Haatuf, Cadadki 92, June 7, 2002

Somaliland Oo La Filayo In Dhakhso Loo Siiyo Aqoonsi U Dhigma Ka Falastiin

 

Nuxurka Qorshaha cusub ee Maraykanka iyo dood kulul oo

ku saabsan qadiyadda Somaliland oo ay EU-du ku kala qaybsameen

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Ajande aanay weli doodiisu dhinacna u dhicin oo ay 15-ka haamood ee ururka Midowga Yurub (EU) ka kooban yahay kaga wada-hadlayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen qaab siyaasadeedka ururkooda ee ku waajahan Somaliland, ayaa dhawaanahanba dood kulul ka dhex-dhaliyay xubnaha ururkaas. Isla markaana dawladda Maraykanka, ayaa iyana qorshaynaysa hannaan cusub oo Siyaasadeed oo ku lug leh, qaabka loola macaamilayo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Laga soo bilaabo 1990-kii, markii uu burburay nidaamkii dhexe ee dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya, isla markaana lagu dhawaaqay la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland, ilaa hadda Caalamku wuxuu kula dhaqmayay Somaliland, Siyaasad aan waxtar u lahayn bulshada oo gun-dhigeedu ahaa in laysu soo joojiyo Somaliland iyo Soomaaliyada kale ee ay kala go’een. Sidaa aawadeedna, waxaa lagu khasiray dalka Soomaalida Koonfureed lacag balaayiin doolar ah, si meesha looga saaro dagaalka aan dhammaadka lahayn ee weli aloosan, hase yeeshee dedaalkasta oo dunidu samaysayba, wuxuu ku dambeeyay guul-darro, ilaa haddana waxaa muuqata in xaalka dalkaasi yahay mid caal-waa ah oo lagu jaah-wareeray. Dhanka kale, intii hawlahaasi socdeen dalka Somaliland waxa ka hirgalay nidaam dawladeed horumaray oo kor u socda, kaas oo aan Caalamka ka helin wax dhiiri-gelin ah, balse ku dhismay rabitaanka dadka, Muddadaa ay dalalka Caalamku ku hawlanaayeen sidii loo soo celin lahaa midnimadii Soomaaliyadii hore-na, lama ixtiraamin horumarka Somaliland ku tallaabsatay, dunida badideeduna waxay gelisay xaalad go’doon ah, waxaana xayiraad iyo cuna-qabatayn la saaray ganacsigii dhoofka xoolaha oo ahaa isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha dalka Somaliland ku dhisnaa, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay tallaabo lid ku ah xeerarka Caalamiga ah ee ganacsiga iyo xuquuqal-insaankaba.

 

Haddaba, markii ay ku dhawaad 12-sannadood socdeen, hawl-galadaa lagu baadi-goobayay xal u helidda mushkiladda Soomaalida Koonfureed, ayaa waxay hadda u muuqataa in ururka Midowga Yurub iyo dawladda Maraykankuba ay dersayaan qiimayn cusub oo dib loogu eegayo xaaladda Mandaqadda, waxna lagaga beddelayo qaab-siyaasadeedkii hore ee ay kula macaamili jireen Somaliland.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo uu Haatuf ka soo xigtay illo diblomaasiyadeed oo Ajnebi ah oo xog-ogaal u ah qorshayaasha Siyaasadeed ee Midowga Yurub ee ku wajahan mandaqaddan, ayaa sheegaya in ururka Midowga Yurub uu dhawaanahanba ku guda-jiray doodda ajande ku saabsan sidii wax looga beddeli lahaa Siyaasaddii ururkaasi kula dhaqmi jiray Somaliland. Moosinkani wuxuu dood kulul ka dhex dhaliyay dalalka ururka, waxaanay wararkaasi sheegeen in 15-dal ee ururkaa ku bahoobay ay aragti ahaan laba qaybood ugu kala jabeen faaqidaadda qorshahan, ilaa haddana aan la soo gunaanadin fallanqayntiisa.

 

Siday wararku sheegeen ajandahani, wuxuu ku kooban yahay dhinaca Siyaasadda iyo sidii ururka EU-du uu ka yeeli lahaa xaqaa’iqa Siyaasadeed ee Somaliland oo lagu tilmaamay inuu yahay dal ka soo dabaashay duruufihii qiimayntii hore lagu saleeyay. Wararkaasi waxay tibaaxeen in Midowga Yurub, markuu qiimeeyay xaalka ka soo rayn la’ ee dalka Soomaalida Koonfureed, isla markaana uu eegay nidaamka dimoqraadiyadeed ee hadhi-waaga ah ee ka hano-qaaday Somaliland ay taasi keliftay inuu dib u eego siyaasiyan, waxa uu ka yeelayo Somaliland. Warkaa aanu illaha diblomaasiyadeed ka soo xiganay, waxay farta ku fiiqeen in xubnaha ururkaasi qaarkood ay weli ku doodayaan in aan lagu deg-degin garowshiinyo Siyaasadeed oo uu ururku siiyo Somaliland, hase ahaatee qaar badan oo kale oo xubnaha ururka ka mid ah, ayaa iyagu si kulul ugu doodaya in la gaadhay wakhtigii uu Midowga Yurub go’aan ka gaadhi lahaa qaddiyadda Siyaasadeed ee Somaliland, marinkana uu u xaadhi lahaa qorshe Siyaasadeed oo cusub oo lagu saleeyay xaqiiqada.

 

Dooddaa dhinaca Siyaasadda ka sokow, ururka Midowga Yurub wuxuu isku raacay inuu wax ka beddelo qorshihii dhinaca badhitaarka dhaqaalaha ee uu hore ugula dhaqmi jiray Somaliland. Wararku waxay sheegeen, ururku wixii hadda ka dambeeya inuu kula shaqayn doono Somaliland, qorshe dhinaca horumarinta ah.

12-sannadood ee tegay EU-da hawlaheedu waxay ahaayeen, qaar aan dhaafsiisnayn gargaar yar oo ay soo marin jireen hay’addo samafal, mararka qaarkoodna ay iyagu si toos ah u fullin jireen, hawlahaasna wax xidhiidh ah kalamay samayn jirin dawladda, hase yeeshee waxay wararku sheegeen in ururku uu hadda si toos ah ula macaamilayo hay’adaha dawladda, uuna diyaarinayo Mashaariic dhinaca horumarinta ah oo uu u qorsheeyay in lagu lagu taago tiirarka nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

 

Dhinaca kale dawladda Maraykanka, ayaa iyana la sheegay in ay wado qorshe Siyaasadeed oo ku wajahan Somaliland. Siday sheegeen warar ka soo baxay illo diblomaasiyadeed oo ajnebi ah iyo xeel-dheerayaal la socda arrimaha Siyaasadeed ee mandaqadda-ba, dawladda Maraykanku waxay u muuqataa mid ka badheedhsan xaqaa’iqa Siyaasadeed ee ka jira Somaliland, wararkaasi waxay intaa ku ladheen in Maamulka Maraykanku uu sameeyay qiimayn Siyaasadeed oo uu dib ugu eegay xaaladaha Somaliland iyo dalka Soomaalida Koonfureed, sidaa aawadeed waxay wararkasi iftiimiyeen in dawladda Maraykanku ay garwaaqsatay xaalka aan degayn ee Soomaalida Koonfureed, isla markaana ay wado qorshe Siyaasadeed oo cusub oo Somaliland siinaya maamuuska aqoonsi aan dhammaystirnayn (Interim status), kaas oo la mid ah ka ay dunidu kula macaamisho Maamulka Falastiin. Wararkaa illaha diblomaasiyadeed ka soo baxay, waxa kale oo ay sheegeen in qorshahan cusub ee Maraykanku uu muujinayo in taas ka sokow, haddana mar kale la eegi doono in ay Somaliland gaadhi karto marxalad ay ku kasbato aqoonsi buuxa iyo in kale.

 

Siday wararku tibaaxeen qorshahan Maraykanku, wuxuu saamayn weyn ku yeeshay doodaha ururka Midowga Yurub ee la xidhiidha isla arrintan, waxaana qorshahaa Maraykanku gorfaynayo barbar socda Mashaariic dhinaca horumarinta ah oo lagu wado inuu u qoondeeyo Somaliland. Badi is-beddeladan Siyaasadeed ee soo ifbaxayaa, waxay abuurmeen kadib markii la arkay qaabkii ay Somaliland kaga gudubtay marxaladii geeridii Madaxweynihii hore oo markii hore loo arkayay in ay burbur u horseedayso Somaliland, hase yeeshee ay markii dambe taasi meesha ka baxday.

 

Dhanka kale, waxay wararkaasi tibaaxeen in dalal badan oo dunida ahi ay danaynayaan in la ilaaliyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana ay dalalka qorshayaashan wadaa eegayaan in Maamulka Somaliland uu hannaan midnimo Qaran ah dalka kaga saaro marxaladan iyo in kale.

 

Xaalad adag oo Biyo La’aan ah

oo soo foodsaartay deegaanka Saylac

 

Qaylo-dhaan ka soo yeedhay dadka degaankaa

 

 

Hargeysa (Haatuf): Qaylo-dhaan xoog leh oo ku saabsan cabsi laga qabo biyo la’aan xoog leh oo soo food-saarta deegaanka degmada Saylac, ayaa ka soo yeedhaysa bulshada deegaankaas.

 

Siduu Haatuf u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee degmada Saylac shalay, waxaa soo gaadhay Hargeysa qaylo-dhaan ka timi deegaanka oo sheegaysa in dad iyo xoolaba ay halis ugu jiraan haraad.

Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in qaylo-dhaantaas la gaadhsiiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Warku wuxuu intaa ku daray in sababta biyo la’aanta keentay ay tahay, Ceelashii biyaha ee Ceel-gaal iyo karuure oo aagaas biyo u ahaa oo jabay, kadib markii ay cillad farsamo awgeed fadhiisteen mashiinadii Ceelashu.

 

Wararku waxay tibaaxeen in deegaankaasi uu hadda rooban yahay, ayna degan yihiin Xoolo-dhaqato aad u tiro badani, hase ahaatee ay biyo u ahaayeen oo keli ah labadaa ceel, sidaa aawadeedna laga cabsi qabo in ay haraad u dhintaan dadka iyo xooluhuba. Maamulka degmada Saylac, ayaa la sheegay in ay booyad biyo ah gaadhsiiyeen dadka deegaankaas qaarkood, kuwaas oo la sheegay in ay harraad u liiteen. Lama sheegin wax dad ah oo ilaa shalay harraad u dhintay.

 

Tababar Mandheera Uga Furmay 20 Sarkaal Oo Booliis Ah

 

 

Hargeysa (Haatuf): Tababar ay ka qayb-qaadanayaan 20 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa maalintii arbacadii dorraad ka furmay Dugsiga Tababarka Booliiska Mandheera.

Tababarkan oo loogu magac daray, tababarka tababarayaasha oo ay wada-jir u soo qabanqaabiyeen

 

Hay’adda UNDP iyo Akademiga nabadda iyo Horumarka, waxa muddada uu socdo oo ah 9 cisho ay saraakiishani ku qaadan doonaan habka tababarada, maadaama uu qorshuhu yahay in ay noqdaan kuwo wax sii tababara, taas oo ay barbar socon doonto Duruus la xidhiidha xuquuq banii’aadamka iyo xeerarka la xidhiidha, xuquuqda eedaysanayaasha iyo sida loo dhawrayo xeerarka iyo tilmaamaha la xidhiidha xadhigga, baadhista iyo qabashadaba, xeerarka caalamiga ah iyo waxay ka qabaan jidh-dilka, kaalinta Booliska ee nidaamka xisbiyada badan ee Dimuqraadiyadda iyo xidhiidhka ka dhexeeya Booliiska iyo dadweynaha.

 

Xafladdii furitaanka tababarkan Tababarayaasha, waxa ka qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdi Cali Mahdi, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland, Maxamuud Sh. Muxumed (dhega-weyne), Madaxa xafiiska hay’adda UNDP ee Hargeysa, Mr. Firooz Salarian, madaxa Qaybta xuquuqul-insaanka Faadumo Siciid, Saraakiil ka tirsan Booliska. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akademiga nabadda iyo horumarka iyo marti-sharaf kale, waxaana halkaa laga jeediyay khudbado kala duwan.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa u mahadnaqay soo qabanqaabiyayaashii tababarkan oo uu tilmaamay inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay Booliska, sidii ay sare ugu sii qaadi lahaayeen aqoontooda iyo waxqabadkoodaba, isaga oo ballanqaaday in ay ka faa’iidaysan doonaan tababarkan muddada uu socdo.

Madaxa xafiiska UNDP ee Hargeysa oo isna hadal ka soo jeediyay xafladdaa, ayaa ka waramay ujeeddada tababarkan laga leeyahay oo ah in sare loogu qaado aqoonta Booliska, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha, isaga oo xusay in ay hay’adda UNDP hore u soo qabatay hawlo sidan oo kale ah, ayna ka mid yihiin tababaro loo furay qaybaha Booliska iyo dib-udhiska dugsiga Mandheera.

 

Faadumo Siciid oo iyaduna hadal kooban jeedisay, ayaa tilmaantay faa’iidada ay leedahay Booliksa oo barta xuquuqda dadka, si ay waajibkooda u gutaan, iyaga oo aan xad-gudbayn xeerkana ilaalinaya, sidaa darteedna ay ahmiyad u siiyeen in tababarkan lagu darro Duruus la xidhiidha xuquuqal-insaanka ayay tidhi.

Wasiir Ku-xigeenka arrrimaha gudaha, ayaa isna tababarkan ku furay mahadnaq uu u soo jeediyay soo qabanqaabiyayaashii isku hawlay inuu suurto-galo, isaga oo ka qayb-galayaasha ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan muddada uu socdo.

 

Dugsiga Mandheera, waxaa kale oo ku xaraysan qaar ka tirsan Booliska oo tababar uga socdo halkaasi in muddo ahba. Waxaa kale oo dhismaheedu socdaa qayb loogu talo-galay haweenka, kaas oo ay maal-gelinayso hay’adda UNDP.

 

Dawladda Sucuudiga oo Boqolaal Soomaali ah Dalkeeda ka Mustaafurisay

 

 

Muqdisho (Haatuf): Dawladda Sucuudiga ayaa dalkeeda ka musaafurisay boqolaal Soomaali ah, kuwaas oo qaybo ka mid ah laga dejiyay magaalada Muqdisho.

 

Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaalada Muqdisho, waxaa gaadhay magaaladaa dad 40-qof tiradoodu dhammayd oo ay badidoodu haween ahaayeen, kuwaas oo la sheegay inuu Sucuudigu dalkiisa ka soo saaray. Wararku waxay intaa ku dareen in maantana la filayo in magaalada Muqdisho, diyaarad lagu geeyo 100-qof oo kale oo la soo musaafuriyay, kuwaas oo diyaarad lagaga soo duullin doono dalka Sucuudiga. Dadkan la musaafuriyay oo daad-gurayntoodu socotay in muddo ahba, waxa la sheegay in ay ka soo qaadaan dalka Sucuudiga diyaarado ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Daallo. Maareeyaha Shirkadda Daallo ee magaalada Muqdisho Jaamac Cali Geelle, ayaa sheegay siday baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du in dadkaas diyaaradooda lagu soo saaro heshiis u dhexeeya shirkadooda iyo dawladda Sucuudiga xafiiskeeda socdaalka. Siday wararku sheegeen, dadkaa la soo musaafuriyay qaarkood oo haween u badan, waxaa la qabtay iyagoo suuqyada ka muraadsanaya, guryahana kaga yimi carruur yaryar.

 

Laba Dhul Isku Haysaa Kursi Kuma Heshiisho

Xadiis M. Xadiis

 

 

In ka badan 10 sannadood ayay jiitamaysay colaadda Soomaaliya ka taagan ee aan weli xalkeedii la gaadhin, waxaanad moodaa in aanu ilaa hadda Caalamku garanin halka ay sartu ka qudhunsan tahay ee sababtay in mushkiladda Soomaaliya la daweyn kari waayo.

 

Haddaba, waxay taasi muujinaysaa in Caalamka iyo Soomaalida kaleba ay gefsan yihiin waddada loo marayo xalinta mushkiladdaa iyo sababta dabada jiidaysa ee sii hurinaysaba. Waxaa mudan in marka hore la isweydiiyo, Xamar yaa isku haysta? Maxaase la isku haystaa? Xamar ma qabiilbaa leh, mise Qaranbaa lahaa? Iyo su’aalo kale oo la mid ah.

 

Waxaad moodaa wakhtigan in dhibaatada Soomaaliya loo aanaynayo, Maamulka Carta lagu soo dhisay oo tiisiiba u yaaban iyo kooxaha ka soo horjeedda, mana qabo in ay xaqiiqdu sidaa tahay. Horeyso iyo dambaysaba, ilaa hadda mushkiladda qadiyadda Soomaaliya hortaagani, waa labada qabiil ee Abgaal iyo Habargidir, kuwaas oo isku haysta lahaanshaha dhuleed ee Xamar iyo nawaaxigeeda.

 

Haddaba, waxay isweydiintu tahay maxaa sababay ismaandhaafka labadaa qabiil, goormuuse bilowday?

Arrintani waxay bilaabmatay, wixii ka dambeeyay sannadkii 1991-kii markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya, qabiil kastaana u baxay deegaankiisii. Markaa kadib, beesha Abgaal waxay is-tustay mar haddii Qarannimadii la waayay in ay Muqdisho tahay Goof (Deegaan) Abgaal iska leeyahay, sidaas darteedna ay waajib tahay in looga dambeeyo, Maamulka arrimaha deegaanka Banaadir. Balse taasi, waxay u cuntami wayday beesha Habargidir oo sida muuqata iyadu taa ku tilmaantay wax khiyaali ah. Loollanka labadan beelood, wuxuu cirka isku sii shareeray markii dalka Djabuuti lagu soo dhisay, dawladdii Cali Mahdi Madaxweynaha looga dhigay, waxaana isla markiiba Madaxweyne-nimadii Cali Mahdi, gaashaanka ku dhuftay Jeneraalkii geeriyooday ee Maxamed Faarax Caydiid. Cali Mahdi Maxamed, damacaa uu Caydiid ku hor joogsaday Madaxweyne-nimadiisa, wuxuu u arkay sidii cadceedda oo dhinaca kale ka soo baxday, waxaanu is-tusay in Jeneraalku uu yahay marti gardaro badan, mar haddii uu muujiyay inuu Abgaal Cismaan ku haysto gobolka Banaadir.

 

“Cali Mahdi, wuxuu ka mid yahay dadkaanu xaqooga raadinayno, masuulkana aanu ka nahay.” Sidaa waxa yidhi Jen. Caydiid, ka hor intii aanu dhiman ee ay sida ba’an isu hayeen Cali Mahdi iyo beeshiisa. Waxaana muddo yar kadiba, ka dhex qarxay Cali Mahdi iyo Caydiid iyo labadooda Beeloodba dagaal aad u qadhaadhaa oo ahaa, kii ugu xumaa ee abid soo mara taariikhda Muqdisho. Dagaalkaasi wuxuu u muuqday mid lagu metelayay Filim magaciisu ahaa; “Caydiid, gar buu leeyahay, Cali-na gar buu leeyahay,” kaas oo ay atoorayaashiisu ahaayeen Cali iyo Caydiid, daawadayaashiisuna ahaayeen Soomaalida kale, waxaanu filimkaasi socday in ka badan afar bilood. Taas ka sokow, Caasimad Qabiil kaligii sheegto weli Caalamka laguma arag Muqdisho mooyaane, waxaana jira beelo kale oo Abgaal kaga haboon sheegashada Muqdisho, sida; dadka reer Xamarka ah ee Cad-cadka loo yaqaano oo asalkoodu ka soo jeedo Boortaqiis, kuwaas oo sida la ii sheegay ahaa dadkii ugu horeeyay ee loogu yimid Xamar, Qabiilka murursadaha ayaa isna ka mid ah qabiilooyinka qadiimiga ku ahaa deegaankaa, hase yeeshee qabiilooyinkani ma yidhaahdaan Xamar anagaa iska leh sida Abgaalka oo kale. Sidaa daraadeed, sheegashada Abgaal ee deegaanka Muqdisho waa xaarraan, waxaanay xaqireen dhammaanba beelaha kale ee hantidoodu weli taalo. Sidaa aawadeed, markii Abgaal dulmiyay beelihii kale, duudsiyayna xuquuqdii wada-lahaanshaha dhuleed, ayaa iyagana Illaahay ku saliday beesha Habar-gidir.

 

Isku soo wada duubboo, Xamar waxa isku haysta Beesha Abgaal iyo Beesha Habargidir, waxaanay isku haystaan dhulkii iyo hantidii ay ka bara-bixiyeen beelaha kale. Markaas waxa haboon in kursiga laga horeysiiyo in marka hore lagu heshiiyo dhulka iyo deegaanka, waayo, laba dhul isku haysataa, kursi kuma heshiiyo. Sidaa aawadeed, xal u helidda mushkiladda u dhexaysa labadaa beelood, waxay furre u tahay xalinta mushkiladda Soomaaliya. Intay taasi maqantahayna, marna ma degayso arrintu, Abgaal iyo Habar-gidir-na waxay ku loollamayaan wixii Soomaali-weyn ka dhexeeyay.

 

Gunaanadkiina, arrinta Soomaaliya waxay 12-kaa sannadood u dabran tahay mushkiladda labadaa beelood dhexdooda taalla.

 

Deymo

Gabay – Muuse Aaye Faarax

Marxuumkii dalkaa, wuxuu ka tegay,

Dawlad kaamil ah’e.

Haddii aanu distoorka samayn,

Waa is-dililayne.

Ninkastaa ha diidee markaan

Daacad u hadlaayo,

Dadka waxaynu dheerayn isaga,

Dir iyo Daaroodde.

Darbigii ma ciirine dhakhsaa,

Ugu dadaasheene.

Degdegga iyo sidaa wax u dhisteen,

Waa la diirsadaye.

Moorada dushaa sare jirtiyo

Dirirka oon eegay

Dayaxoo godkiisii helaan doorkan

Ku arkaaye,

Haddii aan dar baas kala dhex kicin

Doorashada foodka

Afrikaanba way wada dul mari

Sida darruuraha’e

Degmo nabad qabtiyo wada-jirbaa

Lagu dan gaadhaaye

Dabkaa Xamar qabsaday waa qabiil

Laysku door ridye

Digtoonaada weligiin ayaan

Laysku kiin dirine

Nin qaxootigii daalacdaa

Uma duceeyeene

Alle ha isku diro Koonfuri

Way deris xumaayeene

Dadku midhbuu u wada guuxaybay

Duqan ka sheegeene

Dambi iyo run miduu yahay Allaha

Daayinaa oge

Rag yaroo danaystaa jiree inuu

La daawaysto

Iyo inuu dawayn karo arlada

Daahirna aan eegno.

 

 

Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee

 

Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray

Q: 4aad _____Siciid I Guraase

 

 

Col u joog inta hayaanka iyo geediga lagu jiray laba arrimood ayaa ku weynaa oo uu aad uga fekerayay, kuwaas oo ka dhigay inuu u muuqdo qof la soo hayo, isaga oo mararka qaarkood yara foofi jiray, sidaasina aan kula socon jirin waxyaabaha agagaarkiisa ka dhacaya. Labadaa arrimoodna waxay kala ahaayeen;

·         Sida ay ku dhacday in ciidamadii loogu talogalay inay dalka iyo dadka difaacaan inay maatida iyo shicibka kula soo jeestaan hubkii iyo saanadii loogu taloglay inay ku difaacaan, taas oo maskaxdiisa ku weynaatay jawaabna uu u waayay.

·         Iyo halka ay ku dambaysay gabadhii Canab ee uu jeclaa, taas oo aanu raq iyo ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigtay aanu war ka hayn, balse ay ka daboolaysay waayaha qallafsan ee ku xeeran.

Waxa uu xasuustay markii ay dabbaal-degyada samayn jireen ciimadii loogu yeedhi jiray xooga dalka Somaliyeed, kuwaas oo gaardis qurux badan ku marui jiray waddooyinka, markaas oo ay dumarka iyo carruurtu isku dari jireen sacab iyo mashxarad iyagoo u haystay ciidamo u maqan, balse waxay ugu daran tahay markaad qof aad moodaysay inuu kuu maqan yahay adiga kugu soo maqan yahay. Waxaa hor iman jiray heesihii qiirada lahaa ee Idaacada laga qaadi jiray oo ay ka mid ahayd;

“Goortaan arkaba,

Waa geediyoo,

Iyo galab carraw,

Gucla roorayee,

Gobanimadayada

Geeshkaa hayaa,

Waxay kuu galaan,

Waa inaad guddaa,

Hubka cadowga guba

Waa kuwaa gurtee,

Gaadiid noqdee,

Kula garab socdee…”

Waxaana ka dhaadhici weyday siday xaqiiqadu noqotay.

Isaga oo iska fikiraya ayay qaar raadiyow ka ag shiteen, kuye waaba Raadiyow Muqdisho oo warramaya.

Warka madaxdiisii

 

Guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Somaliya waxa si weyn looga xusay munaasabadaha 26-ka June oo ah markii ay gobollada waqooyi gobonimadooda qaateen iyo 1-da Lulyo oo ay is-raaceen labadii qaybood ee Koonfur iyo Waqooyi, isla markaana la xuso markii la aas-aasay xisbiga X.H.K.S, waxaana la soo bandhigay ciyaaro kala duwan. “Waxay muujinaysaa sida aynu Moogow kala maan u kala nahay,” ayuu Col-u-joog hoosta ka yidhi. Waxa uu xasuustay maalin xisbigaa la xusayay oo la geeyay meel laga khudbadaynayay.

Ninbaa kacay oo yidhi; “Jaalayaaal waxaad iga gudoontaan salaan aan idiinka sido marwada madaxweynaha,” markaas oo uu nin meeshaa taagnaa iska dhaqaaqay oo yidhi; “Isagaanaan isa salaamin iyada daayoo.”

“Iska eega, iska eega…” ayay maqleen, waana la kala yaacay. Wax beerka dhulka dhigay iyo wax dhirta hoos galaba. Ileyn waxa laga yaacayba waa Haad la moodayay diyaaradihi dadka nafta u keenay oo xataa Haadka looga cararay baqdin awgeed.

 

Waa goor Casar ah, waxaa la hadhsanayaa geedo ku yaala meel doox ah oo la yidhaa Godka, halkaas oo lagu sii nasan jiray marka laga tallaabayo wadada weyn ee laamida ah. Waa goobta ugu halisaysan ee haddii laga badbaado jidkii Siraad oo kale la dhaafay.

 

Dadku waxay ku wada fikirayaan talow caawa maydun nabadgeli? Sheekadu waxay u badan tahay sida halkaa looga gudbo iyo dhibaatooyinka soo gaadhay dad isku dayay inay tallaabaan. Naxdin ayaa farta uun wadnaha lagu hayaa, ducada iyo aamiinta ayaa isku baxaysa; “Ilaahayow na badbaadi.”

Markii la hubsaday inay cir-jiidhii godkeeda gashay ayaa fadalka la tiiriyay, habqankuna is qoorsaday. Dadka waxaa cusleeyay qof walba naftiisa, iyada oo la watay wixii gaadiid la heli karo; Awr, Dameero iwm. Waxaa la daadihinayaa maatida iyo carruurta. Waxa la wal-waalayay ciddii jilicsan, xaalkuna waa Ilaahayow nala baxso.

Waxaad arkaysay raqda iyo lafaha quban ee jid-gooyadu heshay. Habeenkaa intii socotay dirqi ayay ku baxeen. Joogsi iyo jiif ma jiro. Socodku waa nin iyo itaalkii.

 

Dadku waxay u badnaayeen reer-magaal aan jihooyinka loo socdo garanayn. Habeenkii oo dhan ayaa la socday, nasiib wanaag waxaa lagu jiray xilli caddo ah. Dayaxa ayaa godkiisa goor dambe ka soo baxay oo dhulka mugdigii ka feyday, balse ninkii aan indho lahayn waxba ugumuu filnayn, markaa ka baqashadii cadowgu way yaraatay. Waxaase beddelay cabsida Bahalaha iyo Dugaaga.

Col-u-joog iyo reerkoodu waxay ka mid ahaayeen dadka reer-magaalka ah ee aanu socodka iyo guurayntu aanay u bilownayn. Waa ku dhowaadkii ayay meel yara degeen oo ay salka ciida la heleen, iyagoo Ilaahii soo badbaadiyay u mahad-naqaya.

 

Halkii bay yara jiif-jiifsadeen. Gogoshoodu waa ciida, barkimaduna waa dhagax, huwashaduna waa cirka, gidaarku waa is-dugsasho, ilaaladu waa dugaaga oo iskaga baydha. Waxay seexdeen hurdo aanay beryahaa seexan oo macaan. Daal iyo diif bay la dhaceen, haddiise ay soo badbaadeen ayaan wax loo dhigaa jirin.

Markii waagu dillaacay ee ay indhaha kala qaadeen ayay arkeen magaaladii Hargeysa ee ay ka qaxeen oo uga muuqata meel aan ka fogaynba….

La soco……

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Soomaalidu Hadday Dayn Waayeen Cunista Jaadka, Talo Haku Daraan

 

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee ka ganacsata qaadka ee dalka Kenya ayaa sameeyay  udaharaad ay ku joojiyeen ka ganacsigii qaadka Miraaga ee laga soo goyn jirey Degaanka MERU ee barrigga Kenya. Mudaharaadkaa waxaa ku kelifay baa la yidhi markii qawmiyadda MERU-da oo ah qabiilka beera qaadka miiroowgu ay kusoo rogeen shuruudo adag oo ay ka mid tahay in aan Soomaalidu tegi karin beeraa qaadka iyo magaaladda uu kabaxo toona, ee ay dalabka iyo lacagta u dhiiban karaan dadka Meruuda ah, isla markaana aanay Somalidu soo celin karin qaadka xumaada ee ay duduub ku qaataan wixii aanu soo goyno. Meeruuda oo ku tiirsan ka ganacsiga jaadka iyo beeridiisa ayaan u hayn badeecadoodaa sunta ah suuq kale oo aan ahayn dadka Somaalida ee dega wadamadda kala duwan ee geeska Afrika, iyadoo ay sidaa tahay ayay ku doodaan in ganacsatadda Somalidu ku dul faa'iido si dhiigmiirad ah, isla markaana waxay ugu
hanjabaan ganacsatadaa inay iyagu geyn doonaan meelkasta, oo ay qaadan doonaan faaiidadda Somalidu qaadato.

 

Ganacsatadda Somaalidu waxay qaadka u dhoofiyaan Soomaliya, Holland, Germany, UK iwm. Laakiin nasiib wanaag ma gaadho jamhuuriyadda Somaliland.

 

Meeruudu kama maaranto ganacsatadda Somalidda, wiig haddii qaad joojintaa lagu sii wadona iyagoo gacmo hoorsiyay imanayaan, maantaba ergadoodii ayaa soo gala galaysatay xildhibaanadda laga soo doorto gobolka waqooyi barri Kenya ee somalidda, iyagoo leh na dhex-gala Somalida, Somaliduna waxay ku adkaysatay waa in shuruudahaas nalagu soo rogay dhamaan la qaadaa.

 

Inkastoo Somaalidu aanay lahayn muwaafaqo ay wax ku meel marsadaan, aan filayana dhowr cisho ka bacdi inay isku badhi furi doonaan, haddana waxaan ku amaanayaa ganacsatadda Somalida go,aankaas ay qaateen, inkastoo aan kasoo horjeedo cunidda qaadka iyo ka ganacsigiisaba, haddana waxaan aaminsanahay Somalidu hadday iska deyn waayeen cunidda qaadka iyo ka ganacsigiisa inay talo ku daraan oo aan la ihaanaysan.

Ismail Abdi -  Nairobi


Degmooyinka Cadaalad Darada Ku Taagan Waa In La Baabiyaa

Somaliland waa dal yar oo curdin ah cadawgiisuna badan yahay, lana deris ah dal ayaan daro ku dhacday oo dagaalo sokeeye aafeeyeen iyo kuwo colaad horleh u qaaday Somaliland sida dalka deriska aynu nahay ee jabuuti.   Hadaba waxaynu wada ogsoonahay in doorashooyin lagaga guurayo qaabkii beelaha oo looga digaroganayo qaabka axsaabta iyo dimuqraadiyada inagu soo socdaan, si hadaba XEEGONA XEEGO U NOQOTO ILKANA U NABAD GALAAN.  Waa in dastuurka la raaco iyo sharciga dalka u yaala.

 

Caqabada ugu weyn ee soo foodsaari karta doorashooyinku waa 24ka degmo ee uu magacaabay Marxuum maxamed X Ibrahim Cigaal (Ilaah naxariistii jano haka waraabiyee).  Degmooyinkaas oo si cadaalad daro ah loo magacaabay shacbiga reer Somaliland na tafaraaruq iyo kala daadsanaan u horseedi kara.  Hadaynu tusaale u soo qaadano Degmada Bebera oo aan dastuuriyan gobol ahayni shaki kuma jiro inay gobol qaadi karto, laakiin degmooyinka ay ka midka yihiin Bulxaar iyo mandheera ee la hoosgeeyey Gobolka saaxil cadaalad daraa loo magacaabay, iyada oo ay jirto magaalo ka wayn oo ah Laasciidle oo Madaxweynihii hore ogaan uga tegay. Sababta Laasciidle xaqeedii ay ku waydayna tahay Madaxweynihii hore oo u eexaynayay qabiilkiisa si ay sedbursiino uga helaan doorashooyinka dhacaya.  Anigu shakhsiyan kuma doodayo in laasciidle degmo laga dhigo laakiin waxaan ku doodayaa in kuwo aan u qalmin oo ay laasciidle dhaanto degmo laga dhigaay waa gef sida Bulaxaar iyo Mandheera.

 

Kuwaas oo qudha maaha ee gobol todobaad oo maldahan oo dadka badidiisa ka qarsoon waxyar mooyane ayuu sameeyey kaasoo ah Gobolka Hargeysa.  Arintaasina waxay soo shac baxday markii natiijadii aftida jaraa’idka Somaliland ka soo baxa lagu soo daabacay taasoo odhaynaysa Gobolka ugu codbixinta badanaa waa Gobolka Togdheer, kaalinta labaad waxaa gashay hargeysa ta sadexaadna W.galbeed.

 

Arintaasi welwel iyo shakibay ku dhalisay shacbiga cadaalada jecel ee reer Somaliland, sababta oo ah waxa ilaa iminka la fahmi kari laayahay waxay kala yihiin gobolka W.galbeed iyo hargeysa.  Sidaynu wada ognahay Hargeysa waa caasimada jamhuuriyada Somaliland waana xarunta looga taliyo Gobolka W.galbeed.

Madaxwweynihii hore (Allaha u naxariistee) degmooyin faraban oo aan u qalmin inay degmooyin noqdan buu sameeyey, Sida degmooyinka kala ah Dararweyne,  Yagoori, Boocane, Qoryaale, Duruqsi, Saba-wanaag,Maydh,  Faraweyne iyo degmo allaale iyo degmadii uu magacaabay.
Salaxley iyo Garadag waa labada meelood ee u qalma degmooyin.  Garadag iyadu ilaa 1960kii  degmo ayay ahaan jirtay 80 tamaadkii baa Afweyne ka qaaday degmonimada, Berberana gobol waa qaadi kartaa laakiin degmooyinka hoos imanaya Berbera waa in laga fiirsadaa.

 

Hadii taasi suuroobiwadyo cadaalad daraa dhacaysa sida keliya ee lagu garsoori karaa cadaalad darada la sameeyey ama lagu saxi karo qaladaadkii hore Caynaba iyo Oodwayne laga dhigaa gobol, waayo waxay noqonaysaa boobcad iyo cadaalad daro muuqata oo aan geed loogu soo gaban hadii aan la qancin labada beelood ee labadaas degmo kala dega.   Waayo Caynaba waa degmada Somaliland ugu dhulka weyn waxana hoos yimaada ilaa 44 tuuloo iyo shacbi farabadan oo reer guuraa ama reer miyi ah, Oodweynana waxay xukumi kartaa ilaa degmada Salaxley. Shacbiga reer Somalilandna waa wada ogsoon yahay in cadaalad daro dhibaato soo jiidayso.  Arinta doorashooyinka waa in loo xalilaa si degan oo ka baraandeg iyo ka fiirsi leh.  Hadii kale way adkaanaysaa si ay ku qabsoomaan doorashooyin xalaal ah.  Inaga oo og in aanay qeexnayn xuduudaha degmooyinka Somaliland Shacbi faraban oo aan tirsanayn oo reer miyi ahina jiro.

Aniis Axmed Jaamac, Denmark.

 

Kursi Qabiil Quud Ma Leeyahay

Qaranimada iyo dawladnimada Somaliland hadda waxay u muuqataa inay hanaqaaday, islamarkaana uu jiritaankeedu galay diiwaanka taariikhda.

 

Dhinaca kalena waa dal hodan ah oo uu Illaahay ku mannaystay khayraad kala duwan bad iyo beriba.

Laakiin waxaan odhan karaa arinta keliya ee ugu weyn ee caqabadda inagu ah ee haddii aynaan dhinac isaga duwin aanay waxba inoo qabsoomayn waxa weeye reer-nimo (qabyaalad), taas oo noqotay boqortooya ka jirta Somaliland.

 

Ninkii aqoonta lahaa ee qaban lahaa hawsha uu aqoonta u leeyahay waxa meelkasta hor-taagan Reer hebel, taasina waa arin aad iyo aad u fool-xun, waxaana odhan lahaa waar halaga reer-nimo oo hala muujiyo qaranimo iyo in lagu shaqeeyo cadaalad iyo daacad-nimo.

Tusale ahaan marka cid shaqo la qorayo waa in la qaado imtixaan, imtixaankaasina waa inuu noqdo mid dhinaca aqoonta lagu kala sareeyo, laakiin aanay arintu noqon in reer-nimo lagu kala sareeyo.

Booska reer-nimada lagu fadhiyaa waa ta hoos inoo dhigtay, Abwaankii Timacadena waa ki hore u yidhi “ Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.

 

Arimaha kale ee dhibaatada ah ee ina haysta waxa ka mid ah dad aan dalkaba u dhallan oo ay qaarkood xilal sar-sare dalka ka hayaan sida: hayadaha ajnebiga ah iyo weliba shaqooyinkii hoose ee ay dadka muwaadiniinta ahi ka xoogsan lahaayeen oo ay buuxiyeen dad ajnebi ahi sida dhul-xaadhista, waash-maanimada, cunto-karinta hudheelada IWM. Waxaase taa keenay qofkii wadaniga ahaa ee shaqada laga xoogsanayo gacanta ku hayey oo aan ogolayn inuu qofkii muwaaadinka ahaa ee xaqa u lahaa shaqeeyo, taasina waa ayaan daro weyn.  Ta kale hayadaha ajnebiga ah ee dalka joogaa waxa ay si fiican u fah-meen, kana baayac-mushtareeyaan dalka iyo dadka ku nool, iyadoo aan odhan karo hayadahaasi ma jirto wax ay dalka u qabtaan, welibana waxay dadka ajnebiga ahi waxay dalka ka dhoofiyaan khayraadka dabiiciga ah ee Illaahay inagu mannaystay sida macdanaha IWM.

 

Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa, waar waxba inoo qabsoomi maayaan, horumar-na gaadhi mayno oo ma jirayo ilaa inta uu qabil jiro ee aynu aaminsanahay in qabiil wax lagu helayo, islamarkaana aynu qofka laajiga ah ka xaq-siinayno ama ka hor marinayno qofka muwaadinka ah ee xaqa u leh in wax walba mudnaanta la siyo.

Axmed Cali Sh. Muxumed.Hargaysa

 

IFTIINKA ISLAAMKA

 

Xuska Dhalashadii Nebi Muxamed (Scw)

Siciid I. Guraase – Q: 3aad

Waxaynu qormadeenii Iftiinka Islaamka ee toddobaadkii dhowaa kaga soo hadalnay sidii ay Asaxaabtii Nebigu u beddeshay markii ay qaateen diinta Islaamka ee ay ka baxeen jaahilnimadii, gaar ahaana waxaynu soo aragnay Asaxaabigii weynaa ee Cumar binu Khadaab markii uu qaatay Islaamnimada iyo sidii uu isu beddelay. Maantana aynu soo qaadano tusaaleyaal kale.

 

Abuu Bakar Saddiiq wuxuu ka mid ahaa Asaxaabtii ugu hor rumaysay Rasuulka iyo islaamnimada, marka xagga fadliga la eegana noqonaya ka ku xiga Rasuulka.

Wuxuu ahaa Asaxaabigi ugu horreeyay ee janada loogu bushaareeyay. Sidee buu fadligaa ku helay?

Subax ayay Rasuulka csw iyo Asaxaabtiisu tukadeen salaad subax, markii ay dhammaysteen ayuu Rasuulku Asaxaabtiisa weydiiyay kiineebaa waagu u baryay isaga oo sooman?

Way aamuseen, balse Abuu Bakar ayaa yidhi anigaa xalay niyooday inaan soomo. Mar labaad ayuu Rasuulku weydiiyay kiineebaa soo booqday qof walaalkii ah oo buka? Way aamuseen, balse Abuu Bakar ayaa yidhi anigaa soo maray walaalkeen hebel oo xannuunsanayay. Mar saddexaad ayuu haddana Rasuulku weydiiyay kiineeba saaka sadaqad bixiyay? Way wada aamuseen, laakiin Abuu Bakar baa yidhi anigaa markaan masaajidka soo galay arkay miskiin oo wax siiyay.

Markaasuu Rasuulku Janada ugu bushaareeyay.

 

Cumar binu Khaddaab ayaa yidhi; “Abuu Bakar markasta isagaa noogu badin jiray khayrka.”

Maalin ayaan is idhi  buu yidhi la tartan. Waxaa loo baxayay jihaad, markaasaan keenay buu yidhi xoolahaygii kala badh aniga oo Rasuulka ku idhi xoolahaygii kala badhna waa kan intii kalena reerkaygaan uga imid, kadib waxaa yimid ayuu yidhi Abuu Bakar oo sida wax alla wuxuu xoolo haystay, isaga oo Rasuulka ku yidhi xoolahaygii oo dhami waa kan, reerkiina Ilaahay baan uga imid oo arsaaqaya.

Markii uu rasuulku csw dhintay ayaa Abuu Bakar loo doortay hoggaamiyihii Muslimiinta. Waxa uu ahaa nin aad u qalbi jilicsan oo naxariis badan. Abuu Bakar sidii uu ahaa iyo mid ka mid sifooyinkisii waxaa inoo haya Cumar binu Khadaab.

 

Wuxuu yidhi; “Marka uu subaxdii dadka tukiyo ayuu naga bixi jiray ilaa inta ay cadceedu ka soo baxayso. Subaxii dambe ayaanu daba-galnay, wuxuu galay guri yar oo Buul ah. Markuu ku jiray intay cadceedu ka soo baxaysay, ayuu ka soo baxay, waanu iska qarinay. Markuu tegay ayaanu gurigii tagnay, waxaa ku jirtay hooyo itaal daran oo ilmo yari la joogo.

 

Kii yaraa baanu ku nidhi ayuu ahaa ninkaa idinka soo baxay. Kii yaraa ayaa yidhi garan maayo, balse aroor kasta wuu noo yimaadaa oo laxooxda ayuu noo dubaa anaga oo ah masaakiin itaal daran. Cumar baa ooyay oo yidhi Abuu Bakarow Ilaahay ha kuu naxariisto, waxaad jidaysay wax aanay adiga dabadaa cidi samayn karayn.

La soco…….

 

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

 
Saadaashiitartanka Koobka Adduunka 2002 Oo Diiraddii Ka Luntay

 

Faanka Faransiisku fajacbuu ku dambeeyay

 

Hargeysa (Haatuf) : - Tartanka koobka adduunka oo ay afartii sannadoodba mar ku wada loolamaan 32-ka dal ee ka soo gudba is-reeb-reebka hore, ayaa sannadkan ka socda waddamada K. Kuuriya iyo Japan, oo si wadajir ah u wada martigeliyay.

 

Tartankan oo ah kii 17aad ee dunidu ku kulanto, waxaa ka soo baxaya ifafaale ka geddisan astaamihii looga bartay marka la qiimaynayo waddamada ama cidda guulaysan karta. Tusaale ahaan waddamada ka socda qaaradda Yurub, oo ah kuwa ugu badan ayaan sannadkan soo bandhigin wacdarihii laga filayay, gaar ahaana Faransiiska oo haystay horyaalkii hore ee adduunka iyo Portugal oo labaduba ka mid ahaayeen waddamada loo saadaalinayay hanashada horyaalka 2002.

 

Faransiisku wuxuu ilaa hadda ciyaaray laba kulan, hase yeeshee midna ma badin, wax gool ahna muu dhalin. Kulankii furitaanka oo ay la yeesheen Senegal, ayaa 1-0 lagu minjo-xaabiyay. Sidoo kale waddanka Portugal oo aad loogu han-weynaa ayaa wadhi kala kulmay ciyaartii ugu horraysay oo Maraykanku 3-0 gool kaga adkaaday. Si kastaba ha ahaatee kulamadii shalay la ciyaaray waxay u dhaceen sidan:

 

France 0 – Uruguay 0

 

Waddanka difaacanaya horyaalka oo ku guul-darraystay kulankii furitaanka ee ay la yeelatay Senegal, ayay khasab ku tahay inay kaga badiyaan Denmark ugu yaraan laba gool kulanka dhexmari doona si ay u xaqiijiyaan wareega labaad u gudbaan, isla markaana ay uga fogaadaan inay noqdaan dalkii ugu horreeyay ee horyaalka difaacanaya oo wareega koowaad ku hadha tan iyo sannadkii 1966.

Faransiiska ayay markale niyadisii beenowday Khamiistii markii ay 10 qof noqdeen muddo saacad ah, iyada oo ciyaarta laga saaray weeraryahanka Thierry Henry.

 

Denmark iyo Senegal oo qaybta “A” horkacaya ayaa min afar dhibcood leh, halka Uruguay gool-dheeri ku hoggaaminayso Faransiiska oo mid kastaaba dhibic keliya leedahay.

Faransiiska oo 10 ciyaartoy ahaa ayaanay u suurtogelin inay fuliyaan rabitaankoodii, waxaana ka lumay ugu yaraan saddex fursadood oo goolal laga fishay.

 

Sidoo kale Uruguay oo iyana kulankii furitaanka Denmark 2-1 kaga adkaatay ayaa dhinaceeda lumisay fursado dhawr ah. Uruguay lafteeda waxaa waajib ku ah inay ka tallaabsato Senegal, kuwaas oo haddiiay dhacaan kooxaha qaybtani ay min afar dhibcood yeelanayaan.

Faransiiska oo uu ka maqnaa Zinedine Zidane ayay ugu biirtay hantaaqo kale markii tiirka dhexe ee difaaca Frank Leboeuf, uu dhaawac gaadhay, taasna ay keentay in wax laga beddelo qaabka ciyaarta.

Inkasta oo la filayo in Zidane kulanka Denmark safto, haddana waxaa la hubaa inuu ka maqnaan doono Emmanuel Petit oo shalay qaatay kaadhkii labaad ee huruuda ahaa.

Tabobaraha Faransiiska Roger lemerre, ayaa sheegay in kooxdiisu weli rajo qabto oo aanay ka quusan koobka adduunka.

 

“Weli waxa jirta rajo yar. Waxaanu u baahanahay inaaanu ciyaar fiican la shirtagno kulanka Denmar, waana suurtogal,” ayuu yidhi Lemerre, oo kooxdiisu awoodi weyday xataa inay wax goolal ah dhaliso.

Tabobaruhu wuxuu guul la’aanta ku habsatay ku macneeyay; kooxda oo kala dhantaalantay, isaga oo arrintaa ka sii hadlayana wuxuu yidhi; “Annaga oo 10 nin ah ayaanu iska caabinay Uruguay, waxaanu ahayn curyaan, laakiin si fiican baanu u habaysnayn. Waxaanu adeegsanay farsamo.

Haddii 10 nin mid ka dhaawacmo waa sagaal waana sababta aan beddelka ugu dhiiran waayay.”

 

Senegal 1, Denmark 1

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Senegal Salif Diao, ayaa dhaliyay goolka barbaraha, kahor intii aan ciyaarta laga saarin, kaas oo kooxda galbeedka Afrika ka dhigtay in markii ugu horraysay ee ay ka soo qaybgasho koobka adduunka ay wacdaro ka muujiso.

 

Senegal oo 1-0 kaga badiyay Faransiiska ayaa laga hormaray gool-dhalinta markii Diao xerada ganaaxa ku dhex legday John Dahl Tomasson, oo isna dhaliyay rigoorihi loo dhigay, oo noqday goolkiisii saddexaad.

Diao, oo keenay isla goolka barbaraha shan daqiiqadood kadib bilowgii qabtii labaad, markii kooxdiisu weerar-celis ku qaaday Denmar. Hase yeeshee, Diao ayaa daqiiqaddii 63aad ciyaarta laga saaray, markii uu kaadhkii labaad ee ciyaarta qaatay.

 

“Senegal oo 10 nin ah ayaa horumar muujisay markay dhibic ku darsatay saddexdii dhibcood ee Faransiiska ay ka qaadatay. Waxaan hubaa inay sumcad weyn Afrika u tahay,” sidaa waxa yidhi taboraha Senegal Bruno Metsu, oo ciyaarta ugu xigta la yeelanaya Uruguay 11 bishan.

Sidoo kale goolhayaha Senegal Tony Sylva ayaa tallaabo ragonimo leh ku tilmaamay ciyaarta kooxdiisu soo bandhigtay.

 

“Waanu ognahay inay ahayd ciyaar aad u adag, waxaanan filayaa inaanu muujinay in Senegal tahay koox quwad leh,” ayuu yidhi Sylva.

Dhinaca kalena tabobaraha Denmark, Morten Olsen, ayaa tilmaamo ka bixiyay qaab-ciyaareedka Senegal oo uu ku tilmaamay kuwo farsamo iyo jidh ahaanba dhisan oo isu dheelitiran. Olsen, wuxuu sheegay in kooxdiisu halgan qadhaadh gashay qaybtii dambe oo hawaduna culays ku keentay.

Tabobaruhu wuxuu sheegay inay nasiib ku heleen dhibicda barbaraha ah.

“Waxaan filayaa inaanu nasiib ku helnay dhibicda ciyaartan. Senegal waxay leedahay adkaysi, waxayna ku ciyaaraysay meel qiyaas 30 degree ah, oo Yurub ku qallafsan, taas oo ka dhigtay koox aad u wanaagsan qaybtii dambe,” ayuu yidhi Olsen.

 

Ciyaartani waxay ahayd mid aad u adag, labada kooxoodna ay heleen kaadhadh badan oo digniin ah.

Senegal ayaa ku tallaabsatay beddel ay wax kaga bedelayso qaab-ciyaareedka kooxda, waxayna garoonka ku soo xeraysay Henri Camara iyo Soulemane Camara oo beddelay Pape Sarr iyo Moussa Ndiaye, kuwaas oo keenay in kubaddu ku soo laabato gacanta Senegal.

 

Kameroon 1 – S. Arebia 0

Kooxda boqortooyada Sucuudiga ayaa noqotay tii ugu horraysay ee ka hadhay koobka adduunka markii ciyaartii labaad lagaga adkaaday.

Sucuudiga waxaa 1-0 ku muquunisay dalka Kameroon oo ay wada yeesheen kulankoodii labaad intii tartankani socday.

 

Maxaa Laga Filayaa Kulanka Maanta Ee Argentine Iyo England?

 

inbadan oo ka mid ah bulshooyinka kala duwan ee dunida dacalladeeda ku dhaqan ayaa ka dhursugaysa wuxuu ku dambeeyo kulanka maanta dhexmari doona waddamada Argentine iyo England, oo ku wada jira qaybta ‘F’.

 

Labada dal oo uu u dhaxeeyo ficiltan ciyaareed iyo cadaawad siyaasadeed waxaa inta badan ciyaartooda ka dhasha muran adag oo dhexmara labada dhinac, kaas oo ku sinaa tan iyo intii labada wadan isku maandhaafeen lahaanshaha Jasaa’irka Folkland, oo markii dambe keentay dagaalkii dhacay 1982, oo dhexmary ciidamada labadaa dal.

 

Tan iyo muddadaa oo colaado meelsare ka gaadhay Argentine, waxay kooxaha labada dal kulmeen laba jeer oo ay iskaga horyimaadeen koobabkii adduunka ee 19861 iyo 1998, kaas oo labada jeerba Argentina ku guulaysatay. Guulahaasina waxay ciil-bax u noqdeen waddanka Laatiinka oo isaga lagaga adkaaday dagaalkii mileteri ee dhexmaray.

 

Haddaba sannadkan oo ah markii saddexaad ee ay iska horyimaadaan intii labada waddan colaadu ka dhex oogsatay ayay dad badani isweydiinayeen Ingiriisku ma iska waabin doonaaa Argentine, mise sidiisii ayuu ka tallaabsan doonaa?

Haddaba Oscar Ruggeri oo ahaa kabtankii Argentina ee koobkii Adduunka 1986, markii ay ku guulaysteen koobkii labaad, ayaa sheegay in kooxda waddankiisu garaaci doonta England oo ay qashinka ku dari doonto. Ruggeri oo ahaa mid ka mid ah difaacii ugu fiicnaa ee 20-kii sannadood ee ugu dambeeyay ee dunida soo mara ayaa sheegay kulanka maanta England la kulmi doonto dhirbaaxo ka xannuun kulul tii 1986 ay u gaysteen.

Kulanki 1986, oo ka dhacay dalka Mexico waxay Argentine ku badiyeen laba gool oo uu dhaliyay Diego Maradona, goolka hore wuxuu ahaa mid gacanta ku dhashay, wuxuuna caan ku noqday oo dunida looga wada yaqaan “Goolkii gacanta”, goolka labaad ee uu dhaliyay ee weligeed soo maray FIFA, ee laga dhaliyo ciyaaraha faynalka adduunka.

 

Sidoo kale, koobki ugu dambeeyay ee 1998, lagu qabtay Faransiiska ayay markale wada kulmeen, waxaana rigoorayaal ku adkaaday Argentina, ciyaartana waxa kaadhka cas la siiyay David Beckham oo ku xanaaqay Diego Simeone, labada ciyaartoyba ilaa hadda waxay u kala safan yihiin labada qaran ee maanta wada ciyaaraya.

 

Haddaba, iyada oo labada kooxood maanta wada kulmayaan ayuu tabobaraha Argentine ku dhawaaqay inuu wax ka beddelayo ciyaartoygii saftay kulankii Nayjeeriya, waxaana ciyaarta maanta safanaya; Kily Gonzalez oo u buuxin doona kaalintii Claudio Lopez, oo baalka bidix ka ciyaarayay kulankii ay Nayjeeriya 1-0 kaga badiyeen.

Tabobaraha Argentine Marcelo Bielsa oo ka warramay qaab-ciyaareedka uu maanta la shirtegayo ayaa caddeeyay inuu u ciyaari doono hannaanka (3-4-3).

 

Ciyaaryahanada iyo tabobaraha England ayaan iyagu ku talax tegin saadaasha ciyaartaa, waxayna afkooda ka dhawrayaan inay ku adkaystaan hadallada Argentina ku xoogsanayso.

Kooxda Argentine waxaa kulankaa uga qaybgeli doona ciyaartoyga kala ah; 12 Paplo Cavallero, 4 mauricio pochettino, 6 walter Samuel, 13 diego plancente, 8 javier zanetti, 14 diego someone, 11 juan Sebastian Veron, 3 juan Pablo sorin, 10 ariel Ortega, 9 gabriel batistuta, 18 kily Gonzalez.

Kulankaasina wuxuu dhacayaa 2:30 duhurnimo ee saacadda Afrika bari.

Kulamada kale ee dhacayaana waxay dhexmarayaan Sweden iyo Nigeria 9:30 subaxnimo, Spain iyo Paraguay 12:30 duhurnimo.