Haatuf, Cadadki 85, May 22, 2002
Madaxweyne Rayaale Iyo Salaadiinta Hore Ugu Dhawaaqay Shirweyne Qaran Oo Kulan Foodda Is-Daray
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Golihii Salaadiinta ee ku dhawaaqay Shirweyne Qaran, ayaa Isniintii dorraad wada-yeeshay kulan fadhi ah. Sidaana waxa sheegay warar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay ilo ku dhowdhow kulankaa.
Labada dhinac, midna war rasmi ah kama soo saarin wada-hadalkaa, hase yeeshee warar aanu ka helnay ilaha ku dhowdhow kulankaa, ayaa sheegay in ay dhinaca Salaadiinta ee kulankaa ka qayb-galay tiradoodu dhamayd 14 Suldaan iyo lix xubnood oo kale oo weheliyay.
Sida ay wararkaasi tibaaxeen, waxaa kulankaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha waayaha Somaliland iyo khilaafaadkii Siyaasadeed ee hore u jiray. Wuxuuna warku intaa ku daray in ay Salaadiintu, sharaxaad ka bixiyeen arrimihii dhexmaray iyaga iyo dawladda iyo sidii ay iyagu wax u arkayeen, waxayna Madaxweynaha u sheegeen in ay ujeedadoodu ahayd, ilaa haddana tahay toosin. Iyagoo la sheegay in ay Salaadiintu soo jeediyeen in xilligan loo baahan yahay in wada-jir wax loo qabto. Hase yeeshee, waxa uu warku sheegay inuu wada-hadalkaasi ahaa mid guud, taas oo aanay labada dhinac isla gaadhin go’aamo rasmi ah, laakiin ay Salaadiinta iyo Madaxweynuhu isla qaateen in loo baahan yahay in wada-jir loo wada-jaanqaado, lana furo bog cusub oo la xidhiidha dhinaca wada-shaqaynta iyo aragtiyaha Siyaasadda.
Sida ay wararku sheegeen, arrimaha ay labada dhinac isla soo qaadeen ama ka wada-hadleen, waxa ka mid ahaa; hawlaha doorashooyinka mustaqbalka la naawilayo, Salaadiintuna waxay dhinacooda Madaxweynaha kala hadleen inuu meesha ka baxay Madaxweynihii geeriyooday oo keli ahi, laakiin ay weli yaaliin waxyaabihii la isku diidanaa oo dhammi, taasna loo baahan yahay qabyo-tirkooda iyo toosintooduba ay lagama maarmaan tahay.
Kulankii waa kii labaad ee dhexmara Madaxweynaha iyo Salaadiintan, tan iyo intii xilka Madaxweyne-nimo loo dhaariyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin 3-dii bisha May, 2002, kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxayna wararka kulanka u dhuun-daloollaa sheegeen in la filayo in ay Madaxweynaha iyo Salaadiintu mar kale yeeshaan kulan saddexaad oo lagu qabyo-tiro arrimihii ay ka wada-hadaleen.
|
Hargeysa (Haatuf): Labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa cod aqlabiyada ah oo aan loo kala hadhin ku ogolaaday ansixinta Madaxweyne-kuxigeenka cusub Mudane: Axmed Yuusuf Yaasiin .
Fadhi wadajir ah oo ay labada gole isugu yimaadeen hoolka shirarka ee xarunta Golaha Guurtida ayey mudanayaasha labada gole si rasmi ah ugu ansixiyeen Madaxweyne-kuxigeenka cusub.
132 mudane ayaa ka soo xaadiray madasha, taas oo ay 131mudane ogolaadeen ansixinta Madaxweyne-kuxigeenka,iyadoo ay xubinta kalena tahay Gudoomiyihii fadhiga oo isagu shirka gudoomainayey, sidaa darteed aan coodaynayn,taas oo macneheedu yahay mudanayaashii soo xaadiray waxay ansixintii Madaxweyne-kuxigeenka cusub kaga jawaabeen hal diidan ma leh ,taasina waxay u muuqataa sheeko xiisa leh. Sidaa darteed weryayaal Haatuf ka tirsan oo madasha joogay ayaa warbixin ka diyaariyey jawigii madasha iyo sidii wax u dhaceen,waana tan warbixinti oo faah-faahsani:
“ Shir-gudoonka ayaa markii ay mudanayaashu soo xaadireen ku wargeliyey inuu ajanduhu yahay ansixinta Madaxweyne-kuxigeenka cusub oo hore u ahaa mudane ka tirsan Golaha barlamaanka,intaa ka dibna waxa madasha laga akhriyey taxanihisii waxbarasho iyo shaqo, ka dibna shirgudoonka ayaa ku tiraabay waxaynu gelaynaa hawshii ansixinta Madaxweyne-kuxigeenka, waxayna mudanayaashu markiiba u kuur-kuursadeen xarakaadkii codaynta, laakiin ma badnayn buuqa iyo sawaxanku,iyadoo ay hore caado ugu ahaan jirtay mudanayaasha baarlamaanka buuq iyo sawaxan badan xiliyada ay ansixinayaan ama ka hadlayaan ajandayaasha culayska leh, balse hal mudane ayaa gurrada dambe ka dhawaaqay wuxuuna yidhi: “ninka aanu u codaynayno na soo tusa aanu dadka ka aqoonsanee.” Laakiin gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Mudane:C/qaadir X.Ismaaciil Jirde oo minbarka khudbadaha taagnaa ayaa mudahaa u jawaabay wuxuuna yidhi” ninka loo codaynayaa maaha nin cusub ee waa nin shan sannadood barlamaanka ka mid ahaa”, ka dibna laguma mashquulin dhawaaqa mudanahaa ee waxa la gudagalay hawshii codaynta.
Masuulka arintiisa loo codaynayaa xiligaa ma joogo, laakiin ma foga ee wuxuu foodda ku soo hayaa qol dhawr talaabo u jira hoolka la fadhiyo, halkaas o marti ahaan loo fadhiisiyey inta ay arintisu dhinac u dhacayso.
Haseyeeshee Axmed Yuuusuf Yaasiin, inkasta oo laga yaabo inuu ahaa nin isku hallaynayeey saaxiibadiisii ay mudada dheer isku baarlamanka ahaayeen, haddana koleyba ma wer-wer la’ayn ee wuxu ahaa nin saxar ku takhlan yahay oo ugu yaraan iswaydiinayey: tolow sidee bay arini u dhici doontaa, armay dhanka buurran kuugu dhuftaan iyo su’aalo kale.
Marka laysku daro tirada guud ee mudanayaasha labada gole ee baarlmaanka Somaliland waxay tiradoodu dhan tahay 164 mudane (82 wakiilada ah iyo 82 Guurtida ah). Haseyeeshee 132 mudane ayaa shalay madasha ka soo xaadiray, kuwaas oo dhamaantood cod aqlabiyad ah oo aanay u kala hadhin ku ogolaaday ansixinta Madaxweyne Ku-xigeenaka cusub.
Ninka loo doortay Madaxweyne-kuxigeenka cusub ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo in ku dhow shan sannadood iyo badh ka soo tirsanaa Golaha wakiilkada oo had iyo goor u qaybsanaan jiray kooxo dhinaca afkaarta ku kala duwan ama haddii si kale loo dhigo u qyabsanaan jirya kooxo taageero la dabataagnaan jiray maamulka oo lagu tilmaamin jiray muxaafid iyo kooxo ka hor-iman jirya siyaasadaha maamulka oo lagu tilmaamim jirya mucaarad, laakiin Axmed Yuusuf Yaasiin, Inkasta oo uu ahaa nin afgaaban oo aan sawaxan iyo buuq badan lahayn haddana waxa lagu tiring jirya Kooxda tageerta maamulka ee muxaafidka loo yiqiinay.
Haseyeeshee marka laga yimaado taa hore tan iyo intii ka dambaysay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland wax baa iska bedelay mawaaqiifta Siyaasadeed ee baarlamaanka, waxaana smaaysmay kooxo cusub oo ku bahoobay mawaaqiif iyo aragtiyo cusub oo Siyaasadeed.
Inkasta oo aany si rasmi ah ugu dhawaaqin, haddana dhawr ninoo ka tirsan Golaha wakiilada ayaa la sheegay inay hungureeyeen kursiga muuqday ee Madaxweyne-kuxigeenka, ha noqdee qaar iyagu iskood hanqalka u taagay ama ha noqdeen qar ay cid kale ku shukaamisaye.
Sidoo kale waxa jiray mudanayaal ka tirsan Golaha wakiilada oo u ololaynayey rag aan Golaha ka tirsanayn laakiin ay la door-bidayeen inay buuxiyaan jagada Madaxweyne-kuxigeenka. Sidaa awgeed markii ay soo ifbaxday magacaabista ninka uu Madaxweyne Daahir Rayaale u xushay Madaxweyne-kuxigeenka oo ahaa nin aad loo filayn, islamarkaana aan saaxadda ku jirin ayaamihii uu socday ololihii buuxinta jagad Madaxweyne-kuxigeenku. Sidaa darteed waxa baarlmaanka dhexdiisa laga dareemay waxoogaa guux iyo gunuunuc ah oo la xidhiidha magacaabista nink uu mudane Ryaale u doortay Madaxweyne-kuxigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, taasina waxay keentay dhawrkii maalmood ee uu Axmed ku soo fool lahaa kaamboolka baarlamaanka inay dad badani iswaydiiyaan tolow sidee bay baarlamaanku ka yeeli doonaan Axmed, iyadoo ay dooddu ahayd, ma horjoogsan doonnaan, mise way ansixin doonaan. Laakiin shalay oo noqotay maalintii u horaysay ee uu Axmed horyimaado baarlmaanka waxa uu kala kulmay soo dhoweyn ballaadhan iyo dareen xoog leh oo farxadeed.
Markii uu shirgudoonku ku dhawaaqay natiijadii codaynta ayaa Axmed Yuusuf Yaasiin looga yeedhay qolkii uu fadhiyey, kadibna isaga oo lebisan isku joog safaari ah ayuu hoolkii fradhiga ka soo galay al baab dhinaca galbeed ah, waxayna markii uu hoolka qoorta la soo galay mudanayaashu u tumeen sacab xooggan, wuxuuna isaga oo aad u faraxsan badhida dhigay kursi ka mid ah minbarka shir-gudoonka, laakiin hadal badani meesha kama dhicin .
Gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee Golaha wakiilada mudane C/qaadir X. Ismaacil Jirde ayaa ereyo kooban oo dardaaran ah la sarajoogsaday markii uu Madaxweyne ku-xigeenku soo galay, wuxuuna yidhi “Axmed muddo shan sannadood ah ayuu baarlamaanka ka mid ahaa, waana nin xo-ogaal u ah waxyaalaha uu baarlamaanku yara tirsanayo, hadii ay talo lagala jeeso tahay, hadii ay iyadoo aan la dhegaysan tahay iyo tahay koleyba anaga oo iska qatan, markaa waxaan filayaa Axmed maanta maaha ninkii aynu wax fari lahayn, anaguna hadii aanu barlamaanka nahay waxaanu ballan qaadaynaa inaanu ula shaqayno si ka duwan sidii nimanki hore ileyn waa ciyaala xaafo’e.” Intaa kadibna Mudane Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa istaagay si uu madasha wax uga yidhaahdo,laakiin Axmed kama soo bixin hadal badani, iyadoo la odhan karo afgaabnidiisa iyo isaga oo ah nin aan weli doob dilaacsan ka sokow, waxa shucuurtiisa hadheeyey dareen far-xadeed oo ka dhashay jawigii lagu qaabilay, waxayna taasi geyeysiisay inuu hadal badan soo rogan-waayo,wuxuuse ku tiraabay ereyo kooban, wuxuuna yidhi “waxa lay saaray amino culus oo ay cirka ,buuraha iyo dhulkuba diideen, waxaase muhim ah inay golayaasha baarlamaanku nala shaqeeyaan ,waayo waxa la yidhi far keliyi fool ma dhaqdo ”. Intaa ka dibna shirkii ayaa la xidhay oo waxa loo soo baxay banaanka, laakiin sheekadu intaa kuma dhammaan ee way sii socotey .
“Boqolkiiba boqol ayaan hambalyeeyey” sidaa waxa yidhi Mudane C/raxmaan baydaani oo ka mid ah raggii muadanayaasha ahaa ee hungureeyey kursiga Madaxweyne-kuxigeenka. Sidoo kale Mudane Dable oo isna lagu tuhunsanaa inuu jagadan quudareeyey ayaa mar la waydiiyey sida uu u arko Madaxweyne-kuxigeenka cusub wuxuu ku tiraabay “Horta waan hambalyeeyey, laakiin anigu shakhsiyan maba aan hungurayn jagadan.”
Mudane Siciid Cilmi Rooble ayaa isna ka mid ahaa raggii lagu xamanayey inay kursiga yara hungureeyeen, laakiin mar aanu shalay waydiinay sida uu u arko Madaxweyne-kuxigeenka cusub iyo inuu jagadaas hungureeyey wuxuu ku jawaabay “waar anigu maan doonayn Madaxweyne-ku xigeen, Madaxweyne-kuxigeenka cusubna boqolkiiba boqol waan hambalyeeyey’’.
Markii uu Madaxweyne-kuxigeenka cusubi banaanka uga soo baxay hoolkii shirka ayey mudanayaasha baarlamaanku ku soo xoomeen, ka dibna ku boobeen salaan isugu jirta gacan-qaad iyo gaadda isu dhiib oo ay ugu hambalyeynayaan.
Madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu dhex qaaday hirar farxad ah, wuxuuna ka lugeeyey xarunta baarlamanka ilaa uu socod ku galay xarunta madaxtooyada, iyadoo ay hareeraha ka raacayaan kooxo mudanyaal ah oo sii sagootiyey, ugu dambayna Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin markii uu galay qasriga madaxtooyada waxa salaan hambalyo ah ku qaabilay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo markaa ku sugnaa xafiiskiisa, iyadoo uu Madaxweyne Daahir Rayaale khamiistii toddobaadki hore ee 16-kii may 2002 madaxweyne-kuxigeen u soo magacaabay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin”.
Maayorka Hargeysa Oo U Socdaalay Dalka Suudaan
Maxaa laga ogyahay ujeeddada socdaalkiisa
|
Hargeyga (Haatuf): - Maayorka magaalda Hargaysa Cawl Cilmi Cabdalle, ayaa shalay ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa, isaga oo u sii jeeda magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mud. Cabdillaahi Cumar Cige, oo aanu wax ka weydiinay socdaalka Maayorka ayaa sheegay in Duqa Hargeysa uu marti-qaad ka helay Maayorka magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, sidaa darteedna uu u socdaalay dhinaca Suudaan, kana dhoofay madaarka Hargeysa 2:00 Duhurnimo ee shalay. “Dawladuhu dhaqan bay leeyihiin, maayaraduna xidhiidh saaxiibtinimo way yeelan karaan, si ay wax ugu kala faa’iidaystaan. Markaa marti-qaad sidaas ah ayaa loo soo diray maayorka,” ayuu yidhi wasiirka oo wax laga weydiiyay sababta socdaalka maayorka.
Wuxuu intaa ku daray in la filayo inuu maayorku maqnaado muddo 7 maalmood ah. Cabdillaahi Cadde wuxuu xusay in maayorka uu sii raacay sarkaal kale oo dawladda u shaqeeyaa.
Mar wax laga weydiiyay wasiirka xilliga uu furmay xidhiidhka sababay mati-qaadkan ee dhexmaray Somaliland iyo Suudaan, wuxuu ku jawaabay; “Wax xumaan ahi inama dhex oolin Suudaan, xidhiidh sidaas ah oo aynu isku dhexgalayna ma jiro, markaas maayorkuna wax faa’iido inoo ah ayuun buu u tegay.” Siday warar waqti hore soo baxay iftiimiyeen mar hore ayuu Cawl Cilmi Cabdalla ka baaqsaday safar uu doonayay inuu ku tago Suudaan, intii uu noolaa madaxweynihii hore ee geeriyooday, wasiirka Daakhiliga oo aanu arrintaa wax ka weydiinayna wuxuu qiray inuu safarkaa hore ee baaqsaday jiray, kaas oo uu ku sababeeyay inuu u hakaday arrimo la xidhiidhay dhinaca fiisayaasha.
Inkasta oo wasiirka Arrimaha Guduhu sidaa ku fasiray socdaalka Maayorka, haddana waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ujeedada rasmiga ah ee socdaalka maayorku ay tahay mid weli laalan oo aan soo wada shaac-bixin, mana jiraan warar madax-bannaan oo arrintaas ka soo baxay.
Gebilay (Haatuf): Aqoon-iswaydaarsi ku saabsan siyaalaha loola dagaalamo cudurka Aids-ka oo socon doona muddo afar maalmood ah aya axadii 19-kii may 2002 ka furmay degmada gebilay .
Aqoon-iswaydaarsigaa oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka wadaniga ah ee AL-KOWNIN waxa ka soo qay galay 22 qof oo isugu jira xubno ka kala socda caafimaadka, ururada haweenka iyo dhallinyarada iyo shaqalaha dawladda hoose ee degmada Gebilay , waxaana furitaankii aqoon-iswaydaarsigaa hadalo ka jeedyey masuuliyiin ay ka mid yihiin maayarka gebilay iyo saraakiil ka socota hayadda samafalka caalamiga ah ee UNHCR oo ay dhanaca dhaqaalaha ka caawinaysa aqoon-iswaydaarsigaa.
Gudoomiyaha ururka samafalka ALKOWNIN marwo:Faa’isa Maxamed Yuusuf oo furitaankii aqoon-iswaydaarsigaa ka hadashay ayaa sheegtay in aqoon-iswaydaarsigaa loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga dadka degaankaa ku dhaqan,taas oo laga wacyi gelinayo sidii ay ula dagaalami lahaayeen ama uga hortegi lahaayeen halista cudurka Aids-ka .
Alise Leituna oo iyana ahayd gabadh sarkaalad ah oo ka socotey hayadda UNHCR ayaa iyana ka hadashay furitaankii aqoon-iswaydaarsigaa, waxayna tilmaantay baahida loo qabo kor u qaadidda aqoonta iyo garaadka mujtamaca si ay ula dagaalamaan cudurada halista ah sida Aids-ka “Haddii aynaan hadda ka hortegin hadhow ayey inagu adkaanaysaa wax ka qabashadiisu, waana muhim in la is wada gaadhsiiyo khatarta uu cudurkaasi leeyahay” ayey tidhi gabadhaasi,iyadoo ka dalbatay ka qaybgalayaasha inay ka faa’iidaystaan aqoon-iswaydaarsigaa.
Dr:Axmed oo ka tirsan dhakhaatiirta degmada geilay ayaa isna sharaxaad ka bixiyay halista uu cudurkaasi leeyahay iyo saamaynta uu ku leeyahay caafimaadka mujtamaca aduunka ,gaar ahaan dunida saddexaad.
Hargeysa (Haatuf): Shirweynihii saddexaad ee urur-siyaasadeedka ILAYS-ka Somaliland oo ka mid ah ururada Siyaasadeed ee dalka ka abuurmay ayaa shalay ka furmay hoolka shirarka ee xarunta hayadda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, waxaana shirkaa ka soo qayb galay dad tiro badan oo isugu jira madax ka kala socda ururada Siyaasadda, golayaasha dawladda iyo marti sharaf kale .
Gudoomiyaha ururka ILAYS-ka Somaliland Ibraahim Ducaale Saleebaan ayaa dhaliilay qaabka looga hawl galay Siyaasadda arimaha debedda ee Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tamar daran. Waxa kale o uu Gudoomiyaha ururkaasi dhaliilay hawl-maalmeedka xafiisyada dawladda Somaliland oo uu ku tilmaamay in aanay wax shaqo ahi ka socon.
“Siyaasadda debedda ee dalka waxa la odhan karaa ma jirto, markaa waa in isbedel muuqda oo dhakhso ah lagu sameeyaa” ayuu yidhi Ibraahim Ducaale.
Mr. Ducaale, waxa kale oo uu yidhi “Saacadaha xafiisyada shaqada lagu sugan yahay, waa kuwo aanu horumar ku gaadhi karin dal burburay ,tusaale ahaan wadooyinkii dadku mari jiray ee magaalada Hargeysa waxa awday ciid ay cagaf-cagaf qaadi karto/ jidadkii baabuurtana waxa lala mari kari waayey dhag-xaan”.
Gudoomiyaha ILAYS-ka somalialnd wax uu ugu dambayn madaxweyanaha cusub ka cod-saday inuu xawli ah u dhaqaajiyo hab maamulka dalka si loo gaadho harumar la taaban karo.
“Madaxweyne waxaan si gaar ah kaaga codsanayaa inaad maamulka dalka u dhaqaajisid si dhakhso ah oo ay ku dheehan tahay dhiigii dhalinyaro-nimo” ayuu yidhi Ducaale.
Xog-hayaha ururka ILAYS-ka Somaliland Cumar Jaamac ayaa isna halkaa ka hadlay, isaga oo ka waramay himilooyinka iyo ujeedooyinka siyaasiga ah ee uu ururkoodu higsanayo.
Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna shirkaa ka hadlay, wuxuuna dhalinyarada ururkaa ku guubaabiyey inay iska ilaaliyaan qabyaaladda oo anay noqon kuwa ku milma caadifadaha qabaliga ah ee ragaadiyey horumarkii bulshada reer-Somaliland .
Ururka ILAYS-ka Somaliland waxa markii u horaysay sannadkii 1999-kii lagu aasaasay magaalada LONDON ee cariga Ingiriiska, waxaana hore ugu qabsoomay laba shirweyne oo ay ku yeesheen debedaha , sidaa darteed shirweynaha hadda Hargaysa oo ah kii saddexaad waa kii u horeeyay ee ay ku qabtaan dalka gudihiisa.
|
Magaalada gebilay iyo degaamada kale ee ku xeeran waxa ku yaal ilaa 28 dugsi oo isugu jira kuwo sare, dhexe iyo hoose, waxaana dugsiyadaa wax ka barta ilaa 4158 arday sida ay muujinayso tira koob la sameeyey kal hore,iyadoo ay tiradu hadda intaa ka badan tahay .
Tirada dugsiyada sare ee hadda hawl galaa waa labo dugsi oo ku kala yaal magaaloyinka gebilay iyo Arabsiyo, halka ay 26-ka dugsi ee kale ku kala yaaliin degaamada kale, waxaanay isugu jiraan hoose/dhexe.
Dugsiyadaa intooda badani, waxay ka siman yihiin cabashooyin dhinaca Waxbarashada ah. Dugsidga Sare ee Tima-cadde (Ex- Qalax) oo ay dawladda Ingiriisku dhistay sannadkii 1950-kii, wuxuu ku yaal meel 3km magaalada ka xigta dhinaca waqooyi, waxaana dugsiga iyo magaalada u dhexeeya doox biyo-mareen ah oo marka roobabku da’aan soo celiya daad kala xidha magaalada iyo dugsiga, taasina waxay dhibaato ku keentaa ardayda dugsigaa wax ka barata oo mararka qaarkood la kulma bad-xidhan, taas oo ay iskuulka tegi kari waayeen ama ka soo noqon kari waayaan. Waayadii hore waxa jiray Biriij biyaha lagaga tallaabo oo dooxaa ku yaallay, hase yeeshee wuxuu burburay xilliyadii ay dagaaladu dalka ka socdeen, welina dib-u-dhis laguma samayn.
Maamulaha dugsigaa, Maxamed Maxamuud Saleebaan iyo qaar ka mid ah ardayda dugsigaa ayaa si wada-jir ah u soo bandhigay cabashooyin kala duwan, sida fasalada oo aad cidhiidhi ugu ah ardayda, taas oo ay kala badan yihiin tirada iyo fasaladu.
Maamulaha dugsigu, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Dugsigu wuxuu ka kooban yahay 9-fasal, waxaana dhigta 496-arday, fasal kastana waxa fadhiista 65 – 70arday.”
Dhinaca kalena, ardayda dugsigaa oo aan qaar ka mid ah la kulmay ayaa ii muujiyay cabashooyin dhinaca duruusta ah, taas oo ay farta ku fiiqeen in Maadooyinka qaarkood aan cidiba dhigin. “Maadaddii Afka Soomaaliga, dhigisteediiba waa la iska daayay oo imtixaanka oo keliya ayaa nalaga qaaddaa,” ayay yidhaahdeen ardayda dhigata fasalka 4aad ee dugsiga Tima-cadde.
Ka sokow cidhiidhiga dugsiga ee jira, waxa kale oo barbar socda tirada ardayda oo marba marka ka dambaysa sii kordhaysa, taas oo u baahan in ardayda soo kordhaysa loo diyaariyo, meeshii ay wax ku baran lahaayeen, iyada oo uu Maamulaha dugsigaasi sheegay inuu Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha wax caawiya ka dalbaday in ay arrintaa si degdeg ah wax uga qabtaan, taas oo uu yidhi; “Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha Samo-falkaba, waxaanu ka codsanaynaa in ay si degdeg ah noogu qalabeeyaan dugsiga cusub ee dhawaan magaalada laga dhisay.”
Dugsiyada magaalada waxa kale oo ka mid ah, dugsi lagu magacaabo Gebilayda Cusub (New Gebilay) oo ah dugsi hoose/dhexe, waxaana wax ka barta 495-arday, laakiin 11 macalin oo keliya ayaa wax ka dhigga, tirada fasalada ee dugsiguna waa sideed fasal.
Maamulaha dugsiga Maxamed Ismaaciil, ayaa sheegay inuu dugsigu ku yaal dhul bannaan oo aan deyr lahayn, una baahan in la deyro, sidoo kalena wuxuu sheegay in ay ku soo durkayaan xabaalo dadka lagu aaso oo u baahan in laga joojiyo.
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Maxamed Warsame oo isna ku yaal degmada Gebilay, ayaa isagu ka duwan dugsiyada hore ee aynu ka soo sheekaynay, waayo wuxuu haystaa agab waxbarasho oo wanaagsan. Maamulaha dugsigaa oo aan kala sheekaystay xaaladda waxbarasho ee dugsigaa, ayaa sheegay in aanay jirin cabashooyin dhinaca Waxbarashada ah. “Dugsiga, waxaa noogu jira laba Telefoon oo ay noogu deeqeen Shirkadaha Telesom iyo Aerolite, dawladda hoosena waxay naga bixisaa biyaha iyo jaa’isadaha ardayda la siiyo, mana jirto wax aanu ka cabanaynaa,” ayuu yidhi Maamulaha Dugsigaasi Mr. Faarax, iyada oo uu dugsigaasi ka mid yahay dugsiyada ugu ballaadhan, uguna bilicda roon dugsiyada degmada ku yaal, wuxuuna ka kooban yahay 28 fasal, isla markaana waxa wax ka barta 1,700-arday oo labada gelin u qaybsan, waxaana wax ka dhigga 28 macalin.
Muran Ka Aloosan Qaban-Qaabada Shirka Nayroobi
Addis Ababa (BBC): Dawladda Itoobiya ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaaliya oo dhan in ay ka qayb-galaan, shirka dib-u-heshiisiinta ee lagu wado inuu dhawaan ka dhaco Caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi.
Shirkaa oo hadda qaban-qaabadiisa lagu hawlan yahay ayuu Maamulka C/qaasim, dawladda Itoobiya ku eedeeyay in ay carqaladaynayaan qabsoomida Shirkaa.
Dawladda oo ka mid ah saddexda dawladood ee uu ururka IGAD u xilsaaray qabanqaabada shirkaa, ayaa war-saxaafadeed arrinta shirkaa ku saabsan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, waxa lagu sheegay in ay qabanqaabada shirkaasi hadda meel fiican marayso oo ay gebo-gebo tahay, waxayna dhinacyada Soomaalida ugu baaqday in ay wada-jir ugu diyaar-garoobaan sidii ay shirkaa uga qayb-geli lahaayeen, iyadoo aanay jirin dhinac ama koox keligeed sheegan karta in ay wakiil ka tahay Soomaaliya oo dhan, ayay dawladda Itoobiya ku tidhi War-saxaafadeedkaa.
Laga soo bilaabo, tan iyo muddadii uu socday qabanqaabada shirkaasi, waxaa iska soo daba baxayay warar sheegaya inuu khilaafaad arrimaha shirkaa ku saabsani u dhexeeyo dawladaha ku hawlan dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, gaar ahaan saddexda dal ee uu ururka IGAD u xilsaaray qabanqaabada shirkaa oo kala ah; Itoobiya, Djabuuti iyo Kenya.
War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo arrinta khilaafka tilmaamaya, ayaa sheegay in ay dawladda Djabuuti oo markii hore iskeed uga baxday guddiga qabanqaabada shirka ay hadda dib ugu soo laabatay.
Dawladda Itoobiya, waxay war-saxaafadeedkeedaa ku sheegtay inuu dedaalka ururka IGAD yahay, ka keliya ee lagu gaadhi karo xal waarra oo loo helo mushkiladda ka taagan Soomaaliya, waxayna Jaamacadda Carabta uga digtay in aanay dhinac qudha eedda saarin marka laga hadlayo xaaladda Soomaaliya.
Dhinaca kalena Maamulka C/qaasim, ayaa sheegay in ay diidan yihiin ama ka soo horjeedaan ka mid ahaanshaha ay dawladda Itoobiya ka mid tahay, guddiga ururka IGAD u xilsaaray qabanqaabada shirka Nayroobi ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo uu Maamulka C/qaasim dawladda Itoobiya ku eedeeyay in aanay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya iyo in ay ku lug leedahay dagaaladii dhawaan ka dhacay Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, sida Gobolka Gedo.
Buhri: Bulsho Muslim Sheegata Oo Aaminsan In Jannada La Iibsan Karo
|
Dalka India ee qaaradda Aasiya waxaa ku nool dad muslimiin ah oo lagu qiyaaso inay gaadhayaan ilaa laba boqol oo malyuun oo qof oo dadkaa ka mid ah, waxaa lagu magacaabaa Buhriyiin, waxaana hoggaamiya nin la yidhaahdo Sayidna Maxamed Burhanudiin. Qaybo dadkaas ka mid ahi waxay kala deggan yihiin waddamo kale oo ay ka mid yihiin Nepal, Iran, Pakistan, Bangaladhesh, China iyo meelo kale. Dadkani waxay aamisan yihiin afkaaro tiro badan oo aanu islaamka kale diiniyan ku dhaqmin.
Waxay rumaysan yihiin in jannada Eebbe la iibsan karo oo uu hayo hoggaamiyahoodu. Haddaba dhaqanka diineed ee ay dadkaasi ku camal-falaan sida ay salaadaha u tukadaan, sida ay yiqiinsan yihiin inay janada u iibsadaan qaab nololeedkooda, aragtida hoggaamiyahooda oo isu arka inuu la maqan yahay nebiyada iyo guud ahaanba dhaqanka dadkaas waxaa warbixintan ka soo diyaariyay C/casiis Axmed Muuse oo ku nool dalka Hindiya.
Mujtamaca muslimka ah ee dalka india ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 200, oo million...oo qof ayaa kala aaminsan mad-habo kala duwan ama fariiqooyin kala jaada..haba u weynaadaan SUNIGA & SHIICADU.
Kooxaha ismaaciiliyada..buhriga....khuraafaadlayaasha.caabuda xabaalaha iyo dad badan oo muslim ah oo aaminsan fikrado kale ayaa iyana jira. Haddaba, haddii aynu u daadagno waxa ay yihiin dadka iibsada janadu.
BUHRI------buhriyiinta ama nooc shiicada ka mida kolba sida loogu dhawaaqo ha ahaatee, waa dad aan marnaba la odhan karin waxa ay u qaateen diinta islaamku sidii ay ahayd...waxa is weydiin leh waa maxay buhri?
Buhri waa dad ku abtirsada magac muslin ..aadna u daga dalweynaha India tirada dadka buhriga ah ayaa lagu qiyaasa in ka badan 20, million oo ruux.... magaca buhri oo ah urur ama koox isku bixisay buhri..inkastoo ay u yaqnaan iyagu magac kale oo xushmad leh. Waxa la asaasay qarnigii 19aad waxana ka mida raggii hogaanka buhriga dhidibada u aasay ninka ay u yaqanaan saalixii qaaliga ahaa ee laga ducaysto oo magaciisa la yidhaa DR. Sayidna Mahomed Burhanudiin..DR. Sayidna..waa nool yahay saldhigiisa ugu weynina waa magaalada BOMBAY..galbeedkeeda oo uu ku leeyahay xafiis la yidhaa(sayfi-mehal) dadkaasi buhriga ahi. Waxa ay ku kala nool yihiin ...dal weynaha india in yar oo ka mida ayaa ku nool dalalka- Iran Masar Yemen Pakistan..bangaldesh..nepal..China iyo qaar ka mida wadamada carabta.
Sayidnaa oo sagaashan jir ah (90) waa hogaamiyaha buhriga isagoo sheegta maqaam sare oo gaadhsiisan nabi-nimo. waa nin sheegta in uu ilaahay uga dhawyahay dadka kale ..sayidna..waxa uu ilaahay dadka u weydiiyaa danbi dhaaf iyagoo dadka buhriguna rumaysanyihiin in ninka uu ilaahay danbi dhaaf u weydiiyo sayidnaa in danbigiisa la dhaafayo waxa dhacda in marka uu dhinto ruux buhri ahi isla markiiba waxa warqad loo qoraa madaxtooyada buhriga ee magaalada Bombay, halkaasoo looga dalbado in qofkan dhintay uu sayidna burhanudiin uu ilaahay danbi dhaaf u weydiiyo.. si uu janada ugu raaxaysto..waxanu qof walba oo dhinta oo danbi dhaaf loo doonayaa uu bixiyaa lacagta uu ka dhintay Marxuum kastaa 2%, kadibna sheekhu caleemo uu ku tufay candhuuf uu quraanka kariimka ah ku akhriyay ayaa qofka la siiya ka dibna iilka ayaa loo dhigaa ruuxii dhintay waxana ay rumaysan yihiin bulshada buhrigu in qofkii la siiyo caleentaa inuu janada galayo.
Waxa la rumaysan yahay in sheekha buhriga DR sayidnaa uu yahay dadka ugu maal-qabaysan aduunyada..iyadoo uu ganacsigiisu ka socdo aduunyada oo dhan, waxanu ganacsi xoogan uu sayidnaa ka wataa dalalka sucuudi arabiya, India iyo meelo kale. Sayidnaa oo diinta islaamka aad u yaqaan xariifna ku ah, waxa lagula taliyay in aanu bulshadiisan uu hogaamiyo ka faquuqin muslimka kale. Sheekhu waa uu diiday waxaanu ku dooday in ay iyagu hayaan wadadii saxda ahayd dadka buhriga ahi waxa ay leeyihiin masjido u gooniya kulamana tukadaan muslimiinta kale misaajidadooda. Inta badana waxa ay ku tukadaan guryahooda salaada subax-salada duhur-salad casar intaas oo dhan mar ayey wada tukadaan oo salaada subax ayey jamciyaan.....halka ay maqrib-iyo-cishaa’i. Xiliga salaad cishaa’I dumarka iyo raggu waa ay isku xidhaan waana ay is dhinac istaagan misaajidkooda xitaa waa ay tukin kartaa gabadhi misaajidka. Dadkan buhriga ahi waxa u caado ah subax walba in ay akhriyaan quraanka jis, waxanad arki karaysaa hadad u tagto subaxdii xili hore iyagoo yar iyo weyn quraankii wada akhriyaya. Haddaba waxa mucjiso ah haday dadkani quraanka sidaa u akhriyayaan maxay u raaci waayeen dariiqii nabi maxamedna (CSW)?
Rag badan oo aqoonyahano ah oo ka dhashay bulshadaa fahmayna diinta islaamku waxa ay tahay ayaa iyagu mucaariday sheekhan la yidhaa sayidnaa ee khuraafadlaa ah....sheekha kii ka soo horjeedsada ee bulshada ka mida waxa ay u yaqaanaan caasi cadaabta galaya xabaashiisana lama yimaado qofka caasiga ah hadii uu dhinto.
Bulshada buhriga ah ee uu hogaamiyo sayidnaa waa dad isku xidhan mana arkaysid nin buhri ah oo shaqo la, waxana loo furaa ninkasta Meherad..uu ku shaqeysto waxana qof walba oo buhriya laga qaada lacag guna ah oo lagu caawiyo dadka buhriga ah ee taageerada u baahan..waxana lagu tilmaamaa dadka buhriga ah dadka ugu qanisan dalka India.
Sheekh (ANAA-JANARAL-HAKIMUDIIN) oo ah ganacsade yar oo ka tirsan bulshada buhriga ah ayaa ii sheegay in aan dumarka buhriga ah aan la siin karin dad kale oo ay u banaan tahay uun dadka buhriga ahi in ay dhexdooda iska guursadaan.
Waxana loo arkaa qofkii guursada qof kale in uu ka baxay xeerkii buhriga waxana laga saaraa magaciisa liiska buhriga ee magaalada bombay..oo ah xarunta diwaan galinta dadka dhashay ahna xarunta ugu weyn ee sheekh sayidnaa...buhriga laguma biiri karo waa loo dhashaa ayuu yidhi ANAA JANARAAL..oo ka mida raggii aan la kulmay ee u dhashay bulshada buhriga. Marar badan ayey isku dayeen kooxo muslin sune ahi in ay khaarajiyaan sayidnaa oo hogaamiya bulshadaasi...laakiin waa ay ku guul daraysteen.
Sayidnaa waxa uu dhalay afar caruur ah waxanu ku taamaya in uu bulshada reer buhri uu ka dhigo dad aduunka sumcad ku leh.
Si loo sameeyo farsamo wax-tar u leh dhulka uu aafeeyay nooca nabaad-guurka carro-sanka ee ay biyaha roobku keenaan, waxaa loo baahan yahay in si habboon loo isticmaalo qayb wal oo ka mid ah dhulka ama waa in lagu sameeyo qaab farsameedka ka hortagaya ama ka furdaaminaya nabaad-guurka la soo dersay qaybtaa dhulka ah.
Carrada ama qayb wal oo dhul ah waxaa habboon in loo isticmaalo dhirayn ama beeris kolba kii ku habboon ee aan u keenayn nabaad-guurka carada dhulkaas.
Dhulka leh biyo-shubka aad u godan ee aan ku habboonayn qodaalka dalagyada waxaa lagu sameynayaa dhirayn, daaq iyo cawsaska kala duwan ayaa lgu berayaa.
Dhulka leh foorarka ama joogiisu uu dhex-dhexaad yahay waxaa lagu beeraa dhirta leh qotanka iyo caleemaha badan ee markay baxaan si weyn u qariya halka ay ka baxaan sida geedka loo yaqaan kookaha (Cacoa) oo kale.
Dhulka aan lahayn biyo-shubka badan ee inta badan u muuqda dhul siman (less slope), waxaa lagu beeraa si looga hortago nabaad-guurka geedaha ay ka mid yihiin liinta noocyadeeda kala duwan iyo bunka (Coffee).
Dhulka inta badan isku siman ee farqiga joogiisu uu aadka u yar yahay waxaa loo isticmaalaa dalagyada la beerto ee ku baxa xilli roobaadka, daaqa iyo cawska xilliga gaaban ku yaala dhulka.
Farsamooyinkan lagaga hortagayo nabaad-guurka uu biyaha roobku keeno waxaa kale oo laga hirgelinayaa qayb wal oo dhulka ah kolba farsamooyinka ka hortaga nabaad-guurka tii ku habboon sida; moosaska ciida ah, dhagaxaan loo tuulay sida moosaska oo kale (stone barriers), jeex-jeexyo si guduba looga qodo jahada biya-shubka, dhirayn iwm.
Si loo xakameeyo nabaad-guurka waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah looga hirgeliyo carrada dhulka lagala dagaalamayo farsamooyinkan; dhulka oo loo isticmaalo kolba qaabka uu ku habboon yahay, dhulka oo la ilaaliyo lana dhaqaaleeyo ciidiisa, dhulka oo laga hirgeliyo kolba farsamada ku habboon ee ka ilaalinaysa inuu nabaad-guur ku dhaco.
Si loo hirgeliyo barnaamij si weyn waxtar ugu leh ka hortagga nabaad-guurka waxaa lagama maarmaan ah in la qabto saddex weji oo shaqo ah, tan koowaad waa sahan lagu sameynayo dhulka laga fulinayo hawsha lagaga badbaadinayo nabaad-guurka ama lagaga hortagayo nabaad-guur ku dhaca dhulka.
Sahanka waxaa lagu sameynayaa naqshad gaar oo la isu raacinayo dhulka intii isku joog iyo biyo shub ah.
Marka labaad dhulka la sahamiyay waxaa laga qabanayaa shaqo moosas loogu sameynayo ama la isku simayo wixii suurtogal ah.
Tan saddexaazd qayb wal oo dhulka loo sahamiyay waxaa lagama maarmaan ah in lagu beero geedaha dooga ama dalaga ku habboon.
Sahanka dhulka ee loo samaynayo si looga hortago nabaad-guurka ay keenaan socodka biyaha roobku, wuxuu noqdaa mid lagu xaqiijinayo nooca ciida, jooga dhulka ee aagaas, iyo kolba heerka uu marayo waxyeelada uu nabaad-guurku u geystay carradaas.
Sahankan waxaa kale oo lagu dersayaa, lakabyada carradaasi sida ay carradaasi u qabsato biyaha iyo sida biyaha carradaasi qabsatay u gaadhaan lakabyadeeda, dhagaxa ku jira lakabyada carradaas.
Waddamada dunida ee soo koraya ee ay Somaliland ka midka tahay inta badan waxaa dhacda in laga fuliyo hawl loogu talogalay dhaqaalaynta ciida oo aan lahayn sahan warbixintiisu dhammaystiran tahay.
Arrintan waxaa u sababa laba arrimood; dalalkan oo aan lahayn shaqaale xirfad tabobar ku filan u leh dhaqaaleynta ciida oo dabooli karta baahida hawshaas ee ka jirta dalalkaas. Tan labaad waxay tahay dhibaatada iyo waxyeelada nabaad-guurka oo gaadha her halis ah oo aan sugi karin inta la sameynayo sahan dhammaystiran.
Hawshan dhaqaalaynta ciidu waxay u baahan tahay in la sugo degaanada lagu naqshadeeyay sahanka hawshan kolba nooca dhireed ee ka bixi jiray qayb wal oo dhulka ah oo la is raaciyo, sida dhul-kaymeed dhul laha daaqsin, dhul ay ku yaaleen dhir teel-teel ah iyo dhul laga qodi jiray dalagyada xilliyada ku baxa.
Ugu dambaynta hawshan sahanka dhaqaalaynta ciida ee ku wajahan barnaamij lagula dagaalamayo nabaad-guurka aafeeya carro-sanka dhulka, waxaa loo baahan yahay inuu noqdo mid tilmaan cad ka bixiya cimilada iyo daraasad aqoonta beeraha ee degaankaas iyo weliba nooca dhirta, dalagyada, geed-gaabka iyo cawska ee ku habboon degaankaas.
Sahankani wuxuu macno weyn ku yeelanayaa kolba siduu u soo bandhigo farsamooyinka lagula dagaalamo nabaad-guurka ee ku habboon degankaas dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan, taas oo ay muujin doonto sida ay ugu fiddo degaankaas marka laga hirgeliyo ee ay dadku qiraan faa’iidada ay ku arkeen.
DARYEELKA DEEGAANKA
Cumar Daahir Cumar
Ka Qaybqaadashada Qofka Ee Daryeelka Degaanka
Wax ka qabashada waxyeelada degaanka ayaa looga qaban karaa siyaalo kala duwan sida; qof-qof ahaan, koox ahaan, degmo ahaan, gobol ahaan iyo qaran ahaan. Haddaba haddii uu qofku gaadho go’aan sidii uu bal keligii marka hore u qaadi lahaa tallaabooyin yaraynaya waxyeelada soo gaadhaysa degaanka uu ku nool yahay, waa suurtogal inuu fuliyo tallaabooyin marka uu hirgeliyo waxtar u leh daryeelka degaanka sida qofka oo yareeya korontada ama laydhka uu isticmaalo, taas oo qayb ka ah yaraynta guud ee waxyeelada iyo qiiqa ay hawada ku wasakheeyaan mashiinada laydhka dhaliya.
Tan labaad qofku inta badan wuxuu yarayn karaa isticmaalka baabuurta si uu uga qaybqaato yaraynta guud ee gubidda ay baabuurtu isticmaasho shidaalka keena qiiqa hawada ku darsama oo waxyeelo u leh caafimaadka degaanka.
Tan saddexaad qofku wuxuu istimaali karaa dhar 100% ka samaysan cudbi iyo waxyaalo kale oo dhir ahaan u baxa, halka uu ka isticmaali lahaa dhar laga sameeyay waxyaabo aan dabiici ahayn (Artificial), oo hadhaagoodu uu waxyeelo u keeno degaanka.
Waxaa iyana jirta in qofku isticmaali karo cabbitaanada la cabo ee ku jira quraaradaha dib loo ururiyo ee dib loo isticmaalo, halka uu ka isticmaali lahaa sharaabka ku jira quraaradaha ama weelka caaga ka samaysan ee la tuuro marka laga cabo sharaabka ku jira, taas oo waxyeelo u keenta degaanka marka waxyaalahaasi ay ciida ku milmaan iyo marka la gubo qiiqa ka soo baxa oo hawada gala. Waxa kale oo uu qofku ku taageeri karaa daryeelka degaanka, isaga oo sameeya barnaamij dib-u-farsamaynta weelalka la isticmaalay (recycling), oo uu qofku ururiyo quraaradaha laga isticmaalay waxyaalaha kala duwan, weelalka kale ee caaga iyo aaladaha kale ka samaysan iyo waraaqaha jaraa’idka ee la isticmaala, isaga oo qofku u dejinaya barnaamij dib loogu habaynayo loogagana faa’idaysanayo halkii uu qashinkoodu waxyeelo u keeni lahaa degaanka.
Tallaabo wal oo ka mid ah arrimahaa aynu soo sheegnay oo uu qofku ku dhaqmaa waxay la mid tahay in qofkaasi u qayb ka qaatay dagalka lagu joojinayo wasakhaynta degaanka, uuna qofkani caawiyay daryeelka degaanka.