Haatuf, Cadadki 93, June 9, 2002
Salaadiinta Siyaasadda Ku Qaybsanaa Oo Maanta Kulan Yeelanaya Kulan Ay U Dhan Yihiin
|
Hargeysa (Haatuf): Salaadiinta Somaliland ee hore ugu qaybsanaa mowqifyada Siyaasadda, looguna kala yeedhi jiray Mucaaridka iyo Muxaafidka, ayaa maanta kulan ay u dhan yihiin ku yeelanaya xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kulankaasina waxa uu qayb ka yahay kulamo xidhiidh ahaa oo beryahanba u socday sallaadiinta labada dhinac.
Wada-hadaladan dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay u socday Sallaadiinta, waxa markii u horeysay suuro-geliyay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo isu keenay Salaadiinta labada dhinac ee hore ugu qaybasanaa aragtida Siyaasadda, iyadoo ay hore u yeesheen ilaa laba kulan, waxayna kulamadii hore labada dhinac ka gaadheen waxooggaa horumar ah, taas oo ay ugu horeyn iska saamaxeen wixii xad-gudub iyo qadaf ahaa ee hore u kala gaadhay, isla markaana waxay isla gaadheen waxooggaa isfaham iyo isu soo dhawaansho ah, iyagoo isla gartay in ay wada-hadaladooda sii wadaan ilaa inta ay natiijo kama dambays ah ka gaadhayaan.
Hase yeeshee, ilaa hadda wararku ma sheegin heshiisyo iyo go’aamo kama-dambays ah oo ay iskula gaadheen kulamadaa hore. Laakiin, waxay wararku sheegeen in la filayo kulankan ay maanta yeelanayaan in ay ku baadi-doonaan isfaham guud oo dhinaca mabaa’diida ah, waxna ay heshiish ku noqdaan.
Sida ay sheegeen warar kale oo aanu ka soo xiganay ilo ku dhowdhow kulamada Salaadiinta, waxa la filayaa in wada-hadalka dhexmaraya Salaadiinta uu ajandayaashooda qayb ka noqon doono, mowduuc ku saabsan maqaamka ay Salaadiintu ku yeelanayaan talada dalka iyo sidii taa loo waafajin lahaa dastuurka dalka u yaal oo hadda qeexayn sharciyan doorka ay Salaadiintu ku leeyihiin kaalinta hogaaminta ummaddda.
Madaxweyne Bush Oo Gaashaanka Ku
Dhuftay Hindise Uu Soo Jeediyay Xusni Mubaarik
|
Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Masaarida (Goerge W. Bush iyo Xusni Mubaarik) ayaa labadii maal-mood ee ina dhaafay jimcihii iyo sabtidii kulamo ku yeeshay magaalada Camp-david ee dalka maraykanka, halkaas oo ay ku yeesheen wada hadal ay ku gorfeeyeen qadiyadda Falastiin,iyadoo ay arimaha laga wada hadlay ka mid ahaayeen hindise Xusni Mubaarik dabada ka riixayo oo ku saabsan sidii xal loo heli lahaa qadiyadda bariga dhexe. Hindisihaas oo uu hor dhaciisu yahay sidii ay dawladda maraykanu ugu dhawaaqi lahayd xiliga la dhisayo dawlad Falastiin leedahay.
“Uma diyaar inaanu dejino jadwal go’an oo taariikheed ee waxa keliya ee runta ahi waxa weeye inaanu go’aansanay in degdeg wax u bilaabmaan “ sidaa waxa yidhi Madaxweyne Bush oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga (Bush) iyo Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarik, ka dib markii ay wada hadal ka yeesheen mushkiladda bariga dhexe iyoqadiyadda Falastiin.
Labada Madaxweyne waxa ay ku kala duwanaayeen aragtiyah ay ka kala qabaan hogaamiyaha Falastiin Yaasir Carafaat,sidaa awgeed Madaxweyne Mubaarik oo ka hadlaya arinta Carafaat ayaa yidhi “Hadda ninkaa waxaanu siinay fursad, haddii uu fursadaa ka faa’iidaysto dadka oo dhami wuu taageero doonaa, haddii uu ka faa’iidaysan waayana waxa taa u sheegi doona dadkiisa”.
Madaxweyne Bush ayaa isna dhiniciisa waxa uu yidhi “ Mubaarik waxa uu leeyahay aragti muhim ah marka laga hadlayo Carafaat, laakiin waxa jira fursado badan oo laga heli karo Falastiiniyiinta meel walba , kuwaas oo muuqan doona haddii aynu horumarino hayadaha muhimka u ah nidaam dawladeed”. Laakiin Bush waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Inta aan anigu ogahay Carafaat maaha muhimadda mawduuca aynu ka hadlayno waxaanan si joogto ah u sheegay inaan ka nafsad jabay hogaamiyenimadiisa, laakiin arintu waxa ay tahay bal inay Falastiiniyiintu heli doonaan iyo inkale mustaqbalka, waxaanse u fekeray inuu Carafaat yahay nin hoos u dadka Reer-falastiin, markaa aniga waxa uu bartilmaameedkaygu yahay dib u habayn lagama maar-maan u ah si loo caawiyo Falastiiniyiinta”.
Madaxweyne Bush wuu sii hadlay wuxuuna yidhi “waxaan maskaxda ku hayaa jadwal waxaana loo baahan yahay in degdeg wax loo bilaabo gaar ahaan dhismaha hayadaha lagama maarmaanka u ah dhalashada dawlad Falastiin leedahay, taas oo ah gacan rajo gelinaysa dadka Reer-Falastin, iyadoo gacanta kalena aanu dunida ugu baaqayno oo ay ka mid yihiin wadamada jaarka la ah inay halkaa ku jirto fursad ah in nabad loogu wada noolaado geyigaa si loo jebiyo argagixisada”.
Madaxweynaha Masaarida Xusni Mubaarik waxa u tegey Camp-david si uu taageero ugaga helo Madaxweynaha Maraykanka hindisihiisa la xidhiidha ku dhawaaqidda dawlad Falastiin leedahay, laakiin Madaxweyne Bush waxa uu cadeeyey inaanu diyaar u ahayn atrintaa, wuxuuna Madaxweyne Bush isniintii hore la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Ariel Sharon oo diidan soo jeedinta iyo ra’yiga Madaxweynaha Masar.
Labada Madaxweyne Bush iyo Mubaarik waxay sheegeen inay si guud iskaga aragti yihiin in la helo laba dawladood oo Israa’iil iyo Falastiin ah oo ku wada nool nabad iyo deganaansho dhinac walba.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarik wuxuu ugu baaqay Israa’iil iyo Falastiiniyiintuba in ay qaadaaan tallaabooyin ay ku dhisayaan isku kalsoonida iyo is’aaminka ka dhexeeya.
Hargeysa (Haatuf): Il-moyar oo dhashay habeenimadii ay sabtidu soo gelaysay ayaa shalay laga helay dooxa magaalada Hargaysa, halkaas oo lagu tuuray, waxaana il-mahaa yar oo dhaawac ah barqadii shalay la keenay Cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa. Haseyeeshee dar-xumada iyo macaluusha ka sokow il-mahaa yar waxa cusbitaalka la keenay isaga oo shaawac ah, kadib markii uu cunay EY una gaystay dhaawacyo, taas oo uu EY-gu ilmahaa yar ka cunay meelo ay ka mid yihiin lugta bidix oo uu mici ku googooyey ugu yaraan hilbaha faraha ilaa ruugga, laakiin lama xaqiijin in lafaha iyo hal-baowlayaasha hoose qax qabaan iyo inkale.
Weriye ka tirsan wargayska Haatuf oo booqday ilmahaa yar ayaa sheegay inuu ilmahaa yari ku sugnaa duruuf naxdin leh, Taas oo ay si weyn uga muuqatay dar-xumadii qadoodigii iyo daryeel la’aantii dibjirnimada, iyadoo ay taa u dheerayd diiftii dhaawacyada uu gaadhsiiyey EY-gii cidlada ka helay ka dib-na cunay.
“Horta naftiisa ayaanu bad-baadinaynaa oo caafimaadkiisa ayaanu eegaynaa ” sidaa waxa yidhi Dhakhtar: Maxamed Saleebaan oo Weriyaha Haatuf uga waramayey xaaladda ilmahaa yar, waqtigaasi waxay ahayd markii ugu horaysay ee ilmahaa yar la soo geliyey cusbitaalka, wuxuuna xiligaa ku sugnaa qolka qalliinka laakiin waxa uu dhakhtaku intaa ku daray “ faraha lugta ilaa kuraanta ruugga ayaa googo’an”.
Ciidanka booliska ee saldhigga Kood-buur ayaa ilmahaa yar soo helay, soona gaadhsiiyey cusbitaalka. Sidaa awgeed sarkaal booliska ka tirsan oo ilmahaa yar cusbitaalka soo gaadhsiiyey ayaa sheegay inaanay ilaa hadda gacanta ku dhigin cidii ilmahaa yar tuurtay, laakiin ay ku daba jiraan.
Maaha maanta oo keliya ee marar badan oo hore ayaa la arkay dhacdooyin caynkaas oo kale ah, taas oo meel cidla ah laga helay ilmayar oo markuu dhashay la tuuray, waxaana qaarkood lagu tuuray godad iyo meelo qarsoon. Runtii dhacdooyinka noocaas ahi waa kuwo fool-xun una baahan in wax laga qabto, laakiin waa arin soo noq-noqonaysa oo aan ilaa hadda lagu guulaysan in la xakameeyo ama wax laga qabto.
Dhinaca kalena waxa subaxnimadii shalay dhaawacyo madaxa ahi soo gaadheen gabadh yar oo ay gaadhayso Toban jir ilaa dhawrr iyo Toban jir yar, ka dib markii libaax ka mid ah libaaxyo lagu rabeeyo beerta Maxamed Cali Warran-cade ee magaalada Hargaysa uu cunay, ka dibna uu madaxa dhaawacyo uga geystay, isaga oo miciyo iyo cidiyo madaxa iyo meelo kaga aasay. Hase yeeshee gabadhaa yar oo uu weiye Haatuf ka tirsani kula kulmay qolka gargaarka deg-degga ah oo lagu dawanayey waxa uu sheegay inaanay xaaladeeda caafimaad xiligaa wer-wer weyni ka muuqaan, waxaana la sheegay inuu libaaxaasi gabadha meel kaga sulaacay, iyadoo biyo-dhaaminaysa, ka dibna dirqi lagaga fur-furay.
Hayadda COOPI Oo Joojisay Hawlihii Samafal Ee Ay Ka Waday Gobolka Awdal
|
Boorame (Haatuf): hayadda samafalka caalamiga ah ee COOPI oo ah hayad Talyaani ah oo muddo dheer mashaariic dhinaca horumarinta iyo adeegyada bulshada ah ka waday gobolka Awdal ayaa gebi-ahaanba joojisay hawlihii samafal ee ay halkaa ka waday.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar hayadaasi shaaca kama qaadin sababta ay talaabadan cusub u qaaday, islamarkaana saraakiisha hayadaasi way ka gaabsadeen inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan. Sidoo kale masuuliyiinta sar-sare ee hayadaa ee fadhigoodu yahay magaalada Nayroobi ee caasumadda dalka Kenya ayaa iyagana ilaa hadda la ogayn wax war ah oo ay arintaa ka soo saareen .
Haseyeeshee sida ay sheegeen warar arintaa la xidhiidhaa waxa muuqata inay istaageen mashaariic dhawr ah oo ay hayadaasi ka waday degaamada gobolka Awdal, kuwaas oo isugu jirey dhinacyad caafimaadka, Waxbarashada, beeraha, biyaha iyo dhismaha.
Dr: Haan oo hayadaa u qaabilsan dhinaca caafimadka Boorame ayaa dhawaan ku wargeliyey maamulka caafimaadka gobolka Awdal inay hayadiisu joojisay taakulayntii dhinaca caafimaadka ee ay siin jirtay cusbitaalka guud ee magaalada Boorame. Sidoo kale waxay hayadaasi joojisay taakulo ay siin jirtay xafiisyada dhinaca beeraha iyo biyaha sida ay ku warameen masuuliyiin xafiisyada ka tirsani.
Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in talaabadan cusub ee ay hayadda COOPI qaaday loo arkay in ay tahay mid ay kaga jawaabayso canaano iyo eedaymo kaga yimi dhinaca xukuumadda Somaliland iyo dadweynaha gobolkaa ku dhaqan , waxaana ka mid ahaa waxyaalaha la sheegay in lagu canaantay faro-gelin lagu tilmaamay in ay ku haysay maamulka laamaha dawladda ee gobolkaa iyo hayadaha kale ee samafalka caalamig ah ee gobolkaa iman lahaa oo la sheegay inay ka hor-joogsatay hayadda COOPI iyo weliba qoddobo kale .
Guddiga Ilaalinta Xuquuqda Aadamiga (Horn Watch) Oo Ku Eedeeyay Hay’adaha Samafalka Iyo Shirkadaha Xad-Gudub Xuquuqda Shaqaalaha Ah
|
Hargeysa (Haatuf): Ururka wadaniga ah ee ilaalinta xuuquuqda aadamaha ee la yidhaahdo HORN WATCH ayaa soo saaray qoraal qaylo-dhaan ah oo uu ku sheegay in si weyn loogu tuntay xuuuqda shaqaale badan oo ah muruq-maal u shaqeeya shirkadaha gaarka ah, ganacsatada, hayadaha samafalka caalamiga ah iyo meelo kale..
Qoraalka qaylo-dhaanta ah ee uu ururkani soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ururkaa Saleebaan Ismaaciil Bulaale, waxay qoraalkooda si toos ah ugu socodsiinayaan Madaxweynaha si ay xukuumadiisu wax uga qabato arintaa xad-gudubka ah ee ay sheegeen in lagu sameeyo shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha gaarka ah , ganacsatada iyo hayadaha samafalka caalamiga ah, ogaysiina waxa ay siiyeen dhinacyo ay ka mid yihiin:Wasaaradda qorshaynta, waaxda shaqaalaha ee wasaaradda caafimaadka, hayadda shaqaalaha aduunka(ILO)iyo dhammaan hayadaha samafalka wadaniga ha iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ku sugan, qoraalkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:
“Anaga oo ah urur u gooniyoobay ilaalinta , horumarinta iyo u hiilinta xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyadda aadamiga , waxaanu ka damqanaynaa xaaladda ay ku sugan yihiin xuquuuqda shaqaalaha gaarka ah ee Somaliland , taas oo aanu ku ogaanay ka dib markii ay na soo gaadheen cabashooyin badan oo ay noo soo qorteen shaqaale rayid ah oo laga duudsiyey xuquuqdoodii distooriga ahayd ee ay lahaayeen, kuwaas oo isugu jira qaar u shaqeeya dadka maal-qabeenada ah, shirkadaha wadaniga ah iyo kuwa shisheeyaha ah ee dalka ka shaqaysta iyo xataa kuwa u shaqeeya hayadaha samafalka caalamiga ah, tusaale ahaan hayadda CARE INTERNATIONAL, xafiiskeeda Hargaysa.
Shaqsaalahaa dhamaantood waxay ku sugan yihiin duruufo dhiig-miirasho ah, mana helaan xuquuuqdoodii shaqaalenimo, qaarkoodna waxa shaqada ka soo gaadhay dhibaatooyin iyo dhaawacyo isugu jira xagga jidhka ama xagga xiska, kuwaa uu dhaawacu soo gaadhayna sida qaalibka ah ma helaan xuquuqdooda shaqaalenimo iyo arimaha la xidhiidha ee ay xaqa u leeyihiin, taasna waxa sababay xad-gudubyo dhan ka ah xuquuqdooda shaqaale sida:
1-Heerka shaqo la’aanta Somaliland oo ah mid sareeya.
2-Qabyaaladda oo ay ganacsatudu adeegsadaan , dadka ay isku reerka yihiin, kuna dulmaan magaca qabiilka.
3-Shaqaalaha gaarka ah oo aan lahayn urur-shaqaale oo danahooda ilaaliya.
4-Xukuumadda Somaliland oo ku saacida hayadaha samafalka caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga shisheeye iyo kuwa wadaniga ahba sababo la xidhiidha masaaliix ka dhexaysa.
5-Go’aamada hayadaha garsoorka iyo kuwa waaxda shaqada ee wasaaradda caafimaadka oo aan lahayn awood fulineed.
Haddaba 12-kii bilood ee ugu dambeeyey waxa xafiiska HORN WATCH ee Hargaysa soo gaadhay ey cabashooyin shaqaale, kuwaas oo u badan shaqaale u shaqeeya hayadaha samafalka caalamiga ah , kuwaas oo ay qaar ka mid ahi laxaadkoodii ku waayeen , iyaga oo gudanaya ay hayadaas u hayeen. Markii aanu arintaa daba galnay hayadahaasi waxa ay dheg u dhigi waayeen go’aamadii iyo xataa yeedh-mooyinkiiwaaxda shaqaalaha ee wasaradda caafimaadka, xukuumadda iyo maxkamadaha dalka. Markii aanu si qoto-dheer u baadhanay , xidhiidhna aanu la samaynay hayadaas waxa noo cadaatay in shaqaalahaasi ay yihiin qaar lagu tuntay xuquuuqdoodii aasaasiga ahayd ee shaqaalenimo.
Sidaa darteed , guddiga ilaalada xuquuqda Aaadamiga ee HORN WATCH waxa uu u soo jeedinayaa dhammaan masuuliyiinta iyo hayadaha iyo weliba Ash-khaasta ay qaylo-dhaantani ku socoto inay qaadaan talaabooyinkan hoos ku xusan oo ah qaar waxtar Aaadaminimo u fidinaya dhibanayaasha xuquuqdoodii shaqaalenimo lsagu tuntay, islamarkaana ah qaar wax lagala qaban karo mushkiladaha lagu dulmayo xoogsatada ee la jidaystay.
-iyadoo la fulinayo qoddobada dastuurka Somaliland ee dhigaya xuquuqda shaqaalaha iyo sharciga waaxda shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.
-Sidoo kalena laga shidaal qaadanayo baaqa caalamiga ah ee xuuquuqda aadamiga qoddobadiisa 23 iyo 24 oo ayidsan dastuurka Somaliland.
-Awaamiirta cad ee eebe koreeye inoogu dhigay kitaabkiisa quraanka h iyo Axaadiista nebigeenii suubanaa NNKHA, waxaanu codsanaynaa;
1-In xukuumadda Somaliland abuurto jawi dhiirigeliya muruq-maalka iyo xoogsatada /shaqaalaha gaarka ah inay samaysan karaan urur-shaqaale rayid ah oo u gaar ah, danahoodana ka shaqeeya dastuurka dalkana waafaq-san.
2-Si ay u suurta gasho in hayadaha garsoorku fuliyaan go’aamadooda iyo xukunada ay ka soo saaraan dacwadaha u dhexeeya loo shaqeeyaha iyo u shaqeeyaha ee hor-yimaadda , waa inaanay Xukuumaddu faro-gelin , taas oo ay qqaar ka mid ahi dhacday.
3- Maadama ay shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta dalka , door-weyna ayku leeyihiin sees u dhigidda dib u dhiska dalka iyo dhismaha mustaq-bal haboon oo ay ubadkeenu helaan waa in iyagana xuqqudooda shaqalenimo la dhawraa oo ugu yaraan ay helaan waxa ay xaq u leeyihiin.
4-Hayadaha samafalka caalamiga ah oo qaarkood ama intooda badani ku tuntaan xuquuqda shaqaalahooda horayso ama dambaysaba, iyaga oo ka faa’iidaysta baahida jirta iyo shuruucdii aasaasiga ahayd ee shaqqalaha oo xataa haddii ay jiraan aan haysan hayad xooggan oo hirgelisa, sidaasna ku lunsada, dafira ama meer-meeriya magta iyo xaqa shaqaalahooda,waxaanu markaa leenahay maadaama aad tihiin hayado samafal waa inaydaan dul-miyin shaqalihiina “.
Maayarka Hargeysa Ka Soo
Laabtay Safar Uu Ku Tegay Suudaan
“Wax badan baa ii soo qabsoomay”
|
Hargeysa (Haatuf) Maayarka caasumadda Hargaysa Cawl Cilmi Cabdalla ayaa shalay dalka dib ugu laabtay , ka dib markii muddo laba toddobaad iyo dhawr maal-mood ah socdaal ugu maqnaa dalka Suudaan,waxaana Maayarka socdaalkiisa ku weheliyey ilaa saddex xubnood oo uu ka mid yahay la Taliyaha Madaxweynaha ee arimaha carabta Muuse Bashiir..
Maayarka oo aanu xalay fiidkii la xidhiidhnay , wax-na ka waydiinay waxa uu kala soo kulmay socdaalkiisii Suudaan ayaa ugu horayn socdaalkiisa ku tilmaamay mid soo xaajaxay oo guul xan-baarsan.
Haseyeeshee wuu ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo socdaalkiisa ,isaga oo sababta aanu faah-faahinta u bixinayna ku tilmaamay inuu Horta la kulmayo Madaxweynaha oo uu xog-warran ka siinayo safarkiisa Suudaan inta ka horaysana aanu faah-faahin ka bixinayn safarkiisa, laakiin waxa uu sheegay inuu kulanka xog-waranka ah ee uu damac-sana yahay inuu Madaxweynaha la yeesho ka dib uu saxaafadda uga warami doono socdaalkiisii Suudaan iyo wixii uu kala soo kulmay.
“Socdaalkii aan Suudaan ku tegey waxa uu ku soo dhamaaday guul, waxyaalo badanina way ii soo qabsoomeen , marka aan Madaxweynaha la kulmo ka dib ayaan war faah-faahsan siin doonaa saxafadda” ayuu yidhi maayr Cawl .
21-kii bishii May ee ina dhaaftay ayey Cawl iyo xubnaha weheliyey ka dhoofeen magaalada Hargaysa, waxayna tageen caasumadda dalka Suudaan ee Khartuum, iyadoo u socdaalkoodu ahaa mid lama filaan ah oo aan hore loo sii ogayn, laakiin mar qudha lagu war helay . Hase yeeshee Wasiirka arimaha gudaha Mudane: Cabdilaahi Cumar Cige oo uu wargayska Haatuf waqtigaa wax ka waydiiyey ujeedada socdaalka Maayarka Hargaysa ee Suudaan ayaa sheegay inuu mari-qaad ka helay Maayarka Caasumadda Suudaan ee Khartuum, isla markaana intii uu Cawl booqashada ku joogay dalka Suudaan waraysi uu siiyey BBC-da waxa uu ku sheegay inay is arkeen madax ka tirsan dawladda Suudaan oo ay ku jiraan xubno wasiiro ahi, taas oo Maayar Cawla yidhi waxyaalihii aanu isla soo qaadnay waxa ka mid ahaa kor u qaadidda xidhiidhka labada dal , gaar ahaan dhinaca Waxbarashada.
Laas-caanood (Haatuf) Xurguf dagaal iyo falal dil ah oo dhexmaray laba ree oo deegaanka Laas-caanood ah ayaa dhowaan la soo afjaray xal u helidiiisa , ka dib markii ay guddi dhex ah oo loo saaray xal u helidda mushkiladaa go’aamo kama dambays ah oo xukun ah ka soo saareen arimahaa.
Horaantii bishii May ee ina dhaaftay kowdeedii ilaa labadeedii ayey xurguf dagaal dhexmatay ardaayo ka mid ah qabiilka la yidhaahdo Jaamac Siyaad iyo ardaayo ka mid ah qabiilka kale ee la yidhaahdo Ugaadhyahan oo labaduba ka mid ah dadka ku dhaqan deegaamada Gobolka Sool ee bariga Somaliland, waxayna xurguftaasi keentay falal dil ah, taas oo ay labada dhinac iskaga dhinteen laba qof, halka ay 9 qof oo kalena xurguftaa dagaal ku dhaawac-meen. Haseyeeshee wax ka qabashada shaqaaqadaa waxa u gurmaday dhinacyo kala duwan oo isugu jira hogaamiye-dhaqameedka iyo wax garadka kale ee degaamada gobolka Sool, iyadoo ay dhinaca Hargaysana xilligaa ka baqooleen wefti ka kooban xubno wasiiro ah iyo mudanayaasha beesha Sool kaga jira golayaasha baarlamaanka Somaliland, taas oo ay dedaalka arintaa odayaal ka ahaayeen garaadada beesha sool ee fadhigoodu yahay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana xal u helidda amuurtaa loo saaray guddi dhex ah , kuwaas oo xukun ka gaadhay wixii dilal iyo daanno kaleba meesha ka dhacay.
“Aad ayaanu ugu mahad naqaynaa garaadada, wax garadka kale ee hawsha wax ka qabashadeeda galay iyo guddigii dhexdhexaadinta, waxaanuse iyagana si gaar ah ugu sii mahad-naqaynaa labada Garaad ee ay reerahooda wax dhexmareen (Garaad Saleebaan iyo Garaad Ismaaciil”. Sidaa waxa yidhi mudane baarlamaanka Somaliland ah oo ka mid ah raggii arintaa u tegey Laas-caanood oo tilmaan ka bixinaya sidii xal u helidda arintaa loo maareeyey iyo dhinacyadii dedaalkeeda ka qayb-qaatay.
Sida ku cad nuqulka Qoraalka ay guddigii dhex-dhexaadintu ku xar-dheen go’aamadoooda waxa labadii nin shaqaaqadaa ku dhintay laga xukumay mag, taas ninkiiba laga xukumay 110 halaad .
“Guddigu wuxuu go’aamiyey in magaha lagu bixiyo muddo sagaashan(90) maal-mood gudahood ah oo ka bilaabmaysa 28/05/2002, kuna eg 28/08/2002 ” ayey guddigaasi ku yidhaahdeen go’aamadooda.
Guddigaasi waxa kale oo ay mid ka mid ah labada reer ee dirirtu dhexmartay ku xukuntay Toban milyan oo shillin Somali ah oo ganaax ah, ardaagaas oo ah jilib Jaamac Siyaad ka mid ah (Reer khayr), waxa lagu tilmaamay sababta loo ganaaxay inay markii ay xurguftu dhacday loogu tegay ergo ,laakiin ay ergadii ku simi-waayeen arinta , ka dibna ay ku dhaqaaqeen talabo aargoosi ah.
Sidoo kale waxay guddigaasi go’aamiyeen in dhinicii wax ka soo celiya go’aamada la gaadhay la ganaaxi doono konton milyan oo shillin Somali ah (50,000,000).
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Waxaan ku wargelinayaa dawladda, madax-dhaqameedka iyo wax garadka kaleba in gebi ahaanba la ootay degaamada xoola-daaqeenka ee degmada Caynaba iyo ilaa jiidda tuulada Habari-heshay oo xoolihii daaq iska daayoo ay waayeen meel ay maraan.
Dhulkaas waa la seertay, waxaana loo seertay in laga beerto caws, cawskaas oo laga baayac-mushtareeyo,lagana saaro Somaliland ,iyadoo loo raro dhinaca Booosaaso.
Sidaa darteed waxaan ku baraarujinayaa ama ugu baaqayaa dadweynaha, madax-dhaqameedka iyo waxgaradka degaankaa inay u kacaan sidii ay tirtiri lahaayeen ooddaa lagu seertay dhulkii ay xooluhu daaqi jireen, iyadoo arintaa wax ka qabashadeeda lala kaashanayo dawladda, waayo ooddaa dhulka lagu seeranayaa waxay dhibaato weyn ku haysaa dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaankaa.
Ugu dambayn waxaan leeyahay haloo gurmado dadka xoola-dhaqatada ah ee degaankaa ku nool.
Abokor Axmed Muuse—Caynaba
Xal Haloo Raadiyo Fadhatada Fanka
Guud ahaan fankeenu, waa wax aad u quruxsan ay qoto-dheeriyina ku ladhan tahay. Sidoo kale dadyowga iyo dalalka dunida inagula uummani waxa uu mid waliba leeyahay fan iyo suugaan u gaar ah.
Hadaba mudanayaal iyo marwooyin aniga oo aan marnaba hilmaamayn hadimooyinka iyo horumar la’aanta ku gadaaman hal-bawlaha nolosha muwaadinka oo ah arin ka miug-weyn mowduucan aynuka hadlayno, haddana waxay igala fursan wayday inaan yara hoga-tusaaleeyo cidkasta oo danaysa ama dabaqabatayn karta dhaawaca fankeenna.
Ma hayo, mana hanan hawraar aan si buuxda ugu muujiyo habawga maanta haysta fankii iyo suugaantii quruxda badnayd ee aynu hiddo-samida u lahayn, laakiin akhristow inyar dareenkaaga I amaahi, soona doonyeyso, dabadeena weeye I dheh.
Waayadii hore abwaanku marka uu rabo inuu curiyo riwaayad, hees, ama gabay waxa uu hortiisa soo dhigan jiray ama uu is-wayddin jiray maxaad ka hadlaysaa ?, yaad la hadlaysaa?, maxaad u jeedaa?, halkee baase ugu qurux badan , uguna macaan ee aad ku soo bandhigtaa muudka maaxday ee maskaxdaada, ilayn horaa loo yidhi allena la kala baryi-og, ereyna la kala odhan-oge. Mase ogtahay in hadaad tidhaahdo malabku waa malab-shiniyeed iyo hadaad tidhaahdo waa hun-qaacadii shinida inay yihiin laba erey oo isku macne ah, laakiin kala macaan aan idhaahdo kala awran labaduye.
Sida la og yahay abwaanadu waxay ahaayeen, kuwo wax soo saar falsafadeed leh, islamarkaana tixi kara oo tidci kara tixo iyo tiraabo xanbaarsan tusmooyin nuxur leh.
Waxa xusid mudan abwaano iyo fanaaniin badan oo dalka u dhashay sidii ay ugu hagar-baxeen suugaanta dalkeena, kuwaas oo ay murtidoodu ilaa mar hore ama fac hore ilaa hadda ama facan ay tahay wax la fahmi karo oo nuxurkeeda lala jaan-qaadi karo, iyadoo aad dhadhamin karto ama ku raaxaysan karto laxanka iyo midhaha is-geya ee loogu jeeni-qaaray muusiga soo jireenka ah, laakiin waxa taa bedelay qaar duryamaya oo dumanaya magaca, dacal marayana kuwii hore. Waa duul aan anigu u bixiyey fadhatada fanka, waa run oo ma curiyaan wax cusub iyo hal-abuur ama midho u gaar ah, laakiin waxay fadhataystaan heeso hore oo ay cid kale leedahay oo laga yaabo inuu nool yahay fanaankii lahaa ama qaadi jiray. Waa fajac iyo yaab tani, laakiin maaha fajaca keliya ee aynu aragnay ama arki doono ee wax badan oo kale ayaa laga yaabaa inaynu aragno inta aynu nool nahay.
Sidiisaba fanku waa falsafad lagu cabiro dareen gaar ah ama lagu sawiro dabeecad qurux badan oo lagu masaalo shay mudan ah, waa aftahamo iyo hal-abuurid ku aroorta dhaqan iyo hidde gaar ah.
Waa kayd iyo dhito looga dab-qaato tix-raac la xidhiidha taxanaha taariikheed ee ay ummadi leedahay. Waa tusmo iyo tilmaan qeexda hab-nololeedka u gaar ah dad meel ku dhaqan, “waana hibo eebe ku siiyo, hiddo aad ku aroorto ioy hal-karaanimo weeye.”.
Hadal iyo dhammaan waxaan odhan lahaa heesaha habaabay ee haleeyey fankeena waa in xal loo raadiyaa. Ahmiyaddu maaha in aynu ku dhegsanaano abwaanadii iyo fanaantii hore , laakiin waxa muhim ah kuwa cusubi inay ku saleeyaan dhaqanka iyo sawraca luuqadda afsomaliga anu leenahay, wayna fiican tahay inay soo baxaan abwaano iyo fanaaaniin da’yar oo bedela kuwii dhintay ama gaboobay, laakiin maaha inay heesaha inoogu soo bandhigaan sidii inay la hadlayaan dadka reer-yurub ama reer-America.
Waxaan ku soo gunaanadi lahaa maqaaladan laba arimood:
Labada arimood mid waa iga talo oo waxaan leeyahay barbaarta cusub ee fanka walaalayaal milgaha fanka ka raadiya degaladiisa oo iska daaya fadhataysiga fanka.
Ta labaadna waa iga tusaale oo waxaan leeyahay fanaaniinta asalka ahi marka ugu horaysa ee ay suurta gal u noqoto waa inay samaystaan wax la yidhaahdo “lama gediyaan”, kaas oo ay ku gadaamayaan heesahooda gaar ahaaneed, islamarkaana ay ku cadaynayaan inuu waxaasi yahay lama-taabtaan ogolaansho la’aan, taas oo uu xaq u yeelan karo inuu dacwad ku soo oogo qofkasta oo ogolaanshiiyo la’aan ku takrifala heesihiisa, iyadooay iigu muuqato in la soo gaadhay xiligii la hanuunin lahaa ama la toosin lahaa heesaha habaabay , maadaama ay fanaaniintu badiba ku sugan yihiin xili aan ku tilmaami karo fiidadow, taas oo macneheedu yahay inay kala noqdeen badiba rag waayeel cuslaaday ah iyo rag illaahoodii lahaa oofsaday.
Axmed H. Madar, Berbera
Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee
Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray
Q: 3aad _____Siciid I Guraase
|
Markii ay indhaha kala qaadeen ayay arkeen magaaladii Hargeysa ee ay ka qaxeen oo meel aan kaba fogayn ka muuqata, illayn way soo jiho habaabeen oo halkii ay galbeed uga socon lahaayeen ayay koonfur u socdeen oo magaalada ayay dib ugu soo noqdeen.
Kaba darane inyar kadib ayaa meel agtooda ah uu madfac ku dhacay. Naxdin weynaa, ma kuwii aynu ka yaacaynay ayaynu u soo gacan-galnay. Si deg-deg ah ayay u kaakaceen, iyaga oo xamaantoodiina urursaday. Waxaabay arkeen xero ciidan oo inyar u jirta. Waay sigteen oo haddii ay inyar socon lahaayeen habeenimadii, afkaabay uga geli lahaayeen. Ilaahayow na bixi iyagoo leh ayay lafahooda la baxsadeen. Xaggaa iyo galbeed ayay afka saareen. Meel Sheekh-mooldhaale la yidhaa ayay u dhawaayeen. Markay waxoogaa socdeenba waxay arkeen maryo iyo saabaan quban. Waxay isku qanciyeen in dad meesha marayay lagu laayay. Naxdintii baa ku sii siyaaday, balse fadalka ayay tiiriyeen.
Gigta gariirka ayaa u baxaysa, diyaaradihii duulaanka ahaana way dul gaaf wareegayaan, iyaga oo marka ay arkaanba geedaha ku leexanayay. Gaajo iyo macaluul ayay la ciirciirayeen, raxmadda Ilaahay ayaa meel kasta wadhnayd, taasay kolba ka hirqanayeen oo ay cabayeen.
Waxay socdaanba goor ay casar gaaban tahay ayay arkeen tuulo ku dhaw, waanay ku leexdeen, waxaana loo sheegay in ay tahay Cadaroorsh. Calankii SNM ayaa ka dul babanayay, ciidamadii xorayntuna way ku tabobaranayeen. Markaasay daremeen inay gaadheeen meel ay ku badbaadaan.
Waxay ku tashadeen inay ilaa habeenimada ay iska joogaan, subaxana ay socodkooda iska sii wataan.
Way daalan yihiin oo socod kuma jiro, halkii bay xamaanta dhigteen reerka intoodii kale, balse Col-u-joog tuulada ayuu dhexgalay, si uu war uga soo helo, wax dhuunta la mariyona uga soo eego.
Isaga oo dar Ilaahay u socda ayay iska soo horbaxeen inan dhalinyaro ah oo ay jaar ahaan jireen, reerkooda badh ka mid ahina ay miyiga deggenaayeen.
Salaan bay iskula soo boodeen oo ay cabaar isku dhegenaayeen. Waar ma nooshihiin iyo Ilaahay nasoo badbaadi ayay is dhaafsadeen.
Mar haddii aynu soo nabadgalnay waa nimco adduun ee reerkii ka waran ayuu Col-u-joog yidhi. Saaxiibkii baa ugu jawaabay annagu markiiba reerkayagii miyiga ayaanu u nimi, oo aanu iskala joognaa.
War anagu waanu balanbalnay oo wax walba waxaa nagaga darnaa dhul aqoon la’aanta. Silic baanu mar dhaweyd halkan ku nimi.
Inankiibaa yidhi; reerkayagaynu tegaynaaye ina mari reerka kaxaynee.
Reerkii bay u yimaadeen oo ay xamaanta u gureen, inyar kadibna waxay gaadheen halkii uu reerka kale degganaa. Waa casar dheer, waxaa la fadh-fadhiyay dugsi aqal-Soomaali sintii ah. Waxaa la dhegaysanayay BBC-da oo markaa soo gashay.
Xoolo yar oo ay reerku lahaayeena duleedkay daaqayaan. Markii ay arkeen Col-u-joog iyo reerkooda ayay wada kaceen oo ka hortageen. Alla waa jaarkeenii fiicnaa oo Ilaahay soo wada nabadgeliyay. Salaan niyada ayay isku qaabileen, waxogaa alaab ah oo ay siteena way la soo qaadeen.
Aqalkii baa la yimid. Is waraysi iyo xaal waranbaa loo goleeyay. Shaah diiran oo caano leh ayay markiiba u shubeen. Dhidid waaweyn baa fax ka soo yidhi. Habeenkii oo dhan sheekada looma kala saarin, iyada oo dumar iyo rag loo kala baxay.
Goor caweysin dheer ah ayaa laga soo riday shuuro geedo iyo caano gadhka loo geliyay. Qof waliba wuxuu ka qaaday intuu cuni karayay. Col-u-joog iyo reerkoodu way gaajo-baxeen, habeenkiina hurdo fiican ayay seexdeen, subaxiina Qarmac (Galay), xalay oo dhan dabka saarnayd ayay ku quraacdeen, duhurnimadiina waxay ku qadeeyeen neef Orgi ah o loo qalay. Hilib iyo oon kumay soo dhawaan, sidaasaa looga daayay Idaha oo duxdu ku badan tahay.
Maraqii iyo hilib aanay beryahaa ku soo dhawaan ayay ka dhergeen, balse caloosha ayaa ku wada xanuuntay.
Markii ay saddex cisho halkii ku sugnaayeen ee ay nasteen ayay iyaga iyo reerkii ay u yimaadeenba goosteen inay wada tagaan Harta-Sheekha oo lagu diiwaangelin jiray dadka qaxoontiga ah.
Waxay socdaanba mardambe ayaa la yidhi ciida leefa xuduudkii baynu ka tallaabnee. Farxad bay ciida leefeen. Hadda waa Itoobiya oo markii hore loo haystay cadow aan lagu baxayn ayaa maantana noqotay wehel lagu baxo. Goblan talo adduunyoy maxay galaba heer joogtay.
Wuxuu xasuustay markii uu socday dagaalkii 1977-kii ee ay diyaaradaha Itoobiya duqayn jireen Hargeysa iyo sidii ay maalin u sigteen markii ay diyaaradi gantaal ku dhufatay meel agtooda ahayd oo gurigooda Hargeysa u dhaweyd.
Socodkii waxay ku gaadheen Harta Sheekha oo ay ku yaaleen goobo dadka laga diiwaangeliyo oo habeenkii la seexdo. Salaadii hore ayay ku soo kalaheen koox tiro-koob ah oo dadka diiwaangelinaya.
Markii ay tirada redeerkooda iyo magacyadoda qoreen ayay siiyeen waraaq yar oo lagu doonayo kaadhka lagu qaato raashinka qaxoontiga.
Ilaa duhurkii ayay ku qaadatay inay hawshaasi u dhammaato.
Duhurnimadii kadib ayay u ambo-baxeen xagaa iyo Dul-cad oo waxoogaa ka durugsanayd. Goor casar gaaban ah ayay gaadheen iyaga oo xaadh-xaadhay meel banaan oo ay xamaanta dhigteen.
Dulcad waa goob ban ah oo aan dhir iyo geedana lahayn. Dadka intii hore u tagtay waxay ka heleen oo la siiyay Taandhoyin ay galeen, balse dadka cusub muddo ayay ku qaadanaysay inay helaan waxay gabboodsadaan.
Markiiba saddex dhaadheer ayay xaabo ku shiteen oo ay saareen Qamandi sidiisii ah oo aan saxar laga goyn.
Bal waakaase haba bislaado, iyaga oo dabkii iska kulaalaya ayna dhacayso bahal dhaxan ah oo aynaan iyada oo kale aragi, ayuu roob lama filaan ahi dushooda ka onkoday.
Wax la isaga dhigaa ma jirto, dabkii yaraa isaga mar horuu bakhtiiyay, iyagiina xabbad Buste ah oo ay siteen ayay hoos galeen illayn buste qoyay ayaa ugu daran.
Markay culayskiisii xamili waayeen ayay iska tuureen. Nin qoyani biyo iskama dhawree roobkii bay iska xamileen. Kaaga darane bahal dhoobo ah oo meesha lagu manaystay ayaa ku dhegtay. Bal adba iska fuji, markay radeen ayuu oday ku dhawa naf la caarigii yidhi; “Lagaama cabo….
La soco……..
FAHAMKA CAAFIMAADKA
Cumar Daahir Cumar
Waa Maxay Aids-Ku?
|
Waxa aynu naqaanaa cudurada faafa ee uu qofka qabaa u gudbin karo dadka kale (Infectious diseases).
Cudurka khatarta ah ee hadda faafa duniduna aadka uga wer-wersan tahay waa HIV, oo uu macnaheedu yahay (Human Immuno deficiency virus) oo af-Somaliga ku noqonaysa (Lidka jidh-difaaca cudurada ee banii’aadamka). Arrintan oo marka la sharaxo noqonaysa in HIV oo jidhka banii’aadamka ka dilo awooda dabiiciga ah ee uu iska difaaco cudurada soo gala, fayraskaas HIV ayaa keena Aids-ka oo macnihiisu yahay (Acquired Immuno deficiency Syndrome) oo ah difaac-gabka cudur ee jidhka banii’aadamka.
Dadka uu ku dhacay Aids-ku, waxay yeeshaan tamar-darro jidheed oo gabta awoodii dabiiciga ahayd ee uu jidhkoodu iskaga difaaci jiray jeermisyada xannuunada sida ee jidhkooda soo gala, taas oo qofka u nuglaysa in xannuunadu ritaan oo uu noqdo qof xannuunsanaya.
HIV waxaa markii ugu horraysay la aqoonsaday oo laga helay jidhka banii’aadamka sanadkii 1980-kii, markii ay cilmi-baadhayaashu muddo baadhayeen HIV, ayaa hadda qaarkood rumaysan yihiin inuu dadka ku dhici jiray sanadkii 1950-kii.
Sannadkii 2000, ayay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka WHO, ku qiyaastay ilaa 33 milyan oo qof oo dunida ku nool inuu jidhkooda ku jiro fayraska HIV, malaayiin qofna way u dhinteen intii cudurkani dillaacay.
Inta badan dadka qaba Aids-ku ma oga inay u bukaan xannuunkaa iyo inay faafin karaan cudurkaa, waayo waxa dhici karta in aan qofka astaamaha Aids-ka lagu gartaa aanay ka muuqan isaga oo qabay Aids-ka ilaa toban sannadood.
Inta badan dadka Aids-ku ku dhacay way diciifaan, kadibna waxya u dhintaan.
Marka ugu horraysa ee Fayraska keena Aids-ku uu galo jidhka qofka, wuxuu u muuqda Fayrasku mid aan fir-fircoonayn, laakiin waxa socda taran uu fayrasku ku dhex tarmayo jidhka qofka, kadib waxaa bilaabmaya dagaal jidhka dhexdiisa ah oo dhexmaraya unugyada difaaca ee jidhka, waxaanu jidhku kolba dib u samaynayaa unugyo difaac oo cusub, si uu ugu beddelo unugyadii difaac ee kaga dhintay kahortaga fa fayraskac HIV ee jidhka qofka soo galay, laakiin muddo markuu socdo iska caabiga ee fayraska HIV, waxaa dhacda in jidhku uu awoodi waayo samaynta unugyo difaac oo cusub oo uu ku beddelo unugyadii difaac ee dhintay, halka taranka fayraska HIV-na uu aad u sii badanayo, xaaladani waa marka bukaanka ay ka soo baxaan astaamaha cudurka Aids-ku, waayo wuxuu jidhka bukaanku si dhaba u gabaa oo ka lunta awoodii difaac jidheed ee xannuunada. Shan sano ilaa siddeed sanadood gudahood qofka Aids-ka qabaa waxay u dhowdahay inuu ku dhaco oo uu qaado laba cudur midkood; cudurka sanbabada ku dhaca ee loo yaqaan (Pneumocystis Carinu Pneumonia) ama nooca kansarka ee loo yaqaan (Kaposi Sarcoma). Cuduradan oo aan inta badan ku dhicin dadka aan qabin Aids-ka.
Inta badan dadka uu ku dhacay Aids-ku waxay dhintaan marka uu ku dillaaco sida cudurkan sanbabada ee Pneumocystis Pneumonia, run ahaantii ma jiro qof uu si toos ah u dilo Aids-ku, ee wuxuu u dilaa si dadban oo ah dadka uu difaacoodii jidhka ee cudurada weeraray, ee uu diciifiyay HIV. Waxa dadkaa ku dhaca cudurada kala ah kansarka iyo xannuunada sanbabada, waana cuduradaa kuwa Aids-ku kula shuraakoobay dhimashada qofka.
Xubnaha jidhka ee uu HIV-gu aadka u saameeyo qofka uu ku dhaco waxa ka mid ah; maskaxda, cunaha, sanbabada, beerka, xamaytida, dhiiga iwm.
Mararka qaar fayraska HIV qofka uu jidhkiisa galo wuxuu kaga dhacaa qaybta maskaxda, bukaankaasi waxa xannuuna maskaxda iyo qaybaha dareenka ee la shaqeeya.
Arrintan oo wax ka beddesha qaabkii caadiga ahaa ee uu qofku u fekeri jiray, hurdada qofka iyo qofka oo culays maskaxeed dareema. Waxaa kale oo isbeddel ku yimaadaa dareenka lugaha, gacmaha iyo socodka qofka.
Dadka uu maskaxda kaga dhaco HIV waxay yeeshaan ilow aanay xasuusan karin dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay la kulmeen iyo caajisnimo hawlqabad oo ka yar hawlqabadkii qofka ee markii aanu jidhkiisa galin fayraska HIV.
Marka uu xannuunku ku sii kordhana waxaa suurtogal ah in uu qofku awoodi waayo inuu si la fahmi karo u hadlo, waxaanu noqdaa qof isku buuqsan.
Qofkan uu fayraska HIV-du ka abaaray maskaxda markuu isku dayo inuu qaato daawooyin ka caawiya xannuunka ka haya maskaxda waxaa dhacaysa inaanay waxba u tarin dawooyinka uu qaatay, sababtoo ah waxaa samaysma caabuq ku dhaca hab-dhiska dareenka ee qofka, kaas oo sameeya inuu dhiigu yeesho dahaadh difaac oo u diidaya in dawadu gaadho halkii loogu talogalay ee ay wax ka daweyn lahayd. Arrintan oo uu dhaliyo fayraska HIV ee jidhka ku jira, waxaase dahaadhkaa ka tallaabi kara dawo loo yaqaan AZT (Azidothymidine) oo markaa inta badan caawisa dadka qaba cudurka Aids-ka ee uu makaxda kaga dhacay.
Dhibaatada caafimaad ee uu fayraska HIV u geysto qaybta maskaxda ee qofka uu ku dhacay Aids-ku, waxaa la ogaada markuu gaadho heerka ugu dambaysa ee halista ah, dhakhaatiirta ayaa iminka ku hawlan sidii ay u heli lahaayeen farsamo ay ku ogaadaan xilliga bilowga uu yahay, waayo bukaanka Aids-ka ee ka badbaada xannuunada sanbabka iyo curada kale waxaa dhacda inay u dhintaan ilowshiyo uu xannuunkani keeno oo ay ilaawaan cunista raashinka iyo qaadashada dawooyinka.
Fayraska keena Aids-ku wuu dhintaa haddii uu dibedda uga soo baxo jidhka dadka oo uu la kulmo hawo (Air), mana leh awood uu ku galo jidhka meel aan daloolin, sidaa daraadeed la iskuma qaadsiiyo Aids-ka wada isticmaalka Talefoonada, Bayltamayada, Dharka la wada xidho, Dhunkashada, Salaanta gamcmaha, Candhuufta iyo ilmada qofka ka so dareerta. Ma jirto warbixin caafimaad oo ilaa hadda sheegaysa inay gudbiyaan sidoo kale fayraska HIV, kuma faafo qaniinyada kaneecada dhiga nuugta ee hadana ku qaniinta qof kale. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in fayraska HIV uu yahay mid faafistiisu ay aad u adag tahay, waxaana arrintan u marag kacaya hawlwadeenada caafimaadka ee ka hawlgala caawinta dadka qaba Aids-ku maaha dadka ugu tirada badan ee uu ku dhaco cudurka Aids-ku, tiro yar oo ka mid ah ayuu ku dhacay cudurkaasi.
Ilaa hadda dawada ay aad u isticmaalaan bukaanka Aids-ku waa dawada AZT, dawadan oo ka caawisa bukaankaa inaanu ku tarmin fayraska HIV ee ku jira jidhkooda, taas oo keenta waxoogaa cimri-dherer ah dadka qaba cudurka Aids-ka.
Ma jirto dawo si dhab ah u daweysta Aids-ka, mana jiro tallaal lagaga hortago oo joojiya Aids-ka, dhakhaatiirta caafimaadka iyo hawlwadeenadoodu in dadka ay iyaga oo keli ah ay joojin karaan Aids-ka, waxaa joojin in Aids-ku uu faafo iyadoo dadku u dhaqma hab-dhaqanka ay kaga badbaadayaan inay qaadaan cudurka Aids-ka.
WAADIGA CIYAARAHA
Halkay Marayaan Ciyaarihii
Tartanka Kobka Adduunka 2002?
Guuldaradii Talyaanigu waxay soo afjartay hankii musharaxiinta Koobka Adduunka
|
Hargeysa (Haatuf) :- Iyada oo uu kala-badh ku dhow yahay wareegii koowaad ee tartanka koobka adduunku, ayaanay ilaa hadda si buuxda u caddayn cidda u soo baxaysa wareega labaad ee tartanka, ilaa iminkana waxaa soo gudbay wadamada Spain iyo Brazil oo mid waliba badisay labadii kulan ee ugu horreeyay.
Dhammaanba ciyaaraha ilaa iminka dhacay waxay noqdeen kuwo ka lumay majarihii saadaashu ku aroortay, waxayna ka leexdeen tubuhii ay u sahamiyeen inta badan khubarada odorosta hadba cidda u muuqata inay ku guulaysan karto koobka markaa lagu beretamayo.
Habowga ku habsaday marinkii saadaasha ciyaaraha ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay taariikhda, dhamman waddamadii carrabka lagu adkaynayayna waxay u muuqdaan qaar been isku maaweeelinaya oo aan cidna ka riixan karin fursadihii la siiyay.
Waddanka Argentina oo ahaa ka ugu horreeya marka laga hadlayo cidda ku guulaysanaysa koobka ayaa maalintii Jimcihii riyadoodii laga dhigay Hal bacad lagu lisay, kadib markii England oo ay isu dhaarsanaayeen 1-0 kaga adkaatay. Daqiiqaddii 44aad ayuu weeraryahanka Liverpool ee Micheal Owen, keenay fursad rigoore ah, waxaana u dhaliyay kabtanka qaranka David Beckham. Argentina inkasta oo ay is canaanatay, dedaalo badana samaysay haddana uma suurtogelin inay goolka iska soo guddo, taasina waxay meesha ka saartay baqdintii badnayd ee laga qabay.
Dhinaca kale, waddamada ka socda Yurub, oo ugu badnaa kuwi saadaashu ku wareegaysay ayay intoodii badnayd ka baaqsadeen wacdarihii laga filayay.
Faransiiska oo ahaa dalkii labaad ee u sharraxnaa ku guulaysashada koobka ayay hadda qiir-qiir ku jirtaa fursaddii uu ugu soo gudbi lahaa wareega labaad ee koobka adduunku. Faransisku wuxuu yeeshay laba ciyaarood, balse midna muu badin, xataa wax goolal ah ma dhalin labadii kulan.
Sidoo kale, waddamada Portugal iyo Italy, ayay wadhi kaga dhacday tartanka. Portugal waxaa ku habsatay mahadho aanu meeshaba soo dhigan, waxaana kulankii furitaanka 3-2 ku muquuniyay Maraykanka oo aan magac ku lahayn saaxadda kubadda cagta dunida.
Talyaaniga oo qudhiisu ku jiray liiska musharaxiinta koobka adduunka ayaa afgembi u dhacay, kadib markii Croatia 2-1 ku carraabisay. Waddamada Brazil iyo Spain, oo aan xoog badan ku lahayn saadaashii dadku bixiyay ayaa iyagu ilaa hadda u ciyaaray sidii la rabay, hase yeeshee taasi maaha mid dammaanad buuxda u siinaysa inay calfanayaan koobka 17aad ee dunida.
Tartanka oo maalintii sagaalaad galay shlay waxaa la ciyaaray 26 kulan oo ka mid 46-ka ciyaarood ee wareega koowaad dhacaya, goolasha kooxuhu kala dhaliyeena waa 67 gool.
Kulamadii shalay dhacayna waxay waddamadu u kala badiyeen sidan:
Brazil 4 – Chine 0
Brazil oo saddex gool dhalisay qaybtii hore ee ciyaarta ayaa muujisay inay si raaxo iyo kalsooni leh uga itaal roon tahay China oo iyadu ka baxday kooxaha ku tartamaya Seogwipo. Afar nin oo kala duwan ayaa u dhaliyay goolasha shebegga ku nastay. Roberto Carlos, Rivaldo, Ronaldinho iyo Ronaldo, ayaa afar goor isu dabo-maray shebegga Chine.
Rivaldo iyo Ronaldo, waxay dhaliyeen goolal labadii guuloodba, halka Chine oo markii ugu horraysay koobka yimina ka fanjeediyay fagaarayaasha la isku arko.
Roberto Carlos ayaa gooldhalinta bilaabay markii uu qiyaas 25 mitir goolka u jirta kaga laaday kubbad xor ah, kadibna shebegga ku dhejiyay laad xiimaya oo uu lugta bidix ku ganay.
Intaa kadib, Brazil, waxay bilowday inay kubadda hantido, iyada oo ku duulaysay baalaha dambe ee difaaca, Roberto Carlos iyo Cafu, ayaa kubadda u duduucayay dhanka hore ee baalaha, halka Lucio maamulka khadka dhexe horumar ka muujiyay, isaga oo weliba weerar-celisyo badana suurtogeliyay.
Brazil ayaa dhalisay goolkeedii labaad oo uu dhaliyay Ronaldo oo goolka afkiisa ka helay kubbad ay ka soo shaqeeyeen Cafu iyo Ronaldinho.
Ronaldo iyo Ronaldinho oo is-faham fiican muujiyay ayaa kubbad isla barbar yaacay, taasina waxay keentay in Ronaldo lagu dhex legdo xerada ganaaxa, kubaddaana waxaa u soo baxay oo dhanka bidix ka sudhay goolka Ronaldinho.
Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhammaatay 3-0 ay Brazil leedahay.
Brazil oo aan dabka dhimin qaybtii dambe ayaa soo noqotay, ciyaartiina gadh-wadeen ka sii noqotay. Baas dheer oo Cafu ka soo farsameeyay badhtamaha garonka ayaa noqotay goolkii afraad. Garabka kooxda Roma oo kubadda la dhaafay laba difaac ah ayaa kubadda u gudbiyay Ronaldo oo ku diyaar ah agagaarka goolka, halkaas oo uu si fudud u dhaafiyay goolhayaha Chine Jiang Jin, daqiiqaddii 55aad ee ciyaarta.
Kooxda China ayaa marar dhawr ah isku dayday inay goolal dhaliso, gaar ahaana daqiiqadihii 61aad iyo 70aad, balse umay suurtogelin.
Italy 1 – Croatia 2
Laba gool oo afar daqiiqadood u dhaxaysay ayay Croatia waqti dambe ku weydaaratay kooxda waayo-araga ah ee Talyaaniga oo ay 2-1 ku dhirbaaxday kulankii waqtiga qadada ku dhexmaray kooxaha qaybta ‘G’.
Talyaaniga oo isku dayay inuu guusha soo dhacsado ayaanay u suurtogelin inay dhaliyaan fursad ay dabayaaqadii ciyaarta heleen, kadib markii calan-waluhu ku tilmaamay inuu khalad galay Flippo Inzaghi.
Isla calan-walahaas ayaa oggolaan waayay in Chritian Vieri dhaliyo gool, wuxuuna ku macneeyay inuu ka dambeeyay difaaca.
Vieri oo ka hadlay ficilka uu ku kacay ninkaasi ayaa ku tilmaamay mid aqoon-gaab ah oo aan u qalmin xataa kooxaha heerka labaad. Isaga oo dhacdadaa daba-socdana wuxuu yidhi; “Kuwaasi uma qalmaan heerka koowaad iyo xataa heerka labaad inay garsooraan, waxay ahaayeen garsoorayaal heer tuulo ah.” Vieri wuxuu sheegay in ay waajib ku tahay inay badiyaan kulanka u dhiman ee Mexico, oo ay wada ciyaaraan maalinta ugu dambaysa.
Guul-darada Taly aanigu waxay kaloo beenaysay rajadii ay ka qabtay inay la mid noqoto Brazil oo 13 goor gaadhay kulanka kama dambaysta iyadoon marna laga adkaan. Sannadkii 1994, oo Brazil rigoorayaal kaga adkaatay ayay wareegii koowaad kaga adkaatay Ireland oo 1-0 uk martay.
Talyaaniga ayaan ilaa hadda ku guulaysan inuu ka adkaado Croatia oo ay saddex goor wada kulmeen. Mar hore ayay sidan oo kale uga adkaadeen, mar kalena barbaro aya noqdeen, waxayna ahayd 1996 oo ay qaramada Yurub ku kulmeen.
S. Afrika 1 – Slovania 0
Siyabonga Nomvethe, gool uu u dhaliyay South Afrika ayaa ka dhigay in ay markii ugu horraysay ku guulaysato kulan ka mid ah ciyaaraha kama-dambaysta ah ee koobka adduunka. Goolkaas oo dhinaca kalena daaqada ka saaray Slovania oo markii ugu horraysay ka soo qaybgashay koobka adduunka. Slovania waa dalkii ugu horreeyay ee Yurub ah oo ka hadha wareega labaad.
South Afrika waxay leedahay afar dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta labaad ee qaybta ‘B’, oo ay hoggaanka u hayso Spain oo iyadu hore ugu soo gudubtay wareega labaad markii ay 3-1 kaga badiyeen Paraguay.
Tabobaraha kooxda Afrika ee loo yaqaan Pafana-Pafana (Inamada-Inamada) Mr. Jomo Sono, ayaa sheegay in ciyaartoygiisu heleen abaal-marintii diyaar-garowgii ay galeen. “Si fiican ayaanu isugu qorshaysanay kooxdan. Waxaanu ciyaarahooda daawanay ilaa kun goor oo aanu cajallada ku soo cel-celinay. Waanu daalin lahayn goolal intaa ka badan, laakiin fursado badan baanu luminay,” ayuu yidhi Jomo Sono.