Haatuf, Cadadki 97, June 16, 2002

Salaadiinta Siyaasadda Ku Qaybsanaa Oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Gole Ay U Dhan Yihiin


Baaq iyo tallooyin qoraal ah oo ay u direen Madaxweynaha

 

 

Hargeysa (Haatuf): Salaadiinta Somaliland oo ka kooban dhinacyadii markii hore siyaasadda ku qaybsanaa oo beryahan shirar is-dabajoog ahi uga socdeen magaalada Hargeysa ayaa shalay markii u horaysay ku dhawaaqay gole salaadiin oo ay u dhan yihiin, ka dib markii ay sheegeen inay ka midoobeen aragtiyihii iyo arimihii siyaasadeed ee ay ku kala qaybsanaayeen, sidaana waxay salaadiintu ju sheegeen bayaan qoraal ah oo ay shalay soo saareen, waxayna qoraalkooda ku xuseen baaq ay u jeedinayaan ummadda Reer-somaliland.

 

Qoraalkaa oo saxaafadda logu talo galay waxay salaadiintani mawqifkooda ka sokow ku soo qaadeen arimo kale oo saabsan marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Kulamo si-dabajoog ah oo ay salaadiinta Somaliland yeesheen , laguna lafaguray marxaladdan cusub ee aynu galnay iyo duruufaha ee inagu gadaaman, ka dib markii aanu qiimaynay xaaladda guud ee uu dalku manta ku sugan yahay, xag diimeed, xag nabad-gelyo, xag siyaasadeed, xag dhaqaale IWM.     Ka dib markii aanu aragnay adeegyada guud iyo arimaha bulshada, ka dib markii aanu aragnay baahida taal ee ah inay midoobaan salaadiintu si ay uga midho dhaliyaan wax qabad midaysan oo ay dadka iyo dalkaba wax ugu qaban karaan , isla markaana ay muuqatay midnimo iyo wadajir wax aan ahayn inaan lagaga gu-bi karayn marxaladdan, salaadiintu way midoobeen, waxayna gudoonsadeen oo ay samaysteen gole salaadiinta Somaliland ah, isla markaana waxay talo iyo taageero u gud-biyeen madaxda xukuumadda Somaliland, waxayna dadweynaha Reer-somaliland ugu baaqayaan arimahan:

1-Inay adkeeyaan nabadgelyada guud ahaan iyo gaar ahaanba, diintooda iyo dhaqankoodana ilaashadaan, islamarkaana ay gacan buuxda ku siiyaan hayadaha nabadgelyada qaabilsan si ay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland u sugnaato.

2-Inay golayaashu dhamaystiraan dhamaan wixii shuruuc ah ee horyaal.

3-Inay maal-qabeenada Reer-Somaliland maal-geliyaan dalkooda hooyo xagga waxbarashada iyo wax soo saarka.

4-Inay dadweynaha gudaha iyo jaaliyadaha debedaha ee Reer-somaliland ay ilaashadaan diintooda iyo dhaqankooda suuban, una midoobaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkooda iyo dalkooda hooyo.

5- Waxay salaadiintu u soo jeedinaysaa Ax-saabta siyaasadda inay ilaaliyaan xasiloonida, ayna qaderiyaan qaranimada, isla markaana a u tartamaan si hufan oo waafaqsan shuruucda dalka, xukuumadduna waa inay dhex-dhexaad ahaato.

6-Waxay salaadiintu u soo jeedinayaan xukuumadda inay ku dedaasho, kana hawl gasho sidii dalkan aoonsi loo gaadhsiin lahaa iyo inay degaanka dalka bad-baadiso, isla markaana ay xoolaha iyo noloshooda indho gaar ah ku eegto.

Waxaanu illaahay inooga rajaynaynaa inaynu ku waarno caafimaad iyo nabad-gelyo taam ah”, ayey salaadiintu ku soo af-jareen bayaankooda.

Bayaankani waxa uu soo if baxay ka dib markii ay salaadiinta oo ka kooban laba dhinac oo markii hore siyaasadda ku qaybsanaa ay kulamo kala dambeeyey oo gaar gaar ah iyo qaar ay u dhan yihiin la yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo weliba kulamo ay iyaga oo isu dhan goonidooda u yeesheen kagana wada hadleen arimihii ay siku maan-dhaafsanaayeen.

 

Hase yeeshee inta badan kulamadaa hadii ay tahay kuwa ay madaxweynaha gaar gaar iyo wadajir-ba ula yeesheen iyo hadii ay tahay kulamada ay goonidooda u yeesheenba midna ma jiro wax warar rasmi ah oo ay ka soo saareen, islamarkaana sheekooyinka u dhuun daloolaa ma soo tebin xogo tafaasiil dheeraad ah ka bixinaya kulamada iyo wada hadalada dhexmaaray madaxweyne Rayaale iyo xataa kulamada ay salaadiintaasi goonidooda u yeesheen.  Laakiin saddex maal-mood ka hor ayey salaadiintani madaxweyne Rayaale u direen qoraal saddex bog ah oo ay ciwaan uga dhigeen taageero iyo talo bixin, waxaana bayaankaa ku saxeexnaa 27 Suldaan, waxayna yidhaahdeen “Mudane madaxweyne waxaanu marka hore gudoonsanay inay lama taabtaan tahay jiritaanka, gooni isu taagga iyo distoorka Somaliland”, waxayna intaa ku dareen “Madaxweyne markii aanu qiimaynay hawlaha faraha badan ee ina horyaal, cadaawadda faraha badan ee inagu waajahan iyo aqoonsi la’aanta beesha caalamka waxa noo muuqatay in maanta loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni ummadeed oo ku salaysan wada tashi si aynu u xaqiijino rabitaanka shacbigeena iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay inaanu si wada jir ah u buuxino kaalinta nagaga began wax qabadka iyo horumarinta dalka. Sidaa awgeed kulan guud oo aanu yeelanay magaalada Hagaysa waxaanu isla garanay inay talo midaysan yeeshaan guud ahaan hogaamiye-dhaqameedka sare ee Somaliland ”..

 

Intaa ka dib sida ku cad qoraalkooda waxay salaadiintu u gud-been talo soo jeedin ay u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland, waxayna talooyinkooda u dhigeen sidan:

A: Arimaha diinta: Mudane madaxweyne waxaynu nahay ummad islaam ah, distoorkeenuna waxa uu dhigayaa in lagu dhaqmo shareecadda islaamka, sidaa awgeed waxa xukuumadda saaran xil balaadhan iyo xuquuq gaar ah oo diimeed, sidaa darteed waxaanu ku talinaynaa qoddobadan:

1-In la balaadhiyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

2-In la joojiyo lagana foojignaado faafinta diimaha kale.

3-In aad loola dagaalamo dhaqan-xumada, sinnada, mukhaadaraadka, lana abuuro guddi faaf-reeb oo hawshaa wada.

4-In la dejiyo manhaj Islaami ah oo dhamaan waxbarashada dalka oo dhan ah.

 B: Arimaha cadaaladda iyo garsoor:  Waxa hubaal ah inay cadaalad daradu horseed u tahay nabad-gelyo darada, sidaa awgeed waxa waajib ah inay xukuumaddu dedaal dheeraad ah saarto wax ka qabashada cadaalad darada, waxaanuna ku talinaynaa qoddobadan:

1-       In ay xukuumaddu xoogga saarto ku dhaqanka shareecadda Islaamka iyo xeerarka waafaqsan.

2-       In kor loo qaado tayada hayadaha garsoorka,loona igmado dad xul ah oo leh aqoontooda sidii aad madaxweyne ku ballan qaaday munaasibadii 18 May, 2002.

3-       In cidii ku xad-gudubta ama xilka soo bixi wayda talaabo sharci ah laga qaado, laguna fuliyo.

4-       In xukuumaddu ilaaliso isku dhelitirnaanta bulshada, sida: maamulka, dhaqaalaha, waxbarashada IWM. Si aanay bulshada dhexdeeda uga abuurmin dabaqado kala fog iyo isku dul-noolaansho.

C. Arimaha nabad-gelyada:  Maadaama ay nabadgelyadu tahay seeska qaranimada iyo nolosha waxa lagama maar-maan ah in ilkaha iyo gacmaha la isugu geeyo, lana horjoogsado wax kasta oo nabadgelyada wax yeelaya, sida: dhulka, seerayaasha iyo hubka sharci darada ah ee magaalooyinka lala dhex-joogo. Sidaa awgeed waxaanu ku talinaynaa qoddobadan:

1-       In xukuumaddu xoog saarto sidii loo wacyi gelin lahaa, korna loogu qaadi lahaa tayada ciidanka xagga sharciga, garaado bixinta iyo xirfadaha kaleba si loo helo ciidan ku sifooba oo aan qabiil iyo laaluush u iillan.

2-       Ninkii qof si u kas ah dila waa in la soo qabtaa, qisaasna loo soo xidhaa oo aanu qabiil ku gaban.

3-       Inay salaadintu ka hawl-gasho nabadgelyada, dawladduna ay taageero ku siiso si ay nabadgelyadu uga sugnaato gudaha iyo debedaba.

 

D. Arimaha dhaqaalaha:  Maadaama aynu nahay dal curdin ah beesha caalamkana aynaan weli ka helin aqoonsi, waxa waajib ah inaynu si taxader leh u habaysano wixii dakhli ah ee ina soo gala si aynu ugu fushano hawlaha muhimka ah, sidaa darteed waa in si cilmiyeysan loo habeeyo cashuurta dalka, lana kobciyo ilaha dhaaalaha ee kale, waxaanuna ku talinaynaa qoddobadan:

1-In la abuuro ilo dhaqaale, lana xoojiyo ilaalintooda oo lagu sameeyo dabagal xoog leh.

2- In suuq loo raadiyo xoolaha nool iyo khayraadka kaleba, sida: kaluunka iyo wax soo saarka beeraha, laguna dedaalo sidii loo soo saari lahaa khayraadka dhulka ku jira, sida: macdanta, milixda, shidaalka IWM.

3-In la dhiiri geliyo ganacsiga xorta ah, isla markaana maal-qabeenada lagu dhiiri geliyo inay dalka maal-gashadaan, sida: Wershadaha, Kaluumaysiga, Beeraha, Milixda IWM.

4-In ay xukuumaddu hoos u eegto sababta ay ganacsatada Reer-somaliland waxba ugala soo degiwayday dekedaha dalka iyo waxa ku kelifay inay u guuraan dekedaha dalalka aynu jaarka nahay.

E. Arimaha doorashooyinka : Maadaama ay doorashooyinku yihiin wadada lagu gaadhayo qaranimo buuxda ,lana filayo in lagu helayo aqoonsi caalami ah , waxa lama huraan ah in loogu gogol-xaadho si balaadhan , si aanay inaaga dhicisoobin, waana in xubin kasta lag baaraan degaa.

Hadaba si ay dalka oo dhan uga dhacdo doorasho xalaal ah oo lagu wada kalsoon yahay waxaanu ku talinaynaa qoddobadan:

1-       In la helo shuruuc doorasho oo tayo leh laguna kalsoonaan karo, waana inla baahiyo inta doorashada ka horaysa.

2-       In la helo guddi doorasho oo heerkeeda aqooneed iyo dhex-dhexaadnimo ay ku kalsoon yihiin ururada tartamayaa.

3-       In xukuumadda iyo ururada siyaasadda ee tartamayaa isla meel dhigaan wadadii loo mari lahaa doorasho aan tur-xaan lahayn.” Ayey salaadiintu ku soo af-jareen tala bixintooda u jeediyeen madaxweynaha, waxayna xubnaha salaadiinta ah ee bayaankaa saxeexay waxay kala yihiin:

1.       Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali

2.       Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

3.       Boqor Maxamuud Cali Carab

4.       Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye

5.       Suldaan C/raxmaan SH. Muxumed

6.       Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar

7.       Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

8.       Suldaan Ibraahi Suldaan Jaamac

9.       Suldaan Maxame Suldaan Xirsi qani

10.    Suldaan Muuse Jaamac Goodaad

11.    Suldaan Yuusuf Axmed Cadan

12.    Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale

13.    Suldaan Maxamuud Guuleed Mire

14.    Suldaan Xasan Xaddi Axmed

15.    Suldaan Barre X. Xuseen

16.    Suldaan Maxamed Xaddi Axmed

17.    Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh.

18.    Suldaan Axmed Nuur Samaale

19.    Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

20.    Garaad Maxame Garaad Saleebaan Aadan

21.    Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur

22.    Suldaan Maxamed Cabdi Cali

23.    Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar

24.    Suldaan Daahir Aamin Faarax

25.    Suldaan Cabdi Muuse Geelle

26.    Suldaan Nadiif Saydh Jibriil

27.    Suldaan Axmed Daahir Muuse.

Madaxweyne Rayaale Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Maxkamadda Sare

 

Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahi Rayaale Kaahin ayaa shalay jagada gudoomiyaha maxkamadda sare oo muddo banaanayd u magacabay gudoomiye cusub, sidaana waxa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu xalay fiidkii na soo gaadhsiiyey Af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.

 

Sida uu sheegay war-saxaafadeedka Af-hayeenka Madaxtooyadu, waxa uu madaxweyne Rayaale gudoomiyaha cusub ee maxkamadda sare u magacaabay Siciid Faarax Axmed, wuxuuna ar-saxaafadeedku intaa ku darayn inuu madaxweynuhu gudoomiyaha cusub ee maxkamadda sare magacaabay, ka dib markii garawsaday in baahi weyn loo qabo buuxinta jagadaa, isla markaana uu tix-geliyey talooyin ay u soo jeediyeen guddiga xalinta arimaha garsoorka iyo maxkamadaha ee dhowaan la magacaabay, iyadoo uu Rayaale magacaabista gudoomiyaha cusub ee maxkamadda sare u cuskaday distoorka dalka.

 

Sida uu sharcigu yahay waxa gudoomiyaha cusub ee maxkamadda sare loo gud-bin doonaa golayaasha baarlamaanka si ay u ansixiyaan, taas oo uu war-saxaafadeedku sheegay si dhakhso ah loo horgayn doono, waxaana jagada gudoomiyaha maxkamadda sare oo muddo banaanayd si ku meel-gaadh ah u sii hayey garsoore ka tirsan maxkamadda sare.

 
Dhaqan-Gelinbta Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka

 

 

Hargaysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay soo saaray wareegto si rasmi ah loog dhaqan gelinayo xeerka xirfad-leyda caafimaadka ,wuxuuna xeerkaasi ka kooban yahay 27 qoddob.

 

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madatooyada Cabdi Idiris waxa xeerkan lagu magacaabay guddi loogu yeedhay guddiga xirfa-leyda caafimaadka Somalilaand oo isugujirta guddi heer qaran ah iyo qaar heer gobol ah, wuxuuna warku sheegay in guddigaa xilkoodu uu noqonayo diiwaan-gelinta aqoonyahanada iyo goobaha caafimaad ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, daba-galka, kormeerka iyo qiimaynta hawl-wadeenada iyo goobaha caafimaadka.

Guddiga hawlahan loo xil-saaray ee heerka qaran ahi waxa ay ka koobnaan doonaan: Agaasimaha dugsiyada tababarka kal-kaalayaasha caafimaadka, Agaasimaha waaxda caafimaaadka aasaasiga ah, xubin ka tirsan mihnadlayaasha gaarka ah, xubin ka mid ah ururka Farmesiyada, hal dhakhtar,kal-kaaliye iyo farsama yaqaan kal-kaaliye, isuduwayaasha wasaaradda caafimaadka ee ghobolada iyo degmooyinka iyo gudoomiyaha guddigaa oo uu wasiirrka caafimaadku soo magacaabayo, laakiin noqonaya dhakhtar ruug cadaa ah oo shicib ah.

 

Xeerkan oo ka kooban 27 qoddob waxa uu madaxweynuhu dhaqan-gelintiisa qalinka ku duugay,ka dib markii ka soo dhamaaday dhinaca golaha wakiilada oo ansixintiisa leh.

 

Maamulka Dugsiga Al-Baraka Oo

Abaalmarin Guddoonsiiyay Afar Wasiirada Somaliland Ah

 

 

Hargeysa (Haatuf): Xaflad balaadhan oo loogu talo galay gebagebada xidhitaanka sannad-dugsiyeedka dugsiyada gaarka ah ee Al-baraka oo ku yaal magaalada Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana kulankaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamcdda ka soo qayb galay boqolaal ka mid ah waalidiinta ardayda, boqolaala ardayda dugsigaas ah, maamulka iyo macalimiinta dugsigaa iyo marti-sharaf kale.

 

Kulan-xafladeedkaa oo ahaa mid aad loo soo agaasimay waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan, taas oo ay ugu horayn ardayda dugsiyada Al-baraka, halkaa ku soo bandhigeen majaajilooyin iyo muuqaal-masraxeedo kale oo ay ku cabirayaan ama ku muujinayaan horumarka ay ka sameeyeen dhinaca waxbarashada, taas oo luqadda ay wax ku gud-binayeen ay ahayd luqadda carabiga, hadii ay majaajilo tahay, hadii ay nashiidooyin tahay iyo hadii ay khudbado tahayba, waxaana munaasibadaaa abaal-marino kala duduwan lagu gudoonsiiyey 109 arday oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Dugsiyada Al-baraka, iyadoo ay ardayda la abaal-mariyey isugu jireen ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanadii la qaaday,laakiin lama abaal-marin ardaydii imtixaanka ugu saraysay oo keliya ee waxa iyagana abaal-marin la gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay dhinaca akhlaaqiyaadka.    Hase yeeshee arinta xiisaha leh ee meesha ka dhacday waxay ahayd, iyadoo aan arday keliya madasha lagu abaal-marin, laakiin waxa iyagana munaasibadaa lagu abaal-mariyey qaar ka tirsan waalidiinta Dugsigaa, taas oo uu maamulka dugsigu waalidiintaa gudoon-siiyey shahaado sharaf abaal-marin ah, iyadoo ay waalidiinta abaal-marinta la siiyey ka mid ahaayeen afar xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada Somaliland iyo xubno kale oo caan ah sida: Marwo: Aadan Dhakhtar.

 

Wasiirada shahaadada abaal-marinta ah la siiyey waxay kala yihiin: wasiirka Waxabarashada Axmed Yuusuf Ducaale, wasiirka war-faafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka dib-udejinta Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo wasiirka arimaha guidaha Cabdilaahi Cumar Cige.  Waxa kale oo ka mid ahaa waalidiinta abaal-marinta la siiyey C/qaadir Axmed Warsame oo ah maamulihii u horeeyey ee dugsiyada Al-baraka.

 

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa DR: Cali Qaadi ayaa ugu horayn dadkii munaasibadaa ka soo qayb galay u jeediyey weedho kooban oo uu ku soo dhowaynayo, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “ dadka caalamka ku nool iyo Aadamuhu waxa ay isku dhaafeen taariikhda, hadii eegtana waxa ugu liita wadamada Afrika, sababtuna waxa weeye tacliin la’aan. Sidaa darteed waxaan leeyahay waa in tacliinta lagu dedaalo, khaas ahaan gabdhuhu waa inay tacliinta ku dedaalaan.  Anagu hadii aanu Jaamacadda nahay ilaa 280 arday ayaa jooga, laakiin 40 keliya ayaa gabdho ah, markaa waxaanu jecelahay inay habluhu soo bataan oo ay Jaamacadda soo galaan, caruurta yar-yarna waa in tacliinta lagula dedaalo”.

 

Maxamed Cumar Carte oo ka mid ah madaxda Jaamacadda Hargeysa, laakiin ku hadlaya magaca waalidiinta ayaa is-na halkaa ereyo ka yidhi, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Ardayda dugsiyada Al-baraka ee luqadda carabiga wax ku barata waxa muhim u ah oo aanu u sheegaynaa inay Jaamacadda Hargeysa ku taal qayb carabiga lagu barto, taas oo idiin ah yididiilo inay caruurtiinu helayso Jaamacad Hargeysa ku taal, iyadoo marka laga yimaado arimaha nabad-gelyada iyo ictiraafka ay waxa ugu muimsan ee uu dalkeenu u baahan yahay tahay tacliin, maantana waa arin muhim ah inaynu aragno ubadkeenii oo sidan wax u baranaya, laakiin waa in ubadka lagu dhiiri geliyo tacliinta oo aanay meel dhexe kaga hadhin tacliinta, iyadoo ay dhibaatadu tahay hablaha oo tacliinta meel dhexe kaga haddha, sidaa darteed waa inay hooyooyinku hablaha ku dhiiri-geliyaan inay tacliinta sii wataan “.

 

Wasirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo isna halkaa ka hadlay, waxa weedhihiisa ka mid ahaa “Way muuqataa hawsha ay maamulka, macaliimiinta iyo waalidku ka geysteen kor u qaadidda tacliinta ubaxa soo koraya ee dugsigan, siyaasadda xukuumadana arimaha ugu muhimsan waxa ka mid ah in kor loo qaado tacliinta da’yarta soo koraysa, waayo waa jiilkii mustaqbalka talada iyo wax qabadka dalka la wareegayey, dugsiga Al-barakana waxaan rajaynayaa inay halkaa ka sii wadaan deaddlkooda waxbarasho”.

 

Maamulka Dugsiga Al-baraka, Nuuradiin Maxamed, ayaa isna u mahad naqay dadkii munaasibaddaa kala soo qayb galay, ka dibna abaal-marino iyo shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii iyo waalidiintii ay maamulka iyo macalimiinta A-baraka ku qiimeeyeen inay abaal-mariyaan.

Dugsiyada Al-baraka waxa markii u horaysay la furay dabayaaqadii sannadkii 1997-kii, waxayna isugu jiraan laba qaybood oo kala ah: Qayb xanaanada caruurta ah (Kinder garden) iyo qayb ah dugsi hoose/dhexe.

Baarlamaanka Iyo Wasiirada

C/Qaasim Oo Laga Jaray Taleefoonada Mobile-Ka

 

 

Shirkadda Isgaadhsiinta HORMUUD oo ah shirkad la wareegtay qeybtii Isgaadhsiinta ee Shirkaddii Barakaat kadib markii Mareykanku xayiraad ku soo rogay ayaa shalay jartay Taleefoonno kor u dhaafaya kun Telefoon oo ah kuwa Mobile-ka, kuwaasoo ay adeegsan jireen Xildhibaanada iyo maamulka wasiirada C/qaasim.

 

Mas’uuliyiin u hadlay shirkadda Hormuud ayaa sheegay in ay Talefoonadaas ku jareen amar uga yimi mas’uuliyiinta maamulka C/qaasim ah, kuwaasoo tibaaxay in ay dhaqaale la’aan la soo gudboonaatay maamulka C/qaasim ah, isla markaana aysan awoodin in ay bixiso kharash hor leh oo lagu soo dalaco.

Taleefoonadaa ayaa ah kuwo ku seddex jibaarma xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ah iyadoo qaarkood ay haystaan 3-4 Mobile, waana tan keentay in lagu soo dalaco maamulka C/qaasim lacag aad u tiro badan oo Taleefoonadaas lagu isticmaalay.

Arintan ayaa saamayn ku yeelan doonta iska warqabka iyo is wargalinta xubnaha ku jira labada gole ee baarlamaanka iyo wasiirada, kuwaasoo mudooyinkan dambe ay aad u xumayd niyaddooda gunno la,aan ku dhacday awgeed,

 

Shirkadda Hormuud ayaa ah shirkad dhawaan la wareegtay howlihii Isgaarsiinta ee ay qaban jirtay Shirkaddii Al-Barakat oo dhacdadii 11-kii September kadib markii Maraykanku xayiraad ku soo rogay isaga oo ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin wax uu ku sheegay argagixiso

 

Moi Oo Talyaaniga U Tegaya Arrimaha Soomaaliya

 

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay Madaxweynaha dalka Kenya Danial Arap Moi ayaa isu diyaarinaya socdaal uu dhawaan ku tagayo dalka Talyaaniga.

 

Wakiilka dalka Kenya ee arrimaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka sii horrayn doono Madaxweynaha kenya, iyadoo waxyaabaha ugu waaweyn ee Moi uu kala hadlayo madaxda Talyaaniga ay tahay arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya, oo Kenya loo xil saaray in ay iyadu dhigto gogosha la isugu keenayo Soomaalida, kaasoo dib u dhacay muddo Saddex jeer ah, kadib markii ay is khilaafeen dowladihii loo xil saaray inay wadajir uga shaqeeyaan dib u heshiisiinta Soomaaliya gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Berbera Way Baaba’santahay

 

Magaalada Berbera oo ah magaala-madaxda gobolka Saaxil iyo degaamadeeduba waa baaba’a, waayo waxa ka jira dayac iyo daryeel la’aan dhinacyo badan leh,taas oo aan waxba laga qaban waxyaalo badan oo kamid ah baahiyaha iyo adeegyada bulshada, tusaale ahaan waxba lagama qaban baahiyaha dhinaca beeraha ee degaankaa ka jira,taas oo aanay beeraleyda degaankaasi helin wixii ay dawladuhu ku caawiyeen , hadii ay abuur tahay, hadii ay qalab tahay iyo hadii ay mishiino tahay  IWM. Sidoo kale dinaca caafimaadka hadii aad eegto ma jiro wax daryeel caafimaad ahi, tusaale ahaan custaalada magaaladu ma haystaan wax daryeel ah, wax daawo ahna lama siiyo qo aan aduun gacanta ku hayn, iyadoo ay dadku u badan yihiin dad danyar ah oo u baahan kaalmo.

 

Maamulka gobolkaasi kama soo bixin xilkii loo igmaday sababta oo ah wixii adeeg ahaa ee laga sugayey inuu qabto way dayacan yihiin. Tusaale ahaan hadii aynu eegno wixii dhaqaale ahaa ee ay hayaduhu u dhiibeen si wax loogaga qabto xeebta Batalaale iyo meelo kale , laakiin waxba lama qaban, waxayna u egtahay in aduunkii uu jeebab gaar ah ku dhacay.

 

Waxa iyana jirta inaanay cidina waxba ka qaban dhibaatooyinka ka dhaca degaamada gobolkaa iyo duruufaha nololeed ee la soo gudboonaada bulshada halkaa ku dhaqan, taas oo aan xataa dadka ku tabaalooba abaaraha iyo wixii la mid ah wax ay u qabtaan daayoo looma diro qaylo-dhaan oo xataa hadii cidi wax u qaban lahayd waxa iskaga gud-ba maamulka gobolka oo yidhaahda anagaa wax u qabanayna, waxna uma qabtaan.

 

Waxa kale oo adeegyada magaalada gudeheeda ka jira dhaliilo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin, taas oo aanu maamulku waxba ka qaban.

Sidaa darteed waxaan dawlad, dadweyne iyo cidii kale ee ay khusaysaba ku baraarujinayaa in hoos loo eego xaaladda gobolkaa, taas oo aan leeyahay waa in lala xisaabtamo masuuliyiinta gobolkaa joogta.

Axmed Xayd Warsame

 

Hadii Aan La-Wada Eryin Garsoorayaasha Maxkamadaha, Garsoorku Ma Hagaagayo

 

Waxaynu dhamaanteen wada ognahay inuu garsoorka dalku aad u baaba’san yahay , waxaana maxkamadeheena ka jirta cadaalad daro aad u fool xun, taas oo ah wax joogto u dhaca, iyadoo maalin walba lagu tacadiyo dadka danyarta ah ee ay dacwaduhu ka  galaan maxkamadaha. Laakiin waxaan maqlay inmadaxweynuhu guddi u magacaabay inay k soo taliyaan sidii uu garsoorka dalku u hagaagi lahaa.  Sidaa darteed madaxweyne waxaan jeclahay inaan halkan kaaga soo jeediyo talo ku saabsan sida uu garsoorku ku hagaagi karo, waxayna taladaydu tahay:

 

Marka hore garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee maxkamadaha joogaa waxay si weyn ugu milmeen musuq-maasuq iyo cadaalad darada meesha ka jirta  taas oo aan u arko inaanay waxba ka qaban karayn guddiga aad u saartay.  Sidaa darteed waxaan u arkaa in dhamaantood la eryo kuwa hadda shaqeeya , laguna bedelo, kuwa cusub, hadiise ay waqtigan xaadirka ah taasi suurtagal noqon waydo , waxaan, iyana odhan lahaa waa inay guddiga loo xilsaaray ee tur-xaan bixintu si adag ula xisaabtamaan garsoorayaasha oo ninkii cadaalad daro lagu qabto inta xilka laga qaado weliba maxkamad la hor geeyo, lagana ciqaab mariyowixii uu geystay.

 

Ugu dambayn waxaan xusuusinayaa madxweynaha iyo guddiga tur-xaan saarka garsooka in hadii aanay cadaaladdu hagaagin aanay weligeed dawladnimadeenu hagaagayn.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-xaashi-- Hagaysa

 

Is-Xilqaan La'aanta Golaha Wakiilada Iyo Doorashooyinka Foodda Inagu Soo Haya

 

Waxa aan tix-raacayaa qoraalka cinwaankiisu ahaa " Hirdankii Shalay ee Wakiiladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha" oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf cadadkiisii 89naad oo aan ka akhriyay internatka. Sida aan ka dhadhansaday qoraalkan uu wargeyska Haatuf ka diyaariyay mawduucan, waxa muuqata in inta badan mudanayaasha ku jira Golaha Wakiiladu aanay iska xilqaamin ama aanay garanayn arinta loogu yeedhay wasiirka Arimaha Gudaha. Waxa ayaan daro ah in hormoodkii ummaddu uu la seexday xilkii loo dhiibay. Mudanayaasha ku jira Golaha Wakiilada waxa la gudboon in ay xil-weyn iska saaraan masuuliyadda ay dalka u hayaan.

 

Wakhtigan kala guurka oo loo baahanyahay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, si ay inoogu fududaato hawsha la xidhiidha doorashooyinku, waxa lagama maarmaan ah in uu qofkasta oo ummadan xil u hayaa uu ku dadaalo in aanay xagiisa baylihi ka iman. Arinta degmooyinka iyo kala xadayntooda iyo xeerka is-maamulka gobolada iyo degmooyinku waa wax muhiim ah oo laf-dhabar u ah arimaha doorashooyinka, sidaa daraadeedna ma haboona in ay isku tuur-tuur galaan. Waxa aan filayay marka loo yeedho qof masuul ah in si hufan oo cilmiyaysan loola xisaabtamo si loo helo xeer ku dhisan cadaalad. Yooyootan iyo muran meel laguma gaadho waxna laguma toosin karo.

Haddii ay mudanayaasha Golaha Wakiiladu daacad ka noqon waayaan samaynta xeerarka la xidhiidha doorashooyinku, ma filayo in uu dalkeenu hore ugu talaabsandoono habka ku dhisan doorashooyinka axsaabta badan. Marka la eego mudada gaaban ee ka hadhay wakhtigii loo qabtay in ay dalka doorashooyin ka dhacaan iyo sida ay mudanayaasha Golaha Wakiiladu u dhaqmayaan, ma filayo in ay doorashooyin ka qabsoomidoonaa xiliga dhaw.

 

Markii aan maskaxdayda la kaashaday hab-dhaqanka ay mudanayaasha Golaha Wakiiladu ka muujiyeen arinta la xidhiidha xeerka is-maamulka gobolada iyo degmooyinka ee haatan horyaal Golaha, waxa aan u arkaa laba arimood in ay mid uun tahay. Arinta hore waxa ay ila tahay in aanay mudanayaashu garanayn ahmiyadda arintu leedahay, arinta labaadna in ay cimri dherer ka dhiganayaan oo ay doonayaan in ay sii fadhiyaan Golaha oo marba sannad loo kordhiyo.

Waxa aan mudanayaasha Golaha Wakiilada ka codsanayaa in ay ka soo baxaan hawsha u taala oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan dawladda, si loo gaadho ujeedada ah in ay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ahi.

Abshir Cabdilaahi Xasan

Riyadh- Sacuudi Carabiya.

 

Ha La Beddelo Xukuumaddii Musuqmaasuqa Bilowday

Anigo tixraacaya ballan-qaadyadii madxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale, gaar ahaan caddaaladda oo uu wax ka qabanayo ayaa waxaanu madaxweynaha Somaliland u soo jeedinaynaa qodobadan;

·         In la beddelo xukuumaddii musuqmaasuqa iyo caddaalad-darrada bilowday.

·         In hoggaamiyaha caddaalada horseedayaa uu ka fayow yahay ama aanu lug ku yeelan caddaalad-darro iyo dembiyo kale oo uu dadka iyo dalka ka galay toona.

·         In kor loo qaado xaaladda nololeed iyo dhaqaale ee dadweynaha iyo sharci-ilaaliyeyaasha si ay u yaraato gelitaanka iyo xalaalaysiga caddaalad-darrada.

Mud. Axmed Xasan Saalax,

Iyo Md. Cawil C/laahi  Caydiid.

 

Qunyar Socde Qodaxi Ma Muddo

Dalka siyaasaddiisu way deggen tahay 100% (boqolkiiba boqol), waxaana u sabab ah markii uu madaxweynuhu isku keenay salaadiinta oo laba dhinac u kala qaybsanaa, si mid ahna uu u arkay, iyo ururada mucaaradka ah oo iyagana madaxweynuhu uu wada arkay, waxay isla diideena aanay jirin. Waxyaabihii xasaasiga ahaa oo dhammaan laysku wada afgartay.

 

Sidaas darteed, waxaan ururada mucaaradka ah ee sagaalka ah kula talinayaa inaanay degdegin, haddii aynu rabno doorashooyin xalaal ah iyo tartan xalaal ah, waxna aanay hore diyaar inoogu ahayn. Siyaasiyiintu ha qiimeeyaan hawsha innagu soo fool leh iyo qarada ay leedahay iyo laxaadkeeda. Ma diidayno inay doorashooyinku qabsoomaan nooc kasta ha ahaadeene, mana wanaagsana inaan lumino fursadda ama jaaniska inoo muuqda haatan oo ah (qunyar socde qodaxi ma muddo).

Annigu marka aan u fiirsado si dhab ah, weli waxa jira gobollo cabanaya, oo waxay ku cabanayaan ay tahay, xukuumadda oon maamulkii gaadhsiin degaamadooda, markaa xukuumadda waxa ku waajib ah inay xil iska saarto gaadhsiinta maamulka dalka oo dhan, iyada oo kaashanaysa salaadiinta iyo wax-garadka bulshada Somaliland.

 

Tan labaad, waxaad moodaa in beryahan dambe dawladaha adduunku inoo danaynayaan sidii hore si ka weyn, wufuud dawladaha adduunka ka socdaana ku soo qulqulayaan caasimadda Hargeysa, waxayna kaga doodaan Baarlamaanadooda sidii ay doorashooyinka inooga caawin lahaayeen wax tarna inoogu geysan lahaayeen.

 

Sidaas darteed, waxaan ururada siyaasadda ee sagaalkaa ah u so jeedinayaa inaanay ku degdegin dooraasho ilaa wax la hubo aan ku hawlgalno, si aan doorashooyin xalaal ah u helno, ee xukuumadda ha ku cidhiidhyina inay doorashooyin degdeg ah qabato. Siyaasiyiintu ma waxay ku degdegayaan kuraasidooda shakhsi ahaaneed mise dalka iyo dadkay u horseedayaan una sahaminayaan halka ugu habboon inay reerka dejiyaan.

 

Siyaasiyiinta maalmahan dambe ku degdegaya doorashooyin, waa inay ogaadaan doorashooyin xalaal ahi si ay u dhacaan waxay u baahan tahay turxaan bixin ballaadhan oo ummadda Somaliland oo dhan sinta, si aanay inoogu dhicin doorashooyin degdeg ah oo reebta raad godob iyo keenta fadqalalo aan laga soo kaban karin.

 

Shuruucda doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo ururada ku tartamaya iyo xukuumaddu ay heshiis ku yihiin marka si fiican ay uga bogtaan akhriskiisa, oo raali laga wada noqdaa, wax kastaana ay ku qeexan yihiin ilaa wakiilkooda goob-doorashada iyo tirinta codadka. Waxaana looga baahan yahay warqad ay wadajir u soo saaraan ururada iyo xukuumaddu ay ku caddeeyaan inay doorashooyinku si xalaal ah u dhacayaan, si ninkii ama ururkii guul-darraysta aan u helin geed uu ku xoqdo.

Dawladana waxaan leeyahay ha u fiirsato sababaha keeni kara iska hor-imaad, iyada oo taariikh ahaan tixgelinaysa wixii hore u soo maray ee ay ka mid ahayd 23/2/2002 iyo sababihii ka horyimid ee hakiyay doorashadii degaamada iyo wakhtigii badnaa ee bilaashka ku dhammaaday.

 

Dhan kasta ha laga taxaddiro, feejignaan gaar ahna ha loo qaado tallaabooyinka, hana la isku tanaasulo, Ilaahayna ha ina waafajiyo dariiqa toosan.

Colaad Dhoore Warsame,

Hargeysa.

 

WAADIGA CIYAARAHA

England Oo Ku Dur-Durisay Denmark

Hargeysa (Haatuf) :- Xulka kubadda cagta ee England ayaa ku dur-duriyay waddanka Denmark, oo ay isku haleeleen ciyaar qoor-qabad ah, kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen, sidaana waxay ugu soo gudbeen wareega siddeeda waddan.

 

Rio Ferdinand, Michael Owen iyo Emile Heskey ayaa kala dhaliyay saddexda gool ee England oo dhammaantood qaybtii hore wada dhashay.

Xulka Denmark oo wareegii hore ku reebay Faransiiska ayaa ka soo kaban waayay waqcaddii ku dhacday bilowgii ciyaarta labada dal dhexmartay oo ka dhacday garoonka ku yaal magaalada Niigata, waana markii ugu horraysay ee Denmark awoodi weyday inay goolal ka dhaliso kulamada FIFA., haba laga badiyee.

 

Markii ciyaartu shan daqiiqadood socotay ayuu difaacyahanka Leeds United ee Rio Ferdinand madaxa ku dhaliyay kubbad uu koone ka soo laaday kabtanka England David Beckham, taas oo difaaca England madaxa ku gujiyay kubbad uu isku sii dhaliyay goolhayaha Denmark Thomas Sorensen.

Goolkaa kadib, England waxay bilowday inay kubbadda gacanta si buuxda ugu dhigto.

 

Rajadii geed adayga Danish-ku waxay soo gaabatay muddo toban daqiiqadood ku siman, markaas oo ciyaartoyga qaarkood u muuqdeen kuwo ay gabaabsi tahay hankii ay ka qaadeen hoggaamintii qaybta ‘A’, gaar ahaan ciyaaryahanka Jon Dahl Tomasson, oo gabay gool-dhalintii uu hoggaanka u hayay.

Hase yeeshee, xulka England ayaan marna cagta ka dhigin inuu goolal dhaliyo, iyada oo weeraryahanka Heskey xanuunjiyay goolhayaha Sunderland oo ay si fiican u ciyaar yaqaaniin dhammaan ciyaartoyga Ingiriisku.

 

Xulka Danish-ku waxay ku sigteen in ay gool dhaliyaan markii weeraryahanka Ebbe Sand, kubadda la dhexgalay sanduuqa xidhan, kahor intii aanu dhinac ka marin kubadda daqiiqaddii 27aad ee ciyaarta.

Ebbe Sand, oo tabobaraha Denmark ka beddelay kaalintii khadka dhexe ee weerarka ayaa markale kubbad gudub ah u soo dhigay Rommeldhal, hase yeeshee kubaddaas oo meel halis ah maraysay ayay ciyaartoyga Danish-ku dhaafin kari waayeen goolhayaha Arsenal David Seaman.

Weeraryahanka Liverpool Michael Owen, oo u xaraaradaysnaa in uu mar uun goolal dhaliyo ayaa kubbad ka helay Trevor Sinclair, taas oo uu si fiican ugu raaxaystay daqiiqaddii 22aad oo uu goolka dhex dhigay kubbad uu ka laaday meel siddeed mitir goolka u jirta.

Daqiiqad kahor intii aan lakala nasasho tegin ayuu Heskey laad madfac ah daba mariyay goolhaye Sorensen, taas oo meel-mar ka dhigtay rajadii England ka qabtay inay u soo gudubto wareega siddeeda.

 

Denmark oo fursado iska lumisay qaybtii hore ayaa markii la isu noqday heshay fursad, markii Rommedahl kubadda u gudbiyay Jesper Gronkjaer, balse ciyaaryahanka Chelsea wuu ka baaqday inuu arko fursaddiisii koowaad ee uu helay daqiiqadii 47aad.

Emile Heskay, oo ka mid ahaa weeraryahanadii shalay wacdaraha dhigay ayaa kubbad khatar ah u dhigay Michael Owen oo ay u wada ciyaaraan Liverpool, balse umay suurtogelin inuu kubadda ku hubsado shebaga Denmark.

 

Denmark oo si xidhiidh ah u waday waddadii ay goolal ku dhalin lahayd hormoodna uu ka yahay Rommedahl, ayaa ka quustay inay kubadda dhaafiyaan difaaca England oo ah mid isku soohan.

England waxay sugaysaa Brazil iyo Belgium ta soo badisa markay dhacdo ciyaarta ay ku kala hadhayaan oo dhacaysa Isniinta.

Denmark waxay u ambo-baxaysaa waddankeedii.

 

GERMANY 1 – PARAGUAY 0

Waxa dayrkii goolal la’aanta dumiyay Oliver Neuville, markii uu dhaliyay goolka guusha Germany daqiiqaddii 88aad ee ciyaartii kowaad ee wareega labaad oo ka dhacay garoonka Jeju Stadium ee Seogwipo.

 

Guushaasina waxay keentay in Germany noqdo waddankii ugu horreeyay ee u soo gudba wareega labaad, waxayna sugayaan hadba ta soo badisa Mexico iyo Maraykanka.

Germany waxay culays saartay inay goolal dhaliso bilowgii ciyaarta, balse Paraguay, ayaa fursaddii ugu fiicnayd heshay markii ay kubadda isla heleen Celso Ayala iyo Jorge Compos, balse labadaba waxaa gacan bir ah kubadda kaga dhigay goolhayaha waayo-araga ah ee Oliver Kahn.

Dedaaladii ay labada dhinac sameeyeen qaybtii labaad ayaa ahaa kuwo aad u yar, gaar ahaan dhanka weerarada oo aad loo dhaliilayay.

 

Fursaddii ugu horraysay ee Germany waxay ahayd kubad uu si cadho leh u laaday Michael Ballack, taas oo ciyaartoyga Bayern Munich birta goolka dul mariyay daqiiqaddii 13aad. Germany oo sii waday weerarada ayaan ka gaadhin wax horumar ah.

Michael Ballack, ayaa markale kubbad xor ah ka laaday qiyaas 25 mitir u jirta, hase yeeshee markale ayuu goolka ka dul laliyay.

Paraguay, wuxuu culays badani fuulay markii ciyaartu saacad badhkeed socotay oo uu dhaawac gaadhay xiddigeeda ugu da’da yar ee Roque Santa Cruze.

Paraguay oo isku dayday inay buuxiso kaalinta uu ciyaartoygaasi ku baneeyay ayaa marar door ah kubado ku soo weerargashay, kuwaas oo dhammaantood xagal-daac kaga yimi dhammaystir la’aan dhinaca weerarka ah.

 

Goolhayaha Paraguay Chilavert, oo caan ku ah laadadka kubadaha xorta ah, ayaa dhawr goor halis ku geliyay Germany kubado loo dhigay.

Inkasta oo labada tabobare beddelo door ah sameeyeen, haddana waxba iskama beddelin maxsuulkii ciyaarta tan iyo dhammaadkii kulankaa oo uu Neuville soo af-jaray ciyaarta oo u muuqatay mid waqti dheeraada lagu darayo, waqtigaasina wuxu ahaa daqiiqaddii 88aad.

Maxay Kala Mudan

Doonaan Senegal Iyo Sweden?

Iota (Haatuf): - Tabobaraha Senegal Bruno Metsu, ayaa daboolka ka qaaday in dhaawacyada iyo ganaaxyada ay u fadhiyaan qaar ka mid ah ciyaartoygiisu ay hoos u dhac ku keenayaan hannaankii fiicnaa ee kooxda Afrika ku ciyaari lahayd marka ay saaka fooda is daraan xulka Sweden.

Tabobare Metsu, wuxuu kaloo sheegay inay taasi galaafan karto rajada uu ka qabo in kooxda uu gacanta ku hayaa marki ugu horraysay gaadho derejadii ugu sarraysay oo ah wareega siddeeda kooxood.

 

Tabobaraha Faransiiska ah iyo kooxdiisa oo ay caawisay guul-darradii ay u gaysteen xulka horyaalka dunida haystay ee Faransiiska, ayaa weli hunguri kaga jiraa inay qaado tallaabadii Cameroon oo ka mid noqotay siddeedii waddan ee u gudbay wareega (quarter final-ka), sannadkii 1990-kii.

Ciyaarta maanta waxa Senegal ka maqnaan doona Khalilou Fadiga iyo Salif Diao, oo ganaaxan, waxa kale oo dhaawacyo gaadhay uga fadhiya Alio Cisse, Ferdinand Coly, iyo Sonleymane Camara.

“Waxay dhibaato naga haysataa ciyaartoygii, laakiin waa inaanu dhexda adkaysanaa,” sidaa waxa Sabtidii weriyeyaasha u sheegay Metsu.

 

“Waa maalin qiimo u leh Senegal iyo kubadda cagta Afrikaba, waanan hubaa in dhammaan ciyaartoygu tixgelin doonto,” ayuu ku daray.

Tabobare Metstu, wuxuu sheegay inay kaashan doonaan ficilka kooxdiisa oo dadka oo dhami bartay, isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Dadku way ka dheregsan yihiin sida kooxdayadu u xoog wayn tahay iyo ficilkeeda intaba… taasina waata aanu ku soo gaadhnay 16-ka… rajo buuxdana waanu ka qabnaa inaanu halkaa sii dhaafi karno.”

 

Kasokow dhibaatada ciyaartoyga haysata waxaa kale oo diyaar-garowgii Senegal wiiqay warar ay warbaahintu shaacisay oo sheegaya in tabobaruhu u wareegayo kooxda Turkiga ah ee Gazian Tep Spor. Taas oo markii ay gaadhay tabobare Metsu si weyn uga cadhaysiisay.

“Waan ogahay inaan taa waxba ka jirin, aniguna hadda waxaan la joogayaa Senegal, mana dhicin taasi ilaa hadda,” ayuu yidhi Metsu oo si cadho leh uga jawaabayay warar wargeysyadu qoreen.

Dhinaca kalena, wuxuu tabobaruhu baqdin ka muujiyay maqnaanshaha raggii u babac dhigi lahaa xiddiga Sweden oo meesha ka maqan. “Waxay leedahay rag xoog badan oo ay ka mid yihin (Johan) Mjallby, oo difaaca ah iyo (Henrik) oo weerarka ah, laakiin waxaanu isku dayaynaa sidii aanu u caabiyi lahayn,” ayuu ku daray.

 

“Waxaa waajib ah inaanu garaacno Irish-ka.” Kabtanka xulka Spain Fernando Hierro, ayaa shegay inay waajib saaran tahay inay ka badiyaan kooxda Ireland kulanka Axadda, taas oo ulajeedadiisu tahay inay u gudbaan wareega siddeeda kooxood ee koobka adduunka.

Hierro, inkasta oo uu sheegay inuu ixtiraamayo tabobaraha Irish-ka Mick McCarthy, oo dagaalku ka dhaxeeyo, hadana wuxuu intaa ku daray in Spain diirada saarayso siday u guulaysan lahayd. Isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Inkasta oo aanu badinay saddexdii kulan ee hore, haddana taa macnaheedu maaha fursaddii guusha.” Sidaa waxa sabtidii warbaahinta u sheegay Hierro oo ku sugan garoon kooxdu tabobarka ku qaadanaysay.

Kabtanka Real Madrid, wuxuu ku adkaysanayaa inay badinayaan kulanka maanta dhacaya, “Laakiin waan ku kalsoonahay guusha berrito, (maanta) oo aanu ugu gudbayno wareega siddeeda,” ayuu yidhi Hierro.

 

Kabtanka khabiirka ku ah difaacu, wuxuu rumaysan yahay in ay farsamo ahaan ka sarreeyaan Ireland, balse ay u baahan yihiin inay ka digtoonaadaan naadiga oo adkaysi ahaan ka wanaagsan Spain.

Spain oo ah koox lagu yaqaan ciyaar-wanaag iyo goolal dhalin ayaa haddana mararka qaarkood si fudud uga hadha tartamada. Laakiin kabtankooda ayaa tilmaamay inay halgan adag u gelayaan hanashada koobka adduunka. Isaga oo ka hadlayana taas ayuu yidhi; “Waa waddo dheer sidaanu ugu guulaysan lahayn koobka adduunka, sidaa darteed waa inaanu tallaabo-tallaabo u qaadnaa.”

 

Tabobaraha Spain Jose Antonia Camache ayaa kala xulanaya raxan ciyaartoy ah, taas oo uu ka fuudhyeelayo difaac adag iyo weerar habaysan, waxaana ka mid ah Morientes oo uu ku beddalayo kaalinta Diego Tristan oo dhaawac fududi ka soo gaadhay kulankii Paraguay. Morientes oo laba gool dhaliyay kulankii uu beddalay Diego Tristan ayaa lagu bilaabay ciyaartii South Afrika oo ay 3-2 kaga badiyeen.