SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 76-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Shalay; Munaasibadda Aaskii Qaran Ee Aan
Loo Kala Hadhin Iyo Dareenkii Dadka
“Maalin waa
if, maalinna waa aakhiro… maanta iga saamax”
Berbera (Haatuf): Alla ha u
naxariistee Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland marxuum: Maxamed X.
Ibraahim Cigaal ayaa shalay lagu aasay magaalada dekedda ah ee Berbera, iyadoo
marxuumka xabaashiisa lagu dhinac qabtay qabrigii aabihii marxuum: Xaaji
Ibraahim Cigaal oo ku aasan barxad ku taal meesha la yidhaahdo xerada guutada
ee dhinaca Koonfur-galbeed ee magaalada, waxaana jinaasadda marxuumka ka soo
qayb-galayboqolaal kun oo qof isaga yimi dhammaan gobolada Somaliland, dad
reer-Somaliland ah oo ka yimi debedaha iyo dad kale oo ajnebi ah.
Aaska marxuumka waxa looga soo qayb-galaysi
ballaadhan oo aan hore loo arag . iyadoo ay
ka qaybgalka jinaasaddaa isugu soo baxeen dadkii ugu tirada badnaa ee
taariikhda Somaliland madal isugu yimaadda.
Koox weriyayaal ah oo ka tirsan Haatuf
ayaa ka qayb-galayaaska marxuum Maxamed x. Ibraahin Cigaal waxayna muuqaalkii
yaabka lahaa ee aaska iyo dareenkii dadkii isugu soo baxay ka qaybgalka
jinaasadda marxuumka ka diyaariyeen warbixin waana tan warbixintii oo
faahfaahsani:
“Ilaa 12km.ayuu garoonka diyaardaha ee magaalada
Berbera u jiraa magaalada oo ah dhulka xeebta ku dhereran laakiin salaadii hore
intii aanay lib-dhadu soo bixin ayey dad iyo baabuur leexadu isqarisay waxaana
gebi-ahaanba ceeryoomay jiidda ballaadhan ee xeebta ah u dhexaysa magaalada iyo
Madaarka.
Marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal ,madaxweynihii
Somaliland wuxuu dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday maalinimadii Jimcaha ee
May 3, 2002 , waxayna maamulayaasha dawladda Somaliland maalin ka dib
dhimashadii Madaxweynaha ku dhawaaqeen in marxuumka lagu aasi doono magaalada
Berbera ,halkas oo la sheegay inuu ku dardaarmay in marka uu dhinto lagu aaso
duleedka qabriga aabihii oo ku yaal magaalada Berbera . Sidaa darteed tan iyo
markii ay dawladdu ku dhawaaqday in marxuumka lagu aasi doono magaalada Berbera
waxa magaalada Berbera ku qulqulayey dadweyne noocwalba leh oo isaga yimi
dhammaan gobolada Somaliland iyo debedahaba, taasina waxay keentay in
aymagaalada Berbera dhawrkii maalmood ee u dambeeyey dad la ceeryoonto, iyadoo
usha cirka loo aanay dhulka u dhacayn, waxa la waayey meel la kala jiifsado,
waxa cirka isku shareeray cuntadii iyo biyhii, waxay dadka iyo baabuurtoodu
wadhnaayeen banaanada xeebta ku dhereran, taas oo geed iyo gelgelinba la waayey
meel la kala qabsado.
Waxa la soo dareeray magaalooyinkii Somaliland,
gaar ahaan magaalooyinka hargaysa iyo Burco oo ah labada magaalo ee ugu dhow
magaalooyinka waaweyn ayaa la odhan karaa
gebigoodaba waa la soo faaruqiyey .
Ka soo qayb-galka jinaasadda looma kala hadhin yar
iyo weyn, rag iyo dumar , duqay iyo dhalinyaro, caruur iyo ciroole, waayeel iyo
waxgarad, madax iyo minjo, mucaarad iyo muxaafid, dawlad iyo dadweyne, waxaana
jinaasadda dusheeda looga baroor-diiqay ama lagaga qayb-galaydareen isku mid
ah.
Marka laga yimaado magalooyinka Burco iyo hargaysa
oo si aan qiyaas lahayn looga dareeray iyo magaalada oo marti loo ahaa, waxa
kale oo iyaguna si laxaad leh uga soo qayb-galaydadka ku dhaqan gobolada Awdal,
Sool, Sanaag iyo dadka reer-Somaliland ee ku dhaqan debedaha.
Lagama geyoon karo sheeg-sheegidda dadkii magaca
lahaa ee ka soo qayb-galayjinaasadda, waxaana goobtaa isugu yimi dad kala
baadey oo aan sannado badan madal ku kulmin, kuwaas oo intooda badan dudmo
siyaasadeed ku kala maqnaa, hase yeeshee waxa ka soo qayb-galaydad miisaan leh
oo isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo, duqay iyo hogaamiyayaal tira
badan oo magac leh, iyadoo la odhan karo nin magac leh oo Somaliland u dhashay
kama maqnayan goobta, laakiin haddii
aynu qaarkood xusno waxa dadka ka soo qayb-galayka mid ahaa garaadada beesha
sool oo si weyn uga soo qaybgalay, hogaaminayeyna dad tiro badan oo reer sool
ah, waxaana Garaaddadaa ka mid ahaa Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad
Ismaaciil Ducaale, Suldaan Siciid, Boqor: Cabdilaahi Dabay iyo xubno kale,
iyaga oo madax-dhaqameedka reersool sheegay in ayqaar ka tirsan salaadiintooda
uga yimaadeen shaqaaqo. Waxa kale oo gobolka Sool ka yimi rag siyaasiyiin ah
iyo rag kale oo ah hogaamiyayaal magac
leh.
Sidoo kale, waxa iyaguna si xoog leh uga soo
qayb-galayhogaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal,waxaan ka mid ahaa Ugaas
CismaanUgaas Doodi ,Suldaan Ibraahin Jamac Samatar, Suldaan Nuur Axmed, Suldaan
Daahir xaddi,Suldaan Muuse goodaad, Chief caaqil: Xasan Daahir Xaddi, SH.
Cabdilahi SH: Cali Jawhar, Xaaji Daahir Cilmi, X. Nuur Muxumed Cumar,
Chiefcaaqil: Maxamed Ibraahin Riyaale, Caaqil: Maxamed Cabdi Xasan iyo
Nabadoon:Ismaaciil Axmed. Sidoo kale, waxa ka soo siyaasiyiin, duqey, iyo
waxgarad badan oo reer-Awdal ah.
Gobolka ku yaal bariga fog ee Somaliland oo ah
gobolka Sanaag ayaa iyana waxa ka yimi ergooyin door ah, waxaana ergada gobolka
Sanaag hogaaminayey Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo ah Suldaanka beesha
bariga Sanaag (warsangeli).
Salaadiinta gobolada Togdheer iyo gobolka Hargaysa
ayaa iyaguna si laxaad leh uga soo qaybgalay, kuwaas oo aan u kala hadhin,
iyadoo ay jinaasadda si door ah uga muuqdeen hurintii salaadiinta ahayd ee la
baxay golaha salaadiinta, horena ugu dhawaaqay qabashada shirweyne Qaran.
Dhinaca kalena waxa jinaasadda si ballaadhan uga soo
qayb-galayhogaamiyayaasha iyo xubnaha ururada mucaaradka ah, iyadoo ay badiba
goobta ka muuqanayeen siyaasiyiinta ugu caansan ragga mucaaradka ah iyo weliba
kuwa lagu tilmaamo mucaaradka xag-jira, sida: siyaasiga Saleebaan Maxamuud
Aadan (saleeban-gaal) oo ah Gudoomiyaha ururka ASAD iyo labadiisa
gudoomiye-ku-xigeen C/raxmaan Awcali Faarax iyo Fu’aad Aadan-cadde iyo
siyaasiyiin kale oo ururka ASAD ah sida: Maxamed Kaahin Axmed, Aaadan Baxnaan
iyo rag kale oo badan, waxa kale oo siyaasiyiinta mucaaradka ka mid ahaa
siyaasiga mayalka adag Maxamed Xaashi Cilmi iyo siyaasiyiin kale oo ururka
sahan ah sida Maxamed Cabdi Gaboose, Muuse Biixi Cabdi, Cali Maxamed
Warran-cadde, iyo xubno kale oo badan.
Sidoo waxa aaska ka soo qayb-galaysiyaasiyiinta
ururada HORMOOD iyo UCID, waxaana ragga ururada Siyaasadda ee goobta ka muuqday
ka mid ahaa Gudoomiyaha ururka HORMOOD Xasan Xaaji Maxamuud iyo Xasan xaydh oo
isna ka tirsan ururka UCID.
Gudoomiyaha ururka ILAYS-ka Ibraahin Ducaale
Saleebaan ayaa isna ka mid ahaa qolyihii debedaha ka yimi ee aaska ka soo
qaybgalay, iyadoo ay isla duulimaadyo isdaba joog ah ku yimaadeen kooxo ka mid
ah jaaliyadaha dalalka debedaha oo dalka u yimi in ayaaska Madaxweynaha ka
qaybgalaan, waxaan ragga duulimaadyadii shalay la socday ka mid ahaa Colaad
Ibraahim Yaasiin, Gudoomiyaha shirkadda diyaaradaha Daallo Airline iyo xubno
kale.
Sidoo kale, waxa isna goobta ka muuqday siyaasiga
caanka ah Axmed Maxamed Maxamed (siilaanyo).
Waxa kale oo ka soo qayb-galayaaska Madaxweynihii
Somaliland wefti ka socda dalka Itoobiya iyo hawl-wadeenno ka tirsan hayadaha
samafalka caalamiga ah.
Masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa iyaguna si
qiyaas lahayn uga soo qayb-galayaaska sida Golaha Xukuumadda oo uu horkacayey
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, labada shirgudoon ee
golayaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay kala horkacayaan Mudane
Axmed Maxamed Aadan (qaybe) oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada iyo mudanre SH. Ibraahim SH. Yuusuf oo isna
ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida, iyadoo ay
aaska si laxaad leh uga soo
qayb-galeen mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Golaha wasiirada
Somaliland.
Abaara 7:15 daqiiqo ayey Madaarka Berbera soo
cago-dhigatay diyaaradii siday maydka Madaxweynaha, marxuum Maxamed X. Ibraahim
Cigaal oo habeen hore saqdii dhexe ka soo duushay magaalada Pretoria ee dalka
Koonfur Afrika, halkaas oo uu Madaxweynuhu ku geeriyooday isaga oo cusbitaal
kaga jira.
Markii diyaaradii maydka siday albaabka loo
balaqay, waxa isha lagu dhuftay xubnihii weheliyey Madaxweynaha sida marwadii
marxuumka Kaltuun X: Daahir iyo wasiirada arimaha debedda iyo warfaafinta
(Maxamed Siciid Gees iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale) iyo gudoomiyaha baanka
dhexe C/raxman Ducaale iyo weliba xubno kale, mar labaadkiina waxa isha lagu
dhuftay maydkii Madaxweynaha oo naxash saaran, iyadoo ay goobta joogeen 4 qof
oo uu marxuumku dhalay, kuwaas oo kala ah saddex wiil iyo gabadh,
magacyadooduna kala yihiin: Axmed, Ibraahim, Cali iyo Ifoon.
Tiiraanyada dadku waxay cirka isku shareertay
markii dhulka la soo dhigay maydkii Madaxweynaha oo naxash lagu walwaalayo,
waxaana maydka diyaaradda ka soo rogay cutub ka tirsan CiidankaQaranka
Somaliland, iyadoo goobtii ay salaan maamuus ah ku kala qaateen cutubyo
ciidamada Qaranka ah iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin
oo ay weheliso marwadiisa, Marwo: Huda.
Ma qarsoonayn dareenka tiiraanyada leh ee ay dadka
reer-Somaliland ku qaabileen geerida madaxweynahooda. Haseyeeshee waxa iyaguna
dareenka dadka si gaar ah u sii damqayey tiiraanyada iyo oohinta ehliyadda
Madaxweynaha, gaar ahaan xaaska iyo caruurta uu ka tegey oo maydka ka
dul-ooyayey, waxaana guud ahaan la odhan karaa dareen iyo quluub isku mid ah
ayaa lala dul yimi jinaasaddii aaska madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland
Marxuum Maxamed X: Ibraahim Cigaal.
Ilaa abaaro 10:00 barqanimo ayey dadku ku gaadheen
aaska, qoraxduna waxay ahayd mid aad u daran oo waxa dhacayey hanfi aad u
kulul, laakiin ndadki aaska joogay waxaad moodaysay inaanay dareemayn.
Inkasta oo ay dhaceen shilal dhawr ah oo ilaa hadda
inta la ogyahay keenay dhaawacyo dad iyo khasaare duunyo, haddana marka la eego
xaaladdii xadi-dhaafka ahayd ee dadkii iyo gaadiidkii meesha isugu yimi waxa la
odhan karaa arimuhu aad bay u sahlanaayeen.
Sidoo kale, marka aad eegto sidii ay dadku isu
dhexqaadayeen ama is-dul-buuxiyeen, waxa xaaladooda lagu tilmaami karayey
muuqaal dhinac fawdo ka ah, dhinaca kalena xaaladoodu waxay ahayd mid iskeed
isaga nidaamsan oo aan rabshad iyo qalaanqal lahayn. Hase yaashee dadka
qaarkood waxay dhaliilayeen guddigii dawladda ee loo xilsaaray qaban-qaabada
aaska Madaxweynaha, kuwaas oo la lahaa xataa waxay keeni-kari waayeen biyo
dadka ku fillan, isla markaana la lahaa may samayn agaasinkii loo baahnaa ee
hawsha aaska.
Hadii ay jireen rag ay Siyaasadda aad isugu hayeen
Madaxweynaha geeriyooday, taasi waxay u muuqatay in ay ku dhamaatay ayaamihii
noloshiisa, waxaana dadkii shalay isugu soo baxay ka qayb-galka aaskii
Madaxweyne Cigaal hal-ku-dhegoodu ahaa “Illaahay naxariistii janno ha ka
waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo marxuumka,” waxaana
markii godka lagu riday kor loogu dhawaaqay Madaxweynaha ha la saamaxo,
kadib-na cod aan loo kala hadhin ayaa lala dhawaaqay “waa naga saamax”.
“Shalay waxay ahayd maalin if, maantana waa
aakhiro,sidaa darteed waa iga caf iyo musaamax, waxaana leeyahay illaahay
naxariistiisii janno haka waraabiyo, ragna maanta ayaa barashadoodu noo
bilaabmatay” sidaa waxa yidhi Mudane: Cabdi-farjar oo ka tirsan Golaha
Wakiiladda Somaliland, kana mid ahaa ragga sida xag-jirnimada ah uga soo
horjeeday Madaxweynihii Somaliland.
“Madaxweyne Cigaal, waxaan ku xusuusan doonaa
nabadgelyada uu dalka ka abuuray” sidaa waxa Xaliimo Cabdi oo ka mid ahayd
haweenkii aaska ka soo qaybgalay.
“Madaxweyne Cigaal intuu noolaa ayaa wax naga
dhexeeyeen, laakiin maanta mar hadduu dhintay waxaan leeyahay Illaahay naxariistiisa
janno haka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, cawil khayr
qabana ha inaga siiyo” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah raggii ay Madaxweyne
Cigaal sida weyn Siyaasadda isugu hayeen.
“Madaxweyne Cigaal nin jeclaa iyo nin necbaaba iska
dhimey, laakiin inta nool ayey talo la gudboon tahay, isagana illaahay
naxariitiisa janno haka waraabiyo” Sidaana waxa yidhi nin ka mid ah duqaydii ka
soo qaybgashay aaska.
Dareemada ku soo jiidanayey ee madasha aaska ka
muuqday waxa ka mid ahaa rag badan oo Siyaasadda col ku ahaa, laakiin iska
ilaaway xurguftii ayaamo hore u dhexeysay, kadibna ay aragtidoodu ka midaysnayd
waxa dhacay iyo duruufta ay dalka ku soo kordhisay geerida naxdinta leh ee ku
timi Madaxweynihii Somaliland Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
Arimaha kale ee muuqday waxa ka mid ahaa imaatinka
garaadada reer-sool , kuwaas oo aan muddo shan sanno ka badan ka soo xaadirin
madal ay somalinad u dhan tahay ,iyadoo la aaminsan yahay in aycadho
Siyaasadeed ku maqnaayeen.
Markii lagu warhelay geeridii naxdinta lahayd ee
Madaxweynihii Somaliland Marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal waxa muuqday
werwer, taas oo ay dadku waxoogaa walaac ah ka muujiyeen sida ay xaaladda ku
dambayn doonto dhimashada Madaxweynaha kadib.
Haseyeeshee marka la eego sidii laxaadka lahayd ee
ay dadka reersomaliland isugu soo habarwacdeen ka qaybgalkii jinaasaddii
Madaxweynehoodii geeriyooday iyo sidii ay dareenka midaysan uga muujiyeen
xaaladdii naxdinta lahayd ee ku soo korodhay waxa la odhan karaa aaskii
marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal waxa dushiisa ka muuqatay midnimadii ugu
shishlayd ee indhowaale ka muuqata dadka reer-Somaliland. Sidaa darteed, marka
laga yimaado dareeenka tiiraanyada iyo baroor-diiqda ah ee ka muuqday dadkii
reer-Somaliland ee shalay isugu yimi aaskii Marxuum: Maxamed X: Ibraahim
Cigaal, waxa kale oo iyana meesha ka muuqday dareen yididiilo leh, waayo isu
soo baxii miisaanka lahaa ee ay midnimaduna ka muuqatay, ayaa ahayd arin
muujinaysa caqiibada iyo rabitaanka ay dadka reer-Somaliland isu hayaan iyo
sida ay u fahamsan yihiin danta weyn ee ka dhexaysa.
“Xaaladdani waxay muujinaysaa in waxa dadku isku
diidan yahay iyo waxa ay isla ogolyihiin ay boqolkiiba shan iyo sagaashan
(95%), badan tahay waxa ay isla ogolyihiin” Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah
dadkii aaska ka soo qayb-galayoo dareenkiisu muuqaal riyaaq leh ka bixinayo
sidii yaabka iyo fillanwaaga ahayd ee ay dadka reer-Somaliland bari iyo
galbeedba uga soo qayb-galeen, iyaga oo dareen midaysan ka muujiyey xaaladda ku
timi, taas oo lagu micnayn karo geeridii Madaxweyne Cigaal ee laga werwer qabey
in aydadka reer-Somaliland ku kala dhaqaaqaan way ba isugu soo urureen, taana
waxa u daliil ah sidii culayska badnayd ee isugu yimaadeen baroordiiqdii iyo
duugidii marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal, Madaxweynihii geeriyooday ee
Somaliland, Illaahay naxariitii janno ha ka waraabiyee.
Dawladda Somaliland Oo Beenisay In
Ay Wefti Reer Djabuuti Ah U Diiday Ka Qayb-Galka Aaskii Madaxweynihii
Geeriyooday
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Cumar Cige (C/laahi-cadde), ayaa sheegay in
aanu jirin Wefti ka socda dawladda Djabuuti oo loo diiday in ay ka qayb-galaan
aaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland ee geeriyooday, Marxuum Maxamed X.
Ibraahim Cigaal oo shalay lagu aasay magaalada Berbera.
Wasiirka Arrimaha
Gudaha, C/laahi-cadde oo aanu xalay wax ka weydiinay sababta loo celiyay Wefti
la sheegay in ay ka socdeen dawladda Djabuuti oo ka qayb-geli lahaa aaskii
Madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday, wuxuu ku celceliyay in aanay jirin
wefti ay celiyeen; “Nimankaasi iyagaa iska joogay, anaguna maanaan celin, dad
tacsi u socdana cidi ma celiso, markaa ikhtiyaarkooda ayay u joogeen,” ayuu
yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aanu jirin wefti reer
Djabuuti ah oo la soo xidhiidhay, isla markaana soo weydiistay in ay tacsida ka
soo qayb-galaan.
Dhinaca kalena,
Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Djabuuti Idiris Xarbi, ayaa Wareysi uu siiyay
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da shalay ku sheegay, in isaga iyo wefti uu
hogaaminayay oo ka socday Baarlamaanka Djabuuti laga celiyay diyaaradii ay
saaraayeen Madaarka Berbera, markii 7-miridh uga hadhsanaayeen in ay
fadhiisato. Idiris Xarbi, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi:
“Waxa weeye waa tii geeridu dhacday ee
Madaxweynihii Maxamed Ibraahim Cigaal oo Siyaasadda Gobolkan, ilaa qarnigii
dhammaaday ku soo jiray oo hawlo badan gobonimo-doonkii ka soo qabtay uu
geeriyooday. Markaa taasi aad bay noo xannuunjisay haddaanu reer Djabuuti
nahay, markaa Djabuuti baan ka tagnay si aan Berbera aaska uga qayb-galo,
sababtuna waxa weeye anagu Somaliland dal aanu xuduud wadaagno uun maahee, waa
dal aanu wax badan wadaagno, markaa waan isku damqanay halkaa in aan tago ayay
ahayd oo aan ka qayb-galno aaska, anigoo wefti weyn wata, haddana diyaaradii
markay 7-daqiiqo ka hadhsanayd in ay fadhiisato, war ayaa nala siiyay la
leeyahay, diyaarad Djabuuti ka timi iyo weftiguba ma fadhiisan karaan, mana
dhici karto in ay soo fadhiistaan, sidaa darteed waxay nagu khasabtay in aan
Djabuuti ku noqono.”
Idiris Xarbi, mar la
weydiiyay in ay ka hor la xidhiidheen oo u sheegeen imaatinkooda iyo in kale,
wuxuu sheegay in ay soo war-geliyeen Xukuumadda Somaliland imaatinkooda. Hase
yeeshee Idiris Xarbi, wuxuu intaa daba-dhigay oo uu yidhi; “Hore waanu isu sii
sheegnay, waxa kale oon kuu sheegayaa degmadayadan aan deganahay wakhtigan la
joogo, dhulku ma kala xidh-xidhna ee ninba magaalada uu doono ayuu tagaa,
halkaasaa laga ogaadaa ee maaha sidii waagii gumaysiga ee la odhanayay sii qaado
waraaqo oo sii shaanbadayso, tanina geeribay weliba ahayd, anaguna wakhti
qadhaadh oo aanay walaaluhu kala maqnaan karin, ayaanu u arkaynay.”
Wefti Reer
Muqdisho Ah Oo U Yimi Ka-Qayb-Galka Aaskii Marxuum Madaxweyne Cigaal
Hargeysa (Haatuf):
Wefti 18-xubnood ah oo ka yimid Muqdisho, ayaa shalay soo gaadhay Hargeysa, si
ay uga qayb-galaan aaska Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X.
Ibraahim Cigaal, tacsina u soo gaadhsiiyaan Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland.
Weftigan oo ku soo
digay Hutelka Hargeysa Club oo aanu xalay la kulanay, wuxuu afhayeen u hadlay
oo la yidhaahdo Faarax Cii Gaad sheegay in ay ka kooban yihiin
Madax-dhaqameedyo, Odayaal iyo Waxgarad kala duwan, ayna Somaliland u yimaadeen
ka-qayb-galka Aaska Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo in ay Tacsi soo
gaadhsiiyaan Shacbiga iyo Xukuumaddaba, waxaanu intaa ku daray in aanay wax
Siyaasad ah u soconin, isaga oo ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah oo intaa
dhaafsiisan ka bixiyo socdaalkooda. Balse Faarax, waxa uu carabaabay in ay
faahfaahin intan ka ballaadhan bixin doonaan marka ay la kulmaan Madaxda
Dawladda Somaliland, maantana ay Shir-jaraa’id qabanayaan, kadibna ay isla
maanta 11-ka ka ambabixi doonaan dalka, iyaga oo ku laabanaya Muqdisho.
Garoowe (Haatuf):
Dagaal qadhaadh oo la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, ayaa
maalintii shalay ka dhex-dilaacay Ciidamo kala taageersan Col. Cabdillaahi
Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac oo isku haya Madaxtinimada
Dawlad-Goboleedka Puntland.
Dagaalkan oo labada
Ciidan ku dhexmaray Tuulada la yidhaahdo Xaaji Khayr oo magaalada Qardho 60km
ka xigta dhinaca Caasimadda Maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, waxaa la
sheegay in ay labada dhinac isugu adeegsadeen hubka cul-culus iyo ka fudud-ba,
waxaana ka dhashay dagaalkaa khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh,
balse ilaa hadda lama sheegin inta ay le’eg tahay.
Dagaalkani, waxa uu ka
dambeeyay kadib markii ay labada nin ee is-hayaa, muddaba isku hub
urursanayeen, waxaana la sheegay in ay labada Ciidan ee kala taageersan ee
dagaalkana ka qayb-qaadanayaan ay gaadhayaan ilaa 2000 oo askari oo hubkoodii
wata.
Wararkii u dambeeyay ee
xalay soo baxayna, waxay sheegeen inuu dagaalku u durkay dhinaca magaalada
Qardho, uuna gabalku isugu dhacay labada Ciidan tuulo Qardho 30km u jirta.
Waxaa hore u fashilmay
dhaqdhaqaaqyo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac, kii ugu
dambeeyayna ay isku dayday dawladda Itoobiya, balse kumay guulaysan in ay
heshiisiiso labada dhinac ee is-haya.
“Shaki La’aan
Wuxuu Ka Mid Ahaa Hoggaamiye-Dawladeedyada Ugu Waaweyn Afrika”
Berbera
(Haatuf): Wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayay Wasiiru-dawlaha
Arrimaha Dibadda dalkaas, Mr. Tekeda Alemu ayaa shalay ka qayb-galay Aaskii
Qaran ee Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ka
dhacay magaalada Berbera.
Weftiga Mr.
Alemu oo ka wakiil ahaa Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo dawladda
Federaalka Itoobiya, waxa diyaarad khaas ah oo uu watay kaga soo degay garoonka
diyaaradaha ee Berbera galabnimadii Axadii dorraad, iyadoo uu weheliyay
Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, C/laahi Askar Barkhad, waxana
weftigu dib ugu noqday duhurkii, kadib markii Aasku dhacay.
Wasiiru-dawlaha
Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu oo goobtaa Munaasibadda Aaska Qaran
ka dhacay ugu waramay Weriyayaal ka kala socday Saxaafadda Caalamka iyo tan
Waddaniga ah oo ka qayb-galay aaska, waxa uu sheegay ka sokow xidhiidhka
wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya in arrinta soo jiidatay ee ay
dawladda Itoobiya u bogtey ay tahay, go’aankii ay qaadatay dawladda Somaliland
markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee xilka Madaxweyne-nimada loogu
dhaariyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Mudane Daahir Riyaal Kaahin, isla
maalintii Jimcihii oo ahayd markii Maxdaxweynihii hore geeriyooday.
“Waxa noo
muuqanayay saddexdii maalmood ee tegay, tan iyo markii Madaxweyne Cigaal
geeriyooday, waa Xukunkii Somaliland oo loola kala wareegay si quman oo habsami
ah,” ayuu yidhi Dr. Alema.
“Waxa aanu
aragnay in Somaliland ay leedahay haykal dawladeed oo adag, waxqabadna leh,”
ayuu raaciyay Dr. Alemu, waxana uu sheegay in tani ay cashar ama cibro u tahay
dadka mandaqadda iyo guud ahaan dadka Afrika; “Annagu, haddaanu Itoobiya nahay,
waxaanu arrintan u qaadanay si aad iyo aad u ddddweyn. Waayo, nabadda iyo
xasiloonida Somaliland gaadhay 11-kii sannadood ee tegay, waa mid ilaa xad
muhiim noo ah, Itoobiya u ah iyo weliba siday ila tahay mandaqadda oo dhan,”
ayuu yidhi Dr. Alemu.
Wasiiru-dawlaha
Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Alemu, waxa uu ku tilmaamay waxqabadkaas iyo
horumarkaas, dhaxal uu Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal
uga tegay ummadda Somaliland.
“Isaga (Marxuum
Cigaal) iyo colkiisii la shaqaynayay, waxay sameeyeen waxqabad taariikhi ah,”
ayuu yidhi Alemu, waxana uu rajeeyay dadka reer Somaliland in ay ilaashadaan
waxqabadkaas, isaga oo yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa in waxqabadka la ilaalin
doono, la naaxin doono oo la kobciyo iyo in dadka Somaliland ay sii wadi
doonaan in ay muujiyaan qaraarkooda lama huraanka ah iyo siday uga go’an tahay
in ay ilaashadaan oo ay xejistaan nabadooda iyo xasiloonidooda, taas oo muhiim
u ah, iyaga uun maahee mandaqadda oo dhan. Tani waa ta aanu u eegayno
Madaxweyne Cigaal iyo waxqabadkiisii.”
Dr. Alemu, waxa
uu intaa ku daray inuu ka xun yahay sida nay beesha Caalamku aqoonsiga u gala
masuugtay Somaliland, isla markaana ay indhaha uga lalisay waxa ay qabsatay
Somaliland oo uu sheegay in aan la siin tixgelintii ay mudnayd.
“Waynu naqaannaa
waxa ay natiijadu noqoto marka ay dawladi burburto,” ayuu yidhi Dr. Alemu,
waxana uu raaciyay; “Sidaa daraadeed, waxqabadka taariikhiga ah, kaas oo aynu
maanta arkayno xaqiiqadiisa, waxaan u arkaa in la siiyo ahmiyadda uu leeyahay.”
Dr. Tekeda
Alemu, isaga oo ka hadlaya Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum
Maxamed X. Cigaal, waxa uu sheegay inuu ahaa tiir ka dhex-muuqanayay Siyaasadda
Afrika Kontonkii sannadood ee tegay. Muddadaasna si firfircoon ugu jiray
Siyaasadda Soomaaliya iyo tan Afrika.
“Shaki la’aan,
wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye-dawladeedyada ugu waaweyn Afrika,” ayuu yidhi
Alemu, isaga oo sifaynaya Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum
Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Sidoo kale, waxa uu yidhi; “Shaki kuma jiro inuu
ahaa ka ugu horreeya hoggaamiyayaasha dawladaha Mandaqadeena, waxqabadkiisiina
waxaynu maanta ka aragnaa halkan, Somaliland.”
Waxaana uu ku
soo ururiyay Dr. Alemu hadalkiisa in qofkasta oo arka dareenka laga bixiyay
geerida Madaweynihii Cigaal, aanay dafiri karin sida dadka Somaliland ay uga
go’an tahay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida.
Warka sida
jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,
Ee shalay
dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,
Jariidaadku
goortay qoreen amase joornaalku,
Judhii ay
maqleen bay dadkii wada jareeyeene,
Nin waliba
halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,
Jariiradda iyo
oohintiyo jiibta iyo taaha,
Iyo qaar iyaga
oo aan jug qabin juuqba laga waayay,
Badhna jiifka
aamine wadnaha jararacdiisiiye,
Mooraalka
jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,
Jawigoo beddelan
bay dadkii jidadka buuxsheene,
Allahayow jannee
oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,
Heduse way
jirtaye geeriyaha midiba waa jaade,
Haddii ruux
jacayl loo qabaa dunida joogaayo,
Oo malag arwaax
uu jar yidhi jamasho ay baajin,
Jaliilkeenu kuu
soo diray ayaa iilka jiifsadaye,
Ambiyaalihii
lama jareen jawharta ahayde,
Dhammaanteen
jidkaa geeridaa jaa’is loo yahaye,
Ninba inuu
jiraba waa mid aan laga jawaabayne,
Jibaadkiyo
baroor maatadaa jawda damin weyday,
Jagaduu
banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,
Allahayow janee
oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,
Jeedaalo
goortaan ku dayo jabadkii aan aallay,
Ee uu jarmaadiyo
kallaho igaga soo jiiday,
Jidkii uu
dadweynaha la maray jaranjartii dawga,
Jilbis iyo abees
iyo wuxuu halaq la soo jiidhay,
Jiidh
debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday,
Uu kala
jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii,
Jambaynkii iyo
hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka,
Haddii aan
distoor jirin dadyahow tala majoogteene,
Jidkuu sii
banneeyay anfacay maamulkoo jiray,
Markuu tiirar
aan naga jabayn jooji yuu tegaye,
Allahayow jannee
oo ka yeel nebiga jaarkiisa,
Jisaskii
Qur’aanka oo dhan lagu jaan-gooyo,
Jaliilkaan
baryanaa inuu naga ajiibaaye,
Jirabkiyo
ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka,
Jahanama kuwaa
lagu guray ee jixijix loo diiday,
Ilaahay kuwaa
jabay adiga kulama soo joojo,
Jamhuuriyadda
Somaliland shacab wixii jooga,
Ubadkaaga kuu
jeelan iyo jaanka ahalkaaga,
Iyana samiir
jamiilbay naftii ugu jawaabeene,
Allahayow jannee
oo ka yeel nebiga jaarkiisa.
WAADIGA CIYAARAHA
Valencia
oo ku guulaysatay horyaalkii shanaad ee Spanish-ka
Madrid (AP) -
Kooxda Valencia ayaa hantiday horyaalka Isbaanishka, markii ugu horraysay muddo
31 sannadood ah, kadib markii kulankii Axaddi 2-0 kaga badisay naadiga Malaga.
Daqiiqaddii
35aad ayuu goolka hore u dhaliyay ciyaarahanka reer Argentina Roberto Ayala,
daqiiqaddi 44aad waxaa goolka labaad raaciyay xiddiga reer Brazil ee Fabio
Aurelio, sidaana waxay kula galbatay horyaalkii shanaad ee ay taariikhda
qaaday.
Valencia,
koobkii ugu horreeyay ee ay qaadatay wuxuu ahaa sannadkii 1971, waqtigaas oo
kooxda uu gacanta ku hayay ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Alfredo Di
Stefano. Horyaalada kalena waxay qaadatay sannadihuii 1942, 1944, iyo 1947.
Iyada oo hal
kulan ka hadhsan yahay ciyaaraha Isbaanishka ayay kooxda uu gacanta ku hayo
Rafa Benitez haysataa 72 dhibcood, sidaana waxay lix dhibcood kaga horraysaa
Real Madrid, oo ay barbaro 0-0 galeen Mallorca, oo ay isku heleen ciyaar ka
dhacday garoonka Santiago Bernabeu.
Valencia, waxay
ku guul-daraysatay labadii koob ee ugu dambeeyay horyaalada Yurub, markii ay
kaga adkaadeen Real Madrid oo 3-0 ku dhaaftay sannadkii 2000, iyo Bayern Munich
oo rigoorayaal kaga qaaday sannadkii ugu dambeeyay.
Tabobaraha
kooxda Real Madrid Vicente Del Bosque, oo hunguri ka hayay horyaalka kahor
kulankii Axaddii ayaa u hibeeyay guusha Valencia gaadhay. “Waxaan ugu
hambalyaynayaa Valencia horyaalka ay ku guulaysatay,” ayuu yidhi Del Bosque.
Inkasta oo
roobab da’ayeen, haddana sida wararku sheegayaan ilaa (50,000) oo
taageerayaasha kooxda ah ayaa markii ciyaartu dhammaatay cado-lool ka bilaabay
afaafka garoonka Mestalla, halkaas oo ay habeenkii oo dhan ku dabbaal-degayeen.
“Kani, waa
arrinka ugu fiican ee uu ku kaco ciyaartoyga kubadda cagtu,” sidaa waxa yidhi
ciyaartoyga caalamiga ah ee Valancia.
Kooxda Valencia,
waxaa la dhisay sannadkii 1919, garoonkeeda oo lagu magacaabo Masttella
Stadium, waxaa la dhisay sannadkii 1923, wuxuu qaadaa (53,000) oo qof.
Guddoomiyaha
Valencia, waa Jaime Orti, tabobaraha hadda laylyaana waa Rafa Benitez.
Naanaysta kooxdu
waa “El equipo che “the ches”), midabka dirayska kooxdu waa funnaanad cad iyo
surwaal madow.
Horyaalka dalka,
waxay qaadatay shan goor oo kala ah; (1942, 1944, 1947, 1971, 2002). Koobka
dalka (King Cup) waxay ku guulaysatay lix goor oo kala ah; (1941, 1949, 1954,
1967, 1979 iyo 1999).
Koobabka kale ee
ay qaadatay waxaa ka mid ah koobka loo yaqaan Cup Winners Cup. Sannadkii 1980
(oo ay Rigoorayaal kaga qaaday Arsenal).
Koobka Fairs Cup
(2) goor oo kala ah (1962, 1963) oo ka kala qaaday kooxaha (Barcelona iyo
Dynamo Zagreb).
Koobka Yurub ee
Super Cup, waxay ku guulaysatay sannadkii 1980, waxayna ka badisay kooxda
Ingiriiska ah ee (Nottingham Forest).
Koobka
Isbaanishka ee loo yaqaano Super Cup, waxay ku guulaysatay sannadkii 1999, oo
ay ka fara-maroorisay Barcelona.
Koobka
horyaalada Yurub, weligeed kummay guulaysan, balse waxay ciyaarta
kama-dambaysta u soo baxday sannadihii 2000-2001.
Ciyaartoyga ugu
muddada dheeraa ee Valencia u saftaa waa Fernando Gomez, wuxuuna u ciyaaray
(434) kulan.
Ciyaaryahankii
ugu gool-dhalinta badnaa ee soo mara waxa la odhan jiray Eduardo Saurez
(Mundo), wuxuu dhaliyay 191 gool, wuxuuna u ciyaaray Valencia 208 kulan oo
ciyaaraha heerka koowaad ah.
Ciyaartoyga ugu
qaalisan waa Paplo Aimar, oo ay River Plate kaga soo iibsadeen 20 milyan oo dollar
bishii January 2001.
Tabobaraha
Valencia Rafa Benitez, ayaa si weyn u ammaanay ciyaartoygiisa markii ay Axaddii
xalaalaysteen horyaalka dalka oo 31 sannadood ay ka oomanaayeen. “Waan ogaa in
horu-socodku muhiimad noolahaa, ciyaartoygayguna uu ku dhaqaaqayo kulanka
gurigayaga,” ayuu yidhi Rafa.
Sanadkii tegay
wuxu ahaa kii kooxda ugu murugada badnaa ee soo mara, waayo kulankii ugu
dambeeyay ee horyaalada Yurub ayay Bayern Munich rigoorayaal kaga qaaday. Sidoo
kale, kabtankii kooxda Gaizka Mendieta, ayaa uga wareegay Lazio, waxay ahayd
kaalin tabasho badan, waayo ma jirin cid khadka dhexda ugu diyaarsanayd, hakla
uu tabobarihii Argentina ahaa ee Hector Cuper, oo ahaa ninkii ugu awooda badnaa
kubadda Yurub uu isna uga diga-rogtay dhinaca Inter Milan.
Rafa Benitez,
markii uu la wareegay ayay kooxdu muujisay siday diyaarka ugu tahay hanashada
horyaalka. Waxay ku bilowday inay 1-0 kaga badiso Real Madrid, kadibna aan
markeliya laga adkaan 13 kulan oo isku xiga. Laba guul-darro oo bishii January
debedda kaga dhacay ciyaarihii ay la yeelatay Real Madrid iyo Villarreal, ayaa
ku keenay inay dib ugu dhacdo kaalinta toddobaad, balse hadda way ka soo
kabatay.
Kulamadii kalena
waxay ku u dhaceen sidan:
Deportivo 3 -
Real Betis 0
R. Zaragoza 1 -
Villarreal 2.
“Kooxdii
Ugu Fiicnayd Ma Guulaysan”
Hector Cuper Tabobaraha Inter.
Tabobaraha iyo
Guddoomiyaha kooxda Inter Hector Cuper iyo Massimo Morratti, ayaa sharaxay
cadhada iyo niyad-jabka ay ka qaadeen markii ay seegeen horyaalka ciyaartii ugu
dambaysay.
Tabobare Cuper
oo ugu horrayntii ka hadlay wixii dhacay markii Lazio 4-2 kaga adkaatay ayaa
dhabar-jab ku macneeyay dhacdadaa, wuxuuna intaa ku daray inay boog-jidhkiisa
ku noqotay. Tabobaraha reer Argentine, wuxuu guul-darradii ku habsatay ku
macneeyay mid laga yaq-yaqsoodo. “Ma doonayo inaan mid-mid uga hadlo
ciyaartoyga. Waa wax laga yax-yaxo luminta fursad mudan oo taageerayaasha Inter
farxad weyn u noqon lahayd,” ayuu yidhi Cuper.
Inter waxay xaga
sare ku jirtay min bilow ilaa dhammaad, hase yeeshee Juventus, oo ku
guulaysatay horyaalkii 26aad, ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay xawaare ku
dhaaftay. Tabobare Cuper, oo arrintaa ku dheeraaday wuxuu yidhi; “Ma garanayo
haddii kooxdu ugu fiicnayd guulaysatay. Waxaanu kala kulanay ciyaar adag kooxda
Roma ka dhisan oo u danaysay Juventus.”
Hector Cuper,
tabobaraha xarfadaynta badani, wuxuu ku soo caan-baxay markii uu saddex goor oo
xidhiidh ah gaadhay kama dambaysta koobabka Yurub, balse dhammaantood uu ku
guul-darraystay.
Xilligan oo ah
kii ugu horreeyay ee kooxda uu ku soo biiray, wuxuu soo gaadhsiiyay meel
fiican, balse isaga uma cuntamin fursadda kooxdu baylihisay saacaddii ugu
dambaysay.
“Waqtigii
nasashada intii lagu jiray waxa keliya oo aan weydiiyay inay difaacdaan, haddii
ay lumiyeen hoggaamintoodii.”
Sidoo kale,
Guddoomiyaha kooxda Massimo Moratti, ayaa isna walaac ka muujiyay dhacdadii
Axaddii ee Olympic Staduim. “Qaybtii labaad waxay ahayd mid niyad-jab badan.
Waxaa naga lumay wixii aanu sannadka dhan u halgamaynay,” ayuu yidhi Moratti.
Moratti, wuxuu
sheegay in kooxda Lazio ku mitinday Inter, balse koxihii kale sii daayeen kuwii
ay la tartamayeen. “Keliya waxaan filaayay in Lazio lafaheeda u guulaysato,
laakiin fursaddii waxay naga siisay Juventus, mana ogi in kooxdii fiicnayd
guulaysatay, waayo markasta aad baanu isugu dhaweyn,” ayuu yidhi mulkiilaha
kooxda Inter.
“Waan ka
xumahay, waxa ku dhacay ciyaartoygayaga iyo taageerayaashooda,” ayuu raaciyay.
Dhinaca kalena,
weeraryahanka Inter Milan ee Ronaldo ayaa waxaan la rumaysan karin ku tilmaamay
sida loo hareereeyay horyaalkii.
Kooxda Milan ka
dhisani waxay ku ciirtay kaalinta saddexaad, kadib markii ay ka badisay Lazio
oo Juventus u oggolaatay guusha, Roma oo badisayna kaalinta labaad ka riixatay.
Ronaldo, wuxuu
muujiyay sida uu uga calool-xumaaday wadhidii ka raacday garoonkii uu horena
ugu dhaawacmay, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Niyad-jabku wuxuu
mujiyay inuu noloshayda la rafiiq noqday. Olympic Stadium, maaha mid ila bili
ah, runtii waxaan filayay inan iskaga dhayo doogtii iga gaadhay dhaawacii ruuga
iga haleelay, laakiin wuu igu sii ballaadhiyay.”