Ma Runbaa Mudane C/Raxmaan (Beydaani),
Ayaa Loo Magacaabay Jagada Madaxweyne Ku-Xigeenka
Hargeysa (Haatuf):
Toddobaadkan, waxaa dareenka dadka reer Somaliland intooda badani uu ku
jiheysnaa qofka uu Madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabi doono jagada Ku-xigeenka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Arrintani, waxay keentay
guux iyo dareen bulshada dhexdeeda ah. Warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon
yahay, ayaa sheegay in Mudane C/raxmaan Baydaani loo magacaabay Jagada
Madaxweyne Ku-xigeenka. Warkan oo laga soo xigtay Masuuliyiin sare oo ka tirsan
Maamulka Somaliland, waxaa sii xaqiijiyay xog-wareysiyo ay bixiyeen dad sheegay
in ay la kulmeen Beydaani laftiisa, kuwaas oo ka soo weriyay inuu qirtay in loo
magacaabay Jagadaas.
Intii ay arrintani socotay,
waxaa muuqatay intabadan ruug-caddaaga Golayaasha Baarlamaanka Somaliland oo ku
hawlannaa, sidii ay talo waxtar leh arrintan ugu dersan lahaayeen go’ankeeda
kama dambeysta ah, hase yeeshee shalay xubno badan oo ka mid ah Golayaasha
Baarlamaanku, waxay muujiyeen dareen ah in aanay filaynin magacaabista Mudane
C/raxmaan Beydaani, dareemadan oo kale waxa iyana laga dheehanayay dadweynaha
dhexdiisa.
Warar laga soo xigtay
Masuuliyiin u dhuun daloolla xaaladdan, waxay sheegeen in xulashada Beydaani ee
soo baxday lagu tixgeliyay oo qudha xubin-nimada Xisbiga UDUB.
Inkastoo magacaabista
C/raxmaan Xuseen Baydaani isa soo tarayso, haddana weli si rasmi ah looguma
dhawaaqin, hase yeeshee marka laysu geeyo warar dhinacyo kala duwan laga soo
xigtay, waxaa la rumaynayaa in Mudane C/raxmaan u magacaaban yahay jagadaas,
lana filayo inta aan la gaadhin 18 May in lagu dhawaaqi doono magacaabistiisa.
Siday tibaaxeen dareemada
ilaa hadda soo baxay ee laysla dhexmarayaa, waxaa loo badinayaa in xulashada
Masuulkan aanu Madaxweynuhu ka samaynin la-tashi badan oo uu kaga
baaraan-degayo cidda uu magacaabayo, isla markaana la aaminsan yahay inuu kala
tashaday oo keli ah xubno tiro yar oo Golihiisa ka mid ah.
Mudane C/raxmaan Baydaani,
wuxuu hore mar u ahaan jiray Guddoomiye-xigeenkii Golihii hore ee Wakiiladda ee
uu Guddoomiyaha ka ahaan jiray Axmed Cabdi Xaabsade, kaas oo burburkiisii loo
aaneeyo inuu qayb ku lahaa. Markaa kadib, wuxuu Baydaani Shirweynihii 1997-kii
dabadeed u tartamay jagada Guddoomiye-xigeenka Wakiiladda, taas oo uu waayay
kadib markii cod aqlabiyad ah uu goluhu ku doortay Guddoomiye-xigeenka, Mudane
C/qaadir Jirde.
Dhinaca kale, magacaabistan
Mr. Baydaani ee la rumaynayo, balse aanu weli maxsuulkeeda dhabta ahi soo bixin
ka hor, waxaasi weyn loo hadal-hayay Siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Axmed
Siilaanyo, C/qaadir Jirde, Maxamed X. Cilmi (Dable) iyo Axmed Yuusuf Ducaale,
kuwaas oo dhammaantoodba hadal-hayntoodu hoos u dhacday labadii maalmood ee u
dambeeyay.
Siday tibaaxeen warar
laysla dhexmarayay, Axmed Siilaanyo waxaa la sheegay in loo arkay nin aan ka
tirsanayn Xisbiga UDUB, sidaa daraadeedna waxaa la sheegay in ay xooggag
iskaashaday u arkeen khatar ka riixi karta kuraasta ay hayaan iyo awoodahaba,
haddii uu soo galo xayn-daabka Golaha, taasina waxay sababtay in la kiciyo
dabaylo xoog leh oo lagaga hor tegayo, taasaana la sheegay in ay durkisay
rajadii magacaabistiisa ee markii hore soo baxday.
Si kastaba wax ah u
jireene, moosinkan magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenku, wuxuu noqday mawduuca
keli ah ee maalmahanba jaah-wareeriyay dhegta dadka, isla markaana ka dhex
abuuray doodo aan weli gunaanad lahayd oo socda, kuwaas oo ay dadku ku
faaqidayaan arrintan.
Madaxweyne-Nimada Rayaale Saamayn Sidee Ah Bay Ku Yeelatay
Boorama
Xaaladda Siyaasadeed ee
Gobolka Awdal, waxay ahayd geeridii ka hor mid aad looga dareemay cadho xoog
leh oo ay bulshadu u qabtay dhinaca Xukuumadda, taas oo ka dhalatay sida
muuqata dhawr arrimood oo ay ugu waaweyn yihiin:
·
Balanqaadyo
ay Xukuumaddu hore ugu qaaday oo lagaga baxay,
·
Maamul-xumo,
·
Xidhnaanta
Jidka Djabuuti iyo Gobolka xidhiidhiya,
·
Iyo
Cadho loo qabo dadka golayaasha Qaranka kaga jira Gobolka Awdal.
Cadhada caynkaas ah oo
mararka qaarkood sababtay bannaan-baxyo, waxaad moodaysay in ay hoos u soo
degaysay tan iyo markii la kordhiyay wakhtiga sannadka ah ee guurtidu
go’aamisay, taana waxaa sababay dadka oo aan doonayn dagaal iyo qalalaase kale
oo Siyaasadeed toona.
Haddaba, Geeridii lama
filaanka ahayd ee ku timi Madaxweynihii hore markii la maqlay, ayay haddana
dadka reer Boorama galeen jawi walaac ahaa, iyagoo ka werwersanaa waxa dhici
doona, mar haddii Madaxweynihii geeriyooday. Badi waxay dadku ka cabsi qabeen
in xasilooni-darro dalka ka dhacdo. Nasiib-wanaag, taasi waxay meesha ka baxday
markii si nabadgelyo ah looga gudbay marxaladaas, Daahir Rayaale Kaahin-na loo
dhaariyay xilka Madaxweyne-nimo, taas oo lagu saleeyay distoorka. Tani waxay
meesha ka saartay, fikrado aan wanaagsanayn oo dadka Gobolka u dhashay ay hore
u qabeen. Fikradahaas oo ay ka mid tahay, in Somaliland Maamulkeeda u sareeyay
ay iska leedahay beel keli ahi, beelaha kalena ay yihiin uun shaqaale. Fikradda
keliya ee ay reer Boorama ka siman yihiin xilliganina, waxay tahay in
Madaxweyne Daahir Rayaale ay u arkaan nin dulqaad leh oo u soo dhabar-adaygay
eedo tiro badan oo mar walba kaga imanayay dhinaca Gobolka Awdal, gaar ahaan
xubnaha Golayaasha kaga jira Gobolka oo xitaa wax kasta oo ka dhaca Gobolka
isaga ku eedayn jiray.
Dhinaca Mucaaridka oo aan
xubno ugu mitidsanaa wax ka weydiiyay xaaladda dalka Somaliland, kadib geeridii
Madaxweyne Cigaal, waxay dhammaantooda ka sinnaayeen oo ay sheegeen in ay
nasiib-wanaag tahay haddii aanay dalka iyo dadkaba soo waajihin qalalaase.
Waxaanay u mahadceliyeen cid kasta oo ka talisay buuxinta jagadaas loo
dhaariyay Daahir Rayaale.
Kooxo kale, ayaa iyaguna ku
dooday: “Waxaan aaminsan nahay in arrintan ama isbedelkani soo dedejinayo
Shir-qarameed, maadaama ururadii Siyaasaddu sii baaba’ayaan.” Siyaasiyiin kale
oo u dhalatay Gobolkan, ayaa iyaguna sheegay in wakhtigani yahay mid muujiyay
Midnimada reer Somaliland, laakiin inta Gobolkan iyo Djabuuti kala xidhan yahay
aanay muuqan wax lagu farxo oo ka soo socda Xukuumaddan, maadaama dhaqaale
ahaan iyo nolol ahaan xadhiga jidkaasi burbur dhaqaale ku hayo Shacbiga
Gobolka.
Dhinaca kale, dadweynaha ku
nool magaalada ayaa waxay u arkaan in xubnaha Gobolkan Awdal u metela
Golayaashu ay yihiin, kuwa aan marnaba laga filayn xidhiidh wanaagsan oo ay la
samaystaan dadkii ay ka yimaadeen horumarkiisa, inta taasi jirtana aanu
Madaxweyne Daahir Rayaale ka filayn Gobolkan hadalo lagu farxo, balse aanay
doonayn in ay wakhtigan bilaabaan dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo lagu wiiqayo
maamulkiisa inta uga hadhay.
4 Qof Oo Roobab Ku Dileen Gobolka Togdheer
Burco (Haatuf):
Sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer, roobab dabaylo watay oo Arbacadii
da’ay, ayaa sababay dhimashada 4 qof oo daad ku qaaday agagaarka tuulada
Galoolay oo waqooyi ka xigta magaalada Burco.
Siduu sheegay Badhasaabku,
dadkaasi waxay kala ahaayeen; Safiya Cali , waxa meydkeedii laga helay soonaha
Galoolay, hooyadan geeriyootay waxay dhashay; Muna Cabdi Xasan oo meydkeedii
laga helay soonaha Galooley oo 10 jir (Toban jir) ahayd iyo Guuleed Cabdi Xasan
oo Lix jir ahaa oo meydkiisii laga helay tuulada Looya. Sidoo kale, Sahra
Cismaan Ducaale oo 12 Jir ahayd, ayana laga helay meydkeedii tuulada Wisil.
Marxuumadan iyo labada ciyaal ah ee la geeriyooday, waxay ahaayeen Ilma-abti oo
guri bay wada joogeen, sida uu xaqiijiyay Badhasabku.
43 Kartoon Oo Khamri Ah Oo Lagu Gubay Burco
Goobtii Khamriga lagu qabtay waxa laga helay Nin meyd ah
Burco (Haatuf):
Khamri gaadhaya 880 litir oo ku jiray 43 kartoon, ayaa shalay lagu gubay Burco.
Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Gobolka Togdheer, Badhasaab Ku-xigeenka
Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed, ayaa sheegay in hawl-galkan Boolisku qaaday
lagu ogaaday goobtaa khamrigu yaalay, kadib markii ay dhexdooda iska dileen nin
ka mid ah kuwa khamriga ka ganacsanayay. Wuxuu intaa ku daray in Boolisku ay
meeshii ugu tageen nin meyd ah iyo 43-kartoon oo khamri ah. Badhasaab-xigeenka
gobolkan Yaasiin, ayaa sheegay in khamrigaas magaalada la soo geliyay habeen
hore, waxaana la soo qabtay 4 Nin oo ka mid ahaa kuwa joogay meesha khamriga
loogu tagay. G/xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi; “Hal nin oo ka
mid ah nimankaas, ayaa baxsaday welina Ciidanka Booliisku daba-galkiisii bay ku
jiraan sidii loo soo qaban lahaa.”
Gubitaankii khamrigaas,
waxa ka soo qayb-galay dhammaan Masuuliyinta Gobolka, sida; Badhasaabka,
ku-xigeenkiisa, Maayarka Burco, Taliye-xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka,
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka iyo
Xeer-ilaaliyaha Gobolka Togdheer.
BADHEEDHAHA
WARGEYSKA
Ku Dhaqanka Distoorku
Waa Tirtirista Talo-Maroorsiga
Xeer, Sharci, Distoor, iwm;
dhammaan magacyadan aynu xusnay, waxay tilmaan u yihiin tuducyo qoraal iyo
hadalba noqon kara oo si dhex ah ay dad ama ummad dano guud oo wada noolaasho
wadaagtaa ay ugu heshiiyaan in ay ku saleeyan hab-dhaqankooda nololeed, iyo in
loo raaco xallinta wixii dhexdooda ka dhaca.
Arrintani waxay
tilmaamaysaa in la qoray xeerka, sharciga iyo distoorkaba xili aanay dhicin
dhacdada ku xusan, sida loo xalinayo marka ay soo food-saarto ummadda ku
heshiisay ee uu u yahay Distoorka ay ku dhaqmaan.
Tiirka Distoorka ee ay
ummadi leedahay, wuxuu meesha ka saaraa tuhunka iyo shakiga ka yimaadda,
fikirka kolba lagu xalinayo dhacdada la soo deristay ummadda aan lahayn
Distoorka. Distoorku, wuxuu meesha ka saarayaa afkaartii kala duwanayd ee keeni
lahayd khilaaf wax yeella danta guud ee ay ummadi leedahay.
Markaa inagoo maskaxda ku
hayna qodobadaa, bal aynu u soo noqono xaaladda Somaliland. Waxaa hubaal ah in
wax qabadkii koowaad ee Maamulka Somaliland uu yahay sameyntii iyo u coddeyntii
distuurka Somaliland ee 31 May 2001. Tallaabo wal oo waxqabad, waxaan shaki ku
jirin in ay dadku ka bixiyaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida ay
arrintaasi u hirgalayso ama ay u fashilmayso, hase yeeshee u coddeyntii
distoorka Somaliland, wuxuu ahaa mid lagu wada-qancay.
Waxa kale oo iyana xusid
mudan, sida loogu dhaqmay distuurka marka la eego dhacdooyinkii soo food-saaray
Somaliland ee uu Distuurku ahaa arrimaha loogu talo-galay inuu u noqdo
halbeegga sharci ee dhamayska tiran ee sida aan shakiga lahayn looga daalacdo
xalka arrintaa, markaa waa taas ta lagama maarmaanka ka dhigtay in la tixraaco
guud ahaan, loogana sii gudbo bogga iyo qodobka sida tooska ah uga hadlaya
arrintaa, siiba Sadarrada koobaya xalka dhacdadaa taagan.
Waa markhaati ma doon in
distuurka Somaliland, adkeyntiisu ay xal u noqon doonto dhacdooyin badan oo
hakad, halis iyo hirdan ku keeni lahaa Somaliland, ama uu haatanba wax badan
xaliyay oo keeni kari lahaa muran iyo khilaaf ay milicsan karaan guud ahaan,
Shisheeyaha aan jeclayn Midnimada Jiritaanka, Jaha qudha u wada-jeedka iyo isla
jaan-qaadka reer Somaliland shicib iyo dawladba.
Gunaanadka iyo gebo-gebada
Badheedhahani, wuxuu yahay adkeynta tiirka Distuurka Somaliland, waa tirtirista
talo-maroorsiga shakhsiga ah.
Rajada Shacbiga Daallan Iyo Shirka Nayroobi
Tan iyo markii kursiga laga
tukhaan-tukhiyay Keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, Shacbi weynah
dalkii Soomaaliyada Talyaaniga la odhan jiray, waxa ku habsaday jir colaadeed,
juuc iyo abaar aan kala go’ lahayn, waxayna ka quusteen nabad iyo caano, gaar
ahaan qofkasta oo ku noolaa Caasimaddii Muqdisho, waxaa soo food-saartay,
rajo-go’, feker iyo werwer joogto ah. Dadka danyarta ah iyo kuwa ka soo jeedda
beelaha laga tirada badan yahay-na, iyagu way ka sii xag-jireen, waxaana lagu
misaali karaa caws ay ku dhex dirireen laba Maroodi. Waxa qiir-qiir gashay
noloshoodii, kadib markii ay rasaasta hoobiyaha iyo hubka kale ee sanqadha
weyni u noqday Masaariif, saddexda wakhti ay quutaan.
Dhawaaqa keliya ee dadkaas
ay ku diirsadaan, kashoodana rajo-geliyaa wuxuu ahaa
“Shir-dib-u-heshiisiineed,” kaas oo ay waddamada Soomaaliya la deriska ahi ay
marar kala duwan oo dhawr ah isugu keeneen Madaxda kooxaha ku hirdama talada
dalkaas burburku aafeeyay. Laakiin, waxa niyad-jabka iyo quustu dib u soo
noolaataa, marka la arko natiijada Shir kasta oo noqoto bar kuma-taal.
Marka dib loo eego, guud
ahaanba waxa xallinta Mushkiladda Soomaaliya loo qabtay 13 shir
Dib-u-heshiisiineed, marka lagu daro kii Carta ee ugu dambeeyay. Balse, midna
guushiisa iyo natiijadiisu ma dhaafin koolinta Madaxda kooxaha dagaal oo la
seexiyo huteelo qaali ah, kharash badana ku baxo soo jillaabistooda iyo hadba
dalka shirkaa marti-geliya oo waxoogaa dhaqaale ah kaga hela beesha Caalamka,
iyadoo dalalka u ololeeya in shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha dhulkooda lagu
qabto ay danaynayaan kharashka ka soo gala hudheelada la seexiyo Soomaalida u
martida ah, marka laga yimaado danaha diblomaasiyadeed iyo Siyaasadeed ee
dalkaasi ka leeyahay Soomaaliya oo iyadu ugu horaysa. Tusaale ahaan, shirkii
Qaahira ee Masar oo ahaa kii ugu rajada roonaa, shirkaas ka qayb-galayashii
Soomaalida, waxa qof kasta maalintii la siin jiray lacag dhan $45 (Shan iyo
afartan doollar) oo kaash ah, muddadii shirku socday. Markaa waad dareemi
kartaa in aanu ciyaar ahayn, dhaqaalaha ku baxaya Shirkaasi.
Dhinaca kale, markasta oo
shir dib-u-heshiisiineed lagu dhawaaqo, waxaa degdeg isu beddela xaaladda
ammaanka iyo xasilloonida Muqdisho, waxaana kor u kaca heerka sicirka
badeecadaha, dilka, afduubka, kufsiga, dhaca iyo dhammaan dulmiga. Taas oo ka
dhalata is-muujinta kooxaha kala qoqobtay Muqdisho oo mid kastaaba awoodeeda
beejiso, isla markaana ay ka faa’iideystaan dadka aanay heshiiska iyo
dawladnimada dantu ugu jirin ee boolida ku haysta hantidi guud iyo awooddii
Qaranka.
Shirkii Carta ee ugu
dambeeyay oo dawladda Djabuuti, dunida Carabta iyo Qaramada Midoobeyba
culayskii ugu badnaa isugu geeyeen, sidii looga soo saari lahaa wax quman oo
lagu soo afjaro qalalaasaha Toban jirsaday ee Soomaaliya, ayaa dhalay hungadii
ugu darnayd iyo luggooyadii ugu weynayd ee ku dhacda dadka tabaalaysan. Waayo,
muddadii uu shirkaasi socday ee lixda bilood ahayd, inta ku nool caasimaddii
hore ee Muqdisho, habeenkoo dhan waxay ku soo jeedi jireen daawashada
Maaweeladii iyo luggooyadii, shaashadda TV-gii Carta ee loo bixiyay
“Soomaaliyay maqal.” Maalin oo dhanna waxay wakhti iyo tamar badan ku lumin
jireen doodda Masraxaas iyo muranka ku saabsan sida beeluhu u qaybsanayaan
kuraasta iyo xilalka dawladda ka soo bixi doonta Carta.
Maxsuulkiise, wuxuu noqday
in dadkii dawladnimada, Xukun Cadli ah iyo cid aayahooda ka talisa, muddad
dheer u oomana loo soo waarido koox hor leh oo ka kooban 245 xaal-waa,
hoggaamiyahooda iyo in le’eg oo mansab-raac ah oo aanay jirin wax ay ku
wada-socdaan iyo laba heshiis ah. Durbadiiba, waxa soo if-baxay Calaamado
muujinaya in aanay kuwani ahayn dawladdii muddada dheer laga naawilayay Carta.
Waayo, lamay iman, ama waxay ka yimaadeen waxyaabihii laga sugayay oo ay ugu
horreyso hanashada ammaanka Caasimadda iyo soo celinta kala-dambaynta iyo
nidaamka oo aasaas u noqon lahaa riyada dawladnimo ee ay ka soo xambaarteen
Djabuuti, beddelkeedana waxay xaabadda u sii badiyeen xasilooni-darradii,
sicir-bararkii iyo dulmigi hore u sii degeshaday halkaas. Taasina, waxay
keentay in shacabkii markii hore taageeray ay ka shallaayaan soo-jeedkii iyo
sacabkii ay ku kharash-gareeyeen taageerada Shirkaas, arrintuna waxay noqotay
“Geedyahaw ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon
doonin.”
Dadka in badani way sii
saadaaliyeen, natijaddan hungada ah, si kasta oo loo buun-buuniyay shirka,
intii taageersanaydna waxay dib ka garawsadeen in dadka meesha isugu tegay
(Carta) ay ahaayeen ardaydii Siyaad Barre ee iyagu sababay burburka Qarankii
Soomaaliya, isla markaana iyagu iba-furay, dilka dhaca iyo dulmiga baahay ee
loo caal-la’yahay maanta.
Muqdisho sidii caaddadu
ahayd, waxay sii wadatay dilkii, dhicii iyo fawdadii, waxaana mar kale cirka
isku shareeray rajo-xumadii ay shacbigu ka qabeen in ay mar uun helaan dawlad
cadaalad oo la wada leeyahay. Laakiin, weli ma damin durbaanka iyo bigilka
nabadda iyo dib-u-heshiisintu, waxaana lagu baaqay Shirkii 14aad ee
Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo hadda loo ballansan yahay in lagu qabto
Nayroobi, wakhti beesha Caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Maraykanku ay il werwer
leh ku eegayaan Soomaaliya oo ku jirta liiska dalalka Maraykanku ku suntay in
ay gaboodsan karto argagixiso.
Waxayse su’aasha meesha
taallaa ay tahay, Shirka Nayroobi loogu ballansan yahay Maxaa ka soo bixi
doona? Muxuuse kaga duwanaan doonaa dhawr iyo tobankii shir ee ka horeeyay?
Su’aalahaasi, waa kuwo ay
is-weydiinayaan Shacbiga Soomaaliya ee quusta ah. Laakiin, marka la barbar
dhigo baaxadda mushkiladda Soomaaliya iyo waayo-aragnimada laga dhaxlayay fashilaadihii
ku yimi wada-hadalladii hore, jawaabtu waxay u muuqataa in; “Shirka Nayroobi
aanu waxba kaga duwanayn kuwii hore, natiijo weynina aanay ka soo bixi karin.”
Waxa weli sidoodii u taagan
caqabadihii ay ku turun-turoodeen Shirarkii hore oo ay ka mid yihiin;
1. Dadka la heshiisiinayo oo
aan ka soo bixin shuruudihii aasaaska u ahaa nabad iyo heshiis la gaadho.
Waayo, ragga la heshiisiinayo, qaar baa ku raaxaysanaya hanti ay lahaayeen kuwo
iyaguna goobta fadhiya oo Soomaali ah, diryaarna uma aha kan wax dhacay inuu
xaq siiyo kuwa kale ee uu hantidooda xoogga kaga haysto.
2. Dadka Shirka lagu
marti-qaaday (Hoggaamiya-kooxeedyada) oo aan ahayn, kuwo looga bartay
tanaasulaad iyo in ay danta guud ee ummadda ka hormariyaan tooda gaarka ah, ama
ay iyagu wax ku heshiin karaan.
3. Kooxaha tirada badan iyo
dadka sheeganaya in ay bulshada metelaan oo had iyo goor loo maaro waayo
sharciyadooda.
Waxa intaasi dheer oo
noqonaysa caqabad soo korodhay, sheegashada Kooxdii Carta lagu soo caleemo
saaray oo isu aragto dawlad Qaran oo sharci ah, iskala han-weyn in ay
horfadhiisato kooxo ay u aqoonsan tahay mucaarid.
Inta aan la gaadhinba
caqabadahaas iyo mushaakilaadka gudaha ama maxalliga ah, waxa muuqata in aanu
shirkan 14aad ka lug baxayn ama aanu ka gudbi karin, qaybta daaha-dabadiisa ee
mushkiladda Soomaaliya oo ah loollanka Jilayaasha shisheeye iyo kuwa Gobolka,
taas oo hadda hagoogta iska rogtey.
Arrintan qayb weyn ka ahayd
ragaadka ugu go’ay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, waxa la isku dayay kalkan in
meesha laga saaro, waxaanu ururka IGAD u igmaday saddexda dal ee Kenya,
Itoobiya iyo Djabuuti in ay wada-jir u qaban-qaabiyaan Shirka Nayroobi, si loo
baajiyo loollan iyo kala jiidasho. Laakiin, halkii daawo laga filayay, waxay
noqotay tallaabadaasi mid dillaacisa eelkii guntanaa, waxaana si cad loo maqlay
is-mari-waagga hannaanka shirka ee ka dhex alloosan dalalka IGAD igmatay, taas
oo hadda ka hor heerkaa gaadhin.
Sidaas darteed, dadka
qanaca iyo quusta miciinsaday ee reer Muqdisho, si sahlan uguma sacab-tumayaan
durbaan dambe oo Siyaasadeed, ilaa ay ishoodu aragto wax ay ku qanacdo. Dadka
qaar baa iyagu qaba, in rajada ugu dhowi tahay dawlad sida Afgaanistaan dusha
laga keeno, rajadaas oo shaqayn karta uun marka dalalka Gobolku isku dhinac
maraan.
Weerar 34 Qof Lagu Dilay Deegaanka Kaashmiir
Kaashmiir (W. Wararka):
Ugu yaraan 34 qof, ayaa ku dhintay oo ay 22 ka mid ahi yihiin Askar ka tirsan
Ciidamada Hindiya, kadib markii ay shalay koox hubaysani weerar ku qaaday
Saldhig Milateri oo ay Ciidamada Hindiya ku leeyihiin Gobolka Kaashmiir, qaybta
ay Hindiya xukunto.
Weerarkan oo lagu tilmaamay
kii ugu weynaa ee ay sannadkan qaadaan, Kooxaha reer Kaashmiir ee ku kacsan
dawladda Hindiya, waxaana sheegtay in ay weerarkan ka dambeeyeen urur aan hore
loo maqlin oo magaciisa ku sheegay Al-Mansuuriin, una dagaalama Madaxbannaanida
Kaashmiir.
Dawladda Baakistaan oo ay
Hindiya ku eedayso in ay taageerto ururada ka horjeedda, ayaa markiiba
canbaaraysay weerarkan.
War ay soo saartay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Baakistaan, waxa ay ku baaqday in baadhitaan
dhakhso ah lagu sameeyo weerarkan iyo cidii ka danbaysay, kadibna cadaaladda la
hor keeno.
Muddooyinkan u dambeeyayba,
waxa xuduudda u dhexeysa labada dal ka taagnayd xaalad cakiran, iyada oo ay
labada dawladood xuduudda soo tubeen Ciidamo tiro badan, kuwaas oo dhawr goorna
isku dhacay. Dhacdadanina, waxa laga yaabaa in ay xaaladda sii xumayso.
Dagaalka Argagixisada Lagula Jiro Oo Saameeyay Xorriyadda
Saxaafadda
Vienna (Reuters): Machadka Caalamiga ah ee Saxaafadda,
xaruntiisuna ay ku taalo Vienna, ayaa muujiyay werwerka laga qabo saamaynta ay
xoriyatul qawlka dhinaca Saxaafadda ku yeelatay dagaalka uu Maraykanku kula
jiro waxa loogu yeedho argagixisada, muddadii ka dambaysay weeraradii ka dhacay
Maraykanka 11-kii September 2001.
Ururkan oo ay xubno ka
yihiin Suxufiyiin iyo ururo dhinaca Saxaafadda ah oo ka tirsan 150 dawladood,
una dhaqdhaqaaqa waxa ay sidaa ku sheegeen kadib markii uu u dhammaaday
Shir-sannadeedkoodii oo la soo geba-gebeeyay. Waxaanay intaa ku dareen in intii
muddadaa ka dambaysay ay dawlado badani qaadeen, tallaabooyin ay ku
xakamaynayaan Xoriyatul Qawlka dhinaca Saxaafadda, gaar ahaan waxa ay farta ku
fiiqeen dawladda Maraykanka.
Waxaa kale oo ay tilmaameen
dhibaatooyinka iyo hagar-daamooyin loo geystay Suxufiyiin iyo weriyayaal
gudanaya mihnadooda saxaafadeed, kuwaas oo ka hawl-galayay goobo ay dagaalo ka
socdaan. Tiro-koob ay sameeyeena, waxa ay ku sheegeen in ilaa 55 Suxufi lagu
dilay, iyaga oo gudanaya hawshooda halka ay xabsiyada ku galeen boqolaal
Suxufiyiin ahi.
Jimmy Carter Iyo Booqashadiisa Kuuba
Havana (W. Wararka):
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo haatan booqasho ku
joogga dalka Kuuba, ayaa ku dhawaaqay in aanay Kuuba wax shaqo ku lahayn, waxa
uu Maraykanku ugu yeedho Argagixisada kadib, markii uu booqday Wershad
Kiimikada samaysa oo uu Maraykanku ka shakisanaa in ay soo saarto hubka halista
ah.
Madaxweynaha Kuuba, Fiidal
Kaastaro oo muddo dheer uu Maraykanku ku hayay Cuna-qabatayn, ayaa booqashadan
Carter uga faa’iidaystay inuu ku helo taageero Siyaasadeed, hadal uu jeediyayna
waxa uu ku sheegay in aanay Kuuba, col la ahayn Shacbiga Maraykanka, balse ay
colaadi ka dhaxayso dawladda Maraykanka.
Jimmy Carter oo ah
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykanka soo mara, booqashana ku taga Kuuba,
waxa loo soo dhaweeyay si heer sare ah oo diiran.
Muddada uu booqashada ku
joogay halkaasina, waxa uu kulano la yeeshay kooxaha iyo shakhsiyaadka
Mucaaridka ku ah Fidel Kastaro, isaga oo ku baaqay in loo baahan yahay
Dimuqraadiyad iyo furfurnaan ka dhaqan-gasha Kuuba.
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Xafladda
Xuska 18 May Oo
Laga
Dhigi Doono Daafaha Dunidoo Idil
Sida dhaqanka u ah bulshada
reer Somaliland waxaa sannad kasta bisha May 18keeda looga dabaal degaa dunida
dacaladeeda. Xuska 18 May waa maalin ku dheer ummadda reer Somaliland.
18 May 1991kii bay ahayd
markii ummadda reer Somaliland dibu ula soo noqdeen qaranimadoodii luntay ee
sibiqda farahooda uga mudhuxsantay lixdankii. Ummadda reer Somaliland oo muddo
30 sanadood ah kusoo noolayd dulmi, cadaadis, cabudhin, dil iyo dhac oo ay ku
hayeen dalkii jiiroonkooda ee ay sannadkii lixdankii ku midoobeen
dawladdii la magaxbaxday Jamhuriyadda dimodraadiga ee Somaliya. Waxaa ay
muddo badan geed dheer iyo mid gaaban u fuleen sidii ay ula soo noqon lahaayeen
madaxbanninooda. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa bulshada reer Somaliland
samaysteen sannadkii 1981kii ururkii dhaq dhaqaaqa waddaniga Somaliyee ee SNM
si ay ula soo noqdaan xornidoodii luntay. Taasoo ay wakhti, naf iyo maalba u
hureen inay lasoo noqdaan xornimadii dhicisawday 60kii .
Xafladaha maalinta 18 May
ee ku dheer mujmataca reer Maandeeq waxaa lagu dhigaa dalka gudihiisa iyo
dabadiisaba. Waxaana aad xiise gaara ah u leh sida dadka qurbaawiga ah ee degan
dunida dacaladeeda uxusaan maalintaas iyada ah.
Waxaana xusuus mudan sida
gaarka ah ee jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurub ku nooli usoo abaabulaan
xafladaas. Sannadkii hore waxaa dalka Holland lagu qabtay xafladdii ugu
waynayd ee ay qaban qaabiyaan dad Afrikaanka asalkoodu yahay ee degan Holland.
Waxaana xafladaas ka soo qayb galay dad tiradoodu ka badantahay kumaanaan
kun oo isagu jira Somali ka kala timid waddamo iyo degaanno kala duwan
iyo dad ajanabi ahba.
Waxaana sannadkan xafladaas
oo kale laga dhigayaa magaalada London ee carriga ingriiska. Xafladdan oo lagu
magacdaray sannadguurada 11-aad ee Somaliland waxaa soo qaban qaabiyey urur
dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Nomad international iyagoo wada shaqaynaaya
ururada kale ee reer Somaliland ee ka jira dalka ingriiska. Waxaana lagu qaban
doonaa madasha the Forum ee cinwaankiisu yahay 9-17 highgate Road, Kentish Town
London.
Waxaa iyana xaflad loogu talogalay munaasadaban lagu qaban doonaa
magaalada The Hague ee Dalka Holland. Madasha dalka Holland xafladda lagu
qabanayaa waxay u dhawdahay suuqa loo yaqaan Open Markt oo aan ka fogayn
maxdadda tareenka ee Holland sport. Holland Sport waxaad ka qaadan kartaa
tram 12 oo ku socda jihada Duindorp. Waxaanad kaga degaysaa Deltslaan oo ah
shaaraca uu ku yaallo goobta xafladda lagu qabanayo. Cinwaanku meeshuna waa
DELFSELAAN 12.
Waxaa iyana xaflad noocan
ah qaban qaabinaaya Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jarmalka. waxay ka dhici
doontaa magaalada Dusseldorp.
Waxaa kale oo la filayaa in
dalalka kale ee koofurta iyo waqooyiga Yurub ay iyana ka dhici doonaan xaflado
noocan oo kale ah. Jaaliyaddaha Yurub waxay u isticmaalaan munaasabaddan kulan
ay ku wadaagaan farxadda iyo dareenka gaarka ah ee ay leedahay
maalintaasi.
Waxaana sannadkan ay kusoo
beegantay wakhti ay ummadda reer Somaliland ka tiiraanyeysanyiin geeridii
naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii qaranka mudane Mohamed X. Ibrahim
Cigaal "ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee". Inkastoo
Jaaliyadaha Yurub iyo kuwa kale ee jooga caalamka kaleba ay usameeyeen xus
gaara oo ay ugu duceeyeen kuna
sagootiyeen hoggaamiyahooda
geeriyooday haddana waxaa badankoodu barnaamijkooda kusoo darsadeen tacsi iyo
xus lagu sagootiyayo murxuumka.Gaar ahaana waxaa xafladda Holland lagu
bilaabidoonaa duco iyo iyadoo laga sheekeeyo taariikhdii madaxweynaha
geeriyooday( alla haw naxariistee) .
Waxaanan jeclahay inaan
fursada uga tasciyadeeyo, qoyskiisa, eheladiisa, iyo dhammaan bulshada reer
Somaliland inuu samir iyo iimaan kasiiyo geeridii naxdinta lahayd ee ku
timid madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland "alla haw naxariistee".
Dhinaca kalena waxaan u
rajaynayaa bulshada reer Somaliland inay sannadka danbe munaasabadda 18 May ku
gaadhaan bash bash iyo barwaaqo & farxad iyo caafimaad.
"Aaamiiin"
Duqay Ka Digtay Soo Rarista Qaxooti 30-Kun oo Qoys Ah Oon Loo
Diyaarin Meel Ay Degaan
Haddaan nahay duqayda degaanadaas ee qaxootiyada Somaliland ee aan weli ka soo guurin goobahaas, waxaanu saxaafadda u baahinaynaa in la soo rarayo dadka halkaa deggen muddo ayaamo gudahood ah, dadkaas oo tiradoogu gaadhayso 30,000 oo qoys, oo ah dadkii danyarta ahaa ee hadhaaga ka ahaa qaxootiyadii hore, oo aan dalka ku lahayn meel ay ka degaan oo ay buulasha yar-yar ka dhistaan. Sidaa daraadeed waxay arriintaasi u baahan tahay ka fiirsasho xoog leh oo u taala xukuumadda Somaliland oo aanu annaguna duqay ahaan ka codsanayno in dadkaasi loo dedaalo oo loo sii habeeyo meel ay xamasta dhigtaan, iyo sidii ay hay’adda ugala kaashasn lahaayeen wixii (Resetlement) ah ee adeega dadkaasi u baahan yahay.
Waxaanu rajaynaynaa in maamulku ka taxaddaro oo arrintaasi
si deg-deg ah ay uga sii tabaabushaystaan.
Magacyada duqayda:
1.
Cali Xuseen Cashuur
2.
Jaamac Geele Nuur,
3.
Muuse Jirde Faarax,
4.
Yuusuf Faarax
Xirsi (Gaash)
5.
Khadar Cabdi Iimaan
Talo Soo Jeedin
Waxan mudane madaxweyne
saxaafadda madaxa-bannaan kuu soo marinayaa talooyinkan;
1.
Mudane madaxweyne sidaad adigu xog-ogaal ugu tahay
amaba aad ka warqabto, golaha wasiirada ee iminka jiraa maaha qaar tayo leh oo
hawshay qaranka u hayaan u fuliya si hagar la’aan ah, wa qaar u foogan
danahooda gaarka ah, sidaa daraadeed madaxweyne waxaan kugula talinayaa in
golaha wasiirada aad ka dhigto gole macquul ah oo tayo leh.
2.
Mudane madaxweyne, madaxweyne ku xigeenku waa in uu
noqdaa nin karti leh, adigoo ku xisaabtamaya isu dheelitirka gobollada dalka
bari iyo galbeed. Iyada oo gobollada bari ka madhnaa mansabyada noocan oo kale
ah, waana inaad si fiican ugala tashataa labada shir-guddoon (Guurtida iyo
Wakiilada).
3.
Mudane madaxweyne adigoo ku xisaabtamaya sidii
dastuuriga ahayd ee laguugu doortay madaxweynenimada, waa inaadan ummadda aad
mas’uulka ka tahay ee 80% ah dad nolosha la dhacdhacaaya, aanad ka door-bidin
inta yar ee af-miishaarada ah ee madaxda dawladda ku maran.
4.
Mud. Madaxweyne, waa inaad ku dedaashaa sidii aad u
kasban lahayd wax-garadka iyo garaadada gobollada Sool iyo Sanaag bari,
maamulkana u gaadhsiin lahayd.
5.
Waa inaad ogaataa in mas’uuliyadda lagu
saaray Ilaahay kaala xisaabtamayo, reer Somaliland-na aad tahay mid aan kala
xigsan.
Maxamed
Bede,
Burco
– Somaliland.
Haddii SNM Ku Guulaysatay Xoraynta Dalka, Cigaalna Dejintii,
Rayaale Ma Ku Guulaysan Billadda Saddexaad
·
Sidaynu wada ogsoonahay billadii koowaad ee
siyaasadeed iyo halgan waxa ku guulaystay SNM, oo markii ay xoreeyeen dalka si
sharaf leh u wareejiyay dawladnimadii ay u soo galeen diifta, daalka iyo
gaajada, bur-burka, dhimashada iyo dhiiga oo aan marnaba dadku aanay filanayn
inay dhib yaraan ku wareejiyaan.
·
Billadii labaad ee siyaasadeed waxa ku guulaystay
Cigaal oo dalka oo baaxaa-degaya markuu xilka tirsaday isu dayay inuu nabad ka
dhigo, wuuna ku guulaystay dhibaato waliba ha ka soo gaadhee. Waxaase
is-weydiin leh tallaabada saddexaad.
·
Ma ku guulaysan karaa Rayaale oo maanta fursaddaa
hayaa, mise ma isku dayi karaa inuu qaato magaca xiddigaha sida Cigaal?
Hadduuse talaabadan qaado oo ah kaalin bannaan ma buuxin karaa? Dadka
xukuumadda u shaqeeyaa ma yihiin dadkii caddaaladda ku noolaa?
Adeega
noocana oo ah kii ummadda kala wadaayay, keebaynuse u qaadan karnaa labadan
kooxood ee aynu kor ku xusnay (SNM iyo koodan kale)? Haddii uu isku dayo inuu
xukuumaddiisa ku soo dabbaalo caddaalad? Ama intee in le’eg, muddo, hawl,
hanti, xoog, cilmi, fulin, hirgelin, iyo in dhidibada loo taago ayay ku
qaadanaysaa?
Inkasta
oo ay arargtida siyaasadu gashay Alif la kor-dhabay, Alif la hoos-dhabay,
haddana hoggaan waliba waxa uu xor u yahay inuu wax ka beddelo intijaaha siyaasadeed, si uu u helo magac
dhaxal-gal ah, oo ay taariikhdu xusto.
Cidda
hawsha noocana loo igmanayaa maaha af-miishaar, dilaal, qab-qable, iyo
danayste, waana nidaam ka duwan qaabkii qofka logu qaadanayay magaca reerka.
Maxamed Xuseen Yuusuf (Adeyse).
Cumar D. Cumar
Roobabka Aysiidha Ah (Acid Rain)
Roobku waa ilaha ugu muhiimsan
ee laga helo biyaha, laakiin sannadahan waxaa soo shaac-baxay nooc roob ah oo
leh waxyeelo. Roobkan oo lagu magacaabo (Acid Rain), oo ah roobkii Aysiidha
lahaa.
Cilmi-baadhayaasha
dunidu waxay soo saareen in sababta keenta roobka Aysiidha leh ay tahay marka
ay curiyeyaasha Sulphar iyo Nitrogen
Oxide ay ku kulmaan hawada, waxay sameeyaan isu-taggoodu fudad Aysiidh ah.
Fudadka
Aysiidha ah ee ku samaysmay hawadu way soo da’aan marka uu roob da’ayo oo
dhibicda roobka ayay soo raacaan.
Roobka
Aysiidha lehi wuxuu yeelan karaa siyaabo badan oo uu saamayn ugu yeesho degaanka,
sida marka uu ku da’o meelaha Haraha ah ama dhijaamaha biyahooda la isticmaalo
dad iyo duunyaba oo ay Aysiidhu ku badato markuu roobkani ku da’o.
Arrintani
waxay ku dhacday oo lagu arkay Harooyin waaweyn oo ku yaala dhulka uu ka da’ay
roobkan Aysiidha lihi, sida waqooyiga Ameerika iyo dhulka Skandanifiyanka ee
Yurub ku yaala.
Roobka
Aysiidha lihi (Acid Rain), waxaa kale oo uu waxyeelo u leeyahay dalagyada la
beerto oo haddii uu ku da’o dhulka beeralayda ah ama beeraha wuxuu ku keenaa
hoos-u-dhac wax soo saar.
Hoos
u dhacani wuxuu ka yimaadaa Aysiidha ku jirta roobka oo waxyeelo u leh dalaga
laf-ahaantiisa, iyo Aysiidha oo disha nafaqada ay carradu ka kooban tahay ee
caawisa bixidda iyo korriinka dhirta, daaqa iyo dalagyada lagu beero.
Roobkani
wuxuu kale oo uu waxyeelaa kaymaha, daaraha iyo taalooyinka.
WAADIGA CIYAARAHA
Taxanaha Taariikhda Koobka Adduunka
Taxanaha taariikheed ee koobka
adduunka oo aynu in muddo ah kaga soo hadlaynay sooyaalkii tartanka kubadda
cagta adduunka.
Qormadan
maanta oo ah tii toddobaad waxaanu ku soo qaadanaynaa tartankii 11aad ee koobka
oo lagu qabtay dalka Argentine sannadkii 1978.
Waxay
ahayd markii ugu horraysay ee koobka adduunku si guud u soo wada jiitay indhaha
caalamka. Tunisia iyo Iran, ayaa tartankaa ku soo biiray waddamada Austria,
Brazil, France, Hungary, Italy, Mexico, Holland, Peru, Poland, Scotland, Spain
iyo Sweden.
Koobkii
milateriga oo ay Argentina martigelisay sannadkii 1976, ayaa suurtogal ka
dhigtay inay si adag xilkaa u qaadi karto. Hase yeeshee, arrimaha siyaasadda
ayaa ahaa qaar kolley saamayntooda leh, werwerkaasi wuxuu keeenay in
martigeliyeyaashu si xad-dhaaf ah ugu diyaar-garoobaan dhibaato kasta oo ka hor
iman karta.
Argentina
waxay si weyn ugu diyaargarowday ciyaartii wareega labaad ee ay la yeelatay
waddanka ay kubadda sida weyn isugu hayaan ee Brazil, oo muran qallafsani ka
dhashay markii ay afar gool ku muquumisay kulankii Peru.
Jarmalka
galbeed oo koobka difaacanayay oo uu ka maqnaa Franz Beckenbauer, ayaa ku
hadhay wareega koowaad, kadib markii ay ku toosi weyday inay kulan keliya
badiso.
Markii
la galay wareegyadii dambe ayay soo if-baxday garsoorid jilicsan oo aan
wejiyadii hore muuqani, taasina waxay kordhisay khaladaadka ciyaartoygu ku
gelayaan garoomada dhexdooda, waxaana ka dhashay shaqaaqooyin hor leh.
Kulankii
kamadambaysta, waxaa ka soo if-baxay arrin yaab leh, iyada oo daqiiqad kasta oo
ka mid ah 90-kii daqiiqadood ee ciyaartu socotayba hal khalad la gelayay.
Tallaabadaasi
waxay baqdin gelisay xulka Holland oo marti ku ahaa goobtii ciyaartu ka
socotay, hase yeeshee tallaabadaasi waxay calaamatu-su’aal saartay fursaddii
martigelinta ciyaaraha ay ka heli lahayd FIFA.
Tartankaa
waxaa tirada gool-dhalinta qaaday ciyaaryahanka reer Argentine ee Mario Kempes,
oo dhaliyay lix gool, kulankii kamadambaysta ahaana waxaa isugu soo baxay
Argentine iyo Holland, wuxuuna ku dhammaaday 3-1 ay Argentina ku badisay.
Koobkaasina wuxuu noqday kii ugu horreeyay ee ay Argentina hanatay.
Xulka
Argentina, waxaa ka mid ahaa; Fillol, Olguln, Galvan, Passarella (kabtan),
Tarantini, Adriles, (Larrosa), Gallego, Kampes, Bertoni, Luque, Ortiz
(Houseman).
Xulka
Holland-na waxaa u ciyaaray; Jongbloed, Krol (kabtan), Poortvliet), Brandts,
Jansen, (Suurbier), W. Vande Kerkhof, Neeskens, Haan, Rep (Nanninga),
Rensenbrink, R. van de Kerkhof.
Spain 1982
Tarankii 12aad ee koobka kubadda
cagta adduunka oo sannadkii 1982 lagu qabtay waddanka Isbaanishka, waxaa markii
ugu horraysay kooxaha ka qaybgelaya wareega kamadambaysta ah la gaadhsiiyay 24
waddan. Isku-aadkii kooxaha ayaa noqday mid xagal-daacay, waayo Jarmalka
galbeed oo 1-0 kaga badiyay Austria, ayaa haddana labada waddanba waxay u soo
gudbeen wareega labaad, waxaana halkaa ku hadhay Algeria, oo ka mid ahayd
waddamadii tartanka ugu firfircoonaa.
Kooxdii
Hungary, ayaa iyana 10-1 ku jiidhay El Salvador, halka ay England iyo Brazil
mid waliba si fudud ugu soo baxday wejiga labaad, sidaa darteed waxa muuqatay
in markale kooxihii awooda badnaa isugu yimaadaan kulamadii dambe.
Weeraryahanka
reer Argentine ee Maradona, ayaa dunida inteeda badani filaysay inuu wacdaro ka
geysto ciyaaraha dunida, waxaana maqnaanshihiisa ka faa’iidaystay ciyaartoyga
Talyaaniga ah ee Paolo Rossi, oo dhulka dhigay Brazil, sidoo kalena wacdaro ka
dhigay kulankii wareega kamadambaysta oo ay u jiidheen xulka Poland. Waxayna
faynalkii isugu soo baxeen Jarmalka galbeed oo ka niyad-jabay markii ay
Faransiiska ka adkaan kari waayeen kulankii simifaynalka oo ay 3-3 ku kala
baxeen. Hase yeeshee, uu jarmalku ugu dambayntii rigoorayaal ku soo baxay.
Waddamadii
kale ee tartanka ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa; Belgium, Cameroon, Chile,
Czechoslovakia, Honduras, Kuwait, New Zealand, Northern Ireland, Peru,
Scotland, The USSR iyo Yugoslavia.
Paolo
Rossi, ayaa gooldhalinta lix gool ku qaaday. Kulankii dhammaadkuna wuxuu ku soo
gebogeboobay 3-1 Talyaanigu ku badiyay.
Talyaaniga
waxaa u saftay; Dino Zoff (kabtan), Bergomi, Cabrini, Collavati, Scirea,
Gentile, Oriale, Tardelli, Lonte, Graziani (Altobelli 1 Causio), Rossi.
Xulka
Jarmalkana waxaa u saftay; Schumacher, K. Forster, Stielike, B. Forster,
Breitner, Dremmler, (Hrubesch), Littbarski, Bruiegel, Fischer, (H. Muller),
Rummenigge (kabtan).
“Kubadda Cagtu Waa Mid Markasta Wax Cusub Kaa Doonaysa”
Zinedine Zidane
Glasgow (Reuters) – Xiddiga
awooda badan ee Faransiiska ah Zinedine Zidane, ayaa ku taamaya in waxa keliya
ee xummadu u haysaa yahay kulanka Arbacada ee Hampden oo uu gacanta ku dhigo.
29-jirka
Real Madrid, wuxuu ku ciil-qabaa laba goor oo lagaga adkaaday kulamada
kamadambaysta intii uu Juventus u ciyaarayay. Guuldarada hore waxay ku timi
markii Brussia Dortmund sannadkii 1997, ka kadab-goysay, iyada oo isla
sannadkii xigayna ay daaqada ka saartay kooxda uu hadda u ciyaaraa. Sidaa
darteed ayay hadda xummadu u haysaa ciyaarta caawa ka dhacaysa Glasgow, oo
noqon karta tii ugu dambaysay ee fursaddan oo kale soo marto, guushana wax weyn
ka tari karto taariikhdiisa ciyaareed ee mustaqbalka.
Zidane
wuxuu qaadan kari la’ yahay sababta uu ugu guulaysan waayay horyaalka Yurub,
maadaama uu hore u hantay koobka adduunka iyo ka Yurub labadaba.
“Hore
laba goor baan ugu guul-darraystay, waana inaanay markale dib u dhicin. Waxaan
u ciyaaraa kooxda guusha, ana waan guulaystaa, sidaa awgeed waa inaanu guusha
qaadanaa,” ayuu yidhi Zidane.
Ciyaartoyga
khadka dhexe, wuxuu qiray inay koox adag yihiin, balse aanay haysan dammaanad
cad oo ay ku badin karaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay 1997, markii Dortmund
kaga adkaatay ciyaartii kamadambaysta ahayd.
Isaga
oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi; “Waanu ka fursad wacnayn Dortmund, waxaanu
ahayn koox fiican oo xiddigyo badani u saftaan, laakiin 3-1 baa nalagu
carraabiyay.”
Zidane,
wuxuu kale oo sheegay in Leverkusen, koox fudud aanay ahayn, horena ay uga soo
badisay Deportivo, Liverpool, iyo Manchester, wuxuuna intaa ku daray in ay koox
ahaan ka fiican yihiin Leverkusen.
“Markaan
ku guulaystay koobka adduunka, runtii ma jirin hawl ka fiican oo aan noloshayda
qabtay, laakiin kubadda cagtu waa mid markasta taagan oo wax cusub kaa doonaysa
maalin kasta, waxaanan filayaa inaan waxba I dhaafin haddii aan ku guulaysto
tartanka kamadambaysta ah,” ayuu ku daray.
Caawa
waxa ciyaartii kamadambaysta ahayd ee horyaalada Yurub wada ciyaaraya kooxda
Yurub ugu guulaha badan ee Real Madrid iyo kooxda qaarada u korriinshaha badan
ee Bayer Leverkusen, oo aan weligeed ku guulaysan koobkan.
Real
Madrid waxay raadinaysaa inay markii sagaalaad qaadato kulanka caawa.
Horyaalka
dalka waxay ku guulaysatay 28 goor, 17 jeerna waxay qaadatay koobka dalka, laba
koobabka Yurub (UEFA Cup) ah, iyo laba koobka kooxaha adduunka ah.
Shan
ka mid ah horyaalada Yurub waxay qaadatay sannadihii 1956-60, labada kalena
waxay kala qaadatay 1998 iyo 2000.
Sahaminta CNN Ee Kala
Sarraynta Kooxaha Dunida
Atlanta (CNN) – Kooxda laba koob
ku guulaysatay ee Arsenal ayaa toddobaadkan kaalinta koowaad ka gashay
qiimaynta 10-ka kooxood oo ay toddobaadkiiba mar samayso Idaacada la iska arko
ee CNN, qaybteeda ciyaaruhu.
Arsenal waxay dusha ka martay
Real Madrid oo u taagan kulanka Faynalka ee horyaalada Yurub, waxayna
tallaabadaa xaqiijisay markay ciyaartii ugu dambaysay 4-3 ku dhirbaaxday
Everton.
Halka
ay Real Madrid-na ka niyad-jabtay markii ay Deportivo 3-0 candhada u gelisay,
sidaana ay kaalinta saddexaad kaga cidhiidhsatay kala horraynta kooxaha ee
sannadkan.
Waxa
iyana laba derejo kor u kacday Valencia oo kaalinta shanaad hore ugu jirtay.
Valencia, waxay ku guulaysatay horyaalka, kulankii ugu dambeeyayna waxay 2-0 ku
legeday Real Betis.
Bayer Leverkusen oo caawa la
ciyaaraysa Real Madrid, ayaa kaalinta afraad cidhiidhsatay.
Kaalinta
shanaad waxaa heshay Juventus, kaalinta lixaad iyo toddobaad waxaa galay
Corinthians (Brazil) iyo Dortmund (oo Germany ah).