Haatuf, Cadadki 100, June 21, 2002

Socdaalka Madaxweyne Rayaale

Ee Djabuuti Iyo Dareemada Ka Dhashay

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay dalka Jabuuti, waxaana Madaxweyne Rayaale safarkiisa ku weheliya Marwadiisa, Marwo: Huda iyo wasiirada arimaha debedda iyo dib-u dejinta Maxamed Siciid Gees iyo Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal), waxayna Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa oo madaarka Hargeysa ka dhoofeen subaxnimadii hore, iyagoo madaarka caasimadda Djabuuti ka degay 9:30 subaxnimo.  Madaxweyne Rayaale hadal kooban oo uu saxaafadda siiyey intii aanu madaarka Hargeysa ka duulin waxa uu ku sheegay inay ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka labada dal (Somaliland iyo Jabuuti), wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay inuu marti qaad ka helay dawladda Jabuuti, isla markaana ay booqashadiisu qaadan doonto muddo ilaa laba maal-mood ah.

 

“ Ujeedadayadu waxa weeye sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka dalkan aynu jaarka nahay ee aynu walaalaha nahay” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Socdaalka Madaxweyne Rayaale ee Djabuuti waxa uu ahaa mid kedis ah oo aan hore loo sii ogayn, isla markaana waxa uu ku soo beeg-may, iyadoo aanu in muddo ah wanaagsanayn xidhiidhka labada dal (Somaliland iyo Jabuuti), sidaa darteed Madaxweynaha mar wax laga waydiiyey ajandaha ay ka wada hadlayaan dawladda Djabuuti waxa uu yidhi “ Walaahay horta laba dal oo walaalo ahna waynu nahay, jaarna waynu nahay koleyba waanu isla ogayn inaanu xidhiidhkeena caadi ku soo celino”.  Laakiin Madaxweyne Rayaale waxa uu intaa ku daray in marka uu Djabuuti ka soo noqdo uu haddana tegi doono dalka Itoobiya oo hore looga martiqaaday.

 

Labada dawladood ee Somaliland iyo Djabuuti waxyaalaha ay isku maan-dhaafeen waxa ka mid ahaa macaamilka xuduudka u dhexeeya labada dal, taas oo ay dawladda Djabuuti dhowaan calaamadisay meel cusub oo ay ku tilmaantay inay noqonayso dariiqa ama surinka ay isaga gud-bayaan gaadiidka labada wadan isaga gooshaa, taas oo ay dawladda Somaliland-na dhinaceeda diiday, kuna adkaysatay inuu marinku ahaado halkiisii hore oo ah Tuulada Law-yacado, halka dawladda Djabuuti u rartay meel Law-yacado dhinaca gal-beed ka xigta qiyaas ilaa 20 KM. Gaadhaysa, laakiin Madaxweyne Daahir Rayaale mar la waydiiyey sida uu is-maan-dhaafkaa dhinaca macaamilka xuduudka wax uga soo qaban karo waxa uu ku jawaabay “ Insha’ allaah waxaan rajaynayaa inaanu ka wada hadalno wax kasta oo jiraba”.

Dhinaca kale War-saxaafadeed uu af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris na soo gaadhsiiyey xalay fiidkii waxa uu ku sheegay inuu Madaxweyne Rayaale kulan la yeeshay Madaxweynaha Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo uu wa-saxaafadeedkaasi sheegay inay weftiga Rayaale gelinkii dambe kulan fadhi ah la yeesheen masuuliyiin sar-sare oo uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaaraha dalkaasi.

“Madaxweynaha Somaliland Mudaane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey waxay 12:00 duhurnimo ee maanta (Shalay) kulan booqasho sharaf ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ” ayuu yidhi war-saxaafadeedku. Laakiin waxa uu war-saxaafadeedku intaa ku daray “kulanka labada Madaxweyne ka dib waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qado maamuus ah u sameeyey Ra’iisal-wasaaraha Djabuuti Mudane Axmed Dalayte, casuumadaasna waxa ka soo qayb galay masuuliyiin golayaaasha dawladda Djabuuti ka tirsan, waxaana qadadaa weheliyey fadhi gelinkii dambe ah oo lagu soo dhowaynayey weftiga,la iskuna beer xaadhanayey”.

Sida uu war-saxaafadeedkaasi sheegay weftiga Madaxweyne Rayaale waxa markii ay madaarka Djabuuti ka degeen soo dhoweeyey wasiirada arimaha debedda, arimaha gudaha, arimaha shaqada iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada Jabuuti, waxaana lagu dejiyey Huteelka Sharaton.

Marka laga yimaado iftiiminta kooban ee uu Madaxweyne Rayaale saacadihii u dambeeyey ambabixiisa ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa ma ahayn socdaalkiisu mid la sii ogaa jiritaankiisa iyo ujeedadiisa toona, waxaanu ahaa Safar kedis ah oo ay dadka intiisa badani ku war heshay subaxnimadii shalay ama joornaal ha ka akhrido ama sanqadha weftiga ha ku war-heshee. Sidaa darteed waxa markiiba safarka Madaxweyne Rayaale ka dhashay doodo iyo dareemo siyaasadeed oo shaki ka muuqdo, taas oo la is-waydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha ujeedada safarka Rayaale, iyadoo ay sababahana ka mid yihiin:

Marka hore lama sii sheegin tegista Djabuuti ee Madaxweynaha, islamarkaana hore looma maqal ama looma ogayn goor ay dawladda Djabuuti fidisay martiqaadka sidii ay dawladda Itoobiyaba Rasmiga ugu dhawaaqday inay Madaxweyne Rayaale casuuntay.  Sidaa darteed waxa dad badan lama filaan ku noqotay safarka kediska ah ee uu Madaxweynuhu ku tegay Djabuuti iyo sababta deg-degga ah ee keliftay.   

 

Waxa kale oo ka mid ahaa su’aalaha dareenka leh ee la is-waydiiyey goorta ay casuumaddu timi, cidda keentay iyo sababta loogu yeedhay, taas oo ay dadku is-waydiinayeen dariiqa ay fariinta marti qaadku soo martay, laakiin warar aan xaqiiqdooda la hubin ayaa qaarkood tibaaxeen inuu Madaxweynaha Djabuuti Ismaaciil Cumaar Geelle telefoon kula soo xidhiidhay Madaxweyne Rayaale, ka dibna uu ka dal-baday inuu yimaado dalkiisa,balse warar kale oo aan iyaguna cidi xaqiijin ayaa,iyaguna tibaaxay fariinta marti qaadka inuu keenay sarkaal sare oo ka tirsan nabad-sugidda Jabuuti, ninkaas oo la sheegay inuu ka soo wareegay dhinaca Itoobiya, ka dibna uu ka soo bad galay dhinaca dhulka.

 

Fariinta maarti qaadku sida ay doonto ha ku soo gaadho Madaxweynaha, laakiin waxa intaa dheer, iyadoo uu socdaalka Madaxweynuhu ku soo beegmay xili uu in muddo ah xumaa xidhiidhka u dhexeeya labada dal, iyadoo sababta uu u xumaadayna lagu xidhiidhinayo arimo badan, waxaana uur-xumada labada dal iyo labada dawladood u dhexaysa tusaale ugu filan weftigii dawladda Djabuuti ee loo diiday inay yimaadaan madashii aaskii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum: Maxamed Ibraahin Cigaal, iyadoo uu Daahir Rayaale  oo dalka Madaxweyne ka ahaa xiligaa weftiga Reer-Djabuuti hawada laga celiyey  uu taagnaa ama ku sugnaa madaarkii loo diiday inay soo fadhiistaan ee Berbera, taasina waxay ka mid ahayd xurgufo iyo isku dhacyo sannadihii la soo dhaafay dhex maray maamulada labada dal oo gaadhay heer ilaa xuduudaha la kala xidho,laakiin marka laga yimaado hadii ay jirto wax ay Djabuuti u tirinayso xagga Somaliland ama guud ahaan ha noqoto ama gaar ahaan ha noqotee, waxa Madaxweynaha hadda talada Djabuuti haya Ismaaciil Cumar Geelle dhinaca Somaliland looga tirinayaa wax badan oo jawr-fal ah, taas oo marka laga yimaado waxyaalo hore oo loo tirinayo ugu dambayn eedaha lagaga cabanayo waxa kow ka ah inuu Ismaaciil geed-dheer iyo geed gaaban-ba u fuulay sidii uu jiritaanka Somaliland uga takhalusi lahaa,iyadoo marka laga yimaado hawl-galada qarsoon ee aan aad loo wada ogayn ee uu Ismaaciil kula dagaalamay jiritaanka Somaliland ay arinta ugu weyn ee tusaalaha loogu soo qaato burburintiisa Somaliland ay tahay shirkii uu Madxweyne Ismaaciil tuulada Carta ee dalkiisa ugu qabtay kumanaan Soomaali ah, halkaana uu ku soo dhisay maamulka C/qaasin ee lagu naanayso kooxda Carta,iyadoo istaraatijiyadda Ismaaciil Cumar Geelle ee shirkaa iyo dhismaha nidaamkii uu ku sameeyey lagu tilmaamay mid uu uga dan lahaa inuu ku khaarajiyo Somaliland.

 

Waxa kale oo sababaha uur-xumada labada dal ka dhexaysa keenay lagu tiriyaa, dhinaca Somaliland-na si weyn looga aaminsan yahay inay dawladda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle damaaci ka hayo sidii ay ula fuqi lahayd degaamo ka mid ah dalka Somaliland, dhawr goorna ay dhaceen isku dayo aan naajixini.

 

Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha shakiga abuuray iyadoo uu 23-ka bishan dalka Djabuuti imanayo xxog-hayaha guud ee Jaamacadda carabta Cumar Muusa oo uu weheliya wakiil cusub oo ay jaamacadda carabtu u soo magacawday arimaha Somaliya, waxaana ujeedooyinka socdaalka xog-hayaha guud ee jaamacadda carabta ka mid sidii loo noolayn lahaa xidhiidhka u dhexeeya carabta iyo Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda somaliya, iyadoo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellena waxa uu si weyn ugu ololaynayaa xoojinta maamulka C/qaasin ee uu dhisay.

Waxa kale oo iyana jirtay xan hore loogu xaman jirey Daahir Rayaale, taas oo ahayd inay Rayaale iyo Geelle leeyihiin xidhiidh dhow oo shakhsi ah.

 

Sidaa darteed doodaha iyo dareemada ka dhashay socdaalka Madaxweyne Daahir Rayaale ee Djabuuti waxay su’aalaha la is-waydiinayo qaarkood leeyihiin, tolow muxuu Madaxweyne Rayaale waxyaalahaas oo dhan dhaafsaday, miyuuse Madaxweyne Geelle ka tanaasulay dafiraadda iyo duudsiga jiritaanka Somaliland, iyadoo ay dad badani leeyihiin Madaxweyne Rayaale isaga ayuun baa inoo sheegi doona sababta uu durba ugu hiloobay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo Daahir Rayaale hogaamiye ka ah dal aanu Ismaaciil Aqoonsanayn jiritaankiisa.

 

Ta kale Madaxweyne Rayaale waxa uu dalka debedda uga baxay xili ay dadka oo dhami sugayaan inuu soo kordhiyo isbedel cusub, gaar ahaana looga fadhiyey inuu wax badan ka qabto arimaha gudaha, isaga oo hore u sameeyey dhawr ballan-qaad oo looga fadhiyo inuu fuliyo, waxaana ka mid ah waxyaalaha laga sugayey safar la sheegay inuu ku tegayo bariga Somaliland sida gobolka Sool iyo inuu ficil ahaan ugu dhaqaaqo istaraatijiyadda uu damacsan yahay inuu dalka ku hogaamiyo, taas oo ay dadku ka war sugayaan bal inay noqoto mid cuntanta iyo in kale, sidaa awgeed marka arimahaa lagu daro safarkiisa oo aan laga hayn warar ku filan ujeedadiisa iyo waxyaalo kale, waxa halkaa ka dhashay dareen wer-wer leh oo laga baqe qabo inuu Madaxweyne Daahir Rayaale si hawl yar u galo dabin,iyadoo uu hogaamiyihii geeriyooday ee Somaliland dhawr goor carraabka ku dhuftay inuu Ismaaciil Cumar Geelle khiyaaneeyey oo uu waxyaalo badan kaga baxay ama uga talaabsaday,hadii ay taasi jirtona waxay dad badani leeyihiin, bal Daahirna ka warran. 

 

Hase yeeshee marka laga yimaado dareenka didmada leh ee ay dad badani ka qaadeen safarka uu Daahir Rayaale waqtigan ku tegay dalka Jabuuti, waxa iyaguna jira warar kale oo tibaaxaya ama farta ku fiiqaya dareemo togan, waxayna wararkaasi leeyihiin arintu sida looga diday ma aha ee wax badan baa is bedeley, waxaana safarkan laga filayaa inuu Somaliland u soo hooyo guul wey oo siyaasadeed. Wararka qaarkodna waxay leeyihiin ilaa Itoobiya ayaa wax ka og qorshaha safarkan, Inkasta oo ay dhinaca kalena warar kale taa beeninayaan.   Hase yeeshee si kastaba wax haw u jireene, waxay dad badani rajo yar ka qabaan sida Ismaaciil Cumar Geelle u yiqiinsan karo jiritaanka Somaliland iyo sida uu u garawsan karo waxa laga tirsanayo. 

 

Sidaa awgeed waxaynu odhan karnaa dadka inta badan safarka xiligan ee Madaxweyne Rayaale uu ku tegay dalka Djabuuti waxa uu ahaa mid aan aad loo jeclaysan, islamarkaana marka la eego sida looga diday ama looga qaaday dareenka shakiga leh waxaynu odhan karnaa malaa Ictiraaf wax ka yar oo uu Rayaale dhaliil ama canaan kaga baxsan karaa ma jirto, balse waxaynu ka war-sugi doonaa waxa ay Madaxweyne Daahir Rayaale iyo weftigiisu la soo guryo-noqdaan.                   

 

“Anigu Jabuuti Ma Tageen, Waayo

Waxay Ina Yeeli Karaysay Way Ina Yeeshay”

“Dadku Waa Inay Samaystaan Maayar Aan Dadka Isku Dirayn Oo Dhulka Iibsanayn”

Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa (Haatuf): “Marka hore waxaan tahniyadaynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka cusub, shacbiga iyo As-xaabtana waxaan ka codsanayaa inay gacan siiyaan”-- sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay gudoomiyaha ururka UCID Faysal Cali-waraabe oo shalay Hargeysa yimi, ka dib markii uu muddo socdaal debedaha ugu maqnaa, wuxuuna ka hadlay arimo badan oo ku saabsan siyaasadda gudaha iyo debedda ee Somaliland, iyadoo aanu hadalka Faysal ka soo xiganay waraysi uu siiyey telefishinka Somaliland, xaruntiisa Hargeysa.

Ugu horayn Faysal, isaga oo ka waramaya socdaalkiisii debedaha waxa uu yidhi “ Hadii aanu nahay ururka UCID waxaanu jeclaysanay inaanu adduunka marno si aanu wadamada adduunka ugaga warano xaaladda Somaliland, waxa kale oo aanu doonaynay inaanu u warano dadkayaga debedaha degan oo halgankii SNM gacan weyn ku lahaa, dalkoodana xiiseeya, waxa kale oo taa noo raacday inay dadka debedaha oo aanu ku guubabinaynay inay soo dhoweeyaan oo gacan siiyaan guud ahaan Ax-saabta siyaasadda ee samaysantay, marka dambena ay mabaadi’dooda akhristaan oo uu qofba xisbiga uu jeclaado qabto, ta kale dhulka aanu marnay oo dhan waxa aanu ka soo furnay laamo ururka UCID ah”.

Faysal Cali-waraabe intii uu debedaha joogay waxa uu maalin maal-maha ka mid ah ka qayb galay dood ay BBC-du qabatay, wuxuuna Faysal doodaa ku yara weeraray gudoomiyaha ururka KULMIYE Axmed-Siilaanyo, laakiin mar la waydiiyey sababta uu u duray waxa uu ku jawaabay “horta horaa loo yidhi hadalku waa mergi, anigu is-maan lahayn wax ku qalooci, dad badanina uma ay qaadan inaan wax ku qaloocinayey, waxayna arintu ahayd arin aan isaga (Axmed) ku dhiiri gelinayo inuu sameeyey urur siyaasiya oo uu gacan ka gaystey sidii looga bixi lahaa habkii ku meel-gaadhka ahaa ee hab beeleedka ee may jirin wax kale oo intaa iiga hooseeyey”.

Faysal waxa kale oo la waydiiyey sida uu u arko hogaanka cusub, wuxuuna yidhi “Waxyaalaha aan ku naaloon jirey waxa ka mid ahaa inaan arko Somaliland barwaaqo ah oo nabad-gelyo ah oo adduunka ka mid ah, taasina hadda ayey muuqataa, waxa kale oo aan ku naaloon jirey inay Somaliland la kowsato madax iyo dad cusub oo danta dalka ka shaqaynaya oo aan loo arkayn inay beel ka socdaan oo aan loo arkayn inuu ka qayb qaatay dagaaladii eh-liga ahaa ee wasakhda ahaa ee dalka ka dhacay 92-kii, 94-kii iyo 96-kii, markaa aad baan ugu far-xay inaynu ka baxnay jiiradii (noqodkii) lagu jiiraynayey dad isku mid ah oo ay maanta jiil cusubi awoodii dalka si nabad-gelyo ah ula wareegeen, taasna aad iyo aad baan u soo dhowaynayaa”,wuxuuna Faysal intaa ku daray oo uu yidhi “waxaan ku bishaaraynayaa inay hadda adduunka oo dhan martay arinta Somaliland oo ay dawlado markii hore hadii aad Somaliland soo hadal qaado Madaxa hoos u rogi jirey ay hadda noo yeedhaan oo ay yidhaahdaan maxaanu Somaliland u qabanaa, waxa kale oo aanu ku bishaaraynaynaa in bisha dambe 14-keeda uu Somaliland iman doono wefti baarlamaanka Kenada ka socda oo ay wadaan xubno ururka UCID ahi ,dadkuna maanta waa inoo baahan yahay ee waa inaynu fursadda ka faa’iidaysanaa”

Xiligii uu noolaa hogaamiyihii geeriyooday ee Somaliland (Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal) waxa jirtey inay xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ka abuurmay had iyo goor baqe ka qabi jireen ama ka qaylin jireen sidii ay u heli lahaayeen doorashooyin si xalaal ah u dhaca, taas oo ay ku Andacoon jireen waxaanu ka baqaynaa in lagu shubto iyo waxyaalo la mid ah, sida darteed Faysal Cali-waraabe mar la waydiiyey inuu wer-werka caynkaas ahi hadda ka baxay iyo in kale waxa uu ku jawaabay “ Anagu shakhsi ahaan iyo urur ahaan marna maanu lahayn wax baa lagu shubanayaa, waxaanuna markasta u arkaynay inay dadkeenu yihiin dad nidaamka iyo xaqa jecel oo aanu xataa qofka damiirkiisu siinayn inuu wax kasta musuq ku helo, waxaanu ognahay oo rikoodhin ah in doorashooyinkii beryihii dawladdii Somaliya dhici jirey aanay Somaliland oo marka waqooyi la odhan jirey marna musuq uga dhicin doorashadu. Sidaa darteed anagu markii horena waanu ku kalsoonayn, iminkana waanu ku kalsoonahay, waxaanse jeclahay in dadkii shakisanaa Illaahay shakigii ka saaray”.

Waxa kale oo jirta in ururka UDUB ee dawladda lagu eedeeyo inay isticmaalaan hantida ummadda, taasina ay keeni jirtay walaaca inta badan ka muuqda ururada mucaaradka ah , sidaa darteed Faysal mar la waydiiyey sida uu hadda u arko arintaa waxa uu ku jawaabay “ Arintaa iyo arimo kale oo ay As-xaabta markaa dawladda gacanta ku hayaa leeyihiin oo ay dheer yihiin ax-saabta maamulka debedda ka jooga way noo muuqatay, laakiin waxaanu samaynaynay hab aanay taasi u dhicin, taas oo ah in la sameeyo nidaam aanay waxaasi u dhicin, balse ma aha in la joojiyo nidaamka doorashooyinka ee waa in la saxaa oo inaga oo miyir qabna laga hor tagaa wixii turun-turo ah ee inaga hor iman kara , mase aha in la yidhaahdo yaanay doorasho dhicin oo aynu ku noqono habkii shaqayn waayey ee hab beeleedka oo ah hab aan lagu gaadhayn dawlad-nimo iyo ummad-nimo”.

Faysal mar la waydiiyey inay mustaqbalka la midoobi karaan ururka UDUB ee dawladda waxa uu su’aashaa kaga jawaabay “ Hadda ma samayn karo wax saadaalin ah waayo waqtigu waa dheer yahay oo hawlo badan baa inoo yaal, su’aalahaasina waxay iman karaan marka ay wax kala miirmaan, markaa waxaan odhan karaa su’aashaa inaan hadda ka jawaabaa waa goor hore, UDUB-na hadda waxaanu eegaynaa bal sida uu u hano qaado iyo bal inuu u darsado ama ka raysto hogaankii ka baxay (madxweynihii geeriyooday) oo ah fek-radii markii hore samaysay, taas ayaa u baahan in la eego”.

Faysal Cali-waraabe, isaga oo jawaab ka bixinaya su’aal ahayd bal waxyaalaha uu Madaxweynaha cusub kula talin lahaa inuu wax ka qabto waxa uu yidhi “ Dadkeena debedaha jooga waxay aad iyo uga muraara dilaacsan yihiin dekedeenii oo la leeyahay xooleheenu kama dhoofaan ee waxay ka dhoofaan Boosaaso, taasina ay tahay maamulka oo aan haboonayn oo dadka lacag dheeraad ah laga qaado, taasna waxaanu jecel-nahay in si deg-deg ah loo soo celiyo haybadii ay dekeddu lahayd, waxa kale oo aanu jecel-nahay in dawladaha hoose si deg-deg ah loogu sameeyo guddiyo maayarada xukunka la qabta si looga baxo maayarka keligii wax-kasta isagu ah, waxaynuna u baahanahay inay magaalo kastaa samaysato Council (guddi) oo ay noqdaan dadkii magaalada u talin lahaa ,lagana baxo shakhsiyaadkan (Maayaradan) aan shacbiga ka haybadaysanayn ee kol-ba Madaxweynaha jooga iska dhisaya”.

Faysal waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko safarka uu Madaxweyne Rayaale ku tegay dalka Djabuuti oo aanu in muddo ah wanaagsanayn xidhiidhka u dhexeeya labada dal (Somaliland iyo Jabuuti), wuxuuna Faysal ku jawaabay “ Aniga shakhsi ahaan Djabuuti agtayda waxba uma yaaliin, mana aan tageen waayo dawladda Djabuuti wixii ay ina yeeli karaysay way ina yeeshay, markaa maanta ma jirto waxaynu ugu tagno oo inoogu hadhsan oo ay soo qabanaysaa,laakiin hadii uu Madaxweynuhu doortay waynu taageeraynaa, waynuna isku garab taagaynaa”.

Waxa kale oo Faysal la waydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko aragti ay salaadiintu qabaan,taas oo  ay doonayaan in la qeexo distooriyan kaalinta ay ku leeyihiin talada dalka, wuxuuna ku jawaabay “ Anigu waxaan jeclahay inaan salaasiinta laga dhigin hayad siyaasiya, waayo waa dhaqan oo halkooda ayey haybad ku leeyihiin, mana aha inay siyaasadda galaan oo aynu dhaqan guurno,laakiin waa in la sharfo oo mushahar fiican la siiyaa”.

Faysal waxa kale oo la waydiiyey rajada uu ka qabo inay mudada u hadhay dawladda doorasho dhacayso iyo in kale , wuxuuna yidhi “ Anigu aad iyo aad baan ugu kalsoonahay inay dhacayso, Waayo doorashada dawladaha hoose wax ay inooga baahan tahay ma jirto, tusaale ahaan waxaynu odhanaynaa Reer Balligubadlow, doorashadaada dhamayso oo samayso guddi oo halkaa ha kaaga soo baxo maayar caafimaad qaba oo Iimaan leh oo aan dadku isku dirin oo aan dhulka iibsan oo aan lacagta cashuurta cunin, doorashada Madaxweynahana sidaas oo kale ayey u hawl yar tahay , waxaana odhan lahaa doorashada dawladaha hoose ha dhacdo ilaa bisha sagaalaad ee sannadkan, ta Madaxweynuhuna bisha janaury 2003, ”.

Faysal Cali-waraabe waxa kale oo uu waraysigaa ku eedeeyey BBC-da oo uu ku tilmaamay inaanay dhex ahayn  “BBC-da waxaan jecelahay inaan u sheego inay gabadha weriyaha ah ee Hargeysa ka warantaa inay hadasho in le’eg inta uu hadlo Xasan-bariise (weriyaha Muqdisho ee BBC-da), waxa kale oo jirta inay BBC-du hadda ay heshiis wada shaqayn ah la gashay idaacadda HORN AFRIC (Muqdisho) oo ah idaacad uu qabiil leeyahay, awelna Radyow Hargeysa ayey la lahaan jirtey wada shaqayn, taasna waa inay dawladdu ka hadasho ”.

Waddada Isku Xidha Mandheera Iyo Cadaadlay

Oo Dib U Furantay Markii Miinooyinkii Laga Guray

 

Mandheera (Haatuf): Wadada isku xidha degmooyinka Mandheera iyo Cadaadley oo muddo 10 sanno ka badan u xayirnayd Miinooyin ku aasnaa, ayaa maalintii shalay xadhiga laga jaray, kadib markii ay hay’adda DDG ka nadiifisay dhammaan wixii miino ku aasnayd, taasina waxay suurto-gelisay in ay markii ugu horeysay baabuurtii, si nabadgelyo ah u maraan.

Xaflad kooban oo ku saabsanayd, dhammaystirka hawsha wadadan lagaga guray miinada, ayaa shalay ka dhacday degmada Mandheera, waxaana halkaasi kelmado koob-kooban ka soo jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiintii xafladda ka soo qayb-gashay. Ugu horeyna waxa hadalka qaatay Mr. Bjarke Zoffman oo ah Madaxa hay’adda Miino-saarista DDG ee Somaliland, isaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay hawshan si guul ah ugu dhammaato, waxaanu intaa ku daray in muddadii ay hawsha wadeen ay saareen ilaa 5-xabo oo miinooyinka qarxa ah, kuwaas oo halis ku ahaa dadka iyo gaadiidkaba, balse ay haatan iyo wixii ka dambeeyaba si toos ah loo mari karo.

Kadibna waxa hadalka qaatay Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Saaxil, C/raxmaan Yuusuf Badheedhe oo ku hadlayay magaca dawladda Somaliland, isaga oo aad ugu mahad-naqay hay’adda DDG oo dedaal badan u gashay, sidii wadadaasi ay uga safayn lahayd miinada. Taas oo uu ku tilmaamay, mid halbawle u ah isku xidhka degmooyinka Cadaadley, Mandheera ilaa Berbera iyo deegaanada la xidhiidha, kuwaas oo baahi weyn u qabay in ay wadadaasi u furanto.

Xarunta wax ka qabadka miinada Somaliland S.M.A.C oo qaabilsan hubinta meelaha laga sifeeyo miinada, ayaa xafladaasi shahaadooyin ku gudoonsiisay hay’adda DDG iyo Maamulka degmada Mandheera, taas oo ay ku caddaynayso in wadadaasi si buuxda looga nadiifiyay miinadii ku aasnayd.

Kadib markii xadhig laga jaray wadadaasi, ayay Kolanyo baabuur ah oo ay la socdeen masuuliyiintii xafladda ka soo qayb-galay, ayaa tijaabo ku maray wadadaasi ilaa degmada Cadaadley, taas oo ay ka muuqatay in ay u baahan tahay dib-u-hagaajin, maadaama aan la marin 10 sano in ka badan.

Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda DDG, Maxamed Cali Ismaaciil, ayaa sheegay in Miinooyinka lagu aasay wadadaasi xilligii dagaaladii sokeeye ay ka socdeen Somaliland, balse markii dambe ay intoodii badnayd ka saareen dadkii aasay, taasina ay yaraysay xadiga miinada haatan laga guray oo aan noqon sidii markii hore la moodayay.

Dadweynaha ku dhaqan jiidda ay wadadaasi marto, ayaa ku faraxsanaa furitaanka wadadan oo ay baahi badan u qabeen, iyagoo aad ugu mahad-naqayey hay’adda DDG oo hawshan qadarinta leh fulisay. Balse waxaa xafladda furitaanka wadadaasi aan ka soo daahirin, Masuuliyiin ka socota dawladda dhexe, iyadoo qaarkood lagu martiqaaday in ay ka soo qayb-galaan xafladaasi oo ku soo beegantay shalay oo uu dalka ka dhoofayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sidaa darteedna ay Masuuliyiinta dawladda ay caado u tahay in ay markaas oo kale ku mashquulaan is-tusida Madaxweynaha dhoofaya.

Maayorka Hargeysa, Cawl Cilmi Cabdalla oo ka mid ahaa masuuliyiinta la marti-qaaday, ayaa goor dambe oo wadadiiba la furay soo gaadhay, baabuurta wadada furtay oo meel dhexe ku hakaday, markiibana waxaa ka soo yeedhay erayo aan laga filayn oo uu ku dhaliilayo hawsha wadada laga qabtay.

Cuqaal Weerartay Xafiiska Wakaallada Biyaha Burco

 

Burco (Haatuf): Saddex Caaqil oo ka mid ah Cuqaasha magaalada Burco, ayaa weeraray Xafiiska Wakaaladda Biyaha Burco, halkaasna khasaare ku gaadhsiiyay qaar ka mid ah xafiisyada wakaaladdaas, isla markaana saddexdaa Caaqil waxa loo taxaabay Xabsiga.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Maxamuud Yaasiin, ayaa u sheegay Weriyahayaga Gobolka Togdheer in saddexdaa Caaqil ay soo weerareen xafiiska, khasaarena gaadhsiiyeen xafiisyada Wakaaladda qaarkood.

Maareeyuhu wuxuu xusay in xafiisyadaa wax la yeelay uu ka mid yahay xafiiskiisu.

Cuqaasha falkaa geysatay, waxay ka cabanayeen sida warku sheegay, gurigii Cuqaasha Burco oo biyihii laga jaray, kaas oo uu Maareeyaha Wakaaladdu uu sheegay in ay ka jareen biyihii, kadib markii lagu yeeshay lacag badan oo gaadhaysa 5,240,000 (shan milyan, laba boqol iyo afartan kun) oo Shillin Somaliland ah. Maareeyuhu wuxuu intaa ku ladhay in lacagtaas oo ah, biilashii 15-bilood ay iska bixin waayeen, sidaa aawadeedna ay uga gooyeen.

Cuqaashaa saddexda ah, waxa kale oo ay buuq ka sameeyeen xarunta Gobolka ee magaalada Burco, kadibna waa la xidhay oo waxa loo taxaabay Xabsiga, sida uu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco sheegay.

Sirdoonka Maraykanku Waxay

Heleen 10 September 2001 Baaqyo, Laakiin….

Guddiga Sirdoonka ee Senate-ka Maraykanka

 

Reuter – Guriga Cad ee looga taliyo Maraykanka, ayaa shalay (Khamiistii) soo saaray war cabasho ah oo uu Maamulka Maraykanku kaga cabanayo, baadhitaan ay wadaan guddiga Sirdoonka ee Guriga Senate-ka ee Maraykanku oo lagu baadhayo, Qayru-masuulnimo xoggo sireed oo ka digayay dhacdadii 11 September ee xaruntii Ganacsiga ee New York ka dhacday.

Afhayeenka Guriga Cad ee Maraykanka Mr. Ari Fleischer, ayaa yidhi; “Madaxweynuhu, ilaa xad ayaanu jecleysan ku tidhi-ku-teenta aan haboonayn ee lagu daray warkan, taas oo waxyeeli karta ilaha iyo habka ay Maraykanku ku sugayaan nabadgelyadooda, lagulana dagaalamayo argagixisada iyo guusha dagaalka.” Sidaa waxaa uu u sheegay warfidiyeenada Mr. Fleischer, wuxuuna tusaale u soo qaatay markii la faafiyay war ku saabsanaa, sidii ay Sirdoonka Maraykanku u dhageysan lahaayeen Isgaadhsiinta ee Osama Bin Laden ee sannadkii 1998, hawshan oo ay fulinaysay hay’adda (NSA) ee arrintani ay keentay.

War laga soo xigtay ilo dawladda ah, ayaa Arbacadii dhoweyd sheegay in maalintii ka horeysay 11-kii September 2001 ee diyaaradaha la afduubay lagu duqeeyay xaruntii Ganacsiga Caalamiga ah ee New York iyo Xarunta Pentagon ee Difaaca Maraykanka, in hay’adda Nabadgelyada Qaranka ee Maraykanku ay heshay laba fariimood oo sira, kuwaas oo markii la turjumay noqday Baaq ah: “Berito saacaddu waa Eber,” iyo “Ciyaartu berito ayay bilaabmaysaa.” Laakiin baaqyadan, waxaa la turjumay 12 September 2001 oo ahayd maalinti ka dambeysay Qaraxii New York.

Afhayeenka Guriga Cad ee Maraykanka Mr. Ari Fleischer, wuxuu intaa ku daray in uu Madaxweyne Bush u xilsaaray Ku-xigeenkiisa Mr. Dick Cheney, si uu ugu sharaxo wixii ka khuseeya Maamulka Maraykanka, xogta ay sii daayeen. Guddiga ay sida wada-jirka ah u guddoomiyaan, Mr. Porter Goss oo ka tirsan Xisbiga Republican-ka iyo Mr. Bob Graham oo ka tirsan Xisbiga Democratic-ga. Faafinta wararkani Sept, 10, ma haboonna, waayo waxay khuseysaa oo ay halis ku tahay awoodda hadda ee uu Maraykanku ku dagaalamayo inuu Osama Bin Laden joojiyo isticmaalka Telefoonkiisa Satellite-ka oo hawshan laga dhexfulinayay.

Madaxweyne Bush oo arrintan ka hadlay, markii uu Jarmalka kula kulmayay dhawaan hoggaamiyaha dalkaas Mr. Gerhard Schroeder, ayaa yidhi; “Ma yeeli karno in sir culusi naga baxdo, danna uma aha Qarankayaga, xilligan waxaanu ku jiraa xaalad aan caadi ahayn.”

Isu-Soo Bax Ururka ASAD Abaabulay Oo Ka Dhacay Burco

“Geeridii madaxweynihii hore kadib ururku wuu is diiwaangeliyay, si aanu ummadda ugu muujino inaanaan wax walba diidanayn,”              Saleebaan-Gaal

“Ururka ASAD, waxaan leeyahay, la idin shiidimaayo ee idina wax ha shiidina”

Ku Xigeenka Badhasaabka G. Togdheer

 

Burco (Haatuf): Ururka ASAD oo ka mid ah ururada Siyaasadda Somaliland ee isu-diiwaangeliyay tartanka doorashooyinka, ayaa shalay Masuuliyiintiisu dadka reer Burco kula hadleen fagaaraha Kheyriyadda ee magaaladaas.

Sida uu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire, munaasibaddaa ay Masuuliyiinta ururka ASAD kula hadleen dadka reer Burco, waxa ugu horeyn ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan dawladda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maayorka Burco, Maxamed Cali Maxamed iyo Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Togdheer, Yaasiin Maxamed.

“Waxaan mahad u soo jeedinayaa dadweynaha reer Burco ee sida wanaagsan uga soo qayb-galay xafladda furitaanka Xisbiga ASAD.” Sidaa waxa ku furay khudbadiisii, Maayarka magaalada Burco, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Inkasta oo aanan anigu ka tirsanayn Xisbiga ASAD, haddana waxaan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay u soo agaasimeen munaasibaddan. Waxa soo baxday fursad odhanaysa aan ku doortee maxaad ii qabanaysaa. Markaa in aynu ka faa’iidaysano fursaddaa, ayaa loo baahan yahay, waxaana muhiim ah in xisbi kastaaba barnaamijkiisa waxqabad keeno, ummadduna sidaas ku doorato ka ay dantu ugu jirto.”

Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Togdheer, Yaasiin Maxamed ayaa isna hadalo kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in laga gudbay nidaamkii Beelaha, loona gudbay hannaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka, sidaa daraadeed ayuu yidhi; “Haddaanu nahay Maamulka Gobolka iyo ka degmadaba, waxaanu shaqaale u nahay dadweynaha, waxaanu dhex u nahay xisbiyada dalka ka jira oo dhan. Ma nihin qolo, ma nihin xisbi, laakiin garsoorbaanu u nahay xisbiyada oo dhan.”

Yaasiin Maxamed, wuxuu intaa ku ladhay oo uu ku khatimay hadalkiisaa, ereyo kooban oo dardaaran ah, waxaanu yidhi: “Xisbiga ASAD, waxaan leeyahay ilaaliya nabadgelyada, idina wax ha shiidina la idin shiidimaayee.”

Khudbadahaa koo-kooban ee masuuliyiintaa dawladda kadib, waxaa fagaarahaa khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal). Guddoomiyuhu, wuxuu sheegay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee la maqlo ururka ASAD, hase yeeshee wuxuu xusay in ay wakhtigan u soo gaadheen, iyagoo aan diiwaan-gashanayn awgeed. Saleebaan-gaal, wuxuu khudbadiisaa sharaxaad kaga bixiyay taariikhda ururka, waxaanu xusay inuu ka kooban yahay shan urur oo isu tegay.

“Ururka ASAD, wuxuu ku baahsan yahay dalka oo dhan, min Lowya-cado, Qaw, iyo ilaa Tuka-raq, waxaana ku jira oo uu ka kooban yahay Shan urur-siyaasadeed oo isu tegay, waxaana raaca beelaha iyo xil-dhibaanada labada Gole, inta samaha iyo wanaagga arkaysa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxaanu qabnaa in bulshada reer Somaliland, inteedii badnayd aanu haysano, sidaa aawadeed ururka ASAD, waa inuu noqdaa urur shacbi oo uu dadku leeyahay, anagu waanu idiin furnay, laakiin idinkaa leh dadweynow, idinkaa leh reer Togdheerow, anagu kormeer uun baanu ka nahay wixii maanta ka dambeeya.”

Saleebaan waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay diiwaan-gelintii ururkiisa iyo sababihii kelifay, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi; “Illaahay ha u naxariistee geeridii Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal kadib, ururku wuu is-diiwaan-geliyay. Wuxuu isu diiwaan-geliyay waxa weeye in aanu ummadda reer Somaliland isu muujino in aanu wanaag iyo niyad-sami tusno, in aanaan waxwalba ka soo horjeedin. Waxaanu isu diiwaan-gelinay, kadib markii in badan oo na taageersani ay na yidhaahdeen maxaad isu diiwaan-gelin waydeen. Markaa waxaanu u aragnay in ay soo dhawaatay wixii aanu u dagaalamaynay. May isbedelin weli, laakiin waxaanu doonaynay in aanu anagu niyad-sami muujino.”

Saleebaan-gaal, waxa kale oo uu khudbadiisaa qayb ka siiyay ballanqaadyo uu sheegay in ururkiisu ku hawl-gelayo, kaas oo ka mid ah badheedhaha ururkiisu ku kasbanayo kalsoonida dadka.

“Waxaanu qabnaa in Maamulku gaabiyay, waxaanu qabnaa in Maamulka Qaraaba-kiil ku jiro, waxaanu qabnaa in Naas-nuujini jirto, waxaanu qabnaa in Hantida Qaranka lagu tagrifalay. Waxaanu ballanqaadaynaa in aanu anagu Maamulka toosino oo shillinka la idinka qaado wax la idiinku qabto oo ay dib idiinku soo noqoto.”

Saleebaan, isagoo arrintaa ka sii hadalaya, wuxuu intaas raaciyay oo uu yidhi; “Waxaanu ballanqaadaynaa in shaqaalaha Qaranka loo wada sinaado, lagana wada muuqdo, waxaanu ballanqaadaynaa in aanu dekedda Berbera daraasadeeda samayno. Haddaba, waanu wadnaa waxay Berberi ahaan jirtay in aanu ku soo celino, waayo Berberi imika waxba kuma furna dekedda.”

Saleebaan-gaal, waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca ganacsiga dhoofka xoolaha ee xayiran, waxaanu sheegay in ay jirto dedaal la’aan xoog leh, la iskana xilsaarin sidii loo furdaamin lahaa xayiraadda. Isagoo arrintaas ka sii hadlayana, waxa uu yidhi; “Waad ogtihiin in xoolihii Itoobiya iyo Kiiniya-ba la furay, Maxaa kuweena hortaagan. Waa dedaal la’aan baanu anagu qabnaa, waayo cudurka aanay Itoobiya iyo Kiiniya qabin ee aynu inagu qabnaa waa maxay? Anagu waxaanu ballanqaadaynaa in aanu arrintaas wax ka qabano, xoolaheenana suuq kale u raadino. Idinkana waxaanu idinka codsanaynaa in aad nagu taageertaan.”

Saleebaan-gaal, mar uu ka hadlayay aragtida ururkooda ee ku wajahan dhinaca Madax-dhaqameedka, wuxuu sheegay in ay u hawl-galayaan sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen kaalintii ay ku lahaayeen hoggaaminta bulshada.

Saleebaan-gaal, waxa kale oo uu khudbadiisaa ku sheegay in haddii ururkoodu maamulka qabto, ay dib-u-eegis ku samayn doonaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland xuduudahooda, dersina doonaan meeshii qaadi karta iyo meeshaan qaadi karin.

Guddoomiyaha ururka ASAD ka sokow, waxa kale oo iyana xafladaas ka hadlay xubno ka tirsan isla ururkaas.

Diyaaradaha Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Shalay Weeraray Koonfurta Bari Ee Baqdaad

 

Reuters – Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shalay weeraray sal-dhig iyo goobo ilaalo oo ay leeyihiin ciidamada Ciraaq kuna yaala koonfurta bari ee Baqdaad dhulka ka caagan duulimaadyada ee Ciraaq.

Weerarka diyaaradaha ee Maraykanka iyo Ingiriisku wuxuu bilowday markii difaaca cirka ee Ciraaq ay tacshiirado ku fureen diyaaradahaas oo kor-meera dhulkaa ay Qaramada Midoobay u qoonsatay aaga ka caagan duulimaadyada, laakiin aanay dawlada Ciraaq aqoonsan go’aankaas.

Xarun mileteri oo uu Maraykanku ku leeyahay meesha loo yaqaan Tampa ee ku taala gobolka Florida ee Maraykanka ayaa sheegay in xarunta taliska milateri ee Ciraaqiyiinta ee ay weerareen diyaaradaha xulufadu ay ku taalo 165 mile koonfurta bari ee xarunta Ciraaq ee Baqdaad, halkaas oo lagaga soo riday hubka lidka diyaaradaha ee la hago.

Waxyeeladii halkaa ka dhacday weli lama wada oga, laakiin diyaaradihii ka qaybqaatay hawlgalkaas waxay ku noqdeen fadhiisimadoodii, iyaga oo fayow.

Diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku waxay kormeeraan 2 (laba) goobood oo kala ah waqooyiga iyo koonfurta Ciraaq, halkaas oo ay deggen yihiin Shiico iyo Kurdiyiin.

Dawladda Ciraaq ayaa iyadu sheegtay in hal qof oo rayid ahi ku dhaawacmay weerarkaas iyo inay diyaaradahaasi weerareen dhul rayidku deggan yahay, halka uu talis milateri oo wadajir ah Maraykanka iyo Yurub oo ku yaala Jarmalku uu sheegay in weerarkaas uu beegsanayay fadhiisin ay yaalaan qoryaha lidka diyaaradaha oo ay Ciraaq leedahay oo yaala meel waqooyiga dalkaas ah ee dhulka duulimaadka ka caagan ah.

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Ahmiyadda Ku Dhaqanka Islaamka

I

slaamku waxa uu ka hadlaa oo uu daryeelaa dhammaan wax kasta oo dan u ah qofka muslimka ah If iyo Aakhiraba, si gaar ahna waxa ay culimadu sheegeen in uu islaamku daryeelo oo uu ilaaliyo shan shay oo muhiim u ah nolosha qofka shantaa shayna waxa ay kala yihiin:

·         Islaamku waxa uu ilaaliyaa diinta qofka iyo inuu yeesho caqiido sax ah, taas oo la’aanteed aanay adduunyada iyo nolosha qofku wax qiimo ah yeelanayn. Qofka aan diinta lahayna waxa lagu tilmaamaa inuu la mid yahay xoolaha oo kale ama wuu ka liitaaba. Tusaale ahaan qofku haddii aanu diin lahayn wax ka xaaraan ahi ma jirto, waxa keliya ee uu ka fikiraana waxay tahay hadba waxa ay naftiisu jeceshahay. Markase uu qofku diin leeyahay, waxa uu yahay ka dhawrsoon wax kasta oo xun, oo dhibaato u keenaya naftiisa, sidoo kale waxaa lagu yaqaanaa inuu iska ilaaliyo wax kasta oo dhibaato u keenaya walaalihiisa muslimka ah, isaga oo waxa uu naftiisa la jecel yahay la jecel walaalihiisa muslimiinta ah.

·         Diinta islaamku waxa ay ilaalisaa nafta qofka, iyada oo u diiday wax kasta oo dhibaato u keenaya. Waxaa kale oo ay diinta islaamku mamnuucday in la waxyeeleeyo nafta qofka muslimka ah. Qofkii qof muslim ah naftiisa waxyeelo u geystana waxa ay diintu fartay in looga gooyo.

·         Diinta islaamku waxa kale oo ay ilaalisaa caqliga qofka, maadaama uu caqligu yahay halka ugu muhiimsan jidhka qofka. Waxa ay diinta islaamku siisay ahmiyad gaar ah ilaalintiisa. Sidaa darteed ayay shareecada islaamku u mamnuucday wax kasta oo wax yeelaya caqliga sida khamriga, xashiishada iwm. Waayo, haddii uu qofku waayo caqliga waxa uu la mid noqonayaa xayawaanka, maadaama uu waayay wixii ka soocayay xayawaanka. Qofka haddii ay ku timaado waali xaga Eebe kaga timid, shareecadu waxa ay ka dhaaftay wax kasta oo waajib ku ah qofka fayow, sidaa daraadeed ayuu caqligu u yahay xubinta qofku uu ku yahay mas’uul xil-qaadi kara. Haddii uu waayana ay mas’uuliyaddii meesha uga baxaysaa, sidaa darteed ayaanay u bannaanayn in caqliga lagu ciyaaro iyada oo lagu kharibayo waali uu qofku soo iibsaday.

·         Diinta islaamku waxa ay sidoo kale ilaalisaa maalka qofka iyada oo shareecadu xaaraan ka dhigtay in qofka la dhaco maalkiisa, ciddii arrintaasi ku tallaabsatana waxa ay u yeeshay ciqaab adag, maadaama uu maalku yahay tacabkii qofku uu ku dabarayay noloshiisa, isla markaana uu u soo maray hawl adag.

·         Ugu dambayna diinta islaamku waxa ay ilaalisaa cirdiga ama nasabka qofka iyo sharaftiisaba, sidaa darteed ayay shareecadu u xaaraantimaysay in meel lagaga dhaco nasabka iyo sharafta qofka.

Isku soo wada xooriyoo, shareecadu waxa ay ilaalisaa oo ay dan u tahay qof kasta iyo bulsho kasta oo ugu dhaqanta sida ay tahay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maxaa Keenay Dhibaatada Laga Tirsanayo Dhalinyarada Boorame

 

Aniga oo tix-raacaya maqaal ku soo baxay wargayska Haatuf oo uu cinwaankiisu ahaa “Booliska oo faraha kaga gubtay rabshadaha dhalinyarada Boorame”, waxaan leeyahay runtii dhalinyarada Boorame way dul-man yihiin, waayo anagu waxaanu dhalinyaradaa gacanta ka soo gelinay madaxda xukuumadda, waxaynu dhalinyaradaasi tabashadooda uu sheegtaan masuuliyiinta u timaadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka hidaha, Cismaan Cali Bile iyo Wasiir-ku xigeenka waxbarashada, Ismaaciil Muxumad, kuwaas oo tabashadooda u gud-biyey Madaxweyne-kuxigeenkii hore oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland oo hogaaminayey wefti Boorame yimi, wuxuuna Mudane Dahir Rayaale amar ku bixiyey in dhalinyaradaa loo dhiso garoomo kubadeed, loona habeeyo koox-koox, isla markaana loo furo xafiiskooda gobolka iyo wixii kale ee loo qaban karo,lana wacyi geliyo.  Amarkaa waxa uu Madaxweynuhu siiyey masuuliyiintii maamulka ee halkaa joogtay, laakiin nasiib daro waxba kama qabsoomin arintaa.

Hadaba waxaan leeyahay dhalinyaradu waa dhainyaradeenii dhibaatadooduna way ina damqaysaa , waana da’yartii dalka u soo koraysey. Sidaa darteed dawladda, waalidiinta, wax garadka iyo dadweynahaba waxa la gud-boon in wax laga qabto dhibaatada mudada soo jiitan-tay ee dhalinyarada oo ay qolo waliba qabato doorka kaga began, mana qurux badna in ay dhalinyarada iyo boolisku habeenkii is er-eryadaan suuqa dhexdiisa, waxaase taa ka wanaagsan in dhalinyaradaa loo diro dadka u dhuun-daloola ee ay wax ka maqlaan, hadii aynu taa iska dhego tirnana waxa inagu sii balaadhan doonta dhibaatada oo halkii ay dhagaxa ka tuur-tuuri jireen waxay uga gud-been mindiyo iyo faashash, haddana waxayba marayaan rasaas, waxaana hadii aan la gadhina xigi doonta inay rasaas isla dhacaan oo qudha iska jaraan.

Ugu dambayn taliyaha qaybta booliska waxaanu u sheegaynaa inaanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno, laakiin waxaanu kaa codsanaynaa inaad noo sheegto wixii aanu dhalinyaradaa la hor tegi lahayn, iyadoo aad adigu (taliyaha) inamda dembiga saartay, xal-na adiga ayaanu kaa sugaynaa.

Colaad Dhoore Warsame--Boorame

Muduci Xaakin Dooranaya

 

Ninka hantidaada ma guurtada ah kugu haysta ee markii ay garsoorayaashu ogaadeen damaciisa indho la’aanta ah bilaabay inuu ceeb kula wareego Qaranka ee wargaysyada ku faafiyey af-lagaadaynta garsoorka sida ku qornayd wargayska Maandeeq cadadkiisii 791 ee soo baxay 4/3/2002, iyo Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 31/3/2002, sida darteed hadii ay dawladdu awood u siisay inuu garsoorayaasha ka uu necen yahayna eryo ka u xukumayana uu doorto, kuna aar-goosto xilka loo magacaabay, muxuu taraya dastuurka Qaranka ee aynu 97% ku ogolaanay , isla markaana xaalka dalku muxuu ku dambayn doonaa hadii uu dhaqankaa dulmiga ahi sii socdo.

Waxa taa ka dhigan guddiga la yidhi garsoorka laaxinka ka saara, kuwaas oo ay ka mid yihiin oo weliba ugu fir-fircoon yihiin kuwii dhulka aanu leenahay naga haystay dacwadiina ay hor taalo maxkamadda sare, taas oo ay garsoorayaasha hadhow u eexan doona u daydayaan, waxaana kuwa aanu sheegayno ka mid ah wasiirka Aw-qaafta.  Wasiirka Aw-qaaftu waxa uu ka mid yahay 84-ka qof ee dhulkayaga haysta, wuxuuna liiska maxkamadda yaal kaga jiraa lambar 68, walaalkii Daahir-na waxa uu liiskaa kaga jiraa lambar 26, waxa kale oo liiska dacwadaa lambarka 1aad kaga jira gudoomiye-xigeenka Golaha Guurtida SH.Axmed SH. Nuux iyo walaaladii oo iyaguna liiska kaga jira lambarada kala ah: 2, 3, 4, 5, halka uu nin xil-dhibaan ahina liiska kaga jiro lambar 74.

Inkasta oo aanay magacaabidda guddigani ahayn arin dastuurka waafaqsan, waaxdii garsoorkana madax-banaanidii laga qaadayo, garsoorihiina laga dhigayo mid aan xukunka xor u noqon Karin, dawladduna ku geftay qoddobada dastuurka ee kala ha: 37, 97, 98, 99, 101, 105, 107 iyo 108 iyo weliba qoddobada kale ee isla dastuurka ee kala ah: 28 iyo 31, taas oo guddigaana loo igmaday hawshii guddiga cadaaladda, waxaanu marka shacbiga Reer-Somaliland ee cadaaladda jecel iyo golayaasha Qaranka, gaar ahaan inta ka xorowday hantida ummadda in magacaabista habka dulmiga ahi ka muuqdo ee ay raga guddiga ahi ku raadinayaan garsoor u mulki wareejiya hantidayada inay taasi keenayso wax aan la saadaalin weli, waxaanuna ka codsanaynaa dawladda inay ka noqoto guddigan iyo Xubnaha aanu sheegnay,isla markaana lagu dhaqmo dastuurka oo keliya.

1 - Aw-Xasan Cilmi Magan  2- Xaashi Ismaaciil Faarax iyo 3- Maxamed Caraale Aala-Cumar.

Xilli La Hurday Ayay Shaqaynayeen, Laakiin Maxay Kala Kulmeen?

 

Waa aroor hore, waaberigii subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 19-kii bishan June 2002. goobtu waa xaafad ku taal degaanka koonfur-galbeed ee magaalada Hargeysa.

Xaafadani waa degaan cusub oo u badan aqalo nooca Buulasha ah. Sanqadhii iyo dhawaaqii baaqa askar eryanaysay si ay u qabtaan dad ay u aanaynayeen fal-dambiyeed ayay dadku ku tooseen subaxaa, markii dadkii ay dibedda uga soo baxeen guryaha waxay arkeen booliskii oo soo wada nin ka mid ahaa dadkii ay eryanayeen iyo gaadhi nooca caasiga loo yaqaan ah oo yaala meel wado ah oo xaafada ku dhex taal, oo uu wadihii waday gaadhigaa ka mid ahaa dadkaa uu boolisku eryanayay.

Xubnaha booliska ah ee hawshan fuliyay may wadan wax gaadiid ah, waxaanay ilaalinayeen ninkii ay soo qabteen iyo gaadhigii oo ay dadkii ku soo urureen, waxaa saarnaa sida la sheegay khamri lagu qabtay oo ah fal-dembiyeedka ay boolisku ka hawlgalayeen.

Laba saacadood kadib ayuu mid ka mid ah gaadiidka ciidanka booliska oo ay la socdaan askar kale oo boolis ahi yimaadeen, halkaas oo askari ka mid ahaa boolisku ku kaxeeyay gaadhigii uu ka cararay derawalkii waday, waxayna booliskii iyo labadii gaadhiba tageen meel ka durugsan halkii lagaga cararay gaadhiga.

Muddo saacad badhkeed ka yar markii ay boolisku ka tageen goobtii ay ku qabteen gaadhiga ayaa Buul u dhow goobta waxaa ka soo baxay laba nin oo uu mid yahay ninka degan aqalka Buulka ah, kan kalena uu ahaa ninkii waday gaadhiga ay boolisku kaxeeyeen, kaas oo uu ninka guriga lahaa ka qarinayay booliska baadi goobayay, waxayna labadii nin u dhaqaaqeen dhinaca galbeed, sababtoo ah, meel waxoogaa u jirta oo dhinaca bari ah, waxaa taagnaa booliskii hawshan ku gudajiray subaxaa.

Runtii ninkii shicibka ahaa ee degenaa xaafadaasi wuu ku guulaystay inuu booliskii ka qariyo ninkii ay baadi-goobayeen, laakiin waxaa isweydiin leh marka ay dadweynuhu caawiyaan qof dembi galay oo ay boolisku baadi-goobayaan sida ninkan oo kale, markaa boolisku sidee ayay ugu guulaysan karaan waajibaadkooda sugida amniga? Meel-marinta shuruucda iyo ilaalinta xuquuqda iyo kala dambaynta nidaamka dawliga ah, haddiise uu fuli waayo waajibaadka ay boolisku u xil-saaran yihiin, dhibaabtada inta ugu badani saw ku dhici mayso dadweynaha.

Ninkii shicibka ahaa ee booliska ka qariyay ninkii ay daba joogeen markii aan weydiinay sababta uu uga qariyay ninkaa la raadinayay booliskii subaxaa dul yimi gurigiisa iyo gaadhigii uu ka cararay oo dhawr tallaabo uun u jiray halka uu ku qariyay ninkaa la doondoonayay, waxa uu ku jawaabay, “Wuxuu soo magan-galay gurigayga oo caruurtayda ayuu soo dhex fadhiistay, markaa magan aan badbaadiyay ayuu ahaa.”

Inay jawaabtani sax tahay iyo inkale waxaanu u daynaynaa akhristayaasha, laakiin waxaa hubanti ah in hawlgalka boolisku uu taageero gacan midig ah uga baahan yahay dadweynihiisa, subaxaana askarigaa ama askartaa booliska ah ee heeganka ahaa xilli inta badan dadku hurday gar kumay ahayn inaan gacan lagu siin hawshii qaran ee ay wadeen.

Ciidanka Taraafikadu Ma Laha Mootooyin iyo Gaadiid

Hargeysa oo ah caasimada Somaliland, ahna magaalo hadda dadku aad ugu badan yahay iyo gaadiidkuba, waxaa si joogto ah uga dhaca shilal gaadiid oo mar walba dad ku dhintaan, qaarkoodna ku dhaawacmaan. Shilalkaas dhacayana waxa sabab u ah jidadka oo aad u cidhiidhi iyo iyagoo burbursan, tan labaad waxa u sabab ah dareewalada oon taxadir badan lahayn. Haddaba waxa dhacday maalin dhaweyd in nin dareewal ah oo baabuur yar watay uu diiday inuu ku dhejiyo baabuurkiisa lambarkii dalka kuna watay lambar carabigii uu ku soo degay, kadibna taliyaha ciidanka taraafikadu wuxuu ku amray ciidankiisii inay soo qabtaan baabuurkaasi, maadaama aanay ciidanku lahayn gaadiid iyo mootooyin nin taraafikada ka mid ah ayaa meel ‘traffic light’ ah isku taagay si uu u joojiyo, hase yeeshee taraafigii amarkiisii wuu diiday ninkaasi, taasi waxay ku keliftay ninkii taraafiga ahaa inuu kawarka hore ee baabuurka ku boodo sidii ayuu ku joojiyay, laakiin waxa jabtay muraayadii hore ee baabuurka, isagana waxa soo gaadhay dhaawac fudud.

Sidaa darteed waa in arrimahan la yeelo:

·         Waa in xukuumaddu ciidanka taraafikada ah u lebisto, gaadiid iyo mootooyin iyo isgaadhsiin si ay ugu fududaato hawsha ballaadhan ee ay hayaan. Taasi waxay wax ka tari doontaa gaadiidka iyo dareewalada baxsada markay shilal galaan.

·         Waa in jidadka cidda ku shaqo leh oo ah dawladda hoose ee Hargeysa arrinta dariiqyada wax ka qabato oo kuwa burbursan la sameeyo.

·         Waa in xerada taraafikada ee gaadiidka la dhigo waa in loo raro xeradii hore ee Ex-Daraawiishta, amba xeradii hore ee gaadiidka booliska, si cidhiidhigu halkaa uga yaraado, halkana ay u ahaato xafiiska oo keli ah.

·         Waa in ciidanka taraafikada oo hadh iyo habeenba shaqo u taagan loo sameeyaa gunooyin dheeraad ah si ay shaqadooda kor ugu qaadaan.

Ismaaciil C/raxmaan C. Xaashi, Hargeysa.

Nin Haddaanu Xishoon Oo Uu

Xaafaddaa Ku Wareego, Xil-Dhibaan Noqon Maayo.

Badhtamihii bisha January, sannakan 2002 ee aynu ku jirnno, Wargeyska Haatuf qoraal uu ka soo saaray dhibaatooyinka ka taagan dhul-boobka iyo musuqmaasuqa ay aabbaha ka yihiin dawladda hoose ee Hargeysa iyo maamulkeedu.

Qoraalkaas oo aad uga cadhaysiiyey madaxda sare ee dawladda hoose iyo gaar ahaan Cawl Cilmi oo ah Maayorka Magaala-madax dalka. Taasoo maayirka indhiisa si kusoo booddo ah u hor timid, waxaana uu ka bixiyey jawaabo kulkulul iyo cagajuglayn uu si baalaxoofto ah u tabiyey, loona arko inay ka noqotay nin daad qaaday xunbo cuskay, iyo inuu dhedo ku hadheeyo dhalliilaha ku habseday.

Mar labaad, wargeysku si xooga ayuu shaaca uga qaaday goobo iyo bar tilmaameedyo ku meelaysn sharci darro, iyo weliba inay noocyada fal danbiyeedyadu u dhici karaan wejiyo badan. Iyadoo muuqata in laga dhigtay xirfado lagu shaqaysto oo malaha la is-dheer yahay.(waa meheraddaa xumaatay), falalka qaar baa sidan ah: Dhul-boob iyo  agoomo dhac; Jago aanad garanayn ku muranka; Hanti-guud lunsiga iyo musuqmaasuqa;  Jid-goyn, iyo surin-cidhiidhi;  Dan-guud weerarka;

Maal-qabeen bixiya laaluush oo lagu garb iyo danta guud iyo dadka taag yarta ah.

Arrimahan oo kale haddii aynu eegno miyaan la odhan Karin way ka arradan yihiin hugii asluubta, xishoodkii , iyo sharaftii aadaminimo.? Haddaba kuma tallaabsan Duqu wax uu isku difaaco oo uu ku buriyo eedayntaas aan tiroda lahayn taasaana caddaysay in ay intaa iyo in ka badaniba jirto.

Milicsi yar haddaan Cawl jalleeco, isaga oo jideeyey sharci-darro qaawan, waxaan is idhi malaha qiil buu u haystaa in uu deegaanada sida u doono ugu takri falo, ta kale, waxa dhacday sida lawada ogyahay in mar mudane Cawl loo taxaabay xabsiga laguna dacweeyey arrimo la xidhiidha Musuq iyo wax is-dhaafis, taasoo ay ku soo oogeen guddigii loo magacaabay ka hor-tagga iyo ka daba-tagga musuqmaasuqa, waqtigaana waa la sii daayey ayadoon wax maxkamad ah la hor geyn maayirka iyo raggii lawada xidhay ee ay isku dambbiyada ahaayeen, dadka reer S/land waxa la yaab ku noqotay markii weliba shaqooyinkoodii aayar lagu celiyey, Haddaba, waxa isweydiin leh nimankani ma sharciga ayey ka sarreeyaan,? Sababtu waxay tahay, ummaddii ismaba weyddiineyso Somaliduna  waxay ku maahmaahdaa hashu maankeygii gaddaye ma maansaar bay liqday.

Taas baana lagayaabaa inay eedaysanayaashu qiil moodeen kana dhigteen rukhsad u fasixi karta falalka noocyadaas ah iwm.

Mid ayaan odhan lahaa qolyahan maal-qabeenka ah maaha taajirnimadu maantaan lacag haysaa oo aan meel kasta iibsan karaa, ee waa in loo meel dayaa, baayac mushtarkuna sidan ma ahaan jirin.

Waxa aan leeyahay Saraakiisha dawladda hoose iyo intii la hal-maasha, intii ku kacda ama caadaysatay ee sharciyeysatay waxyaabaha kor ku sheegan.

Dadka waa loo shaqeeyaa ee lagama shaqaysto, waxa la yeeshaa bir-ma-geydo, hungurigiise wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa. Arrimahan oo kale waxa ka abuurma: Dib-u-dhac dal iyo dadba; Laba gacal ah oo weji gabax isdhaafa uur-xumo darteed; Kal-gacaylka oo yaraada iyo dadkoo badi isnaca.

Buuq iyo xurguf ka dhex aloosanta dad daris ah; Is qabsad, muran, dhaar, iyo gar hadh iyo habeenba taagan; iyo If iyo Aakhiraba  seeg.

Waa inta laga ducaysto, ummadina hadday sidaa u badato duco lagama Aqbalo, Roobkuna uma da’o.

Maahmaah baa odhanaysa ; Geela duqdiisii durdurisay aarankiisana maxaad moodday? Guri ninkii lahaa baabi’inayo sidee looga furddaamin karaa, dadweynaha ayey su’aashani hortaa laa.?

Qoraalkan gaaban waxaan ku soo dabbaalayaa kelmadahan Xaaji Koobali Nin hadduu is xammuuro, xoogso uun is yidhaa xil-dhibaan noqon maayo; Nin haddaanu xishoon xaafada ku wareegana xil-dhibaan noqon maayo.

Mohamed Indh-cawl

Farah m@sabic.com

Riyadh.18/6/2002

WAADIGA CIYAARAHA

Saaka: Faanka England iyo

Fiirada Brazil, Midkee Run Noqon Doona

 

Abaaro 9:30-ka subaxnimada saaka ah, waxaa ciyaar aad u xiiso badani dhexmaraysaa xulalka waddanka Brazil iyo England, oo ku kala hadhaya wareega siddeeda ee koobka adduunka oo maraya meel gebo-gebo ku dhow.

Labada wadan oo ay u safan yihiin ciyaaryahano caalami ah, ayay dadka intiisa badani ka faaloonayaan siday wax u dhacayaan iyo kooxda qolo waliba u filayso in guushu raaci karto.

Labada waddan ee Brazil iyo England, oo mid walba hunguri ka hayo hanashada koobka addunka iyo iyada oo ay ka dhex jirto ficiltan ciyaareed ayaa keenay in labada dhinacba si weyn ugu qalab urursadaan ciyaartaa, sababaha aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan ayaa keenay in dad badani ka hadlaan oo ay saadaaliyaan siday wax u dhacayaan. Dadka ciyaartaas ka hadlayna waxaa ka mid ah tabobarayaasha iyo ciyaartoyga labada kooxood.

Haddaba bal aynu eegno sida looga hadlay qaab-ciyaareedka labada xul ee England iyo Brazil. Haddii aynu ku horayno xulka England, inkasta oo aanay safka hore kaga jirin, haddana waxay ka mid ahayd waddamada loo saadaalinayay hanashada koobka adduunka, hase yeeshee marka la eego waddamada ka horreeyay oo kala ahaa; Faransiiska, Portugal iyo Argentina oo ahayd waddankii ugu rajada fiicnaa, balse England ka badisay wareegii koowaadna ku hafatay, waxaa la odhan karaa waxay ka mid tahay kuwa ugu rajada fiican haddii ay dhaafto kulanka saaka ee Brazil.

England, waxaa gacanta ku haya tabobare khabiir ah oo adeegsada farsamooyin kala duwan, waxaa kale oo kooxda England u safta xiddigo waaweyn oo dunida laga qadariyo sida weeraryahanka Liverpool Michael Owen, oo ah xiddiga Yurub ee sannadka iyo kabtanka kooxda David Beckham oo isna ah wadnaha waraabiya weerarka England. Kasokow labada ciyaartoy ee aynu soo sheegnay ciyaartoyga England ku tiirsato waxaa ka mid ah gooldhaliyaha madowga ah Emile Heskey, oo aan qudhiisa la dhayalsan karin markay noqoto weeraro ama gool-dhalinba.

Tabobare Eriksson, halbowlayaasha uu ku dhaadanayo kulanka maanta waxaa ka mid ah khadka difaaca England, oo lagu tilmaamo in uu yahay ka ugu adag kooxihii ka soo qaybgalay tartanka. Dhammaan khadka difaaca England waa rag wada madow ah, oo khibrad u leh ilaalinta weeraryahanada khatarta badan, isdaa darteed difaaca England waxaynu ku tilmaami karnaa dhadhaarada mad-madow; Sol Campell, Rio Ferdinand, ayaa ah halyeeyo lagu dhaadan karo. Sidoo kale A. Cole, D. Mills ayaa iyana caawiyeyaal fiican.

Tabobaraha England Eriksson o ka hadlay ciyaarta maanta dhexmari doonta Brazil, ayaa tilmaamay qaar ka mid ah waxyaabaha uu filayo inuu hantaaqo ku noqon karto guul uu ka soo hooyo ciyaarta, waxyaabaha uu muujiyayna waxaa ugu horreeya dhaawacyo yar-yar oo soo gaadhay Michael Owen, Paul Scholes iyo Darius Vassell. Hase yeeshee, Eriksson, wuxuu muujiyay siduu ugu rajo weyn yahay inay kulankaa safan karaan. “Waxaan filayaa marka la gaadho jimcaha inay bogsanayaan,” ayuu yidhi Eriksson.

Wuxuu kaloo sheegay in uu saamayn ku keeni karo jawiga kulul ee waddanka lagu ciyaarayo oo ah mid aad uga kulul marka loo eego waddanka ay ka yimaadeen. “Haddii la beddelo waqtiga ciyaarta, waxaanu dhigi lahayn waxaan cidina rumaysan karteen, waana garaaci lahayn… laakiin hadda kulaylkani wax buu ka beddelayaa qorshahayaga,” ayuu ku daray Eriksson.

England iyo Brazil waa markii afraad ee ay iskaga horyimaadaan koobka adduunka, saddexda goor ee hore laba ka mid ah waxaa badisay Brazil, waxayse ka badisay saddex ka mid ah 16 ciyaarlood oo saaxiibtinimo ah.

Marka la is barbardhigo labada kooxood, Brazil waxay haysataa weeraryahano fiican oo waayo-arag ah, waxay dhalisay 13 gool, afar ciyaaroodna way yeelatay, waxaa dhinaca goolal-dhalinta ku dhow Germany oo goolal badan ka dhaliyay kulankii Sucuudiga oo ahaa mid aad u jilicsan, halka England ay afartii kulan dhalisay afar gool. Tabobaraha England, wuxuu sheegay in Brazil ka badin karaan hadday u ciyaaraan sidii ay Argentina ula ciyaareen.

Eriksson oo aan meesha ka saarin in  Brazil ka badin karto, waxaan la dafiri karin inuu laftiisu cadho u qabo Brazil, oo marar badan waddankiisa ka reebtay koobka adduunka. Sweden iyo Brazil, waxay kulmeen toddoba goor, laba ka mid ah barbaro ayay noqdeen shanta kalena Brazil ayaa adkaatay, waxaana ka mid ah sanadihii 1958 iyo 1994 oo ay wareega simi-faynalka ku reebeen.

Tabobaraha reer Sweden, waxaa kale oo uu ka afeeftay sharciga oo u hiilin kara, maadaama buu yidhi uu ciyaarta dhexdhexaadinayo garsoore reer Mexico ah, oo uu sheegay in xidhiidh fiican oo dhinaca ciyaaraha ahi u dhexeeyo waddankiisa iyo Brazil, hase yeeshee tani maaha mid dad badani ku qancayaan.

Si kastaba ha ahaatee, bogsasho la’aanta Michael Owen, jewiga kulul iyo tabobaraha Mexican-ka ahi waxay ka mid yihiin wer-werka ugu weyn ee Eriksson ka haysta inuu markii ugu horraysay kulan faynalka ah kaga badiyo Brazil.

Dhinaca kale, Brazil, oo dirqi ugu soo gudubtay kaqaybgalka koobka adduunka kamay mid ahayn waddamada loo saadaalinayay koobka adduunka. Hase yeeshee, saadaasha oo is wada rogtay ayaan ka xaaraantimayn koobka inay hiigsato, balse waa haddii ayka gudubto kulanka maanta ay la yeelanayso England.

Luiz Felipe Scolari, oo ah tabobaraha hadda gacanta ku haya xulka Brazil, waxaa lagu tilmaamaa nin dedaal badan, inta badana ku mashquulsan dhismaha kooxda uu hayo, balse maaha nin la barbar dhigi karo Eriksson, gaar ahaan dhanka khibradda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan iyana la ilaawi karin, inuu suurtogaliyay in Brazil u soo gudubto koobka adduunka muddadii aadka u yarayd ee uu gacanta ku hayay iyo weliba wacdaraha uu ka muujiyay ciyaaraha kama-dambaysta ah oo dad badani u saadaalinayeen inay kooxdiisu wareega koowaad ku hadhayso.

Marka la eego kooxda uu haystaa waxaa ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan ee koobka ka soo qaybgalay, gaar ahaan xidigaha R.R.R, oo kala ah Ronaldo, Rivaldo iyo Ronaldinho.

Ronaldo oo ka mid ah labada ciyaartoy ee ugu gool-dhalinta badan tartanka ayaa ka mid ah ragga ay Brazil guusha uga martida tahay kulanka England, Ronaldo wuxuu leeyahay shan gool.

Weeraryahanka Inter Milan, wuxuu sheegay in had iyo goor ciyaartoyga Brazil dhibaato ku hayso shacbigooda oo aan guul-darrada aqbalin, taasina wuxuu ku macneeyay mid aan la aqbali karin mararka qaarkood.

Ronaldo wuxuu ciyaarta maanta ku tilmaamay mid aad u qaali ah oo ay ku kulmayaan halyeeyo waaweyni, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Taasi waa sidan dareemayo, kahor kulanka maanta intaanu dhicin.”

Ronaldo oo ka hadlaya xaaladdiisa caafimada ayaa sheegay inuu hadda ka fiican yahay sidii uu ahaa kulankii koobka adduunka ee 1998, oo Faransiisku 3-0 kaga badiyay.

Rivaldo, iyo Ronaldo labaduba waxay si fiican u ciyaareen kulankii Belgium, hase yeeshee, Ronaldo iyo Roberto Carlos, labaduba waxay tilmaameen in England farsamo ahaan ka fican tahay xulka Belgium, sidaa darteedna loo baahan yahay in qaab kale ula ciyaarto. Ronaldo wuxuu kaloo qiray god-daloolo badan oo ka muuqatay ciyaartooda.

Rivaldo oo ka tirsan ragga ku loolamaya tartanka gool-dhalinta ayaa ka hadlay tayada ciyaareed ee England.

Rivaldo wuxuu qiray inaanu ahayn ciyaartoyga ugu wanaagsan reer Brazil, xataa markii loo doortay ciyaaryahanka FIFA ugu wanaagsan, hase yeeshee wuxuu intaa ku daray inuu ka mid yahay ragga guusha laga filayo.

Kabtanka Brazil ee Cafu, oo ka hadlay qaab-ciyaareedka England, ayaa ku tilmaamay mid aad u xoog badan, wuxuu intaa raaciyay in kulamada qaarkood horumar ka muuqdo, qaar kalena aanay fiicnayn.

“Waxay inta badan ciyaaraan kubbad baas ah, waxayna leeyihiin weeraryahano dheereeya oo Owen ka mid yahay,” ayuu yidhi Cafu.

Kabtanku wuxuu sheegay in ay u babac-dhigi karaan. “Waxaanu ognahay inaanu garaaci karno,” ayuu ku daray.

Brazil, marka laga tago weerarkeeda oo aad u fiican kana khibrad badan ka England, waxay kaloo haystaan ciyaartoy khibrad leh oo ka mid yihiin Roberto Carlos, Cafu, Juninho, Edmilson iyo Lucio.

Difaaca iyo weerarka England waxa fure u ah oo isku xidha David Beckham iyo Trevor Sinclair, haddii labadaa ciyaartoy ka gudbi waayaan caabiga hortaagan ee Roberto Carlos iyo Cafu, England waxay u baahanaysaa xeelad kale, si ay suurtogal uga dhigto rajada ay ka qabto in ay u soo gudubto wareega kama-dambaysta ah.

Roberto Carlos, oo ay isku beegan yihiin Beckham ayaa sheegay inuu xiisaynayo inay isku dhinac ka wada ciyaaraan iyaga oo mar labaad iska soo horjeeda.

 

Labada wadanba waxay leeyihiin khubaro ku xeel-dheer laadista kubbadaha xorta ah (free-kicks).

Haddaba iyada oo ay adag tahay in la sheego cidda badin doonta kulanka maanta kahor inta aan la gaadhin dhammaadka ciyaarta oo ay labada kooxood si weyn isugu dhaarsan yihiin, balse waxaa la odhan karaa fardo laysku hayo maxaa la isugu faanin.