Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane: Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay gelinkii dambe kulan-fadhi ah la yeeshay hogaanka urur-siyaasadeedka ASAD,taas oo ay labada dhinac wadahadal ka yeesheen guud ahaan duruufaha Siyaasadeed ee dalka ka jira ,gaar ahaanna khilaafaadkii Siyaasadeed ee hore ugu dhexeeyey Dawladda uu Madaxweynaha cusub ka noqday Mudane: Rayaale iyo ururka oo lagu tilmaami jiray ururka fog ee mucaaradka ah.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ay kulankaa ka soo saareen labada dhinac mid-na. Hase yeeshee warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo u dhuun-daloola kulankaa ayaa tibaaxay inay ilaa dhawr iyo Toban xubnood oo ka ka mid ah hogaaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururka ASAD ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ururka Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, C/raxmaan Aw Cali Faarax ka qayb-galeen kulankaa, halka ay Madaxweynaha dhiniciisana kulankaa ku weheliyeen, Madaxweyne-kuxigeenkiisa Mudane: Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno kale, waxayna wararku sheegeen inay hogaaamiyayaasha ururka ASAD ugu horayn Madaxweyne Rayaale kala hadleen guud ahaan duruufaha Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna ay uga warameen halka uu daarranaa ama uu salka ku hayey khilaafkii muddada dheer oognaa ee u dhexeeyey ururka ASAD iyo dawladda uu Madaxweynaha cusub ka noqday, iyaga oo ururka ASAD uu mawqifkoodii hore ahaa qabashada shirweyne qaran, taas oo ay hore ugu tilmaameen inuu yahay xalka keliya ee lagaga bixi karo marxaladda kala guurka ah. Sidaa darteed waxay wararku sheegeen in kulanka shalay dhexmaray hogaamiyayaasha ururka ASAD iyo Madaxweyne Rayaale la iskula soo qaaday arintaa, taas oo la sheegay inay hogaamiyayaasha ururka ASAD Madaxweyne Rayaale tafaasiil ka siiyeen mawqifkoodii qabashada shirweyne qaran. Haseyeeshee warku daaha kama rogin waxa ay labada dhinac arintaa iska yidhaahdeen iyo waxa ay kaga heshiiyeen toona, waxayse wararka kulanka u dhuun-daloolaa sheegeen inuu Madaxweyne Rayaale soo dhoweeyey, wax badana ka garwaaqsaday arimihii ay hogaamiyayaasha ururka ASAD kala hadleen, islamarkaana ay labada dhinac isla garwaaqsadeen duruufaha dalka yaal iyo sida loogu baahan yahay in wadajir looga dabaasha marxaladda lagu jiro.
Sida ay wararku sheegeen waxa uu wada-hadalka dhexmaray labada dhinac ku dhamaaday is-faham iyo is-garwaaqsi ku saabsan arrimihii ay ka wada-hadleen. Hase yeeshee, waxay wararku intaa ku dareen in aanay labada dhinac kulankaa ku gaadhin go’aamo kama-dambays ah, taas oo ay wararku tibaaxeen in loo ballamay kulamo kale oo lagu dhammaystiro arrimihii laga wada-hadlay.
Ururka ASAD, waxa uu ahaa ururka keliya ee qaadacay is-diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda, hase yeeshee dhowr maalmood ka hor ayuu is-diiwaan-geliyay, taas oo ay mar aqoonsiga is-diiwaan-gelinta wada qaateen ururka cusub ee KULMIYE.
Dhinaca kalena, waxa uu Madaxweyne Rayaale Axaddii dorraad Qasriga Madaxtooyadda, Kulan kula yeeshay Wakiilo ka kala socda Lix urur-siyaasadeed oo kala ah: HORMOOD, SAHAN, UCID, ILAYS, BIRSOL iyo UMAD. Waxayna Madaxweyne Rayaale iyo ururadaasi ka wada-hadleen, duruufaha Siyaasadeed ee dalka ka jira iyo sidii wada-jir wax looga qaban lahaa.
Muuqaalkii Siyaasadeed Iyo Madal La Isku Halleelay
|
Hargeysa (Haatuf): “Saddexda gole waxaan leeyahay meesha ha yuururina’e jaaniska baneeya”.
“Axmed siilaanyo isma jeclin, laakiin….”
“C/raxmaan Aw-Cali cadho qaadda maahee waxaan u qirayaa inuu yahay ninka Somaliland badha, laakiin….”
“Had iyo goor waxa lagu cel-celiya ururka ASAD isma diiwaan-gelin, laakiin….”.
Weedhahani waxay ka mid ahaayeen hadalo iyo doodo siyaasiya oo sir iyo caad-ba la isugu dhiib-dhiibay, kuwaas oo ka dhacay kulan lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeedka cusub ee la magacbaxay KULMIYE oo uu gudoomiye ka yahay siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), gudoomiye-kuxigeenna uu ka yahay siyaaasiga Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe).
Kulankaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta hayadda shaqaalaha iyo dawladda, Inkasta oo uu ahaa munaasibad loogu talo-galay ku dhawaaqidda urrka KULMIYE, haddana waxay dhinaca kale ahayd madal aad looga dareemay muuqaal Siyaasadeed aad u xiisa badan waayo waxa isugu yimi wejiyo isu qooraansaday si dareen leh iyo rag badan oo guud ahaan iyo gaar ahaan-ba ku kala duwan afkaaraha Siyaasadda, islamarkaana waxa madashaa la isku dhaafsadsay khudbado xanbaarsan weedho Siyaasadeed oo duur-xul iyo badheedheba la isugu dhiibayo. Hogaamiyayaasha, xubnaha iyo taageerayaasha ururka cusub ee meesha lagaga dhawaaqay (KULMIYE) oo isaga marti loo ahaa, waxa ka hadlay oo keliya ninka loo doortay Gudoomiyaha ururka oo ah siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madasha ka akhriyey khudbad qoraal ah oo ka hadlaysa aasaaska ururka iyo ujeedooyinka loo abuuray, laakiin ragga meesha isku helay waxay u badnaayeen martisharaftii lagu casuumay oo ahaa rag u badan ururada Siyaasadda.
Marka laga reebo xubno laga tiro badan yahay ragga ka socday golayaasha Guurtida iyo wakiilada ee munaasibadaa ka soo qaybgalay waxay ahaayeen niman intooda badan lagu tiriyo ururka UDUB ee dawladda, waxaase jiray xubno si toos ah uga socday UDUB oo madasha lagu casuumay, kana so qaybgalay, laakiin way joogeen rag mudanayaal ah oo ka mid ah ururada mucaaradka ah iyo qaar aan ilaa hadda wax urur ah ku suntanayn-ba. Haseyeeshee dhammaan ururada Siyaasadeed ee jira waxa ka joogay wakiilo goob-joogayaal ah oo kulanka lagu casuumay.
Tusaale ahaan ururka UCID waxa ka joogay xubno ay ka mid yihiin Xasan Xaydh oo ah Gudoomiyaha ururka UCID ee gobolka Hargaysa iyo Jaamac Cismaan oo isna ka mid guddiga dhexe ee UCID.
Sidoo kale ururka hormood xubnaha madasha ka muuqday waxa ka mid ahaa Marwo: Canab Cumar Ileeye oo madasha ka jeedisay hadalo dadka aad u soo jiitay, iyadoo si toos ah u abaartay ragga xilalka ka haya dawladda waqtigan dalka ka talisa.
Marka laga yimaado huwanta dhinaca dawladda ka socotey ee xubnaha golayaasha baarlamaanka iyo ururka UDUB oo si weyn uga muuqday madasha, waxa kale oo ay iyagana xubno door ahi ka joogeen urur-siyasadeedka SAHAN, waxaana ragga meesha ka muuqday ka mid ahaa Cali Maxamed Warran-cadde, DR: Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Cabdi Iskeerse, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale.
Sidoo kale urur-siyaasadeedka ASAD oo lagu tirin jirey ururka ugu xag jirsan ee mucaaradka ah ayay madashaa ka muuqdeen rag door ah oo ay ishu ku dhacaysay, waxaana ragga ururka ASAD ka socdey ee madasha yimi ka mid ahaa Gudoomiyaha ururka ASAD siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo gudoomiyekuxigeenkiisa koowaad C/raxmaan Aw-Cali Faarax. Waxa kale oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ururka ASAD ee madasha ka muuqday siyaasiyiinta kala ah Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Maxamuud (Oday) iyo rag kale .
Dhinaca baarlamanka marka la eego waxa ragga ugu muuqaalka dheeraa ka mid ahaa gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Mudane: C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, sidoo kale waxa madasha yimi hadalona ka jeediyey labo oday oo ka mid ah duub-cadda u talisa aqalka oadayaasha ee Guurtida loo yaqaan, kuwaas oo kala ahaa Xaaji Cabdi-waraabe iyo Suldaan C/raxmaan.
Hadii si guud wax loo milicsado waxaynu raggii madasha isugu yimi u qaybin karnaa labo jilib oo waaweyn, kuwaas oo kala ah ragga talada haya iyo ragga banaanka ka jooga ururka uu doono ha ahaadee, taas oo la odhan karo waxa madal soo wada fadhiistay rag aan siyaasiyan is-jeclayn waayo ragga talada hayaa way ogyihiin inay nimanka mucaaradka ahi u soo qooqayaan kuraasta ay ku fadhiyaan. Laakiiin marka taa laga yimaado waxa iyaguna madasha isugu yimi saaxiibo xili isku urur ahaa, balse jeer dambe kala dildilaacay sida: raggii hore uga wada tirsanaan jiray ururadii dib-u-habaynta SNM iyo UBSL oo markii ay kala jabeen ay intooda badani ku kala biirtay ururada ASAD iyo SAHAN, kuwaas oo la odhan karo waxay isku milicsanayeen daymo qadhiifo leh.
Ugu horayn Gudoomiyaha ururka KULMIYE Axmed-Siilaanyo ayaa madasha ka akhriyey hadal qoraal ah oo uu ku iftiiminayo ujeedooyinka Siyaasadeed ee urrkiisa.
Ururka ASAD oo lagu tilmaami jiray mucaarad fog waxyaalaha ay dawladda iyo xisbigeeda UDUD iyo weliba dhinacyo kale kaga xantadeen waxa ka mid ah mawqifkii adkaa ee uu ururkaasi iska taagay shardigii diiwaan-gelinta oo uu ururka ASAD ahaa ururka keliya ee qaadacay, taas oo ay dawladdu qaylo dheer ka dhigtay. Haseyeeshee xubnaha ururka ASAD waxay madashii yimaadeen, iyadoo uu ururkooda lagu wargeliyey inay miiska u saaran tahay shahaadadii aqoonsiga is-diiwaan-gelinta, waxayna taasi nabar ka goysay dhinacyo dhawr ah, kuwaas oo ka aamusi kari waayey inay soo hadal qaadaan is-diiwaan-gelinta ASAD, iyaga oo ku tilmaamay talaabo horumar leh oo u soo hoyatey dhaqdhaqaaqa qorshaha curdinka ah ee abuurista ururada Siyaasadda Somaliland.
Ururada ASAD iyo KULMIYE waxay labaduba shahaadada is-diiwaan-gelinta qaateen Khamiistii 23-kii May, labada siyaasi ee kala hogaamiya labadaa urur Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaana madal ku wada gudoontay shahaadada is-diiwaan-gelinta, iyadoo uu dhinaca kalena Saleebaan-gaal ka soo qaybgalay shirkii lagaga dhawaaqay ururka cusub ee KULMIYE, halkaas oo ay Saleebaan-gaal iyo Axmed-siilaanyo isku hambalyeeyeen, iyaga oo is-dhaafsaday salaan gaadda isu dhiib ah.
“Golayaal ahaan waxa maanta farxad weyn noo ah inuu midho dhal noqdo dedaalkii aanu ka galnay in dib loo furo diiwaan-gelinta xisbiyada, waayo waxa taa ka faa’iidaystay ASAD iyo ururka cusub ee KULMIYE, anagana waxa golayaaal ahaan nala gudboon inaanu abuurno saaxaddii lagu tartami lahaa iyo shuruucda doorashada lagu dhaqayaa noqdaan, kuwo loo simanyahay oo aan cidna ka hiilin, cidna u hiilin” sidaa waxa yidhi gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee wakilada Mudane: C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo madashaa ka hadlay.
Cali Warran-cadde oo ka mid ah siyaasiyiinta ururka SAHAN ayaa isna xusay is-diiwaan-gelinta ASAD, wuxuuna yidhi “Waxaan maanta ku farax-sanahay inuu ururka ASAD is-diiwaan-geliyo oo uu maanta ka mid noqday ururada diiwaan-gashan”.
Cali Warran-cadde waxa kale oo uu ka hadlay wacyiga cusub ee ay Somaliland hadda ku jirto ama ku soo fool leh, wuxuuna yidhi “Halka wanaagsan ee aynu maanta marayno waxaynu soo gaadhnay iyada oo aanay ax-saabi jirin, waxaynunaku soo gaadhnay wadajir, laakiin hadda wixii ka damabeeya wixii ka xumaada Somaliland waxa eedeeda loo xanbaarinayaa nidaamka Ax-saabta badan ee aynu maanta galnay”.
Dabcan cidkasta oo madasha ka hadashaa waxay ugu horayn u mahad-naqaysay Xisbiga cusub ee uu ku dhawaaqay siyaasiga caanka ah Axmed-Siillaanyo, laakiin mahad-naqaa ka dib, waxay sheekadu u gud-baysay gees kale.
Canab Cumar Ileeye oo ka mid ah xubnaha caanka ah ee haweenka Somaliland, kana mid ah urur-siyaasadeedka HORMOOD ayaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay waxayna Marwo: Canab si dhiiran u ridatay weedheeda Siyaasadeed, iyadoo si gaar ah u tumaatiday ragga talada haya oo ay kutidhi ha noqonina niman maro ku dheg ku ah xilalka, laakiin ugu horayn waxay uga mahad-naqday sidii wax u maamuleen markii ay timi geeridii Madaxweynihii hore,waxayna tidhi “Markii uu Madaxweynihii dhintay golayaashu si wanaagsan oo aan ku farxay bay wax u qabteen,waana ku amaanayaa”, laakiin Marwo:Canab intaa kagama ay hadhin golayaasha ee aad bay farta ugu goday waxayna tidhi “Laakiin saddexda gole waxaan leeyahay ha jeclaysanina kuraasta ee baneeya fursadda ,waayo xataa haddii waxkasta oowanaagsan samaysan oo aad meesha welligaa iska yuururto marka dambe waa lagu nacayaa, markaa waxaan idin leeyahay meesha ka kaca weligiin ha yuururina oo marba sannad ha korodhsanina’e”
Marwo: Canab waxa kale oo ay ka hadashay dhinaca haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin kaalinta siyyaasadda,waxayna tidhi “Hadii aanu haweenka nahay waanu dhaafnay xaabadii aad nagu guri jirteen ,markaa marka aad noo yeedhaysaan ha noogu yeedhina inaad jaran-jarada nagaga baxdaan oo keliya ee waa inuu qorshahayagu meel iska yaalo”.
Suldaan C/raxmaan oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo ururka UDUB, kana mid ah ragga ay Marwo: Canab la hadshay ayaa isna halkaa ka hadlay wuxuuna yidhi “Anagu haddii aanu nahay dawladda ama ururka UDUB waanu soo dhowaynaynaa ururka KULMIYE. Gabadhii halkan ka hadashayna (Canab) waxaan leeyahay sidaad noola hadashay waa daw, in nalala hadlo iyo in nala riixaana waa daw, inaanu kursiga ka ruqaansanana xaq baa naloogu leeyahay, laakiin sida nalagaga helayaa waa sidan iminka la bilaabay, tartankana diyaar baanu u nahay ee waxaanu diidanayn tartan la geli maayo,cidda soo baxaysaana way qoran tahay oo Illaahay baa og”.
Gudoomiye-ku-xigeenka ururka ASAD C/raxmaan Aw-Cali Faarax ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Aniga oo ku hadlaya magaca is-bahaysiga ASAD waxaan u hambalyeynayaa Xisbiga cusub ee KULMIYE, Axmed-na waxaan leeyahay kuma cusbid miidaanka Siyaasadda waayo halgankii qadhaadhaa ee xoriyadda Somaliland lagu keenayna hormood baad ka ahayd, markaa xaq baad u leedahay inaad ku soo biirto kaalinta, waxaadna ka mid tahay dadkii ugu mudnaa”.
C/raxmaan Aw-Cali waxa kale oo uu
yidhi “Illaahay waxaan ka baryayaa inay xisbiyadu noqdaan kuwo tayo leh oo
kaalintooda ka soo baxa, waayo bad-naantu waxba ma tarto, marxaladdan aynu
maraynaana waa mid u baahan in wadajir lagaga gud-bo, waayo waa mar-xalad
xasaasi ah”.
C/raxmaan Aw-Cali waxa kale oo uu ka hadlay si-diiwaan-gelinta ururkiisa iyo sababta uu markii hore isu diiwaan-geliyey, wuxuuna yidhi “Had iyo goor waxa lagu cel-celiyaa ururka ASAD is-ma diiwaan-gelin, laakiin wixii aanu isu-diiwaan-gelin waynay horena way u jireen, haddana way jiraan, markastana anagu diyaar baanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ah, hadii taa la heloyana ma jirto wax kale oo loo baahnaan lahaa, Is-diiwaangelinta ASAD-na waxay ku timi niyad-sami aanu tusayno ummaddayada reer-Somaliland iyo hogaanka cusub ee dalka oo aanu diyaar ula nahay inaanu si wadajir ah ula qabano hawsha qaran ee ina hortaal, xukuumadda iyo golayaasha qarankana waxay hawshoodu tahay inay dhamaystiraan shuruucdii iyo jawigii lagu heli lahaa dorasho xalaal ah, waana inaynu indhaha Caalamka tusno inaynu nahay ummad wax qabsan karta, inaga oo Illaahay la kaashanayna”.
Intaa ka dib waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey Xaaji Cabd-Waraabe, wuxuuna jeediyey hadal dheer oo uu dhinacyo badan u dhigay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Dadka xurguf baa wada dhexmartay, taas oo iyadoo aanay waxba dhexmarin ay laba aan is-aragi is-diideen, qabyaalad laguma walaaloobi karo, laakiin habraha yaan la sharaysan, waayo waxay jireen iyadoo aanu ingiriis joogin oo aynaan wax dawlad ah haynin”.
Xaaji Cabdi- Waraabe markii uu intaa yidhi wuxu u fuulay gudoomiye-ku-xigeenka ururka ASAD C/raxmaan Aw-Cali oo uu ay u yeedhista makarafoonka isku xigeen, wuxuuna yidhi “ C/raxmaan Aw-Cali cadho qaada mooyaane waa nin Somaliland ah, nebigeenuna wuxu yidhi kii aan cadhooni ummadayda maaha kii aan ka soo noqonina ummadayda ma aha, C/raxmaan Aw-Cali waxaan u qirayaa Somaliland-nimo, laakiin raggii qaarkii maaha inuu C/raxmaan Aw-Cali ku ilaawo muran iyo ilaaq yar, waxaanse ku wacdiyayaa C/raxmaanow ma tihid nin gidaarada ka hadla, waayo taa waad dhaaftay oo Somaliland baad badhaa, oo aad Madaxweyne u noqotay, waxaadna ahayd ninkii Somaliland qabyaalad kaga dhex baxday markii uu dhacay dagaalkii masiibada ahaa, markaa muran iyo hadal xun iska ilaali”.
Xaaji Cabdi-Waraabe wuxu haddana u jeestay dhinaca Axmed-Siilaanyo wuxuuna ku yidhi “Odayga Xisbiga furtay sida uu C/raxmaan sheegay maaha nin cusub, laakiin haddii uu nin madax noqdo ama uu maal leeyahay intiisa wanaagsan lama sheego ee waxa uu gefay ayuun baa la sheegaa, anigu Axmed –siilaanyo aad isuma jeclin laakiin waxa uu yahay qarin maayo, markaa ninka jabhad u madax noqday ee aan jeelka Itoobiya nin kaga iman inuu nin weyn oo xil qaadi kara yahay baa halkaa ka muuqata, Axmed intii uu yimi oo dhan wer-wer baa aniga igaga jiray waayo waxaan uga baqanayey inuu ciiro oo uu bari u ciiro oo uu beel sheegto, reer-hebeshana waa la kala jecel yahay,illaahayna dembiga ha iga dhaafee hadallo xan ahna waan ku tuuray oo waxaan idhi waar wuu qabyaalad jecel yahaye ceeb kale ma laha’e , ma laga yaabaa inuu Ninkaasi reer-hebel sheegto ayaan wax badan idhi. Laakiin Axmed waa nin madaxnimo qaadi kara oo dalka hogaamin kara.
Anigu aniga oo UDUB ah oo laygu yaqaan inaan taageero had-ba dawladda dhisan, haddana kursigaan la socdaa oo kii kursiga ku fadhiistaba waan la shaqaynayaa oo weligayba nin lama aan socon ee waxaan la socdaa madaxnimada, Axmed-na waxaan leeyahay oday baad tahay ee haddii aad heshona si fiican u hogaaami, waanuna kula shaqaynaynaa, haddii aad waydona nin cadhooda ha noqon.
Nabadana shicibkaa dhaliyey, anagana odayaal wanaagasan baad naga dhigteen waayo waad na maqasheen oo waad na ikraanteen”.
Ugu dambayn Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu u jawaabay Marwo: Canab Cumar Ileeye, wuxuuna yidhi “ waxaan ku leeyahay nin kursi ku fadhiya gef laga waayi maayo waayo nin baa gacan ku qawedeya , nin baa xukun ku qawedeye, iminkaba haddii aad ku fadhiisatan marka ay ugu liidato waxa la idin odhanayaa waar wuxu ileyn qof dumar ah ayey ahayd,markaa waxaan idin leeyahay cabasho uun ha ku jirina’e si raganimo leh tartanka uga soo qayb gala waanu idin ogolahaye”.
Xaaji Cabdi-Waraabe waxa kale oo uu ka digay mushkiladda dhulka, wuxuuna yidhi “Colaaddii waxay gashay dhulkii markaa waa in dhulka sida wax looga qabanaya laga tashado waayo doorasho la geli kari maayo inta uu dhulku caynkan yahay, maantana carqaladda ugu xun ee colaaddu ka socoto ee ina hor joogtaa waa dhul.”
27 May: 14 Sannadood Ka Hor Iyo Waayihii SNM
27 May 1988 oo ay shalay ku beegnayd 14 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.
Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labaad talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.
Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.
Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Syad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.
Ciimadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare). Laakiin nooma ay suurta gelin inaanu la kulano Muj: Axmed Mire oo aanu kala sheekaysano xaaladdaa, isaga oo dalka ka maqan darteed. Haseyeeshee waxaanu dhacdadaa kala sheekaysanay Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay. Sidoo kale waxaanu isna marxaladaa iyo sidii ay u saamaysay ururka SNM iyo sababta ay u qaateen mawqifka xarajka ah kala sheekaysanay Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM,ahaana Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo mara hogaaminta SNM, isaga oo xilka Gudoomiyaha ururka SNM hayey muddo 5 sannadood ah .
“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha ”.
Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah , 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah ,urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.
Muj: Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
Maalintaa 27 may 1988 waxa laga joogaa ilaa 14 sannadood, sidaa darteed Maxamed Kaahin isaga oo cabiraya faraqa u dhexeeya maalintaa iyo maanta waxa uu yidhi “Maalintaa SNM waxay ku jirtay halgan ay dadkeeda kaga xoraynayso nidaam keli talis ah oo la ogyahay dhibaatada uu guud ahaan ummaddii Soomaaliyeed u gaystay, wayna fushay ujeedadii uu ururka SNM u halgamayey, maantana nabad-gelyo, nidaam Siyaasadeed oo dimoqraadi ah iyo wada tashi ayeynu ku nool nahay, waana wixii ay SNM u soo halgantay”.
Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa aanu isna ugu horayn waydiinay sababta ku keliftay go’aanka is-miidaaminta ah wuxuuna ku jawaabay “Markii ay heshiiska gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre waxaanu u aragnay inuu halgankii oo waqtigaa meel fiican marayey sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan go’aan adag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.
Axmed-siilaanyo mar la waydiiyey sidii uu ururka SNM u saameeyey go’aankii ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan noqotay inaanu go’aan adag qaadano, ka dibna waxa uu markii hore hagaankii sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhabe, markii dambena waxaanu isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna samaynay guddigii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27may ka bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da oo waxaan idhi dawladuhu hadi ay doonaan ha heshiyeen, laakiin anagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”.
Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.
Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudogalkii dabayaaqadii bishii may 1988 waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arintaa isku khilaaafeen hogaankii milateri iyo hogaankii Siyaasadda ee SNM , taas oo la yidhaahdo hogaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo, laakiin Maxamed Kaahin oo aanu arintaa waydiinay wax uu ku jawaabay “ Dabcan markii laga doodayey qaabka loo fulinayo hawl-galka waa lagu kala aragti duwanaa qaabka loo dhigayo,laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa waxa uu ahaa go’aan wadajir ah oo ay u dhan yihiin hogaankii siyaasiga ahaa iyo hogaankii Ciidan-ba oo ilaa gudoomiyhii ururka waxa la isugu yimi jiidda hore ee dagaalka ,magaalada Dhoobo-guduud, la iskumana khilaafsanayn go’aankaa”.
Axmed-Siilanyo oo isna la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “ Waxa jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aanu talada ku darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arintaa ee ciimadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hogaanka ururku arinta wuu isku raacsanaa, aniga oo gudoomiyhii ururka ahaana waxaan imi labada aag-ba waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.
Ugu dambayn Axmed-Siilaanyo isaga oo dareenkiisa ka muujinaya faraqa u dhexeeya maalintaa iyo maanta oo ay 14 sannadood ka soo wareegtay waxa uu yidhi “ Maalintaa waxa lagu jiray xili dagaal iyo halgan hubaysan, maantana waxay Somaliland ku nooshahay nabadgelyo iyo nidaam dawladeed oo ay ku faanto, taasina waa midhihii gudogalkii 27-kii may, waa midhihii halgankii SNM, dadka mararka qaarkood isku daya inay qariyaan ama si xun u turjumaan halgankii ururka SNM, taasi maaha wax suurtagal, noqonaya, waayo taariikhdu maaha wax la dafiri karo ama la qarin karo,horena waa tii loo yidhi caano nin soo lisay la og yahay ninkastaa ha keen”.
Wufuud Diblomaasiyadeed Oo Socdaalo Ku Gaalaa-Baxaya Hargeysa
Hargeysa (Haatuf): Wefti ka socda Kongarayska Maraykanka, ayaa shalay ka ambabaxay dalka, kadib markii ay booqasho maalin ah ku joogeen. Waxa iyaguna soo fool leh wufuud sar-sare oo ka kala socda dawladaha Itoobiya iyo Talyaaniga.
Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen illo Diblomaasiyadeed, Weftiga Itoobiyaanka oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Dr. Tekede Alemu, waxa lagu wadaa maanta inuu ka soo dego magaalada Hargeysa.
Weftiga ka socda dawladda Talyaaniga, isaga wax tafaasil ah lagama bixin cidda hogaaminaysa iyo maalinta ay dalka ku soo began yihiin midna, balse waxa la xaqiijiyay in ay dalka ku soo fool leeyihiin.
Waxa kale oo isaguna booqasho ku joogga Hargeysa, diblomaasi ka socda dawladda Masar. Sarkaalkaas oo Weriyayaasha Haatuf shalay kula kulmeen Hotel-ka Maansoor oo uu deggan yahay, waxa uu sheegay inuu ka socdo Saxaafadda Masaaridu ku leedahay Muqdisho oo uu la-taliye ka yahay, waxana uu ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo booqashadiisa, isaga oo sheegay inuu doonayso inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, inta ka horaysa kulankaana aanu saxaafadda u warramayn.
Weftiga Dr. Tekede ee Itoobiya iyo weftiga Talyaaniga, ayaa la sheegay in booqashadoodu tahay mid xaqiiqo-raadis ah oo ay ku indha-indhaynayaan, xaaladda Somaliland iyo taaba-galnimada is-beddelkii ka dhacay, kadib geeridii Madaxweynihiii Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxayna wada-hadalo la yeelan doonaan Madaxweynaha cusub, Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Sidoo kale, Weftiga Koongarayska Maraykanka oo Axaddii dalka soo gaadhay, booqashadooduna ahayd mid xaqiiqo-raadis ah, ayaa habeen hore (Habeenkii Isniintu soo gelaysay), casho sharaf kula kulmay Madaxweyne Rayaale iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Sida uu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyadda Mr. Cabdi Idiris, Madaxweyne Rayaale waxa uu ka codsaday dawladda Maraykanka in ay wax kala qabtaan Xayiraad-ka qaadista Xoolaha nool, doorashooyinka iyo dedaalka aqoonsi-raadiska ah ee ay Somaliland ku jirto.
Mudane Rayaale, waxa uu si gaar ah u xusay in laga caawiyo dhaqan-gelinta Baasaboorka Somaliland samaysatay iyo in Maraykanku goob-joogayaal u soo diro doorashooyinka ka dhici doona dalka. Weftiguna, waxay Somaliland ku bogaadiyeen jidka ay hayso.
Golaha Wakiiladda Doodda Xeerka Gobolada Iyo Degmooyinka
Hargeysa (Haatuf): Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa Guddo-galay dood ay ku faaqidayaan, xeerka Gobolada iyo Degmooyinka oo ay Xukuumaddu u soo gudbisay Golahaa.
Faaqiddaada Xeerkaas oo uu Goluhu bilaabay maalintii shalay, waxay mudanayaashii ka qayb-qaatay dooddu muujiyeen dhaliilo door ah oo ay u sibir-saareen xeerkaas. Qaarkood waxay soo jeediyeen in dib loogu celiyo Xukuumadda, qaar kalena waxay soo jeediyeen in loo yeedho Wasiirka Daakhiliga, si uu sharaxaad uga bixiyo, iyo cod kale oo ku dooday in goluhu ka shaqeeyo sidii loo toosin lahaa wixii dhaliil ah ee xeerku leeyahay.
In ku dhow labaataneeyo degmo iyo hal Gobol, ayaa la magacaabay intii uu talada hayay Madaxweynihii geeriyooday, kuwaas oo aan badi loo samaynin xuduudo, sidaa aawadeed waxaa la tilmaamay in ay tasi qayb weyn ka tahay waxyaabaha adkaynaya Faaqiddaada xeerkan.
Dooddan xeerka Gobolada iyo Degmooyinka oo hadda bilow ahi, waxay ku furantay fadhigii shalay Jawi deggan, waxaana lagu wadaa inuu Goluhu sii amba-qaado fadhiyada soo socda.
Guddiga Isu-Duwidda Deeqaha Soomaaliya
Oo Markii U Horeysay Ku Shiraya Hargeysa
|
Hargeysa (Haatuf): Guddiga isku dubbaridka deeqaha Soomaaliya SACB (Somali Aid Coordination Body) oo fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Hargeysa.
Guddigan oo ka kooban Waddamada deeqda bixiya hay’adaha Samafalka Caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida, waa markii u horeysay ee ay ku shiraan meel ka baxsan Nayroobi ama meel ka mid ah dalkii hore ee Soomaaliya.
Xaflad hordhac ah oo xalay lagu qabtay Hotel Maansoor oo uu shirku ka furmayo, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiiro ka socda Xukuumadda Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland, Mudane Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde iyo masuuliyiin kale.
Waxa kale oo goob-joog ka ahaa isu-duwaha Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna Madaxa UNDP Soomaaliya, Mr. Maxwell Gaylard.
Burco (Haatuf): Maayarka magaalada Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa sheegay in aanu jirin wax khilaaf iyo ismaan-dhaaf ah oo u dhexeeya, isaga (Duqa0 iyo Xoghayaha fullinta ee D/Hoose ee Burco, isla markaana xusay in ay dawlad hoose ahaan isku waafaqeen in ay Cashuur-dhaaf u sameeyaan ganacsadde Indha-deero oo la sheegay inuu D/Hoose ee Burco ku leeyahay lacag deyn ah oo gaadhaysa 18-kun oo doollar.
Maayarka magaalada Burco, Maxamed Cali oo aanu wax ka weydiinay khilaaf la sheegay inuu ka dhashay bixinta lacagtaa deynta ah oo la sheegay in ay isku maan-dhaafeen isaga (duq) iyo Xoghayaha fullintu, wuxuu jawaab ku bixiyay Maxamed Cali in aanu jirin khilaaf.
“Ma jiro wax khilaaf ama is-maan-dhaaf ah oo na dhexmaray aniga iyo Xoghayaha Cali Jaamac Yuusuf.” Maayarku, wuxuu intaa ku sii daray in ay jirto lacag 18-kun oo doollar ah oo uu Ganacsade Indha-deero ku lahaa Maamulkii ka horeeyay ee dawladda hoose.
“Waxaanu wadnaa qorshe aanu ku bixinayno deyntaas, dawlad hoose ahaana waanu isku waafaqnay in aanu Cashuur-dhaaf u samayno ganacsadahaas,” ayuu yidhi Maayarku.
Siduu noo soo sheegay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, Maayarka mar uu wax ka weydiiyay arrimo la xidhiidha mushahar la’aanta dhinaca shaqaalaha dawladda hoose, oo la sheegay in aanay dhawr bilood mushahar qaadan, wuxuu sheegay in ay bishan Juun bixinayaan hal bil mushaharkeed.
Dhinaca kale, Xoghayaha D/Hoose ee Burco Cali Jaamac Yuusuf oo uu Weriyahayagu wax ka weydiiyay arrimahaas, ayaa isna sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo Maamul ahaan soo dhex-galay isaga (Xoghayaha) iyo Maayarka. Hase yeeshee Xoghayuhu, wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi: “Lacagtan anagu maanu qaadan, kumanay jirin xil-wareejintii deynta D/Hoose, markaas inta uu ganacsaduhu ka keenayo dekumentigi caddaynayay lacagtaa deynta ah, wax Cashuur-dhaaf ah oo aanu ogolaanaynaa ma jirto iyo wax la bixinayaa toona. Balse, marka uu keeno ganacsaduhu, waanu bixinaynaa wixii macquul ah.” Xoghayuhu, wuxuu intaa raaciyay in ganacsatada deynta ku leh dawladda hoose ee burco aanay ahayn, hal ganacsade oo keli ah.
Dhinaca ganacsadaha la sheegay inuu deyntaa 18-kun ee doollar ah ku leeyahay D/Hoose oo uu weriyahayagu la xidhiidhay, ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo.
Dumaal Nin Ka Xishooday Kama Ilmo Dhalo
Inkasta oo uu muddo shan sannadood ka badan hoos joogay ama kulaalayay Xafiiska uu hadda fadhiyo ee Madaxweynaha, haddana awoodda Dastuurku siiyay oo xaddiday dhaqdhaqaaqiisa iyo af-gaabnidiisa darteed, ayaa Mudane Rayaale ka dhigtay nin aan wax badan hore looga baran dabeecadihiisa Siyaasadeed, taasina waxay ka dhigtay Nin ay hadda adagtahay in la suureeyo Siyaasadihiisa iyo sida uu u waajihi doono hawlaha baaxadda leh ee horyaal.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu Kursiga iyo Talada hogaaminta dalka la dhaxlay duruufo Siyaasadeed iyo qabyo maamul oo hore u dugsanayay Madaxweynihii geeriyooday. Hase yeeshee, waxa caleemo-saarkiisii lagu soo dhaweeyay taageero aan loo kala hadhin, haddii ay tahay Mucaarid, Muxaafid iyo guud ahaan dadweynahaba, waxaana sidaa la yeelay iyadoo aan loo lahayn aqoon dhaafsiisan inuu u muuqdo Nin siyaasiyan ka ilko qabow Marxuumkii uu Talada ka dhaxley, waxaase lagu soo dhaweeyay, iyadoo loo arkay xal Siyaasadeed.
Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa iyana si weyn u soo dhawaysay Talaabada Mudane Rayaale loogu dhaariyay Kursiga Madaxweynaha, kadib geeridii Madaxweynaha, waxayna taasi wax ka bedeshay aragtidii ay beesha Caalamku ka haysatay Somaliland. laakiin, taasi ma aha mid si buuxda u damaanad qaadi karta furdaaminta duruufaha Siyaasadeed iyo mashaakilaadka uu dumaala, waxayse taageeradaa shuruud la’aanta ahi ku weecisay Mudane Rayaale, xil weyn oo ay tahay keliya in laga eego sida uu u guto.
Madaxweynaha aan cabqariga ku ahayn Siyaasadda, balse la aaminsan yahay in ay caawin doonto Mihnadiisii hore ee Sirdoonka oo uu badiba kaga soo shaqeeyay Gobolada dalka uu Madaxweynaha ka yahay, waxa lagu tilmaamaa Nin aan cabbanayn, kuna camal-xumayn, xadaafiirta Siyaasadda. Laakiin marka la eego, sidii uu u xalilay mushkiladii Gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Awdal ka soo waajahday, laba nin oo laga mastaafuriyay dalka dabayaaqadii sannadkii 2000, taas oo isaga loo xilsaaray. Waa nin leh dhaqan xaalmastuur iyo in wada-hadal loo maro maareynta mashaakilaadka.
Mudane Rayaale wakhtigaas, iyadoo uu dalka gobolkaasi si weyn ugu kacsan yahay, waxa uu ku dedaalay in uu qof-qof, qoys-qoys iyo qaybaha bulshada oo dhan uu mid kasta ku dedaalo sidii uu u qancin lahaa. Inkasta oo aanu wakhtigaas awood u lahayn, fullinta ballamihii uu ka qaaday tabashooyinkii bulshada gobolkaa.
Waxa iyana fursad fiican u ah oo la filayaa inuu ka faa’iidaysto, iyadoo uu hogaamiye kasta oo dhaxla Xukuumad markii hore looga sareeyay uu ka faa’iidaysto, qiimo weyn-na ku helo sixitaanka khaladaadkii hore ee uu xog-ogaalka u ahaa ee uu galay hogaamiyihii uu awooodda ka dhaxlay ama kala wareegay.
Sifooyinkaas, waxa ka markhaati kacaya tallaabooyinkii u horeeyay ee uu Mudane Rayaale, sida taxadirka leh ee tartiib-tartiibta ah u qaadayay dhowr iyo labaatankii maalmood ee uu Madaxweynaha ahaa.
Wada-hadaladii uu la yeeshay Salaadiinta ay Xukuumadda aadka u kala fogaayeen oo weli socda, ilaa haddana la sheegay in ay arrimo door ah is-faham ka gaadheen iyo xidhiidho la sheegay inuu la sameeyay dhinacyada mucaaradka oo uu qaarkoodna la yeeshay Kulamo toos ah, ayaa aad loo soo dhaweeyay, loona arkaa ta dhiiri-gelisay in ururo qaadacay is-diiwaan-gelinta, sida ASAD oo kale iyo ururka cusub ee KULMIYE oo ay labaduba is-diiwaan-geliyeen.
Khudbadiisii u horeysay ee uu dadka u jeediyay Xuskii 18-ka May oo uu wax ka taab-taabtay, baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira iyo sida uu damacsan yahay inuu wax uga qabto, ayaa iyana ahayd wax loo riyaaqay. Laakiin, intaas oo keli ah kuma filna qiimaynta hogaamiye cusub, loogamana qiyaas qaadan karo sida uu waajihi doono arrimaha baaxadda leh ee horyaal.
Marka la eego qaabka su’aalaha badani ka taagan yihiin ee uu u naqaystay Madaxweyne Ku-xigeenkiisana, wuxuu noqonayaa Nin aan la malayn karin dabacadihiisa Siyaasadeed iyo sida uu mustaqbalka wax u dhiqi doono.
Waxa la eegayaa bisha Juun ee soo socota in uu Mudane Rayaale, si toos ah u dhex-geli doono hawshiisa, isagoo haatan la rumaysan yahay inuu ku guda-jiro talo urursi uu kula baxayo Xikmadda uu ku hogaamin doono dalka iyo sidii uu u furdaamin lahaa khilaafaadkii iyo duruufihii Siyaasadeed ee uu kursiga la dhaxlay.
Si kasta oo ay dadweynuhu uga saadaalinayaan inuu Mudane Rayaale ku dhaqaaqi doono dhawaan, haddana waxay talada biyo kama dhibcaanka ahi ku soo gororaysaa saddex arrimood miduun ku dhaqaaqo:
· Inuu Talada dib ugu soo celiyo ama u soo bandhigo ummadda, si ay uga tashadaan jidka ay u marayaan aayahooda dambe,
· Inuu soo bandhigo hannaan la isku waafaqsan yahay oo dalka lagu gaadhsiiyo doorashooyin, si xaq iyo xalaal ah u dhaca, iyo
· Inuu ku qanco in aanu cidna ugu abaal hayn xilka ee keliya oo uu abaal u hayo, kuna diimayo distoorka oo suura-geliyay inuu Madaxweyne noqdo, isla markaana sida uu hore u sheegay uu ku dhaqmayo Siyaasadii Madaxweynihii hore.
Saddexda tallaabo mid waliba waxay leedahay culayskeeda iyo caqabadaheeda. Marka laga yimaado arrinta ku saabsan, in taladu dib ugu noqoto dadweynaha oo aan iyada haabkeedaba lahayn, labada qodob ee kale ayaa ah kuwo aad isugu maran, balse aan isla fal-geli karin, loona baahan yahay ta uu qaadanayo Mudane Rayaale in ay noqoto mid u cad sida qoraxda. Taas macnaheedu waxa weeye, Mudane Rayaale waxa uu uga hadhay Madaxweynihii geeriyooday Xukuumad Maamulkeeda si weyn loo dhaliilsan yahay, kalsoonideeda Siyaasadeedna aad looga cabanayo.
Urur-siyaasadeedka UDUB oo uu Guddoomiye ka ahaa Madaxweynihii geeriyooday, isaguna Guddoomiye Ku-xigeen ka ahaa, ayaa ahaa urur ku milmay awoodii dawladda, qaybna ka ahaa khilaafkii Siyaasadeed iyo dastuurka uu gallada weyn u arko Rayaale laftiisu, iyadoo ay Mucaaridkuna dhinacooda u arkaan in ay dawladda iyo UDUB oo is-huwani, siday doonaan ugu tagri faleen sharciyadda dastuurka iyo awoodii dawladda. Sidaa darteed, haddii Mudane Rayaale sida taladu u badan tahay uu goosto inuu dalka u salaxo doorashooyin xor iyo xallaal u dhaca, waxa lagama maarmaan ah inuu qaato tallaabooyin dhiiranaan iyo ku-dhac leh oo salka ku haya kalsoonida ummadda iyo danta guud, kuwaas oo ay ugu horeeyaan inuu dhiso Xukuumad dhex ah ama loo wada-dhan yahay oo si la isku waafaqsan yahay uga hawl-gasha wax ka qabashada duruufaha Siyaasadeed iyo Maamul ee jira, kadibna dalka gaadhsiisa doorashooyin iyo inuu marka ugu horeysa iska wareejiyo ama iska casilo xilka hogaamineed ee uu ka hayo ururka UDUB, kalana saaro UDUB iyo Dawladda, isla markaana uu ururkiisa u ogolaado inuu noqdo mid is bixiya sida ururada kale.
Badhasaabada iyo Maayaraduna, waa in noqdaan kuwo madaxbannaan oo aan urur ka tirsanayn, ilaa inta ay qabsoomayaan doorashooyinka dawladaha hoose iyo kuwa dawladda dhexe. Waa inuu ururada Siyaasadda iyo ummaddaba u xaqiijiyaa in urur ama cid gaar ahi aanay hantida ummadda, si gaar ah ugu tagri fallayn ama isugu dhisayn.
Waxa kale oo lama huraan ah, dib u sixidda hannaanka doorashooyinka iyo madaxbannaanida guddiyada doorashooyinka ku shaqo leh, iyo weliba awoodda garsoorka, waana in la sameeyo Miidaan ama guddi sharciyeed, si dib loogu saxo, loona qabyo-tiro distoorka oo ay dad badani u arkaan in ay qabyo ka muuqato. Hawshaashi, waxa kale oo ay suurta-gelinaysaa muddo-kordhinta ay taageerayaasha Rayaale soo qadimayaan in loo baahan yahay.
Haddii uu Mudane Rayaale taas ka maago, uuna goosto inuu sii hayo jidkii hore, markaa waxay u ekaanaysaa in ay arrintu tahay Qabyo waa halkeedii, waxaana beenoobaysa isbedelkii loo hiyi kacay, waxaase loo baahan yahay in aanay arrinta Rayaale noqon “Dumaal, Nin ka xishoodaa kama ilmo dhalo.”
Xuska Dhalashadii Nebiga (csw)
|
Markasta oo ay bishan Rabiicul Awal ku beegan tahay 12, waxa dalalka islaamka intooda badan laga xusaa dhalashada Nebigeenii Muxamed c.s.w, oo qiimayn iyo qaddarin gaar ah mudan, maadaama ay tahay habeenkii uu ifka u soo baxay Rasuulkii ugu khayrka badnaa adduunyada, isla markaana ahaa Rasuulkii ugu dambeeyay ee uu Ilaahay soo diro.
Sannadkaa uu Rasuulku dhashay oo ku beegnayd markii ay taariikhda miilaadigu ahayd 571, waa muddo haatan laga joogo 14 qarni iyo dheeraad. Waxa adduunyada u beryay waa san, waxaa nuuriyay iftiin, waxa maansheeyay barwaaqo, waxa maydhantay xumaantii, dulmigii diin la’aantii iyo fasahaadkii.
Marxaladdaa oo ahayd mid xasaasiya, adduunyaduna ay ku sugnayd mugdi iyo jaahilnimo ayuu Ilaahay (s.w) qaddaray inuu addoomihiisa u soo diro rasuul hanuuniya oo xaqa shaaca uga qaada, “kun-na ha ku muslinto kun-na ka ku kufrido’e.”
Bal hadda si aad u fahanto xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan heerka diin la’aaneed iyo jaahilnimo ee ay dadku ku sugnaayeen, markaas oo uu Ilaahay soo diray rasuulkiisii Maxamed c.s.w, bal aynu eegno qisadan uu ka warramayo Cumar binu Khadaab, kadib markii uu muslimay, waxaanu yidhi; “Mar waan qoslaa, marna waan ooyaa. Marka aan qoslaa waxay tahay marka aan xusuusto maalin maalmaha ka mid ah oo aanu safar ahayn ayaa waxaanu sidanay Sanam aanu Ilaah ka dhiganaynay, kaas oo ka samaysnaa Timir la kuusay, safarkana anigaa hor-socday oo siday Sanamka aanu caabudaynay. Mar dhexda la marayo ayaan gaajooday markii aan waxkale oo aan cuno aan waayay ayaan sanamkii kolba dhinac goostay, illayn timir buu ka samaysan yahaye. Sidii aan kolba inyar u goosanayay ayaan madhiyay. Markii aanu gaadhnay meel aanu ku nasano ayay saaxiibaday I weydiyeen halka uu sanamkii maray, waxaanan ugu jawaabay; waanigii cunay! Subxaanahallaah.
Marka aan ooyaana waxa weeyaan ayuu yidhi Cumar binu Khadaab, marka aan xusuusto maalin maalmaha ka mid ah ayaan qaaday gabadh yar oo aan dhalay, aniga oo doonaya inaan soo aaso. Markii aan sii siday ayay igu tidhi aabo xaggeed I geynaysaa, umaanse jawaabin. Markii aan dul geeyay xabaashii aan ku ridayay aniga oo qodaya ayay inantaydii yarayd gadhka ciida iiga masaxaysay. Balse taasi may keenin inaan u naxariisto oo aan ka daayo xabaasha,” ayuu yidhi Cumar binu Khadaab.
Qisadani waxay dhab ahaan muujinaysaa xaaladdii ay dadku markaa ku sugnaayeen, sanamyo la caabudo, gabdhaha oo la aaso inta ay yar-yar yihiin, dadka oo qaar la addoonsado, kala-sarayn, kibir iyo dulmi aan lala gabbanayn ayaa tilmaan u ahaa marxaladda Rasuulku uu so baxay.
Rasuulku c.s.w, inkasta oo uu intii uu yaraa ku soo barbaaray nolol adag, maadaama u aabihii Cabdillaahi binu Cabdi-mudalib dhintay isaga oo aan dhalan, hooyadiina ay dhimatay isaga oo aad u yar, haddana markii uu Rasuulku gaadhay xilligii ay u bilaabmaysay inuu dadka xaqa gaadhsiiyo waxa uu markiiba bilaabay inuu ummadda ugu baaqo wanaaga iyo hannuunka uu Ilaahay ugu soo dhiibay. Laakiin waxa uu taa kala kulmay dhibaato iy cadaadis fara-badan, taas oo markii dambe gayaysiisay inuu u haajiro magaalada Madiina, isaga oo ka tegay Maka oo ahayd halkii uu ku dhashay. Taasi mayse noqon mid ka waabisa Rasuulka jihaadkii uu ugu jiray difaaca iyo u dagaalanka xaqa iyo faafinta dinta islaamka.
Muddo 23 sannadood ah ayay Rasuulka ku qaadatay inuu ku xoreeyo kacbada iyo magaalada Maka, ummaddana uu gaadhsiiyo Risaaladdii uu Ilaahay ugu soo dhiibay.
Dadka intii uu Ilaahay u qaddaray way hanuuneen, iyaga oo raacay diinta islaamka. Kuwaas oo markii hore aad u yaraa, balse ay marba marka ka dambaysa tiradoodu sii kordhaysay. Intii Gaalnimada ku adkaysatay ee diiday inay u dhego raariciyaan xaqa, Rasuulku waxa uu ku qaaday jihad naf iyo maalba leh, kaas oo ay ku gacan-siinayeen kolba dadka intii rumaysay.
Dagaalo aad u tiro badan oo ay ugu waaweynaayeen Badar, Uxud, Axsaabiyo iyo Taabuuk ayay Asaxaabta iyo gaaladii diidanayd ay iskaga horyimaadeen, kuwaas oo ay guushu ku raacday Rasuulka iyo Asaxaabtiisa xaqa ku baaqayay. Markii ay dadkii markaa joogay ee aynu soo aragnay xaaladdii ay ku sugnaayeen ay qaateen xaqii uu laahay ugu soo dhiibay Rasuulkiisa, sidee buu xaalkoodu noqday?
Waa kan Cumar binu Khadaab oo aynu hore u soo aragnay sidii uu ahaa bal aynu eegno sida uu xaalkiisu isku beddelay markii uu raacay Rasuulka s.c.w.
Qisadani waxa ay ka warramaysaa markii uu Cumar binu Khadaab noqday Amiirul Muslimiinka ama hoggaamiyaha muslimiinta ayuu habeenkii waxa uu wareegi jiray waddooyinka, si uu u kormeero xaaladda ay ku sugan yihiin muslimiinta uu madaxda u yahay. Habeen baanu arkay dad meel ku urursan, markii uu u tegay ayuu ninkii guriga lahaa ku yidhi; “Waxaanu nahay dad masaakiin ah oo aan waxba haysan, xaaskiina way umulaysaa, kii dhulkan madaxda ka ahaana wuu iska hurdaa.” Isaga oo aan garanayn Cumar binu Khadaab.
Markuu intaa maqlay ayuu Cumar kaxaystay laba nin oo la socday, wuxuu geeyay gurigi kaydka (Baytul-maal), markaasuu ku yidhi; Raashin baynu u qaadaynaa reerkii aynu soo aragnay ee horta aniga I saara jawaan budo ama daqiiq ah.
Waxay ku yidhaahdeen; “Adigu ha qaadin ee anagaa qaadayna”
Cumar baa cadhooday oo ku yidhi; “Ma idinkaa qiyaamaha dembigayga qaadaya?” markaasuu qaaday raashinkii. Markii ay gurigii tageen ayuu Cumar bilaabay inuu kariyo cuntadii, gabadh uu dhalay oo uu soo kaxeeyayna wuxuu ku yidhi, gabadha ka umuli. Ninkii guriga lahaa buu waraystay oo uu ku yidhi; “Cumar binu Khadaab ka warran?” ninkii baa yidhi; “waa nin aan ka war-hayn dadkiisa.” Mar dambe ayay Cumar inantiisii u timid oo tidhi; “yaa Amiiral mu’muniin waxay umushay wiil.” Ninkiibaa gartay oo baxay, balse Cumar baa dejiyay oo ku yidhi waad I baraarujisay ee waxba ha nixin. Markii uu waagu beryay ayaa ka tageen reerkii, markay inyar socdeen ayuu Cumar istaagay isaga oo yidhi; “Mategayo ilaa aan arko iyaga oo faraxsan oo ciyaaraya mooyee.”