Haatuf,
Cadadki 82, May 17, 2002
Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Magacaabay Madaxweyne Ku-Xigeen
Hargeysa (Haatuf):
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay si rasmi ah u soo
saaray magacaabista Madaxweyne ku-xigeenkiisa cusub, kaas oo uu u magacaabay
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda
Somaliland, kana mid ah Mudanayaasha Gobolka Saaxil kaga jira Baarlamaanka.
Magacaabista Madaxweyne
Ku-xigeenka cusubi, waxay soo af-jartay in ku dhow sideed maalmood oo uu socday
olole xoog leh oo loogu xusul-duuban yahay buuxinta jagadaas, taas oo uu
aakhirkii si lama fillaan ah ugu soo baxay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo aan
hore uga muuqan muraayadda ololihii loogu jiray buuxinta jagadan, isla markaana
aanu magaciisu ka mid ahayn magacyadii la isla dhex marayay, waxaase lagu war
helay markii uu shalay Madaxweynuhu soo saaray Wareegtada magacaabista
Madaxweyne Ku-xigeenka cusub.
Sida lagu sheegay
war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, wuxuu Madaxweynuhu
soo saaray magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka, kadib markii uu tixgeliyay
la-tashiyo uu la sameeyay duqay iyo waxgarad ummadda ka tirsan, isla markaana
uu cuskaday sharciyadda distoorka, kuna
qancay inuu masuulkani hannan karo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka.
Qoraalka lagu magacaabay
Madaxweyne Ku-xigeenka cusub, waxa kale oo lagu sheegay inuu Madaxweynuhu isla
shalayba magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusub qoraal ahaan ugu gudbiyay
golayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), isagoo Madaxweynuhu sheegay
in ay Baarlamaanku waajibaadkooda distooriga ah ka gutaan Madaxweyne
Ku-xigeenka cusub oo la filayo inuu dhakhso ah u hor tegi doono Baarlamaanka,
si ay u ansixiyaan.
Sida uu dhigayo
Distoorka Somaliland, marka ay timaado xaaladdan oo kale, waxa magacaabista
Madaxweyne Ku-xigeenka soo xulanaya Madaxweynaha, kadibna u gudbinaya
Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, waxaana ansixintiisa wada-jir ugu codaynaya
labada Gole oo wada-jira, taas oo ay ogolaanayaan ama diidayaan, iyadoo haddii
ay diidaan uu Madaxweynuhu mar kale xaq u leeyahay inuu muddo 30 maalmood
gudahood ah dib u soo magacaabo Madaxweyne Ku-xigeen.
Hargeysa (Haatuf):
Urur-siyaasadeedka ASAD oo ka mid ah, ururada Siyaasadda ee dalka Somaliland ka
abuurmay dabayaaqadii sannadkii hore, laakiin aan hore isu diiwaan-gelin ayaa
markii u horreysay hadda ku dhawaaqay in ay is-diiwaan-gelinayaan, sidaana waxa
xaqiijiyay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee ASAD,
Yuusuf Maxamed (Tuke).
“Guddiga Fullinta
Isbahaysiga ASAD, waxay go’aamiyeen in la diiwaan-geliyo isbahaysiga,” ayuu
yidhi War-saxaafadeedkaasi.
Ururka ASAD, waxa uu ahaa
urur-siyaasadeedka keliya ee qaadacay Is-diiwaan-gelintii ururada Siyaasadda,
halka ay iska diiwaan-geliyeen ilaa toddoba urur-siyaasadeed oo kale. Sidaa
darteed ururka ASAD, isaga oo tilmaamaya sababta uu hadda u go’aansaday inuu
is-diiwaan-geliyo, wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi:
“Go’aanka
is-diiwaan-gelintu, wuxuu ka yimid wada-tashi ballaadhan oo ay yeesheen ururada
uu ka kooban yahay Isbahaysigu oo kala; UGBAAD, Dib-u-habaynta SNM, USIN, DADKA
iyo AllA-AAMIN, iyo weliba taageerayaal badan oo isugu jira waayeel iyo
waxgarad, waxayna taasi ka dambaysay markii dalku galay marxalad cusub, kadib
geeridii ku timid Madaxweynihii hore Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim
Cigaal, sidaa awgeed waxa timid maalin loo baahan yahay Midnimo, isku duubnaan
iyo is-xilqaan dheeraad ah, si looga gudbo duruufaha adag ee ina soo food-saaray,
iyadoo maanta loo baahan yahay wada-tashi run ah, ururka ASAD-na wuxuu muujiyay
tallaabo kasta oo u adeegaysa danta ummadda, kuna salaysan distoorka, midnimada
iyo xasiloonida Somaliland, waxayna tahay ujeeddada uu ururka ASAD isu
diiwaan-gelinayaa inuu Shacbiga u muujiyo niyad-samidiisa, isla markaana uu
Xukuumadda Cusub siiyo fursad ay ku saxdo khaladaadka jira, waxna ka bedesho
Siyaasadii ahayd la-isu-joojin-maayo, xil-gudashadeedana ay ku salayso
wada-tashi run ah.
Sidoo kale ururka ASAD,
waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay sababaha uu markii hore ku diidanaa
is-diiwaan-gelinta, wuxuuna yidhi: “ururka ASAD, wuxuu is-diiwaan-gelinta ku
diiddanaa sababo cad-cad oo marxaladdaa taagnaa, welina ay badidoodu taagan
yihiin, waxaana ka mid ahaa:
1. Wada-tashi la’aan saamaysay
qaabkii loo maamulay xeerarkii iyo hay’adihii doorashooyinka, iyo weliba guud
ahaan jidka loo marayo doorashada oo qaabkii loo maamulay ahaa mid aan lagu
gaadhi karayn doorashooyin xor ah oo xallaal ah.
2. Maqnaashaha Shuruucdii
saldhigga u ahaa doorasho xaq ah, sida xeerka Jinsiyadda iyo xeer
kala-xaddaynta xuduudaha Gobolada iyo Degmooyinka.
3. Tira-koob la’aanta
cod-bixiyayaasha iyo guud ahaan dadka reer Somaliland.
4. Gobolada qaarkood oo aanu
Maamulku gaadhin, taas oo wiiqday Midnimadii Somaliland.
5. Iyo kala-qaybsanaan iyo
kalsooni-darro ka abuurantay jewigii Siyaasadeed ee jiray iyo qaabkii loo
aasaasay ururka UDUB oo cirka ku sii laalay rajada doorashooyin loo siman
yahay.”
Waa Kuma Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusubi?
Abaaro 10:45- daqiiqadood ee
gelinkii hore ee shalay ayaa si rasmi ah loogu war helay magacaabista
Madaxweyne-kuxigeenka cusub oo ah Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu Madaxweyne Rayaale
u doortay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub.
Warka magacaabista
Madaxweyne Ku-xigeenka cusub waxa xarumaha iyo rugaha saxaafadda Somaliland u
qayb-qaybiyey Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris Ducaale. Hase yeeshee,
warku markiiba wuu istafay oo wuxuu ku baahay suuqyada magaalada, sidaa darteed
waxa si is-daba-joog ah xafiiska wargeyska ugu soo dhacayey telefoono ay dadku
nagu waydiinayaan qofka uu yahay ninka loo magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka
cusub iyo waxa uu ahaan jiray ama sooyaalkiisa taariikheed (his back ground),
waydiintaasina waxay ahayd mid ay dadku ku doonayeen in ay ogaadaan ninka loo,
magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland, taas oo ay aad u
xiisaynayeen.
Waxa laga yaabaa in ay
sababta ugu weyn ee ay dadkaasi noola soo xidhiidhayeen ahayd garan-waa iyo
filan-waa ay kala kulmeen ninka loo magacaabay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka oo
aanay horena u aqoon, ayaamahana aanay maqal hadal-hayntiisa intii uu socday
ololihii loogu jiray helista jagada banaanaatay ee Madaxweyne Ku-xigeenka.
Haddaba, si aad wax uga
ogaataan qofka uu yahay iyo sooyaalka taariikheed ee masuulka loo magacaabay jagada
Madaxweyne Ku-xigeenka waxaanu idiinka soo diyaarinay warbixintan:
“Mudane Axmed Yuusuf
Yaasiin, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1957-kii.
Waxbarashadiisii Quraankana wuxuu ku qaatay magaalada Berbera, sidoo kale
waxbarashadiisii dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay magaalada
Hargeysa sannadihii u dhexeeyey 1967-kii ilaa 1974-kii.
Waxbarashadiisii dugsiga
sarena wuxuu ku qaatay magaalada Hargeysa intii u dhexaysay 1974-kii –1976-kii.
Intaa kadib, wuxuu Maxadka
lagu magacaabo British Career Training College Jersey ee dalka Ingiriiska ka
qaatay shahaado Diploma ah oo dhinaca xisaabaadka ah, waxa kale oo uu
sannadihii u dhexeeyey 1995ilaa 1998 iyo 2000 magaalada Hargeysa ku qaatay
aqoon kala duwan oo la xidhiidha nidaamyada dawliga ah iyo culuunta
kombiyuutarada. Waqtigan xaadirka ahna waxa uu ka mid ahaa ardayda wax ka
barata kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, isaga oo laga soo bilaabo
1997-kii ilaa hadda ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.
Sida la sheegay Axmed wuxuu
ku hadlaa luqadda Soomaaliga marka laga reebo laba luqadood oo kale, kuwaas oo
kala ah Ingiriisida iyo Carabiga.
Dhinaca kale sannadihii
1993-kii ilaa 1997-kii, wuxuu maamule ka ahaa shirkad xoolaha dhoofisa oo la
yidhaahdo DUBAR.
Sannadkii 1993-kii wuxuu
kormeere ka ahaa barnaamij dhinaca gargaarka ah oo ay ku shaqo lahaayeen guddi
ka shaqeeya iskaashiga dhinaca dhaqaalaha oo ka dhexeeya Sucuudiga iyo
Maraykanka, laguna magacaabo JECOR, xaruntiisuna ahayd magaalada Riyaad ee
dalka Sucuudi Carabia.
Dhinaca kale haddii aynu
eegno, Axmed Yuusuf Yaasiin intii uu ku jiray Golaha Wakiiladda Somaliland waxa
lagu tirin jiray muadanayaasha qunyar socodka ah ee aad u afka gaaban, wuxuuna
ahaa nin aan codkiisa aad loo maqal oo aanu heerkulkiisa Siyaasadeed had iyo
goor aad u kacsnayn. Waxaase lagu tilmaami karaa nin asluub badan.
Axmed ma ahayn nin inta
badan masraxa doodaha ku dheereeya, laakiin haddii uu masraxa doodda fuulo waxa
uu nin sawaxan badan lahayn oo si miyir qabta u dooda.
Waxa kale oo Axmed lagu
tilmaamaa nin akhlaaq wanaagsan oo weliba ehlul-cibaado ah, laakiin marka laga
yimaado akhlaaq wanaagiisa dadka aqoonta u lihi waxay ku tilmaameen inuu yahay
nin dhinaca ganacsiga ay hawlihiisu u badnaayeen oo aan qaarac ku ahayn
mihnadda qaxarka badan ee Siyaasadda, sidoo kale waxa lagu tilmaamay inuu yahay
nin caydi ku ah jiidaasha syaasadda iyo xadaafiirta maamulkaba, sidaa awgeed
waxay dad badani is-weydiinayaan tolow maxay isla fali-doonaan Axmed iyo
waayaha Siyaasadeed ee qaxarka badan ee Somaliland ka ooggan waqtigan xaadirka
ah.
Hadal iyo murti Axmed
waxaynu ku tilmaami karnaa Siyaasi aan doob dilaacsan oo ku cusub golayaasha
iyo masraxyada Siyaasadda, laakiin bal aynu ka war sugno inuu Axmed noqdo nin
buuxiya kaalinta Siyaasadeed ee u bannaan kursiga uu fuulay iyo in kale.
Xuska 18-Ka May: 12 Sannadood Ka
Hor Iyo Saaka Midba Waa Sidee Xaalku
Hargeysa (Haatuf):
Sannad-guurada 12aad ee xuska 18-ka may oo ah maalinta la soo noqoshada
madaxbanaanida Somaliland ayaa maalinta berito looga dabaal-degayaa dalka
Somaliland.
Damaashaad iyo farxad ayaa
cirka isku shareeray ayaa lala yaacay, ka dib markii 18-kii may 1991-kii
magaalada Burco oo uu ka socday shirkii koowaad ee beelaha somaliland lagaga
dhawaaqay go’aamadii ahaa inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii,
isla markana ya ka go’day dalwaynihii jamhuuriyaddii somaliyeed.
Warka ku dhawaaqidda
madaxbanaanida Somaliland oo ay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii 18-ka
may baahisay idaacadda raadyow hargaysa waxa cirka isku shareeray sanqadha iyo
iftiinka rasaas boqolaal xabo gaadhaysa oo laga ridayey qoryo kala duwan oo ay
ka midyihiin boobayaasha fudud iyo kuwa lidka diyaaradaha,waxyana taasi qayb ka
ahayd dabaal-deg ku saabsanaa go’aankii ku dhawaaqidda madaxbanaanida
Somaliland.
Ka dib markii lagu
dhawaaqay go’aankii madaxbanaanida waxa magaalada Burco lagu soo dhisay dawlad
ka kooban Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo gole wasiiro ah, waxayna
xarunta dawladaasi noqotay magaalada hargaysa oo ah caasumadda Somaliland..
Madaxweynihii ugu horeeyay
ee Somaliland –na wuxuu noqday C/raxmaan Axmed Cali (tuur),
Madaxweyne-ku-xigeena waxa noqday Xasan Ciise Jaamaca oo waqtigaa isu ahaa
Gudoomiyihii iyo gudoomiye-ku-xigeenkii ururka SNM ee qabsaday goboladii
Waqooyi ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, ka dib markii ka saaray taliskii Siyaad
Barre.
Muddo labo sannadood ah
ayaa hogaankii ururka SNM loo doortay inuu talada hayo, waxaana qaab baarlaman
u shaqaynayey golihii dhexe ee SNM oo uu gudoomiye ka ahaa Ibraahim Maygaag
Samatar, waxaase golahaa lagu daray xubno kale oo ka tirsan beelaha Somaliland.
Maamulkii Dawladii
C/raxmaan Axmed Cali e Burco lagu soo dhisay, toddobadii bilood ee u horeeyay
wuxuu ku tallaabsaday dhaqdhaqaaqyo waxqabad ah oo aad loogu diirsaday, wuxuuna
wax weyn ka taray dhinaca nabadgelyada, taas oo la sameeyay Ciidan Nabadgelyo
oo badidooda laga soo xulay Cutubyadii dagaalyahankii SNM. dawladaasi waxay
ahayd, mid ay ku wada-jireen Garabyadii Siyaasadeed ee hogaankii SNM oo ahaa
kuwo ku kala duwan dhinaca afkaarta. Hase yeeshee, markii uu C/raxmaan Axmed
Cali dabayaaqadii sannadkii 1991-kii isku-shaandhaynta ku sameeyay golihiisii
wasiirada, waxaa kadib bilaabmay jawi cusub oo khilaafaad Siyaasadeed ah, kaas
oo markii dambe isku rogay dagaalo sokeeye.
Haddaba si loo xaliyo
khilaafaadkii jiray iyo dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalada sokeeye, ayaa
markii uu dhammaaday xilligii labada sannadood ahaa ee Maamulkii dawladii SNM,
waxay beelaha Somaliland mar kale Shir isugu yimaadeen magaalada Boorama ee
xarunta Gobolka Awdal, horraantii 1993-kii, halkaas oo ay ergooyinkii beelaha
ka socday shir muddo dheer u socday kadib ku sameeyeen dawlad cusub oo talada
loo igmaday muddo laba sanno ah, iyadoo shirkaa lagu sameeyay Axdi Qarameed
ahaa xeerka ugu sareeya ee ay ku dhaqmayso dawladaasi.
Nidaamka Dawladii Boorama
lagu soo dhisay, waxay ka koobnayd laba gole oo kala ah Guurti iyo Baarlamaan
iyo Gole Xukuumadeed oo ka kooban; Madaxweyne, Ku-xigeen iyo Gole Wasiiro.
Maalin-nimadii 5-tii May
1993-kii, ayaa madasha shirkii Boorama lagaga dhawaaqay Madaxweyne iyo
Madaxweyne Ku-xigeen cusub oo beddela kuwii hore, waxayna labadaa nin kala
ahaayeen Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Madaxweynihii geeriyooday, Alla ha’ u
naxariistee) iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax.
Hawshii ugu horeysay ee ay
ku tallaabsatay dawladii Boorama lagu soo dhisay waxa ay ahayd,
hub-ka-dhigistii dagaalyahanka oo ay si weyn ugu guulaysatay, kuwaas oo intooda
badan lagu kala daray Ciidamada Qaranka, Booliska iyo Asluubta. Hase yeeshee,
Maamulkii Maxamed X. Ibraahim Cigaal ee Boorama lagu soo dhisay kama
nabad-gelin khilaafaad Siyaasadeed. Sidaa awgeed, khilaafaad siyaadeed oo jiray
awgeed 15-kii November 1994-kii, waxa magaalada Hargeysa ka sanqadhay rasaas
qiiqeedu cirka isku shareeray, taas oo ahayd dagaal sokeeye oo ka qarxay magaalada,
dagaalkaas oo markii dambe ku fiday magaalada Burco iyo meelo kaleba, waxa uu
socday in ku dhow laba sanno, laakiin waan-waan nabadeed iyo dib-u-heshiisiin
ayaa mar kale la galay, waxaana aakhirkii la isugu yimid Shirweynihii saddexaad
ee beelaha Somaliland oo ka dhacay magaalada Hargeysa, intii u dhexeysay
dabayaaqadii 1996-kii ilaa horraantii 1997-kii.
Shirkaa waxaa mar kale
Madaxweyne loogu doortay Maxamed X. Ibraahim Cigaal, halka Madaxweyne Ku-xigeen
cusub loo doortay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Waxyaalaha kale ee ay
dawladii Madaxweyne Cigaal ku guulaysatay, waxaa ka mid ahaa; hirgelinta
lacagta Shillinka Somaliland oo soo baxday 1994-kii iyo samaynta Distoorka
Somaliland oo Afti dadweyne loo qaaday 31-kii May, 2002, kaas oo ay dadweynuhu
si ballaadhan u ogolaadeen.
Dabayaaqadii 2001 ilaa
horraantii 2002, waxaa dalka Somaliland ka abuurmay ururo Siyaasadeed oo
gaadhaya ilaa sideed urur, waxaana abuurmay Jawi Siyaasadeed cusub oo ay
muraayadda Siyaasadda ku hirdamayaan kooxo Siyaasadeed oo afkaarta ku kala
duwan, kuwaas oo ugu yaraan kala ahaa dhinacyada talada gacanta ku haya iyo
kooxo mucaarid ah oo talada dibadda ka joogga.
Ugu dambeyn 3-dii May,
2002, waxaa geeriyooday Madaxweynihii Somaliland (Alla ha’u naxariistee)
Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ku dhintay Cusbitaal ku yaal magaalada
Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u tegay arrin Caafimaad.
Geerida Madaxweynihii hore, waxay keentay inuu Madaxweyne Ku-xigeenkiisii
Mudane Daahir Rayaale, isla 3-dii May noqdo Madaxweynaha cusub ee Somaliland.
6-dii May 2002, ayaa meydka
Madaxweynihii geeriyooday oo diyaarad lagu sido la keenay magaalada Berbera,
halkaas oo uu ka dhacay aas ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen boqolaal kun oo
dadweynaha Somaliland ah oo ay ka dhex muuqdaan inta badan hogaamiyayaasha
Siyaasadeed, dhaqan, bulsho iyo waxgaradka reer Somaliland.
Madaxweyne Rayaale 16-kii
May oo ahayd shalay, ayuu jagadii uu baneeyay u magacaabay Mudane Axmed Yuusuf
Yaasiin oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland.
Arrintu sida ay doonto ha
noqotee, 11-sannadood oo ay Somaliland soo martay marxalado iyo duruufo kala
duwan kadib, waxay maalinta barrito u dabaal-degaysaa Xuska Sannad-guurada
11aad ee la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland, iyadoo ay
sannad-guuradani ku soo beegantay marxalad xusuus leh, taas oo ay degel-fadhi
yihiin duruufihii ka dhashay geeridii Madaxweynihii hore iyo weliba duruufo
hore u jiray oo is-biirsaday, dadkuna ay ka faaloonayaan sida looga gudbi karo
duruufahaa iyo sida Maamulka Daahir Rayaale Kaahin u maareyn doono duruufaha
Siyaasadeed ee horyaal.
Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiir Denmark Ah Oo Wada-Hadal
Dhexmaray
Hargaysa (Haatuf):
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay xafiiskiisa
ku qaabilay Danjiraha dawladda Denmark u fadhiya dalka Kenya, Mr. Finn Thilsted
oo uu weheliyo xoghayihiisa koowaad ee u qaabilsan arrimaha horumarinta.
Danjiruhu wuxuu sheegay
inuu socdaalkiisu Somaliland la xidhiidho, kormeer uu ku samaynayo mashaariicda
ay Denmark ka wado Somaliland, iyo xogo-gaal u noqoshada xaaladda dalkan, iyo
weliba arrimo ay Somaliland rabto in ay wax kala qabato dawladda Denmark.
Sida uu sheegay
war-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris kulankaa ka soo
saaray, wuxuu Madaxweyne Rayaale, Danjirahaa ka siiyay xaaladda Somaliland iyo
marxaladihii ay soo martay, wuxuuna u sheegay in arrinta aqoonsiga Somaliland
uu waddankani buuxiyay shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga, iyadoo aanu dalkani
ahayn Gobol ka go’ay Soomaaliya ee uu ahaa Qaran Madaxbannaan, iyadoo aanay
Soomaaliya Gobanimadeeda qaadan.
“Waxaanu kala ahayn
Koonfurta oo Talyaanigu xukumayay, magaceeduna ahaa Soomaaliya iyo annaga oo
ahayn Maxmiyadii Ingiriiska magacayaguna ahaa Somaliland, doonista shacbigana
aanu ugu biirnay Midnimadii riyada ahayd ee Soomaali-weyn oo aan maanta jirin,
sidaa daraadeed ayaanu 1991-kii Qaranimadayadii dib ula soo noqonay,” ayuu
yidhi Madaxweynuhu, isagoo intaa ku daray, “Waxaanu qabnaa xal u helida laga
raadinayo arrinta Soomaaliya in ay furre u tahay aqoonsiga Somaliland, waxa
kale oo aanu aad u danaynaa in wax nalagala qabto horumarinta arrimaha
dhaqaalaha iyo bulshada, maxaa yeelay; intii awooddayada ah aasaaskii baanu u
dhignay, iyadoo aanaan adduunka wax kaalmo ah ka helin, taas waxa aanu u
baahannahay in nalagu taageero.”
Ugu dambeyntii Danjiruhu,
wuxuu sheegay inuu dalkiisu bisha Julay ee soo socoto Guddoomiye ka noqon doono
ururka EU-da ee dalalka reer Yurub, wuxuuna ka ballan-qaaday Madaxweynaha inuu
dalkiisa gaadhsiin doono xogta buuxda ee uu ka sido Somaliland, iyadoo ay
muuqatay inuu danjiruhu ka garaabay arrimaha uu Madaxweynuhu kala hadlay,
waxaana kulankaa goob-joog ahaa Qunsul sharafeedka guud ee waddamada la isku
yidhaahdo Iskaadaneefiyanka ee ay Denmark ka mid tahay, Inj. Cali Jirde.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Mudane Rayaale, Muddo Gaaban Ma Is-Waafajin Karaa Hawlo Adag
Doorashada Golayaasha
Dawladaha Hoose, Kuwa Baarlamaanka iyo Hogaanka Madaxtooyadda oo la doonayso in
lagu soo doorto hannaanka xisbiyada badan iyo tartanka doorashooyinka Madaxtinimada,
ayaa ka mid ah hawlaha ugu ad-adag ee horyaal Maamulka Madaxweyne Rayaale,
muddada sannadka ka yar ee xilka loo doortay, isagoo shalay magacaabay Ninka
Madaxweyne Ku-xigeenka u noqonaya oo ah Axmed Yuusuf Yaasiin. Sidoo kale, waxa
horyaal duruufo Siyaasadeed oo iyagana looga fadhiyo inuu furdaamiyo.
Urur-siyaasadeedka ASAD oo
ay ku bahoobeen rag door ah oo magac lihi, ayaa hadda qaatay mowqif cusub oo
isku diiwaan-gelinayo kadib, markii uu hore u qaadacay is-diiwaan-gelinta, kuna
dooday in aanu ismacayn wax aan shir-beeleed ama shirweyne qaran ahayn, laakiin
hadda waxay u muuqataa inuu ururka ASAD, diyaar u yahay wixii la keenaba. Sidoo
kale, waxa jira tibaaxo sheegaya in lagu dhawaaqayo urur-siyaasadeed cusub,
kaas oo ilaa hadda aan soo shaac-bixin, laakiin ay wararka qaar tibaaxayaan in
ay hormood ka noqonayaan xubno ay ka mid yihiin; Siyaasiga Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo ay hore u jireen ilaa toddoba urur-siyaasadeed oo
is-diiwaan-geliyay. Arrimahaasina, waxay u muuqdaan sheekooyin cusub oo ku soo
biiray xarakaadka Siyaasadeed ee Somaliland, waxaanad moodaa in si weyn loogu
diyaar garoobayo loolan Siyaasadeed oo mustaqbalka dhow lagu kala dhacsanayo
kuraasta hogaaminta.
Runtii marka la eego, mugga
isbedelka loo baahan yahay, hawsha adag ee meesha taal iyo muddada gaaban ee uu
haysto Maamulka Madaxweyne Rayaale ee ku boori-kaasaya inuu muddada sannadka ka
yar, qabanaya doorashooyinka saddexda ah, waxay dad badan ugu muuqataa sheeko
aan hawl yareyn, laakiin haddii aynu Rayaale iyo Maamulkiisa sidooda u raacno,
waxaa muddadaa looga fadhiyaa agaasinka Nidaamkii doorashooyinka oo
dhammaystiran iyo qaban-qaabada hawsha ballaadhan ee qabashada doorashooyinka.
Hase yeeshee, marka taa laga yimaado waxa xilligan muuqata inaan jawaab sax ah laga
bixin karin in ay doorashadu hirgeli doonto iyo in kale, waxaase taa tilmaan ka
bixin doona hadba hawl-galka ka muuqda muddada dhow Maamulka iyo guud ahaan
dhinacyada ka qayb-galaya hawsha doorashada.
Waxa kale oo isna sawirka
qurxin kara ama rajo-xumo ka muujin kara, hadba sida tallaabooyinka arrintan
loogu diyaar-garoobayo ay aragtidoodu isugu dhawaato ama u kala fogaato,
dhinacyada Xisbiga dawladda ee UDUB iyo xisbiyada Mucaaridka ah.
Hindisaha la doonayo in
loogu gudbo doorashooyin ay dadku cododkooda dhiibtaan, waxaa iyaguna hawshaa
saamayn weyn ku leh golayaasha sharci-dejinta oo haddii ay taban-taabiyaan
hawlaha ku xidhan, wax badan ka tari kara arrimaha.
Haddii uu Maamulka
Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ku hirgeliyo
hawsha adag iyo isbedelka mugga weyn ee hannaanka doorashada, waxaa xaqiiq ah
in ay ku heli doonaan sumcad weyn oo Siyaasadeed, laakiin haddii ay hirgelin
waayaan waa hubaal in ay markaana la kulmi doonaan Mowjaddo Siyaasadeed iyo
duruufo badan oo ay ku haftaan, taas oo haddii hungo lagu dhaco ay hadhow
furdaaminteedu adkaanayso.
Arrinta kale ee muhimka
ahina waxay tahay, hadba sida ay kalsooni iyo is-faham u yeeshaan dhinacyada
Siyaasaddu, gaar ahaan ururada, kooxaha iyo shakhsiyaadka mucaaridka ah, taas
oo haddii ay dhacdo la odhan karo, waxay yarayn doontaa surmo-seegto iyo
gebi-dhaclayn Siyaasadeed oo dalka hadhaysa.
Hadal iyo dhammaan,
waxaynu qormadeenan ku soo
gunaanadaynaa Madaxweyne Riyaale iyo Maamulkiisu, hawlo ad-adag ma is-waafajin
karaan muddo gaaban.
Maleeshiyo Hubaysan Oo Burburiyay
Dhismaha Dugsi Cusub Oo Saylac Ah
Boorama (Haatuf):
Kooxo Maleeshiyo hubaysan ah ayaa dhawaan burburiyay dhisme gacanta lagu hayo
oo loogu talo-galay inuu noqdo Dugsiga Sare ee magaalada Saylac oo ka tirsan
Gobolka Awdal, waxaana dhacdadaa ka dhashay Xiisad muran dhalisay.
Badhasaabka Gobolka Awdal
iyo Wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska
Gobolka iyo Odayaal ka soo jeedda Beesha Maleeshiyada falkaa geysatay, ayaa u
ambabaxay degmada Saylac, si ay wax uga qabtaan mushkiladdaa.
Sida uu ku soo waramay
Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, falka lagu
burburiyay dhismahaa, waxa uu dhacay 14kii bisha May ee aynu ku jirno, waxayna
wararku sheegeen in ay Maleeshiyada arrintaa ku tallaabsatay tiradoodu
gaadhayso ilaa kontomeeyo Nin, taas oo ay Weriyaha Haatuf u
xaqiijiyeen dad socoto ah oo ka yimid Jiidda Saylac.
Wararku ma sheegin, wax
khasaare kale ah oo ay Maleeshiyadaasi geysteen, waxaana la sheegay in ay
Nimankaa Maleeshiyada ahi, markii ay falka geysteen kadib magaalada uga baxeen
dhinaca tuullooyin isla deggaankaas ah.
Nin ka mid ah Odayaasha
Beesha ay Maleeshiyadaasi ka soo jeedo oo ka cudur-daartay in magaciisa la
sheego, ayaa Haatuf u sheegay in sababta ay maleeshiyadu falkaa u
geysteen ay tahay arrin la xidhiidha aano hore u dhexaysay Beesha Maleeshiyaddu
ka soo jeedo iyo Beel kale oo isla deegaanka Saylac ah, aanadaasina ay tahay
dilka Marxuum la odhan jiray Maxamed Xasan Ardaale oo lagu dilay magaalada Hargeysa
10 November 2002. Marxuumkaa oo uu sababta dilkiisu la xidhiidhay, muran ka
dhashay Qandaraaskii Iskuulka Saylac ee hadda la dumiyay.
Wararku waxa kale oo ay
tibaaxeen in ay xaaladda Saylac hadda caadi tahay, balse uu falkaasi degaamada
Galbeedka Gobolka Awdal ka abuuray dareen xasaasi ah, kaas oo sababay in
deggaamada deegaanka Awdal loo dhaqaajiyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka,
si ay u sugaan ammaanka, iyadoo ay dhinaca kalena u ambabaxeen degaankaa wefti
uu hogaaminayo Badhasaabka Awdal, si ay arrinta wax uga qabtaan.
“Qofkala Dooranayo Waa In Loo Eego
Taariikhdiisa Iyo Waxtarkiisa”
Hargeysa (Haatuf):
Guddoomiyaha ururka S.T.I.L.L, Maxamed C/laahi Caabi Faarax, ayaa sheegay in
ururkiisa iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska
ay aad u boggaadiyeen, sidii haboonayd ee ay dadka reer Somaliland uga gudbeen
marxaladii adkayd ee ka dhalatay geeridii Madaxweynihii hore.
Ururka S.T.I.L.L oo ay
xaruntiisu tahay magaalada London, una dhaqdhaqaaqa baadi-goobka aqoonsiga
Somaliland, waxa uu guddoomiyahoodu hadda socdaal ku jooggaa Somaliland, gaar
ahaan Caasimadda Hargeysa.
Wareysi uu Maxamed C/laahi
Caabi, habeen hore siiyay Wargeyska Haatuf, waxa uu ku sheegay
inuu aad ula dhacsan yahay isbedelka la sameeyay geeridii Madaxweynihii hore
kadib, taas oo uu sheegay in ay lama fillaan ku noqotay dawladaha iyo dadka
shisheeyaha ah oo uu yidhi; “Markii hore may rumaysnayn inuu isbedel sidaas oo
kale ahi ka dhici doono Somaliland, sidaas daraadeedna ay arrintaasi wax ka
bedeli kari karayso aragtidii markii hore laga haystay Somaliland.”
Maxamed C/laahi Caabi,
wuxuu arrintan aad ugu ammaanay dadka reer Somaliland oo uu xusay in ay
muujiyeen wada-jir iyo isku duubnaan dhib yaraysay in ay isbedel dhakhso ah keenaan.
Guddoomiyaha S.T.I.L.L, mar
uu ka hadlayay ujeeddada socdaalkiisa Somaliland, wuxuu sheegay inuu u yimid
sidii uu tacsi u gaadhsiin lahaa Shacbiga Somaliland, isaga oo xusay in ay u
suurto-geli wayday inuu ka soo qayb-galo aaskii Marxuum, Maxamed X. Ibraahim
Cigaal, wuxuuna sheegay inuu booqan doono xabaashii lagu aasay, iyadoo uu
Maxamed aabihiina ku aasan yahay isla goobtaa.
Guddoomiyaha S.T.I.L.L,
isaga oo ka hadlaya halka ay marayaan hawlihii aqoonsi raadinta Somaliland ee
uu ururkoodu waday iyo guud ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer
Somaliland ee ku nool Cariga Ingiriiska, wuxuu sheegay in ay hadda rajo fiican
ka qabaan in tixgelin gaar ah la siiyo Somaliland, dadka reer Somaliland ee
dibadaha ku dhaqanina ay dedaal ugu jiraan, sidii ay dib-u-dhis ugu samayn
lahaayeen dalkooda.
Dhinaca xaaladda nololeed
ee dadka reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan, wuxuu xusay in waxyaalaha aad loo
hadal hayo ay ka mid yihiin, muran ku saabsan qaadka, taas oo ay doodi ka
taagan tahay waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa, wuxuuna tilmaamay inuu isagu u arko
in ay cunista qaadku dadka dibadaha ku nool ka hortaagan tahay waxyeelooyin
kale oo ka khatarsan, sida; isticmaalka khamriga, xashiishada iyo
mukhaadaraadka kale ee halista ah.
“Waxa loo baahan yahay in
cunista qaadka lagu darro farsamo,” ayuu yidhi Caabi.
Ugu dambayn, wuxuu dadka
reer Somaliland u soo jeediyay talo, wuxuuna yidhi; “Ummadda Somaliland waxaan
u soo jeedinayaa in aanay cidii ay dooranayaan ku qiimayn Qabyaalad iyo
Qof-jeclaysi, balse ay u eegaan taariikhda uu qofkaasi leeyahay iyo waxa uu
dalka u qaban karo oo la miisaamo, taas ayaana horumar lagu gaadhi karaa.”
Wuxuuna intaa ku daray in aanu ururkiisa S.T.I.L.L, hunguri ka hayn Siyaasadda,
balse ay ka shaqayn doonaan waxtarka dalka.
Arday Machadka Rainbo Ah Oo U Fadhiisatay Imtixaan Kama-Dambays Ah
Hargeysa (Haatuf):
Koox arday ah oo ka mid ah ardayda wax ka barata maxadka barashada luqadaha ee
RAINBO oo ku yaal magaalada hargaysa ayaa shalay u fadhiistay imtixaankii kama
dambaysta ahaa , ka dib markii ay soo dhamaysteen duruus taxane ah oo u socotay
muddo 16 bilood ah, kuna saabsan luqadda ingiriisida.
Maamulaha maxadka barashad
luqadha RAINBO Xuseen Cali Shire ayaa u sheegay wargayska Haatuf
inay ardayda ku guulaysata imtixaankan ay qaadan doonaan shahaadad
qalin-jebinta ee luqadda ingiriisida, iyadoo uu maamuluhu sheegay inay
natiijada imtixaanka soo saari doonaan dhawaan, taas oo ardayda qalin-jebisa
loo qaban doono xaflad qalin-jebin ah.
Ardayda imtixaankan gashay
waxay noqonayaan daf-caddii labaad ee ka qalin-jebisa maxadka barashada
luqadaha ee RAINBO.
Maxadka barashada luqadaha
ee RAINBO waxa markii u horaysay la furay snnadkii 2000,wuxuuna ka kooban yahay
ilaa laba qaybood , iyadoo qayb ka mid ah
lagu barto luqadaha sida: Ingiriisida, Faransiisska iyo Carabiga, halka
ay qaybta kale tahay dugsi hoose oo ay wax ka bartaan arday da’ yari .
Sida uu sheegay maamulha
maxadka Xuseen Cali Shire waxa maxadka wax ka barta arday tiradoodu gaadhayso
ilaa 400 oo arday, waxaana wax ka dhiga ilaa 4 macalin, isla markaana waxa uu
maamuluhu intaa ku daray inay higsanayaan horumar intaa ka ballaadhan.
“Tan iyo markii aanu furnay
maxadku wuxuu ku talabsaday horumar weyn, waayo waxaanu marki u horaysay ku
furnay ilaa 50 arday maantana waxa wax ka barta ilaa 400 oo arday” ayuu yidhi
maamuluhu, isaga oo intaa ku daray “Mustaqbalkana waxaanu ku talo jirnaa in
aanu hore u marino dugsiga, oo aanu xataa ku xidhno maxadyo debedaha ah.”
Hargeysa (Haatuf):
Koox isugu jirta hawl-wadeenno iyo shaqaale oo ka kala socday wasaaradaha iyo
hayadaha kala duduwan ee dawladda Somaliland ayaa shalay tababar socday muddo
tddobaad gaadhaysa ugu xidhmay xarunta hayadda shaqaalaha dawladda ee magaalada
hargaysa, waxaana tababarkaa xidhay Gudoomiyaha hayadda shaqalaaha dawladda
Cabdilaahi Cali Xayd, iyadoo loogu talo galay xidhitaanka tababarkaa lagu
qabtay hoolka shirarka ee xarunta hayadda shaqaalaha,waxaana xidhitaankii
xafladaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan.
Gudoomiye-xigeenka iyo
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalha Cumar Xaaji Siciid iyo C/kariin SH:
Ibraahim ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasibadaa, waxayna
tilmaamo ka bixiyeen ujeedadii loo qabtay tababarkaa iyo faa’iidooyinka ka soo
baxay, taas oo ay sheegeen inay ujeedada tababarkaa loo qabtay ahayd kor u
qaadidda aqoonta shaqaalaha dawladda, sidaa awgeed-na ay ka qayb-galayaashu ka
korodhsadeen aqoon badan oo la xidhiidha shaqooyinkooda.
Sidoo kale waxa halkaa ka
hadlay Maxamuud Caynaanshe Amarre oo isna ku hadlay magaca ka soo
qaybgalayaashii tababarka, wuxuuna sheegay Maxamuud Caynaanshe inay tababarkaa
ka korodhsadeen aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah oo aad uga caawin doonto
dabakhidda hawlahooda .
Gudoomiyaha hayadda
shaqaalaha dawladda Cabdilahi Cali Xayd oo ugu dambayntii xafladaa xidhay ayaa
dadkii tababarku u xidhmay ku guubaabiyey inay aqoontii ay tababarka ka
korodhsadeen ku dedaalaan sidii ay ugu dabakhi lahaayeen adeegyadooda shaqo,
waxaana erayadiisa ka mid ahaa “hawsha maaliyadda ee aad haysaan waa hawsha
wadanka ugu muhimsan, waxaana Illaahay idiinka rajaynayaa inaad noqotaan kuwii
si xaqiiq ah wax u qabta”.
Tababarkani waa kii
saddexaad ee noociisa ah ee ay qabato hayadda shaqaaluhu, wuxuuna ku saabsanaa
tayaynta aqoonta Xisaabaadka, iyadoo ay hay’adda shaqaaluhu hore u qabatay laba
tababar oo la xidhiidha tayaynta adeegyada Maamul iyo maareynta Xisaabaadka.
Burco (Haatuf):
Guddiga loogu magac daray Guddiga Horumarinta Deegaanka Burco iyo Maayarka
magaalada Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay kulankoodii ugu weynaa ku yeeshay
xafiiskan Maayarka, iyadoo ay kulankaa ka soo qayb-galeen masuuliyiin iyo
hawl-wadeeno ka socda Hay’adda Samo-falka IIRO (International Islamic Relief
Organization).
Madaxda IIRO, waxay
kulankaa ku soo bandhigeen Deeq ah Bundaad Maryo ah oo ay ugu deeqeen dadka
Qaxootiga ah ee deggan Xaafadaha Koosaar iyo Sii-bakhti ee magaalada Burco,
waxayna hay’adaasi sheegtay in ay samaynayaan Ceelal biyood iyo in ay xagga
Waxbarashada Diinta ka caawinayaan dhallaanka yaryar ee xaafadahaa ku nool.
Maayarka Burco, ayaa
goobtaa ku magacaabay laba hawl-wadeen oo ka tirsan Dawladda Hoose, si ay
hay’adda IIRO ula qaybiyaan deeqdaa, iyadoo deeqdaa Maryaha ah la qaybin doono
maanta.
Dhinaca kale, Guddiga
Horumarinta Deegaanka Burco, ayaa kulankaa ka soo jeediyay sidii loo xakamayn
lahaa hubka yaryar, dadkana looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinkiisa. Waxa
iyaguna kulankaa ka hadlay Maayarka Burco, Maxamed Cali iyo Taliyaha Qaybta
Booliiska Burco, Saleebaan Muuse Xasan, waxayna sheegeen in 18-ka May magaalada
Burco lagu qaban doono dabaal-deg loogu talo-galay Xuska sannad-guurada 12-aad
ee maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Madaxbannaanida Somaliland.
Marxuum
Maxamed Ibraahim Cigaal Eebe Ha U Naxariistee, Haloogu Magac-Daro Meelaha Qaar
Dal kasta oo caalamka jira
dadkii soo halgamay ayaa logu magac-daraa meelaha muhiimka ah, waxaana aynu
isku raacsanahay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal inuu ahaa aabihii Somaliland
(Father of Somaliland). Sidaas darteed, wuxuu mutaystay isaga oo geeriyooday
3/5/2002 in loogu magac-daro meelahan soo socda;
1. Jaamacadda
“Ereygaasi haloogu magacdaro marxuum Maxamed I. Cigaal”
2. Jidka
wadnaha Hargeysa ee ka soo bilaabma goolada Jig-jiga-yar ilaa kaalinta
ina-Afdiinle ee shidaalka haloogu magac-daro.
3. Laba
Dugsi oo ah kuwa aan magacyada habboon lahayn ee Burco iyo Berbera kala ah
haloogu magac-daro marxuumka.
4. Man-hajka
waxbarashada Somaliland haloogu magac-daro taariikhda Somaliland qaybta ay
khusayso ee Social Study-ga, hana lagu xuso halgamayaashii dalka sida marxuum
Maxamed Ibraahim Cigaal, iyo kuwii la midka ahaa ee soo halgamay ilaa xorayntii
iyo ilaa iyo halgankii dib-u-xoraynta dalka, si jiilba jiilka ka dambeeyaa ay u
akhristaan una ogaadaan taariikhdii halganka dalka loo soo maray iyo ciddii soo
hantay gobanimadan iyo dawladnimadan.
Ismaaciil
C/raxmaan Cumar-xaashi.
Ladagaalanka Qataarka Iyo Sixirka
Dadweynaha Somaliland waxay
qaranimada ay haystaan u soo mareen halgan dheer oo maal badan iyo nafba loo
huray, waxaanay suurogeliyeen in Somaliland noqoto goob ammaan ah, taasuna
waxay soo jiidatay dad farabadan oo ku soo qul-qulay Somaliland, kana soo
kicitimay dalalka aynu deriska nahay sida Itoobiya, Somaliyada kale meelo ka mid
ah, gaar ahaan dhulka webiyada. Dadkaasi waxay ka heleen dadweynaha Somaliland
soo dhoweyn, iyada oo loo arkay dad ka soo cararay dufuufo dhaqaale oo adag,
waxaana u suurogashay inay si xor ah uga shaqaystaan suuqa xorta ah ee ka
hirgalay Somaliland. Xataa munaasabadaha diiniga ah waxaa la guddoonsiiyaa
sadaqadaha iwm.
Iyada oo ay jiraan dad farabadan
oo u dhashay dalka oo ay haysato shaqo la’aan iyo saboolnimo, hase yeeshee
nasiib-darrona ay qaddarin soo galeetigu wanaaga loo galay iyo soo dhoweyntii la
xidhiidhay bani’aadanimada, waxaanay ku kaceen falal fool xun oo ay ka mid
yihiin Sixir iyo Qataar hore aan looga aqoon Somaliland, waxayna ku dhaceen
hanti badan iyo maalka shacbigii soo dhoweeyay. Carruur yar-yar iyo haween
badan ayaa la sheegay ina la qataaray, lana kaxaystay. Waxaad mararka qaarkood
arkaysaa haween barooranaya oo baadi-goobaya carruur la waayay lana xaday.
Haddaba, iyada oo caalamku
marayo qarnigii 21aad oo si buuxda looga xoroobay qafaalashada iyo iibsiga
dadkaba, sidee ayay uga suurogashay dal xor ah oo leh dhammaan hay’adaha
ammaanka in la xado ubadka, lana qataaro haweenka oo la kaxaysto? Runtii waa
arrin fool xun oo ceeb ah, waxaana loo baahan yahay in dadweynaha iyo hay’adaha
arrintaasi khusayso si wadajir ah inay ugu tallaabsadaan wax ka qabashada
arrimahaas, kuwa ay ku caddaatona lala tiigsado sharciga. Ma lihi ha la
dhibaateeyo dad aan waxba galabsan, hase ahaatee waa in la soo af-jaraa lagana
tirtiraa sixirka iyo qataarka Somaliland, kuwa ku lug leh ee sida xun uga
faa’iidaystay naxariistii iyo soo dhoweyntii loo galay, lagana saaro dalkan
Somaliland.
Cumar
Cali Yuusuf.
IFTIINKA ISLAAMKA
Siciid I.
Guraase
Maamuladii Ka Hoos Baxay Dawladdii Cabbaasiyiinta
Waxa aynu qormadeenii u
dambaysay ee Iftiinka Islaamka ku soo qaadanay bur-burkii soo wajahay dawladdii
islaamka ee ay madaxda ka ahaayeen Cabaasiyiintu iyo sababihii keenay inay
markii dambe toos u baaba’do, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen farogelintii dibedda
kaga timi iyo khilaafaadkii ka dhex aloosmay madaxdii Cabbaasiyiinta laftooda.
Muddadii ay socotay bur-burkii
iyo hoos u dhacii Cabaasiyiintu, waxay ay taasi fursad siisay maamuladii ka
fogaa caasimaddii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad, oo sidii aynu hore u soo sheeganay
qaarkood ay ka hoos baxeenba maamulkii dhexe ee Cabbaasiyiintu, iyaga oo
samaystay maamulo iyo dawlado iyaga gaar u ah.
Laakiin madax-bannaanidaasi may
ahayn mid dhinaca caqiidada islaamka ah, iyada oo ay dadka oo dhan ku weynayd
aaminsanaanta iyo ku qanacsanaanta caqiiqadada islaamka. Balse waxa ay ahayd
mid dhinaca maamulka iyo is-xukunka uun ah. Waxaa kale oo iyaduna jirtay in
aanay badanka madaxdii maamulada goonida u go’ay la baxaan magaca “Khaliifka
muslimiinta” oo la odhan jiray qofka ugu sarreeya ama madaxweynaha maamulka
guud ee muslimiinta.
Arrintaana waxa badanaa ugu
wacnaa muslimiinta oo ay ku weynayd ixtiraamka ay u hayaan Khaliifka
Cabbaasiyiinta oo loo arkayay inay ka soo jeedaan Nebiga Adeerkii Cabbaas.
Waxaase jiray maamulo ay
madaxdoodu qaateen derejada “Khaliif”, waxaana ka mid ah dawladdii la odhan
jiray Faadumiyiinta Calawiyiitna ahaa, oo ka dhismay waqooyiga Afrika iyo
Masar. Dawladdii Umaawiyiinta ee ka dhisantay Andolos ama Isbayn.
Haddii aynu eegno dawladihii ka
go’ay Cabbaasiyiinta, halkii ay ka soo baxdeen iyo muddadii ay xukunka hayseen
waxaa ka mid ah;
·
Dawladdii Umaawiyiinta ee Andolos ama dhulka haatan loo
yaqaan Isbayn iyo Boortaqiiska, taas oo shaac-baxday sannadkii 138kii Hijirada
ama 756 Miilaadiga, waxaanay dhisnayd ilaa 422 H ama 1031 M.
·
Dawladdi Al-Adaarisata, oo ka dhisantay dhulka haatan loo
yaqaan Marooko sannadkii 172 H ama 788 M, taas oo jirtay ilaa 375kii H ama 985
M.
·
Dawladdii Duuluuniya oo ka dhisantay dalka haatan loo
yaqaano Masar sannadkii 254 H ama 868 M, taas oo jirtay ilaa 292 H ama 905 M.
·
Dawladdii Akhshiidiya oo iyaduna ka dhisantay Masar
sannadkii 323 H ama 935 M, taas oo iyaduna jirtay ilaa 358 H ama 969 M.
·
Dawladdii Faadumiyiinta oo ka dhisantay dalka haatan lo
yaqaanTuuniisiya, markii dambena waxay u gudubtay Masar, waxaanay dhisantay
sannadkii 297 H ama 909 M, waxaanay jirtay ilaa 567 H ama 1771 M.
·
Dawladdii Ayuubiya oo ka dhisantay Shaam iyo Masar
sannadkii 564 H ama 1250 M.
·
Dawladdii Mamaaliik oo iyaduna ka dhisantay Shaam iyo Masar
sannadkii 618 H ama 1517 M.
·
Dawladdii Al-Buuhbahyuun oo ka dhisantay Furus, haatana loo
yaqaan Iiraan sannadkii 332 H ama 945 M, jirtayna ilaa 447 H ama 1055 M.
·
Dawladdii Salaajifada oo ka dhisantay Turkiga sannadkii 429
H ama 1037 M, jirtayna ilaa 693 H ama 1299 M.
·
Dawladdii Al-xamdaaniyiin oo ka dhisantay Ciraaq iyo
Suuriya sannadkii 317 H ama 872 M, jirtayna ilaa 394 H ama 996 M.
Dawladahaa ayaa ka mid ah kuwii
gaarka u go’ay. Markii ay bur-burtay dawladdii Cabaasiyiintu waxa xukunka la
wareegtay dawladdii Cismaaniyiinta.
La soco …………..
WAADIGA CIYAARAHA
Real Madrid Oo Markii Sagaalaad Ku
Guulaysatay Horyaalka Yurub
“Saaxiibaday dhammaantood ammaanbay iga mudan yihiin”
Zidane
Glasgow (AP) – Xiddiga khadka
dhexe ee Real Madrid iyo xulka Faransiiska Zinedine Zidane, ayaa si weyn ugu
ammaanay kooxdiisa is-kaashi caqiibo leh oo ay ku wajaheen kulankii adkaa ee
koobka horyaalada Yurub, oo ay kooxdiisu 2-1 ku calafsatay habeenimadii
Khamiistii.
“Dhammaan jaalayaashay waxay
mudan yihiin ammaan tayda ka mudan,” sidaa waxa yidhi goolhayaha dhallinyarada
ah Casillas, oo beddelay Casar Sanchez, oo dhaawacmay.
Zinedine Zidane, oo noqday
halyaygii kulanka, isla markaana la guddoonsiiyay abaalmarintii uu kasbaday
ayaa sheegay in ciyaartoy kasta oo garoonka galayba ahaa xiddigii ciyaarta,
xataa kooxda B. Leverkusen xaggeeda. Zidane, wuxuu kulankaa ku macneeyay mid
aad u adag oo ay faraha kaga gudbteen dhallinyaradii kooxda Jarmalka, isaga oo
arrinta ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxay ahayd ciyaar kulul, laakiin
dhammaadkii waxaanu noqonay Horyaal. Dhammaan ciyaartoyga labada dhinacba way u
wada qalmeen xiddiga ciyaarta. Hase yeeshee, horyaalka ayaa ka muhiimad badan
abaal-marinta xiddiga ciyaarta, Casillas, Caser iyo cid kasta oo kaleba si
fiican bay u shaqaysay.”
“Aad baan ugu faraxsanahay
guushan, jaalayaashay dhammaantood ammaan bay iga mudan yihiin,” ayuu raaciyay
Zidane oo u warramay suxufi ka tirsan Telefishanka caalamiga ah ee Isbaanishka.
Zidane, oo si weyn ugu oomanaa
hanashada horyaalnimada Yurub, oo aanu hore shaarubaha u gelin waxaa wejigiisa
ka muuqatay ray-rayn. Wuxuu dhaliyay goolka guusha oo uu ku hadal-tiray
hanashada koobka, kadib markii uu daqiiqaddii 45aad ee qaybtii hore kubbad
gantaal ah dhanka midig ka sudhay baas hoobiye ah oo Roberto Carlos ku soo
tabcay.
Kabtanka kooxda R. Madrid
Fernando Hierro, u ah difaac adag oo gurada dambe uga ciyaara ayaa isna si weyn
uga mahad-sheegtay dedaalka ciyaartoyga kooxda, oo uu ku tilmaamay inay u
qalmaan guulo intaa ka badan. Heirro, wuxuu sheegay in guushan cusubi ku
dhiirigelinayso inuu si dhakhso ah ciyaaraha uga fadhiisto. “Aniga waxay ii
xiisogelisay waddadii aan ciyaaraha kaga nasan lahaa. Waxaan ku guulaystay
saddex horyaalada Yurub ah, oo aanay nasiib u yeelan ciyaaryahano badan oo u
qalmaa,” ayuu yidhi Kabtanku.
Kulankii kamadambaysta ahaa
waxaa kale oo ammaan ku mutaystay goolhayaha dhallinyarada ah ee Iker Casillas,
oo badbaadiyay saddex fursadod oo halis ah, wuxuun fursad khatar badan leh ka
qabtay Yiliray Basturk iyo Dimitar Berbatov, intii lagu jiray waqtigii ciyaarta
ka lumay.
Tabobare Vicente Del Bosque oo
hadda markii labaad Real u qaaday horyaalka Yurub, ayaa guushan ku tilmaamay
mid u fiican kooxda.
Tabobaruhu wuxuu sheegay inaan
sannadkani u fiicnayn, balse ay guushan kaga gam’ayaan dhammaan wixii soo
maray. “Guushani aniga iima fiicna, balse Real Madrid ayay u fiican tahay.
Waxaanu u halganay si adag muddadii ciyaarta oo dhan, Leverkusen-na way nagu
soo laba kaclaysay, laakiin waxaa nagu hagoogtay Iker,” sidaa waxa yidhi Del
Bosque, oo ka hadlayay kulankii dhexmaray Leverkusen.
Dhinaca kale tabobaraha cirrada
badan ee kooxda Jarmalka Klaus Toppmoeller, ayaa dareen murugo leh ka muujiyay
kooxdiisa oo waxkasta kaalinta labaad ka gashay sannadkan, wuxuuna ku tilmaamay
wadhidii ugu xummayd ee soo martay noloshiisa. “Waa maalintii ugu xummayd
waqtigayga. Ciyaarta annagaa lahayn ilaa iyo dhammaadkii, goolalna maanu
dhalin, waana ta aan la muraara-dillaacsanahay,” ayuu yidhi.
Wuxuu kaloo intaa ku daray;
“Waanu dagaalanay ilaa dhammaadkii, waxaanu abuuray fursado, kubadduna gacantay
noogu jirtay, manay kala go’in mar qudha, haddana maanu awoodin inaanu kubadda
dhaafino xarriiqda goolka.”
Bilowgii ciyaarta ayuu
weeraryahanka Raul Gonzalez, ku xarriiqay goolkiisii kowaad, markii uu si yaab
leh ugu dhaqaqay kubbad tuuryo ah oo Roberto Carlos kasoo maguujiyay meel aad
uga durugsan goobtii uu taagnaa.
Isla shan daqiiqadood kadib ayay
Leverkusen la simantay markii uu difaaca Brazil u dhashay ee Lucio uu ka
dulmudhay difaaca Hierro, kadina uu shebegga ku hubsaday kubbad madax ah oo uu meel dheer ka soo ganay Bernd
Schneider, oo loo dhigay laad xor ah.
Ciyaaryahanka sannadka ee Luis
Figo, ayaan fir-fircooni ka muujin kulankaa, iyada oo markii dambe lagu
beddelay inanka Ingiriiska ah ee Steve Mc Manaman, oo markiiba is-beddel ku
sameeyay ciyaarta, wuxuuna dhanka midig ka soo rogaalay kubado doora oo
qaarkoodna sida daadka hor mulacyeeyeen afaafka goolka Leverkusen, balse waayay
cid ku dhammaystirta.
Kulankaa waxaa daawashadiisa ka
qaybgalay taasgeerayaal badan oo kooxda Madrid ah, kana soo baqoolay qiyaas
gaadhaysa (2400) oo km. In ka badan 350 milyan ayaa ka daawanaysay Telefishanka
la iska arko.
Waxaa ka mid ahaa daawadayaasha
labada duq ee min 75-jirka ah. Ferenc Puskas, oo dhaliyay afar ka mid ah
toddobadii gool ee Real kaga adkaatay kooxda Jarmalka ah ee Eintracht
Frankfurt, sannadkii 1960, iyo Alfredo Di Stefano, oo isna dhaliyay sadexda
gool ee kale.
Inkasta oo Real Madrid ku
garaacday kamadambaystii, haddana iyada lafteedu waxay hore u soo jiidhay
kooxdaha Liverpool iyo Manchester, oo ay ku soo dhaaftay wareegyadii ugu
dambeeyay, waxayna si weyn u tebaysay khibraddii difaaca Jens Nowotny, oo ka
dhaawacmay iyo xirfaddii Ze Roberto, oo isna laba kaadh oo huruud ah isugu
biireen.
Tabobarayaal badan ayaa ciyaarta
u soo daawasho tegay, iyada oo ujeedadoodu ahayd sidii ay uga xulan lahaayeen
ciyaartoy ay ku miisaamaan naadiyada ay gacanta ku hayaan.
Tabobaraha xulka qaranka England
ayaa ka mid ahaa raggii ka muuqday Sven Goran Eriksson, wuxuu isha la raacayay
tabaha ciyaareed ee Steve Mc Manaman, oo uu hore xulka uga reebay, base ay
hadda u muuqatay in dani badday, kadib markii ay ka dhaawacmeen dhawr ka mid ah
ciyaartoygii u ku dhaadan jiray.
Waxa kale oo madashii la isku
arkay xaadir ku ahaa tabobarayaasha kooxaha Arsenal Arsene Wenger iyo Man.
United Sir Alex Ferguson, oo labaduba raacdo ugu jiraan sidii ay kooxahooda ugu
heli lahaayeen ciyaartoy cusub, gaar ahaan dhanka difaaca oo ay kooxuhu
baahidooda ka siman yihiin.
Weeraryahanka Raul, oo dhaliyay
goolkii bilowga ayaa isna u dabbaal-degay koobkii saddexaad ee horyaalada Yurub
ee uu ku guulaysto. Raul wuxuu ciyaaray koobkii ay Juventus ka qaadeen 1998 iyo
kii Valencia ee 2000, oo uu isaga goolal ka dhaliyay, isaga oo baabuurkiisa
qiyaas aad u gaaban.
Real Madrid waxaa u saftay:
13-Cesar (1-Iker Casillas
68); 2-Michel Salgado, 4-Fernando Hierro, 6-Ivan Helguera, 3-Roberto Carlos;
21-Santiago Solari, 24-Claude Makelele (16-Flavio Conceicao 73); 5-Zinedine
Zidane, 10-Luis Figo (8-Steve McManaman 61); 7-Raul, 9-Fernando Morientes
Bayer Leverkusen:
1-Hans-Joerg Butt; 35-Diego Placente, 26-Zoltan Sebescen (9-Ulf Kirsten 65),
19-Lucio (3-Marko Babic 90), 6-Boris Zivkovic; 25-Bernd Schneider, 28-Carsten
Ramelow, 13-Michael Ballack, 10-Yildiray Basturk; 27-Oliver Neuville, 23-Thomas
Brdaric (12-Dimitar Berbatov 39)