SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 59-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Caddaalad
Saylad Taalla Saboolku Ma iibsan Karaa?
Subax iyo galab kasta waxa xafiiska
wargeyska Haatuf soo gaadha ugu yaraan shan ilaa toban qof oo koox-koox iyo
keli keli u socda, sida qaalibka ah wargeyskasta iyo akhristayaashiisa waxaa ka
dhexeeya xidhiidh wax ku ool ah, waxaana laga filaa akhristaha inuu fikrad caam
ah oo uu door bidayo in ay dalka iyo dadka wax tar u tahay uu soo gudbiyo ama
uu fikraddiisa ka soo dhiibto mawaadiicda taagan ee uu wargeyska ka akhristay.
Laakiiin iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in bulshadeenu tahay dad hadal oo aan ku
dhiirranayn qoraalka, waxa ah mid qayril caadi ah in saddex laab dadka maalin
kasta soo gaadha xafiiska wargeysku ay keenaan galdacwadeedyo iyo cabashooyin
shaqsi ah, taasoo uu qof kastaa doonayo inuu garnaqsigiisa ku baahiyo
wargeysyada.
Dadkaas waxa soo jiita madax bannaanida
wargeysyada iyo qormooyinka bogga hore ee ay wargeysyadu ku iftiimiyaan meel
maamulxumo, musuqmaasaq caddaalad darro iyo ku tagrigal awoodeed ka jirto sida
hay’adda dowladda dhexe iyo kuwa deegaanka, taas oo uu u arkayo qofku gar iyo
gar darro tay doonto cabashadiisu ha noqotee fursad uu uga faa’iidaysan karo in
codkiisa dhibanenimo laga dhex maqlo mushkiladda iyo sidoo kale in saxaafadda
madaxa banaani tahay aalad dadweynuhu si xor ah ugula hadlaan madaxdooda.
cabashooyinkaasi waxay u badan yihiin muranka dhulka oo sanadahan dambe ah mushkiladda
ugu weyn ee ka taagan magaalooyinka dalka, kaas oo u dhexeeya laba qof ama qoys
dowladda hoose iyo qof muwaadin ah, iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo xilka
ugu awood sheegta qof rayid ah, xukun caddaalad darroah iyo go’aan maxkamadeed
oo la fulin waayey, dhammaan arrimahaas iyo kuwo badan oo la mid oo
xaasaasiyadooda leh una dhexeeya ashkhaas ayaa noqday waxa ugu badan ee
akhrista yaasha dalka gudihiisa wargeyska u soo dirsadaan. In badan oo ka mid
ahi waxa ay maraan dariiqa sharciga waxayna ugu soo gudbiyaan dacwaddooda ama
cabashadooda qoraal uu ku lifaaqaan yahay gal dacwadeed maxkamadeed iyo
dukumaanti.
Laaakiin, waxa ah arrin yaxyax iyo naxdin
ah oo muujinaysa baaxadda dhibaatada jirtaa marka hooyo da’ ah oo aad u taag darina ay tukubaha u
soo cuskato si ay wargeysyada u gaadhsiiso dacwad afka ah, iyaga oo ka
ashkatoonaya madax dowladda ka tirsan ama qof u awood sheegtay.
Ma aha male xun ama khaldan in dadk u
door-bidaan saxaafadda inay dareenkooda ugu gudbiyaan dowladda laakiin waxa
mudan in la fahmo in aanay ahayn hayad garsoor ama maxkamad loogu garqaado
dadka, iyadoo aan la dafiri karin baahida keentay ee ka maaransiin weydey.
Dhinaca kalenna waxtarka ay leedahay waxa ka mid ah in qof cadhadu geyeysiin
lahayd in uu faldenbiyeed weyn geysto uu ku cadho baxo kelmedo uu ku qor
jaraa’idka.
Layaab ma laha bulsho in ka badan 20
sanadood qori caaradii loogu talinayey, dhaqan dowladeed keedana horayso iyo
dambaysoba uu noqday mid garsoorka iyo caddaaladdu gacanta ugu jiro in yar oo
ladan sidii uu X.Aadan Afqalooc ku gabyay lixdameeyadii wax yar kadib
xorriyadda “xaqii wuxu midiidin u noqdoo aanu ka maarmaynin ninkii maaliintaa
bixinaya (lacag-laaluush) iyo kii martabad weyne. Caddaaladdii waxay magan u
tahay raasa-maaliga.
Hadaba waxaa loo baahan yahay in bulshada
si ficil ah loo tuso in sharciga loo siman yahay, hadii kale iswaydiintu waxay
tahay cadaalad saylad taala saboolku ma iibsan karaa?.
……………………………………………………………………………
“Weli
Anigu Ma Hubo In Xilka Layga Qaaday”
Hargeysa
(Haatuf): Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa ee dalka
Itoobiya Cabdillaahi Askar Barkhad, ayaa sheegay shalay mar aanu Telefoon kula
xidhiidhnay Addis Ababa inuu isagu weli yahay Safiirka Somaliland u fadhiya
Itoobiya, isla markaana aanay soo gaadhin wax xil ka-qaadis ah oo qoraal iyo
hadal midnaba ahi.
Tan
iyo dabayaaqadii toddobaadkii dhammaaday, ayaa waxa isa soo tarayay war aan
rasmi ahayn oo sheegaya in shaqada laga fadhiisiyay, Danjire Cabdillaahi Askar.
Ilo lagu kalsoon yahay oo warkani ka soo baxay, waxay sheegeen in beddelka
Cabdillaahi Askar soo baxay, kadib Safarkii uu dhawaan Madaxweyne Cigaal ku
tegay Addis Ababa. Xukuumaddu, wax jawaab ah kama bixin warka ku saabsan, xil
ka-qaadista danjiraha oo ku soo noqnoqotay Saxaafadda Madaxa bannaan, dhowrkii
maalmood ee u dambeeyay.
Afhayeenka
Madaxtooyadda, Mr. Cabdi Idiris Ducaale oo wax laga weydiiyay arrintaasna, wuu
xaqiijin kari waayay sida wax uga jiraan warkaas.
Sidoo
kale, Danjire Cabdillaahi Askar oo Telefoonka ugu waramayay Haatuf,
isagoo joogga Addis Ababa, ayaa sheegay in aanu hubin in xilka laga qaaday.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu isagu yahay danjiraha Somaliland ee Addis
Ababa, maadaama aanu helin amar xilka lagaga qaaday.
“Weli
anigu ma hubo in xilka layga qaaday iyo warqad la’ii keenay iyo hadday telefoon
tahay iyo qoraal hadday tahay, midna weli ma hubo, ilaa saacaddan aan kula
hadlayo weli anigu waxaan ahay wakiilka Somaliland,” ayuu yidhi Cabdillaahi
Askar.
Wararka
ku saabsan xil ka-qaadista Cabdillaahi Askar, waxay sheegeen in arrintani ay ka
dambeysay cabasho ama dacwad Madaxweyne Cigaal uga timi dhinaca Maamulka
Itoobiya. Ilo kalena waxay ku xidhiidhinayeen, khilaaf dhexmaray Wakiilka iyo
Madaxweyne Cigaal, intii ay Addis Ababa wada joogeen.
Si
kastaba ha ahaatee, Cabdillaahi Askar oo laweydiiyay in ay isku dhaceen isaga
iyo Madaxweynuhu, markii uu booqashada ku joogay Addis Ababa, waxa uu ku
jawaabay; “Waxaa weeye arrimahaasi, waa arrimo dawladeed, ma aha anigana
jawaabtayda, Madaxtooyadda Somaliland baad weydiin kartaan.”
“Anigu
ilaa iminka oo aan kula hadlayo, waxaan ahay Ambasadoorka Somaliland ee Addis
Ababa,” ayuu raaciyay Cabdillaahi Askar.
Cabdillaahi
Askar, waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii milateri ee Ciidamadii Soomaaliya,
kadibna waxa uu kaalin weyn ka qaatay halgankii Xorraynta ee SNM.
……………………………………………………………………………………………
“Dawladda Hoose, waxaa Xafiisyo u ah Guri kiro ah oo Shacbi
leeyahay….”
Warbixin - M. F. Jaambiir
Subaxnimadii
Khamiista ee Toddobaadkii tegay (April 4, 2002), waxay dadka reer Berbera ku
waa-bariisteen maqalka fal ka dhacay Saldhiga dhexe ee Booliska Berbera
dhexdiisa. Waxay ahayd arrin layaab ku noqotay dad badan, markii ay maqleen in
Saldhiga dhexdiisa lagu dilay Nin maxbuus ahaa oo halkaas ku xidhnaa, kaas oo
uu dhagax ku dilay nin Saldhiga galay oo Maxbuuska ugu tegay goobtii uu hurday,
siday xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska degaankaasi.
Run
ahaantii, falalka dilku maaha wax cusub oo aan hore loo arag ee hadda iyo ka
horba, waa falal dunida ka dhaca ama horeba uga dhici jiray, hase yeeshee waxaa
dunida ku cusub in Nin Maxbuus ah oo xidhan ay cid bannaanka ka timi, ku dhex
disho Jeelka dhexdiisa. Inkastoo ay jiri karaan falal noocan oo kale ahi,
haddana waxay dhacdadani soo jiidatay indhaha bulshada, waxaanay muujisay in
lagu baraarugo dhaliilaha maamul iyo Ciidan ee ka jira deegaankaa.
Saldhiga
dhexe ee falkani ka dhacay, wuxuu ka kooban yahay dhisme laba dabaq ah oo
gaboobay, kaas oo la dhisay sida la sheegay Qarnigii 19aad, wakhtigaas oo ay
xeebaha badda cas ee Somaliland, Xukumi jirtay dawladii Cismaaniyiinta ee
Turkigu, taas oo raadad badan oo ilaa hadda jira kaga tagtay deegaanka Berbera,
kuwaas oo uu ka mid yahay sida la sheegay dhismaha Saldhigan dhexe ee Boolisku.
Marka aad sheeda ka aragto muqaalkiisu, wuxuu u muuqdaa dhisme bilicle, hase
ahaatee sawirkiisa dhabta ahi maaha sidaas; Waa dhisme duug ah, balse
wajahadiisa hore oo u muuqata mid la rinjiyeeyo iyo bogcadda taaga ah ee uu ka
dhisan yahay, ayaa ka dhigaysa heemaalkiisa guud mid qurux leh marka aad ka fog
tahay.
Marka
laga tago muuqaalka duleed ee dhismaha Saldhigaa, waxaan badiba shaqaynin
qolalkii Maxaabiista lagu xidhi jiray, kuwaas oo dunsan, taasina waxay sababtay
sida muuqata in maxaabiista la soo xidho badhkood lagu hayo berendaha dhismaha
Saldhiga.
Taliye
Ku-xigeenka Qaybta Booliska Berbera, Ibraahim Aadan Yaasiin oo aan xog-waraysi
la yeeshay, ayaa isaga laftiisu muujiyay sida xaalka dhismaha Saldhigu yahay;
“Waa Saldhig da’ weyn oo gaboobay oo dhoobo ka dhisan, waxa laga qabqabtayna
waa jiraan, imikana waxaan rajaynayaa in waxa laga qabto,” ayuu yidhi
Taliye-xigeenku. Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan qolal dunsani, laakiin wuxuu
ku af-gobaadsaday in aanay waayin meel ay Maxaabiista ku xidhaan.
Si
kastaba arrintu ha ahaatee, waxay dad badan oo reer Berbera ahi ku doodeen in
Saldhiga dhexe uu leeyahay oo keli ah, hal qol oo lagu xidho Maxaabiista,
qolalkii kalena ay dunsan yihiin, sidaa aawadeedna ay taasi keliftay in
maxaabiista lagu hayo meel bannaan oo baylah ah, taas oo meesha ka saaraysa
xuquuqdii uu maxbuusku ku lahaa Xukuumadda ee ahayd in la sugo ammaankiisa.
“Haddii uu maxbuusku ku asturnaan lahaa meel baydhsan, may dhacdeen tan oo
kale.” “Xukuumaddu, iyadaa lumisay ammaanadii Maxaabiista.” Weedhahaa iyo qaar
kaleba, waxay ka mid ahaayeen doodihii dadka reer Berbera ee aan la kulmay ay
iska weydaarsanayeen amuurtaas. Waxa kale oo aan meesha laga saarin in
arrintani fadeexad ku tahay, guud ahaanba Xukuumadda iyo Ciidanka Booliska.
Taliye-xigeenka Qaybta Booliska ee magaalada Berbera, ayaan isna taa isdiidsiin
oo muujiyay siday uga xun yihiin dhacdadaas iyo saamaynta ay ku yeelanaysaba.
Inkastoo
dhacdadani, magac ahaan hadhaynayso Booliska, haddana waxa muuqata in Ciidamada
ammaanka Berbera aanay haysan qalab badan oo hawshooda lama huraan u ah, taas oo
ay la qabaan deegaamo kale oo badan. Sidaa daraadeed dhalliilaha dayaca ka
muuqda dhismaha Saldhiga Berbera iyo guud ahaan Ciidanka nabadgelyadaba, waxay
dad badani u aanaynayaan in masuuliyad ahaan uu leeyahay Maamulka Dawladda
Hoose ee Berbera.
Mar
aan wax ka weydiiyay Taliye-xigeenka Qaybta Booliska ee Berbera, sababta loo
dayactiri waayay dhismaha Saldhiga ee loo dhisi waayay qolalka Maxaabiista ee
dunsan, wuxuu tibaaxay in ay wada-tashi kala leeyihiin Maamulka deegaanka sidii
loo dhisi lahaa, laakiin muu sheegin qorshe cad oo muuqda oo hore u sii jiray
oo loogu tallo-galay hagaajirnta iyo dayactirka goobaha ammaanka.
Si
kastaba wax ha u jireene, waxaan la dafiri karin in goobta arrimahani ka jiraan
ay tahay il-dhaqaale oo ah ta ugu xoogga weyn dalka oo dhan. Dadka reer Berbera
qaarkood, waxay ku doodayaan in arrintani qayb ka tahay dhaliillo is-barkaday
oo hadheeyay Maamulka deegaanka magaalada Dekedda ah ee Berbera. “Dawladda
Hoose ee Berbera, waxaa xarun u ah guri kiro ah oo shacbi leeyahay, kaasay ku
shaqaysaaye tusaale kaleba ugama baahnid.” “Kiradda guriga ay ku jirto ay ka
bixiso, marka laysku darro intii ay ku jireen, ayaa wax walba kafayn lahaa oo
lagu dayactiri lahaa guryo badan oo dawladdu leedahay.” “Marka horeba, maxaa
kelifay in Maamulka dawladda hoose guri shacbi kiraysto, iyadoo guryaheedii
dayacan yihiin.” “Xaruntii dawladda hoose, dib-u-dhis baa ka socda, markaa
taasaa keliftay in ay guri kiraysato.” Weedhahaasi iyo qaar kale oo badaniba,
waxay ka mid ahaayeen fikraddo ay dadku ku cabirayeen aragtiyahooda
la-xidhiidha Maamulka dawladda hoose iyo hawl-qabadkiisa.
Baddi
dhaliilaha Maamulka dawladda hoose ee Berbera lala xidhiidhinayaa, waxay hore u
ahaayeen qaar aan sidan loo muujin jirin, laakiin waxaa si weyn u saameeyay
falkan ka dhacay Saldhiga dhexdiisa oo muujiyay, sida xaalka dawladeed ka yahay
deegaanka Berbera, isla markaana kelifay in la milicsado gol-daloolooyin horeba
u jiray iyo falal badan oo dil ahaa oo kan ka horeeyay oo ka dhacay deegaankaa,
kuwaas oo la sheegay in aan badi la caddaynin cidii geysatay. Siday tibaaxeen,
warar ka soo baxay ilo ku dhow-dhow hay’adaha Garsoorka Berbera, badiba waxaa
curyaansan waaxihii dembi-baadhista iyo daba-galka dembiyada dhaca, taas oo loo
aanaynayo in ay kow ka tahay, arrimaha ragaadiyay caddayn la’aanta cidii
geysatay falal hore u dhacay oo la rumaysan yahay in ay wax ka-qabad
la’aantoodu horseeday, sii badashada falalka dilka ah ee deegaankaa ka dhaca,
kuwaas oo la sheegay in ay gaadhayaan in ku dhow Toban kiis ilaa sannadkii
2000.
Ciidanka
Ammaanka (Booliska) ee magaalada Berbera, ayaa iyana loo tirinayaa in ay kala
daadsan yihiin, mararaka qaarkoodna lagu mashquuliyo xiisado Siyaasadeed oo aan
muuqan oo dadka qaarkii ku eedaynayaan inuu Maamulka Gobolku abuuro.
Si
kastaba haloo dhigee, Masuuliyiinta Booliska Berbera jawaabta ay ka bixiyeen
sida falku u dhacay, ayaa iyana iftiiminaysa sida Ciidanku u kala daadsan
yahay, iyo duruufaha la deriska ah. Maayarka magaalada Berbera oo isla markaana
ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka, Xasan X. Maxamed (Xasan Gadhweyne) oo aan isku
dayay in aan wax ka weydiiyo dhaliilaha Maamulkiisa loo tirinayo, ayaa isagu ka
war-wareegay inuu noo ogolaado in aanu waraysi kala yeelano arrimahaas.
……………………………………………………………………………………………
Koox
Hubaysan oo Xoog Kula Baxday Gaadhi Dhexyaalay Saldhiga Dhexe ee Booliska Burco
Burco
(Haatuf): Koox hubaysan, ayaa xoog kagala baxday Saldhiga Dhexe
ee Booliska ee magaalada Burco, gaadhi yaalay halkaas oo ku xidhnaa, kaas oo
Ciidanka ammaanku ku qabtay waaran Maxkamadeed.
Siduu
noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, waxa la sheegay in kooxdaa
hubaysani ay Saldhiga galeen xilligii Salaadii Maqrib la tukanayay, isla
markaana ay gaadhigaa kaxaysteen, iyagoo aan wax dhibaato ahi gaadhin dhinacba.
Warku wuxuu intaa ku daray in kooxdaa hubaysan oo lagu qiyaasay sodoneeyo Nin
aanay wax rasaas ah ridin, balse ay ku beegmeen xilli aanu Ciidan badani joogin
Saldhiga.
Badhasaab
Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Togdheer oo uu weriyahayagu wax ka weydiiyay arrintaas, ayaa isagu ka
gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo. Sidoo kale, Masuuliyiinta Booliska ayaan
iyana wax war ah ka soo saarin dhacdadaas.
Siday
tibaaxeen warar aan la xaqiijinin, gaadhigaas oo la sheegay in Boolisku ku
xidhay Waaran Maxkamadeed, waxa loo haystaa arrin la sheegay in ay la xidhiidho
dad ku dhintay mar hore oo uu qalibmay oo aanay arrintoodii weli dhammaanin.
……………………………………………………………………………………………………
Xukuumadda oo Fagaaraha Khayriyadda ka
Mamnuucday Xuska SNM
Hargeysa
(Haatuf): Sanand-guuradii 21aad ee ka soo wareegtay aasaaskii
ururka SNM oo sannad kastaba la xusi jiray 6-da April oo ku beegnayd maalintii
shalay, ayaan sannadkan la smaynin, isla markaana waxa la sheegay in ay
Xukuumaddu mamnuucday in xusaska ururka SNM lagu qabto Fagaaraha Khayriyadda ee
magaalada Hargeysa oo hore loogu qaban jiray.
Muj.
Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ahaa, aasaasayaashii ururka SNM kaga dhawaaqay
magaalada London, 6-dii April 1981-kii, ayaa u sheegay Haatuf, in
SNM sannadkii samayn jirtay laba xus oo kala ah; maalinta aasaaska ururka oo ah
6-da April iyo 17 Oktoobar oo lagu magacaabo maalinta Mujaahidka, taas oo loogu
baroor-diiqo Shahiidiintii ku god-gashay halgankii dib-u-xorraynta.
Muj.
Xasan Ciise, wuxuu intaa raaciyay oo uu sheegay Xukuumaddu in ay bishii
Oktoobar ee sannadkii hore soo saartay amar ay ku mamnuucday in aan xusaska
munaasibadahaa lagu qaban karin Fagaaraha Khayriyadda oo hore loogu qaban
jiray, isla markaana aan laysugu iman karin.
Siduu
sheegay Xasan Ciise Xukuumaddu, waxa kale oo ay joojisay Kharashkii lagu
maamuli jiray Xusaskaas, Jamciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal oo qaban-qaabin
jirtay Xusaskaasina may qaban-qaabin. Dhinaca kale, warar laga soo xigtay xubno
ka tirsan Jamciyadda Sooyaal, ayaa iyana cadeeyay in Xukuumaddu joojisay in
Fagaaraha Khayriyadda lagu sameeyo Xusaskaa, isla markaana ay jartay
dhaqaalihii ay kaga qayb-geli jirtay Xuska Munaasibadahaa. Wararku, waxay intaa
ku ladheen in sidaa daraadeed uu u baaqday Xuska 6-da April.
……………………………………………………………………………………………
Hargeysa
(Haatuf): Ciidamada Ammaanka, ayaa la sheegay in ay shalay ka
qab-qabteen magaalada Hargeysa, dad aan la cadday tiradoodu inta ay dhan tahay.
Ma jiro, wax war ah oo ku saabsan dadkaa la sheegay in la qab-qabtay oo dhinaca
Xukuumadda ka soo baxay oo xaqiijinaya in ay jiraan, dad la qab-qabtay. Xubno
kala duwan oo ka tirsan Booliska oo aanu la xidhiidhnayna, way ka gaabsadeen in
ay wax nooga sheegaan arrintaa, balse qaarkood waxay tibaaxeen in ay jiraan,
dad ay Laanta Dambi-baadhistu qab-qabatay, laakiin aan la ogayn sababta loo
qab-qabtay.
Warar
aan la xaqiijin, ayaa tibaaxay in ay jiraan tiro dad ah oo shalay la
qab-qabtay, kuwaas oo la sheegay in ay gaadhayaan dhowr iyo toban qof.
Wararkaasi, waxay intaa ku dareen in dadkaas ay qaarkood ka soo jeedaan,
dhalasho ahaan gobolka Soomaalida Itoobiya.
Inkastoo
laysla dhexmarayay, warar sheegayay in ay jiraan dad la qab-qabtay, haddana
weli ma jiraan warar caddayn dhab ah ka bixinaya ammuurtaas ku saabsani.
……………………………………………………………………………………………
Maxaad
Ka Taqaanaa Guantanamo Bay?
Maxaabiistii
uu Maraykanku ka soo qafaashay dalka Afganistaan, waxaa la geeyey xarun
ciidammada Maraykanku ay deggan yihiin oo ku t`aallaa, Guantanama Bay ee dalka
Cuba. Dad badan waxa ay is waydiinayaan, iyadoo aan wada ognahay in xidhiidhka
ka dhexeeya Maraykanka iyo Cuba uu aad u xun yahay, haddana sida ay ugu suura
gashay in Maraykanku ku yeesho xarun Maraakiibta Ciidamada ah (Naval Base).
Sannadkii
1898-kii, ayaa dagaalkii weynaa ee Maraykanku la galay Spanishka, waxa uu kaga
qabsaday Xarunta Guantanamo Bay ee dalka Cuba. Cuba oo markaas iyaduna u
dagaallamaysay xorriyaddeeda, laakiin aan lahayn awood ay Spanishka iskaga
celiso, ayaa Ciidammada Maraykanka ku taageertay, sidii Spanishka looga saari
lahaa dalka Cuba. Guantanamo Bay oo sannadahaas ahayd goob ganacsiga ku fiican,
waxaa aad ugu dhowaa Dekad Sonkorta laga dhoofin jiray oo la odhan jiray
Caimanera oo dhinaca galbeed ka xigtay, dhinaca barina waxaa ka xigga xaafad
laga kalluumaysto oo la yiraahdo Fishermans’ Point.
Si
haddaba uu Maraykanku u difaaco dadka iyo dalka Cuba oo Spanishku gumaysi xun
ku hayay, waxaa sannadkii 1903dii Cuba iyo Maraykanku kala saxeexdeen heshiis
dhigayay in Maraykanka laga iibiyo ama laga kireeyo Dhul xeebeed dagaalka ku
fiican oo Maraakiibta dagaalkuna isticmaali karaan, lagana qodan karo dhuxusha.
Heshiiskaas, waxaa saxeexay Madaxwaynihii Cuba Estrada Palma bishii Febrayo 16,
sannadkii 1903-dii, iyo Madaxwaynihii Maraykanka Theodore Roosevelt bishii
February 23, sannadkii 1903.
Sidaas
ayaa Maraykanku u soo degeen xarunta Guantanamo Bay iyo Bahia Honda. Sagaal
sano kadib, Maraykanku wuu iska dayacay Bahia Honda, waxaana uu ku koobnaaday
Guantanamo Bay. Heshiisku waxa uu dhigayay in Maraykanku ay u isticmaali karaan
oo keliya dhulka iyo badda ay kireysteen Maraakiibta dagaalka iyo dhuxusha oo
ay ka sameystaan oo keliya, iyo in Maraakiibta Cuba ay ku maraan xeebta Cashuur
la’aan.
Heshiisku,
waxa kale oo uu dhigayay in Maraykanku ay bixiyaan lacag dhan $2,000 oo dollar
sannadkiiba oo kiro ah. Guantanamo Bay, waxa ay noqotay xeryaha Ciidamada ee uu
Maraykanku ku leeyahay dalka dibaddiisa tan ugu wayn. Sida keliya ee lagu jabin
karo heshiiskaasina, waa in labada dowladood si wada-jir ah u saxeexaan,
heshiis kale oo lagu jebinayo xeerkii hore, taasina waxa ay u badan tahay in
aanu Maraykanku waligii ka tanaasuli doonin. Taas oo micnaheedu yahay,
Guantanamo waa dhul iyo biyo ay dowladda Maraykanku leedahay.
Markii
uu Madaxwayne Fidel Castro la wareegay Xukunka dalka Cuba, dhammaadkii
sannadkii 1950-kii, ayaa waxaa bilowday in heshiiskii Maraykanka iyo Cuba uu
wiiqmo. Waxaa dhacday in Malleeshiyo reer Cuba ah oo uu hoggaaminayo Nin la dhashay
Fidel Castro, ay dhowr jeer weerar ku qaadeen askar Maraykan ah, ayna qaar ka
qafaasheen. Waxaa xidhiidhkii labada dowladood aad u sii xumaaday, markii uu
Castro ku dhawaaqay inuu qaadanayo Siyaasadda Shuuciyadda “Communism”.
1961-kii
Madaxwaynihii Maraykanka Dwigh Ensinhoward, ayaa ku dhawaaqay inuu jaray
xidhiidhkii Dibulumaasinnimo ee uu la lahaa dalka Cuba. Wixii intaas ka
dambeeyey, waxaa magaalada Guantanamo labadeeda dhinac is hor fadhiyey
ciidamada Maraykanka iyo kuwa Cuba.
Sannadkii
1962dii waxaa dowladda Maraykanku amar ku bixisay in laga soo raro cid kasta oo
Maraykan ah-marka laga reebo ciidammada dagaalka-Guantanamo bay iyada oo
Madaxwayne J.F. Kennedy uu caddeeyey in madaafiicda Ruushka la soo geliyay
dalka Cuba.
Dhibaato
kale, waxay dhacday markii uu Madaxwayne Fidel Castro ka jaray biyihii iyo
korontadii xarunta Guantanamo Bay, isagoo raba inuu ka aarguto eedo uu ka
tabanayay dawladda Maraykanka. Wixii intaas ka dambeeyey Dawladda Maraykanku,
waxay ku dedaashay in xaruntaasi noqoto, mid isku filan oo biyo iyo koronto ku
filan soo saarta. Waxaa kaloo xarunta lagu sameeyey, dibu dhis aad u wayn.
Sidaas
Darteed, waxaa la odhan karaa Guantanamo Bay, waa dhul iyo biyo uu leeyahay
Maraykanku. Si kasta oo uu heshiiska labada dal uu noqdaba, heshiiskii
Guantanamo Bay weli waa jiraa, waana jiri doonaa.
…………………………………………………………………………………………
Shir-hawleed
Ururka Bisha Cas Uga Furmay Hargeysa
Hargeysa
(Haatuf):- Shir ay isugu yimaadeen ururada Bisha Cas ee Somaliland oo lagaga
badlayo cudurka HIV/AIDS iyo sidii
looga tabaabushaysan lahaa ololaha la dagaalankiisa ayaa shallay ka furmay
Hotel-ka Maansoor ee magaaalada Hargeysa.
Shirkaas
oo uu soo qabanqaabiyay ururka Bisha Cas iyo Laanqaybta Cas ee caalamiga ah,
waxaa ka qaybgalay gudoomiyayaasha Bilaha Cas ee Somaliland iyo dhakhaatiir ka
kala socda wasaaradda caafimaadka Somaliland, hay’adda Caafimaadka Adduunka
(WHO) iyo UNICEF.
Waxa
iyagana furitaankii shirkaas ka soo qayb -galay saraakiil ka socday xidhiidhka
Caalamiga ah Bilaha iyo Laanqaybaha Cas oo uu horkacayo ninka ururkaas u
qaabilsan caafimaadka gobolka iyo guddoomiyaha Bilaha Cas ee dalkii Soomaaliya
oo ay ku jirto Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Xasan (Food Cadde) iyo marti
sharaf kale.
Guddoomiyaha
Bilaha Cas ee Somaliland Cali Sh.Maxamed Jirde
iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda cafimaadka Somaliland Axmed Cabdi
Jaamac oo furitaankii shirka hadallo kooban ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey
mudanayaasha iyo marti sharafta ka soo qaybgashay shirka isla markaana ka
waramay ahmiyadda shirku leeyahay iyo ujeedooyinka la doonayo in uu gaadho.
“Maanta
waxaynu halkan isugu nimi inaynu ka hadallo mawduuc aad iyo aad muhiim ah,
dadkana inta badan aanay jeclayn in laga hadlo oo cidii huursataa ay eeddo”
sidaa waxa yidhi Cali Jirde, guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland.
“Cudurkaasi
waxa weeye cudurka la yidhaa AIDS-ka “ ayuu raaciyay Cali Jirde, waxaana intaa
ku daray in cudurkaasi oo hadda muddo
20 sanadood ah caalamika ku jiray uu maalinba maalinta ka dambaysa ka sii
darayo.
“inagu
haddaynu nahay dadka Soomaaliyeed waynu ka sahlanahay. Inkastoo ceebteenu ay
tahay inaguu wixii ceeb ah afka ka qabsanno oo aynu qarsanno” ayuu raaciyay
isaga oo sheegay in qarsashadaas isla ay dhibaato weyn ka iman doonto. markaana
waxa uu sheegay in cudurkaasi uu asiibo dhallinyarada oo ah xooggii waxsoosarka
ee bulshada.
“Cudurkaasina
run haddii la eego qofkii muslim ah ee islaamnimadiisa adkaysanaya ma helo.
Sababtoo ah cudurkan waxa la isugu gudbiyaa waa sino. Sinaduna xaaraam weeye
diinta Islaamka” ayuu yidhi Cali Jirde isagoo ka warramaya aafada cudurkaas iyo
dhibaatada uu dunida ku hayo.
Shir-hawleedkaas
oo socon doona muddo shan maalmood ah, Cali Jirde isagoo ishaaraya natiijada
laga filayo waxa uu yidhi: “Waxaan rajeynayaa in illaahay inagu guuleeyo in
aynu shirkaa kala soo baxno talo aynu goosanno oo aynu dalka ku gardhsiin karno
digniintaa aynu wadno”.
Agaasimaha
guud ee wasaaradda caafimaadka iyo madaxdii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa
iyana halkaa ka hadlay.
Shirkani
waa kii u horreeyey ee noocan ah ee ay qabato Bisha Cas, oo sannadkan bilaabysa
olole ballaadhan oo wacyigelin ah oo ku wajahan halista cudurka AIDS-ka sida uu
hore u sheegay Cali Jirde.
Lamaane
reer Boorama ah ayaa noqday labadii qof ee ugu horeeyey Somaliland ee qirtay
inay qabaan cudurka AIDS, bishii January, hase yeeshee, sahan la qaadey
dabayaqadii sagaashanaadkii ayaa
muujisay in heerka fiditaanka
jeermiska HIV uu yahay 1% dadka
Somaliland.
…………………………………………………………………………………
Faaqiddaada Aduunka
Waa kuma
Yaasir Carafaat?
Hadda
oo ay bariga dhexe ka taagantahay xaalad ba’an oo werwer ku haysa caalamka oo
dhan, kadib makii ay israa’iil duulaan ku gashay deegaanada ismaamulka
falastiin, waxaa sigaar ah uga dhex muuqda arrintan magaca hogaamiyaha reer
falastiin Yaasir Carafaat waxaana lagu tiriyaa carafaat shakhsiyadaha sal dhiga
u ah loolanka u dhexeeya carabta iyo Israa’iil ee uu magacoodu ka dhex muuqday
50kii sanadood ee u dambeeyey isaga oo weli magaciisa ku suntanyahay halganka
ay dadka reer falastiin ku jiraan, siaa darteed waxa aynu maanta soo
qaadanaynaa sooyaalkii taariikheed ee Yaasir Carafaat.
Si
dhab ah looma garanayo halka uu ku dhashay Maxamed Cabdi Ra’uuf Al-Qudwa oo
markii dambe ku caanbaxay magaca ah Yaasir Carafaat ama Abuu Camaar waxayse u
badantahay in uu ku dhashay qaahira 24kii Ogost sanadkii 1929kii, waxaana
aabihii ahaa ganacsade, sanadkii
1927kii ayaanu u qaxay magaalada Qaahira halkaas oo uu dagay.
Carafaat
hooyadii waxay dhimatay sandkii 1931kii isaga oo afar jir ah, aabihii ayaana u
diray Qudus halkaas oo uu ku garaadsaday kacdoonkii falastiiniyiinta ee
1936kii.
Sanadkii
1937 ayuu dib ugu noqday Qaahira oo uu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadda
isaga oo ka baxay kuliyadda injineernimada sanadkii 1951kii, kadib waxa uu
shaqo ka helay shirkad reer Masar ah, hasayeeshe intii uu wax baranaayay ayuu
aasaasay urru ay leeyihiin ardaydii reer falastiin ee wax ku baranaaysay Masar.
1956kii
waxa uu ciidamadda masaarida kala qayb galay difaacii weerarkii sadax geesoodka
ahaa ee lagu qaaday.
1958kii
ayuu u safray dalka Kuwait oo uu shaqo ka helay halkasayna ku aasaaseen isaga
iyo saaxiibkii Khaliil Al-wasiir (Abuu Jihaad) ururka AL-FATAX kaas oo uu ku guulaystay in uu ictiraaf uga
helo dalaka carabta iyo taageeraba , sanadkii 1965kii ayaana ururkaas
xafiiskiisii ugu hereeyey ka furtay Al-Jeeriya.
Magaca
Yaasir Carafaat waxa uu siweyn u soo baxay sanadkii 1967kii markaaso uu
horkacay hawlgalo nafih urenimo ah oo
ay falastiiniyiinta ku qaadeen ciidamada Israa’iil, sanadkii ku xigay ee
1968kii ayuu madaxweynihii hore ee Masar Jamaal Cabdi Naasir u aqoonsaday
wakiilka xaqa ah ee matala dadka reer falastiin.
Sanadkii
1969kii ayaa Yaasir Carafaat oo doortay hogaamiyaha rasmiga ah ee ururka
xoraynta reer falastiin (P.L.O) oo la aasaasay 1964kii.
Sanadkii
1974kii ayuu Carafaat khudbad taariikhi ah ka jeediyey golaha loo dhanyahay ee
qaramada midoobay, taasoo uu ku difaacay qadiyada reer falastiin iyo xaqa ay u
leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.
Intii
u dhaxaysay sanadihii 1978kii-1982kii ayey Israa’iil weeraro ku qaaday
saldhigyadii uu ururka xoraynta falastiin ku laha dalka Lubnaan taasoo keentay
inuu Carafaat ka baxo halkaasi isaga oo firxad ah.
Ka
dib waxa uu xarun ka dhigtay dalka Tuuniisiya halkaasoo ay ciidamada sirta ee
Israa’iil si gaadmo ah ugu dileen Khaliil Al-wasiir (Abuu Jihaad) oo ahaa
gacanta midig ee Carafaat, sanadkii 1986kii.
Sanadkii
1988kii ayuu ururka (P.L.O) ku dhawaaqay dawlad madaxbanaan oo ay
falastiiniyiintu leeyihiin waxa kale oo ay qireen xaqa ay Israa’iil u leedahay
jiritaankeeda.
Kadib
waxa bilaabantay wada hadalo sir ah oo u dhaxeeya falastiiniyiinta iyo
Israa’iil taasoo keentay inuu shaco heshiiskii labada dhinac dhexmaray sandkii
1993kii kadib markii uu 27 sanadood ku maqnaa mastaafurisdi basda ah ayuu
carafaat dib ugu noqday dhulkiisii hooyo bishii May 1994kii isaga oo madax u
noqday maamul hooseedka falastiin, doorasho madaxtinimo oo la qabtay 20kii
January 1996 kii ayuu Carafaat ku guulaystay isaga oo helay 83% codadkii la
bixiyeey u dhaxaysay labada dhinac waxa uu Carafaat galay xaalad adag taasoo
keentay inuu ku guulaysanwaayo dawlad-gaar ah oo ay falastiin yelato taasoo uu
mudo dheer ku taamayey.
Haatan
oo uu socdo kacdoonka ay wadaan dadka reer falastiin waxa ay Israa’iil qaaday
weeraro aar goosasho ah, Carafaatna waxa uu ku suganyahay xaalad godoomin ah
kadib markii ay ciidamada Israa’iil cagta mariyeen xaruntiisii Ramalah.
Waxaana
haatan la isweydiinayaa Carafaat hadii uu hore ugu badbaaday dagaalkii uu mudada
dheeer ku soo jiray, maka badbaadi doonaa haatan go’doominta lagu hayo?
……………………………………………………………………………………………
Fariinta Caafimaadka
Geed
Wadaniya oo Xal u Noqday Nabaad-guurka Qaarkii
Beeralayda
Beeraha ku leh dhulka Dooxyada leh, waxaa inta badan ku dhacda in Dooxu uu u
soo fido dhinaca beerta, taas oo keenta in dhulkii Beerta ee laga beeri jiray
cuntada ama khudrad faa’iido u leh dadka ay baaba’do oo ay Dooxa ku darsanto.
Beeralaydu
inta badan, waxay isticmaalaan habab kala duwan, Cagaf ay iskaga moosaan dooxa,
gabyin salag la isku taxay oo dhagax lagu guray ka kooban, si uu biyaha uga
weeciyo beerta si aan dooxu ugu soo fidin beerta, noocyadan aynu sheegnay ee
beeralaydu isticmaasho, si ay dooxa fidaya ugu joojiyaan may noqonin xal
joojiya Nabaad-guurka.
Beeralayda
qaar, ayaa hela qaab fudud oo kharash yar oo ay kula dagaalamaan Nabaad-guurka
biyuhu ay wadaan ee dooxyada, beeralaydaasi waxay ku beeraan geedka loo yaqaan
“Gobeys” dhinaca xiga beerta ee dooxa. Gobeysku, wuxuu leeyahay xidido awood u
leh in ay qabsadaan ciida oo aan dadku qaadi karin geedka iyo ciida uu ku
taagan yahay, halka uu geedaha kale haddii halkaa lagu beero uu faqo ciida uu
geedku ku baxayo daadku. Gobeysku, wuxuu samaystaa ciid tuul dhinaca xididka
ah, taas oo keenta in uu dadku ka leexdo beerta. Gobeysku, wuxuu leeyahay
faa’iidooyin kale sida; laamihiisa oo laga sameeyo salado, caleentiisa oo ay
xooluhu cunaan.
……………………………………………………………………………………………
Tamarta
Cadceedda (Solar Energy)
Ilayska
Cadceedda ee soo gaadha dhulka, maalin qudha waxa laga kaydin karaa Tamar ku
filan aduunka, dhinaca korontada iwm, muddo 15 sannadood ah.”
Waxaa
jira laba nooc oo ay hawadu u wasakhowdo oo kala ah; waxyaalaha ka samaysan
waraaqaha hadhaagooda marka la gubo iyo kan ka yimaadda gubashada, shidaalka
mishiinada, warshadaha, taas oo ku darta waxyaabo aan u fiicnayn Caafimaadka
dadka, hawada aynu neefsano, marka ay dhibaatadaasi korodhay ayaa la hawl-galay
sidii loo heli lahaa tamar kale oo la shito oo aan lahayn waxyeelada ay
mishiinada batrooka iyo naaftada ku shaqeeya ay hawada ku keenaan, sidaa
daraadeed meelo badan waxaa la isticmaala Tamarta ka dhalata iftiinka cadceedda
(solar energy).
Markaa
tamarta cadceedda oo loo bedelay Elekraric ay ku shaqeeyaan qalab badan oo
dadka faa’iido u leh, sida laydhka waxay noqotay farsamo qiimo ahaan jaban,
nadiif ah mar walbana la heli karo. Saynisyahanada ayaa hadda aad u raacsan,
isticmaalka tamarta qoraxda, waayo, ilayska qoraxda ee soo gaadha dhulka haddii
la keydiyo, waxaa ka soo bixi kara keyd tamareed oo ku filan dunida muddo 15
(shan iyo Toban) sannadood ah.
Dhinaca
kale, “Solar Energy” ma laha qiiqa waxyeelada leh ee hawada gala marka la gubo
dhuxusha iyo shidaalka (Batrool ama naafto), qiiqaas oo hawada markuu ku milmo
ee dadku neef ahaan u qaato ku keena dhibaato caafimaad. Dalal badan ayaa mar
horeba u baydhay isticmaalka Tamarta cadceeda “Solar Energy,” sida wadanka
Jabaan, sannadihii sideedtamadkii ilaa 2,000,000 (Laba milyan) oo guri, ayaa la
geliyay koronto laga keydiyay ilayska qoraxda. Isticmaalka ilayska Qoraxda,
wuxuu aad ugu haboon yahay dhulka hela iftiin qoraxeed oo joogta ah, sida
Somaliland.
..............................................................................................................................
Waadiga Ciyaaraha
Deisler
oo ka Baqdin Qaba inuu ka hadho Koobka Aduunka
Ciyaaryahanka
Sebastian Deisler, ayaa la filayaa inuu dib uga dhaco rajadii uu ka qabay ka
qayb-galka koobka aduunka, kadib markii u Jimcihii xiddiga Germany ka cawday
dhaawac tababar ku gaadhay Khamiistii. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hartha
Berlin oo dhawaan ka soo kabtay, dhaawac ruugga ka gaadhay.
Dhaawacani,
wuxuu dhacay iyada oo ciyaartoyga khadka kubadda ku laadayo goolka, dhakhtarka
Kooxda Ulrich Schleicher, ayaa si dhakhso ah u xaqiijiyay in ciyaartoyga
doortay Bayern Munich xagaaga soo socda uu ka cabanayo dhaawac bawdada ka
gaadhay.
Tababaraha
Hartha Berlin, Falko Gotz, wuxuu cadeeyay inuu dhaawiciisu mid xun yahay,
“Muruqaa kacay, waana halis dhaawaciisu, ugu yaraana saddex toddobaad ayuu
ciyaaraha ka maqnaan doonaa, sida darteed waxaan filayaa in aanu kulan keliya
ciyaari karin ka hor dhammaadka xilligan,” ayuu yidhi Gotz.
Dhaawacan
Deisler gaadhay, waa mid dhabar-jab ku ah Hertha iyo Germany labadaba, waxaa
kale oo horeba u dhaawacnaa Mehmet Scholl.
Tababaraha
Qaranka Jarmalka, Rudi Voller ayay Xaaladdu ku xumaan doontaa, haddii aan mid
ka mid ah labadaa nin ee fursadaha abuuraa u soo kicin, inta ka horaysa koobka
aduunka.
Deisler,
wuxuu garoomada ku soo laabtay laba toddobaad ka hor, kadib markii qalliin
lagaga sameeyay ruugga bishii Oktoobar, Markiibana wuxuu ciyaaray 90
daqiiqadood oo buuxa, kulankii ay Borusia
Dortmund 3-1 kaga adkaatay, kaas oo Sabtidii hore dhacay.
Waxa
haddaba lagama maarmaan ah, in Deisler soo kaco wakhtiga ka horeeya koobka
aduunka oo ay qabashadiisii, ka hadhsan tahay in ka yar laba bilood.
..................................................................................................................
Siduu ku
Bilaabmay Koobka Aduunka
53
Maalmood kadib, waxa wadamada Jabaan iy K. Kuuriya, si wada-jir ah uga furmaya
tartankii 17aad ee koobka kubadda cagta aduunka oo ay markii labaad ku
hirdamayaan wadamadii ugu badnaa ee si toos ah uga qayb-gala ciyaaraha
kama-dambaysta ah.
Tartantan
17aad ee koobka aduunku, wuxuu ku soo beegmay sannadkii 72aad ee taariikhdiisa.
Sida dad badani ka dheregsan yahay ciyaarta kubadda cagta, waa ta ugu xiisaha
iyo daawashada badan dunida, sida ay sheegayaan warbixinta laga soo diyaariyay
ciyaarta kubadda cagta in ka badan laba dalool tirada dunida ku nool, ayaa
daawata ciyaaraha kubadda cagta.
Haddaba,
ka hor inta aynaan guda-gelin maqaalkan oo hordhac u ah taxane, si xidhiidh ah
ugu soo bixi doona Bogga Ciyaaraha ee Wargeyska Haatuf, kaas oo
si faahfaahsan u daah-furi doona geedi socodkii ay soo martay taariikhda koobka
aduunku, balse aynu dib u jaleecno sida uu ku bilaabmay koobka aduunku, waana
tan:
Waxay
ahayd magaalada Paris, sannadkii 1904, markii ay timi fikradda ah in la sameeyo
urur isku xidha tartamada kubadda cagta, waxay markii ugu horaysay fikraddani
ka timi, laba nin oo Faransiis ah oo kala ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyay ee
FIFA yeelatay oo la odhan jiray Jules Rimet iyo Sarkaalkii Xoghaya guud noqday
ee Henri Delauney, labadan Nin ayaa in muddo ah daba socday fikraddaa. Muddo 20
sannadood ka badan oo hawshaasi socotay, kadib ayaa lugaha loo taagay dhismaha
koobka aduunka oo hadda ah ka ugu wanaagsan Ciyaaraha dunida ka jira.
1928
oo ku beegan laba sannadood ka hor, bilowgii tartankii ugu horeeyay ayay
shakhsiyaad xirfad yaqaano ahi ku qanceen in aanay fogayn wakhtigii la
dhaqan-gelin lahaa bandhigyada kubadda cagta oo maraya marxaladii ugu saraysay,
iyada oo xafladii furitaanka koobka aduunka ugu dambayntii la abaabulay.
Inkasta
oo wadamada Hungary, Italy, Holland, Spain iyo Sweden ay ku dedaalayeen
Marti-gelinta tartanka, haddana Uruguay oo haysatay horyaalka Olymipiga, una
dabaal-degaysay sannad-guuradii (100) ee ka soo wareegtay Xornimadeeda oo ku
beegnayd 1930, ayaa ku guulaysatay Marti-gelinta koobkii ugu horeeyay.
41
xubnood oo FIFA ah, ayay wadamada Yurub iska hortaageen muddo saddex toddobaad
ah Dooni ay ku socdaalayeen, xataa iyada oo garoon cusub ka dhistay Montevideo
oo weliba si xushmad leh Uruguay ugu deeqday in ay bixiso dhammaan kharashkii
socdaalka ku baxayay.
Ugu
dambayntiina, kooxihii ka yimi wadamada Faransiiska, Belgium iyo Yugoslavia
ayaa si gaar ah u doortay in ay u socdaalaan dhinaca Romania, halkaas oo ay
Brazil ka soo ururisay, iyaga oo dhexda ku soo jira.
Tartamayaasha
kale, waxay ka socdeen Argentine, Paraguay, Peru, Chile, Mexico, Bolivia iyo
Maraykanka. Dhammaan ciyaaruhu waxay ka dhaceen garoonka Montevideo, marka laga
reebo kulankii kama-dambaysta oo mar kale lagu celiyay garoonkii 1928 lagu
qabtay olympiga oo ay Uruguay ku guulaysatay.
Jules
Rimet, ayaa koobkii gudoonsiiyay Jose Nasazzi, iyada Uruguay-na maalmo waday
dabaal-deg, iyada oo dhinaca kalena magaalada Buenos Aires, Qunsuliyadii ay
Uruguay ku lahayd, dablay cadhaysani weerartay, sidaana waxaa ku bilaabmay koobka
aduunka.
Tartankaa,
waxa isugu soo hadhay Wadamada Argentine iyo Uruguay, kulankii kama-dambaysta
ahaana wuxuu ku dhammaaday 4-2 gool ay Uruguay ku adkaatay.
Xulka
Uruguay, waxaa u saftay Ciyaartoyda kala ah: Ballesteros, Nasazzi (Kabtan),
Mascheroni, Andrade, Fernandez, Gestido, Doradoz, Scarone, Castroz, Ceaz,
Iriartez.
Dhinaca
Argentine, waxaa kulankaa uga qayb-galay: Botasso, Della Torre, Paternoster,
Jevarito, Monti, Saurez, Peucellez, Varallo, Stabilez, Ferreira (kabtan),
Mevaristo.
Tartankaa,
waxaa tirada gool dhallinta ku guulaystay Stabile oo u dhashay Wadanka
Argentine, wuxuuna dhaliyay Sideed (8) gool.
Milan
(AP): Gudoomiye Ku-xigeenka ACMilan Adriano Galliani, waxaa dul saaran culays
lagu saarayo inuu wax ka qabto tababare Carlo Ancelotti, kadib markii Kooxda
Talyaanigu ku guuldaraysatay kulankii koowaad ee wareega kama-dambaysta ahaa oo
ay 4-0 ku dhirbaaxday Kooxda B. Dortmund.
Galliani
wuxuu uga digay Ancelotti in la rusqayn doono, haddii aan kooxdu u soo gudbin
ka qayb-galka tartanka, horyaalada Yurub oo ku eg ilaa kaalinta afraad.
“Waa
nagu waajib in aanu mustaqbalka dib u eegno, balse waanu sugaynaa ilaa shanta
May. Waxaa nala gudboon, bal in aanu dhawrno in kooxdu furdaamiso, gaadhida
kaalinta afraad, haddii aan taasi dhicin, waa in aanu ku dhaqaaqnaa sidii
Kooxda hormar loogu samayn lahaa mustaqbalka” Sidaa waxa yidhi Galliani.
Gilliani
oo ka hadlaya maalin kadib, aragtida uu ka qabo weeraryahanka reer Brazil ee
Marcio Amoroso oo dhaliyay saddex gool (hat-trick), qaybtii hore ee
ciyaarta ayaa sheegay in ay awooda saarayaan, sidii ay u damin lahaayeen
weerarkiisa marka la gaadho kulanka labaad ee Sansiro.
Gilliani,
wuxuu sheegay in ay adag tahay wax hadal ah oo la yidhaahdaa, maadaama 4-0
lagaga adkaaday; “Waa sax haddii layidhaahdo waa guul-darradii ugu xumayd ee ku
dhacda Milan, muddadii Berlusconi,” ayuu yidhi. “Taayirada dhammaadda waa
la-bedelaa, laakiin Milan waa in ay gaadhaa kaalinta UEFA Cup, iyo koobka
Talyaaniga, waxa kale oo aanu u baahanahay in aanu kaalinta afraad gaadhno”
“Waxaan qabaa in cid kastaana cannaanan karto, laakiin arrintu uma baahan
buun-buuni,” ayuu ku daray gudoomiye ku-xigeenku.
Bishii
hore, ayuu Ancelotti kalsooni ka helay guddida Kooxda markii ay 2-0 ku
garaacday Bologna; “Qof waliba waa dambiile, laakiin waxaan xaqiijinayaa in
Carlo Ancelotti uu tababare ahaanayo ilaa xilli-ciyaareedka soo socda.”
Guddoomiye
Ku-xigeenka Milan, wuxuu shir degdeg ah layeeshay dhammaan farsamo yaqaanada,
dhakhaatiirta iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan, kulankaasna waxaa lagaga
wada arrinsanayay, sidii loo heli lahaa habka ugu wanaagsan ee lagaga gudbi
karo dhaleecaynta lagu hayol
Gilliani,
wuxuu tilmaamay in is-bedel lagu sameeyo qaabka Kooxda sannadka dambe, wuxuuna
intaa ku daray in xilli-ciyaareedkani Kooxda ugu bilaabmay dhaawacyo.
Ancelotti,
wuxuu kaalinta tababare kala wareegay Fatih Terim bishii Nofember, hase yeeshee
wejiyo kala duwan ayuu kala kulmay xilli-ciyaareedkan. Milan kaalinta lixaad
ayay kaga jirtaa kala horaynta Sera A, waxayna 15 dhibcood ka dambaysaa Kooxda
ugu horaysa, waxayna shan dhibcood ka horaysaa Bologna oo ka buuxisay kaalinta
afraad ee lagaga qayb-galayo horyaalada Yurub.
Dhinaca
kale, Weeraryahanka reer Brazil, Marcio Amoroso oo saddex gool ka dhaliyay
Milan, wuxuu ka mid yahay ragga ay dayriyeen kooxaha Talyaanigu, wuxuu u soo
ciyaaray Udinese iyo Parma, ka hor intii aanu u haajirin dhinaca Germany.
Wargeysyada
ka soo baxa Talyaaniga, ayaa si ba’an u qaadaa dhigay mashaqada ku dhacday
Kooxda ACMilan, kuwaas oo qaar Wargeysyada ka mid ahi ay ku tilmaameen in
ciyaartoyda burburisay kooxaha, qaarkood ay yihiin kuwo ay kooxaha Talyaanigu
dayriyeen. Wargeyska maalinlaha ah ee Gazzetta dello sports, ayaa maqaal
uu arrintaa ka qoray wuxuu mawduuca uga dhigay sidan: “Ciyaaryahankii Parma
dayrisay, ayaa dumiyay dhalanteedkii ACMilan.”
Guud
ahaanba, afarta gool ee lagaga adkaaday ACMilan, waxaa ka dhaliyay Ciyaartoy
laga soo eryay kooxaha Talyaaniga.
....................................................................................................................
Odhaahda Akhristaha
Bayaan
Beelleed Laga Soo Saaray Gobolka Sool
Hargeysa
(Haatuf): Beel ka tirsan Beelaha Gobolka Sool, ayaa ku baaqday in
Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolkaasi, ay soo dhex-galaan oo wax ka
qabtaan colaad u dhaxaysa laba beelood oo deegaankaa ka tirsan. Sidaana waxa
lagu sheegay, Bayaan laga soo saaray Shir ay beesha Fiqi-shini (Hawiye) ee
Gobolka Sool ku yeelatay, meesha layidhaahdo Cagga-laaye oo ka mid ah Gobolkaa.
Bayaanka
laga soo saaray Shirkaas oo uu nasoo gaadhsiiyay, Mudane C/waaxid C/qaadir oo
beeshaa ugu jira Golaha Wakiiladdu, wuxuu u dhignaa sidan;
“Shir
ballaadhan oo ay yeelatay Beesha Fiqi-shini 12-27/March/2002, kaas oo ka dhacay
Cagga-laaye oo ka tirsan G. Sool, waxaa ka soo qayb-galay dhammaan dhinacyada
bulshada ee beeshaas.
Shirkaas
oo guud ahaan, lagaga hadlaayey arrimaha beesha, gaar ahaana Colaadda u
dhaxaysa Beesha iyo Beesha reer Cilmi Naaleeye ee deegaanka Adhi-cadeeye, taas
oo socotay muddo lix sanno ah.
Beeshu,
waxay go’aansatay in si nabad ah lagu dhameeyo Colaadda labada dhinac, iyadoo
beeshu dhinaceeda diyaar u ah, si kasta oo loo dhammayn karo Colaadda labada
beelood ee walaalaha ah. Sidaa daraadeed;
1.
Beeshu, waxay baaq ugu
soo jeedinaysaa Isimada, Cuqaasha iyo Culimaa’u-diinka reer Sool, in ay soo
dhex-galaan Colaadda labada beelood;
2.
Beeshu, Waxay Xukuumadda
Somaliland ka codsanaysaa in ay si dhakhso ah, wax uga qabato Colaadda labada
dhinac;
3.
Beeshu, waxay u mahad
celinaysaa dhammaan intii xilka iska saartay, dedaalkana u gashay sidii loo soo
af-jari lahaa Colaadda labada beelood.
......................................................
Taarikhda
Ururka SNM
Ururka
SNM waxaa la aasaasay 6 april 1981kii, waxaana
lagaga dhawaaqay magaalada London
Guddoomiyihii
ugu horeeyey ee ururkuna wuxuu ahaa Ahmed Jimcaale. Taas macnaheedu maaha in
halganka dadka reer Somaliland ay doonayeen inay kula soo noqdaan gobanimadeeda
ay bilaabanbatay 1981 kii, ee way ka horraysay waxaanay bilaabantay isla markii
uu dhacay isku darsigii bilaa sharciga ahaa ee dadka reer Somaliland ay arkeen
in xuquuqdoodii la duudsiyey oo ay afka uga galeen aar ay ku macaluulay. Taas
oo markiiba loola macaamilay sixun loona diiday xuquuqdii shacbinimo loona
baxshay magaca Khaldaamiin oo macnahiisu yahay kuwii waalaa ee aan fahansanayn
qiimaha ay dawladnimadu leedahay.
Waxaana
jirta in isla markii laysku darsaday
koonfurta Somaliya maalintii madoodbayd ee first july 1960kii. Ee reer Somaliland xornimadoodii hadiyada usiiyeen
koonfurta Somalia. Waajibkoodina la mariyey oo loogu abaal guday dil iyo dhac. Hadiyadna loogu soo
diray madaciifdii dadka lala dhacay, karaayaal iyo beebeeyadii dadka shacabka
jiidhay markii lagala lexejeclaystay xabadii lagu dhufanayey oo ka qiimo
badanayd nafta dhan ee qofka shacbiga ah ee reer Somaliland.
Marka
aan taariikhda dib ugu noqono waxay ahayd december 1961kii markii saraakiisha
milateriga ee Somalliland ay isku dayeen inay dhigaan inqilaab ay dib ugu soo
ceshanayaan xornimadoodii. Inqilaabkaas oo ka fashilmay lana xidhay nimankii
inqilaabka waday. Laakiin layska sii daayey markii lagu waayey kiiskii la waday
oo ahaa inay kala goynayeen koonfurta iyo waqooyiga. Sababta lagu sii daayeyna
waxay ahayd iyadoo ay ku dacwiyeen inaanay jirin wax sharci ah oo labada gobol
ku midoobeen. Ee xoog lagu qabsaday oo ay afduubeen dawladii Somaliland niman
siyaasiyiin ah oo jibaysani oo aan la tashan shacabka, ee bilaa sharci ugeeyey
calankii iyo dawladnimadii Somalilland koofurta Somaliya.
Ilaa
mudadaasna waxay dadwaynaha reer Somaliland geed dheer iyo mid gaabanba ugu
jireen sidii ay ula soo noqon lahaayeen madaxbanaanidoodii luntay. Waxaana
siidhkii xornimada ee 1961kii soo dedejiyey midhihiisii kacaankii dalka u
curtay 21 Oktober 1969kii oo
ujeedadiisu ahayd sidii loo cidhib tiri lahaa dadka reer Somaliland oo ay u
arkayeen inay ka cilmi badnaayeen marka loo eego koonfurta, isla markaasna
gacanta ku hayey dhaqaalaha dalka oo ay u arkayeen hujuum inay ku hayaan dadka
reer koofureedka ah. Waxay kacaankii seeftiisii markiiba la dhacay dadkii reer
Somaliland oo ay waxna xidheen, waxna laayeen, waxna dalka uga yaaceen. Taas oo dadkii waxgaranaayey ay uyaaceen
wadamada dibada gaar ahaana wadamada Jaamacada carabta oo markaas loo shaqo
tegi jiray.
Waxaana
in badani isugu tageen dalka Sacuudiga
badhtimihii iyo dhamaadkii
sanadihii
toddobaanaadkii. Halkaas oo laga sii amba qaday sidii loo samayn lahaa urur
mucaarid ah si aan madaxbanaanideena xoog ula soo noqono. Dabadeedna waxaa lagu
waday inay mudo qaadan doonto inta dadku u bislaanayaan halganka dhinaca ka
ahaa taliskii Barre ee la rabay in lagu xoreeyo dalka Somaliland.
Marka
laga reebo halgankaas dadka qurbaha joogaa horseedka ka ahaayeenm, waxaa isna
jiray dhaq dhaqaaq ba'an oo gudaha ka socday oo ay horseedayeen madaxdii
siyaasadda ee sare iyo saraakiishii ciidamada ee kasoo jeeday goboladii
waqooyi. Taasoo ay u dheereed kacdoon
shacbi oo balaadhan. Waxaa kale oo halganka shacbiga soo dhawaaeyey dagaalkii
77kii oo shacbigu ay reer waqooyigu ku ogaadeen tiradooda iyo tayadooda taas oo
ay ubadnaayeen madaxdii ciimada ee hugaaminaysay dagaalka, kana soo hooyay
guulo badan.
Waxaa
kale oo laga helay dagaalkaas waayo aragnimo, hub, iyo saanad badan oo lagu
dagaal degi karo. Waxaana iyana la dejiyey waqooyiga ciidamadii laga soo celiyey dagaalka oo wadhan weedhkii kula
dhacay dadkii reer shacbiga ahaa ee reer Somaliland oo si xun ula macaamilay
dadkii shacbiga ahaa oo xoolahoodii boobay, cadaadis badana saaray shacbigii
masaakiinta ahaa ee halkaas deganaa. Waxaa isna gaas iyo kabriid kusii qabtay
markii 1981kii looso bedelay Mr. Mohamed Xaashi Gaani oo ahaa taliyaha qaybta
lix iyo labaatanaad ama ahaa madaweynihii ex- waqooyiga Somaliya. Kaas oo awood
balaadhan Afweyne Barre usiiyeey inuu Gaani kasameeyo waqooyiga Somaliya wuxuu doono.
Islamarkaasna
waxaa markiiba waqooyiga lagu soo rogay xukun milateri( xukun deg deg ah) si
loogu sharciyeeyo dilkii iyo xasuuqii loogu talogay dadka. Kaas oo ay markiiba
dhibkiisa arkeen aqoonyahanadii reer Somaliland oo samaystay ururkii la odhan
jiray UFFO, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay shacabka dareensiiyaan dhibaatada uu
talisku ku hayo bulshada. Waxaa kaloo uu ahaa UFFO urur safamal oo bulshada
reer Somaliland ka caawiya dhinacyada daryeelka bulshada sida caafimaadka iyo
waxbarashada.Taas oo aw dawladii macangaga ahayd kaga jawaabtay dil iyo xadhig
ay u gaysatay dadkii howhshaas waday. Taas oo ay ardaydu kasameeyeen mudharaad
iyo kacdoon bishii februari 1982kii ee
ka dhacay magaalooyinka waa wayn ee Hargeysa iyo Burco.
Hadaan
dibu noqono taarikhdii SNM oo hada 21
jirsatay, waxay SNM markay ahayd 1982kii heshay ayidaad farabadan oo ay
ka heshay dadka shacbiga ah ee reer waqooyiga ah. Waxaa madax ka noqday ururka
sanadkii 1982kii Shiikh Yussuf Madar, waxaana xogahaye u noqday Hassan Aden
Wadadiid, waxaana la yimid si halganka looga bilaabo dalka Itoobiya. Isla sanadkaas waxaa baxay saraakiil ka tirsan
ciidamada xooga dalka Somaliyeed oo ku biiray ururkii SNM. Shantii sarkaal ee
ugu horeeyeyna waxaa la odhan jiray:-
1.
Aden Shiikh Mohamed "Shiine"
( oo ku shahiiday Jig jiga shirqool uu
afweyne
ugu dhigay 1997kii)
2.
Ahmed Dhagax( alle haw naxariistee ku shahiiday dagaalkii Hargeysa
1988kii)
3. Aden Saleban Cali ( ku shahiiday howlgal sanadkii 1990kii)
4.
Mohamed Cali( ku shahiiday Burco dagaalkii
gudagalka ee 1988kii)
5. Mohamed kahin Ahmed( wuu noolyahay jooga
Burco Somaliland.)
Ururka SNM ee maanta 21 jirsaday waxaa uu
dhabeeyey riyadii ay badan dadka reer Somaliland ku riyoon jireen ee ahaa inay
lasoo noqon doonaan xornimadooda.
Ururku wuxuu hada jiray 10 sanadood ee ugu horeeyey dagaal balaadhan oo isugu
jira mid siyaasadeed iyo ciidanba waxaana si ba'an utaageeray dadka horusocodka
ah ee Somaliland iyo koonfurta Somaliyaba.
Ururku
wuxuu bilaabay dagaalka iska horimaadka ah sanadkii 1982kii oo ahayd markii ay
ku biireen saraakiisha iyo ardaydu, ka yaacday nidaamkii hore ee dalka ka jiray
oo waxna naftooda la yaaceen, kuwo kalena ay u tageen si ay ugu xoojaan
halgankii shacbi ee lagu jiray. Waxaana marba marka ka danbaysa sii
xoogaysanayey ururkii SNM. Muddadii ka horraysay 1982kii waxaa SNM ay ku
dagaalamaysay habka dublumaasiga ah ama i(dealogy) waxayna ku mashquulsanayd in
dadka shacabka ah u sharaxo dhibaatada iyo dulmiga lagu hayo oo ay xaq u leeyihiin
inay iska xoreeyaan.
Waxaana
halgankii SNM sii siyaadiyey oo gaas kusii qabtay nidaamkii millateri ee jiray
sii laban laabay caabintii iyo dulmigii kuna darsaday kuwo cusub oo is yidhi
gacan wax kaga qabo oo wada tir tirba beelo kamid ah Somaliland, taasna waxay
keentay in dadkii ay si deg deg ah ugu
bislaadaan
inay dagaal af iyo adinba leh kala soo horjeestaan nidaamkii markaas jiray.
Ciidamadii
SNM oo la odhan jiray Mujaahidiin waxay mudo laba sanadood ah oo ahayd
82kii-83kii ku dagaalamayeen dagaalka dhuumaalisiga ah ee loo yaqaan (
Guerrilla war), iyagoo dagaalkaas kasoo hooyey guulo farabadan uguna geysteen
qasaare balaadhan iyo burburba taliskii Afweyne Barre. Dagaalkaas dhumaalaysiga
ah waxaa dagaalyahamiintu ka fuliyeen goboladadalkii Somaliya la odhan sida koonfurta, waqooyi, iyo gobolada
dhexeba. Waxaana hawlgalkaas ka mid ahaa kuwii isdabajooga ahaa ee ay ku
qaadeen ciidamadii daacadda u ahaa taliskii afweyne Barre ee fadhiyey xuduudaha
u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia. Waxaana ururku kasoo hooyey guulo farabadan.
Ururka
SNM waxaa uu weerari jiray shakhsiyadaha ama meelaha uu cadowgu fadhiyo ee
shacbiga lagu dhibo, waxaana ay warbixinta ka heli jireen shacbiga Somaliland.
Halgankaasina wuxuu ahaa mid loo kala hadhin shiikh iyo shariifba. Waana mid
loo huray naf iyo maalba, iyadoo la dhaafsaday
xornimada
iyo dawladnimada aan maanta ku noolahay. Waxaana halgankaasi uu noqon doonaa
mid lama ilaawaan ah oo ay xusi doonto taariikhdu inta uu dunida ku nool yahay
qof reer Maandeeq ahi.
Waxaa
kaloo kamid ahaa hawlgaladii laga fulin jiray dalka gudihiisa sida
magaalooyinka waaweyn, waxaana ugu caansanaa jebintii jeelka Mandheera oo
dhacday bilawgii januari 1983kii. Hawl galkaas oo uu qaban qaabiyey mujaahidkii
waynaa ee Mohamed Xaashi "Lixle"(
alla hawnaxariistee wuxuu ku shahiiday hawlgalkii Burco Duuray 1984kii) waxaa
uu xabsiga mandheera ka jebiyey oo kasaaray dhamaan maxaabiistii halkaas ku
xidhnayd oo dhan una badnaa kuwo loo haysto arrimo siyaasadeed ama qabiilka ay
yihiina.
Waxaa
kale oo kamid ahaa hawlgalka caanka ah jebintii jeelka Birjeex oo laga soo
saaray mujaahid Cabdillahi Askar (still alive Somaliland represantive in
Ethiopia) oo halkaas ku xidhnaa. Hawlgalkaas waxaa qaban qaabiyey mujaahid
Ibrahim Koodbuur( alla hawnaxariiste waxaa uu dhintay xanuun kaneeco sababtay
1987kii dhamaadkiisi), waxaana ay ku guulaysteen inay jeelkii birjeex oo ahaa
meesha ugu ilaalada badan dalka ay kala baxaan mujaahid Cabdillahi Askar.
Hawlgalada
ay dagaalyahamiintii SNM ka fuliyeen dalka gudihiisa tiro laguma koobi karo
waxaa kale oo ka mid aha weeraro dil
qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen daaquudyada shacbiga dhiba oo kaligii taliyihii uu carbiyey darajadana
usiiyey inay dadka ku dhibaan. Waxaana ka mid ahaa kuwaas dilkii Kornayl Ahmed
Aden ( dhamaadkii1986kii) oo ahaa taliyaha nabadsugida ee gobolada waqooyi.
Waxaa kale oo ka mid ahaa cabdrixman Xoog oo ahaa taliyaha gaaska koowaad ee
qaybta 26naad iyo kuwo kale oo badan.
Taariikhdu
markay ahayd badhtamihii sannadkii 1983kii waxaa ururka SNM noqday mid xoogan
oo ka dhisan dhinaca ciidamada. Qalabka ciidamada iyo hubka Tiknikada ahba
waxay ka furteen ciidamadii dawladda. Waxaana ururku sameeyey inuu weeraro
badheedh ah ku sameeyo ciidamadii taliska Barre.Waxaana ururku taageero hagar
la'aan ah ka helay dadka shacabka ah ee degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Inkastoo
dagaalkaas ay hurmood ka ahaayeen dagaalyahamiintii SNM hadana halganku wuxuu
ahaa mid shacbi oo aan loo kala hadhin. Waxaana ururka marba marka ka danbaysa
kusoo biiraayey dad farabadan oo u
adkaysan waayey dilka iyo dhaca lagu hayo shacbiga. Waxaana hogaanka qabtay
sannadkii 1983kii madaxdii Ciidamada waxaana ururka guddoomiye ka noqday Col.
Cabdulkadir Koosaar( Waxaa lagu dilay Magaalada Mustaxiil 1987kii isagoo usocda
hawl ururku leeyahay). Waxaana ku xigeen ka noqday Aden Shiine( Waxaa lagu
dilay shirqool magaalada Jig-Jiga sannadkii 1987kii). Halka uu xoghaye ka
noqday Mohamed Kahin( Still alive in Burao SL).
Runtiina
intii madaxda ciidamadu maamulka hayeen waxaa ay soo hooyeen guulo badan,
waxaana taariikhda ugashay inay madaxdiisi ahayeen kuwii ugu horreeyeen ee
caawimo ka keena dal aan ahayn Itoobiya. Waxaana dawladdii hore ee
Hantiwadaagga ahayd ee dalka Yementa Waqooyi( Cadan)ay ku caawisay qorigii la
odhan jiray Nuur madoobaha.
Sannadkii
1984kii waxaa sii xoogaystay awoodii SNM markii uu ururka ku soo biiray Cali
wardhiigle( alle hawnaxariisto wuxuu
ahaa aasaasihii USC) oo noqday xogahaya ururka markii Guddoomiyaha loodoortay
Ahmed Mohamed Siilaanyo( oo ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeeraa ee
hoggaansha ururka). Waxaana SNM uu suurtagashay inay halganka gaadhsiiyaan
gobolada dhexe oo saldhig ku lahaayeen Mustahiil iyo koonfurta Somaliya oo
saldhig ka furteen Doolow. Taas oo ay SNM dhinac kasta dab kaga furtay taliskii
hore ee Afweyne Barre.
Dabayaaqadii
1984kii waxay dagaalyahamiinta SNM weerar balaadhan ku qaadeen ciidamadii
cadowga ee deganaa waddanka gudihiisa. Waxaana dagaalo ba'ani ku dhex mareen
dagaal yahanka iyo taliskkii Barre buuralayda
Somliland ee Golis Range loo yaqaan. Waxaana cutubyo uu wato mujaahid
Ibrahim Dhegawayne (still alive in
Berbera) ay galeen buuralayda udhaxaysa Shiikh iyo Berbera waxayna xidheen
wadamada laamiga ah ee isku xidha jidka laamiga ah ee shiikh iyo Berbera.
Cutubyo
kale oo uu wato Mujaahid Mohamed Kahin waxay galeen buurta meesha loo yaqaan
Marriye. Halka cutubyo kale oo uu watay
Cabdillahi Askar( still alive in Addisaba) ay ka galeen buuralayda Illimaha loo
yaqaan ee udhaxaysa gobolka waqooyi galbeed iyo gobolka Awdal.
Intii
ka danbaysana marba marka ka danbeeya ayay sii xoogaysanaysay SNM, ilaa inta
laga gaadhaayey sanadkii 1988kii oo ahayd sanad guulka ah dhinac , dhinaca
kalena aan ka qaxnay, xasuuq lagu sameeyey dadkii shacbiga ahaa. Taas oo ka
dhalatay markii uu taliskii Barre ubabac dhigi kari waayey awoodii SNM buu si
kedis ula heshiiyey madaxweynihii Ethiopia Mr. Mingisto Haile Mirjam.
Sheekadaas oo dhan waxay inoo iman doontaa xilligeeda oo ah 27kii may 1988kii
markii SNM gashay magaalooyinka waaweyn ee lasoco 27 may ee soo socda hadii
alla ka
dhigo.