SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 67-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Urarada Aan Dawliga Ahayn Ee Somaliland Iyo

Somalia Oo Ku Heshiiyay In Si Wada-jir ah Loo Doonto Lacag Magacii J. Soomaaliya  Ku Qoran Oo Xayiran

In Ku dhow 200-milyan oo Doollar oo Deeq ururtay ah oo Magacii Soomaaliya ku Suntan, ayaa ku Xayiran Brussels

Hargeysa (Haatuf): Ururo kala duwan oo kuwa Madaxa-bannaan (aan dawliga ahayn) ee bulshada ka mid ah oo ka kala socday Somaliland iyo Somalia, ayaa kulan laba maalmood socday oo ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaga wada-hadlay arrimo la-xidhiidha Saamigii lacageed ee ay Soomaaliyadii hore ku lahaan jirtay taageerada Maaliyadeed ee uu Midowga Yurub siiyo dalalka la isku yidhaahdo ACP, ayaa laga soo saaray Baaq loogu googol xaadhayo, sidii Soomaalidu u heli lahayd lacagtaas oo qaybtii ay Soomaaliya ku lahaan jirtay ay isku dul-biiraysay, tan iyo intii uu meesha ka baxay Taliskii Xukuumadii Barre, taas oo ilaa hadda ku xayiran Khasnadda Midowga Yurub.

 

Ururka Midowga Yurub iyo dalalka la-isku yidhaahdo ACP (African-Caribbean and Pacific), waxa ka dhexeeya hannaan Iskaashi oo lagu soo unkay magaalada Lomme ee dalka Togo, kaas oo lagu magacaabi jiray markii hore Lomme Convention, ama Axdigii Lomme, waxa markii dambe loo bedelay magac ahaan Cotonou Agreement, kadib markii June 2000 ay ku kulmeen magaalada Cotonou ee dalka Benin, 77-dal oo ka tirsan dalalka ACP la isku yidhaahdo iyo 15-ka dal ee xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub. Kulankaas, waxa lagu saxeexay heshiish dan-wadaag ah oo dhigaya Iskaashi horimarineed oo dhinaca ganacsiga iyo caawimooyinka ah, kaas oo ka mid ah Axdigaa hore oo loo yaqaanay Lomme. Ujeeddada Axdigan dan-wadaagta ah ee ka dhexeeya dalalka ACP iyo EU-du, waxa weeye mid loogu talo-galay ujeeddo ahaan tirtirada iyo yaraynta Saboolnimada, sida ku cad Qoraalka Axdigaa lagu gaadhay magaalada Cotonou. Sidaa daraadeed, intii uu jiray Heshiiskaa lagu aasaasay magaalada Lomme ee loo yaqaano Lomme Conventions ilaa wakhtigan xaadirka ah, wuxuu ururka Midowga Yurub isagoo ka duullaya axdigaa ku taageeraa dalalka ACP, kaalmo Maaliyadeed. Deeqdaas, wuxuu dalkasta oo ka mid ah dalalka ACP-du ku leeyahay Saami go’an. Dalalka Saamiga ku lahaa deeqdaa, ilaa haddana ku leh waxa ka mid ah; dalkii hore la-isugu odhan jiray Soomaaliya, kaas oo qaybtii uu ku lahaa deeqdaasi ay isku dul-biiraysay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu burburay January 1991, Taliskii dhexe ee Jamhuuriyadii hore loogu yaqaanay Soomaaliya ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

Lacagtaas isku dul-biirtay ee magaca Soomaaliya ku qorani, waxay hadda gaadhaysaa in ku dhow 200- malyuun oo doollar, siday sheegeen warar arrintaa la xidhiidha. Ilaa haddana ma jirto, cid Jamhuuriyaddaa hore ee burburtay ka tirsan oo si gaar ah, wax uga heshay lacagtaasi. Sidaa aawadeed, waxa muuqata xilligan inuu ururka Midowga Yurub, bilaabay dhaqdhaqaaq lacagtaa la xidhiidha, waxaanu toddobaadkii tegay uruka EU-du ku kulmiyey magaalada Hargeysa, xubno ka kala tirsan ururada Samo-falka bulshada ee aan dawliga ahayn ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu gaadhaysay ilaa sideed urur. Kulankaas oo ku qabsoomay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, socdayna April 16 – 17, 2002, waxay xubnihii ka qayb-galay ee ka kala socday ururada samo-falka bulshada ee Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen, heshiish is-faham guud ah oo la xidhiidha sidii wada-jir loogu soo dhicin lahaa, lacagtaa magaca Soomaaliya ku qoran ee taalla Brussels. Waxaanay ka soo saareen heshiis afar qodob ka kooban oo ay ku magacaabeen “Baaqii Hargeysa ee ururada Bulshada.” Nuxurka qodobbada baaqaasina, waa sidan:

1.         In la abuuro Soomaali Madaxbannaan oo aan dawli ahayn oo noqda gole ama koox la talisa Barnaamijka Cotonou Agreement. Waxaanu u soo bandhignay baahida degdegga ah ee lagama maarmaanka ah ee abuurista Saldhig la-tashi oo ballaadhan metelayana, danta dadka Soomaalida ah ee dhinacyada barnaamijkaa, sida fullinta, qiimaynta iyo kormeerka heshiiska Cotonou. Abuurista guddigan Soomaalida ahi, waxay yaglayl u tahay ka-qayb-galka xubnaha aan dawliga ahayn ee hawl-qabadka ah.

2.         Guddiga la-talintu, wuxuu metelayaa dhammaan noocyada Hay’adaha Bulshada, Ganacsiga Madaxabannaan, Hay’adaha Waxbarashada, ururada iyo hay’adaha leh xirfadaha gaarka ah, sida; Saxaafadda, Rugta Ganacsiga, ururada dhaqanka, kuwa diinta iyo Maamulada deegaanka.

3.         Caawimada Maaliyadeed: waxaanu ugu baaqaynaa ururka Midowga Yurub iyo deeq-bixiyayaasha kaleba in ay caawiyaan barnaamijka aasaaska iyo dhismaha Golaha Soomaalida. Waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa Midowga Yurub in ay joogteeyaan la-tashiga guddigan ee dhinaca Siyaasadda iyo Nidaamka loo dhisayo barnaamijka la xidhiidha qayb-wadaagga deeqda ama dan-wadaagta Cotonou.

4.         Guddiga qaban-qaabaddu, wuxuu dhammaystay oo uu ka balamay, samaynta guddi ka kooban Sideed hay’adood oo ka shaqeeya hawsha aasaaska Golaha ama Guddiga Soomaalida ee la-tashiga Axdiga Cotonou”

Baaqaa Qoraalka ah ka sokow, arrimihii kulankaa lagaga wada-hadlay waxaanu ka xog-waraysanay Agaasimaha Akademiyada Nabadda iyo Cilmi-baadhista Somaliland (SCPD), Dr. Bulxan; “Waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya xubin buu ka ahaa Axdigii Lomme Conventions, markaa wixii burburkii ka dambeeyay Xubini uma joogin, sidaa daraadeed lacago badan oo Soomaaliya ku qoran, ayaa xayirnaa muddaba. Markaa Midowga Yurub, waxay la noqotay in xal loo helo lacagtaas, sidaas awgeed waxay is-yidhaahdeen shir u qabta ururada bulshada ee aan dawliga ahayn ee Somaliland iyo Soomaaliyaba, markaa waxay shir ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo aan ku shuqul lahayn arrimo dawladeed.” Sidaa waxa yidhi Dr. Bulxan. Isagoo agaasimuhu, sharaxaad ka sii bixinaya qaabkii wada-hadalku u dhacayna, wuxuu yidhi; “Kulanka waxa ka qayb-galay ururo kala jaad-jaad ah oo ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliyaba. Qollooyinkii shirka soo agaasimay oo ay hormood u ahayd EU-du, waxaanu ku nidhi; bal Horta isu kaaya daaya qollodayada Soomaalida ah, markaa waa la isu kaaya daayay, dabadeedna waanu wada-hadalnay, waxaanu is-tusnay in aanay qollona gaarkeeda lacagtaa u helaynin. Markaa waxaanu ku heshiinay in marka u horeysa gacan keliya lagu raadiyo lacagtaas, si loo soo dhiciyo, iyadoo ay meesheeda yihiin waxyaabaha aynu ku kala duwannahay.”

 

Dr. Bulxan, wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Markaa aakhirkii waxaanu ku heshiinay in la sameeyo guddi ka tirsan ururada samo-falka bulshada ee aan dawliga ahayn ee Somaliand iyo Soomaaliya.”

 

Siduu sheegay Dr. Bulxan, lixdaa xubnood laba ka mid ahi waxay ka imanayaan ururada samo-falka bulshada ee dawliga ahayn ee Somaliland, afarta xubnood ee kalena waxay ka imanayaan ururada bulshada Soomaaliya. Lixdaa xubnood, waxa kale oo weheliya oo guddigaa ka mid noqonaya, siduu sheegay laba xubnood oo kale oo ka socda ururo Kenya iyo Ethiopia ah oo la socda arrimaha Axdiga Cotonou. Guddigaasi, waxay soo qaban-qaabinayaan shirweyne uu xusay in saddex bilood kadib lagu qaban doono Hargeysa, kaas oo la qorsheeyay in ay ka soo qayb-galaan ilaa 20 urur-bulsho oo Somaliland iyo Soomaaliya ka tirsan. “Bisha September ee sannadkan, ayaa ururka EU-du u fadhiisanayaa shir arrinta lacagtaa ku saabsan, markaa waxaanu dalbanay intaa horteed in la qabto shir ururada bulshada ee aan dawliga ahayn ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kulmaan, si wax-qaybsi cadaalad ku dhisan oo arrintaa la-xidhiidha loogu gudbiyo Midowga Yurub,” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

 

Mar aanu wax ka weydiinay sababta xubnaha guddiga si isle’eg loogu qaybsan waayay, wuxuu sheegay in aanay taasi mushkilad weyn ahayn, waxaanu xusay in is-qabsi iyo muran ka dhex jiray ururada dhinaca Soomaaliya, taas ka sokowna ayuu yidhi; “Wer-wer kama qabno in aynu Somaliland ahaan, wax ku wayno.”

 

Dhinaca Somaliland, labada xubnood ee ka gelaya guddigaas waxay ka imanayaan Akedamiyadda Nabadda iyo Cilmi-baadhista Somaliland (SCPD) iyo Cosongo, siduu sheegay Dr. Bulxan.

…………………………………………………………………………………

Gacan-Ku-Dhiigle Dil Lagu Xukumay

Berbera (Haatuf): Maxkamadda Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, ayaa shalay dil toogasho ah ku Xukuntay Cabdi Haybe Cayn-gal oo la sheegay inuu hore u dilay Marxuum lagu magacaabi jiray, Xasan Jaamac Maxamed.

 

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, Maxkamaddu waxay go’aankeeda ku dhawaaqday, kadib markii la cadeeyayay inuu Cabdi Haybe Cayn-gal, si badheedh ah dhagax ugu dilay Marxuum Xasan Jaamac April 4, 2002.

 

Go’aankaa dilka ah ee Maxkamaddu ku xukuntay Gacan ku dhiiglahana, waxaa weriyahayaga u xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.

……………………………………………………………………………..

Wasaaradda Caafimaadka Oo Ku Eedaysay Hay’adda COOPI Waxqabad La’aan

 

Boorama (Haatuf): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Jaamac Warfaa, ayaa ku eedeeyay Hay’adda samafalka Talyaaniga ah ee COOPI ee ka hawl-gasha magaalada Boorama, waxtar la’aan iyo in ay meel dhigatay oo ay ka xayirtay Cusbitaalka Boorama, qalab iyo taakulayn ay ugu soo deeqeen Jaaliyadda reer Boorama ee ku dhaqan dalka Denmark.

Siduu sheegay war uu noo soo diray Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka oo ka hadlayay munaasibad shalay lagu aasaasayay Guddi Madaxbannaan oo ka warhaya hawlaha adeegga ee Gobolka Awdal, wuxuu sheegay in Hay’adda COOPI ay ka xayirtay Cusbitaalka Boorama, deeq ay Jaaliyadda reer Boorama u soo direen, iyadoo buu yidhi Wasiir Ku-xigeenku: “Hay’adda COOPI iska dhigaysa in ay iyadu keentay ama soo ururisayba, taasina ay keentay in shaqaalaha iyo Maamulkii Cusbitaalku iska horyimaadaan.”

 

Dhinaca kale, Isu-duwaha Wasaaradda Dhirta iyo Deegaanka ee Gobolka Awadal Saleebaan Obsiiye, ayaa isna ku eedeeyay Hay’adda COOPI in aanay waxba ka qaban daryeelka deegaanka Gobolka Awdal, isla markaana xusay in ay dhul aan ku haboonayn in Balliyo iyo Berkaddo laga sameeyaa ay qandaraasyo ku bixisay in laga sameeyo, Balliyo, Berkaddo iyo Ceellal, taasina ay keentay xaaluf iyo nabaad-guur dhulkaas oo markii hore dhirtu ku badnayd ku dhaca. Ma jiraan warar Madaxbanaan oo eedaymahaa la-xidhiidha oo soo baxay, hay’adda COOPI-na dhinaceeda wax war ah kamay soo saarin.

 

Xafiiskii Hay’adda German Agro Action ee Baki Oo La-rasaaseeyay

Boorama (Haatuf): Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, ayaa habeenimadii Jimcihii rasaas ku riday Xafiiska Hay’adda Jarmalka ah ee GAA (German Argo Action) ku leedahay degamada Baki ee Gobolka Awdal.

 

Sida ay xaqiijiyeen hawl-wadeeno dhinaca beeraha ah oo ku sugan magaalada Boorama, ma jirto cid wax ku noqotay tacshiiraddaa, hase yeeshee waxay khasaare u gaysatay dhismihii Xafiiska Hay’addu degganayd oo ay rasaastu burburisay daqaaddahii iyo albaabadii guriga oo muraayaddo ka samaysnaa.

Warkan oo uu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray in falka rasaastu ku soo beegmay wakhti habeenimo ah oo ay Xafiiska ka maqnaayeen shaqaalihii ka hawl-geli jiray oo isugu jiray Ajnebi iyo Soomaali intaba. Warku ma sheegin sababta keentay weerarka iyo cidii geysatay midkoodna.

 

Hay’adda GAA oo ah Jarmal, kana shaqaysa dhinaca beeraha, waxay Gobolka Awdal ku sugnayd in muddo ah, waxayna meelo kala duwan oo Gobolka ka tirsan ka waday hawlo Samo-fal beeraha ah.

 

Aqoon Is-weydaarsi Dhexmaray Dugsiyada Faarax Oomaar iyo Sh. Baraawe Ee Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Aqoon Is-weydaarsi ku saabsan Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga ka ku fiican Waxbarashada Maadiga ah, ayaa maalintii shalay ku dhexmaray 16-arday oo ka kala socotay dugsiyada Faarax Oomaar iyo Sh. Baraawe, xarunta ururka SOCSA ee magaalada Hargeysa.

Aqoon Is-weydaarsigan oo uu soo qaban-qaabiyay ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee SOCSA, waxa ay ujeeddadiisu ahayd sare u qaadista aqoonta ardayda iyo is-dhex galka ardayda wax ku barata dugsiyada kala duwan ee magaalada Hargeysa.

 

Aqoon Is-weydaarsigan oo ay dhegaysigiisa ka soo qayb-galeen Madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Masuuliyiinta ururka SOCSA iyo Marti-sharaf kale oo aad u badan, waxa ay ardayda labada dugsi ku soo bandhigeen dooddo kala duwan iyo macluumaad ku saabsan Luuqadaha Carabiga iyo ingiriisiga iyo sida ay ugu kala haboon yihiin in wax lagu barto. Waxa intaa dheeraa, iyaga oo ardaydu dooddahooda u isticmaalayay Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Af-soomaaligaba, marka la eego sida ay dooddu u dhacaysay, ardayda dugsiga Sh. Baraawe waxa ay taageerayeen in ay Luuqadda Carabigu ku haboon tahay in wax lagu barto, halka ay ardayda dugsiga Faarax Oomaar-na ka taageersanaayeen Luuqadda Ingiriisiga, iyaga oo labada dhinacba dooddooda u adeegsanayay daliillo kala duwan, waxaadse moodaysay in ay ku cad-caddaayeen ardayda dugsiga Sh. Baraawe oo si aad ah u difaacay Luuqadda Carabiga iyo qiimaha ay leedahay.

 

“Anigu Dhawr Hablood Baan Dhalay Oo Midna Uma Ogolaan Gudniinka Fircooniga ah”

Wasiirka Caafimaadka

Burco (Haatuf): Siminaar ay soo qaban-qaabisay Hay’adda UNICEF oo lagaga hadlayay, sidii loola dagaalami lahaa Gudniinka Fircooniga, ayaa maanta lagu qabtay dugsiga BVTC ee magaalada Burco. Siminaarkaas oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka socda FGM-ka Gobolada dalka, sida Tog-dheer, Sool, Awdal iyo Saaxil, waxa furay Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, waxaana ka qayb-galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmed Cabdi Jaamac iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin; Dr. Deeq Siciid Jaamac oo Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Gudniinka Fircooniga, Miss Mahret  Sarkaalad, Ciise Axmed oo ka socda Hawl-wadeenada Hay’ad UNICEF.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, ayaa sheegay in ay muhiim tahay sidii loola dagaalami lahaa gudniinkan Fircooniga ah, wuxuuna yidhi Wasiirku; “Waxaa muhiim ah in gabadhu ay hesho Xoriyad buuxda oo ay kaga qayb-gasho bulshada, gudniinkan Fircooniga oo ah mid waxyeelo weyn ku haya gabdhaha, diinteena Islaamkuna aanay ogolayn. Anigu dhawr gabdhood baan leeyahay, midna uma ogolaan Gudniinkaas Fircooniga ah.”

 

Miss Mahret oo ka socota hay’adda UNICEF, ayaa iyana ka hadashay soona bandhigtay casharo ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa gudniinkas Fircooniga, Dr. Deeq Siciid oo Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Gudniinkaas Fircooniga, ayaa ka xog waramay waxyeelada uu leeyahay gudniinku iyo sida loogala dagaalami karo bulshda.

Guddiyada FGM-ka ee Gobolada ka kala socday, ayaa iyaguna ka waramay sida loola dagaalami karo, iyagoo sheegay in hawshani ay u baahan tahay wacyi-gelin badan iyo dhaqaale-ba, hase yeeshee wax dhaqaale ahna aanay u hayn, ayna u baahan yihiin in la maal-geliyo.

 

Waxa kale oo halkaas ka hadlay, xubno ka socday Culimada Diinta iyo qaybo ka tirsan ururada Bulshda. Ciise Axmed oo ka tirsan hawl-wadeenada UNICEF, ayaa ii sheegay in kulankan oo kale ay qabtaan sannadkiiba mar, sidoo kalena ay maalinta berito (Axad) qaban-doonaan Siminaar ah, sidii loola dagaalami laha Cudurka HIV ee AIDS-ka oo fara ba’an ku haya bulshada.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Oo Hargeysa Socdaa Ku Yimi

Hargeysa (Haatuf): Isu-duwaha Beni’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Maxwell J. Gaylara, ayaa shalay booqasho ku yimid Hargeysa.

Mr. Gaylara oo 2 maalmood joogi doona, waxaa u qorshaysan in uu la-kulmo Madaxweynaha Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal, Wasiirka Arrimaha Debadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo xubno ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland.

Mr. Maxwell John Gaylara oo dhawaan la wareegay xilalka kala ah; Madaxa iyo Wakiilka UNDP fadhigeeda qaabilsan Soomaaliya iyo Isu-duwaha Kaalmada Beni’aadamnimo u qaabilsan Soomaaliya iyo weliba Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Amniga Soomaaliya. Mr. Gaylard oo munaasibadii uu xilka kula wareegay ka hadlay, wuxuu yidhi; “Waxaa lagama maarmaanna in aynu ogaano in aynu dhammaanteen Halkan u joogno in aan u adeegno dadka Soomaalida ah.”

 

Mr. Maxwell John Galard oo dhulka uu ka hawl-gelayo ay ku jirto Somaliland, waxa uu u dhashay Waddanka Australia, waxaanu Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyay Suudaan, sannadkii 1999-kii oo uu aha Madaxa Isu-duwaha Beni’aadamnimo ee Suudaan sannadkii 1997-1999. Ka hor shaqada Suudaan, wuxuu hayay ku-xigeenimo Kaalmada Beni’aadamnimo ee Ciraaq Batroolka loogu beddelayay Raashin. 1988-1996, wuxuu ahaa Isu-duwaha Xoghaynta Barwaaqo Sooranka “Common Wealth” ee fadhigeedu yahay London.

 

Mr. Gaylard, waxa uu 20 sannadood ka shaqaynayay hay’adda Arrimaha Debadda u qaabilsan Australia, sannadkii 1968-1970, wuxuu Mr. Gaylard ahaa nin ka midda Ciidanka joogtada ah ee dalka Australia oo ay ugu jirtay inuu ka hawl-galo dalalka Singabuur iyo Malaysiya.

 

Doorashada Madaxtinimada Faransiiska Oo Maanta Bilaabmaysa

 

Paris (W. Wararka): Dadweynaha ku nool dalka Faransiiska, ayaa maanta u dareeraya goobaha Cod-bixinta, si ay u soo doortaan Madaxweynahooda Shanta sannadood ee soo socota.

Doorashadan oo ay ku loolamyaan Musharixiin ay ugu waaweyn yihiin, Jack Chirak oo ah Madaxweynaha haatan iyo Lionel Jusban oo ka socda Xisbiga Hantiwadaagga. Waxa la sheegay in ay labada Musharax aad isugu dhow yihiin, marka la eego dhinaca saadaasha.

Muddada xilka Madaxweynaha oo markii hore ahayd 7 sannadood, waxa dhawaan laga dhigay 5 sannadood, sidaa daraadeed Madaxweynaha ku soo baxa doorashadan, waxa uu xilka haynayaa Shanta sannadood ee soo socota.

 

Golaha Ammaanka Oo Guddi Xaqiiqo-raadis ah u Diraya Jiniin

New York (W. Wararka): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay maalintii shalay in Guddi Xaqiiqo-raadis ah loo diro xerada Qaxootiga Falastiiniyiinta ee Jiniin, si baadhitaan loogu soo sameeyo Xasuuqa ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen, halkaasi oo ay Ciidamada Israa’iil xoog ku haysteen muddo saddex toddobaad ah.

 

Go’aankan oo ay isku raaceen dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanku, waxa uu ka dambeeyay Warbixin uu soo hordhigay Golaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxa uu keenayaa in baadhis lagu sameeyo waxa ka dhacay Jiniin.

Israa’iil ayaa dhinaceeda soo dhawaysay go’aanka Golaha Ammaanka, balse waxa ay ku adkaysanaysaa in aanay Ciidamadeedu wax xasuuq ah ka geysan Jiniin.

Dalalka Carabta, ayaa iyaguna dalbanaya in Ciidamo Nabad-ilaalin ah loo dirro, geyiga Falastiin.

Go’aankan uu gaadhay Golaha Ammaanku, waxa uu ku soo beegmay iyada oo ay weli dhulka Falastiiniyiinta ka socdaan iska horimaadyada u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Halgamayaasha reer Falastiin.

 

Dhacdadii ugu dambaysayna, waxa lagu dilay Askari reer Israa’iil ah, kadib markii uu rasaas ku furay Naftii hure reer Falastiin ahi.

 

Dalka Falastiin: Dhul Barakaysan Oo Dhibaato Ka Bixi La’

 

Sida Qubrus, Jasiiradda Fiji ama Ruwaandha iyo Burundi, Falastiin waxay ka mid tahay dalalka laba Quruumood oo col ihi wada deggan yihiin. Taariikh ahaan dalka Falastiin, ugu horeyn waxaa degay dad reer Saam ahaa oo la odhan jiray Kancaaniyiin 4,000 sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise (NNKH). Qabiil ka mid ahaa (Jebusite), ayaa magaalada Al-Qudus dhisay markii u horeysay, waxayna u baxsheen Urusalim oo macnaheedu yahay magaaladii Nabadda (the city of peace).

 

Faraaciinadii dalka Masar Xukumi jiray, ayaa qabsatay Falastiin taariikhdu markay ahayd 3,200 C.H, waxayna ka dhiseen Qalcaddo Safaradooda Shaam tegaya laga ilaaliyo. Qabiilo ka soo jeedda ilma Nebi Ibraahim (css) oo la odhan jiray Hebrew oo daba-socday Nebi Muuse (css), ayaa Falastiin ka qabsaday Kancaaniyiintii ku noollaa taariikhdii markay ahayd 1,600-C.H, waxayna ku xasuuqeen magaalada Urusalim dad farabadan, kadibna waxay halka ka dhiseen dawlad Hebrew (Jewish state).

Markii Nebi Suleymaan (css) dhintay kadib, Qarankii wuxuu u kala dilaacay laba dal oo kala noqday Israa’iil iyo Judah. Taariikhdu markii ay ahayd 721-kii C.H, labadii dalba waxaa dagaal ku qabsaday dad kaga soo duulay xagga Assyria (dhulka Ciraaq ku taallo), waxayna burburiyeen magaaladii Urusalim, 587-kii C.H sannadku markuu ahaa dadkii Yuhuudda badankoodii waxay u taxaabeen, iyagoo maxabiis ah dhanka Caasimadoodii la odhan jiray Babilon.

Falastiin, waxaa qabsaday Alexanderkii weynaa (Great) ee Giriiga ahaa sannadku markuu ahaa 332 C.H, wuxuuna Maamulkeedii hoos geeyay Imbaraadooriyadii Masar oo la odhan jiray Plolmy. Sannadkii 135 C.D taariikhda Miilaadiga, Imbaraadooriyadda Roomanka, ayaa qabsaday markay dhibaatadoodii u adkaysan waayeena waxay ka safeeyeen Yuhuudda dalka Falastiin. Dadka Yuhuuddu, waxay noqdeen markaa kadib, dad Qaxooti ah oo aan dal lahayn, Caalamka oo dhanna ku firidhsan. Dalka waxaa magaca Falastiin u baxshay markii u horeysay Imbaraadooriyadii Roomanka, waxayna xukumayeen halkaas ilaa sannadku markuu ahaa 611-kii. Dawladii Islaamka oo Ciidamadoodu Carab ahaayeen, ayaa qabsaday Falastiin sannadkii 636-kii, kadib markii ay dagaal kaga adkaadeen Ciidankii Saliibiga ee Imbaraadooriyadda Roomanka.

 

Magaalada Barakaysan Urusalim-na, magaceedii waxaa loo baxshay Madiinat Al-Qudus, waxaana loo ogolaaday in ay noqoto goob Cibaado oo ka dhaxaysa dadka haysta Diimaha Islaamka, Kiristanka iyo Judaha (Yuhuudda). Sannadkii 1516-kii Al-Qudus iyo Dalka Falastiinba, waxaa xukunkeedii la wareegay Imbaraadooriyadii Cusmaaniyiinta (Turkiga), waxayna haysteen ilaa laga soo gaadhay dagaalkii Dunida ee koowaad. Dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo si wada-jir ah dagaalka Dunida u hoggaaminayay, ayaa ku heshiiyay marka dawladda Turkiga laga saaro Bariga Dhexe in loo qaybiyo dalal xuduuddo leh. Markii la jebiyay dawladii Cusmaaniyadda kadib, Ingiriisku wuxuu qabsaday Falastiin, Trans-Jordan iyo Ciraaq, Faransiiskuna wuxuu la wareegay dalka Suuriya iyo Lubnaan. Sannadkii 1905-kii, ayaa dawladda Ingiriisku waxay diideen Yuhuud Qaxooti ah oo doonayay in ay dalkooda degaan.

Sidii Loo Sameeyay Dawladda Israa’iil

Sannadku markuu ahaa 1896-kii, ayaa Nin Yuhuudda reer Ustariya ahi (Viennese) oo la odhan jiray Theodor Herzl, wuxuu qoray Buug uu u bixiyay Qaranka Yuhuudda (Jewish State). Dadyowga reer Yurub aad ayay u xiiso gelisay, Fikradda Herzl oo xal ayaa u muuqday loo heli karo Dal-laawaha (Yuhuudda), dalalkooda dul-saarka ku ah. Barbarka kalena, Yuhuuddii dunida ku firidhsanaa ee ku riyoon jiray in ay si uun (halka Al-Qudus ka dhisan tahay), mar uun ku noqon doonnaana waxay fikraddani gelisay yididiilo.

Isaga oo ka duulaya fikraddii Herzl, Wasiirka Arrimah Dibedda ee Ingiriiska oo la odhan jiray Arthur Balfour, wuxuu soo saaray Baaq lagu abuurayo dalka Israa’iil, sannadkii 1917-kii (Balfour Declaration Establishing Jewish State).

 

Dawladaha reer Galbeedku, waxay si qarsoodi ah u go’aansadeen in Yuhuudda la dejiyo Dalka Falastiin, wakhtiga Ingiriisku haystona loo soo raro. Falastiin, waxaa markaas ku noollaa 500,000 qof oo Carab ah iyo 9,250 qof oo Yuhuud ah. Markii go’aankaa la qaatay kadib, sidaa darteed ayay Yuhuudii ku noolayd Yurubta Bari, Farasiiska iyo Jarmalku ugu soo haajireen dhulka Falastiin. Sannadkii 1930-kii, tirada Yuhuudda dalka Falastiin ku nooli, waxay gaadhay 300,000 qof; sannadkii 1939-kii, Yuhuuddu waxay bilowday in ay Carabta dhulka ka iibsadaan, gaar ahan Xeebaha barwaaqada ah ee ku dheraran Badda Cad. Isla sannadkaas Yuhuuddu, waxay samaysteen Jabhaddo aayahooda u dagaalama, waxayna Xukuumadii Ingiriiska ee Falastiin haysatay ku dhufteen, dagaalo fudud oo dhuumaalaysi ah. Bishii February 1947-kii, ayaa dawladda Ingiriisku qadiyadda kala qaybinta Falastiin hor geysay Qaramada Midoobay, Golaha Guud (General Assembly) Cod-bixin arrintaa loo qaadayna waxaa lagu ogolaaday in Falastiin Carab iyo Yuhuud loo qaybiyo, 33 xubnood ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xubnood oo ay dalalka Carabtu ku jiraan.

 

Marka Codka la qaadayay, tirada dadweynaha Carabtu waxay dhammayd 497-kun oo qof, tirada dadka Yuhuudduna 498-kun oo qof. Sannadkaas Jabahadihii Yuhuuddu, waxay qabsadeen magaalooyinka Xeebaha ee Jaffa (Tel Aviv) iyo Xayfa. Bishii April 1948, maleeshiyadii Yuhuudda oo uu hoggaaminaayay Ninkii la odhan jiray Menaakhin Beegan (Ra’iisal-wasaarihii 1972-1974) dagaal ay ku qaadeen tuulada Deyr-yaasiin, waxay ku xasuuqeen dhammaan dadkii ku noollaa oo idil, tiradooduna ka badnayd kun qof. Bishii May 1948-kii, dawladii Ingiriiska ee xukumaysay Falastiin, ayaa mar keli ah si qarsoodi ah u guurtay, dabadeedna Ninkii la odhan jiray David Ben Gurion ee Yuhuudiga ahaa, ayaa ku dhawaaqay Dawlad Israa’iil oo dhulka Falastiin laga sameeyay, isagana waxaa loo doortay Madaxweynihii dawladda ee ugu horeeyay.

Dawladda Yuhuuddu samaysatay, iyagoo ka xanaaqay waxaa dagaal ku soo kiciyay dawladihii Carabta oo kala ahaa; Urdun, Masar, Suuriya, Ciraaq iyo Lubnaan. Dagaalkaas, Ciidamadii Carabta waa lagaga adkaaday, wuxuuna dhammaaday bishii January 1949-kii, iyadoo Yuhuuddu 40% oo kale ka qabsatay dhulkii Carabta Falastiin qeybta loo siiyay oo ay ka mid tahay; Galbeedka magaalada Barakaysan ee Al-Qudus iyo dhulka taagga ah ee Xadka la-leh Koonfurta Lubnaan.

 

Dagaalkaas kadib, dhulka Yuhuuddu wuxuu noqday 21,000 sq km, dhulka Carabtuna wuxuu noqday; 1) Galbeedka Urdun (West Bank) 6,000 sq. km; 2) Marinka Qasa 378 sq. km keli ah.

Dhowr Jabhadood oo reer Falastiin ah (oo ay ka mid yihiin; Al-Caasif, Al-Saaciqa iyo Blac September), ayaa la sameeyay intii ka dambaysay 1960-kii, si ay ugu dagaalamaan dadka reer Falastiin. Waxay Ciidamada Israa’iil ku qaadi jireen dagaalo dhuumaalaysi ah, waxayna sababeen dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Yuhuudda sannadkii 1967-kii ee loo yaqaanay; dagaalkii lixda maalmood. Waxaa dagaalkan foodda is-daray Ciidamada dalalka Carabta ee Masar, Suuriya iyo Urdun oo isku dhan ah iyo Ciidamada dalka Israa’iil oo dhanka kale ah. Ciidamadii Carabta si fool-xun, ayaa loo jebiyay waxayna Israa’iil qabsatay Galbeedka Urdun (West Bank) oo ay ku jirtana magaalada Barakaysan ee Al-Qudus iyo magaalada Nebi Ciise (css) ku dhashay ee Baytul-laxam, 1/3 dhulka dawladda Masar (sinia) iyo buuralayda taagga Golan (Golan Heights) oo Suuriya leedahay.

 

Sannadkii 1973-kii, dagaal ayaa dhexmaray Masar oo uu Madaxweyne ka ahaa Anwar Saadaat iyo dawladda Israa’iil oo ay hoggaaminayso Gabadhii la odhan jiray Golden Miyeer. Markii hore Ciidamada Masar guul ayay u soo hooyeen, kadib markii ay si lama filaan ah uga gudbeen Gacanka Zues (suweys), cardaaduqahana ka dhigeen dhufayskii adkaa ee loo yaqaanay Barleef oo Yuhuuddu ka qodatay Bariga Gacanka Suweys.

 

Hase yeeshee, guushii Ciidamada Masar gaadheen ma sii socon, kadib markii ay Ciidamo Israa’iil leedahay oo uu hoggaaminaayay Gen. Ariel Sharon (Ra’iisal-wasaaraha hadda), intuu dhexda ka jebshay khadkii difaaca Ciidamada, dabadeed ka gudbay Gacanka Suweys, wuxuu qabsaday magaalada Ismaaciiliya oo in ka yar boqol km u jirta Caasimadda Qaahira, wuxuu go’doomiyay Ciidamo Masaari ahaa oo u gudbay Sinai oo tiradoodu dhammayd 60,000 askari iyo qalabkoodii dagaalka. Taasina waxay keentay in Madaxweynihii Masaaridu, nabad kula heshiiyo Israa’ill sannadkii 1974-kii, si dhulka laga qabsaday loogu celiyo.

 

Sannadkii 1982-kii, Ciidamada Israa’iil oo uu hoggaaminayo Wasiirkii Gaashaandhigga Gen. Ariel Sharon, ayaa ka gudbay Xadka Koonfurta Lubnaan, waxay qabsadeen magaalooyinka; Tayir, Sodom iyo Beyrut. Gulufkaas dagaal, waxay Ciidamada Israa’iil iyo Maleeshiyooyin reer Lubnaan ihi xasuuqeen, dad qaxooti reer Falastiin ahaa oo ka badnaa 1,800-qof oo ku noollaa laba xeryo Qaxooti oo la odhan jiray Shatiilla iyo Sabra.

Hadda iyo geba-gebadii, dalka Falastiin loo ogol yahay waa Galbeedka Urdun iyo Marinka Gaza oo dhan 25%, dalweynihii Falastiin loo yaqaanay wixii Qarnigii labaatanaad ka horeeyay, iyana waa aragtaan in maalinba mid ka mid ah magaalooyinkeedii la cunaayo oo lagu haysto intaa yar ee ay ka hayaan dhulweynahoodii hore.

“Nimaan Warankaagu gelin, Weedhaadu ma gasho”!!

Mudane, Aadan Jaamac Saxar, Hargeysa

 

……………………………………………………………………………………………..

 

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Dhiig-karka (High blood pressure)

 

 

 

 

Waxaa hore qiyaas loogu sameeyay in wadnaha qofku uu garaaco oo sameeyo garaac dhan 100,000 (boqol kun oo jeer) maalintii.

 

Garaac kasta oo wadnaha ah waxa isku soo urura muruqyada wadnaha iyaga oo tuura oo bam-gareeya dhiiga sida mishiinka biyaha si ay dhiiga u gaadhsiiyaan dhammaan xubnaha jidhka qofka, isaga oo dhiigu sii maraya xididada halbawlaha ah ee loo yaqaano (Arteries), dhiiga uu wadnuhu soo tuuray waxa uu riixaa gidaarka xididada si ay u furmaan oo dhiigu u maro, xididadu waa kuwo la shaqeeya isku soo ururka gidaarkooda iyo furnaantoodu xawliga dhiiga ee maraya.

Cadaadiska dhiiga ee kala furista xididada (Arteries) ee uu marayo waa ta caawisa in dhiigu gaadho xididada xubnaha durugsan ee jidhka sida faraha cagta iyo faraha gamcaha.

Marka uu wadnuhu garaac sameeyo ee uu dhiiga tuuro, wadnuhu wuxuu nastaa hal il-bidhiqsi wax ka yar oo u dhaxaysa garaaca kale ee wadnaha. Nasashadaa yar wadnuhu dhiig ma soo tuuro awood u leh inay maraan xididadu.

 

Dhiig-karka waxa lagu cabbiraa qalab loo yaqaan (Blood pressure cuff), qalabkani wuxuu cabbiraa marka uu sarreeyo garaaca wadnuhu iyo marka uu hooseeyaba.

Marka uu qofku yeesho heer aad u sarreeya oo garaaca wadaha ah waxa loo yaqaan (Hypertension), xaaladan si joogto ah ayaa dhiiga ka imanaya wadnuhu u garaacaa gidaarada xiddada uu dhiigu maro (Arteries). Qaabkan dhiiga u socdaa maaha xaalad caadi ah, arrintan-na waxaa sababa xididada oo xannibma ama gufaysma halkuu dhiigu mari lahaa, markaa waa inuu wadnuhu xoog u shaqeeyaa isaga oo isku dayaya inuu dhiiga qasab ku marsiiyo xidido muggoodu yaraaday.

 

Khatarta ka timaada Dhiig-karka

Dhiig-karka (High blood pressure) wuxuu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad, waxaynu xusnay in wadnuhu aad u shaqaynayo si dhiiga u jiidhsiiyo xididada uu muggoodu koobmay, shaqadan ama garaacan faraha badan ee wadnaha waxay keenaysaa inuu wadnuhu faaxo oo uu lumiyo awooddiisii cufnayd ee uu dhiiga ku tuurayay, marka dhibaatadaasi dhacdo wadnuhu wuxuu lumiyaa inta badan awoodii uu dhiiga ku tuurayay, dhiir-karku waxa kale oo uu keenaa in ay baruuri xidho halbawlayaasha uu dhiigu maro, xaaladani marka ay dhacdo waxa loo yaqaanaa (Atheroclerosis), markuu jidhku la kulmana waxa sii xumaada maridii uu dhiigu marayay halbawlayaasha xididada, markaa waxa luma awoodii ay xididadu dhiiga ku socodsiinayeen xaaladana waxa la yidhaahdaa (Arterioslerosis), markuu qofka soo wajahana waxa dhaca in dhiigii uu gaadhi waayio xubno ka mid ah jidhka sida lugaha iyo cagta hoose, markaas oo ay dhintaan unugyada xubnahaasi.

 

Marka uu wadnuhu soo tuuro dhiig farabadan oo aan gaadhayn halkii loogu talogalay cadaadiskaasi wuxuu keenaa inay gubato gidaaradii xididada ee uu dhiigu marayay, waxaana loo yaqaanaa (Stroke), wuxuuna ka dhacaa maskaxda qayb ka mid ah, taas oo keenta in qofka ay bakhtiyaan xubno ka mid jidhkiisa sida lug iyo gacan isku mid ah.

La soco…………………….

 

 

Dilayaasha qarsoon (Bakteeriya-da iyo Ili-ma-aragtayga) iyo Raashinka

 

Waxaa laga soo xigtay buuga Food, Environment and Health

Waxa Tifaftiray – William Trefor

 

 

 

Malaayiin Bakteeriyo iyo Ili-ma-qabatay noole ah ayaa ku nool dunida, si haddaba waxyeeladooda la iskaga ilaaliyo waxa habboon in qofku uu barto sida ili-ma-aragtayga noolaha ah iyo Bakteeriyadu ay u saameeyaan caafimaadka qofka marka ay raacaan raashinka uu qofku cunayo. Saamaynta Bakteeriyada iyo waxyaabaha kale ee nool barashadoodu waxa ay qofka ku abuuri kartaa dhaqan uu iskaga ilaaliyo waxyeeladooda.

Bakteeriyada iyo wixii la mid ahi waxay ku nool yihiin hawada aan neefsano dhexdooda, biyaha aan cabno, saxarada, kaadida iyo dhididka jidhka, dharka aynu xidhano, xoolaha dushooda, cayayaanka iyo ciida dhexdeeda.

 

Xayawaankaas xajmigooda oo yaryar awgood indhaha caadiga ahi ma arki karaan, sidaas ayaan farta loogu fiiqi karin, inkasta oo noolaha ili-ma-aragtayga ahi ay leeyihiin sun keena cuduro badan oo qaarkood dhimasho keenaan, haddana qaar ka mid ah ayaa leh faa’iido sida kuwa innaga caawiya samaysanka bur-cadka subaga laga shiilo.

Marka lagu eego qalabka weynaysada ah bakteeriyadu waxay leedahay qaabab kala duwan sida qaab uleed, mid goobo ah iyo mid sida maska oo kale ah.

 

Bakteeriyada cudurka keentaa waa u halis carruurta marka ay dhalato iyo xilliga hore ee korriinka, haddii  markaa carruurta la siiyo raashin nafaqo leh oo isku dheeli tiran waxaa korodha awooda uu jidhkoodu iskaga difaaco bakteeriyada, marka carruurta aan lagu qudin raashin leh nafaqada uu jidhkoodu u baahan yahay oo dhammaystiran ilmuhu wuu daciifaa, wuxuuna u nuglaadaa waxyeelada bakteeriyada marka ay gasho jidhkiisa, bakteeriyadu marka ay gasho jidhka ilmo daciifay markiiba way ku dhex tarantaa, waxaya ku keentaa cudur, marka ilmihii oo nafaqo daro hayso haddana uu cuno raashin ay bakteeriya sumaysay ilmuhu wuu xannuunsadaa, xannuunadaasna inta badan geeri ayay ku keenaan carruurta, sababtuna waxa weeyi bakteeriyadu waxay ilmaha yar kula tartantaa nafaqada jidhkiisa soo gashay, hawada iyo diirimaadka ilmaha yar lama huraanka u ah, waanayka hororsataa, taas oo u nuglaysa ilmaha inuu iska difaaci kari waayo bakteeriyada sidda xannuunka.

…………………………………………………………………………………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Tallaabooyinkaas oo dhami waa wixii sababay Inqilaabkii hore

21kii October 1969, xukuumaddi rayidka ahayd ee Md. Cigaal Ra’iisal-wasaaraha ka ahaa la afgembiyay, kadib markii muddo laba sano ahayd talada dalkii Soomaaliya la odhan jiray haysay, astaamihii gaarka ahaa ee ugu horraynba u xambaarisay hoggaaminta talada dalka tartanka doorashadana kaga qaybgalay ahayd fikirkii ku suntanaa aragtidii ahayd Dir iyo Daarood, taas oo si fudud ugu sahashay in Ra’iisal-wasaare Cigaal guushu ku raacday, balse ugu horrayn maamulkii cahdigaas arrimaha ragaadiyay habsami u socod-kiisii maamul waxa ka mid ahaa musuqmaasuq lagu boobay hantidii shacbiga halka ay ka ahayd in ay kayd noqoto ama wax-qabad loogu fuliyo.

Sidoo kalena wax-soosaarka iyo quutal-daruurigiina noqday wax lagu sugo inta yar ee fara ku tiriska ahayd ee ay masruufi jirtay dawladdu.

Isku soo duuboo 1967-1969, waqtigaasi wuxuu umadda iyo shacbi weynihii Ex-Soomaaliya ahaa waqti murugo, ilaa haddana waxa lagu naanaysaa cahdigii ‘Cabdi-abaar’.

 

Md. Cigaal, waxaa dib loogu doortay madaxnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Md. Cigaal wuxuu toddobaadkii  hore ka qaybgalay Siminaar u xidhmayay saraakiisha ciidanka qaranka, kaasi oo ka dhacay taliska sare ee ciidanka. Wuxuu ciidamada kula dardaarmay inaanu inqilaabkii hore oo kale dhicin, isaga oo ka baqo qaba dhinaca mucaaradka, kadib markay qaadaceen muddo-kordhinta halka sano ahayd ee Guurtidu ugu dareen xukuumadda. Diidmada mucaaradku waxay gilgishay dawladda, iyaga oo ku dhawaaqay in 23 Feb 2002, ay dhisi doonaan dawlad beddesha tan muddadii u dhammaatay.

 

Guntii iyo gebogebadii, wuxuu mar labaad madaxweyne Cigaal dareen ka qabaa in inqilaab milatari kaga yimaado dhanka ciidanka qaranka, iyaga oo mucaaradku adeegsanaya xoogaga mucaaradka ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanuse leenahay madaxweyne waxaad gacantaada ku urursatay dhammaan awoodii qaranka oo dhan, waxaad soo bandhigtay inay nolosha bulshadu ku soo ururto mushaharka yar ee aad bixiso.

 

Si aanad u aabo yeelin waxaad u jabisaa dastuurkaad ku baanayso, intaas oo tallaabo iyo kuwo kale oo badan waa wixii sababay inqilaabkii hore, maanta se haddii aad ula soo hanqal kacday xadhig iyo awood sheegasho iyo diktaatooriyad inaad dalka ku maamusho waxba maad soo kordhin, inqilaabna waa ina daan weyne. Shacbiguna waxay u dhinteen inay ku noolaadaan nolol ka fayow dibindaabyada cadawga sokeeye iyo ka shisheeyaba.

Mawlid Saleebaan (Mawliid Ilka-case).

…………………………………………………………………

 

Khatarka Dabka Korontada Burco

Marka hore waxaan bahda wargeyska Haatuf u soo gudbinayaa salaan aad u qiimo badan, aniga oo idinku hambalyaynaya sida diiran ee aad noogu soo gudbisaan wararka diiran ee dalka iyo dibaddaba. Intaas kabacdi waxaan halkan ku soo gudbinayaa maqaalka cinwaankiisu xagga sare ku yaal oo aan u arkay inuu waxtar u leeyahay bulshada, gaar ahaan reer Burco.

 

Waxaa jirta in magaalada Burco ay yaaliin mashiino waaweyn oo ah kuwa dhaliya quwadda xooga korontada, iyada oo aad ku arkayso magaalada dusheeda xadhko aad u tiro badan oo sida shebega ku wadhan. Sidoo kale badi shirkadaha dabku waxay isticmaalaan xadhkaha iyo biro, iyada oo sidaynu la wada socono birtu tahay gudbiye. Waxaa intaas dheer waayiradaas waxa dhirta iyo meelaha kale ee ay guud maraan ku ruxda dabaysha, taasina waxay keentaa inaysi sahlan u hoolmaan xadhkihii, kabacdina shaygii ay ku xidhnaayeen ee gudbiyaha ahaa uu si sahlan u danaboobo khatarna ku keeno dhibaato sidii dhacday marar badan.

 

Sidaa darteed, waxaan ku baraarujinayaa bahda dabka inay ka taxadaraan waxyaalaha aynu kor ku soo sheegnay, iyada oo aynu gudogalnay xilligii roobabka oo dabku uu ugu khatar badan yahay.

Keyse C/llaahi Saleebaan,

Burco.

.................................................................................................

 

WAADIGA CIYAARAHA

Wax-ka-qabadadka xukuumada ee ciyaaruhu waa mid muqaddas ah

Amiin X. Cige Aadan (Boorama)

Anaga oo ah muwaadiniin Somalilanders ah jecelna dalkayaga iyo dadkaygaba waxaan dawladda iyo maamulka maantaba ka rabnaa in ay noo dhisto garoonka kubadda cagta ee degmada Boorama, isla markaana ay noo badbaadiyaan garoonka oo noqday goobtii xannunka laga qaadayay.

 

Garoonkii kubadda cagtu wuxuu noqday goob qashina magaalada oo dhan lagu shubo, arrintaas oo haddi ay muddo sii socoto caafimaad darro xoog leh laga qaadayo, halkii laga rabay in lagu soo jimicsado oo dhalintu caafimaad kala soo hoydaan.

Sababaha keenay in qashinka lagu shubo waxaa ka mid ah dhismo la’aan haysa garonka kubadda cagta, sidaa awgeed waa in ay dawladdu noo dhisto garoonka, haddii ay waxba qaban kari weydana ha la kaashato hay’adaha madaxa bannaan oo dhammaantood Hargeysa wada deggan oo waxba aan ka qaban degmada Boorama.

 

Sidaa darteed, waxaanu ka codsanaynaa hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa-bannaan inay ay gacan ka geystaan dhismaha iyo dhammaystirka garoonka kubadda cagta ee degmada Boorama. Midda kale ha ogaadaan mas’uuliyiinta degmada in uu xil ka saaran yahay nadaafada iyo daryeelka goobaha ciyaaraha.

 

Waxaa loo baahan yahay in loo fiirsado warbaahintuna ay iftiimiso gol-daloolooyinka jira, hana is barbardhigto guud ahaan dhibaatooyinka haysta ciyaaraha, dhallinyaradu iyada oo aan gar siinayn mucaarad mansab doon ah oo raba inuu xilka uun ka rito kuwa hadda haysta, balse waxay sheegayaan baahida dhallinyarada.

 

Sidaa darteed waa in mas’uul waliba waaxda uu maamulo ee uu maanta joogo uga faa’iideeyo dhallinyarada, muhiimadduna waa in hay’adaha dawliga ahi ay wax ka qabtaan garoomada kubadda cagta ee degmada Boorama, yoolkuna ha ahaado danta dalka iyo dadka markaad wax u qabato ayay taaduna toosaysaa.

 

Xulka kubadda cagta ee gobolka Togdheer

1.       C/qani Axmed Maxamed

2.       C/llaahi Maxamed Maxamuud

3.       Yuusuf Jaamac Xuseen

4.       Liibaan Cismaan Yuusuf

5.       C/risaaq Ibraahim Cali

6.       Ibraahim Cabdi Yuusuf

7.       Maxamuud Maxamed  Faarax

8.       Maxamed Khaliif Nuur

9.       Baashe Cabdi Cali

10.    Sharmaarke Cabdi Riwaaya

11.    Khadar Cabdi Axmed

12.    Fu’aad Maxamed Xuseen

13.    Siciid Maxamed Ducaale

14.    Xuseen Saleebaan Faarax

15.    Muuse Cismaan Yuusuf

16.    Yaasiin Axmed Olol

17.    Yaasiin Maxamed Cismaan

18.    C/fataax Maxamed Aadan

19.    Shaakir Jaamac Cabdi

20.    Maxamed Cali Baashe

21.    Cali Maxamed Aadan

22.    Axmed Aadan Cawad

23.    Fu’aad Siciid Cabdi

 

Gebilay way u qalantaa inay ka qaybgasho

Sida aynu wada ogsoonahay degmada Gebilay waxay leedahay naadiyo ciyaareed oo aad iyo aad u tayo sarreeya.

 

Waxaynu la wada socona guulihii ay ka soo hoysay koobkii tijaabada ahaa ee gobollada, waxayna reebtay xulkii gobolladi ay la ciyaartay, iyada oo u soo baxday faynalka, dadkii daawanayay ciyaarahaasi waxa lama filaan ku noqotay, sida ay u carraabiyeen gobolladii ay la ciyaartay, waxa weliba la sii hadal hayaa maalintii ugu dambaysay ee ay faynalkii isugu soo baxeen kooxihii Gebilay iyo Hargeysa. Dadku maalintaa intaanay ciyaartu bilaabmin waxay aad u falanqaynayeen cidda badin doonta iyo sidii degdega ahayd ee ay Gebilay naadiyadi gobollada ee ka magaca sarreeyay u muquunisay.

Maalintaa Gebilay waxay soo bandhigtay ciyaar aad u heer sarraysa oo daawadayaashii ka wada yaabisay, ciyaartaasi oo markii ay is mari waayeen rigoorayaal loo dhigay, halkaana hal gool oo rigoore ah lagaga badiyay, Gebilayna ay sidaa ku gashay kaalinta labaad.

 

Sidaa awgeed waxaan kula talinayaa wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo guddiga Olympic-ga qaranka inay Gebilay ku daraan tartanka gobollada ee inagu soo fool leh, maxaa yeelay Gebilay way u qalantaa inay ka qaybgasho tartanka gobollada marka loo eego heerka naadiyada ka jira sida kubadda cagta, baasketka iyo orodadaba, hana loogu daro tartanka hab maamuuseed ahaan ah.

C/raxmaan Siciid Qaalib (Gebilay).

 

 

 

Horyaalka Ingiriiska oo gadhay gidaarkii gebo-gebada

 

 

 

Iyada oo uu gebogebo ku dhaw yahay tartanka kooxaha Ingiriisku ayay koox waliba ku dedaalaysaa sidii ay guusha ugu mitidi lahayd, kooxaha qaarkood waxay ku dedaalayaan sidii ay u hanan lahaayeen koobka lagu loolamayo, qaar kalena waxay hiigsanayaan sidii kaalin ay uga cidhiidhsan lahaayen ka qaybgalka koobka horyaalada Yurub ee sannadka dambe.

 

Waxa iyana doorkooda qaadanaya kooxaha ka qaday derejooyinka aynu soo sheegnay, balse quud-daraynaya sidii ay sanadka soo socda uga mid noqon lahaayeen kooxaha ka qaybgalaya tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Cup.

Waxa kale oo iyana dedaal aan kuwaa hore ka dhicin ku jira kooxo badan oo ka cararaya dib-u-dhaca derejada hoose.

 

Kooxda Manchester United, oo ka mid ah naadiyada ku loolamaya hanashada horyaalka ayaa si weyn uga adkaatay kooxda ay colka yihiin ee Chelsea oo ay 3-0 kaga badsay kulan ku dhexmaray garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka Paul Scholls ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Manchester daqiiqaddii 15aad oo loo dhigay laad xor ah, sidoo kale Ruud Van Nistelrooy ayaa u labeeyay daqiiqaddii 41aad ee ciyaarta.

Ciyaaryahanka Solskjear ayaa dhammaadkii ciyaarta xaqiijiyay goolkii saddexad ee kooxda.

 

Liverpool 2, Derby 0

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaysatay inay hoggaan-qaado horyaalka ciyaaraha Ingiriiska, kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay Derby oo dib ugu ciirtay kooxaha derejada hoose.

Kabtanka xulka England, Michael Owen ayaa dhaliyay labada gool ee Liverpool ku badisay, bilowgii iyo dhammaadkii ciyaarta ayuu kala dhaliyay labada gool.

 

Newcastle 3, Charlton 0

Sidoo kale kooxda Newcastle, ayaa cidhiidhsatay kaalinta afraad markii ay 3-0 kaga badisay naadiga Charlton.

Ciyaaryahananada Gary Speed, iyo Comano Tresor Lua-Lua, ayaa dhaliyay ayaa kala dhaliyay labada gool ee hore, kahor intii aanu Alan Shearer ku darin goolka saddexaad oo buuxiyay goolkiisii 200 ee uu ka dhaliyo tartamada kooxaha Premiership-ka.

 

Leeds 0, Fulham 1

Ciyaaryahanka Steed Malbranque ayaa xaqiijiyay goolka Fulham oo markii ugu horraysay ku badisa garoonka Elland Road tan iyo sannadkii 1966, sidaana waxay Fulham ku xaqiijisay inay ku sii negaato horyaalka sannadka dambe.

Kooxda Leeds ayaa lumisay fursado dhawr ah oo ay heshay qaybtii hore ee ciyaarta, gaar ahaan Robbie Fowler iyo R. Keane, ayaa labaduba lumiyeen fursado qaali ah oo ay heleen.

 

Blackburn 3, Middlesbrough 1

Kooxda Blackburn, ayaa 3-1 ku samirsiisay Middlesbrough oo ay gurigeeda kula ciyaartay.

Ciyaartoyga Damien Duff, ayaa kubada u dhigay Yordi oo qaybtii hore dhaliyay goolka Rovers, Andy Cole iyo David Dunn, ayaa qaybtii labaad kala dhaliyay labada gool ee kale, goolka keliya ee Boro waxaa u dhaliyay Szilard.

 

Westham 3, Sunderland 0

Kooxda Westham, ayaa guul kale ku tallaabsatay Sabtidii shalay oo ay 3-0 ku dhirbaaxday Sunderland, ciyaaryahanada Trevor Sinclair, Steve Lomas iyo Jermain Defoe, ayaa u kala dhaliyaya saddexda gool ee Hammers ku badisay.

 

Leicester 2, Astonvilla 2

Kooxaha Leicester City iyo Astonvill ayaa kala qaybsaday dhibcihii ciyaarti dhexmartay, kadib markii ay 2-2 ku kala baxeen.

Davrius Vassel iyo Thomas Hitzls Perger ayaa u dhaliyay Astonvilla, halka ay Leicester-na u kala dhaliyeen Muzzy Izzet iyo Jon Stevenson.

 

Bolton 1,Tottenham 1

Kooxda Tottenham waxay u muuqatay inay hantiyaysay sadexda dhibcood ee ciyaarta markii ay bilowgiiba dhalisay gool, balse waxa ka daba timi Bolton oo barbaraysay.