SOMALILAND FORUM
www.somalilandforum.com
|
Haatuf cadadkii 79-aad
Haatuf Media Network
Hargeysa - Somaliland
Madaxweynaha Cusub Iyo Salaadiintii
Ay Is-Hayeen Xukuumadda Oo Markii U Horreysay Wada-Hadal Isku Hor
Fadhiistay
“Anaga wuxuu noola muuqday
Madaxweyne
Rayaale, Nin Mas’uul ah oo
aan Keligii-Taliye ahayn”
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
|
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha cusub
ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Jimcihii qaabilay Salaadiintii Burco
kaga dhawaaqday in la qabto Shirweyne Qaran, isla markaana u sameeyay Martiqaad
qado, lana yeeshay wada-hadal.
Martiqaad Qaddo oo uu ku casuumay Salaadiintaa
kadib, Madaxweynuhu wuxuu fiidnimadii isla maalintaa wada-hadal kula yeeshay
Gurigiisa 7-xubnood oo ka Wakiil ahaa Salaadiintaas, kuwaas oo laba Suldaan oo
ka mid ahi ay ahaayeen Gobolka Togdheer, labana Gobolka Hargeysa, Saddexda
kalena Gobolka Awdal, balse dhammaantoodba ku wada-jira Golihii Salaadiinta ee
ay ku aasaaseen magaalada Burco. Ma jiro, war rasmi ah oo kulankaas wada-jir
uga soo baxay, hase yeeshee Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mid ahaa
Salaadiintii ka qayb-gashay kulankaa ee wada-hadalka la yeelatay Madaxweynaha
oo aanu wax ka weydiinay arrimihii ay ka wada-hadleen, ayaa sheegay in ay isla
soo qaadeen qodobo dhawr ah; “Horta Tacsi waanu ugu tagnay oo waxaanu ka
tacsiyaynay geeridii Madaxweyneheenii hore. Ta labaad, booskan uu qabtay e
qaabka cajiibka ah loogu magacaabay ee Caalamkii dimoqraadiyadda ku faanayay ka
yaabiyayna, waanu ugu hambalyaynay, Illaahayna waxaanu uga baryaynaa inuu
xilkaa ku garab-galo,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanku, wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxa
kale oo aanu ka wada-hadalay, sidii weji cusub loo bilaabi lahaa, wixii hore u
jiray ee khilaafaad ahaana laysaga duuduubi lahaa ee looga gudbi lahaa.”
Mar la weydiiyay in kulankaa ay la yeesheen
Madaxweynuhu uu ka dhigan yahay, xurguftii u dhexaysay iyaga iyo Xukuumadda oo
soo af-jarantay iyo inkale, wuxuu sheegay in ay sidaas tahay oo ay soo
af-jarmayso, isagoo taa sii sharaxayana wuxuu yidhi; “Way soo af-jarmaysaa,
sababtoo ah anaga wax walba waxaa nagala qaalisan Qaranimada, nabadgelyada,
Jiritaanka dalka. Maanta ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo kale oo dhisan, Xamar
waad aragtaa siday tahay, Puntland-na waad arkaysaa waxa ka dhacaya, markaas
teenan nabadda ku dhisan in aynu ilaashano oo ku faro-adaygno weeye,
Mabda’yaguna mar walba taasuu ku salaysan yahay.”
Salaadiintan uu Madaxweynuhu la kulmay, waa
Salaadiintii hore ugu dhawaaqay in la qabto Shirweyne Qaran, sidaa aawadeed mar
aanu wax ka weydiinay, bal in ay ka tanaasuleen Mowqifkaa hore iyo in kale,
wuxuu ku jawaabay Suldaan Maxamed; “Taas weli kamaanaan wada-hadlin Salaadiin
ahaan, markaa waa darruuri in aanu wax iska weydiino.”
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, waxa kale oo uu
sheegay in ay Madaxweynaha tallooyin u gudbiyeen; “Maadaama aanu weli
magacaabin Madaxweyne Ku-xigeen, anagu waxaanu tallo ahaan ugu gudbinay inuu
wada-tashiga badiyo oo uu wixii ka dhiman ee dhinac kastaba ah xog-ogaal
waraysto, dadkuna u sinaadaan,” ayuu yidhi Suldaanku. Wuxuu intaa ku sii ladhay
oo uu yidhi; “Anagu cid kalamaanu hadal, balse waxaan qabaa in aan maanta reer
loo eegin jagadaas ee loo dhiibo cidii wax wadi karta.”
Sul. Maxamed Sul. C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay
in Madaxweynuhu uu ula muuqdo inuu yahay nin cid kastaba tallo weydiinaya.
“Anaga, wuxuu noola muuqday inuu yahay Nin degan oo masuul ah, Nin cidkastaba
tallo weydiinaya oo aan keligii taliye ahayn ayuu noola muuqday.” Wuxuu intaa
raaciyay in ay kulan dambe yeelanayaan, iyaga (Salaadiinta) iyo Madaxweynuhu.
Tallaabadan wada-hadalka ah ee uu Madaxweynuhu ku
qaabilay Salaadiintaa, waxaa lagu tilmaamay in ay tahay albaab cusub oo uu u
furay Siyaasadda Gudaha dalka.
Waa Kuma Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusub Ee Somaliland?
|
Hargeysa (Haatuf): Olole iyo Kaambeyn
xoog leh oo la xidhiidha cidda buuxinaysa Jagada bannaan ee Madaxweyne
Ku-xigeenka, ayaa maalmahanba laga dareemay magaalada Hargeysa, isla markaana
waxa dhacay labadii maalmood ee u dambeeyay shirar gooni-gooni ah oo arrintaa
ku lug lahaa.
Iyadoo aanu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si
dhab ah u soo saarin Magacaabista rasmiga ah ee Madaxweyne Ku-xigeenkiisa
cusub, ayaa haddana waxa maalmahan u dambeeyay soo xoogaysanayay ololayaal la
xidhiidha arrintaas.
Siday wararku sheegeen, jagadan Madaxweyne
Ku-xigeenka ee haatan bannaan, dadka u ololaynaya waxa ka mid ah; Mudane ka
tirsan xubnaha Golaha Wakiiladda kaga jira deegaanka Berbera, kaas oo lagu
magacaabo Maxamed Jaamac X. Cilmi (Dable) oo la sheegay inuu dedaal ugu jiro,
sidii uu ugu soo bixi lahaa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka.
Waxa kale oo jira, dedaal iyo dhaqdhaqaaq ballaadhan
oo dhawrkan maalmood ee u dambeeyay soo xoogaystay, kaas oo la sheegay in
ay waxgarad badan oo reer Somaliland
ahi ku doonayaan, sidii ay Siyaasiga Axmed Siilaanyo oo ka mid ah Siyaasiyiinta
waaweyn ee magaca ku leh Somaliland ugu qancin lahaayeen inuu aqbalo qabashada
Jagadaas.
Wararku, waxay intaa ku dareen in Axmed Siilaanyo
uu markii hore ka gows adaygay arrintaas, hase yeeshee siday wararku tibaaxeen
uu hadda u muuqdo inuu aqbalay, markii sida la sheegay ay codsi ula tageen
xubno miisaan ku leh Somaliland oo isugu jira duqay iyo waxgarad kala duwan.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isna siday
warar aan la xaqiijin sheegeen lagu tilmaamay inuu ka dambeeyay dedaalkaa Axmed
Siilaanyo lagu qancinayay, isla markaana ay u dhowdahay inuu jagada Madaxweyne
Ku-xigeenka u magacaabo Axmed Siilaanyo. Hase yeeshee, weli ma jiro war rasmi
ah oo arrintaa xaqiijiyay.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda
ayaa iyana la sheegay in ay hunguraynayaan jagadaas, una ololaynayaan sidii ay
ugu soo bixi lahaayeen. Siday tibaaxeen warar la isla dhexmarayay maalintii
shalay, xubnaha Wasiiradda ah ee arrintaa ku hawlan waxa ka mid ah; Wasiirka
Waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale oo la sheegay inuu u ololaynayo sidii uu u
heli lahaa kursigaa. Waxa kale oo isna magaciisu saaxadda ku jiray Gudddoomiye
Ku-xigeenka Golaha Wakiiladda, Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, kaas oo la
sheegay in aanu isagu shakhsiyan u ololaynin jagadaas.
Ilaa hadda ma cadda qofka uu noqon doono Madaxweyne
Ku-xigeenka cusub ee uu soo magacaabayo Madaxweynuhu, hase yeeshee siday
sheegeen wararkii ugu dambeeyay oo laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay, waxa
la saadaalinayaa in ay u dhowdahay Axmed Siilaanyo, balse weli xaqiiqda
kama-dambaysta ah ee arrintaasi way laalantahay, waxaana lagu wadaa in ay
dhakhso u soo baxdo.
Xukuumadda Oo Mahadnaq U Jeedisay Dawladihii Iyo Hay’adihii
Uga Soo Tacsiyeeyay Geeridii Madaxweynihii Hore
Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda
Somaliland ayaa u mahadnaqday dhammaanba dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb-galay
aaskii Madaxweynihii hore ee geeriyooday, iyo cidii uga soo tacsiyadaysay
geeridaasba. Arrintaasna, waxaa War-saxaafadeed ka soo saaray Wasiirka
Warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale.
War-saxaafadeedkaa mahadnaqa ah ee uu Wasiirku soo
saarayna, wuxuu u dhignaa sidan:
“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Mudane. C/laahi Maxamed Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha JSL,
Mud. Daahir Riyaale Kaahin iyo magaca shacabka Somaliland, wuxuu mahadnaq u soo
jeediyay dhammaan dawladihii, Madax-dhaqameedyadii, Hay’adihii aan dawliga
ahayn iyo dadweynihii Xukuumadda iyo shacabka Somaliland uga soo tacsiyadeeyay
geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku
haleeshay dalka Koonfur Afrika.
Wasiirku, waxa uu ku tilmaamay geeridii Marxuum
Madaxweyne Cigaal iyo qiimaha uu ku lahaa dalka iyo qaaradda Afrika in ay
keentay, midaynta dhammaan dadyowga iyo bulshada Somaliland, mucaarid iyo
muxaafid, midnimadaa oo ka turjumaysa sida bulshada Somaliland, mar walba oo xaalad
adag timaado u mideeyaan aragtidooda, eraygooda iyo xoogooda, si mudnaanta loo
siiyo danta guud, loona hakiyo danaha iyo aarahda gaarka ah.
Wasiirku, Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, wuxuu si gaar ah ugu mahad naqay dawladda Itoobiya oo wefti heer sare ah u soo dirtay tacsida, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Gaashaandhigga ee Koonfur Afrika, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka, Wasiiradda Iskaashiga Afrika ee dalka Britain, Baarlamaanka Talyaaniga, Safaaradda Talyaaniga ee Nayroobi, Safaaradda Kanada ee dalka Kiiniya. Dhammaan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha dhaqameed ee ka soo baqoolay dalka Soomaaliya, Hoggaamada Kooxaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, Maamul-goboleedka Puntland, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed meel kasta oo ay naga soo tacsiyadeeyeen, Jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha, saxaafadda madaxabanaan ee dalka, idaacadda BBC-da laanta Af-Soomaaliga oo si mug leh iyo dhexdhexaadnimo u dabooshay baroor-diiqdii geerida Madaxweynaha, Golayaasha Qaranka, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo Rayidka, hoggaamada dhaqameed ee dalka iyo dhammaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Wasiirka Mud. Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaca
Madaxweynaha, waxa uu ballan qaaday dalku in uu ku sii socon doono Jaangooyadii
iyo hannaankii Siyaasadeed ee uu u jeexay Marxuum Madaxweynihii hore Cigaal,
iyada oo tallaabo kasta la waafajinayo dastuurka iyo nidaamka u degsan
Jamhuuriyadda Somaliland.”
Mudane Cusub Oo Ku Biiray Golaha Wakiiladda
|
Hargeysa (Haatuf): Mudane Caydaruus
Cali Cubayd, ayaa shalay ku biiray Golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana
xubinimadiisa Golaha u wargeliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda
Mudane Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde.
Mudane Caydaruus, waxay Maxkamadda Sare u dhaarisay
Mudane-nimada Arbacadii, May 7, isaga oo bedelay Marxuum Siciid Seef oo ka
tirsanaa Golaha Wakiiladda, kuna geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta February
18.
Mudane Caydaruus, waxa uu ka soo jeedaa beesha
Carabta reer Somaliland, taas oo hadda u soo dooratay inuu wakiil uga noqdo
Golaha Wakiiladda oo ay beeshu hal kursi ku leedahay, kadib markii uu
geeriyooday Mudanihii hore u metelayay.
Mudane Caydaruus, waxa uu ka mid yahay
Siyaasiyiinta waaweyn ee beesha Carabta, waxa uu ka qayb-galay Shirweynihii
saddexaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Hargeysa 1996/97, isaga oo u
ololaynayay xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland oo ay ku
jirto beesha Carabtu.
Mudanuhu, waxa uu ka mid ahaa, Saraakiishii
Sar-sare ee Baankii Ganacsiga ee Soomaaliya.
D/Hoose Ee Hargeysa Oo Qaaday Olole Ay Ku
Ururinayso Dawooyin Dhacay
|
Hargeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee
Hargeysa, ayaa olole ay shalay qaaday kaga soo ururisay Farmasiiyada magaalada,
daraasiin daawooyin dhacay ah.
Sida uu Haatuf u sheegay Agaasimaha
Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cabdulwahaab Cabdi
Jaamac (Nakruuma), ololahan shalay oo lagu soo ururiyay daraasiin ka kooban in
ka badan 40 nooc oo dawooyin wakhtigoodu dhacay ah, waxa uu hordhac u yahay
barnaamij soo fool leh oo la doonayo in lagu xaddido dhibaatooyinka Caafimaad
ee ka dhallan kara daawooyinka.
Nakruuma, waxa uu sheegay in ololahan uu yoolkiisu
yahay in la ogaado, sida daawooyinku u waxyeelayn karaan dadka naftiisa.
“Marka laga yimaado daawooyinka wakhtigoodu dhacay
oo mudooyinkan dambe ururintooda aanu wadnay, waxa kale oo aanu ololahan ku
eegaynaa meelaha dawooyinka lagu keydiyo oo waxyeelo ka iman karto, haddii
aanay haboonayn ama aan loogu talo-gelin, ayuu yidhi Nakruuma, isaga oo sheegay
in dawo kasta uu dusha kaga qoran yahay heerkul ay ku dhaqmi karto oo loogu
talo-galay, sidoo kalena uu ololahani saamaynayo daawooyinka dadka iyo xoolaha
oo farmasiiyada qaar isku meel ku iibiyaan.”
Waxa kale oo uu intaa ku daray in toddobaadka soo
socdana ay bilaabi doonaan, olole lagu basrinayo hadhaaga iyo qashinka
daawooyinka lagu isticmaalo goobaha Caafimaadka oo uu ku jiro Cusbitaalka Guud,
isaga oo sheegay in xarun kasta oo Caafimaad lagu soo rogi doono in ay
qashinkeeda iyo hadhaaga daawada xafiddo, dawladda hoose-na u samayn doonto
gaadhi gaar ah oo ka qaadda qashinkaa, kadibna la gubi doono.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
|
Shirweynihii Beelaha Somaliland ee Hargeysa ee
dabayaaqadii 1996, ilaa horraantii 1997, ayaa Daahir Rayaale Kaahin loogu
doortay Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka somaliand, taas oo uu hayay 5-sannadood
iyo waxoogaa.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, intuu uu Madaxweyne
Ku-xigeenka ahaa, waxaa muddo-fadhiisin u ahayd magaalada Burco ee Gobolka
Togdheer. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa kale oo uu muddo shaqo u joogay
magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Labadaa hawl-gal ee uu muddada bilaha
ah u fadhiyay Burco iyo Ceerigaabo, waxay ahaayeen qaar la xidhiidhay, baahinta
Maamulka Somaliland ee Xaruntiisu tahay Hargeysa iyo xog-ogogaal u noqoshada
xaaladda runta ee ka jirta degaamada Somaliland ee ka baxsan xarunta Hargeysa.
Taas ka sokow, runtii Mudane Daahir Riyaale, wuxuu
u dhaqmay muddadii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaa, qaab aanu muuqan oo u eg
halku-dhegii uu ka tegay Madaxweynihii Masar ee Anwar Saadaat. Saaddat, markii
uu Madaxweynaha noqday ee ay soo baxday kartidiisii, ayaa Weriyayaashu
weydiiyeen su’aashan, “Haddii aad sidan u karti badnayd, maxaad u muuqan weyday
intii uu noolaa Jamaal Cabinaasir ee uu Madaxweynaha ahaa, adna aad Ku-xigeenka
u ahayd?”
Anwar Al-Saadaat, su’aashaa wuxuu ka bixiyay jawaab
halku-dheg Siyaasadeed noqotay, waxaanu yidhi: “Madaxweyne Ku-xigeenku, waa
musbaar bilaa dabo ah, Musbaar bilaa dabo ahina labada loox isagaa isu haya,
mana muuqdo. Sidaa aawadeed, looma baahnayn in aan muuqdo, balse waxaa darruuri
ahayd in aan labada loox isu hayo.”
Sifaha weedhahaa Saadaat darteed, wax badan lagama
sheegi karo doorka uu qaadan doono iyo kaalintii uu qaadan jiray muddadii
5-sanno iyo dheeraadka ahayd ee uu ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka, lamana qiimayn
karo hadda in tallaabadiisii hore iyo tiisan cusub ay waafaqayaan odhaahdaa
Saadaat iyo in kale, lamana saadaalin karo waxa ay noqon doonto kartidiisa
waxqabad ee xilka Madaxweyne-nimo ee uu hadda qabtay.
Hase yeeshee, inta badan dadka wax indho-indheeyaa
waxay isku raacsan yihiin in Mudane Daahir Rayaale, samirkiisii ku soo simay
jagadda uu maanta hayo, marar badanna uu aamus iyo dulqaad kaga jawaabay gefaf
kaga yimi Xukuumadda dhexdeeda, intii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaa.
Inkastoo dadka qaarkii ku dhalliileen aamuskaa,
haddana dhinaca Siyaasadda wuxuu kaga helay kalsooni. Si kastaba wax ha u
jireene, Mudane Rayaale, wuxuu maanta hor-fadhiyaa Gole ay xubno ka yihiin rag
badan oo intii Marxuumkii hore noollaa isu arkayay in ay gacan ku-haynta
awoodda iyo talada uga dhow yihiin isaga, kuwaas oo la aaminsan yahay in aanay
jeclaysan magacaabistiisa, sidaa aawadeed waxaa la gudboon inuu marka hore
jareeyo, Golihiisa oo uu seetada isku meel uga xidho, xusho-na rag la jaanqaadi
kara oo aanu qaabkaa hore luminin.
Dhinaca kale, waxaa iyana la eegayaa hadba sida uu
u buuxiyo jagadda Madaxweyne Ku-xigeenka oo la aaminsan yahay in horumarkiisa
Siyaasadeed iyo waxqabadkiisaba laga saadaalin karo, khibradda iyo
waayo-aragnimada Siyaasadeed ee uu leeyahay shakhsiga uu jagaddaa u doortaa.
Sababtoo ah, waxaa la rumaysan yahay helitaanka Madaxweyne Ku-xigeen luqadda
Siyaasadda ku wadh-wadhay, sida Taariq Casiis-ka Ciraaq inuu yahay ka keliya ee
ka buuxin kara foogooyinka Siyaasadeed ee ku bannaan.
Hadal iyo dhammaan Madaxweyne Rayaale, wuxuu
shacbi-weynaha reer Somaliland markiiba ka helay taageero laxaad leh oo
muujinaysa, sida ay bulshadu ugu faraxday xilkan cusub ee loo dhaariyay. Sidaa
aawadeed, bal aynu ka war-dhawro waayaha soo socda iyo jawaabaha ka soo baxa
waxyaabaha aynu soo xusnay.
Baarlamaanka Kililka 5aad Oo Doortay Madaxweyne Iyo
Madaxweyne Ku-Xigeen
Jig-jigga (Haatuf): Baarlamaanka
Is-maamulka deegaanka Soomalida Itoobiya, ayaa kal-fadhigoodii 2aad oo lagu soo
geba-gebeeyay xarunta Jig-jigga, ku doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne
Ku-xigeenka Xukumadda deegaankaas, isla markaana ku ansixiyay
miisaaniyad-sannadeedka Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Baarlamaanku Kal-fadhigiisaa labaad, wuxuu mar kale
jagada Madaxweyne-nimo u doortay C/rashiid Duullane Rafle oo ahaa Madaxweynihii
xilka hayay, Madaxweyne Ku-xigeenkana waxaa loo doortay Cabdi Jibriil oo hore u
ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shiniille. Kal-fadhigaa, waxa kale oo lagu doortay
Af-hayeenka Baarlamaanka ee saddexda sannadood ee soo socda, kaas oo ah
C/raxmaan Badde Cabdi, isla markaana waxa kale oo la doortay
Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka.
Siday wararku sheegeen, waxa kale oo la magacaabay
Madax-xafiiseedyada hay’adaha dawladda.
Kal-fadhigaa 2aad ee Baarlamaanka Is-Maamulka
Soomaalida Itoobiya, waxa kale oo lagu ansixiyay Miisaaniyad-sannadeedka
dawladda deegaanka Soomaalida, taas oo la sheegay in ay tahay tii ugu badnayd,
gaadhaysana 454-milyan oo Birr oo u dhiganta ilaa 53-milyan oo doollar. Warku,
wuxuu intaa ku daray 178-milyan oo Birr oo lacagtaa ka mid ah in loo qoondeeyay
in ay noqoto Miisaaniyadda Caadiga ah ee Maamulka, 276-milyan oo Birr-na loo qoondeeyay
in lagu fulliyo Mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono deegaanka
Soomaalida Itoobiya.
Dhinaca kalena, waxay wararku sheegeen Xafiiska
Hanti-dhawrka dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, warbixin uu hordhigay
kal-fadhigaa oo halkaa laga akhriyay, wuxuu ku sheegay in ay jirto lacag
50-milyan oo Birr ah oo ay lunsadeen 19-xafiis, taas oo uu xusay in ay ka maqan
tahay Khasnadda Dawladda. Horena, waxaa Kal-fadhigan 2aad ee Baarlamaanka lagu
eryay 19-xubnood oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka, balse hadda laga qaaday
xubinimadii Baarlamaanka. Waxaanay wararku sheegeen in 19-xubnood, la soo taagi
doono Maxkamad, laguna eedeeyay arrimo la xidhiidha musuq-maasuq iyo
nabad-diidnimo.
Ururka BIRSOL Oo Tallooyin
U Soo Jeediyay Madaxweynaha
|
Hargeysa (Haatuf): Ururka BIRSOL oo
ka mid ah Axsaabtii Is-diiwaan-gelisay, ayaa tallooyin u soo jeediyay
Madaxweynaha cusub Mud. Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ku saabsan sida ugu
haboon ee uu u gudan karayo xilka culus ee loo doortay iyo sida ugu fiican ee
ay dalka uga hirgeli karayaan doorashooyin xalaal ahi.
War-saxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu nasoo
gaadhsiiyay Guddoomiyaha ururka BIRSOL, Axmed Sandon Xasan, waxa uu u qornaa
sidan:
“Annagoo ah ururka BIRSOL, kana tiiraanyaysan
geeridii naxdinta lahayd ee Madaxweynaheenii hore, waxaanu marka hore mar
labaad ka tacsiyadaynaynaa Madaxweynaha cusub Mudane Daahir Rayaale. Marka
xiga, waxaanu Madaxweynaha cusub Illaahay uga baryaynaa inuu u fudaydiyo xilka
culus, iyadoo runtii dalku marayo xaalad kala-guur oo aad u adag, waxaanu
jecelnahay kuguna barbar taagannahay, sidii doorashooyin xor ah oo xalaal ahi
uga dhici lahayd dalka inta aad xilkiisa hayso, una noqoto Madaxweynaha labaad
ee lagu xusuusto dalkan, waayo waa halkii u adkayd, haddii Illaahay kugu guuleeyo.
Sidaa darteed, waxaanu Madaxweyne kugu adkaynaynaa
in aad u dhabar adaygto hawsha baaxadda leh, una gudato si aan hagrasho iyo
habrasho toona lahayn. Waxa kale ood ogaataa, shayga qudha ee dadka deeqa ama
kuwada fillaadaa tahay cadaalad iyo sinaan, cidda intaasi deeqi waydona, dadkaa
kula arki doona.
Waxaanu aaminsan tahay, haddii xataa aad ku
guul-daraysato in aad ku soo noqoto xilkan aad hayso, balse doorashooyinku inoo
qabsoomaan oo aynu ka gudubno, waxay kuu noqon doontaa arrin taariikhda kuu gasha.
Sidaa darteed Mudane Madaxweyne, talladaada ku
salee cadaalad, ha garowshiyo dhawaan, aadna ha u girgir adkaan, dacaayado
rakhiis ah iyo eedayn badan laabta ka ogow, danta guud iyo ictiraafka maqaar Ey
ugu seexo manfac kasta ha lahaatee, ha ugu xilan wixii magaca iyo jiritaanka
lid ku ah.
Mudane Madaxweyne, adigoo UDUB ah iyo anagoo BIRSOL
ah, tartanka mooyee, ilaalinta Qaranku way inaga dhexeysaaye, dhankayaga nagu
daa.
Mudane Madaxweyne, ha moogaan seeska doorashooyinku
waa diiwaan-gelinta, intaaney ururada kala baran halkay ku qadayaan iyo halkay
shacbiyad ku leeyihiin, haddii kale waxay noqon laaxin aan inaga hadhin
weligeed.”
Horumarka Dhaqaalaha
Somaliland Iyo Caqabadaha Hor Taagan
Siciid I.
Guraase
|
Tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida Somaliland,
sannadkii 1991-kii, waxa ay bulshada Somaliland guntiga dhiisha iskaga dhigeen
sidii uu dalku u gaadhi lahaa horumar dhinaca dhaqaalaha ah, taas oo ay wax
badani ka hirgaleen. Inkasta oo haddana ay jireen waxyaalo badan oo aan suurtogelin
iyo caqabado ka hor yimid sidii loo xaqiijin lahaa horumar dhammaystiran oo
dalka ka hirgala.
Iyada oo ay taasi jirto,
haddana bulshada Somaliland kamay waaban inay intii tamartooda ah muujiyaan
dedaalkooda ku wajahan sidii uu dalku u gaadhi lahaa horumar dhaqaale, kaas oo
ku salaysnaa inta badan dedaal gaar ahaaneed oo ay dadku gooni gooni u wadeen,
iyada oo uu qof waliba kaga qaybqaadanayo intii karaankiisa ah.
Meelaha aynu odhan karno
dalku wuxuu ka gaadhay horumar waxaa ka mid ah:
-
Ganacsiga iyo baayac-mushtarka oo suurtogeliyay
inay dalka soo galaan badeecado iyo alaabooyin ka yimid meelo aad u kala duwan
oo ay ku jiraan dalal aad u durugsan Juqraafi ahaan, balse ay dhawaysay
horumarka qalabka is-gaadhsiinta iyo gaadiidka kala duwan ee wax lagu daabulo.
-
Warshadaynta iyo goobaha farsamada gacanta ayay
iyagana ka muuqataa horumar la taaban karaa, taas oo suurtogelisay in qalab
kala duwan iyo cuntooyin markii hore debedda laga keeni jiray ay suurtogasho in
dalka gudihiisa lagu farsameeyo.
Meelaha uu horumarka dalku gaadhay, meelahaa aynu
soo sheegnay ayaa ka mid ah, inkasta oo aanay intaa ku dhammayn. Balse waxaynu
u soo qaadanay tusaale ahaan, innaga oo qormooyinkeena dambe mid-mid uga hadli
doona meelaha uu ka socdo dhaq-dhaqaaqyada kobcinta dhaqaaluhu.
Haddii aynu eegno
sababaha keenay inuu dalku horumarka la taaban karo ku tallaabsado muddadii
aynu la soo noqonay gobanimadeena, waxaa ka mid ah;
·
Dedaalka ay muujiyeen shacbiga Somaliland, oo
muujiyay sida ay ugu heelan yihiin horumar uu dalkoodu gaadho, gaar ahaana
dadka reer Somaliland ee ku noolaa dibedaha oo wixii ay hanti hayeen ee ay
shaqaysteen muddadii ay dibedda joogeen dalkooda dib ugu soo celiyay, iyaga oo
furay goobo ganacsi oo kala duwan iyo maal-qabeenada oo hantidooda u huray
dalka.
·
Dawladda oo tixgelisay madax-bannaanida ganacsiga
iyo hantida gaarka ah, taas oo dhiirigelisay in ay dadku qofba intii itaalkiisa
ah aanay waxba dib u dhiganin sidii ay hantidooda dalka u gashan lahaayeen.
·
Helidda gaadiid kala duwan oo fududeeyay soo
daabulidda bucsharadaha ee ganacsiga, isla markaana lagu geyn karo kolba halkii
loo baahdo.
·
Shariikadaha xawaalada ayaa iyaguna ka qaybqaatay
horumarka dhaqaalaha, kadib markii ay suurtogaliyeen in si dhibyar la isugu
xawilo lacagta la soo siinayo noocyada kala duwan ee bucsharadaha ganacsiga.
Waxa kale oo ay suurtogeliyeen inay dadka dibedaha ku nooli dadkooda gudaha u
soo gudbin karaan kolba wixii hanti ay ugu deeqayaan.
·
Waayo-aragnimo badan oo ay dadka reer Somaliland ka
heleen muddadii ay qaxootiga ku ahaayeen, iyaga oo soo bartay farsamooyin badan
oo looga shaqaysto dalalka adduunka.
·
Qalabka kala duwan ee war-is-gaadhsiinta ayaa isna
suurtogeliyay in si fudud ay ugu wada xidhiidhaan dadka wada hawlaha ganacsigu,
iyaga oo isla socod-siinaya kolba wixii jira.
Marka taa laga yimaado
waxa iyaduna jirta caqabado badan oo ka horyimid sidii uu dalku u gaadhi lahaa
horumar dhaqaale oo intan ka weyn, waxana ka mid ah:
1.
xayiraadii xoolaha ee ay soo rogeen dalalka
Carabtu, ayaa ahayd caqabadii ugu weynayd ee ka hortimid dhaqaalaha dalka iyo
guud ahaanba nolosha dadka reer Somaliland, maadaama 95%, in kabadani
dhaqaalaha dalku uu ku xidhnaa ganacsiga xoolaha nool, taasina waxay naafaysay
dhaqaalihii bulshada, gaar ahaana xoola-dhaqatada oo ay nolosheedii aad
cidhiidhi u gashay.
2.
qorshe la’aan dhinaca dhaqaalaha ah oo dalka ka
jirtay, taas oo is dhex-yaac ka dhigtay hannaanka dhaqaalaha oo aan madax iyo
minjo kala lahayn.
3.
sabbaynta sarrifka dollarka iyo sicir-bararka oo
muddo dheer khal-khal ku hayay hannaanka ganacsiga iyo dhaqaalahaba, taas oo ay
inta badan si xun uga faa’iidaysanayeen dad gaar ahi, taasina waxay naafaysay
dhaqaalihii bulshada qaybo badan oo ka mid ah.
4.
hannaanka canshuuraha dawladda oo aan lahayn qorshe
cad iyo nidaam loo raaco, taas oo khalkhal gelisay geedi-socodka hannaanka
ganacsiga iyo dhaqaalaha, keentayna in ay aad hoos ugu dhacaan badeecadaha ka
soo dega dekedda Berbera.
5.
ganacsatada iyo baayac-mushtarka oo iyaga laftoodu
aan lahayn qorshe iyo hannaan ay ku kala saaraan baahiyaha gudaha, iyaga oo si
is-barbar-yaac ah u keenayay waxyaabo isku mid ah ama aan kala soocnayn. Waxa
intaa dheeraa, iyada oo ay ka muuqatay tixgelin la’aantooda dadkooda dan-yarta ah
marka la eego qiimaha iyo sarrifka ay ku salaynayeen.
Si kastaba ha ahaatee,
waa mid lagama maarmaan ah in dedaalka halkaa laga sii wado, caqabadaheedana
lala tacaalo mustaqbalka.
19 Arday Oo Ku Guulaystay Deeq Waxbarasho Masar Ah Oo Maanta Dalka
Ka Ambabaxaya
|
Hargeysa (Haatuf) :- 19 Arday oo ku guulaystay deeq
wax-barasho oo ay bixisay dawladda Masar, ayaa lagu wadaa inay qaybtoodii u
horraysay maanta dalka ka amba-baxaan, iyada oo ay qaybta kalena bari ka daba
tegi doonaan.
19 arday oo ku guulaystay
imtixaan laga qaaday ilaa 50 arday bishii Ogost ee sanadkii hore ee 2001, waxa
guusha ay gaadheen 19-kan arday oo u kala baxa 6 hablood iyo 13 wiil lagu
dhawaaqay bishii March ee ina dhaaftay, intaana waxa lagu jiray hawlaha
diyaarinta safarkooda.
Ardaydan oo iyagu iska
bixiyay lacagta tigidhka, waxaa lagu wadaa inay maalinta Jimcaha ka amba-baxaan
Addis Ababa, ayna gaadhaan magaalada Qaahira oo ay uga bilaabmayso waxbarasho
ay ku qaadan doonaan jaamacadda Al-As-har, iyada oo inta aanay u bilaabmin duruusta
rasmiga ahi ay qaadan doonaan sannad hor-dhac ah oo loogu diyaarinayo
waxbarashada rasmiga ah.
Deeqdan oo ay dawladda
Masar soo marisay wasaaradda wax-barashada, waxa uu noqonayaa markii ugu
horraysay ee si rasmiya loo dhaqangeliyo deeqdan oo kale, iyada oo ay dhawr
goor oo hore u baaqatay sababo aan la caddayn.
Cumar Daahir Cumar
Waxyeelada Maandooriyeyaasha
Tiro badan oo ah
maandooriyeyaal kiimiko kala duwani ay ku jiraan ayaa yaala inta badan
magaalooyinka Somaliland.
Marka laga reebo
maandooriyeyaasha caanka ah sida; Caffeine, Amphetamines, Cocaine, Marijuana,
waxaa jira aalado kiimikal ah oo ku jira kiniin ama noocyada kale ee dawo
ahaanta loo isticmaalo si ay xannuun gudaha jidhka ah ama mid guud ugu noqdaan
dawo caafimaad.
Xayaysiinta waxyaalaha ay
ka mid yihiin Aspirin, kiniinada dejinta ama kuwa hurdada, ayaa ah mid caadi ah
oo aynu maqalno, ama qoraalo ku saabsan aynu aragno, xayaysiintaas waxa u sal
ah in dawooyinkaasi ay si deg-deg ah xal ugu noqonayaan mushkiladaada caafimaad.
Ilaa xad arrintaasi waa run oo xannuunka ku haya wax way ka tarayaan.
Dawooyin badan ayaa dadka
ka daweeya xannuunka haya oo ay isticmaalaan. Dawooyinka loo yaqaano
(Tranquilizers), waxay dadka ka caawiyaan kacsanaanta dareen, kuwa loo yaqaan
(Barbiturates), waxay dadka ku abuuraan hurdo, inta badan dawooyinka
waxtarkooda si deg-deg ah ayaa loo dareemaa, taasina waa sababta keentay in
dadku rumaystaan waxtarka dawooyinka (drags), laakiin dawo kasta oo waxtar lihi
waxyeelana way u leedahay ama ku keeni kartaa caafimaadka qofka isticmaalay.
Arrinta macnaheedu wuxuu
yahay, dad badan ayaa si qayru caadi ah u isticmaala dawooyinka caadiga ah,
markaa sida khaldan loo isticmaalo dawooyinka ayay isu rogaan maan-dooriye.
Sababtuna waxaa weeye qofkan sida khaldan u isticmaalay oo yeesha baahi uu aad
ugu tiirsan yahay nolol ahaan isticmaalka daawadaasi (Dependent), arintani
Qofka waxay ka dhigta qayru-caadi (Abnormal).
Dadku waxay isticmaalaan
daawo aanay garanayn. Dhinaca waxyeelada ee daawada (side effects) ama baahida
ku tiirsanaanta isticmaalkeeda ee ay keeni karto.
Mararka qaar,
maandooriyeyaashu waxay qofka ku keenaan inuu lumiyo dareenkii uu jidhkiisu ku
dareemi lahaa xannuun haya, mararka qaarna qofka isticmaalay maandooriyuhu
wuxuu noqdaa qof maahsan oo ka maqan oo nolosha runta ah ee hortaala. Noocan
maandooriyeyaasha ah ee wax ka beddela dareenka iyo hamiga qofka waxaa lagu
magacabaa (Mind altering drags), maandooriyeyaashii maskaxda beddelayay.
Maandooriyeyaashu waxay
khal-khaliyaan qaabka caadiga ah ee jidhka qofku u shaqeeyo. Saamaynta ay
maandooriyeyaashu u saameeyaan jidhka qofka, waxa qayb weyn ka qaata xaddiga
ama qaddarka daawada ah ee uu qofku cunay ama isku muday, taas oo ku xidhan
xajmiga qofka.
Waxay maantoodiyeyaashu
ku kala halisaysan yihiin qaybta jidhka ee uu maan dooriyehaasi isbeddelka ku
keenayo, sida kan wax ka beddelaya garaaca wadnaha iyo ka wax ka beddelaya
qaabka ay kaadi-haystu u shaqayso.
Xannuunkan maskaxda ee
Psychoses, waa dabeecada caadiga ah ee qofka oo uu ku yimaado isbeddel iyo
hab-dhaqan ka fog ka dadka miyirka qaba. Qofka Psychoses, wuxuu awoodi kari
waayaa inuu qabto shaqada nololeed ee maalinlaha ah isaga oo aan haysan
cudur-daar macquul ah oo u diiday hawl-qabadkaasi. Waxaa kale oo uu qofkani
joojiyaa cuntada uu qaadan jiray.
Psychoses-ka, waxaa
sababa jug ama dhibaato gaadhay maskaxda qofka oo ka timid xannuun galay
wareega dhiiga ee qofka ama buro ka baxday xubin ka mid ah jidhka qofka,
caabuq, maandooriye iyo jug ku dhacday.
Psychoses, wuxuu u kala
khatarsan yahay kolba inta ay le’eg tahay dhibta gaadhay maskaxda qofka.
Psychoses, waxaa ka mid
ah noocyada xannuunka maskaxda ee uu ka mid yahay Schizophrenia.
Schizophrenia, waa kan
ugu caansan noocyda xannuun ee Psychoses-ka, noocan xannuun ee maskaxda qofku
wuxuu rumaystaa sheekooyin nololeed oo beena, maskaxdiisuna ay malo-awaashay,
haddii arrintan runta looga sheegana bukaanka xannuunkan qabaa ma rumaysto.
Bukaankan waxaa u baxa
shanqadh iyo muuqaal aan si dhab ah loo arki karin, meeshana joogin.
Bukaanka qaba
xannuunkani, wuxuu si khaldan uga jawaabaa dareenka jira, sida isaga oo qosla,
iyada oo ay geeriyi ka jirto qoyskiisa uu ka midka yahay, lana nool yahay.
Qofkan bukaanka ah, waxaa iyana u wehelin karta xannuun kale oo isna maskaxda
ah, loona yaqaano Paranoid.
Xannuunkan Paranoid-ka
wuxuu qofku rumaysanayaa dareen ah inay dadka oo dhammi qof-qof ahaan ay isaga
u shirqoolayaan.
Waxaa kale oo uu bukaanka
Paranoid-ka qabaa rumaysanayaan inuu isagu yahay hoggaamiyaha dunida ugu weyn
ee wax hoggaamin kara. Xannuunka maskaxda ee Schizophrenia wuxuu aad ugu dhacaa
mujtamaca ay noloshoodu hoosayso ee ku nool magaalooyinka. Waxaa kale oo ay culimada
aqoonta u leh xannuunada maskaxdu ay sheegeen in cudurka Schizophrenia u yahay
mid la isugu gudbin karo dhinaca dhaxalka taranka (genetics), haddii ay qofka
ka soo shaac-baxdo dabeecadda aan ahayn kuwa caadiga ah, bulshada waxa loo
aqoonsanayaa inuu ka xannuunsanayo xagga maskaxda (Abnormal), waxaana loo kala
saaraa laba nooc oo kala ah; markuu qofku joogteeyo dabeecadaha qayru-caadiga
ah sida Hysterical iyo Antisocial.
La
soco…..
ODHAAHD AKHRISTAHA
Madaxweyne:
Shacbigu Aad Buu U Jeclaystay Jawaabihii Aad Ka Bixisay Waraysigii BBC-Da
Guud ahaan shacbigu aad ayuu u jeclaystay jawabihii aad ka
bixisay laanta Af-soomaaliga ee idaacadda BBC-da, iyada oo ay su’aalahasi ay
dhammaayeen ilaa 20 su’aalood, mid walba waxaad uga jawaabtay si kalsooni weyni
ka muuqato iyo deggenaanshiiyo iyo jawaabta oo koobnayd kuna habboonayd
su’aalihii lagu weydiiyay.
Guud ahaan ummadda reer
Somaliland meel kasta oo ay joogto gudaha iyo dibeddaba, waxaanu Eebe kaaga
rajaynaynaa inuu kuu fududeeyo hawshaas iyo xilkaas ballaadhan ee aad u qabatay
dadka reer Somaliland, waananu kugu garab taaganahay haddii aanu nahay
shacbiga.
Madaxweyne, adiga oo xilka maalmo yar hayay waxaan kugula
talin lahaa arrimahan hoos ku qoran:
Mas’uul kastaaba muddada
uu xilka hayo waxa uu jecel yahay inuu qabto waxyaalo magac uu ku helo
muddadaasi, haddaba waxa jirta madaxweyne sidaad adiguba ogtahay hawlo badan oo
wax ka qabad u baahan kuna horyaala waxaana ka mid ah;
1. waxaa
jirta maamul xumo badan oo dalka ku baahday hadday tahay dawlada dhexe iyo
dawladaha hooseba, markaa madaxweyne wixii isbeddel iyo wax ka qabad u baahan
ha ka indho qarsan ee tallaabada ku habboon ka qaad.
2. madaxweyne
dalku ma laha idaacad la wada maqlo, sidaas darteed isku day in dalka la keeno
idaacad weyn oo dalka oo dhan laga wada maqlo iyo dalalka aynu jaarka nahayba.
3. madaxweyne
marka ugu horraysa ee ay kuu suurogasho gobollada dalka ee lixda ah socdaal ku
soo wada mar, si aad xog-ogaal ugu noqotid xaqiiqada dhabta ee dalka ka jirta.
4. waxaa
jirta in qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ay u baahan yihiin isbeddel
dhinaca taliska ah sababo maamul xumo darteed, una baahan yihiin hoggaan hanan
kara shaqooyinka ciidan ee ay hayaan.
5. madaxweyne
waqti badan yayna kaaga lumin arrimaha aan muhiimka ahayn sida suldaano,
odayaal, sheekhyo iwm, waxaanad fursad weyn siisaa dadka dhalinyarada ee
aqoonyahanka ah, adigoo kala tashanaya dhinac walba sida dhaqaalaha,
siyaasadda, iyo arrimaha bulshadaba, maadaama uu dalku u baahan yahay
dib-u-dhis dhinac walba ah.
6. sidii
aad waraysigii BBC-da kaga jawaabtay madaxweyne waxaad ahmiyad siisaa fulinta
iyo hirgelinta shuruucda dalka.
Bayaan Beesha Awal-Bari
Shir ay isugu yimaadeen madax-dhaqameedyo, iyo wax-garad
badan oo ka tirsan beesha Awal-bari, kaas oo shalay oo bishu ahayd 11/5/2002 ka
dhacay Hargeysa, waxay go’aamiyeen qodobadan hoos ku qoran;
1. iyada
oo wixii hadda ka horreeyay lagu jiray tacsidii madaxweynihii hore ee
Somaliland marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxay beeshu hambalyo iyo
bogaadin u diraysaa madaxweynaha cusub Mud. Daahir Rayaale Kaahin, annaga oo
ugu hambalyaynayna xilka madaxweynenimo ee loo doortay Ilaahayna uga baryayna
inuu ku garabgalo una fududeeyo xilkaas.
2. waxay
beeshu hiil iyo hooba la garab taagan tahay oo ay si buuxda diyaar ugu tahay
inay la shaqayso madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa, iyada oo aanay waxba iska
dhimi doonin, iskana beddeli doonin mawqifkeedii hore ee ay kula shaqayn jirtay
madaxweynihii geeriyooday.
3. iyada
oo beeshu ka jawaabaysa dareemo maalmahanba jiray oo la xidhiidha xilka
madaxweyne ku xigeenka ee haatan banaan, kaas oo warbaahintana ku soo baxayay,
loona sawiray inay beesha lafteedu qaab baayactan ah ugu jirto. Waxay beeshu u
caddaynaysaa shacbiga reer Somaliland iyo golayaasha qarankaba inaanay jirin
dacaayaddaasi iyo hadallada la isla dhexmarayaa, ahayna hab-dhaqanka beeshan.
4. waxay
beeshu aaminsan tahay in hawsha buuxinta jagada madaxweyne ku xigeenku tahay
hawl dastuuri ah oo u taala madaxweynaha Somaliland, cid alla ciddii uu doonana
isagu awood u leeyahay inuu u magacaabo, iyada oo beeshuna u caloolsan ulana
shaqayn doonta sida aynu kor ku soo sheegnay cid kasta oo uu jagadaa u
magacaabo.
5. ugu
dambayntii waxay beeshu xushmaynaysaa himiladeeduna tahay jiritaanka qaranimada
Somaliland.
Xubnaha
go’aankan soo saaray:
1. Sh.
Xariir Sh. Cismaan Nuur (Shirguddoon),
2. Caaqil
Shaqalle Maxamuud Xasan,
3. Ganacsade
Xasan Aw Libaax iyo xubno kale oo badan
WAADIGA CIYAARAHA
Saleebaan
Guray
D. Beckham Oo Heshiis Cusub La Galay Manchester
|
Manchester (England – Reuters) – Kabtanka xulka England,
ayaa saxeexay heshiis cusub oo uu la galay Manchester United, kaas oo Old
Trafford uu ku sii negaan doono tan iyo dhammaadka bisha June ee 2005.
Manchester waxay xaqijisay in Beckham ku raacay heshiiska
oo muddo bilo ah la dhiraandhirinayay, sidaana waxay war-murtiyeed ay soo
saartay kooxdu inyar ka hor kulankii ugu dambeeyay tartanka sannadkan oo ay
garoonka Old Trafford kula yeelatay kooxda Charlton Athletic.
“Kooxdu marna kamay caajisin raacdada ay ugu jirtay
helitaankayga, anigu markasta waan ka warhayay in Manchester tahay ta keliya ee
aan weligay ku hamiyi jiray u ciyaariddeeda,” sidaa waxa yidhi Beckham oo ka
hadlayay xafladdii heshiiska.
Beckham wuxuu sheegay inaanu weligii ka werwer qabin
heshiiska, balse wuxuu caddeeyay inuu ka dhursugayay inta laga gaadhayo koobka
adduunka.
“Alex Ferguson, wuxuu ii caddeeyay inuu I doonayo oo aan
qayb muhiim ah kooxda ka hayo, hadalladiisaa wanaagsanina way igu fillaadeen,”
ayuu ku daray.
Kabtanka England, oo ka soo kabanaya dhaawac lugta ka
gaadhay wuxuu u dabbaaldegay heshiiskiisa, wuxuuna hadba dhinac u lugaynayay
kaalinta ay fadhiistaan ciyaartoyga kaydka ee Old Trafford.
Wararku waxay sheegayaan in heshiiska cusub ee 27-jirka kabtanka
ah lala galay yahay (90,000) kun oo gini oo toddobaadle ah, kaas oo noqonaya
qiimihii ugu sarreeyay ee lagu bixiyo kubadda cagta ee dalkaasi.
Waxaa in muddo ah si taxaddar leh u socday wadahadalka u
dhaxeeyay kooxda iyo Beckham, oo heshooskoodii hore ku dhammaanayo dhammaadka
xilli-ciyaareedka soo socda.
Madaxa gudiga fulinta kooxda Peter Kenyon, ayaa sheegay
inay ka warhayeen in heshiisku muddo dheer qaadan doono, balse ugu dambaynta
tay ku guulaysanayaan, isaga oo arrintaana ka hadlayana wuxuu yidhi; “Q of waliba waa ogyahay inay muddo dheer
nagu qaadanayso inaanu heshiis ka gaadhno wadahadalka cusub. Wadada ciyaartoy
kasta loo marayo wadahadalkiisu waa mid nooc gooniya ah.”
“Waanu rumaysanahay inaanau wada gaadhayno heshiis sidan oo
kale ah. Waxaa muhiimad leh inaanu weligayo ku fekeri jirnay in Beckham doonayo
joogista Manchester,” ayuu ku daray.
Kabtanka dhanka bidix kubadaha ka soo rogaalaa wuxuu qayb
libaax ka qaatay guulo kooxdu soo hoysay waqtiyadii hore, sidoo kale wuxuu
heegan u yahay sidii dedaal hor leh loogu geli lahaa guulo cusub oo kooxdu ku
tallaabsato waqtiyada soo socda.
Beckham wuxuu tallaabadan u xaqiijiyay tabobaraha Ferguson
iyo kooxdaba saddex cisho kadib markii ay faro madhan kala hoyatay rajadii
horyaalka, iyada oo Arsenal 1-0 ugu quus-goysay fursaddii damaceeda ka
hadhsanayd.
Tabobare Ferguson, oo ka hadlay haybadda ciyaaroygaa ayaa
ku tilmaamay haldoor kaalin mug leh ka qaata guulaha kooxdu gaadho, isaga oo
heshiiskan cusubna ku tilmaamay mid hour-kac weyn ay ku gaadhi doonaan
waqtiyada soo socda.
Beckham oo tabobarka ka bilaabay kooxda Manchester, wuxuu u
mahad-celiyay taageerayaasha kooxda, wuxuuna yidhi; “Taageerayaasha Manchester
waa qayb ka mid ah ehelkayga, waanay I taageeraan marka aan gacan-sarreeyo iyo
marka la iga gacan-sarreeyaba, tan iyo markii aan ka soo baxay Old Trafford.”
Manchester, waxay horeba heshiis ula gaadhay kabtanka Roy
Keane, oo ay muddo dheer xod-xodanayeen, iyada oo go’aankii Ferguson-na noqday
in uu sii joogo tan iyo inta uu ka fadhiisanayo ciyaaraha, kaas oo la filayo
inuu soo dhoweeyay heshiiskan cusub ee Beckham lagalay kooxda.
David Beckham, oo ka soo kabanaya dhaawac dhowaan gaadhay wuxuu kooxda qaranka u raacayaa xerada tabobarka ee Dubai, oo ay Isniinta u ambo-bixi doonto.
Dyer Iyo Gerrard Dhaawacmay Kulamadii
|
London (Reuters) – Maamulaha xulka England Sven Goran
Eriksson ayay soo food-saartay wer-wer ka dhashay dhaawac ka soo gaadhay laba
ka mid ah xulkii uu dhawaan doortay kulankii ugu dambeeyay ciyaaraha waddankaa
oo dhacay sabtidii shalay.
Ciyaartoyga kala ah Kieron Dyer oo u safta kooxda Newcastle
ayaa lugta ka cawarmay, halka uu Steven Gerrard gaadhay dhaawac aan halis
ahayni.
Dyer, oo ka mid ahaa ciyaartoygii safka hore ee uu miidhay
Eriksson, dhaawaca soo gaadhay maaha mid halis ah ama baqdin weyn ku haya
kooxda, kadib markii uu ka wiiqmay seedalayda lugta midig oo xummad badan laga
dareemayay markii ay ku habsadeen labada adin ee ciyaartoyga kooxda
Southampton, oo difaaca uga ciyaara xulka Morocco Taher El-khalej.
Ciyaartoyga ayaa garoonka laga dhex walwaalay, iyada oo
xummaddi lalinayso, halka El-khalej-na kaadhka cas la siiyay, ciyaartana
debedda laga dhigay.
Telefishanka Sky Sports, ayaa ku warramay in Dyer, caqabad
kale ku soo kordhin doono haddii uu xulka ka hadho, inkasta oo wer-wer laga
qabo maqnaanshihiisa, haddana ilaa hadda lama geyn dhakhtar caddeeya inta uu
le’eg yahay dhaawaciisu.
Sidoo kale, waxaa dhaawacmay ciyaartoygakhadka dhexe ee
Gerrard, oo beddel ku soo galay qaybtii koowaad ee kulankii shalay oo Liverpool
5-0 kaga adkaatay Ipswich, oo ay isku haleeleen garoonka Anfield.
Tabobaraha Liverpool Gerard Houllier, ayaa u sheegay Sky
Sports, in aanu halis ahayn dhaawaaca ciyaartoygu, oo uu raaci karayo xulka
waddankiisa uga qaybgelaya koobka adduunka ee dhawaan lagu qabanayo waddamada
K. Kuuriya iyo Japan.
Houllier, wuxuu sheegay inuu qaddar nasasho ah u baahan
yahay, kadibna uu ciyaari karayo.
Kooxda England, waxaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta u
duusho dalka Dubai, si ay muddo toddobaad ah halkaa ugu sii nasato, kahor
intaanay u socdaalin dalka Japan, oo ay kulanka ugu horreeyay 2da bisha June
kula yeelanayso xulka Sweden.
“Wuu tegayaa Dubai, wuuna bogsanayaa,” ayuu yidhi Gerard
Houllier.
Eriksson, oo uu doorashadii hore kaga lumay Gary Neville oo
dhaawacani wuxuu xulkii kama dambaysta ahaa magacaabay Khamiistii dhaweyd.