Haatuf, Cadadki 96, June 14, 2002

Somaliland Iyo Britain Oo Soo Celinaya Iskaashigoodii Milateri 50 Sannadood Kadib

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka socday Wasaarada Difaaca ee Britain oo maalintii Salaasadii booqasho ku yimid Somaliland, ayaa wada-hadalo ku saabsan Iskaashi Milateri la yeeshay masuuliyiinta Somaliland. Inkasta oo aanay si rasmi ah, daboolka looga qaadin dulucda wada-hadalada, haddana sida ay sheegeen ilo Xog-ogaal ahi waxa labada dhinac ay isweydaarsadeen xogo milateri oo labada dhinac ah iyo guud ahaanba xaaladda nabadgelyo ee ka taagan Mandiqadda Geeska Afrika.

 

Weftiga Britain oo uu hoggaaminayo Col. Martin Thomas, Agaasimaha Wasaaradda Difaaca ee Britain u qaabilsan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Milateriga ka baxsan Waddankooda ee aagga Afrika, inta ay ku gudo jireen booqashadooda, waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasaaradda Difaaca ee Somaliland oo ay ka wada-hadleen hindisaha qorshe dambe oo ay iskaashi milateri ku yeelanayaan Somaliland iyo Britain.

Weftigu intii uu joogay Somaliland, waxa kale oo ay booqdeen qaar ka mid ah fadhiisimada Ciidanka Somaliland, maalintii Arbacadiina waxay soo eegeen Saldhigga Ciidanka Badda Somaliland oo xaruntiisu tahay Berbera.

 

Intii ay ku sugnaayeen Berbera, waxa kale oo ay soo indha-indheeyeen Dekedda Berbera, Haamaha Kaydka Shiidaalka iyo xabaalaha ay ku aasan yihiin askartii Britain ee xilligii gumaysiga ay ku haysteen Somaliland oo ku yaalla Bariga magaalada Berbera.

Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in ay weftigu u kuur-galeen, baahiyaha dhinaca Milateriga ee ka jira Somaliland ee dhinacyada Tababarka, Hawl-galada Isgaadhsiinta, Taakulaynta qalabka milateriga, sahanka iyo aqoonta hogaamineed.

 

Weftiga oo maalintii shalay ka ambabaxay Hargeysa, waxa uu maalintii Arbacadii gelinkii hore kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin. War-saxaafadeed kulankaas uu ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyaddu ayuu ku sheegay in Madaxweyne Rayaale, kala hadlay weftiga aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo doorashooyinka axsaabta ee dalka ka dhici doona. Madaxweyne Rayaale wuxuu weftiga u sheegay inuu ahmiyadda siinayo, sidii dalkan uu aqoonsi u heli lahaa, kaas oo uu doonayo in ay gacan ka siiso dawladda Britain, maadaama ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, waxa kale oo uu weftiga uga waramay marxaladihii uu dalku soo maray, intii ka dambaysay wakhtigii ay xornimada qaadatay Somaliland iyo sidii ay Soomaaliya ula midowday iyo asbaabihii dhaliyay in dib loola soo noqdo Gobanimada 18 May 1991.

Weftigan oo ka kooban saddex qof, waxa Kornaylka ku weheliyay Ms. Carnila Derovet oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, una qaabilsan Siyaasadda iyo Xog-raadinta waddamada Afrika, gaar ahaana Somaliland iyo Soomaaliya, iyo Charles Comynqrh oo ah u qaybsanaha arrimaha Milateriga ee Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa.

 

Ciidamada Britain oo ka mid ah, Ciidamada ku hawlan sahanka badaha Badda Cas iyo Hindiya, taas oo qayb ka ah qorshaha la-dagaalanka argagixisada, waxaanay fadhiisimo waaweyn ku leeyihiin wadamada Kiiniya iyo Cumaan.

 

Waa markii ugu horeysay ee Somaliland iyo Britain iskaashi dhexmaro, muddo konton sano ka badan tan iyo wakhtigii uu socday dagaalweynihii 1aad ee dunida, xilligaas oo askar Somaliland iyo askar Britain ahi iska barbar dagaalameen.

 

Somaliland, Djabuuti Iyo Hay’adda UNHCR Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Saddex Geesood Ah

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti Wasiiro ah oo ka socday Somaliland oo safar shaqo ku tegay dalka Djabuuti, ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la sheegay in ay halkaas ku soo saxeexeen heshiis saddex-geesood ah oo ay wada-gaadheen Xukuumadda Somaliland, dawladda Djabuuti iyo hay’adda Qaxootiga ee UNHCR.

 

Xubnaha weftiga Somaliland oo ka koobnaa Wasiirka Dib-u-dejinta, C/llaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda, Qaasim Sh. Yuusuf, waxay dalka Djabuuti ku tageen socdaal dhawr maalmood qaatay, waxaanay halkaa wada-hadalo kula yeesheen xukuumadda Djabuuti iyo hay’adda UNHCR, kaas oo ku saabsanaa soo celinta qaxooti la sheegay in ay reer Somaliland yihiin oo jooga Djabuuti.

Ma jiro war rasmi ah oo wada-hadalkaas, si wada-jir ah looga soo saaray, hase yeeshee siday sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxay illo u dhuun-daloolla arrintaasi, wada-hadalkaa saddex-geesoodka ahaa ee dhexmaray weftiga Somaliland, UNHCR iyo dawladda Djabuuti, waxaa lagu soo afjaray heshiis buuxa oo laga gaadhay Ajandihii laga wada-hadlayay ee ku soo saabsanaa soo celinta qaxootigaa la sheegay inuu reer Somaliland yahay oo uu Djabuuti joogo.

 

Shaaca lagama qaadin qodobada heshiiskaas, balse waxaa la sheegay in saddexda geesoodba ay qallinka ku duugeen, weftiga Somaliland-na ay soo saxeexeen heshiiskaas.

Siday warar laga soo xigtay illo ku dhowdhow weftigu sheegeen, xubnaha wasiirada ahi, waxay ku galeen dalka Djabuuti Baasaboorka aan la dhaqan-gelin ee Somaliland, taas oo noqonaysa markii u horeysay ee Djabuuti ogolaato in dalkeeda lagu galo.

Dhinaca kale, wararka arrinta qaxootigaa la xidhiidha qaarkood, ayaa muujinaya in shaki weyni ka taagan yahay qaxootigaas, sidaa darteedna loo saari doono dad gaar ah oo baadha, si loo hubiyo in ay Somaliland yihiin iyo in kale.

 

 “Ma Jiro Casuumad Ururka UDUB U Fidiyay Salaadiinta”

Suldaan Maxamed Guuleed

 

 

Hargeysa (Haatuf): Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Togdheer, ayaa beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Codka Shacabka, kaas oo sheegayay in urur-siyaasadeedka UDUB uu casuumay Salaadiinta reer Burco.

 

Suldaanku, isaga oo daba-joogga warkaas wuxuu sheegay in aanay jirin Casuumaddaa uu Wargeysku sheegay in ururka UDUB uu u fidiyay Salaadiinta.

“Waxaan dadweynaha u sheegayaa in casuumaddaasi tahay been-abuur aanay waxba ka jirin, isla marakaana waxaan dadweynaha la socodsiinayaa in warkaasi yahay mid aan sal lahayn.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

 

Wargeysku, wuxuu xusay in casuumaddu ka dhacday Baar Xaraf, waxaanu intaa ku ladhay in Xuseen Cali Xirsi u xaqiijiyay jiritaanka martiqaadkaa, hase yeeshee Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, wuxuu carabka ku adkeeyay in aanay jirin Casuumad ururka UDUB u fidiyay Salaadiinta, waxaanu ka dalbaday Saxaafadda in ay iska hubiyaan wararka, ka hor inta aanay faafin.

Suldaanku, mar wax laga weydiiyay wada-hadaladii dhexmaray Salaadiinta iyo Madaxweynaha, wuxuu sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan, maalinta Sabtida ee soo socota.

 

Maleeshiyooyin Maxkamadaha

Islaamiga Muqdisho Oo Ku Biiray Ciidanka C/Qaasin

 

 

Muqdisho (Haatuf): Qaybo ka tirsan ciidamada islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa badhtimihiii taoddobaadkan ku biiray ciidamada maamulka C/qaasin, waxayna taasi ka dambaysay heshiis dhex-maray Madaxda maxkamadaha islaaiga ah iyo maamulka C/qaasin dhawaan.

 

Sida uu dhigayo heshiiska ay labada dhinac isla gaadheen maleeshiyadii maxkamadaha islaamigu waxa ay hadda hoos tegayaan wasaaradda cadaaladda ee dawladda C/qaasin, iyadoo qaybo ka mid ah maleeshiyooyinkaa lagu kala dari doono ciidamada booliska iyo milateriga ee dawladda C/qaasin.

Waxa kale oo uu heshiiskaasi dhigayaa in maxaabiista ay maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho xukumeen ee xabsiyada ku jira lagu wareejiyo xabsi uu maamulka C/qaain gacanta ku hayo.

Sidoo kale garsoorayaashii ka hawl-geli jiray maxkamadaha islaamiga ah waxay iyaguna ku biiri doonaan maxkamadaha ay dawladda C/qaasin xukunto, iyadoo la sheegay inay garsoorayaasha laga soo wareejiyay dhinaca maxkamadaha islaamiga ah qaabilsanaan doonaan arimaha xagga Ax-kaamta.

 

Maxkamadaha islaamiga ah ee magaalada Muqdisho waxa ay halkaa ka abuurmeen sannadihii sagaashanaadkii ka dib markii ay burburtay dawladdii Siyaad Barre, waxaana la sheegay inay ujeedada loo abuuray ahayd inay ka hor tagaan dhaqamadii budh-cadnimo iyo falalkii bililiqaysiga ahaa ee sida weyn ugu fiday magaalada Muqdisho tobankii sannadood ee u dambeeyey.   Hase yeeshee maxkamadahaa waxa markii dambe lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin ururada Argagixisada loogu yeedho.

 

Mucaaradka Canfarta Djabuuti Oo Ku

Dhawaaqay In Ay Dib U Bilaabayaan Dagaal Hubaysan

 

 

Brusselis – Mucaaradka Can-farta ah ee ka hor jeeda dawladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqay inay dib u bilaabayaan halgankii dagaal ee hubaysnaa.  Sidaana waxay ku sheegeen war-bixin ay tobankii bishan Juun ee aynu ku gudo-jirno ay hogaanka mucaaradkaasi ka soo saareen magaalada Brusselis ee dalka Biljamka.

 

War-bixintaa oo laga soo saaray xafiiska ay jab-hadaasi ku leedahay Brusselis waxa markii uu soo if-baxay taageeray siyaasiga can-farta ah ee Axmed Diini Axmed, iyadoo uu Axmed Diini ahaa hogaamiyihii Jab-haddii mucaaradka ahayd ee FRIUD, jabhadaas oo intii u dhexaysay sannadihii 1990 ilaa 1993 dagaal ba’an oo mucaarad ah kula jirtay dawladda Jabuuti, laakiin uu markii dambe hoos u dhacay dagaalkoodii, waxayna taasi aakhirkii sababtay inuu jab-haddaa iyo dawladda Jabuuti heshiis dhex-maro.   Haseyeeshee siyaasiga can-farta ah ee Axmed Diini oo debedaha ku maqnaa muddo dheer, lana haajiray hawl mucaaradeed waxa uu dalka Jabuuti dib ugu soo noqday sannadkii 1999-kii, ka dib markii magaalada Baariis ee dalka Faran-siiska heshiis ku dhex-maray madxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Axmed diini Axmed. Hase yeeshee siyaasiga can-farta ah ee Axme Diini waxa uu hadda sheegay inuu ka baxay heshiiskaa oo uu dib u bilaabi doono halgankiisii mucaaradeed.

 

Dhinaca kalena magaalada Brusselis ee dalka Beljimka waxa horaantii sanadkan 2002 ay dad mucaaradka dawladda Jabuuti ahi ka sheegeen inay dhiseen waxa ay ugu yeedheen maamul ku meel-gaadh ah oo Jabuuti ah, waxaana nidaamkaa hogaamiye looga dhigay nin la yidhaahdo Maxamed Idiris Geelle Qaadi oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Madaxtooyadda dawladda Djabuuti, laakiin hadda ka mid ah ragga mucaaradka ku ah dawladda Djabuuti.

 

Xukuumadda Djabuuti Oo

Sheegtay In Itoobiya Ridayso Maamulka C/Qaasim

 

 

Addis Ababa — Wasaaradda arimaha debedda ee dawladda Jabuuti ayaa dhawaan ku eedaysay dawladda Itoobiya inay damac-san tahay inay rido C/qaasin Salaad Xasan, waxayna dawladda Jabuuti sidaa ku sheegtay warar ay dhawaan ku faafisay war-baahinteeda,taas oo ay tilmaantay inay dawladda Itoobiya wado mu’aamarad ay ku minjaxaabinayso Madaxweyne C/qaasin , isla markaana ay doonayso inay ku bedesho ninka la yidhaahdo Maxamed caddow oo ah ninkii ay kursiga ku tartameen C/qaasin xiligii shirkii Carta.

 

Sida ay sheegeen warar laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo u dhuun-daloola khilaafka u dhexeeya dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ee ku saabsan xaalka Somaliya waxa uu si weyn u sooshaac baxay , ka dib markii ergooyinkii ka kala socday labadaa dawladood si weyn isugu maan-dhaafeen qaban-qaabada shirkii qabsoomi waayey ee bilihii May ilaa Abril ee sannadkan loo qoon-deeyey inuu ka dhaco magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, taas oo ay ergooyinka labadaa dal mawqifyo kala fog iska taageen halka laga bilaabayo arinta dib u heshiisiinta Somaliya, waxayna dawladda Itoobiya ku adkaysatay inaanay maamulka C/qaasin u aqoonsanayn dawlad, sidaa darteed waxay ergadii Itoobiya ku dooday inay kooxaha iyo dhinacyada ku hirdamaya Somaliya ay miiska soo wada fadhiistaan iyaga oo aan kala sarayn, taas oo macneheedu yahay inuu maamulka C/qaasin madasha wada hadalka soo fadhiisto, isaga oo aan dawlad sheeganayn, laakiin ah koox ka mid ah kooxaha Somaliya, lana yahay dhinacyo siman.  

 

Hase yeeshee ergada Jabuuti waxay dhinacooda ku adkaysteen in arinta laga dhigo dawlad iyo kooxo la heshiisiinayo, taas oo macneheedu yahay inuu maamulka C/qaasin madasha ku soo fadhiisto maqaam dawladeed,dhinaca kalena ay soo fadhiistaan kooxuhu, halkaana ay ku wada hadlaan dawladda iyo kooxaha ka hor jeedaa,laakiin taa labada dhinac (Itoobiya iyo Jabuuti) way isku mari waayen, waxayna aakhirkii sababtay inay ergadii dhinaca Jabuuti ka socday ka dareeraan madashii ay ku shirayeen guddiga qabab-qaabada shirka oo ahayd magaalada Nayroobi horaantii bishii May, iyadoo ay guddiga qaban-qaabadu ka koobnaayeen dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, khilaafkaasina waxa uu noqday mid si weyn u murgiyey qorshihii qaban-qaabada shirka Nayroobi, taas oo aan ilaa hadda wax maaro ah loo helin.

 

Liibiya Oo Dhex-Dhexaadinaysa

C/Laahi Yuusuf Iyo Jaamac Cali Jaamac

 

 

Boosaaso (W. Wararka): Dawladda Liibiya ayaa martiqaad ay ka dal-batay inuu dalkooda ku yimaado u fidisay hogaamiyaha maamul-goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna martiqaadkaasi la xidhiidhaa qorshe ay dawladda Liibiya ku doonayso inay ku dhex-dhexaadiso C/laahi Yuusuf Iyo Jaamac Cali Jaamac.

 

Ninnka sida gaarka ah dawladda Liibiya ugu qaabilsan arimaha Somaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho Ciise Rabiic Cashuur ayaa toddobaadkan fariin martiqaad ah oo uu uga sido dawladda Liibiya soo gaadhsiiyey C/laahi Yuusuf oo uu hadda fadhigiisu yahay Boosaaso.    Dhinaca kalena Jaamac Cali Jaamac waxa uu hadda ku sugan yahay dalka Liibiya waxayna wararka arintaa la xidhiidhaa sheegeen inay dawladda Liibiya soo qadintay hindise ay damac-san tahay inay ku dhex-dhexaadiso labadaa nin oo si weyn ugu muransan talada hogaaminta Puntland.

 

Hase yeeshee wararku ilaa hadda daboolka kama qaadin inuu C/laahi Yuusuf aqbalay hindisaha dhex-dhexaadinta Liibiya.

 

Rabitaanka Liibiya ee dhex-dhexaadinta C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac maaha mid hadda bilow ah, laakiin hadda ka hor ayey dawladda Liibiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso labadaa nin .  Hase yeeshee C/laahi Yuusuf ayaa dawladda Liibiya ku eedeeye inay faro-gelin ku samaysay arimaha gudaha Puntland, isla markaana ay taageero siinayso Jaamac Cali Jaamac iyo maamulka C/qaasin, taas oo buu yidhi ay Liibiya doonayso inay minjoxaabiso hanaanka iyo jiritaanka maamul-goboleedka Puntland, wuxuuna hadalkaasi C/laahi Yuusuf ka soo yeedhay ,iyadoo waqtigaa ka hor C/laahi si weyn loogu tirin jirey inay Liibiya yihiin saaxiib aad ah, taas oo uu C/laahi Yuusuf taageerada ugu badan ee dhaqaale iyo saanad milateriba leh Liibiya ka heli jirey xiligii uu hogaamiyaha ka ahaa jabhadii SSDF ee dagaalka hubaysan la gashay dawladdii Siyaad Barre, waxayse u muuqataa inay hadda wax iska bedeleen xidhiidhkii dhowaa ee u dhexayn jirey C/laahi iyo hogaamiyaha Liibiya Col: Qadaafi, taas oo loo malaynayo inuu taliska Liibiya hadda u jan-jeedhsaday dhinaca Jaamac Cali Jaamac.

 

Bishii Abril ee sannadkii 2001 ayaa shir lagu qabtay magaalada Garoowe Jaamac Cali Jaamac waxa loogu caleemo saaray Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, ka dib markii C/laahi Yuusuf, lagala hor yimi kacdoono gacan ka hadal ah oo kala kulmay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, taasina waxay keentay inuu ka baxo xaruntiisii Garoowe, isaga oo fadhiisin ka dhigtay magaalada Gaalkacayo, muddo ka dibna waxa lagu dhawaaqay inuu Jaamac yahay Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.  

 

Hase yeeshee C/laahi Yuusuf arintaa gaashaanka ayuu ku dhuftay, wuxuuna markiiba ku dhawaaqay inaanay waxba ka jirin madaxweynenimada Jaamac Cali Jaamac, isaguna uu yahay Madaxweynaha sharciga ah, taas oo uu C/laahi Yuusuf dhawr bilood ka bacdi guluf dagaal ku qabsaday magaalada garoowe, kana saaray Jaamac Cali Jaamac iyo taliskiisii cusbaa, wuxuuna Jaamac xiligaa ka dib fadhiisin ka dhigtay magaalo-xeebeedda Boosaaso.   Hase yeeshee C/laahi sidaa kagama hadhin ee wuxuu Mar kale bishii May ee ina dhaaftay awood Ciidan ku qabsaday magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka saaray Jaamac iyo taliskiisii, wuxuuna Jaamac xiligaa ka dib u firxaday debedaha, iyadoo uu Claahi hadda u muuqdo nin talada Puntland uga itaal roonaaday Jaamac Cali Jaamac oo ay muddo sannad gaadhaysa si ba’an ugu giriftamayeen talada hogaaminta Puntland.

 

Dawladda Kanada Oo Diiday

In Ay Maraykanka U Gacan-Geliso Nin Soomaali Ah

 

 

Ottawa (Al-Hayatt): Dawladda Kanada, ayaa gaashaanka ku dhufatay codsi ay dawladda Maraykanku ku doonaysay in loo soo gacan-geliyo Liibaan Xuseen oo ay dhalashadiisu tahay Soomaali, laakiin haysta Jinsiyad Kanadiyaan ah.

 

Liibaan Xuseen, waxay dawladda Maraykanku ku eedaynaysaa inuu taageero dhaqaale siin jiray ururka Al-Qaacida, sidaa darteed ay u haysato falal la xidhiidha argagixisada.

War ay wada-jir u soo saareen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee dawladda Kanada, waxa ay ku sheegeen in markii ay arrintan dhinac walba ka eegeen ay dawladdu go’aansatay in aanay munaasib ahayn in ay muwaadinkaa u gacan-geliso Maraykanka.

 

Liibaan Xuseen, waxa uu madax ka yahay xafiis ay shirkaddii Al-Barakaat ee Xawaaladaha ku lahayd magaalada Ottawa ee dalka Kanada, waxayna ciidamada ammaanka ee Kanada qabteen waxyar kadib, markii uu dhacay weerarkii qaraxyada Maraykanka ee September 11, 2001. Hase yeeshee, dhawaan ayaa Liibaan lagu sii daayay damiin, wakhtigaas kadibna dawladda Maraykanka ayaa codsatay in loo soo gacan-geliyo.

 

Liibaan waxay da’diisu 31-jir, wuxuuna qaxootinimo ku galay dalka Kanada Toban sanno ka hor, isaga oo ka qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya, muddo kadibna waxa uu helay dhalashada dalka Kanada.

 

Maxkamadda Berbera Oo Nin

Yemeni Ah Ku Xukuntay Xadhig Iyo Ganaax Lacageed

 

 

Berbera (Haatuf): Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa nin Yemeni ah oo lagu magacaabo Cabdow Maxamed Maxamuud oo Naakhuude ka ahaa dooni si sharci-darro ah uga kaluumaysanaysay, xeebta Somaliland oo la qabtay, ku xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed.

 

Siduu noo soo tabiyay weriyahayaga Gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, Maxkamaddu waxay ninkaa Yemeniga ah ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $5,000 (Shan kun oo doollar). Ninkaa Yemeniga ah oo ah mulkiilaha doontaas oo Ciidanka Ilaalada xeebuhu qabteen, dabayaaqadii bishii May, waxa Maxkamadda Gobolka la horgeeyay 11/6/2002.

Hawl-galka lagu soo qabtay doontaas, kii ka horeeyay waxay Ciidanka ilaalada xeebuhu qaadeen badhtamihii sannadkii hore, kaas oo ay ku qabqabteen saddex iyo Toban doonyood, kuwaas oo la horgeeyay Guddi lagu magacaabo Guddiga nabadgelyada Gobolka Saaxil, lana sii daayay markii la ogaaday in ay haysteen ruqsado ay bixisay Wasaaradda kaluumaysigu.

 

Dhinaca kale, siday sheegeen wararka magaalada Berbera naga soo gaadhay, Ciidanka ilaalada cashuuraha Dekedda Berbera, ayaa qabtay qalab dayactirka gaadiidka ah oo lagu soo dhex riday daamur ay leedahay Dawladda Hoose ee Berbera, kaas oo la sheegay in la doonayay in si tuugo ah lagu saaro, si aan loo cashuurin. Warku wuxuu intaa ku daray in alaabtaas lagu xayiray Kastamka, Wakiilka Shirkadda ESCO oo alaabtaas leh. C/llaahi Abokor, ayaa isna sheegay in aanay ka warqabin oo Jidda looga soo diray alaabtaa, lagana diiday dhawrkii maalmood ee tegay in cashuurta laga qabto.

 

Maamulka Kastamka Berbera, ayaa sheegay in arrintaasi gaadhay xarunta Wasaaradda, isla markaana xalkeeda laga sugayo.

 

Olole Garoomo Ciyaareed Loogu

Samaynayo Dhallinyarada Oo Ka Bilaabmay Boorama

 

 

Boorama (Haatuf): Maayarka magaalada Boorama, isla markaana ah Badhasaabka Gobolka Awdal iyo kooxo dhallinyarada magaaladaa ka tirsan, ayaa shalay Subax ka qayb-galay olole lagu nadiifinayay, laguna banaynayay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla goobtii hore loogu yaqaanay Seeraha Boorama.

 

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, tallaabadani waxay qayb ka tahay olole uu Maamulka deegaankaasi Garoomo Ciyaareed ugu samaynayo dhallinyarada Ciyaaraha ee magaalada Boorama oo ay dhexmari jireen rabshado soo noqnoqday oo nabadgelyada wax u dhimi jiray. Warku wuxuu intaa ku daray in hanashada Garoonkan, dib loo hagaajinayo ay hore iska-hor-imaadyo uga dhaceen, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawacba sababay, taasna waxaa sababay, siduu warku sheegay, dhallinta Isboortiga ee magaaladaas oo ka badan kun qof oo aan haysan Garoomo ciyaareed oo ay ku kala ciyaaraan, taasina ay dhallisay in ay foodda isku daran Garoon keli ah.

 

Maayarka magaalada Boorama, Maxamed Muuse Bahdoon oo ka hadlay arrintaas, ayaa sheegay in ololahan cusub ee lagu banaynayo Garoomada Ciyaareed uu wax weyn ka tari doono debcinta xiisadaha dhallinyarada.

 

“Falalka Argagixiso Ee Al-Qaacida,

Waxaa Loo Qiyaasay Si Khaldan”

Guddiga Sirdoonka Ee Ingiriiska iyo Maraykanka

 

 

Warar laga soo xigtay Sirdoonka, Barlamaanka iyo Guddiyada nabadgelyada ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa tibaaxay in aan guul laga gaadhin Qorshayaashii loo dajiyay in lagaga hortago falalka Argagaxisada ee Al-Qaacida.

 

Guddoomiyaha Guddiga wada-jirka ah ee Sirdoonada Maraykanka iyo Ingiriiska Ms. Ann Tylor, ayaa sheegtay in arrinta khusaysa Guddigeeda ay tahay, awoodda Sirdoonka ee lagaga gaashaamanayo, falalka argagaxisada ee la soo maleegayo mustaqbalka. Waxayna intaa ku dartay in hay’adaha Sirdoonka la siin doono Agab iyo Hanti ku filan oo ay ku fuliyaan, Barnaamijyada ka hortaga Agagixisada, waxaana ku jiri doona hawl-wadeenao Af-Carabiga ku hadla.

 

Kulankii ugu dambeeyay ee labadan Guddi oo dhacay bishan Juun, waxaa lagu sheegay in weerarada ay Al-Qaacida damacsantahay ay marayaan, halkii ugu dambeeyay, laakiin guddigu waxay ku guuldaraysteen qiyaasta baaxadda qorshaha lagaga hortagayo, taas oo ah Sirdoon la’aan.

Arrintani, waxay keentay in aan la ogeyn cid fulinaysa weerarada argagixiso, halka lagu fulinayo iyo halka laga soo duulayo.

 

Warbixintani waxay xustay in hay’adahaas Sirdoonku codsanayaan, maal-gelin dheeraada oo sirta lagu soo ururiyo, arrintan oo ay dadka indha-indheeyaa ku tilmaameen in macnaheedu yahay, mar haddii ay Sirdoonkii lacag dheeraada u doonayaan hawlahooda in ay jirto khatar waxyeelo argagixiso mustaqbalka.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxaan u soo taagnaa Cadaalad-xumo

ay ku kaceen Maxkamadaha Gobolka Togdheer

Waxaan u soo taagnaa Burco, Maxkamadda Gobolka iyo Rafcaanka oo si badheedha, qaraar uga gaadhay dhul dhaxal ah oo agooni leedahay, kaas oo ay sheekadiisa iyo qoraalkeediiba sidan yahay;

“Laba nin oo la kala yidhaahdo; Maxamed Warsame Jaamac (Xiin-waal) iyo Siciid Cali Maxamed (Tuwaale) oo ah, laba nin oo caana ahaana, saaxiibana ahaa, dadkuna isu yaqaan, waxay wada yeesheen Beer Burco ku taal, siiba waddada Berbera dhankeeda Bari intaan Burco la galin, beertaas oo dhan “Sagaal Higtar,” mulkiyaddana waxa ku qornaa Maxamed Warsame Jaamac, labadii nin way kala qaybsadeen mid walbana wuxuu yeeshay 4.5 H.

 

1995-kii ayuu geeriyooday Marxuum Maxamed Warsame Cali. 1998, ayuu ninkii noollaa xaaskii Marxuumka weydiiyay mulkiyaddii Beerta uu ku qornaa marxuumka geeriyooday, isagoo leh waa laynagu haystaa Beertii, waxayna tidhi Maya, iyadoo uu dareen galay odhanaya, Burco waa degantay, meeshana waa laydiin yaqaan. Maad aragtid ama maqashid, haddaan isagu damac kale lahayn.

Agoontii dhismo iyo 4.5 Hec-kii ay beerta lahaayeen way dhaxladeen.

4/8/99, ayuu dacwad ku soo oogay Siciid Cali, halkii agoonta 4.5H ahayd, kana dhigay meeshii agoontu wada lahayd wax nin leeyahay, isagoo leh; “Keyse Maxamed Warsame, ayaa dhul iga qaaday, ninkaas oo dibadda jira.”

 

Dacwaddu, waxay ku soconaysaa 4.5H oo ah intii Maxamed Warsame Jaamac uga tegay ubadkiisa iyo eedaysanaha oo laga dhigayo ninkaa dibadda jira.

 

Waxay Maxkamaddu ku qortay baafin Wargeysyada Jamhuuriya iyo Maandeeq, kaas ayay ku war heleen gudo iyo dibad dadkii dhaxalkan lahaa. Intii waddanka joogtay oo ah Keyse hooyadii iyo walaaladii, ayaa Maxkamaddii yimi (Maxkamadda Gobolka). Garsoorihii baa ku yidhi, dacwaddu waxay ku socotaa Keyse, waxay uga warameen xaalku siduu yahay iyo in aanu Keyse beertan lahayn ee shakhsi wax ku leh uu yahay.

Hooyadii baa la yidhi, wakaalad ka soo qaado. Keyse, Hooyadii waxay ku tidhi, wakaalad ii soo qor, waanu u soo qoray, muddo yar kadib, kiiskii ayaa furmay, iyadoo ay Qareen qabsatay Hooyo Weris Cabdulle, waxayna keeneen Maxkamaddi mulkiyaddii iyo shan markhaati oo uu ka mid ahaa.

Cagaftii meesha lagu calaamadiyay ninkii waday, shantaa nin dhaar kadib, waxay cadeeyeen wada-lahaanshahoodii iyo ilaa kala qaybintoodii loo kala qaybiyay marxuumkii, iyo Siciid Tuwaale.

 

Mulkiyaddii ay keeneen Ilma Maxamed Warsame iyo hooyadood, waxa ka hor timi mulkiyad kale oo uu sito Siciid Tuwaale, labadii mulkiyadood oo midna ku qoranyay Marxuumkii, midna ninkan sitaa, ayay Maxkamaddu u dhiibtay Xeer-ilaaliyaha Gobolka, isna u gudbiyay Laanta Baadhista Dambiyadda, laantaasina waxay u dhiibtay Wasaaradda Beeraha, waxayna soo cadeeyeen in mulkiyadda uu sito Siciid, Been-abuur tahay, mulkiyadda uu ku qoran yahay Maxamed Warsame Jaamac-na ay tahay sharci, iyagoo tixraacaya waraaq ka soo baxday xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo ku saabsanayd in la soo baahdo, kuna taariikhaysnayd 21/8/2001 oo ka soo baxday xafiiska dembi baadhista (CID), mid beeruhu u soo qoreen Taliyaha Laanta Dembi Baadhista oo tirsigoodu ahaa; 341/0132   08/2001-ka ee 13/8/2001. waxay iyana ku cadeeyeen in ay been-abuur tahay mulkiyadda uu sito Siciid Tuwaale, saxeexeeduna foojari yahay.

 

Kiiskii wuxuu isku bedelay “Criminal,” hase yeeshee lama danayn, medenigii ayaa halkaa laga sii waday; waana la geba-gebeeyay, iyadoo dhawaaqii kiiska la sugayo, ayay Maxkamaddii tidhi; mudacaley-ga dhaar ayaa laydinku yeeshay; waxaana isa soo taagey hooyadii iyo intii ay dhashay ee waddanka joogtay markaa.

Wuxuu yidhi Muducigii Siciid Tuwaale, “Aniga Keyse mooyee, cid kale lay dhaarin maayo,” Maxkamadiina way ku raacday.

 

Amakaag bay ku noqotay Agoontii, waxan laysku hayo ay ka dhexeysay, hase yeeshee sharci baa loo eegay bal in ay suurto-gal tahay in telephone-ka Maxkamadda laga dhaariyo, iyadoo marka hore rag masuuliyiina la dhaariyo in uu yahay codkiisii. Sharcigii wuu ogolaaday, sidii ayaa la yeelay, garsoorihiina wuu ogolaaday in sidaa loo dhaariyo.

 

Subaxii Maxkamaddii laysugu yimi, Keysana diyaar yahay oo la sugayo in Keyse Telephone-ka laga dhaariyo, ragii codkiisa inuu yahay ku dhaaranayayna diyaar yihiin, ayuu Siciid diiday, Garsoorihiina wuu ku raacay, wuxuuna yidhi; “Naga wada baxa,” muddo yar ka bacdi Qaraar ayay gaadhay odhanaya; “15 casho gudahood ku keena Keyse, haddii kale kiiska waxaa loo xukumayaa Siciid Tuwaale.”

Maxkamaddii Rafcaanka muddo ka bacdi, waxay gaadhay qaraar odhanaya: “Waxaan ku raacay Jawaab-celintii Racfaansanaha, muddo dambana ma jirto, waa in Siciid loo xukumo, isagoo waliba amar siinaya Maxkamadda Gobolka. Haddaba, iyadoo saman loo jaray Agoontii, Maxkamaddana looga yeedhay si loo rido. Si degdeg ah ayay Ambiil uga qaateen. Ambiilkaas oo ay u soo qaateen Maxkamadda Sare ee Hargeysa, ilaa haddana yaal.

 

Haddaba, aniga oo ah Cismaan Cali Faarax, kiiskana iminka Wakiil uga ah, waxaan la amakaagay ama aan la yaabay, Beer shan nin dhaar lagaga qaaday, sida xaalkeedu ahaa, hadday tahay markay ka dhexaysay iyo markay qaybsadeen waxa loo qiimayn waayay, miyaanay dhaari ahayn; Magaca Alle oo ruuxa mara isagoo loo haysto naf go’day looga qanco.

Maraga waa la dhaarinayaa in aanu run mooye been sheegayn, haddii la waayana mudacaleyga ayaa la dhaarinayaa.

 

Arrin marag loo helay oo la dhaariyay Maxkamad horteed oo Rag ku dhaarteen, iyagoo aan ahayn hantiilayaashii meesha lahaa, haddana la jiidhay maxaa lagu kala baxayaa. Ileyn xaalku wuxuu u muuqdaa “muxuu marag sheegayaa, anigaa qallinkii hayee.”

Waxaan kaloo la yaabay, ruux foojari inuu sito ay ku cadeeyeen Wasaaradda Beeraha, Xeer-ilaalintii iyo dembi-baadhistii oo kiis qabtaba aan la hayn.

Haddaan Mulkiga foojariga layska qaban saw hanti kasta oo ruux kale leeyahay mid kale mulki foojari ah u samaysanmaayo.

 

Haddaba, kiiskaa oo soconayay laga bilaabo 1999 – 2002, welina soconaya, Agoontaa wuxuu geliyay saddex qareen, waxaana kharash kaga baxay xaq-darro ah $6,000.

Mar haddaan maragii u furayay iyo mulkiyadiisii, midna wax ka soo qaad lahayn maxaa xala? Bal ruuxii aqoon u lahaw ka hadal, anigu maaha xaalo aan fahmayee, taasina waa cadaalad-xumo ka dhacday Burco, Maxkamaddda Gobolka iyo mid Racfaanbe.

 

Waxaan Madaxweyne Rayaale iyo ummadda samaha jecel leeyahay, sidii Marxuum Cigaal Kaantaroolada wax uga qabtay, Maxkamaddaa aan wax uga qabano.

Cismaan Cali Faarax, Hargeysa

 

 

Isboortiga Degmooyinka G/Awdal Waa In La Gacan Qabtaa

 

Annaga oo ah dhallinyarta gobolka awdal, deggana magaalada Boorama ayaa waxaanu fikraddayada ku baraarujinaynaa maamulka Isboortiga iyo dhammaan maamulka G/Awdal, degmooyinka gobolka Awdal waa inuu maamulku u soo jeedsadaa sidii uu Isboortigooda u dhisi lahaa, gaar ahaan wasaaradda Isboortiga ee ay hawlahani sida gaarka ah u khuseeyaan, degmooyinka ay ka mid yihiin; Dilla, Baki, Lughaya, Saylac, Boon iyo Boorama, waxay u baahan yihiin gacan-qabad xagga isboortiga ah si loo helo koox matali karta gobolka Awdal una safan karta ciyaaraha gobollada, guud ahaan dalka Somaliland.

 

Haddaba si arrintani u suuro-gasho waa in degmooyinkaasi baahiyahooda xaga isboortiga ay daboolaan maamulka ay arintani khusayso, si looga gaadho horumar xaga isboortiga. Wasaarada isboortiga ayaa ay tahay inay gacan buuxda siiso degmooyinka aan sare ku soo xusnay oo uu isboortigoodu aad u hooseeyo maamulka ayaa isna waxa saaran inuu ku dhiirigeliyo wasaaradda isboortiga si ay xilkeeda u gudato, iyada oo la kaashanaysa arrintani hay’adaha caalamiga ah si ay wax uga qabtaan garoomada iyo qalabka kala duwan ee isboortiga, kuwaas oo laga heli karo hay’adaha maanta dalka jooga.

 

Waa inay maamulku markaa u soo bandhigaan dhibaatada degmooyinkan ka haysata xagga isboortiga, midda kale dhallinyarada gobolka Awdal, waxaan ku dhiirigelinaynaa kuna baraarujinaynaa in ninkii naftiisa wax u qabta uun wax loo qaban doono. Markaa waxa waajib idinku ah inaydun u soo jeedsataan isboortiga oo aydun idinku ka tashataan aayihiina, markaa ayaa la idiin arki dad dedaalaya oo wax la idiinku tari.

Dhallinyarta waxaan ku wacyi-gelinaynaaa inay iska dhaafaan koox-kooxda ay isku laayaan ee ay isku takooraan, iyaga oo walaalo ah oo magaalo keliyana ku wada nool, isboortiguna maaha dagaal ee sidiisaba waa nabadgelyo, waana calaamada lagu garto meel ay nabadi taalo. Waa in la nooleeyaa lana soo celiyaa sumcaddii iyo karaamadii ay Awdal ku lahaan jirtay garoomada.

 

Waxaan hadalka ku soo gebogebaynaynaa guud ahaan dhallinyarta gobolka Awdal waa inay muujiyaan dedaal dheeraad ah oo ay markaa kor ugu soo qaadayaan calanka isboortiga ee hoos u liicay tan iyo dawladdii hore kabacdi waajibka ugu weynina dhallinyar ahaan ayuu inoo saaran yahay inaan la nimaadno dedaal iyo isku duubni midigta iyo bidixda hadday midiba gees taagan tahay waxba ma qabsan karno, markaa Awdal ahaan haddaan dhallinyaro iyo maamul iyo odayaalba isku taageersano sidii loo soo noolayn lahaa isboortigii Awdal waxa kasta way suurogalayaan haddii dedaalkeed la muujiyo.

Aamiin x. Cige Aadan

Maxamed Daahir Muxumed

Ilyaas Nuur Sugaal,

Boorama.

 

 

Bulshadaa Sheegi Waxay Bisha Cas Ee Awdal Soo Kordhisay

 

Waxaa beryahan dambe sheekooyinka ku soo biiray naftii hebel ayaa I gashay.

Haddaba haddaan raacno tibaaxda ay weedhani muujinayaan waxay ka turjumayaan qof asqoobay oo marin habaabay oo intay si wax ka noqdeen is doondoonaya ama la yimid far (raad) qof kale lahaa, kadibna loo aaneeyay qofkii lahaa. Haddaan hoos uga daadegno waxaa wargeyska madaxa bannaan ee Haatuf cadadkiisii 91aad ee 05/06/2002 bogga Odhahda Akhristaha ku so baxay maqaal cinwaankiisu ahaa Wax halaga qabto xaaladda Bisha Cas ee Awdal, oo uu ku saxeexnaa Colaad Dhoore Warsame. Colaad waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaan ku dareensiinayaa in xafiiska Bisha Cas ee gobolka Awdal, ka soo bixi waayay hawlihii loo igmaday,” waxa uu haddana uga sheekeeyay shaqadiisa oo uu mar labaad yidhi; “waxa kaloon xusuusinayaa Guddoomiyaha inaan guud ahaan Bisha Cas ee dalka dib u habayn lagu sameyn 1995.”

Hadalladan ina-Dhoore Warsame, waxay marka hore gef ku yihiin Guddoomiyaha Bisha Cas Ing. Cali Jirde, waxaana weheliya hanjabaaad uu Ing. Cali Jirde ku leeyahay; “Dib u habayn la sameeyay 1995 waa sidaad jagada ku timid.”

 

Taas oo daaran waxaanu sheegin, waxayna jawabteedu u taalaa Ing. Cali Jirde oo xaq u leh.

Colaad waxa uu Bisha Cas ee Awdal ku sheegay mid lagu fuliyo dano gaar ah iyo hawlo siyaasadeed.

Haddaba iska dheh iyo iska qor ma ahee waxa looga fadhiyaa caddaynteeda sida Bisha Cas ee Awdal u noqotay urur siyaasadeed.

 

Colaad Dhoore, intuu hoos u daadagay ayuu si gaar ah oo qaawan u weeraray Guddoomiyaha Bisha Cas ee Awdal oo uu ku tilmaamay inuu galay dembiyo badan oo ay ka mid yihiin;

a. Xafiiskii oo uu xidhay

b. Xubno ururka ka tirsan oo uu xidhxidhay kuna isticmaalay lacag iyo siyaasad

Haddaba, wuxuu Colaad Dhoore malaha og yahay waxaan reer Awdal ogayn oo uu isagu keligii ogyahay ayaa jira ee ha diyaariyo sidii uu u sii dhisan lahaa marag-muujinta, waayo eray saxaafadda dunida aad  ku baahisay maaha mid la iskaga hadhayo. Erayga qoraalka ahi wuxuu kun jeer ka khatarsan yahay waxa afka laga yidhaahdo, waayo kaydka taariikhda ayuu ku biirayaa, sidaa awgeed sharafta iyo karaamada lama taabaanka ah ee dawlad, urur, madax hay’adeed iyo mid shakhsiyeedba waad wada dhaawacday, intiiba waxay u fadhiyaan sidii ay u caddaan lahaayeen ama laguugu waayi lahaa waxa aad qortay.

Dhinaca kale, wax-qabadka aad ku dhaliishay ururka Bisha Cas, ee Awdal waxa nagaga filan markhaati furkaaga aad maqaalkaaga ku sheegtay in xarumaha bilaha iyo laanqayraha cas ee Nairobi iyo Geneva looga soo diray waraaq ammaan ah iyo shahaado uu ku mutaystay wax-qabadka uu bulshadiisa u qabtay adiga ayaa caddeeyay.

Boorama waa safar doon wada saaran si ay adiga kuugu sawiran tahayba oo aan wax u kala qarsoonayn. Waxaan hadalka ku soo gaabinayaa bulshadaa sheegi doonta waxa bisha cas ee Awdal soo biirisay iyo waxay bi’isayba.

Magacyada dadka qoray oo ka mid ah madaxda laamaha ururka Bisha Cas ee Awdal:

1.       Maxamed Mixile Boqore,

2.       Maxamed Cali Obsiiye,

3.       Ifraax Cismaan Raydal

Boorama.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Dhaqankii Asaxaabtii Nebiga

 

 

Marka aynu ka hadlayno dhaqankii ay asaxaabtii nebigu lahaayeen maaha mid lagaga gayoonayo maqaal qudha, balse inaga oo labadii qormo ee cadadkan ka horreeyay soo qaadanay labadii Asaxaabi ee waaweynaa Abuu Bakar Sidiiq iyo Cumar binu Khadaab, maantana waxaynu soo qaadanaynaa qaar kale oo ka mid ah Asaxaabtii mas’uuliyiinta ka noqday dawladdii islaamka.

 

Asaxaabiga la odhan jiray Siciid Caamir Al-Jumaxii waxa uu madax ka noqday gobolkii loo yaqaanay Ciraaq, waxaanu u maamulay si ay caddaaladi ku jirto, isag oo maalin oo dhan fadhiyi jiray halka ay xaruntiisu ahayd, habeenkii oo dhana waxa uu u taagnaan jiray cibaado. Markan uu mas’uulka ahaa waxa madax ka ahaa dawladdii islaamka Cumar binu Khadaab oo lagu xasuusto sidii wanaagsanayd ee uu u maamulay hawlihii uu u hayay muslimiinta.

 

Cumar maalibuu booqday halkii uu ka talinayay Saciid binu Caamir Al-jumaxii, waxaana la shiray dadkii gobolka oo uu weydiiyay sida uu yahay xukunka Siciid iyo sida uu ugu adeego.

Dadki waxa ay Cumar u sheegeen inuu Siciid yahay nin fiican, hawshana uu u wado si wanaagsan, balse waxa ay intaa ku dareen inay Siciid kaga ashkatoonayaan saddex waxyaabood. Cumar baa ku yidhi; afartaa shay waa maxay? Waxaanay ugu jawaabeen waxa ay yihiin waa ta koowaade, Siciid nooma soo baxo aroortii ilaa ay cadceedu dheeraato, cumar baa ku yidhi Siciid waa maxay sababtu? Siciid oo ay dadkii oo dhami dhegaysanayaan ayaa yidhi maan jeclayn inaan sheego, balse haddii la I ashkateeyay waa igu khasab inaan sheegaa, waxay tahay horta malihi cid khaadim ah oo ii shaqaysa, sidaa darteed subaxii way igu adag tahay inaan soo baxo ilaa aan reerka raashinka quraacda u soo kariyo.

 

Cumar baa hadana dadkii waydiiyay ta labaadna waa maxay? Waxaanay ugu jawaabeen Siciid toddobaadkii maalinbaananu arag, taasi maxay ku dhacday ayuu ku yidhi Siciid. Taana maan jeclayn inaasn ka hadlo, balse waxay tahay wax dhar ah waxaan leeyahay labadaa go’ ee aan xidhanahay toddobaadkiina mar baan maydhaa, sida darteed maalintaa masoo baxo ilaa inta ay ii qalalayaan.

Tii saddexaad ayuu haddana waydiiyay dadkii, waxaanay yidhaahdeen, intaas oo dhan waxaa ka sii daran Siciid ma aragno habeenkii oo dhan ee xagguu tagaa? Cumar baa yidhi; Siciidow xaggeed tagtaa? Waxa uu yidhi; Cumarow maalintii oo dhan iyagaan siiyay oo aan u shaqeeyaa, sidaa darteed habeenkii waxaan siiyay Ilaahay oo aan u cibaadaystaa.

 

Siciid waa uu ka soo baxay su’aalihii la weydiiyay oo dhan. Markii uu Cumar noqday ayuu u soo diray lacag uu ku qabsado waxa ka dhiman, balse Siciid markii ay lacagtii u timid ayuu u qaybiyay dadkii masaakiinta ahaa, isaga xaaskiisii ku yidhi waxa aynu helaynaa maalin aynu aad ugu baahanay oo ah qiyaamaha.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Brazil Oo Ka Xarrago Qaadatay Costa Rica Iyo Talyaaniga Oo Dirqi Kaga Baxsaday Guul-Darro

 

Harg (Haatuf) :- Iyada oo maanta lasoo gunaanadayo wareegii koowaad ee ciyaaraha adduunka oo afar kulan ka hadhsan yihiin ayay ilaa hadda si buuxda u soo baxeen 12 dal oo ka mid ah kuwa isku haleelaya wareega labaad oo dib u bilaabmaya 15 June oo ku beegan Sabtida soo socota. Ciyaarihii shalay dhacay oo ay wada yeesheen kooxaha qaybta ‘C’ iyo kuwa ku wadajira qaybta ‘G’, waxaa ku soo baxay Brazil iyo Turki iyo Mexico iyo Italy.

 

Waddanka Brazil oo aan markii hore rajo weyn ka qabin hanashada koobka adduunka ayaa hadda u muuqda mid rajadiisu kor u kacday, kadib markii uu dhammaan ku guulasytay ciyaarihii wareega koowaad uu yeeshay, isaga oo goolal badan ku adkaaday laba ka mid ah kulamadaa.

Brazil iyo Spain, ayaa ah labada dal ee aan marna laga badin, sidoo kale Brazil waxay ka mid noqotay labada dal ee ugu goolal-dhalinta badan. Brazil iyo Germany mid waliba waxay dhalisay 11 gool.

Inkasta oo taasi jirto, haddana lama odhan karo guulahani way u dammaanad-qaadi karaan inay ku guulaysato koobka adduunka ee sannadkan.

 

Brazil 5, Costa Rica 2

Kooxda Brazil, ayaa tallaabo horumar leh ka muujiysay ciyaartii ay shalay la yeelatay Costa Rica, oo ay iskaga horyimaadeen garoon ku yaala waddanka Korea. Kooxda ka socota badhtamaha America umay suurtogelin inay ku tallaabsato siday ugu guulaysan lahayd kaalinta labaad oo ay ku soo baxday Turki oo ay isku dhibco ahaayeen, balse gool-dheeri ku faa’iiday.

 

Costa Rica oo 5-2 gool lagaga adkaaday ayaa ciyaarta weerar ku bilowday, waxayna fursaddii ugu horraysay heshay daqiiqaddii sagaalaad, taas oo uu lumiyay Mauricio Wright oo kubadda dul-mariyay goolka.

Brazil, oo iyadu ka faa’iidaysatay fursadaheedii ay heshay  goolkii ugu horreeyayna waxay heshay markii uu Edilson kubbad dhexda uga soo gudbiyay Ronaldo oo isna aan fursaddaa ku ciyaarin ee si fiican ugu cabbiray goolka, taas oo inta ay ku dhacday mid ka mid ah difaaca ka leexatay jihadii hore, sidaana ku dhexgashay shebegga. Afarta gool ee kalena waxaa Brazil u kala dhaliyay Ronaldo, Edmilson, Rivaldo iyo Junior. Halka labada gool ee Costa Rica ay u kala dhaliyeen Paulo Wanchope iyo Ronald Gomez.

Tabobaraha Brazil Luis Felipe Scolari, oo kulanka kadib ka hadlay ciyaarihii kooxdiisu yeelatay wareega koowaad ayaa sheegay inay muujiyeen dedaal, dadkuna yaqiinsaday fursadda koobka adduunka u haystaan, wuxuuna tabobaruhu ku daray inaanay isa siinayn koobka, balse ay tallaabo tallaabo u soconayaan.

Scolari, inkasta oo uu la dhacsan yahay horumarka uu gaadhay, haddana wuxuu tilmaamay in wejigan labaad si weyn uga duwan yahay wareegii hore.

 

“Marxaladda labaad aad bay u adag tahay, sidaa darteed waanu u diyaar garoobaynaa,” sidaa waxa yidhi Scolari oo ah tabobaraha Brazil.

Tabobaruhu wuxu intaa ku daray oo uu sheegay inaan kooxdiisu dhaliilo la’ayn, oo khaladaad badani ka muuqday ciyaarihii oo dhan, hase yeeshee, wuxuu intaa ku daray inay si deg-deg ah u buuxin doonaan meelaha gol-daloolooluhu ka muuqdo.

 

Sidoo kale, ciyaaryahanka Rivaldo ayaa ka hadlay guusha ay gaadheen, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinaysa inay koobka ku guulaysan karaan. Rivaldo oo dhaliyay mid ka mid ah goolashii kooxdu ku adkaatay ayaa si weyn ugu farxay, wuxuuna yidhi; “Aad baan ugu farxay, waayo waxaan si xidhiidh ah u wadaa gool-dhalinta oo aan ciyaar kasta hal gool keenay.”

Brazil, oo kaalinta koowaad kaga soo baxday qaybta ‘C’, waxayna wada ciyaarayaan kooxda kaalinta labaad kaga soo baxda qaybta ‘H’ oo maaanta ciyaaraysa.

 

Dhinaca kale tabobaraha Costa Rica, Alexandre Guimaraes, ayaa sheegay inay dedaaleen, balse ay ku habsatay koox ka tamar weyni, sidaa darteed aanay layaab ku ahayn inay ka hadhaan wareega labaad ee tartanka. Guul-darrada Costa Rica, waxay fursad u banaysay Turki oo kaalinta labaad ku soo baxday, kadib markii ay 3-0 ku dhirbaaxday Chine.

 

Mexico 1, Italy 1

Kooxda Talyaaniga ayaa dirqi kaga badbaaday inay ka daba-carrawdo Faransiiska iyo Argentina, oo hore uga huleelay kaqaybgalka koobka adduunka, kadib markii labadooduba ku fashilmeen inay ka gudban wareega koowaad. Weeraryahanka Alessendro Del Piero, ayaa waran ka gooyay saaxiibadii iyo taageearyaasha ka soo socdaalay kumanaanka mayl, markii uu goolkii barbar-dhaca u dhaliyay kooxdiisa oo 1-0 lagu hoggaaminayay tan iyo daqiiqaddii 86aad. Tabobaraha Talyaaniga Giovanni Trappatoni, oo ka baqdinqabtay inay la kulanto wadhidii Faransiiska iyo Argentina ayaa si weyn u alla baryay markii Ecuador ka badisay Croatia oo hadday badiso tartanka dibedda uga saari lahayd.

 

Ecuador 1, Croatia 0

Inkasta oo Talyaanigu barbaro lagalay Mexico, hadana Croatia, oo u baahnayd inay badiso si ay wareega dambe ugu gudubto, ayaan waxba uga suurogelin, waxaana la hadhay kooxda koonfurta Ameerika ka socotay ee Ecuador, oo iyada lafteeda aanu waxba uga tarin inay u soo gudubto wareega labaad.

Ciyaaryahanka Edison Mendez, ayaa goolka guusha u dhaliyay bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta, taas oo ka dhigtay markii koowaad ee ay Ecuador badiso ciyaar ka mid ah faynalka koobka adduunka.

 

Bilowgii ciyaartaba waxaa u suurogashay inay gacanta ku dhigto maamulka khadka dhexe ee ciyaarta, oo ay weeraro doora ku qaadaan Croatia, oo u baahnayd inay badiso kulankaa.

 

Croatia, ayaa bilowday weeraro ay goolal ku raadinayso balse waxaa sutida u qabatay Ecuador, oo difaaca miciinsatay.

 

Croatia, waxay iska lumisay fursad gool u muuqatay markii uu Mario Stanic lumiyay fursad uu ku soo tabcay Alen Boksic.

 

Ecuador iyo Croatia waxay wada yeesheen kulankoodii ugu dambeeyay koobka adduunka, waxaana fursaddaa ka faa’iidaystay Talyaaniga oo fara ciddi leh kaga baxsaday inuu ka hadho koobka adduunka.

 

Maxaa Laga Filayaa Kulanka

Bortuqaal Iyo Korea Maanta Yeelanayaan

 

 

Jaoa Pinto, wuxuu ka dheregsan yahay halista ay waddankiisa ku haysta South Korea.

Ciyaaryahanka dhex ka weerarka ahi wuxuu ka mid ahaa kooxdii Portugal, taas oo kaga badisay kulankii ay la yeelatay 11 sannadood kahor intii aanay ku guulaysan koobkii dhallinyarada adduunka ee lagu qabtay Libson.

 

“May ahayn wax sahlan, xataa marka dib loogu noqdo siday uga horumartay kubadda cagta,” sidaa waxaa yidhi Joao Pinto, oo wadnaha farta kaga haya khatarta kaga iman karta xulka Korea oo waddankiisa kula ciyaaraya kulanka ugu dambeeya ee qaybta ay ku wada jiraan Korea, Portugal, USA iyo Polland.

In ku dhow kala badh xulkan hadda oo uu ku jiro xiddiga adduunka ee sannadka Luis Figo, ayaa ka mid ahaa kooxdii berigaa oo raggii u kacaamay loogu yeedho “Dhallinyaradii dahabka.”

 

Xiddigaha Portugal dhammaantood waa ragga ka dhexmuuqda kooxaha Yurub. Hase yeeshee, iyaga oo aan weligood koob keliya qarankoodu ku guulaysan ayay sannadkana halis kale galeen, markii ay isku soo beegmeen kooxdii koobka martigelinaysay, taas oo ka dhigaysa in Portuqiisku ciyaaro kulan naftaa nac ah oo ay u weheliso niyad-xumo ka dhalatay kulankii bilowga, oo ay 3-2 kaga adkaadeen Maraykanku.

Portugal oo 4-0 ku dhirbaaxday Poland, waxay u baahan tahay inay ka badiso kooxda gurigeeda joogta oo ay ka fogaato in taageerayaasheedu ku hungoobaan wareega labaad.

 

“Waa kulan muhiimad weyn u leh mustaqbalkayaga,” sidaa waxa yidhi difaaca Rui Jorge oo caloosha u qaboojinaya saaxiibadii.

Koonfurta Kuuriya oo hoggaaminaysa qaybta ‘D’, waxay hal dhibic ka horraysaa Portugal, waxayna u dhawdahay inay u soo gudubto wareega labaad markii ugu horraysay. Guul iyo barbaroba way ugu gudubtaa wareega 16-ka kooxood.

 

Hase yeeshee, guul-darro waxay u keenaysaa inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee isaga oo tartanka martigeliyay wareega koowaad ku hadha. Waa markii lixaad ee ay ka qaybgasho kulamo caalami ah, markii ay kii shanaad ka qaybgashay kulan keliya kumay guulaysan.

Kumanaan koonfurta Kuuriya ah ayaa ku diyaar ah kaamamka roobabku ka da’ayaan ee ku xeeran Incheon Stadium oo u dhow Seoul, kuwaas oo quud-darraynaya inay iibsadaan tigidhada ciyaarta lagu gelayo oo hore loo sii jamraday.

 

Ciyaartoyga Kuuriya, waxaa lagu tilmaamaa kuwa ugu orodka badan tartanka, tabobarahooda Holland u dhashay ee Guus Hiddink, ayay u abaal gudeen oo ay cilmigiisii muujiyeen.

“Way ka dheer-dheereeyaan kooxihii aanu ilaa la soo ciyaarnay, wayna ka habaysan yihiin qaar badan oo ka mid ah Aasiya,” ayuu yidhi Jorge.

 

Japan vs Tunizia

Tabobaraha Japan Philippe Troussier, ayaa isna sheegay in ciyaartoygiisu haystaan fursad ay bog cusub kaga qori karaan taariikhda ciyaaraha.

Japan, markay maanta la kulmaan Tunisia oo ay ku wada jiraan qaybta ‘H’.

 

“Dhammaantayo waanu rumaysanahay mudnaanta kulankani noo leeyahay, wax kasta waxaanu uga shaqaynay sidii aanu berrito (maanta) u soo bandhigi lahayn wixii aanu afarta sannadood baranaynay,” ayuu yidhi tabobare Hiddink.

Japan oo hoggaaminaya qaybta ‘H’, wuxuu leeyahay afar dhibcood, kadib markii barbaro kula galay Belgium 2-2, Ruushkana uu 1-0 kaga adkaaday.

Sidaa darteed wuxuu ku taamayaa inuu badiyo si uu uga badbaado la kulanka Brazil oo ay isku dhacayaan hadduu kaalinta labaad ku baxo.