SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 61-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 61-ad, April 10, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

Dowladda Somaliland oo 20 Qof oo

Soomaalida Kililka 5aad ah u Gudbisay Itoobiya

“Dadkaa Xalay (Habeen hore) baanu Xuduudka Dhaafinay”

Wasiirka Daakhiliga Somaliland

 

Hargaysa (Haatuf) :- 20 qof oo uu dhashay somalida kililka 5aad ee itoobiya oo ay dawladda ka qabqabatay magaalada hargaysa ayaa habeen-hore dalka laga saaray , lona celiyey degaamadii ay u dhasheen ee dalka itoobiya , waxaana dadkaa laga saaray xadka u dhexeeya Somaliland iyo itoobiya , iyadoo ay ciidamada Somaliland dadkaa xadka guure kaga talaabiyeen.

 

Sidaana waxa cadeeyey wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland mudane Cabdilaahi Cumar Cige oo shalay galab u waramay wargayska Haatuf.

 

Dadkan oo ay ciidamada ammaanka dawlaadda Somaliland sabtidii toddobaadkan ka qabqabteen gudaha magaalada hargaysa waxay masuukiyiinta xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen inay ahaayeen wadaado dhalinyaro ah oo damacsanaa inay xasilooni-daro ka abuuraan Somaliland , sidaa darteedna loo qabqabtay ,loona masaafuriyey.

 

“dadkani waxay u muuqdeen inay dalka qalaan-qal ka ridayeen , waxayna ahaayeen wadaado dhalinyaro ah , waxaana qabqabtay boolidka’’sidaa waxa yidhi wasiirka arimaha gudaha xukuumadda  Somaliland Cabdilaahi Cumar Cige oo jawaab ka bixinaya sababta ay dadkaa u qabqabteen ,dalkana uga masaafuriyeen.

 

Haseyeeshee wasiirku ma cadayn qalaan-qalka iyo nabadgelyo-darada ay dadkaasi wadeen nooca ay ahayd iyo qaabka ay u wadeen-toona , taas oo uu wasiirku ka war-wareegay inuu carrabka ku dhufto ama tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo mar la waydiiyey waxa ay dadkaasi wadeen.

 

Ka dib markii ay shalay soo ifbaxday sheekada masaafurinta dadkaasi waxa jiray warar ay dadku isla dhexmarayeen suuqyada magaalada hargaysa oo sheegayey in dadkaa ay xukuumadda somaliland gacanta u gelisay ciimada dawladda itoobiya,islamarkaana lagula kala wareegay magaalada wajaale ee ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo itoobiya ee jiidda galbeedka hargaysa.

 

Haseyeeshee wasiirka daakhiliga Somaliland ayaa aritaa si weyn u beeniyey kuna tilmaamay waxba kama jiraan ,isaga oo sheegay inay dadkaasi dalbadeen in degaanadoodii dalka itoobiya  lagu celiyo , ka dib-na loo yeelay sidii ay codsadeen,taas oo uu tilmaamay inay been tahay sheekada ah in dadkaa gacanta loo geliyey ciimada itoobiya , wuxuuna wasiirku isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi; “dadkani waxay yidhaahdeen hanaloo celiyo degaamadayadii, dabadeed-na waxa la qaaday xalay (habeen-hore) waxaana laga saaray xuduudka meel u dhexaysa Balli-gubadle iyo Sallax-lay , anaguna ma doonayno inaanu dhibaato u gaysanoo dad islaam ah oo magaca  Somali sheegta , sidaa darteed ma jirto cid dadkaa gacanta loo geliyey.’’

 

Wasiirka mar la waydiiyey inay dadkaa geeyeen degaamadoodii wuxuu yidhi; “Sharcigu ma oggola inay ciidamadeenu xuduudka sii galaan markaa dadkaa markii xuduudka Somaliland laga tallaabiyay ayay yidhaahdeen halkan na dhiga, halkiibaana la dhigay.”

 

Wasiirka waxa kale oo la weydiiyay inay arrinta dadkan dawladda Itoobiya la socodsiiyeen, maadaama ay dadkani u dhasheen Itoobiya, loona masaafuriyay dalkii ay u dhasheen oo ah Itoobiya wuxuu yidhi; “Arrintani waa arrin gudaha ah, mana aha waxaanu Itoobiya ku wargelinayno.

 

Marka la eego arrinta dadka Soomaalida Itoobiya ee ay xukuumada Somaliland Hargeysa ka qabqabatay, dalkana ka saartay, waxa jira warar ay dadku isla dhexmarayaan oo sheegaya inay qabqabashada dadkani ka dambaysay dalab ka yimi dhinaca dawladda Itoobiya, taas oo la leeyahay mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay gacan ka siiyaan soo qabqabashada dadka ka tirsan ururada Al-Itixaad iyo ONLF ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda Itoobiya, kana dagaalama Bariga Itoobiya, sidaa darteed ay tallaabadani jawaab u tahay heshiis ay labada maamul (Somaliland iyo Itoobiya) arintaa ka gaadheen.

 

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/llaaahi Cumar wuxuu sheegay inaanay dawladda Itoobiya marna kala hadlin arrin noocaas ah, isla markaana aanay waxba ka ogayn tallaabada ay xukuumadda Somaliland qaaday ee la xidhiidha qabqabashada dadkaa.

“Dawladda Itoobiya waa dawlad aynu walaalo nahay, xidhiidh wanaagsanina inaga dhaxeeyo, laakiin arrintani may ahayn wax ay na soo weydiisteen iyo wax ay ogyihiin toona,” ayuu yidhi wasiirku.

Sida la ogyahay degaamada Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya iyo degaamada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi iyo isdhexgal nololeed, taas oo ay dadka labada degaan aad isugu gar-gudbaan, sidaa darteed waxay dad badan oo reer Somaliland ahi walaac ka muujiyeen baqe ay ka qabaan inay arrintaasi saamayn ku yeelato xidhiidhada ganacsi iyo isdhexgalka nololeed ee ka dhaxeeya dadyowga labada degaan.

 

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cige, oo la weydiiyay sida ay dawlad ahaan arrintaa u arkaan wuxuu sheegay inaanay arrintani waxba yeelayn xidhiidhada ka dhaxeeya dadka labada degaan, isaga oo wasiirku ku dooday inaanay dawlad ahaan cidna waxba u geysan, dadka ay qabqabteena ay degaamadoodii ku celiyeen, balse aanay dhib kale u geysan.

 

Marka la eego tirada dadka la qabqabtay waxay wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegeen tirooyin is khilaafsan oo ku saabsan dadka la qabqabtay, iyada oo uu wargeyska ‘Maandeeq’ cadadkiisii shalay soo baxay ku sheegay inay tirada dadka la qabqabtay tahay 24 wadaad, halka ay warar kalena tibaaxeen inay tiradu intaa ka badan tahay, isla markaana waxa jiray warar kale oo tibaaxaya inay dadka la qabqabtay ka mid ahaayeen dad suuqa iska joogay iyo xubno ganacsato yar-yar ah oo aan baadi u ahayn ama shaqo ku lahayn wadaadada la sheegay inay fadqalalo wadaan.

 

Hase yeeshee, wasiirka Daakhiliga Somaliland C/llaahi Cumar wuxuu Haatuf u sheegay inay dadka la qabqabtay ee dalka laga saaray yihiin labaatan wadaad oo dhallinyaro ah, isaga oo Wasiirku yidhi; “Waxay ahaayeen 20 wadaad oo aad u dhallinyar.”

 

Dhinaca kale, tan iyo intii ay soo shaac-baxday sheekada qabqabashada dadkan ay dawladdu masaafurisay waxa suuqyada Hargeysa gaar ahaan meelaha ay u badan yihiin dadka ka soo safra Kililka 5aad ee Itoobiya ay dadku arkayeen kooxo askar ah oo labo-labo iyo keli-keliba u socda, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay dad ugaadhsanayaan, iyada oo ay dad Haatuf u warramay tilmaameen inay walaac ka qabaan askar ay aaminsan yihiin inaanay dawladiba soo dirin ee ay yihiin niman iskood iskaga qadhaabanaya oo ugaadhsanaya dadka Kililka Shanaad iyaga oo ku gabanaya tallaabada ay dawladdu ku qabqabatay dadka ay sheegtay inay nabadgelyo-darro wadeen.

 

“Saaka (shalay), waxa na dilay aniga iyo gabadh kale nin askari ah oo aanu is nidhi ka furfura nin miskiin ah oo uu doonayay inuu xidho, isaga oo ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka la doonayo,” sidaa waxa tidhi qof dumar ah oo ay weriyeyaal Haatuf ka tirsani kula kulmeen meel ka mid ah suuqa weyn ee badhtamaha Hargeysa.

 

Hase yeeshee Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo aanu weydiinay inay jiraan cid kale oo ay ku dabo jiraan, doonayaana inay qabtaan wuxuu ku jawaabay “cid kale oo hadda la qabanayaa ma jirto, laakiin ciidanku aad buu u feejigan yahay.”

…………………………………………………

 

Tartan Aqooneed dhexmaray Dugsiyada Faarax Oomaar iyo Bursade

 

 

 

 

 

Berbera (Haatuf) :- kooxo arday ah oo ka kala tirsan dugsiyada sare ee Faarax Oomaar (Hargeysa) iyo Bursade (Berbera), ayaa shalay magaalada Berbera isku wajahay tartan aqooneed la xidhiidha barnaamij kedis ah, iyada oo uu tartankaasi ka dhacay xarunta dugsiga Bursade ee Magaalada Berbera.

 

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/raxmaan X. Daahir, waxa uu tartan aqooneedka dhexmaray labadaa dugsi ku dhammaaday iyada oo ay guushu raacday ardayda dugsiga sare ee Bursade, kuwaas oo hantiyay 26 dhibcood, halka ay ardayda dugsiga sare ee Faarax Oomaar heleen 24 dhibcood.

Barnamijka Kedis ee tartan aqooneedka dhexmaray labadaa dugsi waxa ka soo qaybgalay waalidiinta ardayda, mas’uuliyiin wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Saaxil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha dawladda ee Berbera.

 

Dhinaca kale, tartankaa kadib, waxay labada dugsi yeesheen ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda cagta ah, taas oo ku dhammaatay barbar-dhac 1-1 ah. Dhinaca Faarax Oomaar waxaa goolka u dhaliyay Faysal Maxamed Maxamuud, Dugsiga Bursade oo isagu gooldhalinta ku horreeyayna waxaa goolka u dhaliyay wiilkii lambarka 9aad u sitay kooxdooda C/raxmaan Maxamed Siciid (Dhibo).

 

……………………………………………………………………………

 

Shil Baabuur oo ay ku Dhinteen Laba Qof oo ka Tirsanaa Weftigii Jaaliyadda Ingiriiska

 

 

 

 

 

Berbera (Haatuf) :- Laba nin ayaa geeriyooday, mid kalena waxaa soo gaadhay dhaawac, kadib markii uu gaadhi ay saarnaayeen oo noociisu yahay Pajero maalintii shalay kula qallibmay agagaarka Tuulada Xamaas ee ku taal jidka laamiga ah ee xidhiidhiya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, wuxuuna shilkaasi dhacay abaaro 5:00-tii galabnimo.

 

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/raxmaan X. Daahir, taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka ee Berbera Maxamed Xasan Halac oo u warramay Haatuf ayaa sheegay in labada Marxuum ee shilkaa ku dhintay magacyadooda la kala odhan jiray Xuseen Ismaaciil Cabdi iyo Cabdi Cismaan Xasan.

Sidoo kale wadihii gaadhigaas oo la yidhaahdo Axmed Abokor Xirsi uu isna shilkaa ku dhaawacmay.

 

Taliyaha ciidanka waddooyinka Berbera wuxuu intaa ku daray in dadkaa shilkaa ku dhaawacmay iyo dadka ku dhintayba la soo gaadhsiiyay cusbitaalka Berbera abaaro 6:30 makhribnimo, lama sheegin sababta shilkaa dhalisay, iyada oo uu gaadhigaasi ka tagay Hargeysa una socday magaalada Burco.

 

Marxuum Xuseen Ismaaciil Cabdi iyo ninka dhaawaca ah Axmed Abokor Xirsi waxay labadooduba ka tirsanaayeen wefti ka socda Jaaliyadda reer Somaliland ee London oo waddanka ku joogay Socdaal hawleed, markii shilku la kulmayna waxay magaalada Burco ugu sii socdeen hawl la xidhiidha arrimaha ay dalka u yimaadeen oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

……………………………………………………………………………………………………………………

 

 

15 ka Tirsan Ciidanka Israa’iil oo ku dhintay Dagaalo Ka Dhacay Jinayn Iyo Naples

 

 

 

 

 

Qudus (W. Wararka): 15 ka tirsan Ciidamada Israa’iil, ayaa ku dhinta qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay dagaalo ba’ani ku dhexmareen, iyaga iyo Naftood hurayaal ka tirsan Falastiiniyiinta degmooyinka Naples iyo Jinayn oo ka tirsan deegaanada Falastiiniyiinta.

 

Dagaalka ka dhacay Jiniin oo ah xero ay ku jiraan Qaxooti reer Falastiin ahi, waxa kala hortagay Ciidamada Israa’iil ee duulaanka ku haya Kooxo hubaysan oo Falastiiniyiin ah, waxa Ciidamada Israa’iil ka soo gaadhay Jabkii ugu weynaa, iyada oo ay ku dhinteen 13 ka tirsan Ciidamada Israa’iil, kuwaas oo shalay ku baaqay xabad-joojin dhexmarta iyaga iyo Falastiiniyiinta, hase yeeshee naftood hurayaasha reer Falastiin oo ku adkaystay in ay Jihaadka wadayaan tan iyo inta ay Ciidamada Israa’iil ka baxayaan deegaankooda.

 

Degmada Naables-na, laba ka tirsan askarta Israa’iil ayaa ku dhintay, kadib markii ay sidoo kale Ciidamada Israa’iil difaac adag kala horyimaadeen dadka deegaanka ahi, taas oo marka la isku darro Israa’iiliyiinta la dilay ka dhigaysa 15 askari.

 

Waxaa kale oo ay Ciidamada Israa’iil sii wadaan, duulaankii ay ku hayeen degmooyinka Khaliil iyo Nables oo iyadu weli go’doonsan, waxayse Israa’iil Ciidamadeedii ka daadguraysatay magaalooyinka Dulkaram iyo Qalqiiliya, balse Masuuliyiinta Falastiiniyiinta, ayaa ku tilmaamay tallaabo khiyaamo ah oo aan dhammaystirnayn.

 

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, ayaa isna ogolaaday in ay Masuuliyiin ka tirsan Falastiiniyinu la kulmaan, Hogaamiye Yaasir Carafaat oo ku go’doonsan gurigiisa Raamalah, si ay ula yeeshaan wada-hadalo ku saabsan, waxa laga yeelayo xaaladda haatan taagan.

 

Dhinaca kale, dalalka Carabta ayaa iyaguna wada qorshe ay hordhigeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka dalbaya Israa’iil in ay ka baxdo dhulka ay xoogga ku qabsatay ee Falastiiniyiinta iyo in la helo cid dhex-dhexaad ah oo xilqaadda geedi-socodka waan-waanta bariga dhexe, si loo helo xal caadil ah. Taas oo ka dambaysay, markii ay Israa’iil u hogaansami weyday qaraarkii hore ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay.

……………………………………………………………………………………………………………………

 

 

Sucuudiga oo Diiday in Saliida La Xayiro

 

 

 

 

 

Riyaad (W. Wararka): Wasiirka Batroolka ee Sucuudiga Cali Naciimi, ayaa sheegay inuu dalkiisu ka soo horjeedo in Saliidda oo la xayiro loo adeegsado hub-siyaasadeed oo Cadaadis lagu saaro reer Galbeedka, si ay u joojiyaan taageerada ay siinayaan Israa’iil , waxa kale oo uu meesha ka saaray in ay suuqyada Saliidda wax u dhintay joojinta ay Ciraaq joojisay, Saliideedii ay u iib geyn jirtay Suuqyada aduunka.

 

Waxaanu intaa ku daray inuu dalkiisu yahay ka ugu weyn ee soo saara Saliidda aduunka, ayna awood u leeyihiin in ay wax-soo-saarkooda gaadhsiiyaan 10.5 Malyuun oo Foosto, 90-ka maalmood ee soo socda.

 

Haatan waxa uu Sucuudigu soo saaraa 7.4 Malyuun oo Foosto maalintii, taas oo qayb libaax ka ah wax-soo-saarka guud ee dalalka OPEC oo gaadhay, guud ahaan 5 Malyuun oo foosto maalintii.

Waxa ay tani ka dambaysay, markii uu dalka Ciraaq hakiyay, wax-soo-saarkiisii Saliidda maalintii Isniintii, taas oo sare u qaaday qiimihii Saliidda ee suuqyada aduunka.

……………………………………………………………………………………………………………………

 

Maraykanka Oo Adkeeyay Fiisaha Lagu Gali Karo

 

Washington (W. Wararka): Dawladda Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday in ay adkeysay, sida lagu heli karo Fiisaha dal ku galkeeda, gaar ahaan dadka doonaya Waxbarashada ee dalbanaya waxbarashada Jaamacadaha iyo Machadyadda ku yaalla Maraykanka.

 

Sida uu sheegay Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maraykanka, waxa ay go’aankan ku dhaqan-gelinayaan, si dhakhso ah, iyadoo la qaadayo tallaabooyin ay ka mid tahay in aan dadka Fiisayaasha doonaya, siyaaro ahaan ku gelin Maraykanka, inta ay ogolaanshiiyo ka helayaan xafiiskan socdaalka ee Maraykanka.

 

Tan iyo intii ay dhaceen Weeraradii 11-kii September ee sannadkii ina dhaafay ee lagu qaaday Maraykanka, waxa uu cadaadis isa soo tarayay lagu hayay, Laanta Socdaalka ee Maraykanka oo lagu eedeeyay in ay dad aan Fiisayaal Rasmiya haysan u ogolaadeen in ay galaan Maraykanka, kuwaas oo ay (19) sagaal iyo Toban ka mid ihi, haatan u xidhan yihiin, iyadoo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen Weeraradii 11 September.

……………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

“Waa in La Dhawro Xasiloonida Gobolka, Inta Laysugu Imanayo Shir-qarameed”

Shir-jaaraa’id – Salaadiinta Boorama

 

 

 

 

Boorama (Haatuf): Salaadiinta Gobolka Awdal, ayaa Shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Boorama ku sheegay in aanay waxba iska bedelin Mowqifkoodii, dhinaca Siyaasadda ee ku waajahnaa Xukuumadda talada haysa, kuna cadeeyay in ay aaminsan yihiin in dadku ka tashadaan dhismaha Xukuumad Cadaalad ku dhisan. Isla markaana kaga hadlay arrimo kale oo laxidhiidha Ugaas Cismaan Ugaas Doodi oo isagu bedelay mowqifkaa hore.

 

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, Salaadiinta Shirka Jaraa’id qabatay oo kala ah, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xaddi iyo Suldaan Yuusuf Cadan, waxay dhammaantoodba ka mid ahaayeen, Salaadiintii baaqa qabashada Shir-qarameedka sida wada-jirka ah uga soo saaray magaalada Burco, waxaanay xubno ka yihiin Golihii Salaadiinta ee halkaa lagu dhisay. Shirkaa Jaraa’id oo ay shalay galab qabteena, waxay ku cadeeyeen in aanay waxba iska bedelin Mowqifkoodii Siyaasadeed ee ka dhanka ahaa, Xukuumadda Madaxweyne Cigaal.

 

Saddexdan Suldaan, waxa kale oo ay shirkaa Jaraa’id kaga hadleen Ugaas Cismaan Ugaas Dooddi (Ugaaska Samaroon) oo hore ula mowqif ahaa, balse hadda isbedelay, Saxaafaddana u sheegay in sababta uu u bedelay Mowqifkiisu ay tahay mid ka dhalatay, isagoo ka baqay inuu dalka ka dhaco qallaase iyo bur-bur loo aaneeyaa.

 

“Ugaas Cismaan, anaga nalagama tashanin wuxuu yeelayo, sidaa daraadeed waxaanu u aragnaa in taasi tahay mid isaga khusaysa,” ayay yidhaahdeen Saddexda Suldaan. Waxay intaa ku dareen in dhaqanka Salaadiintu yahay in aanay belaayo hurrinin, burbur iyo xumaana aanay ka talin, sidaa daraadeed ayay yidhaahdeen; “Annagu marnaba kuma talinayno wixii wax u dhimaya qaranimada Somaliland. Laakiin, nooma muuqdaba burbur iyo qallalaase dhici karaa.”

 

Mar wax laga weydiiyay, haddii Xukuumaddu martiqaado in ay aqbalayaan iyo in kale, waxay sheegeen in tobannaan jeer oo hore Xukuumaddu martiqaaday, balse aanay iyagu ku tashanin in ay ka Jawaabaan, iyagoo aan marka hore wada-hadal ka yeelanin ummadda ay metelaan.

 

Saddexdaa Suldaan, waxay ugu baaqeen bulshada Gobolka Awdal, in ay xasiloonida dhawraan, “Waa in la dhawro xasiloonida Gobolka, inta wakhti ku haboon Shacbiga Somaliland isugu imanayaan Shir-qarameed, maadaama Xukuumadda dalka Xukunta wakhtigeedii dhammaaday.”

……………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

“30% Macalimiinta Gobolka Saaxil Mushahar Ma Qaataan”

 

 

 

 

 

Berbera (Haatuf): Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Saaxil Mr. Cabdi Cabdillaahi Maxamed (My dear), ayaa Wargeyska Haatuf, Weriyaha u joogga Berbera C/raxmaan Xaaji Daahir uga xog waramay xaaladda Goobaha Waxbarashada, duruufaha shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Saaxil , waxaanu yidhi; “Xilligii la tiro koobay Iskuulada furan, waxaa Gobolka Saaxil ka furnaa 6 Iskuul oo keliya, waxaana wax ku baran jiray 891 arday. Maanta April 2002, waxaa ka furan Gobolka Saaxil 45 Iskuul, waxaana wax ku barta arday tiradoodu dhan tahay 5,003 (shan kun iyo saddex arday). Farqigaa ka muuqda Macalimiinta tiradooda ma jirto shaqaale la noogu kordhiyay, waxaa qudha ee lana siiyay waa 27 Macalin oo lanaga siiyay tixgelin ahaa 27 Macalin.

 

Mr. Cabdi Cabdillaahi, Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Saaxil, wuxuu sheegay in Macalimiinta aan Mushaharka qaadan ay Hay’adaha Dakhliga ee Gobolka jooggaa ay qaadhaan Bile ah u jari jireen, taas oo dabooli jirtay Baahida Macalimiintaa, hay’adahaasina waxay kala ahaayeen; Dekedda, Wakaaladda Biyaha iyo Dawladda Hoose.

 

Mr. Cabdi Cabdillaahi, wuxuu intaa ku daray in kabkaas uu joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo Hay’adihii Kabkaa na siin jiray u sheegeen in aanay bixin karin Kharashkaa, markaa mana jiro shaqaalayn la kordhiyay.

 

Mr. Cabdi Cabdillaahi, wuxuu kaluu sheegay in dugsiga sare ee Berbera uu leeyahay, Laab qalabaysan, hase yeeshee dhuumaha ogsijiinta ay ka xun yihiin, taas oo keentay in aan lagu qaban tijaabooyinak ardayda lagu tuso.

 

Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Saaxil, Mr. Cabdi Cabdillaahi Maxamed (My dear) oo tilmaamayay Iskuulada ay macalimiinta bilaa mushaharka ku shaqayso, qaar ka mid ah wuxuu sheegay in Iskuulka Dhaqaalaha Guriga ee Berbera (Women’s Club) ay 6 macalin oo Haweeni ku shaqeeyaan mushahar la’aan. Iskuulka Saaxil/Berbera 5 macalin aan weli mushahar loo qorin, Sheekh Iskuulka loo yaqaano ay sidoo kale 5 macalin weli tabaruc ku hawl-galaan.

 

……………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

Xukuumadda oo Ku Gacan-saydhay Ergo Reer Burco ah

 

 

 

 

 

Burco (Haatuf): Guddi Salaadiinta iyo Waxgaradka reer Burco u xilsaaran in ay Xukuumadda kala soo xaajoodaan, go’aanka dalka lagaga musaafurinayo Wakiilka Hay’adda Sucuudiga ah ee Al-xaramayn, ayaa shalay daboolka ka qaaday in Xukuumaddu ku adkaysatay go’aankeedaas, isla markaana ay la wareegayso dugsiga Agoomaha Burco oo ay hay’adaasi gacanta ku haysay.

 

Guddigu, waxa ay kaga Warbixiyeen natiijada ergadii ay ugu tageen Xukuumadda, shir ay shalay isugu yeedheen Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka reer Burco oo lagu qabtay Hotelka Shamaxle.

 

Guddigu, waxa uu xog warankiisa ku sheegay in arrintaa ay kala hadleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Ducaale, wuxuuna si cad noogu sheegay ayay yidhaahdeen in dugsiga ay la wareegayso dawladda Somaliland, hay’addana dalka laga saarayo.

Guddigu, waxa uu intaas ku daray in ay Wasiirka hordhigeen caddaymo muujinaya in hay’addaasi aanay argagixiso ahayn, isla markaana ay weydiiyeen inuu hayo wax dembi ah oo ay gashay, balse waxay sheegeen in aanu tusin wax dembi ah oo ay gashay hay’addu, uuna iska indha-tiray caddaymihii ay hor dhigeen.

 

Waxa kale oo ay sheegeen guddigu, muddadii ay Hargeysa joogeen in ay la kulmeen Wasiiro u dhashay Gobolka, ayna ku kala yimaadeen in ay keenaan caddaymaha in aanay hay’addaasi argagixiso ahayd, dedaal dambena ay wada-qaadaan.

 

Hase yeeshee, waxay sheegeen in Axadii guddiga looga yeedhay Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer, laguna wargeliyay “Amar Madaxweynaha ka yimi” oo ah in dugsigaas ay dawladdu la wareegtay, wixii Ajnabi ahina ay dalka ka baxaan.

 

Dugsiga Agoomaha ee Burco, ayaa la sheegay in arday kasta la siiyo bishii lacag dhan $40 (Afartan Doollar) oo hoyga, cuntada iyo waxbarashadu dheer tahay, iminka ay dawladdu sheegtay in ay siinayso Sl.Sh 2,800 (Laba kun iyo sideed boqol), arday kasta maalintiiba.

 

Aadan Baxnaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Burco, guddigana xubin ka ah ayaa sheegay in laba Al-xarameyn ay jiraan, ta Maraykanku hantideeda xayirayna aanay tan ahayn. Sidoo kalena aanay argagixiso shaqo ku lahayn; “Waana duullaan toos ah oo dawladdu ku soo qaaday dugsiga” ayuu yidhi Aadan Baxnaan.

 

Warbixintaas kadib, waxaa hadalo cadho iyo niyad-xumo weyn leh kaga jawaabay arrintaas, qaar ka mid ah Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada reer Burco, waxayna xubnahaas qaarkood ku taliyeen in reer Burco ergo kale oo ay u dhan yihiin u diraan Xukuumadda, haddii ay rabitaankooda ajiibi weydona ay ka tashadaan.

“Meeshii u liidatay magaalada Burco, haddii dawladdu ay soo weerartay waa ayaan-darro.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, isaga oo tilmaamaya carruurta agoonta ah ee hay’addaasi kafaalla qaadatay.

“50 hay’adood oo Kiristaan ah baa wadanka joogga oo danahooda ka fushada, Xukuumadduna aanay waxba ka qaban” ayuu raaciyay Suldaan Maxamuud.

“Bangiga Islaamka oo dhawr jeer isku dayay inuu wax inoo qabto, waa loo diiday. Markaa anigu, waxaan qabaa in arrinku argagixiso ka weyn yahay,” ayuu yidhi Suldaanku, wuxuuna ku taliyay in guddi midaysan oo caddaymahaas hordhigta Xukuumadda loo diro.

 

Suldaan Maxamuud X. Xuseen Cali oo dhawaan la caleema saaray, ayaa isaguna yidhi; “Dawladda waxa loo samaystaa Maxaynu doonaynaa, dawladdana waxa laga rabaa Maxay dadweynuhu doonayaan, waxana uu soo jeediyay in marka hore agoonta dugsiga qorshe loo sameeyo, wax kastana midnimo lagu baadi doono.

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo isagu aad u taageera Xukuumadda, ayaa sheegay in aad uga xunyahay arrinta, waxana uu lagama maarmaan ka dhigay in la ogaado dembiga hay’addu gashay. “Waxaan arrintan kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha” ayuu yidhi. “Waxaan weydiiyay maxaad dembi u haysaa hay’addan, wuxuuna iigu jawaabay; hay’addu dembi ma laha ee waa shakhsiyaad,” ayuu raaciyay, waxana uu sheegay in Islaamnimadu aanay ahayn argagixiso.

“Hay’addani Itoobiya ayay ka furan tahay, markaa dawladda caddayn baanu ka rabnaa,” ayuu yidhi.

 

Suldaan Cismaan, waxa uu kula taliyay dadkii sida cadhada leh ugu hadlay arrinta, in la kala saaro “Siyaasadda iyo Danta Burco,” isla markaana arrimaha noocaas ah lagaga wada-hadlo shir isu dheelitiran oo dhinacyada oo dhami ka qaybgalaan.

Shirkaas, waxa kale oo ka hadlay Eng, Saleebaan Nuux, Maxamed Kaahin Axmed Yuusuf Xasan Xayd iyo Xubno kale.

…………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

 

TAARIIKHDA SOMALILAND

 

MAAMULADII KA JIRI JIRAY QARNIGII 7AAD ILAA QARNIGII 20AAD

 

 

 

 

 

Somaliland waa dhulka u dhaxeeya Djibouti iyo Soomaaliya. Dhulka Somaliland wuxuu ka mid yahay dhulkii ay Faraacidii hore u yaqaaneen Puntland.

 

Qarnigii 7aad iyo 12aad ayaa waxaa soo degay xeebaha Somaliland Carab iyo Iraaniyiin, waxayna dhiseen magaalooyinka Saylac iyo Berbera, halkaas oo ay bilaabeen inay dhoofiyaan Xabkaha iyo Beeyada qaaliga ah, Baal Gorayga iyo Adoonta.

Qarnigii 13aad waxay Saylac xarun u noqotay Boqortooyo Islaama oo ay sameeyeen dadkii degay xeebta Saylac ee muslinka ahaa oo la magac-baxday ‘Ifat’.

 

Boqortooyadii Ifat waxay dagaal la gashay boqortooyadii Itoobiya.

Boqortooyadii Ifat ee xaruntoodu ahayd Saylac waxaa askar iyo shicib u noqday xoolo-dhaqatadii Soomaalida ahayd oo markii dambena iyagu xukunka la wareegay.

Taariikhdu waxay qortay in Rumaaniyiintii hore ay iyaguna u yaqaaneen dhulkan magaca ‘Aromo’, iyaga oo magacaa ugu bixiyay waxyaalaha uduga ah ee looga geyn jiray halkan.

Boqortooyadii Ifat way ballaadhatay, waxayna gaadhay dhul badan oo ku yaala geeska Afrika, iyada oo la baxday magac cusub oo ah ‘ADAL’.

 

Dagaalkii ay boqortooyada Adal la gashay boqortooyadii Itoobiya awgeed waxaa xagga badda ka soo weeraray xaruntii boqortooyada Adal ee Saylac Dawladdii Bortiqiiska oo ahayd tii dunida ugu xooga weynayd sannadkii 1541.

Bortiqiisku way burburiyeen Saylac, laakiin may qabsan weerarkaa Bortiqiisku ee Saylac wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Adal waa sii liciifaysay, waxayna u kala googo’day Saldanado yar-yar.

1698 Somaliland waxaa xukumi jiray boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee Turkiga ahaa ‘Ottoman Empire’, waxaanay Somaliland laga xukumi jiray qaybtii Masar ee Boqortooyada Cusmaaniyiinta.

Somaliland waxaa u joogay maamulayaal Masaariya.

 

1884 shirkii Berlin ee qaybsiga Afrika, ayaa Ingirisku qayb ugu helay Somaliland.

Ingiriiska oo horeba u degganaa Cadan oo dhinaca Waqooyi ka kulaalaysa gacanka Cadmeed wuxuu Masaarida kala wareegay Saylac iyo Berbera sannadkii 1885.

1899, ayuu Maxamed Cabdulle Xasan dagaal kala horyimid maamulkii Ingiriiska ee Somaliland.

1900 ilaa 1904 ciidamadii Maxamed Cabdulle Xasan afar goobood ayay ku jabiyeen ciidamada Ingiriiska oo ay iskaga horyimaadeen ciida Somaliland.

 

Sannadkii 1920 ayay ciidamadii Ingiriisku jabiyeen ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdulle Xasan “Sayid Maxamed’.

Xilligaa wixii ka dambeeyay maamulkii dawladda Ingiriiska ayaa ku baahay dhammaan dhulka Somaliland oo ah inta u dhaxaysa Djibouti iyo Soomaaliya.

………………………………………………………………………………………………………………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Gebilay Ma Gobol Baa?

1999-kii ayaa waxaan la kulmay Nin aan saaxiibo nahay oo Wadanka Sweden aan wada degenahay. Waxa uu markaa ka yimi wadankii hooyo oo mar hore noogu dambeysay aniga iyo dhowr nin oo meesha uu noogu yimid oo maqaaxi shaaha laga cabo ahayd fadhiyey. Waxaanu ku nidhi waar bal fadhiiso oo shaah cab oo warkana nasii. Ninkii sheekooyin dhaadheer oo dhinac walba leh ayuu nooga sheekeeyey oo runtii wax lagu farxo u badnayd. Laakiin sheekooyinkiisa ayaa waxa ku jirtay mar uu ka sheekeeynayey Gabiley oo uu yidhi waxaan tegey Gobolka Gabiley oo arimo ganacsi igaga xidhnaayeen ayaan intaanu sheekadii dhamayn waxaan weydiiyay (GABILEY MA GOBOL BAA ),markaasuu iigu jawaabay Haa . Labadii nin ee kale oo dhinacyada naga fadhiyey baa mar keliya suلal isku mida weydiiyay oo yidhi (GOOR MAA LOOO MAGAACABAY ?) Waxa uu ugu jawaabay Waar nin yahow waxaan u malaynayaa Waqtigii CABDIRAXMAAN TUUR waayo magaaladu waa magaalo aad u weyn oo aan ka dhicin BURCO iyo HARGEYSO oo camiran dhaqdhaqaaqeeda dhinac walbana aad yaabayso.  Markaa inta aan aniga ogaanshahayga ahna wax gobola kumaan maqal sidaa aawadeed baanan suaasha cinwaanka ah u weydiiyay ninkaa Odeyga ah. Haddaba Afartayada nin ee meesha ku sheekaysanayey waxaan ka soo kala jeednay Afar degmo oo shaw nin welba niyada ku haysto in loo magacaabo Gobol waxyna kala yihiin GABILEY, OODWEYNE, LUGHAYA , IYO ninka noo waramayey oo la haya CAYNABO .

 

Markaa sheekadaa saaxiibkay waxay i xasuusisay Qiso jirtay muddo hore oo ku saabsanayd in GOBOL loo codsado GABILEY. Sheekadani markay dhacday ayaan qoray maqaalkan la magac baxay ( GABILEY MA GOBOL BAA ) waxaanan u diray wargeyska madaxbanaan ee Jamhuuriya aniga oo u kala diray saddex nin oo aan maqlay in ku shaqo leeyihiin wargeyskaa Jamhuuriya oo la kala yidhaa Cabdi yusuf Ducaale iyo ninkii ka danbeeyey ama hindisay sawirkan dhan xiir ee jamhuuriya ku caanka tahay oo la yidhaa Maxamed Ciise Nijaar oo degen Sauudiga iyo ninka  ah tifaatiraha wargeyska jamhuuriya oo  la yidhaa Xasan siciid Yusuf . Run ahaantiina ma sheegi karo in ay heleen oo ay daabaceen maqaalkan iyo in kale sababtoo ah dhawr qof oo aan weydiiyey bal in ay arkeen maqaalka ayaa igu yidhi maanaan arag, markaas ayaan imika gooaansaday in aan shabakada internetka ku baahiya intii ay iiga suura geli karto .  

 

Hadaba hadaan dib ugu yara noqdo ama u jaleecno taariikhda waqtigii Gumaystihii Ingriiska xornimada siiyey Somaliland, waxay ahayd labo Gobol oo keliya oo kala ah Gobolka Waqooyi Galbeed oo magaalo madaxdiisuna ahayd (Hargeysa) isla markaana ahayd caasimada iyo iyadoo  xukumaysay laga bilaabo Berbera ilaa Saylac inta u dhaxaysa  , iyo  Gobolka Togdheer oo magaalo madaxdiisuna ahayd ( Burco ) Waxa hoos imanayey oo ay  xukumaysay sheekh ilaa iyo Laasqoray ama sheekh ilaa iyo Tuko raq oo Gorowe labaatan kilometer u jirta . Waxaa iyana xornimo ka qaadatay Dawladii Talyaaniga, Soomaaliya oo ka koobnayd Lix gobol. Markaa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa isku biiray waxayna noqdeen Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya iyadoo wax shuruuda la kal qoran u jeedada u weyna ahayd Soomaaliweyn raadin. Waxayna Jamhuuriyaddu ka koobnayd Sideed gobol marka la isku wada daro iyo dhawr iyo toban degmo waxaana ay sidaa ahayd intii ay shaqaynaysay Dawladii shicibka ahayd ilaa Keligii taliyihii Siyaad bare ka inqilaabo Maxamed xaaji Ibraahim cigaal 1969kii.

 

Haddaba haddaan u soo noqdo u jeedadaydii aan u soo qaatay maqaalkan ayaa waxa jirtay muddo hadda ka soo wareegtay soddon sano waa 1972 waxaan ahaa labo iyo toban jir waxaan dhiganayey fasalka saddexaad ee dugsiga hoose, afka carabiga iskumaanaan wanaagsanayn oo waan u googoyn jirey, waan xasuustaa weli nin macalin carabi ahaa oo dhib badnaa oo dabada na casayn jirey siduu noo garaacayo ayaa maalintaa layli noo soo diray (Home work) waa galin dambe  waxaanan fadhiyay  bakhaar weyn oo aan lahayn miiskiisa xisaabta lagu qabto . Bakhaarka gelinkii dambe maalintaa waxa fadhiyey Odayaal muxtarim ka ah degaanka oo weliba suldaan iyo caaqilba leh in kastoo Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee intoodii badnayd geeriyoodeen oo ay inaga hooseeyaan waxaan ka xasuustaa  Suldaan Cabdiraxman sh. Muxumed , Chief Caaqil Ina Ibraahim Khaliif , Chief Caaqil Yuusuf Khaliif Cige (XARUUR) . Chief Caaqil Yuusuf Magan (Caloolay), Mudane Axmed Yusuf Ducaale. Waxa ay ka sheekeeynayeen in degmada loo codsado Gobol, dabadeed mid ka mida odayaasha ayaa yidhi waar horta maxaa shuruuda ee looga baahan yahay Gobol marka la doonayo Markaa nin aqoon lahaa oo aanan xasuusan magaciisa ayaa ka jawaabay oo waxa uu yidhi marka Gobol la magacaabayo waxa la qiimeeyaa wax soo saarkiisa dhinac walba leh hadday dalag tahay iyo haday dakhli cashuur tahayba, markaas ayuu nin kale yidhi dee waar intaaba waan buuxinaynaa oo weliba waxbaa inaga soo hadhaya .

 

Markaa waxa loo qoray warqad codsiya Dawladaii rajiimka ahayd ee ka talinaysay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee saqiirtay. Markaasoo uu waday dardartii cusbayd ee uu la soo galay rajiimku dalka ee qiiq isku qariska ahayd, isagoo halkaa ku magacaabay  magacaabay Toban Gobol oo kale oo kala danbeeyey oo uu Todoba ka mida tobankaa ku kordhiyey Soomaalidii koonfureed ee rajiimku ka soo jeeday halka goboladii waqooyi  ee Somaliland ku kordhiyey oo keliya saddex gobol oo keliya , taasoo ku tusaysay dareenkii ay ka muujiyeen caddaalad darada durba lagula kacay dadkii u dhashay gobolada waqooyi ayagoo ahaa labo wadan oo isku biiray oo siman sugayana  Soomaalidii kalee maqnayd , waxa kale oo  iyana nasiib daro kale noqotay Gabiley oo ka sugaysay codsigeeda Gobolka jawaab oo haba yaraatee  rajiimku  uusan  wax jawaaba soo siin .  Bal dheeho Gobolada uu bixiyey rajiimku sida ay  kala ahaayeen  Boorama,  Ceergaabo, Sool, Garowe, Dhuusamareeb, Jawhar, Marka, Bakool, Buلale iyo Tuuladii uu ku dhashay ee Garbahaaray.

 

Haddaba Akhristayaal, Gobolada la bixiyey si caddaaladu ku jirto looma bixin waayo labadii gobol ee isku biiray marka loo eego waxa ay ahayd in si siman wax loogu qaybiyo. Laakiinse may dhicin oo Goboladii waqooyi waxa ku soo biiray oo keliya saddex gobol halka kuwii Koonfurta ay kaga soo biireen Toddoba Gobol. Taas oo shacabweynaha waqooyi guux weyn ka muujiyeen. Sidaasi kumaysan joogsan cadaalad daradiiye way sii socotay oo waxaabu bilaabay in uu macalimiintii tayada lahaa ee wax baraysay ardayda waqooyi loo bedelo Koonfur , waqooyina la keeno kuwa tiiba talyaaniya oo aan laba fahmayn. Iyadoo sidaasi arintu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii cakirmayso ayaa waxaa Muqdisho ka yimi ninkii afweyne u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka oo la odhan jirey Xuseen Kulmiye Afrax oo markaa siday kartoomo ay ku jiraan go´yaal cadcad oo ku sheegay in qabyaalada kafan looga dhigaayo lana aasaayo Qabyaaladii, hadda garoo qabyaaladana waxbay ku bixinayaan oo waxaa kuu cadaynaysa sidaa Goboladii aan soo xusnay loo qaybiyey iyo weliba degmooyin badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn. Haddaba Akhristoow waxay Odayaashii iyo Waxgaradkii Degmada gebiley Qoreen warqad cusub oo ay ku codsanayaan mar labaad in Gabiley Gobol loo magaabo iyo in Tog-wajaale, Alleybaday, iyo Arabsiyo loo magacaabo Degmooyin . Codsigaa waxay u dhiibeen ninkii madax weyne ku xigeenkaa ahaa markii ay la aaseen labadii go´ ee cadcadaa ee kafanka looga dhigay qabyaalada oo maalintaa la aasay , habeeninamadeedii aan maqlay nin askartii laga soo bedelay koonfurta  baa habeenimadii kala baxay labadii go´ee cadcadaa meeshii lagu aasay. Xuseen kulmiye  waxa uu isna balan qaaday in si dhakhso uu ugu gudbin doono madaxweynahii rajiimka ahaa iyo waaxda ay khusayso oo ahayd Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu madax ka ahaa  Ina Saleebaan Dafle.

 

Akhristoow Demooyinkii iyo gobolkii ayadoon wax jawaab ahi ka iman, ayaa  waxaa dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo dadka wax indho indheeyaan ku micneeyeen mid aan la lafo gurin ama wada tashi guud laga samayn  ee Umadda lagu dagaal geliyey dadka Soomaaliyeed ee Gumaystuhu haysto ayaan ka xoreynayeynaa oo shantii Soomaaliyeed baan isku keenaynaa arinkaas oo shacabweynaha soomaaliyeed dhamaantood ahayd riyo ay rumaysanaayeen in ay maalin uu dhaboobi doonto oo malaha ay maanta tahay maalintii .

 

Degaanka gabiley markaa wuxuu ahaa horseedihi dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka shacbiga SNM  ee ka soo horjeesta rajiimkii iyagoo ciidamadii ugu horeeyey la dagaalamaa ka ka baxeen degaankaas  ka dibna lagaga dhawaaqay ururka SNM magaciisii London.

 

Haddaba markii la riday xukunkii keligii taliskaa ahaa ayaa la is weydiiyey arimo badan oo lala kulmay intii ay midoobeen labadii gobol ee xornimada ka qaatay Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaana la garowsaday in midnimadaasi lagu khasaaray markii dhinac walba laga eegay oo aysan muuqan in khaladkii lagu sii socdo ee laga tashado ayadoo tusaale loosoo qaatay haddii midnimo wax tarayso Jabuutii oo dadkeenii ku dhamaadeen xornimadeediiba in ay banaanka ka joogsatay soomaaliweyn markaa dee inaguna wax loogu hanqal taagaaba aysan jirin oo aan soo aragnay Macaan iyo qadhaadh waxay leedahay Midnimadu. Ka dibna waxa lagu dhawaaqay la soo noqoshadii Somaliland iyadoo shirku ka dhacay Burco 18 may 1991. Halkaasaa lagu Doortay SNM  in  sharaf ahaan loogu dhiibo iyo in ay xukunka sii hayso muddo labo sano oo kumeel gaadha inta dawlad loo dhan yahay la soo  dooranayo  ee la isku imanayo labadaa sano ka dib ayadoo halkaa lagu doortay Madaxweynihii ugu Horeeyey ee Jamhuuriyada Soomaaliland oo ahaa CABDIRXMAN AXMAD CALI.

 

Haddaba Gabiley Gobolnimadeedii waqtigaa maamulku isaga aayaaba soo qaaday oo diyaar la ahaa laakiin waxa hakiyey siyaasada oo aan degenayan oo lahayd cadowga gudaha iyo dibada oo aan rabin in ay muujiyeen wada shaqayn , in kastoo mar walba degaanka gabiley ka go´nayd u diyaar garawga difaaca dalka iyo dawlada curdinka ah waxii dhibaato ah ee ku yimaada . Hadaba waqtiga oo ku yaraa iyo mucaaraadka oo fursad siin aawadeed ayuu waqtigiina kaga dhamaaday  dawladii cabdiraxmaan tuur iyadoon ku guuleysan in ay dejiso haykalkii dawladnimo. Markaa waxa la gaadhay waqtigii la balansanaa oo waxa la isugu yimid shirkii lagu balansanaa oo waxa la isugu tegey Boorama iyadoo lagu soo doortay MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL in uu noqdo madaxweynihii labaad ee Somaliland . Markaa isagana waqti bay ku qaadatay in uu dejiyo dawladnimadii oo waxaa ka hor yimid mid la mida tii ka hor timi Cabdiraxmaan tuur laakiin isagu waa CIGAALE waqti ka badan buu helay oo uusan cabdiraxmaan haysan. Intaa Gabiley kama maqna hamadii ee waxay leedahay horta reerku ha dego. Markaa markii reer kii degey ayey u gudbisay mawqifkeedii Gobolnimo Wasaaradda Arimaha Gudaha . Waxase iyana soo Gudbisey Codsi kaa la mida Degmada Berbera in loo magaacaabo Gobol. Si walba ha u dhacdee waxa Ina Cigaal u magacaabay Gobol magaaladii  Berbera, Gebileyna looma magacaabin .

 

Waxaase soo baxay hadalo odhanaya labadoodu isuma heli karaan labo Gobol waayo isu reer baa ka soo jeeda. Markaa waxa dhacday bal in aanay doodan ka qayb gelin Gebiley ee in mudo ah candhuufta dib u liqdo. Akhristoo GABILEY iyo BERBERA marka la eego dhaqaalaha ka soo baxaa waa ka wadanka ugu badan, ama waa meelaha la odhan karo  80%  Dakhliga wadanku waa halka uu ka soo hoydo . Haddii aan is idhaa qiyaas midba inta ka soo baxda waxaan ku tilmaami karaa BERBERA 45% in ay soo hoyso, GABILEYNA 35%. Halka gobolada kale ka soo xerooto dakhli dhan 20% Marka laga reebo caasimada Hargeysa. Waa qiyaas ee maaha cilmi baadhis sugan oo lagu sameeyey, waxaana laga yaabaa inaan siday ahayd u sheegin, inkastoo aan meelo kale la barbar dhigi karin. Haddaba waxa dhulka Somaliland ka noqotay wax caadiya in dadka qaarkood isku qaldaan in Gabiley Gobol tahay iyo in ay degmo tahay. Waxaana imika caado noqotay in xisbiyada ku tartamayaa dorashada dalka ka dhacaysaa markay xafiis ka furanayaan in mid walbaa ku cadeeyo mawqifkiisa ku wajahan mustaqbalka waxa uu ka yeelayo haddii uu ku guulaysto madaxtinimada isagoo xisbi walbaaba ku dhawaaqaya in Gobol loo magaacaabi doono Gabiley.

 

Waxa iyana xusid mudan in saddexdii magaalo ee degmada loo doonayey mid ka mida oo ah Alleybaday in loo magaacaabay degmo . Waxaa iyana cadaan ah inaysan shacbiga soomaaliland ka go´an tahay in la siiyo Gobol Gabiley oo aanay waxba ka qabin  iyagoo u eegin qabiil . dhamaad.

Aadan Yuusuf Caalin, Sweden

…………………………………………………………………………………………

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

 

Kooxaha Isbaanishku ma difaacan doonaan sumacaddooda?

 

 

 

 

London (AP) – Sumcadda kooxaha Isbaanishku waxay saaran tahay seef afkeed ka hor inta aanay la ciyaarin kulamada Arbacada ee tartanka koobka horyaalada Yurub.

Saddexda kooxood ee Isbaanishka ee Barcelona, Deportivo iyo Real Madrid, ayaa dhammaantood laga badiyay kulamadii toddobaadkii hore, sidaa darteed waxay mid waliba u baahan tahay inay aar-goosato si aanay uga hadhin wareega kama dambaysta ah (semifinals).

 

Deportivo waxay caawa la ciyaaraysaa Manchester United oo hore gurigeeda 2-0 ugaga soo adkaatay, sidaa darteed waxay u baahan tahay inay 3-0 ku badiso kulanka caawa.

Tabobaraha Deportivo Javier Irureta ayaa shalay kooxdiisa kula dardaarmay inay u diyaargaroowdo sidii ay halgan adag ula geli lahayd Manchester, ciyaartoygiisana wuxuu mid mid ugula ballamay inay ku dagalamaan sidii ay u gaadhi lahaayeen wareega kama dambaysta ah.

Goolhayaha Man. United Fabien Barthez, oo haysta laba gool oo ay dibeda ku soo dhaliyeen ayaa sheegay inay si adag u wajahayaan kulanka Deportivo. “Waxaanu sii wadaynaa mid la mid ah halgankii aan muujiyay ayaamo yar ka hor, inkasta oo ay kubadda cagta wax waliba ka suurogalaan.”

 

Inkasta oo Manchester fikraddaa aaminsan tahay haddana waxa taa mid si weyn uga duwan qaba tabobaraha Deportivo, oo isagu aaminsan inay ka badin karaan Manchester oo hore 3-2 gool kaga adkaadeen kulan ka dhacay Old Trafford, wuxuu intaa ku daray inay u ciyaarayaan si aan hore ugu ciyaarin. “waxaan doonayaa in aanu ku soo baxno gool-dheeri, haddii Manchester gool dhaliso, waa in aanu anana saddex dhalinaa, laakiin haddii aanay waxba dhalin laba gol way noogu filan tahay inaanu waqti dheeraah ah isla tagno,” sidaa waxa yidhi Javier Irureta.

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Mauro Silva, oo ku dhaawacmay kulankii Sabtidii oo 5-0 kaga dul tallaabsadeen Real Mallorca ayaan ciyaarta Arbacada safanayn.

Waxa isna dhaawacmay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sergio, isla kulankaa waxa dhaawac ku gaadhay difaacyahanka Cesar. Hase yeeshee, tabobaraha Deportivo, wuxuu ku adkaysanayaa inuu kaalintaa buuxin karayo, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaan haystaa xul ka kooban 22 ciyaartoy, wayna jiraan qaar ka mid ah oo dhibaato dhaawac aafaysay, laakiin waxaan haystaa kooxdii ugu fiicnayd ee socdaal gasha.”

Dhinaca kalena M. United oo ku tallaabsatay guul dhaxal-gal ah wejigii hore ee tartanka waxay leedahay laba gool oo ay kala dhaliyeen David Beckham iyo Ruud van Nistelrooy.

Hase yeeshee, kulanka waxaa ka maqnaanaya kabtanka Roy Keane, oo ka cabanaya muruq booday kulankoodii koowaad, halka uu D. Beckham oo canqowga ka cawarmay uu soo kabtay. M. United waxa kale oo ka fadhiyi doona Paul Scholls, oo ay isu gaadheen laba kaadh oo huruud ahi.

Kooxda siddeeda goor ku guulaysatay horyaalka Yurub ee Real Madrid, ayaa iyana u baahan qaddar gunti-giijis ah oo ciyaartoygeedu sameeyaan.

 

Goolhayaha Bayern Munich, Oliver Kahn, aya sheegay in ciyaartoyga Real Madrid ay kula kaceen aflagaadooyin qallafsan, sidoo kale weeraryahanka reer Bosnia Hassan Salihamidzi, ayaa isna sheegay inay ka jawaabi doonaan marka kooxda Jarmalku ku soo guryo noqoto Munich.

“Waanu ognahay inaanu ciyaartaa u baahanahay taageerada (80,000) oo ay khasab ku tahay inay naga khajilsan yihiin,” ayuu yidhi Hasan oo ka hadlaya sidii Real Madrid uga kululaatay sawaxankii taageerayaasha Munich.

 

Ciyaaryahanka Faransiiska ah Zinedine Zidane, ayaa ku tilmaamay ciyaartii ugu adkayd ee ay sannadkan yeeshaan, wuxuuna intaa raaciyay inay dhexda u xidhaan sidii ay Bayern isaga waabin lahaayeen.

 

Ciyaaryahanka Bortiqiiska ah ee Luis Figo oo lix ciyaarood ka maqnaa ayaa Sabtidii ka soo noqday dhaawac wuxuuna saftay kulankii Sabtidii oo 3-1 kaga badiyeen Rayo Vallecano.

…………………………………………………………………………………………………………

 


Taxanaha taariikheed ee Tartamada koobka Adduunka

 

 

 

 

 

Koobkii labaad ee dunida oo lagu qabtay Talyaaniga sannadkii 1934, waxaa ku soo fatahay waddamada Yurub, Urguay oo diiday inay ka qaybgasho ayaa noqotay dalka keliya ee aan difaacanin koobka adduunka, inkasta oo ay tartanka ka maqnaatay, 32 waddan ayaa isku soo kala reebay kulamo kala duwan, bilowgii hore ee tartanka waddanka martigelinta lihi wuxu ku soo bixi jiray awooddiisa, taas oo nasiib wanaag ay maamuushay dawladda Talyaanigu.

16-kii waddan ee soo gudbay 12 ka mid ahi wxay ahaayeen reer Yurub, waxayna kala ahaayeen; Austria, Belgium, Czechoslovakia, France, Germany, Hungry, Italy, Holland, Romania, Spain, Sweden iyo Switzerland, waxaa tartankaa ku weheliyay Egypt, USA, Brazil iyo Argentine oo ahaa kuwo diciif ah ka oo baqayay Talyaaniga! Mexico oo loo oggolaaday inay ciyaarto kulamada kama dambaysta ayaa la ciyaartay Maraykanka oo ka adkaaday, sidaa darteed ayay si cadho ah gurigeedii ugu laabatay.

 

Maadaama tartanku ahaa mid qoor-qabad ah (knock out) ayay Maraykankii ku guuldarraysteen kulankii ugu horreyay oo Talyaanigu 7-1 ku dhirbaaxay, sidaana waxay ugu noqotay gurigeedii, iyada oo sii dhambashay badda Atlantic-ga oo ay ku xeeran yihiin waddamo badan oo tartanka ka hadhay.

Kulankii kama dambaysta waxaa la ciyaaray markii wax yar laga beddelay sharcigii, taas oo ay keentay ciyaarta oo waqti dambe barbaro noqotay in waqti dheeraad ah lagu daro, sidaana waxay guushii ku raacday kooxdii Mussolini ee Talyaaniga oo ku guulaysatay koobkeedii ugu horreeyay.

Benito Mussolini oo kooxdiisa daawanayay kulamadii ka dhacayay Roma iyo Torino, ayaa si weyn u guubaabinayay naadigiisa Azzurri (blues).

 

Talyaanigu waxay tartankaa ka faa’iideen hal milyan oo lacagta Liiraha Talyaaniga ah.

Kulanka kama dambaysta ah ee lagu kala qaadayay koobkii labaad ee adduunka waxaa isugu soo hadhay waddamada Talyaaniga iyo Czechoslavakia. Tartanka gooldhalinta waxaa ku guulaystay Nejedley (Czechoslavakia), Schiavo (Italy), Conen (Germany), kuwaas oo dhammaantood min afar gool dhaliyay.

 

Kulankii kama dambaysta ahaa wuxuu ku dhammaaday 2-1 Talyaanigu ku badiyay.

Kooxda Talyaaniga waxaa u saftay ciyaartoyga kala ah; Combi (kabtanka), Monzegilo, Allemandi, Ferrarisiv, Monti, Bertolini, Guaita, Meazza, Schiavio, Ferrari, Orsi1.

Xulka Czechoslavakia, oo ahaa mid aad u adag waxa isna u saftay; Planicka (Kabtanka), Zenisek, Ctyroky, Kostalek, Cambal, Kreil, Junek, Svoboda, Sobotka, Nejedly, Puc1.

Tartamada koobka adduunka oo markii hore ku bilowday si aad u jilicsan ayaa marba marka ka dambaysa kor u sii kacayay.

 

Tirada guddiga FIFA bilowgii tartanka waxay ku koobnayd 41 xubnood oo keliya halka ay iminka tirada guddigu gaadhayso 178 xubnood.

La soco …………..


………………………………………………………………………

 

 

Saha oo la baxsaday Fulham

 

 

 

 

 

England (Reuters) – Weeraryahanka kooxda Fulham Louis Saha, ayaa ku tuntuunsanaya sidii uu kooxdiisa Fulham ugala baxsan lahaa dib-u-dhaca derejada hoose, wuxuuna kooxda London ka dhisan u dhaliyay goolkii barbaraha oo uu dhibcihii kula qaybsaday Newcaslte oo uu ka dhaliyay goolkii barbaraha qaybtii dambe ee ciyaarta.

 

Gooldhaliyaha Faransiiska ahi wuxuu kubbad laad ah ka dhaliyay goolhayaha Newcastle daqiiqaddii 76aad.

Goolkaas waxay Fulham kula simantay Newcastle oo Kieron Dxer goolka u dhaliyay daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta.

Saha oo muddo shan bilood amaah kaga maqnaa Newcaslte wuxuu kooxda u yimi horraantii 1999, wuxuuna u saftay 12 kulan, laba goolna wuu u dhaliyay.

Saha wuxuu si badheedh ah kubadda ulasoo dhexmaray difaaca isaga oo si dhib yar ku imanaya goolka afkiisa, wuxuu markale tallaabo taa lamid ah qaaday waxyar kadib dhacdadaa hore, taasina waxay keentay in Robson go’aansado beddelaada Jermaine Jenas, oo uu kaalintiisii ku buuxiyay Carl Cort.

 

Hase yeeshee, tallaabadaasi may noqon mid waabisa weerarka Saha.

Fulham oo ku guul-darraysatay toddoba ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay waxay ku negaatay inay laba derejo ka sarrayso kaalinta dib u noqoshada, waxayna leedahay 37 dhibcood oo ay heshay 34 ciyaarood.

 

Jean Tigana, kooxdiisu waxay afar dhibcood ka sarraysaa kooxda kaalinta saddexaad xagga hoose kaga jirta ee Ipswich oo lafteedu yeelatay kulamo la mid ah kuwa Fulham, sidaa darteed Fulham waxay rumaysan tahay in haddii ay afar dhibcood oo dambe ay hesho ay kaga badbaadi karto dib-u dhaca kal-dambe, “waxay ahayd mid muhiimad weyn noo leh dhibicdani, waayo aad baanu u hoosaynaa, dhibaatadayaduna waa goolal dhalin la’aan” sidaa waxa yidhi Tigana.

Dhinaca kale weeraryahanka Newcaslte ee Alan Shearer oo markasta hoggaamin jiray gooldhalinta ayaa weli u baahan hal gool oo uu ku xidho tirada (200) oo gool , laakiin kabtankii hore ee England, wuxuu kalsooni weyn ka qabaa inuu dhammaystiri doono tiradaa.

 

“Inay sadex dhibcood hesho way ku adkayd, laakiin Barbaraha way u qalantay Fulham, anaguna si hagaagsan umaanu ciyaarin.

Ma habboona in taageerayaashu kugu qayliyaan, laakiin iyaga qudhoodu way dareemayaan inaanad ku qanacsanayn,” sida waxa yidhi Alan Shearer.