SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 64-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 64, April 16, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Rugta Ganacsiga Somaliland oo loo Ogolaaday

Xubinimada Xafiiska Rugaha Ganacsiga Aduunka

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka socday Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland oo in muddo ahba socdaal ugu maqnaa dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku tageen arrimo la xidhiidha sidii Somaliland xubin uga noqon lahayd, Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee aduunka (OIE), iyo Xafiiska Rugaha Ganacsiga adduunka (ICC) oo dhawaan ka soo laabtay safarkaa, ayaa shalay sharaxaad ka bixiyay wixii uga soo qabsoomay hawshii ay u tageen dalka Faransiiska.

 

Weftigaas oo ka koobnaa laba dhakhtar oo kala ah; Dr. Maxamuud Cali Giire oo ah, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda X/Xoolaha iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed oo ah la-taliyaha Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo la-taliyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waxay markii hore ka mid ahaayeen Wefti uu hogaaminayay Wasiirka X/Xoolaha oo March 6, 2002, socdaal ku tegay dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qayb-galeen shir ku saabsanaa dhinaca Xoolaha, waxaanay markii dambe labadaa xubnood uga sii gudbeen magaalada Paris. Agaasimaha Guud Dr. Maxamuud Cali Ciise, ayaa shalay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, faahfaahin kaga bixiyay arrimihii ay u tageen Faransiiska.

 

Dr. Maxamuud, wuxuu sheegay in ujeeddada ay magaalada Paris u tageen ay ahayd, sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururka Caafimaadka Xoolaha ee Adduunka oo xaruntiisu tahay dalka Faransiiska. Wuxuu intaa ku ladhay in tegistoodu aanay ku imanin Casuumad loo fidiyay, balse ay ahayd mid ka dhalatay hindise ay dawladdu ku doonayso, sidii loogu dhaqdhaqaaqi lahaa xayiraad ka qaadista xoolaha. Sidaa daraadeed, ayaa naloogu diray ayuu yidhi, magaalada Paris. Agaasimaha Guud, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaanu sidnay waraaq uu Madaxweynuhu u qoray Xafiiska Caafimaadka Xoolaha ee adduunka, oo uu kaga codsanayay in nayloo ogolaado xubin ka noqoshada ururkaa. Markaa waxaanu u gudbinay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Xafiiskaa oo na qaabilay.” Wuxuu intaa raaciyay oo uu xusay in Agaasimaha Guud ee ururkaasi uu ku maqnaa dalka Shiinaha; “Ku-xigeenka Agaasimaha Guud, wuxuu noo sheegay in Agaasimaha Guud China ku maqan yahay. Sidaa aawadeed, wuxuu nagu yidhi; Codsigiina waan u gudbinayaa, Guddina waa loo saari doonaa arrinta la hordhigi doono. Waxaanu noo sheegay in ay si dhakhso ah jawaab inoogu soo diri doonaan.” Wuxuu intaa ku ladhay oo uu sheegay in Masuulkaasi, siiyay Dekumenti ku saabsan xagga Caafimaadka Xoolaha Adduunka.

 

Dr. Maxamuud, wuxuu xusay in ay rajo fiican ka qabaan arrintaas oo uu tibaaxay, haddii la ogolaado in ay faa’iido u leedahay, Ganacsiga Xoolaha Somaliland iyo Caafimaadkoodaba. “Haddii ay inoo ogolaadaan, waa tallaabo fiican, waayo waa meesha keli ah ee wararka ganacsiga xoolaha lagu kala qaato, markaa marka aad joogto iyo marka aad ka maqan tahay isku mid maaha, sababtoo ah dalalka xoolaha loo dhoofiyo iyo kuwa dhoofiyaaba, xubno ayay ka yihiin,” ayuu yidhi agaasimaha guud.

 

Xubnaha Weftigu, intii ay joogeen Paris, waxa kale oo ay la kulmeen Xafiiska Rugta Ganacsiga Adduunka (ICC) oo xaruntiisu halkaa tahay, waxaanu sheegay agaasimaha guud in ay u gudbiyeen qoraal ay Rugta Ganacsiga Somaliland ku codsanaysay, xubin ka noqoshada Xafiiskaa iyo Buug diiwaanka Ganacsiga Somaliland ah oo ay Rugta Ganacsigu samaysay, agaasimaha guud ee Wasaaradda X/Xooluhu, wuxuu intaa ku daray in Masuuliyiinta Xafiiska ICC, ay ballanqaadeen in ay jawaab degdeg ah ka soo bixin doonaan codsigaa Rugta Ganacsiga Somaliland. Waxaanu intaa raaciyay, intii aanay soo gaadhin Hargeysa-ba in ay jawaabtii soo direen oo ay Rugta Ganacsiga Somaliland u ogolaadeen in ay xubin ka noqoto, Xafiiska Rugaha Ganacsiga Adduunka.

…………………………………………………………………………………..

Mas’uuliyiin Loo Magacaabay Maamulka Cusbitaalka Boorama oo Ka Caga-jiidaya In ay Xilka La-wareegaan

Borama (Haatuf): Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Maxamed Jaamac Warfaa, ayaa shalay booqasho howleed ku tagay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Mr. Maxamed Cumar, ayaa sheegay in booqashada Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka ee Gobolka Awdal ay la xidhiidho u kuur-galka hawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Awdal, gaar ahaan sidii loo dedejin lahaa isbedel dhinaca Maamulka ah oo lagu sameeyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama, hase yeeshee isbedelkaa Maamul wuu socon waayay, kadib markii xubnihii loo magacaabay Maamulka Cusbitaalka Boorama ay ka cagajiideen la wareegista Maamulka loo magacaabay.

 

Sababta keentay in Masuuliyiintii loo magacaabay Cusbitaalka Boorama, bishii hore in ay ka cagajiidaan la wareegista xilkiisa, ayaa ah kala-daadsanaan ka muuqatay hawlaha Cusbitaalkaas.

Weriye Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray in shalay laga furay magaalada Boorama, xarun loogu tala-galay dhaqan-celinta naafada. Xaruntan oo hoos imanaysa ururka Bisha Cas xafiiskiisa Boorama, waxaa xafladii furitaanka ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socotay dawladda iyo Shacbiga magaalada Boorama.

Weriye Maxamed Cumar oo ka waramayay roobab si is-dabajooga uga da’ay deegaanka Boorama, ayaa sheegay in daadad ka soo rogmaday roobabkaasi ay tiro ilaa tobaneeyo neef oo adhi ah ku qaadeen dooxyada Nadhi, Bedenbed, Xaliimaale iyo Aftoox oo dhammaantood ku yaalla Waqooyi iyo Waqooyiga galbeed ee Boorama.

 

Warku, wuxuu intaa ku daray in loo magacaabay Isu-duwaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. C/raxmaan Jaamac Haddi, Agaasimaha Cusbitaalka Boorama waxaa loo magacaabay Dr. Cabdillaahi Muuse Yoonis, Agaasimaha Maamulka lacagta ee Cusbitaalka Boorama, waxaa loo magacaabay Xasan Cabdi Cige, Agaasinka Maamulka ee Cusbitaalka Boorama, waxaa loo magacaabay Cabdi Cige.

…………………………………………………………………………

 

Wiil Somaliland u dhashay oo ku dhintay Badhtamaha Saxaaraha Liibiya iyo Suudaan

 

 

 

 

Liibiya (Haatuf): Maxamuud Sheekh Cali Dhuunjoog oo ka soo jeedda dhalasho ahaan Gobolka Togdheer, ayaa ku geeriyooday Saxaaraha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Suudaan.

Siduu sheega war arrintaa ku saabsan oo naga soo gaadhay dalka Liibiya, Marxuumkaasi iyo dad kale oo Soomaali ahiba, waxay ka mid ahaayeen dad rakaab ah oo gaadhi ay ka raaceen dalka Suudaan oo geyn lahaa Liibiya, uu kula jabay Saxaarahaa, halkaas oo uu ku geeriyooday Marxuumkaasi. Lama sheegin sababta geeridiisa iyo in cid kale dhibaato gaadhaytoona.

 

Gaadhigaa uu la socday Maxamuud Sh. Cali Dhuunjoog, waxa kale oo la socda 7-wiil iyo laba gabdhood oo Soomaali ah, waxaanu gaadhigaa siday ku jabay badhtamaha saxaaraha u dhexeeya labada dal ee Liibiya iyo Suudaan.

……………………………………………………………………………………………….

 

Guddi Cusub oo Loo Magacaabay Hay’adda Waxbarashada ee Halt

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Hay’adda Horn of Africa Learning Trust (HALT) oo saldhigeedu yahay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, gacana ka geysata kaalmaynta Waxbarashada Carruurta Somaliland, ayaa dhawaan loo sameeyay guddi ka shaqayn doonta horumarinta xidhiidhka hay’addaa iyo bulshada Somaliland.

Sidaana waxa cadeeyay War-saxaafadeed ay hay’addaasi ka soo saartay magaalada Manchester oo ay u soo gudbisay Haatuf.

 

War-saxaafadeedka hay’adaasi soo saartay oo ay ku qoran yihiin, magacayada guddiga cusubina, wuxuu u dhignaa sedan:

“Horn of Africa Learning Trust (HALT) waa hay`ad gacanka gaysata caawinada waxbarasho ee caruurta iyo dhalinyarada ku sugan Jamhuuriyada Somaliland, waxqabadkeeduna waxa uu gaadhsiisan yahay dhamaan gobollada dalku ka kooban yahay.

Haddaba, si loo xoojiyo waxqabadka hay`adda waxaa dhawaan magaalada Manchester ee carigan Ingiriiska laga aasaasay guddi gacan ka gaysan doonta horumarinta xidhiidhka hay`ada iyo dadwaynaha reer Somaliland. Guddigu, waxa kale oo ay qabanqaabin doontaa lacag ururin (fund raising events) ay ugu talagaleen in ay cid waliba ka qayb qaadato.

Waxaa guddigan gudoomiye iyo xoghaye u kala noqon doona Hanad Xaashi Caydiid iyo Maxamed Xasan Jaamac.

 

Xubnaha kale ee guddigu ka koobanyahay waxa ay kala yihiin:

Maxamed Saleeban Sarman: Treasurer

Xuseen Darwiish

Siciid Jaamac

Cabdi Yuusuf

Maxamed Cabdi

Maxamed Cabdi Cige

Mustafe Ismaaciil

Maxamuud  Wayrax.”

……………………………………………………………………………….

 

Ururka ASAD Oo Dardar Geliyay Ololihiisa Shirweyne Qaran

Boorama (Haatuf): Wefti ka socda Guddiga Fullinta ee Isbahaysiga Badbaadinta iyo Dimoqraadiyadda (ASAD) iyo xubno Salaadiin ah, ayaa booqasho ku tegey magaalada Boorama, halkaas oo ay hore u sii joogeen Guddoomiye Ku-xigeenka ururka ASAD, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Salaadiinta reer Awdal ee ka tirsan Golaha Salaadiinta ee Burco lagu aasaasay.

 

Mr. Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo ka tirsan Golaha Dhexe ee ASAD oo Weriyaha Haatuf ee Boorama uga waramay ujeeddada booqashada weftiga, ayaa sheegay in socdaalkoodu la-xidhiidho dedejinta qabanqaabada Shir-qarameed ay isugu yimaadaan Shacbiga Somaliland, kaas oo uu ururkaasi hore ugu baaqay.

 

Oday, waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay tahay meesha ay ka bilaabayaan, maadaama oo ayuu yidhi uu gobolkaa Awdal yahay kan aanu “kan aanu shacbigiisa ka haysano taageerada ugu badan.”

Mr. Oday, isaga oo ka jawaabayay debaca waayadan dambe galay dhaqdhaqaaqii Siyaasadeed ee ururkooda iyo dardartan cusub ee ay bilaabeen, waxa uu sheegay in dedaalkooda ay debciyeen duruufo adag oo Shacbiga soo waajahay, kuwaas oo ka dhashay abaaraha.

 

“Booramena, waxa kale oo aanu u nimi in aanu xog-ogaal u noqono xaaladda nololeed, nabadgelyo iyo caafimaad ee dadweynaha gobolka ku sugan yahay,” ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Oday.

Waxana uu intaa ku daray in muddadii ay joogeen ay kulamo la yeesheen, qaybaha bulshada ee Shacbiga Boorame oo uu sheegay in ay iska xog-waraysteen arrimo khuseeya shir-qarameedkii lagu baaqay oo uu tilmaamay in wakhtigiisii soo dhowaaday, guud ahaanna waxa uu sheegay in ay isku afgarteen.

Oday, waxa uu geed ka go’an ka dhigay in Maamulka hadda jira lagu beddeli karo, wada-hadal iyo is-afgarad qalalaase iyo dagaalna aanu dan u ahayn dalka, waxana uu ku baaqay in loo diyaar garoobo Shir-qarameedka.

…………………………………………………………………………………………..

 

Amiir Digaale oo ka hadlay Afduubkiisii

 

 

 

 

Burco (Haatuf) :- Badhaaskii hore ee gobolka Sool Jaamac Digaale (Amiirka), oo Axaddii dorraad laga soo daayay koox dablay ah oo afduubtay Sabtidii toddobaadkan, ayaa shalay sheegay inaanu afduubkiisu ku lug lahayn ujeedooyin waaweyn oo siyaasadeed, xukuumaduna aanay shaqo ku lahayn.

 

“Nimankan I kaxaystay si khaldan baa wax loogu sheegay oo waxa lagu yidhi Amiirka ayaa ku fadhiya gaadhigiinii,” ayuu yidhi Amiir Jaamac Digaale oo shalay magaalada Burco ugu warramay wargeyska Haatuf.

Amiirku wuxuu carrabka ku dhuftay inuu tuhunsan yahay inay dad reer Sool ahi arrintan ku lug lahaayeen.

“Cid kasta oo nimankan aniga igu soo jihaysay waa cid aniga si kale iila dagaalamaysa oo wadday isku dhufasho dadka ah,” ayuu yidhi Digaale.

 

Amiir Jaamac Digaale oo dhawr bilood ka hor laga qaaday xilka Badhasaabnimada gobolka Sool, waxa Sabtidii toddobaadkan laga afduubay Buundada Qoryaale ee laamiga isku xidha Burco iyo Laas-caanood, isaga oo ka soo kicitimay magaalada Laas-caanood, kuna soo jeeday Burco, waxaana xorriyaddiisa loo soo celiyay duhurnimadii Axaddii, kadib markii ay odayaal uu horkacayo Sul. Maxamuud Xuseen Nuur ka dabotageen kooxdii Af-duubtay.

 

Sida uu sheegay Suldaan Maxamuud X. Xuseen Amiir Digaale waxa lagu wareejiyay siyaasiga Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadda ku sugan Burco, isla markaana Siilaanyo waxa uu ballan-qaaday inuu bixinayo lacag dhan 7200 US dollar, oo ay niman reer Laas-caanood ahi u haystaan gaadhi ay leeyihiin nimanka wax af-duubay, kaas oo ay ku andacoodeen inay ergadiisa ku daaleen, haatana ay aanadiisii u af-duubeen Amiirka, taas oo uu Amiir Digaale laftigiisu sheegay inuu inbadan u dhaqdhaqaaqay xallinta mushkiladdaa, odayaal badan oo reer Burco ahna kala hadlay.

“Lacagtaa waxa mas’uuliyaddeeda qaaday Siilaanyo, laakiin wuxuu moodayay in lacagtu tahay lacagtii aniga iga gashay gaadhigii dawladdu iga qaaday, balse markii dambe ee uu ogaaday wuxuu yidhi yeelkee waan bixinayaa,” sidaa waxa yidhi Amiir Jaamac Digaale, isaga oo Amiirku intaa  ku daray in nimanka af-duubay ay si fiican ula dhaqmeen, inkastoo buu yidhi ay markii hore xabbad igu rideen.

 

……………………………………………………………………………….

 

 

Dardaaranka Nin ka mid ah Kooxdii

Qaraxyadii Maraykanka Oo La Baahiyay

 

 

 

 

Al-jazeera – Telefishanka Al-jazeera ayaa xalay baahiyay cajalad uu hore u duubay mid ka mid ah raggii fuliyay qaraxyadii ka dhacay dalka Maraykankia 11kii September 2001.

Sheekadan oo ahayd dardaaran uu ninkaasi u sii dardaarmayo dhimashadiisa hawlgalkaa waxa la duubay lix bilood ka hor intii aanay qaraxyadu dhicin.

 

Sida la sheegay ninkan oo lagu magacaabo Axmed Xasnawi Alqaamidi, waxa uu u dhashay dalka Sucuudiga, waxaana cajaladdii uu telefishanka Al-jazeera baahiyay ka muuqday ninkaas oo dardaarmaya, kuna baaqaya in Jihaad lagu qaado Maraykanka oo uu ku tilmaamayo inuu yahay dal u biyaystay ladagaalanka islaamka.

Waxa kale oo cajaladaa ka muuqday nin lagu magacaabo Ayman Al Dawaahir oo isna la sheegay inuu yahay gacanta midig ee ninka lagu magacaabo Usaama bin Laden, hoggaamiyaha ururka Al-qaacida.

Sida cajalada ka muuqata Ayman Al Dawaahir wuxuu ku adkaysanayaa ama ku celcelinayaa inuu Ilaahay Nasriga siinayo nimanka hawlgalkii qaraxyada fulinayay ee dardaarmayay.

 

Cajaladan oo lagu tilmamay mid ay duubeen nimankaa muuqaalkoodu cajalada ka muuqday, iyada oo ay meeshuna ahayd magaalada Qandahaar ee dalka Af-qaanistaan, waxa la sheegay inay taasi caddayn u tahay sidii uu ururka Al-qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden ugu lug lahaa weeraradii qaraxyada ee Maraykanka ka dhacay 11kii September 2002.

 

Baahinta cajaladan oo hordhac ahayd waxay baahiyeyaasha Al-jazeera ballan-qaadeen inay iyada oo sheekadaasi dhammaystiran sii dayn doonaan maalinta Khamiista ee foodda inagu soo haysa.

………………………………………………………………………………..

 

 

Mucjisooyinka Hawl-galkii Birjeex Iyo Ka Qayb-galayaashii Dahsoonaa

Qaybtii 3aad ee Taxanihii Dhacdadaa 19-sannadood horteed

 

 

 

 

 

Waxa in badan la qoray ama laga sheekeeyey, qormooyinkii horena aynu kaga warranay ciidankii hawlgalkaa fulintiisa lahaa, guushii ay gaadheen iyo khasaarihii ay la kulmeen, kuwaas oo lagu tilmaamay garabkii daahirka ahaa ee dhacdada. Waxana muran ma doon ah oo la dareensan yahay in inay dahsoon tahay qayb weyn oo ah laftoodu geesiyaal door laxaad leh ka ciyaaray guushii 11-kii April 1983, taas oo soo hadal-qaadka dhacdadan taariikhiga ah la isku weydiiyo.

 

Haddaba, wargeyska Haatuf ayaa intii uu ku gudajirey raad-raaca taariikhdan waqtigan oo aynu xusayno 19-guuradeedii waxa uu la kulmay xog-ogaal badan iyo ka qaybgalayaal ay ka mid yihiin; Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil) oo ah ninkii lahaa mid ka mid ah labadii gaadhi ee hawlgalka loo isticmaalay iyo Cali Kirix oo ka mid ahaa ganacsadayaashii ka qaybqaatay abaabulka hawlgalka, isla markaana walaalkii Cabdi Kirix uu lahaa gaadhiga labaad ee hawlgalka. Cabdi Kirix Alle ha u naxariistee waxa uu ku geeryoodey Hargeysa 1994kii.

 

Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil) oo ahaa ganacsade Adhiile ah, haatanna ku nool magaalada Hargeysa oo uu deggan yahay waxa uu ugu badheedhay gacan-siinta hawlgalkaas khasaare dhaqaale iyo khatar nafeed oo laxaad leh. Yuusuf oo baabuurkiisu ahaa kii ay ku tallaabeen colkii hawlgalka fuliyey, kadib markii gaadhigii kale ka fadhiistay, waxa uu lafihiisa keliya kala baxay Hargeysa subaxnimadii 12/4/83, markii uu ogaadey in hawlgalkii lagu guuleystey isla markaana la qabqabanayo in alla intii loo tuhunsanaa inay ka ag-dhowaayeen. Hase yeeshee, waxa la aanadiisa loo qabqabtay dhawr iyo Toban qof oo ay ku jirtay ooridiisa oo markaa uur lahayd iyo hawlwadeennadiisii ganacsiga. Waxa ciidamadu jebiyeen xafiiskiisii ganacsiga oo ay gebi ahaanba ka rarteen wixii dukumenti iyo agab yaallay. Waxayna baylah ka heleen oo ay boobka ku caseeyeen xoolo gaadhaya ilaa 700 oo neef oo adhi ah oo uu maalmahaa ka iibsaday sayladda Hargeysa si uu u dhoofiyo iyo lacagta 1,800 oo neef oo adhi ah oo uu hore u dhoofiyey oo loogu soo shubay baanka.

 

Yuusuf isaga oo ka warramaya sidii uu hawsha ku soo galay iyo wixii u la kulmay kadib waxa uu yidhi:

“Anigoo sayladda Adhi ka iibsanaya 11/4/83 ayaa abbaaro 10:00 waxa iigu yimi Ibraahim Kood-buur, wuxuu igu yidhi raggeennii Madaxda ahaa ee xaggaa iyo Itoobiya ku maqnaa nin halkan yimi baa la qabtay, haddii aan galabta laga saarinna caawa tiyaatarka ayaa la geynayaa, dabadeed berrito diyaarad baa la saarayaa. Wixii Hargeysa, Berbera iyo Burco nin magac leh joogeyna waa la xaaqayaa. Markaa hawshaas baa jirtee gaadhiga I sii”.

Haliil taas kuma qancin, waxana uu u qaatay in uu ku khiyaamaynayo oo uu Ibraahim doonayo inuu ku baxsado gaadhiga. Isaga oo sii wada sheekadaasna waxa uu yidhi:

 

“Ku siin maayo ayaan ku idhi, haddaad wax run ah I taabsiisidna cidna kala tashan maayo ee waan ku siinayaa gaadhiga oo sidaa aad sheegayso ay tahay, haddiise sheekadiinii ay tahay oo aad doonayso baabuur aad ku baxsataan oo aad Itoobiya ku qabataanna anigu ma hayo.”

Intii haddii ay is-weydaarsadeen ayaa Ibraahim Kood-buur ku yidhi “ina keen”. Waxay labadooda oo keli ahi kaxaysteen gaadhigii, waxana uu geeyey Miiskii Saraakiisha oo ahayd halkii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar.

“Markii aan gaadhigii joojiyey ayuu ka degey oo u tegey niman tuutihii Ameerikaanka xidhan oo wada laf weyn oo meesha gaadh ka ahaa. Inta uu la hadlay ayuu ku yidhi ‘sidaa hawsha u wada’. Markaa dabadeed waxaan xaqiiqsaday warkii uu I siiyey inuu run yahay,” ayuu yidhi Haliil. Waxana uu sii raaciyey; “markii aanu soo noqonay ayaan ku idhi waar adhiga aan dhammeeyee – oo 700 neef baan iibinayey maalintaas – 12-ka duhurnimo igu soo noqo. 12-kii buu ii yimi, gaadhigii baan siiyey. Lacag aan hayey oo Jeeg ahayd ayaan sarrif la weyney, nin kaalinta Cajab hayey ayaan So.Shs.5000 siiyey oo aan idhi So.Shs 200,000 uun ii sarrif. Dabadeed waanu is-raacnay gurigeygii baanu u wada qada tagnay. Qori iyo Baastoolad-na gurigiisii baan ka soo qaadnay oo gurigeygaan dhigtay.

 

“Intaa kadib, ninkii Ismaaciil Sh.Ibraahim la odhan jirey oo berigii horena baanka ka shaqayn jirey markii dambena ganacsade noqday ayuu is-kaaya tusay  (iskaaya baray) oo markii uu ii sheegay I gartay, dadkuna wuu kala baqanayoo iyadoo arrin la wada wado ayaa haddana dadku kala dhuumanayey. Ibraahim baanu markaa ballanay, gaadhigiina sidaas baan ugu wareejiyay, waxana uu yidhi ilaa 5:30 uun meesha kasoo war hela, Ismaaciil gaadhigiisii buu kaxaystay, aniguna gaadhi kale oo aan watey ayaan raacay sidaas ayaannu ku kala ambabaxnay, aniguna xaggaa iyo Dumbuluq baan u kacay oo dushaan ka wareegey.

“Arrintii oo markaa uun dhacay oo arlada aan cidi joogin ayaan anigu soo noqday, lixdii iyo waxoogaa ayaan tegey xafiiskaygii oo ahaa fooqa Cawil Curyaan, gaadhigii baan halkaa kaga degey oo inamadii ku idhi orda oo gaadhiga ku soo xereeya geerashkii Ina Bootaan. Markii ay sidaa iiga dhaqaaqeen ayaa iyagii la qabtay, gaadhigii iyo labadii inanna la xidhay. Aniguna inta aan lugeeyey ayaan tegey halkii aanu Ismaaciil Sh.Ibraahim ku ballannay oo ahayd koonteenar u dhowaa fooqa Afqallooc ee badhtamaha suuqa iyo hudheelka Oryantalka, si haddii hawshu guuleysato iyo haddii kaleba aanu uga arrinsanno wixii aanu yeeli lahayn.”

Laakiin, nasiib-darro, ballantii ma fulin, Saaxiibbadii hawlgalku isu-keenayna nolol dambe iskuma waraysan, waxayna waxa u dhaceen sidan:

“Ismaaciil oo gaadhigii xawli baas ku eryaya ayuun baa isoo agmaray. Markii uu tiyaatarka in yar sidaa u yara dhaafay ayuu rasaas ridey, gaadhigii ayaan gartay, dabadeedna gurigeygii ayaan tegey,” ayuu yidhi Haliil.

Alle ha u naxariistee, Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale, sidaa ayaa lagu qabtay, isaga iyo Ina Cabdi Good oo ay hawlgalkaana kala qaybqaatay waxa toogasho lagu diley 1984-kii kadib SNM fulisey hawlgalkii Buuraha.

Yuusuf Haliil-na markaa kadib waxa u muuqatay in talo dhabaqday, waxana uu bilaabay sidii uu naftiisa ula baxsan lahaa. Isaga oo ka sheekaynaya markii uu gurigiisa tegey iyo sidii uu yeelay, waxa uu yidhi:

“12:00 habeennimo ayaa labadii nin ee gaadhigii aan ka degey lagu qabtay oo la sii daayey guriga igu soo garaaceen oo yidhaahdeen waar meesha ka bax waa lagu doon-doonayaaye. Sidii baan yeelay oo intaan gurigii ka guureeyey ayaan galay sandaqad ku taallay Jameecada, subaxnimadiina markii aan ogaadey in raggii oo dhan la qabqabtay ayaan lug kaga baxay magaalada. Meel la yidhaahdo Reydab oo Qool-caday bari ka yara xigta halkaasaa gaadhi la igaga daba keenay. Sidaasaan Itoobiya ku galay”.

 

Haliil waxa uu socodkii ku galay Itoobiya, waxana uu sheegay in markiiba uu la hadlay nin Sucuudi ah oo uu adhiga u diri jirey, ninkaasina uu lacag u soo diray, taas oo uu sheegay inuu ciidamadii SNM ee markaa la ururinayey uga soo iibiyey 100 beer oo kabaha adadag ee ciidamada ah. Wuxuu dabadeed u tallaabay dhinaca Jabuuti, halkaas oo uu sheegay in xuduudka lagu qabtay, markii baasaboorkiisa la aqoonsaday. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in markii uu saddex habeen ku xidhnaa meel god ah oo kulul ay u soo gurmadeen nin ganacsato waaweyn ahayd oo uu ka mid yahay ninka Madaxda ka ah Shirkadda Daallo Airlines, Colaad, Sidaana lagaga siidaayey.

 

Haliil xaaskisa oo la qabtay 13/4/83, waxa lagu xidhay xeradii ciidankii Dhabar-jebinta loo yaqaanay oo dadka lagu ururinayey, waxase uu sheegayin uu isla habeenkiiba uu siidaayey Cabdillaahi Cadde oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waqtigaana ka tirsanaa saraakiishii Dhabar-jebinta, kadib markii uu xaaska haybsaday dabadeedna gartay.

“Ilmihii habeenkaa caloosha ku jirey maanta waa nin weyn oo dugsiga sare dhigta,” ayuu yidhi Haliil, isaga oo Cabdillaahi Cadde ku ammaanaya siideynta uu xaaska u siidaayey.

Sidoo kale, Cali Kirix oo Walaalkii Cabdi Kirix lahaa gaadhigii labaad ee hawlgalka ee isagu dhexda ku xumaaday, isla markaana kamid ahaa ganacsatadii gacanta weyn ku lahayd hawlgalka, ayaa isaguna Haatuf uga warramay sidii wax u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen abaabulka hawsha.

“Rag wuxuu ka sheekeeyaa ba’iisa, dumar-na badhaadhahooda,” ayuu Cali ku bilaabay sheekada, isagoo xasuusanaya xaaladdii adkayd ee soo wajahday waqtigaas.

Waxa uu sheegay in abaabulka hawlgalkaasi uu ahaa mid ay iska kaashadeen rag saraakiil ahaa oo ku jirey ciidamada iyo dowladdaba iyo ganacsatadii waaweynayd, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay ahaayeen “ragga intii calool adayg lahayd”.

 

Waxa uu sheegay in isaga iyo ganacsato kaleba arrinta lagu soo wargeliyey markii diyaar-garowgeeda la bilaabay, gaar ahaanna ay la soo xidhiidheen Alle ah u naxariisto dhammaantood’e Cabdi Kirix, Ismaaciil Sh.Ibraahim Sh.Muuse Ducaale iyo Ina Cabdi Good oo iyaga ay wada shaqaynayeen Ibraahim Kood-buur.

“Waxa calool-adayg noo sameeyey nimankii kornaylada ahaa ee Ina Kood-buur Madaxda u ahaa . Markaa aniga iyo nin Muxumud Durraan la yidhaahdo waxa naloo diray inaanu soo ururrinno qoryo iyo rasaas. Wixii reeruhu haysteen iyo wax aanu ku darnayba waxaanu isu keenay siddeed qori iyo ilaa 1,000 xabadood oo rasaas ah,” ayuu yidhi Cali. Waxana uu raaciyey inay haddana bilaabeen inay iska ururiyaan lacag iyadoo intii markaa awoodaysey ninkiiba la saaray So.Shs.200,000.

“Habeenkii ayaanu diyaarinay gaadhi aanu lahayn oo uu Cabdi Kirix lahaa ayaannu bixinay oo intaannu hagaajinay oo wax kasta aanu u dhammaynay ayaannu nidhi waa in kaa lagu qaadaa (Cabdillaahi) caawa,” ayuu yidhi.

 

Intaa keliya kagama aanay hadhine, Cali waxa uu sheegay in raggaasi kadibna ay ka qaybqaateen xitaa hawlgalkii Ciidan ee lagula baxay Cabdillaahi.

Oo sidee iyo qaabkee bay uga qaybqaateen?

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kadib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo Jidh iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.

 

Cali isaga oo qorshahaa ka warramaya waxa uu yidhi: “Intaa dabadeed, waa la is-qaybiyey oo afar ilaa siddeed waddo ayaa loo qorsheeyey in lagu soof-daran habaabiyo. Ina Cabdi Good iyo Ina Sheekh Ibraahim waxa lagu qaybiyey waddadaa New Hargeysa ka baxda ee tiyaatarka inay xabado ka ridridaan. Cabdi Kirix iyo nin Gurey la yidhaahdo oo colkii jabhadda ka mid ahaa iyagana waxa lagu qaybiyey wadada idaacadda inay xabado ka ridridaan. Col kale oo badan oo uu ka mid ahaa ninka isaguna gaadhiga labaad lahaa (Yuusuf Cabdi Xandulle “Haliil”), iyagana waxa lagu qaybiyey  inay halkaa Shanta Maylka (Karin Huwan) agagaarkeeda xabado ka ridaan. Halka loogu talagalay inay ka baxaanna waxay ahayd Qudhaca Faarax Nuur”.

Cali waxa uu sheegay in maqribnimadiiba Cabdi Kirix iyo raggii kale ee rasaasta ka ridayey wadada idaacaddu ay ku soo noqdeen, uguna bushaareeyeen in hawlgalkii najaxay Cabdillaahi Askarna lala baxay.

Hase yeeshee, farxaddii iyo guushaasi ma noqon mid ay ku sii negaadeen Cali iyo raggii kale ee hawsha kula jirey, waxaana markaas uun u bilaabmay rafaad iyo dhibaato.

 

“Aroornimadii ayay noogu darnayd markii la yidhi gaadhigiinnii Toyota-da ahaa ee Cabdi Kirix lahaa oo nin mayd ahi hoos yaallo ayaa meeshan yaalla!,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey; “Niman askar ah baanu u dirnoo waxaanu nidhi soo eega wallaahi waa dhab bay yidhaahdeen”.

 

Halkaa markay marayso Cali iyo eheladiisii markaa waxay bilaabeen inay tabaabusheeyaan Cabdi Kirix oo la doon-doonayey si ay ugala baxsadaan dil iyo xadhig. Waxa lagu daray Cabdi nin la yidhaahdo Muxumud Durraan si uu u tallaabiyo, laakiin nasiib darro, waxa la ogaadey in xuduudka oo dhan ay ciidamo joogaan oo lagu sugayo. Dib bay u soo noqdeen, aakhirkiinna waxa laga tallaabiyey Lawya-caddo xaduudka Jabuuti iyo Somaliland, iyadoo lagu isticmaalay kharash badan oo laaluush ah.

Haddana, Cali iyadoo culayskaasi ka dhacay oo uu Cabdi tallaabiyey, welwel iyo rafaad weli uma dhammaan, waxana uu bartilmaameed u noqday baadhista iyo handadaaddii joogtada ahayd ee ciidamadii taliska. Waxaana dhibtaas hore kaga sii darnayd u yeedhista iyo ciidamada maalinkasta la dulkeenayey. Ilaa ugu dambayntii uu ku dhaqmay talo ay u soo jeediyeen laba nin oo CID-da ka tirsanaa oo nasteex u ahaa, taas oo ahayd inuu dhalleeceeyo tallaabista laba nin oo walaaladii ah (Yuusuf Kirix iyo Cabdi) oo SNM-ta ku biirtay, uuna u muujiyo inay yihiin fallaago isagana dayro ka ah. Taas oo ay ku qanceen saraakiishii talisku, kana fududaysay culayskii joogtada ahaa.

 

Intaas marka laga yimaado, waxa is-weydiin leh halkaas maxaa lagu badbaadiyey? Ma nafta Cabdillaahi Askar oo keli ah? Cabdillaahise sidee u arkaa dadka iyagu qaba in furashadiisa naf iyo maalba loo huray, ama ugu tarsheeganaya?. Gen.Gaanni iyo ciidamadiisii faqashta loo yaqaannay saamayn muxuu ku yeeshay hawlgalkaasi? Arrimahaas jawaabtooda iyo qoraal dikumenti ah oo Qaybtii Hargeysa ee Boolisku ka soo saareen gungaadhka baadhistii dhacdadaas oo weheliya, la soco Caddadka dambe ee Haatuf

………………………………………………………………………………………..            

Somaliland Ma Haysaa Jidkii Horumarka Mise..?

Faalo: Cumar Daahir Cumar

 

Inta aynaan u gelin ujeeddada Mawduucan, bal marka hore aan isku dayno in aan Iftiimino macnaha ereyga Horumar.

 

Aqoonyahanada wax ka qoray Arrimaha Horumarka Ummadeed, waxay ku macneeyeen sidan: “Isbedelka ka bilowda hoosta oo kobcinaya dhinaca dhaqaalaha ummadda, iyadoo loo marayo dariiqa shaqada iyo shaqa-siinta dadka, cadaalad dib u qaybinta kheyraadka wax-soo-saarka, iyadoo la tixgelinayo Baahiyaha Aasaasiga ah ee dadka (Waxbarashada, Biyaha, Waxsoosaarka, iwm).

Markaa aan qaadano Qeexidda kor ku xusan ee Horumarka, waxaa muhiima in ummadda doonaysa horumarku ay yeelato qaybo bulsheedkan soo socda oo kala ah:

1.              Qayb bulsheed ah Aqoonyahano (Acedemic) oo ah, Cilmi-baadhoyaal, Macalimiin, Arday, iwm.

2.              Qayb bulsheed ah Saraakiil farsamo oo la diyaara kala tashiga wixii u baahan caawimo.

3.              Qayb bulsheed ah farsamo yaqaano horumarineed oo ah; Dhakhaatiirta Cusbitaalada, Umulisooyinka, dhakhaatiirta xoolaha, beeryaqaanada, Injineerada, iwm.

Waxaa jirta qayb afraad oo u muhiima qayb-bulsheedka Horumarineed, kuwaas oo ah; Suxufiyiinta Jaraa’idka iyo qorayaasha buugaagta.

Si ay ummadi horumar u samayso, waxaa lagama maarmaan ah in afartaa kooxood ee bulshadu ay aad u dhisan yihiin oo ay wada-shaqayn hufana wada leeyihiin.

Bal inta aynaan gelin, heerkeena horumarka aan is-weydiino horumarku, Muxuu taraa?

 

Ilaa hadda inta la qoray, waxyaabaha la isku raacay inuu horumarku soo kordhiyo, waxaa ka mid ah:

1.       Haddii ummaddu Horumar gaadho, waxaa baaba’a ama yaraada Saboolnimada iyo caydhnimada ummadda.

2.       Horumarku ummaddu, wuxuu keenaa wax-soo-saarka ummaddaa oo kor u kaca.

3.       Horumarku, wuxuu keenaa Ilbaxnimada Bulshada oo kor u kacda iyo Xoriyadda, taas oo keenta ama kordhisa deganaanshaha nololeed ee Bulshadaa.

4.       Horumarka, waxaa ka soo baxa qaab Siyaasadeed yareeya, iska horimaadka iyo mushkiladaha ka dhex dhaca Bulshada dhexdeeda.

Marka horumarku yahay, sidaa aynu soo sheegnay aan is-weydiino, halkee ayay Somaliland ka mareysaa dariiqa loo maro horumarka?

 

Marka hore, Hay’adaha loo sameeyo in ay ka hawl-galaan Baahida aasaasiga ah ee ummaddu intooda badan umma muuqdaan goobo ay ka socoto, hawlaha lagu magacaabay, waxayse u egyihiin goobo intooda badan Hadiyad loo siiyo Ninka ka Madaxda ah kaas oo ku Mushquulsan ka faa’iidaysiga hay’addaa kolba Siduu wax uga heli karo, tusaale ahaan; Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, inta badan male hawl-gal u dhigma magaca ay Wasaaradaasi leedahay, waxayse u muuqataa malaha in loo aasaasay Xuska maalinta Biyaha Aduunka.

Wasaaradda Caafimaadka oo uu dhakhtarka weyn ee Hargeysa u jiro in ka yar 20-tallaabo, waxaa waxqabadkeeda kaga filan Cusbitaalka Guud oo xataa qofka looga baahan yahay inuu isagu la yimaado, Balastarka lagu xidho Guluukoosta oo marka dhab loo sii eego Wasaarado iyo hay’ado badan, ayaa ku kooban Boodhka Dhismaha, Gaadhiga Wasiirka ama Maamulaha, Shidaalka uu isticmaalo iyo tiro shaqaale ah oo aroortii soo gaadhka Xafiiska.

 

Marka dhab loo eego ee sidii haboonayd ee horumarka waddadiisa ahayd, ma hayno.

Guud ahaan, shaqa la’aantu Somaliland aad bay u badan tahay, intaa waxaa soo raaca dhaqaale xumo soo food saartay xoola-dhaqatada, mar haddii aan xoola dhoofintu sideedii hore ahayn.

Nolosha adag ee ka jirta dhinaca xoola-dhaqatada iyo beeralaydu, wuxuu fataha magaalooyinka Somaliland oo markii horeba ka liitay Baahiya aasaasiga u ah nolosha.

Dawladaha Hoose oo Barnaamijyadooda Horumarka iyo taakuleyntu ay liidato, ayaa qayb ka ah nolosha aan Horumarka lahayn ee magaalooyinka Somaliland, marka laga reebo Shicibka oo iyagu inta awoodooda ah waxtar muujiyay.

 

Arrintu siday doontaba ha ahaatee, waxaa muhiima in Xukuumadda Somaliland ay fahamto in horumarku aanu ahayn, Xukuumadda oo ka guuleysata Mucaarid ee ummaddu ka sugayso hawl ballaadhan oo horumar ummadeeda kolba inta awoodeeda ah.

Marka aynu qaadano dhaliilahaas iyo kuwa kale oo faro-badan, waxaa la odhan karaa Somaliland, xilligan kuma taagna Jidkii horumarka.

…………………………………………………………………………………………………………

BADWEYNTA FANKA IYO SUUGAANTA

Taariikh-faneedka Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub)

Q: 2aad

Qaybtii koowaad ee barnaamij Faneedka Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), waxaynu wax kaga tilmaamay bilowgii taariikhda murtida iyo xikmadda Eebbe ku manaystay Abwaan Sangub. Qaybta labaad ee maantana, waxaanu wax kaga taataabanaynaa Riwaayadihii uu Abwaanku sameeyay sannadihii Toddobaatameeyadii.

 

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), kuma koobna Mu’alifnimada oo keliya, balse waa gabayaa, wuxuuna leeyahay gabayo badan oo uu kaga hadlayo dhinacyada kala duwan, maadaama uu yaraantiisii ku soo barbaaray nolosha miyiga, wuxuu caan ku noqday Ciyaaraha dhaqanka, intaa waxa u dheer samaynta laxanka heesaha, samaynta Muusikada, iyo weliba metelaadda ama jilaanimada.

Sannadkii 1970-tanaadkii ayuu sameeyay riwaayado jacayl ah oo ay ka mid ahaayeen, Riwaayado caan ka noqday guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Riwaayadaha kala ah; Qabrigii Jacaylka, Xuudbaa liqay Jacaylkii, iyo Xuskii Jacaylka, waxay noqdeen qaar qisooyinka iyo heesaha ay xambaarasanaayeen, si weyn u soo jiiteen indhaha Soomaali badan muddo dheer ku hadaaqi jiray, heesihii riwaayadahaa ku jiray. Haddii aynu wax yar ka xusno, waxaynu soo qaadan karnaa riwaayadii la odhan jiray “Qabrigii Jacaylka” oo waxay dadku is-weydiinayeen Jacaylka la’ aasayo, taas oo qof walba ku dedaalay bal sidii uu wax uga ogaan lahaa arrinta.

 

Riwaayadaha kale ee Sangub sameeyay, waxaa ka mid ahaa “Xoriyo nin geyaa ha guursado,” “Gari ma kaa baxdaa, isuma qado iyo kuwo kale.” Xoriyo, waxay ahayd, riwaayad caan ah oo dadku si weyn uga daba dhacay, Inkasta oo abwaanku ujeeddada riwaayada ku tilmaamay mid wadanI ah oo uu kaga hadlayay qadiyadda Soomaali Galbeed, haddana dadku waxay u macnaysteen wejiyo kala duwan. “Xoriyo, waxaan kaga jawaabayay gumaysigii iyo Nin Amxaar ah oo Buug ka qoray,” ayuu yidhi Sangub.

Markii ay dadku daawadeen Xoriyo, waxay noqotay ujeedo badan oo qofba sidii uu isagu jeclaa, ayuu u macnaystay. Sangub oo wax laga weydiiyay sida uu u dareemay markii fikradiisii ay ka xoog badatay tii shacbigu qabeen, ayaa sheegay inuu isku dayay in aan la bedelin ujeeddadii uu ka lahaa, hase yeeshee wuxuu intaa ku daray inuu sidii ay rabeen u daayay; “Riwaayada Xoriyo, qofkastaa si gooni ah ayuu u fasirtay, dadkuna umay qaadan sidan ku waday. Maxkamaddaa dhegaha la’ ayaa la’I saaray, aniguna maadaama aan ka dhaadhicin kari waayay, siday u qaateen ayaan ugu daayay. Waxaa quman in wax laysweydiiyo oo qofkii riwaayada alifay lagu yidhaahdo, maxaad uga jeeday, balse aan wax la iska mala awaalin.” Sidaa waxa yidhi, Sangub oo ka hadlaya isfaham la’aanta dhextaalla abwaanka iyo bulshada guud ahaan.

 

Riwaayada Xoriyo oo samaynteedu ku soo beegantay, wakhti ay in badan oo bulshada Soomaalida ka tirsani il gaar ah ku eegayeen, hab-dhaqanka Madaxdii Xukuumadii dawladii burburtay ee Soomaaliya, ayaa keentay in ay u macnaystaan sidii rabitaankeedu ahaa, halka qaar kalena ay u macnaysteen in ay ka hadlayso dawladnimada oo la leeyahay, cid kale ma geydo.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay Xoriyo noqotay “Hadal ninna si u yidhi, ninna si u qaaday. Halku-dhigyadii riwaaydii xoriyo ee dadkana, sida weyn u soo jiitay, waxaa ka mid ahaa ereyadan:

“In ay dunidu gabangaabsi tahay oo gabaxa oo liita,

Wakhtigaa isgurayiyo ilaa shiidda lagu guuray oo ay galgalad tahay ayaan idin garwaaqsiine,

Taariikhahan gabaabsiyay qarnigan galowgu sheegaayo,

Gudcurkiyo cadceedan isqabsaday, hadalkan gaagaaban,

cilmi falaggan guuree dayaxa guudka laga saaray,

Gordane iyo surwadan kala durkee godobta sheegaaya,

Guntane iyo bayaatkan isdhacaye geella ka qaaday,

Gartan uu afyuubkii lahaa geli aqoon waayay,

Xurrahan gudinta soofaystay ee gabadka dhiigaystay,

Lamaanahan gucleeyay ee u tegay dirirta gowriira,

Gaadhanahan ordaaya ee derderay guubiska hurdaaya.”

 

Tixahan iyo kuwo kale oo badani, waxay noqdeen kuwo dhadhan u yeelay xoriyo oo ay soo bandhigideeda ka qayb-qaateen Fannaaniin badan oo ka mid ah, kuwa loogu jecel yahay markay noqoto heesaha iyo dhinaca maadaynta intaba.

Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu si weyn uga soo horjeestay Maamulkii dawladii rayidka ahayd ee talada dalka uga horaysay Taliskii Siyaad Barre, oo isagu inqilaab Milateri talada dalka kagala wareegay. Heeso badan oo wakhtigaa uu tiriyay, ayuu si weyn ugu muujiyay fadhiidnimada maamulkaas, iyada oo uu ku tilmaamay mid aan habayaraatee waxqabadka lahayn, dadkiina khaladay.

Heesaha uu wakhtigaa Sangub u tiriyay Xukuumadii uu Ra’iisal-wasaaraha ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hadda Somaliland ka taliya, waxaa ka mid ahaa; “Hurudooy hawaaraay,” “Gaasiray inga yayna kala guraaya,” “Alla walalac beeneey,” “Waan arkaayo sheegi maayo,” “Xilka kaan u dhiibtaa iga dhuumanayoo dhexda caynku kaga go’ay.”

 

Abwaan Sangub, fannaaniinta uu aadka u jeclaa, inta badana riwaayadihiisa wax ka meteli jiray waxaa ka mid ahaa, Fannaanka caanka ah Salaad Maxamed Shardi (Salaad derbi) iyo Saynab Cige Maxamed oo labaduba wax ka metelayay, Riwaayadihii Silsilada ahaa ee (Silsiladii Jacaylka), isaga oo abwaanku wax ka tlmaamaya jacaylkii uu u hayay fannaanka Salaad derbi, wuxuu yidhi; “Fannaaniin badan baan jeclaa, laakiin sida wiil aan dhalay waxaan u jeclaa Salaad derbi, waayo wuxuu ii ahaa Mukhlis, wuuna dedaal badnaa.”

La soco Tirsiga Dambe, qayb kale oo xiiso badan…..

…………………………………………………………………………………………………..

Dheeho Dhaqankaaga

M. I. Sagax

 

Akhriste, waxaynu nahay bulsho dhaqan ahaan aad u hadal badan, haddana isfahankoodu aad u yar yahay, maxaa yeelay, marka aad u fiirsato hab-dhaqanka wada-hadalkeena iyo goobaha lagu kulmaba, waxaa is-odhanaysaa, malaha dadku isfahan shilis iyo xurmadii wada-hadalka, haddaynu soo qaadano goobaha marfishyada lagu qayilo iyo waayaha horyaalla, waxaynu odhan karaa Mawduucyada ugu xiisaha badan ee laga hadlaa waa Siyaasad iyo hebalo, balse ma arkaysid Mijilis lagu qayilayo oo lagu hayo arrin iyo dan caama, haddaba, waxaa wanaagsan haddii bulsho meel ku kulanto in ay maanka ku hayso xuska Nebiga (c.s.w).

 

Haddaba, waxaan odhan lahaa bulshada marfishyada lagu qayilo isugu timaaddaa, laqwiga ha isaga baxaan (saaca bi saaca). Waayo, waa u dan in ay sidaa yeelaan, haddii kale qoomamaa xigi iyo murugo;

-          Hadal waa dheh ama dhegayso

-          Hadal intuu afkaaga ku jiruu ammaankaa yahay

-          Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhaminba way kula fogaadaan.

-          Waxaa jira wakhti aan raggu hadal ka dhergin, geeluna aanu biyaha ka dhergin.

Waxaanu raggu hadalka ka dhergin, marka aanu joogin geedkii odhaahda laga odhan lahaa,

Geeluna, waxaanu biyaha ka dhergin, marka gu’ wanaagsan da’o ee roobku intuu yara qaado dooguna cadaado, ayuu geelu si xoogga u cabaa biyaha.

-          Haddaad hadlayso, waxaad odhaynayso ka fiirso, wixii lagaa odhan doono,

-          Anaa hadhay looma hadlo ee maxaa inoo hadhay baa loo hadlaa,

Afar faa’iido lagama gaadho:

  1. Cilmi doqon galay,
  2. Cadaalad can gashay,
  3. Caqli haween galay
  4. Iyo Colaad sokoyeena haba sheegin.

Saddex saddex loo waaniyay saddexbay halis u tahay;

a.       Cadrad xishood lagu waaniyay, ceebay halis u tahay,

b.       Ciroole dantii loo waaniyayna cidhib xumo ayuu halis u yahay,

c.       Caalim camal wanaagsan lagu waaniyayna, cadaab aakhiro waa u halis.

Saddex gadood dadweyne ayay dhashaa

a.       Shiraan gaax lahayn

b.       Guddi aan go’aan lahayn

c.       Iyo Guurti aan sama-talis ahayniba, gadood dadweynay keenaan.

Saddex igmashaa lala sugaa;

a.       Gar agnaan,

b.       Gar Jiilaal,

c.       Iyo Ubad dhibkiiba igmashaa lala sugaa.

Saddex saddex lagama daayo;

a.         Haween sheeko lagama daayo,

b.         Xoolana u heesid lagama daayo,

c.         Awrna hogaan lagama daayo

-          Haween waa u samir ama waa ka samir,

-          Haweenka iyo geelaba waa la hidda raacaa.

Saddex kaama hadho

a.       Wadaad jaleecadii

b.       Wadar qodaxdeed,

c.       Iyo hansi gabadheed midna kaama hadho.

-          laba labay eeday: Dawladi Maamul xumay eeday; Cadaaladina garsoor xumay eeday.

-          Nin gaajoonaya gar looma dhiibto;

-          Nimaan kuu furi dooni, yaanu kuu rarin.

Tallo waa saddex;

a.       Waa mar aad garan wayo,

b.       Mar aad gaadhi waydo

c.       Iyo mar ay kula gudboon tahay.

Tallana adaa ku noole, iyadu kuguma noola.

Haddaba, hide iyo dhaqankeenii suubanaa waxaynu dhaxal ka haynaa odhaahdan:

“Nin taladiisa rartay waa nin orgi rartay; waxaase dhaqan-guur ah, sidan doono ayaan yeelayaa, maxaa yeelay waxaynu goob-joog u nahay dabeecadaha dhaqan-xumo ee aynu dhaxalay mudooyinkan dambe ee ay ka mid yihiin; ‘Wada-tashan mayno’ ‘laysu joojin maayo’. “Galadi waxay ku jirtaa wax isku gayngayn iyo tala wadaag” “wax kelidii taliya, waxaa la hubaa Alle S.W.T.

Saddex laguma liibaano

  1. Talo daba go’an,
  2. Tallaabo been ah,
  3.  Iyo talo aan loo dhammayniba laguma liibaano.

Saddex saddex baa u dawo ah;

  1. Khilaaf sokeeye, wada-hadal baa u dawo ah,
  2. Xaajo murugsana, iqanci aan ku qanciyaa u dawo ah,
  3. Colaad, nabadbaa u dawo ah

-          Rag iyo hangoolba waa la ururiyaa,

-          Awrka dambe awrka hore socodkiisu leeyahay,

-          Taariikhdu ma gabowdo, mana geeriyooto, mana gabato.

 

Taariikhdii SNM, waxaynu wada ognahay dhammaanteen in ay baal dahaba inoogu qoran tahay, waxaynu wada ognahay SNM in ay ahayd, hooyadii Soomaali dhashay, sidaa darteed taariikhdu ma duugawdo, beena ma sheegto. Hase yeeshee, taariikhdee xusi doonta boqolaal sanno in ka badan, SNM may dhimman ee waxaa dhintay ninka halgankeedii qarinaya. Cadceedda cidina sacabo kuma qarin karto.

………………………………………………………………………………………………….

 

 

Fahamka Caafimaadka

Cumar Daahir Cumar

Maxaa Sababa Cudurka Kansarka?

Macluumaadkan iyo sawirkaba waxaa laga soo ururiyay Buuga “Uderstanding Health”

Waxaa tifaftirtay – Linda Perrin

 

 

 

 

Maadaama uu Kansarku yahay cudur la kooxa boqol cudur oo kale malaha sabab keliya oo la yidhaahdo way keentaa ama way sababtaa. Hal sabab oo keenta Kansarka ayaa yeelan karta cuduro astaamahoodu kala duwan yihiin.

 

Cabidda sigaarku ma keento oo keliya Kansarka sanbabada ee waxaa kale oo ay keentaa Kansarka ku dhaca Kaadihaysta iyo Kansarka ku dhaca Afka.

Wuxuu kale oo uu keeni karaa ka ku dhaca meelo kale oo jidhka dadka ah.

Jawiga nololeed ee uu qofku ku nool yahay iyo hidde ahaan ayaa saamayn ku yeelan kara Kansarka noocyada qaar oo uu qofku qaado, tusaale ahaan Kansarka oogada qofka ku dhaca (Maqaarka), wuxuu u dhaw yahay inuu ku dhaco dadka leh dabiiciyan maqaarka khafiifka ah ee jidhkooda oo qaawan saacado badan u wadha fallaadhaha cad-ceeda.

 

Dadyowga Adduunka oo dhan midabkay doonaan ha yeeshaane, jinsiyadday doonaan ha ahaadaan, degaan kasta ha ku noolaadaan wuu ku dhici karaa Kansarka noocyadiisa kala duwani, laakiin waxaa dhacda in nooc Kansar uu meel aad ugu in badan yahay sida caloosha oo aad ugu badan.

Japan iyo Iskaandaniifiyanka, marka la barbar dhigo Maraykaynka.

Kansarka ku dhaca xubnaha taranka ee Ragga iyo Kansarka ilma-galeenka ku dhacaa wuxuu aad ugu badan yahay Hindiya.

 

Kansarka la isugu gudbiyo Hiddaha

Qoysaska qaar ayaa hiddo ahaan u nugul inay qaadaan noocyo ka mid ah Kansarka.

Noocyada Kansarka ee ku dhaca; Sanbabada, Caloosha, Xiidmaha waaweyn, Naasaha iyo Ilmo-galeenka, ayaa la ogyahay inay ku yimaadaan sabab la xidhiidha hiddaha qofka, dadka ay eheladoodu qabeen mid ka mid ah Kansaradaa ayaa laban-lab ama afar-laab uga dhow dadka kale inuu ku dhaco cudurka Kansarku.

Cilmi-baadhista Hiddo-raaca cudurka Kansarka ayaa lagu helay in eheladii dad uu hore ugu dhacay Kansarka Naasuhu inta ka horraysa da’da afartan jirka ay 9 jeer ka laban-laaban yihiin nugaylka qaadista Kansarka Naasaha marka la barbar dhigo dadka aanu eheladooda hore ugu dhicin cudurkaasi.

Maxaad samayn lahayd haddii aad ogaato in hiddaha qoyskiinu uu yahay mid u nugul nooc ka mid ah Kansarka?

 

Ma beddeli kartid asal hiddo-sidaha jidheed ee qoyskiina, laakiin waxaad baran kartaa maxay yihiin qodobada kale ee caawiya si uu Kansarku u curto, waxaanad qaadaysaa tallaabooyin aad kaga hortagayso oo ah kuwan soo socda.

 

Nooca Cudurka

Maxaa cudurka Kansarka saamayntiisu ugu kala duwan tahay dalalka Adduunka?

Inta badan Saynisyahannada iyo khubarada cilmi-baadhistu waxay rumaysan yihiin in kala duwanaanshahaasi uu ka yimid in qaab, nooca iyo dhaqanka raashin cunista ay waddamada dunidu ku kala duwan yihiin.

Nooca raashinka aad cunto iyo sida loo kariyo waxay taageertaa ama ka hortagtaa noocyada Kansarka raashinka ay aadka baruurtu ugu badan tahay waxay gacan siiyaan noocyo Kansarka ka mid ah.

Raashinka ay ku badan tahay duxda loo yaqaan “Cholesterol” ayay sanisyahanadu sheegeen in ay caawiso Kansarka naasaha, laakiin ilaa hadda ma jiro nooc raashina oo si buuxda loogu tuhunsan yahay keligii cunistiisu inay keento Kansarka, waxaase la isku raacsan yahay in raashinka dheeliga tiran nafaqo ahaan ka hortago cudurka Kansarka.

 

Cabidda sigaarka ayaa la xaqiijiyay inay keento Kansarka Sanbabada iyo weliba cuduro kale oo faro badan.

Qiiqa sigaarka iyo walaxda loo yaqaan (Tar), ee ku jira sigaarka labaduba waxay ka kooban yihiin aalad loo yaqaan (Carcinogenic), ama kiimikada keenta Kansarka.

Sigaaryo-cabku markuu jiido ama qiijiyo hal mar sigaarka uu cabayo, wuxuu u gudbiyay sanbabkiisa kiimiko dhibaato u leh caafimaadka sanbabkiisa.

 

Muddo markuu sigaaryo-cabku ugu wado sunta kiimikada ah ee sigaarka sanbabadiisa ayuu qayb weyn ka qaataa kansarka inuu kaga dhaco sanbabada.

…………………………………………………………………………………………………….

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Yaa ka Mas’uul ah Biyo la’aanta Hargeysa?

 

 

 

 

Annagoo ah muwaadiniin deggan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda cusub ee Maan-deeq (Ex-Libaaxyadii hore), waxa labadii toddobaad ee u dambeeyay na saamaysay biyo la’aan, iyada oo ay roobabka gu’gu xilligan madaxoodii ay noo da’een dhawaan.

Sidaa darteed qof kasta oo ku nool caalamkan guudkiisa waxa uu u baahan yahay shayga ugu horreeyaa waa biyo, iyada oo nolosheenu ayna sinaba uga maarmi karin biyaha.

 

Tusaale ahaan, biyaha faa’iidooyinkooda waxa ka mid ah innagoo cabna, cuntada ku karsana, ku maydhana iskaba daa tilmaamahaa aan soo sheegnaye jidhkeena dhiiga waxa biyo ah (75%), waxa kale oo lagama maarmaan ah in aan ku oofino cibaadada Alle adduunka guudkiisa inoo keenay inay ku xusno Alle (subxaanahu watacalaa), taas oo ah weysada aynu ugu diyaargarowno salaada.

Sidaa darteed, faa’iidooyinka biyaha kuma soo koobi karno sida laga warqabana dal kastaa waxa uu leeyahay wasaarad uu u magacaabo (waaxda biyaha) ama waaxo ka soo farcama. Tusaale ahaan dalkeena hay’adda khusaynta weyn ku leh mawduucan waxa ka mid ah wasaaradda biyaha iyo macdanta, taas oo ay ka farcanto wakaaladda biyaha ahna ta mas’uul ka ah biyaha caasimadda iyo nawaaxigeeda. Miisaaniyada iyo dakhliga dawladdu wakaaladda miyuu goyn kari waayay dakhligaasi 3 mashiin oo kaafiya baahida biyaha aynu u qabno, halka dawladdu kharashka ka gelinayso waxyaabaha kale. Waxaa habbon inay marka hore ka fuudhyeesho halbawlaha nolosha oo ah biyaha.

 

Haddaba waxa nagu kellifay maqaalkan markii guri aan galno laba habeen iyo laba maalmood aanay qasabadii biyaha ka soo dhicin, iyada oo ay heegana ugu ahaayeen kuna hurdo seegeen dadweyne farobadani, oo qaarkood ayba u hoydeen aagaas biyuhu ay ka soo dhacaan ee keestooyinka wax biyo ahna aan ka helin.

Dhinaca kale, siday annaga nala tahay biyihii Hargeysa ma waxa loo qaybiyay Beeraha Geed-deeble oo iyagu ah kuwa biyaha badankooda lagu waraabiyo, iyada oo ay noo caddaynayso marka uu roobku da’o ee ay beeruhu qoyaan aanu si toos ah biyaha u helno, marka ay qalalaana haklooda lagu celiyo biyaha.

Haddaba hay’adaha uu arrinkani khuseeyo, iyada oo ay tirada dadweynaha reer Hargeysa ay sii siyaadayso waxaanu mas’uuilyiinta ay khusayso qodobkani ka codsanaynaa inaanay u daymo la’aan dayacna tiraan mashiinada iyo ceelasha biyaha aynu ka helno.

 

Waxanu ku soo xidhnay, haddaad doonaysaan inaad dayactirtaan baahidiina ha ku xisaabtamina waxa idinka baxaya ee ku xisaabtama waxa faa’iido idin soo galaysa iyo kaalinta aad kaga jirtaan dhaqaalaha dalka.

C/llaahi Daahir Cismaan (Qaamuus),

HARGEYSA

……………………………………………………………………………………………

 

 

RAADYOW MA QALLOOCSHE

A.A.Garas

 

 

 

 

Halkani waa Raadyow ma Qalloocshe ood ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirirka gaagaaban ee ilaaq-hangoolka akhyaartayada indhaha buurbuuranaw, waxaan idiin hayaa waraysi aan la yeeshay safar Ogaadeena, safarkaas oo ayaan dhaweyd Hargeysa lafahooda laga safriyay, Mr. Cabdullaahi Macallin Qudub oo ka mid ahaa raggii xaga Itoobiya loo waraaday ayaa maqalloocshe teligaraam la tiigsaday, isaga oo qari-juqood ka canbuulaysanaya, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Waryaa ninka ma waxaad tahay Ogaadeen ku la soo waraaday mise kii sii joogay?

J: Aga war haddee kii la soo waraaday baan ahaaye ma lacagbaad I siin.

S: Maya lacag ku siin maayee maad ii warrami?

J: Haahaayto, waa laguu warrimiye adigu weeye I dheh, haddee anagoo safaro ah oo safra islaameeda oo ka sii Ogaadeena, ayaa Kabadhe Iidoor kalladhka naga jiiday kob Hargeysa ku taala.

Maqalloocshe: Weeye

Qudubi: Haddee kob qawlo ah oo kadeed aanu ka madhnayn ayaa dhacanta lanuugu jiiday.

Maqalloocshe: Weeyi

Qudubi: Afarta murfadbaa hangaleeyay, nacastu saloolatay, buuryo wiilaysay carruurtu dhaylo dhaylaysatay, wax Orgiya oo araariya oo afar deyrood jiray oo bir iyo beledba u diiday oo beerku dhagaxaa leeg yahay ayaan shilimadiisii sitay.

Maqalloocshe: Weeyi

Qudubi: Caweysin aanu caleen Iidoorta ka haagnay ayaa ceynka hoosta lanaga soo geliyay, kuwo moodharo ah oo millatari Iidoor ka sii ah ayaa gebisha noo xidhay, goor mir dhexe ah ayay bar bannaan oo wax beerkiisa bahal cunaa jooguu.

Qudubi: Biddada oo beelihiinii ku toosa ayaa lanagu yidhi.

Maqalloocshe, Su’aal:  joog-joog waar miyaan Amxaaro halkaa joogin?

Qudubi: Aga, waar mayee Amxaaro ishaydu ma qaban, haddaan Iidoorku Amxaaro ahayn.

Maqalloocshe, Su’aal: Waxaan ku weydiiyay Macallin Qudubow Hargeysa maxaad ka qaban jirtay?

Qudubi: Haddee waxaan koonbo -miisi jiray xaydh geel.

Maqalloocshe, Su’aal: Qudubi ma garanaysaa waxaa la idinku amuursaday?

J: Haddee garan ma hayo cid aanu caano ka daadinay, waxaanse u Malayn in Agada uun lanagu eegtay.

Maqalloocshe, Su’aal: Qudubow miyaanad ogayn in meeshan aad iska tagtay tahay dawlad Jamhuuriyadi dhashay oo aan beeshiinu waxba ku lahayn?

J: Waar go a-aan ahayn nimanka Iidoor waa falan yihiin. Waa nimanka yidhi Jamhuuriyad baanu nahayoo nimanka Harti Koombo ee gaadhigu labada habeen ka dhexi waa nala dawlad.

Haddee nimankayagan Ogaadeen Adhyahooda la kala madhi ku yidhi nalama lihidin.

Maqalloocshe, Su’aal: Qudubiyow xuduudka miyaydaan arag.

Qudubi: Haddee Annagu waddo xagaaf faranji sameeyay ayaan u aqaan, dalkuna haddee waa dalkanagii Soomaaliyeed.

Maqalloocshe, Su’aal: Qudubow waa la idinku muransan yahay oo Amxaaraa loo dhiibay iyo Adhyahoodii ayaa lagu celiyay, ee sheeg halka la idin geeyay.

J: Haddee annaga Amxaaro lanooma geyn ee Adhyahayagii ayaa lanoo geeyay, Raadyahaanse ka maqlay Cigaal baa Ogaadeen ka gaday Amxaarada, waxaanse u milayn haddee annaga in lana gadan waayay.

Maqalloocshe, Su’aal: Qudubow labada dawladood Itoobiya iyo Somaliland waxaa ka dhaxeeya xidhiidh nabadgelyo anshu-xumo iyo argagixiso wixii wada way isu celiyaan, markaa idinkama basar-xumaa la idinku dareemay

J: Xaasha, xaasha, haddee marti anshu-xumaata miyaad maqashay, haddii laga tagi waayona habeen baanu dhaanto tumunay.

S:  Safarkaaga magaalada maxaad kaga soo qaadanaysay?

J: Waxaan ka soo qaadanayay Kabo dul-abaar ah, Go’ ila yuugnow ah, Macawis Buuryo-sifays ah, Shaadh shaadh-xanaaqa iyo Haddee qaddar Hoos-ku-uumi ah.

Maqalloocshe, Su’aal: Markii la idin soo wajaafayay waxaanu maqalay in wasiir Somaliland ahi uu idin soo sasabay oo uu dhabanada idinka dhunkaday, arrintaa maxaa ka jira?

J: Aga, haddee maxaa lanaga dhunkan, ma kitaab Jaamaca ayaanu nahay.

Kaasina wuxuu ahaa Cabdullaahi Macallin Qudub oo aan telefoonka qaniinsiiyay isaga oo jooga Karintii buurta Geel looma sareen.

Dhegaystayaal Idaacaddii halkaasaan maanta ku shakaalayaa tan iyo inta aynu mar dambe warqadda ku kulmi doono waa Maqalloocshe oo idin leh waa inoo Salaasada dambe haddii aan haleelo.

……………………………………………………………………………………………………..

 

Waadig Ciyaaraha

 

Ronaldo oo Mar kale Wacdaro Ka Muujiyay Garoomada Ciyaaraha

 

 

 

 

Milan (Reuters) – Weeraryahanka caanka ah ee reer Brazil Ronaldo ayaa laba gool u dhaliyay Inter oo 2-1 kaga adkaatay Brescia oo ay Axaddii wada ciyaareen.

 Inter waxay laba dhibcood ka horraysaa AS Roma oo u beretamayaan hanashada horyaalka Talyaaniga.

 

Ronaldo, oo laba goor ku guulaystay xiddiga dunida waa markii ugu horraysay ee uu horyaalka safto muddo afar bilood ku siman oo uu ka soo kacay dhaawacii weynaa ee ugu dambeeyay.

Markii uu ka soo laabtay dhaawacii weynaa wuxuu xaqiijiyay doorka u ku yeelan karo Inter inay ku guulaysato horyaalka oo ay markii ugu horraysay qaadato tan iyo 1989.

Kadib markii toddobaadkii ugu dambeeyay gurigeeda Atalanta ku jiidhay Inter waxay u boholyowday inay markale dib ula so noqoto, taas oo keentay inay cadhadii kula dhacdo Brescia, markii goolka kaga hormartay daqiiqaddii 29aad.

 

Difaaca Inter Marco Materazzi, ayaa cagaha dhulka uga qaaday Daniele Bonera, kubaddaana waxaa si deggan ugu raaxaystay ciyaartoyga caalamiga ah ee Guardiola.

Brescia, waxaa xiiso geliyay markii ay si yaab leh weeraro ugu ekeysay goolka Francesco Toldo, oo ku mashquulay kubado ay sida dhibicda roobka kaga dhigeen weerarka Brescia, taas oo keentay in Hector Cuper ku dedaalo sidii uu maamulka ciyaarta ula soo noqon lahaa.

Daqiiqaddii 79aad ayuu Ronaldo dhexda ka qabsaday kubbad uu dib u celiyay difaaca Brescia ee Alessandro Calori, kubbadaasna wuu dabomariyay goolhaye Luca Castlellazi.

Daqiiqado yar kadib ayuu ciyaartoyga Turkiga ah Emre Belozoglu, oo beddel ku so galay kubadda u dhigay Ronaldo oo isna intiuu si dhakhso badan kubaddii u qaatay markale shebegga ku taabtay goolkii labaad ee uu ka dhaliyo Castellazzi.

 

Romam 3, Parma 1

Weeraryahanka Delvecchio ayaa kooxda horyaalka ah ku hormariyay gooldhalinta daqiiqaddii siddeedaad, hase yeeshee afar daqiiqadood kadib ayuu dhaawac gaadhay weeraryahanka reer Arjantiin ee Gabriel Batistuta, markii uu si kam’a ah u laaday Fabio Cannavaro.

Roma waxa u labeeyay daqiiqaddii 41aad Cassano oo beddel ku soo galay, balse isla laba daqiiqadood kadib ayuu Parma gool u dhaliyay Sabri Lamouchi. Hase yeeshee, taasi waxba ugamay tarin inay guul hiigsadaana Parma, oo mar kale ayaa dib looga dhaliyay goolkii saddexaad, markii daqiiqad keliya ay socotay qaybtii labaad ayuu difaaca Samuel madaxa ku dhaliyay kubbad koone ah oo uu soo laaday Vincent Candella.

 

Juventus 1, AC Milan 0

Juventus,oo ku dedaalaysay inay ka badbaado guul-darro niyad-jab ku keenta ciyaartii dhexmartay AC Milan, ayaa nasiib u heshay inahy saddexda dhibcood la carrawdo.

Alessandro Delpiero ayaa kubbad xor ah oo loo dhigay ku dhex tuuray goolka ay isku cidhiidhiyeen badiba ciyaartoygii labada kooxood, kubbaddaana waxa si aan ula-kac ahayn kooxdiisa uga dhaliyay Jose Chamot, oo Juventus u dhaliyay goolkii guusha.

 

Natiijadani waxay rajo tirtay AC Milan oo rajaynaysay inay tiigsato kaalinta afraad ee horyaalka, taasina waxay caawisay Chievo oo ku dedaashay inay 3-2 ku dhaafto Lecce, sidaana waxay ku dhaaftay Bologna oo naxdin-gariir ku dhacay markii gurigeeda ay kaga adkaatay Piancenza 2-1 ugu itaal sheegatay.

 

Fiorentina 0, SS Lazio 1

Fiorentina ayaa dib ugu dhacday kooxaha derejada labaad (S/B) markii ay Axaddii 1-0 kaga adkaatay Lazio.

Tartanka oo ay saddex ciyaarood ka hadhsan yihiin waxay haysataa 22 dhibcood, 12 dhibcood ayay ka hoosaysaa Brecsia oo ku jirta kaalinta 15aad.

Afarta kooxood ee ugu hooseeya tartanku waxay ku dhacaan derejada hoose, waxaana halkaa horeba u sii joogtay Venezia oo laba toddobaad ka hor jarka ku dhacday.

Waa markii labaad tan iyo dagaalkii labaad ee dunida ee Fiorentina ku noqoto derejada hoose, iyada oo hore kaalinta oo kale u gaadhay sannadkii 1993.

 

Fiorentina oo sannadkii 1999 kaalinta saddexaad ka gaadhay horyaalka, waxaa sannadkan galaaftay dhaqaale xumo haleeshay kooxda labada goor ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga 1969 iyo 1956 waxay hadda ku ciirtay jarka halista ah.

 

 

 

Zidane iyo Vigo oo ku taamaya soo xerogelinta koobka Yurub

 

 

 

 

 

Xiddigaha dunida ugu wanaagsan Zinedine Zidane iyo Luis Figo waxay isku diyaarinayaan sidii ay baalal dahabi ah uga geli lahaayeen xusuus-qorka kooxda Yurub ugu sumcadda weyn ee Real Madrid, iyada oo ay labada ciyaartoyba u guntadeen sidii ay sannadkan kooxdu isugu darsan lahayd koobka horyaalka Yurub oo ay markii sagaalaad u dhababacaynayso qaadashadiisa iyo horyaalka waddanka Isbaanishka.

 

Ugu horrayn Zidane markii uu waddankiisa u qaaday koobkii adduunka ee 1998, wuxuu Yurub ka noqday halyay sumcad leh oo koox waliba hunguraynayso hanashadiisa, wuxuu markiiba yeeshay saylad qaali ah oo ay dhawr kooxood isku haystaan, hase yeeshee waxaa qiime yaab leh u hurtay kooxda ka dhisan caasimadda Madrid oo ku soo jilaabatay 47 milyan oo gini, giimahaas oo ah ka ilaa hadda dunida ugu qaalisan.

 

Zidane, wuxuu ku soo hirtay ciyaartoy badan oo uu ka gudub ciyaarayo, kuwaas oo dareen farxad leh ku dhaliyay Luis Figo oo ay si adag ku soo xerogleisay laba sannadood ka hor markii uu ugu kacay (37.5) milyan giniga Ingiriiska ah.

Inkasta oo ay Real Madrid ku guulaysatay inay soo iibsato xeradeedana ku soo wada hoysay xiddigaha caanka ah oo ay mid ka mid ah ka soo iibsatay kooxda cadaawadda weyni ka dhaxayso ee Barcelona, haddana ilaa hadda umay suurtogelin inay wax weyn ku soo kordhiyaan kooxda sannadkii horena waxay galeen kaalinta labaad ee horyaalka.

 

Figo oo ku soo horreeyay kooxda waxay dad badani u arkayeen in kadib ku soo biiriddiisa kooxda aan cidina loodin doonin, Zidane oo isna muddo kadib ka daba yimi ayay isna taageerayaashu u arkayeen inuu kooxda gaadhsiin doono derejadii Alfredo Di Stefano iyo Ferene Puskas, oo Real Madrid u ciyaari jiray sanadihii 1950 iyo bilowgii 1960-aadkii.

Xiddiga dunida Luis Figo oo ah ciyaartoy fursadaha abuura, gaar ahaan dhinaca midig xag-jir ku ah kubadahana ka soo gudbiya, iyo Zidane oo uu xilka xiddiiga dunida kala wareegay waxay labaduba sannadkan ku hanweyn yihiin inay markii sagaalaad xantoobsan doonaan koobka horyaalada Yurub, marka la gaadho kulanka wiigan ka dhici doona magaalada Glasgow.

Luis Figo, wuxuu ku adkaysanayaa inay labada ciyaaryahan hadday isugu tagaan aanay biyo u kabanayn koobka Yurub iyo kuwo kale oo badan, isaga oo tilmaamayana wuxuu yidhi; “Waxkastaba waxay ku imanayaan wadajirka oo ah tallaabo sax ah.

 

Kani waa sannad ku weyn kooxda waayo waxaan ku guulaysanaynaa horyaalka Yurub.” Inkasta oo aanay wax fudud ahayn hanashada horyaalka ay hadda ku taamayaan, haddana waxay ugu muuqataa mid aan bulun-bul kaga oodnayn, maadaama ay is dhaafiyeen kooxdii ay ka baqayeen ee Bayern Munich oo ay ku reebeen wareegii siddeeda kooxood, kadib markii ay 3-2 gool kaga adkaadeen isug-gaynta gooldhalinta.

Tabobaraha naadiga ka dhisan garoonka Barnabeu ee Vicente Del Bosque, wuxuu ku dedaalayaa inuu ka gudbo kulanka Barcelona ee wareega kama dambaysta ah si ay ugu suurtogasho ka qaybgalka ciyaarta kamadambaysta ah, sidaa darteed wuxuu habeen iyo maalin heegan ugu jiraa sidii ay Real Madrid uga tallaabsan lahayd naadiga ay cadaawaddu u dhaxayso.

 

 Dhinaca kale Zidane oo ku baraarugsan qiimaha qaaliga ah, ayaa garwaaqsaday culayska uu leeyahay qiimaha dunida ugu sarreeya ee lagu soo iibsaday, taas oo uu ka dheregsan yahay inuu Luis Figo yahay ka keliya ee miisaankaa la wadaaga.

Guddoomiye Florentino Perez, ayaa ah ganacsade aaminsan in guulo ay kooxdu gaadho halka Figo ku adkaysanayo inuu yahay ciyaartoy caadi ah oo aan ragga kale waxba dheerayn. “Guddoomaiyahayagu marwalba wuxuuj awooda saaraa siduu ula heshiin lahaa xiddigaha dunida, wuxuuna rumaysan yahay inuu macaash fiican ka helayo.

 

Haddii aanu koobab ku guulaysano waxay kordhinaysaa niyadda taageerayaasha iyo ganacsiga intaba. Laakiin tallaabadaasi aniga ii kordhin mayso wax mushahaar ah,” sidaa waxa yidhi Luis Figo oo ka cabanaya inaanay wax faa’iido ah u lahayn qiimaha qaaliga ah ee ay Real Madrid ku soo iibsatay.

Figo wuxuu sheegay in ciyaartoyga lagu kala iibsanayo qiimayaasha sarsare ay fikrado kala duwan ka haystaan lacagta xaddi-dhaafka ah, wuxuuna rumaysan yahay inaanay ciyaartoyga waxba uga dan ahayn lacagtaasi, balse ay culays ku tahay ciyaartoyga.

 

Si kastaba ha ahaatee Luis Figo iyo Zidane labadaba waxa saaran culays weyn oo ay kiu doonayaan sidii ay kooxda ugu qaadi lahaayeen koobka Isbaanishka iyo horyaalka Yurub.