SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 72-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadki 72, April 30, 2002
Telephone 252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Madaxweyne Cigaal Ma Dhiman
“Nin-na Afkiisa lagu dhiman maayo…, Ninka aniga
balaayo ii awilayana dhinaciisa belaayo ha marto” Madaxweyne Cigaal
“Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa in Madaxweynuhu
Caafimaad qabo” C/laahi Askar, Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa
Hargeysa (Haatuf): Kadib markii ay soo
ifbaxeen dareemo iyo warar ku-tiri-ku-teen ah, ayaa Madaxweyne Cigaal markii u
horeysay codlkiisa laga maqlay Idaacadda BBC-da, hadalkaas oo ahaa mid uu ku
xaqiijinayay inuu noolyahay, uuna ku muujinayay rajadiisa Caafimaad.
Xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Cigaal, ayaa laga
dayrinayay tan iyo markii uu ka dhoofay gegidda diyaaradaha ee magaalada
Hargeysa khamiistii toddobaadkii hore, markaas oo loo qaaday dhakhtar dalka
Koonfur Afrika ah. Hase yeeshee, walaaca ku saabsan xaaladda Caafimaad ee
Madaxweyne Cigaal, wuxuu ahaa mid si mala-awaal ah u soo kordhayay maalmihii u
dambeeyay, ilaa ay shalay soo baxeen warar iyo dareemo, muran gelinaya nolosha
Madaxweyne Cigaal.
Xafiiska Wargeyska Haatuf, ayaa
shalay laga soo weydiiyay warkaas magaalada Boosaaso ee Bariga Soomaaliya
(Puntland), iyo sidoo kale Burco iyo Hargeysa gudaheedaba.
Laakiin, warkaa waxa beeniyay Madaxweyne Cigaal oo
Idaacadda BBC-da, laanteeda Afka Soomaaligu ay la xidhiidhay caweysinkii xalay.
“Baadhitaan Caafimaad ayaan la soo dhoofay,
maadaama ay shaqo badani I hortaal oo ay intikhaabo (doorashooyin) iyo
kaambayno (olole) I horyaaliin, waxaan damcay intaanay waxaasi i soo dhexgelin
in aan saxadayda soo hubiyo, sidaa darteed baan u imi Koonfur Afrika,” ayuu
yidhi Madaxweyne Cigaal, isaga oo sheegay in ay dawladda Koonfur Afrika si
fiican u soo dhawaysay.
“Toban dhakhtar baa ilaa maanta (shalay) iga
shaqaynayay, nin nin qudha maahee, waa afar kooxood oo qaar neerfayaasha
yihiin, qaar caloosha yihiin, qaar maskaxda yihiin iyo qaar lugaha ah, ayaa
midba mar gurigayga gooni ahaan u yimid,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, isaga oo
intaa raaciyay in ay dhakhaatiirtaasi hawlahooda u daba fadhiisteen
dhakhtarkiisa gaarka ah Dr. Cali Sheekh Ibraahim (Cali Qaadi) oo la socda.
“Aniga aad iyo aad baa caafimaadkaygu u wanaagsan
yahay, Toban cisho ayaan ku talo-galay in aan Piritooriya joogo,” ayuu yidhi.
Maxadaxweyne Cigaal, waxa uu muujiyay inuu ka war
hayo dareemada laga fidiyay xannuunkiisa, isaga oo taa ka hadlayana wuxuu
yidhi; “Al-acmaalu biyadilaah (heddu gacanta Illaahay bay ku jirtaa), anigu
ninna Illaahay uga baryi maayo inuu dhinto, ninna afkiisa lagu dhimman maayo,
nin walibana wakhtigiisa ayuu baxayaa, laakiin anigu waxaan filayaa Toban cisho
ee aan soo qabsaday gudahooda in aan dalkaygii ku noqdo, anigoo Caafimaad qaba,
shaqadaydiina halkii ka bilowdo, ninkii aniga xumaan ii aawilayayna, waxaan
leeyahay; Belatu jambak (belaayo xagaaga ha u baydho),” ayuu Madaxweyne Cigaal
ku soo afjaray hadalkiisa.
Dhinaca kale, ka hor intii aanu Madaxweyne Cigaal
ka hadlin BBC-da, waxa uu Wargeyska Haatuf la xidhiidhay Wakiilka
Somaliland u fadhiya Addis Ababa, C/laahi Askar Barkhad oo aanu wax ka
weydiinay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha, taas oo aanu askar isku daynay in
uu nagu xidhiidhiyo Madaxweyne Cigaal laftiisa, laakiin C/laahi Askar oo aanu
la hadalnay Sideedii fiidnimo ee xalay, isaga oo joogga Addis Ababa, waxa uu
sheegay inuu Madaxweynaha iyo Wasiirada la socdaba aad uga warhayo oo uu
xidhiidh la leeyahay, wuxuuna sheegay in ay Madaxweynaha laftiisa wax yar ka
hor wada-hadleen, xaaladiisa Caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay, isla
markaana uu baadhistii u dambay maanta (shalay) maray, waxaana cid walba
qancinaysa oo ku filan ayuu yidhi C/laahi Askar, warbixin ka hadlaysa
Caafimaadka Madaxweynaha oo uu internet-ka ku faafiyay Dr. Cali Qaadi,
dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha.
“Ummadda Somaliland oo dhan waxaan u sheegayaa in
Madaxweynuhu Caafimaad qabo,” ayuu yidhi C/laahi Askar, isagoo intaa ku daray,
“Anigu Illaahay ma ihi, laba mirir ka bacdi inuu dhiman karo waa suuro-gal,
laakiin saacadda aan idinla hadlayo Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, waana soo
salaamayaa dadkiisa.”
C/laahi Askar, wuxuu sheegay in Madaxweynaha la
geeyay Cusbitaal ka mid ah, Cusbitaalada ugu waaweyn koonfur Afrika ee la geeyo
Madaxweynayaasha dalkaas, isla markaana isaga iyo marwadiisa la dijiyay qayb
dhismaha Cusbitaalka ka mid ah oo ka kooban shan qol.
Sidoo kale, Wasiiradii la socday, wuxuu sheegay in
ay gudanayaan hawlahoodii.
Ugu dambayn, wuxuu C/laahi Askar Saxaafadda iyo
dadka Somaliland kula dardaarmay in ay ka hortagaan mala-awaalka iyo
buun-buuninta aan raadka lahayn.
Burco (Haatuf): Hal qof ayaa ku
dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu galabnimadii shalay iska
horimaad hubaysani ku dhexmaray Booliiska iyo koox dablay ah, bathtamaha suuqa
magaalada Burco.
Iska horimaadkan oo sida warku sheegay ka dhashay,
kadib markii uu Maamulka dawladda hoose ee Burco, isku dayay dhismaha Bakhaar
ay dawladdu leedahay oo ay ku jireen xubno ka tirsan dadweynaha Burco.
Dhismahaa ayaa shalay la dul geeyay ilaalo ka
tirsan Ciidanka Booliska Burco, hase yeeshee waxa isla maanta soo weeraray
dablay hubaysan oo isku dayay in ay dib u qabsadaan dhismahaa, halkaana waxa ka
bilaabmay tacshiirado rasaas ah oo ay is-weydaarsadeen labada dhinac ee
Booliska iyo dablayda, waxaana iska horimaadkaa ku dhintay Marxuum la odhan
jiray, Maxamed Faarax Aadan (Gabyaaye).
Waxa kale oo iska horimaadkaa ku dhaawacmay Askari
ka tirsan Ciidanka Booliiska oo la yidhaahdo, Jamaal Cabdi Xuseen.
Sidoo kale, waxa iska horimaadkaa ku dhaawacmay
xubno dadweynaha ka tirsan oo ay rasaasta la is-dhaafsaday ku dhacday, waxaana
dadkaa ka mid ah; Saleebaan Cali Carab, Barwaaqo Saalax Salaad, Yaasiin M.
Barre, Maxamuud Diiriye Ciise iyo qof kale oo aanu magaciisu na soo gaadhin.
Iska horimaadkani, waxa uu istaagay markii ay
makhribnimadii hawl-dhexdhexaadin ah bilaabeen koox odayaal ahi, taas oo
keentay in dib loo qaado Ciidanka Booliiska, xaaladduna waxaa lagu soo waramay
in ay degan tahay.
Maayarka Burco, Maxamed Cali Maxamed oo aanu la
xidhiidhnay, waxna ka weydiinay dhismaha la isku hayo, ayaa sheegay in
dhismahan Maamulkii ka horeeyay sifo aan sharciga waafaqsanayn ku iibiyay,
sidaa darteed ay hadda doonayaan in ay dhismahaa si sharci ah u kireeyaan
iyadoo ay dawladdu leedahay, wuxuuna intaa ku daray in ninka ku jira dhismahan
oo ku haysta Nijaarad uu u socday wada-hadal isaga iyo maamulka dawladda hoose,
wada-hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa in dhismahaa si nabadgelyo ah loo baneeyo,
laakiin wuxuu Maayarku tilmaamay in ay weerarka dablayda uga warheleen si lama
filaan ah.
Golaha Guurtida Oo Muddo Sannad
Ah U Kordhiyay Golaha Wakiilada
|
Harg (Haatuf) :- Golaha
Guurtida Somaliland ayaa muddo sannad ah u kordhiyay Golaha Wakiilada oo
muddadiisii xilku ku egtahay May 27, 2002.
Golaha Guurtidu waxa uu go’aankan ku gaadhay fadhi uu Axaddii
dorraad (April 27) kaga dooday muddo-kordhinta golaha Wakiilada oo ay
xukuumaddu soo jeedisay horraantii March., waxaana uu Goluhu ku ansixiyay
muddada sannadka ah ee golaha Wakiilada iyo go’aano uu ku lifaaqayba cod
aqlabiyad ah oo dhan 53 cod, iyada oo saddex mudane ay ka aamuseen, cid
diidayna aanay jirin.
Go’aankaas muddo-kordhinta iyo talooyinka uu goluhu ku ladhay
oo uu shalay xog-hayaha golaha Guurtidu ka akhriyay shir-jaraa’id oo uu
shir-guddonka goluhu qabtay, wuxuu u dhignaa sidan;
Ø
“Golaha
Guurtida Somaliland; Markuu arkay qod.
42aad faqraddiisa 3aad ee distoorka.
Ø
Markuu
arkay faqraddiisa koowaad iyo soo jeedintii xukuumadda ee 5/3/2002.
Ø
Markuu
arkay kana baaraan-degay duruufihii sababay qabsoomid la’aanta doorashada
golaha Wakiilada, duruufahaas oo la xidhiidhsanaa kuwii sababay qabsoomid
la’aanta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
Ø
Goluhu
markuu isku qanciyay hawlaha dhiman iyo muddada wax ku qabsoomi karaan, gaar
ahaana doorashooyinka is daba jooga ee kala horreeya, isla markaana uu ka
taxadiray niyad-jab dhinacyada hawlaha qabyaysan ee golaha ku iman kara.
Ø
Goluhu
markuu ka baaraan degay falanqayn iyo dood dheerna ka yeeshay waqtiyada ama
xilliyada ay doorashooyinku ku kala beegmi karaan.
Wuxuu go’aamiyay;
·
In muddada
korodhsiimada ee golaha wakiiladu noqoto hal sano oo ka bilaabmaysa dhammaadka
muddadii hore ee xilkooda oo sida dastuurku qorayo ah markii maxkamadda sare
lagu dhaariyay, kuna eg waqtigaa marka sannad lagu daro.
·
In
muddadaas ka hor, gaar ahaana sannadkan dhammaadkiisa uu dhammaystirmo xeerar
iyo hawl kasta oo la xidhiidha doorasho una baahan sharciyad, gaar ahaana
xeerarka la xidhiidha Baarlamaanka. Kuwa hadda horyaala ee ku saabsan
doorashooyinka, gaar ahaan xeerarka maamulka gobollada iyo degmooyinka in sida
dhakhsaha badan loogu soo gudbiyo, golahan Guurtidana la soo gaadhsiiyo bil
gudaheed.
·
Xubnaha
golaha wakiiladu inay ka qaybqaataan wacyigelinta bulshada iyo u bislaynta
nidaamka Axsaabta badan iyo tartanka doorashooyinka.
·
Golaha
Guurtidu wuxuu ka codsanayaa golaha wakiilada arrimahan:
1.
In
mudnaanta koowaad la siiyo maslaxadda qaranka iyo sida ay wax innoogu hagaagi
karaan, waafaqsana dastuurka dalka.
2.
Sidii
horeba ugu caddayd go’aamadii la socday muddada korodhsiimada, madaxweynaha iyo
ku xigeenka madaxweynaha, waxa looga fadhiyaa lagana codsanayaa dardar cusub,
is-xilqaan buuxa dhinacyada xubnaha iyo meelmarinta himilada shacbiga
Somaliland kaalinta kaga aadan Golaha, wax walbana laga hormariyo danta guud ee
dalka”.
Golaha wakilada ee hadda oo ay beeluhu soo doorteen 1997-kii,
kadib shirweynihii Hargeysa ee mudada 5-ta sannadood ah dib loogu doortay
madaxweyne Cigaal, waxa mudadan cusub ee sannadka ahi kaga egtahay 25 May 2003
waxaana loo kordhiyay markii doorashooyinkii la qorsheeyay ay qabsoomi waayeen,
iyada oo Guurtidu ay hore ugu kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa muddo
sannad ah.
Dastuurka Somaliland qodobkiisa 42aad ayaa dhigaya in
golaha wakiiladu uu xilka sii haynayo
ilaa gole kale oo la soo doortay uu kala wareego. Isla qodobkaa faqrad ka mid
ah ayaa isna odhanaya haddii doorashada wakiiladu ay qabsoomi weydo golaha
Guurtida ayaa muddada u kordhinaya,, kadib marka xukuumaddu soo jeediso, isla
markaana goluhu uu qiimeeyo xaaladda doorashadu u qabsoomi weydey.
Shir-guddoonka Guurtida oo shirkaa jaraa;id lagu weydiiyay
arrintaasi sida ay isku waafaqaysana waxa ay sheegeen in qodobkaasi 42aad uu ku
waajibinayo Guurtida inay qiimeeyaan go’aanna ka gaadhaan duruufta doorashadu u
qabsoomi weyday, isla markaana muddo-kordhintanna ku saleeyeen muddo-kordhintii
madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
“Duruuftii baa weli taagan, maadaama doorashooyinkii ka
horreeyayba aanay dhicin, sida tii dawladaha hoose ee ee Axsaabtu ku soo kala
baxaysay ee la doonayay in saddexda Xisbi ee soo baxaa inay ku galaan tartanka.
Baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka,” sidaa waxa yidhi
guddoomiye ku xigeenka labaad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali oo ka
jawaabayay su’aashaas.
“Maadaama aanay soo bixin oo duruufihii hore ay hortaagan
yihiin, xaaladdiibaa weli taagan oo sidaas baanay u qabsoomi karayn,” ayuu
raaciyay.
Golaha Guurtida, laftiisa ayaa sida dastuurku dhigayo muddo
sannad ah ka dambeeya mudada xilka xukuumada iyo wakiilada oo iyagu ahaa min 5
sannadood halka golaha Guurtidu tahay lix sannadood. Hase yeeshee, taasi waxay
u muuqataa mid meesha ka baxday marka la eego muddo-kordhinta sannadka ah ee
Guurtidu u kordhisay xukuumada iyo wakiilada oo simaysa muddada xil-haynta
golayaasha qaranka, haddiiba aanay Guurtidu ugu hor dhicin, iyada oo aanu
dastuurku caddayn cidda u kordhinaysa Guurtida lafteeda.
Shir-guddoonka Guurtiduna wuxuu u arkaa in waqtiga u hadhay ku
filan yahay, haddii waqtigu ku soo kediyona xal loo baadh-baadhi karo.
“Muddo dheer baa annaga hadda noo hadhsan. Taasna marka la
gaadho waqtigeeda, xalkeeday yeelanaysaa,: sidaa waxa yidhi Guddoomiye ku
xigeenka 2aad Md. Siciid Jaamac Cali oo ka jawaabayay cidda Guurtidana mudada u
kordhin doonta.
Mudane Sh. Axmed Nuux, guddoomiye xigeenka 1aad ee Guurtida oo
isaguna ka jawaabay laaluushka lagu xanto in Guurtidu kaga qaadato xukuumadda
muddo-kordhinta iyo mashaariicda kale ee sharci, ayaa yidhi “[Goluhu] danta
caamka ah mooyee asalkiisaba wax kale kuma shaqeeyo, kumana dhisna, kumana soo
dhisnaan jirin.”
“Laakiin kolley haddii madax la yahay waxbaa la iska sheegayaa,
kolley run iyo been waxay noqotaba wax baa la iska sheegayaa, maxaa wax nalooga
sheegayaana la odhan maayo,” ayuu raaciyay.
Golaha Wasiiradda Oo Iska
Xog-Waraystay Xaaladda Dalka
“Waa Farxad in arrimaha nabadgelyo oo beryahan
dhacaa ay
yihiin uun wax la kala dilay” Cawl Cilmi – Maayarka
Hargeysa
|
Harg (Haatuf) :- Golaha wasiirada Somaliland ayaa shalay
yeeshay shirkiisii toddobaadlaha ahaa, iyada oo warar lagu kalsoon yahay ay
sheegayaan in shirka golaha wasiiradu aanu qabsoomin labadii toddobaad ee
tegay.
Shirkan oo ah kii u horreeyay ee uu golaha wasiiradu yeesho tan
iyo markii madaxweyne Cigaal dibedda ugu baxay arrimo caafimaad, waxa guddoominayay
madaxweyne ku xigeenka Md. Daahir Riyaale Kaahin, sida uu sheegay
war-saxaafadeed u soo saaray af-hayeenka madaxtooyada. Waxaana shirkaa isku
weydaarsaday warbixino ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan
nabadgelyada iyo wax-qabadka hay’adaha dawladda qaarkood.
Sida war-saxaafadeedku sheegay madaxweyne ku xigeenka Md.
Riyaale ayaa golaha uga xog-warramay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Cigaal u
tegay Koonfur Afrika iyo hawlaha weftiga la socday ay halkaas ka wadaan.
Waxaana uu sheegay in labaduba ay meel wanaagsan marayaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cumar, ayaa
ka war-bixiyay xaaladda nabadgelyo ee gobollada dalka, waxaana uu ka warramay
magaalada Laas-caanood, halkaas oo ay shaqaaqo dad ku dhintay ay ka dhex taagan
tahay laba Ardaa oo beelaha degaankaas ah iyo degmada Ceel-afweyn ee gobolka
Sanaag oo iyana ay ka aloosan tahay xaalad ka dhalatay nin dhowaan lagu dilay
jiidaas.
Sida war-saxaafaadeedku sheegay wasiirku waxa uu ku war-bixiyay
in labadaas arrimoodba gacanta lagu hayo. Isaga oo sheegay in wefti u bixi
doono Laas-caanood. Sidoo kalena arrinta Ceel-afweyn lagu xallinayo gobolka
Togdheer.
Duqa caasimadda Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle oo shirkaas ka
qaybgalay ayaa warku sheegay inuu isna ka war-bixiyay xaaladda magaalada
Hargeysa oo uu ku tilmaamay mid heer sare ah.”
Wuxuuna maayorku intaa ku daray ayuu yidhi war-saxaafadeedku;
“Inay tahay wax lagu farxo.” Mar haddii arrimaha nabadgelyo ee beryahan dhacaa
ay yihiin uun wax la kala dilay” taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa
xaaladda nabadgelyo ee dalku guud ahaan
inay sugan tahay.
Waxa kale oo ka warbixiyay hawlaha hay’adahooda, maareeyaha
xooga korontada ee Hargeysa Inj. Cali Cabdi Barkhad, wasiirka Beeraha Md.
Maxamuud Jaamac Belel iyo wasiirka Dib-u-dejinta Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan
(Darawal) oo isagu ka warramay arrimihii ay ka wada hadleen guddi golaha
Guurtida u qaabilsan dabogalka hawlaha doorashooyinka iyo guddi dhinaca
xukuumadda ah oo uu isagu horkacayay.
Tabantaabada Somaliland Ee Loogu
Gudbayo Xisbiyo Ma Haysataa Tiir Adag?
Faallo – Cumar Daahir Cumar
|
Golayasha Baarlamaanka iyo Guurtida oo lagu qaybgsho qaab
beeleed wuxuu dhaqan ahaan ka soo jiray Somaliland tan iyo 1991-kii, marki dib
loogu yagleelay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Inkasta oo uu qaabkaasi shaqeeyay, haddana waxaaq jiray
cabashooyin iyo aragtiyo kala duwan oo ay kala qabeen ashkhaas iyo meelaha
qaarkoodna beelo guud ahaantood aragtidaa diidan iyo mid taageersanba leh oo ku
saabsan sida loo maamulay iyo tirada ay beeshoodu ka heshay Baarlamaanka iyo
Guurtida, meelaha qaarna waxay diidmo ka jirtay sida loo xulo xubnaha beesha u
galaya golayaasha.
Dadka qaar ayaa inta badan shaki galaya in uu Barlamaanka
xubnihiisa iyo shir-guddonkiisu ay leeyihiin ama fulin karaan ujeedadii loo
aasaasay oo ah inay noqdaan hay’ado sharci oo joojin karta, ama wax ka beddeli
karta isku day ay la timaado golaha fulinta ee xukuumadda oo markaa aan u
danaynayn danta guud ee umadda, si looga hortago nidaam keli-talis iyo ku
tagrifal ku dhaqma.
Golayaasha Somaliland ee beelaha lagu soo doortay xubnaha ka
tirsana marka la isku daro sababo badan oo ay ka mid yihiin xubnaha qaarkood oo
ku cusbaa gud ahaanba siyaasadda oo aan si weyn u fahamsanayn kaalinta uu
leeyahay Mudane Baarlamaan.
Sabab dhaqaale oo mararka qaar keenaysay in mudanaha ama
mudanayaashu ay ka baydhaan mawqifka runta ah ee ay ka qaadan lahaayeen arrin.
Xukuumadda ama golaha fulinta ee Somaliland oo aad ugu
hawlgalay sidii ay shir-guddoonka iyo xubnaba Baarlamaanku u noqon lahaayeen
kuwa wax u ansixiya kolba sida ay xukuumaddu rabto.
Arrintu si kastaba ha ahaatee Barlamaankii Somaliland ee jiray
waxaa ku cad inuu ku guul-darraystay ishortaaga musuqmaasuqa iyo hantida
ummadda oo si cad loo leexsaday oo ay arrintaa ku kaceen hawlwadeeno ka tirsan
maamulka jira.
Haddaba xilligan oo talada Somaliland tahay in loo guuro
xisbiyo oo mudanayaashaa lagu soo doorto qaab xisbiyeed ma aha arrin fudud,
sababtoo ah muddo waxaa soo jiray mudane beeleed, wasiir beeleed labaduba ka
bartay dhinaca sida looga soo dhex baxo ama la isugu sawiro inay iyagu beeshaa
ka yihiin afhayeen iyo in loo marayo wixii xidhiidha ee beeshaa lala samaynayo,
cidda meteli kartaana ay iyaga tahay.
Marka aynu qaadano sida nidaamka xisbiyadu uu suuqa u soo
dhigayo rag badan oo sannado mustawi ku ahaa nidaam beeleedka waxaa hubaala in
ay iyagu yihiin qaybta ugu horraysa ee dagaalka kula jirta inaan loo gudbin
xilli xisbiyeed, arrintaana waxaa markhaati cad u ah dib-u-dhaca ansixinta
xeerarkii hawshaa lagu wadi lahaa ee ka yimid dhinaca Baarlamaanka.
Arrinta kale ee faa’iidada lahayd oo ay golayaasha Somaliland
lumiyeen waxay tahay inay kasbadaan kalsoonida dhammaan xisbiyada laga furay
Somaliland kuwa ka soo jeeda dhinaca xukuumadda iyo kuwa lagu tiriyo inay ka
soo jeedaan dhinaca mucaaradka, taas oo xilligan aad dhadhansanayso in xisbiyo
badan oo ka tirsan mucaaradku ay aragti ahaan wis-wis geliyeen
dhexdhexaadnimada golayaasha Barlamaanka.
Xisbiyo talada lagu qaybsado ama isbeddel ku yimaada maamulka
hadda jira waxay iyana wadno-xannuun ku tahay rag badan oo ka farsamo bartay
mansabka ku helida nidaamadii hore ee talada Somaliland, kuwaas oo dhinacooda
dagaal kula jira dib u riixista, khaladgelinta iyo diyaarinta nidaamo gurracan
oo ay ku huluulan karaan mansabada ay baraysteen. Si looga hortago arrimahaa,
ha la adkeeyo tiirka qaab xisbiyeedka loo marayo.
Dugsiga Sare ee
Maxamuud Axmed Cali Iyo Xafladii Sagootiska Macalimiinta Masaarida
Hargeysa (Haatuf): Xaflad ballaadhan oo
lagu sagootiyay Macalimiinta Masaarida ah ee wax ka dhiga dugsiga sare ee
Maxamuud Axmed Cali, ayaa maalintii Axadii lagu qabtay barxadda dugsiga
Maxamuud Axmed Cali oo ka mid ah dugsiyada sare ee Hargeysa.
Xafladdan oo ay soo agaasimeen ardayda wax ka
barata dugsigaasi, ayna ka muuqatay ixtiraamka iyo qadarinta ay u hayaan
macalimiintooda in ay wax baraan uga yimid dalka Masar, waxa ka soo qayb-galay
Maamulka dugsiga Maxamuud Axmed Cali, Macalimiinta ardayda iyo martisharaf kale
oo aad u badan.
Hadalo kala duwan oo ay munaasibadaasi ka soo
jeediyeen qaar ka mid ah ardaydu, waxa aad ugu mahadnaqeen macalimiinta
Masaarida ah, sidii aan hagrashada lahayn ee ay wax u barayeen muddadii uu
socday sannad-dugsiyeedka haatan gaba-gabada ah, waxaa kale oo ay ka hadleen
qiimaha ay waxbarashadu leedahay.
Qaar ka mid ah macalimiinta Masaarida ah oo iyaguna
halkaa ka hadlay, ayaa aad uga waramay qiimaha ay xafladaasi u leedahay iyo
guud ahaanba sida ay u arkeen Shacbiga Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi
soo dhaweyn iyo marti-gelinba leh, iyaga oo aad uga mahad-naqay sidii dalka
loogu soo dhaweeyay, muddadii ay joogeen oo ay ku tilmaameen in ay joogeen
dalkoodii hooyo, taas oo ka turjumaysa ayay yidhaahdeen, walaalnimada ka
dhexaysa labada shacbi ee Masar iyo Somaliland.
Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, Mr.
Keyse Xasan oo isna khudbad munaasibadaasi ka jeediyay, ayaa u mahad-naqay
macalimiinta Masaarida ah iyo dawladda Masar-ba oo iyadu macalimiintaasi dalka
ku soo caawisay. Waxaa kale oo uu u mahad-naqay ardaydii soo qaban-qaabisay oo
uu ku tilmaamay in ay muujiyeen is-xilqaan aad u weyn.
Ugu dambayna, waxa ay ardaydu munaasibadaasi ku
gudoonsiiyeen Macalimiinta Masaarida ah, hadiyado ka turjumaya Hidaha iyo
Dhaqanka bulshada Somaliland.
Dawladda Masar, ayaa dalka Somaliland ku caawisay
macalimiin ay tiradoodu 50 ka badan tahay, kuwaas oo wax ka dhigga dugsiyo kala
duwan oo ku yaalla gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaaas oo haatan muddada
fasaxa ku soo qaadanaya dalkooda Masar.
Golaha Ammaanka Ee
Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyay Diidmada Israa’iil Ee Gudiga
Xaqiiqo-Raadiska Ah
|
New York (W. Wararka): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan diidmada soo noq-noqonaysa ee ay Israa’iil kala hortimid, guddiga xaqiiqo-raadiska ee ay u direen xerrada Falastiiniyiinta ee Jiniin oo ay Ciidamada Israa’iil xasuuqa ballaadhan ka geysteen.
Safiirka Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka, haatana ah guddoomiyaha Golaha ayaa dhammaadkii kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen, kadib u waramayay War-fidiyeenka, wuxuuna ku dhawaaqay in wada-tashiyadaa ay iskula gaadheen in ay muddo maalin ah siiyaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu ku soo afjaro khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Israa’iil, si ay gudigu si degdeg ah ugu billaaban lahaayeen hawshooda. Waxaanu intaa ku daray Safiirku in ay Golaha Ammaankku ku adkaysanayaan in la dhaqan geliyo go’aankii gaarka ahaa ee ay ka soo saareen arrintaas, kaas oo dhigayey samaynta Guddiga Xaqiiqo-raadiska ah iyo in ay warwar weyn ka qabaan dib-u-dhaca soo noq-noqonaya ee ku imanaya Safarka Guddigaasi ay ku tagi lahaayeen Israa’iil.
Dhinaca kalena dawladda Ingiriiska, ayaa ku dhiiri-gelisay Israa’iil in ay u ogolaato guddiga xaqiiqo-raadiska, sidii ay degdeg ugu billaaban lahaayeen hawshooda ah in ay soo baadhaan wixii ka dhacay xerrada Jiniin, muddadii ay xooga ku haysteen Ciidamada Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa intaa ku daray inuul a xidhiidhay Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, uuna Sidaasi gaadhsiiyay.
Arrimahani, waxay ku soo beegmeen iyada oo ay Israa’iil ogolaatay in ay xayiraadda ka qaado Yaasir Carafaat oo muddo bil ah ay Ciidamadeedu ku xeernaayeen xarunta uu degan yahay ee Ramalah, kadib markii ay dawladda Maraykanku soo dhex-gashay labada dhinaca, iyada oo soo jeedisay in Carafaat laga qaado xayiraadda, uuna u socdaali karo halka uu doono, Carafaatna waxa uu ogolaaaday in Jeelka loo gudbiyo lix Falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil ku eedaynayso in ay ka dambeeyeen dilkii Wasiirkii Dalxiiska ee Israa’iil, iyaga oo ay Jeelka ku ilaalin doonaan xubno Maraykan iyo Ingiriiis ahi.
Waxaa iyaguna weli sii socda, weerarada ay Ciidamada
Israa’iil ku hayaan degaanada Falastiiniyiinta, iyaga oo marka ay meel ka
baxaanba meel hor leh galaya.
Madaxtinimada Madakaskar Oo
Muran Ka Taagan Yahay
|
Reuters – Maxkamadda sare ee dalka Madagaskar ayaa maalintii
shalay ku dhawaaqday inuu musharaxa ka socday mucaraadka ee Makraflo Manaana uu
ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacay bishii
December ee la soo dhaafay, taas oo ilaa muddadaa muran ka taagnaa.
Ku simaha Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Madagaskar Mananjaro
o sidaasi kaga dhawaaqay maalintii shalay kulan ay ka soo qaybgaleen
Diblomaasiyiinta dalpkaasi jooga, siyaasiyiin iyo madaxda kaniisadaha waxa uu
sheegay in Makraflo Manaana uu doorashadaasi ka helay 51.46% madaxweynihii hore
ee Rak Sirakna uu helay 35.9%, kadib markii dib loo tiriyay cod-bixintii dadku
ay ka dhiibteen doorashadaasi.
Balse waxa arrintaasi ku gacan saydhay maamulka madaxweyne Rak
Siraka oo diidan dib u tirinta codadka doorashada.
Tan iyo markii ay doorshayoonku dhaceen waxa dalkaasi ka
taagnaa muran ku saabsan cidda ku guulaysatay.
Taasi waxay keentay khilaaf iyo rabshado arrintaasi ku saabsan,
taas oo khalkhal gelisay degganaanshaha iyo xasilloonida dalka Madagaskar.
BADWEYNTA
FANKA IYO SUUGAANTA
“Dabayl
Caafimaad”
Gabaygan nuxurkiisu waa duco, sida magaciisaba ka
muuqata. Waxaan curiyay wakhti hore, balse waxaan maqashiinta dadka bilaabay
muddo saddex bilood laga joogo, wuxuuse rasmi ahaan kowsanayaa ku daabicidda
Wargeyska iyo Cajaladaynta.
Waxaan ka soo xulay suugaantayda kaydka ah, anigoo
u arkaaya in uu haboon yahay xilligan. Waxaan ku hal-qabsanayaa gabayaagii
Waddaniga ahaa ee Cabdullaahi Suldaan “Timacadde,” Illaahay naxariista janna ha
ka waraabiyo, isagiyo, innagiyo, intii Illaahay taqaannaba’e. waxaan uga
waramayaa si kooban:
1.
Dabadii
wixii dhacay waxaan isu miisaamayaa bellaayadii uu ka qaylinaayay iyo ta maanta
heerka u dhexeeya;
2.
Waxaan
dadka xusuusinayaa xikmadihiisii ay ka mid ahaayeen/
a.
“Geesiga
madow uma ogola guusha reer Yurub”
b.
“Berbera,
daadku ah qaadoo, dooniyi yaanay ku leexan”
3.
Waxaan
u sheegayaa in aanu gacantayada (maamulkayaga), kaga leexinney, doonyaha
Berbera (isagu cid kaluu ka ilaalinayaaye) oo aanaan maamul kale eedaynaynin.
4.
Waxay
taariikhdu muujisay in shirqoolkii lagu afduubay dawladnimadii Waqooyiga
(Somaliland), laguna laayay dadka ay ka masuul ahaayeen Siyaasiyiinta
Somaliland oo aan meel kaleba looga iman (Godin yahay badhkay baa kugu jiree,
imaad goyseen);
5.
Waxyaabaha
caddaynaaya shirqoolka Siyaasiyiinta hawl-gabka ah (kuwii lixdankii):
a.
Ma
jiro mid runta ka sheegay in aanay reer Waqooyigu gobanimaba qaadanin lixdankii
oo aanay 26-ka Juun ka mid ahayn maalmaha gobanimada Soomaaliya ee laga aqoonsan
yahay Qaramada Midoobay;
b.
Ma
ma jiro mid taageeray, ama si caalami ah ugu hadlay Gobannimada
(madaxbanaanida) Somaliland, hadduu yahay mid maamulkeeda haya iyo mid debedaha
wareegaaya, iyo mid mucaarid sheeganaaya (oo ka mid ah kuwii lixdankii), weli waa
la sugayaa mid ama laba ama dhawr u doodda Gooni-isu-taagga Somaliland.
c.
Marka
aanu jirin mid u godoboobay, waxaynu haynaa (bil cakis) in ay dhammaantood is
hortaageen oo ay cid walba uga horreeyeen is hortaagga iyo carqaladaynta
Gobanimada Somaliland.
Markay intaasiba ka badheedhay shirqoolka
Somaliland, isla markaana aanu jirin ra’yi ka soo horjeedda kooda oo ay xubno
facooda ahi ku dhawaaqeen, waxay tusaalayaashaas oo keli ahi innoogu filan
yihiin, anigoo aan u dhaadhicin boqol iyo labaatan (120) tusaale oo ii qoran.
Sidaa daraadeed, waxaan idhi:
Dabayl Caafimaad (Gabay)
Illaahow
dadkaad naga dhigtiyo
Illaahoow
dalkaad nagu dhaqdiyo
Deeqdaad
nagu siisay
Illaahoow
dirkii mahadiyeen
Daadin
naga yeel
Illaahoow
kuwii daafacee
Daalin
naga yeel
Illaahoow
degaan nabadgelyoo
Doogsan
naga yeel
Duqii
timacaddoow duco allaan
Kuu
dalbanayaaye
Illaahay
degaankii jannada
Kuugu
derejeeye
Dul
ahaan adduunkii haddaan
Eray
ku soo duubo
Waa
loo dardaar werinayaa
Diir
madoobaha’e
Illaaheense
nooguma darraan
Midab
daraadiiye
Diintii
Furqaaneed kufrigu
Way
durreeyeene
Tawraad
dar-xumaday badeen
Muuse
dabadii
Dulmigii
Injiil laga galay
Doonayaan
weli
Dusdus
iyo khiyaanuu ahaa
Doorka
gaaladu’e
Duullaan
badheedhay wadaan
Duhur
dharaareede
Dunidii
Islaamkuna hadday
Dufan
baa heshiis lagula galay
Dalalka
qaarkoode.
Ciraaq
lama duqeeyeen haddaan
Kuurka
loo degine
Dabar-goynta
Falastiin xigaal
Uma
dul-qaateene
Dagaal
may yaraynine walaal
Daafacaan
jirine
Jeejniya
dubbaha lagu dhuftaan
Cidi
ka diirayne
Durriyaha
afgaan lagu ridee
Dumiyay
buuraha
Dambas
lagama yeeleen haddana
Derisku
naafayne
Maraakiib
dayuurado siddiyo
Kuman
dabaabaad ah
Dariiqyada
ma gooyeen badaha
Dunida
qaarkeede
Doonyaha
ma baadheen siday
Deyn
ku leeyihiin
Dabbaal
joogto iyo damac fog iyo
Duur-xul
baa jira.
Gaar
ahaan dalkeenii haddaan
Kuu
dul maro sheeko
Dadkii
waa ku noolyahay haddana
Way
dellegan yiine
Dugsi
ma leh wixii aad lahayd
Waa
dastuur qarane
Doontaad
ka saartuu caqligu
Weli
dul yaallaaye
Iyadoo
dab kala qaadataad
Dunida
joogteene
Doorsoome
qoomkaad ogeyd
Daayinna
u maqan.
Gaaladu
adduunkay degtoo
Diidey
aakhiro’e
Muslinkiina
Jannuu doonayaa
Taa
dambaa wacane
Ummad
aan dhanaba dooranbaa
Joogta
degelkiiye.
Waa
shicib dhankii lagu dayaba
Loo
dareersado’e
Waa
shicib dalluumaha ku dhaca
Loo
diyaarsadaye
Waa
shicib dadnimadooda qira
Geeri
dabadeede
Waa
shicib degdegga oon lahayn
Daymo
feejigane
Isku
diridda gudahooda waw
Dhego
daloolaane
Dabka
culus markii lagu riday
Dumar
ciyaaraane
Hadba
kooda dhiig daadiyay
Ubax
dul saaraane
Dembiyadaba
waxa lagu helaa
Doorashiyo
guule
Weliyaaba
noo daahiray
Debedda
geeyaane
Waxay
qoloba daba joogsataa
Daallinkii
gubaye
Billad
dahabta waxa loo xidhaa
Hooyadii
dila’e
Oo
weliba deeq iyo abaal
Loogu
darayaaye.
Dugsi
ma leh wixii aad lahayd
Waa
dastuur qarane
Doorsoome
qoomkaad ogeyd
Daayinna
u maqane.
Qabiilkoo
jahligu daajiyaad
Daaya-na
lahayde
Aqoonyahan
u doodaaya iyo
Janan
difaacaaya
Isagoo
digtooriyo sharci leh
Daayin
kuma joojin
Dugsi
baarlamaanoo ku yimid
Doorashada
reerka
Oo
haddana duruus looga dhigay
Daayin
kuma joojin
Guurti
dhaqanka daadihisa oo
Duca
ku miisaaman
Oon
duudsiga aqoonin baad
Dunida
joogteene
Iyagoo
ka dawladda carriga
Daayin
kuma joojin
Marag
dollar lagu iibsado
Gubey
damiirkiisa
Oo
kii dambiilaha ahaa
Daalac
wax u raaco
Maxkamad
dulmigu xaakim yahay
Daayin
kuma joojin.
Isagoo
daliilkii quraan
Daayin
ku cadeeyay
Iyagoo
digriigiiyo bateen
Culimadii
diintu
Xaqa
dumarka waxa laga dalbaa
Dawga
gaalada’e
Iyana
diirka soo hoodhiyay
Kula
dardaarmaane
Waxa
midabka lagu dooriyaa
Baras
dukaan taalle
Doqon
iyo habeenbaa madow
Daayin
kuma joojin
Ducayeel
lamaagiyo mudnaan
Dakharo
loo yeellay
Isna
derajadiisii ka tegay
Daayin
kuma joojin
Suldaan
jeelka loo dirayo
Oo
lagu damaashaado
Dhaqan
aabihiisiii la dilay
Daayin
kuma joojin.
La soco toddobaadka dambe….
Raadiyow Ma Qaloocshe
|
Halkani waa raadiyow ma qaloocshe oo aydin ka macmiilataan mowjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq aqoonka; dhegaystayaashayada dhakada salaxanow, waxaan dabadda idiin qaban doonaa warkii dunida iyo waraysi daba socda oo aan la yeeshay wiilka Osman bani’aadam, balse qacda hore waxaan qadhawda idinkaga saari doonaa weriye Mr. War ma arke;
Warkii oo kurkuursan:
Madaxkuuska Shankaroonland, ayaa dabiib loo geeyay dalka oogada afrika, kadib markii jilbaha hargab kaga dhacay, waxa kaloo u sii wehelyeelay labao ka mid ah Wasiiradiisa iyo sariflaha Qaranka oo kiish lacagtii lagu dabiibayay ku sii qaaday.
Diyaarad fariid ahayd oo weftigaa sii qaaday, ayaa bed-qab ku geysay magaalada Jawaahirbeeg ee gafuurka afrika, isla markaana dabiibka odayga waxa loo aamini waayey dhakhtar shicib, waxaana degdeg loo geeyay Cusbitaalka hargabka iyo durayga ee milaterigu leeyahay.
Haddaba, mar aan telegaraamka la tiigsaday milateri digtoor ku takhsusay cudurada hargabka iyo hindhisada, waxaanan ka waraystay xaaladda odayga, ugu horayn waxaan weydiiyay su’aal aan Soomaali iyo af Ingiriisi isugu jacburiyay, waxaanan ku idhi:
Ma qal: How is health our Madaxkuuskayagii?
Digtor: He is good-good.
Ma qal: What was xannuunkiisa?
Digtor: It is some about bolotikaal feefar, markii aanu baadhnayna waxa aanu ka helnay lix balaas oo duco qabayn ah, May be in ay kaga timi Egas-ministaro hore.
Ma qal: What do you thing dawadiisa?
Digtor: It is very simple, he need only five year doorasho with him, because he is bolotikaal best for your badaw bolotiig.
Ma qal: If he will come back, what will must do?
Digtor: He is not need too much tarabal come from ASAD and Eldaris.
Digtoorkaas oo aan weydiiyay in indhaha loo qurxiyay, wuxuu sheegay in indhaha loo salaxay oo uu si fiican u arki doono Siyaasadda.
Hargeysa
Oday aan da’diisa la sheegin, ayaa maalin dhaweyto harraad ugu dhiman gaadhay, waxaana la arkay isagoo qasabad dusheed rafanaya, kadib markii ay magaalada soo food-saartay biyo la’aan bilaa qiyaas ah.
Gabadh gashaanti ahayd, ayaa iyana biyo la’aan darteed la dhukuratay, kadib markii ay wayday biyo ay ku maydhato.
Haddaba Inkasta oo beryahanba biyuhu suqu-qul ahaayeen, haddana waxay surmigu samada gaadhay markii Madaxkuusku tegay, taas oo dadka qaar sheegeen in haddii odaygu joogo ceelka sidan looga haraadeen.
South Africa
Afrikada cawlan nin u dhashay, ayaa ayaan dhawayd dayaxa u qayilaad tegay, kadib markii uu ingaydh garaystay tagaasida dayaxa taga ee Ruushku leeyahay.
Ninkan oo ku kiraystay lacag afrika saddex casho ku qadayn lahayd, taas oo haddii dhammaan dadka reer afrika, haddii lagu arad-tiri lahaana “Nigisyo” u goyn lahayd, ayaa markii wiilkii dayaxa tegay asqoobay oo habeen iyo maalin kala garan waayay, balse waxa igu maqaalo ah in dhulka looga sheego marka la seexanayo iyo marka la toosinayo.
Ninkani, waa ninkii labaad ee kibir daraadii cirka u kaadi taga, iyadoo kal saddexaadna Nin taajirnimo daraadeed urayna kibir u tegay.
Weriyaha dayaxa nooga soo warama, ayaa soo sheegay in laba habrood ay isku laayeen dayaxa guudkiisa, kadib markii ay isku qabsadeen baloodh qiyaastiisu tahay eydhi baay aydhi. Labadaas habrood oo u kala dhashay Ruushka iyo Maraykanka, kuwaas oo labadooduba ay haysteen Faylal sharciya iyo kuwo maxkamadeed, waxa la sheegay in ay daraad galab labadii habrood is dileen oo dagaal badani dhexmaray.
Habartii Ruushada ahayd, ayaa la sheegay in ay dayaxa ka soo tuurtay tii Maraykan, kadib markii sabaaxad Ruush ay ku soo lalisay. Habartaas Maraykan oo la sheegayo in ay ilaa shalay hawada soo lalmanaysay, waxaa loo malaynayaa in ay ku soo dhacayso meel ku beegan dalka Ciraaq, siiba agagaarka aqalka Sadaam Xuseen.
Wareysi Bin’aadan
Akhyaartayada indhaha buur-buuranow, waxaan idiin soo tebinayaa Wareysi aan beryahaaba ku maqnaa oo aan la yeeshay Ninka Cusmaan Benu Aaden ee Maraykan ka xanaajiyay, ninkaas oo markii meel aan u maro waayay aan warqad ugu dhiibay habaryartii. Warqadaas, waxaan ku weydiiyay su’aalahan, waxaanu iigu soo jawaabay sidan. Inkastoo jawaabtu af-carbeed ku qornayd, balse anigu aan Soomaali gareeyay;
S: Waar bal iska waran, wixii Maraykanku hub kugu riday xaggay kaa mareen?
J: Waanu ka noolnahay aniga iyo gadhkeygiiba.
S: Oo Maraykanku ma sidaasuu u shish daranyahay?
J: Waar Maraykan aqoon ayaadan u lahayn ee inuu aniga I dilo ma doonayo, ee wuxuu doonayaa inuu kolba dalkuu qabsanayo yidhaa Binu Laadanbaa joogga.
S: Waxaan ku weydiiyay daarihii Maraykanka ma adiga diyaaradaha la eegtay?
J: Mayee daaraha Diyaaradda Maraykankaa la eegtay oo rag ciidankayga oo rakaab ahaan, diyaaradda u raacay ayay diyaaradaha ku laayeen.
S: Muxuu ninka weyni sidaa u sameeyay?
J: Bil Macne duulaanka Afgaanistaan ayaan hirgaleen haddana Maraykanka laga nixin.
S: Cumsaan, waydinkii Maraykanka isku wanaagsanaaye, goormaad colowdeen?
J: Waxaan colownay markaan ogaaday wuxuu doonayaa.
S: Wuxuu doonayaa maxay ahayd?
J: Maraykanku wuxuu u qayilay shan sanno, farsamadii uu boqol sannadood isagu dunida u meherin lahaa, si uu dunida isagu oday uga noqdo, inta kalena xaaskii iyo caruurtii, anna waxaan doonayaa in aan Carabta oo dhan NGO ka dhigo, markaa tii Alle ka dhigo ayuu baay noqon.
S: Oo Horta Mascuud Shah ma adiga dilay?
J: Eesh Qiyaasak, iyagaa Rooma ku soo dilay, kadibna Mascuud Macmala, ayay u soo direen Afgaanistaan, kadibna kuwan dilayna iyagaa u soo diray oo haddana annaga nagu hafray.
S: Cusmaan hadda xageed joogtaa?
J: Halkaan joogo waxaad ku garan, waa kolba halka Maraykanku weeraro.
S: Cusamow, Horta ma xagaa iyo beri Soomaal miyaad waa u soo dustay?
J: anigu maan tegin, laakiin gadhkayga ayuu badh tagay beri Soomaal, miyaanadse ogeyn in dalka la igu sheego doollar lagaga dhergo oo Maraykanku bixiyo Basaas Broojjekt.
S: Cusmaan, adigu ma argagixiyaad tahay?
J: Mayee, Cawaandiga Carbeed ayaan ahay. Argagixisadiina, waxaa loo bixiyay qofka diida aan ku danbaabo.
S: Xageed imika doonaysaa in aad tagto?
J:
Horta anigu waxa laga yaabaa in aan Sacuudiga laftiisa qabto, waxbase iguma aha
intaan gaadhka xiiro oo dhafoorada xiirto in aan Waanshitoon Piibsi u doonto, ilayn
magacayga labaad Jemis Jaarlasbaa layidhaa. Dagaalkuna, aniga idhaafyoo waa
Carab iyo Gaalo, Yuhuudna Bariga dhexe waanu ka eryaynaa oo waxay u guuraysaa
Kaashamiiriyo, xagaa eeshiya.
DARYEELKA DEEGAANKA
Cumar
Daahir Cumar
Badbaadi, Oo Dhaq Beer: Dhirta
Daaqa Iyo Ugaadha Somaliland
Macluumaadkan
iyo sawirada saddex ka mid ah waxaa laga soo xigtay wasaaradda Horumarinta
daaqa iyo degaanka.
|
Dhulka Somaliland waxaa ku beeran dhir, daaq iyo Ugaadh kala duwan oo ah khayraad dabiiciya. Dhirta dabiiciga ah waxaa ka mid ah; Qudhaca, Galoolka, Meygaag, Dhafaruur, Gob, Dacar, Kariiri, Duur, Midhcaanyo caday, Qansax, Kedi, Kulan, Moxor, Gulaan, Xayramad, Dhosoq, Bilcil iyo kuwo kale oo badan.
Daaqa waxaa ka mid ah;
Dareemada, Dixi, Saddexo iyo kuwo kale.
Ugaadha waxaa ka mid ah;
Sakaarada, Deerada, Dameer-farowga, iyo kuwo kale.
Intaa waxaa dheer dhirta
iyo xayawaanka kala duwan ee ku nool Badda oo iyaga qudhoodu u baahan daryeel
la mid ah kaa ay u baahan yihiin dhirta iyo noolaha Barrigu.
Dhirtan iyo daaqa aynu
xusnay, waxay ka baxaan degaamada kala duwan ee Somaliland, marka laga soo
bilaabo dhulka ooda leh ee ku dhereran dhinaca koonfureed ee xadka Somaliland,
bannaanada Banka ah, dooxyada, buuraha iyo dhulka gubanka ah ee xeebaha
waqooyiga.
Waqooyi Bari, iyo Waqooyi
Galbeed ee Somaliland.
Shidaal ama wax u dhigma
dhuxusha oo aan inta badan lagu isticmaalin Somaliland, ayaa keentay in la
jaray oo dhirta laga xaalufiyay dhul badan oo ay ka bixi jireen dhirta
dabiiciga ah.
Markii ay dhacday
xaalufinta dhirta dabiiciga ah waxaa kordhay dhulka uu saameeyay nabaad-guurkii
ay dhirtaas bixideedu ka hortaagnayd dhulka, waayo dhirtu waxay ilaalisaa
dhulka inay carrada ka qaado dabayshu, dhinaca kale dhirtan waxaa quuta xoolaha
xilliga Jiilaalka ee uu daaqu qalalo ee Xagaaga iyo Jiilaalka.
Geedka Galoolka ayaa aad
loo jaray oo loo dhuxulaystay Somaliland, intaa waxaa dheer in Galoolka aad ay
u isticmaalaan reer Miyigu iyagoo laamihiisa maydhaxdooda ku dhista guryaha
(Aqal Soomaaliga).
Dareemada oo ah geed
daaqsimeed carro san oo ay xooluhu aad u jecel yihiin ayaa si qayru-xada loo
daaqay, taas oo keentay inay ka siidh-guurto ama ku yaraato dhul badan oo ay
hore uga bixi jirtay.
Dhulka uu joogiisu aadka
u sarreeyo ee buuraha Golis, ayaa laga xaalufiyay dhir badan oo ay
buuralaydaasi qani ku ahayd, sida dhir loo isticmaali jiray in lagu sameeyo
furaashyada iyo barkimooyinka.
Marka la eego dhibaatada
weyn ee loo geystay dhirtii iyo daaqsintii dabiiciiga ahayd ee Somaliland,
waxay qoraal ku muujisay wasaaradda Horumarinta Daaqa iyo Degaanku in loo
baahan yahay hirgelinta barnaamijka ay wasaaraddaasi u dhigtay wax-ka-qabashada
dhulkii dhirta iyo daaqa ku haboonaa oo qaarkood loo rogay dhul-beereed aanu
dhulkaasi cimilo ahaan iyo ciid-ba ugu habboonayn. Arrintan oo keentay in uu
fido nabaad-guurka ciida oo mustaqbalka keeni kara in dhul badani isu rogo lama
dagaan.
Barnaamijkan wasaarada
Horumarinta daaqu wuxuu lama huraan ka dhigayaa Barnaamij wax lagaga qabto
goynta xad-dhaafka ah ee lagula kacay dhirta Somaliland iyo daaqsinta aan
xadaysnayn ee xaalufisay dhulkii hodanka ku ahaa geed-daaqsimeedka ay daaqaan
xoolaha aynu dhaqano, bilic iyo badbaadana u ah degaanka Somaliland.
Hay’adu Ma Waxay Xalaashatay
Inay Dhaqankeenii Ku Tomato
Waxaan laba toddobaad ka
hor ka akhriyay mid ka mid ah jariiradaha afka Ingiriisiga ku soo baxa ee
dalkan ogaysiis ku saabsan shaqo bannaan oo ay faafisay hay’adda IRC, kaas oo
ay hay’addaasi ku sheegayso in cidda shaqadaas soo doonanaysa aan loo eegi
doonin midabkooda, diintooda iyo waxyaabo kale oo fara badan oo ay ka mid tahay
in habka qofku u jecel yahay galmada (sexual orientation), aanay ka horjoogsan
doonin inuu soo doonto shaqadaas, taas oo looga jeedo dumarka oo dumarka u taga
iyo ragga ragga fuulaba, Ilaahay ha inaga shartiro’e.
Arrintani run ahaantii
waa mid meel ka dhac ku ah diinteena iyo dhaqankeena, ula-jeedadeena waa la
iska garanayaa.
Waxa la tijaabinayaa in
aynu aqbali karno waxyaabo tan ka daran oo soo socda. Waxaase habboon in
taxaddir fara badan laga yeesho. Waxase isweydiin leh, jaraa’idkeenu ma waxay
dhaafsanayaan diintooda iyo daqankooda labaatan dollar oo ay ka qaataan
xayaysiisyada dhaawacaya dareenka bulshadeena muslimiinta ah.
Hay’adda IRC ee kasoo
jeeda dalka Maraykanka, lagama fadhiisteen haddii jaraa’idkeenu soo qori lahayn
xayaysiis ku saabsan shaqooyin ka bannaan ururka Al-qaacida.
Haddaba waxaan leenahay
hay’addaasi inay xor u tahay wixii ay aaminsan tahay, balse aanay xor u ahayn
inay ku tomato waxay dadka dalkani aaminsan yihiin.
Ugu dambayntii waxa IRC
looga fadhiyaa inay bulshada reer Somaliland ka raali-geliso meel ka dhaca
damqashada leh ee ay u geysatay.
Axmed Cilmi, Hargeysa.
Baaq Madaxda Ururka UDUB ee
Gobolka Sool U Jeediyeen Reer Laas-caanood
Anagoo ah madaxda gobolka ee ururka UDUB, kuna sugan xilligan
caasimadda Hargeysa, waxanu Baaq nabadgelyo u soo jeedinayna labada beelood ee
qardafta dhimashada iyo dhaawaca keentay ku dhexmartay degmada Laas-caanood ee
G. Sool.
Waxaanu walaalahayaga dagaalkaas laga naxaa dhexmaray u soo
jeedinayna in laga waantoobo wax dhibaato ah oo dhaca oo intaa dhaafsiisan.
Iyada oo wixii horana ay ku dhaceen si aan mas’uulnimo ahayn,
haddana waxaanu leenahay dhammaan wax-garadka, culimaa’udiinka, hooyooyinka,
dhallinyarada waa in laga hortagaa abaabul dambe, iyo is-urursi ciidan oo
keenaya dhibaato dhacda oo keeni karta mid ka badan tii hore.
Waxaanu baaqayagan ku taageeraynaa cid kasta oo dareenkeedu
yahay inay nabadgelyada isbarbar taagto.
Dhallinyarada qoryaha sidata, waxaanu leenahay walaalayaal mid
waliba kuu qoriga u sitaa kii walaalkii ahaa ee ay shalay ceeshow milixda
ahaayeen.
Odayaasha wax-garadkow waxaa idinla gudboon hawshaad
dabaqashadeeda, mana aha maanta maalintii qabiil loo dagaalami lahaa ee waa
maalintii aqoon iyo horumar lagu tartami lahaa.
UDUB, wuxuu taageersan yahay nabadgelyada iyo xasilloonida
intii khayr iyo nabadayn wada Ilaahay ha ku garabgalo.
Waxaanu u mahadnaqaynaa hooyooyinkii iyo dhallinyaradii ka
dhiidhiday walaalahaas macno la’aantu isu geysay ee bannaan-baxa ka sameyay, ilaa
haddana wada dadaalkooda nabadeed.
Xubnaha Baaqan diraya;
1.
Aadan X. Xuseen (Xoghayaha G. Sool)
2.
Ibraahim Cali Cabdi (khasnaji)
3.
Xasan Muuse Shire (dhallinta)
4.
Carfi Jaamac Dhurwaa (haweenka)
5.
Cabdi Yuusuf Cali Koore (xubin).
Per. Colonia: Garsooraha
Dunida Ugu Khibradda Badan
|
Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa soo saaray liiska magacyada garsoorayaasha dhexdhexaadinaya koobka adduunka 2002, oo ka dhacaya waddamada K.Kuuriya iyo Japan.
Garsooraha caanka ah ee u
dhashay dalka Talyaaniga Perluigia Colonia oo ka mid ah ragga sida aadka ah
dhexdhexaadintooda loo jecel yahay,taas oo keentay inuu soo jiito indhaha
daawadayaasha caalamka kala duwan.
Garsoore Colonia, waa nin
had iyo goor xiiran oo aan madaxiisu timo yeelan, isla markaana waa nin ad-adag
marka lagu jiro garoonka, inta badana waa nin marka ay ciyaartoyga isku dhacaan
go’aan adag qaata.
Koobka adduunku wuxuu ka
mid yahay kuwa ugu horreeya dunida, ayna ku soo caan-baxaan xiddigo badan,
kooxo iyo weliba garsoorayaasha nasiibka u yeesha muhiimada warbaahinta.
Garsooraha Talyaaniga ahi
mar uu dhawaan shir-jaraa’id qabtay, wuxuu kaga hadlay sababta uu ku kasbaday
taageerayaasha tirada badan marka uu ciyaaraha dhexdhexaadinayo, waxaa kale oo
uu ka hadlay sababta uu ku doortay garsoorenimada, iyo siduu uga hortago
iska-horimaadka ciyaartoyga ka dhexqarxa iyo eedaymaha loo soo jeediyo
garsoorka.
Garsooraha oo ugu
horreynba la weydiiyay sababta uu ku doorbiday dhexdhexaadinta
(garsoorenimada), ayaa sheegay in markii uu ardayga ahaa, gaar ahaana intii uu
ku jiray wax-barashada dugsiga sare uu wiil ay saaxiib yihiin kula taliay inuu
barto cilmiga garsoorka ciyaaraha. “Wuxuu ii tilmaamay goob lagu barto
shaqadaa, aniguna kumaan ceebsan fikradda ee waan ku raacay , waana ugu mahadcelinayaa,
waayo waa albaabkii aan ka soo galay dunida ciyaaraha,” ayuu yidhi Perluigia oo
ka hadlay sidii uu ku noqday garsooraha.
Markii uu yaraa wuxuu
ciyaari jiary kubadda cagta, hase yeeshee wuxuu joojiyay markii uu galay
dugsiga tabobarenimada oo ay da’diisu 17-jir ahayd.
Muddooyinkan dambe, waxaa
garoomada ciyaaraha laga dhaqangeliyay kamaradaha soo saara khaladaadka dhaca
inta ciyaarta lagu jiro, kuwaas oo inta badan kashifa gefaf si qarsoodi ah u
dhaca oo aanay garsoorayaashu arkin oo marar badana cambaarayn ku keena
dhexdhexaadiyeyaasha. Mar la weydiiyay aragtida uu ka qabo wuxuu yidhi; “Runtii
waxa muhiim ah inaynu u garwaaqsano inaan kubadda cagtu ahayn mid khaladku ku
dheer yahay, dadkuna gef wuu ka dhacaa. Ku soo cel-celinta khaladka oo marar badan
kamaradu samaysaa waxay culays badan ku keentaa garsooraha.”
Inkasta oo dareen diidmo
leh uu ka muujiyay isticmaalka kamaradaha maragfurka ah wuxuuna garsoorayaasha
kula taliyay inay ka faa’iidaystaan khaladaadka ay ku dhacaan marka ay
kamaraduhu ku soo celiyaan dhacdadaa.
Garsooruhu wuxuu sheegay
ingarsoorayaasha oo la kordhiyaa aanay wax weyn ka tari karin yaraynta
khaladaadka. “keliya waxay soo saaraysaa goolka dhasha, laakiin uma arko in ay
wax horumar ah ka keeni karto culayska jira,” ayuu yidhi, wuxuu intaa ku daray
in dalka Ingiriiska lagu tijaabiyay inay ciyaarta dhexdhexaadiyaan dhawr
garsoore, balse aan wax horumar ah laga gaadhin.
Colonia, oo la weydiiyay
sababta uu markiiba ku garto inta ay gaadhsiisan tahay khatarka dhaawac ee
ciyaartoygu qabo kahor inta aanu ka bogan, ayaa sheegay inaan tacliinta loogu
darin calaamado jidhku bixiyo oo lagu qiimeeyo hadba intay khatartu le’eg
tahay, balse wuxuu tilmamay inay ku xidhan tahay khibrada go’aan qaadashada iyo
aqoonta uu u leeyahay ciyaartoyga khaladka galay oo uu markiiba qiimayn karo.
Sanadihii ugu dambeeyay
garsoorayaasha ciyaaraha caalamiga ah dhexdhexaadiya waxa lagu soo rogay
imtixaan lagu tijaabinayo aragtida indhaha iyo adkaysiga orodka, iyada oo uu
tartanka ka hadhayo qofka aanay aragtidiisu fiicnayni, ama aan adkaysan u
lahayn inuu ordi karo waqtiga ciyaartu socoto.
Per. Colonia oo
aragtidiisa ka dhiibanaya qorshahaa lagu kala reebayo garsoorayaasha ayaa ku
sheegay hawl muhiim ah, maadaama marba marka ka dambaysa ay soo kordhayaan
tartamadu, isla markaana ay soo if-baxayaan khiyaamooyin casri ah oo aan hore u
jirin.
“Waa hubaal in xaakinka
culays ku sii kordhayo daqiiqad kasta muddada ciyaaraha, markaa garsooraha
waxaa la gudboon inuu la socdo xeeladaha kala duwan ee koox waliba ku ciyaarto,
waana inuu dhug u leeyahay farsamooyinka qarsoon ee ciyaartoy kastaaba
leeyahay,” ayuu ku daray.
Garsooraha Talyaaniga ah
oo wax laga weydiiyay sida ay suurtogal u noqon karto in laba dhexdhexaadiye
ciyaar keliya wada xukumaan, ayaa tibaaxay in lagu jiro hawl tijaabo ah oo lagu
dersayo suurtogalnimada hawshaa balllaadhan, taas oo loo xilsaaray dawladda
Talyaaniga oo muddo laba sannadood ah laga dhursugayo jawaabteeda. Isaga oo
arrinta ka hadlayana wuxuu yidhi; “Arrinta waxaa loo xilsaaray xidhiidhka Talyaaniga
waana inaynu fursad siinaa inta laga gaadhayo dhammaadka waqtigii loo qabtay,
markaas ayaynu kala xukumi doonaa midho dhal iyo khasaare midkay noqoto.”
Garsooraha xiiran ee
indhaha god-godani wuxuu dhaliilay kordhinta masaafada ay isu jirayaan ciyaartoyga
iyo garsooruhu, taas oo hore u ahaan jirtay toddoba mitir, balse dalka
Ingiriisku hadda ka dhigay 10 mitir, isaga oo caddeeyay inay qiyaastaasi ku
koobnayd ciyaarta Ragbida, sidaa darteedna aanay munaasib ku ahayn kubadda
cagta, wuxuu diidmadiisa markhaati uga dhigtay iyada oo garsooraha ku keeni
karta inuu khaladaado badan ku dhaco, waxa kale oo Colonia diiday in sharcigaa
lagu dhaqangleyo tartamada naadiyada.
Mar uu ka jawaabay su’aal
la xidhiidha waxa uu ka qabo cadaadiska dheeraadka ah ee la saaray
garsoorayaasha, wuxuu caddeeyay inuu aad u taageersan yahay imtixaan kasta oo
lagu eegayo aqoontiisa uuna ku raaxaysto.
Yaa Calafsan Doona Horyaalka
Talyaaniga?
|
Iyada oo ciyaar keliya ka hadhsan tahay gebogebada horyaalka
Talyaaniga ayay kooxaha Inter, Juventus iyo Roma weli ku kala bixi la’ yihiin
dhinaca awood-qaybsiga, ilaa haddana lama garan karo cidda calafsanaysa koobka
lagu hirdamayo.
Inter, waxay leedahay 69 dhibcood, waxayna hal dhibic ka
horraysaa Juventus oo iyana haysata 68 dhibcood, sidoo kale Roma, ayaan iyana
waxba ka dhibco yaran, waxayna leedahay 67 dhibcood.
Saddexda kooxoodba waxay ciyaarahooda ugu baxayaan debedda,
Inter waxay u tegaysaa Lazio oo ay kula kulmayso garoonka Olympik ee magaalada
Rome, haddii Inter kulankaa badiso cidi kuma wada hadlayso koobkana waxaa la
dheelman doonta kooxda 13-ka sannadood ka dhursugaysay hanshadiisa, laakiin
haddii ay il-duufto waxaa ka faa’iidaysanaya Juventus oo u hayaamaysa Udinese,
oo ka hoosaysa ama Roma oo u kicitimaysa Torino oo meel dhexe taagan.
Haddaba iyada oo aan natiijada ciyaarahaa ka soo baxaysa aan
cidina si cad u qeexi karin, wax walibana ay ku xidhnaan doonaan kulamada 90-ka
daqiiqadood ee wadna-xannuunka ah oo dhici doona Axadda soo socota, haddana
waxaanu door-bidnay inaanu akhristayaashada u soo bandhigno saadaalaha kala
duwan ee laga bixinayo bal kooxda ku guulaysan karta koobka, annaga oo mid-mid
u soo qaadanayna saddexda kooxood.
Haddii labada kooxood ee ugu sarreeyaa ay isku dhibco noqdaan
waxaa lagu kala saarayaa ciyaar, mana shaqaynayso gool-dheeri iyo goolal
badnaan midina.
Inter Milan, waxay haysataa dhibic faa’iido ah oo haddii
kulanka Axadda saddexda kooxoodba wada badiyaan dhibacdaa ayay ku qaadanaysaa
horyaalka.
Sidoo kale haddii saddexda koxood dhammaantoodba ay guul-darraystaan
amaba ay barbaro noqdaan, waxaa guulaysanaysa Inter oo dhibic dheeraad ah leh.
Haddii Roma iyo Juventus laga badiyo Inter ayaa iska leh
koobka.
Haddii Inter iyo Roma laga badiyo Juventusna ay barbaro gasho,
waxaa isku dhibco noqonaya Inter iyo Juventus oo wada yeelanaya 69 dhibcood,
sidaa darteed waxaa lagu kala saarayaa ciyaar.
Haddii Inter barbaro gasho Roma-na ay badiso, isla markaana
Juventus laga adkaado waxaa isku dhibco noqon doona Inter Milan iyo Roma oo
wada yeelan doona ciyaar lagu kala saarayo.
Juventus, waxay horyaalka ku guulaysan kartaa haddii ay ka
badiso Udinise oo Inter lagaga adkaado kulanka Lazio.
Haddii Juventus badiso ama barbaro gasho, isla markaana laga
badiyo Inter iyo Roma, koobka sidaas ayay ku qaadanaysaa.
Haddii Juventus barbaro gasho, Inter iyo Roma-na laga badiyo
waxaa isku dhibco noqonaya ciyaarna loo dhigayaa Juventus iyo Inter.
Hase yeeshee, kooxda Roma oo ah ta ugu rajada adag, waxay
guusheedu ku xidhan tahay iyada oo badisa ciyaarta u hadhsan, isla markaana
Inter laga badiyo, kooxda Juventus-na laga badiyo ama ay barbaro gasho.
Marka laga tago saadaasha guud ee laga bixiyay koobka
ciyaaryahanka reer Uruguay ee Alvaro Recoba ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ka
qabo hanashada horyaalka, koobkuna ku soo hoyan dono magaalada Milan.