SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 68-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadki 68, April 23, 2002
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Dawladda Itoobiya Oo Marti-qaad U
Fidisay Sul. Maxamed Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab
Safarkooda ay shalay ugu
ambabaxeen Herer wuxuu noqday lama filaan
Burco (Haatuf): Suldaan Maxamed
Suldaan Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, ayaa shalay gelinkii dambe ka
baqoolay magaalada Burco, una kicitimay dhinaca magaalada Herer ee dalka
Itoobiya, kadib markii ay martiqaad ka heleen dawladda Federaalka Itoobiya.
Siday sheegeen warar aanu ka helnay illo lagu
kalsoon yahay oo ku dhow-dhow Salaadiinta magaalada Burco, Suldaanka Maxamed
Sul. Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, socdaalkoodu wuxuu ka dhashay
martiqaad rasmi ah oo la sheegay in maamulka Itooiya u soo diray. Warku wuxuu
intaa ku daray in Suldaanka iyo Boqorka, ay socdaalkooda ku weheliyaan laba
oday oo ka soo kala jeedda Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco. Waxa la sheegay
in waftigaasi uu ka baxay magaalada Burco abaaro labadii duhurnimo ee shalay,
xalayna ay ku hoyanayeen magaalada Daroor ee Kililka 5aad ee Itoobiya, halkaas
oo la filayo in ay saaka uga sii ambabaxaan dhinaca magaalada Herer, laguna in
ay iska sii raacaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay halkaa ku
sugayaan, geynayaana ilaa magaalada Herer.
Siday wararkaasi tibaaxeen, waxa la sheegay in
Toddobaadkii hore uu magaalada Burco tegay, ergay Itoobiyaan ah oo u gudbiyay
Suldaanka iyo Boqorka martiqaadkaa oo la sheegay inuu u soo diray Jeneraal
fadhigiisu yahay magaalada Herer.
Wararku waxay intaa ku dareen in Suldaanka iyo
Boqorku ay markaa ku wargeliyeen Ergegaygaa in ay la tashanayaan dadkooda, ka
hor inta aanay ambabixin, sidaa daraadeedna waxay wararku sheegeen in markaa
kadib uu magaalada Burco ku qabsoomay, Kulan kooban oo ay ka qayb-galeen xubno
Salaadiin iyo Siyaasiyiin reer Burco ah. Kulankaas, waxa la sheegay in la
iskula qaatay in Suldaanka iyo Boqorku ay tagaan Itoobiya, maadaama martiqaad
loo fidiyay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee martiqaadkaas, hase
yeeshee siday wararku sheegeen waxaa la filayaa in ay dawladda Itoobiya
doonayso in ay ogaato, waaqaca dhabta ah ee ka jira Gobolka Togdheer, isla
markaana waxa la sheegay in xubnaha Madax-dhaqameedka ahina in ay dhinacooda u
gudbin doonaan Itoobiya in aanay Gobolka Togdheer joogin, cid Itoobiya cadow u
ihi.
Dadka reer Burco, ayaa iyaguna maalintii shalay
isla dhexmarayay warar sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ay ku tilmaanto
Gobolka Togdheer, goob ururka Al-Itixaadku ku badan yahay, isla markaana ay
Madaxweyne Cigaal iyo Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, isla soo qaadeen dhawaan
markii uu Madaxweynuhu safarka ku tegay Itoobiya qodobo amuurtaas la xidhiidha,
lana filayo in ay taasi dhalisay Martiqaadka.
Ma cadda muddada ay xubnahani ku maqnaanayaan
Itoobiya, balse sida ay tibaaxeen warar naga soo gaadhay magaalada Burco, waxa
la filayaa in ay maqnaadaan ilaa tobaneeyo maalmood, waxaana lagu wadaa in ay
magaalada Herer kula kulmaan Wefti dawladda dhexe ee Itoobiya ka tirsan.
Inkastoo wararkaasi soo baxeen, haddana weli ma jiraan warar Madaxbannaan oo
diirka ka qaaday xaqiiqada arrintani.
Dhinaca kale, labada xubnood ee la sheegay in
martiqaadka loo fidiyay, waxay ka mid yihiin Golihii Salaadiinta ee lagu
aasaasay magaalada Burco kal hore, kuna dhawaaqay in la qabto Shirweyne Qaran,
kuwaas oo si weyn uga soo horjeedda Xukuumadda Madaxweyne Cigaal.
Madaxweyne Cigaal oo Isku-bedel ku
Sameeyay Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Dawladda
|
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha
Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa shalay isku-shaandhayn ku sameeyay,
qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda.
Siduu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray
Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, Madaxweyne Cigaal wuxuu u bedelay
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xasan Xuseen Maxamed inuu ahaado
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Hanti-dhawrihii guud
ee Qaranka Axmed Daa’uud Geedi, ayaa isna loo magacaabay inuu ahaado Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Qoraalka Afhayeenku, wuxuu intaa ku daray oo uu
sheegay in Mr. Aadan Cali Yoonis, loo magacaabay Jagada Hanti-dhawrka Guud ee
Qaranka.
Booliska Berbera Oo u Maaro La’ Tuugo Faro-baas Ku Haysa
Magaalada
Berbera (Haatuf): Taliyaha Qaybta
Booliska ee Gobolka Saaxil, Berbera, Mr. Yuusuf Kaahin Caateeye, ayaa ku
tilmaamay dhibaatada ugu badan ee nabadgelyo ee gobolka ka jirta, tuugta oo
beryahan dambe ku soo badatay magaalada Berbera.
“Xaaladda Guud ee nabadgelyada Gobolka Saaxil aad
iyo aad ayay u wanaagsan tahay, mana jiraan wax dhibaato ah oo sidaa u buuran,
marka laga reebo waxyaalo yaryar oo ay ka mid tahay Tuugadu.” Sidaa waxa yidhi
Taliyaha Booliska Berbera, Yuusuf Kaahin oo shalay weriyayaasha uga
xog-waramayay, xaaladda nabadgelyada ee Gobolkaas.
Taliyuhu, waxa uu qiray in tuugtu ay khatar weyn ku
hayaan magaalada, kuwaas oo habeenkii u dhaca guryaha, iyaga oo xoog
adeegsanaya. Mar la weydiiyey, sida ay arrintaa wax uga qabanayaanna, waxa uu
yidhi; “Way jirtaa in ay magaalada ku soo badatay tuugadu, waxaana jiray
beryihii hore tuugo caanna oo la yaqaan oo aan tiradoodu badnayn, laakiin
iminka waxa jira tuug yaryar oo badan oo tuug saqajaan ah oo laga yaabo in ay
dumarka suuqa ka soo adeegaya ay ka dhufsadaan lacagta biilka ah.”
Yuusuf Kaahin, waxa uu intaas ku daray in arrintaa
uu Boolisku ka sameeyay hawl-gal ballaadhan oo magaalada lagaga sifeeyay
tuugta, laakiin nasiib-darro, waxa uu taliyuhu sheegay in tuug fara badani ay
dib ugu soo noqotay magaalada, markii lagu sii daayey Cafis loo fidiyay
Maxaabiista. “Ilaa kontomeeyo tuug ah ayaa soo galay magaalada, ilaa labadii
bilood ee u dambeeyayna waxaanu gacanta ku dhignay 26-tuug,” ayuu yidhi
Taliyuhu.
Taliye Yuusuf, waxa uu sheegay in Maxaabiistaas la
horgeeyay Maxkamadda, xabsigana loo gudbiyay, hase yeeshee waxa uu sheegay in
tuugtaas dib suuqa loogu arko oo la sii daayo, iyadoo sababtu tahay in aan wax
cad lagu qaban, ama lagu caddayn kari waayo.
Dhinaca kale, Saldhiga Booliska Berbera oo dhawaan
Nin Maxbuus ah lagu dhex dilay, taasna dhaliil weyn loogu jeediyay, ayaa waxa
haysta dayac weyn iyo duruufo kale.
Saldhigga, waxa taliyuhu sheegay in ay ku xidhan
yihiin lix qof oo Maskaxda wax uga dhimman yihiin (Shan Nin iyo Gabadh), kuwaas
oo uu sheegay in halkaa lagu soo xidhay markii ay khasaarooyin joogto ah u
geysteen dadka iyo gaadiidka magaalada. Haatana, waxa uu sheegay in ay xal u
raadinayaan oo ay doonayaan, kuwa eheladoodu joogto in ay ku wareejiyaan,
haddii ay xaslan karaan.
Dayaca iyo burburka Saldhigga, isagoo ka jawaabaya
waxa uu sheegay in dhismaha Saldhiggu uu yahay, mid gaboobay oo laga dhaxlay
Gumaystihii Ingiriiska, Ilaa wakhtigaana aan wax dayactir iyo dib-u-dhis ah
lagu samaynin, waxana uu sheegay in dib-u-dhiska uu u baahan yahay mid ka
baaxad weyn awoodda gobolka.
“Waxaanu hore ugu gudbinay dawladda iyo hay’ado,
iyagu eegay Saldhigga, waxaanuna ku rajo weynahay in degdeg wax looga qabto,”
ayuu yidhi Taliyuhu.
Maayarkii Magaalada Gaashaamo Ee Dalka Itoobiya Oo La Xidhay
|
Burco (Haatuf): Maayarkii Degmada
Gaashaamo ee Gobolka Dhagaxbuur ee Kililka 5aad ee Itoobiya, ayaa Xabsiga loo
taxaabay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha ururada Islaamka ee
Xag jirka loogu yeesho.
Siday sheegeen warar aanu ka helay magaalada Burco,
xadhiga Maayarka Gaashaamo waxa la sheegay inuu la xidhiidho Mu’aamarad iyo
eedaymo Soomaalida deegaankaa dhexdeeda kaga yimi oo la gaadhsiiyay Ciidamada
Itoobiyaanka ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Gaashaamo, taasina ay sababtay
in la xidho.
Siday tibaaxeen wararku, xadhiga Maayarku wuxuu soo
baxay shalay gelinkii dambe, hase yeeshee ma jiraan warar Madaxbannaan oo
arrintaa la-xidhiidha oo soo baxay, balse siday Haatuf u sheegeen illo lagu
kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Burco, beryahanba waxaa magaalada Gaashaamo
ka taagnaa, olole dhan ka ah Maayarka oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Faroole,
kaas oo la sheegay in ay wadeen xubno Soomaali ah oo Mucaarid ku ahi, kuwaas oo
ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Itixaad oo Itoobiya ku
tilmaanto inuu ka mid yahay ururada loogu yeedho argagixisada ee lagu eedeeyo
in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Qaaciida ee uu hoggaamiyo Usaama binu
Laadin. Wararkaasi, waxay tibaaxeen in eedaynta lagu xidhiidhiyay Maayarka ee
ku saabsan ururka Al-Itixaad ay tahay, hab la doonayo in lagaga qaado kursiga,
balse aanay ahayn wax jira.
Warar aan la xaqiijina, waxay tibaaxeen in xadhiga
Maayarku ka abuurmay magaalada Gaashaamo xiisad, laakiin ma jiraan warar
Madaxbanaan oo xaqiijinaya, sida guud ahaanba arrimahaasi u jiraan.
…………………………………………………………………..
Dawladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Xilligan Roobabka
“Iskaa wax-u-qabso ayaanu ololahan ku wadnaa” Mr. Nakruuma
|
Hargeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee
Hargeysa, ayaa bilowday olole dhinaca nadaafadda ah, xilligan oo ay roobabka
gu’ga ee curtay daaddadkii ay soo rogeen ay wax u dhimeen wadooyinkii
Caasimadda qaarkood.
Ololahan oo xoogiisu bilowday maalintii shalay,
siduu sheegay Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee D/Hoose C/wahaab Nakruuma,
waxaa ololahan oo uu ku tilmaamay mid dheeraad ah oo ka baxsan hawshii
nadaafadda ee caadiga ahayd uu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah;
ururinta qashinka qoyan, ka qalalan iyo buufin dhinaca faya-dhawrka ah.
Mr. Nakruuma, wuxuu sheegay mar uu u waramayay
Weriyayaal Haatuf ka tirsan, in ololahani yahay mid had iyo goor ay sameeyaan
sannadkastaba xilli roobaadka, wakhtigaas oo ay roobabku wax ka beddelaan
xaaladda nadaafadeed ee magaalada. “Iskaa wax-u-qabso ayaanu ku shaqaynaynaa oo
aanu hawshan ku wadnaa, taas oo ah mid dheeraad ah oo aanu sannadkiiba mar
samayno, si qashinka loo koontaroolo,” ayuu yidhi Mr. Nakruuma.
Ololahan bilowga ah ee Waaxda Arrimaha Bulshada ee
D/Hoose wado, waxay dadka qaarkood ku tilmaameen inuu yahay mid awood ahaan aan
caabiyi karin baaxadda hawsha hortaalla, sidaa daraadeedna ay haboon tahay in
la xoojiyo laxaadkiisa. “Wakhti yar bay nagu qaadan lahayd, haddii ay joogto
cafaftii Grader-ta ahayd oo hadda nagaga maqan dhinaca jidka Boorama iyo
Dilla.” Sidaa waxa yidhi Mr. Nakruuma oo aanu wax ka weydiinay, sababta ay
qalab u isticmaali waayeen, markaas waxay isaga iyo hawl-wadeenadiisa
nadiifiyayaasha ahi, xashiish ka gurayeen Jidka wadnaha ee badhtamaha
magaalada, gaar ahaan qaybta hor marta Guriga Shaqalaha Dawladda, halkaas oo
daad ku soo jabay kaga tegay Camuud iyo Qashin qoyan. Dadka Xashiishka gurayey
may adeegsanayn qalab muhiim ah, marka loo eego baaxadda hawsha ee waxay
isticmaalayeen waxyaabo yaryar oo gacan-qabsi ah oo ay ku ururinayeen
Xashiishka qoyan oo ay ku gurayeen Gaadhi iska-rogo ah oo duug ah.
Dhinaca kale, Dawladda Hoose ee Hargeysa ayay
wararku sheegayaan in Mudooyinkan dambeba ay soo foodsaartay marxalad
dhaqaale-xumo, taas oo saamaysay ilaa mushaharooyinka shaqaalaha. Si cad looma
qeexin, sababaha keentay dhaqaale yaraantaa, hase yeeshee waxay warar laga soo
xigtay illo lagu kalsoon yahay tibaaxeen in wax is-dhaafdhaafin xoog leh oo
hay’addaa saameeyay ay qayb ka tahay arrintaas.
…………………………………………………………………………….
Tartan Aqooneed Dhexmaray Ardayda Machadka Aflax
|
Hargeysa (Haatuf): Tartan-aqooneed
dhexmaraya ardayda wax ka barata Machadka gaarka ah ee AFLAX, ayaa shalay ka
bilaabmay xarunta dugsigaas ee magaalada Hargeysa.
Tartankaa oo dhacaya Maalinkasta oo Isniin ah,
wuxuu soconaya muddo laba bilood ah, kaas oo inta uu socdaan ay ardayda
fasalada isku midka ah (same grade) dhigataa ku tartami doonto, qaybo ka mid ah
casharada ay ku qaataan Waxbarashada Machadka, sida yeeshiska (dictation),
wada-sheekaysi (conversation), turjumid (translation) iyo su’aalo dhinaca
naxwaha ah.
Maamulaha Machadka AFLAX, Axmed Ismaaciil Maxamed
(Aflax) oo aanu wax ka weydiinay ujeeddada tartanka, ayaa sheegay inuu yahay
mid loogu talo-galay, sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee afka
Ingiriisiga, isla markaana loo ogaan lahaa tayada Waxbarasho ee ardaydu heerka
ay gaadhsiisan tahay.
Tartankan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee
ay qaban-qaabiyaan Dugsiyada qaar ka mid ahi, waxaa loo bixiyay “AFLAX
B1-Monthly Competition,” sida uu sheegay Maamulaha Machadku, fasalada ku
guulaysta tartanka waxa la siinayaa Abaal-marino.
……………………………………………………………….
Xoolahaagu Xeer Ha Kuugu Jiraan Ama
Xerro Ha Kuugu Jiraan
Maahmaah Soomaaliyeed, ayaa tidhaahda “Xoolahaagu Xeer ha kuugu jiraan ama Xerro ha kuugu jiraan,” taas oo ka turjumaysa waaya-aragnimada iyo garashada ay dadka Soomaaliyeed u lahaayeen wax isku darsashada iyo wax wadaagga oo ay murtidan ku cadeeyeen, dariiqa loo marayo ka hor inta aan la dhaqan-gelin, taas oo ah in marka hore xeer la kala dhigto inta aan wax la isku darsan ama uu qof waliba wixiisa haysto oo aan waxba la isku darsan, si aanay dhibaato uga iman.
Sidaa darteed, waxaynu
odhan karnaa waxa keenay dhibaatada iyo mushkiladda Soomaalida ee dabadda
dheeraatay, iyada oo markeedii horeba laga tallaabsaday murtidaa, waxaana wax
la isku darsaday iyadoon wax xeer ah la kala dhiganin, sida wax loo wadaagayo
ama loo qaybsanayo qaabka dawladnimada, taasi waxa ay keentay burburka iyo
mushkiladda aan muddada xalka loo helin. Waxa taa dheer in la kala caddayn kari
waayo, cidda khaladka leh ee horseeday dhibaatada maadaama aan wax xeer ah la
kala dhiganin, markii dambena cid walba waxay la noqotay in ay waxeeda iska
haysato, taas oo horseeday dawladaha is-daba-joogga ah ee ka dhismaya ama
lagaga dhawaaqayo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.
Waxaa la odhan karaa,
markii hore waxaa sababtay in Xeer la kala dhigan waayo, dhawr arrimood oo ay
ka mid yihiin:
v Soomaalida
oo aanay hore u soo marin dawlad ay leeyihiin kaligood oo ay wadaagaan, sidaa
darteedna aan fahamsanayn macnaha dawladnimada iyo waxa ay tahay.
v Jacaylkii
iyo Niyad-wanaagii ay dadka Soomaalidu isu qabeen oo keenay in ay u halgamaan,
sidii ay u Xorroobi lahaayeen una samaysan lahaayeen dawlad ay leeyihiin.
v Nacaybkii
ay dadka Soomaalidu u qabeen gumaystayaashii, iyada oo ay cawo iyo ayaan u
ahayd in ay Cadawga iska dhiciyaan.
Laakiin, burkaba bahal kamay filan, mar qudha ayay
arrimahaasi oo dhammi is-beddeleen markii la arkay dawladnimadu waxay tahay.
Waxa taa ka sii darnaa markii la arkay Madax Soomaaliyeed oo dadkooda kula
kacaya, waxaan waraabana adhi ku samayn.
Taasi waxay meesha ka
saartay, Jacaylkii caadifadda ku dhisnaa ee Soomaalidu isku qabtay iyo fahamkii
khaldanaa ee laga qabay dawladnimada iyo waxa ay tahay. Markii ay damqashadu
gaadhay qofkasta oo Soomaaliyeed, ayaa hubka la isku gurtay, waxaana burburtay
dawladii la wada karhay ee iyadu
xabadda iyo xoogga ku haysatay dalka 21-ka sannadood ee uu Madaxda ka ahaa
Siyaad Barre 1991-kii. Laakiin nasiib-darro, dhibtii intaa kuma ekaan, salkana
looma dhigin in la saxo khaladkii hore oo la is xaq siiyo, balse laba waddo
ayaa la kala qabsaday. Qaybtii bursatay ee ku badanayd Nidaamkii jibadu, waxay
doontay in wax waliba sidii hore ku soo noqoto, halkii intii la hambagay ay
xaqoodii ku mintideen, taasina ay noqotay “isla yaab isla diid.”
Somaliland oo ay
dhibaatada ugu weyni ka soo gaadhay Midnimadii 1960-kii, kadib markii ay ku
weyday Xornimadeedii ay ka qaadatay Ingiriiska, ayaa halgan dheer, kadib la soo
noqotay xaqeedii, waxaana lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale dhinaca
Koonfurta, arrintu halkaa kumay ekaan. Markii la riday Siyaad Barre waxaa
dhacday in cidii xaq ka maqnaa ay fursad u hesho in ay soo ceshato, sida
Qoomiyadda Raxanweynta (RRA) ee hadda la baxay “Maamulka K/Galbeed Soomaaliya”
oo iyagu ahaa, cidda keliya ee ka walaacay Midnimadii 1960-kii, kana
doorbidayay Federaal, halka qaar kalena ay dooneen xaq dheeraad ah, taas oo
marka horeba qayb ka ahayd wixii burburka keenay, sidii uu Abwaanka weyn ee
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” hore u yidhi:
Inta
Qaran dhiskiisiyo,
Dhidibkiisu
taagnaa,
Dheeraad
Nin dooniyo,
Nin
ku dhegay xaqiisoo,
Dhacsanaayey
baa jiray.
Taasi, waxay horseeday
dagaalada iyo mushkiladda dami la’ ee ka taagan Soomaaliya iyo in kolba lagu
dhawaaqo dawlad hor leh, iyada oo muddadii 10-ka sannadood ahayd ee ay
mushkiladdu jirtay la soo qabtay ilaa 13 Shir oo dib-u-heshiisiin ah, balse aan
wax xal ah lagu gaadhin.
Ugu dambayntii, waxa aan
moodaa in lagu baraarugay khaladkii markii hore la galay, cid walibana waxay
jeceshahay in ay xoolahoodu xeer ugu jiraan ama xerro ugu jiraan, taas oo ah
mid lagama gudbaan ah, haddii la doonayo in aanu khaladkii hore lagu noqon.
……………………………………………………………………………….
Qalalaasaha Bariga Dhexe Oo Ka
Sii Daraya
|
Quddus (W.Wararka) – Waxa weli taagan qalalaasaha iyo dagaalada ka taagan Bariga Dhexe, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Israa’il iyo Faastiiniyiinta gadoodsan oo dagaal ugu jira sidii ay u xorayn lahaayeen dhulkooda.
Maalintii shalayna waxa
ku dhintay lix Falastiiniyiin ah, kadib markii ay iska hor-imaadyo ka dhaceen
goobo kala geddisan oo ka tirsan degaanada Falastiiniyiinta.
Magaalada Baytu-laxam,
waxaa lagu soo warramayaa inay ka sii darayso xaaladda ay ku sugan yihiin dadka
ku go’doonsan kaniisada Al-mahdi, kadib markii ay ka go’een cuntadii, biyihii iyo
laydhkiiba, dadkaas oo halkaa ku go’doonsanaa muddo laba toddobaad ah. Iyada oo
haatan laga cabsi qabo in ay ciidamada Israa’iil xoog ku galaan gudaha
kaniisadda.
Dhinaca kale hoggaamiyaha
reer Falastiin Yaasir Carafaat ayaa maalintii shalay kula kulmay xarunta uu ku
go’doonsan yahay ee Ramallah ku xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibedda ee
Maraykanka William Berry oo haatan booqsho ku jooga Bariga Dhexe, lamase
sheegin wax natiijo ah oo ka soo baxay wadahadalladaas. Waxaase lagu soo
warramayaa inuu Yaasir Carafaat ku adkaystay inay ciidamada Israa’iil deg-deg
uga baxaan dhulka Falastiin ee ay xooga ku qabsadeen.
Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay Kofi Anan, ayaa isna magacaabay guddi xaqiiqo-raadis ah oo
saddex xubnood ka kooban oo baadhitaan ku soo samaynaya xasuuqii ka dhacay
Jiniin.
………………………………………………………….
Doorashada Madaxtinimada
Faransiiska Oo Muran Dhalisay
|
Paris (W.Wararka) – Doorashadi madaxtimada ee maalintii Axaddii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa muran dhalisay, kadib markii uu kaalinta labaad si lama filaan ah ugu soo baxay musharaxa xag jira ee garabka midigta Jeanarie le Pen oo ka darajo sarreeyay musharaxii hantiwadaaga Lionel Juspin, isla markaana ah Ra’iisal-wasaraha hadda ee Faransiiska.
Mr. Lepen guusha uub
gaadhay waxa ay cadho gelisay dadweynaha Faransiiska oo ay lama filaan ku
noqotay guushiisu, waxaana maaliintii shalay caasimadda Paris ka dhacay
mudaharaado ay ka qaybqaateen kumanaan kun oo qof oo diidanaa guusha uu helay
Jean Marie le Pen.
Sababta keentay cadhada
ay dadka Faransiisku ka muujiyeen guushiisu waa iyaga oo diidan siyaasadihiisa
xag jira ee uu kaga so horjeedo dadka soo galawga ah iyo midnimada dalalka
Yurub.
Balse waxaa hadhay wareeg
labaad oo ay ku kulmi doonaan Jaques Chirac oo ah madaxweynaha hadda ee
Faransiiska oo doorashadii Axaddii ka helay 19.67% codadkiila bixiyay iyo Jean
Marie Le Pen oo helay 17.02% codadkii la bixiyay.
Lionel Jospin oo isagu
galay kaalinta saddexaad waxa u helay 16%, taas oo keentay inuu ku dhawaaqo in
uu ka baxay hawilhii siyaasadda.
………………………………………………………………………
BUSTAANKAFANKA
IYO SUUGAANTA
Taariikh-Faneedka Abwaan
Maxamuud C/laahi Ciise “Sangub”
aybihii hore ee
Taarrikh-faneedka Abwaan Sangub, waxaynu ku xusnay qaybo ka mid ah Badweynta
murtiyeed ee Eebbe ku manaystay Abwaanka, gaar ahaan riwaayadihii uu sameeyay
oo qaar ka mid ah aanu wax kga tilmaamay.
Qormadeenan maantana,
waxaynu ku soo qaadanaynaa doorkii uu Sangub ku lahaa, heesaha Waddaniga loo
yaqaan.
Inkasta oo uu Sangub si
weyn uga soo horjeeday Maamulkii Rayidka ahaa oo uu Inqilaab Meletari Xukunka
kagala wareegay 21 Oktoobar 1969, haddana wuxuu taageero weyn isla barbar
taagay dawladii milateriga ahayd, isaga oo Maxamuud C/laahi arrintaa ka
hadlaya, wuxuu yidhi: “Dawladii hore waan la-dagaalami jiray oo waxaan u
arkayay wax khaldan, kadibna waxaa dhashay Kacaankii markaa aad baan u
dheereeyay.”
Marka laga tago heesaha
Kal-gacalka ah iyo kuwa
hogga-tusaalaynta ah, waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay samaynta heesaha
Waddaniga ah oo uu maqaam sare ka gaadhay. Haddii aynu dhawr ka mid soo
qaadano, waxaa tusaale inoogu filan Heesta caanka ah ee “Dhulka sow anigu ma
lihi,, miyay dhimashadu iqoonta, miyaan dhiig baxay ka diiraa, shahiidku miyuu
dhib-diidaa, dhulkayga miyaa la-rarayaa, baddayda miyaa la-dhurayaa, dhirtayda
miyaa la-dhoofshaa, ninkii dhoof ku yimi bay geeridu dhibaysaa.”
Inkasta oo ay heestani Waddani tahay oo sida uu sheegay abwaanku, loogu tala-galay in loogu digo dawladii Ruushka oo dhinaca Itoobiya u xaglisay markii uu socday dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadihii 1970-naadkii, haddana sideedii looma dayn, waxayna noqotay mid loo isticmaalay ujeedooyin badan oo dadka midba sidii uu jecelyahay u cabiro, gaar ahaan xilliyada ay jiraan iska horimaadyo iyo khilaafaad u dhexeeya laba ardaa ama laba qolo oo xataa isku ardaa keliya ahi. Falalka noocaas ah oo noqday, qaar si weyn ugu faafay dhammaan dhulka Soomaalidu degto. Abwaan Sangub oo dareenkiisa ka dhiibanaya, sida loo maydhaamay heestaa iyo kuwa kaleba, ayaa yidhi; “Markii Ruushku inaga soo saaray Itoobiya, ayaan aniga oo cadhaysan sameeyay afar heesood oo tani ka mid tahay, laakiin waa nasiib-darro in dadku arki waayan Xikmadaha qotoda dheer ee ay xambaarsan tahay, waana wax laga xumaado.”
Heesaha kale ee Waddaniga
ah, waxaa ka mid ah: “Dhiigayga waan gada-hayaa, galaas ayaan ku
shubayaa,” “Wallee dheehooy dhaaxaad
oloshaye, waa lagaa dhalin.”
Abwaan Sangub, intii uu
ku dhexjiray mihnadda Fanka, wuxuu soo barbaariyay Fannaaniin badan oo Caan ah
oo ay ka mid yihiin; Cabdi Cali “Bacalwaan,” Cumar Rooraaye, Axmed Cali Cigaal,
Axmed Mooge iyo Axmed Gacayte. Waxa kale oo uu qayb ka qaatay hablaha
fannaaniinta, gaar ahaan kooxdii ciyaaraha dhaqanka oo uu soo saaray gabdho
badan oo ay mid yihiin; Shamso Cumar, Caasha Walasaqo, Safiya Geelle, Fayruus
Sh. Daahir, Khadiija Maxamuud “Qalanjo,” Saynab Cige, Xakiima Caalin, Kaaha
Shire iyo kuwo kale oo farabadan.
Fannaaniinta iyo
Jilayaasha kale ee ka qayb-qaatay Riwaayadaha Abwaan Sangub, waxaa ka mid ah;
Maxamed Mooge, Dhegjar, Huryo, (dhammaantood Alle ha’u naxariistee), Sahra
Axmed, Cabdi-dhuux, Meecaad Miigane iyo Saado Cali Warsame.
Abwaan Sangub oo
la-weydiiyay, qofka uu ugu jecelyahay marka laga hadlayo dhinaca Jillaanimada,
wuxuu ku sheegay Fannaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame “Cunaabi.” “Qofka
wax jilla oo wax ii metela, waxaan ugu jeclaa Saado Cali, waayo, wax kasta
waxay u samayn jirtay ama u odhan jirtay, sidaa ugu sheego.” Sidaa waxa yidhi
Sangub oo sharaxaad ka bixiyay sababta Saado Cali uu ku jeclaaday.
Maxamuud Cabdillaahi
Ciise “Sangub,” waxaa lagu tilmaamaa ragga ugu horeeya marka laga hadlayo
samaynta riwaayadaha, haddaba isaga oo ka jawaab celinaya aragtida uu ka qabo
cidda ugu riwaayadaha badan, wuxuu yidhi: “Anigu waxaan ahay, qofka ugu
riwaayadaha badan.”
Markii uu dagaalku ka
dhacay dalka Soomaaliya, waxaa bilaabmay burbur ku yimi dhammaan dhinacyada
nolosha bulshada, iyo baro-kac weyn oo dadku ugu hayaameen, dhinaca Waddamada
Jaarka ah, gaar ahaan Waddanka Kenya. Sangub, wakhtigaa wuxuu sameeyay
Riwaayado badan oo uu kaga hadlayo dhibaatooyinkii ay keeneen dagaaladii
sokeeye. Riwaayadahaas, waxaa ka mid ahaa: “Ummad wada qooqan, wax u qaybi
leeyahay,” “Halkii qoontu ku taallay dhakhtarkii qalliwaa,” “Qabyo,” “Ambiil ma
leh.”
Heesaha, sida gaarka ah
dadbadani ugu xusuusto, waxaa ka mid ah: “Yaan Ismiit,” iyo “Nin ku siray wax
kuu sheeg,” oo labaduba yihiin kuwo Waddani ah oo si guud uga hadlaya, dhibaatooyinka
gumaysigu ku hayo bulsho-madowda Afrika, gaar ahaanna “Yaan Ismiit,” waa hees
caan ah oo ay qaadaan fannaaniinta Waaberi, kana hadlaysa qadiyadii Gumaysigu
ku hayay Waddamada Rodisia iyo Koonfurta Afrika.
Abwaan Sangub markii
dagaaladu dhaceen, wuxuu u qaxay dalka Kenya, halkaas oo uu muddo ku noolaa
Xero Qaxooti oo ku taallaa duleedka magaalo-xeebeedka Mombassa oo lagu
magacaabo “Utanga,” halkaas oo uu markii dambe uga sii tacabiray dhinaca
Waddanka Maraykanka. Kuma yarayn qaxar, werwer iyo walbahaarna waa u dheeraa,
wixii ka qabsaday Qaxootinimada oo ahayd mid ku cusub oo hore aanu u arag.
Abwaanku, isaga oo
tilmaamo ka bixinaya mahadhooyinkii ka soo maray, hayaankii dheeraa ee
qaxootiga, wuxuu yidhi: “Anigu weligay hore umaan gaajoon, mana dhibaatoon,
Calanka uma halgamin, la ima dilin, laymana ciilin, Calan rag ku soo daaleen
ayaan gedaanka qabsaday, kadibna waa la ii sacabo tumay oo Sangubow baa la igu
yidhi, aniga oo ilmo xalay dhashay la mid ah, ayaan qaxay. Weligay kumaan
fekerin, Soomaaliya waad ka tegaysaa, Kenya ayan tegay, waxaan watay caruur
badan, waxaana la kulmay gaajo badan iyo dhibaatooyin aan la koobi karin.”
Abwaanku, wuxuu sheekada
ka bilaabay markii uu gaadhay magaalada “Dika” oo u dhow Caasimadda Kenya ee
Nairobi, isaga oo sheegay waxyaabihii uu halkaa kala kulmay inuu ka tiriyay
Jiifto uu u bixiyay “Derin iyo Go’ wadato,” isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi;
“Markii aanu tagnay xeradaa, waxaa dhacday in qofkii shirikaan haysa lagu
qabsado oo la yidhi, xageed ka keentay oo qofkii Derin sitay lagu qabsaday,
ayaan sameeyay Jiiftadan.” Jiiftadii uu Sangub tiriyay, waxaa erayadeedii ka
mid aha: “Kud ka deg oo qanjo u durug derin iyo go’ wadatada, Jirikaan
dawerisada taandhada ku dooddada waaba looga sii daray. Soddon gu’ iyo dogaad diraac
iyo Jiilaalkeed, dalkan aynu leenahay dad aqoon leh baa yidhi, dembiyadii ka
dhici jiray duhur galay dharaar qudha, xisaabihii la daabacay daalacan tan baa
dheer.” Jiiftadan oo ah mid aad u dheer, waxa kale oo ka mid ahaa tuduc uu
kaga hadlayo, sida aan cidina dan uga lahayn Shacbiga magacooda lagu
adeeganayo, iyada oo qof waliba odhanayo; ummadda Soomaaliyeed!! “Sa’dan la
isku wada-dagay ee magac duleedka ah, Nin waliba dadkiisii iyo duulqabiil ah
soo tubay, ku led daarburburyahan dabalayha fadhiistoo debedaha u soo baxa
nooga dhigaya derejada waxay dood wadaagaan, kii dilay Ninkii yidhi waan
ladnahaye iga daa.”
La soco qaybta afraad oo ka hadlaysa dhibtii Sangub ee qurbaha…..
Akhristayaasha qiimaha
badanow, dhawra hide iyo dhaqankiina oo ka bogta bulshooy:
1. Mansab
haddii laguu doorto macangag lama noqdo
2. Manfac
haddii lagu siiyo murdiye lama noqdo
3. Madax
aanad lahayn miyirkiisa laysma saaro
4. Meel
aanad seexanayn laguma luloodo.
5. Meel
hoo doonaysa hadal waxba kama taro,
6. Milil
dushiisa lama dhayo,
7. Marti
Nin ka yar iyo muddo maalin ka yar midna lama arag,
8. Matag
meel kuguma simo.
9. Midiidin
qoodh ma aha.
10. Madax
meel la salaaxo oo ka saraysaa ma jirto.
11. Maaweelo
ma bogsiiso meel bugta.
12. Mas
madaxaa laga dilaa.
13. Mas
abur dhalay iyo abur mas dhalay
14. Maba
lulatee maxay leeftaa
15. Macal
cune muuqan doonee.
16. Muraadka
magaalo kaa gala muraayad baa xigta.
17. Meel
aar ka kacay atoor fadhfadhiisay.
18. Maamul
xumaba macalinkeedaa ka masuula.
19. Mahiigaan
hortiibaa guryaha layska moosaa.
1. Nin
reer u weyn iyo Naag naago ka umulisayba, midna sida ay wax u ogyihiin uma
sheegaan.
2. Naago
nimay yaqaanaan nin ma moodaan.
3. Nin
aan qooq dilin, Maroodi ma dilo.
4. Nin
yari waa nin ban soo ordaya.
5. Nin
loo tumay looma talin.
6. Nin-na
maankiisa ma saluugo.
7. Nin
af leh ayaa abaar ka baxa.
8. Nin
weyni Wadkii waa yaqaan.
9. Nin
qoyani biyo iskama dhawro.
10. Nin
durbaan tuntay ilaaq dalbay.
11. Nin
xil qaaday eed qaad.
12. Nin
walba Ceesaantii ceel keen.
13. Nin
hulaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa.
14. Nin
guursaday xuunshana xoolo mood.
15. Nin
is amaanay waa Ri’ is-nuugtay.
16. Nin
Ani yidhi rag iska reeb.
17. Naago
abaal haw gelin, amaanse haw diidin.
18. Naago
nimay lagdan kama kacaan.
19. Nin
weyn oo qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.
20. Naag
la furay fadhi u la’ ninkeediina fadqalalow.
21. Nimaan
kuu furi doonin yaanu kuu rarin.
1. Adhi
been wuu didaa beense ma dhutiyo.
2. Af
aanad lahayn lama qabto.
3. Af
aamusani Marti ma sado.
4. Af
wax cunay xishoo.
5. Arrin
rag waa mudacyo afkood.
6. Awrba
awrka ka horeeya socodkiisuu leeyahay.
7. Amaano
kugu raagtay yeddaada baad moodaa.
8. Awr
kala guurtay ma xumee uur kala guuray baa xun.
9. Alifka
kaa xumaadaa Al-baqra kaama hadho.
10. Arrin
ku dhaafay aah sooma celiso.
11. Abaal
raagga ragbaa leh, mid baaqdana haweenbaa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
12. Ama
afeef hore lahow, ama adkaysi dambe.
13. Arrin-xumo
abaar ak daran.
1. Hadal
waa murti iyo yooyoon.
2. Hadal
waa kun iyo kow.
3. Hadal
Markhaati leh iyo hillib mindi leh midkoodna laguma margado.
4. Hadal
waa run kama rayste.
5. Hunuu
hunuu hadal maaha, himbiriirsina wax arag maaha.
6. Hadal
meeshiisaa loogu tagaa.
7. Haddii
hamadaadu kuu been sheegto, talladaadaa kuu run sheegta.
8. Hal
laba midigle u leeyay dhana uma badqabo.
9. Habar
dhali wayday aleelo ku waalatay.
10. Habar
fadhida lagdini wax uga fudud.
1. Bil
saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gaadhsiiso.
2. Beeni
raad ma leh.
3. Beenaale
Markhaatigiisuu fogeeyaa.
4. Beentaada
hore runtaada dambe ma gaadho.
“Danta reerkaaga,
dariskaaga lagalama tashado”
La soco Toddobaadka dambe..
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Dawladdu Daacad Ma Ka Tahay Doorashooyin
Xalaal U Dhaca???
Waxa sagaal sannadood la sugaayay
in mar kasta ay dawladdu soo badhigto, nidaam dhexdhexaad ah oo la isku doorto.
Sannadku markuu ahaa 1995, ayaa dawladdu cudur-daar ka dhigatay, sababo ay ka
mid ahaayeen dagaaladii sokeeye, in ay ka gaadhsiin wayday xeerarkii
doorashooyinka, wakhtigaas waxaa dawladda loo cusboonaysiiyay 18 bilood. 1997
shir beeleedkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Hargaysa, maalintii ugu
dambaysay wuxuu madaxweyne Cigaal ballan qaaday in uu si dhakhso ah u dhammayn
doono nidaam la isku doorto. Intaan la gaadhin muddadii ku ekayd Maamulka
Madaxweyne Cigaal, waxay mar walba dadweynaha loo sheegaayay in ay doorashadu
dhici karto. Waxaase caddayd in dawladdu Muddo-kordhinta ay sii ogayd oo
meel ay sii dhigatay.
Doorashooyin diyaar ahaana marnaba
may jirin! Wax imika
xalaal noqon kara oo diyaar ihina ma jiraan! Inoomana maqna. Dalkana
habayareetee kama soo socoto doorashooyin xalaal ah oo noqota tii dalka iyo
dadkaba lagu dejin lahaa. Madaxweyne Cigaal, waxa muuqata inuu ku talagalay in
aannu marnaba ka degin Xukunka Madaxtinimo, wuxuuna qorshaystay in aan isaga
mooyee cid kale dalkan Madax ka noqon, waxa kale oo maamulkiisu meel sii
dhigtay in nidaamka doorashona noqdo mid xukuumaddan dib ugu soo celiya shan
sannadood oo dambe.
Maamulka Madaxweyne Cigaal, wuxuu
dalka ka magacaabay gobolo, iyo 23 degmo oo uu u samaystay doorashooyinka soo
socda. Gobolo iyo degmooyin hadyad loo bixinaayo, qaarna abaalgud looga
dhigayo taageeridda madaxweyne Cigaal. Waa qaar aan illa hadda la ansixin
dhibaatooyinkoodana badannaa keenaya mustaqbalka. Haddaba sidee
wax looga qaban karaa, hadday dawladdu halkaa ka taagan tahay, mucaaradkuna ka
aamin-ka-baxay dawladda?
Dawladdii marnaba isku may dayin
raallina kama aha inay la tashato,lana wadaagto sidii nidaam doorasho oo xalaalaysan
dalka loogu heli lahaa.Taasi waxay dad badan xasuusisay doorashadii Somaliweyn
ee 1969.
Somaliland, dagaal ba'an oo dad iyo
duunyaba qaba ayaa loo soo wada maray. wuxuu ahaa dagaal, deegaan kasta iyo
gobol kasta uu faqash halkiisa kala dagaalamay kana xoreeyay.Wuxuu ahaa dagaal
intii mujaahid shahiidday iyo intii mujaahid nabad gashayba ay rajo fiican ka
qabeen in la helo dal iyo dawlad ku dhisnaada xaq iyo caddaalad. Maanta in
Somaliland laga duwo tii loogu soo dagaalgalay, ee ahayd: -
v
Nabad iyo walaaltinimo.
v
Caddaalad loo wada simanyahay.
v Iyo ugu dambayn Dimoqraadiyad macnaheedu yahay Madaxtinimada ama Talada oo noqota wadaagid iyo wax raalli lagu wada yahay.
Waxaa jeclahay inaan shacabka reer
Somaliland dib u xasuusiyo, taariikhdii ururka SNM inay soo martay afar
guddoomiye iyo doorashooyin ku dhisnaa xalaal, wakhtigaas oo waliba ahaa
wakhti adag. SNM waxay ahayd, ururkii ugu dimuqraadisanaa ururada
wakhtiyadaa soo maray. Haddaba haddaan la xalilin waxna laga qaban, goboladan
iyo degmooyinkan loo magacawday Siyaasadda doorasho, waxaa hubaal noqon doonta
in doorasho xalaal ahi marnaba aanay suurto galin, cidina aanay ku riyoon
maamulkan ayaa doorasho xaqa soo wada. Waxaa iman doonta siday caadadu ahaydna
golihii guurtidu inay kordhis markaa ay ku xalili doonaan halkay
dhibaatada wax ka qaban lahaayeen.
………………………………………………………………………………..
|
Halkani waa Raadiyow Maqallooocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha fiiqfiiqan ee Ilaaq-yaqahanka iyo hirarka bagafsan ee ilaaqyahannka iyo caalamka oo dhan ilaa Tuula-buurya-qab oo aydun naga dhegaysataan Indhedhnetka oo baaqayagu yahay Habaryuu habaryuu dhishkum. Akhyaartayada dhegaha bagbagafsanow maanta waxaydun raadiyowga ka dhegaysanaysaan shuqullo kala caycayn ah oo warkii cara edeg ugu soo horreeyo.
Warkii oo fadhiya:
Dalka Afbagistaan waxa
dhawaan ku soo noqday Boqor guun ah oo soddomeeyo sannadood dalka baadi kaga
maqnaa, kaas oo ku dibood ahaa kayn ku taala dooxada Ruuma ee carriga Talyanka.
Dalkaa Afbagastaan markuu gaadhay ayaa si sanqadh weyn loo soo
dhaweeyay, kaas oo markii uu tegayba inkaar ku legday talafishankii dalkaasi
lahaa oo sidii boqorku u yimiba sakaraadsanaa, boqorkaas oo markii uu halkaa
gaadhay xarrago la kuur-kuursanayay waxa waashmaano ka ahaa ilaalo Talyaani ah,
kuwaas oo ka reebayay dad badan oo reer Afbagastaan ahaa oo hore looga helay xanuuno lagu tilmaamay
inkaar boqor, kuwaas oo u baahnaa duco boqor. Habar dalkaas u dhalatay ayaa
gafuurka feedh lagaga dhuftay, kadib markii ay boqorka afka u dhuubtay oo
damacday inay dhunkato, laakiin ilaaladii u malaysay inay habartu boqorka
qaniinayso.
Waxa kale oo warar looga
qaateen ahi sheegayaan in dalkaas uunsi badan lagu shiday maalintii, si aan
boqorku uga hargabin hubkii Maraykanku ku riday.
Boqorkan oo magaciisa la
yidhaa Daahir Shaadali, wuxuu boqornimada la caymaday guyaal hore, halkaasi u
idlaaday xaalad boqor la’aan ah, kuwaas oo arrin la’aan ilkaha iskaga qubay, oo
xariifnimo darteed daroogo u beertay.
Boqorkani wuxuu ku soo
beegmay xilli uu Afbagastaan Maraykanku ka sameeyay maamul Maarkit tuu ah, kaas
oo nin Xamid Karaani layidhaa darawal ka yahay.
Boqorkan oo ka dhashay
qabiilka la yidhaa Bashtuu Bataan wuxuu isha ku dhuftay nabaradii ay isla
dhaceen Maraykanka iyo Jabhaddii Gaal-dhibaan la odhan jiray.
Boqorkan oo xammaalidiisa
Talyaanigu lahaa dawladda samaynteedana uu Maraykanku lahaa. Waxa dadka qaar
sheegayaan inay qayb ka tahay qoryo qaybsiga xintanka Yurub iyo Maraykanka u
dhaxeeya. Boqor Shaadali hadal yar oo uu dadkiisa duco ku hulluuqsiiyay, wuxuu
yidhi; “Wax alla waxaan duco hayo waxba idinkala hadhi mayo ee idina hayska
qubina awoowayaal.”
Lacag ay lahayd marxuumadii dhimatay ee Soomaaliya, ayaa Hargeysa dhawaan loogu shiray sidii duunyadaa loo soo qaadi lahaa, loona soo dhaxal joojin lahaa, si rajooyinkii Islaantu ka dhimatay loogu qaybsho.
Lacagtan oo cadadkeeda
lagu qiyaasay laba malyuumaad, waxa baadideeda laga helay dal ammaano xafid ah
oo lagu magacaabo Bilijam, kana mid ahaa dawladihii qaarimiga ahaan jiray,
iminka se ku jira Burseelaha Yururb.
Lacagtan oo la sheegay in
habartii Soomaaliya la odhan jiray iyada oo cusbur ku soo iibsanaysa xaqu
helay, iyada oo tarantay oo midhki doolarba ciyaal kale dhalay.
Waxay ka mid ahayd lacag
waddamada Yurub cawrida Afrika iskaga ilaaliyaan oo waddamada busaaraddu hesho
loo siin jiiray si ay u siistaan saabuun usgaga iskaga maydhaan, lacagtaas oo
Soomaalida laga afqabtay koob iyo toban sannadood ka hor, kaas oo la sheegay in
aan cidna la siin ilaa carruurtii marxuumaddu dhashay ka qaangaadhayaan. Ururo
u maryo-alooloobay hantidaa ayaa shirkooda ku soo saaray rabuudh ay ku
hagaajiyaan ragga duunyadaa haya, rabuudhkaasi wuxuu u ekaa sedan:
Annaga oo ah ciyaalkii ay
ka hoyatay duqdii Soomaali, markaanu aragnay qaar qaan-gaadhay, qaar imika soo
koraya, markaanu waynay oday xilo saamad ah, oo aabe noo noqda, waxaanu
doonaynaa in caano naloo soo siiyo lacagtii hooyaday ka dhimatay wixii ka yaal,
oo Ilaah baan idinku dhaarinee hanoo diidina yaanaan idin cuqubayne.
Doorsho codka lagu dagaalamay ayaa ka dhacday Faransiiswiga, waxaana cod la’aan u dhintay Xisbi mudakar ahaan jiray oo la is lahaa qadi maayo. Iraadada Ilaahay waxa meeshaas ku macaashay xisbiga martida neceb, kaas oo helay codado inuu xaday iyo inuu xalaashaday loo kala garan waayay, kaas oo garoonku ku labeeyay xisbi udubkooda uu Shaakikshirik ka diiga yahay.
Inkasta food-horraadkii
dadka reer Faraans xummad ku abuurtay oo mirqaanka ka xumaysay, haddana waxa la
qiyaasayaa in ShaakirShiraak aan lagu saqajaamayn ee uu isagu ku leeyahay.
Shaakir oo ah oday dhako
weyn, wuxuu digaaga Farasiis diig u ahaa sagaal sanadood, muddadaasna wuxuu ka
mid ahaa naadiga ciyaartoyga dalka oo uu uga ciyaaro lambarka siirooga ee
qiirada tarabuunka. Waxaa naadigoodu lugta ku calfaday koobka dunida oo
Faransiiskii hore shaarubaha aan u gelin jirin, kaas oo kooxda ciyaarta Shaakir
ka sameeyay maryo alool kala jaad-jaad ah, iyada oo ay u ciyaaraan inamo badan
oo Faransiisku u yahay Abti, habaryar iyo habarwadaag.
Sido kale, Shaakir wuxuu
awrgaal ku yahay siyaasadda geeljiraha Yurub ee cusub, horena wuxuu u ahaan
jiray haydhtuulihii Bariis, halkaas oo ay ku gashay bidaarta wacan ee dhakada
uu ku leeyahay.
Qudus
Magaalo Janiina la yidhaa ayaa loogu dhextegay dad Carab ahaa oo Yuhuudu beerka kala baxday, kadib markii ninka Shardoon la yidhaa ku ducaystay, dadkaa oo uu Alla bari ahaan u gawgawracay.
Dhegaystayaal haddaan
gabay tirshaba gabay kale ayuu iila galayaa,
Haddaan hees tirshana
hees kale ayay hoosta ii galine,
Haddii aan buraanburi lahaa muusig baan jirine,
Waa gabay bigeys lagu
cunaa subag la ruubaaye,
Waa gabay sidii urur
xisbiga loo arrimiyaaye,
Waa gabay indhaha iyo
dhagaha laga gufeeyaaye,
Waa gabay gafuurkiyo
sanka laga xinneeyaaye,
Wa gabay isagoo madow
suuq la galiyaaye,
Sidii awr surwaal loo
gashoo suudhna loo tolayo,
Gabaygu sidii caashaquu
hoosta kaa galiye,
Caashaq dhiidhi galay
ayaan beryahan soo qodqodayaaye,
Hadda madaxyareey adigoo
qudhaan kuu warramayaaye,
Gabadhaan dhawr aan
caashaqay ee aad madowga yaabaysay,
Ee dhalaalkeeda
quruxdiisa aad dhuxusha yaabaysay,
Markaan lacag u waayay ee
gabana cidi siin wayday,
Markaan lacag u doonay ee
la rabay inaan aroos geeyo,
Ayuunbay intaan maqnaa
buufis mariyeene,
Inkaarmooyin waxay iga
marsheen midabo shaydaane,
Anigoon ogayn bay yartii
iga caseeyeene,
Caweefbay u yeeleen intay
ciiro mariyeene,
Awal horeba way joogtayoo
may casaan jirine,
Gabaatiga markaan
raadiyay ayay sii marmariyeene,
Mar haday caseeyeen
jacayl la iga ciideeye,
Gabadhii nacaye seedigay
yaa iag qabanaaya,
Soddohdayna xeedhay
toshaye saw I dilimayso,
Afartaa sidii Bariga
dhexe boodh makaga duulshay,
Afar kalena waan soo
wadaa sida Israa’iile,
Inay dunidu baal-baal
tahoo la is bugaaxaayo,
Nin bu’iyo ninki baqa
haddaan la iska baydheen,
Bayhoofka Falastiin
qabtiyo bay’ada yeedhaysa,
Baroortaa dareertay eed
daruur qudhuntay moodaysay,
Waxaa la isku
boox-booxayaa budul colaadeede,
Carabay ba’a waa nimanka
Buush hiil u beegsanaya.
Dhegaystayaal gabaygaa idinku halkaa ka sii wada.
Waxaa kale oo aan maanta
idiin hayaa hal-xidhaale oo jawaabtiisa ii keeni doontaan haddaad garataan.
“Hadaanad
jawaabi garanayn ha iga akhriyin”
1. Waxad
garataa duceeyaha aan weligii isagu ducada qaadan?
2. Waxaad
garataa halka raggu awrka uga weyn yahay?
3. Waxaad
garataa qofka aabahaa iyo hooyadaa dhaleen ee haddana walaalkaa ahayn?
WAADIGA
CIYAARAHA
Saleebaan Guray
Hanashada Horyaalka
Talyaaniga oo Saadaal Beelay
|
Rome (AP) – Kooxda xilligan xaraaradda leh ee Chievo, ayaa hakisay naadiga horyaalka hoggaaminaya ee Internazionale oo ay Axaddii 2-2 kula dhammaystay ciyaarti dhexmartay, iyada oo laba ciyaarood oo keli ahi ka hadhsan yihiin dhammaadkii tartanka.
Inter waxay dhibic keliya
ka horraysaa Juventus (66 iyo 65) ayay kala leeyihiin Inter iyo Juventus oo u
muuqata inay awood badan la soo noqotay.
Federico Cossato oo
qaybtii dambe beddel ku soo galay ayaa Chievo u dhaliyay goolka barbar dhaca
dhammaadkii ciyaartii ka dhacday garoonka Verona ee Bentegodi Stadium oo ay
markaa Inter 2-1 kulanka ku hoggaaminaysay. Weeraryahanka reer Brazil ee
Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee uu dhaliyo labadi ciyaarood ee
ugu dambeeyay, Ronaldo oo dhammaystay ciyaarti toddobaadkii tegay, wuxuu ka soo
hoyday dhaawac ka gaadhay muruqa. Xiddiga reer Brazil ayaa kubadda dhexdhigay
shebegga oo bannaan, kadib markii goolhayaha Chievlo awoodi waayay inuu kubadda
qabto.
Massimo Marazzina, ayaa
Chievo u dhaliyay goolka daqiiqaddii 42aad, markii uu madaxa ku dhaliyay
kubbad. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ah Stephane Dalmat, ayaa
Inter u dhaliyay goolkii barbaraha daqiiqaddii 46aad oo uu kubadda kaga
laadahay qiyaas 15 mitir u jirta.
Hase yeeshee, daqiiqaddii
60aad ayuu Ronaldo kubadda ka boobay goolhaye Cristiano Cupatelli oo
dhayalsaday qabashada kubadda, kadibna sidaa ayuu ku dhaliyay goolkii labaad ee
kooxda Inter oo isu dhigtay inay horyaalka qaadanayso.
Si kastaba ha ahaatee
Cassato ayaa dhammaadkii ciyaarta dhaliyay gooklii barbaraha oo Chievo u sahlay
inay ciyaaraheedii ku dhammaysatay 13 badis, 2 barbaro ah iyo toddoba
guul-darro, waxayna leedahay 51 dhibcood. Chievo waxay ku taamaysaa inay
sannadka soo socda ka qaybgasho horyaalada Yurub.
Ciyaar jewigeedu aad u kacsanaa ayaa dhexmartay kooxda ka dagaalamaysa dib-u-dhaca heerka labaad ee Piacenza iyo Juventus oo ku dedaalaysa sidii ay horyaalka u qaadan lahaayeen.
Weeraryahanka
gooldhalinta badan Dario Hubnen, ayaa helay ugu yaraan laba fursadood oo goolal
noqon lahaa, balse wuu la seegay shebegga.
Juventus halgan bay ku
jirtay ilaa uu Nedved u dhaliyay goolkiisii guusha oo yimid dhammaadkii
ciyaarta, kaas oo ciyaaraha Juventus ka dhigay 18 badis, 11 barbaro ah iyo
saddex guul-darro.
Ciyaaryahanka Roberto Baggio, oo ka soo laabtay dhaawac ka soo gaadhay ruuga horraantii sannadka, isla markaana filaya inuu kaalin ka helo xulka Talyaaniga ee ka qaybgalaya koobkii adduunka.
Baggio wuxuu dhaliyay
goolkiisii labaad oo ahaa kiisii ugu horreeyay ee uu dhaliyay markii uu laba
daqiiqo oo keliya ciyaarta ku jiray.
35-jirka weerarka ka
ciyaari jiray ayaa markale daqiiqaddii 88aad dhaliyay goolkiisii labaad ee
ciyaarta, taas oo keentay inay Brescia ka sii durugto marxaladda baqashada
badan.
Baggio oo daqiiqaddii
70aad cabsi tiray kooxdiisa ayaa ku guulaystay in tabobare Giovanni Trapattoni
ku dhiirado inuu ku daro xulka.
Waxay ahayd guul-darradii
20aad ee Fiorentina oo horeba ugu siibatay kaalinta dib-u-noqoshada. Brescia
waxay leedahay 37 dhibcood, waxayna isku dhibco yihiin Udinese oo ay ku wada
jiraan kaalinta 15aad.
Kooxda AC Milan oo ay 1-0
kaga badisay Juventus toddobaadkii hore oo ay ku wada ciyaareen Turin, ayaa ku
dedaashay sidii ay ula hadhi lahayd AS Roma iyo weerarkeeda wanaagsan oo ay ka
mid yihiin Montella iyo Totti.
Totti, ayaa isku deyay
inuu dhaliyo goolkii guusha qaybtii labaad markii uu weerar xoog badan baal ka
soo qaaday, hase yeeshee waxaa si xeelad weyni ku jirto u samato bixiyay
goolhaye Christian Abiatti.
Roma waxay leedahay 64
dhibcood, halka ay AC Milan leedahay 49 dhibcood, welina waxay quud-daraynaysaa
inay kaalin ka hesho tartanka Yurub ee kal dambe.
Lazio ayaa 5-1 ciyaarta ku hoggaaminaysay intii aanay Verona dhalin saddex gool oo deg-deg ah, taas oo halis gelisay guusha kooxda martida loo ahaa.
Verona ayaa goolka hore
dhalisay daqiiqaddii sagaalaad, waxaana u saxeexay weeraryahanka reer
Switzerland ee Mario Frick.
Difaacyahanka reer
Holland ee Stam, ayaa daqiiqaddii 29aad u dhaliyay goolkii barbaraha ee Lazio,
waana kii ugu horreeyay ee uu dhaliyo intii uu kooxda u soo wareegay.
Rigoore uu dhaliyay
weeraryahanka reer Argentina ee Claudio Lopez, iyo laba gool oo uu si xarrago
leh u dhaliyay Stankovic ayaa 4-1 ciyaarta ka dhigay.
Weeraryahanka Hernan
Crespo oo dhaawac ka soo laabtay ayaa kulanka ka dhigay 5-1, kadib markii uu
gool dhaliyay daqiiqaddii 77aad.
Hase yeeshee, goolasha ay
dhaliyeen Baraasiliyiinta Adalton, Leonardo Colucci iyo Michele Cossato, ayaa
soo koobay kala fogaantii dhinaca goolasha.
Rigoore uu si xarrago leh u dhaliyay weeraryahanka reer Brazil ee Ze Mario daqiiqaddii 51aad ee ciyaarta, ayna 1-0 ka dhigay natiijadii kulankii dhexmaray labada kooxood.
Guul-darradani waa tii
saddexaad ee la kulanta Bologna ciyaarihii ugu dambeeyay.
Perugia oo u qalantay
guusha waxay kor ugu hinqatay kaalinta siddeedaad ee tartanka.
Laad xor ah oo uu miidaamiyay difaaca Romania ee Ghoerghe Popescu, ayaa keenay in Lecce ciyaarta 1-0 ku hoggaamiso daqiiqaddii 35aad, hase yeeshee daqiqaddii 76aad ayuu goolkii barbaraha keenay weeraryahanka reer Uruguay ee Franco.
Tartan orodka 5000 m ah oo ka
dhacay Berbera
T |
artan orodka dheer ee
5000 ee mitir ah ayaa shalay ka dacay magaalo xeebeeda Berbera, tartankaasna
waxaa kaalinta koowaad ku guulaystay orodyahanka lagu magacaabo Maxamed Axmed
Cismaan oo orodkisii ku dhammeeyay 19:00 daqiiqadood, kaalinta labaad ee
orodkaa waxa ku guulaystay Caydaruus C/llaahi Cawad oo ku orday 20 daqiiqadood,
kaalinta saddexaadna waxa ku guulaystay wiilka lagu magacaabo Axmed-yaasiin
C/llaahi Haybe oo ku orday 21 daqiiqadood.
Kaalinta afraad ee isla
tartanka waxaa galay Mr. Hurry Gulker oo ku orday 29 daqiiqo.
Orodyahanadi ku guulastay
saddexda kaalmood ee ugu horreeya waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino lacageed
iyadoo dhinaca kalena 10-ka orodyahan ee tartanka ugu horreeyay la
guddoonsiiyay koofiyado iyo shandado ay bixisay hay’adda T.H.W oo iyadu soo
qabanqaabisay tartanka. Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera. Mr. Cabdirashiid
Cismaan aya abaalmarinta guddoonsiiyay orodyahanada.
Xulka Gobolka Saaxil Oo La
Magacaabay
|
Berbera (Haatuf):- Iyada oo la filayo inay dhawaan dalka ka bilaabmayaan ciyaarihi gobollada ayaa intooda badani isu diyaarinayaan sidii ay qayb laxaad leh tartanka uga qadan lahaayeen. Gobolka Saaxil ayaa noqday kii saddexaad ee soo saara liiska magacyada ciyaartoyga gobolka ugu qaybgalaya ciyaaraha. Waxa magacyada ciyaartoygooda hore u soo gudbiyay gobolka Hargeysa iyo gobolka Togdheer.
Magacyada ciyaartoyga
cusubina waxay kala yihiin sidan:
1. C/qani
Maxamed Warsame
2. C/qani
Nuur Maxamed
3. C/qaadir
xasan Ibraahim
4. C/naasir
Xasan Aadan
5. C/raxmaan
Aadan Sahal
6. Farxaan
Muuse Liibaan
7. Mustafe
Aadan C/llaahi
8. Mustafe
Maxamed C/llaahi
9. Maxamed
Cumar Jaamac
10. Maxamed
C/llaahi Cawad
11. Maxamed
Axmed Cabdi
12. Xuseen
Cabdi Axmed
13. Siciid
Axmed Rooble
14. Xasan
Saalax Siciid
15. Cumar
Maxamed Siciid
16. Cumar
Maxamed Siciid
17. Yaasiin
Cige Beegsi
18. C/rakiin
Maxamed Kaahin
19. Mawliid
Maxamed Yuusuf
20. Mubaarig
Maxamed C/llaahi
21. Yuusuf
Cabdi Samatar
22. Xasan
Maxamed Guuleed.
Ronaldo oo goolkiisii
saddexaad dhaliyay ciyaartii habeen hore, kadib markuu dhaawac ka soo kacay.