SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 65-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

Haatuf, Cadadki 65, April 17, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

Dawladda Sucuudiga Oo Soo Saartay Shuruudaha Ku Xidhan Qaadista Xayiraadda Dhoofka Xoolaha

“Suudaan waxaanu la galnay Heshiis, Xayiraadiina waanu ka qaadnay, laakiin…” Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee Sucuudiga

Waxay nagu yidhaahdeen Sucuudigu, Suudaan way is-baraxday, idinkuna isa soo baraxa oo la kaalaya” Axmed Aw Salawaad – Jaaliyadda Sucuudiga

Hargeysa (Haatuf): Xayiraadii Boqortooyada Sucuudigu saartay ganacsigii xoolaha ee ay la-lahayd bulshada Soomaalida, ayaanay weli wax iska bedelin, hase yeeshee waxa xayiraadii laga qaaday gebi ahaanba dalalkii kale ee xidhiidhka ganacsiga xoolaha la-lahaa Sucuudiga, kuwaas oo ay hore u saarnayd Xayiraad tan la mid ahi.

 

Bishii Ogost ee sannadkii 2002 ayay ku sinayd, markii ay Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda socota ku soo rogtay, gebi ahaanba ganacsigii xoolaha nool ee ay la-lahayd dalalka Geeska Afrika. Xayiraaddani, waxay soo baxday markii xoolaha nool ee gobolka lagu eedeeyay in ay qabaan Xumadda Rift Valley fever. Sidoo kale, waxa xayiraad taa la mid ah uu Sucuudigu saaray, qaar kale oo ka mid ah dalalka xoolaha u dhoofiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Australia, Newzealand, Murutaania iyo qaar kale. Xayiraaddan, waxa loo sibir-saaray iyana Cudurkii Xabeebka ee ka dilaacay Yurub iyo dalal kaleba, waxaanay saamaysay xitaa qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Xoolaha geyn jiray Sucuudiga. Sidoo kale, waxay xayiraaddan dambe sii xoojisay, Xayiraadii horeba u saarnayd Mandaqadda Geeska Afrika.

 

Inkastoo xaalku sidaa ahaa markii hore, haddana wakhti yar dabadeedba dawladda Sucuudigu, waxay ka feyday xayiraadii badiba dalalkii ay hore u saartay, xoolaha Soomaalida mooyaane. Dalalkaasna, waxa ka mid ah: Australia, Newzealand, Muritaania iyo dalalkii kale ee Carabta ee ay saamaysay xayiraaddaasi. Dalkii ugu dambeeyay ee xayiraadda laga qaadaana, wuxuu noqday dalka Suudaan oo laga qaaday xayiraadii dhawaan. “Si looga hortago xoollo yaraan dhacda xilligii Xajka, waxa ay Wasaaradda Beeraha iyo Xooluhu qaaday tallaabooyinkii loo baahnaa. Sidaa daraadeed, waxa xoollo badan laga keenay dalalka Muritaaniya, Newzealand iyo Australia. Waxa kale oo baahida jirtay keentay in xayiraadii laga qaado dalka Suudaan.” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dalka Sucuudiga, Dr. Cabdalla Cabdicasiis binu Camar oo wargeyska Al-Iqtisaadiya ee ka soo baxa Sucuudiga, warbixin ka siiyay baahida dhinaca xoolaha ee Moosinkii Xajka iyo arrimo la xidhiidha, Xayiraad-qaadis ay dawladiisu ku tallaabsatay. Siduu faafiyay Wargeyskaasi January 21, 2002, wuxuu Wasiirku intaa ku daray oo uu yidhi; “Suudaan, waxaanu la-galnay heshiis ah in ay keenaan 2-milyan oo neef oo adhi ah oo bed qaba, xilliga Xajka. Waxaana ahmiyad weyn la siiyay, fayoobida xoolaha soo gelaya Sucuudiga, taas oo sababtay dib-u-dhac ku yimid in xayiraadii laga qaado dalalka Geeska Afrika ee ay ka jiraan, Xaaladaha cudurada halista ah ee ku dhaca xooluhu.” Wasiirku, wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Dalalka xaaladdaa ku jiraa, waxa ay u baahan yihiin daraasad qoto dheer oo lagu hubinayo, caafimaad-qabka xoolahooda. Iyadoo dalalkaa qaar ka mid ah ay xuduudahoodu furan yihiin oo ay adag tahay in la-kala saaro, xoolaha buka iyo kuwa fayow. Waxaana la-wadaa, qaabkii farsamo ee arrintaa looga hortegi lahaa, loona hubin lahaa.”

 

Hadalkaa Wasiirku, wuxuu muujinayaa in dalal badan ay ka qaadeen xayiraadii, sidaa aawadeed waxay dad badani is-weydiinayaan, sababta ay Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda uga qaadi wayday xoolaha Soomaalida, maadaama uu ka qaaday Suudaan oo ay isku mandaqad yihiin. “Markii aanu maqalnay in Suudaan laga qaaday xayiraadii, markiiba waanu gilgilanay qolyahayagii Jaaliyaddu. Waxaanu u tagnay oo aanu la-hadalnay qaybta xoolaha ee Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha. Waxaanu la-hadalnay masuulka wasiirka wasaaraddaa u qaabilsan xoolaha, markaa waxaanu weydiinay sababta xayiraadda looga qaadi waayay xoolaha Soomaalida, maadaama laga qaaday Suudaan.” Sidaa waxa yidhi, Axmed Aw Salawaad oo ka mid ah Muwaadiniinta Qurba-joogga ahayd, muddo-dheerna ku noolaa dalka Sucuudiga, balse hadda ku sugan magaalada Hargeysa oo uu dhawaan yimid. Axmed, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa Muwaadiniin dhawr ah oo ka hawl-gashay, arrinta Xayiraadda sidii loo qaadi lahaa. Isagoo sharaxaya, wixii ay kala kulmeen Wasaaradda Beeraha ee loogu jawaabay, wuxuu yidhi: “Masuulkii aan la kulanay, wuxuu nagu yidhi; idinku haddaad Soomaali tihiin isa soo kaxaysta oo u kaalaya Wasiirka, isla markaana uga warama qadiyadiina.” Axmed, wuxuu intaa ku daray in markaa kadib ay sameeyeen waxoogaa dhaqdhaqaaq ah, balse ay ku adkaatay in ay sii wadaan duruufo awgood. “Inkasta oo duruufahayaga gaarka ahi ay na legdeen, haddana mar labaad ayaan ku noqday Wasaaradda Beeraha, waxaanan la kulmay qaybta xayiraadda ee wasaaraddaa.

 

Markii aan wax ka weydiiyay arrintaa, waxay iigu jawaabeen oo ay yidhaahdeen; Suudaan, waxay noo soo gudbisay, wax ay isku baraxday oo ay ku caddaysay inuu xoolahooga ka baxay sadhadii cudurku, laakiin Soomaalidu weli noomay soo gudbin wax caddaynaya in cudurkii ka baxay Xoolahooda.” Sidaa waxa yidhi, Axmed Aw Salawaad. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markii aan ku idhi, maxaa nalooga baahan yahayna, waxay nagu yidhaahdeen; waxaanu u baahanahay in aad noo keentaan, warbixino ay soo saareen Hay’adaha UNDP, WHO, Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) iyo FAO oo caddaynaya in cudurkii ka baxay xoolihiina.” Axmed, wuxuu xusay in aanu jirin qaab ay u wada-xidhiidhaan Jaaliyadaha dibadda ee Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland, sidaa daraadeed ayuu yidhi; “Waxaanu garanwaynay cid aanu u soo gudbino jawaabtaa, waayo, wuu kala go’an yahay xidhiidhka Jaaliyadaha dibadda iyo Xukuumaddu, siday ku dhacdayna anagu garanmayno.”

 

Axmed Aw Salawaad, wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Maadaama oo aan dawladeena la ictiraafsanayn, waxay ahayd in Jaaliyad kastaaba ay wakiil ka noqoto oo wixii ay doonayso dawladdu, ay u soo sheegto Jaaliyadda, si ay iyagu u oogaan oo ugu hawl-galaan.” Wuxuu intaa raaciyay in wakhtigana loo baahan yahay, sidii loo diyaarin lahaa caddaymahaa ay dawladda Sucuudigu u baahan tahay, kuwaas oo uu xusay marka la helo in aan cidna laga magansanaynin Sucuudiga ee ay albaabadu furan yihiin. Iyadoo Shuruudahaasi meesha yaallaan, haddana waxaa muuqata in dedaalka Soomaalida ee amuurtaa la xidhiidhaa uu gabno yahay. Waxaa kale oo iyana aan meesha ka madhnayn, arrimo Siyaasadeed oo lugta jiidaya arrinta Xayiraadda. Maamulka Somaliland, ayaa isna warar hore uga soo baxay ay muujinayeen in dawladda Sucuudigu ay xayiraad ka-qaadista xoolaha, ku xidhay Shuruud lagu macneeyay in ay tahay in Somaliland ka noqoto Gooni-isu-taagga, hase ahaatee dhinaca Sucuudigu hadal amuurtaa la-xidhiidha lagama hayo.

 

Balse, marka taas la-iskaba dhaafo, waxa iska cad in marka horeba aanu xidhiidh fiicani ka dhexayn Xukuumadda Madaxweyne Cigaal iyo Boqortooyada Sucuudiga, isla markaana waxa tuhun jira ah in Sucuudigu danaynayo oo uu doonayo, Midnimo dambe oo dhexmarta labadii gobol ee ay hore u kala gumaysan jireen Ingiriiska (Somaliland) iyo Talyaaniga (Soomaaliya). Jiritaanka wararkaa sheegaya in xayiraadda xoolaha Soomaalidu ay tahay, mid Siyaasadeed ee aanay ahayn mid Caafimaad, waxa la odhan karaa waxa markhaati-fur ugu filan xayiraad ka-qaadista xoolaha Suudaan oo ah, qaar xuduud furan la-wadaagga xoolaha dalal kale ee Geeska, kuwaas oo hadduu cudur jirana si fudud iskugu gudbin kara, haddii kalena wada caafimaad qaba. Sidaa aawadeed, waxay dad badani aaminsan yihiin mar haddii uu Sucuudigu baqo ka muujiyay, Caafimaadka xoolaha dalalka xuduudaha furan wadaagga, isla markaana uu xayiraadii ka qaaday Suudaan, in ay taasi muujinayso fayoobida xoolaha guud ahaanba gobolka.

 

Si kastaba wax ha’u jireene, dawladda Somaliland marnaba kama baxsan karto dhaliilaha ku saabsan sida ay uga gaabisay waajibkii ka saarnaa u hawl-gelidda sidii loo furdaamin lahaa xayiraadda dhoofka xoolaha,iyadoo sababaha siyaasadeed ee dawladdu daliishatana ay dad badani rumaysan yihiin inaanay cadayn balse ay tahay sheeko ay iskaga jeediso indhaha dadka marka farta lagu fiiqo dedaal yaraanteeda.

 

Arintu sida ay doontoba ha ahaatee    waxa hubaal ah in bulshada Soomaalidu ay u baahan tahay xal degdeg ah oo la xidhiidha, sidii loo furdaamin lahaa Xayiraaddan heertay noloshooda. “Waxaanu ku talinaynaa in adhigeena suuqyo kale loo doono, waayo aduunyadu maanta waxay u baahan tahay, xoolo cunay daaq dabiici ah.” Sidaa waxa ku taliyay, Axmed Aw Salawaad, waxaanu intaa ku ladhay in ay jiraan Suuqyo badan oo kale oo loo dhoofin karo Xoolaha, iyagoo nool iyo iyagoo qallanba, sida; Ciraaq, Maleeshiya, Faransiiska, Indoniisiya, Masar iyo dalal kale oo badan. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu sheegay, in markii horeba hilibka xoolaha Soomaalidu uu gaadhi jiray ilaa Maraykanka, oo isaga oo qallan ay Carabtu sii dhoofin jirtay. Markaa waxaa loo baahan yahay ayuu yidhi; “In la badiyo suuqyada xoolaha loo iib geynayo, oo aan lagu xidhnaanin suuqa Sucuudiga oo keliya.”

 

Dhinaca kale, Xayiraaddan saaran xoolaha Soomaalidu, waxay wiiqday gebi ahaanba noloshii guud ee bulshada. Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay deegaanada kala duwan ee Soomaaliduna, waxay tibaaxayaan in meelaha qaarkood ay dadku macaluul la il daran yihiin, ayna la’ yihiin waxay quutaan, siiba dadka reer guuraaga ah.

…………………………………………………………………………………………………….

Madaarka Hargeysa Iyo Adeegyada Shirkadda NASHA

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee dawladda Somaliland, ayaa 15-kii bishii February 2002, hawsha rarista iyo rogista ee Madaarka Hargeysa ku wareejisay Shirkad Waddaniya oo la yidhaahdo NASHA, waxayna Shirkadaasi hadda shaqaynaysay muddo aan ka badnayn hal Bil badh.

 

Inta aynaan u gudbin qaabka ay Shirkadda NASHA u shaqayso iyo hawlaha ay Madaarada ka qabato. Waxay is-weydiintu tahay ma jiraan Wadamo ay hawlaha handlinka (Rogista iyo Rarista), Madaarada qabtaan Shirkado Wadaniya.

 

Jawaabtu, waa haa, waxaynuna tusaale u soo qaadan karnaa Wadamo ay ka mid yihiin: Itoobiya oo ay hawsha handlinka qabato Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia Airline, Sucuudi Carabiya oo ay hawsha qabato Shirkadda Saudi Airways, dalka Yamen oo ay hawshan qabato Shirkadda Diyaaradaha Al-yem-da Airways iyo dalka Kenya oo ay hawshan qabato Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways.

Asalkaba, hawlaha ay shirkadaha noocan ahi qabtaan waxa weeye, rogista iyo rarista diyaaradaha, sidaa darteed maadaama ay shirkadaha handalinku la wareegayaan hawsha rogista iyo rarista Madaarada. Waxay taasi lagama maarmaan ka dhigaysaa in ay muruq-maalka Madaaradu hoos tagaan Shirkadahaa, iyadoo uu taa macnaheedu yahay in ay Xamaaliintu ka mid noqdaan, Shaqaalaha Shirkadaha madaxabanaan ee handalinka.

 

Shirkadahani, waxyaalaha kale ee ay qabtaan waxa ka mid ah in ay alaabooyinka dadka rakaabka ah ee Madaarka ka dhoofaya ama ka soo degaya, isla markaana ay baadi-doonaan wixii alaabo ah ee ku luma Madaarada, haddii ay tahay Madaarka ay shirkadaasi ka shaqayso iyo haddii ay Alaabtaasi ku lunto Madaar kaleba. Hawsha dabo-galka alaabooyinka luma, intii aanay NASHA la wareegin hawsha adeegga Madaarka, waxa markii hore ka masuul ahaa Shirkadaha diyaaradaha.

Sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan hawl-wadeenada shaqaalaha, shirkaddani markii ay la wareegtay hawsha adeegyada Madaarka, waxay keensatay in ka badan dhawr iyo soddon shay oo isugu jira qalabka kala duduwan ee loo isticmaalo hawlaha rarista iyo rogista Madaarada, iyadoo ay hawl-wadeenada shaqaalaha Madaarku sheegeen in qalabka ay keensadeen uu ku filan yahay adeegga Madaarka, kana badan saddex laab.

 

Toddobaadkii hore oo aan maalin booqday Madaarka Hargeysa, ayaan halkaa kula kulmay Madaxa Xamaaliinta Madaarka Maxamuud Jaamac (Tima weyne), waxaana waydiiyay bal in wax iska bedeleen xaaladda shaqo ee hawsha Xamaalista Madaarka, tan iyo intii ay NASHA la wareegtay, wuxuuna Maxamed Jaamac ku jawaabay; “Walaahay, hadda hawshii way noo sahlanaatay, waayo waxa noo soo kordhay qalab badan oo naga fududeeyay hawshii badnayd.”

 

Madaxa Muruq-maalka Madaarka Hargeysa Maxamuud Jaamac, waxa kale oo aan weydiiyay dhinaca mushaharka in ay wax u kordheen, wuxuuna ii sheegay in ay markii hore ragga Muruq-maalka ahi mushahar u qaadan jireen Xisaab ilaa $25 USD ah, halka ay iminka mushaharka Muruq-maalka laga dhigay $80 USD.

 

“Xamaaliinta waxa u kordhay 50 – 60 Doollar” ayuu yidhi Maxamuud. Dadka socotada ah ee Madaarka ka dhoofaya ama ka soo degayaa, waxay had iyo goor ka caban jireen in iyadoo xafiisyada Madaarka lagaga qaaday wixii lacag ah ee ay dawladdu waajibisay, haddana ay dhibaato badan iyo lacag weydiin kala kulmaan Xamaalista Shandadaha iyo alaabooyinka kale ee ay sitaan.

Hase yeeshee, Madaxa Xamaaliinta Madaarka Hargeysa, Maxamuud Jaamac oo arrintaa ka jawaabaya ayaa yidhi; “Qofku, haddii laba shandadood sito iyo haddii Toban shandadood sito, wixii suurta-gal ah ee uu noo garto ayaanu ka qaadan jirnay, laakiin way jirtay in aanu marmar qofkii nagu yareeya ku nidhaahno noo kordhi, mana aanu qabsan jirin qofkii nagu yidhaahdo ma haysto.”

Marka laga yimaado xilligii hore, waxay is-weydiintu tahay, intii ay NASHA la wareegtay hawsha Xamaalista, arrintaa wax ma iska bedeleen?

 

Maxamuud Jaamac, Madax Muruq-maalka oo aan arrintaa wax ka weydiiyay, ayaa yidhi; “Iminka ma jirto wax Xamaalis ah oo la weydiiyo qofka, laakiin qofku xor buu u yahay haddii uu qofka uu doono ee Xamaaliinta ka mid ah wax u garto.”

 

Marka laga yimaado hawlaha muuqda ee ay NASHA hadda qabato, waxa kale oo ay hawl-wadeenada NASHA ii sheegeen in ay hadda iyo mustaqbalkaba, diyaar u yihiin in ay sida ugu fiican u kafaalo qaataan, hawsha adeegga Madaarka ee Xamaalista (handling service).

 

Arrintu sida ay doonto ha ahaatee, waxa Shirkadda NASHA ee xilqaaday adeegga Madaarka ee dhinaca Xamaalista iyo waxyaalaha la xidhiidha looga fadhiyaa, adeeg tayo leh oo raaligeliya Macaamiisha Madaarka.

……………………………………………………………………………………………………

 

 

Xukuumadda iyo Lix Ururada Siyaasadda Oo Ku Kala Booday Ajande Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ah

 

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Xukuumadda iyo 6 ururada siyaasadda ah ayaa isku afgaran waayay hindise ku saabsan in laga maarmo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo ay xukuumadu soo jeedisay, kadib markii ay shalay wakiilo ka kala socda ururada siyaasada ee is diiwaangeliyay iyo guddi golaha xukuumadda ah oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin kulan ku yeesheen qasriga madaxtooyada.

 

Sidaana waxa sheegay af-hayeen u hadlay urur-siyaasadeedka HORMOOD, oo maqribkii shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska HORMOOD ee Hargeysa.

 

“Xukuumaddu waxay soo qaddintay inaan la samayn karin oo aanay suurogal ahayn diwaangelinta cod-bixiyeyaasha, anaguna waxanu ugu jawaabnay inaan diiwaangelin la’aanteed wax doorasho ahi dalka ka dhici karin,” ayuu yidhi af-hayeenka HORMOOD, oo ah ninka la yidhaahdo Axmed Maxamuud Madar, isaga oo Madar sheegay inay xukuumaddu u soo jeedisay ururada siyaasadda ee kulanka madaxtooyada ka qaybgalay hindise ah in laga kaaftoomo hawsha diiwaangelinta, balse ay ururada siyaasadda ee mucaaradka ahi taa ku gacan saydheen, iyada oo ay ururada kulankaa ka qaybgalay kala ahaayeen; HORMOOD, SAHAN, UCID, BIRSOL, UMAD, ILAYS, iyo UDUB, laakiin waxay sheegeen in ururka UDUB uu la mawqif noqday xukuumadda.

 

Sida uu sheegay af-hayeenka HORMOOD, kulankan waxa qabanqaabisay xukuumadda oo marti-qaaday ururada siyaasadda, wuxuuna Axmed Madar, isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi; “Warqadda Marti-qaadka ee ay xukuumadu noo soo dirtay waxa ku qornaa wadatashi ku saabsan arrimaha doorashooyinka, laakiin markii aanu isku nimi waxay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiradiisu noo soo qaddimeen inay adag tahay oo aanay suurogal ahayn in la sameeyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, laakiin arrintaasi waxay nagu noqotay fajiciso iyo layaab, waxaanuse lixdayada urur istaagnay inaanay diiwaangelin la’aan doorasho dhici kari.” Hase yeeshee af-hayeenka HORMOOD mar la weydiiyay inay xukuumaddu soo hordhigtay wax cudur-daar ah oo hindisaheeda ku saabsan wuxuu ku jawaabay; “Xukuumaddu waxay cudur-daar ka dhigtay waxyaalo aan suurtogal ahayn, laakiin waxaan qabaa inay arrinteedu tahay carqalado la doonayo in loo dhigo doorashada.”

 

Af-hayeenku, isaga oo maamulka madaxweyne Cigaal ku dhaliilaya inaanu diyaar u ahayn qabashada doorashooyin xal ah wuxu yidhi; “Kontonaadkii markii uu Ingiriisku dalka ka tagayay waxa jiray Axsaab sida NSL, USP, NUF iyo SYL, laakiin markii uu Ingiriisku yidhi ha la sameeyo diiwaangeilnta cod-bixiyeyaasha Xisbiga keliya ee diiday wuxuu ahaa Xisbigii SNL, oo uu xoghaye guud ka ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal, madaxweynaha maanta ee Somaliland, markaa layaab ma laha maanta oo uu dalka madaxweyne ka yahay ninkii berigaas inaynu maanta oo aynu joogno 2002 marlabaad maqalno diiwaangelini ma jirayso.”

 

Af-hayeenkani wuxuu ku celceliyay inay dawladdu marwalba hortaagan tahay meelmarinta hawlaha doorashada, wuxuuna yidhi; “marwalba dawladdaa hortaagnayd ilaa maantana hortaagan doorashada ee ururada siyaasaddu marna ma hortaagnayn, keliya waxa jiray urur diiday inuu is diiwaangeliyo, ururkaasina wuxuu ka aamin-ka-baxay dawladda oo wuxuu sii arkayay waxan maanta taagan.”

Ugu dambayn af-hayeenka ururka HORMOOD, wuxuu sheegay inaanay ururada siyaasada ee mucaaradka ahi marna ka qaybgalayn doorasho aan la diiwaangelin cod-bixiyeyaasheeda, isaga oo dawladda Somaliland ku tilmaamay inaanay marna doonayn doorashooyin xalaal ah.

 

Shirweyne Lagaga Hadlayo Adeegyada

Aasaasiga ah Ee Bulshada Oo Ka Furmay Hargeysa

 

 

 

 

Har (Haatuf) :- Shirweyne heer caalami ah oo lagaga hadlayo sida ugu suurtogalsan ee uu iskaashi ganacsi ku dhexmari karo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa shalay ka furmay Hudheelka Hargeysa Club.

 

Shirkaas oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa wadajir u soo qabanqaabiyay ururka Midowga Yurub (EU) iyo UNICEF, waxaana guud ahaan lagu gorfaynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka iyo adeegyada bulshada. Hase yeeshee waxa si gaar ah shirkaa loogaga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin nadaafadda, laydhgelinta magaalooyinka iyo daboolida baahida biyood ee jirta, waxayna qabashada shirkani ka dambaysay cabashooyin is daba-joog ah oo muddooyinkii u dambeeyay ka soo yeedhayay dhinacyada adeegyada guud ee bulshada sida biyo la’aan joogto ah, nadaafad-darro, iyo waxyaale kale oo badan oo hadheeyay magaalooyinka Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ah Ajandayasha shirka lagaga hadlayo sidii daraasad loogu samayn lahaa wadaag ganacsi oo dhexmara maal-qabeenada rayidka ah iyo hay’adaha dawliga ah, iyada oo tixgelinta la siinayo maalgelinta gaarka ah.

Shirkan oo ay qabanqaabadiisa gacan ka geysatay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland waxaa ka soo qaybgalay maamulayaasha biyaha ee gobollada Togdheer, Awdal, Saaxil iyo gobolka Hargeysa.

Maayorka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle oo shirkaa ka soo qaybgalay, hadalna ka jeediyay ayaa tilmaamay in baahi loo qabo mashaariic wax lagaga qabto adeegyada bulshada sida biyaha, nadaafadda iyo laydhgelinta Hargeysa, isaga oo ku dooday in mudnaanta koowaad la siiyo Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya sida wakaaladda biyaha iyo wakaaladda laydhka Hargeysa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in meelaha ay maalgelintu ku habboon tahay ay ka mid yihiin shirkadaha dhismaha waddooyinka, shirkadaha is-gaadhsiina, xawaaladaha iwm.

Cawl wuxuu aad u dhaliilay wax-qabadka hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga.

“Marka laga reebo UNHCR iyo UNICEF dhammaan hay’adaha dalka joogaa way ku guul-darraysteen inay waxqabad muujiyaan,” ayuu yidhi Cawl.

 

Wasiirka Macdanta iyo Biyaaha Maxamuud Cabdi Malow ayaa isna halkaa ka hadlay, ugu horrayna u mahad-naqay hay’adaha kulanka soo qabanqaabiyay ee Midawga Yurub iyo UNICEF.

Wasiirka Macdantu wuxuu tilmaamay in baahi weyn loo qabo hawlo wax lagaga qabanayo wax soo saarka biyaha, oo ay dadku baahi weyn u qabaan.

Waxa kale oo isna shirkaa ka hadlay wasiirka Degaanka Somaliland Maxamed Muse Cawaale iyo xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Somaliland Cabdillaahi Diiriye.

Waxa iyana shirka ka soo qaybgalay wasiirada Xannaanada xoolaha iyo Beeraha (Cali Koore iyo Belel).

 

Waxa kale oo shirkanlagu martiqaaday wakiilo ka kala socda shirkadaha waddaniga ah ee laydhka, telefoonada, xawaaladaha iyo wixii la mid ah.

Sidoo kale waxa shirkan ka qaybgalaya mas’uuliyiin iyo hawl-wadeeno ka socda maamulada biyaha ee gobollo Soomaaliya ah sida Boosaaso, Jawhar iyo Baydhaba.

Wejiga hore ee shirka waxa lagaga hadlayaa waxqabadka magaalooyinka waaweyn, haddii ay taasi midho dhashana waxa looga sii gudbayaa tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah.

 

Mucjisooyinkii Hawl-galkii Birjeex

Iyo Jawaabtii Xukuumadii Barre

Q: 4aad

Dad gaadhayay 12-qof oo loo qabqabtay falkaas, badankoodana loo aaneeyay Ganacsade Haliil, ayaa markii dambe oodda laga qaaday iyaga oo nabad qaba, marka laga reebo Marxuum Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse oo inkastoo intii falkaasi socday la qabtay, haddana loogu aaray khasaarihii Taliskii Barre loogu geystay, hawl-galkii buuraha loo yaqaanay ee dabayaaqadii sannadkii 1984. marka la eego Cududdii Taliskii milateri ee gobolkan joogtay, iyo weliba arxan-daradii ay kula kacayeen Shacbiga, waxay is-weydiintu tahay sidee ayay u suuro-gashay in dadkii ka qayb-qaatay hawl-galkii Birjeex iyo kuwii gacanta ka geystaba ay baxsadaan, ama si dhibyar la-isaga sii daayo kuwii loo aaneeyay ee la-qabqabtay iyo kuwii raadku galayba?

 

Iyada oo dad ka horeeyay kuwaas oo loo qabqabtay in ay lug ku lahaayeen, hawl-gal la doonayay in lagu dilo Gen. Gaani, ay sannado badan dil sugayaal ku ahaayeen Xabsiga. Marka laga yimaado in hawl-galku lama filaan iyo fir ka-nax ku noqday Taliskaa, SNM-na aan laga filayn awooddaa intaa le’eg, haddana waxa inta badan qayb ka qaadatay in arrintu koobnaato, Musuq-maasuq iyo boob laxaad lahaa oo ay Ciidamadu Faqashtu ku jeedeen sannadihii dambe. Sidoo kale, waxa iyana fursad ahayd oo qayb ka qaadatay arrinta, Ficiltan u dhexeeyay Ciidamadii kala duduwanaa ee Taliskaasi soo dhoobay Gobolka, sida ka dhadhamaysa qoraal ay soo saareen guddi uu taliskaasi u saaray in ay soo baadhaan, sababihii suura-gelayay in hawl-galkaasi dhaco, go’aan dacwadeedna ay ka soo saaraan. Qoraalkaasi, waxa uu muujinayaa in guddigaa ay ku adkaatay in ay helaan Bastooladii uu rasaasta ka riday Marxuum Ismaaciil Sh. Muuse oo ay Ciidankii qabtay lunsadeen.

 

Sidoo kale, Cali Gurey oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee weli nool, isla markaana ka mid ahaa xilligaa Aqoonyahanadii reer Hargeysa ee xogo-gaalka u ahaa Abaabulka hawl-galkaa, ayaa Haatuf u sheegay in markii uu ogaaday in gaadhigii Cabdi Kirix ee ka xumaaday Mujaahidiintii Hawl-galkaa fulisay, ay Ciidamadu heleen, wuxuu xusay inuu ka werwersanaa in raadka gaadhigu soo geli doono isaga iyo rag kale oo asxaabtiisa ahaaba. Sababtoo ah, wuxuu Cali Guray sheegay in gaadhigaas uu isaga laftiisu ku dhex wadan jiray magaalada Hargeysa gudaheeda, in badana lagu arkay isagoo wata wakhtigaa. Hase yeeshee, ayuu yidhi Cali; “Waxa la ii sheegay markii dambe in askarta lafteedu isku qabsadeen gaadhiga.” Wuxuu intaa ku daray Cali Guray oo uu yidhi; “Lama filaan iyo qaadan-waa ayay igu noqotay, markii aan Subaxdii xigtay maalintaa hawl-galku dhacay aan arkay, gaadhigii oo uu ku xaragoonayo Sarkaal tuutuhii melateriga xidhnaa. Wuxuu igaga horyimid waddada Cusbitaalka ka dambaysa, mise waaba gaadhigii oo lambarkiina ku xidhan yahay, kaas oo ahaa Soomaaliya – 33933.”

 

Taliyihii Ciidanka Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo wakhtigaa Siyaad Barre uga masuul ahaa Gobolka, una muuqday Madaxweyne kale oo gaar u maamusha gobolka, wuxuu isaga ku noqday hawl-galkii Birjeex jug weyn oo uu la-dakaamay. Waxaa qiyaasi kartaa, Masuulka inta uu cod-baahiyayaasha qaatay ku sayaxayay inuu gacanta ku hayo kii ugu weynaa Cadawgii ay is-hayeen ee inta uu Tiyaatarka goleeyay, dadkii isugu yeedhay si ay u arkaan Cabdillaahi Askar oo feedho qaawan, laba-dible-na u xidhan oo silic u dhammaaday. Isla markaana, saacadii uu eegayay in la keeno madasha uu waayay wixii uu sugayay. Runtii, muraaradilaac keliya ma aha ee miyir-beel ayay ku ahayd, kuna noqonaysay qofkii kale ee dhigiisa ah ee halkaa joogi lahaaba. Dad goob-joog ahaa, ayaa sheegay in markii lala baxay Cabdillaahi Askar, la waayay cid Gen. Gaani u sheegta wixii dhacay iyo in Ninkii lala baxayba, taasina waxay aakhirkii dareen gelisay Gaani laftiisa, markii sida la sheegay la gaadhay wakhtigii ay ballantu ahayd in askar la geeyo Tiyaatarka.

 

Waxa taas u dheerayd Gen. Gaani oo iyana jugteeda lahayd, markii uu ka soo ifbaxay dhinaca Maxamed Siyaad Barre, Shaki ah in Gaani arrintaa wax ka oggaa. Sababta shakigaa Siyaad Barre gelisay, waxay ahayd sida la sheegay mid ka dhalatay, Gaani oo markii hore diiday amar ahaa inuu Askar u gudbiyo dhinaca Muqdisho, si Ciidamada iyo bulshada Muqdisho-ba loo tuso 12-kii April ee ahayd Maalintii Ciidamada loo dabaal-degayay. Hase yeeshee, wuxuu Gaani ku dooday in haddii cid la tusayo ay xaq u leeyihiin Ciidamadiisii Qaybtii 26aad ee gobolkan joogay in ay daawadaan Xuska April, maadaama ay iyaga guusha qabashadiisu ku suntanayd. Sidaa aawadeed, waxay taasi ka baajisay Askar in loo qaado magaalada Muqdisho, balse markii dambe ee arrintu u dhacday, sidii Illaahay ugu talo-galay, waxa la sheegay in Gaani laftiisu uu garan waayay si uu ugu sheego waxa dhacay Maxamed Siyaad Barre.

 

Marka laga tago saamayntii uu hawl-galkaasi ku yeeshay Gen. Gaani iyo Ciidamadiisii, bal aynu u soo noqono qodobbada kale ee qormadan ku soo arooray ee la-xidhiidha hawl-galkaa.

Doodaha iyo Faalooyinka ka hadhay hawl-galkaa ka sokow, maanta oo uu dalku xor ka yahay Taliskii Digtaatooriga ahaa ee xilligaa, waxa muuqata in midhadhkii ka hadhay dadkii sida tooska ah iyo sida dadban-ba uga qayb-qaatay hawl-galkaa, iyo agoontii ay ka tageen Mujaahidiin farabadaniba in ay ku dhex dayacan yihiin dalkooda hooyo, cid daryeelaysa ama danaynaysaaba aanay muuqanin, sida halgamayaashii kaleba. Tani, waxay dareen xannuun badan ku carisaa intii ku wayday qofkii uu jeclaa, ku laxaad beeshay ama ku waayay maalkii ay haysteen. Inkastoo, guud ahaanba uu halgankii hubaysnaa ee SNM ahaa, mid taariikhdiisa leh, haddana hawl-galkii Birjeex waxa lagu tilmaamaa inuu yahay mid ka mid ah, hawl-galadii taariikhda sida sugan u galay.

 

Haddaba hawl-galkaa kadib, sidaynu horeba u soo xusnay, wuxuu Maamulkii Maxamed Siyaad magacaabay guddi dambi-baadhiseed oo ka kooban Shan xubnood, kuwaas oo kala ahaa; Gaashaanle Dhexe, Yuusuf Axmed Sareenle oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliiska, isla markaana ahaa Gudoomiyaha guddigaa, Laba Xidigle C/rashiid Yaasiin (NSS), Laba Xidigle C/casiis X. Cilmi (NSS), 3-xadhigle Maxamed Ashkri Cigaal oo ka tirsanaa Ciidamadii Hangashta loo yaqaanay iyo 3-xadhigle Yuusuf C/laahi (Booliiska). Guddigaasi, geba-gebadii baadhistii ay sameeyeen waxay ka soo saareen qoraal ay ugu magac dareen “Gun-gaadhkii Dacwadii Dhacdadii 11 April, 1983.” Qoraalkaas oo ay soo saareen 12/5/1983, dushana ay kaga dhufteen shaabad muujinaysa inuu yahay qoraalkaasi Sir culus, waxay ku yidhaahdeen guddigu oo ay ku bilaabeen sidan:

“sida aad ula socoto, isla mar ahaantaasna aad tallaabadii ku haboon uga qaadaan, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa gun-gaadhka dacwadda ujeeddada kor ku xusan la xidhiidha, waana sidan hoos ku qoran:

Ex. Gaashaanle dhexe, C/laahi Askar, waxa gacanta lagu dhigay bilowgii April 1983-kii, kadibna isagoo ku xidhan Miiska Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayaa lala baxay 11-kii April, abaaro 18:30-kii galabnimo. Haddaba, arrintaa taariikhdaa dhacday waxa baadhis lagu sameeyo ugu horaysay 28/4/83, guddiga baadhistuna markuu eegay dacwaddaa, wuxuu gartay in arrintu ka dhacday Qaybta 26aad ee X.D.S gudaheeda, dadka argagixisnimadaa sameeyayna ay yihiin isla Ciidanka Qaybta 26aad ee X.D.S ee Hargeysa.

Guddigu, si uu baadhista u socodsiiyo wuxuu abaanduulaha Qaybta 26aad u qoray Warqad ay ku xusan yihiin in uu abaanduuluhu, tilmaamo cad ka soo siiyo guddiga lixda qoddob ee ku qoran waraaqda Guddiga (eeg lifaaqa koowaad), hase yeeshee abaanduulaha qaybta 26aad iyo colalkiisu may soo siin guddiga jawaabaha su’aalihii la weydiiyay, wax marag-muujin ah oo ay ku soo wareejiyeena ma jirin. Sidoo kale, guddigu wuxuu u soo gudbiyay Taliyaha Gaaska Labaad ee Qaybta 26aad, qoraal ku saabsan soo gudbinta caddaymo la-xidhiidha alaabooyin marag-muujin ah oo laga helay goobtii dambigu ka dhacay, hase ahaatee ilaa hadda aan gacanta guddiga la soo gelin. Waxaa kaloo jirta in aanu guddigu helin wax baadhista uu u tixraaco, sida warbixintii uu ka amba-qaadi lahaa, marag-muujin, Sawiro iyo raaddad kale oo baadhiseed iyo dekumenti waxtar u leh toona. Waxa qudha ee gacanta guddiga soo galayna uu yahay Warbixin lagu tilmaamay in laga qoray Ex. Gaashaanle dhexe, Eedaysane C/laahi Askar oo aan wax nuxur ah lahayn, si sharci ahna aan loogu aqoonsan karin warbixin laga qoray eedaysanahaa. Waxa kale oo guddiga loo soo gudbiyay, qoraalo laga helay eedaysanaha markii la fatashay oo aan baadhista waxtar u lahayn iyo koox eedaysanayaal lagu tilmaamay oo aanu arrimahooda mid-mid u qeexnay, kalana ah, sidan:

1.       Cali Jibriil Ibraahim (Tagsiile), waxa noo soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu gaadhigiisa wadan jiray Gaashaanle Ibraahim Koodbuur.

2.       Yaasiin Xasan Jaamac (Ganacsade), waxa noo soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay in ay adhiga wada iibsan jireen Yuusuf X. Cabdi Xandulle (Haliil), oo baabuur ammaano ku ahaana u gudbiyay Ina Koodbuur, baabuurkaas oo dambiga lagu galay.

3.       Soofe Beeg Jareex (Dilaal), waxa soo gudbiyay Hangash, waxaana la sheegay inuu adhiga u iibin jiray Haliil.

4.       Qaasim Cismaan Kaahin (Bakhaarle), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu ahaa Xisaabiyaha Haliil.

5.       Xasan Faarax Askar (Ex. Shaqaale), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana lagu soo eedeeyay inuu Haliil aqalkiisa tegay Subaxnimadii 12 April, 1983.

6.       Ibraahim Cismaan Qaalib “Fayax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu baabuurkiisa ammaanaysiin jiray Gaashaanle Ina Koodbuur.

7.       Cabdi Jaamac Nuur “Ina dhalaax” (Ganacsade), waxa soo gudbisay Hangash, waxaana la sheegay inuu baabuur uu leeyahay ku wargelinayay Haliil, saacado yar ka hor hawl-galka.

8.       Gaashaanle dhexe Ismaaciil Xaashi Madar.

9.       2-Xadhigle; Ismaaciil Xuseen Diiriye

10.    2-Xadhigle; Maxamed Xuseen Maxamed,

[Saddex Nin oo ka tirsan Qaybta 26aad, uma hayno wax ceeb ah]

11.    Cawil Xirsi Cawaale, waxaanu dib ugu celinay NSS, kadib markii ay noo cadaatay in ay arrintiisu ku xidhiidhsan tahay Xabsiga Mandheera.

12.    Ismaaciil Sh. Ibraahim Sh. Muuse (Ganacsade), waxa la qabtay 14/4/83, isagoo lagu tuhmay inuu arrinta ku lug lahaa, maxaa yeelay? Saacad kadib, markii ay arrintu dhacday ayaa isaga oo bastoolad gacanta ku haysta, baabuurkana si xawli dheer ah magaalada ugu dhex wada ay soo qabteen Saraakiil Xoogga Dalka ka tirsani, dhibaatana kala kulmeen soo qabashadiisa, waxaanuna u haynaa eedayn ku filan, anaga oo u gudbinayna Maxkamadda Badbaadada Dalka.

13.    Cabdi Muuse Maxamed (Kirishboy), waxaa noo soo gudbiyay Saldhiga Booliska Hargeysa, laakiin dib ayaanu ugu celinay saldhigii, kadib markii ay noo caddaatay in lagu soo xidhay kiis batrool suuq-madow ah.

Tallo-bixin

1.       Guddigu markuu arkay in goobta dambigu ka dhacay tahay, goob Ciidan,

2.       Guddigu markuu arkay in dambi fallayaashu ka tirsan yihiin X.D.S ee Qaybta 26aad.

3.       Guddigu markuu arkay in guddigii ka koobnaa Madaxda Hay’adaha Nabadgelyada Gobolka ee loo xilsaaray baadhista dacwadda inuu mid waliba ku mashquulsan yahay hawl-maalmeedkiisa caadiga ahaa, duruufo jira awgood.

4.       Guddigu markuu arkay in ay ku adag tahay dhex-galka iyo baadhista Q. 26aad oo dhammaan waxyaabahaasi khuseeyaan.

Wuxuu go’aamiyay:

1.         In Baadhista Dacwadda Guddigaasi ka joogsado, loona magacaabo guddi Wasaaradda Gaashaandhiga ka socda oo ka kooban Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adda Nabadgelyada Gaashaandhiga (Hangash).

2.         In eedaysanayaasha ku xusan lambarka 1aad ilaa lambarka 10aad oo guddiga ula muuqday in aan loo hayn eed ku filan oo Maxkamad lagu hor taagi karo, tuhunka loo hayaana aad u jilicsan yahay la sii daayo, haddii aan dambi kale loo haysan.”

 

Sooyaalka Taariikheed Ee Somaliland

Cumar Daahir Cumar

 

 

 

 

La wareegii Ingiriiska ee Berbera iyo Saylac oo ahaa 1885, kii magaalooyinka keliya ama kuwa ugu waaweyn ee Somaliland wuxuu bilow u ahaa maamulkii Ingiriiskas ee Somaliland oo si tartiib-tartiib ah ugu soo fiday dhulka gudaha Somaliland, isaga oo maamulka Ingiriiska ee Somaliland ku soo fidayay xeebaha Berbera iyo Saylac, waxaana abuurmay magaalooyin cusub sida; Hargeysa, Boorama Burco, Ceeri-gaabo, Laas-caanod, Sheekh, Oodweyne, Gebilay.

 

Xoolo-dhaqatadii reer Somaliland ayaa qaarkood waxay toos ugu biireen nolosha magaalooyinka daba-yaqaadii qarnigii 19aad.

 

Faracii qoysaskii Carabta ahaa, Iraaniyiintii iyo Eeshiyaan kale, ayaa iyaguna soo degay magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Boorama, iyaga oo halkaa ka sii waday hawlaha ganacsiga.

Magaalada Saylac waxay weyday macaamiishii ganacsiga Awrtu gaadiidka u tahay, kadib markii la furay wadada tareenka ee isku xidha Djibouti iyo Diri-dhaba, taas oo leexsatay ganacsigii sanadkii 1917kii, markii la furay waddadaas tareenka ee Djibouti – Diri-dhaba.

Maamulkii Ingiriiska ee Somaliland oo markii hore xarun ay u ahayd Bebera, wuxuu sii kordhiyay cammirnaanta magaalada Berbera ee daba-yaaqadii qarnigii 19aad.

1905, ayaa beertii ugu horraysay Somaliland ka samaysantay tuulada (Ijaara) oo ku taal degmada Gebilay. Halkaas waxaa ka fiday oo noqotay mid ku lammaan xoolo dhaqashada.

Dhinaca kale, maamulkii Ingiriisku wuxuu qortay askar iyo shaqaale reer Somaliland ah oo u shaqeeya maamulka Ingiriiskas ee Somaliland.

 

Ingiriisku wuxuu ku xukumi jiray Somaliland nooca maamul ee loo yaqaan ‘Protectrate’ oo ahaa isagoo la xidhiidhi jiray Salaadiinta iyo cuqaasha si uu u socodsiiyo maamulka Ingiriiska ee Somaliland, nidaamka maamul ee Ingiriisku kula dhaqmay Somaliland wuxuu ahaa mid aad uga duwan kii uu kula dhaqmay Afrikadii kale ee uu xukumi jiray oo ahaa mustacmarado (colony).

Maamulkii Ingiriiska ee Somaliland markii uu ku faafayay Somaliland, markii uu la dagaalamayay ciidamada Maxamed Cabdulle Xasan.

 

Sannadihii 1899-1920, waxaa xarun u ahayd maamulka Somaliland ee Ingiriiska magaalada Hargeysa, oo ay fadhiyi jireen mas’uuliyiinta Ingiriiska ee madaxda ka ah maamulka Somaliland.

Bilowgii waxbarashada asaasiga ah ee Somaliland, abuuritaanka xirfado shaqo oo ay ku xoogsadaan reer magaalka reer Somaliland waxay ka bilaabeen dhulka magaalooyinka oo ay si is-daba-jooga u soo dagayeen dad markii hore ahaan jiray xoolo-dhaqato.

…………………………………………………………………………………………………………….

 

Collin Powell Oo Sheegay Inuu Horumar

Ka Gaadhay Waan-waanta Bariga Dhexe

 

 

 

 

Quddus (W/wararka) – Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mr. Collin Powell, oo haatan booqasho ku jooga Bariga Dhexe, isaga oo wada dedaal uu ku dhex-dhexaadinayo Israa’iliyiinta iyo Falastiiniyiinta oo beryahanba ay ka dhex socotay colaad ba’ani, ayaa sheegay in horumar laga gaadhay isu so dhaweynta labada dhinac, inkasta oo aan weli lagu heshiin si loo dhaqangelinayo xabbad-joojiin dhexmarta labada dhinac.

 

Waxaanay tani ka dambaystay markii uu Mr. Powell la kulmay wefti ka socda maamulka Falastiin, waxaana lagu wadaa inuu maanta la kulmo hoggaamiyaha reer Falastiin Yaasir Carafaat oo weli ku go’doonsan xaruntiisa Ramallah.

Kulamada uu Mr. Powell la yeeshay weftiga Falastiin oo ka dhacay Quddus, waxay labada dhinac muujiyeen sida ay lagama maarmaanka u tahay horumar laga gaadho geedi-socodka nabad-raadinta Bariga Dhexe.

 

Mr. Powell waxa uu caddeeyay inay labada dhinac muujiyeen isku debac, balse ay hadhsan yihiin qodobo kale oo muhiim ahi.

Waxaanay tani ku soo beegantay iyada oo dawladda Maraykanku soo jeedisay hindise ku saabsan in dhawaan la isugu yimaado magaalada Washington shir ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe.

Dhinaca kalena, waxaa weli socda xad-gudubyada ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah ee reer Falastiin, taas oo sii xoojisay cambaaraynta caalamiga ah ee lagu hayo Israa’iil.

…………………………………………………………………………………………………………..

 

“Ereteriya Way Ku Guul-daraysatay Dagaalkii Iyo Go’aadkii Guddiga”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Addis Ababa (VOA): In yar kadib, markii uu Sabtidii soo baxay go’aankii Maxkamadda Hague ee murankii Xuduudda Itoobiya Eriteriya, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mr. Seyoum Mesfin uu sheegay in Eriteriya ay ku guul-daraysatay dagaalkii, isla markaana ay guul-darro ka raacday go’aankii ka soo baxay Guddi Maxkamadda Caalamiga ahi u saartay, Gar-naqa khilaafkii dhinaca Xuduudda ee u dhexeeyay labadaa dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, wuxuu sheegay in dhulkii lagu muransanaa ee aagga Badme iyo dhulka ku xeeran Salambesa, Aiga, Alitena iyo degmada Irob ay ku gar heleen oo ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya.

 

Dhinaca kale ee Ereteriya, ayaa iyana markii go’aanka Maxkamaddu soo baxay, war ay soo saartay ku sheegtay in ay ku gar heshay dhulkii lagu muransanaa. “Dagaalka oo ku dhammaaday xaalad caadi ah, haddii sharciyan go’aan laga soo saaray waa guul u soo hoyatay labada dal ee Itoobiya iyo Ereteriya,” sidaa waxa yidhi, warka uu soo saaray Maamulka Ereteriya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr. Koffi Annan oo isna ka hadlay arrintan, ayaa u mahad naqay labada dal Itoobiya iyo Ereteriya, kana dalbay in go’aanka Maxkamaddu noqdo mid la dhaqan geliyo, go’aankaa oo uu ku tilmaamay kii kama-dambaysta ahaa. Kumaakun qof oo sita Calanka Itoobiya iyo durbaano, ayaa maalintii Axadii isugu soo baxay Wadooyinka Caasimadda Addis Ababa, iyagoo u dabaal-degaya guushaa la sheegay in ay ku heleen go’aankii Maxkamadda Hague.

 

Itoobiya iyo Ereteriya, go’aankan Maxkamadda ka hor, waxay isku waajaheen dagaal qadhaadh oo May 6, 1998, ka bilowday Xuduudda, kaas oo ay ku naf waayeen dad tiradoodu gaadhaysay 80,000-qof. Waxaana Xuduudda laba dal u dhaxaysa ilaalinayay in muddo ahba, Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

………………………………………………………………………………………………………………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Miyaan Berbera Waxba Lagala Xishoonayn?

 

 

 

 

Sida la wada ogsoon yahay umnmaddaha dunida ku nooli waxay soo mareen marxalado kala duwan iyo duruufo kala jaada, iyaga oo fekerkooda iyo garashadooda oo ay weheliso kartidoodu ku wajahayay hadba waxay kala kulmaan halka ay ku dhaqan yihiin si ay u gaadhaan horumar iyo nolol u qalanta qofka banii’aadamka ah, iyada oo mar walba waxa ummad, ummad kale dhaafiya ama waxa waddan dhaafiya waddan kale ama gobol dhaafiya gobol kale oo ay ku xidhan tahay hadba cidda u hano-qaada iyo hoggaanka xukunka u qabta, mid guud iyo mid gaarba.

 

Haddaba, gobolka Saaxil oo ka mid ah gobollada Jamhuuriyadda Somaliland kuwa ugu muhiimsan hadday tahay dhaqaale iyo haddaytahay degaanba ayaa haddana waxa hubaala in qof kasta oo yimaada magaalada Berbera inuu ka naxayo dayaca iyo sida ay ku qaddaran tahay maanta Berberi.

Iyada oo dadku inta badan u sababaynayaan arrintaasi inaanay marnaba Berbera xukumin ama u hano-qaadin ciddii is waafajin lahayd Berbera iyo qiimaha ay mudan tahay.

Haddaba Berbera oo taas qabta ayaa waxa u dheeraa beryahan dambe inay noqoto goobta lagu tijaabiyo waxyaabaha gobollada kale lagala xishoodo ama aan ka suurogeli karin.

Wixii aad la yaabtaba waxbaa kaaga yaab badane, yaabkii ugu dambeeyay ee Berbera ayaa waa uu noqday in dhawaan la yidhi biyihii Berbera waxa lagu wareejinayaa niman shiciba oo waxa laga dhigayaa Bareefat.

 

Arrintaasi waxa ay dadka reer Berbera ee aan ka midka ahay ku noqotay wax lala yaabo oo fajaciso ah, goobaha inta badan dadku ku kulmaana waxay ka dhalisay muran is weydiin iyo farobadan.

Iyada oo ay dadka qaarkii leeyihiin Berberi wax laysa siiyo ka weyn, Dad kalena ay leeyihiin wax kasta oon magaalada wax kasta oon magaalooyinka kale lagu deyinba maxaa loola soo doontaa arrimuhu dawladdaa, ma maamulka gobolkaa mise waa shacbigan tabcaanka ah een waxbaba diidayn, iyada oo dad kalena qabaan feker kaa ka duwan oo ay leeyihiin ninkaad kabo ka tolanayso kabahiisaa la eegaaye kollayba haddii cid la siinaayo maxaa nimankan hudheeladoodii qabyada yihiin loo siiyay, inkasta oo uu badan yahay muranka arrintani.

 

Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga maah-maahda tidhaahda;

“Qaddarkaaga oo aad taqaanaa waa qiimahaaga badhkiiye miyaan waxba lagala xishoonayn Berbera.”

Waxaan u mahadcelinayaa wargeyska Haatuf iyo shaqaalihiisa xafiiskay dhawaan ka fureen Berbera.

Muxiyaddiin Maxamed Xuseen,

Berbera.

……………………………………………………………………………………………………………..

 

Al-Xaramayn Al-Khayriya, Waa Hay’ad Samo-fal

 

Intii sheekada iyo muranku ahaa siyaasad iyo dawladdu waxbay qabatay iyo wax may qaban. Dawladdaa qaldan iyo iyo dawladdaa sax ah. Mucaaradkaa qaldan iyo mucaaradkaa sax ah, arintu waxay ahayd sahaalo iyo meel soke oo dhow. Maantase xaqiiiqdii ayaa indhaha la iska qabtay si naxriis darro ahna looga talaabsaday. Agoon jilicsan uguna liita inta ruux xoog leh ee dalka maanta joogta, ayaa irdiha loo xidhay dugsigii markii horeba adeegeeda aanay dawladdu waxba uga qaban.

 

Dugsiga Agoomaha ee Burco, waxay doonaysaa dawladdu in ay xidho, uguna soo gabatay ururka samafaleed ee muslinka loona yaqaan "Alxaramayn al khayriya"  inuu ka mid yahay ururada lagu eedeeyo argagixisada. Haddab ururkan oo xagga rabbi ka caawinayay Agoonta aan haysan aabboyaal iyo itaal ay wax ku qabsadaan. Ururka oo ka furan dalka aynu jaarkanahay isla markaasna ah saxiibkeenna kowaad ee adduunka oo ah Itopiya. Dawladda Itopiya oo aad uga soo horjeeda ururada mayalka adag ee lagu tilmaamo argagixisada, waxaa si sharci ah uga furan ururkan oo aan marnaba ku jirin ururada ay kor taallo seefto. Dawladda Marykanka, oo xidhiidh saaxiibtinimo aadna u qoto dheer la leh dalka Sucuudiga, warbixintii ay ka heshay dalka Sucuudi Aareebiya, waxay si cad ugu soo jawaabtay dawladda Maraykanka in aannu ururkan Alxaramayn Alkhayriya haba yaraatee aanu marnaba ku jirin ururada ay ku tilmaameen inay yihiin argagaxiso. Waxaa xaqiiq ah in dawladda Cigaal, markay ka soo jeedsatay kuwii itaalka lahaa inay maanta bilowday inay baabi'so kuwa ugu jelicsan ee ahaa agoonta! Liiska ururada argagixisada lagu tilmaama maaha qaar Cigaal iyo wasiirkiisa waxbarshada oo kaliya meel ugu qoran, hayeeshee wax aan meel fog jirin oo laga helaayo xaqiiqdeeda shabakadda Internetka. Shacabkana war aan jirin, iyo sumcad xumo badheedh ah in lagu kiciyo maaha. Mase aha markii ugu horaysay ee maamulka Madaxweyne Cigaal ku eedeeyo gobalo ka tirsan dalka uu Madaxweynaha u yahay! Su'aasha haddaba ku haboon Madaxweyne Cigaal, miyaanu isu haysan in uu dalka Madaxeyne ka yahay?

 

Taarikhda waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee isagu dalkiisii iyo dadkiisiiba cambaareeya!!

 Madaxweyne Cigaal, facaa'ilkiisa ku waajahan gobalada ku mucaaridka ah waa mid horeba u caddayd, wax dood ah oo badanna ma jecli inaan ku sii dheeraado. Waxaan se hadalkayga ku jeedinayaa Wasiirka waxbarashada mudane Axmed Yusuf Ducaale, oo isagu xidhaya dugsigaa agoomaha! Mudane Axmed Yusuf Ducaale,Waxaad ahayd nin aan u haystay inuu diinta aad ugu dheera markaad na la deganayd magaalada Toronto.

 

Haddaba inaad agoonta dugsigooda si xaqdarro ah uga xidho, ma waxaad u baqatay wasiirnimadaada? mise waa kaa badheedh? miyaanad se ogayn mudane inaan wasiirnimada Madaxweyne Cigaal laguu sii raagraagin!

 

Midse xasuuso Mudane, agoontaa aad ka curyaamisay daryeelkoodii, iyo waxbarashadoodii, iyo mustaqbalkay lahaayeenba, horta waxaa og xisaabteeda, meelna sii dhigay ILLAAHEENNA weyn ee waaxid ka ah.

Maxamuud Caydiid Lafcanbe

Toronto, Canada

…………………………………………………………………………………………………………….

WAADIGA CIYAARAHA

 

Romario Oo Rajadiisii Hoos U Ciirtay

 

 

 

 

Rio De Janerio (Reuters) – Dagaalyahanka weerarka ah Romario, ayay rajadiisii ka qaybgalka koobka adduunku markale hoos u ciirtay, ka dib markii  maalintii axaddii Vasca da gama ka hadhay tartanka Rio-sao-paula.

 

Kulan kale ayuu ciyaartoyga khadka dhexe Zinho oo la barbar ciyaarayey Romario koobkii aduunka 1994-kii ka guulaystay , laakiin hamiga kuma hayo socdaalka Kuuriya iyo Jabaan waayo waxba uma  ay goyn shanta gool ee uu Gramico u dhaliyey.

Vasco waxay u baahan tahay inay garaacdo Corin-thians si ay ugu soo gudubto wareegga kama dambaysta ah , balse waxa lagu jiidhay 1-0 markii uu Fabrico goolka ka dhaliyey laadkii ciyaarta ugu dambeeyey.

 

Romario oo toban casho ka hor dadku ay cakmadeen oo sheegay  inuu ku taamayo inuu markii saddexaad koobka aduunlka ,ayuu laba fursadood ka bad-baadiyey gool-haye Didu.

36 jirka weerarka ah oo uu dalkiisu xaqiray ,inkasta oo ay isku cel-celinta gool-dhalintiisu sannadkan tahay ciyaartiiba gool ,wuxuu weli u baahanyahay kulamo badan oo suurtagal ka dhiga inuu goolal kale dhaliyo si uu kor ugu qaado inuu u xaqiijiyo tabaraha Brazil Mr.Luiz Felipi rjada keliya ee hadda uu qabaa ay tahay koobka Brazil oo ay kooxdiisu ka gaadhay wareegga sideedda kooxood .

Weeraryahanka Sao Paulo ee Franca oo sabtidii lagu daray xulka Brazil oo arbacada la ciyaari doona kulan saaxiib-tinimo xulka Portugal ayaa u dabaal-degaya goolkiisii saddexaad oo uu dhaliyey 5-3 ay ku garaacday Americano.

 

Franco oo loogu yeedhay inuu kaalitiisa buuxiyo markii uu Luizao khadka kaga baxay dhaawac gaadhay , wuxuu kale oo lumiyey rigoore ay Sao pualo kaga mid noqon lahayd Corin thians ,Sao Caetano iyo Palmerias oo ah afarta kooxood ee isugu soo hadhay tartanka.

Kooxda Ameerika oo gashay kaalinta ugu hoosaysa ee 16aad ayaa dib ugu dhacday derejada hoose.

Waxa kale oo ku weheliyay Guarani oo iyana gashay kaalinta 12aad, sababto ah labada kooxood ee ugu hooseeya tartamada gobol kasta Soa Pualo iyo Rio De Jeniero, ayaa iyana ka mid ah kooxaha dib-u-dhacu ku yimi, kadib markii ay noqdeen kuwa ugu dhibcaha yar tartankaa.

Guarani waxay hal iyo eber kaga badiysay Botatago, laakiin waxay tirada goolasha kaga hoos martay Ponte Preta oo ay isku dhibco ahaayeen.

 

Ponte Preta waxay ka badbaaday markii ay 2-1 kaga adkaatay Palmerias.

Guarani oo ay haysato dhibaato dhibaato kaga timi kubadda Brazil waxay ciyaartay kulan adag oo ay ku guuldarraysatay.

Kulankii ugu yaabka badnaa wuxuu ahaa kii uu goolhayaha Palmerias laba goor muddo siddeed daqiqadood ah ka qabtay Washington, difaaca labada rigoore iyo kubbado kale oo marar kala duwan ay kala soo muruxsadeen ciyaartoy kala duwani, kadib ayuu Washington ka dhaliyay goolkii barbaraha.

Qaybtii labaad kadib markii Leanardo dhaliyay goolka Palmerais, hase yeeshee Orlando oo khadka dhexe ka ciyaara ayaa dhaliyay goolka guusha ee Ponte afart daqiiqo ka hor dhammaadkii ciyaarta.

Zinho shan gool oo uu dhaliyay ayaa keenay in Gremico 6-1 kaga calaf qaado Mamore, oo ay isku arkeen koobka Sul-Mines, sidaa darteed waxay isu dhigtay kooxda ugu itaalka roon naadiyada badhtamaha iyo koonfurta Brazil.

 

34-jirka Zinho, wuxuu khasnada furay daqiiqaddii 34aad, isla lix daqiiqo kadib ayuu kii labaad dhaliyay, sidoo kale 59 daqiiqadood markii ay ciyaartu gaadhay ayuu ku raaxaystay rigoore, laba gool oo kale ayuu dhaliyay 5tii daqiiqadood ee ugu damaysay ciyaarta, wuxuu kaloo goolka kale u dhigay Luis Mario.

 

Owen Oo Loo Sudhay Kabtan-nimada Kulanka England iyo Paraguay

 

 

 

 

London (AP) – Weeraryahanka Michael Owen oo dhaliyay goolkii ugu buun-buuninta badnaa koobkii adduunka 1998, isla markana Liveripool ka caawiyay saddex koob xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay, sidoo kale saddex gool ka dhaliyay kulankii Jarmalka ee bishii September.

22-jirka weerarka ahi Salaasadii ayuu gacanta ku xidhay calaamada horjoognimada.

Waa markii loo doortay kabtanka England qofkii labaad ee ugu yaraa taariiikhda. Kulanka Arbacada la isugu kululaynayo koobka adduunka oo dhexmaraya England iyo Paraguay oo ka dhacaya Anfield.

Owen wuxuu sheegay inay si yaable ku timi dhacdadu, markii tabobaraha England Sven Goren Eriksson dusha ka sudhay daaqada qolkii uu kaga jiary garoonka kooxdu ku tabobaranayso ee Wrexham.

 

Owen wuxuu ka beddalay David Beckham oo ka jabay lafta lugta bidix kulankii Manchester koobka horyaalka Yurub kaga badisay Deportivo Arbacadii ugu dambaysay.

22 sannadood iyo afar bilood ayuu jiraa Owen, waana ciyaartoygii ugu yaraa ee kabtan loo doorto tan iyo Bobby Moore oo xulka England hoggaaminayay kulankii Czechoslavakia sannadkii 1963, markaas oo da’diisu ahayd 22 sannadood iyo 47 habeen.

“Dabcan waa mas’uuliyad weyn oo aad u mudan waqtigan,” sidaa waxa yidhi Owen oo markiib a si dhakhso ah ugu yeedhay waalidkii iyo saaxiibadii si uu warka u siiyo.

“Dhab ahaan waxay ahayd fajiciso, runtii waxay ka mid ahayd waxyaabihii aan ku hamiyi jiray,” ayuu ku daray Owen.

 

Owen, wuxuu tilmaamay inuu ku fekeri jiiray, sidii uu kabtan u noqon lahaa marka uu 22-jir gaadho.

Owen malaha khibrad uu ku hor kaco kabtanimada, wuxuuna sheegay in khibraddiisu ku kooban tahay marki Paul Ince iyo Steven Mc Manaman labadaba casaan la siiyay kulankii Liverpool ee UEFA Cup-ka oo ay la yeelatay Valancia, waqtigaas oo Owen calaamada xidhnaa muddo shan daqiiqadood ah oo ciyaarta ka dhinayd.

 

Waxa Beckham la maqan difaaca Arsenal Sol Campel iyo difaaca Leeds Rio Ferdinand oo kabtannimada England ku tartamayay, laakiin labaduba way dhaawacan yihiin Arbacada.

Difaaca Manchester United Gary Neville, difaaca Middlesbroughj Gareth Southgate iyo goolhayaha Arsenal David Seaman ayaa la filayay inay isu taagaan.

Laakiin waxa cid walba kaga yaabisay markii Erisksson doortay Owen.

“Wuxuu u ciyaaraa Liverpool, wuxuu noqday xiddiga Yurub, waxaana hubaa inuu yahay mid aad u nadiif ah, xulka England aad ugu caan ah, waa taa sababta aan u doortay in uu hoggaamiye noqdo,” ayuu yidhi Eriksson.