SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 66-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadki
66, April 19, 2002
Telephone
252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
50-Baabuurta
Somaliland ah oo uu raafay, ayuu hub iyo saanad milateri kaga daabulayaa
Gaal-kacayo
Gaal-kacayo
(Haatuf): Col. C/laahi Yuusuf
Axmed oo hadda ku hawlan dhaqdhaqaaq milateri oo uu isugu diyaarinayo inuu ku
qabsado magaalada dekedda ah ee Boosaaso ayay Ciidamadiisa, xoog ku raafeen in
ku dhow Kontameeyo baabuur oo kuwa Xamuulka ah magaalada Gaal-kacayo iyo
nawaaxigeeda, isla markaana baabuurtaas oo la sheegay in badidooda laga
leeyahay Somaliland, iyadoo ay baabuurtaas maalmahanba shixnado kala duwan oo
qalabka Ciidamada ah ka gurayeen gobolka Mudug, una daad-guraynayeen dhinaca
Gobolka Nugaal ee ay ku taallo Xarunta Maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe.
Sida
ay sheegeen warar aanu ka helnay magaalada Gaal-kacayo iyo magaalada Burco ee
xarunta Gobolka Togdheer intaba, badhtamihii toddobaadkii tegay ayay Ciidamada
C/laahi Yuusuf magaalada Gaal-kacayo ka ururiyeen baabuur door ah oo dad shicib
ahi leeyahay, kuwaas oo la sheegay in ay ilaa hadda ku shaqaysanayaan Ciidamada
C/laahi Yuusuf.
Warku
wuxuu intaa ku daray in ay baabuurtaasi meelo ka mid ah Gobolka Mudug ee
badhtamaha Soomaaliya ka daad-gureeyeen alaabooyin kala duwan oo qallab iyo
saad milateri ah, sida; Shidaal, Raashin, Rasaas iyo waxyaalo kale, waxayna
alaabtaa geeyeen magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-goboleedka Puntland.
Sida
ay wararka qaarkood tibaaxeen, ka sokow hubka iyo saadka halkaa la geeyay waxa
kale oo iyana halkaa lagu soo ururiyay Maleeshiyaad hubaysan oo daacad u ah
Col. C/laahi Yuusuf Axmed, laakiin wararku ma sheegin goobaha baabuurtaa la
raafay laga raray iyo meesha ay ka yimaadeen Saanadda iyo Hubku, hase yeeshee
wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in meelahaa saanaddaa laga rarayo ay ka mid
tahay goob ku taal meel u dhexeysa Xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya oo
magaalada Gaal-kacayo kaga beegan dhinaca galbeed.
Dhinaca
kale, qaar ka tirsan Mulkiilayaasha Baabuurta lagu raafay Gaal-kacayo oo ku
sugan magaalada Burco, ayaa shalay khadka telefoonka kula xidhiidhay Col.
C/laahi Yuusuf oo joogga magaalada Gaal-kacayo, kadibna kala hadlay arrinta
gaadiidkooda.
Xubno
ka tirsan ragga la-xidhiidhay C/laahi Yuusuf oo codsaday in aan magacooda la
sheegin, ayaa Wariyaha Haatuf ee magaalada Burco u xaqiijiyay in
ay jiraan Baabuur badan oo laga leeyahay Somaliland oo ay raafeen Ciidamada
C/laahi Yuusuf, welina haystaan. Xubnahani, waxay sheegeen in ay C/laahi Yuusuf
weydiisteen inuu baabuurtooda u soo daayo, hase yeeshee wuxuu u sheegay inuu
sida ugu dhakhsaha badan ugu soo dayn doono.
Baabuurta,
wixii Isaaqu leeyahay waan sii daynayaa, laakiin aan ku dhammaysto hawshayda.
Sidaa waxa yidhi, C/laahi Yuusuf oo la-hadlaya ragga Baabuurtaa wax ku leh ee
Burco kala xidhiidhay.
Wararkani,
waxay intaa ku dareen in dhawr iyo Toban baabuurtaa ka mid ah laga leeyahay
Gobolka Togdheer, ilaa baabuur toddoba gaadhaysana laga leeyahay Gobolka
Sanaag, gaar ahaan Beelaha Isaaqa ee gobolkaa deggan. Sidoo kale, tiro door ah
oo baabuurtaa ka mid ah waxa leh beelaha Hartiga ee Gobolada Sool iyo Sanaag ee
bariga Somaliland.
Ma
cadda tirada rasmiga ah ee baabuurta lagu raafay Gaal-kacayo, laakiin sida ay
tibaaxeen warar aan xaqiiqdooda la hubin, waxa la sheegay in tirada
baabuurtaasi ku dhowdahay ilaa kontomeeyo baabuur, kuwaas oo ah Gaadiidka
Xamuulka ah ee isaga goosha deggaamada Maamul-goboleedka Puntland iyo Gobolada
Bariga Somaliland.
Wararku
waxa kale oo ay sheegeen in ololaha uu C/laahi Yuusuf bilaabay ay hordhac u
yihiin, qorshe cusub oo uu damacsan yahay inuu ku qabsado magaalada Dekedda ah
ee Boosaaso, magaaladaas oo hadda xarun u ah Jaamac Cali Jaamac oo ah Ninka ay C/laahi
Yuusuf, sida baan isugu hayaan hogaaminta Maamul-goboleedka Puntland, taas oo
mid waliba dhiniciisa u sheeganayo inuu yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedka,
iyadoo C/laahi Yuusuf fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ee xarunta
Maamul-goboleedka Puntland, kadib markii uu cudud milateri ku qabsaday waxyar
kadib, markii Shir halkaa ka dhacay Jaamac Cali Jaamac loogu caleemo saaray
inuu yahay Madaxweynaha Puntland, wakhtigaas oo uu C/laahi Yuusuf ku sugnaa
magaalada Gaal-kacayo, kadib markii kacdoono gacan ka hadal ah lagaga saaray
magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. Hase yeeshee, Col. C/laahi Yuusuf caleeemo
saarka Jaamac Cali Jaamac iyo shirkii lagu magacaabayba wuxuu ku tilmaamay
xaaraan iyo qayrul-sharci, isla markaana wuxuu sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha
Sharciga ah ee Puntland, taas oo keentay inuu weerar milateri ku soo galo
Garoowe dabayaaqadii sannadkii hore, kadibna ka saaro Jaamac Cali Jaamac iyo
taliskiisii.
Wakhtigaa
wixii ka dambeeyay iyo ilaa hadda, degaamada Maamul-goboleedka Puntland waxa ka
oognaa khilaaf murugsan oo Siyaasadeed, waxaana ku loolamaya laba dhinac oo ay
kala hogaaminayaan C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jamac.
Sida
ay wararkii u dambeeyay ee degaamada Puntland tibaaxeen Col. C/laahi Yuusuf,
waxa uu muddooyinkii u dambeeyay ku taamayay, sidii uu u qabsan lahaa magaalada
dekedda ah ee Boosaaso oo ah marinka uu dakhliga ugu badani ka soo galo
Puntland.
Ilaa
hadda ma jiraan warar rasmi ah oo dhinaca C/laahi Yuusuf ka soo baxay, isla
markaana ma jiraan warar Madaxbannaan oo sharax iyo xaqiiqooyin ku filan ka
bixinaya sida ay arrintu tahay, laakiin waxay wararku farta ku fiiqayaan inuu
jiro dhaqdhaqaaq uu C/laahi Yuusuf ku qorshaynayo, sidii uu guluf milateri ugu
geli lahaa magaalada muhiimka ah ee Boosaaso.
Wakhtigan
Jaamac Cali Jaamac, wuxuu socdaal ku jooggaa dalka Itoobiya, lagamana hayo
Maamulkiisa wax warar ah oo ku saabsan xaaladdan cusub ee ka muuqata Puntland.
Ergo
dhexdhexaadin ah oo in muddo ah ku hawlannaa, sidii ay xal ugu heli lahaayeen
khilaafka murugsan ee ka taagan Puntland, ayaa dabayaaqadii toddobaadkan ka
gacan-taagtay Waan-waantoodii, isla markaana muujiyay wallaac ku saabsan Colaad
cusub oo ka dhex dilaacda C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Butuluqsiga Mucaaridka iyo Baydh-baydhka Xukuumadda?
Marka la maqlo ereyada
Xukuumad, Xisbi, Baarlamaan, iwm, waxaa hubaal ah markiiba in ay soo baxayso in
laga hadlayo waxa loo yaqaan Siyaasad.
Siyaasad, ayaa macnaheeda
runta ah lagu qeexay, sidan: Waa Cilmi Bulsheed khuseeya qeexidda Hayadaha
iyo hab-maamulka dawladaha oo ah Xirfad isbedel loogaga gudbo, dhibaatooyinka
iyo baahiyaha ummadeed.
Taasi, waa fikrado dad kala
duwan ka muujiyeen qeexidda ereyga Siyaasad, wax way ka dhinaan karaan, qof
kalena wuu u arki karaa in loo qeexo si ka duwan sidan aynu hore u xusnay.
Si kastaba arrintu ha
ahaatee, Siyaasad sidaa aynu sheegnay ah ma lagaga dhaqmaa dunida saddexaad,
Afrika iyo Somaliland? Anagoo isku dayayna in aan ka jawaabno suaashan, waxaan
odhan lahaa; Maya! Sidaa aan qeexnay loogama yaqaan meelahaas aan xusnay ee
waxaa looga yaqaan aragti kale oo ah: Khiyaameyn uu dhinac, koox, qof uu
khiyaameeyo ama cid kale, si uu isagu u helo waxa ay u tarmayaan, ha ahaado
Mansab Madaxnimo, macaash Hantiyeed, Guul tartan, magac, iwm. Qofka ama Kooxda
oo isticmaalaya sax iyo qalad, kolba wixii uu kaga guuleysanayo dhinacaa ka soo
horjeedda, xataa haddii loo baahdo been iyo muaamarad.
Haddii Siyaasadda inta aynu
ilaa hadda aragnay u qaadano, sida kor ku xusan oo aynu markaa ku lamaanayno
xaaladda Somaliland ee xilligan oo la doonayo in nidaam Xisbiyeed lagu tartamo
oo uu jiro Xisbi-siyaasadeed ay leedahay Xukuumadda hadda talada haysaa iyo
xisbiyo mucaarid ah, haddana ay soo baxday sidaa wax ku socon maayaan iyo si
kale, waxaa is-weydiin leh; xisbiyada Mucaaridka ahi ma u jilib dhigi karaan
Xukuumadda iyo xisbi uu hogaamiyahoodu xirfad dheeraada u leeyahay, sida dadkan
looga agaasinto guusha iyaga ku xidhan?
Dhinaca
kale, Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridkaba waxaa haboon oo dhaxal-gal u
noqonaya ummadooda in aanu noocooda Siyaasaddu noqon ka aynu ku sheegnay in
lagaga dhaqmo Afrika iyo dalkeenaba, waayo? Guusha lagu gaadho
nooc-siyaasadeedka ku salaysan, dabciga dadka noocaa ka mid ah ee loo yaqaan
Lose-Win, oo ku caana Siyaasiyiinteena iyo ganacsatada caam ahaan oo uu
gundhigiisu yahay; Waa in aan anigu guuleystaa, adna waa in aad
guul-daraysataa; Anigu waa in aan macaashaa, adiguna waa in aad khasaarta.
Arrintan oo qofka ka goan inuu hirgeliyo, qiimahay doonto ha ku kacdee.
Guul
dhalanteed ah, waxaa ka wanaagsan qofka oo qaabila runta ka jirta jawiga markaa
taagan, isu tanaasul kolba ninkii gar leh oo gartiisa loo ogolaado, ayaa dhalin
karta midho waara oo ay talo ummadeed yeelato.
Haddaba,
marka aynu gunaanad uga dhigno badheedhahan jawaabta suaashii bar-bilowga u
ahayd, waxay u muuqataa in Mucaaridka Xisbiyadooda looga baahan yahay, fahamka
farsamo ay ugu babac dhigaan Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo la hubo in ay
baydh-baydh iyo badheedhba ku tashadeen, si ay Bartilmaameedkooda u gaadhaan.
Boorama (Haatuf):
Xaflad Xil-wareejin ah oo lagu soo dhawaynayay, looguna ducaynayay Maamulka
Caafimaadka Gobolka Awdal, ayaa lagu qabtay Xarunta Cusbitaalka Guud ee
Boorama.
Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen, Wasiir
Ku-xigeenka Caafimadka Somaliland Maxamuud Jaamac, Guddoomiye K/xigeenka
Hayadda Shaqaalaha Dawladda, Xubno ka socday Salaadiinta Gobolka Awdal,
Madaxda ururka Siyaasiga ee ASAD, Golaha Guurtida, Culimaaudiin, Agaasinta
Tababarka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dhakhaatiirta Cusbitaalka Boorama,
Shaqaalaha, Marti-sharaf iyo Maamulka Gobolka Awdal.
Xafladdan oo ahayd mid aan hore loo arag, waxa
dhammaan Masuuliyiinta dawladda iyo xubnaha ka socday shacbiguba ka soo
sheekeeyeen, sida uu ahaa Cusbitaalka Boorama markii dalka la soo galay
1991-1995-kii iyo heer ka hooseeya kan maanta uu ka marayo xagga adeegga
bulshada reer Boorama iyo sababaha keenay.
Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland, Maxamuud
Jaamac oo isagu ku dadaalay socodsiintan isbedelka Maamulka Caafimaadka oo soo
jiitamayey ilaa bishii hore, ayaa sheegay in aan reer Boorama loo yeedhinayn
siday u maamulayaan Caafimaadkooda, wuxuuna Wasiir Ku-xigeenku u mahad celiyay
cid kasta oo kala qayb-gashay socodsiinta hawshan ku saabsan isbedelka Maamulka
Caafimaadka Gobolka.
Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland,
C/raxmaan Aw Cali Faarax oo isna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa reer Boorama u
caddeeyay in aan qof iyo laba la bed-beddelaa wax macno ah samaynayn, haddii
bulshadu wax la-qaban weydo oo la eedeeyo sida kuwii hore. Suldaan Ibraahim
Jaamac Samatar oo la-hadlayey shaqaalaha iyo Madaxda Caafimaadka, ayaa u
sheegay in ay dhinaca Shacbiga ka samayn doonaan guddi gaar ah oo la-shaqeeya,
lana xisaabtama. Isuduwaha Cusub ee Gobolka Awdal uga Masuulka noqonaya
Caafimaadka, Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi, ayaa kula dardaarmay shaqaalaha
Caafimaadka iyo Shacbigaba in haddii lala hagaajin waayo adeegga Caafimaadka
Gobolka uu faraha kala bixi doono, inta aanay dhicin eedeynta iyo cambaaraynta
ku dhacaysay Masuuliyiintii ka horeysay.
Isla Shalay, waxa xilkii uu ka hayey Waaxda
Xannaanooyinka iyo Daryeelka Hooyada (PHC), laga qaaday C/rashiid Axmed
Guuleed, loona magacaabay Siciid Bille Buraale. Xubnaha kale ee Maamulka cusub
ee Caafimaadka Gobolka, ayaa marka laga reebo Isuduwaha, waxa loo kala
magacaabay Waaxyaha Maamulka Cusbitaalka, Maamulka iyo Xisaabaadka. Waxaan
iyagu xafladahan xil-wareejinta ah ka soo daahirin, Maamulka Magaalada Boorama
oo dhan.
Maraykanka oo Sheegay In aanay Caddayn Sugan U Hayn In Barakaat Ay
Xidhiidh La-lahayd Usama binu Laadin
Washington (W.
Wararka): Masuuliyiin ka tirsan Maraykanka, ayaa markii ugu
horeysay caddaysay in aanay ilaa iyo hadda wax caddayn ah u haynin in ay
Shirkadda Al-Barakaat wax xidhiidh ah la-lahayd ururka Al-Qaacida ee uu
hogaamiyo Usama binu Laadin, balse wixii lagu xayiray hantideeda uu ahaa tuhun
iyo warar Sirdoonka laga helay, tallaabadaana loo qaaday si taxadar ahaan.
Sida uu Wargeyska The Times ee ka soo baxa
Maraykanku uu ka soo xigtay Masuuliyiin ka tirsan Maraykanka, in xayiraadii
lagu soo rogay Maaliyadda ay Shirkadii Al-Barakaat ku lahayd Caalamku uu qayb
ka ahaa, qorshayaashii loogu talo-galay in lagu burburiyo ilaha dhaqaalaha ee
argagixisada oo uu Maraykanku dagaal uu horkacayo uu ku qaaday tan iyo intii ay
dhaceen weeraradii 11-kii September ka dhacay Maraykanka; Waa laga yaabaa in
Al-Barakaat lagu eedeeyo in ay xidhiidh la-lahayd ururo kale oo xag-jira, sida
Al-Itixaad Al-Islaami oo lagu tiriyo ururada Argagixisada ah, balse eedaynta ku
saabsan in ay Al-Barakaat xidhiidh la-lahayd Al-Qaacida, waa mid aad u fog.
Sidaa waxaa yidhi, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Khasnadda ee Maraykanka.
Waa markii ugu horaysay ee ay Masuuliyiin ka tirsan
Maraykanku, xaqiijiyaan in aanay wax caddayn ah loo hayn xidhiidhka la-sheegay
in ay Al-Barakaat la-lahayd Usaama binu Laadin, taas oo markii eedayntu soo
baxday ay aad u beeniyeen Masuuliyiintii Shirkadii Al-Barakaat.
Bishii November ayay ahayd markii ugu horaysay ee
uu Maraykanku, ku dhawaaqay inuu Xayiraad ku soo rogay Maaliyadii, Al-Barakaat
ay ku lahayd Caalamka.
Ururka
HAVAYOCO Oo Xuskii Aasaaskiisa Ku Soo Bandhigay Wax-qabadkiisii 10-sanno
Hargeysa (Haatuf):
Ururka Dhallinyarada HAVAYOCO oo ah, urur Samo-fal Waddaniya oo ka jira magaalada
Hargeysa, ayaa shalay u dabaal-degay Xuska Sannad-guuradii 10aad ee
aasaaskooda, waxayna dhallinyarada HAVAYOCO munaasibaddaa ku soo bandhigeen
waxqabadkoodii 10 sanno, iyadoo ururkaa la-aasaasay sannadkii 1992-kii.
Xaflad kulan ah oo loogu tallo-galay Xuskan, ayaa
lagu qabtay Xafiiska ururkan ee Hargeysa, waxaana munaasibaddaa lagu
marti-qaaday dad badan oo isugu jira Masuuliyiin dawladeed, Duqay, Siyaasiyiin
madaxbannaan iyo marti sharaf kale, iyadoo ay dadkii kulankaa ka soo qayb-galay
ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Cadaaladda Somaliland, Axmed Xasan Caafi,
Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Axmed Cali Xayd, Siyaasiga Maxamed Xaashi
Cilmi, Odayga caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe iyo dad kale oo magac leh.
Xubno ka tirsan Maamulayaasha ururka HAVAYOCO, ayaa
kulankaa ka jeediyay Warbixino ay kaga waramayaan waxqabadka ururkooda, iyaga
oo sheegay in ay muddadii ay jireen ku tallaabsadeen Mashaariic iyo hawlo badan
oo samo-fal, waxaana xubnihii HAVAYOCO ee halkaa ka hadlay ka mid ahaa, Axmed
Maxamed C/raxmaan oo ah Agaasimaha Fullinta ururka, Maxamed Cilmi Aadan oo mar
ahaan jiray Agaasimaha Fullinta ururka, Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsan
Guddiga Hogaaminta iyo Xasan Jaamac Yaasiin oo isna ka mid Hawl-wadeenada
Sar-sare ee ururka.
Dadkii Munaasibadda ka soo qayb-galay, waxa kale oo
ay halkaa ku daawadeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ay ururka HAVAYOCO ku
soo bandhigeen muuqaalada waxqabad ee Mashaariicdii iyo hawlihii samo-fal ee ay
qabteen muddadii ay jireen.
Kadib markii uu kulankaasi dhammaaday, waxay
hawl-wadeenada HAVAYOCO dadkii ay marti-qaadeen soo tuseen, qaar ka mid ah
goobaha ay hadda Mashaariicda ka wadaan, waxaana meelahaa ka mid ahaa Xarunta
Barashada Farsamada (VTC) oo ay hadda wax ka bartaan in ku dhow ilaa 220-arday,
oo halkaa ka barta Xirfado kala du-duwan, sida; Nijaaradda, Dawaarka, Samaynta
Birta, Laydhka, iwm.
Sidoo kale, waxay dadkii munaasibadda ka soo
qayb-galay soo booqdeen Warshad samaysan Saabuun adag ee dharka oo ka mid ah
Mashaariicda ay HAVAYOCO wado, waxayna Warshadaasi ku taallaa dhinaca Xaafadaha
Waqooyi ee magaalada Hargeysa.
Hargeysa (Haatuf):
Salaasadii Toddobaadkan oo ku beegnayd 16-kii April, waxa markii u horeysay soo
if-baxday dood cusub oo ka dhallatay Mawduuc ku saabsan arrimaha Doorashada
Madaxtinimada Somaliland ee la-naawilayo, taas oo ay Xukuumadda iyo ururada
Mucaaridka ah ee is-diiwaan-geliyay ku kala aragti duwanaadeen Mawduuc ku
saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.
Qodobkan oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka, waxa
uu dhigayaa in diiwaan-geliyo tirada Cod-bixiyayaasha inta aan la gaadhin
aminta doorashada.
Hase yeeshee, waxaa hadda muuqday khilaaf ku
saabsan ku dhaqanka qodobkaa ee mustaqbalka dhow, kadib markii ay Wakiilo ka
kala socda Lix urur-siyaasadeed oo kala ah; HORMOOD, BIRSOL, SAHAN, ILAYS,
UCID, UMAD iyo Guddi ka socda Golaha Xukuumadda oo uu horkacayo Madaxweyne
Ku-xigeenka Daahir Riyaale, kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda, halkaas oo
ay ku gorfeeyeen Ajande ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.
Hogaamiyayaasha ururada, ayaa kulankaa kadib buuq
iyo sawaxan bilaabay, taas oo ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay damacsan tahay
in qodobka diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha meesha laga saaro, iyagoo ururaduna
dareen diidmo ah taa ka muujiyay.
Ururka HORMOOD, ayaa isla galabnimadii Salaasada
xafiiskiisa Hargeysa ku qabtay Shir-jaraaid oo uu jawaab kaga bixinayo
kulankii Madaxtooyadda. Afhayeen u hadlay ururka HORMOOD, Axmed Muxumed Madar,
ayaa sheegay in kulankii Madaxtooyadda ay Xukuumaddu soo jeedisay Hindise
nuxurkiisu yahay in laga maarmo qodobka diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, taas
oo uu Afhayeenka HORMOOD si kulul u cambaareeyay, isla markaana sheegay in
aanay ururada Siyaasaddu taa ismacayn, isaga oo tilmaamay in aanay
diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha laaanteed wax doorasho ahi qabsoomi karin.
Ururka UCID, ayaa isna qoraal dhowr bog ah oo uu
tilmaamo kaga bixinayo Mowqifkiisa ku waajahan hannaanka doorashada soo saaray
17-kii bishan oo ahayd Arbacadii dorraad, wuxuuna ururka UCID hoosta ka
xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la-diiwaan-geliyo Cod-bixiyayaasha
doonaya in ay footeeyaan Asxaabta tartamaysa, isla markaana wuxuu ururka UCID
qoraalkiisaa ku calaamadiyay tallooyin badan oo la-xidhiidha qadiyadda doorashada.
Inkastoo ururada qaarkood Xukuumadda ku eedeeyeen
in ay doonayso in meesha laga saaro, Mowduuca diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha,
haddana Xukuumaddu dhinaceeda taa ma qiran ee way beenisay, laakiin waxay
qiratay in ay meesha timid dood ku saabsan Mowduucan, taas oo u dha-dhamaysa in
mowduucan miiska la soo dhigay sababtu waxa ay doonto ha ahaatee.
Ma jirto cid diiday Diiwaan-gelinta, waxaase
fikrado la iska weydiiyay qaabka loo dhigayo hawshaa. Sidaa waxa yidhi,
Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka
jawaabaya eedaynta mowduucaa la xidhiidha ee ka soo yeedhay ururada Mucaaridka
qaarkood, laakiin Inkasta oo uu C/laahi Darawal, Xukuumadda uu ka tirsan yahay
ka duway eedda looga soo jeediyay Mowduuca diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha,
haddana waxa jira warar madaxbannaan oo tibaaxaya in aragtida dawladdu tahay in
laga kaaftoomo Mowduucan, sabab dhaqaale iyo arrin kale midka ay doonto ha uga
wahsatee.
Guddiga doorashooyinka oo iyagu ah kuwa loo igmaday
in ay Maamulaan hawlaha doorashooyinka, ayaanu la kulanay kadib markii ay soo
if-baxday doodda khilaafka ka dha-dhamayo ee ku saabsan diiwaan-gelinta
Cod-bixiyayaasha, taas oo aanu guddiga weydiinay sida ay arrintaasi ula muuqato
iyo waxa uu mowqifkooda Mowduucaa ku waajahani yahay, laakiin Gudoomiyaha
Guddiga Doorashada, Mudane C/laahi Cabdi X. Cumar (C/laahi-jawaan) oo suaashaa
aanu weydiinay wuu ka joogsaday inuu soo qadimo Mowqifka guddigiisa ee mowduuca
dooddu ka taagan tahay, wuxuuse ku tiraabay; Hadda waxaanu ku dhex-jirnaa
tallo urursi ku saabsan hawlaha doorashada, markaa ilaa inta aanu
dhammaysanayno tallo-urursigayaga arrintaa (Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha),
wax jawaab ah ka bixin mayno.
C/laahi, waxa kale oo uu intaa ku daray, Qodobka
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha wax ka beddelkiisa, waxa sharciyan iska leh
Hayadda Sharci Dejinta (Baarlamaanka), anaguna waxaanu leenahay fullintiisa.
Wakiilo ka socda ururka Haweenka NEGAAD oo ah,
Dallaayad ay ku bahoobeen dhawr iyo soddon urur-haween, ayaa iyaguna Arbacadii
dorraad la-kulmay guddiga doorashooyinka, waxayna halkaa isku dhaafsadeen doodo
iyo tallooyin la-xidhiidha hawlaha doorashooyinka. Wakiiladda ururka NEGAAD oo
kulankaa kadib, u waramay Wargeyska Codka Haweenka, ayaa sheegay in ay guddiga
doorashooyinka u gudbiyeen tallooyin door ah oo ku saabsan arrimaha doorashada,
isla markaana waxay Wakiiladda ururka NEGAAD farta ku fiiqeen in Mowqifkoodu
yahay in la sameeyo diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, haddii kale aanay meesha
iman karin doorasho xalaal ahi.
Inkasta oo doodda Mowduucani miiska timi, isla
markaana uu muuqdo dareen khilaaf ka dha-dhamayaa, haddana weli arrintu maaha
kama-dambays, isla markaana weli ma cadda in aragtida dawladdu tahay in laga
maarmo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, laakiin haddiiba ay dhacdo in ay
Dawladda iyo Xisbigeeda UDUB, tab iyo badheedh waxay doonaanba ha isticmaaleene
meesha ka saaraan qodobka hawsha badan, isla markaana muhimka ah ee
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waxa muuqata in ay taasi keeni karto khilaaf
cusub oo ka dhex oogma dhinacyadii aaminsanaa in doorashooyin la-qabto, iyadoo
awalba hore u jiray khilaaf dhumuc weyn oo u dhexeeya laba xulfi oo kala ah;
ururo Siyaasadeed oo mucaarid ah iyo dad badan oo aaminsan in aanay wax
doorasho ahi soo naasa-caddayn mustaqbalka dhow, halka ay dhinaca kalena
xulfiga dawladda iyo xisbigeeda UDUB leeyihiin, doorashadu mar walba way
dhacaysaa, balse waxa aynu ka war sugaynaa waxa ay ku dambayso dooddan cusub ee
ka dhallatay Mowduuca Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.
Cigaal oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Laga
Doortay Ee East
Hargeysa (Haatuf):
Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa dhambaal Hambalyo ah u
diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka East Timor.
Siduu sheegay war ay baahisay Idaacadda dawladda ee
Raadyow Hargeysa shalay, Madaxweyne Cigaal wuxuu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha
cusub ee East Timor xilkaa loo doortay, iyadoo Madaxweynaha la doortay yahay
kii koowaad ee laga doorto dalkaas oo si toos ah uga bixi doona gacanta dalka
Indonesia bisha May ee sannadka, wakhtigaas oo uu talada dalka la wareegi doono
Madaxweynahan cusub ee hadda la doortay.
East Timor oo hore uga mid ahayd dalka Indonesia,
waxa sannadkii hore dadweynaha dalka laga qaadayay Afti ay ku kala dooranayeen,
Madaxbannaani gaar ah iyo in ay ka sii mid ahaadaan dalka Indonesia. Natiijadii
aftidaas oo ay Qaramada Midoobay maamulayeenna, waxay noqotay in dadka reer
East Timor ay doorteen madaxbannaani iyo qaran gaar ah oo ay yeeshaan.
Masuul Cusub Oo Loo Magacaabay
Maamulka G. Awdal iyo Deg. Boorama
|
Harg
(Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay xilkii
ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Awdal Axmed Maxamed Maxamuud (Af-weyne), iyo
Maayorkii magaalada Boorama Maxameed Daheeye Ismaaciil, isla markaana u
magacaabay masuul cusub oo wada qabanaya xilka maayornimo iyo ka
Guddoomiyenimo ee gobolka Awdal. Sidaana waxa caddeeyay af-hayeenka
madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale oo war-saxaafadeed arrintaa ku saabsan soo
saaray.
Af-hayeenka
madaxtooyadu wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in madaxweyne Cigaal uu u
magacaabay Maxamed Muuse Bahdoon inuu noqdo Maayorka magaalada Boorama iyo
Badhasaabka gobolka Awdal-ba. War-saxaafadeedkaasi wuxuu intaa ku daray in
xilkii laga qaaday Maayorkii hore ee Boorama Maxamed Daheeye Ismaaciil iyo
Badhasaabkii hore Axmed Maxamed Maxamuud. Hase yeeshee lama sheegin sababta
masuuliyiinta xilka looga qaaday.
.
Diyaarad Jiidhay Dhisme Fooq Ah
Oo Ku Yaalla Millan, Italy
|
Milan
(W.Wararka) Booliska Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inay diyaarad yar oo
dalxiis ahi ay jiidhay fooqa ugu dheer magaalada Milan dabaqiisa 25aad, halkaas
oo ay 2 qof ku dhinteen ugu yaraan ilaa 20 qofna ay ku dhaawacmeen inta ilaa
hadda la ogyahay.
Warku
wuxuu intaa ku daray in duuliyaha diyaaraddu uu ku wargeliyay intaan shilku
dhicin shaqaalaha diyaaradaha haga ee Talyaaniga in diyaaraddaas ay gashay
cillad farsamo oo ay hoggaamintu ka luntay.
Diyaaradda
oo ka soo kicintintay waddanka Switzerland, waxaana la socday ninkii duuliyaha
ahaa oo qudha.
Wasiirka
Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa beeniyay in shilkaas uu wax shirqool ahi ku
jiray.
.
Boqorkii Hore Ee Afgaanistaan Oo
29 Sanno Kadib Ku Laabtay Dalkiisa
|
Kabul
(W.wararka) Boqorkii hore ee Afqanistaan Dahir Shah, ayaa maalintii shalay
markii ugu horraysay muddo 29 sannadood ah cagaha saaray ciidda dhulkiisa,
isaga oo ka soo laabtay mustaafuris uu muddadaa ku joogay caasimadda Talyaaniga
ee Roma.
Boqorka
oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalkiisa, waxaa soo noqoshadiisa lagu tilmaamay
mid taariikhi ah, waxaana la sheegay inuu ahaan doono shaqsi caadi ah, balse
waxaa la tuhunsan yahay inu door siyaasiya yeelan doono. Waxaana lagu wadaa
inuu guddoomin doono shirweynaha qaran ee dhawaan ka dhici doona Afqaanistaan.
Boqor
Shah oo muddadii uu dalkiisa ka maqnaa ay ku dhaceen dagaalo faro badani oo
burbur ku keenay, waxa ay dadweynaha reer Afqaanistaan rajaynayeen inuu u
horseedi doono nabad iyo barwaaqo.
.
Askarta Maraykanka Waxaanu Ku
Dilay Dibadda,
Maantana Waxaanu Tusaynaa In
aanu Ku Dili Karno Dalkooda
Dar-daarankii
mid ka mid ah dadka loo haysto Qaraxyadii 11 September
|
Doha
(Al-Jazeera) TV-ga Al-Jazeera ayaa xalay baahiyay cajalad video ah oo uu ku
duuban yahay hadal dardaaran ah oo uu iska duubay mid ka mid ah 19kii nin ee uu
Maraykanku ku eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay 11 September
2001 magaalooyiinka New York iyo Washington, ninkaas oo lagu magacaabo Axmed
Al-Xinzaawi Al-Qaamidi.
Cajaladaa
maqalka iyo muuqaalka ah ee uu sii daayay TV-ga Jazeera xalay waxa la duubay
saddex bilood ka hor intii aanay dhicin qaraxyadii 11 September.
Mr.
Axmed Al-qaamidi dar-daaranka uu iska duubay waxa uu kaga hadlay arrimo door ah
oo la xidhiidha mustlimiinta caalamka iyo duruufaha haysta. Wuxuu ku sheegay
hadalkiisaa dar-daaranka ahaa inay ku hawlan yihiin, sidii ay u soo celin
lahaayeen sharaftii iyo maamuuskii ay lahaan jireen jireen ayuu yidhi
muslimiintu.
Waxa
kale oo uu sheegay in falalka is-biimaynta ahi ay yihiin qaar loo baahayn yahay
waqtigan, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar argagixiso ahayn.
Askarta Maraykanka, waxaanu ku dilnay oo ku laynay Maraykanka dibeddiisa,
maantana waxaanu tusaynaa inaanu ku dilo karno dalkooda gudihiisa, sidaa waxa
hadalkiisaa dardaaranka ahaa ku yidhi Axmed Al-qaamidi, waqtigaas oo ahaa laba
bilood kahor intii aanay dhicin qaraxyadu. Al-qamidi waxa uu hadalkiisa u
cuskanayay aayado quraan ah iyo gabayo Af-carbeed lagu tiriyay, iyo weliba
khudbado ka mid ah kuwa culimada ugu waaweyn dunida Islaamka.
Cajaladaa
waxa kale oo ku jiray khudbado ay leeyihiin Usama bin Laden iyo Dr. Ayman
Al-dawaahiri.
Cajaladu
markay dhammaatay waxa shaashada janalka Jazeera faalooyin arrintaa la
xidhiidha kaga dhiibtay afar nin oo kala ah; ku xigeenka tifaftiraha wargeyska Arab-Times,
Nin cilmi-baadhe ah, Garyaqaan Masri ah iyo Garyaqaan Maraykan ah, isla
markaana ah cilmi-baadhe arrimaha nabadda ah iyo weliba af-hayeenka Arrimaha
Dibedda ee Maraykanka.
Mar
la weydiiyay af-hayeenka in cajaladani ku habboonayd in la sii daayo waqtigan
iyo inkale wuxuu ku jawaabay inaanay habboonayn waqtigan lagu jiro in la sii
daayo, haddii la sii daynayona waxay ahayd ayuu yidhi in laga jaro ereyada
dhiirigelinaya ladagaalanka Maraykanka.
Dr.
Maxamed Al-Cawedi, ayaa isna ka bixiyay jawaabtan isaga oo soo qaadanaya hadalo
ay hore u yidhaahdeen aqoonyahano Maraykan ahi waxaanu yidhi; Danta Maraykanku
kuma jirto inuu soo qab-qabto dadkii ka dambeeyay qaraxyadii 11 Sptember,
laakiinse waxay dani ugu jirtaa isaga oo baadha inuu helo dadka neceb
Maraykanka iyo sababaha ku kellifay inay naftooda biimeeyaan.
Odhaahda
Akhristaha
Madaxweyne Mustaqbalkayaga Ka
Tali Oo Iska Naso
|
Annagoo
ah dhallinyarada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, una dhashay gobolka
Togdheer, waxaanu nahay dadii ku dhalatay colaadii SNM, isla markaana ku
garaadsatay xilligii colaadihii sokeeye ee kala dambeeyay, 1992, 93, 94.
markaas waxaanu filaynay wixii xilliyadaa ka dambeeyay inaanu noqonayno dad ay
xukuumaddooda iyo golayaashooda qaranku ugu hawlan yihiin sidii ay tacliin iyo
shaqo uga haqab tiri lahaayeen. Hase yeeshee, waxa muuqata halkaanu taa ka
filaynay in naloo qorsheeyay inaanu ka daba tagno kuwii xabaalaha galay.
Waxaanu
u aragnaa kordhintii Guurtidu inaanay ahayn dan ummadeed ee ay tahay colaad
hurin, waxaana noo caddaatay inay guurtida Somaliland u badan tahay raggii
oogay colaadahaa hore. Markaa annaga oo ka xun inaanu madaxweyne Maxamed I.
Cigaal ugu dedaalin waxbarashadayada sidii isaga gumaystihii ugu dedaalay oo
kale, Guurtiduna aanay u muuqan sidii gumaystuhu dagaalka ugu ilaalin jiray oo
kale, sidaa daraadeed waxaaanu si buuxda u taageersnahay shirkii qaran ee ay
salaadiintu ku baaqeen.
Madaxweynaha
Somaliland waxaanu leenahay maanta adoon cidna la ficiltamayn mustaqbalkayaga
ka tali oo iska naso. Dhallinyarada reer Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa
inay u tafo-xaytaan sidii ay u sugi lahaayeen aayahooda una gaadhi lahaayeen.
Saleebaan
Cabdi Xasan,
C/salaan
Sh. Cali Warsame,
Siciid
Dubad Aadan,
Cali
Xaamud Ducaale,
Iyo
Cabdi-khadar Maxamuud Yuusuf.
Doorasho iyo Shirweyne-Qaran
Iyamay Noqon?
Tan iyo markay burburtay dawladdii keligii taliyihii Siyaad
Barre, waxa mesha ka baxday magacii iyo karaamadii Soomaalidu ku lahayd beesha
caalamka. Sidoo kale, waxa hoos-u-dhac ku yimi dhammaan qoomiyadaha ku abtirsan
jiray Soomaalida ee ku kala nool meel kasta oo adduunka ah iyo dalalka aynu
jaarka nahay sida Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, kadib burburkii dawladdii hore
ee Soomaaliya waxay mar labaad fursad u noqotay dadkii ku dhaqnaa gobollada
waqooyi ee xasuuqa loo geysan jiray inay mar labaad la soo noqdaan xornimadii
ka luntay lixdankii ee madaxdoodu jarka ka tureen, sidoo kale waxay qabsadeen
shirkii ugu horreeyay ee ka dhacay 1991 gobolka Togdheer caasimaddiisa Burco,
shirkaas Burco waxa isugu yimi dhammaan beelaha ku abtirsada Somaliland oo uu
hoggaaminayay ururkii dalka xoreeyay ee SNM. Madashaasi waxay kulmisay dhammaan
noocyada kala duwan ee bulshada Somaliland sida culimaaudiinka, wax-garadka,
aqoonyahanka, haweenka iyo salaadiinta beelaha.
Ugu horrayn waxa madashaa
lagu guddoonsaday in gooni-isu-taaga Somaliland uu muqaddas yahay, marka
labaadna in la turxaan bixiyo beelihii khilaafka sokeeye ka dhexeeyay. In la
isu celiyo hantida ma guurtada ah ee la kala haysto iyo in muddo laba sanno ah
xukunka waddanka ay sii hayaan ururka SNM. Isla markana la qaban-qaabiyo
doorashooyin xor ah iyo dawlad rayid ah, balse may suurtoobin.
Waxa jaah-wareeriyay
khiyaamadii C/raxmaan-tuur iyo khilafkii SNM u dhaxeeyay, waxaanu sababay in
shirweyne labaad la isugu yimaado madashii Boorama 1993, muddadii labada sano
ahaydna halka ku dhammaatay. Waxa kale oo iyana xusid mudan in qayb ka tirsan
ururkii SNM ay gacan-saar la yeesheen madaxweyne Cigaal, sababna u ahaayeen
madaxtinimadiisa, odayaashii madasha Boorama fadhiyay oo dhammaa 150 xubnood ay
ugu hiiliyeen madaxweyne C igaal xataa u
garba duubeen musharixiintii si aanay cid kale ugu soo bixin tartanka
doorashada.
Kadib doorashadiisii
wuxuu madaxweyne Cigaal ballan qaaday dhawr arrimood, midna lagama hayo, isla
shan sano dabadeed waxa haddana la isugu yimi madashii Hargeysa 1997, iyana may
dhicimn inuu ku guulaysto madaxweyne Cigaal inuu maamulkiisa dalka ku baahiyo.
Sidoo kale 31 May 2001, waxa la qabtay aftidii dadweynaha ee dastuurka loo
qaaday oo ku habboonayd saddex sano kahor in la qabto sida dastuurku dhigayo,
waxa dhawr jeer wax laga beddelay dastuurka oo markii hore ahaa 156 qodob.
Kadib markii isku shaandhayn lagu sameeyay waxa laga dhigay 99 qodob. Sidoo
kale mar golayaashu kaabid iyo wax ka beddel ku sameeyeen waxa la isugu min
guuriyay 130 qodob.
Isku soo duub oo waxa
dhawaan is diiwaangeliyay toddoba urur oo ku tartamaya doorashada dalka, sidoo
kalena waxay xukuumaddu u astaysay inay doorashooyinku bilaabmaan 20 December
2001, waxayna guurtidu muddo-kordhin hal sano ah u samaysay xukuumadda, kadib
markii shantii sano dhammaadeen, sababaha ugu muhiimsan ee ay u adeegsadeena
tahay nabadgelyo darro dalka ka jirta oo ay u isticmaaleen qodobka 83aad ee
dastuurka qaranka. Haddaba waxaan ku talin lahaa in Guurtida maxkamad lala
beegsado, maadaama ay sameeyeen ku xad-gudub distoor qaran iyo khiyaamo
dadweyne.
Waxa iyana xusid mudan 17
suldaan oo ka tirsan salaadiinta beelaha oo iyana ku baaqay shirweyne qaran iyo
qayb ka tirsan siyaasiyiinta mayalka adag oo uu hoggaaminayo siyaasiga weyn ee
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal). Kadib markay xukuumaddu ku
guul-daraysatay in ay qabato doorashooyin xor ah iyo nidaam ku salaysan
caddaalad ayay ku baaqeen fikraddaa shir-qarameed, oo aad moodaa maalmahan
dambe inay sii xoogaysanayso taageerada shirkaasi oo laga maamulo Burco.
Haddaba waxaynu eegi halkay ku dambayso iyo maalmaha fooda innagu soo haya.
(Mawliid
Ilko-case).
..
Ma Miskiinbaa Misko La Fuulo
leh?
Anigoo
ku dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna muwaadin, waxaan ka tirsanaa ciidanka
Booliska Somaliland, maalin qudha kamaan habsaamin shaqadii aan u hayay
ciidanka Booliska, waxaa dhacday in uu shaqadii uu iga eryay taliyaha ciidanka
Booliska ee Somaliland oo uu weliba I af-lagaadeeyay oo igu yidhi halkani
(Boorama) ma aha ee orodoo Boorama tag.
Waxaan
cabasho u gudbiyay wasiirka Arrimaha Gudah oo ii qoray warqadda sumaddeedu ahayd
WAG/XW/1174/32/2001, laakiin taliyuhu wuu diiday, markaa waxaan leeyahay
taliyuhu wuxuu leeyahay Miskiinbaa miska la fuulo leh. Waxaan ahay agoon
haysata carruur, cabashadaydan waxaan u soo bandhigay shacbiga reer Somaliland,
xukuumadda iyo inta jecel ilaalinta xuquuqda aadamaha.
Xuquuqdayduu
duudsiyay waxaa ii dheer isaga oo hatigaad iyo hadal xun iigu jawaabayay intii
aan u soc-socday sidii aan shaqadayda iyo xuquuqdayda u heli lahaa.
Xaawa
Miyir Bulaale.
..
WAADIGA
CIYAARAHA
koobka Adduunka Iyo Kulamadii
Dhexmaray Kooxaha Waaweyn
|
In
ka badan 32ka waddan ee ka qaybgalaya koobka adduunka 2002 oo ka dhacaya
Kuuriya iyo Japan, ayaa yeeshay ciyaaro saaxiibtinimo oo ay mid waliba
awoodeeda ku tijaabinayso. Kooxaha ciyaarahii ay yeesheen badiyayna waxaa ka
mid ah Argentine oo 1-0 kaga adkaatay Germany oo marti u ahayd, sidoo kale
dalka Isbaanishka ayaa 5-0 ku jiidhay waddanka Nothern Ireland oo ay ku kulmeen
ciyaar ka dhacday magaalada Belfast ee waddanka N. Ireland.
Weeraryahanka
Raul Gonzales ayaa dhaliyay laba ka mid ah goolashaa, goolasha kalena waxaa u
kala dhaliyay Ruban Baraja, Carles Puyol iyo Fernando Morientes.
Sidoo
kale xulka Nayjeeriya aya 2-1 kaga adkaaday Scotland oo ay ku wada ciyaareen
Aberdeen. Weeraryahanka Julius Aghahowa ayaa u dhaliyay labada gool ee
Nayjeeriya , goolka Scotland waxaa u saxeexay Christian Dailly.
Xulka
Ingiriiska oo uu ka maqnaa kabtan David Beckham oo ah ciyaartoy aad uga
dambeeyaan xulka Ingiriisku.
Ciyaartii
habeen hore dhexmartay England iyo Paraguay waxa aad u cad-caddaa ciyaartoyga
Liverpool oo gurigooda lagu ciyaarayay. Ugu horraynba Michael Owen ayaa
waddankiisa u bilaabay gooldhalinta, kadib markii uu daqiiqaddii afraad ee
ciyaarta ku salaamay gool deg-deg ah.
Ciyaartoyga
Danny Murphy iyo Darius Vassel ayaa kala dhaliyay laba gool oo xidhiidh ah,
halka goolka afraadna uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyay Celso Ayala.
Dhinaca
kalena, xulka Arjantina ayaa 1-0 ku samirsiiyay kooxda Jarmalka oo ay wada
yeesheen ciyaar aad u adag ciyaaryahanka Juan Pablo Sorin.
Ciyaarihii
kalena waxay u dhaceen sidan;
Italy 1, Uruguay 1
Difaaca
Talyaaniga ee Christian Panucci ayaa dhaliyay goolka, halka goolka Uruguay uu
dhaliyay Sebastian Abreu.
France 0, Russia 0
Ciyaaryahanka
Zinedine Zidane, ayaa horumar ciyaareed oo uu soo bandhigay waxba ka beddeli
waayeen ragga weerarka hore uga ciyaara, kadib markii ay u jilib dhigeen
difaaca Russia.
Portugal 1, Brazil 1
Xulka
Brazil oo badiyay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ayaa kulankii habeen hore barbaro
lagalay xulka Portoqiiska oo gurigeeda ku ciyaaraysay, ciyaartoyga Inter Milan
Sergio Conseicao, ayaa dhaliyay goolka Portiqiiska, halka goolka Brazil uu
dhaliyay Ronaldinho.
Belgjium
1, Slovakia 1, labada dal waxay ku kala baxen barbaro.
Japan
1, Costa Rica 1, Poland 1, Romania 2, Croatia 2, Bosnia 0, Denmark 3, Israel 1.
Norway
0, Sweden0
Slovania
1, Tunisia 0
Austria
0, Cameroon 0
Turkey
2, Chile 0
South
Africa 0, Ecuador 0
Mexico
1, Bulgaria 0
Ireland
2, United States 1.
Tartanka Taariikhda Koobka
Adduunka
Q:3aad
|
Intii
hore ula socotay waxaanu wax ka taataabanay taariikhda koobka adduunka iyo
labadii tartan ee ugu horreeyay.
Qormadan
maanta oo ah tii saddexaad ee ku soo baxda bogga ciyaaraha ee wargeyska Haatuf,
waxaanu qaddar kaga tilmaami doonaa laba tartan oo kala ah kii saddexaad iyo
kii afraad ee dunidu ku beretanto.
Tartankii
saddexaad oo la qabtay sannadkii 1938, waxaa martigeliyay dalka Faransiiska,
wuxuu ahaa koobkii dunida ugu halista badnaa waayo waxaa dunida ka dhex
fooryaysay dabayshii dagaalkii labaad ee dunida. Dalka Austeria ayaa dib ula
noqday kooxdiisii kadib markii ciidamadii Jarmalka ee Nasiga ahaa dagaal ku
hanjabeen, halka ay waddamada Argentina iyo Uruguay ayaa xataa diiday inay ka
soo qaybgalaan.
Sannadkasi
wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee wax lagaga beddelay qaabka ay kooxuhu ugu soo
gudbaan ciyaaraha adduunka, taas oo keentay in ay si toos ah ciyaaraha ugu soo
gudbaan iyaga oo aan is-reebreeb soo gelin, sidaa darteed Talyaaniga oo koobkii
hore haystay iyo Faransiiska oo martigeliyay ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee
fuliya dhaqangelinta sharcigaa cusub.
Waddamadii
kale ee tartanka ka qaybqaatay waxaa ka mid ahaa Beljium, Czechoslavakia,
Germany, Hungary, Holland, Norway, Poland, Romania iyo Swizerland, waxaa ku
weheliyay Brazil, Cuba iyo koox ka socotay Jasiirada ku taal Bariga Hindiya ee
(Dutch East India), saddexdaa waddan oo keliya ayaan ahayn Yurub.
Kulankii
kama dambaysta ahaa waxa ku loolamaya Talyaaniga oo horyaalka difaacanaya iyo Hungury .
Qaybtii
hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatay 3-1 ay Talyaanigu dhaliyeen ,taas oo
keentay inay si hawlyaraan ah u qaadaan koobkii oo ay haysteen muddo 12
sannadood ah , sababta uu Talyaanigu mudada intaa leeg u haystay
horyaalka waxay ahayd qaraxii
dagaalweynihii labaad ee dunida oo muddo ka dib bilaabmay , taas oo keentay in
aan cidiba xusuusan ciyaaraha .
Tartankaa
waxa gool-dhalinta qaatay weeraryahan reer Brazil ah oo la odhanjiray Leonidas
oo keenay 8 gool .
Talyaanigu
waxay la kulmeen farxad aad u weyn , maxaa yeelay waxay markii labaad qaadeen
koobkii dunida.
Si
kastaba ha ahaatee kulankii ugu dambeeyay wuxuu ku dhammaaday 4-2 ay ku
adkaatay kooxdii Talyaanigu.
Ciyaartoygii
Talyaaniga u saftay waxa kala ahaayeen Oliveiri, Foni, Rava, Serantoni,
Andreola, Lo Caltelli, Biavati, Meazza (Captain-ka), Piola 2, Ferrari, Colaussi
2.
Kooxda
Hungary, waxaa u safnaa Szabo, Polgar, Biro, Szalay, Szucs, Lazar, Sas, Vincze,
Sarosi (kabtanka), 1, Szengeller, Titkos1.
Brazil 1950
Tartankii
afraad oo ay Brazil martigelisay sannadkii 1950, waxaa lagu tilmaamaa inuu
yahay kii ugu adkaa ee dunidas soo maray waayo waa koobka keliya ee ku
dhammaaday ciyaaro aan kama dambays (final) lahayn! Halka ay kuwa kale kulanka
ugu dambeeya ay ku kala bixi jireen laba naadi ee isugu soo hadha ciyaarta kala
reebta ah.
Iyada
oo saamayn yar ku lahayd dagaalkii dunida darteed ayaa Brazil, loogu doortay
martigelinta koobaa. Xilligaa waxay dhistay garoonka caanka ah ee Maracana oo
ay munaasibadda ugu talogashay.
Kooxaha
Yurub qaarkood waxay qabeen dhibaatooyin kala duwan, Talyaanigu waxay ku
hallaagmeen markii dayuuradda kula burburtay magaalada Torino sannadkii 1949,
taas oo ay ku dhinteen siddeed ka mid ah kooxda. Sidoo kale tartanka Ingiriiska
(Biritish Championship), ayaa loo cayimay inay tartamada dunida ay soo gudbi
karaan keliya England iyo Scotland. Laakiin Scotland, ayaa la goaamiyay
inaanay ka qaybgelin, maadaama aanay ku guulaysan kulankii caalamiga ahaa ee
gurigeeda ka dhacay.
Portugal
ayaa iyana diiday inay kaalinteedii buuxiso, halka ay Turkiga iyo Hindiyana dib
ula noqdeen kooxahoodii. Faransiiska ayaa ku dedaalay inuu isu taago kaalintaa,
laakiin isagana labadii goorba dibedda ayaa la dhigay. Waxaana halkaa u
hayaamay 13 kooxood oo ah dalka koobka haysta iyo martigeliyaha, iyo 11 dal oo
kale, kuwaas oo kala ah; Bolivia, Chile, England, Mexico, Paraguay, Spain,
Sweden, Switzerland, USA, Uruguay iyo Yogoslavia. Waddamadani wxay dhammaan ku
wareegayeen la ciyaaridda Brazil, halka ay Brazil oo martigelinaysa tartanka ay
shan ka mid ah ciyaaraheedii ku yeelatay Rio De Janeiro.
Tiro
gaadhaysa 1991854 taageere ayaa ka qaybgalay kulankii ay ku silcisay Uruguay oo
ka dhacay garoonka Maracana Stadium.
Guushaas
waxba umay dhimin heesaha martigeliyeyaasha oo kooxdooda looga guulaystay si
aan weligeed hore loo maqlin.
Halyayga
ciyaaraha waxaa sannadkaa noqday Larry Gaetjens, oo Maraykanka u ciyaarayay una
dhashay dalka Haite, wuxuu dhaliyay goolkii ay kaga badiyeen England.
Sidoo
kale sannadkii 1950, waxaa ciyaar-wanaaga qaatay Rajko Mitic oo u dhashay
Yugoslavia, Rajka ayaa dhaawac ka gaadhay madaxa dartii uga maqnaaday kulankii
Brazi iyo Yugoslavia.
Isla
sannadkaa waxaa tirada gooldhalinta qaatay weeraryahanka reer Brazil ee Ademir
oo sagaal gool dhaliyay. Kulankii ugu dambeeyay koobkaa waxaa ku guulaysatay kooxdii
xulka Uruguay oo isna noqday waddankii labaad ee laba goor ku guulaystay
afartii tartan ee ugu horreeyay.
La socod:
cadadyada dambe taariikhda koobkii 5aad oo sanadkii 1954 lagu qabtay dalka
Switzerland.