Haatuf, Cadadki 83, May 19, 2002

Hargeysa: Xuskii 18-ka May iyo Fagaaraha Kheyriyadda

 

Hadaladii Rayaale Iyo Cawl, Midba Sidee Loo Dhadhamiyay

“Isaaq-nimadu Ha dhacdo… Madaxweyneheenii wixii uu nolosha inoogu qabtay, waxaa inooga qiimo badnaa…”

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Sannad-guuradii 11aad ee xuska la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo sannadkasta loo dabaal-dego 18-ka may ayaa shalay looga damaashaaday gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Caasimadda Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha ugu waaweyn ee looga damaashaaday xuska 18-ka May, waxaana fagaaraha khayriyadda isugu soo baxay kumanaan dadweynaha caasimadda ku dhaqan ah, halkaas oo ay dadkii fagaaraha isugu soo baxay khudbado ugu jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayale Kaahin iyo Maayaka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle, iyadoo ay dadka la hadleen labadaa masuul oo keliyi.

 

Marka laga yimaado dadweynaha isu soo baxay iyo khudbadaha ay madaxdu fagaaraha ka jeediyeen waxa subaxnimadii wadada marta badhtamaha magaalada socod gaardis ah ku maray labo kooxood oo ka mid ah ciidamada Somaliland, kuwaas oo kala ahaa hurinta Baanboyda booliska iyo cutub koofiyad cas ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, waxayna ciidamadaasi socodkooda ku tageen fagaaraha khayriyadda, halkaas oo uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin salaan kaga qaatay ciidamada dabaal-degga ka soo qaybgalay.    

 

Marka la eego damaashaadkii 18-ka May ee shalay Hargeysa ka dhacay waxa la odhan karaa waxa ka muuqday  nashaad iyo ka soo qayb-gal shilis oo ay dadweynuhu muujiyeen, laakiin marka laga reebo kal hore oo aan gebi ahaanba labo waxarood isugu iman xuskii 18-ka May, waxa la odhan karaa waxay ahayd munaasibad aad uga nis-yar dabaal-degyadiii hore ee loo sameyn jiray xuska 18-ka May oo ay ugu yaraan ka qayb-gali jireen Boqolaal Ciidamada kala duwan ee dalka ah iyo hubka Tiknikada ah ee is-jiita.

 

Hase yeeshee waxyaalaha la xusi karo ee shalay ka dhacay fagaaraha khayriyadda waxa ka mid ahaa, iyadoo ay munaasibaddaasi noqotay madashii u horaysay ee uu Madaxweynaha cusub Daahir Rayaale Kaahin ka jeediyo khudbadiisii u horaysay tan iyo intii uu kursiga ku fadhiistay 3-dii bishan aynu ku jirno ee May, mudadaas oo hadda laga joogo 16 maalmood oo keliya, wuxuuna Mudane Rayaale halkaa ka jeediyey khudbad qoraal ah oo kooban, taas oo uu kaga hadlay ku talo-galkiisa mustaqbalka iyo waxyaalaha uu damacsan yahay inuu qabto.

 

Dad badani waxay u dheg-taagayeen, bal waxa ka soo yeedhi doona Madaxweynaha cusub, laakiin marka la eego arimihii uu Mudane  Rayaale ka hadlay  waxa khudbadiisii lagu tilmaami karaa  khudbad asluub leh oo aanu waxba ka tegin, haddana dhinaca kale marka la eego taf-gaabnaanteeda iyo sida ay tafaasiisheedu u yarayd, waxa la odhan karaa wax yar buu ka hadlay, taas oo macneheedu noqon karo Madaxweynuhu wax walba ka hadal, laakiin hoos uguma daadegin.

 

Tusaale ahaan doorashada uu yidhi waxaan qabanayaa muddada sannadka ka yar ee u hadhay tafaasiil kama bixin sida uu muddada aadka u kooban uga gaadhsiin doono saddexda doorasho ee waaweyn ee ay tahay inay qabsoomaan, iyadoo ay qabyada qodobkaa laga tebayey ahayd, isaga oo aan sheegin halka uu ka keenayo dhaqaalaha luxdan ee ay u baahan yihiin doorashooyinku iyo sida uu u maaraynayo duruufaha noocyada badan ee horyaal suurta-galnimada doorashada, iwm. Sidoo kale Madaxweynuhu, wuxuu taabtay inuu ka shaqayn doono sidii ay aragtida ugu midoobi lahaayeen Mucaaradka iyo Muxaafadku, laakiin tafaasiil ku fillan kama bixin qaabka uu u waajahayo wax ka qabashada khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee u dhexeeyay hogaankii Madaxweynihii geeriyooday iyo mucaaradka, haddana martida u ah hogaankiisa cusub.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu, wuxuu sheegay inuu qorshe u samayn doono Siyaasadda arrimaha dibadda, laakiin muu carifin sida uu u dhigayo qorshihiisa Siyaasadda Dibadda iyo waxa uu ka beddeli doono Siyaasadii arrimaha dibadda ee Maamulkii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ka ahaa.

 

Arrinta kale ee la odhan karo waxay qabyo ka ahayd Khudbadiisa oo ay dadku aad u naawilayeen inuu ka hadlo, laakiin aanu soo qaadin waxay tahay; sida uu ka yeeli doono Maamulka uu Madaxweynaha ka noqday oo ah Maamulkii uu hore uga tirsannaa oo sidiisii ah, laakiin isbedelka ku yimid uu yahay keliya Madaxweyne Cigaal oo geeriyooday, jagadiisiina uu Rayaale dhaxlay, taas oo ay su’aasha dadka xagganaysaa tahay; Tallow Madaxweyne Rayaale ma qolodii ay Maamulka hore ugu wada-jireen ayuun buu odhanayaa, waa anigii oo Madaxweyne idiin noqday ee waxeena inoo wada, mise wuxuu keeni doonnaa wejiyo cusub iyo istaraatijiyad cusub.

 

Arrimihii kale ee xiisaha lahaa ee shalay ka dhacay Fagaaraha Kheyriyadda, waxa ka mid ahaa; Khudbad uu Maayarka Hargeysa halkaa ka jeediyay, taas oo la odhan karo wuxuu ka fad-kudiyay meel aan loo fadhiyin. “Isaaqnimadu ha dhacdo, waxa dadka dhegta loogu riday SNM baa ku amar-ku-taaglaynaysa oo dadka kontaynar ku gurtay, waxaa kaloo la yidhi; Isaaq baa dadka xuurto ku haysta.” Weedhahaasi, waxay ka mid ahaayeen Khudbadii uu Cawl fagaaraha ka jeediyay oo ay dad badani ku tilmaameen in ay ahayd Khudbad baal-marsan ujeeddadii munaasibadda, waayo waxay dadku filayeen in munaasibadan lagaga hadlo waxyaabo ay ka mid yihiin; Sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, sidii loola soo noqday Madaxbannaanida iyo in laga hadlo halka looga dhaqaaqayo heerka maanta la joogo, laakiin Cawl wuxuu galay faallo taa ka duwan.

 

“Munaasibaddu waxay ahayd Xuska 18-ka May, waxa loo dabaal-degayayna waxay ahayd Maalinta Qarannimada Somaliland, laakiin aniga ilama qurux badnayn in fagaaraha Kheyriyadda lala fuulo ‘reer hebel ha dhaco’.” Sidaa waxa yidhi, qof faallaynaya khudbadii Maayarka.

“Had iyo jeer Cawl, marka uu fagaarayaasha ka hadlayo, Talow muxuu isticmaalaa hadalada ay qabyaaladdu ku jirto, waayo maanta oo qudha ma ahee, marar hore oo badanna waxaan maqlay, isagoo meelo fagaarayaal ah kaga sawaxmaya reer hebel waa caynkan iyo reer hebel caynkanaa laga sheegay.” Sidaana waxaa ku tiraabay, qof ka mid ah dad badan oo ka biyo diiday qaabkii uu Cawl Cilmi Cabdalle u dhigay khudbadiisii.

 

Qof kale oo isna naqdiyaya hadalkii Maayarka, ayaa yidhi; “Reer hebel ha dhaco lagama filayn Xukuumadda cusub ee Rayaale in ay Kheyriyadda la fuusho, waayo, inkastoo aanu Rayaale hadaladaa odhan, haddana waxa yidhi Mas’uul ku hadlaya afka dawladiisa, sidaa darteed waa in ay dawladdu arrintaa wax ka tidhaahdaa ama wax ka qabato.”

“Maanta, aniga waxay ii tahay Sabti cusub (New Saturday).” Sidaa waxa yidhi, nin dareenkiisa ka bixinaya farxadda munaasibaddii Xuska 18-ka May.

 

“Maanta waa maalin Qaran, mana jirto cid gooni u lihi iyo cid ka qayb-galkeeda looga war-wareegayaa toona.” Sidaana waxa yidhi, Nin ka mid Siyaasiyiinta mucaaridka ah oo ka qayb-galay isu-soo –bixii Fagaaraha Kheyriyadda.

Fagaaraha Kheyriyadda, waxa kale oo shalay Barnaamijyo-faneed ku waajahan munaasibadda ku soo bandhigay kooxo fannaaniinta reer Somaliland ah.

 

Dhinaca kalena, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale oo sheegay inuu ku hadlayo magaca Madaxweynaha Somaliland, ayaa mahad-naq u jeediyay dadweynaha Somaliland, isaga oo sheegay inuu uga mahad-naqayo sidii waafiga ahayd ee ay u xuseen Munaasibadda qaaliga ah ee Sannad-guurada 11aad ee La-soo-noqoshada Madaxbannaanida Somaliland, wuxuuna Wasiirku mahad-naqiisa u kala diray dadka ku dhaqan gudaha iyo dadka dibadaha ku dhaqan ee reer Somaliland oo uu Wasiirku hadalkiisa ku sheegay in ay dabaal-degyo munaasibaddaa la xidhiidha ka sameeyeen dalalka ay ku kala dhaqan yihiin.

 

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu u mahad-naqay Guddiga Qaban-qaabada Xuska 18-ka May.

 

Hadal iyo dhammaan, dabaal-degii Xuska 18-ka May ee shalay lagu qabtay Caasimadda Hargeysa, waxa uu ahaa mid ay dadweynuhu si gaar ah u soo camireen, isla markaana ay muujiyeen farxadda iyo rabitaanka ay u hayaan maalintan oo uu xuskeedu astaan u yahay xornimo uu helideeda kharash badan oo dhiig iyo hanti ka kooban ku baxay.

 

Markii uu furmay barnaamijkii khudbadaha ee fagaaraha khayriyaddu waxa ugu horeyn lagu codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle, taas oo uu wiilkii barnaamijka daadihinayey ku tiraabay Maayarku wuxuu ku soo dhawaynayaa Madaxweynaha, laakiin Cawl waxa uu jeediyey khudbad dherer le’eg ta Madaxweynaha ama ka dheerba wuxuuna khudbadiisa ku bilaabay:

 

“Maanta waa maalin weyn, waa walaaleeya, laakiin inaga oo tacsi ku jirna oo uu Madaxweyneheenii dhawr cisho xabaasha ku jiray ayaa waxaynu goosanay inaynu yara-yarayno farxadda iyo rayn-raynta, taasina waa amar ka soo baxay xukuumadda Madaxweynaha cusub..

Waxa mahadnaq gaar ah leh dumarka iyo da’roonta yaryar oo muujiyey wax aan taariikhda weli lagu arag, taas oo ah sidii ay uga soo qayb-galeen aaskii Madaxweyneheenii.

Ragga wax faalleeeyaana markii ay faalleeyeen waxa la yidhi aaskii Jamaal Cabdi-naasir ayuun baa inaga weynaa, inaguna ka labaad baynu nahay, markaa waad garateen inuu Madaxweyneheenii hore ahaa Nelson Mandella, waad garateen in aanu jirin Madaxweyne hore oo inaga dhintay, waad garateen in aynaan taariikhdeena xus u saamayn oo aynaan gobanimadii cid lagu magacaabo u dhigin, wixii gobanimada halgamo ka dambeeyeyna ma jirto cid la isku raacsan yahay oo lagu magacaabaa, taana waxa inoo diidanaa cudur, saqajaanimo iyo qabyaalad aan magacyo la isu ogolayn .

 

Weli lama arag aas sidaa loo tegay, taana waxa inoogu horaysay aaskii madaxweyneheenii, wayna inoo qoran tahay oo wixii dambena xeer inoo yaal ayey inoo noqonaysaa.

Geeridii qafladda ahayd ee Madaxwyeneheenii hore waxay noqotay wax wixii laga faalloonayey ka duwan, waxay noqotay haad-qadiye oo ah garta iyo heshiisiinta yeynaan ku raagin ee aynu haad-qadiye ka dhigno si aanay geeri dambe u dhicin, taas oo haddii aanay dhalinyaradu garanayn ah sheeko hore oo ay bixiyeen beelihii is dili jiray.

 

Waxa cadowgeenu filayey inaynu kala yaacno iyo inaynu qabiilo kala noqono, waxaynuse geeridiii Madaxweyneheenii ka helay sharaf badan iyo ummaddii oo walaalowday.

Markii loo jeestay Berbera iyo aaskii Madaxweynaha waxay taasi keentay cudur la’aan, waxayna si weyn u bogsiisay boogo bukey.

Madaxweyneheenii wuxuu noloshiisii inoo qabtay, waxa ka qiimo badana waxaynu geeridiisii ka helnay.

Waxa kale oo la filayay in aynaan Madaxweyne dooran karin iyo in aynu distoorka jeex-jeexayno oo sideenii afar geed kala tegayno, laakiin doorashada aynu Madaxweyne Ku-xigeenkeenii u dooranay Madaxweyne, waxay noqotay haad-qadiye, waxa la inaga filayay in aynu nidhaahno Galbeedku ma gayo Madaxweynaha iyo in aynu nidhaahno Barigu ma gayo Madaxweynaha, iyana waxaynu ka dhignay haad-qadiye oo Habar-habar waynu tuurnay.

 

Dhegta dadka waxa ku batay SNM oo Isaaq ah baa xuurtaysatay, SNM oo Isaaq ah baa qabsatay, imikana SNM baa ku amar-taaglaynaysa oo dadka Koontaynar ku gurtay, xafiis walba oo adduunyada ahna waraaqo ayaa la inaga geeyay oo waxa la yidhi, dadka waxa xuurto ku haysta Isaaq ee Isaaq-nimadu ha dhacdo, ha dhacdo, ku dhisan mabda’ xun, qabyaaladda gobolada ku dhisanina ha dhacdo, waxaynuna dhisaynaa Qarannimo, sidaa ayaynu Madaxweyne Ku-xigeenkeenii uga dhignay Madaxweyne oo aynu xilkii ugu dhiibnay, iyadoo la lahaa isma dhaafin karaan (Isaaq) xilkaa, cid kalena uma dhiibi karaan, taasina waxay inoo noqotay taariikh labaad, weliba xil gaar ah ayaa Somaliland fuulay oo Hargeysa fuulay, waxaana la doonayaa in aynu qiimayn iyo xishmad kula shaqayno Madaxweynaha cusub.

 

Mar saddexaadkiina waxaynu dooranay Madaxweyne Ku-xigeenka oo la lahaa way isku qabsanayaan, waxaana soo xulay Madaxweynaha aynu xilka u dhiibanay. Madaxweynuhuna wixii inoo garto ee uu inagu hogaamiyo ayuun baynu ogolaanaynaa. Shacbi ahaan, waxaad soo hoyseen guul aanay cidina idinkula laba ahayn oo aanay adduunyadu haysan, waxaanad muujiseen in aynaan Habar-habar dan ka lahayn. Waxaan idin leeyahay, la idiin abaal-gudi kari maayo, reer Hargeysa ayaana aabo u ah waxaa, waayo, Caasimaddu haddii ay bugto lama caafimaad-qabo, laakiin Caasimaddu way inoo Caafimaad qabtaa, awooduna kuma jirto qolo-qolo iyo xisbi-xisbi ee waxay ku jirtaa Midnimo.”

 

Madaxweyne Rayaale Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Siyaasadihiisa Hogaamineed Iyo Ku-Tala-Galkiisa

 

“Waxaan ku dedaalayaa sidii loo midayn lahaa Mucaarid iyo Muxaafidba… Madaxweyne Ku-xigeenkana kumaan soo dooran Qolo iyo Jacayl”

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay khudbad ku waajahan munaasibadda Xuska 18-ka May ka jeediyay Fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa, taas oo uu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin; Siyaasadiisa hogaanmineed iyo waxyaalaha uu damacsan yahay inuu ku tallaabsado mustaqbalka dhow.

 

Mudane Rayaale, wuxuu Fagaaraha Kheyriyadda kula hadlayay kumanaan dadweynaha Caasimadda Hargeysa ku dhaqan ah oo isugu soo baxay ka qayb-galka damaashaadka Xuska Sannad-guuradii 11aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Rayaal oo kursiga ku fadhiyay muddo 16 maalmood ah, waa markii u horeysay ee uu meel fagaarre ah dadka kala hadlo, wuxuuna khudbadiisa ku bilaabay:

 

“Dhammaan ummadda Somaliland waxaan gaadhsiinayaa hambalyo, Illaahayna waxaan inooga baryayaa in sannadkan sannadkiisa aynu gaadhno inagoo barwaaqo ku nool, ictiraafna haysana. Waxaynu guud ahaan ognahay geeridii Madaxweynihii aynu jeclayn in ay ahayd, wax qadarka Alle ku yimid oo aanu Aadamuhu baajin kareen dedaal kasta oo uu sameeyo. Illaahay ha’ u naxariistee, geeridii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxay inagu noqotay fajiciso iyo anfariir, maxaa yeelay waxaa qofkasta hortiisa timid hawlaha ina horyaal ee dhinacyada kala duwan lahaa, masuuliyadii hogaamintiisa ee ballaadhnayd, tiiraanyada iyo wel-welka ka muuqday waxay daliil cad u ahayd baahida wakhtigan, taas oo ay dadku is-weydiinayeen sida wax noqon doonaan mustaqbalka, iyadoo ay ahayd arin ay dadweynuhu xaq u leeyihiin in ay is-weydiiyaan.

 

Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, wuxuu ahaa hogaamiye Qaran iyo Caalami ah intaba, waynuna ognahay meesha uu Somaliland ka soo qaaday iyo halka uu keenay oo ah ta aynu maanta midhaheeda guranayno.

 

Ummadda Somaliland guddo iyo dibad-ba, waxaan uga mahad-naqayaa sidii waddaniyada iyo qiiradda lahayd ee ay uga soo qayb-galeen aaskii Madaxweynaha, taas oo ahayd fursad layaab leh oo aan marnaba ka dhicin dalkeena. Waxaan leeyahay Illaahay naxariistii Janno ha siiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Intaa kadib, waxaan jecelahay in aan xuso marxaladihii taariikhiga ahaa ee ummadda Somaliland u soo martay la-soo-noqoshadii Xornimadeeda, taas oo ururka SNM, dagaal badan u soo galay, naf iyo maal badana ku waayeen, guulna ay ka gaadheen, iyadoo 18-kii May, 1991-kii la-soo-noqoshada xorriyadda Somaliland lagaga dhawaaqay shirkii u horeeyay ee lagu qabtay magaalada Burco, halkaas oo ururka SNM loo gartay inuu dalka xukumo muddo laba sannadood ah, kadibna ku wareejiyo beelaha Somaliland, taas oo uu ururka SNM si sharaf leh xukunka ugu wareejiyay beelaha Somaliland, Shir-beeleedkii ku qabsoomay Boorama 1993-kii, taasina waa ta maanta ina gaadhsiisay in aynu noqono ummad Qaran ah oo distoor leh oo ay maanta Caalamka oo dhan mucjiso ku noqotay, sida aynu ugu dhaqmayno distoorka.

 

Masuuliyadda aan maanta ummadda u hayaa, ma aha mid aan ku imi qolonimo, tartan iyo xeelad, aqoon iyo waayo-aragnimo aan dheerahay dadka intiisa kale, balse waxaan ku imi ku dhaqanka qodobbadii u horeeyay ee distoorka aynu u coddaynay 31-kii May, 2001, aniguna waxaan Madaxweyne Ku-xigeen u soo magacaabay Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanan ku soo doortay sifooyin badan oo wanaagsan oo aan ka helay Golaha dhexdiisa, kuma aan soo magacaabin qolo, jacayl aan jeclahay iyo aqoon gaar ah oo aan u leeyahay, laakiin muddadii uu Golaha Wakiiladda joogay qiimayn aan qiimeeyay ayaan ku soo xushay.

Ummadda Somaliland guddo iyo dibad-ba, sidii aan ku dhaartay waxaan ku ballan-qaadayaa in aan si daacad iyo hagar la’aan ah idiinku shaqeeyo, waxyaalaha aan culayska saari doonnana waxaa ka mid ah; Jiritaanka iyo Gooni-isu-taagga Somaliland oo ah mudnaantayda koowaad. Waxa kale oo aan ku dedaali doonnaa, haddii Alle Idmo, Maamulka Somaliland inta uu xuduudkiisu ku sugan yahay inuu noqdo Maamul tayo leh oo si siman uga wada-shaqeeya. Waxa kale oo aan ku dedaali doonnaa in mucaarid iyo muxaafid-ba loo mideeyo, sidii dalka Jiritaankiisa loo daafici lahaa, loogana midho dhalin lahaa himilada fog ee aynu higsanayno.

 

Waxaan ogohay, cabashada dadweynahana ku badan arrimaha Garsoorka, taasna wixii aanu tallo iyo tamar-ba hayno waxaanu isugu geynaynaa, sidii Garsoorka looga dhigi lahaa mid baahida ummadda si dhab ah uga jawaaba, meeshana ka saara cabashada iyo cadaalad-darrada. Shacbiga laftiisana waxaan u jeedinayaa in ay noqdaan, kuwo arrimaha garsoorka ka raadiya cadaalad oo keliya, laakiin aanay Laaluush ku bixin cadaalad-darrada.

 

Waxa kale oo aanu qorshe iyo barnaamij u dejin doonnaa, Siyaasadda Dibadda iyo sidii dalkani Caalamka uga mid noqon lahaa, Ictiraafna u gaadhi lahaa, iyadoo arrintaa lala kaashanayo cid kasta oo aqoon u leh. Waxa kale oo waajibaadkayaga ka mid noqonaya in xoogga la saaro dakhli ururinta dalka, musuq-maasuqa iyo ku-tagri-falka hantida ummaddana si cad looga xisaabtamo, cidii ku geftana sharciga la horgeeyo, ganacsatada Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa in ay noqdaan Muwaadiniin xalaal ah oo Cashuurta bixiya, dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya Kastamada iyo Furdadahana waxaan ku amrayaa oo aan xusuusinayaa in dadka ay u adeegayaan ay ogsoonaadaan in ay shaqaale u yihiin oo ay si nadiif ah ugu shaqeeyaan.

 

Maanta oo ah Sannad-guuradii 11aad ee ka soo wareegtay La-soo-noqoshadii Xorriyadda, waxaan ka codsanayaa bulshada Somaliland guddo iyo dibad-ba in ay si wada-jir ah gacan iigu siiyaan xilka uu Eebbe ii gartay ee aan ummadda u qabtay.

Waxa inagu soo fool leh doorashooyin aad u cul-culus oo la inaga sugayo in aynu qabano muddada sannadka ka hadhay, sidaas darteed dhammaan ururada Siyaasadda ee is-diiwaan-geliyay, waxaan ku boorinayaa in ay si waddaniyad leh isu abaabullaan, tartankana ugu diyaar-garoobaan, Goloyaasha Baarlamaankana waxaan ka codsanayaa in ay de-dejiyaan dhammaystirka wixii shuruuc ah ee ka dhiman doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinkana, waxaan ku boorinayaa in ay si daacad ah u hagaan tartanka. Mar labaad ummadda Somaliland guddo iyo dibad-ba, waxaan uga mahad-naqayaa qiirada iyo waddaniyada ay ka muujiyeen aaskii Madaxweynaha iyo Jiritaanka Somaliland, labadaba.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

18-ka May Maxay Ku Suntan Tahay, Yeyse U Suntan Tahay

Marka aad maqasho maalin hebla’ ama sannad-guuradii maalin heblaayo, waxaad markiiba yaqiinsanaysaa in ay tahay maalin suntan, laakiin yey u suntan tahay iyo maxay ku suntan tahay ayay noqonayaan su’aalaha ku xigga ee maskaxdu is-weydiinayso, jawaabna u raadinayso.

 

Waxa hubaal ah samaan iyo xumaan-ba in ay jirto, wax ay maalintaasi muddatay oo lagu xusuusto iyo cid ay taariikh u tahay.

 

Somaliland, waxay leedahay maalmo badan oo mid waliba wax ku suntan tahay, laguna maamuuso.

Tusaale ahaan, 26-ka Juun waa maalintii Gobonimada laga qaatay Mustacmaradii Ingiriiska, 6-da April waa xuska aasaaskii SNM, 17-ka October waa maalintii Shuhaddada SNM, 18-ka May-na waa maalinta Dib-ula-soo-noqoshadii madaxbannaanida Somaliland.

 

Maalmaha Ciidamada iyo kuwa Caalamiga ah ee aynu adduunyada la wadaagno , ayaa intaa dheer, waxaynuna maqalnaa in badan oo heeso qiiro iyo shucuur leh oo lagu cabirayo qiimaha maalintaas iyo inta ay le’eg tahay guusha ama taariikhda ay ku suntan tahay. Ma aha durbaan iyo hees keli ah oo ay iska tuntaan dadka ay maalintaa la soo gudboonaataa, balse waa farriin uu jiilba jiil u gudbinayo oo ay ummaddaasi boqollaal sannadood u hesho taariikh ay ku abtirsato.

 

Dhinaca kale waxa mudan in maskaxda lagu hayo in taariikhda Qaranka Somaliland ee Toban jirka baarka la dhaafay, ha noqoto mid la fac ah ama mid guun ahba ay beddeshay maalmo taariikhda ummaddan soo maray, sida 1-dii July oo ahayd maalintii Midnimada Soomaaliyeed iyo 21-kii Octoobar oo iyada aan ka dambayn cidii gaar ugu suntanayd ama ku calaamadsanayd guusheeda, halka 1-da July dadkii suntaday ay ku kala qaybsan yihiin.

 

Haddaba, 18-ka May oo shalay la xusay 11-guuradeedii, maxay ku calaamadsan tahay, yayse u suntan tahay, maxayse farriinta ama dhambaalka ay xambaarsan tahay ee ay u gudbinaysaa Carruurta ama Jiilasha dambe.

 

Shaki kuma jiro, murana kama taagna in dad badan oo reer Somaliland ahi ay ku xusuustaan 18-ka May, halgankii hubaysnaa ee uu ururka SNM dalka kaga saaray ama kaga xorreeyay Rajiimkii Siyaad Barre oo uu taliskiisii tacadi badan u geystay dadka ku dhaqan gobolladan, taas oo maalintaas gaar ugu calaamadinaysa SNM.

 

Inkasta oo SNM lahayd hogaaminta iyo taariikhda 18-ka May, haddana maalintaasi waxay ahayd mid ka ballaadhan intaa oo leh, macno midaynaya Somaliland oo dhan oo dadkeedu hore ugu kala qaybsanaa halgankii hubaysnaa ee SNM, taliskii Siyaad Barre-na iskaga hor keenay Qabaa’il. Waxa ay maalintaasi meel isugu keentay labadii qof ama qolo ee xabadda iskaga soo horjeeday ee reer Somaliland. Waa maalintii ay reer Somaliland ku guulaysteen Nabadda iyo Xasiloonida ay Soomaalida kale iyo Caalamkuba ku majeertaan, waa maalin dib u xustay halgankii wada-jirka ahaa ee ay dadka reer Somaliland gobanimadooda kaga dhacsadeen Mustacmaradii Ingiriiska.

 

Xuska shalay ee Sannad-guurada 11aad, waxa lagu tilmaami karaa xuskii ugu nasiibka badnaa ee soo mara muddadaa Somaliland, waayo, waxa ay timi iyadoo uu badka yaal markhaati cad oo tilmaamaya, sida ay maalintaasi u midaysay dad markii hore wax ku kala qaybsanaa ama isku diiddanaa, taas waxa markhaati u ah hogaamiyaha Somaliland ee wakhtigan Mudane Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu 12 sanno ka hor ka mid ahaa Saraakiishii sar-sare ee Taliskii Siyaad Barre ee ay SNM dagaalka hubaysan kula jirtay, hase yeeshee heshiiskii nabadeed ee ay beelaha Somaliland ku gaadheen Berbera, wax yar ka hor intii aan lagu dhawaaqin Madaxbannaanida Somaliland kadib, waxa uu ka mid noqday ergooyinkii shirkii Burco ee go’aamiyay Gooni-isu-taagga Somaliland, isaga oo Mudane Daahir Rayaale Kaahin ka soo jeedda beelihii aan taageeri jirin SNM ama lagu tirin jiray in ay taageeradoodu u badnayd dhinaca dawladii Siyaad Barre, Mudane Rayaale-na maanta oo ay tahay 11-guuradii ayuu Madaxweyne ka yahay, taasina waxa ay dhab ahaan qeexay waxa ay tahay 18-ka May oo ah maalin midaysay Somaliland, meeshana ka saaraysa in ay SNM-uun taariikhdu tahay.

Laakiin, maalinta saamaynta baaxaddaa leh waa la hagraday, waayo looma samayn fariimo suugaaneed ama dhigaal taariikheed oo Jiilasha dambe iyo da’ yarta hadda joogtaba u qeexaya waxa ay maalintaasi ku suntan tahay, ficliyan-na uma wada-gaadhsiisna Somaliland oo dhan, sida maalmaha taariikhiga ah qaarkood. Inkasta oo ay ka fadilan tahay maalmaha taariikhiga ah ee SNM gaarka ugu suntan oo sannadahan dambe soo hadal-qaadkooda iyo xuskooda dawladdu hoosta dhigtay oo ay si ula-kac ah ciiro loogu shaqlay.

 

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Rayaale iyo ragga Xukuumaddiisa waxa la gudboon in guusha ay ku suntan tahay 18-ka May ay ka dhigaan astaan midaysa dadka Somaliland oo uu qofkasta oo dalkan u dhashay ku dhaato, si taas loo gaadhana 18-ka May-na aanay u noqon dhacdo-taariikheed dadkii suntaday kala qaybisa, sida 1-da Julaay, waa in Muwaadiniinta xaq-soor iyo cadaalad ay dhib iyo dheefba ku wadaagaan midhaha ku dhashay maalintaa, waana in aanay noqon mid cid gaarra u tamarisa.

Sidoo kale, waa in aan 18-ka May lagu khaldin maalmaha kale ee u suntan halgankii SNM, isla markaana waxa Mudane Rayaale iyo ragiisa ku waajib ah in ay tix-gelin weyn siiyaan taariikhaha sida gaarka ah ugu suntan halgankii SNM oo aanay isku deyin in ay masaxaad mariyaan ama cabudhiyaan, cuqdadna aan la kala qaadin.

 

Sidee Gobollada Somaliland Looga Xusay Maalinta 18 May

 

 

 

Burco (Haatuf): Dabbaal-degyo lagu xusayo sannad-guuradii 11aad ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay lasoo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka dhacay dhammaan gobollada dalka.

 

Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, meelaha sida weyn looga xusay waxaa ka mid ah gobollada Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal. Waxa kale oo munaasabadaha xuskaa lagu qabtay degmooyinka Gebilay, Sheekh, Caynabo, Ceel-afweyn, Bali-gubadle iyo Salaxlay.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayo sannad-guurada 11aad ee ka soo wareegtay lasoo noqoshadii qaranimada Somaliland, ayaa lagu qabtay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco.

Duqa Burco Maxamed Cali Maxamuud oo munaasibaddaa ka hadlay ayaa tilmaan ka bixiyay qiimaha ay maalintani u leedahay shacbiga reer Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in ilaashado xorriyaddaa qiimaha leh.

 

“Dadka reer Burco way ka muuqataa siday u danaynayaan qaranimada, markhaatina loo dooni maayo, waayo sidaad isugu soo baxdeen ayaa caddaynaysa,” ayuu yidhi Duqa Burco.

Maayorku waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha nabad-gelyada, wuxuuna sheegay in arrimaha dhulku ay fure u yihiin iska-horimaadyada Burco ka dhaca waqtiganna xaaladdu ay si weyn uga duwan tahay waqtigii uu xilka qabtay.

Maxamed Cali, wuxuu intaa ku daray in hubka sharci-darrada ah ee magaalada lagu sitaa uu qayb laxaad leh ka qaato deggenaansho la’aanta mararka qaarkood dhacda.

 

Xuska munaasabadda 18 May, waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tirobadan oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahano, culimaa’udiin, iyo dumar iyo caruur aad u tiro badan.

Ugu dambayna waxaa ereyo gunaanad ah halkaa ka soo jeediyay Badhasaabka gobolka Togdheer Cali Cabdi Hurre, wuxuuna sheegay inaan Somaliland goosan, balse ay lasoo noqotay madaxbannaanideedii. Isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Maanta maaha waynu goosanay, laakiin waxaynu lasoo noqonay qaranimadeenii.”

 

Badhasaabka Togdheer wuxuu ku dheeraaday oo uu si qoto-dheer uga hadlay nabadgelyada oo uu sheegay inay khatar ku hayaan dad hubaysan oo falal fool xun ka fuliya magaalada, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay keligood waxba ka qaban karayn haddii aanay shacbiga gacan ka helin.

“Waxaynu ognahay in maalin aan dil dhicini inaanay jirin, waxaana nasiib-darro ah inaan gacan ku dhiiglihii cidina soo qabanayn oo uu reero dhan dabada gelinayo.”

Sidoo kale magaalada xarunta u ah gobolka Awdal ee Boorama ayaa si ballaaadhan looga xusay munaasabadda qaranimada Somaliland, kulan si weyn loogu soo baxay ayaa lagu qabtay garoon ku yaala badhtamaha magaalada.

 

Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamed Faarax Bahdoon, oo fagaaraha dadka kala hadlay ayaa ka warramay taxanihii taariikheed ee loo soo maray lasoo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa xalay cawaysinkii lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu xusayo munaasibadda 18 May, waxaana xafladdaa ka hadlay Badhasaabka gobolka Xasan X. Maxamuud (Xasan-gadhweyne), iyada oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweynaha reer Berbera ahi, waxayna wararku sheegeen in xuska habeenimadii looga dhigay kadib markii maalinimadii la qaban kari waayay jewiga oo kulul dartii.

 

Waxa kale oo xaflado kuwaa la mid ah lagu qabtay dhammaan magaalooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Isticmaalka Maandooriyeyaasha Iyo Sharciga

Waa lagama maarmaan ogaanshaha wuxuu sharcigu ka qabo maandooriyeyaasha.

Maandooriyeyaasha caanka ah sida Heroin ma aha sharci isticmaalkeeda iyo haysashadeedu, laakiin waxaa jira maandooriyeyaal labada noqon kara sharci iyo kontarabaan.

 

Waxaa jira kiniino saameyn ku leh oo noqon kara maandooriyeyaal marka aanu dhakhtar kuu qorin, laakiin haddii dawo ahaan dhakhtar kuugu qoro aan ahayn maandooriye.

Waddamada qaar ayaa leh sharci sigaarka aan laga iibin da’da carruurta aan qaangaadhka ahayn.

Waxaa jirtay in qarnigii 19aad dalka Maraykanka aanay maandooriye ka ahayn maandooriyeha hadda loo yaqaan “Laudanum”.

 

Laudanum, waxay dhakhaatiirtu u qoraan si ay isticmaalaan xubnaha qoyska ee leh da’aha kala duwan ilaa carruurta, markaa isticmaalkii Laudanum ayaa aad ugu baahay carriga Maraykanka, malaayiin dad ah ayay noloshoodu yeelatay baahi joogto ah oo la xidhiidha isticmaalka Laudanum.

Mushkiladaha ka soo fool yeeshay arintan ayaa aad u soo gaadhay dhakhaatiirta, arintaas oo u gudubtay dawladda Maraykanka, markaa waxaa soo baxay shuruuc adag oo mamnuucaya haysashada iyo isticmaalka Laudanum.

 

Waxaa kale oo jiray in sannadkii 1960 in la soo saaray daawada Amphetamines, isticmaalkooduna wuxuu gaadhay ilaa in ka badan hal bilyan oo daawo ah.

Dad badan ayaa Amphetamines u isticmaalay si ay u yareeyaan miisaanka xajmiga jidhkooda, qaar kalena waxay u isticmaaleen si ay nafis uga dareemaan buuq iyo culays ka saarnaa madaxa iyo jidhka ama inay daalka ka bi’iso.

 

Amphetamines, waxay lahayd waxyeelo la socda isticmaalkeeda (side effects) iyo iyada oo keenaysay in qofku yeesho baahi joogto ah oo ay noqoto balwad halkii ay dawo ka ahayd.

Si khaldan u isticmaalka Amphetamines ayaa sare u kacay sannadkii 1970 ay uu koongareesku ka soo saaro sharci mamnuucaya soo saarka iyo isticmaalka Amphetamines, iyada oo si gaar loo xusay inaan dawadani wax-tar u lahayn dhinaca miisaan-dhimista jidhka iyo inay weliba dhinacaas keento khatar caafimaad.

Maandooriyeha Marijuana ayaa ka mid ah kuwa halista ah ee lagu magacaano daroogooyinkii maskaxda beddelayay (Psychoactive drugs).

 

Marijuana waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelo gaadhsiiso jidhka iyo maskaxda qofka oo ay u keento dhibaato caafimaad, waana ka koontarabaan inta badan dunida.

Waxaase hubaal noqotay in isticmaalka Marijuana ee dhallinyarada uu u keeno arrin weyn oo meel madow ku rida mustaqbalkooda oo ka xannuun iyo tiiraanyo badan sida fudud ee ay dhallinta qaarkood u bilaabaan isticmaalkeeda oo ka yimaada dhinaca asxaabta ay ku saaxiibeen jiilka dhallinyaronimo iyo marar qaarkood dadka wada shaqeeya iyo fikradda khaldan oo qofka dhallinyarada ah loo huwiyo halista runta ah ee ay keenaan isticmaalka maandooriyeyaashu.

 

 

 

Xannuunka Maskaxda (Psychoses)

Dadka xannuunkani ku dhaco qaar ayaa yeesha waxa loo yaqaan (Hysterical Disorder), xaaladdan qofka ay kala soo gudboonaato dhinaca maskaxda waxa uu ku caan yahay in uu noqdo qof didsan, ficil aan xad iyo kantarool lahayna kaga jawaabo wixii lasoo dersa.

 

Dadka uu ku dhaco xannuunkani waxay soo bandhigaan cabasho farobadan marka ay la soo deristo dhacdo fudud oo si fudud u xalin karo ama aan dhibaataba ahayn marka ay la dreisto qof maskaxda ka fayow.

Sababta uu qofkan xannuunka maskaxda qabaa uu cabashada u badinayaa waxay tahay xannuunkan oo ku beera qofka inay ka lunto isku kalsoonida uu qofka caadiga ahi ku maareeyo dhacdooyinka la soo dersa, waxaanu qofkan uu (Psychoses) ee yeesha astaantan (Hysterical), wuxuu u baahdaa inuu u bandhigo dad badan dhacdada fudud ee la soo derista oo ay markaa la xaliyaan arrintan la soo deristay, maadaama uu xannuunka awgii rumaystay inaanu lafihiisa keligii wax qabsan karin.

 

Waxaa iyana jirta astaan kale oo lagu arko qofka uu ku dhacay xannuunkan maskaxdu sida qofka yeesha gooni-socodka (Anti social personalities).

Dadkan gala xaalada gooni-socodka ahi waxay yeeshaan dareen ay jawaab khaldan ka bixiyaan wixii dhexmara dadka kale, maadaama ay yihiin kuwo isku buuqsan, cabudhsan oo xanaaqsan marwalba (psychopaths).

 

Markan qofka xannuunkan qaba waxay dadku ugu yeedhaan ama ku xantaan waa danayste (selfish), qayru-mas’uul  (irresponsible), mudayac (uncaring) iyo qof aan waxba ku qaadan dhacdooyinka waayo-aragnimo ee soo mara.

Xannuunka maskaxdu wuxuu isku rogaa markuu muddo hayo qofka isaga oo aan dareemin wuxuu sameeyaa xannuuno kale oo uu qofku dareemo sida dhabar-xannuun, madax-xannuun, xiiq iyo Gastorida loo yaqaan Alsarka (Icer).

Heerkan marka uu xanuunkii maskaxdu isu beddelo xannuunadan aynu xusnay waxaa lagu magacaabaa (psychosomatic).

 

Daawaynta cudurada maskaxda

Dhakhaatiirta ka hawlgashay daawaynta cudurada maskaxda ayaa tilmaamay inaan inta badan si dhab ah loo aqoonsan sababaha dhaliya cudurada maskaxda, laakiin haddana waa la daweeyaa cudurada maskaxda, waxaana la adeegsadaa laba nooc oo daaweyn ah, sida daawo uu qofku qaato (drug therapy), ama si cilmi-nafsi ah oo qofka loo daaweeyo (psychotherapy).

 

Daawo-siinta (Drug Therapy)

Sannadkii 1950-kii ayaa dunidu aad ugu hawlgashay soo saarka dawooyinka lagu daweeyo cudurada maskaxda, waxaana la soo saaray dawooyin badan oo wax weyn ka taray dhibaatooyin halisa oo ay xannuunada maskaxdu leeeyihiin. Dad badan oo bukaan-socod ahaana waa lagu daweeyay.

Xaaladaha qaar ee xannuunka maskaxda waxaa la isugu dhaffaa bukaanka labada nooc ee daaweynta dawo-siinta (Drug Therapy iyo tan cilmi-nafsiga ama talooyinka iyo habdhaqan beddel lagu daweeyo qofka (psychotherapy) (Behavior Therapy).

 

Dhinaca kale dawooyinka loo isticmaalo xannuunada maskaxda waxaa dhacday in lagu arkay inaanay dhab ahaan u daaweyn xannuunka maskaxda ee ay qofka ka jebiyaan xannuunka markaa haya.

Waxaa kale oo ay kiniinada ama irbadaha maskaxdu ay leeyihiin waxyeelo (side effect).

Si kastaba ha ahaatee bukaan-socodka oo qofka lagu daweeyaa waxay ka wanaagsan tahay qofka lagu xareeyo isbitaalada xannuunka maskaxda, marka la eego sida bukaan-socodku uu noloshiisa caadiga ah uga qaybqaadan karo, haddana waxaa dhacda daaweynta kiniinada ama irbadaha oo muddo dheer lagu isticmaalaa waxay keentaa bukaanka oo daawada la qabsada, taas oo xaaladda caafimaad ee qofka sii xumaysa.

Lasoco…………..

 

WAADIGA CIYAARAHA

Taxanaha Taariikheed Ee Koobka Adduunka

Waddanka Mexico ayaa noqday kii ugu horreeyay ee laba goor martigeliyay koobka adduunka, kadib markii laga xarrimay Colombia oo laga baqay inay ku hafato qaban-qaabada, maadaama sanad ka hor uu dhul-gariir tabaaleeyay qaybo badan oo agabkii ka mid ah, taasina ay muujisay inaanay ka dabbaalan karayn xilka 52 ciyaarood oo afar toddobaad oo xidhiidh ah soconayay. Siddeed kooxood oo ka mid ah 24-ka dal ee u soo gudbay ciyaaraha aya ku hadhay wareegii ugu horreeyay oo ahaa 36 ciyaarood, kuwaas oo kala ah; Algeria, Canada, Hungary, Iraq, Northern Ireland, Portugal, Scotland iyo South Korea.

 

Waddamada Argentine, Belgium, Brazil, Bulgaria, Denmark, England, France, Morocco, Paraguay, Poland, Spain, The USSR, Uruguay, iyo West Germany, dhammaantood waxay u soo gudbeen wareegyada qoor-qabadka (knockout), waxaa intaa weheliyay waddankii tartanka martigeliyay iyo kii horyaalka difaacanayay. Koobkaasina wuxuu noqday kii ugu wanaagsanaa ee la qabto tan iyo sannadkii 1970, oo Mexico qudheedu martigelisay.

 

Kulamadii ay ciyaartay kooxda tartanka martigelisay waxay ahaayeen kuwo telefishanku ku soo celcelinayay markaan ciyaaraha kale soconayn.

Kooxdii dalka Midowga Soofiyeeti (the USSR), ayaa ku tumatay Hungary oo ay 6-0 ku dirqiday kahor intii aanu xulka Belgiumku si layaab leh ugaga adkaatay kulankii wareegii ugu dambeeyay. Ciyaaryahanka reer Northern Ireland ee Pat Jennings, ayaa u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 41aad markii uu dhammaystay kulankii 119aad ee uu waddankiisa u safto, halka kooxda Morocco oo qaybteeda ugu sarraysay ay isku beegmeen West Germany, oo ay wareegii labaad isku arkeen, laakiin waxay ku hadhay gool waqti dambe laga dhaliyay.

Faransiiska oo ku guulaystay kulankii tartanka, ayaa rigoorayaal ku saaray Brazil, kadib markii kulankii wareega saddexaad ay 1-1 isla dhaafi waayeen, balse kooxdii qiimahaa lahayd ee koobkaa ku guulaysatay waxay noqotay tii uu hoggaaminayay xiddiga laga wareeray ee Diego Armando Maradona.

 

Maradona oo sannadkii ka horreeyay fursad u waayay ayaa tarankaa kuusha iskaga jaray, wuxuuna si xatooyo ah ku dhaafay kulankii England, kahor intii aanu si layaab leh u garaacin Belgium iyo Germany. Argentina ayaa laba gool ku hormartay kulankii Aztec Stadium, laakiin Germany may quusan tan iyo dhammaadkii ciyaarta oo laga horqaaday koobkii oo ay markii labaad Argentina ku guulaysatay.

Diego Maradona dedaalkiisii ugu weynaa wuxuu ku bixiyay kulankii ay England la yeesheen, wuxuuna ku dhaqaaqay dedaalkii ugu sarreeyay ee inta taariikhdu xustay, wuxuuna si aan shaki ku jirin u hantay xiddigii tartankaa ugu wanaagsanaa. Maradona wuxuu dunida oo dhan ku baahay markii uu dhaliyay goolkiisii koowaad ee ciyaartii ay la yeesheen England oo gacan ahaa. Garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay ayaa noqday ka keliya ee aan arkayn gacantaa, waayo intii aanay ciyaartu dhammaan ayay kamaraduhu ku soo celceliyeen sidii khaladku u dhacay, goolkaasina wuxuu caan ku noqday goolkii gacanta ee shilka ahaa. Kulankii kamadambaysta ahaana wuxuu ku dhammaaday 3-2 ay Argentina ku badisay. Tartankaa waxaa gooldhalinta qaaday ciyaaryahanka Ingiriiska ah ee Gary Lineker oo dhaliyay lix gool.

Dalka Argentina waxaa kulankaa uga qaybgalay.

Argentine: Pumpido, Cuciuffo, Olarti Coe Chea, Ruggeri, Brown, Giusti, Burruchaga (Toobbiani), Batista, Valdano, Maradona (Kabtanka), Enrique.

West Germany:  Schumacher, Berthold, Breiegel, Jakobs, Foster, Eder, Brehme, Mathaus, Allofs, (Voller), Magath (D. Hoeness) Rummenig (Kabtanka).

 

Italy 1990

Koobkii Talyaaniga lagu qabtay ee sannadkii 1990 wuxuu ahaa mid nasiib-darro ku riday rajadii ay filayeen ciyaartoyga Paul Gascoigne, Gianluca Vialli iyo Roger Milla, iyada oo ciyaartoy tiro yari ay magacyadooda kor u qaadeen.

 

FIFA, waxay adkaysay garsoorida ciyaaraha waxayna cadaadis saartay khaladaadka ay galaan ciyaaroyga cagahooda ku shaqaysta.

Tartankaasi wuxuu noqday kii ugu khaadhadhka badnaa, natiijadii lasoo saaray dhammaadkii ciyaaruhuna waxay noqotay 164 kaadh oo huruud ah iyo 16 kaadh oo casaan ah. Kala-badh khaladaadkaasi waxay ka dhaceen ciyaarihii ay yeelatay Argentina oo koobka difaacanaysay.

Waxay ku bilowday ciyaar-wanaag ugu filan inay Cameroon garaacdo kooxdii koobka haysatay oo ay kaga badisay goolkii uu dhaliyay Oman Biyick, iyaga oo sagaal ciyaartoy oo keliya ah.

Kooxda Afrika waxay markale 2-1 ku legeday Romaina, kahor intii aanay goolal kuwaa la mid ah kaga badin Colombia, oo ay wareegii labaad ku kulmeen. Cameroon waxay soo bandhigtay ciyaaro medadaalo weheliso, laakiin khaladaadkooda ayaa ahaa mid aad u badan gaar ahaan Maradona iyo Cannigia oo ay ku urureen kulankii furitaanka.

Waxaa kale oo ka mid ahaa kulankii ay ku hadheen ee wareega saddexaad, kaas oo laga dhaliyay laba khalad oo ay ka galeen Gary Lineker, oo laga dhigay rigoorayaal, kulankaasna waxay la yeesheen kooxda England.

 

Tallaabadii FIFA ku goosatay inay adkaysto garsoorka ayaa murugo ku keentay kooxda Argentina oo koobkii lagaga qaaday, kulankii kamadambaysta oo ay u qalantay inay ku guulaysato.

Dadka ciyaaraha ka faalooda ayaa tilmaamay inay arrin adag ahayd in kulankaa laba ciyaartoy laga saaro kahor intii aanay Argentina koobkii ku waayin rigoore lagu dhigay. Tallaabadaasi waxay cannaan xad-dhaaf ah u soo jiiday FIFA, oo niyad-xumo weyn dunidu u qaaday, taas oo markii dambe keentay in sannadkii 1992 ay soo saarto xeer ay ku mamnuucday in goolhayeyaashu gacanta ku qabsadaan kubbad saaxiibadii u soo baaseen.

Waxa kale oo tartankaa qayb ka ahaa waddamada kala ah; Austria, Belgium, Brazil, Czechoslovakia, Egypt, Eire, Holland, south Korea, spain, Sweden, the UAE, the USSR, The USSR, Uruguay, iyo Yugoslavia.

Tartankaa waxaa gooldhalinta u qaatay weeraryahanka Talyaaniga ah ee Schillaci oo dhaliyay shan gool.

Germany: Illgner, Berthold (Reuter), Kohler, Augent Haler, Buchwald, Brehme, Pen, Littbarski, Hassler, Matthuas (Kabtan) Voller, Klinsman.

Argentina: Goycochea, Lorenzo, Serrizuella, Sensini, Ruggeri (Monzon), Simon, Basuado, Burrachaga (Calderon), Maradona (Kabtan), Troglio, Dezotti.

Lasoco cadada dambe qayb kale oo ku saabsan taariikhda koobka adduunka….