Haatuf, Cadadki 94, June 11, 2002

Maayarka Hargeysa Oo Ka

Hadlay Natiijada Safarkisii Suudaan Iyo Dareemo Ka Dhashay Socdaalkiisii

 

Hargeysa (Haatuf): Duqa magaalada Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday mashaariic door ah oo uu kala soo heshiiyay dawladda Suudaan, isla markaana waxa uu si ba’an u beeniyay dareemo ka dhashay safarkiisa.

 

Mr. Cawl Cilmi Cabdallae oo shalay shir Jaraa’id ugu waramay qaar ka mid ah Saxaafadda dalka, waxa uu sheegay in dawladda Suudaan ay si weyn u soo dhoweysay weftigiisa, aadna ay u danaynayso in ay iskaashi la samayso Somaliland, waxna ay la qabato.

Mr. Cawl waxa uu sheegay in ay dawladda Suudaan diyaar la tahay deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ilaa heer Jaamacadeed ah, dugsiyo sare oo ay dalka ka dhisayaan, tababaro ay u fidinayso macalimiinta Somaliland in ay shahaadooyin siiso ardayda ka baxda dugsiyada Somaliland. Sidoo kale, dhinaca saxaafadda waxa uu sheegay in ay u ballanqaadeen koorsooyin waxbarasho, idaacad FM ah oo ay ka hirgelin doonaan Somaliland iyo waxtar kaleba. Waxa kale oo uu sheegay inuu kala soo xaajooday, xidhiidh ganacsi oo ay wadaagaan Somaliland iyo suudaan, isagoo xusay in diyaaradaha Suudaan ay iman doonaan Hargeysa.

 

Cawl Cilmi Cabdalle oo uu weheliyay u qaybsanaha Arrimaha Carabta ee Madaxtooyadda Somaliland Muuse Bashiir, waxa ay booqasho ku tageen dalka Suudaan May 21, waxana uu dalka ku soo laabtay Sabtidii.

 

Mr. Cawl, booqashadiisu waxa ay ka dambaysay martiqaad uu ka helay masuuliyiin reer Suudaan ah, waxana uu sheegay in ujeeddadiisa koowaad ay ahayd inuu Dawladda Hoose, qalab uga soo helo halkaas, taas oo uu sheegay inuu weydiistay Dawladda Hoose ee Khartuum iyo dawladda dhexe ee Suudaan, labadaba, waxana uu sheegay in loo ogolaaday, dhakhsana uu u filayo in loogu soo diro.

“Socdaal aanu ku soo guulaysanay buu ahaa in Siyaasiyan aanu wax ka soo dhaadhicino Suudaan,” ayuu yidhi Cawl, waxana uu ganafka ku dhuftay dareemo iyo warar ka soo baxay booqashadiisa oo sheegaya in Cawl uu martiqaaday urur Samafal oo Islaami ah oo saldhigiisu yahay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana aanay jirin cid la ogeyd. Waxaana werwer laga muujiyay in booqashadaasi ay noqon karto mid aan waafaqsanayn Siyaasadda dibadda ee Somaliland, iyada oo ay wararkaasi sheegeen in Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu dhowr goor ka joojiyay Mr. Cawl, martiqaadkaas inuu ku baxo.

 

Cawl, waxa uu weeraray Wargeyska The Somaliland Times” oo Sabtidii qoray Maqaal Af-Ingiriis ah oo uu akhriste la yidhaahdo Cali Guuleed Maraykanka ka soo qoray. Cali Guuleed, waxa uu falleeyay socdaalka Suudaan ee Maayarka, isaga oo tixraacaya ra’yi hore oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf, waxana uu ku tilmaamay warkaas; “Sheekooyin rag yari ka dambeeyo.”

“Article (Maqaal) Ingiriisi ku soo baxay oo aan iska garanayo cidda qortay iyo sida ay tahay oo dhan.., ayaa la qoray, wax adduunka wax la soo hadal qaado aan ahayn ayay ku sheegtay socdaalkayaga,” ayuu yidhi Mr. Cawl, waxana uu ku hanjabay inuu sharciga horgeyn doono arrintan, ciqaabta ay mudan tahayna la marin doono.

 

Cawl isaga oo beeninaya in booqashada aan cidi la ogeyn, waxa uu sheegay in La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Carbeed, Muuse Bashiir uu weheliyay.

Sidoo kale, isagoo ka jawaabayay wararka sheegaya in Madaxweynihii geeriyooday uu ka hor istaagay martiqaadkaas, waxa uu caddeeyay in laba jeer uu fiisuhu ka dhacay, intii Madaxweynihii hore noollaa, taas oo uu ku macneeyay inuu isagu (Maayarku), hawlo kaga mashquulay ee aanay jirin diidmo lagaga hor istaagay.

 

“Imika aakhiruu jiraa oo Marxuumkii in aan wax ka sheego looma baahna, cid ii diidda maan arag. Marxuumkiina wuu igu hambalyeeyay, isagaana magacaabay Muuse Bashiir,” ayuu yidhi Mr. Cawl.

Mr. Cawl, Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale laftiisuna uu raali ka yahay.

 

Cawl oo galabnimadii Sabtidii ee uu yimi diiday inuu u waramo Weriyayaal Haatuf ka tirsan oo ugu tegay gurigiisa, isagoo kaga cudur-daartay inuu marka hore warbixinta siinayo Madaxweynaha, waxa uu war-saxaafadeedkan bixiyay, kadib markii uu shalay warbixin booqashadiisa Suudaan la xidhiidha ka jeediyay Shirkii Golaha Wasiirada ee Isniintii.

 

Madaxweyne Rayaale Oo Wufuud U Kala Diraya Afar Dal Oo Dunida Ah

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inuu wufuud u kala dirayo dalalka Itoobiya ,Swezerland, Jarmalka iyo Honkong.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale waxa uu Madaxweyne Rayaale ka hadlay shirkii caadiga ahaa ee Golaha wasiirada ee isniintii shalay, wuxuuna mudane Rayaale halkaa ka tibaaxay inay wufuudaasi hawlo ugu kala bixi doonaan dalalkaa.

 

Sida uu war-saxaafadeedku sheegay Madaxweyne Rayale waxa kale oo uu rajo ka muujiyey dhoofkii xoolaha ee xayirnaa, laakiin war-saxaafadeedku wax tafaasiil ah kama bixin ujeedada tegista wufuudaa iyo arinta xoolaha toona . Haseyeeshee waxa la filayaa inuu madaxweyne Rayaale laftiisu ka mid noqon doono wufuudaa, isaga oo dhawaan marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Males Zenawi, iyadoo la filayo inuu Madxweyne Rayaale safarkiisa Itoobiya ku tago caasumadda Adi-Ababa.

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu halkaa ka sheegay inuu hadda gudo galay turxaan bixinta cadaaladda iyo arimaha garsoorka dalka, taas oo uu tilmaamay inay cabashooyin badani ka jiraan, iyadoo uu Rayaale khudbadiisii u horaysay ee uu jeediyo markii u talada la wareegay ku balan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka dhinaca garsoorka.

 

Sida u war-saxaafadeedku sheegayna waxa uu mudane Rayaale maalintii shalay ku war-geliyey golihiisa wasiirada inuu arinta wax ka qabashada garsoorka u saaray guddi ka kooban 8 xubnood , kuwaas oo kala ah : Madaxweyn-kuxigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, afar wasiir, laba mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada iyo hal mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ., laakiin war-saxaafadeedka laguma magacaabin xubnaha wasiirada iyo mudanayaasha, wuxuuna mudane Rayaale sheegay inay hawshooda ku guda jiraan ayna u keeni doonaan talooyin uu kaga go’aan qaato xal u helidda mushkiladda cadaaladda.

 

Waxa kale oo uu war-saxaafadeeddku sheegay inuu mudane Rayaale guddi u saaray xaddaynta dhulka Madaarka Hargeysa ka dib markii uu Wasiirka duulista hawadu Golaha soo hor-dhigay qorshe ku saabsan dhulka Madaarka .

 

Waxa kale oo isna shirka Golaha wasiirada war-bixin uu kaga waramayo socdaalkiisii dalka Suudaan ka jeediyey Maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle.

 

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Shaqada Oo Ku Baraarugtay Dulmiga Iyo Tacadiga Shaqaalaha

 

Hargeysa (Haatuf): Wasaaradda caafimaadka iyo shaqada Somaliland ayaa ku baraarugtay xilkeeda ku waajahan ilaalinta iyo sugidda xuquuqda shaqaalaha aan dawliga ahayn , waxayna wasaaradaasi markii u horaysay shalay soo saartay qaraaro ku waajahan shaqaalaynta iyo xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta ah ee u shaqeeya dhammaan hayadaha iyo shirkadaha gaarka ah ee dalka.

Wasiirka caafimaadka iyo shaqada Dr: Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa maalintii shalay wareegto qoraal ah u kala diray dhammaan hayadaha samafalka caalamiga ah ee dalka jooga iyo dhammaan shirkadaha gaarka ah, laamaha ganacsi iyo wershadaha gaarka loo leeyahay, wareegtadaasina waxa ay xanbaarsanayd doorka wasaaradda ee ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo go’aamo arintaa la xidhiidha.

 

Wareegtada Wasiirka caafimadka oo saxaafadda la gaadhsiiyey waxay tidhi “ Iyadoo la tixgelinayo waajibaadka wasaaradda caafimaadka iyo shaqada ee ku waajahan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dalka, isla markaana raacayna Siyaasadda ee ah sare u qaadidda arinta shaqaalaha maxaliga ah ee dhammaan hayadaha ama ururada, shirkadaha iyo wershadaha waxa aanu halkan mar kale ku wargelinaynaa hayadaha, ururada, shirkadaha iyo wershadahainay la tashadaan, una soo gudbiyaan wasaaradda caafimaadka iyo shaqada dhammaan arimaha la xidhiidha qoddobada soo socda si loo hubiyo, loona xalilo mushkilad kasta iyo is-faham la’aan kasta oo ka dhex dhici karta shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha”.

 

Qoddobada ay wasaaraddu soo qadintay ee ay farayso hayadaha iyo shirkadaha gaarka ahi inay raacaan waxa ay yihiin:

1-Nuqul ka mid ah ogaysiiska shaqooyinka banaan ee la raadinayo waxa loo gudbin doonaa wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

2-Meel-marinta ama ansixinta heshiishyada shaqo ee lala gelayo shaqaale cusub oo Muwaadiniin ah oo la qaatay waxa yeelan doonta waaxda ku shaqada leh ee wasaaradda (waaxda shaqada).

3- Hal muunad (Sample) ah ee heshiisyada shaqo ee u dhexeeya loo shaqeeyaha iyo shaqaalihiisa waxa loo gudbin doonaa wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

4-Talaabooyinka maamul ee anshax-marineed iyo ka shaqo eryidda ee laga qaado shaqaalaha maxaliga ah waa in la soo ogaysiiyaa wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

5- Wakiil ka socda wasaaradda caafimaadka iyo shaqada (guddiga shaqaalaha) ayaa goob-joog ka noqon doona imtixaanka iyo waraysiga laga qaadayo codsadayaasha shaqo kasta oo banaan.

Waxa kale oo ay wasaaraddu go’aamisay in gebi-ahaanba aan qof ajnebi ah loo ogolayn inuu buuxiya shaqo banaan oo uu qof Somaliland ahi dabooli karo.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku wargeliyey ururada ama hayadaha uu wareegtada u diray inay sharci daro tahay in qof ama wasaarad aan ahayn wasaaradda caafimaadka iyo shaqada inay iska dhigto wakaalad shaqaale, waxayna wareegtadu sheegtay inay wasaaradda caafimaadka iyo shaqadu awood u leedahay inay difaacdo xuquuqda shaqaalaha shirkadaha ama goobaha gaarka loo leeyahay.

Talaabadan ay wasaaradda caafimaadka iyo shaqadu ku dhaqaaqday waxa ay laba maal-mood ka dambaysay bayaan qaylo-dhaan ah oo ay soo saareen urur wadaniya oo u dooda xuquuqda aadamaha oo la yidhaahdo HORN WATCH, xaruntiisuna tahay Hargeysa, ururkaas oo hayadaha samafalka iyo shirkadaha gaarka ah ku eedeeyey inay ku tacadiyaan xuquuuqda shaqaalaha muwaadiniinta ah ee u shaqeeya, taas ay tilmaameen inay dulmi ku sameeyaan.

 

Kaalinta daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta ah oo run ahaantii muddo dheer si weyn loo dayacay waxa laga yaabaa inay dhawaaqyadan hadda soo if baxay dabada ku hayaan booqaho ay dhawaan Somaliland ku yimaadeen wefti ka socda ururka caalamiga ah ee shaqaalaha aduunka ( ILO) , taas oo la filayo inuu ururkaasi barnaamij ku caawiyo Somaliland ,iyada oo sida ay wararku sheegeen ay barnaamijka ILO ku caawinayso qayb ka yihiin arimo ku waajahan tayeynta iyo xoojinta hayadaha qaabilsan ilaalinta uquuqda shaqaalaha iyo dhiirigelinta abuurista ururo shaqaale iyo weliba tababaro arimahaa ku lug leh.

 

 

Booliska Hargeysa oo Qabtay Haweenay Tuurtay Ilmo Yar Oo Ay Dhashay

 

Hargeysa (Haatuf): Ciidanka booliska ee saldhigga waaxda Kood-buur ee magaalada Hargeysa ayaa shalay gacanta ku dhigay gabadh dhalin yaro ah oo tuurtay ilmo yar oo ay dhashay, ilmahaas oo sabtidii doraad tii ka horaysay ee Juun 9, 2002,laga helay laag ku taal xaafadda xero-awr waxa halkaa la dhigay markii u dhashay oo ahayd habeenimadii axaddu soo gelaysay . Hase yeeshee waxa ilmahaa yar halkii lagu tuuray laga soo qaaday isaga oo dhaawac ah, ka dib markii EY ka cunay lugta iyo meelo kale, waxaana ilmahaa yar la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa halkaas oo uu markii dambena ku dhintay.

 

Sida uu sheegay war aanu ka helay Ciidanka booliska ee saldhigga waaxda Kood-buur oo ah Ciidanka helay ilmaha yar ee la tuuray waxay ciidankaasi sameeyeen baadhis iyo hawl-gal ay ku baadi-goobayaan hooyada ilmaha yar dhashay, kadibna tuurtay, taas oo ay ku guulaysteen inay gabadhaa maalintii shalay gacanta ku dhigaan, wuxuuna warku intaa ku daray inay gabadhaa da’deedu tahay 15 jir, ayna ka timi magaalada Burco, ka dibna markii ay Hargeysa timi ay ku soo degtay guri uu leeyahay nin ay il-adeer yihiin.

 

Sida uu war arintaa ku saabsani sheegay gabadhaasi waxay lebisnayd xijaab-weyn oo ay markii hore ku qarinaysay uurka, sidaa darteed waxa la sheegay inaanay uurkeeda dareemin dadka ku nool guriga ay ku soo degatay.  Hase yeeshee waxa la sheegay in gabadhaasi markii ay fooshu qabatay ay gurigii ka baxday oo ay tagtay meel doox ah, halkaasna ay ku umushay, ka dibna ay kaga tagtay ilmihii ay dhashay.

 

Sida ay wararka arintaa la xidhiidhaa sheegaan gabadhaasi waxa ay booliska u sheegtay inaanay cidina ka umulin ee keligeed meel cidla ah lu umushay.

Saraakiil Ciidanka booliska ka tirsan ayaa, iyaguna sheegay inay gabadhaa markii la soo qabtay ay ku muuqatay diif iyo dhibaato badan oo ka soo gaadhay umushii ay cid-lada ku umushay, iyadoo ah gabadh ugub ah oo aan hore waxba u dhalin, laakiin Ciidanka booliska ee saldhigga Waaxda Kood-buur ayaa daweeyey, taas oo ay hadda xaaladeeda caafimaad fiican tahay.

 

Gabadhaas oo uu boolisku waraystay waxay u sheegtay magaca ninka dhalay ilmahaa oo saddexan iyo cidda uu yahay, waxaana la sheegay inuu Ninkaasi degan yahay magaalada Burco oo ay iyada lafteeduna degan tahay, iyadoo ay gabadhaasi booliska u sheegtay inay ka xishootay inay ninka uureeyey u sheegto inay uur leedahay, taas oo ay sheegtay inuu si qarsoodi ah ugu gal-mooday ka dibna markii uu sid-keedii soo dhowaa ay u soo baxsatay Hargeysa.

 

Falalka noocan oo kale ahi waxay mudooyinkan dambe u muuqdaan kuwo isa soo taraya, haddana waa markii labaad ee muddo bil gudaheeda ah ay Ciidanka booliska ee sal-dhigga waaxda Kood-buur oo keliyi ay la kulmaan kiiskan oo kale, laakiin Inkasta oo ay falalkaa foosha xumi isa soo tarayaan, haddana ilaa hadda ma jiraan tallaabooyin iyo jawaabo wax ka qabasho oo laga qaaday sharciyan, waxaana sababaha ay haweenku ilmaha u tuuraan lagu tilmaamay inay raggu kelifaan, taas oo ay raggu si sharci daro ah wax u uureeyaan, ka dibna hadhow gabadha ku dafira uurka, iyaga oo ku doodaya inaanay urrukaa lahayn . 

 

Hase yeehsee sida ay sheegeen saraakiil booliska ka tirsani gabadha ilmahan u dambeeyey tuurtay ee la qabtay waa gabadh aad u da’yar oo uurkan ka hor ahayd “BIKRO”, waxayna saraakiisha boolisku saadaaliyeen in ninkaa gabadha sida sharci darada iyo xaaraanta ah ugu gal-mooday filayaan in ay hayadaha sharcigu talaabo ka qaadaan, lagana gooyo jariimadda uu galay.

 

Kooxaha Ka Horjeeda Maamulka C/Qaasim

Oo Isu Diyaarinaya Weerar Kama Dambays Ah

 

 

Muqdisho (AFP): Tababar iyo dhoola-tus milatari oo ay ka qaybqaadanayaan kumaanaan ka tirsan xooggaga iyo maleeshiyada ka horjeeda Maamulka C/qaasim, ayaa shalay ka bilaabmay Waqooyiga Muqdisho, iyaga oo isku diyaarinaya guluf ay ku qaadaan goobaha ay fadhiyaan ciidamada Maamulka Carta lagu soo dhisay.

 

Tababarkan oo ay ka qaybqaadanayaan kooxaha taageersan Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Dheere iyo Bashiir Raage, waxa lagu tilmaamay dhoolatuskii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii xukunka laga tuuray Siyaad Barre 1991-kii, kuwaas oo ridayay noocyada kala duwan ee hubka kuwa fudud iyo kuwa culusba.

 

Muuse Suudi Yalaxow oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi: “Tababarkan waxaanu ugu diyaar-garoobaynaa xoojinta awoodayada difaac,” isaga oo intaa ku daray inuu yahay tababar, balse aanay u jeedin in ay dadka cabsi-geliyaan.

 

Laakiin sida ay sheegeen dad goob-joog ahi, markii la maqlay gariirka madaafiicda, waxay dadku moodeen in ay bilaabmeen dagaalo cusubi, taas oo ku keentay naxdin iyo anfariir.

Arrintani waxay maalin ka dambaysay, markii uu maamulka Carta ku eedeeyay Itoobiya in ay hub iyo saanad milatari siisay Muuse Suudi Yalaxow, balse Yalaxow eedayntaasi gaashaanka ayuu ku dhuftay, isaga oo ku eedeeyay dawladaha Djibuuti, Ereteriya, Yemen, Masar iyo Liibiya in ay hub iyo Maaliyadba ku caawiyeen maamulka Carta, taas oo buu yidhi meel ka-dhac ku ah xayiraadii hubka ee ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya 1992-kii.

Weriyaha Haatuf ee Boorama oo la xidhay

 

Boorama (Haatuf): Weriyaha Wargeyska Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar (Hayne), ayaa maalintii shalay lagu xidhay Saldhigga Booliiska ee magaalada Boorama muddo saacado ah.

Xadhiga Weriyuhu, waxay dibadda ku haysaa war ku saabsan Hay’adda Samafalka ah ee COOPI oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf, tirsigiisii 93aad ee maalintii Axadii June 9 oo cinwaankiisu ahaa “Hay’adda COOPI oo gebi-ahaanba joojisay Hawshii Samafal ee ay ka waday G/Awdal.”

 

Weriye Maxamed Cumar, waxa la xidhay Barqadii shalay, isagoo wardoon u tegay saldhigga Booliska Boorama, waxana xadhigiisa lagu saleeyay qoraal dacwad ah oo uu CID-da u soo qoray nin ka tirsan shaqaalaha COOPI oo magaciisa la yidhaahdo Mahdi Barkhad.

Mahdi Barkhad laftiisa oo duhurnimadii shalay telefoon kula soo xidhiidhay xafiiska Haatuf, ayaa masuuliyiinta Wargeyska ku war-geliyay in uu isagu xidhay Weriyaha, sababtuna ay tahay war been ah inuu ka qoray hay’adiisa.

 

Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamed Muuse Bahdoon oo aanu kadib telefoon kula xidhiidhnay ayaa sheegay in aanu isagu ka ogeyn xadhigga Weriyaha. Balse, waxa uu sheegay in markii uu dacwaddaas maqlay uu hay’adda COOPI kula taliyay in ay iska beeniyaan warkaas Wargeysku qoray.

Warka Wargeysku qoray, waxa uu sheegay in ay istaageen mashaariic dhawr ah oo hay’addaasi ka waday gobolka Awdal, kuwaas oo isugu jiray dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Biyaha iyo dhismaha, sababtuna ay tahay canaan iyo dhaliil hay’adda kaga timi Maamulka dawladda Somaliland.

 

Hase yeeshee, Badhasaabka Awdal, Mr. Bahdoon oo arrintaas ka hadlay ayaa qiray inuu jiro hakad ku yimi hawlihii hay’adda COOPI ka waday Gobolka, balse waxa uu beeniyay in sababtu tahay cadho khilaaf ama go’aan joojin ah. Mr. Bahdoon waxa uu ku macneeyay hakadkaas, mid dhinaca farsamada ah, isaga oo sheegay in mashruuca hay’addu uu ku ekaa bishii May, isla markaana dalabkii dib u cusboonaysiinta mashruucuna uu dib u dhacay, haatana uu qorshihiisii socdo. Waxa uu sheegay in hannaanka cusboonaysiinta mashruucu uu marayaa yahay geedi-socod dheer oo ilaa xarunta Midowga Yurub ee Brussels laga soo ansixinayo, balse waxa uu sheegay in rajo aad u weyn uu ka qabo in mashruucaa ay soo ogolaan doonaan Madaxda hay’adda COOPI iyo deeq bixiyayaasha ay ku xidhan tahayba, dibna loo bilaabi doono.

 

Weriye Maxamed Cumar oo xorriyadiisa loo soo celiyay xalay fiidkii, kadib markii uu xidhnaa ilaa 8 saacadood, waxa uu sheegay in ninka soo dacweeyay Mr. Mahdi Barkhad laftiisa inuu la xidhiidhay, si uu dhinaca Hay’adda uga warbixiyo markii dhinacyo kala duwani ay iiga xog-warameen ayuu yidhi, arrinta joojinta mashruuca COOPI, laakiin Mahdi uu diiday inuu wax war ah bixiyo.

 

Golaha Wakiilada Oo Maanta Ka Wada Hadlaya

Mudane Lagu Soo Oogay Dacwad Maamuus Ka Xayuubin Ah

 

Hargeysa (Haatuf): Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa lagu wadaa in ay maanta qaraar ka gaadhaan, Ajande ku saabsan Maamul xayuubinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin oo Golaha ka tirsan, kadib markii uu xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Somaliland golaha ka dalbaday in mudanahaa xilka laga xayuubiyo, si loogu oogo dacwad loo haysto, iyadoo uu guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Qaybe sheegay inuu xeer-ilaaliyuhu Golaha hor imanayo, si uu kiiska ugu oogo mudanahan.

 

Sida ay xeer-ilaalintu sheegtay, Mudane Axmed Cabdi Kaahin, waxa kiiska loo haysto lagu xidhidhinayaa, fal dil ah oo Oktoobar 15, 2001 ka dhacay magaalada Hargeysa, lana dilay Marxuum la odhan jiray Axmed Xasan Ardaale oo dilkiisa loo haysto Ilyaas Cismaan Cabdi oo baxsaday. Hase yeeshee Xeer-ilaalintu, waxay ku eedaysay Mudanahan inuu falkaa dilka ah ku lug lahaa, iyadoo ay falkaa dilka ah awgii u xidhan yihiin Wasiirkii hore ee Dalxiiska Somaliland, Cali Ibraahim Aareeye iyo nin hore Maayar uga ahaan jiray Saylac.

 

“In Ay Doorasho Dhacayso Iyo In Aanay Dhacayn, Waa Masuuliyadda Guddiga Doorashooyinka, Laakiin….”

Axmed Siilaanyo – Waraysi

 

 

“Warka ay IRIN sheegtay waxba kama jiraan, aniga mawqifkaygu waa cad yahay waxaana aaminsanahay Somaliland, aniga (Siilaanyo) iyo Saleebaan-na (Saleebaan-gaal) ma aha in laga dhigo sidii wax la isku xoqayo, siyaasaddana waa lagu tartami karaa” sidaa waxa yidhi siyaasiga

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE oo habeenkii xalay waraysi siiyey Istuudiyaha telefishiinka Somaliland, xaruntiisa Hargaysa.  Waraysigaa oo uu qaaday weriye Faysal-fadh-fadhle waxa uu Axmed siilanyo kaga jawaabay su’aalo xiiso leh oo dhinacyo badan oo Siyaasadeed khuseeya, waxaana ugu horayn Axmed Siilaanyo la waydiiyey su’aal ku saabsan war ay faafisay wakaaladda wararka qaramada midoobay ee IRIN, taas oo Axmed Siilaanyo ku tilmaantay nin nasteex u ah arimaha Somaliya , laakiin waxa uu taa kaga jawaabay “ Arinta ay IRIN sheegtay waxba kama jiraan, mana jirto wax xidhiidh ah na dhexmaray aniga iyo IRIN iyo wax ay iga waydiisay arintaa toona , sidaa awgeed waxaan u arkaa inay taasi ka mid tahay waxyaalaha ay mararka qaarkood iska cabiraan ama waxyaalaha ay faafiyaan cidda aan dalkeena iyo dalkeena toona u danayn “.

 

Axmed Siilaanyo waxa kale oo ay ahayd su’aashii labaad ee la waydiiyey xidhiidho iyo shirar uu ururkiisa KULMIYE maal-mahan la yeeshay waxa ay ku saabsanaayeen, wuxuuna yidhi “Dabcan siyaasiyiinta dalku had iyo goor way wada hadlayaan, xidhiidhana way u dhexeeyaan oo maanta (shalay) oo u dambaysay waxa jiray shir ay wada yeesheen ururada Siyaasadda oo aanu UDUB ku jirin, waxaanuna ka wada hadalay waxyaalo badan oo ah sidii danta dalka iyo dadka iyo Siyaasadda waqtigan taagan la isaga kaashan lahaa, waxaana ka mid ah waxyaalahaa sidii la isugu soo dhowayn lahaa ururada Siyaasadda, sidii mawqifyo isku mid ah ama isku dhaw looga wada yeelan lahaa marxaladaha inagu soo fool leh si aanu dalku u gelin wax khal-khal ah iyo wax dhibaato ah “.

Waxa kale oo la waydiiyey Axmed Siilaanyo su’aal ahayd sida uu u arko doorashooyinka la naawilayo, iyadoo la yidhi ma waxaad u aragtaa inay dhacayaan, mise inaanay dhacayn, wuxuuna kaga jawaabay

 

“Runtii sida sharcigu yahay ama aynu wada jecel nahaydoorashooyinku waa inay dhacaan oo ay dhacaan waqtigii loogu talo galay, aniga oo ururadana filaya inay ku dedaalayaan inay ka diyaar garawga wixii iyaga ku xidhan ee uu nidaamku ka rabo , laakiin waxaan aaminsanahay ama sharcigu yahay inay doorasho dhacdo iyo inaanay dhicin waxay masuuliyadeedu saaran tahay guddiga doorashooyinka oo keliya ee dawladdana ma saarna, ururadana ma saarna , taas oo ay tahay inay guddigu sheegaan inay doorasho qabsoomi karto iyo inaanay qabsoomi karin, taas oo haddii aanay suurta gelayn ay tahay inay guddigu sheegaan ,iyadoo uu markaana xil inaga wada saaran yahay meeshii kale ee looga wareegi lahaa oo ay tahay in la abuuro qaab wada tashi oo lagu wada heshiis yahay, waxayna tahay inaanu waqtigu inagu dhicin oo haddii ay taasi imanayso waa inay timaado muddo dheer ka hor inta aan waqtigu soo dhawaan  si aan aakhiru saacaha laynoogu aj-burin dhibaato iyo wax hala kordhiyo”.

 

La soco cadadkayaga berito qaybo kale oo waraysigaa ka mid ah oo xiise leh, kuwaas oo uu Axmed Siilaanyo kaga jawaabayo dhinacyo badan oo Siyaasadeed oo wax laga waydiiyey.  

 

Maraykanka Oo Qabtay Nin Al-Qaacida Ah Oo Ku Hawlan Shirqool Qarxin Ah

 

 

Washington (W. Wararka): Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay, Nin ay dhalashadiisu Maraykan tahay oo maleegayay Shirqool uu ku damacsanaa inuu ku qarxiyo hubka Shucaaca ee khatarta ah.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdalla Al-Muhaajir, waxa gacanta lagu dhigay isaga oo diyaarinaya qarxinta Qunbulad habka Shucaaca ah, laguna magacaabo “Al-Qudrata”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay, guul u soo hoyatay Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa ammaanka ee Maraykanka oo iska kaashaday, qabashda ninkan oo halis ku ahaa buu yidhi, Ammaanka Maraykanka.

 

Ku-xigeenka Wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka, ayaa isna sheegay in Ninkan lagu soo tababaray Afgaanistaan, uuna xubin ka yahay shabakadda Al-Qaacida, gacantana lagu dhigay isaga oo aan gaadhin hadafkii uu u soo galay Maraykanka oo ah Qarxinta qunbuladdan halista ah.

Sida ay sheegeen Masuuliyiin Maraykan ahi, Al-Muhaajir waxa gacanta ku haysa Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana la soo taagi doonaa Maxkamad gaar ah.

 

Guurtida Afgaanistaan Oo Shir Uga Furmayo Kaabuul

 

 

Kaabuul (W. Wararka) – Shirweyne ay ku kulmayaan Guurtida dalka Afqaanistaan oo loo yaqaan (Loya Jirga), ayaa lagu wadaa inuu maanta furmo, kadib markii uu dib-u-dhac ku yimi maalintii shalay oo markii hore loogu talogalay inuu furmo, kadib khilaaf soo wajahay shirka, kaas oo ku saabsanaa sida loo qaybsanayo xukuumadda cusub iyo doorka uu ku yeelanayo boqorkii hore Daahir Shaah.

 

Shirkan oo ay ka qaybqaadanayaan ergooyin ay tiradoodu gaadhayso 1551, kana kala socda 381 gobol, waxa ay ujeedadiisu tahay in lagu soo afjaro 23 sanadood oo uu dalkaasi ku jiray qas iyo jahowareer siyaasadeed.

Waxaana shirkan lagu wadaa inuu guddoomiyo boqor Daahir Shaah, inkasta oo la isku khilaafsan yahay doorka uu ka qaadan karayo dawladda dambe ee la soo dhisayo, ilaa iyo haddana waxaa musharaxiinta ugu cad-cad Xamiid Karasaay oo haatan madax ka ah maamulka ku meel-gaadhka ah iyo Burhaanu Diin Rabaani oo ah madaxweynihii ay Daalibaan xukunka ka qaaday 1996-kii.

Boqor Daahir Shaah oo Afqaanistaan dib ugu soo noqday sannadkan horraantiisii, kadib markii uu mastaafuris ku maqnaa ilaa 1973-kii, markaas oo xukunka laga qaaday, da’diisuna ay tahay 87-jir ayaa sheegay inuu diyaar u yahay qabashada xil kasta oo uu shirweynuhu u doorto, isaga oo meesha ka saaray suurtogalnimada in loo caleemo-saaro Taajka boqornimada.

 

Hase yeeshee, waxa lagu soo warramayaa inuu taageero weyn ka haysto dadka reer Afqaanistaan oo aaminsan inuu soo celin karayo xasillooni ka dhaqangasha dalkaasi.

 

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Somaliland Iyo Xuskii Maalinta Deegaanka Adduunka

“Hadii Aynu Dhulkeena Xaalufino, Ma Dhul Kale Oo Aynu U Qaxno Ayeynu Helaynaa Wasiirka horumarinta reermiyiga iyo deegaanka

 

Hargeysa (Haatuf) Kulan lagu xusay maalinta deegaanka aduunka ayaa maalinimadii Juun 5,2002 ee toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa, waxaana munaasibadaa ka soo qay galay wasiirada deegaanka, xanaanada xoolaha iyo caafimaadka  (Maxamed Muuse Cawaale, Saleebaan Yuusuf cali-koore iyo Dr: Xasan Ismaaciil Yuusuf), waxa kale oo Carolyn Volgaro oo ah sarkaalad ka socotay hayadda UNDP, maayar-xigeenka labaad ee Hargeysa Maxamed Axmed Caalin.     Waxa kale oo ka soo qayb galay ardayda iyo macalimiinta jaamacadda iyo dad kale oo isugu jira masuuliyiin iyo Martisharaf kale.

 

Xafladda xuska maalinta deegaanka aduunka ee Juun 5, waxa soo qaban-qaabiyey dhinacyo ay ka mid yihiin Wasaaradda horumarinta reer-miyiga iyo deegaanka Somaliland iyo hayadda UNDP, xafiiskeeda Hargeysa.

 

Wasiirka deegaanka Maxamed Muuse Cawaale oo ugu horayn ka hadlay munaasibadaa waxa tilmaamo ka bixiyey nuxurka xuska maalinta deegaanka aduunka ee Juun 5, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “maanta waxaynu isugu nimi waa maalinta ay dadka aduunku xusaan maalinta bad-baadad degaanka iyo dhaqaaleynta khayraadka dabiiciga ah , sidaa awgeed inaga oo raacayna qoddobka 18aad ee dastuurka Somaliland ayaa la gartay inay Somaliland ka qayb qaadato  xuska maalinta bad-baadada deegaanka oo sannadkasta la xuso 5-ta Juun, ytaas oo aduun-weynaha la xusuusiyo inaanay nololi jirayn haddii dhulka laga guro dhirta , geedahana la beero, iyadoo aan wax camuud ah lagu celin dhulka ,loona kala kaydin meel waliba waxa ay ku haboon tahay.  Waxa cad oo marag ma doon ah in cimiladii iyo hawadii is-bedelayso, haddii meel walba tuulo laga dhigo oo dhulkii xoolaha lagu dhaqayey ama la beerayey aan la dhaqaalayn waxa lagu dambayn doonaa qaxooti iyo silic.

 

Waad ogtihiin isbedelka ku yimi nolosheenii miyiga iyo magaaladaba.  Isbedelkaasi waxa uu keenay in xoolihii ay waayaan meel ay u maraan dhul-daaqsimeedkii, isla markaana uu dhulkii soo koobnaado, taasina waxay keentay dhulkii o nabaad-guuray, dadkii oo iskaga yimi miyiga oo magaaladii buuxiyey, taas oo iyana keentay dhibta xagga caafimaadka ee soo korodha”.

 

Carolyn Volgoro oo ku hadlaysay magaca hayadda UNDP ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxayna xuskaa ku tilmaantay fursad wacyi-gelin ah oo dadka lagu dareeen-siinayo faa’iidada ay guud ahaan dadka u leedahay maalinta degaanku, laakiin Carolyn waxa ay intaa ku dartay oo ay xustay inuu xog-hayaha guud ee qaramad midoobay aad u muhimad u siiyo daryeelka iyo horumarinta deegaanka, “Arintaa ka shaqaynteeda iyo fulin-teedana waxa uu kala xidhiidhaa hayadda UNDP” ayey tidhi Carolyn laakiin waxa ay mar kale tidhi “Si loogu guulaysto daryeelka deegaanka waxa loo baahan yahay in si guud oo wadajir ah loogu hawl-galo daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, iyada oo loo baahan yahay wacyi-gelin iyo xogaha ku saabsan heerka dhawr-sanaanta ee uu ku sugan yahay daryeelka degaanku”.

 

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr: Xasan Yuusuf ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna tilmaamay inay dadkeenu rumaysan yihiin in cudurada ka dhasha waxyeelada wasakhaynta deegaanka la daaweyn karo, “ laakiin taa waxa ka faa’iido badan in inta aanay iman dhibaatada cudurku aynu ka hortagno oo aynu nadiifino goobaha aynu biyaha ka cabno” ayuu yidhi Wasiirka caafimaadku, wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “waxa loo baahan yahay inaynu qashinka ururina oo aynu ku baabi’ino meel ku haboon, taas oo haddii aynu runtii ku dhaqaaqno aynu kaalin weyn kaga qaadan karno ilaalinta deegaanka, sidaa darteed waxa lagama maar-maan ah inuu qof waliba masuuliyad iska saaro ilaalinta deegaanka oo ah ilaalinta guud ee caafimaadka dadka”.

 

Maayar-xigeenka 2aad ee Hargeysa Maxamed Axmed Caalin ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna tilmaamay oo uu ku taliyey in ubadka soo koraya lagu tababaro ilaalinta deegaanka iyo sida loo beero dhirta iyo dalag-yada kale, “Dugsiyada wax lagu bartaa waxa ay lahaan jireen beero yar yar oo loogu talo galay in ardayda lagu baro dhiraynta iyo wax beerista, haseyeeshee dhulkii beerahaa waxa ku soo durkay oo qaatay dad” ayuu yidhi maayar-xigeenku.

 

Wasiirka xanaanada xoolaha Saleebaan Yuusuf Cali-koore ayaa isaguna munaasibadaa hadal ka jeediyey , wuxuuna tilmaamay inay ilaalinta degaanku aad muhim u tahay, isaga oo xusay inay taasi lagama maar-man u tahay dadka xoola-dhaqatada ah ee ku tirsan daaqsinta xorta ah (Free Range) , sidaa darteed loo baahan yahay ayuu yidhi wasiirku inaynu xil dheeraad ah iska saarno ilaalinta deegaanka.

 

Wasiirka xanaanada xooluhu waxa kale oo uu tilmaamay in dhibaatooyinka waqtigan xaadirka ugu daran ee deegaanka waxyeelada u gaysta ay ka mid yihiin: Bacda, degsimada tuulooyinka ee xad-dhaafka ah, seeraynta bilaa sharciga ah ee dhulka la seerto IWM.

Marka la eego dadkii ka hadlay munaasibadii xuska maalinta deegaanka aduunka ee 5-tii Juun lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa waxa ay dhamaantood farta ku fiiqeen waxyeelad ay Bacdu u gaysato deegaanka, iyadoo ay dadku si xoog leh u isticmaalaan Bacda, iyaga oo weel ahaan u isticmaalaya.  “50 sannadood ilaa 100 sannadood ayey Bacdu awoodaa inaanay baabi’in oo ay ku jirto ciidda hoosteeda” sidaa waxa yidhi Wasiirka deegaanka oo ka hadlaya dhibaatada ay Bacdu u gaysato deegaanka, wuxuuna farta ku fiiqay inay Bacdu dhibaatada ugu weyn u gaysato xoolaha iyo carada ay ka baxaan daaqa iyo dhirtu.

Dhambaalka Madaxweyne Rayaale

Ee Xuska Maalinta Deegaanka Dunida

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay Xuska 5 June 2002, wuxuuna qoraal ahaan u soo saaray dhambaal uu kaga hadlayo maalintaa iyo arrimaha deegaanka, dhambaalkaasina wuxuu u qornaa sidan:

-                    Iyadoo xaqiijinaysa masuuliyadda bulshooyinka adduunka ka saaran dhowrista iyo waanaajinta deegaanka iyo baahida loo qabo iskaashigooda

-                    Tixgelinaysana maalinta deegaanka adduunka ee lagu sameeyay kalfadhigoodii Qaramada Midoobay 1972 iyo shirarkii qaraaradii ka dambeeyay

-                    Iyadoo xukuumadda xoogga saarayso dareenkeeda iyo rayiga shacabka ee baahida loo qabo in si fircooni leh loogu hawlgalo deegaanka

-                    Iyadoo u jeheynaysa xukuumadda iyo shacabka Somaliland meel kasta iyo xilli waliba oo waxtar u leh

-                    Iyadoo aan raacaayo Qoddobka 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Ayay halkan u magacawday ama u aqoonsatay 5th June oo ah (Maalinta Deegaanka Adduunka) in ay noqoto maalinta Deegaanka Somaliland, waxana aan ka codsanayaa dhammaan wasaaradaha, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka, dhammaan hay’adaha Caalamiga, ururada samafalka ee ku sugan Somaliland iyo dhammaan bulshada reer miyiga in ay sannad waliba maalintan qabtaan hawlaha maalintaa khusheeya, lana dhawro dhammaan shirarkii iyo qaraarada Qaramada Midoobay iyo hay’adaha Caalamiga Somaliland, iyadoo ka mid ah shucuubta dunida waxa ay xushmeenaysa shuruucda ilaalinaysa bayadda, kanana horimanayso. Ma tixgelin doonto shuruucda dhibaateynaya bayadda dunida, kuwaas oo haddii aan laga hortegin ku faafidoonta dunida dhammaanteed, waxana hubaal ah in ay khatarna gelinayso.

 

Inta nabaad-guurku sii kordhaayo, dhulka keymaha ahaa way sii yaraanayaan, sida  ay muujinayso qiyaas la sameeyay Somaliland, waxa ay lumisay kala badh dhulkeedii keymaha ahaa. Sidoo kale dhir jaristu, waxa ay kordhisay lumista cidii qiimaha lahayd. Taasi macnaheedu waxa weeye in 50 million tan ee camuudda sare ee dhulka oo maydhantay ama duushay.

 

Xaalufka oo sii kordha, waxa ay waxyeelo u geysatay dhammaan Ecologiyada dalka, cawaaqib xumida xaalufka, daaqsinta xad dhaafka ah dhul daaqsimeedka iyo si xun u isticmaalka dhulka sannad kasta, waxay sababtay in ay dabar go’aan noocyo duurjoogta iyo dhirtaba ah.

Haddii aanu doonayno horumar dhaqaale oo wacan, iyo in aanu ku raaxaysano bay’adda qani ah, sidaa darteed waa in aanu hubinaa isticmaalka khayraadka, si awood aanu u siino Ecologiyada waarta, iyadoo si haboon loo isticmaalo, sidoo kale waa in aanu ku xisaabtanno baahida Jiilka mustaqbalka rajedeydu waa in dadka reer Somaliland in ay mustaqbalka ay ku biiran abaalgudyada adduunka 500 ee la guddoonsiiyo 17 qof, kuwaas oo wax wanaagsan ku soo kordhiyay ilaalinta iyo dhaqaalaynta deegaankaas.

 

Waxaan jeclaan lahaa in aan bayaankeygan ka dhigo dhambaal ah, dhaqaaleynta iyo ilaalinta deegaanka u soo jeediyo dhammaan reer Somaliland maalintan muhiimka ah.

Ugu dambayn, codsigeygu waa in aanu badbaadino deegaanka, si uu u badbaado mustaqbalkeenu.”

 

Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee

Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray

Q: 6aad _____Siciid I Guraase

 

 

Habeenkii oo dhan waxay saloognaadaanba waxay iyaga oo jiif iyo joogba diiday oo aanay dhana kaga jirin ayuu waagii beryay markii uu dhulku iftiimay ayay Col-u-joog iyo walaaladii gudin qaateen, socodkiina waxay ku tageen meeshii ugu horraysay ee ay dhir kula kulmeen.

Gudintii bay la dhex qaadeen iyaga oo laalinaba laanta ay ka dheer tahay eeganaya. Waa reer magaal aan waligood geed garaacine, gacmahaa casaaday, balse danbaa tidhi inay helaan waxay roobka ka hoos galaan.

 

Waxay garaacaanba barqo dheer ayay isku xidheen xidhmooyin Sarab u eg. Gaajo ayay beerka is hayaan. Sarabtii bay jiideen, halka ay gaynayaana uma dhawa. Waxay dhaqaaq-joogsadaanba goor ay duhur tahay ayay gadheen halkii ay reerka ku ogaayeen. Waxay tageen iyadoo ay dumarkii godad sarabta laga taago sii qodeen, shaah yar iyo bariis cadna sii salooleen. Halkii bay ku daateen, shaahii iyo bariiskii yaraana nafta ku samirsiiyeen, dumarkiina sarabtii bay durba qotomiyeen, madaxana isu geliyeen. Durba waxay soo baxday aqal la yaqaan, balse uu ka dhiman yahay wax dusha laga saaraa.

Col-u-joog baa kaadhkii qaaday, waxaanu la tegay meel xero ahayd oo raashinka laga bixin jiray, waxaanu ka soo helay waxoogaa raashin ah iyo bac ay guriga dusha ka saraan, taas oo uu u galay dedaal badan.

 

Markii raashinkii yaraa ay heleen, buulkii yaraana bacdii la saaray, isaga oo aan bangalo ka dhicin ayay habeenkii si fiican u seexdeen, iyaga oo aan ogayn inuu roob da’ay iyo inkale, “Nin daar ku jiraa daruur ma arkee, illayn xalay roobkii baa da’ay.”

 

Col-u-joog waa nin aqoon fiican lahaa, markiiba wuxuu dhexqaaday hay’adihii qaxootiga, meel fiicana wuu ka galay, isaga oo madax ka noqday qayb ka mid ah meeshii raashinka laga bixinayay.

Subax, isaga oo ku mashquulsan hawshii raashin-bixinta, ayuunbay si lama filaan ah ugu soo baxeen gabadhii deeqa ee uu jeclaa iyo hooyadeed oo wada socda, markiiba isagu wuu gartay, inkasta oo ay diif iyo darxumo ka muuqatay. Si diiran ayuu u salaamay, Deeqa oo garatayna xishood bay la foorarsatay. Balse hooyadeed oo aan garanayn ayaa hadalka u bilowday oo tidhi; “Hooyo dadka iminka qaxootiga yimid ayaanu nahaye, halkee raashinka laga qaataa? Aniga idin geynayee waxba ha ka wer-werina ayuu yidhi,” waxaanu geeyay goobtii raashinka laga qaadanayay, isaga oo soo siiyay raashinkii ay lahaayeen iyo Teendho uu u soo boobay oo ay galaan, waxaanu dejiyay meel u dhow halkii raaskoodu yaalay.

 

Halkiibuu si fiican u dejiyay, isaga oo biyo iyo baad wuxuu helayay u keenay, kadibna Deeqa ayuu yara waraystay, waxaanay u sheegtay inay reerkoodii kala lumen oo aanay war iyo wacaal ka hayn halka ay ku dambeeyeen aabaheed iyo qaar carruurtoodii ka mid ah oo ay kala lumeen markii Hargeysa laga soo qaxayba. “Markii aanu ka quusanay ayanu iskaga nimid, meel ay ku dambeeyeena ma ogin,” ayay si murugo leh u tidhi.

 

“Waxba ha murugoonin, insha Allah way iska imane, haddii kalena waynu baadi doon tegiye,” ayuu Col-u-joog ugu jawaabay, waanu maca-salaameeyay.

Markii uu ka tegay ayay Deeqi u gashay hooyadeed oo dhex fadhida Teendhadii loo dhisay, “Hooyo Laytul-khadarkan Ilaahay inoo soo diray kumuu ahaa, garan waayaye,” ayay si deg-deg ah ugu tidhi Deeqa. “Maxaad iga weydiin waa inankii berigii I soo doonay ee uu Ilaahay odayga ku sallidaye,” ayay ugu jawaabtay Deeqi.

 

“Naa maxaad iigu qarisay, soynaga ceebownay, ma inankii buu ahaa, waa inan dahab ahe, berigii baan odayga ku idhi nabsi lama xambaartee inanta sii, Ilaahow isagoo nabad qaba indhaha ii saar, taan ku dhigo hadduu dhegaha faraha gelin waayee, bilaa shuruud waa inuu kuugu dhisaa haddii uu nool yahay, haddii kale anaa ku siin,” ayay israacisay Deeqa hooyadeed oo Deggen la odhan jiray.

 

“Maxaydun I siin ma hadalbaa inoo nool, ma anigaa kuba hagaagaya,” ayay Deeqina ka daba tuurtay.

Col-u-joog maalinimadii dambe ayuu reerkii booqday, Deggen baana ku soo booday oo tidhi; “Hooyo kumaan garanayne, berigiina taladu way naga hoostaye, maantaad calafkaaga ka qaadiye, odaygii aynu ka war sugno geeri iyo nolol mid uu ku dambeeyay.”

“Ilaahay baan qorine haddii uu calaf isugu kaaya jiro maantaba waynu wada joognaa, wixii dhacayba ha dhacaane,” ayuu Col-u-joog si deggen ugu yidhi, isaga oo u raaciyay, “Reerkayagiina agtiinuu deggen yahaye, wixii aad u baahataanba ka doonta waan idinku ballamiyaye.”

 

Markuu intaa yidhi ayay Deeqi ku adkaysatay inay reerka soo booqato, ayna soo barato. Way is raaceen, intii ay dhexda ku sii jireen is-xaal-waraysi ayay ku dhammaysteen. Gurigii markay gaadheen eea y reerkii is barteen ayay soo noqdeen.

Intii ay dhexda ku soo jireen xaggii jacaylka iyo haasaawe ayay goradda is geliyeen, iyaga oo isku tuurtuuray waxoogaa kaftan ah, Deeqa ayaa u sheegtay inuu jacaylku ka dhab ahaa, ayna aad uga xumaatay markii loo diiday, balse ay garan weyday meel ay ka marto taladii aabaheed, Col-u-joogna wuxuu qalbigeeda ku dejiyay inay sidaasi iska qornayd, wax calool-xumo ahna aanay taasi ku beerin. Hadalkaasi wuxuu niyadda u wanaajiyay Deeqa oo shaki ka qabtay in uu arrinku sidii hore yahay iyo inkale.

 

Intaa gigta iyo gariirka dagaalka ka socda Hargeysa ayaa u baxaya, iyada oo sheekooyin ku saabsan dagaalka la isla dhexmarayo, Hargeysa waa la xoreeyay iyo inyar baa ka hadhay ayaa la isku haystaa.

Col-u-joog had iyo jeer waxaa niyadda kaga jirtay inuu markiisa dagaalka ka qaybqaato, balse reerkooda oo aan ciirsi kale haysan ayaa ku dheggenaa. Siigada iyo soomal-haadka ayaa ka daran, balse dadku durba way la qabsadeen duruufaha qaxootiga, waxaanay bilaabeen nolol cusub.

 

Goor ay barqo dheer tahay, ayuu Deeqa aabaheed oo xaaji Diide la odhan jiray iyo carruurtii la socotay ay gurigii daf soo yidhaahdeen, iyaga oo tooyasho ku yimid. Diif iyo daalna uu ka muuqdo, sidii ay kolba dhinac ugu socdeen ayay cad iyo caano ka tageen, balse markay ogaadeen in reerka intii kale Dul-cad joogto ayay nefiseen, markii uu soo galay ee la is waraystay ayay Deggen tidhi; “Nalama arkeene inankii aad berigii xumaysay ayuu Ilaahay noo bixiyay oo waxaanu cuno iyo waxaanu cabnaba na siiyay, baradaa aad arkaysana noo dhisay ee intaanad fadhiisan waa inaad inantii u hibaysaa, haddii kale baradaa wada joogi mayno, markii horaad ceeb noo soo jiidaye, cuqobooyinkaasay waxaa aad arkaysaa ka dhacayaane, Ilaahayow na astur adaa Qaadir ahe.”

 

Xaaji Diide, ayuu Ilaahay yaab u keenay, “Ma inankii aan xumeeyay baa abaalkan inoo galay, inantaad sheegtaye ma inagaa abaalkiisa gudi karaynaba, hadda ii doona,” ayuu yidhi.

Deeqaa orod isa sii daysay, waxaanay u tagtay Col-u-joog oo markaa ka faraxashay hawl raashin qaybin ah. Markuu arkay ayuu yidhi Deeqa maxaa dhacay, ma raashinkiibaa idinka go’ay? Maya, ee wax ka weyn baan kuu hayaaye ina mari, odaygii aabahay baa yimid oo deg-deg kuu doonaye’e.

Col-u-joog baa farxad cirka u booday oo yidhi, ma nabad qabaa, muxuuse iga doonayaa? Isagaa kuu sheegiyee ina mari ayay tidhi.

 

Xaaji Diide oo ahaa taajir is nacay markii hore, ayaa markii uu salka ciida dhigay yidhi, naa wax la cuno ma haysaa? Deggen baa hor dhigtay, shuuro yar oo kulul, oo markaa dabka laga qaaday, alla kululaa ayuu yidhi, xaaji sidaasaabay amaah tahay ayay ugu jawaabtay, allow dab ma ii soo amaahatay ayuu ka daba tuuray. Isaga oo afka ku haya ayay sheeda ka soo baxeen Deeqa iyo Col-u-joog oo isdaba socdaa…..

La soco……….

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maxaa Laga Sugayaa Xukuumadda Rayaale

Kadib dhimashadii madaxweynihii hore ee geeriyooday marxuum M. I. Cigaal, waxa hoggaanka dalkeena qabtay madaxweyne iyo ku xigeen cusub, markaa iyaagana waxa horyaal hawlihii qabyada ahaa ee uu ka tegay oo ay ugu horrayso:

·         Markii uu Cigaal Itoobiya ka soo noqday ee uu siminaarka u xidhayay ciidanka qaranka, waxa uu ku dhawaaqay in ciidanka derejo la siiyo.

·         Dhoofin iyo soo dejin (Import and Export), dalku malahayne inuu yeesho.

Markaa waxaan jecelahay inaan si qoto dheer uga hadlo qodobkan dambe. Dawladaha ay jaarka nahay ayaa leh wax soo dejin iyo dhoofin, balse inagu ma lihin, taasina waa ta sababtay in xoolaheena maanta xayiraadi saarnaato. Wax ka qabashadeeduna waxay hortaal maamulka cusub iyo labada gole.

 

Haddii taas wax laga qabto waxaynu noqon muddo yar gudaheed dal muuqda oo ganacsi ahaan la tartama suuqyada dunida, gaar ahaan in xoolaheena iyo Import and Export-keenu uu ku jiro suuqyada ganacsiga ee lagu xisaabtamo in wax loo dhoofiyo ama laga soo dhoofsho.

 

Waa ganacsatadu isu timaado oo ay samaysato Rug ganacsi (Chamber of Commerce), si looga baxo dhibaatadan oo aan ka hadalno xoolaheenan cid waliba diiday. Ganacsataduna iyagaa aqoon u lehe ay wax ka qabtaan arrintan. Iyo in dawladdu u samayso siyaasad iyo cilmi-baadhis (Research) arrintaas ku wajahan, iyada oo lala kaashanayo ciddii aqoon iyo waayo-aragnimo u leh.

Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil),

Hargeysa.

 

Dalku Wuxuu U Baahan Yaay Siyaasad Indhaha Kala Haysa

 

“Dalku siyaasad indhaha kala haysa ayuu u baahan yahay, laakiin mid himbiriirsanaysa uma baahna.”

Waxaan uga socdaa waxa lagu mashquulay siyaasad iyo xafiiltan aan cilmiyaysnayn oo han iyo garaad gaabani hagayaan, dalkana u horseedi kara dhibaatooyin.

waxaan odhan karaa dalka iyo dadkaba diifbaa dhafooradooda ku taala, diif dambe oo siyaasadeed oo himbiriirsanaysa, keentana dhibaato ma qaadi karaan. Waxaa dalka ku soo fool leh waqti kala guur oo doorashooyin dalka ka dhacayaan, lana rajaynayo inay ku dhacaan hanaanka xisbiyada badan, taas oo baahan siyaasad indhaha kala haysa oo han iyo garasho weheliyaan, si looga tallaabo geed kasta oo bahalo galeen leh, isla markaana loo dhiiri geliyo geedi-socodka doorashooyinka hannaanka xisbiyada badan.

 

Waa in laga feejignaado fayras kasta oo dhalin kara nabadgelyo xumo iyo qalin shubatooyin ku dhaca doorashooyinka, lagana waantoobo siyaasadda qol-qol daaqa ah ee an xiisaha loo qabin.

Waxaan kula talinayaa dawladda talada dalku gacanta ugu jirto in aanay ku ilaawin xilka umaddu u dhiibatay siyaasadda dalka gudihiisa ka socota oo keli ah, balse ay ka soo baxaan xilka loo igmaday gudo iyo dibedba.

 

Waxaan kula talinayaa ururada inay ka faa’iidaystaan wakhtiga kooban ee la haysto, wax kasta oo khilaaf ahna lagu dhammaysto wadahadal iyo miiska dushiisa. Taasaa lagu gadhi karaa hir kasta oo la haybsanayo.

Ismaaciil X. Xasan Axmed,

Burco.

 

Hala Weyneeyo Xuska 26-Ka June

 

Waxa aynu ku jirnaa bisha June oo meel weyn kaga jirta taariikhda Somaliland. Waa markii aynu gobonimada ka qaadanay Ingiriiska, haatana waxa foda inagu soo haysa sannad-guuradii 42aad oo ku beegan 26-ka June. Sidaa darteed, maadaama ay tahay maalin taariikhi ah, qiime gaar ahna inogu fadhida, waxay innaga mudan tahay xusuus gaar ah.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale oo muddadii la doortay ay uga hadhay dhawr bilood waxa uu haystaa waqti ku filan oo uu wax ku qaban karo, si uu taariikhda magac ugu reebo una qabto wax dalkiisa iyo dadkisaba anfaca, waxtarna u yeesha. Iyada oo markasta xilka saaran madaxdu uu yahay inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan.

 

Markaa waxaan talooyinkan u soo jeedinayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba.

·         Waa in aad loo weyneeyo xuska 26-ka June, laguna casuumo madax ka tirsan adduunka, gaar ahaana dalalka Itoobiya, Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka. Dalalkaasi oo ay innaga dhaxayso saaxiibtinimo taariikhi ah. Dadka rer somaliloand waxay ahaayeen kuwii ka qaybqaatay dagaalkii koowaad (1914-1918), iyo kii labaad (1939-1945), ee dunida, iyaga oo ka qaybqaatay xorayntii Faransiiska iyo dagaaladii lagu jebiyay Jabaanka ee ka dhacay Barma iyo Thailand.

·         In la xoojio siyaasada dibedda ee Somaliland iyo xidhiidhka aynu la leenahay dalalka aynu saaxiibka nahay, gaar ahaana Itoobiya oo ah saaxiibkeena koowaad.

Haddii sida ugu habboon looga faa’iidaysto madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay haystaan waqti ku filan oo ay wax badan qaban karaan.

M. C. Ismaaciil Khaliif, Hargeysa.

 

WAADIGA CIYAARAHA

 

 

Saadaasha Cakirantay Iyo

San-Saanka Muuqda Ee Koobka Adduunka

 

 

Harg (Haatuf) :- Iyada oo uu gebogebo ku dhaw yahay wareegii koowaad ee koobka adduunka oo hadda ka socda K. Kuuriya iyo Japan, oo wadajir u wada martigelinaya ayaanay ilaa haddana si buuxda kooxina ugu soo gudbin wareega labaad marka laga tago saddexda wadan ee kala ah Spain, Brazil iyo Mexico.

 

Dhacdadani waxay keentay inaan ilaa hadda la ogayn la ogaan karin cidda u soo gudbaysa wareega kale tan iyo inta ay qayb waliba ciyaaraheeda dhammaysanayso, taasina waxay jah-wareer ku keentay saadaashii laga bixinayay waddanka ku guulaysanaya koobka, iyada oo aad moodo in dunidu hadda bartilmaameed ka dhigatay, si weyna wax la isaga weydiinayo waddamada u soo baxaya wareega labaad oo laga rabo 16 waddan oo ka mid ah 32 dal ee wareega hore ku hirdamaya halkii waqtiyadii hore xooga la saari jiray cidda koobka ku guulaysanaysa.

 

Arrinta kale, ee xiisaha lihi waxay tahay, iyada oo wadamadii ilaa hadda ka quustay ka qaybgalka koobku ay ka badan yihiin kuwa ilaa hadda soo gudbay.

Markii la ciyaaray 32 kulan oo ka tirsan 48-ka ciyaarood ee wareega koowaad ka kooban yahay ayay ilaa hadda tartanka ka rajo dhigeen ilaa shan wadan oo kala ah Sucuudiga, Slovania, Poland, Chine iyo Nigeria.

 

Muuqaalkaa cusubina wuxuu keenay aragtiyo ka duwan kuwii hore loo arki jiray amaba looga bartay ciyaarihii kuwan ka horreeyay.

Arrimaha kale ee tartankani kaga duwan yahay kuwii hore, waxaa ka mid ah; reer Yurub oo ahaan jiray ama ay u badnaan jireen waddamada ugu cad-cad ciyaaraha kubadda cagta, ayaa hadda u muuqda kuwo wax weyni iska beddeleen, iyada oo dhinaca kalena ay hadda soo shaac-baxeen waddamo la iska bidi jiray ama aan laba aqoon markay noqoto kubadda cagta, kuwaas oo laf-dhuun gashay ku noqday qaar ka tirsan kooxihii magaca lahaa.

 

Xulka K. Kuuriya oo ka mid ah labada dal ee martigeliyay tartanka ayaa u muuqda waddamada cabsida ku soo kordhiyay ciyaaraha hadda socda. Wadankan oo aan hore loogaga baran ciyaaro xiiso leh ayaa isaga oo ka faa’iidaysanawya taageerayaashiisa iyo ciidiisa muujiyay ciyaar adag oo farsamo leh.

 

K. Kuuriya ilaa iminka waxay yeelatay laba kulan oo ay midna badisay midna barbaro gashay, sidaa darteed waxay leedahay afar dhibcood, rajadeeduna waxay ku xidhan tahay kulan ay 14-ka bishan ay la yeelan doonto Portugal, oo ay wada ciyaari doonaan kulan faynal oo kale ah.

Kuuriya waxay ku soo bixi kartaa badis iyo bar-bar dhac labadaba, halka ay Portugal u baahan tahay inay badiso oo keli ah.

 

Sidoo kale wadanka Maraykanka oo aan isaga laftiisa looga baran ciyaaro fiican ayaa noqday mid si weyn dunida looga hadal hayo, gaar ahaan intii uu ka dhaliyay Portugal oo ku jirtay waddamada loo saadaalinayay inay koobka ku guulaysan karaan.

Maraykanka oo ay qaybta ‘D’ kuwa wada jiraan waddamada K. Kuuriya, Poland iyo Portugal, wuxuu leeyahay afar dhibcood, kulanka ugu dambeeyana wuxuu la yeelanayaa xulka Poland oo ka quustay inuu ka mid noqdo dalalka wareega dambe u gudbaya, kadib markii lagaga wada adkaaday ciyaarihii uu saftay.

Xulka Mara

 

Xulka Maraykanku bar-baro iyo badisba way ku soo baxayaan, laakiin haddii laga adkaado ciyaarta soo socota, Portugal-na ka badiso Kuuriya, waxay goolal tirisi ku kala bixi doonaan Kuuriya.

Kooxaha isku marani kuma eka intan oo keli ah, balse dhammaanba siddeeda qaybood waxay la mid yihiin kuwan aynu soo sheegnay. Si kastaba ha ahaatee maxsuulka u soo gudbaya wareega labaad waxa la kala ogaan doonaa 14-ka bishan oo ku beegan dhammaadka wareega koowaad.

Kulamadii shalay dhacayna waxay natiijadoodii ku dhammaatay sidan;

 

Portugal 4 – Poland 0

Saddex gool (hat-trick) oo uu dhaliyay ciyaaryahanka Pauleta iyo mid uu waqti dambe ku daray Rui Costa, ayaa keenay in Portugal 4-0 ku dhirbaaxdo waddanka Poland oo sidaa kaga rajo dhigay ka sii md noqoshada waddamada ku loolamaya koobka adduunka.

 

Daqiiqaddii sagaalaad ayuu gool-dhalinta bilaabay Portaqiisku, isaga oo ka gadoodsan wadhidii uu Maraykanku u geystay kulankoodii ugu horreeyay oo 3-2 gool kaga adkaaday, goolkaas oo Portugal ciyaarta ku hoggaaminaysay tan iyo daqiiqaddii 60aad oo uu ciyaarta beddel ku soo galay Rui Costa, beddelkaasina wuxuu wax weyn ka taray ciyaartii oo si buuxda gacanta ugu gashay Portugal. Labada gool ee dambe oo Pauleta kala dhaliyay daqiiqadihii (65-77aad), waxaaa labada fursadoodba abuuray Rui Costa, halka uu ciyaaryahanka AC Milan laftiisuna goolka afraad ka dhaliyay daqiiqaddii 88aad.

 

Korea Rep. 1 – USA 1

Ciyaaryahanka reer Kuuriya ee Ahn Jung-Hwan, ayaa kubbad uu qaybtii dambe ee ciyaarta madaxa ku dhaliyay ku masaxay rajadii ay qaybtay kooxda Maraykanku oo 1-0 kulanka ku horkacaysay tan iyo daqiiqaddii 78aad, taas oo haddii ay Maraykanka u suurtogeli lahayd ay si fudud ugu soo gudbi lahaayeen wareega qoor-qabadka.

 

Kuuriya ayaa iska lumisay fursad rigoore ah oo ay heshay dhammadkii ciyaarta, fursadda rigooraha ah kasokow waxay heshay dacal fursado ah, balse sidii la rabay ugamay faa’iidaysan, kubbad deg-deg badan oo uu soo dhigay John O’Brien, ayuu dhaliyay Mathis, laakiin hoggaamintaasi waxay Maraykanka u keentay weeraro ay faraha kaga gubteen oo kaga yimi kooxdii martida loo ahaa, kaas oo ay ugu dambayntii Kuuriya ka midho-dhalisay.

Daqiiqadihii lixaad iyo sagaalaad ayay Kuuriya khatar gelisay Maraykanka, sidoo kale Maraykanka oo daqiqaddii 15aad iska lumiyay jaanis uu helay ayaa ka faa’iidaystay kii labaad oo ahaa daqiiqaddii 24aad.

 

Sidoo kale, Kuuriya waxayu fursado fiican heshay daqiiqadihii 71aad iyo 75aad.

 

Tunisia 1 – Belgium 1

Kooxaha Belgium iyo Tunisia ayaa isku qaaday dagaal aan waxba la isula hadhin, kadib markii ay ciyaari ku dhexmartay magaalada Oita ee dalka Japan.

 

Kabtanka kooxda Belgium-ka Marc Wilmost, ayaa dhaliyay goolka waddankiisu kulanka ku bilaabay, balse waxaa calaf-gooyay laad xor ah oo uu afar daqiiqadood kadib uu dhaliyay Raouf Bouzaiene, kaas oo maxsuulkii ciyaarta ka dhigay inay labada kooxood mid waliba hal dhibic la carrawdo.

 

Xulka Tunisia oo beryahani rajo gashay, waxay leeyihiin hal dhibic, waxayna u baahan yihiin inay kulanka u hadhay oo ay Japan la yeelanayaan ay goolal badan ka dhaliyaan, taas oo sida muuqata aanay sahal ku heli karayn. Dhinaca kale Belgium, oo laba dhibcood leh ayaa u baahan inuu ka badiyo Ruushka oo ay wada ciyaari doonaan.

 

Libaaxyada Afrika Ma Kordhin

Doonaan Sumcadda Qaaradda Cagaaran?

 

 

Harg (Haatuf) :- Kooxaha waddamada Afrika ee Senegal iyo Cameroon ayay mjid waliba dhinaceeda ugu jirtaa halgan adag oo ay ku doonayso inay u soo gudubto wareega labaad ee qoor-qabadka ah. Labada waddan ee Afrika, waxay ka mid yihiin siddeeda kooxood ee maanta wada yeelanaya ciyaarihii ugu dambeeyay ee qaybaha ‘A’ oo ay Senegal ku jirto iyo Cameroon oo ka mid ah qaybta ‘E’.

 

Senegal waxay la kulmaysaa Uruguay, halka Cameroona ay fooda is darayaan Jarmalka. Waxaa kale oo iyana isla maanta wada ciyaaraya Faransiiska iyo Denmark, oo ay isku qayb ku wada jiraan Senegal iyo Uruguay, iyada oo dhinaca kalena ay fooda is darayaan Sucuudiga oo ka rajo dhigay tartanka iyo Ireland oo u baahan inay badiso kulanka maanta oo dhacaya 2:30 duhurnimo. Marka laga tago ciyaarta Sucuudiga iyo Ireland, kulamada kale ee saddexda ah mid waliba waa mid faynal ah oo kooxdii badisaa ay ugu soo gudbi doonto wareega labaad.

 

Waddanka Senegal wuxuu ciyaartiisa la yeelanayaa Uruguay, waxaanay is mudan doonaan markay saacadu tahay 9:30 subaxnimo. Kooxda Senegal oo markii ugu horraysay ka so qaybgashay koobka adduunka ayaa noqotay mid cid walba kaga fajicisay, marka la eego wacdaraha iyo farsmada ciyaareed ee ay ku soo bandhigtay kulanadii ay soo yeelatay, waxaana dad badani filayaan in Senegal si fudud uga tallaabsan doonto Uruguay oo rajadeedu ku xidhan tahay inay badiso, halka Senegal u baaan tahay oo keliya in ay barbaro gasho.

 

Tabobaraha Faransiiska ah ee Senegal gacanta ku haya Bruno Metsu, ayaa rajo weyn ka muujiyay kulanka maanta, wuxuuna intaa ku daray in ay dhibic keli ah uga baahan yihiin ciyaarta.

Uruguay waxay leedahay dhibic keli ah, waxayna fadhidaa gunta ugu hoosaysa ee qaybta ‘A’. labadas waddan hore umay yeelan kulamo ciyaareed oo looga qiyaas qaato kulanka ay maanta fooda isku darayaan.

 

Sidoo kale Cameroon oo ka mid ah waddamada ugu rajada fiican Afrika ayaa isaguna kulan adag la yeelan doona Germany oo ay ku wada jiraan qaybta ‘E’.

 

Labada kooxood mid waliba waxay leedahay afar dhibcood, waxayna u baahan yihin inay ku kala baxaan kulanka maanta oo uu barbar socdo mid dhexmari doona Ireland iyo Sucuudiga, kaas oo haddii Ireland badiso halis ku ah kooxaha kale. Sidaa darted ayay mid waliba doonaysaa inay is muujiso, haddii Sucuudigu Ireland ka badiyo waxay noqonaysaa inay iyagu si toos ah ugu soo gudbaan wareega labaad, laakiin rajada laga qabo inay sidaasi dhacdo waa mid aan sidaa u sii weynayn.

Dhinaca kale, Faransiiska iyo Denmark ayuu maanta dhexmarayaa kulan faynal ahi, oo lagu kala ogaanayo cidda ka mid noqonaysa waddamada u gudbaya wareega labaad.

 

Faransiisku wuxuu leeyahay dhibic keli ah, wuxuuna u baahan yahay inuu goolal badan ku badiyo ciyaarta uu la yeelanayo Denmark oo dhacaysa 9:30 subaxnimo, halka ay Denmark oo afar dhibcood lihina ay u baahan tahay barbar dhac keliya.

Tan iyo sanadkii 1984, waxaa dhexmaray afar ciyaarood oo saddex ka mid ah Faransiisku badiyay, midna Denmark ku adkaatay.

 

Kulanka maanta oo ah kii shanaad lama caddayn karo cidda guushu ku raaci doonto.

12-kii June 1984, oo ay ku kulmeen ciyaar ka tirsan koobka qaramada Yurub, waxa 1-0 ku badiyay Faransiiska. 17 June 1992-kii, oo ay markale ku kulmeen qaramada Yurub, waxaa 2-1 ku guushu ku raacday Denmark.

 

24 June 1998-kii, oo ay wada yeesheen kulan koobka adduunka ka tirsan waxa 2-1 ku raacday Faransiiska. 11 June 2000, waxaa 3-0 ku badiyay Faransiiska oo ku guulaystay koobka Yurub. Si kastaba ha ahaatee, waxa habboon inaynu ka dhur sugno jawaabta ka soo baxda ciyaaraha maanta, gaar ahaan kuwa ay dalalka Afrika ciyaarayaan oo aynu ka mid nahay dadka ay metelaan.