Haatuf, Cadadki 87, May 29, 2002

 

Madaxweyne Rayaale Muxuu Soo Wadaa?

 

Aamuska Rayaale, Kubada Wasiirada iyo Dareenka Dadka

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ilaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyey ku gudo jiray kulamo gooni-gooni ah oo uu si xidhiidh ah ula yeelanayey dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururada Siyaasadda, kooxo salaadiin ah oo kala duwan iyo dad kale.

Sidoo kale waxa mudadaa si weyn isu dhimay dhaqdhaqaaqii dhinaca shaqada iyo hawlihii Siyaasadda ee xubnaha Golaha wasiirada, kuwaas oo qaarkood xataa aanay ka xaadirin xafiisyadoodii maalmahan u dambeeyay.

 

Tan iyo markii dalka Koonfur Afrika laga soo weriyay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ahayd May 3, 2002, isla markaana xilka Madaxweyne-nimo loo dhaariyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Jewiga Siyaasadeed ee Somaliland waxa uu galay marxalad cusub, taas oo uu guud ahaanba isbedel weyni hadheeyay muuqaalkii iyo xaaladihii Siyaasadeed ee dalka. Hase yeeshee, isbedelka dhacay iyo hadalhayntiisu waxay si weyn u bidhaantay wixii ka dambeeyay geba-gebadii Tacsidii loo sameeyay Madaxweynihii geeriyooday oo socotay muddo ilaa toddobaad ah.

 

Markiiba wuxuu Madaxweyne Rayaale bilaabay kulamo uu la yeeshay, dhinacyo ay si weyn isaga soo horjeedeen Xukuumadda intii uu talada hayay Madaxweynihii hore, sida Salaadiintii Burco kaga dhawaaqday Shirweyne Qaran, kuwaas oo uu kulankiisii u horeeyay ku qaabilay maalmo kadib tacsidii, shalayna uu la yeeshay kulankii saddexaad.

 

Sidoo kale, wuxuu wada-hadal la yeeshay Sabtidii toddobaadkan lix urur-siyaasadeed oo kala ah; SAHAN, HORMOOD, UMAD, ILAYS, BIRSOL iyo UCID. Sidoo kale, wuxuu Isniintii dorraad wada-hadal kale la yeeshay ururka ASAD oo hore u qaadacay is-diiwaan-gelinta, laakiin hadda is-diiwaan-geliyay.

 

Ururada hore ee is-diiwaan-geliyay iyo dhinacyo kale oo ka mid ah qaybaha bulshada, ayaa iyaguna ka mid ahaa dhinacyada uu Rayaale kulamada la yeeshay. Kulamadaas oo ilaa hadda socda, lagama soo saarin warar rasmi ah, isla markaana lagama helin tafaasiil shilis oo tilmaamaysa xaqiiqda waxyaalihii ay ka wada-hadleen dhinacyadii uu la kulmay. Hase yeeshee, ilaa hadda tibaaxaha wareed ee soo if-baxay, waxay farta ku fiiqayaan in ay kulamadani hordhac u yihiin Siyaasadda cusub ee uu Madaxweyne Rayaale damacsan yahay inuu wax ku hoggaamiyo, sidaa darteed uu urursanayo tallooyinka iyo dareemada dhinacyada kala duwan. Wararku, waxa kale oo ay intaa ku dareen in wada-hadaladan gundhigoodu yahay, sidii weji cusub oo wada-tashi loogu furi lahaa saaxadda Somaliland, loogana gudbi lahaa marxaladii hore.

 

Sida laga soo xigtay ilo u dhuun-daloolla geedi-socodka kulamadaa, tallooyinka ugu waaweyn ee ay dhinacyadaasi u qadimeen Madaxweyne Rayaale, waxa la sheegay in ay ka mid ahaayeen:

In hab wada-tashi ah looga gudbo marxaladda xasaasiga ah ee lagu jiro, isla markaana talo wada-jir ah iyo qorshe taxadir leh loogu guuro hannaanka axsaabta badan iyo doorashooyinka. Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in ay tallooyinka ku jirtay, haddii uu Rayaale damacsan yahay inuu doorashooyinka ka midho dhaliyo, si ay taasi u suuro-gasho waa inuu dhiso dawlad arrintaa ka hawl-gasha oo ay u dhan yihiin dhinacyada siyaasaddu. Waxa kale oo ay wararku tibaaxeen inuu Madaxweynuhuna, dhinaciisa u sheegay cidkasta oo uu la kulmay inuu ku shaqaynayo sharciyadda dalku leeyahay ee sababtay xilka loo dhiibay. Waxa kale oo aan meesha ka madhnayn oo la sheegay inuu Madaxweynuhu u muujiyay, dhinacyadii uu la kulmay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hoggaamiyo , hab talo-wadaag ah, isna uu doorbidayo in sidaa lagula shaqeeyo.

 

Tallaabadan aanu weli maxsuulkeedu soo bixin keliya ee uu Rayaale ku aftaxay u gogol xaadhka hoggaamintiisa cusub, waxay ilaa hadda u muuqataa arrin ay bulshadu soo dhawaysay, ilaa imikana lama arag wax laga dido oo ka soo yeedhay dhinaca Madaxweynaha cusub.

“Runtii, wuxuu qaaday tallaabo Siyaasadeed oo wanaagsan, mar hadduu Mucaarid iyo Salaadiinba wada-hadal ku hor fadhiistay,” “Wuxuu sameeyay indho-sarcaad Siyaasadeed, mana qiimayn karo sida ay xaaladdu noqonayso, laakiin sida uu hadda yeelay, waa tallaabo loo baahnaa,” “Yaan la degdegin ee aan sugno biyo-dhaca iyo tallaabada xigta,” “Shacbi ahaan waanu ku faraxnay, tallaabadan uu kula tashanayo dhinacyadii ay Siyaasadda isku hayn jireen, balse waxaan is-weydiinayaa koox talada isku siisay oo aan xayndaabka daarta cad ka bixin.” Weedhahaasi, waxay ka mid yihiin doodaha ay dadku ku fallanqaynayaan wacyiga lagu jiro iyo dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale.

 

Aragtida dadka caadiga ah ka sokow, Siyaasiyiin lagu tilmaami jiray Mucaarid xag jira, ayaa iyana tan iyo intii uu Madaxweyne Cigaal geeriyooday juuq laga maqal, isla markaana aan ka hadlin magacaabista Madaxweyne Rayaale, sidoo kalena wakhtigan xaadirka ah wejiyadooda lagama dheehanayo dareen cadho Siyaasadeed ka muuqato. Inkasta oo ay aragti iyo dareen togan lagu soo dhaweeyay, qorshaha cusub ee uu Madaxweyne Rayaale ugu horayn ku tallaabsaday, haddana sida muuqata waxay arrintani saamayn ku yeelatay xubnaha Golaha Wasiirada badidooda, kuwaas oo ka wer-wersan sida uu noqonayo aayahooda Siyaasadeed. Xafiisyada wasiiro badan ayaa maalmihii u dambeeyay haawanayay, iyadoo la sheegay in ay Wasiiradaasi ku ekaayeen guryahooda. Sidoo kale, xubno wasiiro ah, ayaa laga tebay goobihii haasaawaha Siyaasadda iyo firfircoonidii lagu yiqiin.

 

Sida ay tibaaxeen warar laga soo xigtay Saraakiil dawladda ka tirsan, waxa la sheegay in ay xubnaha wasiirada ah ee farta lagu fiiqayaa ka xun yihiin ama aanay raali ka ahayn, tallaabada Siyaasadeed ee uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Rayaale, taas oo ay u arkaan in ay halis ku tahay kuraasta ay ku fadhiyaan, iyadoo uu wer-werka ugu weyni Wasiiradaa kaga dhashay Madaxweyne Rayaale oo marka uu kulamada samaynayo aan hal Wasiir u yeedhan, taasina ay Wasiirada ugu muuqatay in loo faqayo.

 

Iyadoo ay taasi jirto, ayaa haddana waxa la sheegay in aanu wakhtigan xaadirka ah shishlayn badiba xidhiidhka uu Madaxweyne Rayaale la leeyahay xubnaha Golaha Wasiirada, iyadoo la aaminsan yahay in ay taa ugu wacan tahay in ay Wasiirada intooda badani ahaayeen, Rag aan weji hore ugu dhigan Mudane Rayaale oo hore u ahaa Madaxweyne Ku-xigeen ay ragga qaarkii ka mashiiqsan jireen, ama ay qaarkoodna godobo Siyaasadeed ka galeen, taasina waa ta hadda keentay in aanu xidhiidhkoodu fiicnaan Madaxweyne Rayaale iyo rag badan oo Wasiiro ah, iyadoo ay taasina keentay walaaca la soo darsay rag badan oo wasiiro ah.

 

Dhinaca kalena, rag badan oo Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa lagu tilmaamaa in aanay kalsooni shilis ka haysan dhinaca dadka.

 

Arrintu sida ay doonto ha ahaatee, ilaa hadda ma cadda sida uu Madaxweyne Rayaale ka yeeli doono dhinacyada Mucaaridka iyo xubnaha golihiisa wasiirada, waxayna tahay su’aasha taagani ama la is-weydiinayaa, tolow muxuu noqon doonaa isbedelka uu Madaxweyne Rayaale soo wadaa?

 

Mudanayaal Reer Awdal Ah Oo Beeniyey Inuu Ganacsade Boore

Qorshaynayo Sidii Uu Jaamac Cali Jaamac Dib Ugu Qabsan Lahaa Punt-Land

 

“Waanu la xidhiidhnay Boore, laakiin anaguba xaqiiqda waanu ognahay, warka Jamhuuriya Qorayna raad ma leh”

 

Hargeysa (Haatuf): Xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Somaliland kaga jira gobolka Awdal ayaa beeniyey war 26-kii May 2002 lagu faafiyey wargayska Jamhuuriya oo sheegayey inuu ganacsadaha reer-Djiboouti ee C/raxmaan Boore qorshaynayo sidii uu Jaamac Cali Jaamac dib ugu qabsan lahaa talada Punt-land oo uu ka qabsaday Cabdilahi Yuusuf.

 

Mudanyaasha uu hadalkani ka soo yeedhay waxay sidaa ku sheegeen war-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen, waxayna kala yihiin xubnaha war-saxaafadeedka soo saaray Mudane: Xuseen Madar Xoosh, Mudane: Nuur Sugaal Geelle, Mudane:Xasan Galab Dhuule, Muadane: Yuusuf  SH: Axmed Nuur , Mudane:Axmed Waaberi Maydhane iyo Nabadoon:Aadan Cabdilaahi Booodhle, waxayna qoraalkooda ku sheegeen inuu warkaasi ahaa been-abuur oo aan raad lahayn, wuxuuna Qoraalka ay xubnahani soo saareen u dhignaa sidan:

“Tixraac wargayska jamhuuriya cadadkiisii 1806 ee 26/o5/o2, maqaalkaas oo ku saabsanaa ganacsadaha Djibuuti ee Boore oo qorshaynaya sidii uu Jaamac Cali Jaamac mar kale u qabsan lahaa Puntland.

Waa marka hore’e maqaalka uu wargaysku daabacay ma laha cid ka hadashay ama raad-raac war oo looga baahan yahay inuu wargaysku yeesho, balse waxay u tahay wargayska jamhuuriya  camal iyo caado u dhaqan ah , kana baxsan anshaxa iyo asluubta saxaafadda , taas oo ay wargayska jamhuuriya dhaqan u noqotay inuu shakhsiyaadna u sameeyo magacyo anay lahayn, qaarna uu magac dil ku sameeyo, isaga oo dano gaar ah ka leh ama fulinaya ujeedooyin qarsoon oo u adeegaya koox iyo ashkhaas.

Hadaba in been-abuur aan raad lahayn la sameeyo maaha wax ku cusub wargayska Jamhuuriya, waana mid u baahan inay dadweynuhu dib u eegis ku sameeyaan ujeedooyinka qarsoon ee uu qabto wargayska Jamhuuriya oo noqday god-dhurwaa.

Marka intaa laga yimaado waakuma C/raxmaan Boore?

 C/raxmaan Maxamuud (Boore) waa nin ganacsade ah oo ku nool dalka Djibouti, kana soo jeeda dadweynaha degaanada gobolka Awdal.

C/raxmaan kama duwana ganacsatada kale ee reer-jabuuti, sida Ibraahin Dheere, Baxsane, Oomaar IWM.  Ganacsigu isaga oo aan xuduud lahayn waxa uu qofka ganacsiga lihi la macaamilaa Maamulada jira, maana aha xil ganacsade dhisme maamul, siyaasad IWM.  Sida ay sonkorta Oomaar u tagto Kismaanyo ayuun bay C/raxmaan-Boorena badeecadihiisu u tagaan dalalka geeska Afrika.

Su’aasha is-waydiinta lihi waxa ay tahay muxuu yahay farqiga u dhexeeya Boore iyo ganacsadaha kale ee reer-jabuuti, maxaa ganacsatadii reer-jabuuti ka kala dhigay muwaadinin iyo Ajnebi? maxaa Boore loola xidhiidhinayaa Siyaasadda maamulka Jabuuti, miyaanu ahayn nin ganacsade ah oo la mid ah, kuwa kale ee ka ganacsada Somaliland .

Su’aashaa iyo qaar kaleba waxaanu jawaabahooda u daynaynaa dadweynaha reer-Somaliland,  waxaanuse ku soo geba-gebaynynaa jawaabtayada maqaalka ku saabsan  ganacsade Boore oo u muuqda mid  fulinaya dano cid gaar ahaaneed ama koox dano gaar ah leh, islamarkaana lagu abuurayo dano gaar ahaaneed , iyada oo lagu fogaynayo cdi kale sida ganacsade Boore”.

Dhinaca kale War-saxaafadeedkaa ka sokow, Muadne: Nuur Sugaal oo ka mid ah muadanayaasha war-saxaafadeedka soo saaray, kana mid ah mudanayaasha beesha Saylac kaga jira Golaha Guurtida ayaanu wax ka waydiinay sababta ay uga hadlayaan Ganacsade Boore, wuxuuna ku jawaabay “ nin baayac-mushtar ah weeye,  waxaanuna diidan nahay shakhsiyadda sida bee-abuurka ah loo taabanayo “.

Sidoo kale mar aanu Mudane: Nuur Sugaal waydiinay sida uu u caddayn karayo inaanu Boore wax lug ah ku lahayn arinta uu wargaysku sheegay, wuxuuna taa kaga jawaabay “waxaan ku cadaynayaa nin baayac-mushtar ahi siyaasadaha caynkaas ah maba galo”.

Mudane: Nuur waxa kale oo la waydiiyey sida uu ku ogaaday inuu warkaasi been-abuur yahay iyo inuu wax xidhiidh ah la sameeyey ganacsade Boore waxa uu sheegay inuu la xidhiidhay ganacsade Boore, haseyeeshee waanuba ognahay xaqiiqda ayuu yidhi mudane Nuur.

 

 “Doorashooyinku Waa Arrin Khusaysa Dadka Reer Somaliland Iyo Madaxdooda”

 

Waraysi khaas ah —  Madaxa UNDP ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr: Maxwell Gaylard

 

Hargeysa (Haatuf) Madaxa hayadda UNHC oo ah hayadda qaramada midoobay u qaabilsan isuduwidda hawlaha aadaminimo ee somalida (Somaliland iyo Somaliya), islamrkaana ah wakiiilka hayadda UNDP ee Somaliland iyo Somaliya MR: Maxwell Gaylard  ayaa sharax ka bixiyay hawlaha uu xafiiskiisu ku talo jiro inuu mustaqbalka dhow qabto, islamarkaana jawaab ka bixiyay warar hore oo sheegayey in shaqada laga fadhiisiyey isuduwaha mashruuca daryeelka rayidka (SCPP) MR:Jeremy Brikhill, wuxuuna MR: Maxweel sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Axaddii toddobaadkan siiyey Wargaysyada Haatuf iyo Somalilnd Times, isaga oo socdaal ku jooga caasumadda Somaliland ee Hargaysa .

 

Ugu horayn Mr: Maxwell isaga oo ka jawaabaya  su’aal ku saabsan warar hore oo sheegayey in shaqada laga fadhiisiyey Mr: Jeremy oo ah maareeyaha mashruuca daryeelka dadka rayidka ah waxa uu yidhi “ xiligan Mr: Jeremy waxa uu ku hawlan yahay sidii uu u dhamaystiri lahaa dhokumentiga qoraalka mashruuca daryeelka rayidka, isaga oo hawshaa u jooga magaalada Nayroobi, waana hawl uu qabanaya xafiiskan UNDPee aan Madaxda ka ahay, iyadoo uu Mr: Andrew Tamanigni xafiiskan UNDP u qaabilsan yahay agaasinka guud ee hawlaha (Country Director).”  Waxa kale oo uu Mr: Maxwell intaa ku daray “Ilaa bisha Julay ee sannadkan waxanu rajaynaynaa inay hawshaasi si fiican u hanoqaado oo midho-dhalkeedana la arki doono bisha Julay ee sannnadkan”, laakiin Mr: Maxwell, isaga oo ka hadlaya sida ay mustaqbalka noqonayso hawsha isuduwidda ee mashruuca daryeelka rayidku (SCPP) waxa uu yidhi “ Marka hore waxa la dhamaystiri doonaa hawsha dhukamentiga ee hadda uu gacanta ku hayo Mr:Jeremy, oo ah madaxa hawl-wadeenada diyaarinaya mashruuca, marka ay hawshaasi dhamaatona waxaanu eegi doonaa aniga(Maxwell) iyo masuuliyiinta kale ee halkan(Somaliland) joogtaa dhukamentiga mashruuca siaanu talo iyo wixii kale ee loo baahan yahay uga geysano, waxaana mashruucaa maamuli doonta UNDP’.

 

Mr. Maxwell mar wax laga waydiiyey ra’yi marar badan hore loo soo qaaday oo ah inay soomaalidu talada iyo hawlaha fulineed ee mashaariicda loogu deeqo gacanta ku qabato waxa uu ku jawaabay “ waxyaabihii hore ee dhacay intii aanan anigu xafiiskan iman kama hadli karo oo ma odhan karo sidee bay wax u dhaceen, laakiin waxaan aaminsanahay in marka horeba ay mashaariicdu noqdaan , kuwo ku fula talo iyo ka qayb-qaadasho ka timaadda dhinaca Soomaalida oo haddii aan marka horeba arintaa maskaxda lagu hayn anigu ma qabo in guul wax ku ool ah laga gaadhi akro hawsha”.

 

Mr: Maxwell Gaylard waxa oo uu waraysigaa ku sheegay inuu mashruuca daryeelka rayidka ee la rajaynayo in  Sonmaliland laga hirgeliyo mustaqbalka uu ka koobnaan doono ama uu khusayn doono qaybo ay ka mid yihiin : Garsoorka, ilaalinta xuquuqda aadamiga , abaabul-ka saarka iyo jihaynta dagaal-yahankii hore, miino-saarka iyo xakamaynta hubka .

 

Sidoo kale su’aalaha uu Mr: Maxwell jawaabaha ka bixiyay waxa kale oo ka mid ahaa bal kaalinta ay hayadda UNDP ka qaadan karto hadiii ay taageero ama caawimo Somaliland ka codsato xiliga doorashooyinka, wuxuuna taa ka yidhi “doorashooyinku koley waa arin khusaysa dadka reer-Somaliland iyo madaxdooda, laakiin wax ka qabashada mashruuca daryeelka rayidka ayaa si dad-ban wax uga tari kara geedi-socodka dimoqraadiyadda (Democracy Process), haddii nalaga codsadana runtii meelaha aanu wax ka qaban karnaa waxa weeye kor u qaadidda ha-maamulka dawladeed, oo tusaale ahaan waxa aanu wax ka qaban karnaa dejinta qorshayaal horumarineed, huf-naanta arimaha maaliyaadda (accountancy transperency)  ” .

 

Mr. Maxwell waxxa uu intaa ku daray oo uu sheegay inay hayadda UNDP waayo-aragnimo u leedahay dhinaca talo-bixinta, iyadoo ay hayadda in ka badan 170 xafiis uga furan tahay dunida , taas oo uu sheegay inuu xafiiskiisu xoogga saarayo sidii uu Somaliland uga caawin lahaa dhinaca garsoorka, Sidaana waxa uu Mr: Maxwell  yidhi isaga oo ka jawaabaya kaalinta taageero ee ay hayadda UNDP ka gaysan karto arin uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan tilmaamay inuu xoogga saari doono, taas oo ah wax ka qabashada musuq-maasuqa iyo arimaha cadaalad darada .

 

Mr. Maxwell waxa kale oo uu sheegay in la qorshaynayo sidii Somalida loga taageero lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo buu yidhi la tixgelinayo xayiraadda ku timi dhoofka xoolaha nool ee Somalida, wuxuuna Mr. Maxwell intaa ku daray inay qorshaha ugu jirto tababaro dhinaca xisaabaadka iyo xeerarka caalamiga ah oo uu sheegay in loo fidin doono xawaaladaha Soomaalida.         

 

Wufuud Itoobiya Iyo

Talyaani ah Oo Socdaalo Ku Yimi Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti sare oo ka socda Dawladda Dhexe ee Federaalka Itoobiya, uuna hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda dalkaas, Dr. Tekede Alemu, ayaa shalay booqasho ku yimi xarunta Somaliland ee Hargeysa.

 

Dr. Alemu oo ay weheliyaan saddex Sarkaal oo kale oo ka kala socda wasaarado kala duwan iyo hay’adaha amniga Itoobiya, waxa ay ilaa Khamiista kulamo iyo wada-hadalo xidhiidh ah la yeelanayaan Madaxda dawladda Somaliland iyo hay’adaha dhiggooda ah ee Somaliland.

Weftiga Dr. Tekede, waxa uu maanta la kulmayaa Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo sida la filayo uu u gudbin doono dhambaal uu uga sido Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Mele Zenawi. Wada-hadalkaas Madaxtooyadda kadib, waxa weftiga u qorshaysan in ay la kulmaan Golaha Guurtida.

Weftigu, waxa kale oo qado sharaf maanta loogu samaynayo Hotel Maansoor ay kula kulmi doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, iyaga oo iskaga xog waraysan doona xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale, waxa uu Khamiista berito bilaabi doonaa kulamo gaargaar uu ula yeelanayo, wasaaradaha dawladda qaar ka mid ah iyo hay’adaha amniga Somaliland.

 

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda, Dr. Alemu oo Madaarka ugu waramay saxaafadda dawladda, ayaa sheegay in ujeeddada booqashadiisa weftigu ay tahay mid la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga, Siyaasadda, arrimaha bulshada iyo ammaanka.

 

Somaliland iyo Itoobiya, waxa ay lahaayeen iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo xidhiidh wanaagsan oo Siyaasadeed, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya-na waa markii labaad ee uu yimaado Somaliland tan iyo markii uu dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Sidoo kale, waxaa isla shalay gelinkii dambe ka soo degay Madaarka Caasimadda Hargeysa, wefti ka socda Safaaradda Talyaanigu ku leedahay Addis Ababa. Weftigaas, waxa hoggaaminaya Mr. Jovani oo ah Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Talyaaniga ee Addis Ababa.

 

Lama ogga ujeeddada booqashada weftiga Talyaaniga, waxaase la filayaa inuu yahay wefti xaqiiqo-raadis ah oo indha-indhaynaya xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland.

 

Diblomaasi ka socday dawladda Masar oo isaguna booqasho ku yimi magaalada Hargeysa, ayaa shalay ka ambabaxay dalka.

 

Gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka

Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi

 

Roma (W. Wararka): Dalka Ruushka iyo dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO, ayaa maalintii shalay ku kala saxeexday heshiis iskaashi oo ay labada dhinac yeelanayaan, Shir-madaxeed ku dhexmaray Saldhig Milateri oo ku dhow caasimadda Talyaaniga ee Roma.

 

Heshiiskan oo u furaya Ruushka iyo Gaashaanbuurta NATO cilaaqaad cusub, loona bixiyay “Dhawaaqa Roma.” Sida uu heshiiskan cusubi dhigayana Ruushku, waxa uu ahaanayaa dal bah-wadaag la ah dalalka ku bahoobay NATO oo ay tiradoodu dhan tahay 19-dal, isaga oo kala qayb-qaadanaya Qaarada muhiimka ah iyo hawl-galada qaarkood, sida; la-dagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisada, ka hortagga faafida hubka halista ah iyo maamulka hawl-galada masiibooyinka dhaca, iyada oo aanu dalka Ruushku yeelanayn awoodda VITO, marka loo eego qaaradda gaarka u ah gaashaanbuurta NATO.

 

Ra’iisal-wasaaraha Talyaaniga oo ka hadlayay heshiiskan, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah Ruushka iyo NATO, kaas oo horseedaya ayuu yidhi inuu qarnigan 21aad noqdo qarnigii Dimuqraadiyada iyo nabadgelyada, waxaanu jidka u banaynayaa sidii ay dalal kale ugu soo biiri lahaayeen gaashanbuurta NATO, isaga oo tilmaamay inuu Golaha cusub ee ka dhexeeya Ruushka iyo NATO uu difaaci doono xorriyadda adduunka.

Madaxweynahayaasha dalalka Maraykanka, Ruushka iyo Faransiiska oo iyaguna ka hadlay munaasibadda saxeexa heshiiskan, ayaa soo dhaweeyay isku soo dhawaanshaha labada dhinac oo ay ku tilmaameen mid Taariikhi ah, loona baahan yahay in dhakhso loo dhaqan-geliyo.

 

Dagaalo Culus Oo Muqdisho Ka Qarxay

Iyo Muuse Suudi Oo Dhul Cusub Qabsaday

 

Muqdisho (Haatuf): Ugu yaraan 25-qof ayaa dhintay, in ka badan 50-qof way dhaawacmeen, kadib markii uu maalin-nimadii shalay dagaal culusi ka qarxay magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkaasi dhexmaray Ciidamada Maamulka C/qaasim iyo dagaalyahaniinta hoggaamiye Kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow, iyadoo uu hoggaamiye-kooxeedka Muuse Suudi dagaalkaa ku qabsaday dhul cusub iyo xarumo uu lahaa Maamulka C/qaasim.

 

Dagaalkani waxa uu qarxay abaara 5:45 daqiiqo ee subaxnimadii hore, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo magaalada ka mid ah, isla markaana waxa aaggagii fadhiyeen laga riixay Ciidamada Maamulka C/qaasim, iyada oo meelaha dib looga celiyay ay ka mid yihiin khadka cagaaran ee Muqdisho qaybiya, waxaana loo riixay dhinaca Waqooyi.

Dagaalkan oo lagu tilmaamay mid culus oo aan muddooyinka dambe Muqdisho ka dhicin, lana mid ahaa dagaaladii magaaladaa ka dhici jiray horraantii Sagaashameeyadii, waxa uu markii dambe ku baahay aggagaarka dugsi tababar oo la yidhaahdo Janaraal Daa’uud, halkaas oo ay ku xaraysan yihiin Maleeshiyo ka mid ah Ciidamada Maamulka C/qaasim.

 

Dagaalkani wuxuu istaagay gelinkii dambe ee shalay, lamana sheegin wax waan-waan ah oo loogu jiro joojintiisa, iyadoo lagu soo waramay in ay labada dhinacba ku hawlan yihiin tabaabushe iyo abaabul hub-urursi.

 

Maamulka C/qaasim, ayaa ku eedeeyay in ay dagaalkan ka dambeeyeen Kooxda SRRC oo uu Maamulkaasi ku eedeeyo in ay taageero ka helaan Itoobiya, halka uu hoggaamiye-kooxeedka Muuse Suudi-na sababta dagaalkaa ku eedeeyay Maamulka C/qaasim.

 

Booliska Boorama Oo Faraha Kaga Gubtay Dhallinyarada

 

 

Boorama (Haatuf) :- Taliska Booliska gobolka Awdal ayaa caddeeyay inaanay waxba ka qaban karin, dhallin-yarada kooxo-kooxaha ugu dagaalama magaalada gudaheeda beryahan dambe.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Taliyaha Booliska gobolkaa ayaa sheegay in ilaa 30 kooxood oo dhallinyaro ahi ay magaalada gudaheeda ku dagaalamaan iyaga oo isu adeegsada hub, budhadh iyo mindiyo.

 

Taliyaha oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay wax ka qabashada dhallinyaradaas reer Boorama oo xasillooni darro ku haya magaalada, kaas oo ay ka soo qabgaleen madax-dhaqameedyo, maamulka gobolka iyo degmada, maamulka jaamacadda Camuud, madax ciidamada iyo dadweyne kale waxa uu sheegay in dhallinyaradaasi ay isu weeraraan koox-koox, sidoo kale ay weeraraan shacabka iyo Booliskaba. Waxaana uu ku tilmaamay sababta uu Booliska wax uga qaban kari waayay dhallinyaradaas duruufo ay ka mid yihiin wada-shaqan la’aanta ka waalidiitna, dhallinyarada iyo Booliska iyada oo ay dhacdo ayuu yidhi in waalidiinta qaarkood ay hub u soo dhiibaan carruurtooda, ayna dadweynuhu la soo saftaan Tuugta iyo dembiilayaasha, dagaalna ay kala horyimaadaan, gaadiid la’aan haysata Booliska iyo baaxadda magaalada oo aan ku filayn hal saldhig oo keli ah.

 

Halgamaagii Mohandas K. Gandhi Iyo Waayihii Gobanimo Doonka Hindiya

 

Wuxuu rumaysnaa in xuquuqda iyo xorriyadda lagu doono qaab nabadgelyo

 

 

Badhtamihii qarnigii 19aad, itna badan Hindiya oo dhami waxay gashay gacanta xukuumaddii Ingiriiska, iyada oo muddo 50 sannadood ah ay wax-garadka Hindida ahi raadinayeen sidii ay Hindidu u heli lahayd xukun dawladnimo, ayuu dnida ka dhacay dagaalkii (I) koowaad ee dunida sannadkii 1914-1917.

Dagaalkii koowaad ee dunida Hindidu taageero weyn aya siiyeen dawladdii Ingiriiska. Malaayiin Askar Hindi ah ayaa ka dagaal gashay dhinaca Ingiriiska oo la safatay.

Tijaartii Hindiduna waxay ka qaybqaateen maaliyaddii lagu taageerayay dagaalka.

 

Hindidu waxay filayeen in Ingiriisku taageeradaa weyn awgeed uu Hindiya siin dono xorriyadda, laakiin arrintu sidaa umay dhicin ee sannadkii 1919 waxay dawladdi Ingiriisku siisay waxoogaa is-xukun hoose ah oo heer gobol ah, taas oo aan raaligelin inta badan dadkii rajaynayay xorriyadda Hindiya (India, Pakestan, Bangaladhesh).

 

Kacdoonkii xorriyad-doonka ee Hindida waxaa af-hayeen u noqday hoggaamiyihii caanka ahaa Mohandas K. Gandhi, oo ay Hindidu aad u qaddariyaan.

Gandhi, wuxuu culuumta sharciyada ku bartay dalka Ingiriiska, wuxuuna markii dambe shaqo u tegay waddanka Koonfur Afrika, halkaas oo uu aad u caawiyay Hindidii ku noolayd xiligaa dalka K. Afrika. Gandhi wuxuu ku noqday dal-weynihi Hindiya ee xilligii uu socday dagaalkii koowaad ee dunida intii u dhaxaysay 1914-17.

 

Gandhi, wuxuu noqday nin ay dunidu ku qiimayso qaabkii uu guu dooday xuquuqda dadka la cadaadiyo iyo kuwa la xaqiro, wuxuuna ku canbaxay dhaqan ay ka maqan tahay isla-weynidu oo ay ku jirto isku kalsooni.

Gandhi, wuxuu ka soo horjeestay xukun-hoosaadkii ay u oggolaatay dawladda Ingiriisku, maadaama uu rumaysnaa in xuquuqda iyo xorriyadda lagu doono qaab nabad-gelyo, wuxuuna abaabulay kacdoono, mudaharaado iyo cunto ka soomid, si loo muujiyo dareenka xarriyad doonka ah ee dadka Hindida.

Xorriyad-doonka Hindidu may wada rumaysnayn in qaab nabadgelyo ah lagu doono xorriyadda, sidaas darteed waxa dhacay dilal iyo rabshado dad iyo maalba gallaaftay sannadkii 1919-kii, kuwaas oo ka dhacay gaar ahaan magaalada Amritsar.

 

Xisbigii Gandhi ee Indian National Congress, wuxuu sannadihii 1920-30-kii sameeyay dhoola-tusyo iyo mudaharaado xorriyad-doon ah, waxaana ugu caansanaaa kii lagu qaadacay dhammaan alaabooyinka iyo badeecadaha uu soo saaro Ingiriisku in Hindidu iibsadaan.

Intii uu Gandhio u dhaqdhaqaayay xorriyadda Hindida, wuxuu kale oo u hawlagalay horumarinta qoomiyadda la xaqiro ee Hindida ee loo yaqaano “Untouchables”. Waxaa kale oo Gandhi ka shaqeeyay sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Muslinka iyo Hinduuga wada Hindida ah eek u wada noolaa dhul-weynihii Hindiya oo aanay markaa Pakistan iyo Bangladesh midna ka go’in.

Gandhi wuxuu rumaysnaa inay caddaalad-darradu tahay ta meesha ka saarta kalgacalka iyo isku hilowga dadka. Sannadkii 1930-kii ayay dawladda Ingiriisku la kulantay hoggaamiyeyaashii Hindida, waxaana sannadkii 1935-kii Baarlamaanka Ingiriisku siiyay xukun-hoosad ay xaruntiisu tahay New Delhi iyo golayaal sharci oo maamula arrimaha kale oo dhan marka laga reebo difaaca iyo arrimaha dibedda Hindiya waxay xorriad buuxda qaadatay sannadkii 1947.

 

RADIO MAQALOOCSHE

 

Halkani waa Radio Maqaloocshe

 

 

Halkani waa Radio maqaloocshe oo aydun ka dhegaysataaqn mawjadaha kaftanka dhaadheer iyo ilaaqda gaagaaban. Akhyaartayada agoonta ahow waxaad ku soo durugtaan warkii adduunyada intii ka dhaqaaqaysay, waxaana maanta soo luudin doona weriye Mr. Luki-ina-Laami siigo ka kiciye.

 

Warkii oo tukubaya

Madax-yuubka Shankaroonland ayaa habeen dhaweyd casho ka dhargiyay wefti ka socda Kongereska Maraykanka, weftigaas oo buulka madax-yuubka lagu sooryeeyay ayaa markii ay dibireen war-saxaafadeed laga soo saaray lagu sheegay in madax-yuubku dabada u qabtay hadal Af-Ingiriisi iyo Af-Maraykan isugu jiray, waxanu yidhi; “Wiiniidh sam obseerfars foroom yoor koontari; how to luuk luuk.

Anwar kaming elekshankayga piliis tall yoor odaygiina.”

 

Madax-yuubku amuurihii kale ee uu raggaa huluuqsiiyay waxa ka mid ahaa baasaaboro beri hore Maraykanka loo sheegay oo oggol iyo diidmo midna laga hayn.

Isaga oo xaaladda waddanka uga warramayana wuxuu ku yidhi; “Wii aar oraydh if ilaahay yidhaahdo bat wii wantu sam for yaang huyuuman taageeriyaan money.”

Weftiganoo shalay carraabe ku majiiray waxa gadh-wadeen u ahaa wiil Maraykanka Kenya Ambaadhisoor uga ah. Ninkaas oo sheegay inuu fariintaas maraykan weyne dhexdiisa geyn doono. Inkasta oo Maraykanku iminka mashquul yahay oo aanu haleelin amuuraha dawladaha ciyaalka ah, laakiin wuxuu sheegay inuu idinka isku kiin jirabi doono, oo agoonimada idinku ixtiraami doono.

Haddaba wufuudan reer Maraykan oon markii hore moodayay rag iska soo casho doontay ayaa la ii sheegay inay yihiin wefti geedkaa le’eg.

 

Amuuraha ay u socdeen ayaa la sheegay inay tahay indha-indhayn ku saabsan bal isha ay leedahay agoonta Shankaroonland iyo isbarasho madaxyuubka cusub ah, iyaga oo qiyaasayay bal in madaxyuubku yahay nin la badowsan karo iyo inkale.

Jamhuuriyada Shankaroonland oo ah jamhuuriyad kud iyo cadhoba reebtay, taas oo rikibisteeda rageeda mooyee rag kale shuqul ku darsan.

Dadweynaheeda waxa asqada badankeedii ka reebay Ilaahay janadii ha ku libdhiyee marxuumkii dhintay, ninkaas oo waqtigii uu imaamka ahaa faatax-qasan dalka ka ilaaliyay, isaga oo kaga guntaday dheg-xumooyin badan oo dalka bakhtiisan lahaa.

 

Ninkaas oo ahaa oday qaaya badnaa oo qulu-walayaal badan dalka ka shaqaystay. Waxa raggii yaqaanay ku sheegeen inuu ahaa waxaan ifka loo daynayn, oo intuu madaxweyne ka qalin jebiyay hoggaamiye noqday, taariikhduna u aqoonsatay hoggaamiyihii dhaqanka iyo siyaasadda isku rakibay.

Hannaankaas oo Shankaroontu mahadisay, waxa dadka qaarkii sheegayaan inaan himilooyinkiisii mustaqbal laga been sheegin.

Alla u naxariisaygii waxa lagu tilmaami jiray nin gan-ged-god iyo godoba yaqaan. Waxa kale oo uu lahaa faxalnimo aan cidna qarin.

Ugu dambayntii wuxuu ahaa nin qofka u tagaa ka soo bixi jiray isaga oo kabihiisu baalashaysan yihiin.

 

Eeshiya

Dawladaha Bagistaan iyo Hindiya ayaa ayaamahanba warmaha isu lisanayay. Iyada oo wis-wis iyo wer-werba laga qabo inay labada dal gifta iska saaraan oo nabaro halis ah is gaadhsiiyaan, maadaama ay labada dalba haystaan hubka inkaaran ee (Nayuuk-leerka).

Rayuusal-wasaaraha Hindiya ayaa dorraad galab yidhi; “Waxay gaadhay xilligii Bagistaan aanu isku quusan lahayn. Waxaanu  Af-Hindi ku yidhi; “Aree Bagistaan jalkii baalbaal badkharaab nahee.”

Dalka Bagistaan ayaa iyana tidhi, waxaanu joognaa xilligii aanu iska difaaci lahayn cid kasta oo edeb-darro nagu soo hujuunta. Iyaga oo shalay subaxna goolaaftan u tijaabiyay sayruukh san-dheer.

Sayruukhaas oo la sheegay inuu yahay gantaal kibray oo caagad laga sameeyay, kaas oo toogtiisu Hindiya gaadho.

Labadan dal ee warmaha isu raminaya ayaa dakanadodu ka dhalatay baloodh la yidhaa Kaashamiir Baloodh, halkaas oo India qayb u heshay laakiin qoladii deggenayd u diiday. Duulaankan shuqaya oo loo malaynayo inuu dhanka Hindiya ka curto waxa mar-marsiiyo looga dhigay Hindiya oo ku eedaysay inuu gadhku ku baxay reer Bagistaan, oo ay doonayso inay ka xiirto.

Labada dalba waxay dhufayska ku jufeen balaayiin Askar ah.

Dalka Indiya oo ah dalka labaad ee dunida ugu laandheeraysan, waxay labaatan sano xidhiidh xaga jeebka ah la lahayd dawladda Israa’iil.

Baagistaana waxay labaatan sano xidhiidh la lahaan jirtay Urdun.

Warar aan run iyo been u kala saari waayay ayaa sheegaya in Hindiya gobolka Kaashamiir ay Yuhuuda ka iibisay oo Maraykankuna og yahay.

Dagaalka oo aad looga wer-wersan yahay ayaa haddana siyaasad-yaqaanadu sheegayaan inuu yahay shuqul lagu naafaynayo reer Eeshiya oo iyaga la isku adeegsanayo, kaas oo layska duqaynayo wershedaha iyo meelaha ganacsiga.

Qaar kale ayaa sheegaya inay ammuurtani aanay sidaas ahayne ay tahay filim Hindiya, oo uu atoore ka yahay Ataar Babayaahii, khaayina uu ka yahay Janaraal Mufarash.

Filimkaas oo uu sameeyay Eeriyaal Shardoon, soona tafaftiray Buush, filim qaaduhuna waa Maqalloocshe.

Waa filimkii labaad ee Eeshiya laga dhigo qannaayadiisana waxa ka mid ah; Aree aree Bagastaan balbalyee, Khaashamiir, jalkii baabin badkharaab hee.

 

Gabay

Gabay aan mirtii xalay tirshood malabka yaabayso,

Ayaan maanta kuu marinayaa maqal walaaqayga,

Jacaylkaan dastuur loo samayn sow bakhtiyi maayo,

Sidii Adhi kornayl loo diro Dacawo qaar laysay,

Oo janankii soo raaciyo sii baqbaqanaaya,

Gar-gariirayeey gabayga yaa ila xergayn doona,

Sida dawlad uur yeelatoo madax-wareeraysa,

Walaac iyo wax lagu sheegay oo dhuxulo ruugaysa,

Wis-wis iyo walaac baa yar dhacay geeridii shalaye,

Distoorkaa dawadii loo helayoo biririx weeyaane,

Faataxaan marxuumkii u diray oon ka daba geyne,

Hambalyiyo salaan baan u diray kaa haddeer koraye, xisbiyada dulqaad baan iyaga keena leeyahaye,

Dadweynaha duciyo daacad baan keena leeyahaye,

Hadday keeni waayaana waan ka soo qubiye,

Baarlamaanka distoorkaa yar baan eega leeyahaye,

Hadday eegi waayaana waa aaya li’idoode,

Waa la eryi doonaa hadday edeb-darroodaane,

Afartaa sidaydii ha’diyo qaaf ma ka hig-gaadshay,

Da’daan kaga bilaabiyo miyaan jiinka ka habowshay,

Ma daleeyay booshaaqe waan marin aqaanaaye,

Caashaqa haween waa waxaa la isku haystaaye,

Waa waxa rag iyo naago badan qaran ku waayeene,

Kuwa qalanjo doon-doonayee weli u ooyaaya,

Ban-ka qooqa waa lagu jabaa waanay garanayne,

Haasawahaa hore hadday ku oggolaan weydo,

Waa la iska quustaa waa intood habardumaashaaye,

Marka aad dumaashona waa inay oday ku moodaaye,

Haddii ay ciyaal kuu fishooy kaaba biqi weydo,

Reerkaa la kala saydhiyaa lagu xanaaqaaye,

Waa inay xishood mujisaa hoos u rogataaye,

Kol haddaanay qodob diin ah iyo aayad xiganaynin,

Waa inay distoorkiyo sharciga kugu addeecdaaaye.

 

Ha iga rumaysan

Odoroska Ciyaaraha Maqalloocshaw Maxay Kula Tahay?

 

Ku: R. Maqalloocshe

Ka: Akhyaarta indhaha Buurbuuran

S: Ciyaarta Faransiiska iyo Sinigaal keebaa badinaysa?

J: Aniga qiyaastayda yar waxaan u malaynayaa inay Barbaro laba gool iyo laba gool ku dhammaanayso.

Ha iga rumaysan.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Cawl Yaa La Og Booqashadiisa?

 

Waxa lagu jiraa waqti aad u xasaasi ah oo ay gobolka isku hirdiyayaan siyaasado iska soo horjeeda oo saamayn ku leh Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo loo baahan yahay in si taxaddar iyo feejignaan leh loola socdo.

 

Waddanka Suudaan oo uu hadda booqasho ku joogo maayorka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md. Cawl Cilmi Cabdalla, ayaa ka mid ah dawladaha hirdanka siyaasadeed kaga jira mandaqadda Geeska. Suudaan waxay ka mid tahay waddamada urur-goboleedka IGAD, kaasi oo had iyo goor ku kala qaybsama arrimaha Somaliya oo beesha caalamku u dabo fadhiisato xal u helideeda. Iyada oo dawladda Suudaan ay ka mid tahay xulufka gobolka ee had iyo goor ka soo horjeeda gooni-isu-taaga Somaliland, halka Itoobiya oo ay deris yihiin-na ay garwaaqsato xaqa ay Somaliland u leedahay gooni isu taaga iyo aaya ka tashiga.

 

Haddaba waxa isweydiin leh cidda la og Maayor Cawl booqashadiisa Khartuum iyo saamaynta ay ku yeelan karto siyaasadda dibedda ee Somaliland?

 

Waxa la ogaaday in Maayorku uu ku tegay urur samofal oo lagu magacaabo AL-DAWA AL-ISLAAMIYA oo xaruntiisu tahay Abu Dhabi dalka Imaaraadka Carabta, ururkaas oo uu guddoomiye u yahay madaxweynihii hore ee Suudaan C/raxmaan Maxamed Xasan (Suwaarul-dahab). Waxa la sheegay in martiqaadkaasi uu yimi intii uu naalaa madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, laakiin uu diiday markii uu ogaaday inuu ururkaasi aanu waafiqi karin siyaasadda debedda Somaliland.

 

Haddaba Cawl oo ku guul-darraystay inuu xalliyo ama wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira caasimadda uu isagu maayorka ka yahay wax ma ka soo tari karaa mise lagu hallayn karaa arrimo dibadeed oo xasaasi ah?

 

Waxay ila tahay inkasta oo uu Maayorku u doorbiday dano dhaqaale, haddana waxa cad in aanay waafaqi karayn siyaasadda Somaliland ee waqtigan ama maayorku uu dhabqinayo intijaaha siyaasadeed ee dalka. Waxa iyaduna xusuus mudan in aanay ahayn markii ugu horraysay ee uu Cawl sidan oo kale u xero ka weydaarto, iyada oo waqtigii SNM-tana la sheegay inuu xidhiidh hoose oo aan cidi la ogayn la lahaa safaaraddii Liibiya ee Addis Ababa. Taasi oo markii dambe lagu xidhay, iyada oo Liibiya ay ahayd dalalki sida weyn uga soo horjeeday halgankii hubaysnaa ee ururka SNM kula jiray taliskii Siyaad Barre. Sidaa darteed waa in laga taxaddiraa tallaabooyinka carqaladayn kara intijaaheena siyaasadeed.

Muuse Jibriil Geeddi (Canfari),

Hargeysa.

 

Sidee Wax Looga Qaban Karayaa Dhibaatada Dhulka
 

Maamulku ku adeegaa dadkuna kaga dambeeyaa waa sharci cad oo loo farsameeyay arrinta la doonayo in dhibaatadeeda lagu xalliyo ama dadka loogu faa’iideeyo. Dhibaatada dhulka Hargeysa ama Somaliland waxay ahayd mid soo bilaabantay muddo hadda laga joogo 25 sannadood, iyada oo kolba soo maraysay heerar kala duwan.

 

Markasta waxa arrimaha dhulka lagu xalinayay awaamir markaas loo arkayay in wax lagaga qaban karo.

Dhibaatada dhulka waxa iminka sii kordhiyay shaqo la’aanta jirta, taas oo keentay in dhulka laga dhigto hawl-maalmeed dakhli laga raadsado. Haddaba waxa ilaa iminka la gadhay in arrimaha dhulka loo arko mushkilad qaran oo loo sameeyo sharci adag oo aan ku dhisnayn laab-la-kac, hase yeeshee si cilmiyaysan loo habeeyay, isla markaasna la soo afjaro dhibaatada, iyada oo haddii aan maanta wax laga qaban nabadgelyada guud halis weyn u keeni doonta.

Dhibaatada dhulka waxaa wax weyn lagaga qaban karaa;

1.       In sharci habboon oo aan gal-daloolo lahayn loo sameeyo.

2.       In dacwadaha dhulka loo xil-saaro qaadistooda maxkamadda gobolka, hase yeeshee aanay ka mid noqon garsoorayaasha maanta ka hawlgala gobolku. Garsoorayaasha qaybtaas gaarka ah waa in laga soo xulo dhallinyarada diinta iyo shareecada si fiican u taqaan, Ilaahayna ka cabsanaya.

3.       Ciidanka Booliska waa in la dareensiiyo in dhibaatada dhulku tahay waxa ugu horreeya ee dhaawacaya nabad-gelyada guud. Sidaas darteed, waa in loo aqonsado hawlaha koowaad ee ay xil iska saaraan oo aanay dadka dhulka isku haysta u sheegin in arrintu dhulku tahay wax khuseeya D/hoose oo sidaas aanay isaga riixin, hawshaas oo marka dambe keeni doonta in wax ka qabashadeedu keento hawl culus iyo tacab laga hortegi kari lahaa.

4.       D/hoose waa inay samayso xeer-nidaamiye adag oo kolba ku salaysan xeerka guud ee dhulka laga soo saaro, iyada oo isla markaas ku dedaalaya in la joojiyo dhulka labada dhinac loo sharciyaynayo ee keenaya in layska horyimaado, isla markaasna la hubsado ka gar-naqa ka dhaca waaxyaha (degmooyinka) oo arrimahaas ay hawgalaan dad xilkas ah oo aan dadka fooda isu gelin. Isla markaasna waa in dadka hawlaha dhulka ka shaqaynayaa ahaadaan dad xul ah oo ku caan-baxay caddaalad iyo hufnaan.

Dhibatada dhulka waa in aanay noqon wax hawl ah oo indhaha maanta laga qarsan karo, waa in laga gudbo hadalka iyo muranka ku saabsan dhulka oo maalin kasta laga maqlo warbaahinta oo ficil ahaan hawl loogu dhaqaaqo, haddii kale dhibaatada dhulka meel fog ayaa laga dooni.

Cabdi Ismaaciil (Guraaye),

Hargeysa

 

Talooyin Ku Wajahan Xukuumadda Cusub

 

Waxaynu dawlad ahayn muddo toban sano ku dhaw, sida aynu wada ogsoonahay waxaan ku noolayn nabad buuxda iyo maamul dawladeed. Waxaynu soo marnay marxalado kala duwan oo dhawr ah, waxa ina soo daashaday mucaarad, muxaafid iyo salaadiin.

Maanta iyo madaxweynaha cusub waxaan kula talinayaa sida ugu habboon ee aan is leeyahay dhibaatada waa lagaga bixi lahaa haddii loo dhega-nugul yahay;

1.       Waxaan golaha wakiilada u soo jeedin lahaa inaanay ansixin degmooyinkii cusbaa ee dhawaanta la bixiyay, sababtoo ah Baloodh yar ama laba beerood ayaa lagu dhammaadaa oo dad badani innagaga dhintaan kala xadayntooda. Sidaas darteed waxa fiican inaan iska laabno wixii mashaakil inoo keenaya, waana degmooyin badan.

2.       In la tiro-koobo dalka dadka ku nool ee da’doodu gaadhay cod-bixiyeyaal, lana siiyo kaadhka aqoonsiga (Identity card), sawirkiisa qofka iyo lambarka leh, waxaana degmo ama gobol walba loo samaynayaa goob dhex oo ay isugu yimaadaan nuqul ama koobi kaadhku leeyahay si loogu baadho inaanu qofna u qaadan laba kaadh, qofku markuu codkisa bixiyo waxa laga qaadayaa kaadhka aqoonsiga si aanu meel kale uga cod-bixin.

3.       Marka tirada dadka le leho doorashooyinka horteed, waxaynu ogaanaynaa tirada golaha wakiilada dalku inta uu ka koobnaan doono. Laakiin iminka tirada wakiilada meel laga keenay garan mayno. Gobol tiro yar iyo gobol tiro badan ayaa isku xildhibaano loogu talogalay, waana qalad. Gobolka tirada badani waa inuu tiradiisa kuraas ku helaa. Waa in la ogaadaa inta cod-bixiye ee kursigiiba ku soo baxayo. Waxa intaa dheer tirada dadka dalka ku nool ayaa laga soo minguurinayaa goob doorashooyinka, gobolladuna sidoo kale way kala goob-doorashooyin badanayaan iyada oo lagu fadhiisinayo tirada dadkooda.

4.       Xukuumaddu waa inay gurmad ka codsataa dawladaha, hay’adaha iyo qaramada midoobay si ay uga kaalmeeyaan xukuumadda tiro-koobka iyo hawlaha kharashyada ku baxaya doorashoyinka, gaadiid, shaqaale iyo maalba. Xukuumaddu gurmad ha ka codsato ciddii dimuqraadiga jecel oo dhan.

5.       Xukuumadda waa in loo kordhiyaa muddo caqliga gasha oo ay kaga bogan karto hawlaha ballaadhan ee aynaan iska indho-tiri karayn. Waayo muddada haatan u hadhay oo siddeed bilood ah waxba kama gaadhsiin karto. Haddii aynu macangagno oo aynu ku cidhiidhino xukuumadda inaynu muddadan gaaban ee u hadhay wax ku soo dhammaystirno, waxay noqonaysaa mindi-mindi ku taag, waxna inoo hagaagi maayo.

6.       Waxaan hubaa in hay’adaha, dawladaha, qaramada midoobay iyo ciddii kale ee danaynaysaa dimuqraadiyadda ay qasab ku tahay inay ina ictiraafaan, sababtoo ah, meel aan Somaliland ahayn oo nabadi ka jirtaa ma jirto dalkii Soomaaliya. Sida aynu wada ogsoonahay dagaalaa ka socda Soomaaliya oo dhan, dalkeena mooyee. Dagaalo rajo leh oo inay joogsadaan la filayaana ma jirto.

Kolba kolka ka dambaysa ayay dagaaladu ka sii darayaan oo hoggaamiye-koxeedyo cusubi ku soo kordhayaan, iyo kolba hub cusub laysu soo urursanayaa, daawana haba ka filin.

Haddaba marka caalamku arko sida dhibi aanay u dhicin markii geeridu ku timid madaxweynaheenii hore Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee, ee qunyar loo magacaabay madaxweyne cusub, iyada oo buuqna aanu ka dhicin, waa wax lagu faano Ilaahay mahadi haka gaadhee. Marka ay arkaan caalamku xorriyatal-qawlka dalka ka jira iyo nidaamka toosan iyo dadkuna raalida ka wada yihiin, iyagaa ku qabsan inay daneeyaan iyo ictiraafba.

1.       Xukuumadda waxaan dareensiinayaa in wax mucaarad iyo maxaafid laka yidhaa aanay jiri doonin, halgan gees u wada jeeda ayuu dadku noqon doonaa, waxayse ku tartami doonaan xilalka, qof kastaa wuxuu ku qanci doonaa tartanka caafimadka indheer-garadka, mutacallimiinta, ururada iyo dhallinyarada, ururada haweenka, ganacsatada iyo dadweynaha Somaliland ku nool oo dhan waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan xukuumaddooda wixii qalad ay u arkaana toosiyaan. Xukuumadduna toosinta yay u arkin mucaarad si qalloocan u socda, hana la tixgeliyo tabashooyinka dadweynaha.

Sidaas darteed waxaan idiinku bishaaraynayaa ictiraaf iyo safaaradihii dawladaha oo soo dega Hargeysa oo caasimaddii dalka ah.

Colaad Dhoore Warsame, Boorama –  G. Awdal.

 

Yaan Qaranka Lagu Khamaarin

 

Doorashooyinka Madaxweynaha, baarlamaanka iyo madaxtooyada ee la odorosayo sidii ay dalka uga dhici lahaayeen waxay la mid tahay la mid tahay qaranimada oo la keenay badka khamaarka.

Haseyeeshee waxa macquul ah inay xisbiyada mustaqbalka la filayo inay noqdaan ururo qaran isku tijaabiyaan ama isku tijaabin karaan tartanka doorashooyinka xubanaha golayaasha deegaanka ama dawladaha hoose, kuwaas oo dhici kara keliya marka la gaadho sannadka 2007 ama waqtiga ay ku beegan yihiin doorashooyinka labaad.

 

Waxa cadaan ah inaanay weli dalka ka jirin xisbiyo inoo keeni kara xubno baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne-kuxigeen ka fiican kuwa waqtigan talada iyo hogaaminta Qaranka inoo haya.

Marka intaa laga yimaado waxa lagu doodi karaa inaanay weli xisbiyada u suurtagelin inay isu habeeyaan sidii ay dadweynuhu u siin lahaayeen codadkooda , in sidaa la yidhaahdo ama lagu doodana waxa looga jeedaa inaanu jirin xisbi diyaarsaday xubnaha baarlamaanka ka gelaya ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay doorashada ,isla markaana dadka ku sugan ama ku nool meesha uu ka soo baxayo iyo ururka siyaasiga ah ee ka tirsan yahay ay isla garteen inuu yahay shakhsiga ka metelaya baarlamaanka .

Dhinaca kale ma jiro xisbi dadka u soo bandhigi kara wax lagu qanacsan yahay oo ah inay heli karaan codadka lagu soo bixi karo .  Sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah inay xisbiyadu muddo shan sannadood ah dadka fahamsiiyaan ujeedada ay u aasaasmeen, waxa xisbigu dheer yahay xisbiyada kale ee la tartamay iyo inay dadka ogolaysiiyaan ama ku qanciyaan inay codadkooda siiyaan iyo weliba in dadka la baro magaca iyo astaanta xisbiga .

 

Waxa kale oo uu xisbigu diyaarsanayaa xubnaha ka tegaya golayaasha deegaanka ama dawladaha hoose ee haysta kalsoonida dadweynaha.

 

Marka la eego xaaladda dhabta ah ee uu dalku ku sugan yahay waqtigan xaadirka ah waxay khas-baysaa inaan xubnaha golayaasha Qaranka u soo jeediyo inay mudada shanta sannadood ah ee dhamaanaysa 22-02-07 ay u aqoonsadaan waqtiga xoojinta nidaamka maamul ee hayadaha dawladda dhexe iyo Maamulada dawladaha hoose , nidaaminta maaliyadda dawladda , la dagaalanka sicir-bararka , kobcinta dhaqaalaha dalka, la dagaalanka shaqo la’aanta xad-dhaafka ah ee dalka ka jirta, toosinta hayadaha garsoorka iyo horumarinta ururada siyaasiga ah.

 

Ugu dambayn wa in aad looga feejignaado inay Somaliland noqoto goob lagu tijaabiyo hubka halista ah ee wax gumaada, taas oo aan leeyahay yaan Qaranka iyo dawladnimada Somaliland lagu khamaarin.

 

WAADIGA CIYAARAHA

 

Kooxda Bussiness Technolagy Oo Ciyaaro

U Tegay Magaalooyinka Burco Iyo Berbera

 

Koox kubadda cagta ah oo ku ciyaarta magaca shirkadda ganacsiga ee Bussiness Technolagy, fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa ayaa dhawaan ciyaaro saaxiibtinimo la soo yeeshay kooxo ka dhisan magaalooyinka Burco iyo Berbera oo ay booqasho ugu tageen.

 

Kooxda B. Tech, oo ku horraysay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, ayaa kulamo ciyaareed la yeelatay dhawr naadi oo ay ka mid yihiin; NESCO, CAAFI iyo STAR.

Tabobaraha kooxda B. Tech, Mustafe Axmed C/llaahi oo nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf, ayaa sheegay in maamulada magaalooyinkii ay booqdeen si qiimo leh u qaabileen kooxdiisa, iyaga oo markii ay ciyaarihii dhammaysteena si wanaagsan loo soo ambo-bixiyay. Tabobaruhu wuxuu tallaabo taa la mid ah ka codsaday maayorka Hargeysa, wuxuuna intaa ku daray sida loogu baahan yahay in gobolku ciyaaro ahaan la tartamo gobollada kale ee dalka. “Waxaanu u mahad-naqaynaa, maamullada Togdheer iyo Saaxil, sidii ay noola dhaqmeen iyo sida ay ciyaartoyga gobolladooda ula barbar taagan yihiin wixii taagero ah oo ay uga baahdaan,” ayuu yidhi Mustafe. Tabobaruhu isaga oo ka hadlaya Duqa caasimadda Hargeysa, wuxuu ku daray oo yidhi; “Maayorka Hargeysa waxaanu leenahay waxaa lagaaga baahan yahay tallaabo la mid ah ta ay ku dhaqaaqeen maayorada Burco iyo Berbera.”

 

Tabobaraha kooxdaa Mr. Mustafe, oo aanu wax ka weydiinay waxay kala soo kulmeen ciyaarihii ay lasoo yeesheen kooxaha kala duwan ayaa sheegay inay guud ahaan ciyaareen afar kulan oo ay saddex ka mid ah ku adkaadeen, halka hal kulana lagaga adkaaday.

Kulankii furitaanka waxay la yeesheen kooxda NESCO Burco oo uu sheegay inay 3-2 ku adkaatay Nesco. Tabobaruhu wuxuu kaloo sheegay inay Burco kula ciyaareen kooxaha CAAFI iyo Star oo ay kaga badiyeen 2-1, 3-0.

 

Kulanka afraadna waxay la yeesheen xulka gobolka Saaxil oo ay 3-0 kaga adkaadeen.

Tabobaruhu wuxuu kaloo mahad-naq u soo jeediyay xidhiidhada kubadaha cagta iyo guddida Olympiga gobollada Togdheer iyo Saaxil iyo maamulaha shirkadda B. Tech Cabdi Yuusuf oo uu sheegay inuu suurtogeliyay socdaalka ay ku tageen magaalooyinka Burco iyo Berbera.

 

England Oo Si Weyn Isugu Diyaarinaysa Kulanka Sweden

 

Higashiura, Japan (Reuters) – Xulka waddanka England ayaa si buuxda isugu diyaarinaya ciyaarta Axadda ee koobka adduunka o iyaga iyo Sweden lagu furi doono kulanka ugu horreeya qaybtooda.

Sidaa waxa shaaca ka qaaday tabobaraha England Eriksson, kadib markii ay kulan is-tijaabin ah la yesheen xulka Cameroon oo ay 2-2 ku kala baxeen.

 

Tabobaraha England, wuxuu tilmaamay in kulankaasi wax ka beddelay fikraddii England laga haystay, isaga oo arrintaa ka hadlaya ayuu yidhi; “Haddi aad soo qaadato klankii ugu dambeeyay, waxaanu haysanaa afar, shan ama lix ciyaartoy oo si fiican shaqadooda u qabtay, kuwaas o ciyaarta ku cusbaa, dhammaantoodna safan doona kulanka Sweden. Waxay soo bandhigi doonaan mid ka fiican tii Axaddii.” Eriksson wuxuu shegay in ay ciyaar-wanaag muujiyeen kulamadii tijaabada ahaa, balse ay khaladaad sameeyeen, balse ay si ka sii wanaagsan u ciyaari doonaan kulanka Sweden.

Kooxdas England, waxa kale oo sii caawinaya soo noqoshada kabtankooda Beckham oo dhaawac ka soo laabtay iyo weliba ciyaartoyga kala ah; Nicky Butt, Ashley Cole, iyo David Sea Man, oo la filayo inay dhammaantood saftaan kulanka ugu horreeya.

 

Tabobare Eriksson oo wax laga weydiiyay rajada uu ka qabo kulanka ay la yeelanayaan Argentina oo si weyn loogaga baqaqyo hanashada horyaalka, ayaa ka aamusay oo aan wax jawaab ah ka bixin, wuxuuna intaa ku daray in kaarka ugu weyn ay ku hayso ciyaarta furitaanka ee dhexmari doona kooxda waddanak uu u dhashay. Tabobaruhu isaga oo ka hadlaya aragtida ciyaartoygiisu kulankaa ka qabaan ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in aan sinaba looga badin karin, hase yeshee, isagu wuxuu rumaysan yahay inuu gar iyo gardarroba badiyo. “Waan ku raacsanahay muhiimadda ay leedahay guul-darro ay ka baxsadaan, laakiin waxaa ka sii muhiimad weyn inaanu badino,” ayuu yidhi Eriksson.

Wuxuu kaloo intaa ku daray; “Madoonayno inaanu barbaro ku bilowno ciyaarta Axadda, waxaanu isku dayaynaa in aanu badino, Sweden-na waanu hubnaa inay sidoo kale ku hamiyayso. Dhammaantoyana waanu ognahay inaanu Argentina isku qayb nahay.”

Maadaama ciyaaraha qaybtani yihin kuwo aad u adag koox walba waxaa muhiimad weyn u ah inay hesho saddexda dhibcood ee kulanka furitaanka, sidaa darteed koox waliba waxay ku dedaalaysaa injay iyadu badiso.

 

Kulanka Axaddana lama saadaalin karo, waayo England marna Sweden kamay badin muddo 34 sannadood ah, hase yeshee England waxay isku halaynaysaa dhibcaha Nigeria oo ay 12-ka bisha wada ciyaari doonaan.

England weligeed marna kamuu adkaan waddan Afrikaan ah.