SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 71-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadki
71, April 28, 2002
Telephone
252-225-3783, 252-828-3783
E-mail:
haatufnews@hotmail.com
Hargeysa (Haatuf): Weftiga
Salaadiinta reer Burco ee socdaalka ku joogga dalka Itoobiya, ayaa la filayaa
in ay dalka dib ugu soo laabtaan maanta ilaa berito, kadib markii ay magaalada
Herer ee dalka Itoobiya wada-hadalo kula soo yeesheen Masuuliyiin sar-sare oo
ka tirsan dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya.
Warar u dhuun-daloolla socdaalka Salaadiinta oo
aanu maalintii shalay illo kala du-duwan ka helnay, ayaa tibaaxay in
Salaadiintaasi soo dhammaysteen wada-hadaladii ay dalka Itoobiya kula lahaayeen
Masuuliyiinta dawladda Itoobiya, isla markaana ay soo fool leeyihiin, iyadoo ay
dadka qaar filayeen in ay maalintii shalay soo gaadhaan Jiidaha Burco ama
Hargeysa. Hase yeeshee, ilaa cawaysinkii xalay lama xaqiijin in ay soo gaadheen
labadaa magaalo midna.
“Salaadiinta iyo masuuliyiinta Itoobiya way soo
dhammaysteen wada-hadaladii ay lahaayeen, mar aan shalay (dorraad) la
xidhiidhay Salaadiintana, waxay ii sheegeen in ay si fiican isu af-garteen
dawladda Itoobiya, ayna soo fool leeyihiin.” Sidaa waxa yidhi, qof la
xidhiidhay Salaadiinta socdaalka ku joogga Itoobiya oo u waramay Haatuf.
Inkasta oo ay wararku tibaaxeen in ay Salaadiinta
iyo masuuliyiinta Itoobiya si fiican isula meel dhigeen arrimihii ay ka wada-hadleen,
haddana wararku tafaasiil dheeraad ah kama bixin, qodobbada ay labada dhinac
isla meel dhigeen iyo waxyaalihii ay bilowgii isla gorfeeyeen. Hase yeeshee,
waxay wararka arrintaa u dhuun-daloollaa sheegeen in ay labada dhinac ka
wada-hadleen, waxyaalo ay ka mid yihiin; arrimaha nabadgelyada iyo derisnimada
labada dhinac ama labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo ay wararka
qaarna tibaaxeen in ay labada qolo ka wada-hadleen, duruufaha Siyaasadeed ee
guud ahaan ka jira mandaqadda Bariga Afrika, gaar ahaanna sida ay wararku
tibaaxeen la isla qaaday wacyiga Siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah ka jira
Somaliland, balse wararku ma qeexin qaabka ay labada dhinac isula soo qaadeen
ama uga wada-hadleen xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland, waxase la tuhunsan
yahay in ay labada dhinac isla soo qaadeen khilaafaadka Siyaasadeed ee u
dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Cigaal iyo Mucaaridka ku kacsan, iyadoo ay
Salaadiinta socdaalka ku joogga Itoobiya ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani
iyo Boqor Maxamuud Cali Carab ay ka mid yihiin, kooxo Salaadiin ah oo hore ugu
dhawaaqay Shirweyne Qaran, laguna tiriyo in ay ka soo horjeedaan Maamulka
Madaxweyne Cigaal.
Labadan Hoggaamiye-dhaqameed (Suldaan Maxamed iyo
Boqor Maxamuud) oo ay weheliyeen laba oday oo reer Burco ah, waxay dalka
Itoobiya u kicitimeen Isniintii toddobaadkii hore, kadib markii ay martiqaad ka
heleen Masuuliyiinta sar-sare ee dawladda Itoobiya, iyadoo uu ergay ka socda
Maamulka Itoobiya, fariinta Martiqaadka magaalada Burco ugu geeyay
Salaadiintaa, waxaana wararku sheegeen in ay weftiga Salaadiinta dalka Itoobiya
ku qaabileen Masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin xubno ka socda Xoghaynta
sare ee xafiiskan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, balse lama carifin magacyada iyo
derejada xubnaha la kulmay weftiga Salaadiinta reer Burco.
Daadad Waxyeelo U Geystay Xarun
Digaagga ah Oo Ku Taal Magaalada Hargeysa
Hargeysa (Haatuf): “Afar boqol (400)
oo digaagga nooca loo yaqaan (White leghorn) ayaan ku bilaabay, waxaana
sameeyay labo guri iyo beer hal hiktar oo lagu xanaaneeyo.” Sidaa waxa yidhi
C/raxmaan Xaaji Nuur oo ah, Maamulaha Kaam lagu xanaaneeyo digaagga oo ku taal
xaafadda Boqol-jire ee magaalada Hargeysa.
Kaamkan oo loo yaqaan Xarunta Horumarinta Digaagga
ee Boqol-jire, waxaa markii u horaysay la-abuuray bishii Ogost oo sannadkii
2000, wakhtigaasna waxa hadda laga jooggaa ilaa muddo labo sanno ku dhawaad ah,
waxaana xarunta bud-dhigay C/raxmaan Xaaji Nuur oo iminka Maamule ka ah
xaruntaa.
Roobabkii ka da[ay magaalada Hargeysa dhawaan, ayaa
waxyeelo u gaystay Kaamkaa, kadib markii ay daadad ku soo jabay burburiyeen
qaybo ka mid ah Kaamboolka ay ku fadhido xaruntaasi, iyadoo uu daadku dhulka la
simay dhisme gabyan ah oo dhinaca Waqooyi kaga xeernaa Beerta digaagga.
Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Haatuf
oo toddobaadkii hore booqday xarunta Xannaanada digaagga boqol-jire, waxay
indhahooda ku soo arkeen waxyeelada ay daadadku u geysteen Xayndaabka xarunta
digaagga Boqol-jire, taas oo ay Weriyayaashu sheegeen in ay daadad ka soo
fatahay doox u dhow xaruntaa, burburiyeen qaybo ka mid ah dayrka ku wareegsan
xerrada digaagga Boqol-jire.
Maamulaha Kaamka digaagga Boqol-jire C/raxmaan
Xaaji Nuur oo u waramay Haatuf, ayaa walaac weyn ka muujiyay
halista ay daadadku ku hayaan dhismaha Xaruntaa, wuxuuna C/raxmaan sheegay in ay
daadadku khasaare u gaysteen xaruntiisa, kadib markii ay daadadku gebi ahaanba
baabi’iyeen dhisme gabyan (Dhagax silig lagu guray) ah oo xarunta gabood uga
ahaa fataha daadadka, iyadoo ay duleedka Waqooyi ee kaamboolka xaruntaa marto
dhudhub weyn oo ay biyaha roobabku ka soo rogmadaan.
Marka laga yimaado waxyeelada iyo khatarta uu
daadku ku hayo, waxa kale oo uu Maamuluhu ka waramay heerka wax-soo-saarka ee
xaruntaa iyo duruufaha ku gadaaman geedi-socodka horumarka xaruntaa.
“Waxaanu ku bilownay ilaa 400-xabbo oo ah, digaagga
nooca loo yaqaan (white leghorn), iyadoo ay noocani yihiin nooc si dhaqso ah
looga helo beed,” ayuu yidhi C/raxmaan, iyadoo uu C/raxmaan Xaaji Nuur, intaa
ku daray in ay wakhtigan Xaadirka ah, gacanta ku hayaan Barnaamij tijaabo ah oo
ay isku tallaalayaan digaagga Waddaniga ah iyo digaag laga keenay Jaamacadda
Allamaayo oo ah Jaamacad beeraha ah, iyadoo uu digaagga Allamaayo laga keenay
ka mid yahay noocyada digaagga ah ee lagu xannaaneeyo xarunta digaagga
Boqol-jire.
Maamulaha xarunta digaagga Boqol-jire C/raxmaan X.
Nuur, wuxuu sheegay in digaagga lagu dhaqo xaruntiisa laga tallaalay dhammaan
cudurada ku dhaca digaagga, sidaa darteed uu dadka ka iibiyo beed (ukun) aad u
fayo-qaba, iyadoo uu C/raxmaan khabiir ku noqday sida loo xannaaneeyo ama loo
daryeelo digaagga laba guri oo hoy u ah digaagga iyo beer hal hiktar ah, ayaa
ku yaal xarunta digaagga Boqol-jire.
Goobo dhawr ah oo ka mid ah magaalada Hargeysa,
ayaa Macaamiil ganacsi la leh xarunta digaagga Boqol-jire, sida; Adna Hospital,
Baar Xaraf, Hargeysa Club iyo Baar Gol-jano, wuxuuna Maamulaha xaruntaasi
sheegay in ay higsanayaan wax-soo-saar intaa ka badan, isla markaana uu diyaar
yahy suuqii iibka wax-soo-saarka digaaggu, laakiin wuxuu Maamuluhu farta ku
fiiqay in ay haystaan duruufo dhaqaale oo hortaagan horumarkii wax-soo-saar ee
ay xarunta ku tallaabsan lahayd, si ay u hesho awoodii wax-soo-saar ee ay isku
dabooli lahayd, iyadoo uu C/raxmaan tilmaamay in ay mustaqbalka dhow ku
talo-jiraan kor-u-qaadidda iyo ballaadhinta wax-soo-saarka digaagga.
“Waxa noo qorshaysan in ay xaruntu soo saarto
digaag loo qaybiyo ilaa 200-qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah, si ay kor
ugu qaadaan dakhligooda oo ay u dhaqdaan digaagga, una manaafacaad-sadaan,”
ayuu yidhi C/raxmaan.
Ugu dambayna C/raxmaan, wuxuu sheegay in ay
xaruntiisu samaysay tijaabooyin dhowr ah oo uu guulaystay, qaarna ay hadda
waddo.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Somaliland: Shaqo La’aanta Sii Kordhaysa Iyo Saamaynta Nolosha
|
Qaab nololeedka noloshii hore ee dadka reer Somaliland oo u
badidoodu ahaa xoolo dhaqato iyo beeralay isku dhafan waxay noloshoodu ku
tiirsanayd wax-soo-saarka xoolahooda oo u qaybsanaa daruuri ay toos u
isticmaalaan iyo badh ay iibiyaan si ay ugu soo beddeshaan baahiyaha kale ee ay
u baahan yihiin.
Noloshaa hore ee dadka
reer Somaliland waxay ahayd mid xubin wal oo qoyska ka mid ahi ay ka qaybgasho
wax-soo-saarka qoyska iyo hantidiisa manfaca leh xubinba halka ay ka qaban
karto korodhkii magaalooyinka iyo korodhka dadka ku nool magaalooyin aan lahayn
goobo ay dad aad u faro badani u shaqo tagaan waxay keentay muuqaal shaqo
la’aana oo ka jira inta badan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, arrintani
waxay ku habsatay qoysaska tirada badan ee noloshoodu joogtada ku noqotay
magaalooyinka, iyaga oo ilahooda dakhliguna yahay wixii lagu helo shaqo uu ka
shaqo galo xubin ka mid ah qoysku.
Waxaa xusid mudan in tiro
badan oo dhallinyaro hawlgal noqon kari lahaa oo loo baahnaa inay helaan
shaqooyin daboola baahiyahooda aasaasiga ah ay weli dulsaar ku yihiin
waalidkood ama dad kale.
Shaqo la’aanta xooga
dhallinyaradu waa sabab ka mid sababaha kor u qaaday isticmaalka
maandooriyeyaasha iyo waxyaalaha kale ee qofka u halista ahaa caafimaadka,
shaqo la’aanta ku yuurursatay dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah, waxay
qayb weyn ka tahay korodhka cudurada maskaxda (waalida) oo maalinba maalinta ka
dambaysa sii kordhaya.
Shaqo la’aantu waxay gaar
ahaan dhallinyarada hoos u dhigtay hankoodii guurka oo ah aasaaska qoysas cusub
oo sal u ah nolosha, haddii uu guurku yaraado waxay u dhawdahay inuu bato
fusuqa kale ee dhiirigeliya faafista cudurada halista ah sida (HIV).
Shaqo la’aantu waxay
keentaa hoos-u-dhaca daryeelka caafimaadka iyo nadaafada kuwaas oo wiiqa cududa
horumarka ee umadda.
Arrintan shaqo la’aantu
waa mid u baahan in xukuumadda Somaliland ay siiso dareen ka weyn kan hadda
jira, waxaa muuqda in iyada oo ay muuqato duruufta shaqo la’aanteed ee dalka ka
jirtaa waxaa muuqda in aan isticmaalka kharashka ee dhaqaalayn u baahan sida
dal dhaqaalihiisa kan Somaliland oo kale yahay aanu ka muuqan.
Si loo abuuro mashaariich
shaqo, waxaa lama huraan ah inuu jiro tashiil hanti qaran iyo isticmaalka
kharashka dawladda oo loo isticmaalo si la aqbali karo, tusaale ahaan waxay
dawladdu mararka qaar iibsataa gaadhi uu wato hal mas’uul oo ka tirsan
wasaaradi, gaadhigaas waxaa lagu bixinayaa ilaa $15,000 (shan iyo toban kun),
waxaa haddana dhacda in gaadhigaasi uu fadhiisto sannad gudaheed, markaa waxaa
isweydiin leh hantidaas oo mid ummaddu wada leedahay miyaa loo isticmaalay
sidii ku habboonayd. Haddiise hantidaa loo isticmaalo si wajahan danta guud
intay waxtar leedahay?
Qaybta hore ee su’aasha
aniga maya ayay ila muuqataa, laakiin qaybta dambe waxaa soo baxaysa in ilaa
toban qof oo uu midkiiba qaato $100 ay ku shaqayn karaan muddo sanad iyo saddex
bilood ah, waa hubaal ah in hanti badan oo umadda wax badan u tari lahayd uu
mas’uul dawladda Somaliland ka tirsani ku isticmaalay wax ku lug leh raaxo
naftiisa ama wax qosol ku jaba.
Arrintu si kastaba ha
ahaatee, shaqo la’aanta faraha badani ee ka jirta bulshada dhexdeedu waxay
sawir u noqonaysaa sida uu maamulka xilligaa jiraa u dareensan yahay baahida
aasaasiga ah ee ummaddiisa.
Ciidamada Maraykanka Iyo Baakistaan Oo
Wadajir U Qaaday Hawlgal Lagu Raadinayo Al-Qaacida
|
Islamabad (W. Wararka) – Ciidamada Maraykanka, iyo
kuwa Baakistaan ayaa wadajir u bilaabay hawlgal ay ku raadinayaan xubno ka
tirsan Al-qaacida iyo Daalibaan oo la sheegay inay soo galeen buuraylayda xigta
xuduudka uu dalka Baakistaan la leeyahay Af-qaanistaan.
Weerarka ay qaadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa
Baakistaan, waxa la sheegay in ay ku qaadeen madarasad ku taala xuduuda
Baakistaan, lamase sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen iyo inay heleen xubno
Al-qaacida ka tirsan.
Dhinaca kalena waxaa Baakistaan ka socda rabshado
ka dhashay Afti uu madaxweyne Barfiis Musharaf ku doonayo in wakhtiga loogu
kordhiyo muddo shan sannadood ah, taas oo lagu wado in la qabto dhawaan.
Axsaabta mucaaradka ah ayaa diidan in Musharaf loo
kordhiyo waqtiga, taas oo keentay in ciidamada Ammaanku qabqabtaan xubno
mucaarad ah.
Sida ay wararku sheegeen laba ka mid ah
taageerayaasha waaweyn ee Janaral Musharaf ayaa lagu dilay magaalada Karaaji,
iyaga oo ku jiray ololaha ay ku taageerayaan Aftida Musharaf oo ay hore u
taageertay maxkamadda sare ee dalkaasi.
Guddi Xaqiiqo-raadin ah Oo Hawl-baadhis
Xasuuq Ka Bilaabaya Xerro Qaxootiga Falastiin ah
Qudus (W. Wararka): Guddiga Xaqiiqo-raadinta ee ay
Qaramada Midoobay u xil-saartay baadhista, xasuuq la-sheegay in ay ciidamada
Israa’iil u geysteen Falastiiniyiinta ku dhaqan Xerrada Qaxootiga ee la
yidhaahdo Jinin, ayaa lagu wadaa in ay maanta hawshooda ka bilaabaan halkaa,
iyadoo safarka guddigaasi ilaa laba goor dib u dhacay.
Xoghaya Guud ee Q. Midoobay Mr. Koffi Annan, ayaa
ku dhawaaqay in ay guddigaasi maanta hawshooda bilaabayaan, iyadoo uu qorshuhu
markii hore ahaa in ay guddigaasi maalintii shalay gaadhaan xerrada Jinin,
balse waxa dib loogu dhigay safarka guddigaa codsiyo ka yimi dhinaca
Israa’iiliyiinta oo ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo, waxayse taasi keentay
Cambaarayn loo jeediyay Qaramada Midoobay, iyadoo lagu eedaynayo in ay u
dabcayaan codsiyada Israa’iiliyiinta.
Xasuuqa ay Ciidamada Israa’iil u geysteen, dadka ku
dhaqan xerrada Qaxootiga Jinin, waxay noqotay dhacdo ay adduunyadu aad uga
qaylisay, iyadoo la tuhunsan yahay in aanay dadkii xerradaa ku dhaqnaa cidiba
ka noolayn, taas oo la helay Xabaalo waaweyn oo ay Israa’iiliyiintu si wadar ah
ugu aaseen Maydad farabadan oo ay Ciidamadeedu laayeen.
Imaatinka Guddiga Xaqiiqo-raadinta ee Qaramada
Midoobay, waxa uu ku soo beegmay, iyada oo ay weli Ciidamada Israa’iil wadaan
gumaadka ay ku hayaan dadka reer Falastiin rayidka ah. Ciidamada Israa’iil
hawl-galkoodii ugu dambeeyay, waxay cagta mariyeen dukaamo iyo dhismayaal
farobadan oo ku yaalla degmada Al-khaliil, kadib markii uu Nin Falastiini ah oo
hubaysani weerar ku qaaday mid ka mid ah goobaha la dejiyay Yuhuudda lagu
degaamaynayo dhulka Falastiin, waxaana halkaa ku dhintay 4-qof oo Yuhuud ah,
halka ay lix kale oo Yuhuud ahina dhaawacmeen.
Markii uu weerarkaasi dhacay kadib, ayay Ciidamada
Israa’iil bilaabeen in ay weeraro ku qaadaan dadka reer Falastiin, iyagoo aan u
aabo-yeelayn layntooda.
Dhinaca kalena, iyadoo ay weeraradaasi socdaan waxa
jira wada-hadalo la doonayo in lagu soo af-jaro, go’ doonka ay Ciidamada
Israa’iil ku hayaan dadka ku xayiran Kaniisadda Al-mahdi ee ku taal magaalada
Baytul-laxam.
Faransiiska: Fejecisada Doorashada iyo Afkaaraha Kala Duwan Ee
Musharaxiinta
Dadweynaha ku nool dalka Faransiiska, ayaa maalinti
Axadii ee 21/4/2002 u dareeray doorasho dhinaca Madaxtinimada ah, si ay u soo
doortaan Madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socota.
Doorashadan oo ay ku loolamayaan Musharaxiin kala
duwani, waxa ka soo baxday markii la-tiriyay cod-bixinta natiijo lama fillaan
iyo fajiciso noqotay, kadib markii uu kaalinta labaad galay musharixii ka
socday midigta fog Mr. Jean-marie le Pen oo ka derejo sareeyay
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Lionel Jospin oo isagu markiiba qirtay in
laga adkaaday, kana hadhay doorashada.
Madaxweynaha haatan ee Faransiiska, Mr. Jacques
Chirac oo ah musharaxa ugu weyn, ayaa isagu doorashadan ka helay 19.67%,
kaalinta saddexaadna waxaa galay Lionel Jospin oo helay 16%. Sidaa daraadeed,
wareegga labaad waxa isugu soo hadhay labada musharax ee Jacques Chirac iyo
Jean-marie Le Pen, kaas oo dhici-doona 5 bisha May ee soo socota.
Guusha lama filaanka ah ee uu gaadhay Mr. Le Pen oo
ah musharax ay afkaartiisu aad u fog tahay, ayaa keenay warwar iyo wallaac weyn
oo ku abuurmay dadweynaha Faransiiska, gaar ahaanna dadka aanay dhalashadoodu
Faransiiska ahayn oo ka cabsi qaba, haddii uu Le Pen guul ka gaadho doorashada
soo socota in ay waayi-doonaan Joogitaankooda Faransiiska, maadaama ay
Siyaasadaha Le Pen iyo Afkaartisuba ay diidan tahay Joogintaanka Ajanebiga ee
Faransiiska oo uu u arko in ay yihiin khatar weyn oo loo baahan yahay in wax
lagu qabto.
Sidaas oo kale, waxay guusha Le Pen wallaac ku
abuurtay guud ahaanba dalalka Midowga Yurub, kadib markii uu Mr. Le Pen ku
hanjabay inuu Faransiisku ka saarayo Midowga Yurub iyo inuu diidan yahay
lacagta midaysan ee ay samaysteen dalalka Yurub.
Arrintani, waxay keentay mudaharaado iyo
bannaan-baxyo waaweyn oo ka dhaca Faransiiska iyo dhawaaqyo diidmo ah oo ka soo
yeedha masuuliyiinta ururka Midowga Yurub.
Madaxweynaha Faransiiska Jacques Chirac, ayaa isna
ku gacan-saydhay inuu dood dhinaca Telefeshinka ah la yeesho Le Pen oo uu ku
tilmaamay inuu halis ku yahay Jiritaanka Faransiiska, waxaanu ugu baaqay
dadweynaha in ay wareegga labaad ee doorashada iska hubiyaan codkooda cidda ay
siinayaan.
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska, Mr. Lionel Juspin
oo lagaga adkaaday doorashadan, ayaa isna ugu baaqay taageerayaashiisa iyo guud
ahaanba dadweynaha Faransiiska in ay is-daba taagaan doorashada wareegeeda
labaad Madaxweyne Jacques Chirac.
Marka ta laga yimaado, waxa loo arkaa in guusha uu
gaadhay Mr. Le Pen ay tusaale u tahay, sida uu ugu soo siyaado dalalka reer
Yurub, afkaaraha ad-adag ee xag-jira, kuwaas oo sii siyaaday tan iyo markii ay
dhaceen weeradii ka dhacay Maraykanka 11-kii bishii September 2001, waxaana
laga cabsi-qabaa in ay taasi horseedo guulo kale oo ay gaadhaan Axsaabta ay
afkaartoodu kulushahay, taas oo halis ku ah xasiloonida dalalka Yurub.
Haddii aynu eegno taariikh nololeedka saddexda
musharax ee ugu waaweyn doorashada ka dhacday Faransiiska, waxa aynu arkaynaa
in ay Afkaartoodu aad u kala duwan tahay, iyaga oo ka soo jeedda Axsaab kala
duwan, Siyaasadahooduna ay iska soo horjeedaan.
Jacques Chirac oo ah Madaxweynaha haatan ee Faransiiska,
ahna musharaxa ugu horeeya waxa ay da’diisu gaadhaysaa 69-jir, Siyaasaddana
waxa uu ku soo jiray muddo aad u dheer, isaga oo ka mid ahaa ardaydii uu
tababaray General De Goulle oo isagu hogaamiye ka ahaa dagaalkii Faransiiska
lagu xoreeyay ee dagaalkii labaad ee adduunka, ka hor intii aanu ku guulaysan
doorashadii Madaxtimada ee sannadkii 1995-kii, waxa uu Ra’iisal-wasaare ka soo
noqday Faransiiska laba jeer oo mid ahayd 28 sannadood ka hor intii aanu
Madaxweynaha noqon. Waxaa kale oo uu soo qabtay, jagooyin Wasaaradeed oo kala
duwan.
Sannadkii 1976-kii, ayuu aasaasay Xisbiga
Isku-tagga Jamhuuriyadda (R.P.R), isaga oo muddo 18 sannadoodahna ahaa Duqa
Caasimadda Faransiiska ee Paris, doorashadana waatii Afraad ee uu isku soo
taago Mr. Chirac, isaga oo laba goor oo hore ku guuldaraystay, muddadii uu
hayay jagada Madaxtinimada oo ahayd 7 sannadood, waxa isbedel lagu sameeyay
muddada lahaynayo Madaxtimada oo markii hore ahayd 7 sannadood, haatan waxa
laga dhigay 5 sannadood, haddii uu doorkan ku guulaystana waxay noqonaysaa
markii ugu dambaysay ee uu Madaxtinimada hayo.
Mr. Jean-marie Le Pen oo doorashadan ka galay
kaalinta labaad, waxa uu dhashay sannadkii 1928-kii. Dhinaca Siyaasadda, waxa
uu ku biiray sannadkii 1956-kii, kadibna sannadkii 1972-kii ayuu aasaasay
Xisbiga Jabhadda Waddaniga ah N.F.P, kadibna waxa uu guulo marba marka ka
dambeeya isa soo tarayey ka gaadhayay doorashooyinkii la soo qabtay sannadihii,
intaa ka dambeeyay ilaa uu soo gaadhay heerka uu haatan marayo.
Leionel Jospin oo isagu ka socda Xisbiga
Hanti-wadaagga, waxa uu Ra’iisal-wasaare ka noqday Faransiiska shantii
sannadood ee u dambeeyay, waxaanu dhashay sannadkii 1937-kii, isaga oo
sannadkii 1971-kii ku biiray Xisbiga Shuuciga ahaa ilaa uu noqday hoggaamiyaha
Xisbigaa sannadkii 1993-kii, waxaana laga yaabaa in ay wax u dhinto guul-darada
haatan soo waajahday.
Nidaamka dalka Faransiiska oo ah mid aan kala
caddayn, ayaa had iyo jeer muran gelisa hannaanka Siyaasadeed ee dalka, iyada
oo inta badan uu Madaxweynuhuna ka soo jeedo xisbi Ra’iisal-wasaaruhuna uu ka
soo jeedo Xisbi kale.
Doorashadan haatan ee Madaxtinimada, waxaa ku xigta
tii Baarlamaanka oo dhici doonta bisha Juun ee soo socota, markaas oo ay kala
caddaan doonto dariiqa ay marayso Siyaasadda Faransiiska ee uu haatan muranku
galay.
FAHAMKA CAAFIMAADKA
Cumar Daahir Cumar
Astaamaha iyo Calaamadda Dhiig-karka Iyo Cudurka Faaliga (Stroke)
|
Dadka qaar dhiig-karku wuxuu ku keenaa madax-xannuun,
madax-wareer, jidhka oo yeesha kulayl dheeraada iyo daal.
Dadku inta badan ma
gartaan marka uu dhiig-karku ku cusub yahay, waxayse dareemaan marka uu
dhiig-karku jidhkooda ku yeesho saamayn badan oo uu waxyeelo badan gaadhsiiyo,
wadnaha iyo xidida uu dhiigu maro si uu qofku uga gaashaanto halista ay yeelan
karto adiga oo moog dhiig-kar jidhkaaga ku jira, waxay dad badani ku dhaqmaan
in ay ugu yaraan hal mar sannadkii inay qiyaasaan heerka dhiigooda.
Qiyaasta dhiig-karku
waxay qaadataa qaddar yar oo daqiiqado ah, laakiin waxaa kaaga soo bixi kara
cabir aad isku ogaan karto inaad qabto dhiig-kar iyo inkale, in uu halis kugu
hayo dhiig-karku iyo inkale.
Dhiig-karka, waxaa lagu daweyn karaa dawooyin casriya oo
heerka dhiiga ku celiya halka aan waxyeelada u lahayn qofka. Waxaa kale oo xal
noqon kara qofka oo cuna raashin aan lahayn milix ama mid ay milixdu ku yar
tahay.
Arrinta kale ee wax ka
tari karta dhiig-karku waxa weeyi qofka oo dhima miisaankiisa jidheed, waxa ay
keentaa inuu hoos uga dhaco dhiig-karku, barashada dareemada iyo dhacdooyinka
marka ay kula soo darsaan uu dhiigu kugu kaco oo uu markaa qofku ka hortago
sidii aanu ula kulmi lahayn waxay ka mid tahay farsamooyinka lagula dagaalamo
dhiig-karka.
Haddii uu qofku si fiican
u qaato dawooyinka dhiig-karka inta badan waxaa dhacda in qofku ka badbaado
waxyeelada caafimaad ee dhiig-karka.
Inta badan dadka uu
dhiig-karku hayo ma qaataan dawadiisa, iskamana ilaaliyaan raashinka milixdku
ku badan tahay, sababtu waxay tahay ma dareemaan inuu hayo dhiig-kar. Waxay
dareemaan in waxoogaa isbeddel ahi ku yimid garaaca wadnaha, laakiin marka
waxaa socda xannuunkii dhiig-karka oo ah mid halis ah oo ay habboon tahay inaan
qofku dhayalsan markaa uu isku arko isbeddel dhinaca garaaca wadnaha ah.
Cudurka Faaligu wuxuu dhacaa marka ay dhibaato gaadho qayb
ka mid ah maskaxda, dhibaatada oo ay keento marka dhiiga u socda unugyada iyo
xubnaha maskaxda uu hakad ama joogsi uu ku dhaco.
Dhiiga ka hakanaya
maskaxdu wuxuu ku iman karaa dhawr sababood, sida marka xidid hore u bukay oo
maskaxda ku yaalaa uu gubto, waxaa kale oo dhici karta in xididka uu dhiigu u
marayay maskaxda uu gufaysmo oo ay xidho baruur ama xinjir dhiiga oo adkaatay,
markaa waxaa dhimanaya xubintii maskaxda ee dhiigu ka xidhmay unugyadeedii,
taas oo keenaysa xubintaas maskaxdu in ay dhimato.
Xannuunkan faaliga waxaa
uu qofku dareemaa marka uu ku soo jiro jidhkiisa madax-xannuun faro badan iyo
madaxwareer marar qaarna dhinac ayaa qofka bakhtiya sida lug iyo gacan, waxaa
qofka uu ku dhacay faaligu ku adkaata in uu hadlo iyo inuu wax liqi karo sida cuntada.
Waxaa kale oo dhaca in
araga qofku uu noqdo mid aan caadi ahayn, fikirka maskaxda ayaa isna qofka ka
khaldama ama uu awoodi waayaa.
Astaamahaa oo dhami waxay
sheegayaan oo ay digniin u yihiin in laga hortago si dedega faalig xoog badan
oo qofka ku soo socda.
Marka uu dhinto xidid ka
mida kuwa maskaxda, waxaa dhacaysa inay iyana dhimato qaybtii jidhka ee la
shaqaynaysay xididkaa maskaxda ee dhintay, halkaa waxay natiijadu noqonaysaa in
qofku uu faalig ku dhacay qayb jidhkiisa ka midi shaqayn weydo (paralyzed),
bukaanka uu faaligu ku dhacay qaarkood waxaa ku dhaca in aanu hadalku ka soo
bixi karin, bukaanka qaarna waxaa ku dhib noqota in ay fahmaan hadalka lala
hadlayo ujeedadiisa, xusuusta oo ka lunta iyo qofka oo noqda mid maskaxdiisu ay
buuqsan tahay waa calaamadaha faaliga.
Bukaanka uu faaligu ku
dhacay waxaa suurtogal ah inuu xusuusto wixii dhacay sanado badan ka hor,
laakiin aanu xusuusan wixii dhacay maalin kahor.
Waxaa dhici karta in aan
qofka uu faaligu ku dhacay uu dareen khaldan ka bixiyo xaaladda markaa taagan
sida, marka la murugaysan yahay oo uu qofku qoslo, marka la faraxsan yahayna uu
ooyo.
Rivaldo Wuu Ciyaarayaa Koobka
Adduunka
Rio De Janeiro (AFP) – Xiddiga reer Brazil ee Rivaldo oo ka
canabaya dhaawac ka gaadhay ruuga midig markii uu dhaliyay goolkii Barcelona ee
Sabtidii hore, ayaa la sheegay inuu ka qaybgeli doono ciyaaraha koobka adduunka
ee dhawaan ka dhici doona waddamada K. Kuuriya iyo Japan, sidaa waxa daboolka
ka qaaday dhakhtarka xulka Brazil Jose Luis Runco oo u warramay warbaahinta
gudaha dalkaa.
Runco, wuxuu sheegay in
ay aad u yar tahay baqdinta laga qabo inuu ka gaadhi waayo ciyaaraha oo
bilaabmaya May 31 2002.
Dhakhtarku wuxuu intaa ku
daray inaan xaaladda ciyaartoygu halis ahayn, balse la buunbuuninayo.
“Hadda wuxuu haystaa
waqti ku filan oo uu ku bugsan karayo, wuxuuna diyaar noqonayaa kulanka
Barcelona iyo Brazil oo dhacaya 18-ka May,” ayuu yidhi Runco.
Runco wuxuu tilmaamay in
xiddiga waddanka Brazil, oo hore uga cawarmay ruuga lugta bidix, kaas oo mar
hore laug wargeliyay in qalliin lagaga samayeeyayo, kaas oo dhakhtarku sheegay
in dhaawacan cusubi hadda ka gaadhay ruuga midig.
Runco oo sida uu sheegay
telefoon kula xidhiidhay Rivaldo oo ku sugan Barcelona, ayaa tibaaxay in
xaaladdiisu ka soo raynayso marba marka ka dambaysa.
Rivaldo oo muddo la
dhutinayay dhaawac horraantii xilli-ciyaareedkan ka soo gaadhay ruuga bidix oo
uu muddo ciyaaraha uga fadhiyay ayaa haddana waxaa ku dhacay dhaawac cusub oo
hor leh.
Manchester Oo Rajadeedii Kor U Soo Qaaday
London (AP) – Rajadii Manchester ka qabtay hanashada
horyaalka, ayaa dib-u-soo noolaatay markii ay dhammaadkii qaybtii hore
dhaliyeen rigoore sugnaantiisa la la isku khilaafsan yahay.
Manchester waxay sida
raha uga dul booday Liverpool oo 1-0 lagaga adkaaday kulankii shalay, inkasta
oo Manchester ay la ciyaaraysay koox horeba ugu jirtay derejada dib-u-dhaca ah,
haddana may muujin ciyaartii looga baahnaa, waxayna kaga adkaatay 1-0.
Manchester oo Salaasada yeelanaysa kulankii labaad ee horyaalka Yurub oo ay la
ciyaarayso Bayer Leverkusen, ma jirto waddo kale oo u furani oo aan ahayn in ay
badiso dhammaan kulamada u hadhay ee labada ah, taas oo weliba ku xidhnaan
doonta in in kooxda Arsenal laga badiyo laba ka mid ah ciyaaraha u hadhsan.
Haddiise ay Manchester
barbaro mid ka mid ah ciyaaraha u hadhay waxay noqonaysaa in Arsenal hanato
horyaalka oo ay qaadashadiisa ugu dambaysay sannadkii 1998.
Arsenal waxay Isniinta la
kulmaysaa Bolton, kahor inta aanay booqan Old Trafford toddobaadka soo socda,
iyada oo kulanka ugu dambeeyana gurigeeda kula yeelanaysa Everton.
Arsene Wenger, waxa kale
oo kooxdiisu hore u gaadhay kulanka kama dambaysta ah ee koobka Ingiriiska FA
Cup, oo ay isna hanashadiisa ugu dambaysay isla sannadkii 1998, markaas oo
Arsenal isku darsatay labada koob-ba. Inkasta oo Arsenal qoondaysatay hanashada
koobka, haddana tabobaraha Manchester ayaan isagu weli u hibayn, isla markaana
dood ka qaba sheegashada Wenger iyo kooxdiisa, wuxuuna gacanta ugu jirin.
“Waxay ku adkaysanayaan
inay wax samaynayaan, way dhici kartaa inay ku guulaystaan, laakiin weli ma
hayaan wax guul ah,” ayuu yidhi Ferguson.
“Liverpool waanu kala
tagnay, Arsenal-na waxaanu rajaynaynaa inay kulan barbaro gasho, kadibna aanu
Arsenal isku mudano kulankayaga,” ayuu ku daray.
Hase yeeshee, tabobaraha
Arsenal, Arsene Wenger, ayaa dhinaciisa sheegay inuu ku kalsoon yahay
ciyaartoygiisa, isla markaana ganafka ku dhuftay faalada Ferguson ka bixiyay
ciyaaraha gebogebada ah, wuxuuna yidhi; “waan ixtiraamaa Ferguson, laakiin waan
xaqirayaa faaqidaad kasta oo uu bixiyo.”
“Arrimuhu waxay ku xidhan
yihiin sidaanu ka dhigno iyo sida aanu u ciyaarno, rajada aanu qabnaa waa mid
aad u sarraysa, kooxduna sidaas ayay kor ugu sii soconaysaa,” ayuu ku daray
Wenger oo jimcihii weriyeyaasha ugu warramay goobta tabobarka. Waxa kale oo
tabobaraha Arsenal intaa ku daray in nin waliba lagola yimaado wixii uu tab iyo
xeelad haysto. Wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ka qabo inuu koobka ku guulaysan
karo, isaga oo toban kulan oo xidhiidh ah guulo soo dhex jibaaxayay. “Guul baa
u mu’akid ah kalsoonidaada, aniguna waan ku kalsoonahay,” ayuu raaciyay isaga
oo u goolaaftamaya Ferguson.
Tartanka waxa weli
hoggaaminaya Arsenal oo leh 78 dhibcood oo ay saddex kulana u hadhsan yihiin.
Manchester, waxay
leedahay 76, waxaana u dhiman laba ciyaarood.
Kooxda Liverpool oo
kulankii shalay laga adkaaday waxay leedahay 74 dhibcood, laba kulana way u
hadheen.
Kooxda New Castle, ayaa
gashay kaalinta afraad waxayna leedahay 71 dhibcood.
New Castle waxay kulankii
shalay 3-1 kaga badisay Westham United.
Kulamadii kalena waxay u
dhaceen sidan:
Sunderland 2, Charlton 2
Middlesbrough 0, Chelsea
2
Leeds United 1, Derby
County 0
Astonvilla 2, Southampton
1
Fulham 0, Leicester 0
Boca Juniors Oo Barbaro La Gashay El Nacional
Ecuador (AP) – Kooxda
difaacanaysa horyaalka ee Boca Juniors oo ka dhisan dalka Argentina iyo kooxda
Ecuador ee El Nacional, ayaa isku mari waayay dagaal ay fooda iskula galeen
kulankii koowaad ee wareega labaad ee koobka Libertadores-ka oo ku dhammaaday
0-0 barbaro.
Kooxda Ecuador, oo aan
mar keliya kala goyn weeraro duufaan ah oo ay ciyaarta ku bilowday, balse waxaa
badbaadiyay goolhayaha Boca Juniors Roberto Abbondancieri oo ay mashquul ka
dhigeen laadad toos ah iyo kubado koonayaasha lagaga soo laadayay.
mid ka mid ah fursadihii
ugu muhiimsanaa waxay heshay daqiiqaddii 19aad markii laad xor ah loo dhigay
xiddiga Evelio Ordonez, diilinta ganaaxa dusheeda uu ku garaacay tiirka midig
ee birta goolka.
Kooxda martida loo ahaa
way sii waday weeraradeedii qaybtii dambe ee ciyaarta oo dhan, waxayna u
muuqatay mid guul ka gaadhayso kulankii dhexmaray kooxda reer Argentina.
Goolhaye Abbondancieri
ayaa dib u badbaadiyay kubbadgool laga fishay oo uu madaxa ku dhuftay Ordonez
daqiiqaddii 58aad.
Roobab da’ayay darteed
ayaa lumiyay gacan ku haynta ciyaarta oo mararka qaarkood kubaddu ku socotay
xawli gaaban.
Labada kooxood waxay
kulanka labaad ku yeelanayaan magaalada Buenos Aires, labada bisha May iyada oo
kooxdii badisaa u gudbi doonto wareega saddexaad.
Sidoo kale, kooxda Sao
Cactano, ee Brazil, ayaa barbaro la gashay kooxda dalka Chile ee Universided
Catolica oo ay ku kala baxeen 1-1.
Ciyaaryahanka Anailson,
ayaa dhaliyay goolka Caetano daqiiqadii sagaalaad markii uu birta ugu dhuftay
goolhaye Johnny Walker, laad dheer oo uu soo tuuray Adaozinho.
Hase yeeshee daqiiqaddii
29aad, ayaa Jorge Campos shebegga ku dhejiyay kubbad khafiif ah, oo goolka
hortiisa uu ka helay.
Catolica, waxay marar
dhawr ah heshay fursado, gaar ahaan qaybtii dambe ee ciyaarta, balse
dhammaantood way lumisay.
Chilavert Oo Difaacay
Dhalleecaynta Tabobare Maldini
Asuncion (AFP) – Goolhayaha aan la saadaalin karin ee xulka
Paraguay Jose Luis Chilavert, ayaa dedefeeyay weriyeyaasha waddankiisa
maalintii Jimcihii, wuxuuna caddeeyay in ay 90% yihiin qaar aan waayo-aragnimo
lahayn.
Goolhayaha 31-jirka ah oo sannadkii 2001
u ciyaarayay kooxdii ku guulaysatay koobka Faransiiska ee Strasboug, wuxuu ugu
baaqay da’yarta weriyeyaasha ahi in aanay raacin waddadii guurtidii ka
horraysay.
Chilavert, wuxuu rumaysan
yahay in ay mareen waddadii raggii ka horreeyay, isla markaana aanay ku dhaqmin
xeerarka cusub ee caalamiga ah, kadib markii ay si fool xun saxaafadda ugu
canaanteen Cesar Maldini, iyaga oo daba socda markii 4-0 ay ku jiidheen England
oo ay wada yeesheen ciyaar tijaabo ah.
“90 boqolkiiba
weriyeyaasha ciyaaruhu waayo-aragnimo ma laha,” ayuu yidhi Chilavert.
“Da’ yarta weriyeyaasha
ah ee Paraguay, waxaa ku waajib ah inay beddelaan fikradda iyo dareenka ay ka
haystaan ciyaaraha oo aanay qaadin wado la mid ah tii ay mareen jiilashii ka
waaweynaa,” ayuu ku daray.
Goolhayaha Paraguay, oo
ka hadlay Sabtidii kulan ay kooxdiisa oo u halgamaysa sidii ay uga soo gudbi
lahayd derejada labaad kaga adkaatay Martiues, wuxuu kale oo dhaliilay warqad
xidhan oo loo soo diray tabobare Cesar Maldini, taas uu ku tilmaamay mid aad u
liidata oo aan macno badan xambaarsanayn.
Chilavert, oo dib u soo
cusboonaysiiyay laadadka xorta ah (Free kicks), oo sidii horeba caadada ugu
ahayd u wehelisay goolhayn-nimada, waxa kale oo uu Maldini ka difaacay koox
taageerayaal ah, oo aflagaadeeyay tabobarihii hore ee Talyaaniga, markii uu ka
soo laabtay kulankii England.
Wuxuu tabobaraha
xaalmarin ka siiyay af-xumo uu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay.
Chilavert, oo ka mid ahaa
kooxda Paraguay markii ay Faransiisku 1-0 kaga badisay wareegii labaad ee
koobkii adduunka 1998, wuxuu tilmaamay in cambaarayntu iman karto keliya
tartanka, kadib haddii aanay kooxdu soo bandhigin ciyaaro aan cuntamin.
Goolhaye Chilavert wuxuu
dadkiisa kula taliyay inaanay degdegin oo ay kooxda ka dhursugaan inta ay
diyaargaroobayaan, balse haddii xaaladdu ka sii darto ay xor u yihiin cannaanta
ay doonayaan.