jecelna in si qiyaasan oo maskax leh loo maareeyo wax kasta oo Soomaali isku khilaafsan tahay. In badan ayaan ka mid ahaa dadka u riyaaqay hab-maamulkaaga.  Sidaa awgeed, waxaan maanta jeclaan lahaa in talo aan halkan kuu soo mariyo, kadib markaan dheegtay siday ayaamahan ummaddaad Madaxweynaha u tahay u kala taalo.

 

Mudane Madaxweyne, sidaad ogsoon tahay waxaad tahay nin weyn oo haatan da' ah, waxaadogtahay in caafimaadkaagu aanu wanaagsanayn, waxaadogtahay in umadaada midnimadeedu muhimad weyn leedahay, waxaadogsoon tahay in aduunyadu idin wada daawanayso, waxaadogsoon tahay in maanta la idiin garawsaday in aad ka duwan tihiin Soomaaliya taasoo ah ictiraaf "de-jure" kii ugu horeeyey idinkoo hore u haystay aqoonsi "de-facto" ah, waxaad ogsoon tahay sida dadkaaga qaarkood kaaga niyad jabsan yihiin, waxaadugu dambayn ogsoon tahay in dadkaagu aanay maanta taag u hayn dagaal iyo colaad kale taasoonay ka soo kaban karin. Waxan kugula talin lahaa in aad badbaadiso maanta ummadaada waad kartaaye.

 

Madaxweyne, waxaad dadkaaga u qabatay wax weyn, waxaan filayaa in dadkaagu kuu ogyihiin taa. Magacaagu in uu quluubtooda ku waaro ood taariikhda u gasho amase u noqoto tilmaam, waxay ku xidhnaan doontaa sida aad uga fadhiisato Xukunka aad haatan u hayso. Hadii qori laguu qaato oo dagaal lagaaga eryo kursiga, taariikhdaadu waxay la mid noqon tii Siyaad Barre. Hadiise aad dadkaaga sharci ay ku wada noolaadaan u dhidibtid, kadibna si cadaaladi ku jirto u tartansiisid, waxay taariikhdaadu beegsan doontaa ta Nelson Mandela, waa lagu maamuusi, talo iyo waano ayaa lagu waydiin, ka kugu xigaana wuxuu noqon mid ku tiigsada, aakhiradaadana sed baad u sii qaadan.

 

Mudane Madaxweyne waxaadtahay nin wax badan og, waayo badan soo noolaa, khibrad iyo aqoonina kuguma yara. Waxan filayaa in qof adag aad tahay, waxaadsoo gashay xabsi dheer, waxaadsoo martay taariikh colaadeed, waxaas oo culays ah kadib weli waad arriminaysaa maskaxdaaduna way fayowdahay. Nin xikmad diimeed iyo tu aduunba leh baad tahay, wadaninimaduna waxaan aaminsanahay in ay kula weyn tahay. Madaxweyne, kalsooni weyn bay ummaddaada badankeedu kugu qabtaa, hase yeeshee, waxaad moodaa in quluubta dadka aad ka sii suulaysid ayaamahan. Waxan ku odhan lahaa, eeg garabkaaga midig iyo ka bidixba, waxan ku odhan lahaa ogsoonow in kalsoonidii ummaddaadu isku qabeen isasii dhimayso, ogsoonow in mucangagnimo ay hore u shaqayn wayday maantana aanay kuu shaqayn doonin.

 

Mudane Madaxweyne, reer Woqooyi maalintii ay reer Koonfureed la midoobayeen kalsooni, niyadsami, walaaltinimo, muslinimo iyo Soomaalinimo ayey walaalahooda Koonfureed u hayeen. Maalintii ay dagaal hubaysan gudoonsadeense intaas oo wanaagi waa ka suulay waxayna ku badasheen aamindaro, cuqdad, nacab, nacayb iyo colaad ay u qaadeen walaalahodii Koonfureed. Reer Waqooyi, waxay colaad gudoonsadeen markay ogaadeen in Koonfuri wanaag u hayn, abaalkoodiina loogu badelay dhac, kufsi, faraxumayn, adoonsi, dil iyo laayaan. Qofka aadamiga ah qalbigiisa sida loo hantaa waa adagtahay, hadii mar aad lumisidna sidaad mar labaad u heshaa wax adag weeye.

Mudane Madaxweyne, waxan beryahan dambe la socday dhaqdhaqaaqa nabadeed ee uu waday Siilaanyo oon filahaayo in aad isku dhowdihiin dhanka aaraada.

 

Mudane Madaxweyne, ergadu waa wax weyn. Lama xumeeyo nin ku leh nabadbaan wadaa wakhti ay Soomaaliyi ogtahay nabadu qiimaha ay leedahay. Siilaanyo wax kasta oo uu u jeedaba, mar hadii uu leeyahay ergo ayaan ahay waxan ku odhan lahaa soo dhawee oo yeel codsigiisa.

Ugu dambayn, aniga iyo inta Tusaale idinka dhigata iyo ummadaadaba ka badbaadi in ay lug go’aan.

Sahra Aweys Aadan, Sweden

 

………………………………………………………………………………………………………………………

 

Waadiga Ciyaaraha

 

Liverpool iyo Panathinaikos oo ku adkaaday Kulamadii Arbcadii

 

 

 

 

England (AP) – Sami Hyypia ayaa ku dhaweeyay kooxda afarta goor ku guulaysatay horyaalka Yurub inay Liverpool ku durugto markii ugu horreysay ee horyaalka Yurub ay wareega kama dambaysta gaadho mudo 17 sanadood ah markii ay Arbacadii 1-0 keliya kaga adkaatay Bayer Leverkusen.

Ninka caatada ah ee dhuuban oo ka dhex muuqday kulankan ayaa ah wadnaha difaaca Liverpool, ayaa wacdarihiisii muuniyay inyar ka hor intii aanu dhicin siidhigii dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaartu.

Inkasta oo ay tahay mid aad u yar, Liverpool markii ugu dambaysay ee koobkan ay ku guulaysatay waxay ahayd 1984, markastana kulamada dibedda way ku fiican tahay oo dal tabyo ma leh. Maxsuulkani waxa kale oo uu daawo u noqday soo kabashada tabobare Gerard Houllier, oo shaqada kooxda ku soo laabtay kadib markii lix bilood u jifay qalliin wadnaha lagaga sameeyay.

“Waa tallaabo wanaagsan inaan soo laabto,” ayuu yidhi Tabobaraha Liverpool.

 

Gerard Houllier wuxuu sheegay in ciyaartoy iyo shaqaduba ay qaadeen tallaabo geesinimo ah.

Houlleir inkasta oo uu goolka ay dhaliyeen ku sheegay mid ma huraan ah, haddana wuxuu qiray inay fursado kale oo laba gool ay dhalin kareyeen heleen qaybtii dambe.

Waxay ka badiyeen Leverkusen oo ah kooxda hoggaaminaysa horyaalka Jarmalka oo toddoba goor oo isu dhow-dhow guulaysatay.

Inkasta oo kulanka dambe ay gurigeeda ku ciyaarayso, haddana Leverkusen waxaa looga baahan yahay shaqo adag.

 

Vladimir Smicer ayaa ku sigtay inuu gool-dhalinta u bilaabo kooxdiisa, balse waxay kubaddu uga kacday dhinac, dhawr koone oo ay heshay Liverpool ayaa qaddar dhako-faar ah ku riday goolhayaha Bayer Leverkusen oo marar dhawr ah kubadda debedda u saaray.

Daqiiqaddii 67aad ayay ciyaartu ku sigatay in ay barbaro noqoto markii Leverkusen kubadda kala soo gashay baalka bidix oo furan.

Ze Roberto ayaa kubbad hoose oo gudub ah ka helay Michael Ballack, oo khadka dhexe ka weerar gelayay.

……………………………………………………………………………………………………………………….

Panathinaikos 1, Barcelona 0

Angelos Basinas oo dhaliyay qaybtii dambe fursad rigoore ah ayaa Panathinaikos u sahlay in 1-0 ay kaga adkaato Barcelona oo ay Arbacadii kulmeen, taasina waxay keentay inay rajo geliso u soo gudbida wareega kama dambaysta ah.

Wareega hore ee ay ku guulaysatay ayaa Panathinaikos ka dhigaya kulankii shanaad ee ay gurigeeda ku badiso tartanka Yurub, oo ay muujisay wacdarihii ugu ba’naa ee ay weligeed gaadhay.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyay ee ay wada yeeshaan labada kooxood marka la eego horyaalada Yurub.

 

“Waa dareen wanaagsan, shaqadayadani way midho dhashay. Waxay noola ciyaareen si adag, laakiin anaguna waxaanu ula dhaqanay si la mid ah,” sidaa waxa yidhi Basinas ciyaarta kadib.

Tabobaraha Barcelona Carles Rexach oo diiday rigoorihii laga dhaliyay ayaa ku adkaysanaya in kooxdiisu ku adkaan doonto kulanka labaad ee ka dhacaya gurigeeda.

Kooxda Giriiga ah ayaa doonaysa in ay weerarada badiso. Laakiin Barcelona ayaa ku sigatay inay gool dhaliso daqiiqaddii 13aad, kadib markii weeraryahanka Patrick Kluivert kubbad aanu ka fiirsan uu laad sii raaciyay, kadibna ay dhinac martay goolhaye Antonis Nikopolidi.

Xiddiga Rivaldo iyo Javier Saviola ayaa kursiga kaydka fadhiyay, taasina waxay keentay in Barcelona marar dhif ah weeraro qaado marka laga reebo laad uu Fabio Rochemback ku dhirbaaxay daqiiqaddii 37aad.

 

Rivaldo ayaa ciyaarta soo galay daqiiqaddii 72aad oo beddelay Rochemback, daqiiqad kadibna goolhaye Nikopolids ayaa ka badbaadiyay kubbad is laba rogaysa oo uu ku soo laaday xiddiga Brazil.

Goolka guushu ku raacday kooxda Giriiga ah oo rigoore ahaa waxay heleen markii kabtanka Barcelona Fernando Abelardo dhulka dhigay weeraryahanka reer Findland ee Joones Kolkka.

……………………………………………………………………………………………………………

 

 

Ferguson oo Naruuro ka muujiyay Dhaawaca Beckham

 

 

 

 

Manchester (AP) – Maamulaha kooxda Man. United Alex Ferguson, ayaa rajo ka muujiyay dhaawacii gaadhay kabtanka xulka England ee David Beckham, wuxuuna sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu ciyaaro kulanka Salaasada oo ay wareegii labaad la ciyaarayaan Deportivo la Coruna.

Beckham oo dhitinayey markii ay ka soo laabanayeen La Coruna kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen kulankii ay la yeesheen. Waxaa qaflad ku qabatay wati dambe oo ciyaarta ah weeraryahanka Deportivo, Diego Tristan, dagaalkaasina wuxuu keenay in debedda loo walwalo, waxaana ka muuqatay baqdin badan.

 

In kasta oo aan la hayn jawaabtii qashaafadda (X-Ray) haddana Ferguson wuxuu sheegay in aan xaaladda ciyaatoygu halis u ahayn sidii markii h ore la moodayey.

“Wax badan baannu xagga dambe ka ogaanaynaa, laakiin wuu soo laabanayaa toddobaadka dambe,” ayuu yidhi Ferguson.

 

Dabcan, kooxdu waxay wayday kabtanka Roy Keane oo lagu wado inuu ilaa lix toddobaad ciyaaraha ka fadhiyi doono. Kabtanku wuxuu ka cawarmay muruq boodey, sidoo kale Paul Scholls ayaa urursaday laba yellow kaadh, taas oo keentay inuu ka fadhiyi doono kulanka soo socda ee Arbacada.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentina Juan S.Veron ayaa isna ka maqnaan doona kulankaa oo uu uga fadhiyi doono dhaawac ka soo gaadhey kulankii Argentina iyo Camaroon oo ku dhammaaday 2-2 gool.

 

Veron wuxuu hadda ku maqan yahay Roma, halkaas oo uu u tegey dhakhtar gaar ah oo ku xeel dheer dhaawacyada. Haddii Beckham ka maqnaado kulanka talaadada waxay noqonaysaa in kooxdu weydo afar ka mid ah ciyaartoyda kooxda ee aasaasiga ah, sidaa darteed waxaa la odhan karaa inkastoo Man. United ka badisay Deportivo haddana Manchester United may mahadin guushii ay ciyaartaa ka gaadhey.

 

 

Haatuf Media Network