|
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland Mudane: Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa shalay soo saaray wareegto uu dalka kaga mam-nuucayo idaacadaha gaarka ah, taas oo uu wareegtadiisa ku cadeeyey inaan dalka la keeni karin idaacad gaar loo leeyahay,isla markaana aan hawada Somaliland laga baahan karin idaacad aan Raadyow Hargaysa ahayn, wuxuuna wareegtadiisa ku amray in wixii idaacado gaar ah ama qalab idaacadeed ah ee dalka gudihiisa ku sugan lagu soo wareejiyo gacanta dawladda.
Wareegtada wasiirka warfaafintu waxay, iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:
“Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland: Markuu arkay: inay jiraan codsiyo lagu dal-banayo ogolaanshaha idaacado gaar ah.
Markuu eegay: dastuurka JSL, lana tashaday xeel-dheerayaasha sharciga dalka.
Markuu ogaaday: Xeerki saxaafadda dalku inuu weli ku laalan yahay golayaasha xeer-dejinta.
Isaga oo garaw-saday: Halista ka iman karta ogolaanshaha idaacado gaar ah haddii aan loo hayn sharci lagu maamulo.
Waxa uu go’aamiyey laga bilaabo taariikhda wareegtada ilaa iyo inta laga helayo shuruucdii lagu maamuli lahaa:
1. In aan dalka la keenk karin idaacado gaar ah.
2. In aan hawada laga baahan karin cod ka baxsan Raadyow Hargaysa oo ah codka Qaranka .
3. In wixii idaacado ama qalab la xidhiiidha ah ee ku sugan dalka gudihiisa lagu soo wareejiyo gacanta wasaaradda warfaafinta.
4. Cidkasta oo ka hor timaada wareegtadan waxa la hor-geyn doonaa sharciga dalka”. Ayuu wasiirku ku soo xidhay wareegtadiisa.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane: Ducaale wareegtadiisa kuma cadayn sababta waqtigan xaadirka ah keentay in amar adag oo lagu mam-nuucayo laga soo saaro keenista iyo isticmaalka idaacadaha gaarka ah, sidoo kalena marka la eego saddarka qoddobka saddexaad ee wareegtadiisa waxa uu ku sheegay in wixii idaacad ama qalab idaacadeed ah ee dalka yaal lagu soo wareejiyo gaacanta dawladda, taas oo Inkasta oo aanu si cad u beyaamin, haddana u muuqata inuu wasiirku og-yahay idaacad ama qalab idaacadeed oo dalka gudihiisa ku sugan, sidaa daraadeed-na uu la hadlayo cid idaacad ama qalab idaacadeed dalka keensatay oo uu og-yahay. Haseyeeshee Inkasta oo aanu wasiirku wareegtadiisa ku cadayn jiritaanka idaacadaa, haddana waxay u egtahay inay wareegtada wasiirku la xidhiidho idaacad dalka la keenay oo dhawrkii toddobaad ee ina dhaafay ay hadal-haynteeda si weyn ugu badnayd suuqyada magaalada Hargaysa, idaacadaas oo sida ay wararku sheegeen magaalada Hargaysa la keenay horaantii bishii May ee ina dhaaftay waxay sheekada idaacadaasi maalmihii u dambeeyey noqotay mawduuc weyn oo yeeshay xadhig-jiidad dhinacyo badan saameeyey, waxaana idaacadaa iyo soo if-baxeeda ka dhashay doodo iyo dareemo Siyaasadeed, taas oo aad la isu waydiinayey su’aalo ay ka mid yihiin: jiritaanka idaacadaa, cidda leh, sharciyadda dalka lagu soo geliyey iyo su’aalo kale.
Idaacadaa oo sida la sheegay ah Raadyow-Telefishin ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay lahaansheheeda, laakiin waxa keenisteeda iyo gacan ku haynta idaacadaa si gaar ah ugu suntan nin la yidhaahdo Mustafe Yuusuf Ismaaciil, islamarkaana idaacadaa muddo habeen ilaa laba habeen ah ayaa si tijaabo ah baahinteeda hawada loo geliyey.
Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Somaliland Xuseen-dheere oo uu wargayska Haatuf wax ka waydiiyey sharciyadda idaacadaa ayaa cadeeyey in idaacadaa laga diiwaan-geliyey xafiiska xeer-ilaalinta guud, laakiin waxa uu sheegay inuu dalabka diiwaan-gelinta idaacadaasi uga yimi dhinaca wasaaradda warfaafinta, ka dibna uu xafiiska xeer-ilaalintu isaga oo ka duulaya codsiga wasaaradda warfaafinta uu diiwaan-geliyey.
“Haa idaacadaasi way naga diiwaan-gashan tahay” ayuu yidhi xeer-ilaaliyuhu, laakiin waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “ Haddii ay wasaaradda warfaafintu noo soo gudbiso inaanu wargays ama idaacad diiwaan-gelino waanu diiwaan-gelinaa, anaga oo ka duulayna distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed 5-tii May 2002, ayey wasaaradda warfaafintu noo soo gudbisay qoraal ay nagu waydiisanayso inaanu diiwaan-gelino idaacadaa, anaguna waxaanu diiwaan-gelinay 11-kii May 2002”.
Sida ay sheegeen wararka idaacadaa la xidhiidhaa waxa markii u horaysay idaacadaa dalka la soo geliyey dhawrkii maal-mood ee u horeeyay bishii ee ina dhaaftay, taas oo la sheegay inay ahayd labadii ilaa saddexdii May. Sidaa awgeed marka la isu eego xiliga ay idaacaddu dalka soo gashay iyo xiliga la diiwaan-geliyey waxay u muuqataa inay ugu horayn idaacadaasi dalka soo gashay, iyadoo aan wax ruqsad ah haysan, laakiin goor dambe laga shaqeeyey diiwaan-gelinteeeda . Haseyeeshee waxay hadda u muuqataa inay wasaaradda warfaafintu ka noqotay ruqsaddii ay markii hore u dalabtay ama siisay, iyadoo aanay wasaaraddu wax tafaasiil ah ka bixin sababta ay markii horena Xeer-ilaalinta uga dal-batay inay idaacadaa diiwaan-geliso, haddana ay uga noqotay, waxayse sheekadu u egtahay “qalad marjuuc”, taas oo macneheedu yahay inuu jiro qalad la qabtay cidkastaaba ha ku lug lahaatee.
Markii ugu horaysay ee ay sheekada idaacaddani xoogaysatay oo ahayd ilaa toddobaadkii hore waxay doodda ugu weyni ahayd muran iyo is-hayn aan aad loo fahamsanayn cidda muranku ka dhexeeyo iyo gunta muranku waxa uu yahay, taas oo ay dadku aad ugu jaho wareereen cidda idaacadda keentay iyo cidda iska leh mulkigeeda leh, laakiin waxay doodda iyo hadal-haynta idaacadaasi si weyn u soo shaac baxday, ka dib markii uu Mustafe Yuusuf Ismaaciil oo ah ninka loo tirinayo keenista idaacadaa cidkastaaba lahaansheheeda ha ku wehelisee uu Bastoolad ku weeraray Mr: Matt Bryden oo ay dhalashadiisu tahay Kenediyan ahna sarkaal sare oo ka tirsan Akaademiyadda Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda Somaliland oo ay xarunteedu tahay magaaladaHargaysa.
Dhacdadaa weerarka ah oo ka dhacday xarunta Akaademiyadda waxay ahayd arbacadii toddobaadkii hore, waxayna sababtay in Mustafe xabsiga loo taxaabo, laakiin ay dad ay ka mid yihiin xubno baarlamaanka ah iyo saraakiil kale oo dawladda ah ayaa Mustafe la saftay, sababayna in markiiba damaanad xabsiga lagaga sii daayo, taasina waxay keentay in si weyn loo dareemo xamaasad laba dhinac ah oo u muuqata cid Mustafe la safan iyo cid Akaademiyadda la dhinac ah, waxayna sheekadu gaadhay ilaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenakaba.
Mustafe Yuusuf Ismaaciil waxa uu hore u ahaa shaqaale ka tirsan Akaademiyadda Cilmi-baadhista iyo horumarinta nabadda, laakiin 8 maal-mood ka hor maalinta uu weerarka geystay ayaa shaqada laga eryey, iyadoo ay masuuliyiinta Akaademiyaddu erigiisa ku sababeeyen inuu Ninkaasi ka soo bixi-waayey shaqadii ay hayaddu uga baahnayd d, isla markaana uu ku talaabsaday falal meel ka dhac ku ah adeegyada iyo sumcadda Akaademiyadda.
Sidaa darteed markii ay sheekadu halkaa maraysay waxa suuqa soo gashay sheeko odhaysa muranka idaacadaasi waxa uu u dhexeeyaa Mustafe Yuusuf Ismaaciil iyo Akaademiyadda, laakiin Maamulayaasha Akaademiyaddu, waxay si adag ugu andacoodeen inaanay haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn idaacadaa, isla markaana aanay waxba ka ogayn meesha ay idaacadaasi ka timi iyo cidda leh toona, waxayna sababta uu Mustafe ula dagaalamay ku tilmaameen inay tahay keliya shaqada ay ka fadhiisiyeen oo ahayd talaabo ay xaq ugu lahaayeen, maadaama bay yidhaahdeen uu ka soo bixi-waayey hawshiisii,isla markaana ay erigiisa awood u leeyihiin.
Maamulayaasha Akaademiyaddu waxay sheekada idaacadaa ee lagu xidhiidhinayo ku tilmaameen borobagaande ay dad wadaan, waxayna xiisadda arintaa ka dhalatay si weyn ugu eedeeyeen mudanayaal baarlamaanka ka tirsan, laakiin aanay magacyadooda carrabka ku dhufan, wuxuuna agaasimaha guud ee Akaademiyadda Dr: Xuseen Cabdilaahi Bul-xan warsaxaafadeed uu shalay soo saaray ku yidhi “Iyadoo ay rag dan leh oo xil-dhibaano u badani suuqa geliyeen dacaayad aan sal iyo raad lahayn oo Akaademiyadda Cilmi-baaadhista iyo horumarinta nabadda lagu xidhiidhinayo idaacad FM ah oo lahaanshaheeda iyo qaabka dalka lagu soo geliyey mad-madow badani ka muuqdo, daacayadaas oo food saaro looga dhiganayo nin Mustafe Yuusuf Ismaaciil la yidhaahdo oo Akaademiyadda ka shaqayn jirey , balse laga eryey 21-kii May 2002, ka dibna fal-dembiyeedyo naga galay , hantina kala maqan hayadda.
Anaga oo ah Akaademiyadda nabadda iyo horumarka waxa aanu halkan ku cadaynaynaa inaanaan wax lug ah ku lahayn Idaacadaa lagu sheegayo FM-ta sida ay ku hadaaqayaan kuwa idaaacaddan sheeganayaa, laakiin waxaanu si aanu mugdi ku jirin halkan ugu cadaynaynaa inaanaan hore, iminka iyo mar dambe toona af iyo qoraal midna aanaan ku sheegan idaacadaa. Haddii aanu Akaademiyadda nahayna marna nalooma aanayn karo idaacaddan FM-ta lagu sheegayo, waxayna u taal cidda la timid ee sheeganaysa. Sidaa ayaanuna rasmi ahaan ugu ogaysiinaynaa dawlad iyo dadweynaba, wixii Idaacadaa naloogula soo gal-gashaana waa gar-daro aan geed loogu soo gabban” ayey masuuliyinta Akaademiyaddu ku soo afjareen warsaxaafadeedkooda.
Mustafe Yuusuf Ismaaciil waxa sabtidii toddobaadkan la horgeeyey maxkamad, iyadoo lagu eedaynayo falkii weerarka hubaysan ahaa ee uu kula kacay Mr: Matt, laakiin sida uu qoray wargayska codka shacabka waxa uu Mustafe sheegtay inuu yahay diblomaasi, wuxuuna hadda damaanad ku joogaa suuqa, iyadoo uu wargayska Haatuf marar dhowr ah isku deyey inuu xidhiidh la sameeyo si wax looga waydiiyo arimahan, laakiin way suurta geli wayday.
“Waxa kala badan tirada dadka iyo wax-soo-saarka biyaha”Maareeyaha Wakaaladda
“Biyaha oo beero lagu waraabiyo iyo dayac-tir la’aan ayaa ka mid ah sababaha biyo-yaraanta keenay”Sarkaal Wakaaladda Biyaha ah
Hargaysa (Haatuf): Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa Cumar Maxamed Xandule (Cumar-boobe) oo ay weriyayaal wargayska Haatuf ka tirsani shalay kula kulmeen xafiiskiisa ayaa jawaabo ka bixiyay sababaha biyo yaraanta magaalada Hargaysa oo ay weriyayaashu wax ka waydiiyeen, wuxuuna Cumar tilmaamay inay sababaha ka mid yihiin qalabka wax soo saarka biyaha oo aad u itaal dareeyey iyo wax soo saarka biyaha iyo tirada dadka oo kala badan iyo weiliba sababo kale.
Sidoo kale waxa aanu sababaha biyo yaraant Hargaysa kala sheekaysanay sarkaal sare oo ka tirsan hawl-wadeenada wakaaladda biyaha Hargaysa , isla markaana ah nin aqoon u leh hawlaha biyaha.
Sida la ogyahay waxa mudooyinkan dambe magaalad Hargaysa soo waajahday biyo yaraan isa soo taraysa , taas oo ay dadku si weyn u dareemeen, isla markaana ay marar badan daweynuhu ka qayliyeen, saxaafaduna ay aad uga hadashay, iyadoo aad had iyo goor arkayso dadka safaf dhaadheeer ugu jira qasabadaha biyaha laga dhaansado ee magaalada dhexdeeda, halka xaafadaha qaarkoodna dhawr caano maal biyoba laga waayo.
Masuuliyiinta sar-sare ee wakaaladda biyaha Hargaysa marka wax laga waydiiyo sababaha biyo yaraanta waxay inta badan tilmaamaan inay dhibaatadu tahay qalabka wax soo saarka biyaha, gaar ahaan mishiinada oo itaal dareeyey sidaa darteed ay badhna fadhiyaan, qaarkoodna ay u baahan yihiin dayac-tir, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee biyo yaraanta keentay. Hase yeeshee waxa jira sababo kuwaa ka duwan oo loo aanaynayo biyo-yaraanta magaalada.
Wararka qaarkood waxay farta ku fiiqaan inay wakaaladda biyaha gudaheeda ka jirto maamul-xumo iyo musuq-maasuq dhinaca dhaqaalaha ah, taasina ay keentay inaan dakhliga ay wakaaladdu loogu faa’iidaysan sida haboon, taas oo la leeyahay waxa loo baahnaa in dhaqaalaha ay wakaaladdu soo saarto lagaga shaqeeyo horumarinta biyaha iyo dayac-tirka qalabka wax soo saarka biyaha.
Waxa kale oo ay wararku intaa ku darayaan in beryahan dambe biyaha ceelasha Geed-deeble jid-gooyo loo galo oo lagu waraabiyo beero, taasina ay biyihii ay magaaladu u baahnayd meel kake u weecisay, ayna taasi tahay mid ka mid ah sababaha keenay biyo yaraanta mudooyinkan dambe aad loo dareemay.
Waxa kale oo iyana mudooyinkan dambe la isla dhexmarayey warar sheegay inuu jiro hindise qarsoon oo la damacsan yahay in wakaaladda biyaha laga dhigo hayad ama shirkad gaar loo leeyahay, taas oo uu qorshaha la damacsan yahay in wakaaladda lagu wareejiyo niman ganacsato ah, sidaa darteed ay jirto istaraatijiyad cadaadis lagu saarayo dareenka dadka iyo dawladaba si loogu bislaado in la aqbalo qorshaha ah in wakaaladda biyaha Hargaysa lagu wareejiyo dad gaar ah.
Cabdi Warsame Cali oo ah sarkaalka farsamada wakaaladda biyaha Hargaysa, kana mid ah dadka u dhuun-daloola xaaladaha iyo duruufaha biyaha ayuu wargayska Haatuf kala sheekaystay sababaha uu u arko inay ugu wacan tahay biyo yaraanta Hargaysa, wuxuuna Cabdi farta ku fiiqay sababo ka duwan,kuwa uu maareeyuhu tilmaamay, laakiin Cabdi ugu horayn isaga oo ka waramaya sida uu u shaqeeyo habka biyo soo saarka Hargaysa waxa uu yidhi “ Biyo soo saarka Hargaysa wuxuu cel-celis ahaan maalintii shaqeeyaa 17 saacadood , wuxuuna intaa biyo soo saarkeedu noqonayaa 5000—5700 mitirkiyuubic oo biyo ah, halkii mitirkiyuubic-na waxa uu la mid yahay 5 foosto oo biyo ah, ta kale ceelasha Geed-deeble waxa shaqeeya 4 bam iyo 4 bam oo biyo shiinaha ah , waxaana saacadiiba looga baahan yahay 100 mitirkiyuubic oo biyo ah , laakiin midhka meesha jiraa waxa weeye ,iyadoo aan la hubin waxa ay sidaan hawo iyo biyo waxa uu yahay”.
Cabdi waxa kale oo uu yidhi “ waxa kale oo jirta inaanay qalabka wax soo saarka biyuhu haysan wax dayac-tir ah, iyadoo mishiinada biyaha iyo qalabka kale ee wax soo saarka biyaha loogu talo galay in lixdii bilood-ba hal mar la dayac-tiro”, wuxuuna Cabdi intaa ku daray inuu mishiinada biyaha xataa suququl ku yahay shidaalku oo aanay mararka qaarkoood helin shidaalkii ay u bahnaayeen, isaga oo Cabdi tilmaamay inay iyana jirto maamul-xumo dhinaca dhaqsaalaha ah, taas oo uu farta ku fiiqay inaan xataa la ogayn faa’iido iyo khasaare waxa ka soo baxa biyaha maalintii la iibsho, taas oo buu yidhi loo baahnaa in maalinkasta la ogaado dakhliga ka soo baxa biyaha la iibshay.
Waxa kale oo uu sheegay inay jirto in biyaha ceelasha loo leexiyo oo lagu waraabiyo beero, wuxuuna isag oo arintaa ka hadlaya yidhi “Maayarkii Maxamed Xaashi xiligiisii wuu mam-nuucay in biyaha ceelasha lagu waraabiyo beero, balse iminka waxa bilaabatay inay shaqaalaha ceelashu biyaha ceelasha beero ku waraabsadaan, iyadoo ay shaqaalaha ceelasha tiradoodu tahay 72 qof , kuwaas oo u mid waliba doonayo inuu beer waraabsado , taasina waxay hoos u dhac u keentay biyihii Hargaysa iman lahaa , waana biyo yaraanta keentay, iyadoo lagu jiro xiligii gu’ga oo aanu mudooyinkii hore dhimi jirnnay saacadaha shaqada marka ay biyuhu bataan darteed”. Waxa kale oo uu Cabdi intaa ku daray in qalabka dayac-tirku aanu Hargaysa oolin, ka dibna marka loo baahdo laga doono Dubai, Imaaraadka, taasina ay keento in la sugo muddo oo uu dib u dhac yimaado.
“Waxa kale oo loo baahnaa in dadka aqoonta u leh biyaha la shaqaaleeyo ama lala tashado, laakiin waxaad moodaa inay wakaaladdu neceb tahay dadka aqoonta u leh biyaha “ ayuu yidhi Cabdi, wuxuuna hadalkiisa ku soo gunaanaday oo uu yidhi “Caqabadahaa ayaa keenay in gu’ga badhtankiisii oo ay awel hore biyuhu jebin jireen berkedaha kaydka in biyo laga waayo magaalada, iyadoo arimahaa wax laga qabto mooyee xal loo heli maayo mushkiladda”.
Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa Cumar Boobe oo isna dhiniciisa sharax ka bixinaya sababaha ugu wacan dhibaatada biyo yaraanta waxa uu ugu horayn tilmaamay inay sababaha ka mid tahay tirada dadka Hargaysa ku nool iyo wax soo saarka biyaha oo kala badan,isaga oo dhinaca kalena sheegay dhibaatada itaal darada ee mishiinada biyaha soo saaara oo ay intooda badani hadda hawl-gab noqdeen.
“14 ceel baa jira waxa shaqeeya 8 ceel, inta kale ma shaqayso“ ayuu yidhi Cumar Boobe, wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “ Waxa kale oo jirta inay wakaaladda deyn badani kaga maqan tahay dhinaca dawladda , tusaale ahaan dawladda hoose waxaanu ku leenahay 206 Milyan oo shllin Somaliland ah. Waxa kale oo anu wax badan ku weynaa farqiga sarifka doolarka iyo shillin Somaliland-ka “.
Cumar Boobe mar la waydiiyey bal waxa ka jira beeraha la sheegay in loo leexiyo oo lagu waraabiyo biyaha ay ceelashu soo saaraan, waxa uu ku jawaabay “ Taasi waa wax an jirin oo dadka maskaxda lagaga xadayo, laakiin ma doonayo inaad hadalkayga qaadataan ee waa inaad soo aragtaan idinku”.
Cumar Boobe waxa kale oo uu beeniyey wararka sheegaya in la damac-san yahay in wakaaladda lagu wareejiyo dad gaar ah, wuxuuna yidhi “Anigu mabda’ ahaan waxaan qabaa in hayadaha ay dawladdu wadi karto ay waddo oo aan barayfit laga dhigin sida: biyaha iyo laydhka , waxaase jirtay in shir hore loogu qabtay Huteel-maansoor ay hayad la yidhaahdo HYDRO CONSEIL ay soo bandhigtay in biyaha laga dhigo Barayfit sababtoo ah bay yidhaahdeen waxa la siinayaa caawimooyin, laakiin anagu waanu diid-nay in biyaha laga dhigo Barayfit, balse iminkaba qayb Barayfit ahi way jirtaa waayo 507 oo kaalmood oo laga dhaansado ayaa dadku gacanta ku hayaan”. Laakiin Inkasta oo uu Cumar Boobe beeniyey in wakaalaadda biyaha gacanta llo gelinayo dad gaar ah, haddana waxay wararka qaarkoood sheegayaan inay arintaasi jirto oo ay xataa la horgeeyey Golaha wasiirada.
Sidoo kale waxa uu Cabdi-na sheegay, isla markaana ay Madaxda kale ee wakaaladda biyuhu hore u sheegeen in sababaha biyo yaraanta keenay ay ka mid tahay biyaha oo ay dadku u isticmaalaan si aan haboonayn oo xadi-dhaaf ah.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay War Uu Daabacay Wargeyska Haatuf
Hargeysa (Haatuf): Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay jawaab kulul ka bixiyay war uu wargayska Haatuf daabacay cadadkiisii soo baxay salaasadii doraad oo ku saabsan adeegyada dhinaca nabadgelyada ee Ciidanka Booliska, taas oo uu Wargaysku bogiisa hore ku qoray laba maqaal oo si gaar ah uga hadlaya arimo la xidhiidha booliska, wuxuuna labadaa maqaal mid-kood ahaa Badheedhaha wargayska oo ka faalloonayey dhaliilo la xidhiidha adeegyada dhinaca ammaanka ee Ciidanka booliska oo uu wargaysku xusay in hoos u dhac ku yimi iyo maqaalad kale oo ahayd war ku saabsan rabshado gacan ka hadal ah oo dhexmaray laba xaafadood, taas oo uu iyana wargaysku xusay inaanu boolisku uga soo hawl-gelin sidii loo baahnaa inay nabadgelyo ahaan wax uga qabtaan.
Hase yeeshee war-saxaafadeed uu taliska Boolisku ka soo saaray wararkaa uu wargaysku daabacay waxa uu ku sheegay inay wararkaasi ahaayeen dhaleecayn aan raad lahayn.
War-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa taliye-xigeenka Ciidanka booliska Siciid Ismaaciil Injineer waxa uu isaga oo faah-faahsan u qorna sidan:
“Iyada oo aanu tixraacayno labadii maqaal ee ku saabsanaa Ciidanka Booliska Somaliland, kuna soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii shalay (4/6/2002), waxaanu madaxda iyo dadweynaha reer somaliland u caddeynaynaa in labadaas maqaal ay xambaarsanaayeen warar xaqiiqda aad uga fog oo nuxurkoodu ka kooban yahay dhaleecayn aan raad lahayn iyo shakhsi-weerar lagu ceebaynayo hoggaanka ciidanka booliska.
Inkastoo ay waajib tahy in la qaato wixii dhaliil ama toosin ah ee ku yimaadda sida Boolisku u hawl-galo oo ay tahay in markiiba wax laga qabto, balse waxa isweydiin leh; waa maxay arrrimaha loo cuskaday dhaliilaha loo soo jeediyay ciidanka iyo hoggaanka booliska.
Run ahaantii labada maqaal ee isku marka ku soo wada baxay bogga hore ee Wargeysku, waxay ku salaysnaayeen arrin qudha oo ku saabsan laba qoys oo wada deggan xaafadda Axmed Dhagax, halkaas oo arrin gacan ka hadal ahi ku dhexmartay tiraba laba jeer oo ta u horeysay dhacday 25/3/2002, ta labaadna ahayd 2/6/2002, waxaan jirtay in markii falkii u horeeyay uu dhacay in ciidanka booliska ee saldhigga Axmed Dhagax ay soo qabteen labadii dhinac, isla markaana u gudbiyeen Maxkamadda.
Sidoo kale markii haddana dagaal dhexmaray isla labadii reer oo hadda laga joogo saddex maalmood, waxa Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen 10-qof oo labada dhinac ka soo kala jeedda, baadhistiina Booliska ayaa gacanta ku haya, iyada oo wixii ka soo baxa sharciga la marin doono.
Waxase nasiib-darro ah in Wargeysku aanu waxba ka sheegin, siduu booliska arrintan wax uga qabtay, waxaanu waajibku ahaa in wax lanaga weydiiyo ee aan arrinta laga dhigin sallaan loo koro dhaleeceynta Booliska iyo hoggaankiisa, horena waxa loo yidhi: “Gaalka dhil, gartiisana sii.”
Midda kale, waxa jirtay in qaar ka mid ah hoggaanada Ciidanka bedelo lagu sameeyay muddo laba bilood ka hor, taas oo lagu dardar gelinayay hawl-galada ciidanka iyo dhismihiisa oo muddadaas gaaban dhexdeeda la dhammaystiray, waxaana taasi dhalisay in la joogteeyo hawl-galada Booliska oo dhan, siiba kuwa magaalooyinka. Waxa kale oo la habeeyay diiwaan-gelinta ee iyo nidaamka Personal-ka ciidanka, intii ka dhinayd, iyada oo laga bilaabo horaantii bishii May ay hoggaanada qaybaha, saldhigyada iyo fadhiyada Ciidanka Boolisku ay heegan buuxa ku jiraan, xubnaha taliska guud ee Ciidankuna ku sugan yihiin taliskooda, si ay u gutaan waajibkooda.
Haddaba labada maqaal ee aanu kor ku soo sheegnay, wax tilmaan aha haba yaraatee kama bixin horumarkaas muddooyinkan dambe la gaadhay, balse waxay labada maqaal soo xigteen dhaliilo ay soo jeediyeen rag Booliska ka tirsannaa oo wadi kari waayay hawlihii Ciidan ee loo igmaday, waxanay ahayd in raggaasi ay xuska ka soo baxaan oo ay magacyadooda si geesinimo leh dadweynaha ugu soo bandhigaan, waayo markaas ay dhaliishooda noqon lahayd mid loo garaabi karo, halka ay ku meeraysanayaan Baabuurka Taliyaha iyo Saadka Ciidanka.
Shaki kuma jiro in waxyaabo badan oo hawsha u fududayn lahaa ay ka maqan yihiin Ciidanka Booliska Somaliland, haddana iyada oo miisaaniyadda Ciidanku ku salaysan tahay ku tala-galkii la sameeyay sannadihii tegay, durruufo dhaqaale awgeed, ayaa haddana waxaanu ku dedaalnaa inuu kordho waxqabadka Ciidanka oo ka hawl-gala, dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.
Sidaas darteed, waxa haboon in Wargeysyadu ay illaaliyaan isku dheeli-tirka iyo sugnaanta wararka ay faafinayaan, lagana fogaado shakhsi nacaybka ama shakhsi jacaylka.
Ugu dambeyn waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in Taliska Guud ee Booliska Somaliland, diyaar u yahay inuu wax ka qabto wixii tabasho ay noo soo gudbiyaan, dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa in ay si ula shaqeeyaan Booliskooda.”
“Maraykanku, Somaliland Kuma Dirqiyin Shirka Nayroobi”
Wasiirka Warfaafinta
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka wasaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inaanay dawladda Maraykanku marna xukuumadda Somaliland ku dirqiyin inay ka qayb gasho shirka Nayroobi, wuxuuna Wasiirka warfaafintu sidaa ku shaagay warsaxaafadeed uu xalay fiidkii na soo gaadhsiiyey.
Wasiirku waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu daba socdo war uu kowdii bishan daabacay wargayska Afka Ingiriisiga ku soo baxa ee The Somaliland Times, isaga oo wargaysku soo xigtay Mr: Glenn Warrant oo ah ninka safaaraadda Nayroobi ee Maraykanka u qaabilsan arimaha Siyaasadda.
“ Xukuumadda Maraykanku si toos ah iyo si dad-ban toon marna uguma aj-burin, kamana codsan, kumana dirqiyin inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb gasho shirka laalan ee dibu heshiisiinta Somaliya, iyadoo aanay Somalialnd ilaa intiiay la soo noqotay madax banaanideeda hore uga qayb gelin shirarka lagu heshiisiinayo Somaliya, sidaa darteed ma jirto sabab ay Somaliland uga qayb gashaa shirkaa ” ayuu wasiirku ku yidhi war-saxaafadeedkiisaa, wuxuuna intaa ku daray “ wargayska afka Ingiriisiga ku soo baxa ee The Somaliland Times ee madax banaan ayaa cadadkiisii 2oaad ee 1/6/02 waxa uu qoray in Mr: Glenn Warrant oo ah u qaybsanaha arimaha Siyaasadda ee Somaliya iyo Somaliland ee Nayroobi oo dhawaan booqasho rasmi ah ku yimi JSL, isaga oo ay weheliyeen laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha guddiga u qaabilsan arimaha debedda Senat-ka Maraykanaka, in uu Mr” Glenn si is daba jooga ah isugu deyey inuu ku qanciyomasuliyiinta Somaliland sidii ay Somaliland uga qayb geli lahayd wada hadalada Naroobi “.
Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu yidhi “ Hadalka uu wargaysku qoray waxba kama jiraan, sal iyo raad toona maleh, weftigaa iyo Xukuumadda Somaliland-na waxay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka Somalialnd iyo Maraykanka, islamarkaana dawladda maraykanku way la socotaa xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxanay Xukuumadda Somaliland u aragtaa Mr: Glenn nin masuul ah oo aad ugu dedaalo sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, qiimo weyna ka mudan Somaliland” ayuu wasiirku ku soo af-jaray warsaxaafadeedkiisa.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Dhowr Oo Dhibaatada Ka Ilaali Degaanka Dabiiciga Ah
Xuska 5 June, 2002 ee Degaanka Adduunka
Guntiga ayuu gaabsaday, wuxuuna garaacayay geed u baxay si dabiiciya, si uu u gooyo. Ficilkan waxaa samaynayay nin ka mid ah, dadka dhirta jara ee gubba iyada iyo ciida, halka ay ku gubbayaanba.
Runtii ninka hawshaa ku mashquulsanaa may jirin baqdin ka muuqatay iyo cabsi ka haysay in lagu qabsado falka dhir-gumaadka ah ee ka mid ah, ficilo badan oo markii ay is biirsadeen u beddelay deegaanka bilic iyo faa’iidaba u lahaa dad iyo duunyab, gegooyin bannaan oo ah lama-degaan aan dhir iyo astaan nololeed oo kale midna lahayn.
Geedka uu ninkaasi jarayay iyo geedaha kale ee ku ag yaalay, waxaa mid walba ku marnaa baco tiro badan oo dad u isticmaaleen weel ahaan, laakiin markii ay dantoodii ka dhamaysteen iska tuuray.
Labadan dhacdo ee aynu xusnay, waa kuwa ugu fudud falalka waxyeelada deegaan keena ee ay dadkeenu sida fudud u fuliyaan. Haddaba, maanta oo kale 5 June, waxay dunidu u aqoonsan tahay maalinta deegaanka addduunka oo dhamman Qaaradaha Adduunka laga qaban-qaabiyo Barnaamijyo ka hadlaya, sidii ay dadku u ilaashan lahaayeen deegaanka ay ku nool yihiin. Iyadoo lagu xusayo maanta Hargeysa iyo Somaliland-ba, maalinta 5 June oo ay barnaamijyo isku dhafan soo agaasintay Wasaaradda Horumarinta Daaqa iyo Deegaanku, waxaa dhici doonta hawl lagu dhiraynayo Jaamacadda Hargeysa iyo xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland.
Ugu yaraan wuxuu xuskan maantu ku tallaabsanayaa dhir beerida, taas oo tusaale u ah in loo baahan yahay in dhir la beero ee aanu deegaankeenu u baahneyn in dhir la jaro, lana gubo.
Xuska maanta ee maalinta Deegaanka Adduunka, waxaa hadalo ka jeedin doona ka hadlaya hawlaha Daryeelka Deegaanka Adduunka, Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Golaha Dawladda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Daaqa iyo Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka magaalada Hargeysa iyo Masuuliyiin ka Madaxa hay’adaha Qaramada Midoobay xafiisyadooda oo hay’adda mutadawiciinta Qaramada Midoobay UNV, Hay’adda UNDP.
Hawada, Biyaha iyo Dhulka oo waskhoobaa, waxay keentaa halis soo waajahda dadka ku nool deegaakaas, sida tii ka dhacday London, sannadkii 1952-kii oo uu qiiq summeeyay hawadii London, taas oo sababtay in ay ku dhintaan in ka badan 4,000 oo qof. Arrintani waxay ku timid, hawadii ay dadku neefsanayeen ee deegaankooda oo isu rogtay qiiq sunna oo keenay halis caafimaad oo sahayatay tiradaa aynu xusnay ee dadkaa ku dhintay, aafadaa dhibaato deegaan ee sannadkii 1952-kii ka dhacday London.
Inkasta oo uu barnaamijka lagu xusayo maalinta deegaanka ee 5 June, 2002 uu yahay tusaale fiican oo waxtar leh, haddana si looga midho dhaliyo hawlaha lagu daryeelayo deegaanka, waxaa loo baahan yahay hawl-gal ballaadhan oo Joogto ah oo loogu adeegayo danta guud ee ilaalinta deegaankeena, si looga gaashaanto waxyeelo soo gaadha qaybaha muhiimka u ah nolosha dadka iyo noolaha kale, taas oo ah “Dhowr oo dhibaatada ka ilaali Deegaanka Dabiiciga ah.”
Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee
Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray
Q: 3aad _____Siciid I Guraase
Iyadoo ay xaaladdu sidaa tahay, xiisadduna ay cirka isku sii shareertay, ayaa gigta iyo gariir meel fog ka dhacaya la maqlay, kaas oo si tartiib ah u soo dhawaanayay.
Wuxuu ahaa habeen Salaasa ah, dadka badankoodana waxaa ku jirtay feejignaan, maadaama la sii hayay warka ku saabsan in Burco la galay, magaaladana bandoo lagu soo rogay.
Sidii caaddada maalmahaasi ahayd, casar dheer ayaa la hoyday oo digaagga laga hor seexday baqdin darteed, dadku wadnaha ayay farta ku hayeen “Allahayow maxay noqon.”
Goor ay saqdii dhexe tahay ayuu gariirku isu yeedhay, kaas oo markii hore jihada galbeed u badnaa, balse markii dambe magaalada oo dhan ku baahay, kadib markii ay rasaasta yaryar, madaafiicda, gantaalaha cirka iyo kuwa dhulkaba ay isla dayaameen.
Fir-ka-naxii dadku jiif iyo joogba way xamili waayeen, markii waagu dilaacay ayaa la arkay qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM oo ku dhawaaqaya “Allaahu Akbar,” iyagoo calankii SNM-na sare u taagaya, taas oo ahayd astaamta lagu garanayay. Guul Allaa la wada yidhi, mashxaradda iyo sacabka ayaa lala booday. Waa dad soo gubtoo jabay, gacal kala xidhnaa, ummad xabsi guri ku jirtay, indho isku basaasay, wajiyo isku haraadanaa ayaa is helay. Qureecda iyo shaaha ayaa lala yaacay, waxayse ugu darnayd markay dadka qaar ka mid ahi ay cunto u geeyeen Ciidamadii faqashta, iyagoo moodayay kuwii SNM, sidaana ay dad badani ku dhinteen.
Isla markiiba waxaa bilaabantay Madaafiicda iyo gantaalaha aan loo meel dayayn oo ay Ciidamadii dawladii Siyaad Barre ay magaalada koone kasta kaga soo ridayeen. Waxaa loo qaybsamay laba qaybood, dadka qaar markiiba magaalada ka baxay iyo qaar soo yara hadhay, balse ay kolba ini baxaysay.
Col-u-joog waxa uu ka mid ahaa dadkii markiiba baxay, isaga oo kaxeeyay qoyskoodii si ay uga nabad-galaan gantaalaha iyo madaafiicda afarta jiho u dhacaysa. Isaga iyo qoyskooduna, waxay ka mid ahaayeen dadkii u qaxay jihada Waqooyi, gaar ahaana agagaarka Geed-deeble. Sida dadka intooda badan ku dhacday reerkoodu wax allaab ah oo badan gurigooda kamay qaadan, iyadoo la aaminsanaa inuu dagaalku maalmo yar qaadanayo.
Geed yar bay waabteen oo ay hoos galeen, biyo iyo baadtoona may sidan, balse dhinaca biyaha waa laga ladnaa maadaama ay geed-deeble tahay, halka ay biyaha Hargeysaba ka yimaadaan. Halkaa waxa isugu tegay kumanaan kun oo qof oo iyaguna magaalada ka soo qaxay, waxaa intaa dheeraa oo ay Geed-deeble ahayd halka la geeyo dhaawaca Mujaahidiintii SNM, kuwaas oo isugu jiray qaar sahlan iyo qaar halis ahba. Daryeel fiican iyo daawo-toona looma hayn, ama way ku yarayd.
Roobka iyo Raxmada Illaahay, ayaa arlada maanshaysay, taas oo ka qayb-qaadatay fududaynta dhibaatadii biyo yaraanta ee dadka haysatay. dhinaca kalena, dhibaato ayay ka lahayd, maadaama aanay jirin guryo dadku ay gallaan, dhirta hoosteeda iyo bacadkana la wadhnaa.
Waxaa laga werwerayay, maxaa la cunaa iyo maxaa la cabaa, qofkii wax uu afka geliyo helaa, isagaa u sitay, cabsiduna waa ina daanweyne, iyadoo gurxanka iyo gariirka dagaalka ka socda magaalada la maqlayay, guryihii iyo wixii alaab dhextaalay ee laga yimid ishii aragtaaba burur. Alla miyaynu wax ka soo qaadano, ayuu calaacalku noqday.
Dadka intii ku hadhay magaalada gudaheeda ayaan war loo hayn geeri iyo nolol mid ay muteen, balse noloshooda rajo lagama qabin, maadaama la maqlayay gariirka ka baxaya magaalada, “haddaynu ka soo baxnay ayeynu buro sidnaa.”
Burkaba bahal ayaa ka filayay hadday intaa uun ku egtahay, waa caano kula degge, mar kaliya ayaa lagu war helay gurxanka iyo sanqadha diyaarado duulimaad ah, intii biyaha iyo wax dhuunta la mariyo loo carcararayeyna danbay ahayd. Ilayn waxaa ugu daran diyaarad aan ka baqayn in la toogto oo inta ay beerka dhulka iyo geedaha dushooda soo saarto ku faaruqinaysa sun iyo saanad waxay sido. Gurxanka iyo sawaxanka maatida iyo dhaawaca geedaha hoostooda wadhan, ayaa isku baxaya ee inta guryahoodii laga soo saaray, cidladana lagaga daba yimid, sidii uu Hadraawi yidhi”
“Halkan geesi baa yaal
halkan gaari baa wadhan
Halkan waxa ku gawracan
Guurtidii xulka ahayd
Gadh cas iyo raq baa wadhan
Gaadiidku waa naxash
Gadh-hayeenku waa mawd
Ku dareeryay geelii”
Talo way cadaatay, dhan loo kacaana ma jirto, haddii halkaa la joogo lagu badbaado maalintii oo dhan gurxanka iyo gariirka ayaa isku baxayay. Marka ay habeenkii gaadhana, tolow caawa ma la nabadgeli ayuu werwerku ahaa. “Habeenyow dheeri waad i dhibtee, dharaartuna iima kaa dhaantee,” ayaa Col-u-joog halhays u noqotay, dadku sidii ay u kala haleelleen ayay u kala horeeyeen, iyadoo ay ka fursan wayday in loo hayaamo xagaa iyo xeryaha Qaxotiga Itoobiya laga sameeyay, balse waxaa ka sokaysay sida Jidka lagu dhaafayo, maadaama ay Ciidamadii Faqashtu dhan kasta ku gadaanaayeen, dadkuna ay isugu jireen Maati, Carruur iyo Waayeel jilicsan oo markooda horeba dirqi ku socda..
La soco……………..
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Talo Ku Waajahan Doorashooyinka Xorta Ah Ee Dalka
Qoraalkan waxa aan ku sharaxayaa fikradda aan ka qabo xisbiyada iyo xiliga cusub ee aynu u xamaam urursanayno.
Run ahaanta arinta ugu wey ee Reer-Somaliland maant hor taal waxa weeye u diyaar garawga nidaamka Axsaabta badan ee doorashooyinka xorta ah .
Hadaba anigu waxaan qabaa inay aad iyo aad u liidato waxa ka qabsoomay arinta diyaar garawga . Qofkasta oo muwaadin ahina qayb ayuu ku leeyahay dib u dhacaas , gaar ahaan masuuliyiinta kuwa ururada ku magacaaban, iyadoo ay ururada la sheegtaana ay yihiin magacyo oo keliya .
Waxa loo baahan yahay in muddo badan ka hor xiliga doorashooyinku dhacayaan ay abaabul-weyn xisbiyadu ka galaan sidii ay Shacbiga u kasban lahaayeen.
Waxba ma soo kordhinayso haddii aad goobwalba aqal ka kiraysato, xafiisyo badana aad furataan oo aad boodhadh ku dhejisaan, loomana baahna inaynu dhamaanteen ku jihaysnaano hawlo ay dad gaar ahi u xilsaaran yihiin oo keliya, balse inteena kale waa inaynu ku kala faylnaa hawlaha badan ee inoo yaal.
Waxa wanaagsan in Shacbi iyo masuuliyiin-ba ay aragtiyahooda soo bandhigaan oo ay doodaan, islamarkaana ay wax qoraan, oo la isku guubaabiyo in la is-abaabulo.
Aniga qof ahaan ma jiro urur ay fekradihiisu I qanciyeen oo aan is idhaahdo taageer ilaa hadda , waxaana filayaa inay ummadda inteeda badani ila mid tahay .
Inkasta oo uu inagu cusub yahay nidaamkani, haddana weli looma soo jeesan oo waxaabad moodaa inaanu inoo qabsoomayn haddii aynu sidan ku sii wadno, iyadoo aynu haysano muddo kooban.
Gebogebadii inta yar ee dadka soo bandhigta ra’yigooda waxaan leeyahay Inkasta oo ay shinbiriba codkeeda cido, haddana haku marin habaabina qof wax ka sheegid, siyaasado aan ku khusayn, dhaleecayn, amaan iyo sheekooyin rakhiis ah, laakiin waa inaad isu gud-bisaan aragtito wax ku ool ah oo bulshada iyo dalkaba waxtar uleh.
C/shukuur Cabdi Xirsi, Hargaysa
Wax Halaga Qabto Xaaladda Xafiiska Bisha Cas Ee Gobolka Awdal
Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland, Inj. Cali Jirde, waxaan dareensiinayaa in Xafiiska Bisha Cas ee Gobolka Awdal uu ka soo bixi waayay hawlihii loo igmaday. Waxa kaloon xusuusinayaa Guddoomiyaha in guud ahaan Bisha Cas ee dalka, dib-u-habayn lagu sameeyay 1995-kii markii loo arkay in ay hay’adda lafteedu baaba’day, taas oo Injineer Cali Jirde uu markaa ku soo baxay in halkaa lagu doortay. Waxaase nasiib-darro dhacday in xafiiskii Gobolka Awdal uu sidii weli yahay.
Xafiiskani, wuxuu u samaysan yahay gargaarka degdegga ah, iwm. Laakiin, wuxuu noqday Xafiiska Bisha Cas ee gobolka Awdal, mid lagu fuliyo dana gaar ah iyo hawlo siyaasadeed oo inuu ka fogaado ay tahay, waajibkuna waxa uu yahay in masuul looga dhigo qof Dhakhtar ah oo Maamulka Caafimaad khibrad dheer u leh, si uu hore ugu mariyo tayada ururka iyo waxqabadkiisa, isla markaana aqoon macalinimo leh si dadweynaha Gobolka loogu baahiyo aqoonta waxqabadka ururka Bisha Cas, taas oo macnaheedu yahay in dadka la baro in ay ururkooda kor u qaadaan aqoon ahaan iyo iqtisaad ahaanba.
Waxase Cajiib ila noqotay in Guddoomiyaha Bisha Cas ee Gobolka Awdal ay ka codsadeen xubnaha xafiisku in uu isugu yeedho, si ay u doortaan Guddoomiye, si hore loogu mariyo waxqabadka ururka iyo muuqaalkiisa guud ahaaneed. Markuu Guddoomiyuhu helay warqaddaa codsiga ah, ayuu si degdeg ah u qaatay tallaabo ka dhan ah xeerka iyo qawaaniinta ururka ee adduunka. Taas oo uu quful weyn ku xidhay dhismihii ururka, xubnihiina uu xidhay qaarkood, intii uu is lahaa kursiga way kaa qaadi karaan, isagoo isticmaalay lacag iyo siyaasad. Waxaa ilaa maanta dadka reer Awdal la yaaban yihiin, waxa sababay in ninkii dembiyadaa galay, looga soo diray waraaq Nayroobi iyo Jineef sheegaysa in isaga lagu ogyahay ururka, shahaadadna loo soo diray, taas oo ka fog xeerka ururka Adduunka.
Sidaa darteed, waxa Guddoomiyaha urruka Bisha Cas ee Somaliland kula talinayaa inuu hoos u eego dhibaatada Bisha Cas ee Gobolka Awdal. Inj. Cali Jirde, waxaan kula talin lahaa inuu wax ka weydiiyo xaaladda Salaadiinta, Mutacallimiinta, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada iyo ururad bulshada ee kala duwan, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ururka uu masuulka ka yahay.
Colaad Dhoore Warsame, Hargeysa
BADWEYNTA FANKA IYO SUUGAANTA
Nimco Sharaf: Xidigta Codka Billan
“Hablaha Soomaaliyeed, Hidihii bay weli sitaan, Hablaha Soomaaliyeed, horey baa loo yiqiin, Heeladu waa heeladaydiiyeey, ka hadhi maayooy”
Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaanu barnaamij faneedka Haatuf, tilmaamo kooban kaga bixinay qayb ka mid ah taariikh-faneedkii Fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige, sidoo kale waxaanu akhristayaasha u ballanqaadnay fannaanadda codka baxsan ee Nimco Yaasiin Caraalle (Nimco-sharaf), waana tan:
Xidigta codka baxsan ee reer Sheekh, Nimco-sharaf, waxay ka mid tahay fannaaniinta hibada leh, codkoodana sida weyn looga jecelyahay dhammaan dhulweynaha Soomaalida ku abtirsada.
Nimco Yaasiin, Fanka umay gelin in ay ku shaqaysato, balse wuxuu u ahaa balwad ay xiisayso oo darreenkeeda ku abuurmay yaraanteedii, markii ay dhammaysatay waxbarashadii dhexe, waxay noqotay macalimad, kadib markii ay muddo laba sannadood ah baranaysay habka macallinimada.
Intii ay ku gudo-jirtay tababarkaa ayuu si weyn u soo shaac baxay dareenka fan jacaylka ah ee muddoba ku qarsoonaa maanka xidigta qotonka dheer ee reer Togdheer, isla wakhtigaas oo ahayd sannadkii 1976-kii, waxaa Fanka kula taliyay abwaano iyo fannaaniin, waxayna ka qayb gashay riwaayadeedii ugu horeysay oo ahayd riwaayadii ku caan baxday “ALIF LA KORDHEEBAY” oo uu lahaa abwaanka Siciid Saalax.
Nimco kumay sii negaan fanka oo waxay u go’day shaqada macallinimada, waxayna dib ugu laabatay magaalada Sheekh oo ay markii hore ka tagtay, halkaas oo ay shaqadii ka bilowday. Inkasta oo ay ka maagtay in ay si buuxda ugu biirto Fannaaniinta, haddana marna kamay qoob-qaadin fanka, waxayna muddo dheer gacanta ku haysay kooxda ubaxa degamada Sheekh ee Gobolka Togdheer.
Nimco-sharaf, waxay is-giijisaba ugu dambayntii waxaa soo legeday neecow dareen leh oo ay ku lamaantahay xumaddii fanka, taas oo keentay in ay dhexda u gasho badweynta fanka Soomaalida oo ay ilaa hadda kolba dhinac ugu dabaalanayso.
Riwaayadii labaad ee ay Nimco ka qayb-gashay waxay ahayd; “Isa seegga Jacaylka” oo uu sameeyay heesaaga caanka ah ee Maxamuud Saleebaan Tubeec.
Inkasta oo ay ahayd markii ugu horaysay ee ay u soo badheedhay Fanka, wejigeeduna dadka intiisa badan ku cusbaa, haddana waxay markiiba sidii cadceedda wada gaadhay dhulka Soomaalida oo ay ka noqotay Tuke baal cad.
Ka sokow, heesaha caanka noqday ee riwaayadaa ku jiray oo ay ku luuqaynaysay Nimco oo dad badan ku abuuray Kalgacal ay u qaadeen.
Nimco Yaasiin, waxa la odhan karaa waxa shacbiyad xad-dhaaf ah u soo hooyay codkeeda macaan iyo qaab-masrixiyeed,a Eebbe hibada u siiyay.
Riwaayadii “Isa Seegga jacaylka” oo noqotay mid aad looga daba-dhacay, gaar ahaan dadka dhallinyarada ah, ayaa keentay in la geeyo ama lag dhigo dhammaan Goboladii dalkii Soomaaliya ee burburay, taasina waxay caawisay Nimco-sharaf oo muddo yar ku soo caanbaxday. Mar la weydiiyay heesta ay ugu jeceshahay heesaheeda, waxay ku sheegtay heeska caanka ah ee “Ha burburinin wacadka” oo ka mid ahayd “Isa seegga jacaylka” oo uu sameeyay Maxamed Saleebaan Tubeec.
Fannaanniinta ay Nimco ilaa hadd la sheegtay, waxay ugu jeceshahay C/nuur Alaale.
Nimco intii ka horeysay sannadkii 1990 oo ay dalka debbeda uga baxday, waxay wax ka meteshay riwaayado badan oo ay ka mid yihiin; “Shan qarni iyo shii” oo uu iska lahaa abwaan Qaa-qaay, “Cilmi iyo Caado” oo markii hore ahayd Filim ay meteshay fannaannada Saynab X. Cali Baxsan, balse markii dambe ay la wareegtay Nimco oo meelo badan oo dalka ka mid ah ka soo dhigtay. Waxa kale oo riwaayadaheedii ka mid ahaa mid ay lahayd hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF.
Nimco Yaasiin Caraalle oo ka mid ah, koox fannaanniin ah oo dhawaan dalka ku soo laabtay, waxay ka mid tahay ilaa 30 fannaan oo ku nool magaalada London ee Cariga Ingiriiska, halkaas oo qaar ay ka mid tahay muddo dhawr iyo toban sannadood ah ku noolaayeen. Mar aanu wax ka weydiinay, duruufihi ay kala kulantay markii ay dhulkaa tagtay, waxay ku tilmaantay kuwo qalafsan, aadna uga duwan qaab-nololeedka Soomaalida. Nimco oo duruufahaa qaarkood tilmaamaysa, ayaa tidhi: “Durruufaha Fannaaniin ahaan noo gaarka ah, waxaa ka mid ah; anaga oo wada soconay oo ay dalkii dhibaato naga kaxaysay, ayaan haddana midna mid gaadhi karin, waayo, waanu kala fogaanay. Tusaale ahaan, mid wuxuu deggan yahay halkan (Hargeysa), ka kalena ilaa Burco meel u jirta ayuu ku nool yahay.”
Fannaanadda Nimco, waxay intaa ku dartay oo ay tidhi; “Caawa iyo Habeen dambe oo kale shaqo ayaanu leenahay, markaa waxaad la mid tahay qof safar gelaya oo kale.”
Heesaha ay had iyo jeer qaadaa, waa kuwo jacayl ah ama Waddani ah, mana jecla in ay ku luuqayso heeso ka baxsan labadaa nooc, sidaa darteed waxay noqotay xidig lagu calaamadsado heesaha jacaylka (Xubi), taasina waxay keentay in dad badan oo bahda Suugaanta ahi ku sifeeyaan Xidigta Jacaylka.
Nimco Yaasiin Caraalle (Nimco-sharaf), markii ay qurbaha degtay waxay halkii ka sii amba-qaaday heesihii, iyada oo heshay qalab casri ah iyo dhallinyaro da’ yar oo ku hortay heeso badan oo ay debbedaha ku alifeen, sidaa darteed waxay yeelatay Albamyo cusub oo badan, kuwaas oo siday sheegtay ay qaarkood dhawaan ku soo bandhigi doonto Masraxyada kala duwan ee magaalada Hargeysa.
La soco qayb kale oo ka mid ah Taariikh-fanneedka Xidigta Billan ee Nimco-sharaf….
Dabayl Caafimaad (Gabay )
Abwaan Jaamac Gaashaan-cadde
Qaybtii 2aad.
Waa tay da’dii kaa yarayd,
Qiiro dirireene.
Nin ku dagayba waatay rasaas,
Kaga dareersheene.
Waatay dadkii wada dhashiyo,
Derisba dhawreene.
Waatay degaankii shakiyey,
Googol u daad-sheene .
Waatay dib ula soo noqdeen,
Dawladnimadiiye .
Waatay kuwii duban ogaa,
Naga afduubeene.
Durba waxay abaareen docday.
Hore u dooxeene.
Durba waxay u kala qaybsadeen,
Labadi daamood.
Daan-daansi reer baa ka mudan,
Dawlad-nimadiiye.
In mashruuc dagaalkeedu yahay,
Dunida loo sheegye.
Derbiyada dhexyaal reerihii,
Daayin kuma joojin.
Dugsi maleh wixii aad lahayd,
Waa dastuur qorane .
Doorsoome qoonkaad ogayd ,
Daayina u maqane.
Hoygii agoon lagu dafiray,
Malaha daabaane.
Mar haduu dulmigu qooqo,
Daba libaax yeesho.
Mar haddii ay cadaaladi duday,
Laabto derinteeda .
Imtixaan digniinaa u iman,
Qoon dalaal badane.
Cirku waa da’aayoo haddana,
Dooggu waa dhicise.
Dixi iyo dareemiyola waa,
Daranti xoolaha’e.
Dhirtiidamasha waaweyn lahayd,
Hadhac la doonyeysto.
Dhirti hoyga looo doonan jiray,
Dediyo tiirkiisa.
Duuduu ku soo hoori jiray,
Roobka da’ayaa.
Dhirtii nolosha doorka u ahayd ,
Geesti loo dayaba.
Dab-liq ololinayaa guboon,
Daaya la lahayne.
Jinni kuma der-dero xeeladay,
Ugu digaafaane.
Daleeshiyo nabaad-guurka dhacay,
Daayin kuma joojin.
Dalawada irmaan waxaad ogayd,
Doobi loo culo’e.
Ooy laba nin daran-dooriyaan,
Dararta maandeeqe.
Duunyadii waxaa lagu lisaa,
Daasad iyo cage.
Dalandaliye baarqabi markuu ,
Doobta lalinaayo.
Ee doobka gaamuray sidii,
Danab u heesaayey.
Dunbuq lagu xergeeyaad ogayd ,
Geela doolka ahe.
Halo dumarku raacaa ka hadhay,
Dabr go’iisiiye.
Dadabtiyo xariirito ahayd,
Duushida kaydka .
Aqal daahyo waaweyn iyoma jiro ,
Laba daryaalihiye.
Waa duruus tusaale ah haddana,
Nooma daadegine.
Duulkii wanaaagsani dhakhsay,
Wax u dareemeene.
Markaasaa dib laysugu noqdsaa,
Meehsa doogta lehe.
Markaasaa allaw naga dul-qaad,
Lagu ducaystaaye.
Markaasaa dawada loo helaa,
Eel daboolaaye.
Iyagoon xaqiiqdaba ka deyin,
Meesha laga daaray.
Oo muran ku daan-daansan weli,
Daayin kuma joojin.
Dugsi ma leh wixii aad lahayd ,
Waa dastuur qorane.
Doorsoome qoonkaad ogeyd,
Daayina u maqane.
Hayeeshee rajadu dayro ma leh,
Duugga nololeede.
Darradii la joogaba waqtiga ,
Deeq allaa furane.
Waagii dilaacaba nasrigu,
Waa mid noo dihine .
Insha allee duruusaha xiligu,
Daaway noo noqone.
Insha allee dareenkii midnimo,
Dayrtan la arkeeye.
Dawladnimo xaq lagu daafacaa,
Doorkan noo dhalane.
Duco qabe alla yaqaan baa,
Daarta noo geliye.
Dar cadaalad nagu maamulaa,
Eebe noo diriye.
Ummadduna waxyaabaha ku dedan,
Way ka daahiriye.
Daruuraha na heegaynayaa,
Caano noo di’iye.
Dooxyada qalalay baa xareed,
Daadku mulucyeyne.
Dul ahaanba Somaliland,
Darafyadeedaa fog.
Iyo derisyadeedaa weliba ,
Nabad ku daanshooda.
Maatada didsanai waxay ku gami,
Debed warabaha’e.
Iyagoo damin loo yahay,
Dumarku laafyoono.
Dugaagii adhyaha cuni jiraa,
Daajinoo celinay.
Dunidaa illaah noo sakhiri,
Diir-cad iyo madowe.
Dekedaha iyo suuqyada xidhmuu,
Daayin noo furiye.
Iyagaa dalxiis noogu iman,
Daawashiyo faane .
Barakadii dacwoootaa mar kale,
Khayr la soo degiye,
Danbar subag leh baa noogu bi’in,
Ubadka diifaaye.
Darmaan curatay baa ugu fallaan,
Doodan iyo loole.
Dalkayagu ilaa yawma-diin ,
Waa ducaysana’e.
Insha allee dir iiman-sadoo,
Daacadaa u kiciye.
Dadkayagu waxay jecel yihiin,
Duulis iyo dhoofe.
Insha allee duleed kale ka naca ,
Ee deguu noqone.
Diintayda haayin iyo dayiin,
Daaci ugu baaqay.
Insha allee kuwii daaha nebi,
Nnurka kaga dayda .
Eee dariiqadiisii hantiya ,
Een la kala duufsan.
Digrigiyo waciidkiyo baryada ,
Loogu derejeeyo.
Dembi dhaaf Illaahay ku hela ,
Labada daaroodba .
Ee yawma-diin farxuu,
Daayin naga yeeli.
Illaah baa dabayl caafimaad ,
Nagu dambaysiine.
Illaahow dabayl caafimaad,
Nagu dambaysii.
Dhamaad
WAADIGA CIYAARAHA
Kulamada Tartanka Koobka Adduunka 2002 Ee Shalay
K. Kuuriya oo 2-0 kaga tallaabsatay Poland
S. Korea, Pusan (Reuters): Tababaraha xulka Koonfur Kuuriya Guus Hiddink, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay markii kooxdiisu 2-0 kaga adkaatay xulka dalka Poland.
Tababaruhu wuxuu sheegay in kooxda oo markii ugu horaysay tartanka u soo gudubtay muddo 15 sannadood ah in ay ku hawlan yihiin sidii ay ugu gudbi lahayd wareega 16 kooxood.
Koonfurta Kuuriya, waxa u hadhsan labada kooxood ee Portugal iyo United States oo ay ku wada jiraan Qaybta D.
Koonfurta Kuuriya waxaa ka dhammaaday abaar muddo 48 sannadoo ah haysay oo ay ka maydheen labadii gool ee ay kala dhaliyeen Hwang Sun Hong iyo Yoo Sang Chul.
Ciyaaryahanka Yoo, waxaa loogu codeeyay xidigii ciyaarta.
“Waa hal guul, waxa dadku hadda u baahan yihiin,” ayuu yidhi tababaraha Holland u dhashay.
Dhinaca kalena tababaraha xulka Poland Jerzy Engel, ayaa sheegay in kooxdiisu aanay si weyn ugu diyaar garoobin ad-adkanta Koonfurta Kuuriya, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Waanu ognahay in Kuuriya tahay mid aad u qalafsan, waxaanu kaloo ognahay in ay aad u habaysan tahay, waxaanan rumaysanahay in ay adag tahay in gurigeeda lagaga adkaado.”
Tababaruhu wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in ay u dhuumato koox sidaasi ah oo ay kulankii ugu horeeyay la cayaareen.
Tababare Engal, wuxuu sheegay in ay adag tahay xataa in ay kaalinta labaad ku bixi karaan, maadaama ay ku jiraan qayb aad u adag, “Hadda in aanu kaalinta labaad galaa way nagu adag tahay. Portugal waa kooxda ugu adag, lamana gorgortami karno iyada, waayo waxay ka mid tahay kooxaha ugu rajada fiican hanashada koobka adduunka,” ayuu ku daray tababaruhu.
Ciyaartoyga khadka dhexe ee Poland, Jacek oo isna ka hadlay awoodda kooxda Kuuriya, ayaa ku tilmaamay mid aad u adag oo fajicisay, wuxuu intaa ku daray in ay rubicii ugu horeeyay iska caabiyeen, balse intii ka dambaysay lala kacay, cayaartana lagaga gacan sareeyay.
“Kuuriya waa xoog badan tahay, waxaana caawiyay ciideeda iyo taageerayaasheeda oo nagaga khajilsiiyay siday u qaylinyeen,” ayuu yidhi Cayaartoyga Poland.
Jack wuxuu guul-darada ku habsatay ku macneeyay, mid ka dhalatay fursadihii ay heleen oo aanay ka faa’iidaysan, taasina ay keentay in Kuuriya ka faa’iidaysatay fursadaheedii, balse ay Poland iska lumisay kuweedii.
Ugu yaraan (55,000) oo taageerayaal ah, ayaa ka soo xaadiray garoonkii ciyaartu ka socotay, iyaga oo ku lebisan maryo cas-cas oo u eg kuwa kooxdoodu ku ciyaarto.
Tababaraha xulka Kuuriya, wuxuu caddeeyay inuu si weyn u filayo in ay kooxdiisu ka adkaanayso Xulka Maraykanka oo ay sidaa ugu soo bixi doonaan wareega 16-ka Waddan, “Waxaanu haysanaa shan maalmood oo aanu ku diyaargarawno, waana in aanu sida ugu dhakhsaha badan isugu diyaarino kulanka soo socda.” Sidaa waxa yidhi Guus Hiddink.
Kadib markii ay halgan adag wada-galeen ayay Japan iyo Belgium dhaliyeen afar gool oo midiba laba leedahay, labada kooxood oo ku wada-jira qaybta “H” waxay kuwada ciyaareen garoonka Saitama oo ay gudihiisa ku jireen (55,000) oo intooda badani xidhnay dhar buluug ah.
Japan iyo Belgium labaduba, waxy ku dedaalayeen in ay dhinacooda guushu raacdo, balse midna taasi uma suurto-gelin oo waxay ku kala baxeen barbaro 2-2 gool.
Marar badan ayay labada dhinac weeraro is-dhaafsadeen, hase yeeshee intoodii badnayd koox waliba way lumisay.
Xulka Japan, wuxuu fursadii ugu fiicnayd helay daqiiqadii 19aad ee ciyaarta, markii laad xor ah loo dhigay Kazuyuki Toda oo isna laad dheer ku dhuftay, kubaddiina birta dul mariyay.
Dhinaca Belgium, waxay iyana heleen fursado badan oo aanay uga faa’iidaysan sidii loo baahnaa. Si kastaba wax ha u dhaceene, labadii kooxood waxy ku kala baxeen barbaro.
Japan waxay naawilaysaa in ay sii wadato dedaalka ay guusha ugu jirto, waxayna quud-daraynaysaa in ay badiso kulanka ay Ruushka la yeelanayso, halka ay Belgium lafteedu isu diyaarinayso Ciyaarta Tunisia.
Inkast aoo kooxda China ku adkaysatay in ay iska caabido ciyaartii ugu horeysay ee ay weligeed ka ciyaarto koobka adduunka oo ay wada-yeesheen Costa Rica, haddana ugu dambayntii waa laga adkaady oo may xejisan difaaceedii, waxaana labada goolba lag dhaliyay afartii daqiiqadoo ee ugu dambeeyay ciyaarta, iyada oo ay labada goo ka dhaliyeen Roland Gomez iyo Mauricio Wright oo ka faa’iidaystay fursado ay ka heleen difaaca China oo kala daatay.
Costa Rica waxay la ciyaaraysaa Brazil oo iyana doonaysa in ay si fudud ugu gudubto wareega labaad, halka ay Turkigana isku muddan doonaan kulanka ugu dambeeya 9-ka bishan.
China ayaa isna ay is-haleelayaan Turkig, halka ay Brazilna wada-yeelan doonaan ciyaarta ugu dambaysa oo dhici doonta 8-da bishan.
Inkasta oo kooxda China la tacaashay weeraradii quruxda badnaa ee Costa Rica, haddana waxa kow kag siiyay khadka dhexe ee Costa Rica oo kubad rogaal-celis ah ku farsamaynayay, kuwaas oo ugu dambayntii horseeday guusha ay gaadheen.
Kulamad maanta dhacayana, waxay kala yihiin sidan:
Ruushka Vs Tunisia, waxay ciyaarayaan 9:30 Subaxnimo
Maraykanka Vs Portugal, waxay wada kulmayaan 12:00 Duhurnimo, halka ay
Germany Vs N. Ireland, wada ciyaarayaan 2:30 Duhurnimo.
Tababaraha Kooxda Portugal Oo Ciyaar
Adag Ka Filaya Kulanka Kooxda Maraykanka
Suwon (S. Korea): Antonio Oliveira, ayaa sheegay inuu filayo in ay ciyaar adag kala kulmi doonaan kooxdiisa Portugal, kulanka dhexmari doona maanta oo ay iskaga horimanayaan kooxda Maraykanka.
Mr. Oliveira oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi; “Waanu ixtiraami doonaa kooxda Maraykanka, waxaanuna ku dedaali doonaa sidii ay suurta-gal noogu noqon lahayn in aanu noqono kuwo ka gacan sareeya kooxda naga soo horjeeda, si aanu anagu u xigno dhinaca guusha, waxaan ku celinayaa mar labaad in ay na hortaalo maanta (Arbacada) ciyaar adagi.”
“Waxay leeyihiin dhinac xooggan, waxaa kale oo ay leeyihin waayo-aragnimo ciyaaraha koobka adduunka ah, waxaana ka muuqata guud ahaan diyaar-garqo wanaagsan,” ayuu raaciyay Oliveira.
Ciyaaryahanada Naadiyada ugu heerka sareeya kooxaha Yurub, markii la isu keenay waxay ciyaaryahanka sannadka 2001ee dunida u doorteen Luis Figo, kana mid ah Kooxda Portugaal.
Portugal waxay rajaynaysaa in ay ka adkaato kooxda Maraykanka oo lagaga guuleystay dhammaan kulamadii ciyaareed ee ay ciyaareen koobkii adduunka ee sannadkii 1998.
Portugal waxay rajaynaysaa in ay ka adkaato kooxaha Qaybta D ku furidoonto guul, ayaa haddana ka digtoon sidii aanay kulankan uga soo bixin natiijo iyada cadhaysiin karta.
Inkasta oo uu tababaraha Portugal jecelyahay ciyaartoydiisa, haddana in aanu qiyaas khalada ku samayn ciyaartoydiisa ayuu jecelyahay, waxaanu rumaysan yahay in aanay kala dhicin oo mid walba uu kan kale kaalintiisa buuxin karo, haddii loo baahdo xaaladaha ku haboon.
Tababare Oliveira, wuxuu intaa ku daray in haddii ay yihiin Kooxdiisu qaabka ugu heer sareeya kooxaha in ay taasi ku timid isku-xidh maskaxeed oo haboon iyo sida ay ku maamuleen in ay heer yimaadaan, iyadoo ciyaartoydooda inta badani ay ka fayowyihin dhaawacyo, sidaa daraadeed ay kooxdiisu la loolami karto koox walba oo ka hortimaada iyo in aanay werwer ka qabin xataa markay la kulmayaan kooxaha ay ciyaartooda aadka u wanaagsan tahay.
Ciyaaryahan Figo oo xaga hore ka ciyara iyo ciyaaryahanka agaasima kulbadda ee Rui Costa ee Portugaal, ayaa ka soo kabtay dhaawacyo jugeed hore u soo gaadhay oo ka reebay ciyaarihii ugu dambeeyay ee ay Naadiyadooda u safan lahaayeen. Tababare Oliveira, ayaa sheegay in labadaa ciyaartoyba ay hadda xaaladoodda Caafimaad fiican tahay oo ay si buuxda u bogsadeen oo ay diyaar u yihiin in ay ciyaaraan.
Rui Costa waxa ku dhacay dhaawacyo k bilowday gacan jabtay iyo jilib oo uu dhaawac ka gaadhay, intii ka horeysay Ciidii Easter-ka, waxaa kale oo dhaawac ka gaadhay bowdada, kuwaas oo iskudarkoodu u diiday inuu u safto tiro ciyaaro ah oo ay kooxda Portugaal ugu diyaargaroobaysay ka hor ciyaaraha koobka adduunka. Laakiin Rui Costa, wuxuu si buuxda uga qayb-qaatay Layliyadii tababareed ee bishii hore kooxdiisu ku samaynaysay halka loo yaqaan Macao.
Figo isagu, wuxuu (15) daqiiqo oo qudha ka ciyaaray ciyaartii saaxiibtinimo ee ay Portugal 15 May la yeelatay Kooxda dalka China.