SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 60-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 60, April 9, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Iskaashinga Jaamacadda UNISA iyo Jaamacadaha Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, ayaa sheegay in Jaamacadda Koonfur Afrika ee loo yaqaan UNISA iyo Jaamacadaha Somaliland oo ka kooban Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ay iska kaashanayaan dhinaca Waxbarashada Sare.

 

War-saxaafadeedku, wuxuu kaloo sheegay in Iskaashigani uu bilowday, kadib markii uu dhawaan soo gaba-gaboobay qoraalkii is-fahamka ee Jaamacadda UNISA iyo Jaamacadda Camuud oo fure u ah bilowga iskaashi, muddo dheer ah oo dhexmara Jaamacadda South Afrika iyo Jaamacadaha Somaliland ee dhinaca Waxbarashada Sare “Heer Jaamacadeed.”

 

“Arrintani, runtii waa taariikh ilaa intii ay dhaceen nidaamyadii Midab Takoorka iyo kii Siyaad Barre, waa markii ugu horeysay ee Hay’ad Waxbarashada Heerka Sare ah oo Koonfurta Afrika ahi ay  heshiis la gasho Hay’ad Soomaaliyeed, waxaan rumaysanahay in kani yahay natiijadii ka soo baxday cabirka koraya ee xidhiidhka Koonfurta afrika iyo Somaliland.” Sidaa waxa yidhi, Mr. Iqbad Jhazbay oo ka tirsan Jaamacadda UNISA.

 

Prof. Suleyman Axmed Guleed oo ah madaxa Jaamacadda Camuud, ayaa isna yidhi; “Jaamacadda UNISA ee Koonfurta Afrika, waa Jaamacadda ugu weyn waddanka Koonfur Afrika. Waxaa kale oo “UNISA” ay ka mid tahay Tobanka (10) Jaamacadood ee Dunida ugu baaxadda weyn, waana Jaamacad muhiimad la xidhiidhka Jaamacado xul ah oo ku yaalla Afrika, xidhiidhkaas oo qayb ka ah soo nooleynta Mashruuc la yidhaahdo “NEPAD” (New Partnership for African Development), “Danwadaagta Cusub ee Horumarinta Afrika” wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi, sida uu qoraalku sheegay; “Waxaanu Rumaysanahay in ay tani si guud u soo dhamaystirayso in aan gaadhno bartilmaameedkii aanu hiigsanaynay, waxaanu sugaynaa rajo wanaagsan oo ah in aanu is-dhaafsano aqoonyahano ah Macalimiin iyo Cilmi-baadhayaal.” Iyadoo heshiishkaas la tixgalinayo, waxaa Somaliland booqasho ku iman doona bisha May, Mr. Iqbal Jhazbhay oo ku takhasusay Siyaasadda iyo Cilmi-baadhisteeda, gaar ahaan gobolada Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Barashada Islaamka, waxaanu booqan doonaa Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa.

……………………………………………………………………………………………………….

 

 

Kibaar Restaurant: Hudheel Cusub oo laga Furay Hargeysa

 

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu furayay Hotel cusub oo la magac baxay “Kibaar Restaurant” iyo goobo kale oo ganacsi oo weheliya, ayaa habeen hore lagu qabtay dhismaha Xarunta Hargeisa Business Center oo ku yaalla Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan oo ahayd casho sharaf, waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale, Madaxda Rugta Ganacsiga Somaliland iyo marti-sharaf kale oo badan.

Mulkiilaha Kibaar Restaurant, Faysal Yuusuf Axmed (Kibaar) oo Saxaafadda ugu waramay xafladii cabashada, ayaa sheegay in Hoteelkan laga samayn doono dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka Caanka ah ee Dunida oo si casri ah loo samaynyo, waxaanu intaa ku daray in ay raacsan yihiin qaybo kale oo kala ah; Farmasi loogu talo-galay daweynta Ilkaha iyo Cafeteria ay yaallaan noocyada kala duwan ee Sharaabka iyo cuntooyinka fud-fudud.

Waxaa iyaguna xafladdaa goob-joog ka ahaa, koox kubadda cagta ah oo ku ciyaari doonta magaca Kibaar Restaurant.

…………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

Badheedhaha Wargeyska

 

 

 

Hargeysa Biyo ayay u baahan tahay

 

Xaaladda biyaha ee magaalada Hargeysa ayaa ah mid werwer weyn ku haysa bulshada, kadib markii ay soo jiitantay biyo yaraan soo noqnoqotay oo ilaa waqtigan xaadirka ah taagani. Biyo yaraantaa aawadeed waxay Sabtidii dadweyne oomani la hortageen mudaharaad xarunta wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo xafiisyo kale oo dawladdu leedahay, kuwaas oo ka cabanayay biyo la’aan.

 

Mas’uuliyiinta wakaaladda Biyaha Hargeysa ee xilligan iyo kuwii hore ee soo marayba marar badan oo ay ka hadleen sababaha biyo yaraanta, qodobada ay u aaneeyeen ama ay ku tilmaamaan inay biyo yaraanta keenaan waxaa ka mid ah; cillado farsamo oo dhinaca mishiinada biyo-soo-saarka ka timaada.

 

Hay’adaha dawladda oo aan iska xil-saarin bixinta kharashka biyaha, sidaa aawadeedna ay muddo dheer isku gaadho lacagtu qaarkood, taasina ay wax u dhinto dakhliga wakaaladda.

Biyaha soo baxa iyo bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa o kala badan. Waxaanay tilmaameen mas’uuliyiinta wakaaladdu dhawaan mar ay ka hadlayeen biyo yaraanta in hannaanka biyo soo saarka shaqeeyaa uu yahay mid loogu talogalay dad gaadhaya 300-kun oo qof, haddana ay Hargeysa ku dhaqan yihiin dad saddex-laab ka badan tiradaa hore. Taasina ay dhalisay in dadku ka bataan biyihii soo baxayay.

 

Sababaha had iyo goor mas’uuliyiinta dhinacooda ka yimaada ee ay u sibir-saaraan inay biyo yaraanta keenaan marka laga tago, waxaa mararka qaarkood soo baxayay in sababuhu intaa ka badan yihiin, oo waxaa jira xogo soo noqnoqday oo sheegaya in qaybo biyaha yar ee soo baxa ka mid ah loo leexiyo dhinaca waraabka beero ku yaala degaanada ceelasha biyaha u dhow-dhow, mas’uuliyiinta maamulka wakaaladduna ay og yihiin taas. Hase yeeshee, maareeyaha wakaaladda Biyaha laftiisa ayaa arrintaa ku tilmaamay mid aan jirin. Si kastaba arrintu ha ahaatee, haddana meesha kama madhna weli tuhunada noocaas ahi.

 

Haddaba, sabab kastaba haloo cuskiyee waxaa muhiim ah in la daboolo foogooyinka bannaan, iyo cilladaha gundhiga u ah biyo yaraanta, isla markaana waxaa lama huraan ah in biyaha yar ee soo baxaa ay noqdaan qaar loo qorsheeyo oo keli ah bulshada tirada badan ee magaalada.

Dhinaca kalena, waxaa la gudboon dawladda inay u hawlgasho sidii ay u raadin lahayd hannaan lagu ballaadhinayo awooda biyo soo saarka Hargeysa.

………………………………………………………………………..

 

 

Xubnaha Ganacsato iyo Aqoonyahano ah oo Soo Jeediyay In Wakaaladda Biyaha Berbera lagu Wareejiyo Rayidka

 

Maamul Cusub oo Loo Magacaabay Wakaaladda Biyaha Boorama

Berbera (Haatuf): Kulan lagaga arrinsanayay sidii Siyaasad cad loogu samayn lahaa biyaha magaalada Berbera, loona ilaalin lahaa tayadooda Caafimaad, dadkana looga siin lahaa qiimo ay awoodaan, ayaa lagu qabtay Guriga dawladda ee magaalada Berbera, kaas oo ay ka qayb-galayaashii qaarkood ka soo jeediyeen in Wakaaladda lagu wareejiyo dad rayid ah.

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir, kulankaas hadal uu ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud, wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in dadku helaan biyo Caafimaad qaba, qiimahoodana ay bixin karaan. Waxaanu intaa raaciyay in loo baahan yahay, Siyaasad Cad oo dhinaca biyaha ah, taas oo qeexaysa nidaamka hawl-gudashada biyaha nadaafadooda, waxaanu dalbaday in kulankaa lagaga dodo, sidii Wakaaladda Biyaha Berbera looga dhigi lahaa Macaash-raadis waara, ayuu yidhi.

 

Madaxa Hay’adda lagu magacaabo THW oo ah, Hay’ad Ajnabi ah oo dawli ah, maalgelisayna mashruuc ka socda magaalada Berbera oo dhinaca biyaha ah, Mr. Kalos ayaa isna hadal uu kulankaa ka jeediyay ku baraarujiyay ka qayb-galayaashii dooddaa in ay ka faa’iideeyaan fursadda.

 

Kulankaas oo ay ka qayb-galeen soddoneeyo xubnood, waxay xubno ganacsato ah iyo xubno aqoonyahano ah oo ka qayb-galay soo jeediyeen in Wakaaladda Biyaha Berbera, laga dhigo mid madaxbannaan oo Shacbiga lagu wareejiyo Maamulkeeda, si ayay yidhaahdeen uu macaashka biyuhu isu buuxiyo, loona sameeyo qawaaniin adag iyo shuruuc dawli ah, Maamulka dawliga ahina uu ahaado mid kormeera.

 

Warku, wuxuu intaa ku daray in kulankaa aanu wax go’aan ahi ka soo bixin, balse la filayo kulan kale oo arrintaa ku saabsani inuu qabsoomo bishan gudaheeda. Dhinaca kale, waxa la sheegay in ay hore u jireen xubno ganacsato ah oo u ololaynayay, sidii Wakaaladda Biyaha Berbera loogu wareejin lahaa.

 

Dhinaca kale, Mareeyihii Wakaaladda Biyaha Boorama Maxamuud Nuur Suldaan, ayaa xilkii laga qaaday, waxaana Maareeyaha cusub ee Wakaaladdaa loo magacaabay inuu noqdo, Maxamuud Xuseen Maxamed oo laba sanno ka hor iska casilay jagadaas. Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamuud Cumar, waxaa shalay lagu qabtay magaalada Boorama Xaflad ay xilka kula kala wareegeen, Maareeyihii hore iyo Maareeyaha cusub.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

Olole Fayo-dhowr oo Dawladda Hoose ku qaaday Maqaaxiyaha Hargeysa

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Koox ka socotay Dawladda Hoose ee Hargeysa Qaybta Fayo-dhowrka, ayaa shalay ka hawl-galay Maqaaxiyaha ku yaalla Faras magaalaha Hargeysa.

Kooxdan oo laba ka mid ahi siteen, dharka Cad-cad ee dirayska u ahaan jiray Waaxda Fayo-dhowrka ee Dawladda Hoose, waxay shalay Gaala-bax shaqo ah ka wadeen badhtamaha Hargeysa, iyagoo ururinayay weelka aan ku haboonayn in lagu ganacsado, sida Koobabka, Suxuunta, Dugsiyada, iwm.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

 

 

Kulan Dhexmaray Xarunta Ilaalinta Dimoqraadiyadda Maraykanka iyo Ururada Mucaaridka Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Sarkaal ka socday xarunta lagu magacaabo Ilaalinta Dimoqraadiyadda (NAD) ee dalka Maraykanka oo socdaal dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, ayaa shalay la kulmay ururada Mucaaridka.

 

Kulankaas hadal uu ka jeediyay, wuxuu ku sheegay Mr. Dave Peterson in Somaliland ay tahay dal ay ka jirto Dimoqraadiyad dhab ahi; “Waxaad tihiin wadan ay ka jirto dimoqraadiyad dhab ah oo aan ka jirin Afrika iyo hareeraheeda toona,” ayuu yidhi. Ururada Mucaaridka Somaliland, waxay weydiiyeen Sarkaalkaa bal in Xaruntoodu, wax kala qaban karto arrimaha doorashooyinka iyo in kale, waxaanu Mr. Peterson sheegay inuu tallo kula noqon doono Xaruntooda. Wuxuu intaa raaciyay in xaruntoodu la kulanto, labada Xusbi ee Maraykanka wada-hadalna ay kala yeeshaan doorashooyinka.

 

Xarunta Ilaalinta Dimoqraadiyadda ee dalka Maraykanku, waxay axsaabta Siyaasadda ka caawisaa qaabka doorashooyinka iyo kharashka doorashadaba, Wadamada qaarkoodna, waxay ka caawiyaan tababarada iyo tayaynta Laybeeriyada.

 

Sarkaalkan ka socday Xaruntaasi, intii uu joogay Hargeysa, wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyo kala duwan, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen kulamo uu layeeshay Baarlamaanka, ururada Mucaaridka iyo ururka Xuquuqda Aadamiga ee Samo-talis.

Mr. Dave Peterson oo dalka yimi Khamiistii, shalay ayuu ka dhoofay Madaarka Hargeysa.

…………………………………………………………………………………………………………………...

 

Laascaanood iyo Muuqaalkeedii u Dambeeyay

 

 

 

 

Calanka saddexda midab iyo diddigta madow lah ee Somaliland oo ka babanayay bir dheer, meel fogna ka muuqanayay ayaa ah astaan muujinaysa waxoogaa is-beddel iyo horumar ah oo ku soo kordhay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, bilihii tegay.

Markii hadda ka horraysay ee aan tegay Laascaanood waxay ahayd bishii January, 2002 oo ah waqti iminka laga joogo ilaa saddex bilood, mana jirin meel uu ka muuqanayay calanka Somaliland, iyo haykal dawladeed midna. Laakiin goobta calanku sudhnaa ayaa iyana waxa ku suntanaa xarunta guddoomiyaha gobolka Sool. Inkasta oo nasiib-darro muddo 24 saacadood ah oo Axaddii toddobaadkan aan joogay magaaladaas ay alaabadu u xidhnaayeen xafiiskaas, wax shaqo ahina aanay ka soconin.

 

Waxaana la ii sheegay in guddoomiyaha gobolka iyo maayorkuba ay ka maqan yihiin magaalada oo ay kormeer ku tageen Caynabo oo ka tirsan gobolka.

 

Magaalada Laas-caanood inta badan gobolka ay xukunto ee Sool ayaan maamulka Somaliland si mug leh uga hana-qaadin, isla markaana maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo gobolku baasha ku hayo ayaa bilaabay inuu ku andacoodo gobolkaas sannadkii 1998-kii, waxaana magaaladaas Laas-caanood gudaheeda isku dugsanayay sanadihii u dambeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland, ciidamo iyo laba calan (ka Somaliland iyo Somaliya).

 

Hase yeeshee, muddadii aan joogay Laas-caaanood ma arag meel uu ka taagan yahay calankii Soomaaliya oo astaan u ah maamul-goboleedka Puntland. Badhasaab uu gobolkaas u soo magacawday maamulka Jaaamac Cali Jaamac ee Puntland, ayaa la ii sheegay inuu ku maqan yahay magaalada Boosaaso oo xarun u ah maamulka. Laakiin, tuulada Guumays oo ku taala laamiga isku xidha Burco iyo Laas-caanood una dhexaysa Caynaba iyo degmada cusub ee Yagoori ayaa weli waxa iska barbar shaqeeya kastam uu halkaas ka samaystay maamulka Sool ee Puntland raacsan iyo bar kontorool oo Somaliland ah, waxaana kala sudhan labada calan.

Badhasaabka gobolka Sool Faysal Cali Warsame oo aan kula kulmay magaalada Caynabo soo noqodkaygii ayaa muujiyay sida uu ugu hanweyn yahay inuu muranka ka saaro gobolka Sool, gebi ahaana uu maamulka Somaliland ka hirgeliyo.

 

Faysal, waxa uu xilka kala wareegay Badhasaabkii hore Amiir Digaale dhawr bilood ka hor, waxaana uu sheegtay waxoogaa guul ah inuu ka gaadhay hirgelinta maamulka.

“Xaruntii gobolka Sool ee Laas-caanood ee aad ka timi waad aragtaa heerka ay maanta taagan tahay in haykalka dawladnimo ee Somaliland ka muuqdo,” ayuu yidhi, waxaana uu raaciyay; “Waxaan qoladiinan saxaafadda iyo kuwa kaleba u ballan-qaadayaa in aan tuso in degmo walba oo ka tirsan gobolkan uu calankii Somaliland ka taagan yahay.”

 

Mar aan weydiiyay Badhasaabka in uu isagu tegay degmooyinka oo dhan, waxa uu yidhi; “Waan soo maray degmooyinka oo dhan, waxa ugu dambaysa Caynaba, intii horena waxaan soo qodax bixinayay degmooyinka kale.”

“iminkana xadhig-jiidkii wuu dhammaaday,” ayuu raaciyay.

Dhinaca nabadgelyada magaaladu way nabdoon tahay, wax dhibaato ahina kama taagna, waxaadse arkaysaa oo iyana iska caadi ah dhallinyaro hubaysan oo qoryaha fudud kula dhex laafyoonaysa dariiqyada magaalada.

“Inkastoo ay la mid tahay gobllada kale ee dalka, haddana waanu ku jirnaa hawshaas dhawaana wax waanu ka qabanaynaa,” ayuu yidhi Faysal, isaga oo ka jawaabaya arrinta hubka.

“waxaanse leeyahay Laas-caanood waa guri nabadgelyo oo u furan adduun weynaha gaal iyo muslim-ba. Ninkii u baahana aniga ayaa geynaya meeshii uu doono ee ka tirsan gobolka,” ayuu raaciyay.

 

Waxa iyana ah dhibaato gaadiidleyda iyo socotada haysata oo ay wadaagaan labada gobol ee Sool iyo Togdheer kontoroolada tirada badan ee yaala jidka isku xidha Burco iyo Laas-caanood oo gaadhaya 19 kontorool oo ay ku jiraan kuwo sharci-darro ah.

 

Badhasaabka Mr. Faysal oo uu weheliyo maayorka Laas-caanood, waxa uu sheegay inay muddo afar maalmood ah ku sugnaayeen Caynabo, halkaas oo uu sheegay inay ka fureen gurigii martida ee gobolka, arrimaha ay u socdeena ay ugu waaweyn yihiin isku-xidhka maamulka degmooyinka gobolka, adkaynta cashuuraha, iyada oo lala dagaalamayo kootara-baanka iyo nabadgelyada.

Xagga siyaasadda marka la eego, waxa muuqday waxoogaa dhaqdhaqaaq ah oo ay bilaabeen wefti ka yimi Nayroobi oo u socda xallinta mushkiladda maamul-goboleedka Puntland, oo ay taladiisa isku hayaan Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac.

 

Ergadan oo in muddo ah ku shirsanaa Nayroobi, waxa la sheegay inay kulamo la yeesheen Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan wax-garadka gobolka.

Badhasaabka gobolkuna waxa uu ii sheegay in ergadaasi ay gobolka soo gaadheen afartii maalmood ee uu ka so maqnaa, wax war ahna aanu ka hayn.

……………………………………………………………………………………………………………..

 

 

Ascaarta Saliida oo Sare u Kacday, markii ay Ciraaq hakisay Wax soo saarkeeda

 

Baqdaad (W. Wararka): Qiimaha Saliida, ayaa sare u kacay kadib markii uu Madaxweynaha Ciraaq ku dhawaaqay in ay joojinayaan muddo bil ah, iyaga oo ugu hiilanaya Shacbiga reer Falastiin ee ay Israa’iil ku hayso falalka Waxashnimada ah.

 

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Sadaam Xuseen, waxa uu markiiba saamayn xoog leh ku yeeshay Suuqyada ganacsiga Saliida oo uu qiimaheedu sare u kacay ilaa $1.36 doollar, qiimaha Foostaduna wuxuu gaadhay $27.35 doollar.

 

Dalka Ciraaq oo ah ka labaad ee ugu kaydka badan aduunka, waxa la sheegay inuu soo saaro 4% wax-soo-saarka Saliida aduunka, waxaanay tani werwer ku dhalisay Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah ururka OPEC oo bilaabay wada-tashi deg-deg ah oo ay ka leeyihiin, tallaabadii lagaga hortagi lahaa waxyaalada ay leedahay tallaabadan lama filaanka ah ee uu qaaday Madaxweyne Sadaam Xuseen, Khudbad uu jeediyayna waxa uu ku sheegay in ay tallaabadan u qaadeen, si ay dhibaatadu u gaadho kuwa dhibaatada ku haya dadka Falastiiniyiinta ah iyo guud ahaanba dalalka Carabta.

 

Dalka Iiraan, ayaa isna hore ugu baaqay in ay dalalka Islaamku ku aargoostaan, Saliida oo ay ka gooyaan kuwa taageerada siinaya Israa’iil.

………………………………………………………………………………………………………………

 

 

Xaaladda Bariga Dhexe Iyo Booqashada Colin Powell

 

Rabaad (W.Wararka): Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Colin Powell, ayay u bilaabantay booqasho uu ku marayo dhawr dal oo ka tirsan gayiga Bariga Dhexe, lugtiisa ugu horaysa ee socdaalkiisana waxa uu shalay ka bilaabay booqasho uu ku tegay Caasimadda dalka Marooko ee Rabaad, halkaas oo uu kula kulmayo Boqorka Marooko, Maxamedka Lixaad iyo Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Amiir Cabdalla Binu Cabdulcasiis oo haatan booqasho gaar ah ku jooga Marooko. Kadib, waxa uu booqasho ku tegi doonaa Caasimadda dalka Isbayn ee Madrid, kadibna waxa uu u sii dhaafi doonaa dalalka Masar, Urdun, iyo Israa’iil oo lagu wado inuu gaadho maalinta Jimcaha, waxaase la sheegay in aanay qorshaha ugu jirin inuu la kulmo hogaamiyaha go’doonsan ee Falastiin Yaasir Carafaat.

 

Ujeeddada Booqashadiisana, waxaa lagu sheegay inuu ku baadi doonayo xabad-joojin laga gaadho, dagaalka ka aloosan bariga dhexe. Intii aanu ka soo amba-bixin Washington, waxa uu Mr. Powell ku celiyay dhawaaqii Maraykanka ee ahaa in ay Israa’iil ka baxdo, dhulka Falastiin ee ay xoogga ku qabsatay.

 

Dawladda Ingiriiska, ayaa iyaduna ugu baaqday Israa’iil in ay ka baxdo, dhulka Falastiin. Sidaas oo kale, waxa ku baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku adkeeyay Israa’iil in ay dhakhso uga baxdo dhulka ay qabsatay, hase yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Arial Sharon, ayaa weli ka dhego adaygaya baaqyada Caalamiga ah, waxaanay Ciidamadiisu sii wadaan, Falalka waxashnimada ah ee ay ka wadaan dhulka Falastiin.

…………………………………………………………………………………………………………….

 

Bustaanka Fanka & Suugaanta

Taariikh Faneedka Abwaan Maxamuud C/Laahi Sangub

 

Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid yahay abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka qaatay Kobcinta Suugaanta Soomaaliyeed, hase yeeshee, waxaa dhici karta in dad badan oo maanta nooli aanay isu aqoon Sangub iyo Fankiisa. Bal aanu isku dayno in aynu Wax ka sheegno, taariikh-faneedka Sangub, waana tan:

Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1944, hase yeeshee muddo yar kadib, ayaa loo qaaday magaalada Dhagax-buur ee dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub, markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” oo ah mid markuu gacanta u qaado aan cidina dabadii yeedhin.

 

Kasokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed waxyaabaha dhalinyaradu aad isugu taxalujin jirtay, waxaa ka mid ahaa gabayada. Sangub abtigii, wuxuu ahaa ninkii uu Timacadde ku hal qabsanayay ee uu lahaa; “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumed maw sheeg” Aflow, wuxuu ahaa, abtigii hooyadii la dhashay.

“Masoolahayeey, Casoolahayeey, ciyaar-jinidaan aqaan” Inkasta oo Sangub sheegay in aanu ilaa hadda garanayn macnaha ererada Masoole iyo Casoole, haddana wuxuu kelmadahaa ka dhigtay, hal-qabsi naaxyid u noqotay heeshihiisa.

 

Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in laqaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado  oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yidhi Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka.

 

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta Riwaayadaha xiisaha leh, inta badana riwaayadihiisu waxay bulshada dhexdeeda ka abuuraan dodo soo kala horjeedda. Guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin Wadani, Jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan.

Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid Wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan Xukumi jiray. Sannadkii 1964-kii, ayuu sameeyay riwaayad la odhan jiray; “Lamood noqonse wayday.” Abwaan Sangub, halkaa kama hadhin abuurista riwaayadaha, wuxuuna xoojiyay mu’alifnimadiisii, sannadkii 1966, wuxuu sameeyay riwaayada caanka ah ee “Yaxaas dhega-duub.”

 

Abwaan Sangub, mar la waydiiyay cidii ku dhiiri-gelisay samaynta riwaayadaha, wuxuu yidhi; “Mu’alifiinta, qaarbaa bakhaylo ah oo aan sheegin cidii soo gacan qabatay, aniguse sidaa ma ihi oo waan sheegayaa, waayo, cidina kuma soo dhalan,” ayuu yidhi. “Riwaayadaha, waxaa igu dhiiri-geliyay Cismaan Aadan (Cismaan Askari) oo isagu aan iga hadhin ilaa aan ka sameeyay riwaayadihii; “lamood noqonse wayday iyo Naga Guur.”

 

Sangub oo ka sii hadlayay waxtarka ballaadhan ee uu u geystay Alle ha’u naxariistee Cismaan Askari, ayaa cadeeyay in abwaanku inta uu sameeyo beytka u horeeya heesta, kadibna uu Sangub ku odhan jiray midhaha leekaysii, wuxuu kaloo sheegay in uu ka caawin jiray toostoosinta, sida loo helo qisooyinka riwaayaduhu ku socdaan, “Maadaama aan ahaa arday la laylyayo, Cismaan waxyaalo badan oo uu isagu sameeyay ayuu ka dhigi jiray, sidii waxaan anigu sameeyay oo kale,” ayuu raaciyay abwaan Sangub.

 

Maxamuud, wuxuu sheegay in hadda ay sahlan tahay sida qofku abwaan ama fannaan ku noqdaa, iyadoo buu yidhi dadku hadda waxay doonaan iskaga magacaaba qofka, halkii ay waayadii hore arrintaasi ka ahaan jirtay Derejo, si adag lagu heli jiray. Isaga oo taa ka hadlayana, wuxuu yidhi; “Wakhtigaa, waxaa magacaa lasiin jiray qofkii u qalma oo keliya, anigana abwaanimadayda, riwaayadaha iyo heesaha aan sameeyo iyo in aan u gudbo heerka loo yaqaan abwaan, waxaa sabab u ahaa Cismaan Askari.”

 

Sannadkii 1961-ki, ayaa Sangub loo bedelay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah uga noqday Fannaaniintii Raadiyow Muqdisho. Abwaan Sangub, wuxuu ka sheekeeyay waxyaabihii uu kala kulmay magaalada Muqdisho oo uu markii ugu horaysay tegay, waxyar kadib Is-raacii labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland oo loo bixiyay Jamhuuriyadda D. Soomaaliya, isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Aniga, Maxamed Cabdilaahi Gujis iyo Farxiya Cali oo aan shaqaale rasmi ah ka ahayn Raadiyow Hargeysa, ayaa si rasmi ah naloogu wareejiyay Raadiyow Muqdisho.”

 

Sangub, arrimihii ugu adkaa ee uu Muqdisho kala kulmay, waxaa ka mid ahayd is-faham la’aan xaga luqadda ah oo dhex yaalay labada bulsho ee Waqooyi iyo Koonfurta. “Waxaa jirtay in aan dadku is af aqoon, laakiin waagii dambe waa la is afbartay. Anagu, waxaanu wadanay af-soomaali taag-taagan oo af-waqooyi ayaanu ku hadlaynay, markaanu tagnay dadkii reer Xamarka ahaa waanu is-fahmi waynay oo waxaa naga soo hadhay[Yaa, sidii wax dhega la’].” Sidaa waxa yidhi, Sangub oo ka hadlayay sheekooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay kala kulmeen, markii ay Xamar tageen.

 

Maxamuud Cabdillaahi Ciise, wuxuu caan ku ahaa Naanaysta (Sangub) oo dadka intiisa badani ay u taqaano, haddaba su’aasha la is-weydiin karaa waxay tahay, Maxay ugu baxday Naanaystani? Waagii uu yaraa, waxa la odhan jiray (Singub), maxaa yeelay, carruurnimadiisii ayuu dab ku dhacay, kadibna wuxuu ka gubtay sinta, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ku fekeray inuu caruurta oo dhan isu ekeysiiyo oo midkasta uu ku dhigo Calaamada Sinta kaga taal. “Dhulku barwaaqo ayuu ahaa, xoolahana waa la bariisin jiray, dadkuna xoolo badan ayuu lahaa, dharabta ayaa xoolahaas laga bariisin jiray, anaguna qori-tuur (dacar-tuur) ayaanu ciyaari jiray” sidaa waxa yidhi Maxamuud Cabdillaahi Ciise oo wax ka tilmaamaya xaaladii nololeed ee wakhtigii reer guuraanimada ee uu ku soo barbaaray yaraantiisii.

 

Abwaanku, isaga oo si gaar ah uga hadlaya sida Naanaystu ugu baxday, ayuu yidhi; “Aroortii ayaanu dhaxanta dab ka shidan jirnay, markaas ayaan Ciyaalkii ku idhi; qofkasta oo idinka mid ah, waxaan ku dhigayaa sumadda igu taallaa oo aan u ekeysiinayo Sumadda geelooda ku taal.” Sangub, wuxuu sheegay in Ciyaalku ay ka baqayeen, sidaa darteed waxaa u suurto-gashay inuu midkasta oo carruurtaa ka mid ah uu dab ku dhejiyay. “Ciyaalkii oo wada ooyaya, ayaa guryahoodii ku noqday. Islaan, ayaa aragtay caruurta wada ooyaysa, markii ay weydiisay waxa ku dhacay, waxay u sheegeen in aan anigu gubay, markaas ayay Islaantii tidhi; waa maxay Singub-kani.”

 

Inkasta oo abwaanka magaca loo bixiyay uu ahaa Singub, haddana ugu dambayntii waxa naanaystaasi isu rogtay Sangub, waxaana sida uu sheegay ka bedelay Nin la odhan jiray Fiqi Buraale oo Raadiyow Muqdisho ka shaqayn jiray. Bedelaada Naanaysta Sangub, waxaa u sabab ahaa, iyada oo markii uu Xamar tegay ay dadkii kari waayeen Singub, Sidaana loogu bedelay Sangub.

La soco toddobaadka dambe, qayb kale oo xiisoo leh…

………………………………………………………………………………………………………………..

 

 

Raadiyow Ma Qaloocshe

 

 

 

 

Halkani waa Raadiyow ma qaloocshe oo idiinka dhug-dhugleeya, mawjadaha kaftanka iyo hirarka gaa-gaaban ee buurta kala jeexan.

Akhyaartayada idhaha buurbuuranow, waxaad sanqadhiisii maqlaysaan, waa warkii dunida, waxaana ka dhugsiin doona Weriye Aboor Awr liqe.

Warkii oo Kambadhuudha

 

Budhtuurka Shankaroonland, ayaa casho dhawayto khudbad candhada u geliyay Ciidamadiisa iyo caasha-qushidooda. Budhtuurka oo maslaxaad u jeeday, ayaa yidhi; “Awoowayaal, inkaar ha iga shaqaysanina oo Inqilaabyadii iyo anshax-xumooyinkii askartu lahaan jirtay ha iila imanina.” Mar uu ka sheekaynayay, edeb-darooyinka askartu samayso, wuxuu yidhi; “Askaryahay Islaameed, idinku waad yaryareyndeen, waxay askartii waaweynayd ii geysteen, haddaan idiinka sheekeeyo surwaaladdaa idinka dhici oo Qamadigu idinka degi maayo.”

Budh-tuurku, isagoo is-faaninaya wuxuu mar kale yidhi; “Aniga, waxay dadku igu caashaqsan yihiin waxa weeye, ma aqaano aga-gasnimada, cashuurta dadka bakhtiyi gaadhay laga soo urursho lagu qadh-qadhiidho.” Wuxuu intaa ku daray in dadka uu dambaabaa ay u siman yihiin, oo kuwa Sool, Toqoshi, Berbera, Daba-goroyaale iyo Caraan-caray degan aanu kala beela-beelaysan ee uu dhammaantood Barjaha u wada qaado oo aanu u kala burinin.

 

Odaygu, mar uu u dhug-dhuglaynayay qolyaha dawladiisa ka xaraabaysta, oo beri dhawayd yidhi 23-kii bishii Toddob, ayaa Ex-baayirdhaytka dawladdu dhacay, wuxuu yidhi; “Anigu, waxaan u aqaanaa raggaas Faataa-dhuglayaal ee dheg ha’u jalaqsiinina, maxaa yeelay? Aniga igalama duwana, buuriga beebkayga ku jira.”

 

Ugu dambayntii, wuxuu askarta ku yidhi; “Caasha-qushi baan idinku dhaariyee, ciyaarta iga daaya oo dalka wadeecadda ka rabba.” Haddaba, iyadoon qudh iyo maan loo garanayn amuurta odayga soo jirabtay, ayay dadka qaar ku sheegeen odaygu inuu la dhukusayay baqdin ah in Ciidanka tafaariiq lagu sadheeyo, waxa kale oo uu doonayay bal inuu soo eego isha ay askartu leedahay. Askartaas oo uu u tegay, iyagoo warafaan-dhadh ku jira, loona sheegin meel lagu duulayo iyo cid dhawaan la gelayo toona. Laakiin, wuxuu ogaaday in askarta mirqaan badani ka muuqdo oo dagaalka raamsiga qaadku, diif ku sameeyay, walow ay dhammaantood ahaayeen sidii reerahooda lagaga keenay. Askartaas oo isugu jirta, dable weyn, dable dhexe iyo dable yare, Mujaahid hore, Maryo-alool sare, Caasha-qushi iyo caagle sare, wuxuu Madaxkuusku ugu bushaareeyay oo uu ku amray in ay derajada toshaan, lacagtana iska bixiyaan.

 

Ciidankaas oo xitaa Taliyahoodu dable weyn yahay, waxa imika la sheegay in ay qaybsanayaan Alifyo farabadan, Ninba intuu qaadi karaba, waxase saaka la’ii sheegay in Caasha-qushidii la qadiyay oo iyaguna yidhaahdeen, qushigoodan ha iska qaateen.

 

Berbera

Illaahay Jannada haku libdhiyee, Maxbuus ku jiray Shookiga Berbera, ayaa dhagax digta lagaga jaray, kadib markii uu suuqa kaga soo duulay Nin dhagax ku hubaysan (Xajar Armed), kaas oo intuu Shookiga dhexdiisa la galay, Madaxa kala shiishay Marxuumkaas oo hurda, halkaana naftu ku weydaaratay.

 

Marxuumkaas, ma jirin Maxkamad ku xukuntay in dhagax lagu dilo, balse waxa la sheegay in ay dekano dakhar hore ku lug lahayd arrintu. Laakiin, waxa doqoniimo laxaad lihi meeshaa ka raacday, askartii shookiga haysatay ee Ninkaa Ninka u seexisay, kuwaas oo ka qariya iyo ka qabta midna garan waayey. Waxa la sheegay in askartaa qaarkood, garaabo ku mashquul ahaayeen, qaarna suuqa soo dhiib-dhiibta lahaayeen.

 

Dilkani, waa kii saddexaad ee dhagax digta la iskaga jaro, laba Nin oo hore ayaa la sheegay in iyana sidaas oo kale dhagax neefta lagaga jaray. Warku, wuxuu intaa ku daray in dhagaxu beryahan dambe, raasiga Berbera ka noqday hubkii Bee-beesheega bedelay, laguna hubeeyay xitaa ilaa askarta Dekedda ilaalisa.

 

Qudus

Duulaankii Israa’iil ku haysay agoonta Falastiin, ayaa weli Bariga Dhexe ka onkodaya. Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda, Mr. Eeryal Shar-doon oo lug iyo farasba wata, ayaa digaan-digaha ka dhigay Tuulada Raamaley ee xarunta u ah, Hogaamiyaha Agoonta Falastiin Mr. Yaasir Car-caraaf.

Raqda Agoonta Falastiin, ayaa kuligeed suuqyada tuuladaa xarago jiifta, wax dhexda ka kaaja oo aas damacdaana kuma dhacdo.

Raggaas, Agoonta laynayaa anna gaadhi maayo, cid ka qabatana la waa. Buushaha Maraykaanta, ayaa fariin caajis ahayd u diray Shar-doon oo ku yidhi; “Hallo, my all friend, you made beautiful job with Palestinian little, you must some reefas steps.” Shar-doon oo iska dhigaya Nin aqbalay, ayaa isna sheegay in aanu weli xabaalo ka wada dhigin Daanta Galbeed.

 

Dhinaca kale, Khamiisyalayda Carbeed ayaan ilaa imika Tolnimo muujin oo juuqba laga waayey, xaalkooduna marayaa Shir shir dhaafi waayay, marka laga reebo Saamka Ciraaq oo qasabadihii nacfiga xidhay.

 

Yurubaanka, ayaa iyana la sheegay in ay arrinta bariga dhexe ka socota ka xanaaqeen, inkasta oo aanay xayraankooda cidna ku layn, laakiin waxay sheegeen in Shar-doon khashiin yahay. Wararku, waxay intaa ku dareen in Falastiiniyiin naf lacaari ahaa ay is-yidhaahdeen, Kaniisad kaga dhuunta Ciidamada Shar-doon, balse ay taasi sahayatay Baaderigii yaraa ee mu’adinka ka ahaa Kaniisaddaa oo ay dileen Ciidamada Shar-doon.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sheegayaa inuu Shar-doon doonayo, daanta bari ee Falastiin inuu ka dhegto Afgaanistaan oo kale, kana sameeyo Maamul Xamiid Karaani oo kala ah. Mr. Car-caraafna, wuxuu la rabaa inuu caydhsado oo uu camal ka dhigto, sidii Usaama.

 

Dhegeystayaal, war intaasaan idinla damcay, laakiin waxaan idiinka qac siin Gabay geedkaa le’eg:

 

Gabay

Duulyahow Islaameed,

Haddaad war iga doonayso

Aradaba dhammaanteed

Jeex dhan baa degee

Diricyadii Al-Qaacida,

Dabino loo qoolye,

Daalibaan dushaa lagaga shubay

Dab iyo Baaruude,

Daymada indhahaa kuugu filan

Daanta Falastiin’e,

Raqda daadsan,

Kaaraha guryaha

Lagu duqaynaayo,

Naagaha ilmada duugayiyo

Shicibka daaduunsan,

Markaan deyay intaas

Oo dekano ah

Carabna deymooday,

Dulinimo in ay qaayibeen

Daahir weeyaane,

Dumbuqiyo iyaba waa sitaan

Holac rasaaseed’e

Waase niman baquhu daashadoo

Diinna garanayne,

Xibulaahba waatay Yuhuud

Duhur dhaqaajeene,

Dharaartuu Lubnaan degay

Xarbiga kamay dambaynsiine

Masar waxay ku tookhdaa,

Dabkuu shiday Jamaalkiiye,

Dhunkaal iyo haddaan

Dacar la siin

Hebel ma daayeene,

Iyagaa isduleeyeye

Shar-doon kuma dul guuxeene,

Intay diricyo waaweyn xidhaan,

Dumar ma moodeene,

Illaahbaa dabkoodiyo,

Nasakhay danabyadoodiiye,

Maxaan haatan kaga daalayaa

Doqomo weeyaane.

 

Maraykaanku waa dab’e

Hadduu duulan soo kiciyo,

Dunjiga  nimanka reer Yurub

Hadday dabarka soo goostaan,

Doollarka iyo yeenkaba,

Hadduu soo daldalo maalin,

Dayuuradaha halista ah garoowe

Hadduu duhur ku baalbaalo,

Ama uu dariiqyada Berbera

Degelo naafeeyo,

Dusha Booramaad iyo

Hadduu herer ku daanshoodo,

Daraawiish amxaaro ah

Hadduu ina dabaalsiiyo,

Horta yaa la da’ ah…

…………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

Odhaahda Akhristaha

Caddaalad darradu waxay keenta Nabad xumo!

Waxaan akhristay khudbaddii Madaxweyne Cigaal uu u akhriyay Ciidamada Qaranka oo loo xidhay xaflad tababar ah. Madaxweynuhu, wuxuu Ciidanka uga digay in aan loo adeegsan in ay Xukunka beddalaan. Mudanow Madaxweyne, anigaa kugu raacsan Ciidanka in aan loo adeegsan in dawlad lagu bedalo. Dawlad waxaa beddela dimuqraaddiyad leh doorasho xalaal ah oo dhexdhexaad ah.

 

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in dadku jecelyahay isla markaasna ay u siman yihiin. anna waxaan leeyahay mudanow Madaxweyne taasi waa ta lagaa rabo ee xilka madaxtinimadu huwan yahay in Madaxweyne kastaa noqdo mid dadkiisu u siman yahay jecel yihiinna hadba wuxuu ummaddiisa u qabto.

 

Mudanow Madaxweyne, dalku male Maxakamad dhexdhexaad ah oo garsoor dhexdhexaadi ma jiro dalka. Xaakimka Maxkamadda sare, xeerilaaliyaha guud, guddoomiyaha bangiga qaranka, iyo hantidhorka guudba, haddaanay kula fikrad noqon adiga ka fadhiisiya shaqada, Awooddoo dhanna Madaxweynahaa haysta. Dalku male hanti-dhowr dhexdhexaad ah, Maxkamadda sare, xeerilaaliyaha guud, bangiga qaranka iyo Hantidhowrka guud intuba dhexdhexaad maaha.    adigaa magacaaba, eryana marka khilaaf uu dhexdiina ka yimaaddo.

Hore umay dhicin, in intaas oo qaybood oo dawladda ahi u madaxbannaadaan habkay shaqadooda u gudan lahaayeen, marka qudha ee Maxkamadda sare si dhex ah u xukuntay kiiskii Total, waxaa dhacday in aad xakimkii shaqada ka fadhiisisay.

Waxaa haddaba su'aal mudan, halkay ku dambeeyeen guddidii dabargoynta musuqmaasuqa ee aad magacowday, Mudanow Madaxweyne?

 

Shakhsiyaadkii loo xidhay musuqmaasaqa, Maxkamad miyaa la saaray mid ka mid ah ?

Duqa magaalada Hargaysa, iyo duqii horeba waxay guddidu ku eedaysay musuqmaasuq oo ay u xidhnaayeen bil iyo wax ka badan, intaa kadib maxaa markii Berbera la tegay soo geba-gabeeyay baadhitaankii musuqmaasuqa? Sideese loo soo daayay shakhsiyaadkaa, ma dawladdaada sii daysay ma Maxkamadba waxba ku wayday sidee xaal u dhacay?

Mudamow Madaxweyne, adigoo sharaf iga mudan, miyaanad dalka ka ahayn xaakimkii, xeerilaaliyihii iyo kii fulinayayba?

 

Madaxweyneyaasha, waxaa lagu jeclaadaa markay faraha kala baxaan Maxkamadaha iyo garsoorka dalka, Sharcigana loo wada siman yahay Madaxweyne iyo shicibba.

Mudane Madaxweyne, dalka marna kamay dhicin doorasho guud, doorasho ka turjunta in dadku ku jecelyahay!!  Waayo, markay si xalaal ah shacab Madaxweyne ugu codeeyo, ayaad odhan kartaa waa la i jecelyahay. In si dhexdhexaad ah doorasho loo wada abaabulo, loogana wada tashado,xeer doorasho oo loo wada dhan yahay in la dhigto ma ogoshahay dawladdaadu?

Mudanow Madaxweyne, maxaa xukuumaddaada ka hor joogga in ay wada-hadal la gasho, ama la tashato dhinacyada mucaaradka sidii dalka loo wada dhisi lahaa, loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah?

 

Mudanow Madaxweyne, waxaad sheegtay in Mujaahid Shaqalle, si wanaagsan u soo dhisay Ciidamada, kayd badan oo dhaqaalena meel uu u sii dhigay Ciidamada. Mudane, maxaad haddaa u baddashay mar haddii xilkii aad u dhiibtay uu si wanaagsan u gudanaayay? Dalka miyaan laga jeclayn ninkii wax u qabta, mise waa la beddelaa si aanu u muuqan?

 

Mudanow Madaxweyne, nin xil qaaday eed qaad. Dhaliilo badan baa dawladda loo hayaa oo ma yara!!  Wax qabadka dawladeedna waa ku ammaanantihiin.

 

Xukuumad kasta taariikhdu way daba joogtaa, hadba waxay ku kaydsato ayaa u gala. Hadday ummadooda u horseeddaan caddaalad, “ILAAHAYBA CAADILE” wanaag iyo xasuus lama ilaawaan ah ayaa taariikhda u gala, hadday khalkhal iyo caddaalad xumo keeni karta nabad la'aan u horseeddana khasaare iyo karah ayaa taariikhda u gala.

Maxamuud Cayddiid Lafcanbe

Toronto, Canada

……………………………………………………………………………………………………………….

 

Hay’adaha Miino-saarka Wax Muuqda Kamay Qaban Somaliland

 

Ka-been-sheega dilaaga nafta ee yaal dalka sida miinada iyo hadhaaga dhul-yaalka ah ee ay ka tageen dagaaladii, waa kayd dhibaato oo u yaal dadka reer Somaliland.

 

Haddaba sida aynu ognahay, Somaliland waxay xuduud la leedahay dawladda Jabuuti oo xuduudeedu kabilaabanto Lowya-caddo ilaa iyo saddex-geeska Geesdiir, Itoobiya oo ay ka bilaabanto Geesdiir ilaa saddex-geeska Dun-ku-qooq. Soomaaliya oo ay ka bilaabanto Dun-ku-qoof ilaa iyo Qaw ama Ceelaayo, dhammaan dhulkaas oo ka badan kumanaan km, 100-kii km ee ka mid ahba waxaa miinaysan 80% - 70% lixda gobol ee Somaliland ka kooban tahayba, waxaa ka buuxda miino iyo hadhaaga hubka, ee qarxi waayay, kuwaas oo waxyeelo joogto ah geysta.

Wax-qabadka hay’adaha miino-saarku ma waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah ee miinada iyo kan dalka Somaliland toona?

 

Haddaba waxaanu caddaynaynaa in aanay ku shaqayn hay’adahaasi qaabka xeerka caalamiga ah ee miino-saarka ee UNIMAS, IMAS iyo kan dalka midnaba, waana sedan:

Ma jiraan wax wacyigelin ah oo ay sameeyaan, taas oo ah muhiimadda 1aad ee xeerka miino-saarka waa wacyigelin dadka loo sheegayo inay ka fogaadaan dhulka miinaysan iyo dhammaan wixii qarxaba.

 

Ma jirto wax sahan (survey) dhab ah oo ku saabsan baaxadda ay leedahay miinada iyo hadhaaga goob-yaalka ah ee yaala dalka.

 

Ma jirto ilaa hadda gobol, degmo, iyo tuulo ay sifeeyeen oo ay shahaado ku bixiyeen sida xeerka miino-saarku waafaqsan yahay.

 

Hay’adaha miino-saarka ma jirto cid la socota waxay qabtaan sida tirada shaqaalaha, gaadiidka iyo wixii la mid ah ay ku qabteen qandaraaska. Ilaa hadda lama oga waxay soo saareen maalin, toddobaad, bil, iyo sanad midnaba. Lama oga waxay burburinayaan, iyo waxay yihiin.

Anigoo aan iska weerarayn kana been sheegayn hay’adaha miino-saarka, waxaan caddaynayaa in aanay dalka ka shaqayn ee ay ka shaqaystaan waana sidan;

DDG waxay degganayd Cadaadlay, waxaa ku yiil laba hog oo dhulka hoostiisa ah oo ay ka buuxaan waxa qarxaa, ahaan jirayna keydkii ciidamada ilaa Ingiriiskii.

Dhammaan hogagaas cagaf bay ku aastay wixii ku jiray.

HALLO TRUST muddo sannad ah bay deggenayd Darar-weyne, haddeerna boqolaal waxa qarxa ah ayaa yaala bannaan bishii labaad ee sannadkana halkay deggenaayeen waxay ku dishay nin iyo dameer.

 

SANTA Berbera, muddo dhawr sano ah ayaa deggenayd degmada Gebilay, taas oo ah degmooyinka ugu miinooyinka badan dalka Somaliland.

 

21/March/2002, ayay noo yeedheen, waxayna noo sheegen inay ka guurayaan degmada Gebilay una wareegayaan Togdheer. Waxay noo sheegeen inay miino badan saareen, laakiin aan loo baahnayn tiradeeda iyo nooceeda toona, waxaanan caddaynayaa in ayna waxba qaban.

Xeradii ay deggenaan jirtay guutadii shanaad la odhan jiray ee ciidankii Soomaaliya, ayay ka shaqeeyeen, iyadana marka saddex meelood loo qaybiyo ayay meel wax ka qabteen, mana jirto wax kale oo ay ka qabteen degmadaas, waxaana ka marag ah shacabka deggan ee dhibaatadu ku dhacayso.

 

Waxay si sharci-darro ah u burburinayaan Gantaalaha Saam lll (three) iyo wixii kale ee dalku u baahan yahay. Waxay nacab u yihiin wixii wax yaqaan, waxayna qorteen dadka aan wax-garanayn.

 

Taas oo aan waafaqsanayn xeerka miino-saarka adduunka, isla markaasna kii wax barta way caydhiyaan, waxay ku xad-gudbeen dadka shacabka ah waxayna gubeen beero dad leeyahay oo ay ku dhex qarxiyeen miino.

 

Waxaana tusaale u ah; in ayna hay’aduhu waxba ka qaban gobolka Hargeysa oo keliya.

1/March ilaa March 2002, waxaa ku dhintay ama ku dhaawacmay sadex iyo toban qof (13). Madaarka Hargeysa iyo dooxa laba carruur ah ayaa wax ku noqotay.

 

Waxaanu taliyaha ciidanka qaranka ka codsanaynaa in uu hawlgeliyo ciidamada aqoonta u leh miinada iyo wixii qarxa ee la midka ah xukumadda Somaliland-na waxaanu ka codsanaynaa inay hoosgeyso oo ku wareejiso hay’adaha miino-saarka wasaaradda Gaashaan-dhigga, maadaama waxa laga shaqaynayaa uu yahay hawshii wasaaraddaas.

Ing. Daahir Maxamed Nuur(Hay’addii miino-saarka qaranka – NDA) – Hargeysa.

…………………………………………………………………………………….

 

 

Fariinta Caafimaadka

 

Xannuunka Kansarka iyo waxyeeladiisa caafimaad

 

Xannuunka Kansar macnihiisu waxa weeyaan unugyada jidhka oo ay ka dhex-baxaan unugyo kale oo si aan caadi ahayn u koraya, unugyada Kansarku waxay leeyihiin qaab iyo xajmi aan kala duwanayn. Unugyada Kansarka ayaa sameeya xubno aan qabanayn shaqo faa’iido u leh jidhka.
koritaanka unugyada Kansarka ee jidhka dadku wuxuu ka dhacaa xubnaha kala duwan ee jidhka, unugyada Kansarku waxay u koraan si ka dagdag badan sida ay u koraan unugyada jidhka ee caafimaadka qabaa.

 

Unugyada Kansarka ee jidhka qofka ku dhex koray ayaa isu taga oo sameeya Buro, Buradaasi way sii kortaa oo waxaa ballaadha dhumucdeeda oo waxay ku dhawaataa xubin jidhka ah oo ka qaadato nafaqadii jidhku u baahnaa, marka ay Buradu ku kooban tahay meel xaddidan oo jidhka ah waxa la yidhaahdaa, (Benign), mana aha Kansar inta badan waa Buro aayar u korta oo adag, runtii macnuhu maaha Buradani waxyeelo uma laha jidhka qofka ay ku samaysan tahay, laakiin unugyada jidhka ee halka ay ku taalo waxay ka nuugtaa dhiiga, markaa way ka xidhaa dhiiga oo jidhka wixii Burada ka dambeeyaa xubnihiisa way dhintaan.

 

Arrintani waxay khatar tahay markay ka baxdo maskaxda dhexdeeda inta badana xubnahaas ay Buradu ka xidhay dhiiga ee dhintay dib uma noolaadaan marka laga jaro Burada.

Burada kansaraysan waxa lagu magacaabaa (Malignant), Buradani lama mid aha Buradii hore ee (Benign). Buradan Malignant si degdeg ah ayay u kortaa oo markiiba waxay ku durugtaa unugyada jidhka ee u dhow waanay isku balaadhisaa halkaasoo unugyada iyo xubnaha  caadiga ah ee ay ka dul baxday buradani ayaa dhinta, markaa unugyada kansarka ee Buradani way tarmaan waxaanay raacaan dhiiga iyo xididada, waxaanay u gudbaan xubnaha kale ee jidhka halkaas oo ay ka sameeyaan Burooyin cusub oo marba marka ka dambaysa sii kordha. Sidaas ayaa jidhka qofku uu ku dhacay Kansarku uu ku noqonayaa wada buro.

 

Xillliga bilowga ah ee Burada Kansarka ee (Malignant) waa ay fududahay sida loo daweeyaa haddii aanay markaas Buradu fidin oo aanay Unugyadu Kansarku raacin dhiiga, markaa qalliin lagu saaro Buradani waa mid fudud, laakiin haddii ay Buradu ku tallaalan tahay unugyada jidhka ee u dhow Burada oo la wada jaraa way adkaanaysaa.

La soco cadadka dambe…..

 

……………………………………………………………………………………

 

Kaalinta caafimaadka jidhka iyo isticmaalka Cosmetics-ka

 

Oogada sare ee jidhku waa qaybta ugu ballaadhan xubnaha jidhka.

Oogada sare ee jidhka qofka ama maqaarku wuxuu jidhka ka ilaaliyaa xannuunada iyo nabarada u gudbi kara qaybaha jidhka ee hoose.

 

Qaybta sare ee oogada jidhka ee loo yaqaan (Epidermis) waxay jidhka u tahay dahaadh ka celiya Bakteeriyada iyo waxyaalaha kale ee Ili-ma-aragtayga ah ee cudurada dhaliya.

Qaybta sare ee jidhka qofku waxaa kale oo ay sameysaa Aalada (Melanin) ee ilaalisa in aanu midabka qofku isbeddelin, taas oo ka hortagta samaynta iyo dhibaatada uu jidhka (maqaarka) u keeni karo Iftiinka cad-ceedu.

Maqaarka ama oogada jidhka qofku waxaa halka haddii uu qofku caafimaad qabo laga dareemo wixii ku soo kordha sida xannuun, kulayl, qabow.

Qaybtan jidhka waxaa ku yaala qanjidhada dhididka, qanjidhada saliida jidhka, qanjidhada salka u ah timaha.

 

Caafimaadka maqaarka qofka ama oogada sare waxaa qayb weyn ka qaata maydhashada iyo isticmaalka saabuunta oo disha Bakteeriyo faro badan marka lagu maydho saabuunta.

Xilliga qaan-gaadhka dhallin-yarada waxaa loo baahan yahay si caafimaadka jidhka loo ilaaliyo maydhasho dheeraada waayo da’daa jidhku wuxuu soo saaraa dhidid dheeraada oo kobcin kara waxyeelada Bakteeriyada.

 

Marka sida habboon loo isticmaalo dhibaatadu way yar tahay, waxyaabahan loo yaqaan Cosmetics, si la isaga ilaaliyo waxyeelada (cosmetics) waxaa laga maarmaan ah in qofka marsaday uu iska maydho hurdada ka hor, si la isaga maydhana waxaa jira waxyaalo gaara oo ku milma kuwa aan ku milmin biyaha iyo saabuunta.

 

Haddii aad isku aragto cun-cun jidhka markaad isticmaasho waxyaalaha lagu qurxiyo jidhka sida tan la mariyo dabnaha (lipstick) markaa jidhkaaga ayaa diidan mid ka mid ah kiimikada ay ka samaysan tahay, markaa beddel oo isticmaal mid kale, way habboon tahay inaad jidhkaaga ka deyso kiimiko waxyeelo u keeni karta, laakiin haddii aanad deyn karayn ha soo ergisaysan kuwo qof kale isticmaalay, kuwaagana ha oggolaan in lagula isticmaalo.

 

Marka aad isticmaalayso cosmetics-ka maydh gacmahaaga, weligaana candhuufta ha u isticmaalin in aad ku qoyso waxyaalaha la isticmaalo ee la isku qurxiyo.

 

…………………………………………………………………………………………………………..

 

 

Waadiga Ciyaaraha

Saadaasha Horyaalka Talyaaniga oo markale faraha ka baxday

 

Roma (AP) – Iyada oo afar kulan keli ahi ka hadhsan yihiin ciyaaraha Talyaaniga ayay markale saddex kooxood ku laacdamayaan hanashada horyaalka waddanka.

 

Atalanta ayaa kaga dawakhisay Internazionale oo hoggaanka haysay markii ay ku horjoogsatay (62 dhibcood) kulankii dhexmaray oo ay 2-1 kaga adkaatay. Sidoo kale kooxda ugu dhibcaha hoosaysa ee Venezia ayaa 2-2 ku yuururisay naadiga kaalinta labaad ku jira ee Roma oo (60 dhibcood) leh, kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Juventus ayaa (59 dhibcood) urursatay kadib markii ay 4-0 ku jiidhay Perugia, sidaana waxay markale ku tallaabsatay kulankii Axaddii dhacay oo ahaa toddobaadkii 30aad.

 

Waxay ciyaaraha Talyaaniga u ahayd maalin qoyan oo xiiso daran, balse waxa xamaasaddii soo celiyay dhacdooyinka ay ka mid ahayd Inter oo si lama filaan ah gurigeeda ugu guul-darraysatay, kadib markii ay laba toddobaad ka hor Roma ku garaacday Milan waxay u muuqatay mid aan cidina ku hunguraynaynin horyaalkii ugu horreeyay ee ay muddo dheer calafsato.

Haddase waa inay iska caabidaa kooxda difaacanaysa horyaalka oo iyada lafteeda Juventus faro ba’an ku hayso.

 

Kulamadii Talyaaniga oo faah-faahsanina waxay u dhaceen sidan;

 

INTERMILAN 1, ATALANTA 2

Difaaca Atalanta ee Luigi Sala ayaa kooxdiisa martida ahayd u dhaliyay goolka hore dhammaadkii daqiiqaddii 44aad, markii uu baas ka helay dhanka midig isaga oo jooga qiyaas 28 mitir goolka u jirta kadibna uu kubaddii shebega ka xuluuliyay dhanka bidix ee goolka uu difaacayay Francesco Toldo.

 

Christian Vieri ayaa goolkiisii 21aad dhaliyay laba daqiiqadood markii ay socotay qaybtii labaad.

Marco Materazzi kubbad aad u dheer oo uu baalka bidix uga soo dhigay ayuu Vieri ku sigtay in uu dhaliyo.

Weeraryahanka awooda badan lihi wuxuu u muuqdaa inuu beegsanayo rikoodhkii uu dhigay sannadkii 1997/98 oo uu 24 gool u dhaliyay Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Daniele Berretta oo kubad ka helay Gianni Comandini ayaa si xarago leh goolka guusha Atalanta ugu dhaliyay daqiiqaddii 62aad, kadib markii uu difaaca Inter ismoodsiiyeen in kubaddu off-side tahay.

Weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo oo la filayay inuu ka soo laabto dhaawac uu ku maqnaa tan iyo bishii Dicember ayaa lebbistay, hase yeeshee umuu ciyaarin Inter.

 

VENEZIA 2, ASROMA 2

Keliya (10,000) oo daawade oo ciyaarta soo galay ayay intooda badani eegaysay Roma, guud ahaan waxay qabeen qawedaad ay xilli-ciyaareedkan oo dhan tirsanayeen, kadib markii qaybtii hore bilaa goolal ku dhammaatay.

Martigeliyeyaasha ciyaarta ayaa gooldhalinta ku horemaray, waxaana kooxda derejada labaad ku dhacday u dhaliyay Francesco Maniero daqiiqaddii 61aad, Maniero oo ah ninka xilli-ciyaareedkan ugu firfircoon Venezia, ayaa markale dhaliyay goolkii 16aad ee xilli-ciyaareedkan.

Daqiiqadihii 87aad iyo 90aad ayuu Montella ku abaalmariyay laba rigoore koxdiisa Roma. Labadaa gool waxay tirada gooldhalinta Montella ka dhigeen 10 gool.

Tabobare Fabio Capella ayaa weerarka ku bilaabay Gabriel Batistuta iyo Marco Delvecchio, oo uu ku meeleeyay kaalintii Totti ka maqnaa.

Montella oo uu qaybtii dambe soo geliyay ayuu ka dhigay weeraryahankii saddexaad ee ciyaarta uu geliyo.

 

PERUGIA 0, JUVENTUS 4

Juventus ayaa gooldhalinta bilowday daqiiqaddii sagaalaad, waxaana u dhaliyay Dabid Trezeguet oo uu goolkiisii 20aad ahaa.

In yar ka hor waqtigii nasashada ayuu Del Piero dhaliyay gool rigoore ah. Qaybtii labaadna difaaca Christian Zenoni iyo Del Piero ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0.

 

CHIEVO 1, AC MILAN 1

AC Milan ku taamaysa ugu yaraan inay ku negaato kaalinta horyaalka Yurub, isla markaana ay ka soo kabato guul-darradii kala kulantay ciyaartii UEFA Cup-ka oo ay B. Dortmund 4-0 ku dhirbaaxday ayaa barbaro gashay.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Portiqiiska u dhashay Rui Costa ayaa ku soo laabtay ciyaarta oo uu dhaawac kaga maqnaa, halka weeraryahanka Andriy Shevchenko oo isna muddo dhaawacnaa uu qaybtii dambe beddelay Rui Costa. paolo Maldini ayaan isna mardambe safan, wuxuuna weli la dhutinayaa dhaawac muruq ka gaadhay oo uu in mudo ahba qabay.

Filippo Inzaghi ayaa goolka AC Milan dhaliyay daqiiqaddi 13aad ee ciyaarta, halka uu difaaca Chievo ee Fabio Maro dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xilli-ciyaareedkan.

 

BRESCIA 0, VERONA 0

Kooxda martigelinta lahayd ayaa muujisay qaddar horumar ah oo ay ugu sii negaan karto kooxha heerka koowaad ee sannadkan.

Brescia waxay leedahay (34 dhibcood) waxay la simantay Udinese, oo ay kaalinta afraad xagga dambe kaga wada jiraan.

Waxaa dhibco yar dhaaftay Verona oo iyada qudheedu halis dhex miranaysa waxayna leedahay 36 dhibcood.

 

PIACENZA 3, FIORENTINA 0

Ninka gooldhalinta hoggaaminaya ee Dario Hubner ayaa soo noqday markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay, weeraryahanku wuxuu dhammaadkii ciyaarta dhaliyay goolkii uu ku xaqiijiyay hoggaaminta gooldhalinta wuxuuna hal gool ka horreeyaa Christian Vieri.

Fiorentina waxay mar horeba dib u raacday wiishka dib-u-noqoshada, waxayna leedahay 22 dhibcood.

 

PARMA 2, UDINESE 0

 Difaaca Parma Aimo Diana ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedkan, sidoo kale weeraryahanka Turkiga ah ee Hakan Sukur ayaa daqiiqaddii 76aad dhaliyay goolkii saddexaad ee xilli-ciyaareedkan.

 

LAZIO 1, LECCE 0

Lazio ayaa si buuxda u maamulaysay ciyaarta, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fiore ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee sannad uu dhaliyo, wuxuuna saxeexay daqiiqaddii 69aad, kadib markii uu goolhaye Antonio dabamariyay kubbad baas dheer ahayd oo uu soo gudbiyay Dejan Stankovic.

Lazio waxay ku halgamaysaa kaalinta afraad waxayna leedahay 44 dhibcood.

 

……………………………………………………………………………………

 

 

Blatter oo muujiyay kalsoonida uu ka haysto taageerada Afrika

 

Maseru Lesotho (Reuters) – Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka FIFA Sepp. Blatter, ayaa kalsooni ka muujiyay in uu si fiican ugu guulaysan doono codadka uu ka helayo waddamada Afrika, marka uu isu taago in mar labaad dib loo doorto bisha soo socota oo ay tartan ku hirdami doonaan guddoomiyaha Afrika Issa Hayatou.

 

Blatter oo Lesotho ku maraya socdaal shan maalmood ah ku maraya sagaal waddan oo Afrikada Koonfureed ah, ayaa maalintii Axaddii sheegay inuu dareen fiican kala kulmay taageero wacana uu uga helay doorashada kursiga FIFA ee 29 May ka dhacaya magaalada Seoul.

 

Blatter oo markii koowaad ku fadhiya guddoomiyenimada FIFA, ayaa kula loolamaya sannadkii 28aad Issa Hayatou, ninka reer Cameroon guddoomiye Afrika u ahi wuxuu musharaxnimadiisa ku dhawaaqay bishii tagtay.

 

“Waxaan haystaa rajo fiican, gaar ahaan gobolka iyo weliba galbeedka Afrika oo aan soo maray laba toddobaad ka hor. Waxay rumaysan yihiin inaan shaqo wanaagsan qabtay,” ayuu yidhi Blatter.

 

“Ninka ila tartamayaa waa Afrikaan, laakiin weli wuxuu ku jiraa siduu u muujin lahaa wixii uu ilaa hadda qabtay,” guddoomiyaha FIFA wuxuu sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Way fududahay in tareenka dushiisa laga boodo hadda laakiin arrin sahlan maaha in la bilaabo mashruucii aanu ku dhaqaaqnay 27 sanadood ka hor,” ayuu ku daray.

Blatter oo hore agaasime guud uga ahaan jiray FIFA, wuxuu furay xarumo cusub oo ay yeelan doonaan xidhiidhka kubadda cagta ee waddamada Zambia iyo Lesotho oo toddobaadkan dhammaaday.

 

Mashaariicdan oo ay maalgelisay waaxda mashaariicda FIFA ee GOAL, waxay ka mid tahay dhaqaale loogu talogalay in wax lagaga qabto sidii kor loogu qaadi lahaa waddamada dhaqaalahoodu liito.

 

Hayatou wuxuu hore u sheegay inuu ku dhaqaaqi doono mashaariic kala duwan oo FIFA uu ka caawin doono haddii loo doorto guddoomiyenimada.

“Afrika waa u xor inay u codayso kii ay jeceshahay, laakiin haddii dib loo eego wixii aan Afrika u qabtay waan hubaa inaan helayo taageero badan.” Ayuu ku daray Blatter.

Blatter oo lagu eedeeyay in lug uu ku lahaa tartankii koobka adduunka ee 2006, wuxuu ballan-qaaday inuu maalgelinayo, isla markaana u caawimo ka geysano waxyaabaha aas-aaska u ah martigelinta koobka adduunka oo loo oggolaaday in Afrika martigeliso sannadka 2010.

“Waxaan ku marti-qaaday inay I doortaan waayo way hubaan in shaqada aan bilaabay aan dhammaystiri doono.”

 

Guddoomiyaha FIFA wuxuu horeba taageero cad uga haystay waddamada Liberia, Sierraleone, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.

 

Waa markii labaad ee uu socdaal ku maro qaaradda, sidoo kale Hayatou ayaa isna socdaalo kala duwan ku maraya waddamada Afrika, kaas oo qayb ka ah hawgalka cod doonka ee uu ku jiro.

Afar sannadood ka hor waddamada Afrika waxay ku guul-darraysteen inay adeecaan markii Issa Hayatou ugu baaqay inay CAF isu gaashaan-buuraystaan oo jagada guddoomiyenimada ay la doonaan Lennart Johanason oo ahaa guddoomiyaha UEFA, codod badan baa lagu taageeray Blatter markii shirguddoonku FIFA isugu tegay Paris, halkaasna ay isu tageen badiba xubnaha ugu muhiimsan ee xidhiidhida kubadda cagta ee Afrika.

 

Blatter oo dedaal badan ugu jira doorashada ayaa waxaa culays badan ku haysa baadhis dhaqaale oo la xidhiidha maamul-xumo FIFA ku dhacday.

 

Baadhista dhaqaale ee FIFA waxay ku timi markii ay xidhmeen shirkadihii suuq-gaynta ciyaaraha adduunka ee ISL – ISMM, oo sanadkii tegay albaabada u xidhmeen, taasina waxay keentay in dhalleecayn badani ka hortimaado Blatter, wuxuu shir aan caadi ahayn isugu yeedhay golaha FIFA, maalin ka hor inta aanay dhicin doorashada guddoomiyuhu.