Haatuf,
Cadadki 84, May 21, 2002
Iska Horimaad Ay Foodda Isku Dareen
Ciidamada Ammaanka Iyo Koox Dabley Ahi Oo Shalay Ka Dhacay Hargeysa
Hargeysa (Haatuf):
Ugu yaraan saddex qof oo ku jiro Guddoomiye Ku-xigeenkii Waaxda Gacan Libaax ee
magaalada Hargeysa, ayaa dhaawacyo culusi ku gaadheen iska horimaad shalay,
Ciidanka Booliska iyo koox hubaysan ku dhexmaray xaafadda New Hargeysa.
Guddoomiye Ku-xigeenka
Waaxda Gacan Libaax, Maxamuud Saqadhi, ayaa xalay saqdii dhexe xaaladiisa
Caafimaad aad looga dayrinayay, kadib markii xabadi kaga dhacday koodka ama
isha dusheeda barqadii shalay.
Gudddoomiye Ku-xigeenka,
Mr. saqadhi, wuxuu horkacayay sida la sheegay Ciidan ka tirsan Booliska
dawladda hoose oo loo diray in ay raraan, kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku
taalla dayrka xabaalaha ka soo horjeedda Tiyaatarka dunsan ee xaafadda New
Hargeysa, halkaas oo ay niman hubaysan oo kaalinta difaacayay iyo boolisku isku
waydaarsadeen tacshiirado rasaas ah, waxaa kale oo rasaastaa ku dhaawacmay
askari ka tirsan Ciidanka Booliska iyo nin rayid ah oo aan labada dhinac midna
ka tirsanayn, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdillaahi
Cumar Cige.
Wasiirka Arrimaha Gudaha,
C/laahi Cumar Cilmi oo xalay cawaysinkii khadka telefoonka ugu waramay Haatuf,
waxa uu aad uga dayriyay rajo yaraana ka muujiyay nolosha Guddoomiye
Ku-xigeenka Degmada Gacan Libaax oo dhaawaciisa Cusbitaalka lagu dawaynayay
ilaa xalay. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in meesha wax ka dhaceen ay tahay,
kaalin si ku-meelgaadh ah loogu ogolaaday qoloda deggan, uuna siiyay mid ka mid
ah Maayaradii Hargeysa ee ka horeeyay Maayarka hadda xilka haya, Mr. Cawl Cilmi
Cabdalla. Waxa uu sheegay Wasiirku in wakhti badan la farayay qolada kaalinta
leh in ay ka guuraan dhulkaas, isla markaana ay shalay guddoomiye Ku-xigeenka
iyo ciidanku ku baxeen, markii laga war helay in ay guri dhagax ah ka bilaabeen
halkaas oo Wasiirku ku tilmaamay in ay tahay goob dan guud ah oo aan la dhisan
karin. Wasiirku, wuxuu intaa ku daray in kaalintaa ay Ciidanka dagaal kala horyimaadeen,
ilaa toddoba nin oo uu xusay in ay ku hubaysnaayeen hub culus iyo boobayaal
fudud. Markii ay falkaa geysteena ay u gurteen dhinaca beerta xabaalaha
dhexdeeda oo ay difaac adag ka galeen, Ciidanka booliskuna ay u geli kari
waayeen ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay in goor dambe ay isaga iyo Taliyaha
Booliska Somaliland ay tageen goobtaa, kadibna ay u dalbadeen Ciidan xoogan oo
ka socda Birmatka Booliska, kaas oo uu xusay in ay isku xeereen beerta xabaalaha ee ay ku jireen nimankaasi
si aanay u baxsan. Wuxuu intaa ku ladhay in odayaal iyo cuqaasha beesha
nimankaasi ka soo jeeddaan ka socdaa ay gacan weyn ka geysteen, wax ka
qabashada arrintaas. Waxa uu xusay in ay odayaashu u tageen dablayda oo ay kala
dooransiiyeen in dhammaantoodba la laayo iyo in ay hubka dhigaan, sidaas
aawadeed ayuu yidhi way is-dhiibeen intii meeshaa ku jirtay, iyagoo hubkoodiina
sita.
Wasiirku wuxuu sheegay in
ciidanku gacanta ku dhigay shan nin oo ka mid ah kooxdaa dagaalamaysay iyo hub
culus oo ay haysteen, kaas oo ay ka mid ahaayeen ayuu yidhi qoriga BKM loo
yaqaano.
Wasiirku wuxuu aad ugu
mahad-naqay odayaasha iyo cuqaashii arrintaa daba-qabataynteeda ka qaatay,
balse wuxuu ku nuux-nuuxsaday oo lagama maarmaan ka dhigay, burburinta
dhismayaasha goobtaas; “Kaalintaas iyo mid kale oo la yidhi agteedaa laga
dhisayba waa la baabi’inayaa oo cagafbaa la gilanayaa,” ayuu yidhi Wasiirku,
isagoo sheegay in meeshaas aan loogu talo-gelin in la dego.
Guddoomiye Waaxda Gacan
Libaax, Cumar Nuux Xuseen oo isaguna shalay Shir-jaraa’id kaga hadlay
arrintaas, ayaa isna xaqiijiyay in Maayaradii hore ay bixiyeen dhulkaas, balse
loo dhawr goor loo sheegay ka hor intii aan Ciidanka loo adeegsan. Dad
xogo-gaal ah, ayaa iyana sheegay in dhawr goor oo hore Maayarku isku dayay inuu
kaalintaas ka raro halkaas, balse ay taasi suuro-gali wayday markii ay nimanka
lihi ula soo baxeen sharci iyo ogolaansho ay bixiyeen Maayaradii hore.
Saraakiisha Booliska, ayaa
iyagu gebi ahaanba diiday in ay wax wara ka bixiyaan dhacdadaas, marar badan oo
Wargeyska Haatuf la xidhiidhay shalay ilaa xalayna, way ka
gaabsadeen in ay wax wara ka bixiyaan khasaaraha dhacdadaas oo warar
is-khilaafsani ka soo baxeen.
Guddoomiyaha Waaxda Gacan
Libaax iyo warar Cusbitaalka laga soo xigtayba, waxay sheegeen in Kooxda
dablayda ah lafteeda laga dhaawacay nin, xabsigana loo taxaabay isagoo
dhaawaca, halka Wasiirka arrimaha guduhu sheegay in dhaawacu yahay saddex nin
loo keli ah.
Shixnado Maar Iyo Qalab Kale Ah Oo Si
Qarsoodiya Looga Saarayay Dalka Oo La Qabtay
|
Berbera (Haatuf):
Booliska magaalada Berbera ee ilaalinta cashuuraha u xilsaaran, ayaa gacanta ku
dhigay shixnad maar, jaandi, naxaas iyo xadiid iskugu jirta oo la doonayay in
si qarsoodi ah dibadda loogu dhoofiyo.
Shixnad oo laga furfuray
qalab duugoobay, waxa lagu soo qariyay hal Koontaynar oo dhererkiisu dhan yahay
40 feet, waxaana si qarsoodi ah dekedda loo geliyay 13/5/2002, iyadoo uu siday
gaadhi tareella ahi, hase yeeshee waxay booliska iyo shaqaalaha dekeddu
ogaadeen, markii koontaynarkaa ay alaabtu ku jirtay laga rogayay gaadhigii
siday, intii aan lagu wareejin Markabkii qaadi lahaa, waxaana shakiga ugu
horeeyay dhaliyay sida la sheegay, culayska iyo miisaanka shixnaddaa
koontaynarku siday, taas oo sababtay in markii dambe la ogaado oo la baahdo.
Siday wararku sheegeen
alaabtaa loo dhoofinayay Dubai ee dalka Iimaaraadka Carabta, waxaana laga soo
raray dhinaca magaalada Hargeysa. Taliyaha Rugta Booliska ee dekedda Berbera,
ayaa u sheegay Haatuf in gaadhiga siday shixnaddaas uu saarnaa
keliya dirawalkii waday cid kalena aanay ku wehelin, balse wuxuu sheegay
taliyuhu in la aqoonsaday ninka leh alaabtaas.
Arbacadii toddobaadkii
hore, ayaa Maareeyaha Dekedda Inj. Cali Cumar uu amar ku bixiyay in alaabtaas
dekedda dibadda looga saaro, waxaana la geeyay Bakhaarada Oomaar ee duleedka
Berbera, halkaas oo lagu soo faaruqiyay koontaynarka oo laftiisa ay hore u
bixisay dekeddu.
Maareeyaha dekedda, Cali
Xoor-xoor oo arrintaa faahfaahin ka siiyay Wargeyska Haatuf,
wuxuu sheegay in xafiis lagu magacaabo 1- M.S.S uu ka soo dalbaday koontaynar
madhan oo ay sheegeen in ay ku guranayaan alaab ka qaldantay shirkadda
ganacsiga ee Oomaar, isaguna uu maareeye ahaan sidaa ugu ogolaaday
koontaynarka.
“Sidaas ayaan ku siiyay
koontaynarka, anigoo kalsooni ka qaba oo aanan akhriyin warqadii ay ii soo
qorteen,” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor, waxaanu intaa ku ladhay in ay kala duwan
yihiin wixii ay soo codsadeen in ay ku soo ridayaan iyo wixii lagu soo riday
markan dambe koontaynarka, sidaas darteen uu dib uga celiyay dekedda. “Waxay ku
soo rideen maaha wax la yeeli karo oo mamnuuc, Waddanka oo dhanna waa la soo
furfuri lahaa, haddii ay hirgasho bili-liqada noocaas ahi,” ayuu yidhi.
Mar la weydiiyay siday
shixnaddaasi dekedda ku soo gashay, wuxuu sheegay in koontaynarada alaabta lagu
keenaa ay dekedda ka baxaan iyagoo buuxa, iyagoo faaruqana lagu soo celiyo,
balse koontaynarkan ay shixnaddu ku jirtay, wuxuu sheegay in Booliska albaabka
dekedda lagu dhaafiyay warqadii uu isagu maareeye ahaan siiyay, laakiin ay
markii dambe ogaadeen ragii rogayay.
Maareeyaha dekeddu, wuxuu
sheegay uu gebi ahaanba arrintaas u riixay dhinaca booliska, si ay iyagu u
daba-galaan cidii lahayd alaabtaa. “Qoloda Booliska warqad baanu u qornay,
kiiskana iyagaanu u wareejinay, dekeddana dibaddaanu uga soo saarnay si ay
arrintu u dhexmarto booliska iyo dadkii alaabtaa sitay.
Dhinaca kale Taliye
ku-xigeen Qaybta Booliska Berbera, Ibraahim Aadan Yaasiin (Fanax) oo Weriyaha Haatuf
ee Berbera wax ka weydiiyay arritaas, ayaa isna sheegay in gaadhiga shixnaddaa
maarta ah siday uu waday dirawalka oo keli ah, waxase uu xusay in ay garanayaan
cidda leh, gacantana ay ku hayaan arrintaas.
Taliye Fanax, wuxuu ku
qiyaasay shirxnaddaas in ay gaadhayso ilaa 18-ton, balse waxa jira warar
sheegaya in maarta iyo naxaasta la qabtay ay ka badan tahay intaas.
Horraantii
sagaashaneeyadii, kadib markii oodda loo rogay Taliskii Siyaad Barre ayaa
dhoofinta maarta iyo naxaastu, waxay ka noqdeen magaalada Muqdisho meherad weyn
oo xoog looga ganacsado, waxaana dibadda gaar ahaan Imaaraadka Carabta loo
dhoofiyay boqolaal kun oo ton oo maar iyo naxaas ahaa oo si boob iyo
bili-liqaysi ahaa looga furfurtay wershadihii iyo kaabayaashii dhaqaale ee
halkaa ku yaallay.
Somaliland lafteeda,
wakhtiyadii uu socday dagaalkii lagu jiray Taliskii Siyaad Barre, siiba 1988 –
1989 waxaa laga bili-liqaystay waxoogaa maar iyo naxaas ah oo la sheegay in loo
dhoofiyay dalalka dibadda.
Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusub Oo Maanta
Hortegaya Golayaasha Baarlamaanka
Hargeysa (Haatuf):
Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa
la filayaa inuu maanta hortago fadhi labada gole ee Baarlamaanku yeelanayaan,
si ay ugu coddeeyaan oo u ansixiyaan ama u diidaan.
Kulanka labada aqal ee
barlamaanka oo markii hore la filayay inuu qabsoomo maalintii shalay, waxa lagu
wadaa inuu maanta qabsoomo si ay u dhamaystiraan sharciyadda xilka Madaxweyne
Ku-xigeen-nimo ee loo magacaabay, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, kaas oo uu si
rasmi ah u qabanaya marka ay labada Gole codka ansixinta siiyaan.
Dhinaca kale lama sii
saadaalin karo, tirada codadka uu heli doono, in ansixin doono iyo in la waabin
doono toonna, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah Mudanayaasha laba aqal, ayaa
iyagu muujiyay dareen ah in ay ku qanacsan yihiin, mar haddii xilkaa loo
magacaabay nin muddo dheer ka tirsanaa Golaha Wakiiladda.
Wasiir Ka Goostay Maamulka C/Qaasim Oo
Shalay Ka Soo Degay Madaarka Hargeysa
Hargeysa (Haatuf):
Wasiirkii Tamarta iyo Korontada ee Maamulka C/qaasim hogaamiyo, Ing. Siciid
Warsame Abokor oo ka mid ahaa xubnaha Somaliland u dhashay ee ka qayb-galay
Maamulkaas, ayaa shalay ka soo degay Madaarka magaalada Hargeysa, isla markaana
shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulkaas, una soo noqday
dalkiisa hooyo.
Ing. Siciid Warsame,
war-saxaafadeed uu isla shalayba soo saaray, wuxuu ku sheegay in soo
noqoshadiisu tahay mid isaga ka timid, isla markaana uu u soo bandhigay
Xukuumadda Somaliland, Sidaana uu ku soo guryo-noqday.
Ing. Siciid, waxaa muddo ka
soo horeeyay Marwadiisa oo iyana iska casishay xil ay ka haysay Maamulka C/qaasim,
war-saxaafadeedka uu soo saarayna, wuxuu kaga hadlay qodobbo dhawr ah oo
arrintaasi la xidhiidha, waxaanu u dhignaa sidan:
“Waxaan ku faraxsanahay in
aan maanta ku soo guryo noqday dhulkaygii hooyo, aniga oo ka maqnaa tan iyo
intii shirkii Carta ee dalka Djabuuti, markaa oo aan is-moodsiiyay in aan
shirkaa wax ku kordhin karayay, aniga oo aan marnaba ilaabaynin danta dalkayga,
Xukuumadda iyo dadkayga Somaliland.
Run ahaantii Xukuumaddii
ku-meelgaadhka ahayd, waxa ay noqotay hungo iyo tu aan dhinacna wax u wadaynin,
wixii loo xil saarayna oo ahayd nabadaynta Koonfurta Soomaaliya, way ku
guul-daraysatay, guul-daradaa mas’uuliyadeedana waxa iska leh Madaxweynaha iyo
Golaha Wasiirada oo aan ka mid ahaa. Golaha Wasiirada, waxaan u soo jeediyay
24/4/2002 oo ahayd maalin Arbaca ah, shirkii aanu yeelanay in ay dhammaantood
is-casilaan, taas oo ay garwaaqsan waayeend, ayaan go’aansaday in aan ka baxo
dawladda ku-meelgaadhka ah, is-casilaadaydiina 19/05/2002, ayaan fax ugu diray
Ra’iisal-wasaaraha, anigoo ku qancay waxqabadkayga iyo wixii aan tari karo inuu
xaq u leeyahay dalkaygu, isla markaana ka faa’iidaysanaya Siyaasadda Xukuumadda
Somaliland oo ku baaqaday, qofkasta oo muwaadin ah oo ka tanaasula afkaartii
shirka Carta in uu xaq u leeyahay ku soo noqoshada iyo ka qayb-qaadashada
dalka. Waxaan maanta ku soo laabtay dalkayga, aniga oo u diyaar ah in aan
shuruud la’aan ugu adeego dalka iyo dadkaba. Waxaan shacabka iyo Xukuumadda
Somaliland uga tacsidaynayaa, geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Madaxweynihii
ajashu haleeshay, Illaahay ha u naxariistee, waxa uu ka tegay nidaam iyo maamul
ay tayadiisu ay ka muuqatay, sida hufan ee loo buuxiyay xilkii uu baneeyay.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyo Madaxweyne Ku-xigeen, Axmed
Yuusuf Yaasiin, anigoo Illaahay uga baryaya inuu la garab-galo xilka culus ee
ummaddu u igmatay.
Ugu dambayntii, waxaan
caddaynayaa soo noqoshadaydu in ay tahay talo aniga iga timid, isla markaana
aan u bandhigay Xukuumadda Somaliland, kuna fushay nidaamka iyo xeerarka dalka,
waxaanan u mahad-celinayaa Madaxdii gacanta iga siisay fullinta go’aankaas,
waxaanan diyaar u ahay in aan u shaqeeyo dalkayga iyo dadkayga.
Hargeysa (Haatuf):
Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka
Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa u ambabaxay jiidda Gobolka Af-dheer oo ay
dagaalo ku dhexmareen laba qabiil oo ka tirsan qabaa’ilka Soomaalida Itoobiya
ee aagaas degga.
Siduu sheegay war ay
faafisay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC-du shalay, deegaanka degmada
Salaxaad ee Gobolka Af-dheer ee Kililka 5aad ee Itoobiya, waxa ka dhacay
dagaalo u dhexeeyay laba qabiil oo la sheegay in ay bilaabmeen toddobaadkii hore,
dhaceene dhawr maalmood.
Warku wuxuu intaa ku daray
in dagaaladaasi geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ay hadda
qaboobeen, isla markaana aagaas ay u socdaaleen wefti ballaadhan oo ka socda
dawladda is-maamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo ka ambabaxay Caasimadda
Jig-jigga.
Dagaaladan oo u dhexeeya
laba qabiil oo ka tirsan Soomaalida aagaas degta, ayaa la sheegay in ay hadda
ka horna dhawr jeer dhexmareen labadaa Qabiil, sidaas darteedna la filayo inuu
weftigaasi xalintiisa galo.
UNICEF oo Wasaaradda Caafimaadka
Gudoonsiisay Maro-Kaneecooyin Daweysan
Hargeysa (Haatuf):
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ee
UNICEF, ayaa shalay gudoonsiisay Wasaaradda Caafimaadka 13,000 midh oo
Maro-Kaneecooyin daweysan ah, kuwaas oo loogu talo-galay ka hor-tegista iyo
la-dagaalana cudurka kaneecada ama duumada.
Xaflad kooban oo lagula
kala wareegay deeqdan maro-kaneecooyinka ah oo shalay barqadii lagu qabtay
Hotel Maansoor, waxa ka qayb-galay Wasiirada Madaxtooyadda, Nuux Axmed Cismaan;
Caafimaadka, Xasan Ismaaciil Yuusuf; Beeraha, Maxamuud Jaamac Belal; Wakiilka
Hay’adda UNICEF ee Hargeysa, Mr. Romanos iyo marti-sharaf kale oo badnayd.
Ugu horeyn, waxa hadal
xog-waran iyo warbixin ah ka jeediyay xafladaas Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Caafimaad, Axmed Cabdi Jaamac, kaas oo ka waramay heerka uu xannuunka kaneecadu
ka gaadhsiisan yahay dalka gudihiisa, iyo sida loogu baahan yahay in looga
hortago, waxaanu u mahad-naqay hay’adda UNICEF ee ku deeqday
Maro-kaneecooyinkaas oo lagu iibin doono qiimo jaban, lana gaadhsiin doono
dhammaan Gobolada dalka.
Wasiirka Madaxtooyadda,
Axmed Nuux Cismaan oo isna xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in xannuunka
kaneecadu yahay mid soo jireen ah oo ku tilmaamay inuu ka mid yahay, xannuunada
had iyo jeer waxyeelada ku haya bulshada.
Wakiilka UNICEF ee
Hargeysa, ayaa isna hadal uu jeediyay ku sheegay ujeeddada ay ka leeyihiin
deeqdani in ay tahay, sidii looga hortegi lahaa kaneecada oo inta badan
dilaacda xilliga roobabka, waxyeelana gaadhsiisa bulshada.
Deeqdaasna, waxa ka
gudoomay hay’adda UNICEF, Wasiirka Caafimaad, Dr. Xasan Ismaaciil oo uga
mahad-celiyay hay’adda UNICEF kaalmadaas.
Ururka Somaliland Forum Oo Guddi
Fullineed Oo Cusub Doortay
London (Haatuf):
Ururka Somaliland Forum oo ka hawl-gala dalalka dibadda ee ay ku nool yihiin
qurbo-joogga Somaliland, ayaa soo saaray war uu ku sheegay in ururkaasi loo
doortay guddi fullineed oo cusub, kaas oo ka kooban shan xubnood oo noqonaya
guddiga fullinta oo hawsha bilaabay 11-kii bishan May.
Siduu warkaasi sheegay
guddigaa waxa la soo doortay, kadib markii ururku uu shir yeeshay, halkaasna ay
ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee ururka oo ah Daahir Cabdi Jaamac,
Ku-xigeenkiisa oo ah Axmed Xuseen Ismaaciil, Dr. Maxamed Raabi oo isna loo
doortay Xoghayaha ururka, Xuseen Wadaad-yare oo isna loo doortay Khasnajiga
ururka iyo xubinta shanaad oo ah Cumar A. Xasan.
Qoraalkaa ururku soo
saaray, wuxuu intaa ku daray in xubnahana la doortay ay yihiin, qaar muddo
dheer ku soo jiray ururka Somaliland Forum, sidaa aawadeedna ay xubnaha guud ee
ururku hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen Guddigaa shanta xubnood ah ee xilka
ururka loo xilsaaray. Dhinaca kalena, wuxuu ururku mahad-celin u jeediyay
guddigii hore ee xilkaa hayay oo ay sheegeen in ay xilligoodii, waxqabad badan
ku tallaabsadeen.
East Temor: Dawladii U Dambaysay Ee Ku
Biirta Q. Midoobay
Dili (W. Wararka):
Dalka East Temor, ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xornimadiisa qaata
Caalamka, kadib markii uu gumaysi ku hoos jiray muddo aad u dheer, iyada oo ay
iskaga dambeeyeen dalalka Boortaqiiska iyo indoniisiya oo Muddadaasi
gumaysanayay dalkaasi Temor-ta Bari.
Xafladdo ballaadhan oo lagu
xusayay xornimada, ayna ku dabaal-degayeen dadweynaha East Temor, ayaa
maalintii shalay 20 May 2002 ka socday guud ahaanba deegaanada uu ka kooban
yahay dalkaasi, waxaana munaasibadii lagu saarayay Calanka cusub ee loo
sameeyay East Temor ka qayb-galay, Madax ka kala socotay Caalamka, ayna ka mid
yihiin; Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Koffi Annan.
Madaxweynaha dalka
Indoniisiya, Migarna Waati Sukarno Buuti ayay Qaramada Midoobay kala wareegtay
sannadkii 1999-kii, muddadii ay gacanta ku haysayna waxay Qaramada Midoobay u
diyaarisay East Temor, sidii uu lugihiisa isugu taagi lahaa marka uu xoroobo.
Madaxweynaha cusub ee
dalkaasina, wuxuu noqday Sanana Jushmaw oo muddo dheer u xidhnaa u dagaalanka
xornimo uu dalka East Temor gaadho, taas oo haatan lagu guulaystay dadweynaha
dalkaasina waxay ku jiraan farxad.
Xuska
18-Ka May: Sidee Looga Xusay Yurub Iyo Waqooyiga Ameerika
Toronto – The Hague
(Haatuf):- Xaflado lagu maamuusay munaasibadda 18 May ee la soo noqoshada
madaxbannaanida ayaa ka dhacay dalalka Kanada, Holland iyo Ingiriiska.
Warbixino xafladahaas ku
saabsana waxaa khadka Email-ka noogu soo diray Cabdi C/llaahi Xasan, Maxamuud
Yuusuf Ducaale (Digtoorka) iyo Ibraaahim Xaashi. Warbixinahaasina waxay u
dhignaayeen sidan:
( The Hague, 18 May 20002)
waxaa magaalada Den Haag ee dalka Holland lagu qabtay xaflad balaadhanoo lagu
xusayay sannad guuradii 11aad ee Somaliland kula soo noqotay
qaranimadeeda.
Xafladda oo u dhacday jawi farxad leh waxaa kasoo qayb galay dad
weyne badan oo ka kala yimid gobolada
kala duwan oo dalka Holland. Xaflada oo si fiican loo soo agaasimay waxa soo
diyaariyay dhallinta reer Somaliland ee
dalka Holland oo lagu magacaabo NOMAD oo ay ku
wehelinayeen odayaasha reer Somaliland ee Holland iyo wax garad
kale.
Xaflada oo ku socotay
barnaamij iyo ajende si fiican loo soo nidaamiyay ayaa waxa lagu bilaabay
ayaado quraan ah iyo wacdi kooban. Maadaama Madaxeynihii reer Somaliland uu
bishan bilowgeedii geeriyooday Ilaahay
naxariistii jano ha ka waraabiyeey ayaa qayb
barnaamijka ka mid ah la siiyay xuska taariikhdiisii, waxa kale oo laga
soo jeediyay duco iyo tacsi arrinkaa la xidhiidha.
Sida ajandaha shirku
tilmaamayay waxa laga soo jeediyay taariikhda
Somaliland iyo maraaxisha kala duwan ee ay soo martay. Waxaa iyana hadal
kasoo jeediyey ururka dhallinyarada ee Nomad oo ka hadlay jaaliyadaha dibaddaha
iyo doorka looga baahanyahay inay ka qaataan dib u dhiska waddanka iyo weliba
in la iska xil saaro sidii looga qayb qaadan lahaa sidii waddanku u heli lahaa
aqoonsi dibadeed isla markaana qaddiyada Somalilandna loo gaadhsiin lahaa
bulshada adduunka si looga soo dhirin dhiriyo ictiraaf. Waxaa kaloo iyana ka
hadlay halkaas odayada jaaliyadda Holland oo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay
ilaalinta dhaqanka, rabaayadda carruurta iyo toosinta dhallinta qurbajoog ah.
Taasoo lagu xusay in loo baahanyahay in la qaaddo olale balaadhan oo lagu
baraarujinaayo laguna wacyigelinaayo bulshada reer Somaliland ee qurbaawiga ah
si looga baxo dhibaatooyinka iyo duruufaha soo foolsaaray bulshada reer
Somaliland ee dibadaha ku nool. Waxaa kaloo iyana goobta lagu soo bandhigay
suuggaan, fan iyo muusiq kala duwan. Waxaanad moodaysay in xafladdu guud ahaan
u dhacday jawi farxad leh. Waxaana
dadku intay is gacan qaadaan isugu hanbalyeynayeen sannad guuro wanaagsan.
Waxaana joogay mid kamid ah abwaanada Somaliland ee reer Holland oo la
yidhaahdo Nuuradiin oo dhallinta iyo waayeelba ka haqab tiray muusig casriya.
Waxaana dadweynihii kasoo qayb galay xafladda oo aad u faraxsani boodayeen
fagaaraha ay ka socdeen heesaha fannaanka codka baxsani ku luuqaynaayo waxaanay
raacinayeen jiib iyo jaan. Waxaa kaloo xafladdaa goob-joog ahaa dad aan Somali
ahayn iyo Somalida kale ee geeska afrika. Ugu danbayna inkasto dad badan oo
jaaliyadda reer Holland ahi ku maqnaayeen xafladda wayn ee London ka socotay ee
lagu xusaayo 18 Mey, haddana waxaa joogay dadweyne tiro badan.
Ugu danbayna waxaanan
bulshada reer Somaliland meelkastoo ay joogaanba u rajaynayaa inay xafladda 18
Mey ee sannadka soo socda ku gaadhaan bash iyo barwaaqo.” Dhinaca
kalena Maxamuud Yuusuf Ducaale (Digtoorka) oo ka mid ah suxufiyiinta reer
Somaliland ee ku nool magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa isna warbixin uu
noogu soo diray khadka Emailka ku sheegay in xaafadda Scarborough ee magaalada
Toronto lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu xusay sannad-guurada 11aad ee ka
soo wareegtay maalintii la soo noqoshada madax-bannaanida. Warbixintaasina
waxay u dhignayd sidan:
“Hadaan
war kooban idinka siiyo Toronto iyo sidii looga damaashaaday, waxay ahayd
galabninadii jimce markii loo dareeraray ka qayb galka Xuska sanadguurada
qaaliga ah ee qaranimada Somaaliland,wajiyo aad u miraaqoonaya oo farxad iyo
rayn-rayni ka muuqato ayaa soo buuxiyey goobtii xaflada oo ahayd bariga magaalo
weynta Toronto xaafada Scarborough, wixii halkaa ka dhacay hadal lagumo soo
koobi karo, waxa laga sheekeeyey taariikhdii dheerayd ee Maandeeq, waxa la xusay
taariikhdii alla ha u naxariistee Madaxwyne Cigaal loona duceeyey, waxa kale oo
intaa socday Music iyo heeso wadaniya oo ay ku fara yaraysteen koox fanaaniin
ah oo ay ka mid ahaayeen Shamis Qardajeex,Kiin Ibraahim, Cumar Indhoyare, si
kastaba ha ahaatee dadwenihii halkaa joogay caruur iyo ciroole qofkii ugu
nuuxsi yaraa madaxa ayaa daalay, da,yarta iyo inta saarayda ah hadalkooda
daa.Waxa barnaamujka daadihinayey oo xaga maaweeladana qayb ka qaatay oo intaa
dadka ka qoslinayey wariyihii weynaa ee Idiris Cigaal Nuur oo u kala raray.”
Waxaa
ka mid ahaa ka qayb galayasha halkaana ka khudbadeeyey madaxada urarada reer
Somaliland ee ku sugan Magaaladan iyo waayeel kale oo taarikhda ka sakow
qaarkood murti iyo sugaan burqadeen.
Si
kastaba ha ahaatee habeenkaasi waxa uu ahaa habeen habeenada ka soocnaa, si
weyna la isugu arkay.”
Sidoo
kale warbixin taa la mid ah waxaa magaalada Manchester nooga soo diray Ibraahim
Xaashi, taas oo u qornayd sidan:
“Jaaliyadda Somaliland ee deggan magaladda Manchester ee dalka Ingriiska
ayaa munaasibadda 18ka May 2002 qabatay xaflad balaadhan oo isugu jirtay xassuus
iyo xus.
Qaybta xassuustu
waxay isugu jirtay Quraan iyo duco loogu talogalay Marxuumkii Madaxeyne Maxamad
Xaaji Ibraahin Cigal (Alla ha u naxariiste) ee dhowaan geeriyooday,
taariikhdiisii dheerayd iyo waxqabadkiisii oo
la xassuustay. Qaybta
xuskuna waxay ku saabsanayd sanadguuraddii 11aad ee la soo noqoshada
madaxbanaanida Jamhuuriydda Somaliland.
Xafladdan oo lagu qabtay
xarunta SALTSHAKER ee magaalada Manchester waxaa kasoo qaybgalay ila 150
Somalilander ah oo isugu jira odayaal, indheergarato, dhalinyaro iyo dumar.
Quraanka iyo ducadda kadib, waxa halka lagu dawaday cajalad lagasoo duubay
aaskii Madaxweynaha. Waxa kaloo
xafladdaas laga jeediyay hadalo ku saabsan halganka umaddeenu soo martay iyo
kaalinta ay jaaliyadu ka qaadan karto qadiyada Somaliland. Waxaa halkaa ka
hadlay Mujaahidiin ay ka mid ahaayeen Maxamuud Maxamad Xeyd, Maxamed Axmed
(Bashe) iyo Xasan Farax Jagac.
Jaaliyaddu waxay ku
hambalyeynasa ummadda Somaliland oo dhan sida midaysan ee haboon ee ay u
damqatay kadib markii geeridani inugu timi.
Waxayna isku raacday in ay aad uga shaqeyso qadiyadda Somaliland.”
Warkan waxa soo gudbiyey Ibrahim Xashi Jaamac
oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Manchester, UK
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Ku bilaabida magaca Eebe ee
naxariista guud iyo mid gaarba naxariista ayaanu u baryaynaa in
madaxweynaheenii hore iyo mujaahidiintii hore oo dhan inuu jannada ka
waraabiyo, gaar ahaana samir iyo iimaan carruurtii uu ka tegay marxuumku ka
siiyo.
1. Cali, Axmed, Ibraahim,
Lifoon iyo hooyadood,
2. Marwada madaxweynihii hore
Kaltuum Haaji Daahir, Aamina Maxamed Cigaal
Iyo dhammaan eheladiisii,
kuwaas oo aanan arag intii geeridu dhacday waxaan leeyahay samir iyo iimaan ,
hamoodina in uu keligiin idinka dhintay ee wuxuu ka geeriyooday ummadda reer
Somaliland iyo Soomaaliyeedba, waxaanu inooga tegay raad amba sees la yidhaahdo
xeer.
Intaa waxa ii raaca iyada
oo ay maanta tahay bishu 18 May 2002, oo ku beegan 6/7 bil-mawliid Ilaahay
barakadeeda ha ina siiyo, loolanka dimuqraadiyadda cusub ee dhalatayna Eebeheen
ha inooga dhigo Sabti weyn oo la mid ah Salaasada weyn ee Maraykanku ula
magac-baxay Supper Tuesday, waxaanu ka baryaynaa in siduu doonaba yeeluhu
inagana inooga dhigo Supper Saturday.
Madaxweynaha cusub iyo
khudbadiisii maanta, xukuumadda, shacbiga reer Somaliland ee muujiyay
shucuurtooda si lamida sidii ay u muujiyeen 31 2001 wallee ma iilataan.
Marka xiga waxaan ku
hambalyaynayaaa madaxweynaha cusub Daahir Rayaale Kaahin xilka uu u qabtay
ummadda reer Somaliland, waxaanan leeyahay ku guulayso xilkaaga una hano sidii
Maxamed Ibraahim Cigaal iyo si la mid ah.
Haddaan madaxweyne intaa ka
gudbo, waxaa hambalyadayda daba-socota cabasho ah in hoos loo eego hay’adaha sharciga,
oo aad u hooseeya, lagagana dhaqmo laaluush iyo been sida maxkamadaha iyo
waaxaha laguna dhibo dadweynaha masaakiinta ah ee aan anigu ka mid ahay.
Haddaba waxaan madaxweyne
kaa codsanayaa inaad hoos u eegto goobahaa lagu dhibayo maatida.
BUSTAANKA
FANKA IYO SUUGAANTA
Khadra Daahir: Fannaanada Qarniga
Maxay Ka Xusuusan Tahay Waayihii Jacaylkii Soo Maray
“Ubax-baal Casuuslaan ku dhex beeri
doonaa, biyihii webi Shabeelaan ku butaacin doonaa”
|
Sidii intiinii akhrisatay
la socotay Salaasadii toddobaadkii hore ee 14 May, 2002, waxaanu Wargeyska Haatuf
idiinku baahinay Waraysi aanu la yeelanay fannaaniinta Khadra Daahir iyo Nimco
Yaasiin oo ka mid ah hablaha sida weyn luuqdooda loo dhegaysto oo dadkuna aad
ugu raaxaysto, markay maqlaan codadkooda baxsan. Haddaba, anaga oo hore idiinku
ballan-qaadnay in aanu mid-mid idiinku soo gudbino taariikh-fanneedka hablahaa,
ayaanu barnaamijka toddobaadlaha fanka idiinku soo gudbinaynaa inta aanu ka
gaadhno, fannaanadda weyn ee Khadra Daahir Cige, waana tan:
Khadra Daahir Cige, waxay
ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku bar-baartay waxna ku baratay,
ka hor intii aanay jiidan dabaysha fan-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii,
siday Khadra sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka.
Intii ay Waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heesii ugu
horeysay ee ay qaadaanaa waxay ahayd hees Waddani ah oo uu sameeyay Cali
Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda Carabiga dhiga, Khadrana macalin u ahaa.
Waxay ahayd sannadkii 1972-kii, waana heesteedii curad ee u balaysintay
heesaa-nimada ay Khadra qaniga ku tahay, heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii
ka mid ahaa; “Hawl iyo dadweynoow, hantidoon wadaagnaa waa horumarkeeniyo
hido aynu leenahay, hayaan baa la gelayaa, haka hadhine soo raac.”
Khadra,
intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday
markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ah bahda fanka, waxayna
mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.
Khadra Daahir Cige, waxay
si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii, habeen habeenada ka mid ah ayay
Khadra ka qayb-gashay Xaflad, waxayna halkaa kula kulantay Fannaanka Saalax
Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado Fannaanadda
Sahra Axmed.
Saalax Qaasim oo aad ula
dhacay Codka inantaa yar, ayaa Madaxii Idaacadda Raadiyow Hargeysa, Idiris
Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato, iyada oo
sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa, waxay tidhi; “Waxa la ii geeyay Alla ha’u
naxariistee Ismaaciil Yare, Huryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna igu
yidhaahdeen hees kale maqaadi karta, waxaan qaaday hees kale oo iyana Sahra
Axmed qaado.”
Maalintaa kadib, Khadra
waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii “Waaberi,” iyadoo isla
sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay Riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay “Dab
Jacayl kari waa.”
Khadra Daahir, waxay ku
caan baxday ku luuqaynta heesaha Jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay
Masraxyadii kala duwannaa ee Fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda,
fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro
badan oo Soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid
yihiin fannaaniin iyo abwaanaba.
In badan oo Soomaalida ka
mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan Boqorada
Jacaylka. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay
qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud
oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka
yihiin; “Afka lagama sheegtoo,
Adigoon Jacayl arag,
Looma uur xumaadee,
Heestani, waxay ahayd
tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan
badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaaday.
Khadra oo ka
jawaab-celinaysay su’aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay Fanka
bilowday waxay tidhi; “Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa
ijiidanayay jacaylka aan u qabay Fanka.”
Khadra Daahir, waxay ka mid
tahay koox fannaaniin ah oo dhawaan ka soo kicitimay Carriga Ingiriiska oo ay
muddo dhawr iyo Toban sannadood ah ku noolaayeen. Mar aanu wax ka weydiinay
ujeeddada socdaalkooda, waxay ku tilmaantay war-doon la xidhiidha sidii ay u
ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah oo ay in muddo ah ka maqnaayeen. Waxa kale
oo booqashada fannaaniintan ka mid ah, in ay dadka wax ka xusuusiyaan
Fankoodii, waxaanay sheegtay in ay dhawaan ku soo bandhigayaan Masraxyadda
Hargeysa, Bandhig-fanneed.
Fannaanadu, waxay ka deyrisay
nolosha qurbo-joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda
dhaqanka Soomaalida. “Waa meel aanad cidna ka garanayni. Dhibaatooyinka qurbaha
nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday,” ayay tidhi
Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.
Marka laga tago Riwaayadii
la odhan jiray Dab jacayl kari waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo
markii hore heesaaga koowaad ka ahayd, waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday
Riwaayad la odhan jiray “Jini iyo Jacayl,” oo noqotay mid markiiba ku fiday
daafaha dhulweynaha Soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa
intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay), hase yeeshee
heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu
sameeyay Abwaan Maxamed Cali Kaariye (Illaahay ha’u naxariistee). Mar ay
arrintaa ka hadlaysayna, waxay Khadra tidhi: “Heesahayga waxaan ugu jecelahay,
Jacaylkii Boorama, kii bulaale iyo herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir
igu helay.”
Fannaanadu, waxay
jacaylkeeda heestaa bud-dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka
turjumaysay, taas oo saamayn dhinaca cishqiga ah Kharda lafteeda. “Heestaasi
waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi
hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay.” Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir
oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka
nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.
Inkastoo Khadra Daahir ay
lama filaan ku noqotay, nabadda iyo horumarka dalku gaadhay oo ku dhaliyay
go’aan ah, in ay dalka u soo guurto, haddana meesha kamay saarin in ay weli
jirto dhibaato dhinaca Tiyaatarada ahi, balse waxay xustay in ay u
hawl-galayaan sidii loo dhisi golihii murtida iyo mededaalada oo la aaminsan
yahay inuu saldhig u yahay wax-soo-saarka fanka iyo fannaanka.
“Markii aanu Hargeysa
nimid, waxaanu aragnay dhulkii oo la-wada dhisay, tiyaatarkii fannaaniinta
mooyaane.” Ayay tidhi Khadra Daahir oo walaac ka muujisay dayaca ka muuqda
golihii murtida iyo mededaalada ee ku yaalay magaalada Hargeysa oo lagu
majeerto, in ay tahay Hooyada Fanka Soomaalida.
La soco cadadka dambe,
qaybtii labaad ee taxanahan iyo waraysi kale oo ku lamaan oo aanu la yeelanay,
Fannaanada weyn ee caanka ah Nimco Yaasiin Caraale oo iyana ka mid ah
Fannaaniintaa ka timid dhinaca Carriga Ingiriiska.
|
Qormaddani, waa toddobaadle
qayb ka ah Barnaamijka Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida, taas oo aanu ku eegno
badweynta Maahmaahaha Soomaaliyeed, waxaanay tilmaan iyo tusmo u tahay
dhaqankii awoowayaasheen ee hido-samida lahaa iyo murtidii ay ka tageen. Sidaa
daraadeed, Akhriste ka bogo, xigmaddu waa baadi kaa maqan oo u baahan in aad
baratided.
Aboorbaa dundumo dhisay,
waa yaab; candhuuftiisuu ku dhisaana, waa yaabka yaabkii; habeenkii buu
dhisaana, waa ama-kaag.
Saddex saddex kama
dheregto.
Ili deymo kama dheregto,
Dabna xaabo kama dhergo,
Munaafaqna dambi kama
dhergo
Gacan gudhan,
Gudoon jilicsan iyo
Gar eexo.
Mid Illaahay doorto,
Mid dadku doorto iyo
Jini-boqor isagu is-caleemo
saara.
Nin Cilmi la socda,
Nin Caqli la socda, iyo
Nin Calool la socda.
‘labada hore caynaano
ayay leeyihiin, ninkase hunguriga la socda cidhib la’aan iyo ceebuu
dhaxalsiiyaa Madaxda. Saddexdaa sidaad u kala soocaysaana waa adiga iyo
maankaa.”
Hadal waa murti iyo
yoon-yoon
Hadal waxa dilay agnaanka
halka xun ku dhufta marka uu hadlayo
Xog mooge xaajaduu dilaa
Marka geella loo heesayo,
goroyo looma heesho
Qof waliba hadalkiisuu ku
qiimaysan yahay
Nin weyn oo qawl ka dhacay,
waa geed qolofi ka dhacday
Nin waalan tolkiibaa u miyir
qaba.
Hadalkana la kala odhan og,
Illaahayna la kala baryi og.
Af xumo nabad-na waa kaa
kaxaysaa, colaadna wax kaagama tarto
Af baa la xukumaaye, uur
lama xukumo
Hadal iyo hilbaba kala
qallan.
Laba aamuskay ku qurux
badan yihiin
Didiyaha iyo damanuhu haday
hadlaan, colaad iyo cudur uunbaa dhaxalkoodu noqdaa, markaa waxa u kheyr-roon
in ay aamuska badiyaan
Aqoon yari iyo af xumo,
aamusbaa lagu kabbaa
Haddaad meel fagaare ka
hadlayso carabkaaga ilaali, haddaad cunto cunaysana calooshaada ilaali
Bil-saddex gurigaana waa
kaa kaxaysaa, guri kalena kuma gaadhsiiso
Wixii indho arkaan ayaa
ilko gooyaan
War jiraaba cakaaruu iman
Ninkaad kabo ka tolanayso
kabihiisaa la eeggaa
Isma dhaanto dhan kuuma
kaxayso
Ciridkaa aan arko ilko kama
soo jeeddaan
Adduun waa hir-doogle iyo
abaar lagu harraado