Haatuf, Cadadki 89, June 2, 2002

Sarkaal Ajnebi Ah Oo Lagu Weeraray

Xarunta Akedemiyadda Nabadda Ee Hargeysa


Dood Ka Taagan Idaacad Dalka La Keenay

 

 

Hargeysa (Haatuf): MR: Matt Bryden oo u dhashay dalka Kenada, ahna masuul sare oo ka tirsan hayadda Akademiyadda Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda ee Somaliland oo ay xarunteedu tahay Hargaysa ayaa Arbacadii toddobaadkii hore ee May 29,2002,lagu fuliyey fal isku day dil ah,ka dib markii uu nin magaciisa la yidhaahdo Mustafe Yuusuf Ismaaciil oo ku hubaysan Bastoolad xafiiskiisa ku weeraray. Haseyeeshee Mr: Mathe wuu ka samata baxay weerarkaa, waxaana sida la sheegay u soo gurmaday oo ka qabtay qaar ka tirsan shaqaalaha Akademiyadda Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda. Ninka falkaa gaystay oo hore uga mid ahaa shaqaalaha hayaddaa, laakiin shaqada laga eryey toddobaad ka hor xiliga uu falkaa gaystay, waxa la filayaa inay sababta uu falkaa u geystay la xidhiidho,isaga oo ka cadhaysan shaqada laga eryey.

 

Ninka falkaa geystay (Mustafe Yuusuf)  waxa xabsiga loo taxaabay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii uu falka gaystay, waxayna sheekada Ninkaasi noqotay mawduuc xiisa leh oo dhinacyo badan saamayn ku yeeshay, islamrkaana waxa ka dhashay dareemo Siyaasadeed oo ay dad badani ku jaho wareereen halka ay daarran tahay, iyadoo ay xubno ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo xukuumaduba si weyn sheekad lugta ula soo galeen.

 

Dhinaca kalena masuuliyiinta iyo hawl-wadeenad maxadka Cilmi-baaadhista iyo horumarinta nabadda Somaliland ayaa wer-wer weyn ka muujiyey weerarka hubaysan ee lagula kacay masuuliyiintooda iyo xaruntooda iyo sida ay dawladdu uga jawaabtay oo ay ku tilmaameen si sharciyadda baal-marsan, taas oo ay maamulayaasha maxadkaasi ku andacoodeen in ninkaa markiiba si sharci daro ah loo sii daayey. Hase yeeshee Wasiirka arimaha gudaha Cabdilaahi Cumar Cige ayaa isna sheegay inuu ninkaa damaanad ku sii daayey.

 

Agaasimaha xarunta Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda Profesor: Xuseen Bul-xan oo aanu waraysi kala yeelanay sidii uu falkaasi u dhacay iyo arimo kale oo la xidhiidha sheekooyin dhacdadaa ka dhashay ayaa isaga oo ka waramay sidii uu falka weerarka ahi u dhacay waxa uu yidhi “ Ninkaasi waxa uu ahaa nin shaqaale ka ahan jiray meeshayada laakiin aanu shaqada ka erinay, 29-kii bishii May ayuu xafiiska iigu soo galay waraaq ayuuna ii dhiibay, waanu eegi doonaa ayaanu ku nidhi, wuuna iga baxay, mana jirin wax na dhex maray, laakiin iyadoo uu xafiiska ila joogo C/raxmaan Axmed Cartan oo shaqaalahayaga ka tirsan ayaanu marqudha maqalay sanqadh qab ah, markiiba al-baabka ayaanu furay oo xagii xafiiska Mathe oo iga soo hor jeeda ayaanu eegnay waxaanu aragnay ninkaa oo Mustafe la yidhaahdo oo bastoolad haya Mathe, C/raxmaan ayaa gudaha galay oo ninkii iyo bastooladii isku qabtay, markaas ayuu Mathena albaabka debedda uga soo baxay”.

 

Bul-xan waxa uu sheegay inay markiiba waraaq u kala qoreen dhinacyo ay ka mid yihiin Wasiirka arimaha gudaha, Wasiirka arimaha debedda iyo taliska CID-da, taas oo uu sheegay inay ka dalbadeen inay arintaa wax ka qabtaan.laakiin ninkaa waxa la qabtay maalinimadii uu falka gaystay habeenimadeedii,waxaase la sii daayey maalinimadii khamiistii , iyadoo la sheegay inay sii daynta ninkaa qayb libaax ka qaateen niman mudanayaal ah oo baarlamaanka ka tirsan , kuwaas oo la sheegay inay si weyn arinta ugu lug yeesheen , taas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sababta ay mudanayaashaasi arinta ugu lug leeyihiin.

 

“Markii ninkaa la qabanayey waxaanu arkaynay rag mudanayaal ah oo gurigii laga qabanayey hor taagan oo lahaa yaan la qaban oo shacigii is-hor taagay”. Laakiin  waxa uu Bul-xan intaa ku daray in ay dawladdu markii hore ka ballan-qaaday inay arinta wax ka qabanayaan, gaar ahaan Wasiirka daakhiliga oo ay sheegeen inuu xaruntooda ku soo booqday markii uu falku dhacay ka dib, balse waxa ay maamulayaasha Akaademiyadda nabaddu intaa ku dareen inaanu ballan-qaadkaasi fulin arintaana ay hayad ahaan aad uga wer-wersan yihiin.

Agaasimaha Akaademiyaddu, isaga oo xuquuqdii ninkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Ninkaasi waa ninkii u dambeeyey ee aanu shaqaalayno, waana ninkii u horeeyay ee aanu erino, ka dib markii ka soo bixi waayey shaqadiisii, anaga ayaana awood u leh erigiisa,taas oo aanu shaqada ka joojinay 21-kii may 2002,wixii uu xaq u lahaan waanu dhamaynay oo waxaanu isla garanay inaanu bisha Juun oo uu ku eg yahay kontaraagii aanu la galay aanu siino wixii uu nagu leeyahay wixii lagu leeyahayna laga jaro, iyadoo uu Ninkaasi 17-kii Feberweri 2002 kumbiyuutar uu is lahaa nin ku dhufo uu burburiyey,haddana kombiyuutar uu Matt ku dhuftay burburiyey, telefoono badan oo uu isticmaalay lacagtooda lagu leeyahay “.

 

Inkasta oo ay maamulayaasha Akaademiyaddu aad uga cawdeen dawladda ,haddana waxay dhinaca kale aad uga mahdadoobeen Madaxweynaha oo ay arintaa uga dacwoodeen, una ballan-qaaday inay arintaa dawladdu wax ka qabanayso. “Akaademiyaddu aad bay ugaga mahad-naqaysaa madaxweynaha sidii uu noola kulmay iyo sidii uu noogaga ballan-qaaday inuu arintaa sharciga wax lagaga qabanaya, anaguna dawladda iyo sharciga hortiisa ayaanun uga fadhinaa arintaa wax ka qabashadeeda” ayuu yidhi Agaasimaha akaademiyaddu.

 

Mr: Matt Bryden isna  ka hadlay sidii uu Ninkaasi u weeraray wuxuuna yidhi “Abaaro tobankii saacadood wax ka yar ayuu ii soo galay waxa uu igu yidhi waxaan rabaa inaan kaala munaaqishoodo arimo la xidhiidha nidaamka xafiiskaaga , waxaana ugu jawaabay hawraarsan fadhiiso,aniga oo u qaatay inuu ka hadlayo shaqadii laga fadhiisiyey, waxaana ugu jawaabay arintaas fahamkeedu  waa mid sahlan waayo adgu waxaad Akaademiyadda ugu shaqaynaysay mushahaarooyin,dhinaca waxa jira fasaxyo iyo waxyaalo kale oo ay Akaademiyaddu kuu sheeganayso sida kumbiyuuter aad jebisay oo aad hore u ogolaatay inaad mag-dhowdo iyo kharashaad telerfoono ah, waxaana marka aynu is-barbar dhigno labada dhinac ayeynu heshiis ka gaadhaynaa waxa inagu kala maqan, markaas ayuu yidhi maya,maya waxaad u hadlaysaa sidii in shaqad la iga eryey, laakiin waxaan ku idhi haddii aad shaqo fadhiisinta doonayso inaynu si xilkasnimo ah uga wada hadalno taasi waa mid kuu furan, balse haddii ay arintaadu tahay shakhsi weerar anigu taa waqti uma hayo, diryaarna uma ihi ee ina kala kaxee ayaan idhi, waxa uu igu yidhi ma waxaad leedahay xafiiska iiga bax, waxaan ku idhi haaye xafiiska I dhaaf markaa ayaa intuu fartiisa indhahayga dhexdooda ku fiiqay ayuu yidhi ima eryi kartid, mana dhaafayo xafiiska, aniga ayaana kaa saari doona dalkan, adiga oo aan is ogayn ayaan kaa takhalusi doonaa, waxaana ugu jawaabay Mustafow awood taa uma lihid anigana ii hanjebi kari maysid ee xafiiska iiga bax, dabadeeddna kombiyuutarkaygii oo I horyaal ayaa intuu qaaday  wuxu damcay inuu dhakada igaga dhufto, laakiin aniga oo maskaxda ku hay fal kan la mid ah oo uu isagu hore u geystay ayaan haleelay inaan gacanta isaga dhigo kombiyuutarkii uu ugu soo tuuray, waxayna nabaro yar-yari iga soo gaadheen wejiga, haddana waxaan arkay inuu wax kale haab-haabanayo  oo uu doonayo inuu igu soo tuuro dabadeedna miiskayga ayaan ku soo wareegay,ka dibna inta uu dib u booday ayuu dhabarkiisa kala soo baxay bastoolad, waxaan markaa u dhaqaaqay dhinaca albaabka, wuxu igu yidhi joogso, laakiin waxaan go’aansaday inaan ka il-horayn karo oo aan dhaafi karo maadaama aanu isagu aqoon caynkaas ah u lahayn hubka uu sitey,balse waxa islamarkaa xafiiska noogu soo galay C/raxmaan Yuusuf Cartan oo isku duubay ninkii, waxaana qabaa inu C/raxmaan sidaa naftayda ku badbaadiyey.  Intaa ka dib wixii u horeeyay ee maskaxdayda ku soo dhacaa waxay ahayd amaanka xaaskayga waxaana markiiba toos u tegey gurigygii.

 

Mr: Matt waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “ waxa uu walaac weyni I galay markii ninkii damacsanaa inuu I dilo la sii daayey, waxa loo baahan yahayna waxa weeye inay dawladdu xaqiijiso in sharcigu sida uu yahay loo raaco, cidi dembi leh waxa cadayn doonta Maxkamadda, haddase arinta ugu muhimsani waxa weeye in la sugo amaanka qof ahaaneed, qoys ahaaneed iyo urur ahaaneed.  Anigu Matt ahaan waxaan Somaliland joogay 12-kii sannadood ee dambeeyey, waqtiyo aad u khatar badana waa la soo maray, laakiin qori la igu qabto waxa iigu  dambaysay markii uu dhamaaday dagaalkii 1992-kii, iminkana marxaladihii nabadgelyo la’aanta dagaalad Somaliland way soo dhaaftay oo maanta dalkan waxa ka jira sharci iyo dawlad iyo distoor loomana baahna Illaahay inaguma keeno’e in dib loogu noqdo waqtiyadii day-daynimada, maantana waxa jirta Somaliland cusub  sidaa ayaanay u jiraysaa”.

 

Wasiirka arimaha gudaha Mudane: Cabdilaahi Cumar Cige oo aanu siidaynta ninkaa wax ka waydiinay  ayaa ku jawaabay “ ninkaa lama sii dayn, kolkii horena amrkayga ayaa lagu xidhay, kolkan dambena amarkayga ayaa damin adag lagaga qaaday, maanta ayaan Maxkamadda la taagayaa oo sharciga la marinayaa”, wuxuunba wasiirku intaa ku daray inay arimaha noocan oo kale ahi ay saamayn ku yeelanayaan wadanka nabadgelyadiisa iyo sumcadiisa sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in arinta sharciga hortiisa wax lagaga qabto.

 

Sida ay sheegeen warar arintan la xidhiidha waxa qadiyadda ninkan si weyn ugu lug lahaa koox oo mudanayaal ah oo la sheegay inay ilaashanayaan dano gaar ah oo la sheegay inay ninkaa ka dhexeeyaan, laakiin wararku ma xaqiijin danaha ay nimankaa mudanayaasha ah oo Golaha wakiilada u badan meesha ugu jira.  Haseyeeshee dhinaca kalena waxa jira warar kale oo sheegaya inuu Ninkaasi dalka keenay idaacad isugu jirta Raadyow iyo telefishin oo uu dalka sharci daro ku soo geliyey, taas oo la isla dhexmarayey dhawrkii maalmood ee ina dhaafay inay nimanka mudanayaasha ah iyo saraakiil kale oo dawladda ahiba ay si gaar ah ugu mashquulsanaayeen xadhiga ninkaa oo ay kala tacaaleen in la xidho, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ninkaa iyo nimanka mudanayaasha ah la tuhunsan yahay in waxyaalaha ka dhexeeya ay ka  mid tahay idaacaddaa oo toddobaadkii hore inta la rakibay tijaabo lagu sameeyey gudaha magaalada Hargaysa.

 

Warar kale oo idaacadaa la xidhiidha ayaa tibaaxay inay idaacaddaasi idaacad ay hore u dalbadeen Akaademiyadda Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda Somaliland, iyadoo ay jireen warar la isla dhexmarayey oo sheegayey in idaacadaa ay isku haystaan Akaademiyadda iyo Ninka weerarka geystay (Mustafe Yuusuf), laakiin Agaasimaha Maxadkaa Proffesor: Bul-xan oo arintaa wax ka waydiinay ayaa ku jawaabay  “Idaacadaa anagu waxba kama ogin, shaqona kuma lihin, mana jirto cid aanu idaacad isku haysanaa,idaacadda aad sheegaysaana cidda keentay baa og waxa ay tahay “, iyadoo uu Bul-xan intaa ku daray “ waxa jirtay sannad iyo badh ka hor in ay Akaademiyaddu isla garatay in loo baahan yahay idaacad aan ganacsi ahayn oo ah idaacad xagga waxbarashad ah (Educational radio and TV), laakiin waxaanu isla garanay inaanaan wax qalab ah keenin ilaa inta aanu helayno liisan sharci ah, dabadeedna waxaanu waraaq u qornay Wasiirka Waxbarashada oo aanu ka codsanayney liisan, balse taana weli jawaab kamaanu helin, sidaa awgeed idaacadna maanu keenin, keenina mayno ilaa aanu sharciyad iyo liisan u helno”.

 

Hirdankii Shalay Ee Wakiiladda

Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland Mudane: Cabdilaahi Cumar Cige ayaa shalay hortegey Golaha wakiilada ,waxayna wasiirka iyo Golaha wakiiladu isku waajaheen dood ay isugu baaciyeen su’aalo iyo jawaabo ay si  daran-doori ah isu waydaarsadeen,taas oo la xidhiidha ajande ku saabsan xeerka is-maamulka gobolada iyo degmooyinka oo hadda horyaal Golaha, ayna u soo gudbisay wasaaradda daakhiligu.

 

Ajandahan oo ay Golaha wakiiladu in muddo ah aka doodayeen waxa ay maraysaa gebagebo, taas oo uu goluhu u yeedhay Madaxda sare ee wasaaradda daakhiliga si ay wax uga waydiiyaan xeerkan, waxaana Golaha hor yimi Wasiirka iyo agasimihiisa guud C/raxman Maxamed Cajeb.

 

Abaaro 1:00 subaxnimo ayey Wasiirka iyo agaasimaha guud madasha fadhiga Golaha wakiilada soo galeen, waqtgaasna waxa madasha ku sugnaa shirgudoonka Golaha iyo tiro yar oo mudanayaal ah oo an tiradoodu ka badnayn, taas oo ay mudanayaasha badidoodu gaaf-wareegayeen debedda madasha ee xayn-daabka dhismaha baarlamaanka ,iyadoo aanay qaarkoodna sooba xadirin, taasina sida muuqata waxay weji gabax ku noqotay shirgudoonka, isla markaana xoghayaha Golaha ayaa weedho kaftan ah oo uu ku soo dhowaynayo masuuliyiinta wasaaradda arimaha gudaha ku muujiyey sida uu uga xun yahay masuuliiyinta loo yeedhay ee meesha timi, iyadoo ay badiba maqan yihiin mudanayaashii loogu yeedhay masuuliyiinta timi si ay wax uga waydiiyaan xeerka gobolada iyo degmooyinka.

 

Muddo 3:0 daqiiqo gaadhaysa ayey shirgudoonka ku qaadatay inuu soo xereeyo mudanayaasha oo debedda looga yeedh-yeeedhayey iyo daminta yooyootan madasha wax u dhimay oo ka bilaabmay hoolka shirarka. Intaa ka dib waxa uu Gudoomiyaha wakiilada Mudane: Axmed Maxamed Aadan(Qaybe) oo shirka gudoominayey u soo jeediyey mudanayaasha in cidii doonayso inay su’aalo waydiiso Wasiirka ay is-qorto, wuxuuna gudoomiyuhu ku cel-celiyey in la dhawro nidaamka madasha.

Sida awgeed tiro mudanayaal ah ayaa isu qortay inay su’aalo waydiiyaan masuuliyiinta daakhiliga.

Su’aalihii masuuliyinta dakhiliga halkaa laga waydiiyeyna waxa ugu horaysay su’aal ku saabsanayd inay sharaxaad ka bixiyaan bal sida ay ku yimaadeen sharaxaadda degmooyinka cusub ee ay doodda badani ka taagan tahay .

 

Wasiirka arimaha gudaha ayaa isaga oo yara dhoolacadaynaya waxa uu jawaabtii uu su’aashaa ka bixiyay ku bilaabay “ maan moodayn in aad maanta I waydiinaysaan sababihii dhaliyey magacaabista degmooyinkaa, waayo waynu wada ogtahay. Hase yeeshee haddii ay dhacday, waxay ku yimaadeen rabitaanka bulshada iyo saddexda gole, mana jirto degmo qudha oo aan anigu dan Siyaasadeed ka leeyahay oo aan magacaabay, raggiinan i soo hor fadhiya ayaana mid walba dabada ku sitey oo doonayey, waxa jirta qoraal ay 40 mudane ii soo qoreen oo ay ku codsanayeen in allay-baday degmo laga dhigo”.

Ereyadaasi markii ay Wasiirka afkiisa ka soo baxeen waxa mar qudha kor u wada dhawaaqay mudanayaal dhawr ah oo Wasiirka uga markhaati furay jiritaanka arrintaas. Hase yeeshee, waxaa su’aal taagan ah taasi cudur-daar ma u noqonaysaa magacaabista degmooyinka.

 

Inkasta oo su’aalo tiro badan halkaa lagu weydiiyay Wasiirka, haddana waxay qaar badan oo su’aalahaa ka mid ahi ahaayeen kuwo dulucdoodu ahayd, haddii meel heblaayo degmo laga dhigay, maxaa meel heblaayana degmo looga dhigi waayey? Taas oo muujinaysay dareenka deegaamaysan ee mudanayaashii su’aashaa iskala daba-kacay, taasina waxay meesha ka saartay in si cilmiyan ah wax laysaga weydiiyo.

“Calaamadaynta iyo xuduudo u samaynta degmooyinka iyo gobolada, waxaa loo saaray Guddi heer Qaran ah oo Wasaaraduna ku jirto.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay kala xaddaynta degmooyinka. Su’aalihii kale ee halkaa lagu weydiiyay, waxaa ka mid ahaa; qaar ku saabsanaa degmooyinka la magacaabay oo lagu tilmaamay in aan gobolada qaar si isu dheelitiran loogu qaybinin degmooyinka la magacaabay, balse gobolada qaarkood dhinac ka mid ah loo badiyay, halkii gobolka si siman loogu qaybin lahaa waaxyihiisa.

 

Maayarada magaalooyinka oo loogu tilmaamay masuuliyiin siday doonaan u dhaqma oo aan shuruucda qaar ku shaqaynin, ayaa iyana qayb ka ahayd su’aalihii madashaa lagu weydiiyay, waxaanu mid ka mid ah mudanayaal dhowr ahaa oo su’aashaa iska daba-maray, tusaale u soo qaatay Maayarka Burco oo uu ku eedeeyay inuu baabi’iyay dhismaha dugsi hoose oo magaaladaa ku yaalla.

 

“Si khalad ah ayuu Mayarku u fekeray, wuxuu is-tusay in goobta Iskuulku ku yaalla ay bacadle ku wanaagsan tahay, hase yeeshee Badhasaabka iyo maayarkaba amar baanu siinay, waxaanu ku nidhi maanta Burco uma baahan in Iskuul laga baabi’iyo. Markaa sidaas ayuu arrinkaasi ku dhammaaday,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadal-celinayay su’aashaasi. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu sheegay, Maayaradu in aanay siday doonaan ka yeeli karin xilka ay hayaan, hase ahaatee meesha kamuu saarin inuu jiri karo khaladaad ay sameeyaan.

 

Guud ahaan, intii kulanku socday waxaan marnaba ka dhammaanin madasha muran-jiic lid ku ah hab-dhaqanka suuban ee looga baahan yahay Golahan oo kale, waxaana bilow ilaa dhammaad ku lammaanaa kulankaas Guux iyo Jikaar ay mudanayaasha qaarkood, marba ku dhabqinayeen geedi-socodkii hadalka. Taasina waxay sababtay inuu qaylo dheer miciinsado Guddoomiye Qaybe oo uu xiiqo, siduu u lahaa waar aamusa. Shir-guddoonka ka sokow, waxa kale oo ay taasi saamayn ku yeelatay martidii arrimaha Gudaha ee ay Gole ahaan u yeedheen. “Waaryaadhaheen, inkastoo guddoomiyihiinii joogo, haddana waxaan idin leeyahay aynu si anshax leh isu dhegaysano oo intaa su’aal na weydiisaan, haddana ha buuqina oo debbeda ha u yaacina.” Sidaa waxaa dhawr jeer ku celceliyay oo yidhi, Wasiirka Daakhiliga oo laga dareemayay inuu la yaaban yahay hab-dhaqankii mudanayaasha Aqalka uu kala kulmay.

 

C/Laahi Cadde, isagoo arrintaas ka sii hadlaya, wuxuu yidhi; “Anagu markaanu shirka Golaha Wasiirada joogno, nin-na kuma dhaco inuu iska hadlo, anigana sidaas oo kale in aad u dhaqantaan ayaan idin moodayay.”

 

Guud ahaan, marka laysku soo ururiyo kulankaasi, wuxuu u muuqday mid aan si midho-dhal ah loogaga gun-gaadhin ajandihii rasmiga aha ee loogu talo-galay in lagaga faa’iidaysto, isla markana waxaa kale oo uu muujinayaa hab-dhaqan an qurux badnayn oo haddii uu sii jiro, meesha ka saari kara haybaddii Golaha.

 

UNICEF Oo Ka Hadashay Manhajka Waxbarasho

Oo Loo Diyaariyay Dugsiyada Hoose Ee Soomaaliya

 

 

Hargeysa (Haatuf): Kumanaan carruur ah oo ku dhaqan guud ahaan dalkii Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, ayaa toddobaadkan bilaabaya in ay qaataan buugaagta dhigaalka ee dugsiyada hoose oo loo qaybinayo dugsiyada shaqeeya ee Soomaaliya, Sidaana waxa sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska UNICEF ee Nayroobi.

 

Sida warkaasi sheegay buugtaas, waxa loogu tala-galayaa in ay isticmaalan 204, 000 oo ardayda dugsiyada hoose ah, fasalada koowaad ilaa afraad ee dugsiga hoose, taas oo ah dedaal weyn oo ku waajahan in sare loo qaado heerka Waxbarashada dalkaas.

 

UNICEF, waxay sheegtay in mashruuca manhajkan cusub oo socday saddex sannadood, aya kala qaybqaadatay diyaarintiisa hay’addda UNESCO iyo ururo Caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyadoo maal-gelintiisana ay bixiyeen ururada iyo deeq-bixiyayaal ay ka mid yihiin DANIDA oo Denish ah, CIDA oo kaalmada dibadda u qaabilsan Canada, SIDA oo Swedish ah, Dawladaha Jaban iyo Holland, waxayna UNICEF intaa ku dartay in manhajkani lagu beddelayo kii hore ee dugsiyada Soomaaliya lagu isticmaali jiray, kaas oo ay UNICEF dib u soo daabici jirtay, intii ka dambaysay burburkii dawladihii Siyaad Barre.

Balse, waxay sheegtay in manhajkaas oo la daabacay tobaneeyo sannadood ka hor aanu ku haboonayn faca cusub, lagama maarmaanna loo arkay in loo diyaariyo manhaj la jaanqaadi kara.

UNICEF, waxay sheegtay in ay dhibaato weyn kala kulantay ururinta iyo helitaanka macluumaadka waxbarasho ee manhajka, macalimiintii oo iska kala firdhay, dugsiyadii iyo hannaankii Waxbarashada oo burburay darteed.

 

Sidaas darteed, warku waxa uu sheegay in UNICEF ay hadda gudda gashay hawl-ballaadhan oo lagu tababarayo macalimiinta dugsiyada dalka, kaas oo loogu carbinayo macalimiinta habka cusub ee barista ee loo raacayo manhajkan cusub.

5,400 oo macalimiin ah, ayaa lagu wadaa in ay tababarkan ka qayb-qaataan Soomaaliya oo dhan. Bisha July-na, waxa la rajaynayaa in macalimiinta oo dhammi ay galaan 20 cisho oo ay ku baranayaan manhajka cusub iyo sida Carruurta yaryar loogu dhigo xisaabta, sayniska, cilmiga bulshada iyo af-soomaaliga, maamulka buugaagta dhigalka iyo culuum kale.

 

Inta tababarkaasi socdo, waxa kale oo ay macalimiintu ka doodi doonaan fasal-ku-wada-dhaqanka hablaha iyo wiilasha, sababaha hoos u dhigay tirada hablaha taga dugsiyada iyo sidii waalidinta looga dhaadhicin lahaa in ay hablaha ku daran Iskuulada.

 

Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee

 

Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray

 

Q: 3aad _____Siciid I Guraase

 

 

 

Goobtu waxay ahayd Hargeysa oo markaa ku magacawnayd caasimadda labaad ee dalkii Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya amintuna waxa ay ahayd badhtamihii sideetanaadkii col-u-joog, waxa uu ka mid ahaa ardaydii markaa ku jirtay Dugsiyada sare Jawigu, waxa uu ahaa mid ay cabsiyi ku dheehan tahay maalinkasta, waxa ay dhegahaagu maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay ridayeen askartii ka amar qaadanaysay taliskii Siyaad Barre. inta badanna waxa ay la eeganayeen ardayda dugsiyada oo dhigi jiray mudaharaado lid ku Taliskii Muqdisho.

 

Dad la laayay, iyaga oo aan waxba galabsan, dad xabsiyada loo jiiday, baroorta iyo qayladdu waxa ay ahaayeen wax daruuri noqday oo maalin kasta joogto u dhaca xanshashaqa iyo faqa hoos ahaaneed, ayaa badnaa dadkuna waxa ay iska waraysan jireen waayaha iyo darruufta adag ee ku gedfan habeenkii, waxa dhegta loo dhigi jiray Raadhyow Halgan oo ku hadli jirtay codka ururadii mucaaridka ahaa, gaar ahaana waxa la xiisayn jiray wararka ku saabsan ururkii SNM oo markaa weeraro iyo hawl-galo joogto ah ka fullin jiray Jiidaha xuduudka ku dhereran iyo gudaha dalkaba, gariirka madaafiicda iyo gurxanka Tiknikada dagaalka, ayaa joogto loo maqli jiray.

 

Maalinkasta waxa magaalada gudaheeda is-baacsan jiray baabuur, sida qaad iyo kuwo ay saaran yihiin ciidamadii loo tababaray cabudhinta shicibka, iyadoo uu markaa taliskii Siyaad Barre mamnuucay Qaadka oo cidii lagu qabtaa ay mutaysanaysay Dil iyo dacaskiisa oo lala wareego.

Dadku waxa ay ku noolaayeen werwer iyo walbahaar, iyadoo qofkii guriga ka baxa aan la garanayn waxa uu la kulmi doono, haddii uu guriga dhexdiisaba lagu badbaado, ayaa buro la siday.

Markii loo adkaysan waayay falalki waxashnimada ahaa ee ummadda lagu hayay, ayaa waxa bilaabantay in maalinkasta laga tallaabo xuduudda Itoobiya, si loogu biiro xooggagii SNM ee hubka u qaatay in ay dadkooda xorreeyaan. Dadka tallaabayayna, waxaa u badnaa dhallinyarada iyo ubaxii korayay, kuwaas oo geeri ka doortay noloshii silica ahayd.

 

Magaalada waxaa ka hadli jirtay Idaacadda oo faafin jirtay boro-bogaandhada iyo is-maaweelintii taliskii Muqdisho, taas oo marka keliya ee ay run sheegaysaa ay ahayd marka ay leedahay “Halkani waa Raadhyow Hargeysa” lagamana maqli jirin eray kale oo run ah.

 

Yaab iyo inkaar badannaa, halkeebay waxan oo inkaar ahi ka yimaadeen, ayaa la is-weydiin jiray, waxaase yaabka yaabkii ahayd marka ay cidii aan berigaa jirini loo sheegay in aynu mar Gobanimo qaadanay, balse si fudud loo tuuray, miyaa shalay la soo celin, ma tanaa ka dambaysay ayaa la isku ciil-kambiyi jiray.

 

Col-u-joog, waxa uu ka dhashay qoys iska sabool ah, si Illaahay uuni ogyahay ayuu ku gaadhay Waxbarashada dugsiga sare, iyadoo ay la soo tabceen Hooyadii iyo Aabihii oo ku soo koriyay duruuf aad u adag, waxa uu ka mid ahaa ardayda dugsiyada sare ee sida fir-fircoon uga qayb-qaadan jiray mudaharaaddadii iyo dhagax-tuurkii lagaga soo horjeeday amar-ku-taaglayntii Taliskii Xamar ka dhisnaa.

Markii uu dugsigiii sare dhammaystay ayuu ku hamiyay inuu guursado gabadh ay isku arday ahaayeen ayuu dhexmaray Jacayl aan wakhtigiisii joogini. Gabadha, waxa la odhan jiray Canab, waxaanay ka dhalatay qoys iska ladnaa, marka loo eego duruuftii xilligaa lagu noollaa, Inkasta oo ay labadoodu is-jeclaayeen, haddana markii uu Col-u-joog damcay inuu Canab reerkoodii weydiisto, waa looga dhaartay, ciladuna waxay ahayd iyaga oo quudhsaday saboolnimada Col-u-joog iyo reerkoodu ay ku noolaayeen.

 

Canab reerkoodu waxa ay ku jireen nolol fiican, aqal bangalo ah ayaa u dhisnaa, masaakiinta iyo dadka baahana may jeclayn, waxaana ka xijaabi jiray deyr weyn oo guriga ku meersanaa ayna ka dhexbaxday dhir kala nooc-nooc ahi.

 

Col-u-joog markii looga dhaartay Canab ka muu quusan, balse waxaa mashquuliyay hawlaha halgankii lagu jiray, marar badana wuxuu niyadda geliyay inuu tallaabo oo uu ku biiro xeryihii tababarada ayuu qaadan jireen xooggagii SNM, balse duruuf baa dabraysay, iyadoo uu wehel u ahaa carruurtooda oo uu u weynaa iyo waalidkiis oo waxtarka sugayay, kadib markii ay ku soo tabceen uuna dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, shaqana waxaa u noqotay macalinimo shaqo Qaran ah oo uu nafta ku maaweelin jiray.

 

Maalmahaa, waxaa Hargeysa yimid Siyaad Barre oo lagu mudaharaaday mar uu damcay inuu dadka uga khudbadeeyo garoonka kubadda cagta oo khasab la isugu soo ururiyay. Col-u-joog waxa uu ka mid ahaa xubnihii kaalinta firfircoon kaga jiray abaabulka mudaharaadka, isaga oo horkacayay ardaydii uu macalinka u ahaa, balse waxa uu ku sigtay in la qabto oo xabsiga loo taxaabo.

 

Maalmahaa waxaa soo shaac-baxay heshiis ay Djabuuti ku kala saxeexdeen Siyaad Barre iyo Mingiste Hayle Maryam, kaas oo dhigayay in ay labada dawladoodba joojiyaan taageeradii ay kala siinayeen Mucaaradkii ka soo kala horjeeday, taasi waxa ay dadka ku sii kordhisay werwer iyo walbahaar xoogle, iyadoo la is-weydiinayay waxa ka dhallan kara heshiiska oo ay dadka badankiisu u arkayeen inuu dhirbaaxo ku yahay halgankii ururkii SNM oo ahaa, rajada qudha ee ay dadku haysteen.

La soco…

    

 

 

 

Al-Jasiira: Hodheel Cusub Oo Hargeysa Laga Furay

 

 

Hargeysa (Haatuf): Hudheel cusub oo cunto oo magaciisa la yidhaahdo AL_JASIIRA ayaa xalay laga furay magaalada Hargeysa, suuqa dhinac bari kaga yaal dayrka Idaacadda Raadyow Hargaysa, waxaana dhismaha hudheelkaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo loogu talo galay furitaanka hudheelkaa.

 

 Xafladdii furitaanka hudheelka AL-JAZIIRA waxa ka soo qayb galay marti door ah, waxaana dadkii ka soo qayb-galay ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cajab oo furitaanka Hudheelka xadhiga ka jaray. Waxaa kale oo ka soo qaybgalay marti-sharaf Ajnebi ah, waxaana Hudheelkaaa maamule ka ah Cabdi-wahaab X. Cali Axmed, iyada oo xafladdii furitaanku ahayd mid aad loo soo agaasimay, isla markaana dadkii xaflada ka soo qaybgalay loo sameeyay casho-sharaf.

 

Khilaaf Ba’an Oo Hadheeyay Maamulka D/Hoose Ee Burco

 

 

Burco (Haatuf): Khilaaf dhinaca Maamulka ah oo u dhexeeya masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco, ayaa sababay in ay hawlihii Maamulka ee deegaankaa soo dhexgalaan Guddi lagu magacaabo Guddiga Nabadgelyada Togdheer.

 

Badhasaabka Togdheer, Cali Cabdi Hurre oo arrintaas khadka Telefoonka ugaga waramay Wargeyska Haatuf, ayaa sheegay in muddaba uu jiray khilaaf u dhexeeyay Maayarka Magaalada Burco iyo Xoghayaha D/Hoose, kaas oo ka dhashay arrin ku saabsanayd Cashuur-dhaaf. Hase yeeshee, markii dambe ka bilaabmay qaybinta dhismayaal loogu talo-galay Bacadlayaasha oo laga dhisay goobtii hore loogu yaqaanay Inji.

 

“Xoghayuhu wuxuu leeyahay, Maayarku keligii ayuu liistada qayb-qaybinta samaystay, dadka uu siiyayna ma aha dadkii sharciga ahaa,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Badhasaabku wuxuu intaa ku daray in khilaafkaas aawadii ay joojiyeen go’aankaa uu Maayarku ku qaybqaybiyay dhismayaashaa bacadlaha, isla markaana wuxuu xusay in loo xilsaaray Guddiga Nabadgelyada Gobolka.

 

Dhinaca kale Badhasaabku, wuxuu sheegay in shaqaalaha dawladda hoose ay ka cawdeen dhinaca mushaharooyinka, sidaa aawadeedna wuxuu xusay in ay shaqaaluhu shalay isku dayeen in ay hor joogsadaan safar uu Maayarku ugu soo kicitimay dhinaca Hargeysa. “Shaqaalaha waan la hadlay, waxaanan ku qanciyay inuu Maayarku shakhsi yahay, iyaguna ay mushaharooyinkoodii ku leeyihiin dawladda aanay siin doonto. Markaa sidaas ku qanceen shaqaaluhu, maayarkuna uu ugu soo ambabaxay,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Togdheer.

 

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco oo ah ninka uu khilaafku ka dhexeeyo Maayarka, ayaa isna u sheegay Haatuf in Maayarka Burco uu keligii sameeyay liisto 147-qof ah oo uu siiyay dhismayaashaa bacadlaha, kuwaas oo uu xusay in 12-qof oo ka mid ahi ay ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda hoose, qaarna ay yihiin masuuliyiin kale oo aan ka mid ahayn dadkii loogu tala-galay dhismayaashaa bacadlaha.

Xoghayuhu wuxuu intaa ku daray inuu isagu shakhsiyan diiday tallaabadaas, waxaanan u sheegay Maayarka ayuu yidhi in ay taasi nabad-gelyo-darro keenayso. Hase yeeshee, wuxuu xusay inuu maayarku ku adkaystay in dadkaas laga qabto cashuurta guryahaa oo dhan qofkiiba 200,000 oo Somaliand Shillin ah.

 

“Maayarku Khamiistii ayuu qoraal soo saaray uu aniga saxeexa igaga joojinayo, Jimcihiina wuxuu bilaabay cashuur ururintii oo uu ku qaadayay dhismayaashaa dhexdooda.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco, waxaanu intaa ku daray in markaa kadib uu arrinku gaadhay Badhasaabka, isla markaana uu amray in guddiga nabadgelyada gobolku uu ka fadhiisto arrintaas. Sidaa aawadeed, ayuu yidhi hawshii qaybinta ee uu Maayarku waday, waxa joojiyay Guddiga Nabadgelyada oo la wareegay Taladii dhismayaashaa bacadleh ilaa amar dambe.

 

Xoghayuhu, waxa kale oo uu sheegay in khilaafka Maamul ee u dhexeeya isaga iyo Maayarku uu gaadhay ilaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ayna ka war sugayaan sida loo maareeyo.

 

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Daawaynta Cudurada Maskaxda

 

Si qofka looga daweeyo cudurada maskaxda waxaa mararka qaar la isticmaalaa qaab loo yaqaan (Behavior Therapy).

 

Qaabkan daawaynta ee Behavior Therapy, waxaa la adeegsanayaa qaab wax laga beddelayo ama lagula tabinayo inuu qofku wax ka beddelo qaab-dhaqankiisa dabeecadeed.

Noocan daawaynta ah qofka buka waxaa laga caawiyaa sidii uu u baran lahaa hab-dhaqan leh qaab jawaabeed cusub oo uu qofku kaga jawaabo wixii la soo dersa oo ka duwan ficilladii iyo jawaabihii hore ee uu ka bixin jiray dhacdooyinka soo mara bukaanka maskaxda.

 

Qaabkan daaweynta cilmi-nafsiga ah ee la adeeganayo qaab aan bukaanka la siinayn daawo ee wax laga beddelayo dabeecaddiisa waa mid ay la socoto daraasad waxyaalaha uu qofkani dhibsado iyo waxyaalaha naftiisa raaligeliya oo mid waliba faa’iido u leedahay in la ogaado si qofka loo daweeyo.

Waddamada qaar waxaa jirta kooxo isku mushkilada oo sameysta kulano u gaara oo ay ku xaliyaan mushkiladaha salka u ah xannuunadooda maskaxda sida cabitaanka ka kooban alkoolka ama isbiirtada ee u yeeshay marka dambe baahi xoog badan oo ayna naftoodu ka maarmi karin arrintan oo marka dambe ku dambaysa in qofku uu noqdo qayru-caadi.

 

Waxaa iyaguna qaabka daaweynta looga helay kooxaha fikir iyo afkaarta is-weydaarsada si ay ugu baxaan ama xal ugu helaan mushkilad maskaxeed oo la soo dersay. Waxaa iyana ka mid ah waalidka iyo carruuraha ay la soo deristay furiinka ama qoys burburka.

 

Waxaa iyana la mid ah qoysaska uu la soo derso keli ahaantu sida mid ka mid ah walaidka aabaha iyo hooyada oo mid dhinto ka kalena ku soo hadho keli ahaan iyo mushkiladda.

Inta badan kooxaha isku mushkilada ah marka ay samaystaan kulan waxay isku kordhiyaan wacyigelin, faham iyo talo ah in uu qofku iska ilaaliyo wixii ay u arkaan inay dhibaato ku tahay qofka laf-ahaantiisa ama dhib u leh dadka kale.

 

Qaabkan kulan-kooxeedka waxaa dhici karta in qofku uu helo fursad uu qofku ku soo bandhigo dhibaatada haysata isaga oo la jooga dad uu og yahay inay iskaga mid ka yihiin aragtiada dhibaatadan, taas oo keenta in bukaanku nafiso, taas oo qofka u keeni karta inuu dawo ka helo xaaladdaas oo maskaxdiisu si is-daba jooga ugu soo noqoto ama ugu soo durugto dhinaca xaaladda caadiga ah ee maskaxeed.

Qaabkani wuxuu leeyahay faa’iido kale oo ah inuu keeno is-dhexgal dadeed oo dhaliya bulshanimo.

Waqtigan casriga waxaa jira qaab kale oo ah marka uu xubin qoyska ahi sida aabaha ama hooyadu ay u tagto dhakhtar waxa ay dhakhaatiirta isticmaalaan inay u yeedhaan xubinta kale ee qoyska. Daaweyntan waxaa loo yaqaan “Family Therapy”.

 

Haddii qofka la daaweynayaa uu ilmo yahay wxaa lala daweynayaa walidkii.

Qaabkani wuxuu faa’iido badan ku keenay isaga oo qoyska oo dhami ka wada qaybqaadanayo caawinta qofka ka midka ah ee ay la soo deristay xannuun maskaxeed ama isbeddel ka dhigaya qofka “Abnormal”.

Waqtiyada hore dunida waxaa laga isticmaali jiray xarumo waaweyn oo lagu hayo dadka uu hayo xannuunka maskaxdu, xarumahaas oo laga dhisi jiray dhul aad uga fog maaalooyinka oo miyi ku yaala, iyada oo bukaankii laga soo fogeeyay qoyskiisii iyo asxaabtiisii, arrintaasi waxay keeni jirtay inta badan inay uga sii darto xaaladdii caafimaad ee qofka la geeyay xaruntaa caafimaad.

 

Arrintani waxay keentay in bukaanku uu baahdo sidii uu dib ugula qabsan lahaa noloshii bulsho ee uu mudada ka maqnaa.

Arrinta waxay waddamada qaar u sameeyaan xarumo lagu caawiyo bukaankii hore ee cudurada maskaxda si ay ula qabsadaan bulshada. Xarumahani waxa kale oo ay tabobaro u furaan Booliska, macallimiinta si ay uga hortagaan waxyaalaha keena xannuunka maskaxda.

 

Xarumahan waxa kale oo loo isticmaalay inay noqdaan meel ay daawada ka qaadan karaan bukaan-socodka xannuunka maskaxda, taas oo uu qofka bukaanka ahi daawada qaadanayo isaga oo aan ka tegayn iskuulka, shaqada iyo qoyskiisii midna, xarumahaasi waxa kale oo ay bixiyaan tabobaro ku saabsan sida loo xalliyo mushkiladaha iyo muranka ka yimaada qofka u buka xannuunka maskaxda.

 

Waxaa kale oo tabobarka ka mid ah sida loola taliyo bukaanada ku dhaqaaqi kara is-dil, del-delaad iyo sida loola taliyo ardayda uu xannuunkani ku abuuro fikir ah inay kaga tagaan waxbarashada.

 

Florence Nightingale: Haweenay Door-Biday In Ay Cusbitaalada Ka Shaqayso

 

Florence Nightingale, waxay ka dhalatay qoys ladan oo hodan ah, lehna hanti badan dhismayaal badan.

Florence waalidkeeda oo Ingiriis ahaa waxay filayeen in maalin maalmaha ka mid ah ay guursan doonto noqona doonto hooyo qoys. Laakiin Florence iyada waxa maskaxdeeda ku jiray fikir ka duwan ka waalidkeeda markii ay da’deedu gaadhay 25-jir ayay waalidkeed u bandhigtay inay doonayso inay noqoto kal-kaaliso caafimaad (Nurse), sannadkii 1845-kii, arrintaas oo fajac iyo layaab ku noqotay Florence waalidkeed, waayo xilligaas kal-kaalisada caafimada hawsheedu ulamay muuqan mid nadiifa oo u qalanta inan ka dhalatay qoys ladan sida Florence oo kale, laakiin Florence kamay hadhin fikirkii ay ku doonaysay inay ku noqoto kal-kaaliso caafimaad waxayna booqatay sannadihii xigay isbitaalo badan, sannadkii 1854 ayay Florence baratay shaqada kal-kaaliso caafimaad (Nurse).

 

Florence Nightingale waxay abaabushay 38 kal-kaaliso si ay u caawiyaan dadkii wax ku noqday dagaalkii (Crimean war). Hawshaas oo ay magac weyn ku heshay, sumcadna u soo jiiday, taas oo la xidhiidhay intii ay noolayd oo dhan.

 

Afkaarteedii iyo shaqadeedii waxaa loo arkay inay yihiin qaar u adeegaya daryeelka isbitaalada. Florence Nightingale waxay ku heshay fikirkeedii ahaa inay noqoto kal-kaaliso caafimaad in sannadkii 1907 uu dalkeeda Boqortooyada Ingiriisku ka dhigo haweenaydii ugu horraysay ee la siiyo abaal-gudka loo yaqaan “Coveted British Order of Merti”

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Isir Dib Loogu Wadaagi Maayo Dalkii Soomaaliya

 

 

Marka la eego aragtida Caalamka waxa Soomaaliya loo yaqaan labadii dal ee ay kala gumaysan jireen labadii mustacmaradood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu,kuwaas oo kala ahaa Somaliland iyo Somaliya.

 

Hase yeeshee ereyga Somali waa haybta qoomiyadda ku hadasha afka somaliga ee ku dhaqan degaamada kala duwan ee mandaqadda bariga afrika iyo meelkasta oo dunida ka mid ahba.

Qoomiyadda af-somaliga ku hadasha ee ku filiqsanayd degaamada bariga afrika ayaa sida la ogyahay horaantii qarnigi 19aad waxa kala qaybsaday oo ay qoloba qayb qaadatay gumaystayaashii reer-yurub ,waxaana loo qaybiyey degaan Ingiriis, degaan Talyaani,degaan Faransiis,  degaan Kenya iyo degaan Itoobiya .

 

Haseyeeshee muddo ka dib ayey qoomiyadaha somalidu bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo xarakaad gobanimo-doon ah oo ay iskaga xoraynayaan gumaystayaashi qabsaday,waxaana xiligaa si weyn loogu jibaysnaa aragtidii somalilweyn , taas oo loo ololaynayey sidii la isugu keeni lahaa wixii la odhan jiray shanta Soomaaliyeed, laakiin sannadkii 1960-kii ayey ummadood ee ay kala gumaysan jireen labadii mustac-maradood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu xoriyadoodii qaateen, ka dib-na, iyadoo ay dadka lulayso jibadii Somali-weyn ayey si deg-deg ah markiiba u midoobeen, waxayna isku noqdeen Jamhuuriyadii la magac baxday Somaliya,balse waxay dadlkaasi taa kala kulmeen rar culus, waayo qoomiyadihii somalida ahaa ee ku noolaa meelaha kale ayaa ku soo ururay dalkii somaliya ee ay ku midoobeen labada qolo ee keliyi, balse taasi waxay keentay arbush iyo inay dadkii somalida ahaa ee isu soo ururay colaad inoo geliyaa dalalkii aynu jaarka ahayn sida:Itoobiya oo kale,waxayna dadka reer-Somaliland midowgii iyo isirkii somaliyeed ee ay baadi doonayeen kala kulmeen dulmi, dhibaato badan iyo cidhib-tir, iyadoo ay cidda waxaa u geysatay ahayd dadkii isirka somaliyeed sheeganayey, sidaa awgeed waxay taasi dadka reer-Somaliland ku khasabtay inay iska xoreeyaan midowgii isirka somaliyeed, waxaana halgankii dulmigaa la iskaga xoraynayey hormood ka ahaa oo dadka iyo dalkaba u kacay halyeeyadii SNM, halgankaasi waxa uu socdaba aakhirkii wuu guulaystay, taas oo sannadkii 1991-kii magaalada Burco lagaga dhawaaqay inay Somaliland tahay Jamhuuriyad madax-banaan, laakiin markii ay burburtay Jamhuuriyadii Somaliyeed dhinicii kale ee uu Talyaanigu gumaysan jiray (Somaliya) uma ay suurta gelin inay iskood u samaystaan dawlad ay leeyihiin, waxayna hadda  muddo 11 sannadood ah ku jireen qalalaase iyo xaalad dawlad la’an aha, taana waxa ugu wacan iyaga oo dhexda ku martay wixii ama isir somaliyeed la odhan jiray ama dadkii isir isirka somaliyeed ku abtirsan jirayoo dhan sida : Somalida Itoobiya , Somalida Kenya, Somalida Jabuuti iyo Somaliland dadkaas oo ah dadkii ama wixii laga xoroobay, waqtigan xaadirka ahna dawlado ay dani ugu jirto midnimada dalkii Jamhuuriyadda soomaaliyeed la odhan jiray ayaa doonaya inay magaalada Nayroobi ku qabtaan shir, iyaga oo ku baaqaya inay somalida oo dhami meel-kasta ha joogtee shirkaa ka soo qay gasho, laakiin kuwa sidaa lihi waxa ya bal-marsan yihiin tubtii daawo loogu heli lahaa mushkiladda hadda ka taagan dalka somaliya ,waayo waxay dusha iska saarayaan dad kala duwan oo keliya uu ka dhexeeyo isirka qoomiyad Somaliyeed, taas oo ay dalka arbusheen dad la xusul-duuban wax isir Somaliyeed la yidhaahdo.

 

Haseyeeshee waxaan kula talinayaa dadka ku nool degaamada Dalka somaliya inay keligood gooni isugu baxaan oo ay aayahooda ka tashadaan, dhistaana dawlad ay leeyihiin .

Hadii ay sidaa yeelaana oo ay gooni u tashadaana waxa meesha ka baxaya dadkii isirka somaliyeed ugu soo gabanyey ee meelaha kale uga yimi ee walaaqayey.

 

Ugu dambayn dadka reer-Somaliland waxaan xusuusinayaa oo leeyahay yaan isir somaliyeed mar dambe la idiinku soo dhuuman, waayo waxay taasi idin dhaxal-siin dooontaa dhibaato iyo halag aydaan mar dambe ka soo kaban karin.  Sidaa awgeed waxaan leeyahay mar I dage alla ha dago, ma r labaad-se yaan laydin dagin.

Sidoo kale dadka reer-koonfureed ama reer-somaliyana waxaan leeyahay walaalayaal Illaahay mooyee cid-na uma baahnidine dantiina ku heshiiya oo dawlad samaysta, iskagana hadha magaca isir-somaliyeed ee ay dhexda ku marateen.

 

Ta kale haddii la doonayo in isir-somaliyeed lagu midoobo waa inay cid-waliba badka keento waxa ay doonayso inay dadka ama isirka-somaliyeed wax kula wadaagto haddii ay somalida Itoobiya tahay , haddii ay Somalida Kenya tahay, haddii ay Somalida Jabuuti tahay iyo haddii tahay cidii kale ee Somali ah ee isir-somaliyeed  doonayso, laakiin haddii kale waa arin sida dayaxa u cad inaan mar dambe bilaash loogu midoobayn isir-somaliyeed oo la isku khaldo . Sidaa awgeed waa in la ogaado inaan dib isir-somaliyeed loogu wadaagayn Jamhuuriyaddii dalkii Somaliya la isku odhan jiray oo keliya ee hore uga koobnaa labadii ummadood ama dal ee ay kala gumaysan jireen mustac-maradihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Maxmed Axmed Cabdi--Hargaysa

 

Hala Suuliyo Musuqmaasuqa

Waxaan rabaa inaan fikraddayda ka dhiibto xaaladda dalka ka jirta, waxaa muddo aan dheerayn jirta inaynu isku qancino dawlad baynu nahay. Waddanse wuxuu wax ku noqdaa marka la suuliyo waxna laga qabto musuq-maasuqa, iyada oo la xoojinayo lana hawlgelinayo laamaha caddaaladda. Tan iyo markii aynu qaadanay gobonimada waxa dalka ku sii faafayay musuqmaasuqa iyo garsoor aan caddaalad lahayn, taas oo marba marka kadambaysa sii kordhaysa dalkoo dhanna wada gaadhay.

 

Marka laga yimaado dawladda dhexe waxa iyaguna jira dawladaha hoose oo uu aad ugu badan yahay musuqmaasuqu, had iyo jeerna dadku ay hor tuban yihiin, iyagoo caddaalad-darro kala kulma madaxda dawladaha hoose, kuwaas oo garab siiya ciddii caddaalad-darro wadda. Waxaad moodaa in shaqadii danta guud la iloobay dhammaana lagu hawlan yahay dano gaar ah iyo musuqmaasuq. Sidaa darteed waxaan kula dardaarmaynaa madaxweynaha iyo golayaashaba in si deg-deg ah wax looga qabto caddaalad-darrada ku baahday gobollada dalka oo dhan. Ahmiyad gaar ahna la siiyo sidii tallaabo sharci ah looga qaadi lahaa cid kasta oo ku hawlan musuqmaasuq iyo caddaalad-darro, sidaasuu dalku ku gaadhi karaa horumar, lagagana faa’iidaysan karaa maskaxda caadimaadka qabta iyo aqoonyahanadaba.

Xasan Cige Nuur, Hargeysa

 

Buraan-Bur

Ilaahii I uuntiyo Nebigii udgoonow,

Al-baqriyo watiinay,

Alif iyo ba’diiyay,

Aayadda Ilaahay ee la aqoonsan yahayeey,

Addimadaa I daaloo indhahaa I ooyee,

Iga qabo addoomada igu haysta aqallada,

Subxaan Rabika waa maatidii cune,

Maantay u daran tahay,

Madaxbaa I soo diray

Dhulka meel ka soo eeg

Murankana ku soo oog

Maalkana ka soo gunud

Maragyaasha ii keen

Ana madaxda waaxdiyo

Waxaan ahay madhaafaan

Maxkamadda qaadana anigaa ka mas’uuloo

Ka mildhaabi maysaan

Oo meeshaba waxaan u joogaa

Waa habar miciinliyo

Maatida cidlada taal

Inaan calaf ka doonee

Waxba ha is madoobayn

Habartii miciin lina waxay maanta leedahay

Ana waxaan miciinsaday

Macbuudkii I uuntiyo

Nebigii udgoonaa

mid kale waxaan idhi

madaxdii dalkaay miyaad maqantihiin

miyaydaan arkayn murankaa dhiciyo miciyaha la sido

guurtida ka huruda

wasiirada ka gaabsaday

golihii wakiilada iyo garyaqaanadii maye

madaxweynaha waa maalintii la miciinsan jiray

magacaaga guud iyo waa garashada.

Faadumo Xirsi Faarax (Ina-Xirsi Dawri 80-jir).

 

WAADIGA CIYAARAHA

Senegal Waxay Raad Ku

Reebtay Taariikhda Ciyaaraha Koobka Adduunka

 

Isreebreebkii koobka Kubadda Cagta ee Adduunka ayaa ka furmay caasimada Kuuriyada Koofureed ee Seoul, waxaana isla markiiba dhacey arin la filanwaa ah.

 

Senegal oo aan waligeed u soo bixin ciyaaraha kama-dambeysta ah ee Koobka Adduunka ayaa gool kaga hormartay Farasiiska oo haysata koobka Aduunka, kadib markii uu kulankii ugu horeeyey ee ciyaarta uu dhexmaray labadan kooxood. Ciyaartiina waxay ku dhammaatay, iyadoo gool iyo eber lagaga adkaaday Faransiiska oo ahaa kooxdii haysatay koobka adduunka.

Ka hor ciyaarta Senegal iyo France, ayaa waxaa lagu furay ciyaaraha kubadda Cagta ee Adduunka munaasabad balaadhan  oo isugu jirta mahrajaano, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, music iyo damaashaadyo kale, iyadoo labada calan ee labada dal ee Japan iyo Kuuriyada Koofureed ee wada martigeliyay ciyaaraha kubadda cagta ee Adduunka ee sanadkankan lagu soo bandhigay Istaadiyoomka.
Hase yeeshe, madaxa xidhiidhka Kubadda Cagta ee Aduunka, Sepp Blatter oo weli ay u socoto dacwado la xidhiidha eedeymo musuqmaasuq, ayaa dadku aad ugu oriyeen markii uu bilaabey khudbadii uu ugu talo galey munaasabadda.

 

Ciyaaraha ayaa waxaa lagu kala qaban doonaa in ka badan labaatan garoon oo ku kala yaala meelo badan oo ka tirsan dalalka Japan iyo Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo intooda badan ay yihiin garoomo casri ah oo aan iyagoo kale aan hore loo arag.

 

Jarmalka Oo Ku Tuntay Sucuudiga

Ciyaarihii Shalay Ee Koobka Adduunka 2002

Cameroun iyo Jamhuuriyadda Ireland

 

Kooxdii labaad ee ka socota qaaradda Africa ee ka mida shanta kooxood ee qaaradda u matalaya ciyaaraha adduunka ee Cameroun, ayaa shalay la ciyaartay xulka Jamhuuriyadda Ireland.

Ciyaartani, waxay ahayd tii ugu horaysay ee Group E, ee ka dhacda dalka Japan oo Korea ay si wadajir ah u martigalinayaan ciyaaraha adduunka.

 

Hase yeeshee, Natiijadii ciyaartaasi may noqon mid farxad gelisay kooxda Cameroun, sidii ay Senegal ugu faraxday guushii ay gaadhay, kadib markii ay guuldaro lama filaan ah huwisay kooxdii haysatay koobka adduunka ee France.

 

Isla markii ciyaartu bilaabatay, waxay kooxda Cameroun muujisay awoodeedeeda ciyaareed iyo farsamo, taasoo u suuragalisay in daqiiqadii 39-aad ay gool ka dhaliyaan Ireland.

kubad uu soo dhigay Eto, ayaa waxaa dhamaystiray oo shabaqa ku hubsaday Patrick Mboma.
qaybtii hore ee ciyaartana Waxaa lagu kala nastay 1-0 ay Cameroun ciyaarta ku hogaaminaysay.
hase yeeshee qaybtii dambe ee ciyaarta waxaa la isugu soo laabtay Cameroun oo aan hilmaamin hogaanka ay u haysay ciyaarta iyo Ireland oo ka murugaysan goolka lagu leeyahay, isla markaana doonaysay inay muujiso inay yihiin koox jirta Roy Keane la'aantii.

Nasiib wanaag kooxda Ireland, markii ay farsamadooda ciyaareed wax ka bedeleen ayay u suura-gashay in ay daqiiqadii 52-aad gool barbardhac ah ka dhaliyaan Cameroun.

Matt Holland, ayaa kubad uu si qaldan madaxa ugu soo saaray difaaca Cameroun si xarago leh ugu hubsaday shabaqa Cameroun.

 

Weerar iyo weerar celis kadib, waxay ciyaartu ku soo gabagabowday 1-1.

Barbardhacaasi, wuxuu uga dhignaa kooxda Ireland guul, maadaama oo uu tababarahu hore uga eryay kabtankoodii Roy Keane intii aanay ciyaaraha adduunku bilaaban. Cameroun-se, waxay filayeen guul.

Dhinaca kale Guushii Senegal ee ciyaartii furitaanka koobka adduunka oo ay 1-0 kaga badisay horyaalka koobka adduunka ee France, ayaa noqotay mid looga dabaaldegay meelo badan oo dunida ka mid ah, sida;
Caasimadda Dakar ee Senegal. Madaxweyne Abdulay Wade, ayaa hogaaminayay dabaaldegyada guushaasi, waxaana dalkaa lagaga dhawaaqay maalin nasasho, oo la fasaxay shaqaalaha iyo ardayda si dalka oo dhan looga xuso guusha Senegal.

Denmark iyo Uruguay

Hadii aanu u soo laabano ciyaaraha kale ee shalay, waxaa ka mid ahaa ciyaartii labaad ee Group A.
taas oo ay iskaga horyimaadeen labada kooxood ee France iyo Senegal ku wehliya Group-ka ee kala ah Denmark iyo Uruguay.

 

Isla markii ay ciyaartu bilaabatayba, waxaa ciyaarta qabsaday kooxda Danmark, waxaanay goolkoodii koowaad dhaliyeen wax yar ka hor intii aan qaybta hore ee ciyaartu dhamaan.

Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad ee ay laba daqiiqo socotay ciyaartu ayuu Dario Rodrigue uu kooxda Uruguay u dhaliyay goolka barbar-dhaca.

Hase yeeshee, ciyaarta oo ay ka dhiman tahay wax ka yar toban daqiiqo, ayaa Denmark ay mar kale hoggaanka qabatay, oo gool labaad uu u saxeexay Jon Dahl Tomasson oo kii horena dhaliyay.

Ciyaartaasina, waxay ku dhamaatay 2-1 ay Denmark ku adkaatay.

Group A, Senegal iyo Denmark, waxay leeyihiin min sadex dhibcood, halka France iyo Uruguay aanay wax dhibco ah lahayn.

 

Ciyaaraha ugu soo horeeya ee Group A, waxay dhacayaan maalinta Khamiista ah oo bisha June ay lix tahay. Maalintaas, waxay Faransiisku la ciyaarayaan Uruguay, waxayna ciyaartu bilaabanaysaa 2:30 duhurnimo ee saacadda Hargeysa.

 

Halka Denmark ay la ciyaarayso Senegal isla maalintaasi, waxayna ciyaartaasi bilaabanaysaa saacadda Africada bari marka ay tahay 9:30 subaxnimo.

Germany iyo Sacuudiga

Ciyaartii sadexaad waxay shalay dhexmartay Germany iyo S Arabia, oo ka tirsan Group E. Ciyaartaas oo ku bilaabmatay dardar xoog leh, oo weerarka Germany ay ku qaadayaan goolka Sacuudiga, ayaa labaatan daqiiqo markii ay ciyaartu socotay, waxaa Miroslav Klose uu goolkii koowaad u saxeexay Germany, shan daqiiqo kadibna Miroslav waxaa soo jiitay shabaga Sucuudiga, oo goolkii labaad u saxeexay.

 

Michael Ballack iyo Carsten Jancker, ayaa goolkii sadexaad iyo kii afaraad ka kala dhaliyay Sacuudiga ka hor intii aanay dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta oo 4-0 uu Jarmalku ku hogaaminayo.

 

Haddaba, markii qaybtii labaad ee ciyaarta la isugu soo laabtay, ayaa waxaa dhacay, arrin aan ka dhicin ciyaaraha adduunka ilaa 1950-kii.

Jalmalku, wuxuu aad u quudhsaday oo ugu tuntay Sucuudiga oo uu u xambaariyay sideed gool, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 8-0, oo ah rikoodhkii ugu sareeyay ee koox lagaga badiyo tan iyo 1950 markii Ururguay ay 8-0 kaga badisay Bolivia.

Sadex ka mid ah goolasha sideedda ah ee laga badiyay, waxaa dhaliyay Miroslav Klose.