Madaxweyne Ku-Xigeen

Cusub Ee Somaliland Oo La Filayo

Magacaabistiisa Maanta Lagu Dhawaaqo

“Ma jiro Cid iila timi oo tidhi Xilkaas baad qabanaysaa”

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Ololaha iyo talo-badsiga Madaxweynaha ee magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland, ayaa soo gaadhay heer geba-gebo ah, iyadoo ay rag cusubi ku soo biirayaan magacyada la filayo in ay ku jiraan tartanka.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde oo guddoominayay fadhigii shalay ee Golaha, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in labada maalmood ee soo socda (maanta iyo berri), Golaha la hor keeni doono Madaxweyne Ku-xigeenka, si loogu codeeyo. Waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in labada shirguddoon ay isla soo eegi doonaan, nidaamka golayaasha baarlamaanka u raacayaan cod-qaadista Madaxweyne Ku-xigeenka la soo magacaabayo.

Dhawrkii maalmood ee u dambeeyay, waxaa si weyn magaalada dareemayay loollanka iyo ololaha Siyaasadeed ee loogu jiro cidda noqonaysa Madaxweyne Ku-xigeenka, kaas oo Golaha Baarlamaankana lug weyn ku yeeshay, iyadoo ay jiraan Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladda oo la hadal hayo in ay u sharaxan yihiin jagadda Madaxweyne Ku-xigeenka iyo mudanayaal u ololaynaya Musharraxiinta.

 

Mudane Cabdulqaadir Jirde, isagoo mudanayaasha ka waaninaya arrintaas fadhigii shalay, waxa uu si kooban u yidhi: “Laba isku heli mayno, in aynu yeelano doorashada ama ansixinta (Madaxweyne Ku-xigeenka), iyo in aynu soo xulno.” Markaa xulashada cidda leh ha loo daayo.”

Tan iyo markii laga soo jeestay Tacsidii Qaran ee Madaxweynihii hore Somaliland, bilowgii toddobaadkan oo uu ololahani xawli ku socotay, waxa la maqlay oo la isla dhexmarayay magacyada dhawr nin oo Siyaasiyiin ah in ay ku jiraan hindisaha iyo saadaasha cidda ku soo baxaysa jagadaasi.

Siyaasiga weyn ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo labadii maalmood ee shalay ka horeysay aad loo hadalhayay, si weynna la isugu raacsanaa inuu yahay Ninka ugu dhow ee Madaxweynuhu u soo magacaabayo xilkaas, ayaa rajadii laga qabay hoos u dhacday ilaa shalay.

Sida uu dhigayo dastuurka Somaliland, Madaxweynuhu wuxuu ka soo xulanayaa Madaxweyne Ku-xigeenka xubnaha Golaha baarlamaanka. Sidaas darteed, Axmed Siilaanyo oo aan xubin ka ahayn Golaha Baarlamaanka, ayaa la filayay in mudane ka tirsan aqalka Wakiiladdu uu u baneeyo kursigiisa, si uu marka hore u soo galo Golaha, kadibna Madaxweyne Ku-xigeen loogu magacaabo, laakiin taasi ma suurta-gelin ilaa shalay sida uu shirguddoonka Wakiiladdu u xaqiijiyay Haatuf.

 

“Ma jiro mudane ilaa iyo hadda is-casilaad noo soo gudbiyay.” Sidaa waxa yidhi, Mudane Cabdulqaadir Jirde oo aanu wax ka weydiinay arrintaas.

Mudane Siilaanyo oo ah, Siyaasi rugcaddaa ku ah Siyaasadda Somaliland, waxa la sheegay in xubno odayaal iyo waxgarad ahi ay u soo jeediyeen inuu xilkaa qabto, isaguna uu aqbalay. Waxase la sheegay in hindisahaas uu xagal-daaciyay olole dhinacyo kala duwan kaga yimi oo ku lid ah.

Mudane Cabdulqaadir Jirde, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda oo mar la sheegay in la soo jeediyay inuu xilkaas qabto, balse kadib la sheegay inuu uga tanaasulay Axmed Siilaanyo, ayaa shalay hadalhayntiisii si laxaad leh u soo kar celisay, isla markaana waxa lagu tilmaamay ninka ugu dhow ee jagadaasi ku guulaysanaya.

 

Dareenka iyo hadalhaynta Mudane Cabdulqaadir Jirde, waxay sii xoogeysatay kadib Shirkii Golaha Wasiiradda ee shalay oo ahaa kii u horeeyay ee uu Mudane Rayaale guddoomiyo tan iyo markii uu Madaxweyne-nimada la wareegay May 3.

Hase yeeshee, Mudane Cabdulqaadir Jirde oo fadhigii Wakiiladda ee shalay kadib, weriyayaal Haatuf ahi wax ka weydiiyeen, hadalhaynta ku saabsan in isaga loo magacaabayo Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa uu sheegay in aanay jirin cid arrintaa ula timi oo tidhi xilkaas baad qabanaysaa, aniguna maan doonan ayuu yidhi. Mudane Jirde, waxa uu intaas ku daray in marka arrintaa loolla yimaado uu wax ka odhan doono, balse aanu hadal uga furnayn inta ka horraysa.

Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda, ayaa isagana ku jira ragga carabka lagu hayo ee quuddaraynaya jagadaas.

 

Mudane Maxamuud Jaamac X. Cilmi oo isagu xubin ka ah Golaha Wakiiladda, waxa ololihiisa Madaxweyne Ku-xigeenka la dareemayay tan iyo todddobaadkii hore waxyar kadib, markii Madaxweynaha cusub la dhaariyay, ayna soo bannaanaatay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka. Maxamuud Jaamac (Dable), ololihiisii waxa uu ahaa mid xooggan intii ka horeysay shalay.

Axmed Yuusuf Ducaale, Wasiirka Waxbarashada, ayaa la sheegay laftiisu inuu hungureeyay jagadaas, hase yeeshee ololihiisu muu ahayn mid buuran, sida xubnaha kale ee la hadalhayo, waxaana la filayaa in ay caqabad ku tahay geediga uu ugu wareegayo Golaha Wakiilada.

 

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar rasmi ah oo laga bixiyay arrinta. Ragga la filayo in ay sharraxan yihiin iyo masuuliyiin kale oo aanu wax ka weydiinayna way ka gaabsadeen, iyaga oo ku riixay Madaxweynaha oo isagu soo magacaabaya Madaxweyne Ku-xigeenka. Hase yeeshee, warar ilo kala duwan oo dawladda ah aanu ka hellay waxa ay xaqiijiyeen in magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenku ay soo geba-geboobayso maanta, lagama maarmaanna ay tahay in xilkaas loo magacaabo Nin culus oo miisaan leh.

 

Hase yeeshee, gelinkii dambe ee shalay iyo ilaa xalay ayaa si weyn la isula dhexmarayay Mudane Cabdiraxmaan Baydaani oo wararku xaqiijinayaan inuu u magacaaban yahay Madaxweyne Ku-xigeenka. Baydaani oo ah ninkii u dambeeyay ee ku soo biiray Safka u taagan Jagadaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe ay socdeen, kulamadii ugu dambeeyay oo la isugu soo ururinayay aaraadda iyo aragtiyaha ku saabsan, cidda qabanaysa xilka Madaxweyne Ku-xigeenka, kuwaas oo sida warku sheegay uu Madaxweynuhu si guud iyo gaargaar ahba ula yeelanayay, xubnaha loo soo jeediyay inuu xilkaas u magacaabo, si maanta uu u soo saaro magacaabista.

 

Carruurta Madaxweynihii Geeriyooday oo Dar-Daaran u jeediyay ummadda Somaliland

“Waxaanu idiinku baaqaynaa in aad ka shaqaysaan ku dhaqanka Distoorka”

Carruurta uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Carruurta uu dhalay Madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday, ayaa ugu baaqay Shacbiga Somaliland in ay ilaashadaan Masiirka Jiritaanka Qaranimo, kuna dhaqmaan distoorka iyo shuruucda dalka. Isla markaana, waxay dawlad iyo shicibba uga mahad celiyeen qaabkii loo aasay aabahood oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid muujinayay midnimada bulshada Somaliland, waxaanay badheedhahooda kaga dhawaaqeen kulan ay goob-joog ka ahaayeen, guddigii dawladda ee qaban-qaabada aaskii Marxuum, Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Intii uu noolaa Madaxweynihii geeriyooday Marxuum, Maxamed X. Ibraahim Cigaal, siiba sannadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray dalka Somaliland, goolaftan Siyaasadeed oo xoog lahaa. Legdankaa dabeecadda u ah, xirfadda Siyaasadda ee markaa socday, wuxuu dad badan ku dhaliyay sida muuqata dareen ahaa, malaha Maxamed Ibraahim Cigaal waa hoggaamiye aad loo neceb yahay, waxa kale oo dadkaasi is-tuseen in goolaftankaa Siyaasadeed yahay mid cadaawadeed oo horseedi kara dagaal. Sidaa aawadeed, waa wax dhici kara qoyska uu ka tegayna in ay markii hore rumaysnaayeen fikirkaa la mid ah ama u dhow, marka loo eego weeraradii dhinaca warbaahinta ee lala beegsan jiray taladiisii oo ay dhegaha kala socdeen.

 

Taas ka sokow, markii u horaysay ee lagu war helay geeridiisii, waxaa iyana soo baxay dareemo dad badan walaac iyo shaki geliyay, kuwaas oo ka dayrinayay sida xaalka Somaliland noqonayo. Dareemadaasina, waxay dad badan siiyeen fasir ah in Jawiga Somaliland dhabqayo. Waa macquul in sidaas oo kale ay dareemadaasi u saamaynayeen Carruurta Marxuumkana xilligaa.

 

Hase yeeshee, dareemadaa kala dambeeyay waxay meesha ka baxeen gebi ahaanba, markii isla maalintii la maqlay geeridii Madaxweynihii horeba, xilka Madaxweyne-nimo loo dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin iyo maalintii uu Berbera ka dhacay aaskii Marxuum, Maxamed X. Ibraahim Cigaal. waxay ku noqotay sida muuqata, Caruurta Marxuumka oo kala joogtay gudaha iyo dibaddaba fajac iyo la-yaab, markii ay arkeen muuqaalkii taariikhiga ahaa ee bulshada Somaliland, shicib iyo dawladba aanay u kala hadhin ee ka dhacay Berbera. Waxay yiqiinsadeen sida aaraahdooda ka dhadhamaysa in aabahood (Illaahay ha’ u naxariistee) ahaa hogaamiye ay bulshadiisu jeclayd oo ay aad uga naxday maqalka geeridiisii. “Dadkii boqolaalka kun gaadhayay ee reer Somaliland ee midkoodna iyada oo aanay cidi soo khasbin ka qayb-galay aaskii aabahayo, waxay muujiyeen in dareen taabtay goobtii aaska keenay.” Sidaa waxa yidhi Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ah, wiilka ugu weyn saddexda wiil ee uu ka tegay Marxuumku. Cali Maxamed, wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Sidaa aawadeed, waxaanu anaguna maanta idiinku baaqaynaa in aad dareenkaa idin taabtay sii xoojisaan oo aad nabadgelyada ka shaqaysaan oo ku dhaqanka iyo u hogaansanaanta distoorka ka shaqaysaan. Anaguna, waxaanu idiin ballanqaadaynaa in aanu idinku taageerayno oo idin kula dhimanayno.”

 

Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ku hadlayay, magaca guud ee dadka uu dhalay Marxuumku ee hadda nool, kuwaas oo gaadhaya 5 qof (saddex wiil iyo laba gabdhood), oo afar ka mid ahi ay goobtaa fadhiyeen, wuxuu ku cel-celiyay mahadnaq ay u jeedinayeen bulshada reer Somaliland. Cali oo gacanta ku hayay qoraal ay wada-jir u soo saareen, isaga iyo walaaladiisa kale, waxa wejigiisa laga dareemayay shucuur iftiiminaysay yididiilo xoog leh oo gashay intuu dalka joogay ee uu ogaaday xaqiiqooyinka waayaha waddanka. Waxa kale oo dareenka war-gudbintiisa laga akhrisan karayay lexa-jeclo weyn iyo jacayl waddaninimo oo ay u hayaan bulshadooda iyo dalkoodaba.

 

“Weli Waddan yar baynu nahay, laakiin waddankani wuu dhaafay imtixaankii ugu horeeyay ee soo foodsaaray, markii aabahayo ay geeridu ku timi,” ayuu yidhi Cali, waxaanu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Markii geeridu timi, sidii dastuurka loogu shaqeeyay ee dawladii isu bedeshay  ee Madaxweyne Daahir Rayaale xilka ula wareegay, taasi waxay ina tusaysaa in distoorka Somaliland shaqaynayo, waayo Afrikaba badi kama dhacdo in hawl-yaraantaa dawladuhu isku bedelaan. Taasi, waxay caddaynaysaa wixii aabahayo u noollaa.”

 

Had iyo Goor marka uu geeriyoodo qof weyn oo Qaran, reer ama qoys ka masuul ahi aaskiisa kadib, waxaa soo baxda oo lays weydiiyaa dhaxalkii uu uga tegay qoyskiisa, reerkiisa ama Qarankiisa, haddii uu Madaxweyne ahaa sidii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo kale. Sidaas oo kale, ayaa maantana laysu weydiin karaa su’aashaa.

 

“Anaga aabahayo cid kastaaba way ogtahay intii uu Xukunka Somaliland hayay ama Soomaaliya-ba in aanu ahayn, nin maal ka dhigtay ama ka dhistay. Waayo, tii uu dhaxlay ee aabihii uga dhintayba waa kii ku khasiray Gobanimadoonkii.” Cali Maxamed, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Aabahayo inuu nolol dibadeed ku noolaado, waxaa kala qiimo weynaa inuu waddankiisa u shaqeeyo. Markaa waxaanu u caddaynaynaa dadkayaga Somaliland iyo cid kastaba in dhaxalka qudha ee uu aabahayo nooga tegay uu yahay Calanka, Distoorka iyo nidaamkaa dimoqraadiga ah ee Somaliland ku sugantay, kaas oo aanu la wadaagno walalahayaga Somaliland oo dhan.”

 

Wuxuu muujiyay Cali Maxamed in dhaxalka kale ee uu uga tegay uu yahay, kalsoonida ay shacbigooda Somaliland ka arkeen, isla markaana waxaa hadaladiisa ka dhadhamaysay in ay diidan yihiin qoys ahaan, wixii magac xumo ku keenayaa xushmada iyo qadarinta ay bulshadu ugu hayso magacii aabahood awgii. Waxa kale oo ay ku cel-celiyeen in ay ka soo horjeedaan wax alla wixii wax u dhimaya xasiloonida, jiritaanka qaranimo iyo shuruucda dalka. Xubnaha qoyska Marxuumku, waxay qoraalkooda ku sheegeen in habka dimoqraadiyaddu leeyahay Masuuliyad, taas oo ah in loo hogaansanaado sharciga. “Haddii la aqoonsan waayo sharciga, laguna dhaqmi waayo, markaa dimoqraadiyadi ma jirayso.” Ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda, waxaanay intaa raaciyeen oo ay sheegeen in si dimoqraadiyadda Somaliland u hanaqaado loo baahan yahay doodo caafimaad qaba, oo ku salaysan falsafad iyo mabaa’dii, mar kastana loo irkado dhinaca distoorka iyo xeerarka dalka u yaalla.

 

Kulankaa ay xubnaha qoyska Marxuum Maxamed I. Cigaal ka tegay ku dhiibteen, badheedhaha ay saxaafadda siiyeen oo ka dhacay Madaxtooyada, waxa fadhiyay Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Axmed Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Ibraahim Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Ifoon Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Weli X. Daa’uud Cigaal iyo laba dumar ah oo kale oo isla Caa’iladda qoyskaa ka mid ah. Guud ahaan, marka laysku soo ururiyo dhacdadaasna, xubnaha qoysku waxay ku muujiyeen in ay ka qayb-gelayaan halganka loogu jiro horumarinta dalka iyo xaqiijinta Jiritaanka Qaranimo ee Somaliland.

 

Roobab khasaare Geystay

 

 

Gabiley (Haatuf): Roobab laxaad leh oo dabaylo wata, ayaa Axadii dorraad ka da’ay deegaamada degmada Gebiley.

 

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebiley, Mr Maxamed Xasan ayaa sheegay in roobabkaasi oo dabaylo watay ay khasaare gaadhsiiyeen deegaanka Ijaara oo ay deganaayeen dad ka soo noqday xeryaha Qaxootiga ee Itoobiya, isla markaana ay halkaas ku dumiyeen guryo buulal ah oo hoy u ahaa.

Weriye Maxamed Xasan, wuxuu intaa ku daray sidoo kale in ay roobabkaasi 4 guri iyo laba dukaan oo magaalada ka tirsana ay khasaare dumin ah gaadhsiiyeen Gebiley.

 

Hargeysa iyo Hablihii Fanka

Khadra Daahir Iyo Nimco Yaasiin

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): “Dareenkayagu aad buu mabsuud u noqday, waayo waxanu la kulanay barwaaqo, dalkii oo qurux badan iyo dadkii oo walaalo ah oo gacmaha is-haysta, taasina waxay noo kordhisay yididiilo weyn.” Sidaa waxa ku tiraabay labada hablood ee Fanaaniinta ah ee reer Somaliland, waa Khadra Daahir Cige iyo Nimco Yaasiin.

 

Labadan gabdhood ee fanaaniinta ahi, waxay ka mid yihiin koox fannaaniin ah oo ka mid ah dadka ku dhaqan Cariga Ingiriiska, laakiin muddo toddobaad gaadhaysa ayay Khadra iyo Nimco, hadda ku sugnaayeen Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxayna dalka yimaadeen ayaamihii aaska Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Nimco iyo Khadra, waxa weheliya labo fannaan oo kale, kuwaas oo kala ah: Maxamed Axmed Kuluc iyo Cabdillaahi Cabdi Sabriye.

 

Wargeyska Haatuf, ayaa Khadra iyo Nimco Axadii dorraad waraysiyo dhaadheer oo la xidhiidha ujeedda imaatinkooda, waayihii ay kala kulmeen qurbaha iyo sooyaalkoodii fanned, midba gaarkeeda ula yeeshay; “Heestii u horeysay ee aan qaaday waxa hal-ku-dhegeedu ahaa ‘hayaan baa la gelayaa’, waxay ahayd hees Waddaniya, wakhtigu wuxuu ahaa 1972-kii, waxaanan markaa ahaa ardayad,” ayay tidhi Khadra, iyadoo ka waramaysa bilowgii Sooyaalkeedii faneed.

 

Khadra, iyadoo tilmaamaysa heesta ay ugu jeceshahay heesaheeda Jacaylka ah, waxay tidhi:

 

“Jacaylkaygii Boorame, waan soo baraarugayaa, ubax baal cusuuslaan ku dhex beeri doonaa.”

Khadri, waxay ka sheekaysay su’aal heestan laga weydiiyay, waxayna tidhi; “Labo Munaasibadood ayay heestani ka ahayd Jacaylkayga, kuwaas oo kala ahaa Abwaankii heesta sameeyay Maxamed Cali Kaariye oo isaga wakhtigaa jacayl rasmi ahi hayey iyo aniga laftayda oo markaa la i hayey.”

Fannaanadda Nimco Yaasiin, iyadoo tilmaamaysa heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay qaado, waxay tidhi; “Waxaan ugu jecelahay heesahayga heesta la yidhaahdo ‘Ha burburinin Wacadka’ waana heestii u horeysay ee aan ku soo baxay.”

 

Nimco Yaasiin, waxay sheegtay in ay muddo dheer si dadban fanka ugu soo jirtay, laakiin waxay tidhi; “Marka laga yimaado heeso aan meelahaa ka qaaday, Masrax aan isa soo taago iyo riwaayad aan heeso ka qaado, waxa iigu horeysay riwaayadii la odhan jiray, ‘Alif la kordhebey’, waxayna ahayd 1976-kii.”

 

Khadra, waa gabadh san-dheer oo heesaha jacaylka ah cawaandi ku ah, marka ay heesayso waxay ka reentaa laab taxawada, waxayna ka guuxdaa sanka dheer.

 

Sidoo kale, Nimco Yaasiin waa gabadh qoton-dheer oo gole joogeeda daymadu ku indho daraandarayso, waana gabadh haybad fanneed leh, luuqdeedana ay dad badani ka helaan.

“Waanu u boholyownay dalkayagii hooyo, haddana waxaanu 18-ka May kadib dalka ka dhigaynaa bandhig fanneedyo,” ayey yidhaahdeen Khadra iyo Nimco.

Miyaad rumaysan tahay Jacaylka, Mase ku soo maray? Heesaha intooda badan waxaad la qaadaa Axmed Cali Cigaal, waayo? Maxaa idiinku daran waxyaalaha ama duruufaha aad qurbaha kala kulanteen?

 

Su’aalahan iyo su’aalo kale oo xiisa badan, waxay Khadra iyo Nimco kaga jawaabayaan Waraysiyada uu Wargeysku la yeeshay, waxaanuna waraysiyadaa mid walba goonidiisa idiinku soo daabici doonaa Cadadyada dambe, iyadoo aad kala socon doontaan Barnaamijka Toddobaadlaha ah ee la yidhaahdo Badweynta Fanka oo Wargeyska ku soo baxa toddobaadkasta maalinta Salaasadda toddobaadkan mooyee.

La soco……….

 

Golaha Wasiirada Iyo Kulankii Shalay

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay guddoomiyay Shirkii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiiraddu ay isugu yimaadaana, tan iyo intii ka dambaysay geeridi Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, jagada Madaxtinimadana uu la wareegay Daahir Rayaale Kaahin.

 

Madaxweynuhu, waxa uu kulankaasi Golaha Wasiiradda ku guubaabiyay in ay dardar geliyaan hawlaha ay Qaranka u hayaan, mar haddii la soo geba-gebeeyay Tacsidii Madaxweynihii geeriyooday, isaga oo uga digay in ay is-dhigtaan; “Mar haddii aynu ahayn ragii la shaqaynayay Marxuumkii, lagana faraxashay Tacsidii waa in aynaan u muuqan rag seexday ee waa in nin waliba barnaamij-hawleedkiisa uu laba jibaaraa, hawshana lagu wada wada-jir (Team work),” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Sida uu ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyaddu Cabdi Idiris Ducaale, guubaabadaa Madaxweynaha kadib, shirkii wuxuu guda-galay xog is-weydaarsi guud ahaan dalka ku saabsan, iyada oo ay xubno ka tirsan Wasiiraddu warbixin ka soo jeediyeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Cumar Cige, ayaa ka waramay soo gelidii Jaamac Cali Jaamac ee Gobolka Sool, isaga oo cadeeyay in Jaamac Cali Jaamac iyo nimankii la socday ay maalintii Axaddii u safreen dalka Djabuuti iyo qaabkii hawshaa lagu fuliyayba.

 

Wasiirka Caafimaadka, ayaa isna sheegay in hay’adda Caafimaadka WHO ay noqotay Hay’adii ugu horreysay ee xafiiskeedii Nayroobi u soo raraysa Hargeysa. Waxaa kale oo uu ka waramay, hawl-galo ay Gobolada dalka oo dhan ugaga diyaar garoobeen, xilliga roobabka.

Waxaa kale oo uu Golaha Wasiiradda ogolaaday, Siyaasadda hab-dhaqanka biyaha dalka oo uu guddi hore ugu saaray.

 

Geba-gebadii Kulankaana, waxa uu Madaxweynuhu guddi u magacaabay qaban-qaabada xuska 18-ka May ee foodda inagu soo haysa, kuwaas oo kala ah; Wasiiradda Arrrimaha Gudaha, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Madaxtooyadda iyo Duqa Caasimadda Hargeysa, isaga oo Madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada inuu dhakhso u muuqdo in laga soo baraarugay gagabkii geeridii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Duqa Burco Oo Dhisay Guddi Ka Arrimisa Horumarinta Burco

 

 

 

Burco (Haatuf): Duqa magaalada Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay daboolka ka qaaday dhismaha guddi 21 xubnood ah oo uu ugu tala-galay in ay ka qayb-qaataan dhismaha iyo horumarinta magaalada Burco.

 

Duqu, waxa uu hindisahan ku soo bandhigay Shir ballaadhan oo uu shalay Hoteel Nageeye ee magaalada Burco ugu qabtay aqoonyahano, ganacsato, waxgarad iyo masuuliyiin reer Burco ah.

Guddigaas oo uu ugu yeedhay “Guddiga Horumarinta Deegaanka,” waxa guddoomiye u noqonaya Maayorka, waxana uu sheegay in guddigu uu wax ka qaban doono adeegyada bulshada, sida; Caafimaadka, Waxbarashada iyo nabadgelyada.

 

Maxamed Cali, waxa uu sheegay guddigu marka ay helaan xafiis ay ka hawl-galan in tallaabada ugu horeysa ee ay qaadi doonaan noqonayso Mashruuc lagu xakamaynayo hubka yaryar oo ay maal-gelinayso hay’adda SCPP – UNDP. Waxa ugu xigi doona ayuu yidhi Maayorku, mashaariic kale oo ay ka mid yihiin; Iskuul Caafimaad oo ay maal-gelinayso hay’adda USAID, dhulkii laga dhisi lahaana ay bixisay dawladda hoose, xarun dadka waalan lagu xanaaneeyo oo dulkii lagu dhisi lahaa la hayo, balse maal-gelintiisa laga rabo dadka reer Burco, iyo jeel gaar ah oo loo samaynayo Carruurta dembiyada gasha, kaas oo uu sheegay in kharashkiisa ay bixinayso hay’adda UNDP.

 

Waxa kale oo uu sheegay Maayarku, in mashruuca ugu dambeeya ee guddigu uu noqon doono, qorshaynta magaalada, sida; waddooyinka iyo bilicaynta.

 

Maayorka iyo 21-ka xubnood oo uu sheegay in ay yihiin Mutadawaciin, waxa ay kulankooda u horreeya u ballameen Khamiista soo socota, iyada oo uu Maayarku sheegay in guddigu ay si ku-meel-gaadh ah ugu shaqayn doonaan xafiiskiisa, ilaa inta ay xafiis helayaan.

 

 

Guddiga Diiwaan-Gelinta Axsaabta Oo Ka Hadlay Kordhintii Muddada Diiwaan-Gelinta

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Guddida Diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda ee ka qayb-galaya tartanka doorashooyinka Madaxtinimada dalka, ayaa cadeeyay in saddex maalmood oo keli ah ka hadhay muddadii loo qabtay in ay isku diiwaan-geliyaan ururada Siyaasaddu.

Sidaa waxa lagu sheegay Shir-jaraa’id oo guddidu Axadii doraad ku qabatay Xafiiskooda oo ku yaal Kaamboolka xarunta shaqaalaha dawladda ee Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Guddida diiwaan-geinta ururada iyo ansixinta Axsaabta Siyaasadda Mr. Guun oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa tilmaamay in muddadii dambe ee lagu kordhiyay in ay isku diiwaan-geliyaan ururadii aan fursadda u helinin is-diiwaan-gelintii hore, hase yeeshee ilaa iyo hadda aanay jirin ururo cusub oo is-diiwaan-geliyay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wakhtigii la kordhiyay uu gabaabsi yahay oo ay saddex maalmood oo keli ahi ka hadhsan tahay, sidaa darteed wuxuu ku baaqay in ay wakhtiga u dhiman ka faa’iidaystaan cidkasta oo dani ka hayso tartanka doorashooyinka dalka.

“Muddadii diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda loo kordhiyay, waxaa ka hadhsan afar maalmood, markaa cidii hunguri kaga jiraa waa in ay muddadaa isku diiwaan-gelisaa.” Sidaa waxa yidhi Mr. Guun.

Guddida diiwaan-gelinta ururada iyo ansixinta axsaabta Siyaasadda oo la ansixiyay horraantii sannadkii dhammaaday ee 2001, waxay hawshooda si rasmi ah u bilaabeen badhtamihii isla sannadka. 21 July 2001, ayay bilaabeen hawsha diiwaan-gelinta ururada oo soconaysay muddo laba bilood ah oo ku ekeyd 21 September 2001.

 

Guddiga, waxa u suurto gashay in ay muddadaa labada ku diiwaan-geliyaan toddoba urur-siyaasadeed oo kala ah: ururka dawladda ee UDUB iyo lix urur-mucaarid oo iyana kala ah; SAHAN, HORMOOD, UCID, BIRSOL, UMAD iyo ILAYS.

Dhinaca kalena, Xoghayaha guddigaa Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere), ayaa isna shirkaa Jaraa’id ka sheegay in ay muddo 10 bilood ku dhow ku hawlanaayeen diiwaan-gelinta ururada iyo u dhabo-galka ay ku hubinayaan siday ururadasi u guteen hawl-qabadkii looga baahnaa in ay fuliyaan.

“Muddo 10 bilood ah, ayaa laga joogaa markii aanu furnay diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda ku loolami doono,” ayuu yidhi Mr. Sandheere.

 

Muddada kama-dambaysta ah ee loogu talo-galay in lagu soo afjaro hawsha ururada Siyaasadda oo ahayd saddex bilood, kuna ekayd 25 December 2001, ayaa dib loo dhigay kadbi markii ay qabyowday hawshii dhamaystirka, taasina waxay keentay in dib loo dhigo guud ahaanba, tartankii doorashada dalka oo qaybtii ugu horeysay bilaabmaysay dhammaadkii sannadkii 2001. sidaa darteed, Golaha Guurtida ayaa muddo sannad ah xilka u kordhiyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka, iyada oo Guurtidu isla wakhtigaa ku talisay in dib loo furo diiwaan-gelinta ururada. Ugu dambayntiina, waxay Golaha sharci-dejintu isla qaateen in laba bilood oo kale, dib loogu kordhiyo wakhtiga is-diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda, muddadaasina waxay ku ekayd 18 bisha March – 17 May 2002.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

 

Xulashada Rayaale, Ma Afar Wasiir Bay Qancin, Mise Bulshada?

 

 

 

 

Toddobaad Tacsi iyo tallaabo si wanaagsan loo qaaday oo la isugu tahniyadeeyay kadib, ayaa Somaliland waxay gashay Toddobaad kale oo jahawareer iyo warwar leh, taas oo mugdi gelin karta rajadii ka dhalatay qaabkii loo waajahay dalka, kadib geeridii Madaxweynihii Somaliland.

 

Toddobaadkaasi, wuxuu ahaa intii Madaxweynaha cusub laga sugayay inuu magacaabo Madaxweyne Ku-xigeenka oo uu dastuurku ku waajibanayo inuu isagu ka soo xusho Baarlamaanka, kadibna laba gole ansixiyaan. Laakiin, laguma simin, waxa cirka isku shareeray olole iyo tartan loogu jiro jagadaas. Waxa noqday gufaacooyin hirba hir soo kiciyay, magacyada Siyaasiyiin caynba-cayn ah iyo rag mansabyo leh oo la is-barbar eryayo, waxaana dadka ku adkaaday in ay ka bogtaan ama ay suntadaan qofka ay Masiirkooda u doorbidayaan, degdegga iyo xawliga ay arrimuhu isku rog-rogayaan awgeed.

 

Sheekadu waxay hadda soo gaadhay gebo-gebo, iyadoo ay weli arrintu tahay gacan uur ku jirta oo aan Madaxweynaha cidi la ogeyn qofka uu soo wado, laakiin ay dadku ku jaho-wareereen, kana calool waydsan yihiin, ashkhaasta hadba-haad kicida ah ee ay dabayshu magacyadooda ka soo qaadayso dhinaca daarta cad.

 

Dadka arrintan ka wer-wersani, waxay aad u danaynayaan in qofka xilka ku wehelinaya Madaxweyne Rayaale uu noqdo, shakhsiyad miisaan iyo khibrad Siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, kaas oo Rayaale la tabantaabin kara xilka culus, kuna cusub ee loo dhaariyay, dalkana kala saari kara marxaladda kala-guurka ah ee dalku saaran yahay doonta ka tallaabaysa buundadda ruxmaysa, isla markaana waxa dad badani aaminsan yihiin in xulashada ku-xigeenkiisa ee wakhtigan xaadirka ah, waxa uu ku xidhan yahay guushiisa iyo guul-daradiisa hoggaamineed.

 

Waxa durba la yiqiinsaday in Madaxweyne Rayaale uu taagan yahay is-goyskii uu hogaamiyihii Masar, Anwar Al-saadaat ragganimadiisa iskaga baraxay, caqabadihii iyo qodxihii uu la dhaxlay kursiga, taas oo aan shaki ku jirin inuu Mudane Rayaale dhaxlay duruuf taa u midab eg.

 

Tusaale ahaan 1970-kii, markii uu geeriyooday hoggaamiyihii Masaarida Jamaal Cabdinaasir ee uu talada la wareegay Alnwaral saadaat oo Madaxweyne Ku-xigeen u ahaa Jamaal, waxa uu far kala bixi waayay kudlado qo-qobtay awood badan oo ka hoos dhisnay Jamaal Cabdinaasir, kooxahaas oo loo yiqiinay (Power centers), isla markaana awoodda badankeeda ka haystay Jamaal laftiisa. Raggaas oo ay ka mid ahaayeen, Cali Sabiil oo ra’iisal-wasaare ka ahaa dawladdii ka dambaysay Jamaal, Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumaddii Jamaal oo la odhan jiray Shacraawi Jumca oo lagu naanaysi jiray Wasiir aan dhicin, waxa kale oo raggaa ka mid ahaa Xoghayihii Madaxtooyadda ee Xukuumaddii Jamaal, waxayna raggaasi aasteen xididdo iyo jirido adag oo ku binaysnaa musuqmaasuq maamul, awoodeed iyo dhaqaale, taas oo ay laamo iyo faracyo ku yeesheen godod dawladda dhexdeeda ah iyo bulshadaba, gaar ahaan kooxaha ganacsatada ah.

 

Sidoo kale, waxay awood u yeesheen in ay gaadhi karaan go’aamo iyo awoodo fullineed oo haddii uu doono aanu Madaxweyne Jamaal, waxbaba ka ogeyn. Kala qo-qobnaanta awoodeedna, waxay sababtay dagaalkii lixda maalmood socday ee ay Israa’iil dhulka badan kaga qabsatay dunida Carabta, bishii Juun 1967-kii. Hase yeeshee, Maamulkii dhaxalka ahaa markii uu Saadaat baadh u bixi waayey ee uu ku jaha-wareeray ayuu 1971-kii qaaday olole la magac baxay (ololihii safaynta qo-qobnaanta awoodda) ee ka hoos dhisnaa Taliskiisa, wuxuuna cagta mariyay dhammaan awoodihii guntanaa, taas oo uu ragii awoodda ku mamay ee far kala bixi waayay ka dhigay, wax uu xidho iyo wax firxadda.

 

Sidoo kale, iyadoo sannadihii u dambeeyay ee Maamulka Madaxweynihii geeriyooday la dareemayay in ay ka hoos unkameen, kudlado isku xidhan oo awood badan xuurtaystay, kuwaas oo awoodahooda ku urursada beelnimo, musuqmaasuq iyo dhaqaale ayaa hadda maalmahan u dambeeyay, waxa la aaminsan yahay in ay awoodaha Xukuumadda uu Rayaale dhaxlay ka hoos dhisani ay door weyn oo firfircoon ku leeyihiin, ololaha lagu jaha-wareeray ee loogu jiro soo saarista Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka, si ay u helaan gabood ama dallad ay ku ilaashadaan danahooda kooxeed iyo awoodahooda qarsoon, waxayna danahaasi ka dhexeeyaan kooxo ganacsato ah iyo masuuliyiin leh awood dilaalnimo oo ay ku shuraakoobeen. Raggaas oo ay badidoodu yihiin nimanka Rayaale ku xeeran, waxa la rumaysan yahay in ay saamayn weyn ku leeyihiin talada xulashadiisa Madaxweyne Ku-xigeenka ee baahday. Rajo badan iyo kalsooni laga qabi karo in ay talo nasteex u ah danaha Qaranka iyo waaqica lagu jiro in ay siiyaan hogaamiyaha cusub, iyagoo taa ka door bidaya halka ay maslaxadoodu ku jirto, kuna dedaalaya in ay meesha keenaan Madaxweyne Ku-xigeen ay ka nafaqayn karaan awoodahooda daneed.

 

Sidaa darteed Madaxweyne Rayaale oo looga fadhiyo, fullinta masuuliyad  culus iyo is-taraajiyad Siyaasadeed oo u cuntanta dadweynaha reer Somaliland ee uu hogaamiyaha cusub u yahay, waxa la gudboon talo-badsi dhinaca nasteexa ummadda u janjeedha iyo inuu ka fogaado laab-la-kac iyo habrasho meel daran ka tuurta oo aanu ku degdegin magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka.

Sidoo kale, waa inuu tixgelin weyn siiyaa, lana tashadaa dhinacyo kala duwan, haddii ay tahay dhinacyada Siyaasadeed muhimka ah iyo haddii ay tahay dadka waxgaradka ah ee ka soo jeedda mujtamaca caadiga ah ee aan ku milmin Sawaxanka Siyaasadeed iyo awoodda maamul midnaba.

Ugu dambayn Mudane Rayaale, waa inuu maskaxda ku hayaa in ay surma-seegtadiisa koowaad ama asiibidiisa koowaad ay hadhow dhali doonto khaatumadiisa dambe, taas oo ku xidhnaan doonta talada uu hadda ku aftaxo hogaankiisa cusub.

 

Hadal dhammaan Mudane Rayaale, xulashadiisa Madaxweyne Ku-xigeenku Ma waxay noqon doontaa mid raali-gelisa afar Wasiir, mise waxay raali-gelin doontaa dadka intiisa badan?

 

Shirkadda TELESOM Oo Kaadhadh Cusub Ku Soo Kordhisay Qalabkeeda

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Shirkadda is-gaadhsiinta TELESOM, oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee is-gaadhsiinta ayaa qalabkeeda war-is-gaadhsiinta ku soo kordhisay kaadhadh cusub oo casri ah (Prepaid Cards), oo dalkeena ku cusub, kaas oo gudaha iyo dibeddaba si fudud loogu isticmaali karayo, iyada oo la gashanayo Mobile-ka iyo madaxyada Land-line-kaba.

Xaflad ballaadhan oo lagu xusayay keenista kaadhadhkan cusub, ayna soo qaban-qaabisay shirkadda TELESOM, ayaa maalintii Axaddii ee dorraad lagu qabtay Hotelka Araweelo ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta TELESOM, madax ka tirsan dawladda, ganacsato iyo martisharaf kale oo badan.

 

Ugu horrayn waxa xafladdaasi ka hadlay madaxa qaybta shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda TELESOM Maxamed Xasan Cabdillaahi oo ku hadlayay magaca maamulka shirkadda, waxaanu si faah-faahsan uga warramay ahmiyadda ay kaadhadhkani u leeyihiin bulshada oo uu sheegay inay kaga raysanayaan tegista goobaha telefoonada laga dirto, iyaga oo marka ay kaadhadhka iibsadaan kaga hadli karaya guryahooda ama Mobile-ka ay haystaan.

 

Isaga oo intaa ku daray inuu qorshuhu ahaa in kaadhadhkan mar hore la keeno, balse ay dib u dhigtay dhibaatadii soo gaadhay shirkadda BARAKAAT, oo ay markii hore la midaysnaayeen, balse markii ay gaar isku taageen ay haatan keeneen. Waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay habka loo isticmaalayo kaadhadhkan, isaga oo sheegay inuu qiimahoodu yahay marka gudaha lagula hadlayo $0.05, marka dibedda lagula hadlayana uu yahay qiimaha caadiga ah ee halka minute oo ah $1 dollar.

Mar uu ka hadlayay marxaladihii ay shirkadda TELESOM soo martay iyo waxyaabihii ay ku soo kordhisay war-is-gaadhsiinta, waxa uu yidhi; “Tan iyo markii ay hawlgashay shirkaddu waxa aanu war-is-gaadhsiinta ku soo kordhinay waxyaabo cusub oo horumar keenay horena aan u jirin, kuwaas oo ay ka mid yihiin annaga oo ahayn shirkaddii ugu horraysay ee dalka keenta telefoonada Mobillada, waxa kale oo aanu ugu horraynay keenista qalabka Internet-ka, kuwaas oo waxtar weyn u yeeshay bulshadeena, haatana waanagan keenay kaadhadhkan cusub, waananu sii wadaynaa horumarinta war-is-gaadhsiinta,” ayuu yidhi Maxamed Xasan.

 

Isaga oo intaa ku daray inay shirkaddu ka hawlgashay inta badan gobollada dalka Boorama ilaa Burco, inta hadhayna ay dhakhso uga hawgalayaan, gaar ahaan Laas-caanood oo ay hawsheedii gacanta ku hayaan.

Waxa kale oo xafladdaasi khudbado ka soo jeediyay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta, iyaga oo ka warramay ahmiyadda war-is-gaadhsiintu u leedahay dalka iyo kaalinta hormoodnimo ee shirkadda TELESOM ay kaga jirto.

Gebogebadiina waxa ka qayb-galayaashii xafladda loogu qaybiyay kaadhadhka cusub si ay u tijaabiyaan.

 

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

 

Sababaha Caawiya Nabaad-Guurka Carrada

 

Arrinta ugu weyn ee taageerta nabaad-guurka carrada san ee ay ka baxdo dhirta iyo daaqa faa’iidooyinka badan u leh degaanku waxay tahay, kolba quwada uu leeyahay roobka ku da’ay carradaa.

 

Arrinta labaad ee ka mid ah sababaha carrada nabaad-guuriyaa, waa kolba qaabka uu u samaysan yahay dhulkaasi ee uu jooggiisu u shuban yahay (slope of land surface).

Arrinta saddexaadi waxay tahay kolba nooca dhirta ah ee ka baxa degaankaas.

 

Arrinta afraad ee khusaysa nabaad-guurka carradu waxay tahay nooca ciida iyo heerka nafaqada ee ay ciidaasi leedahay, tan shanaadi waxay tahay kolba farsamada wax-beeris ama dhireyneed ee muddo lagu isticmaalayay ciidaas xawliga iyo quwada roobka ee ka da’day dhul ciidiisu ayna lahayn dhir iyo ris kale oo ay cuskato dhibicda roobku, waxaa ku dhaca inuu roobku sameeyo daad ku socda xawli leh awood uu ku qaado lakabka sare ee ciida oo ah halka ay dhirtu ku biqisho kuna korto.

Macluumaad qiyaasa oo lagu sameeyay dhul bannaan oo aan dhir lahayn, roobna ku da’ay muddo ka badan (3) saddex sannadood, ayaa waxaa soo baxday in uu nabaad-guurku qaaday carro dhan 880 tons Hektar wal oo ka mid ah dhulkaas (one hecter=10,000m2).

 

Guud ahaan nabaad-guurka carrada ee ay dhibicda roobku sababtaa wuxuu aad ugu badan yahay dhulalka cimiladoodu marna dhulku rayska leeyahay marna ay carradu qallalan tahay.

Arrintani waxay keentaa in carradu xilli bixiso doog, xillina ay ka kacdo bus iyo boodh sida degaanka Somaliland oo kale.

Degaanada leh cimiladan aynu xusnay waxaa dhacda marka ay ku da’aan roobabka Gu’ga ee ugu horreeyaa dhulkii oo qallalan, waxaa dhaca fursadaha ugu waaweyn ee uu nabaad-guurku ku dhaco.

Nabaad-guurku wuxu aad u saameeyaa dhulka aadka ay xooluhu uga xaalufiyeen daaqa, dhulka la gubay daaqa iyo dhirta iyo dhul-beereed laga dhammeeyay rista iyo geedaha ee la carro-rogay si dhulka loogu diyaariyo in la beero.

 

Waxaa iyana nabaad-guur carro dhalin kara roobabka duufaanada wata.

Marka uu kordho dhererka biyo-shubka uu dhulku leeyahay waxaa korodha fursadda nabaad-guurka ku dhacaya ciidaa ee ay keenayaan socodka daadka ka dhasha roobabka da’a.

Meelba meesha ay ka siman tahay ee dhulka way uga nugushahay waxyeelada nabaad-guurka, haddii ay jireen moosas, dhir, dhagax iyo waxyaalo kale o hakin kara socodka biyaha, waxaa dhacda in biyuhu ay helaan fursad ay ciidu ku nuugto.

Arrintan oo yaraysa waxyeelada nabaad-guur ee biyaha socdaa ay keeni lahaayeen.

Arrinta ugu macnaha weyn ee khusaysan nabaad-guurku waxa ay tahay kolba sida geedaha, rista iyo doogu ay uga dul baxeen ciida dhulkaas, carrada oo la nafaqeeyo oo yeelata qaab ay biyuhu si fudud u dhexgeli karaan ayaa iyana yarayn karta nabaad-guurka.

 

Nooca ciida, ayaa ah iyana arrin si weyn u sameysa kolba sida uu nabaad-guurku u saameynayo carrada degaankaas, iyada oo la eegayo qaabka ciida, awooda biyo keydsiga ciida, nafaqada ciida, qotada hoose ee ciida iyo macdanaha ay caradaasi ka kooban tahay.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA
Madaxweyne Cugashada M/Xigeenka Ku Beeg Habeenka Mowliidka Nebiga

 

Mudane madaxweyne xilka laguu dhiibay Alle ha kula qabto, naxariis iyo raxmada Eebeheen ha ku nageeyo madaxweyneheenii hore, sidii shacbiga Somaliland yar iyo weyn uga qaybgaleen aaskiisiina Ilaahay cawad-naq taam ah haynaga siiyo.

 

Madaxweyne, waxaan si xushmad iyo qadarin mudan kaaga codsanayaa inaad cugashada madaxweyne ku xigeenka aad ku beegto habeenka Mawlata-nebiga (NNK), oo ku beegan 22,23, May, 2002.

Cali Cumar Xasan Guuleed.

………………………………………………………………………………………….

Yaan La Jebin Distoorka

 

Waxaanu la hadlaynaa labada gole ee kala ah Guurtida iyo Baarlamaanka, waxaanu leenahay distoorkii dadweynaha reer Somaliland ay u codeeyeen 97%, waxaanu leenahay yaan la garab marin, hala ilaaliyo idinkoo ogaa sidii uu inoo kala hagay. Kuwa meelahaa ka buuqaya ee kolba nin u tagaya ee buuqa samaynaya yaan la raacin, maadaama oo danta Somaliland, jiritaanka Somaliland ay ku jirto distoorka.

 

Markaa waxaanu leenahay distoorka haddii la garab maro jariimad weyn baa laga gelayaa dadka iyo dalka Somaliland, oo Ilaahay nina kaga tagaynin.

Maxamed Xuseen Cige iyo

Xuseen Xasan.

....................................................................................................................

 

Dulqaad Aan Dalkayga Ku Waayaa Waa Doqoniimo

 

Anigoo ah Dr Omar Dihod waxa aan dhamaan u sheegayaa dadka reer Somaliland in aanan jeclaysan waraysigii uu bixiyay 10kii bisha May Jaamac Cali Jaamac markii uu waraysanayay waraiyaha BBCda Yuusuf Garad oo uu wax ka waydiiyay dagaalka Boosaaso lagaga qabsaday isaga oo uu ka qabsaday Col. C/laahi Yuusuf  oo uu ugu jawaabay “waxaan joogaa gobal ka mida shanta gobal ee Puntland oo ah gobalka Sool caasimadiisa Laascaanood.” hadalkaas oo aanu wariyaha  BBCdu wax kasii waydiin sidii wax laqaba oo kalena uu u dhaafay, su’aashii ka bananayd   oo ahayd: miyaanay ahayn Sool gobal ka mida Somaliland, taas oo uu u ilduufay amaba uu u kasay sidii wax ku raacsana u ahaa Puntland-taba in laascaanood ka tirsan tahay. Waxaan shacbiga somaliland u sheegayaa in ay ku toosan Iidhehda laanta af Soomaaliga ee BBCda oo cadaysataytay in ay xayaysiin u  sameeyaan maamul gobaleedka Puntland  oo aanay weli noo sheegin xadkiisa weli halka uu yahay.

 

Markad ruux magaciisa maqashid  amaba aad xasuusatid waxaad markiiba xasuusataa suurada qofkaas dhererkiisa, qaabkiisa iyo nooca uu qofkaasi ahaa. Hadaba hadii aan xadka Somaliland la sugin aqoonsiga Somaliland halis ayuu ku jiraaye hala ogaado. Wax gorgortan gali karana maha xuduuda  JSL, hadii kale Jiboutina bari ayay Saylac iska soo geli oo ay odhaan dad anaga ah ayaa dega, waxaan leeyahay arrinta hore  ayaynu uga seexanay imikana waa in si degdeg ah wax looga qabtaa, iydoo la tix-galinayo niyada dadka reer Somaliland iyo qaranimada wadanka .

Awr baarqab ah ayaan ogolayn in geelisa uu soo dhex galo Awr kale marka uu qooqanyahay, hadii uu soo dhexgalana waxa loo yaqaanaa fulay, aan laba xiniiyoodle ahayn, anigu se dibida ma aqaan.

Waxa is waydiin leh caruurta dalka maxaa lagu ababin doonaa oo loogu sheegi doonaa wadaniyadu waxay tahay iyo halka ay xudduuda wadankoodu yahay marka ay iskuulada dhiganayaan, maxaase askarta iyo sarkaalka lagu dhaarin doonaa?

 

Waxay ahayd in mar horeba ay dadka iyo dowlada Somaliland uga dacwoodaan (BBC-da)  wasaarada Arimaha Dibada ee Ingiriiska, iyo ninka xukuma   Afrika iyo bariga dhexe, madaama magacaas ay sheeganayaan Puntland aanu ka baxsanayn xuduuda Somaliland, hadii kale ay BBCdu  raaciso maamulkaas oo sheeganaya gobolo ay Somaliland leedahay, sida ay inaba inoo yidhaahdaan isku magacowday.     Anigu waxaan qabaa siyaasi ku sheega marka la yidhaahdo xadka hala tago odhanaaya beelaynu nahaye maxaa laga doonayaa  isaguna Jaamac buula mid yahay.

 

Waxaan leeyahay dadka reer  Somaliland dawlada iyo barlamaankuba ha u direen <petition>ay kusaxeexanyihiin madaxa BBCda ee  Africa iyo bariga dhexe  waayo haddii ay sii waddaan waxay khatar kutahay jiritaanka Somaliland waad ogtihiin Ethiopia iyo Ereteriya waxay isku laayeen tuulo yar waxaana ku dhintay dadka badan 200;000  laba boqol oo kun wadan walbaana wuxuu u dagaalamaayay si uu qarannimadiisa iyo sharaftiisa u ilaashado “nin diblamaasi ah oo aan  dhawaan la shekaytay waxa uu igu yidhi waanu ognayn in Somaliland meelo badan oo ka mid ah ay nabadi ka jirto laakiin Sool xaggee laga xukumaa? Nin hore oo ahaa ragga xigmada leh yaa yidhi:

“maska sankayga  maray maan diidin  ee waxaan diiday in sankaygu wado halaq mareena noqdo. Hadaba imika waxaan ka baqayaa in Somaliland cidwalba iska soo gasho. Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa dulqaadasho aan dalkayga ku waayo waa doqoniimo.

Dr Omar Dixood Addis Ababa.

Ethiopia.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

 

Real Iyo Leverkusen Midkee Calafsan Doona Koobka Yurub

 

Glasgow (Reuters) – Real Madrid, waxay ku soo laabatay halkii ay ku hanatay koobkeedii ugu fiicnaa ee weligeed, waxayna 15 May kulankii kamadambaysta aha ku la yeelanaysaa Bayer Leverkusen, oo raadinaysa fursaddi ay taariikhda dunida ku geli lahayd.

Real Madrid, waxay isu diyaarinaysaa inay tartanka ku guulaysato markii saddexaad muddo shan sannadood ah, kadib markii ay ciyaartii dhammaadka kaga adkaatay Juventus 1998, iyada oo laba sannadood kadibna Valencia ka maroorsatay horyaalkii siddeedaad ee ay qaadato.

Garoonka Glasgow Hampden Park, waxay ku leedahay taariikh weyn, kadib markii ay sannadkii 1960, markii shanaad ku hanatay koobkaas oo ciyaartii kamadambaysta ahayd 7-3 ku dhirbaaxday kooxda Jarmalka ah ee Eintracht Frankfurt.

 

Waqtigan Real waa ka warhaysa in muddo dheeri ka soo wareegtay guushaas oo ay laf-dhabar u ahaayeen Alfredo de Stefano iyo Ferenc Puskas, oo dhaliyay dhammaanba toddobadii gool ee kamadambaysta.

Haddaba ciyaartoyga kala ah Zinedine Zidane, Luis Figo, Raul, Roberto Carlos iyo Fernando Hierro, ayaa ah kuwo dhammanatood leh awood xad-dhaaf ah oo kubadda cagta ah, waxaana laga sugayaa horumar, kaas oo bal dadku daawan doonaan waxay sameeyaan kulanka Arbacada.

“Taasi way rumoobaysaa haddii aanu koobka Yurub markale ku guulaysano waxay nasiinaysaa rikoodh wanaagsan oo muddo kooban gudahood ah,” sidaa waxa yidhi ciyaaryahanka Ivan Helguera oo isu diyaarinaya kulankaa.

 

“Markale ayaa laga sheekayn doonaa Real siday u hadhaysay Yurub. Haddii aanu guulaysano Arbacada dadkuna mudo dheer ayay hadalhayn doonaan kooxda,” ayuu ku daray.

Waxa jirta niyad xumi sannadkan kooxdu kala kulantay koobka dalka (kings cup) iyo horyaalka Isbaanishka oo labadaba laga qaaday, laakiin ciyaartoygu waxay qabaan kalsooni, waxayna filayaan inay guul ku sagootiyaan xilli-ciyaareedkan dhammaanaya.

“Niyaddaydu aad iyo aad ayay u fiican tahay, mana noqonayso mid ku caawinaysa in Leverkusen fursad u hesho kulankaa. Waanu ognahay oo diirada ayaanu ku haynaa, waanuna ka dheregsanahay inay koox wanaagsan tahay, ayna leedahay ciyaartoy deg-deg badan oo wax-qabadkooda laga warhayo,” sidaa waxa yidhi Guti oo xaga hore uga ciyaara Real Madrid.

 

Tabobaraha Real Madrid, werwerka keliya ee uu qabaa waa dhaawaca Claude Makelele, oo seegay tabobarkii toddobaadkan markii muruqu booday. Flavio Conceicao, ayaa lagu wadaa inuu ku beddeli doono haddi uu ka quusto inuu bogsanayo.

Dhinaca kale, Bayer Leverkusen, oo u muuqata inay ugu dhammaatay kaalinta labaad, kadib markii ay horyaalkii u hibaysay Borusia Dortmund, isla markaana ay khasaarowday 4-2 oo ay Schalk4 kaga adkaatay kulankii kamadambaysta ee koobka Jarmalka oo ay Sabtidii wada ciyaareen.

B.Leverkusen, waxay dib ugu yeedhatay ciyaartoygeeda Thomas Brdaric, kadib markii ay caddaatay inuu fayo qabo.

 

Kulanka Arbacadu wuxuu u muqdaa inuu yahay kii ugu dambeeyay ee ay kooxda u saftaan ciyaaryahanka caalamiga ah ee khadka dhexe uga ciyaara Jarmalka Michael Ballack iyo difaaca habeen-dhaladka reer Brazil ee Lucio. Ballack wuxuu u beddelnayaa Bayern Munich sannadka dambe, halka Lucio u kacayo Talyaaniga iyo Isbaanishka oo labadaba aad looga danaynayo midkood.

mid ka mid ah labada guulood ee Bayer. Waxay ahayd sannadkii 1988, markii ay si xarrago leh uga adkaatay kooxda Isbaanishka ah ee Spanyol, oo ay wada yeesheen kulankii ugu dasmbeeyay ee koobka Yurub (UEFA Cup).

 

Laakiin dhinaca Isbaanishku aad buu sidii hore uga duwan ahay hadda, inkasta oo B. Leverkusen ka soo adkaatay Barcelona, Manchester United, Liverpool iyo Arsenal, sidaana ugu soo baxday kulanka kama dambaysta ah, Real Madridna, waxay u micilisanaysaa koobka.

Bayer Leverkusen, waxaa ka maqnaan doona ciyaartoyga khadka dhexe ee reer Brazil Ze Roberto, oo ka ganaaxan iyo halbowlaha difaaca ah kabtan Jens Nowotny, oo ruuga ka dhaawacmay, sidaana kaga qaday kulanka Arbacada iyo koobka adduunkaba.

Si kastaba ha ahaatee su’aasha taagani waxay tahay Leverkusen oo ay raggaasi ka maqan yihiin horena ay u garaacday Schalke4, oo koobkii ka faramaroorisay, maxay ka rajaynaysaa Real Madrid oo ay Arbacada isku haleeli doonaan ciyaarta ugu dambaysa, haddii ay ka adkaato Real Madrid, waxay noqonaysaa kooxdi ugu horraysay ee horyaalka noqota iyada oo aan weligeed waddankeeda ku qaadin horyaalka Yurub.

 

Dyer Iyo Gerrard Oo Ka Hadhay Xulka England

 

London (AP) – Maamulaha xulka England Sven Goran Eriksson, ayaa caddeeyay in ciyaartoyga khadka dhexe ee Kieron Dyer ka hadhay xulka dalkiisa, kadib markii uu dhaawac ka gaadhay ruuga. Sidoo kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee Steven Gerrard, ayaa isna la sheegay inuu ka hadhayo xulka, kadib markii dhakhaatiirtu ka dayrisay xaaladdiisa caafimaad.

Eriksson, wuxuu xaaladda Dyer ku tilmaamay mid burbur ah oo uu gaadhay dhaawac aan dhakhso looga soo kici karin.

 

Dhaawaca Dyer, wuxuu ka dambeeyay markii Sabtidii ay Southampton 3-1 kaga adkaatay Newcastle, oo ay wada ciyaareen kulankii ugu dambeeyay horyaalka England.

Ciyaartoyga khadka dhexe, wuxuu dhulka ku dhacay markii uu si badheedha khalad ugu galay Taher El-khalej. Eriksson, wuxuu sheegay inuu u baahan yahay ugu yaraan qalliin afar toddobaad qaadanaya.

 

“Warku mid fiican maaha, guud ahaana waa hubaal inuu debedda ka noqonayo tartanka.

Dhakhaatiirtu waxay caddeeyeen inuu afar toddobaad fadhiyi doono kahor inta aanu tabobarka bilaabin,” ayuu yidhi Eriksson oo aad u calool-xun.

Dhinaca kalena, tabobaraha Liverpool Gerard Houllier, ayaa isna shalay galab ku dhawaaqay in ciyaartoyga Steven Gerrard uu isna ka baaqsaday ka qaybgalka koobka adduunka.

Wararka ka imanaya dhinaca Liverpool, waxaa kale oo ay sheegayaan in Gerrard lagu qali doono cisbitaal ku yaala dalka Belgium.

 

Tabobaraha England, wuxuu sheegay inay dhici karto in Gerrard ka soo gaadho ciyaaraha dambe, balse ilaa hadda la xaqiijiyay in ay dhawr ciyaarood dhafi doonaan.

 

Rajadii Anelka Oo Markale Gudhay

Iyada oo ay ku mudan tahay fallaadhii kaga timi Aime Jucquet, oo liiska ciyaartoyga ka reebay sannadkii 1998, ayuu Nicolas Anelka u muuqdaa in waqtigiisii soo gaabtay oo uu seegay koobka adduunka markale.

 

Wuxuu ka maqnaaday xulka Roger Le Merre, ee lagu carbinayo kaamka Tignes ee tabobarada, halkaas oo uu tegay ninka ay sida weyn isu hayeen una cayaara Auxerre, ee lagu magacaabo Djibril Cisse. Weeraryahanka Liverpool tirada ugama jirin xubnaha uu calaamadaystay tabobaraha Faransiisku.

 

Warbaahinta Faransiiska ayaa horeba u baahisay in laga maarmay Anelka, hase yeeshee tabobaruhu si cad ugama wargelin arrinta.

Intii ka horraysay Salaasadii hore Anelka si cad uma ogayn in cidla lagaga tegay, markaas oo uu sida uu sheegay uu telefoon ku wargeliyay Roger Le Merre, oo u quus-gooyay.

Waxay u muuqatay markii hore in Anelka kaalintiisa xejisan karayo, balse waxay bar-kumataal n oqotay markii Djibril Cisse noqday gooldhaliye khatar ah, wuxuu dhaliyay 20 gool, halka uu Anelka uu Liverpool u soo wareegayna ka dhaliyay laba gool oo keli ah.

 

Anelka oo ka mid ahaa xulkii ku guulaystay koobka qaramada Yurub 2000, waa 23-jir, wuxuu waddankiisa u dhaliyay 8 gool, wuxuuna u saftay 28 ciyaarood.

Dad badan ayaa saadaalinayay inuu ka hadhayo koobka adduunka markii uu xejisan waayay kooxda Real Madrid.