SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 73-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Haatuf, Cadadki
73, May 1, 2002
Telephone
252-225-3783, 252-828-3783
E-mail: haatufnews@hotmail.com
Maxaa Laga Ogyahay Gunta Xidhiidhkii Iyo Wada-Hadalkii Dhexmaray
Salaadiinta Reer Burco Iyo Masuuliyiinta Itoobiya
Hargeysa (Haatuf): Wefti Salaadiin
reer Burco ah oo ka koobnaa; Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani iyo Boqor
Maxamuud Cali Carab iyo weliba xubno odayaal ah, ayaa Axadii toddobaadkan ka
soo noqday safar ay muddo toddobaad ku dhow ugu maqnaayeen dalka Itoobiya,
kadib markii ay martiqaad ka heleen masuuliyiinta dawladda Itoobiya.
Weftiga Salaadiinta reer Burco, waxay tageen
magaalada Herer ee bariga Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula soo yeesheen
masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya.
Sidoo kale, weftiga Salaadiintu markii ay ka soo
laabteen dhinaca Herer, waxay ku hakadeen magaalada Jig-jigga ee xarunta
Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasna waxay wararku sheegeen in ay kula
kulmeen Masuuliyiinta Is-maamulka Soomaalida.
Socdaalka Salaadiinta reer Burco ee dalka Itoobiya
iyo martiqaadka loo fidiyayba, waxay dadka reer Somaliland ku ahayd arrin lama
filaan ah oo aan hore loo ogeyn, waxaana ka dhashay su’aalo dood iyo dareen
dhaliyay.
Sidoo kale, dawladda Somaliland ayaa iyana ka diday
arrintaa, iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, socdaalka
Salaadiinta ka bixisay Jawaab cadho ka dha-dhamayso.
Markii lagu war helay Safarka iyo martiqaadka
Salaadiinta reer Burco ee dalka Itoobiya, waxay ugu horeyn dadku is-weydiiyeen
sababta keentay Martiqaadka iyo cidda ka shaqaysay xidhiidhka dhexmaray labada
dhinac, waxayna arrintani soo if-baxday xilli la aaminsan yahay ama uu jiraba
xidhiidh dhow oo Siyaasadeed iyo Nabadgelyo oo u dhexeeya labada maamul ee
Somaliland iyo Itoobiya, sidaa darteed aanay dad badan u muuqan xaalad si guud
iyo si gaar ahba ay ugaga wada-hadlaan, Salaadiinta reer Burco iyo Maamulka
Itoobiya, iyadoo ay dadku is-weydiiyeen waxa ay labada Maamul maarayn kari
waayeen ee ay Salaadiinta iyo Maamulka Itoobiya ka wada-hadlayaan.
Marka laga yimaado su’aalaha ka dhashay bilowgii
sheekada Salaadiinta, waxa kale oo iyana aad la isku weydiiyay waxa ay yihiin
Ajandayaasha ay ka wada-hadleen Salaadiinta reer Burco iyo Masuuliyiinta
Itoobiya, taas oo ay doodda taagan ama su’aasha meesha timid tahay, waa maxay
tolow waxyaalaha ay ka wada-hadli karaan Salaadiinta reer Burco iyo Maamulka
Itoobiya.
Lama ogga sababta dhabta ah ee kaliftay martiqaadka
iyo cidda ka shaqaysay xidhiidhka dhexmaray labada dhinac. Hase yeeshee,
wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in aanu xidhiidhkani ka bilaabmin xilligii
martiqaadka oo keliya ee uu jiray xidhiidh muddo soo taxnaa oo u dhexeeyay
Salaadiintan iyo Masuuliyiinta Itoobiya, laakiin wax tibaax ah lagama bixin
sida uu u unkamay xidhiidhkaasi, waxaase la tuhunsan yahay in ay dawladda
Itoobiya iyadu abuurtay xidhiidhkan, kana shaqaysay.
Weftiga Salaadiinta reer Burco, markii ay ka soo
laabteen Itoobiya waxay saxaafadda u sheegeen in ay masuuliyiinta Itoobiya ka
wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; ilaalinta nabadgelyada iyo deris-wanaagga
labada dhinac, isla markaana ay dawladda Itoobiya ka saareen tuhun ay ka
qabtay inuu ururka Al-Itixaad ee ka
dagaalama bariga Itoobiya, dhaq-dhaqaaq Siyaasadeed ama fadhiisimo Ciidan ku
leeyahay Gobolka Togdheer.
Marka laga yimaado hadalkaa guud-marka ah,
Salaadiintu ma bixin tafaasiil intaa ka badan oo la xidhiidha Safarkoodii
Itoobiya, laakiin dadka arrimaha Siyaasadda faaqidda ama u dhuun-daloolla ayaa
xidhiidhka iyo kulanka dhexmaray Salaadiinta iyo Maamulka Itoobiya ka bixiyay
faallooyin iyo dareemo kala duwan, iyadoo ay jiraan tibaaxo wareed oo ay dadka
qaar xiganayaan.
Wararka ama faallooyinka qaarkood, waxay
tibaaxayaan inuu xidhiidhka iyo kulanka dhexmaray Salaadiinta iyo Maamulka
Itoobiya, nuxurkiisu ahaa ka wada-hadalka shaki ay dawladda Itoobiya ka qabtay
Gobolka Togdheer, taas oo ay ka dareen qabtay ama ay cidi ugu warantay inuu
ururka Al-Itixaad lug ama xidhiidh ku leeyahay gobolkaa, sidaa darteed ay
dawladda Itoobiya Salaadiinta reer Burco kala hadashay laba arrimood mid uun.
Ta hore oo ah; in ay dawladda Itoobiya Salaadiinta ka wareysatay, Jiritaanka
arrimahaa iyo haddiiba ay wax ka jiraan inta ay qoto le’eg yihiin. Ta labaadna,
waxay wararku leeyihiin dawladda Itoobiya waxay aaminsan tahay in ay wuxuun ka
jiraan arrinta ururka Al-Itixaad inta uu doonaba dhaq-dhaqaaqu ha le’ekaadee,
sidaas darteed waxa la leeyahay waxa dhici karta in ay dawladda Itoobiya
Salaadiinta kala hadashay, bal sida ay reer Togdheer ahaan u damaano qaadayaan
dhibaato si toos ah ama si dadbanba Itoobiya ugaga timaadda degaanka ay
Salaadiintu ka soo jeedo.
Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in arrimaha ay
dawladda Itoobiya ugu yeedhay ama kala hadashay Salaadiinta ay yihiin, sidii ay
u dhexdhexaadinta lahayd dawladda Somaliland iyo Mucaaridka ku kacsan, iyadoo
ay Salaadiinta la martiqaaday ka mid yihiin kooxo Salaadiin reer Somaliland ah
oo hore ugu dhawaaqay qabashada Shirweyne Qaran, laguna tiriyo in ay ka mid
yihiin Jinaaxyada Mucaaridka.
Arrintu siday doontaba ha ahaatee, dadka reer Burco
xidhiidhka dhexmaray Salaadiintooda iyo dawladda Itoobiya, waxay u arkeen
fursad muhiim ah oo ay dawladda Itoobiya kaga saari karaan shakiga ay ka qabto
gobolka, iyagoo dadka reer Burco aamin-darro ka qaba sida ay dawladda
Somaliland shakigaa u saari karto ama haddii ay doonaan u arka in ay dawladda
Somaliland ka mid tahay dhinacyada wax ka beeray shakiga ay dawladda Itoobiya
ka qabto Gobolka.
Dhinaca kalena dawladda Somaliland, xidhiidhka iyo
kulanka dhexmaray Salaadiinta reer Burco iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxay ka
qaaday dareen didmo leh, waxayna u aragtay gacan-dhaaf Siyaasadeed.
Ajandaha laga wada-hadlay ha ahaado, laakiin
Salaadiinta reer Burco markii ay ka soo fan-jeediyeen kulamadii ay la soo
yeesheen Masuuliyiinta Itoobiya, waxay dadkii la xidhiidhay iyo dadkii la
kulmayba ugu bushaareeyeen in ay safarkoodii kala kulmeen guul, isla markaana
ay xambaarsan yihiin is-af-garad iyo heshiis dhexmaray iyaga iyo masuuliyiintii
Itoobiya ee ay la kulmeen. Hase yeeshee, war jiraaba Cakaara ayuu iman…
Ninna
Ceeb Soo Socota Ayuu Ka Damqaday, Ninna Ceeb Dhabta U Saaran Ayuu Iska Baydhin
Waayay
MR: Shell Magne
Bondervik wuxuu mar ra’iisal-wasaare ka ahaa dalka Norway ee waqooyiga Yurub .
Haseyeeshee snnadkii 2000 ayuu iskas casilay
jagadaa , ka dib markii uu ka biyo-diiday ajande uu baasgareeyey baarlamaanka
dalkaasi , laakiin arinta xiisaha llihi waxa weeye sababta uu ninlaasi isu
casilay.
Runtii waa wax aad u yar oo dad badan oo ku dhaqan
dunida saddexaad ama gaar ahaan bariga
afrika iyo hadii hoos loo sii daadego Somaliland ay la yaabi karaan marka looga
sheekeeyo sababta uu ninkaa dhan ee ra’iisal-wasaaraha ahi isu casilay .
Ra’iisal-wasaaraha iscasilay MR: Bondervik ma gelin
fadeexad maanul iyo wax dembi ah toona , laaiin wuxuu iska casilay ka dib
markii uu baarlamaankiisu go’aamiyey Ajande ah in gaasta dabiiciga ah ee laga
soo saaro dalka Norway kagu gudaha dalka , iyadoo aan taa hore looga samayn
jirin dalkaa., wuxuuna ninkaasi sheegay
in ay gaasta dalka gudihiisa lagu
isticmaalayaa keeni doonto saxa-xumo
waayo buu yidhi waxay hawada ku
badinaysaa bahasha la yidhaado
kaarboon-dhay-ogsaydh,sidaa darteed ay taasi hadhow keeni doonto
caafimaad daro soo food saarta saxada degaanka , taasna aanu raali ka ahayn
sababtaana uu isu casilay.
Dalka Norway waa dalka ugu horeeya ee gaasta
dabiiciga ah u iibgeeya dalalka reer-yurub. Waxayna caadadu ahayd inaan gaasta
dalka laga soo saaro lagu isticmaalin
gudaha dalka ,laakiin baarlamaanka dalkaa ayaa cod aqlabiyad ah lu go’aamiyey
in hadda laga bilaabo gaasta lagu isticmaalo dalka gudihiisa, taas oo uu
ra’iisal-wasaarihii xiligaa MR: Bondervik iska casilay , isaga oo sheegay inuu
ka fogaanayo ceebta ama canaanta hadhow
halkaa ka imman-doonta , isla markaana uu ka danqanayo dhibaatada
arintaasi keenayso, laakiin madaxda dalal badan oo aynu ka mid nahay, iska daa
ceeb iman karta oo ay ka sii fekeraane ma ka suurtowdaa inay iska casilaan ceeb
dhabta u saaran ama ay ka yaqyaqsoodaan jawaano ceebo iyo fadeexado ah oo
barkimada ama guntiga ugu jira. Tusaale ahaan magaalooyinka Somaliland oo ay
caasimadda Hargeysa ugu horrayso waxa surimada xaafadaha, waddooyinka iyo
meelaha faras-magaalaha ah is dul tuulan ama wadhan guddaafaad xaar iyo
xashiishba leh oo aanay cidina basrinayn.
Haddii ay dawlad dhexe tahay iyo haddii ay dawlado
hoose tahayba tiro ma leh inta sir iyo caadba loo arkay fadeexado iyo baylah
maamul oo dhabta iyo muskaba u yaal madaxda dawladda, laakiin ma jirto cid ceeb
ka qaaday iyo cid intay ka damqatay is casishay markii ay waxba qaban weyday.
Waxa kale oo tusaale loo soo qaadan karaa, iyada oo
ay hogoshii Gu’gu curatay waqti ay magaalooyiinka Somaliland, gaar ahaan
caasimadda Hargeysa suryo kasta iyo koone kasta kuddaafadu ceegaagto, taas oo
ay iska muuqato saxa xumada iyo cudurada halkaa ka dhalan kara, iyada oo
maalmihii u dambeeyay ay degaamo dalka xuduud la leh ka dillaaceen cuduro uu
daacuunku ka mid yahay, taas oo ay dad badani ka shaki qabaan inuu cudurkaasi
soo galo magaalooyinka Somaliland.
Marka aynu eegno dhacdada is casillaada Ra’iisal-wasaarihii
Norway, waxa muuqata inuu ninkaasi iska casilay canan ama fool-xumo iman karta,
laakiin dalal badan oo aynu ka mid nahay ceeb iyo canaan midna madaxdoodu kuma
mutaan hawlaha ay xumeeyaan ama fadeexadaha ay galaan.
Hadal iyo murti maxaynu ka nidhaahnaa ninka ceeb
ama canaan soo socota iska casilay iyo ninka ceeb dhabta u saaran iska baydhin
kari waayay ama ka yaqyaqsoon waayay.
Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Bilowday Olole Lagaga Hortagayo
Cudurka Daacuunka
Hargeysa (Haatuf): Hawlwadeeno ka
tirsan dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa shalay bilaabay olole lagaga hortagayo
Cudurka Kolooraha (chlora) oo la sheegay inuu ka dilaacay gobolada bari ee
Maamul-goboleedka Puntland. Mr. C/wahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee D/Hoose ee Hargeysa, ayaa shalay warbixin ka
siiyay Wargeyska Haatuf, sida ay hawshaas u bilaabeen, wuxuuna
sheegay in shalay hawl-wadeenada Caafimaadka ee D/Hoose ee Hargeysa ay ku
shubeen (chlorina), ceelasha dooxa Hargeysa, iyagoo dhinaca kalena buufiyay goobaha
dooxa Hargeysa ku dhereran ee qashinka lagu qubo, isla markaana hawl-wadeenada
Dawladda Hoose waxay ka gurayeen wixii qashina ee ay ku arkaan goobahaas, si
kor loogu qaado nadaafadda.
Mr. C/wahaab Cabdi Jaamac, wuxuu intaa ku daray in
olalahani uu socon doono muddo toddoba cisho ah iyo in ay dadweynaha reer
Hargeysa iyo hay’adaha caawiya hawlaha sama-falkaba in ay wax kala qabtaan
hawshaas ay bilowday dawladda hoose ee Hargeysa.
Shaqaalaha
Dawladda Hoose Ee Burco Oo Laga Qaadayo Imtixaan Qiimeyn Ah
Burco (Haatuf) :- 343 qof oo
shaqaalaha dawladda hoose ee Burco ah ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u
fadhiistaan imtixaan qiimeyn ah oo lagu kala ogaanayo heerkooda aqooneed,
sidaana waxa wargeyska Haatuf u sheegay Maayorka magaalada Burco Cali Maxamed
Cali.
Maalintii shalay waxa magaalada Burco gaadhay wefti
ka socda hay’adda shaqalaha dawlada iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,
weftigaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda
Cabdillaahi Cali Xayd. Waxa ujeedada socdaalkooda lagu tilmaamay inuu ku
saabsan yahay imtixaanka qiimaynta ah ee laga qaadayo shaqaalaha dawladda hoose
ee Burco.
Maayorka Burco oo aanu weydiinay sababta keentay in
waqtigan xaadirka ah shaqalaha laga qaado imtixaan qiimeyn ah ayaa sheegay inay
taasi ku timi baahi loo qabo shaqaale si hufan guta hawsha dawladda hoose.
“Qaybaha ay u samaysan yihiin ma qurux badna, sidaa
darteed waxa loo baahday in wax laga beddelo taa, si ay shaqada dawladda hoose
u hagaagto,” ayuu yidhi maayorku.
Sida ay wararku sheegeen shaqaalaha dawladda hoose
ee Burco waqtigan ka hawgalaa waa kuwo ka badan intii loo baahnaa, taasina
waxay keentay culays shaqaale oo xataa la sheegay in loo waayay mushahaarooyin.
Hase yeeshee, maayorka oo aanu weydiinay inay
dhimista shaqaaluhu wax ka tari doonto culayska dhaqaale ee haysta maaqmulkiisa
ayaa sheegay inay ugu yaraan mushahar u heleyaan shaqaalahooda marka la dhimo
shaqaalaha xad-dhaafka ah, “haa waanu u heleynaa mushahar marba inta la
dhimayo,” ayuu yidhi maayorku.
Dood-Cilmiyeed
Ku Saabsan Xal U Helidda Caafimaadka Gobolka Awdal Oo La Gebo-Gebeeyay
Boorama (Haatuf) :- Dood-cilmiyeed ku saabsan sidii
xal kama dambays ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee ka taagan
degaanka gobolka Awdal ayaa shalay lagu soo gebogebeeyay magaalada Boorama.
Dood-cilmiyeedkaas oo muddadii uu socday lagu
lafoguray sidii hawlaha adeega caafimaad loogu baahin lahaa degmooyinka iyo
tuulooyinka gobolkku ka kooban yahay,
waxa kale oo lagaga hadlay baahida lo qabo in dadka gobolka ku dhaqan la fahamsiiyo
qorshaha caafimaad ee qiimaha jaban ee lagu daaweynayo dadka (cost recovery
system).
Agaasimaha waaxda tabobarada Wasaaradda Caafimaadka
Mr. Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine), ayaa sheegay inay weli dhibaato ka taagan
tahay sidii dadweynaha loogu qancin lahaa mashruuca loogu talogalay in dadka
lagaga iibiyo daawo qiimaheedu aad u jaban yahay, kaas oo uu sheegay inaan
shacbiga reer Boorama weli si dhab ah u fahmin.
Dood-cilmiyeedkaas oo ay ka qaybgaleen in ka badan
70 qof oo isugu jira madaxda iyo shaqaalaha qaybaha kala duwan ee caafimaadka
gobolka Awdal.
Waxaa kale oo shirkaa ka hadlay madax ka socota
degmooyinka gobolku ka kooban yahay oo iyana dhinacooda ka warramay kala
fogaanshaha qorshayaasha caafimaad ee wasaaraddu ugu talogashay in lagu maamulo
iyo duruufaha baahiyeed ee degmooyinkaa ka jira, kuwaas oo ay sheegeen sida
loogubaahan yahay in la isugu dheeli tiro.
Dhinaca kalena, maamulka cusub ee dhawaan loo
magacaabay cusbitaalka gobolka, ayaa sheegay inay soo af-jareen khilaaf in
muddo ah halkaa ka taagnaa oo u dhaxeeyay shaqaalaha cusbitaalka gobolka,
hay’adda COOPI iyo maamulka wasaaradda Caafimaadka dalka.
Warku faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxa lagu
dhammeeyay arrinta iyo cidda ka qaybqaadatay heshiiska midna, hase yeeshee waxa
la sheegay in heshiiskani ka dambeeyay kadib markii xukuumada Somaliland
fulisay dhawr qodob oo ay hay’adda COOPI ku xidhay ka gun-gaadhida murankaas.
Maxaa
Xoojiya Sarrif-Bararka Doollarka?
Baahida uu Qaran, Qoomiyad ama dad ay u baahdaan
lacag uu isticmaalo dal kale, sida Doollarka Maraykanka oo kale, waxay ku
salaysan tahay wax kala iibsi iyo ganacsi.
Baahida loo baahanayo lacag adag, sida tan Yurub
(Euro), ama lacagta Maraykanka ee $ (Doollar), waxay sare ama hoos uga kacdaa
kolba baahida loo qabo in wax la soo iibsado oo ku xidhan baahiyaha kala
muhiimsan ee dalka wax iibsanayaa leeyahay, sida cuntada, dharka, qalabka
guryaha lagu dhiso, shidaalka, weelka, kabaha, qalabka xafiisyada, qalabka
guryaha iyo waliba gaadiidka, iwm. Inta waxaa Somaliland u dheer in ay lacag
adag ku soo iibsato qaadka la cuno. Arrintan, marka si dhaba loo ilaalinayo
danta ummadeed ee ah in aanay qiimo dhicin lacagta waddanku leeyahay, sida tan
Somaliland Shillin, waxaa loo baahan yahay in baahiyahaa aan soo sheegnay
qaarkood loo helo wax-soo-saar gudaha ah oo dabooli kara, si aan loogu baahan
sarrif lacag adag marka baahi badan oo lacag adag ahi ay suuqa gasho waxaa si
degdeg ah kor ugu kacaya lacagta adag ee baahideedu ku badatay suuqa.
Inta badan dhibaatada sarrif-bararku, waxay ku
dhacdaa danyarta reer Somaliland ee dakhligoodu xadidan yahay, iyadoo u keenta
in qiimihii lacagta Somaliland ee ay heli karayeen uu qiimo dhaco.
Arrintan si wax looa qabto, waxaa loo baahan yahay
dhiiri-gelinta wax-soo-saarka gudaha ee Somaliland. Tusaale ahaan, haddii
beeralayda yaryar ee beeraha waraabka ah ku leh dooxyada, sida; Arabsiyo,
Horo-haadley, Agabar, Agamso, Hulluuq, Aw-Barkhadle, dararweyne, Cadaadley,
Jaleelo, Humbaweyne, Camuud, Daray Macaane, Hargeysa iyo Gobolada kale ee
Somaliland iwm, lagu dhiiri-geliyo in ay beeraan geedka Saliida ee loo yaqaan
Sinsinta, laguna maalgeliyo lacagta Somaliland, waxay u dhowdahay in
beeraleydaasi ay soo saareen Saliid la cuno oo meesha ka saarta Saliid u
baahnayd in lacag adag lagu soo iibiyo.
Waxaa amaan mudan, Makhaayadaha iyagu kariya
Raashinka Waddaniga ah sida Garowga, iyo Arabikhida oo qiimaha jaban wax ku
iibiya iyo suuqa ay u sameeyeen beeraleyda, beeralayda in la maalgeliyo, si ay
u qaatan kaalin ka weyn ta hadda.
Ilaalinta sarrifka Waddaniga ah, waxay dan u tahay
dhammaan qaybaha dadka qof hanti haysta, mid qaadaa ma dherge ah iyo qofka
faraha madhanba waxaa saaran masuuliyad ah in aanu abuurin ama dhayalsan
abuurista baahi helisteeda u baahan tahay lacag adag oo keenaysa sarrif-barar
culeysiya dhaqaalaha, qiima ridina lacagta Waddaniga ah.
Baabuurta oo la iibsado, kuwa tayada leh, waxay ka
mid tahay dhaqaaleynta iyo weliba kuwa qalabkooda dayactirka dalka laga heli
karo. Dhiiri-gelinta ama iibsiga waxyaabaha dalka lagu farsameeyo, waxay kaalin
mugleh ka galaysaa hoos u dhigga sarrif-bararka. Haragga iyo saamaha oo qani uu
ku yahay dhulkeenu, una baahan hanti yar oo lagu farsameeyo, waa hubaal in ay
inagaga baxdo malaayiin doollar oo saamayn weyn ku leh culeyska dhaqaale ee
dusha ka fuulay danyarta reer Somaliland. Malaayiinta doollar ee loo baahan
yahay, si qaad loogaga soo iibsado Itoobiya, waa saldhigga ugu ballaadhan ee
cirka ku shareeray qiimaha lacagta adaga ee doollarku ka mid yahay, waxaase
miisaami lahayd haddii loo iibgeeyo Itoobiya Milix iyo Kalluun ay ka soo baxdo
lacagta Itoobiya ee Birta, si loogu baxo baahida doollarka ee suuqyada
Somaliland ku keenta sicir-bararka.
Guud ahaan, wax-soo-saarka dalka gudihiisa oo kor
loo qaado, ayaa xal u noqon kara sarrifka sabeeya ee lacagta adag.
FAAQIDAADDA ADDUUNKA
Siciid
I Guraase
Golaha Ammaanku Israa’iil Ma Kula Dhici Doonaa Tallaabadii Uu Ka
Qaaday Ciraaq Iyo Yogoslaafiya
Muddo haatan laga joogo Toban cisho, ayay Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aan ay ku magacaabeen guddi
xaqiiqo-raadis ah oo ay u diryaariyeen in ay soo baadhaan xasuuqa la sheegay in
ay Israa’iil Ciidamadeedu ka geysteen, xerrada Qaxootiga Falastiiniyiinta ee
Jiniin oo ay xoog ku qabsadeen markii ay duullaan ku qaadeen.
Hase yeeshee, hawl-galka guddigaasi waxaa diidmo
kala hortimid dawladda Israa’iil ee uu Madaxda ka yahay Ariel Sharon oo kolba
shuruuud ku xidhaysay imaatinka guddigaasi, taas oo ay dhawr jeer u dabceen
Golaha Ammaanku, iyaga oo fuliyay shuruudo ay Israa’iil hor dhigtay, balse
taasi may qancin Ariel Sharon oo ugu dambayntii diidmo buuxda kala horyimid
go’aanka Golaha Ammaanka oo ah Hay’adda Caalamka ugu sareysa.
Haddaba, su’aasha la is-weydiinayaa waxay tahay;
Golaha Ammaanku Israa’iil maka qaadi doonaa tallaabo la mid ah tallaabooyinkii
ay ka qaadeen dalalkii hore sidan oo kale ugu gacan saydhay go’aano ay soo
saareen Golaha Ammaanku, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Liibiya iyo
Yuguslaafiya oo ay ku dhacday dhirbaaxo kulul oo kaga timid Golaha Ammaanka,
taas oo ku khasabtay in ay fuliyaan go’aanka Golaha Ammaanka. Maxaase ka iman
kara, haddii ay Golaha Ammaanku tallaabo ka qaadi waayaan Israa’iil? Waa kumase
Ariel Sharon, Maxaase laga filayaa?
Haddii aynu ku horayno oo aynu isku dayno jawaabta
su’aasha hore, waa mid suurto-gal ah in ay Golaha Ammaanku tallaabo ka qaadaan
Israa’iil, taas oo ay soo baxayaan calaamado muujinaya in ay Golaha Ammaanku
diyaar u yihiin in ay tallaabo adag qaataan, maadaama ay Israa’iil ku
adkaysatay diidmada ay kala hortimid go’aanka Golaha Ammaanka, waxaase laga
shaki qabaa in ay tallaabadaasi la mid noqon doonto tallaabooyinkii ad-adkaa ee
ay hore uga qaadeen dalalka Ciraaq, Liibiya iyo Yuguslaafiya.
Waxyaabaha kalifaya ama u sabab noqon kara in ay
Golaha Ammaanku, tallabo qaadan waxaa ka mid ah:
-
Dawladda
Maraykanka oo u muuqata in ay debcisay taageeradii bilaaxadka ahayd ee ay u
fidin jirtay Israa’iil, iyada oo ku garab-taagnaan jirtay gar iyo gar-daraba
wixii ay wado dawladda Israa’iil, waxaanay haatan dawladda Maraykanku u soo
jeedsatay in ay kabato ama soo jiidato dawladaha Carabta oo isku barbartaagtay,
dagaalka Maraykanku kula jiro waxa loogu yeedho Argagixisada.
-
Dawladaha
Carabta oo beryahan dambe muujiyay debecsanaan ay u hayaan xidhiidh fiican oo
ay la yeeshaan Israa’iil, gaar ahaana waxay go’aan arrintasi ku saabsan ka soo
saareen Shir-madaxeedkii ugu dambeeyay ee ay dalalka Carabtu ku yeesheen
Bayruut, balse dhinaca Israa’iil kamay helin soo dhaweyntii ay filaayeen.
-
Adduunyada
oo dhammaanteed haatan wada aragtay gardarada iyo falalka bani’aadamnimada ka
baxsan ee ay Israa’iil waday muddada dheer, la iskana dhega tirayey.
Arrimahaas oo dhammi, waxay haatan waajibinayaan in
ay Israa’iil mutaysatay in laga abaalmariyo waxa ay wado, haddiise ay timaado
in tallaabo laga qaadi waayo Israa’iil, waxa rumoobaysa fikradii la haystay ee
ahayd in aanay marnaba suurto-gal ahayn in Israa’iil tallaabo laga qaado,
maadaama ay haysato taageerada Maraykanka, sidaa darteedna ay Israa’iil
sharciga Caalamiga ah ka sarayso.
Marka aynu eegno shakhsiyadda Ariel Sharon, waxaynu
arkaynaa in aanay marna suurto-gal ka ahayn inuu u dhego nuglaado, dalabyada
Caalamiga ah ee ku saabsan inuu joojiyo falalka waxashnimada ah ee uu kula
kacayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin.
Haddiise aynu taariikhdiisa dib u raacnana, waxaynu
arkaynaa inuu ku soo dhex jiray weligiiba, falalkii ay Israa’iil ka waday
bariga dhexe laga soo bilaabo 1948-kii ilaa wakhtigan aynu joogno.
Ariel Sumu’iil Murdakhaay Sharaa’iir oo loo yaqaano
(Ariel Sharon), waxa degmada Milaanka oo ka tirsan Falastiin sannadkii
1928-kii, waxanu ka dhashay qoys uu asalkoodii hore ka yimid dalka Poland.
Waxbarashada uu qaatay Sharon, way noocyo badan
tahay, isaga oo markii hore bartay taariikhda, sahamiska, beeraha iyo qaanuunka
oo uu ku qaatay Israa’iil, kadibna waxa uu bartay Culuumta Milateriga oo uu ku
bartay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.
Sannadkii 1948-kii, ayuu ka mid noqday
maleeshiyooyinkii Yuhuuddda ee halganka kula jiray Falastiiniyiinta.
Sannadkii 1966-kiina, waxa uu Madax ka noqday
qaybta tababarada ee Ciidamada Israa’iil. Sannadkii 1967-kiina, waxa uu gaadhay
derajada Janaral, isaga oo ka mid ahaa Madaxdii hogaaminaysay Ciidanka
Israa’iil oo markaa dagaal la galay dalalka Carabta, kadibna waxa uu ka qayb
qaatay dagaalkii dhexmaray Israa’iil iyo Masar sannadkii 1973-kii.
1977-kii ayuu madax ka noqday xisbi uu aasaasay,
kadibna waxa uu ku biiray Xisbiga Likuud, kadibna waxa uu noqday Wasiirka
Beeraha iyo Deegaamaynta. Sannadkii 1982-kii ayuu u wareegay Wasaaradda
Gaashaandhigga, wakhtigaasi oo ay Israa’iil ku duushay dalka Lubnaan, uuna
dhacay gumaadkii Sabra iyo Shatiila.
Muddadaa laga soo bilaabo ilaa 1999-kii, waxa uu
soo qabtay jagooyin Wasaaradeed oo kala duwan, markaas oo loo doortay
hoggaamiyaha Xisbiga Likuud.
Bishii September sannadkii 2000, ayuu Sharon galay
Masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa, taas oo keentay kacdoonka ay ku jiraan
Falastiiniyiintu.
Bishii February, sannadkii 2001, ayaa loo doortay
Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, jagadaasi oo uu ilaa hadda hayo, tan iyo
muddadaana waxa uu waday duullaanka iyo falalka arxandarada ah ee uu ku hayo
dadka reer Falastiin.
Muddooyinkan dambena, waxaa socotay isku dayo lagu
doonayo in Maxkamad lagu soo taago Ariel Sharon.
Gaba-gabadiina, waxay u muuqataa inuu Sharon hayo,
waddadii Milosevic, Israa’iilna waddadii Yuguslaafiya.
Dawladda Ruushka oo Sheegtay In ay Dileen Hoggaamiyihi
Dagaalyahanka Jeejniya
Moscow (W. Wararka): Dawladda
Ruushka, ayaa sheegtay in ay Ciidamadeeda dagaalka ka wada Jeejniya ay dileen
hogaamiyihii gobanimo doonka Jeejniya, Shaamil Baasayeef. Warkan oo ay
Wakaaladda Wararka ee Raashiya ka soo xigatay Taliyaha Ciidamada Ruushka oo
booqasho ku tegay Caasimadda Jeejniya ee Garoosni, waxa uu intaa ku daray in ay
u suurto-gashay Ciidamadiisa in ay dilaan Basayeef, balse aanay ku guulaysan in
ay soo qaadaan Maydkiisa, walise ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya dilka
Shaamil Baasayeef.
Baasayeef oo ay da’diisu ahayd 37-jir, waxa uu
hoggaanka u qabtay halganka ay wadaan gobanimo-doonka reer Jeejniya, intii u
dhaxaysay 1994-kii ilaa 1996-kii.
Warka ku saabsan dilkaasina, wuxuu soo baxay maalmo
yar kadib markii ay maalintii Khamiistii sidoo kale Ciidamada Ruushku sheegeen
in ay dileen Khidaab oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha dagaalyahanka Jeejniya, una
dhashay dalka Sucuudiga.
Baasayaaf iyo Khadaab haddii uu dilkoodu rumoobo,
waxay noqonayaan xubnihii ugu muhiimsanaa ee laga dilo Ciidamada Jeejniya, tan
iyo markii la dilay hogaamiyahoodii hore Jawhar Duudayeef, sannadkii 1996-kii.
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Waxaan Idiinku Baaqayaa Nabad
Waxa ayaamahan lagu xanshashaqayay in xaaladi ka jirto
Laas-caanood, taas oo dhalisay walaac kuna dhalisay bulsho weynta danaynaysa
amuuraha gobolka Sool. Laas-caanood waxa ka jiraa waa wax meelo kalena ka jiri
kara, hase yeeshee loo baahan yahya in loo helo xal wax ku ool ah.
Xaqiiqadu siday tahay,
dhacdada ka jirta waxa degaanka ku tallaabsaday dhallin yaro aan si dhab u
fekerin oo dhaqan celin laftoodu u baahan. Waxa lagama maarmaan ah shaqaaqadu
inkastaba ha le’ekaatee, waxa waajib ah in halkeeda lagdamideeda meel looga soo
wada jeesto, iyada oo loo danaynayo qaranimada guud.
Mar labaad waxa
madax-dhaqameedyada waajib ku ah inay cabudhiyaan wax allaale wixi bulsho
weynta wax u dhimaya. La iskuma khilaafsana in degaanka Sool yahay xubin aan
kala qaybsami karin oo asal iyo farac u diraysan marka loo eego Somaliland.
Waxa Laas-caanood dhooban
raggii caqliga u saaxiibka ahaa, culimaa’udiinta islaamka iyo raggii beri talin
lahaa.
Waxaan shicibyahow
xaqiiqada ka fogi idinku boorinayaa inaad dhegaha siisaan Isimada, culimada iyo
wax-garadka, haddii sidaas la yeelo waxa la heli karaa bey’ad nabadeed.
Maxamed Shire Carab, Ceerigaabo.
Dar-Yeel Xumadda Haysata
Maxaabiista Jeelka Hargeysa
Haddaynu nahay
muwaadiniin u dhalatay Somaliland, waxaynu xaq u leenahay inaynu ka hadallo wax
kasta oo aynu qoonsano oo dalkeena iyo dadkeena dhibaato u leh.
Waxaad arkaysaa in
dhibaatada jeelka ee maxaabiista haysataa badan tahay, ciddii wax ka qaban
lahaydna hawsheedii gabtay siiba dawladda.
Dawladda iyo ciddii wax
ka qabanaysa waxaanu leenahay ha loo gurmado daryeel xumada haysata maxaabiista
jeelka.
Waxa taa sii dheer,
haddaad is tidhaahdo maxbuus u gee dawo uu u baahan yahay oo xannuunsanaya ,
adiga ayaa daalac laguu raacayaa.
Waa ayaan darro haddii
xaqa layska daboolo dulmigana la isugu gargaaro. Maxaabiista jeelka ku jirta
qaar ayaa dulmi ku xidhan, waxaana u badan ciidamada qaranka.
Waxa maqsinada
maxaabiista ku dhashay dulin, taas oo u baahan in la buufiyo oo goor walba lala
socdo daryeel xumada haysata maxaabiista jeelka.
Maxaaqbiista jeelku waxay
u baahan tahay gurmad deg-deg ah.
Maxaabiista ciidamada
qaranka oo xaaslay u badan oo caddaalad darro ku xidhan ayaa aad u badan oo u
baahan in wax laga qabto. Waxaad arkaysaa maxbuusyo aan wax cad lagu haysan oo
2 sano caddaalad darro ku xidhan.
Meelaha noqday sayladaha
dadka dan-yarta ah lagu kala iibsado waxa ka mid ah maxkamadaha Hargeysa,
jeelka Hargeysa iwm.
Haddaynu ka dhiidhin
weyno dhibaatada haysata dadkeena danyarta ah ee dulman. Dawladdenu waxay
awoodi kari weyday inay dhaliilaheeda saxdo oo wax ka qabato meelaha dulmigu ka
jiro.
“Ha ka talin masiibiyo
wax makhluuqa kala dila,
maskaxdaadu yay noqon
maqal lagula leeyahay.”
Dawladdenu ha saxdo
dhaliilaheeda si deg-deg ah oo daacad ku dhisan.
Cabdi Saleebaan, Hargeysa.
WAADIGA CIYAARAHA
Saleeb Ibraahim (Guray)
Julius Aghahowa Waa Ilayska
Nayjeeriya
|
Nayjeeriya waxay u baahnayd cid dhiirigelisa, taas oo u
muuqata inay hadda uun heshay hanadka Julius Aghahowa. Weeraryahanka khatarta
badan oo kubadda ka ciyaara kooxda dalka Ukraine ee Shakhtar Donetsk, wuxuu
qarka u saaran yahay inuu noqdo sucdiga cusub ee taageerayaasha Gorgorada
Nayjeeriya. Kulankii saaxiibtinimo ee Scotland, Aghahowa wuxuu si habaysan ugu
raaxaystay laba fursadood, isaga oo keenay inuu kii saddexaad xurbiyo.
Tabobaraha Nayjeeriya Festus Onigbinde ayay ugu dambayntii taasi ray-rayn ku
abuurtay markii kooxdisu iska jartay sawirkii murugada lahaa ee isa soo
tarayay. Wax yar ka hor ma jirin qof keliya oo ku fekerayay in Nayjeeriya guul
ka gaadhi karaysay ciyaaraha Yurub ee ay ugu diyaargaroobayso koobka adduunka
2002 ee Kuuriya iyo Japan.
Intii ka dambaysay
guul-darradii ay faraheeda Senegal kaga maroorsatay kulankii wareegii kama
dambaysta ahaa ee koobka qaramada Afrika, shaqo ka caydhintii tabobare Amodi
Shaibi, diidmadii ciyaaraha caalamiga ah loogu diiday xiddigaha sar-sare sida
Finidi George iyo Sunday Oliseh iyo muuqaalkii liitay ee kulamadii
saaxiibtinimo, cid kasta oo beerta joogtay waxay ugu muuqatay inay ka dheer
tahay rajada fiican ee ay April bilaabeen.
Waxay noqotay inay u
socdaalaan Scotland, si ay uga bilaabaan ciyaaro olole ah, si edeb leh markuu
garbo simid u dhaliyay goolasha Julius Aghahowa, ayay muuqatay in waddankaasi
soo saari karo weeraryahano wanaagsan sida Rasheed Yekini, Nwankwo Kanu, Daniel
Amokachi iyo Victor Ikpeba.
Hibo u dhalad sidan oo kale ah oo doortay inuu ka
ciyaaro horyaalka aan magaca weyn ku lahayn Yurub
ee (Ukraine), ayaa laga yaabaa
inaanu bartilmaameed ka noqon fagaarayaasha, laakiin hawshaa waxaa
kaga dhabeeyay Julius
Aghahowa. Markii ugu horraysay wuxuu saamayn ku yeeshay 1999, intii lagu jiray
tartanka horyaalada dhallinyarada adduunka ee Nayjeeriya, waqtigaas oo laba ka
mid ah tayadiisa uu ku faafiyay halkaa, labadaa hibo ee laga fajacay waxay kala
ahaayeen orod iyo farsamo, taasina waxay hordhac u noqotay inay albaabada u
furto koox ka mid ah kuwa Afrika ugu waaweyn oo ah Esperance of Tunisia.
Muddo aan dheerayn kahor
intii aanu 20 jirsan ayuu sida shamaca u ifay, wuxuuna kasbaday in loogu yeesho
xulka Nayjeeriya, wuxuuna isku gaaso bixiyay fursad uu ka helay tartanka
qaramada Afrika oo gurigiisa lagu qabtay.
Markii uu laba gool ka
dhaliyayciyaartii wareega labaad ee ay Senegal la yeesheen, ayaa noqotay maalin
lagu xusuusto hal-ku-dheggii ahaa “Aghahowa wuu iwaalay”, kaas oo uu ku
calaacalay difaacyahanka reer Senegal ee Malick Diop, kadib markii sagaashan
daqiiqadood weetaynayay.
Rogoorihii uu lumiyay
kama dambaystii ayaa dhaawac u geystay, taas oo muujisay in magciisu ka baxay
khariirada ciyaaraha, hase yeeshee wuxuu boogtaa ka bugsaday markii uu si
layaab leh dhammaadkii sannadkii 2000 ugu socdaalay, Ukraine inkasta oo aanu ku
tiirsan koox taariikh weyn Yurub ku leh, wuxuu heshiisa la galay kooxda ka
dhisan dalka Ukraine ee Shakhtar Donetsk, oo uu 50 milyan Franc kula heshiiyay.
Wuxuu si deg-deg ah calaamad ugu noqday halkaa, wuxuu tayadiisa kor u sii
qaaday goolba goolka ka dambeeya, isaga oo u leexday inuu madax ka kow orod ugu
tiriyo dhammaan ciyaartoyga, wuxuu 100 mitir ku ordaa 10,3 ilbidhiqsi.
si isdaba joog ah ayuu
qalab urursanayay ilaa uu martabad sare gaadhay, goolkiisa uu sida gaarka ah
ugu dabbaal-dego, wuxuu kaga shaqeeyay keliya inuu sumcaddiisa kor ugu qaado,
marar kale ayuu goolal dhaliyay, isaga oo kor ugu qaaday si aan la rumaysan
karin oo weliba xidhiidh ah maxsuulka wax-sosaarkiisa, wuxuu ka saa’id caleeyay
kooxaha Yurub ugu waaweyn, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen
inuu la shaqeeyo (Aghahowa), hase yeeshee waxaa xannibay tabobaraha Shakhtar
Donetsk, Nevio Scala oo xujo kaga dhigay inay bixiyaan lacag gaadhaysa 74
milyan Franc, una dhiganta (12 milyan oo lacagta Yurub ah).
Sidaa darteed Aghahowa,
wuxuu sii wataa ciyaarihii Ukraine, halka ay wadada boqornimadiisu ku xidhan
tahay siduu u nooleeyo xulka qaranka Nayjeeriya.
Aghahowa, rajadiisu aad
bay u wanaangsan tahay, laakiin waxaa iska cad in ay ku xidhan tahay lugtiisa
haddii uu kaga adkaado difaaca.
Cragnotti Oo Si Cadho Leh Ugu
Hanjabay Tabobaraha Lazio
Maareeyaha guud ee Lazio
Sergio Cragnotti ayaa caddeeyay inuu isbeddel weyn ku samaynayo kooxda ka
dhisan bariga Roma, kadib markii ay Bologna 2-0 ku dhirbaaxday kulankii
Axaddii, sidaana ay kaga quusatay rajadii ay ka qabtay ka qaybgalka horyaalada
Yurub sanadka soo socda.
Cragnotti, wuxuu marki
ugu horraysay si badheedh ah u dhalleeceeyay tabobare Alberto Zaccheroni,
waxaana aad u badan warar sheegaya in la caydhin doono tabobarihii hore ee AC
Milan, marka xilli-ciyaareedkani dhammaadona uu wadada cabi doono. “Sidii hore
u dhici jirtay kulamada adag waxaanu u xallin jirnay sida xumbada saabuuntu u
gudho. Waxay annaga nagu dhacday kulankii horyaalada Yurub ee Nantes, waxa
dhacday in 5-1 ay nagu garaacdo Roma oo aanu cadaawe nahay, mar kale ayay
Bologna nagaga timi,” sidaa waxa yidhi Cragnotti oo ka hadlay itaal darrada Lazio
haysata. Wuxuu kaloo intaa ku daray; “waa arrin aad u xun, waayo waxaa jirtay
muddo fara badan oo aanu ku toosi weynay qorshe aanu ku xaqiijinayno kulamada
muhiimadda badan leh, taas oo ku tusaysa inay kooxda ka maqan tahay maskaxdii
ay u baahnayd. Waana arin qof waliba eedku leeyahay, marka lagu daro
tabobaraha.”
Cragnotti wuxuu sheegay
tallaabooyinka uu damacsan yahay inuu ku dhaqaaqo mustaqbalka dhow, kaas oo xal
loogu raadinayo xaalada cakiran ee Lazio haysata, isaga oo sheegay inay
dib-u-habayn xoog leh ku samaynayaan meelaha ay ka dhutinayso iyo inay go’aan
ka gaadhi doonaan cidda sii joogaysa iyo cidda tegaysa intaba. Wuxuu intaa ku
daray in furayaasha ciyaartoyga ee Allessandro Nesta iyo Hernan Crespo ay iyagu
sii joogi doonaan.
Guusha ay kaalinta
shanaad kaga adkaatay Bologna, waxay Lazio ka riixday kaalinta afraad oo ay ugu
soo bixi lahayd kooxaha isreeb-reebka u gelaya ka mid noqoshada kooxaha
horyaalada Yurub.
Hadda Lazio waxay ku
jirtaa kaalinta toddobaad, waxay laba dhibcood ka dambaysaa AC Milan iyo
Bologna oo ku wada jira kaalinta afraad, mid walibana waxay leedahay 52
dhibcood, Lazio-na waxay ku soo hagaagtay kulanka kama dambaysta ah Inter oo
horyaalka hoggaaminaysa.
Haddii ay ku guulaysato
kulanka Inter waxay noqonaysaa xataa inay ka hadho kaalinta UEFA Cup, waxayna
tegaysaa tartanka Intertoto Cup, oo ah ka keliya ee ay ka heshay tartamada
Yurub. Hase yeeshee, Cragnotti, wuxuu sheegay inaanu rabin in kooxdu gasho
tartan, maadaama ay kala daadsan tahay.
“Runtii annigu ma doonayo
inaan waqtigan ku fekero. Ugu horrayn waa inaan Inter la ciyaarnaa kadibna
go’aan baanu gaadhaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cragnotti.
|
London (Reuters) –
Arsenal ayaa sii wada in ay hoggaanka u hayso tartanka ciyaaraha Ingiriiska,
kadib markii 2-0 ay kaga badisay Bolton, sidaana ay ku halleeshay guusheedii
11aad oo xidhiidh ah. Labada gool ee guushu ku raacday waxaa u dhaliyay Fredrik
Ljungberg iyo Sylvain Wiltord.
Kooxda London, waxay shan
dhibcood oo saafi ah ka horraysaa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester
United, iyada oo mid kasta laba ciyaarood uga hadhsan yihiin tartanka.
Arsenal oo ku guulaysatay
siddeed kulan oo ay debeda ugu kacday waxay kale oo toddoba dhibcood ka
horraysaa Liverpool oo kaalinta saddexaad ku jirta.
Kooxda ka dhisan
Highbury, waxay u baahan tahay keliya dhibic barbaro ah oo ay ka hesho kulanka
ay la yeelanayso Man. United, oo ka dhacaya Old Trafford, muddo sagaal maalmood
gudahood ah ayay ku noqonaysaa inay calfanayso horyaalka markii ugu horreysay
muddo saddex sannadood ah tan iyo sannadkii 1998.
Intaa kadib ayay ku
dedaalaysaa inay xaqiijiso markii labaad oo ay wada qaado horyaalka iyo koobka
FA-ga, oo isna kulanaka kama dambaysta ah lagu qabanayo garoonka Millenium
Stadium ee magaalada Cardiff.
Tabobaraha Arsenal, ayaa
isna kalsooni ka muujiyay hanashada horyaalka, wuxuuna sheegay inuu hore u
qaaday tallaabo horumar leh oo loo baahnaa. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay inuu
u hadhsan yahay kulan adagi, sidaa darteedna aan loo baahnayn inay is dhigtaan.
Arsene Wenger, oo u warramay telefishanka Sky Sports, guushii kadib,
ayaa yidhi; “Waxaanu yeelanay kulan weyn, kadibna waxaanu u tegaynaa Manchester
United, kahor inta aanaan la kulmin Everton.”
Koxda Wenger horjoogaha ka
yahay waxay hadda leedahay 81 dhibcood,
shan dhibcood ayay ka horraysaa Man. United oo kaalinta labaad ku jirta. Labada
kooxood waxay kulmayaan Arbacada, ciyaartoodaa ayaa lagu kala ogaan doonaa
cidda horyaalka qaadanaysa.
Hase yeeshee, Arsenal
waxaa marka hore ku waajiba inay la kulanto Chelsea ciyaarta faynalka ee koobka
FA Cup, maalinta Sabtida.
“Kulanka Old Trafford,
waa toddobaadka soo socda, waana kulan muhiim ah oo aanu isu diyaarinayno,
laakiin ugu horrayn waa inaanu diirada saarnaa ciyaarta FA Cup, dabadeedna aanu
isu diyaarinaa kulanka Man. United,” ayuu ku daray Wenger.
Wenger, wuxuu sheegay in
Manchester tahay koox khatar ah oo leh mooraal iyo maskax weyn, ayna dareensan
yihiin in ay shaqo adag u baahan tahay.
Manchester United oo
saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay aan marna laga qaadin horyaalka ayaa
waqtigan ku dagaalamaysa sidii ay markii afraad oo xidhiidh ah ugu guulasan
lahayd.