SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 62-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


19 Sannadood Ka Hor, Saaka Oo Kale Maxay Hargeysa Ku Waabariisatay?

“Hawl-galkii Lagula Baxay Col. C/Laahi Askar

Iyo Xusuusta Maalmihii Qadhaadhaa”

Bishii April 12-keedii 1983 oo ku beegnayd maanta oo kale, waxay dadweynaha Reer Hargeysa ku waabariisteen natiijada hawlgal si layaab ah uga fulay gudaha magaalada Hargeysa, habeennimadii 11-kii April ee isla sannadkaa oo xalay oo kale ahayd, kadib markii Xaruntii Rugta Saraakiisha ee qaybtii xoogga badnay ee 26aad lagala baxay Col. C/laahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa, hoggaamiyayaashii caanka ahaa ururka SNM oo wakhtigaa dagaal hubaysan oo faraha lagaga gubtay kula jiray Taliskii Siyaad Barre, iyadoo ay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay gacanta ku dhigeen Col. Cabdillaahi Askar, isagoo hawl-gal qarsoodi ah u yimid magaalada Hargeysa, kana soo galay fadhiisimadii Itoobiya ee ururka SNM.

 

Galabnimadii 11 April, 1983-kii, Col. Cabdillaahi Askar, wuxuu laba-dible ugu xidhnaa qol yar oo ku dhexyaal Xayndaabka Miiskii Saraakiisha Taliskii 26aad, waxaana ku xeernaa Ciidamo xooggan oo ka tirsan Askartii 26aad, dhinaca kalena isla galabnimadaa waxa loo damaashaadayay Xuskii Maalinta Ciidankii la odhan jiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sannadkasta loo dabaal-degi jiray 12 April. Sidaa darteed, galabnimadaa, Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa Taliyihii Qaybtii 26aad, ayaa Xaflad ku waajahnayd 12 April, ku qabtay Tiyaatarka Hargeysa, halkaas oo uu doonayay inuu dadweynaha horgeeyo Con. Cabdillaahi Askar, uguna bushaareeyo in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah hogaamiyayaashii ugu waaweynaa Cadowgoodii SNM, isla markaana waxa qorshaysnayd in Saacado kadib Col. Askar loo duuliyo magaalada Muqdisho oo ahayd Xaruntii Taliskii Siyaad Barre, halkaana dhegta dhiigga loogu darro.

 

Hase yeeshee, saacad ka hor oo ku beegnayd 5:30 markii Col. Cabdillaahi Askar la-geyn lahaa Tiyaatarka Hargeysa oo uu ku sugnaa Gen. Gaani, ayay 11 nin oo uu horkacayo Col. Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur), xoog kagala baxeen Col. Cabdillaahi Askar qolkii uu ku xidhnaa, kadib markii ay hawl-gal culus oo ay ugu badheedheen ilaaladii xoogganayd ee ilaalinaysay Col. Cabdillaahi Askar ku ekeeyeen Rugtii Saraakiisha, halkaana ay albaabka ka jabiyeen, kadibna tuurta ku qaateen Col. Cabdillaahi Askar, taas oo ay isaga oo bed-qaba saacado kadib kala tallaabeen Xuduudka u dhexeeya Somaland iyo Itoobiya.

 

Dhacdadaasi, waxay ahayd mid lama filaan ah oo saamayn kala duwan ku yeelatay ugu yaraan saddex dhinac oo kala ahaa; dadweynihii ku dhaqnaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Goboladii Waqooyi, ururkii SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba dawladdii Siyaad Barre.

 

Dhacdadaasi, waxay Ciidamadii Siyaad Barre ee Hargeysa fadhiyay iyo guud ahaanba Taliskiisii ku noqotay Adhax-jab aan hore loo arag iyo dhirbaaxo kulul oo wefiga ka dhacday. Dhinaca ururkii SNM-na, waxay u ahayd guul aan hore loo arag, waxayna u soo jiiday Sumcad weyn oo Milateri iyo Siyaasadeed intaba. Sidoo kale, dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynihii ku dhaqnaa Goboladii Waqooyi, waxay dhacdadaasi mar u ahayd farxad weyn, marna waxay u ahayd naxdin weyn, waayo? Mar waxay ogaayeen ama u caddayd in guusha SNM ka gaadhay Ciidamadii Siyaad Barre ee 26aad, iyaga loogu aari doono oo lagu samayn doono dil, xadhig iyo dhac. Marna, waxay ku faraxsanaayeen guushii la gaadhay.

 

Col. Cabdillaahi Askar, waxa laga qabtay goor habeenimo ah meel u dhow Sinimoogii hore Hargeysa, iyadoo isaga iyo Cabdisalaan Turki ay u yimaaddeen hawl-ciidan, waxaana muddo saddex habeen ah oo uu ku xidhnaa Taliska Qaybta 26aad loo geystay Ciqaab Jidh-dil ah oo aad u adag.

Hawlgalkaas Cabdillaahi lagula baxay waxa fuliyey 11 nin oo iska abaabulay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo mid mooyaane inta kale ay ka tirsanayd ciidankii Qaybtii 26-aad, waxayna ku hawlgaleen laba baabuur oo Landcruisers ah, waxayna ku hubaysnaayeen boobayaal fudud.

11-kaa  dagaalyahan waxa hawlgalkii kaga dhintay laba nin, waxaase maanta ifka kaga nool saddex nin.

 

“Maalmo aad u adag ayay ahaayeen,” ayuu yidhi Cabdillaahi Askar oo aanu khadka telefoonka kaga warraysanay dhacdadaas horraantii toddobaadkan isaga oo jooga magaalada Addis Ababa oo uu hadda ka yahay wakiilka Somaliland u fadhiya halkaas.

“Waxay ahayd naf u dhexaysa nolol iyo dhimasho. Hadday toojar (Jidh-dil) tahay jidh-dilkii u xumaa baa la isoo mariyey dunida.

 

Cabdillaahi Askar oo aan weydiiney dareenkiisu sida uu ahaa waqtigaas uu dilka u xidhnaa, waxa uu yidhi: “Haddaad I weydiisey dareenkaagu Siduu ahaa. Runtii dareenkaygu wuxuu ahaa wax yaab leh, mabaanan filayn inaan intaa ku jirayo. Waxaan mar kasta is lahaa aaway raggii aad wada socoteen, xillimaad ka baxaysaa…” Cabdillaahi oo ka jawaabeyey sida ay isu waafaqayaan dareenkiisa iyo deldelaaddii uu u xidhnaa, waxa uu yidhi: “Abadan, Mar kasta waxay ila ahayd rag baa iga dambeeyey, niman waxaanu ahayn naftood hurayaal ah, soo diyaar garoobey, waxaan is-lahaa waar raggii xaggay ku hadheen.”

 

Aadan Maal Caqli oo ka mid ah saddexda dagaalyahan ee ka nool 11-kii nin ee la baxay Cabdillaahi Askar ayaa ka warramay sidii iyo qaabkii hawlgalku u dhacay, waxana uu ku bilaabay:

“Bishii April 8-dii 1983kii ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdillaahi Askar lagu qabtay. In Cabdillaahi la furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkood na halkan (Hargeysa) sii joogeen qaarna ay la socdeen. Fikradda soo-furashada markii ugu horreysey waxa annaga noola yimi Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqaaney Bir-jeex”.

 

Aadan Maal oo hawlgalka iyo tabaabushahoodii si faahfaahsan uga warramay waxa uu intaa ku daray oo sheegay in maalin maalmahaa ka mid ah iyaga oo fadhiya guri u dhow Birjeex ay go’aansadeen inay fiidka la baxaan Cabdillaahi Askar, laakiin ay u suurtageli weydey.

 

“April 11-dee annaga oo ka soo qadayney hudheel ku yaallay xaafaddii Iftin ayaanu soo raacnay tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaallay xeel Xabsiga Dhexe ee Hargeysa waqooyi- galbeed ka xiga. Waxa Guriga lahaa Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale. Waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno Afarta galabnimo. Qolooyin ayaa naga habsaamay oo goor dambe noo yimi. Sidaas darteedm ayaanu hawlgalkii dib ugu diganay shanta galabnimo,” ayuu yidhi Maal.

Sida ku cad Warbixin uu qoray guddi talisku waqtigaas oo baadhaysey cidii ku lug lahayd hawlgalka, Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse waxa guddigaasi kiiskiisa u gudbiyey Maxkamaddii Badbaadada, waxana nidaamkii Siyaad Barre ku toogtey magaalada Hargeysa 1984-kii isaga oo kaga aargudanaya hawlgalkii SNM ee Buuraha ee sanadkaas.

 

Alle ha u naxariistee, Ismaaciil waxa la sheegay inuu xabado baastoolad ah ridey kadib markii Cabdillaahi Askar lala baxay. Waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii sida weyn u taageertay hawlgalka, waxayna dad kale oo xogogaal ahi sheegeen in rasaastaa uu ridey ay ahayd yool habaabis.

 

Aadan Maal isaga oo sii wada sheekadaas waxa uu sheegay in haddana ay suurgal noqon weydey inay shantii galabnimo hawlgalaan, sababta oo ah waxa is-beddeli jirey laba gaadh oo midkiiba yahay 22 askari, taas oo ka dhigeysey tirada markaas meesha ku sugan 44 askari, sidaas darteed, waxay goosteen in ay iska sugaan inta labada gaadh kala hagaagayaan si ay  22 askari uu ugu beegmaan.

Isagoo halkaa ka sii ambaqaadaya wuxuu yidhi Aadan Maal: “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalley ayaannu ka dhaqaaqnay. Dugsiga Sh.Baraawe galbeedkiisa ayaannu kaga soo dhacnay waddada (Laamiga xabsiga hor mara). Waa 5 iyo 25 miridh. Ku talagalku wuxuu ahaa inaanu marno waddada dhakhtarka ka dambaysa oo aanu ka soo laabno Sheekh Ibraahim Biliso halkii uu ku jiri jirey, kadibna aanu hor marno xerada Turubataariyada oo sidaa miiska Saraakiisha ku tagno.

 

“Waxaannu u isu qaybinay laba kooxood oo midna afar tahay midna siddeed. Waxa hog gelayey gaadhiga siddeeddu saarnaayeen oo aan anigu ku jirey. Markii aanu Ibraahim Biliso meel u dhow marayney ayaannu ogaanay in baabuurkii afarta nin saarnaayeen naga hadhay. Halkii ayaannu ka soo noqonay. Annaga oo marayna meel aan ka fogeyn Xafiiskii nabadsugidda ee hore oo ah halka iminka wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Dib-u-dejinta ku jiraan ayaanu aragnay baabuurkii oo taagan meel aan ka fogeyn guriga Edna Aadan ee cusbitaalka guud ka dambeeya. Dib baanu ugu soo noqonay, waanu riixney  arday meesha maraysayna waa ay nala riixday. Balse waanu kari weyney. Baabuurkii kale ayaanu ku jugeyney. Kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqy. Waddadii hore dabadeed, waanu ka leexanay oo waxaanu marnay tan madaxtooyada hor marta. Intii aanu baabuurka riixayney ayaa afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo iska tegey.”

 

“Markii uu baabuurkii oo hashkadaynayaa noo kacay ayaannu isagii nidhi na hor soco si aanu u ogaanno in uu is-taagay iyo in kale. Markii aanu gaadhney geerashka Ina Abu-site ayaannu baabuurkii saddexdu saarnaayeen dhaafnay oo hor gallay. Waxa aanu ku nidhi soo soco oo hawshaadii qabso. Waajibkoodu waxa uu ahaa inay albaabka shishe ee miiska ee galbeedk xiga ay istaagaan oo ay gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan. Annaga oo siddeed ahayn-na waxay hawshayadu ahayd in aanu albaabka soke ee bariga soo xiga ka gallo oo gaadhka gudaha ku jira kala calaf-qaadno.”

 

Halkan la joogaa ee lagu kala baxayaa waa miiska hortiisii. Waa halkii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa. Kadib sidee ayay u hawshii u dhacday. Aadan Maal isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

“Waxa direyskii Ciidanka lebbisnaa Ibraahim Kood-buur iyo Ibraahim Carab oo aan derejo sidan. Ballantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibraahin Kood-buur gaadhka ku yidhaahdo: ‘Waa Gaashaanle Ibraahim Kood-buur’, haddii ay socda yidhaahdaan-na in aanu nabad ku gallo haddii ay yidhaahdaan: ‘Nimankan dusha saarani waa maxay ama ay af-soomaali kale ku hadlaan-na’ baabuurku iska socda annaguna inta gaadhka ah ee halkaa taagan khaarajinno; baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado gurigii Cabdillaahi Askar ku xidhnaa.”

 

Sidii la filayey markii Ibraahim Kood-buur isu sheegay ayay gaadhkii ku yidhaahdeen ‘soco’, colkiina wuxuu ku guuleystey inuu si nabad ah ku galo miiska. Hase yeeshee, haddii ay jiiradii labaad ka laabteen ayaa gaadhkii xeradu ka shakiyeen.

“Halkaa gooladda ah ee labaad-na gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayey. Kuwii na degdeg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayay ilaalinayeen. Waannu iska dhaafnay. Waxa aanu tagnay gurigii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhowaa. Halkaa waxa ku sugnaa baabuurkii kale ee saddexdu saarnaayeen. Sidii ballantu ahayd waxay ku qaybayeen gaadhka halkaa jooga si aanu anagu uga baxno annagoo bed-qabna marka aanu hawshayada gudanno.

 

“Haddaba, markaannu gudihii gallay, waxa nala kulmay Ciidan laba gaadh ah oo meesha fadhiyey. Baabuur yar oo Jiib ah oo qori saarnaana xagga midigta ayuu ka xigey, Jiib kalena waa uu ka dambeeyey. Laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xagga guriga, intii saarnaydna meesha ayay iska taagtaagnaayeen, nasiib wanaag qoryahoodii ma ay haysan oo baabuurta ayay ka saarnaayeen. Xabbadda annaga ayaa ku bilownay oo ku hor furnay. Socodkii dheeraa ee baabuurka iyaga oo ka shakiyey ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii haystaan. Iyaga oo taagan ayaannu baabuurka dheegga ugu qabanaya, isla markiibana xabbadda ayaannu ku bilownay annagoo baabuurkii aan kaba degin, boodisna waanu ku darnay. Markaa aanu ku soo boodnay nimankan qoryahayagaaba is-gaadhayey.

 

“Nimankii gaadhka ahaa nin ka mid ayaa markiiba beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaasoo aanu moodayney inuu dhaawacan yahay oo xabadi ku dhacday. Ninkaasaa naga diley Alle ha u Naxariistee Biixi Xaaji Xasan, isla markaana xabado nagaga dhuftay baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa xabado ridey kaasoo ka mid ahaa kuwii albaabka taagnaa.

 

“Ninkaas ayaa dhibaato noo geystey,” ayuu yidhi Aadan Maal. Waa uu sii waday isagoo ka warramaya siday hawshooda u sii wateen:

“Siddeedayadii gudaha galay hawshu waa ay noo kala qaybsanayd. Ibraahin Kood-buur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa in ay Cabdillaahi Askar qufulka ka jebiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay inuu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Darawalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalo-na aanu ka fogaan dhakhsona ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay shan Mujaahid. Annaga na hawshayadu waxa ay ahayd khaarajinta gaadhka iyo ilaalinta Ibraahim Kood-buur, Cabdisalaan Turki iyo Cabdillaahi Askar. Shantayadii dagaalamaysey markiiba laba ayay ku dhacday, kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid. Waxa aanu ku soo hadhnay Saddex.

La soco.. sheekadan iyo sheekooyin kale oo xiisa leh oo la xidhiidha hawlgalkaa Caddadka dambe.  

  ..........................................................................................................

 

Badheedhaha Wargeyska

Biyo Sare Tegay Waa La Sugayaa

Males Zenawi shalay ayuu Abuja u dhoofay , halkaas oo uu kaga qayb-gelayo shir ay isugu imayaan madaxda dalalka Afrikaanku , shirkaa ayuu Males Zenawi ka soo qaadayaa masiirkii Somaliland , waxa uu noqondoonana Illaahay baa og” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Somaliland Maxamed X. Ibraahin Cigaal ,waxayna goortaasi ahayd 26-kii March, 2002, waqtigaas oo uu madaxweyne cigaal qolka nasashada madaarka hargeysa ugu waramayey saxaafadda wadaniga ah ,isaga oo ka soo laabtay caasumaadda itoobiya ee Adis-Ababa , halkaas oo uu socdaal ugu mqnaa middo shan maalmood ah , iyadoo uu madaxweyne cigaal magaalada adis-ababa kulan kula soo yeeshay ra’iisal-wasaaraha itoobiya Males Zenawi .  

Abuja waa caasumadda dalka Nayjeeriya shirlii dawladaha Afrikaanka ee uu madaxweynuhu sheegayna waxa uu qabsoomay dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee March 2002.

 

Haseyeeshee su’aasha meesha taal waxay tahay ra’iisal-wasaaraha itoobiya shirkii Abuja ma soo qaaday masiirka Somaliland?

Madaxweyne Cigaal markii uu itoobiya ka soo laabtay waraysigii uu saxaafadda ku siiyey garoonka diyaaradaha Hargeysa wuxuu ku sheegay inay isaga (cigaal) iyo Males yeesheen kulan khaas ah oo aanay cidi ku wehelin, taas oo ay kulankaa debedda ka joogeen labadii wasiir ee masxaweyne cigaal safarka ku weheliyey oo kala ahaa wasiirka arinaha debedda Maxamed Siciid Gees iyo wasiirka waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale.

 

Sidaa darteed, maadaama aanay kulankaa Cigaal iyo Males cidi ku wehelin, labadooda ayuun baa og wixii ay ka wada hadleen, iyaga ayuun-baana faallo ama war ka bixin kara arrimihii ay shirkaa kaga wada xaajoodeen.

 

Hase yeeshee, madaxweyne Cigaal maalintii uu Addis Ababa ka soo laabtay wuxuu waraysigiisii madaarka Hargeysa ku sheegay inaanu wax tafaasiil ah ka bixinayn wixii ay ku wada hadleen isaga (Cigaal) iyo Males Zenawi. Sidaa darteed, maadaama uu Madaxweynuhu ka gaabsaday inuu sharrax ka bixiyo sheekadii dhexmartay isaga iyo Males, ma jirto cid kale oo garan karta ama ka warrami karta qaabka iyo nooca ay labada hoggaamiye (Cigaal iyo Males) uga hadleen qaddiyadda Somaliland, isla markaana lama oga waxa uu madaxweyne Cigaal kula sii ballamay Males Zenawi markii uu u kicitimayay Abuja.

 

Madaxweyne Cigaal iyo Males Zenawi waxay doonaan ha ku wada hadleen, laakiin waxay isweydiintu tahay asalkaba muxuu ku saabsanaa shirkii Abuja ama lagaga wada hadlay?, mase lagu soo qaaday sheekada Somaliland?

Marka hore sida ay wararku sheegeen Ajandaha shirkii Abuja bud-dhiga u ahaa wuxuu ahaa qaabkii ay dawladaha hore u maray ee reer Yurub u caawin lahaayeen dalalka saboolka ah ee qaaradda Afrika, iyada oo ay dawladaha Afrika-na sida la sheegay shirkaas soo hordhigeen qorshayaal la xidhiidha baahiyahood.

 

Inkasta oo shirkii Abujaay ay Ajandayaashiisa laf-dhabar u ahayd arrimo la xidhiidha baahiyaha dalalka Afrika ee saboolka ah iyo qaabka loo caawin karo, haddana waa laga yaabaa inay madaxda dalalka Afrika ee shirkaa isugu tegay isla soo qaadaan ama ka sheekaystaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalalka qaaradda Afrika.

Hase yeeshee, wararka ilaa hadda la hayaa ma sheegin in shirkaa lagaga hadlay ama lagu soo qaaday qaddiyadda Somaliland. Sidoo kale, Ra’iisal-wasaare Males Zenawi oo ah ninkii uu madaxweyne Cigaal yidhi wuxuu Abuja ka soo qaadayaa masiirka Somaliland, markii uu halkaa ka soo noqday oo ahayd daboyaaqadii bishii hore ilaa hadda ma soo qaadin ama jawaab kama bixin arintii madaxweyne Cigaal sheegay.

 

Madaxtooyada Somaliland, haddii ay wax farriin ah ama war ah ka hayso ama ka heshay Males Zenawi, taas weli ma ogin, laakiin marka la eego xidhiidhadhada iyo xogaha wareed ee isaga dab qaadaya caasimadaha labada dal (Hargeysa iyo Addis Ababa), waran-weriyadu ma sheegin wax tibaax ah oo ku saabsan in shirkii Abuja uu Males Zenawi kala soo guryo-noqday wax arrin ah oo ku saabsan qaddiyadda Somaliland, shar iyo khayr waxay doonto ha noqotee, iyada oo marka la tix-raaco hadalkii madaxweyne Cigaal ee ahaa Males ayaa masiirka Somaliland ka soo qaadaya shirka Abuja ay jawaabta loo dheg-taagayay ahayd inuu Males Zenawi marka uu Abuja ka soo noqdo deeq iyo  dayro mid uun ka bixiyo arrintii madaxweyne Cigaal sheegay ee masiirka Somaliland.

 

Si kastaba wax ha u jireene, wixii jawaabo ah ee ay arrintaasi u baahan tahay waxaynu u dhaafaynaa labada oday ee ay sheekadu keligood dhexmartay (Cigaal iyo Males), laakiin marka laga yimaado waqtiyo uu madaxweyne Cigaal dareen quus ah ka muujiyay qaddiyadda aqoonsiga ay Jamhuuriyadda uu madaxweynaha ka yahay ka naawilayso beesha caalamka oo uu ku tiraabay weedho ay ka mid yihiin “Dunidu dabada ayay inoo soo jeedisay,” haddana waxaynu xusi karnaa marar ka badan toddoba ilaa siddeed jeer oo uu madaxweyne Cigaal ka soo noqday safaro debedda ah, kadibna uu ku bushaareeyay inuu yididiiladii ugu wacnayd ka sido qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo weliba bushaarooyin dhaqaale oo uu sheegay in loo soo ballan-qaaday, isaga oo waqtiyadaa ku faanay inay safaradiisu ku soo dhammaadeen guul iyo af-garad uu kala kulmay dalalkii uu booqday, waxaana sida la xusuusan yahay dalalka uu madaxweynuhu booqday, kana mahda-doobay inuu guul kala soo noqday ka mid ahaa Talyaaniga, Maraykanka, Masaarida, Yemen, Faransiiska, Kenya, Liibiya, Itoobiya, Jabuuti iyo meelo kale, isaga oo dalalkaa qaarkood waqti isku mid ah isu maray, qaarkoodna socdaalo kala dambeeyay ku tegay.

 

Madaxweynuhu wuxuu dalalkaa qaarkood sheegay inuu lasoo gaadhay heshiisyo ganacsi iyo dhaqaale sida mashaariic ay dalka ka fulinayaan, halka uu dalalka qaarkoodna sheegay inay siyaasiyan yaqiinsadeen qaddiyadda Somaliland, isla markaana ay inagala shaqayn doonaan qaddiyadda aqoonsga.

 

Hase yeeshee, bushaarooyinkaas yididiilada ahaa oo ay qaarkood ku sinnaayeen sanado ka hor, ilaa hadda inta la ogyahay wax lagu warramaa kama soo dhiiqin, waxayna arrintoodu ka dhigan tahay “Biyo sare tegay waa la sugayaa,” sidaa darteed jawaabta Males-na waynu ka war sugaynaa.

...................................................................................................................

 

C/qaasim Oo Culays Lagu Saaray Inuu Is-Casilo

Muqdisho - Wasiirka Madaxtooyada maamulka Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho oo ah ninka la yidhaahdo Gen. C/raxmaan Cabdi Xuseen, ayaa sheegay inaanu is casilayn madaxweyne Cabdiqaasim Salaad.

 

Gen. C/raxmaan wuxuu sidaa ku sheegay waraysi u dhawaan siiyay wargeyska Afka Carabiga ku soo baxa ee Sharqul-awsad, isaga oo jooga magaalada Qaahira ee caasimada Masaarida.

 

Hadalka wasiirka madaxtooyada maamulka Cabdiqaasim waxa uu ka dambeeyay warar muddooyinkan dambe la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu Cabdiqaasim ku talo-jiro inuu is casilo, kadib markii lagu eedeeyay inuu gudankari waayay hawlihii loogu soo doortay shirkii Carta, isla markaana ay qaar ka tirsan beesha caalamku ku tilmaameen inuu xidhiidh la leeyahay Argagixisada. Hase yeeshee, Gen. Cabdiraxmaan, waxa uu waraysiga uu siiyay Sharqul-awsad ku beeniyay is-casillaaddaa, isaga oo sheegay inaanu Cabdiqaasim is casilayn ee uu hawshiisa sii wadan doono, isla markaana wuxuu Cabdiraxmaan wararka is-casillaada Cabdiqaasim ku saabsan ku tilmaamay warar ku tidhi ku teen ah oo ay dabada ka riixayaan dad uu ugu yeedhay cadowga ummadda Soomaaliyeed.

 

Hadalhaynta ku saabsan inuu Cabdiqaasim is casilayo, waxay ka dambaysay markii ay dhawaan qaar ka tirsan hoggaamiye-dhaqameedka beelaha Muqdisho ku baaqeen inuu Cabdiqaasim is casillo, iyaga oo taa u cuskaday inuu Cabdiqaasim ka soo bixi waayay xilkii loo doortay.

 

Wasiirka madaxtooyada maamulka Cabdiqaasim oo wax laga weydiiyay shirka dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu wado inuu Nayroobi ka dhaco wuxuu sheegay inay rajaynayaan inuu shirkaasi guul ku dhammaado, ayna ka soo baxaan natiijooyin waxtar lihi.

 

Wasiirkani mar uu ka hadlayay xidhiidhka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Maraykanka, wuxuu ku eedeeyay dawladda Maraykanka inay u dhego-nugushahay dawladda Itoobiya, oo ay rumaysato waxyaabaha ay maamulkiisa ku eedayso Itoobiya, iyada oo ay Itoobiya ku eedayso maamulka Cabdiqaasim inay xidhiidh la leeyihiin Argagixisada, laakiin Cabdiraxmaan wuxuutaa ku tilmaamay waxba kama jiraan, isla markaana wuxuu sheegay inay waqtigan xaadirka ah wadahadallo muhim ahi u socdaan maamulka Cabdiqaasim iyo dawladda Maraykanka.

 

Sidoo kale, wuxuu wasiirkani tilmaamay inay hadda sii yaraanayso cabsidii laga qabay weerar uu maraykanku ku qaado Soomaaliya.

............................................................................................................

 

Israa’iil oo Xabsiyada u Taxaabtay 5000 oo Falastiiniyiin ah

 

Qudus (W. Wararka): Israa’iil oo sii wada duullaanka ya ku hayso deegaanada Falastiiniyiinta, ayaa Xabsiga u taxaabtay 5,000 oo Falastiiniyiin ah, iyada oo aan ilaa iyo hadda la hayn tirada dadka Falastiiniyiinta ee ay xasuuqeen Ciidamada Yuhuudda, waxaase soo baxaya caddaymo muujinaya in dad badan ay gumaadeen.

Dadka la qabqabtay, waxaa ka mid ah 2200 oo ay xabsiyada u taxaabeen maalintii shalay.

 

Goobaha ugu badan ee ay ka dhaceen falalka ugu xun-xumi, waxaa ka mid ah; Xerada Qaxootiga ee Jiniin, iyada oo dadka la qabqabtay ay gaadhayaan 200 oo qof, halka ay dadka ku shahiiday dagaalada ay dhulkooda ku difaacayaana ay gaadhayaan ilaa 400 oo shahiid.

 

Xerada Jiniin, waxa la sheegay in ay ka mid tahay goobaha ugu daran ee ay ka dhaceen dagaalada dhexmaray Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta, muddadii ay dagaaladu socdeena waxa ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen falal waxashnimo ah.

Dhinaca kale, waxa socda baaqyada Caalamiga ah ee lagaga dalbayo Israa’iil in ay ka baxdo dhulka ay qabsatay, hase yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, ayaa sii wada dhego adaygiisa arrinta ku saabsan, isaga oo marba marka ka dambaysa gudaha u sii galaya deegaano cusub oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

 

Dawladda Maraykanka, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay awoodda Vito, ku horjoogsan doonto qaraar ay dalalka Carabtu hor dhigayaan Golaha Ammaanka, kaas oo Israa’iil ugu baaqaya in ay joojiso falalka gardarada ah ee ay wado, waxaanay intaa ku dartay in marka hore laga war sugo natiijada ka soo baxda, socdaal Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku uu haatan ku marayo bariga dhexe.

 

Waxaa taa iyaduna barbar socota, Mudaharaaddada iyo cabashooyinka lagu diidan yahay falalka ay Israa’iil wado, kuwaas oo ka dhacaya dalalka Islaamka badankooda iyo Qaadhaan laga ururinayo dadweynaha ku nool dalal ka mid Carabta, kaas oo lagu taageerayo Shacbiga dulman ee reer Falastiin.

 

...............................................................................................................................

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maayarku muxuu ka rabaa xaafadda Maxamuud Haybe

“Anaga oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaanu u adkaysan-weynay sida  xun ee uu Maayarka Hargeysa ugu tagri-falayo xaafadda Maxmuud Haybe, waxaana ka mid ah arrimaha la-yaabka leh ee aanu ku argnay waxyaalo ay ka mid yihiin :

1.       Waxaad arkaysaa Maayarku isg oo burburinaya dhul seesan oo dad leeyahay, isla markaana sharciyeysan oo aan wax cashuur ah lagu lahayn.

2.       Maayarku wuxuu caado ka dhigtay samaynta wadooyin aan ku haboonayn halka la marinayo, islamarkaana ay samayntoodu waxyeelo badan geysato.

3.       Maayarku, wuxuu caado ka dhigtay bixinta goobaha danta guud ee xaafadda Maxamuud Haybe sida saldhig boolis iyo meel MCH ah.

4.       Waxa iyana arrin la-yaable ahayd isku beegistii cagaf-gelinta guryo ku yaalay xaafadda Maxamud Haybe iyo imaatinkii Madaxweynaha .

5.       Waxa kale oo iyaduna dhacday dhul uu Maayarku sheegay in laga dhisi doono madaxtooyo, dhulkaas oo u hadda ki seesay magaciisa.

Haddaba marka la eego arimahaa iyo waxyaalo kale oo badan, waxaad moodaa inuu Maayarku xaafadda Maxamuud Haybe ugu tagri falayo, sidii meel uu iska leeyahay, taas oo aanu isweydiinayno talow Maayarku ma isagaa iska leh Xaafadda Maxamuud Haybe.”

Qoraalkan, waxa wada-jir u saxeexay labaatan qof (20), hase yeeshee waxa Wargeyska soo gaadhsiiyay magacyada kala ah:

1.       Cabdillaahi Daahir

2.       Abshir Axmed Maxamuud,

3.       Baashe Aw Aadan Cabdi iyo

4.       Mustafe Maxamed Cumar.

....................................................................................................................................

CIGAAL SAFARKIISII GUUSHA LAHAA EE ETHIOPIA MA KU DARI DOONAA SAFAR UU KU TAGO INDIA BRITAIN U.S.A

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, booqashadiisii gaabnayd ee uu ku tagay Xarunta dalka Ethiopia ee addiss ababa, ayaa lagu tilmaami karaa guul, kadib markii Raysal wasaaraha Xukuumada federaliga ah ee Ethiopia ATTO MELES -ZENAWI uu qiray in Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ay tahay xukumad jirta oo xalaal ah oo ka talisa dhul aad u balaadhan ATTO Meles-zenawi waxa uu Somaliland Xukuumadeeda ku raacay in aanay Somaliland ka qaybgalin shirka kooxaha ku hirdamaaya jamhuriyadii burburtee Soomaaliya, hadalada Raysal wasaaraha Ethiopia, ayaa lagu tilmaami karaa hadalo hordhac u ah aqoonsi caafimad qaba oo Xukuumadda Ethiopia ay rabto in ay siiso Somaliland.

 

Weerarkii 11 september, ee lagu qaaday xarunta ganacsiga aduunka ee newyork iyo wasaarada gaashandhiga Maraykanka ee washintong, ayaa si weyn waxa uga bedelay siyaasadii hore Maraykanka iyo weliba gabi ahaan siyaasadii wadamada reer Europe ee Ku waajahnayd Somaliland Taasi waxa aad looga dheehan karaa kulankii dheeraa ee Safiirka Xukuumadda Maraykanka ee Addis-ababa uu la yeeshay Madaxweyne Cigaal Inkastoo aanu madaxweynuhu faahfaahin ka bixin kulankaasi hadana warar ayaa tibaxaya in kulankaa uu ku soo qaaday safiirka Maraykanka ee Addis Ababa Mr nagy, sidii loola dagaalami lahaa kooxaha argagixisada ah iyo in Maraykanku imika qorshaynayo sidii laga yeeli lahaa Soomaaliya. Safiirku, waxa uu intaa ku daray in Maraykanku nidaam loo aqoonsado Somaliland uu qorshaynayo. Madaxweyne Cigaal ayaa isna arrintaasi la sheegay in uu aad u soo dhaweeyay.

 

Dhinaca kale, wadahadalkii Safiirka Britain ee addiss-ababa   ayaa isna la sheegay in uu ahaa mid wax ku oola inkastoo aan laga helin ila muhiima. warar la isla dhexmarayo ayaa iyana sheegay in Xukuumadda Ingiriisku ay ka soo debecday siyaasadeedii hore ee ku waajahnayd Somaliland, waxaanay Xukuumadda Ingriisku qorshaynaysaa xidhiidh cusub oo ay la yeelato Xukuumadda Madaxweyne Cigaal guusha qaaliga ah ee u soo hoyatay Somaliland imika, ayaa ah mid wax weyn ka bedeshay argtida shacbiga ee ay ka qabaan Siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Cigaal oo sagaalkii sano ee la soo dhaafay aan gaadhin heerkii looga baahna ayey shacbigu u arkaan mid imika soo koraysa.

 

Madaxweyne Cigaal waxa  u haboon ka hor doorashada guud ee dalka intaanay bilaabmin  safar uu ku kala bixiyo dalalka imika sida weyn u danaynaya xidhiidh ay Somaliland la yeeshan dalalkaas oo ay ugu horeeyaan.

 

Dalka Britain oo ay ku nool yihiin tiro dad ah oo Somalilander ah oo u badan dad qaatay dhalashada dalkaasi, kuwaas oo noqon doona dadka ugu horeeya ee si qiira leh ugu soo dhaweyn doona Hogaamiyahooda magaalada London. Waxaana ay sacab kaga soo galbin doonaan London airport, haddii uu booqasho ku yimaado dalka Britain Madaxweyne Cigaal soo dhaweyntaa ayaan filayaa in ay si weyn u gilgili doonto Xukuumadda Britain. Taasoo sababi doonta in qiimo gaar ah la siiyo Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaana haboon in uu madaxwyenuhu intaanu booqshada ku iman Britain in uu waftigiisa uu ku soo daraa xubno golaha guurtida ah iyo xubno golaha Baarlmanka ah xubono xukumadiisa ah xubno ururda haweenka ah xubno ka socoda Mujaahidiintii dalka xoreyaya iyo xubno ka socoda xisbiyada mucaaridka ah si waftigu u noqdo mid loo soo joogsan karo booqashadan haddii uu ku dhaqaaqo Madaxweyne Cigaal waxa ay u noqon doonta magac iyo kalsooni aad u weyn oo uu ka helo shacbiga Somaliland oo mar uun doonaya in ay arkaan aqoonsi caalamiya oo soomaaliland hesho.

 

INDIA, Madaxweyne Cigaal laba jeer oo isku xigta ayuu booqasho ku yimid India 1968 markii uu Raysal wasaaraha Soomaaliya ahaa waxaana India uu ka noqoday safiir sanadihii 1975 ilaa 1976 waxaana si weyn looga bartay dalkan India waxna la odhan karaa waa mid si weyn looga tix galin karo haddii uu ku yimaado booqasho uu ku rabo in Xukuumadda ATAL BAHIR VAJBAYEE ay u fidiso gargaar aqoonsi iyo mid taageero dhaqaale labadaba , Madaxweyne Cigaal, oo aan filayo in ay si weyn isku fahmi doonaan ninkan ruugcadaaga ah ee Atal Bahir Vajpayee iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Jaswant Singh iyo wasiirka difaaca George Fernandes oo sanadahaa uu safiirka ka ahaa Madaxweyne Cigaal India ay raggaasi qaar ahaayeen mucaarid xag jira qaarna ka ahaayeen wasiiro dalkan ayaa lo odhan karaa waa rugcadaayo Siyaasadda ku soo wada jiray sanadihii lixdankii imika oo raggii hogaanka dalkan ay hayaan waxa la filayaa in Somaliland guul uga iman karto halkaasi, waxaana xusid mudan xidhiidhka dheer ee ka dhexeya Ethiopia iyo jamhuriyada India oo la odhan karo wax ayuu ka tarayaa xidhiidh dhex mara labada dal ee Somaliland iyo India.

 

Dhawaan Baanka ganacsiga ee dalka itoobya ayaa heshiis la saxeexday baanka ganacsiga ee India heshiiskaasi waxa uu qeexayaa in Baanka ganacsiga ee India uu hoos iman doono baanka India afhayeen u hadlay baanka ganacsiga Ethiopia ayaa u sheegay wargeyska India times in macnaha ay u hoosyimaadeen baanka India ay tahay in wax ka bartaan sida ay u shaqeeyan Baananka wadamada hore u maray. Taasoo faa,iido u ahaan karta isku xidhka labada baan ganacsi ee ethiopia iyo Somaliland waxaan ay taasi xoojinaysaa in si fudud baanka ganacsiga Somaliland ula qabsan karo baananka kalee hore u maray sida baanka ganacsiga India oo aan filayo in uu gacmo furan ku soo dhaweyn doono haddi ay jirto cid fulin karaysa xidhiidh lala sameeyo wadankan India oo loo soo mari karo wadiiqooyinka faraha badan ee ay Somaliland haysato sida saxiibtinimada dheer ee Cigaal iyo rugcadaayada xukuma India iyo waliba  xidhiidhka ganacsi ee fiican ee ka dhexeeya  Xukuumadda India iyo dalka Ethiopia. 

 

Dhinac kale, Ethiopian-airlines ayaa wiigii laba jeer ka dhoofta dalka India laba jeerna soo caga dhigata. Xidhiidhka Ethiopia iyo India ayaa la odhan karaa waa mid qoto dheer oo faa,iidana u keeni kara xidhiidhka ay Somaliland rabto in ay la yeelato wadamo badan oo caalamka ah.

Cabdicasiis Axmed Muuse, INDIA

.............................................................................................................................

 

WAADIGA CIYAARAHA

Xulka Kubadda Cagta Gobolka Hargeysa Oo La Magacaabay

Tabobarayaasha xulka kubadda cagta gobolka Hargeysa ayaa soo saaray liiska magacyada xulka ciyaartoyga kubadda cagta ee gobolka Hargeysa.

Tabobarayaashu waxay ciyaartoyga magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ee xulka gobolka Hargeysa ku wargelinayaan inay subaxnimada Sabtida isugu yimaadaan xafiiska xarunta xidhiidhka kubadda cagta, markay saacaddu tahay 10:30 subaxnimo.

 

Liiska magacyada xulka ciyaartoyga xulka:

1.       Siciid Cabdi Maxamuud

2.       Faysal Maxamed Maxamuud

3.       Idiris Cabdi Aadan

4.       Cumar Cabdillaahi Aadan

5.       C/raxmaan Ismaaciil Axmed

6.       C/risaaq C/llaahi Cali

7.       Foosi Maxamuud Cabdi

8.       Nimcaan Cabdi

9.       Liibaan Ibraahim Cabdi

10.    Cabdi Maxamed Yaasiin

11.    Khadar Cilmi Cige

12.    Farxaan Cabdi Muuse

13.    Liibaan Maxamed Nuux

14.    Iid Jibriil Axmed

15.    Amiin Xasan Maxamed

16.    Jaamac Siciid Cabdi

17.    Siyaad C/llaahi Shire

18.    Xirsi Cali Cabdi

19.    Aadan Maxamed Aadan

20.    iyo Mustafe Maxamed Yuusuf.

 

Tabobarayaasha Xulka G. Hargeysa:

1.       Faysal Muuse Cabdi

2.       Cali Cabdi Diini.

 

 

 

George Weah oo taageero u muujiyay Blatter

Dubai (Reuters) - George Weah ayaa culays saaraya sidii Sepp. Blatter doorashada soo socota guddoomiye loogu dooran lahaa, wuxuuna ku tilmaamay mid si hagar la’aan ah ula saaxiibay kubadda cagta.

 

Blatter, oo markii ugu horraysay loo doortay shaqada ugu sarraysa ee kubadda cagta adduunka sannadkii 1998, waxay dagaal ba’an ku wada jiraan ninka Cameroon u dhashay ee Issa Hayatou, oo cod qarsoodi ah lagu kala saari doono 29 May, oo ku beegan laba maalmood ka hor marka uu bilaabanayo koobka adduunku.

 

Weah, wuxuu sheegay in uu rumaysan yahay inay jiraan dad badan oo la yaabsan sida uu ninka reer Yurub uga raacay Afrikaanka la tartamaya, laakiin wuxuu sheegay in uu rumaysan yahay in Blatter yahay ninka ugu fiican shaqada. Xiddigii hore ee adduunka iyo Yurub, ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo Sepp Blatter; “Si hagar la’aan ah ayaanu  taageero ugu haynaa aniga iyo waddankayguba, waxaan kaloo rajaynaa in xidhiidhada kubadda cagta ee dunidu ay dalabkiisa maqli doonaan,” sidaa waxa yidhi 36-jirka waqtigan u ciyaara kooxda Imaaraadka Carabta ee Al-Jazira.

“Blatter, wuxuu saaxiib dhab ah la yahay kubadda cagta Afrika, innaguna dhammaanteen waa inaynu taageernaa doorashadiisa labaad,” ayuu ku daray Weah.

 

George Weah, wuxuu intaa ku daray in aanay doorashadu la mid ahayn ciyaar aad waddankaaga ku taageeraysid, balse ay tahay mid aad ku eegaysid cidda u wanaagsan kubadda cagta, isaga oo sheegay in Blatter yahay ka saxa ah labada tartamaya.

Weah, wuxuu dhaliilay wax-qabadka Issa Hayatou, muddadii uu hayay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Afrika.

 

“Muxuu Hayatou Afrika u qabtay muddadii uu xilka hayay?” waxba ayuu ku jawaabay Weah.

“Wuxuu doorashadan ugu tartamayaa danihiisa gaarka ah, mana jirto wax uu ka caawin karo kubadda cagta Afrika.”

Ciyaartoygii hore ee AC Milan oo magac weyn dunida ku leh waxay taageeradiisani daba socotaa tii ay Blatter dhawaan u fidiyay ee Pele, Micheal Platini (France), Franz Beckenbauer (Germany), Abedi Pele (Gana).

 

Mashruuca Goal oo la bilaabay muddadii uu xilka qabtay Blatter ayaa ah mid loogu talogalay horumarinta tartamada waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo. Mashruucaa waxa badidiisii ka faa’iidaystay 36 waddan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ka helay lacag dhan 128 milyan oo dollar.

 

Tartanka Horyaalada Yurub oo gaadhay wareegii ugu dambeeyay

Tartanka kooxaha horyaalada Yurub (UEFA Champions League), ayaa soo gaadhay wareegii ugu dambeeyay ee afarta kooxood, waxaana soo gudbay naadiyada Barcelona (Spain), Real Madrid (Spain), Bayer Leverkusen (Germany) iyo Manchester United (England).

 

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, oo isku wadan ah ayaa isku beegmay oo wada ciyaari doona kulamada wareega ugu dambeeya (simi final). Sidoo kale Bayer Leverkusen iyo Manchester United, ayaa iyana isku soo beegmay, kulamadaasina waxay dhacayaan kuwa hore 23 iyo 24, kulamada labaadna waxaa la ciyaarayaa 30-1 May.

Kulanka aad loo xiisaynayaa waa ka dhexmari doona Barcelona iyo Real Madrid oo ah laba naadi oo aad u adag, isla markaana ay dhex taalo cadaawad gaamurtay oo dhinaca ciyaaraha ah.

 

Labada kooxood waxay hore ugu kulmeen ciyaar wareega siddeeda kooxood ah sannadkii 1960, kaas oo ay ku adkaatay Real Madrid oo sannadkaa hanatay koobkii shanaad.

 

Barcelona waxay wareegii ugu dambeeyay la ciyaartay Panathianikos, oo ay 3-2 kaga badisay isu-gaynta goolasha.

Sidoo kale, Real Madrid, ayaa ka adkaatay Bayern Munich oo difaacanaysay horyaalkan, waxayna kaga adkaatay 2-0, taas oo keentay inay 3-2 kaga badiso marka la isu geeyo tirada guud ee goolasha.

 

Sidoo kale, kooxda Manchester United ayaa mar labaad dhulka dhigtay Deportivo oo ay wada ciyaareen markii afraad ee tartanka.

Kulankii hore waxa 2-0 ku badisay Man. United, halka ay ciyaartii labaad 3-2 markale kaga badisay.

 

Manchester waxay isku soo beegmeen kooxda Jarmalka ah Bayer Leverkusen oo ka soo adkaatay Liverpool.

Inkasta oo Manchester kulankaa ku gacan sarraysay, haddana waxaa mar kale ka hor timi halaag, kadib marki uu dhaawac ka soo gaadhay ciyaaryahanka ay ku dhaataan Manchester iyo xulka England ee David Beckham, oo la sheegay inuu lix ilaa siddeed toddobaad ka fadhiyi doono ciyaaraha cagta, taas oo ka dambaysay markii uu ka jabay canqowga.

 

Agaasimaha fulinta ciyaaraha Ingirska Adam Gozier, ayaa sheegay in ilaa hadda inta la ogyahay ay tahay in ilaa lix toddobaad fadhiyi doono.

Ted Beckham oo ah aabaha dhalay kabtanka England, oo Khamiistii u warramay GMTv, ayaa sheegay in xaaladda wiilkiisu aanay fiicnayn. “David, wuxuu iiga yeedhay cusbitaalka si aan xaaladisa ula socdo,” ayuu yidhi Beckham.

Isaga oo ka warramaya xaaladda wilkiisa, wuxuu sheegay in aad u il-daran yahay aad u xummadaysnaa markii uu booqday.

“Runtii uu Burbursanaa, aad iyo aadna wuu u murugaysnaa, xummadina si ba’an ayay u lalinaysay.

Agaasimaha maamulka kubadda cagta England Adam Crozeir, ayaa ciyaaryahanku rajaynaya inuu si deg-deg ah dhaawaca uga soo kici doono, wuxuu weli hunguri ka hayaa inuu ka soo gaadho kahor inta aanu bilaabmin tartanka koobka adduunka oo 31 May ka furmaya waddamada K/Kuuriya iyo Jabaan.

 

Tabobaraha xulka England Seven Goran Eriksson, oo xulka magacaabi lahaa (9 May), ayaa FIFA ka oggolaatay in la siiyo waqti dheeraad ah oo uu ku baxnaaniyo kabtanka kooxda qaranka. Eriksson waxa loo cayimay inuu magacyada kooxdiisa ku soo gudbiyo ugu dambayn 21 bisha May.

 

Haddii muddada dhaawaca ee Beckham ay noqoto ilaa siddeed toddobaad, waxay noqonaysaa inuu xulka England ka maqnaado saddexda ciyaarood ee ugu horreeya oo ay la kala yeelanayaan Sweden, Argentine, iyo Nigeria, balse haddii waqtiga dhaawaciisu noqdo lix toddobaad waxay noqonaysaa inuu bugsado waqtiga uu bilaabmayo kulanka furitaanka ee England la yeelanayso Sweden bisha Juun.

 

David Beckham, waxaa garoonka laga walwaalay markii uu ciyaarta ku gudojiray keliya muddo 17 daqiqadood ah, kadib markii uu khalad ku galay ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara Deportivo una dhashay waddanka Argentine Aldo Pedro Duscher.

Dhinaca kalena Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda kabtanka hoggaaminaya xulka England.

 

“Wax muhiimad ah uma laha England dhibaatada loo gaystay lugta kabtankayga,” sidaa wax wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay af-hayeen u hadlay xafiiska Tony Blair.