Haatuf, Cadadki 101, June 23, 2002 “Ninkii Nala Tartamayaa Ha Soo Baxo.. Somaliland-Na Inta Isaaqa Sheegataa Ugu Xun” Maayarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Xaflad Lagu Furay Bacadlayaal Cusub Hargeysa (Haatuf): Maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle ayaa shalay furay dhismayaal cusub oo laga hirgeliyey suuqa ku yaal agagaarka dhismaha qabyada ah ee loo yaqaan guriga xisbiga, waxaana guryahaa cusub oo loo dhisay ganacsatada bacadlayaasha loo qayb-qaybiyey si bakhtiyaanasiib ah, iyadoo ay dhismayaashi ka kooban yihiin ilaa 114 aqal. Xafladii furitaanka dhismayashaa cusub oo ay ka soo qayb galeen madaxda dawladda hoose ee Hargeysa, ganacsatada bacadlayaasha ee suuqaa iyo dadweyne kale waxa hadal ka jeediyey maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle, wuxuuna khud-badiisa ku sheegay inay dawladda hoose wax badan qabatay mudadii uu xilka hayey, isla markaana wuxuu Cawl si weyn u cambaareeyey dadka dhaliila hawl-qabadkiisa. Maayar Cawl waxa uu sheegay in dhismahan la hirgeliyey ka dib markii uu maamulka dawladda hoose aqoonsaday inaanu suuqa dhexe ee bacadlayaasha Hargeysa ku filan magaalada Hargeysa, isaga oo Cawl xusay inay xukuumadda dhexe waydiisteen in loo ogolaado dawlad hoose ahaan inay goobtaa ka dhisaan bacadlayaal cusub. “Jidka madaarka cid Shidaal bixisay mooyaane ma jirto cid kale oo naga caawisay, bacadlihii WAAHEEN oo muddo toban sannadood ah xidhnaa oo ay ummad badani ku ceeshto, isagana maanta waanu dhamaynay, marka la eego cidda gashay waa ilaa 500 aqal, qoyskiibana waxaynu ka soo qaadaynaa inay 5 qof yihiin, marka waxa halkaa ku nool ilaa 30 kun oo qof oo uu maalintii bariisku uga soo baxaa anigu sanuunad bay cunaan odhan maayo”- sida waxa khudbadiisii furitaanka bacadlayaasha cusub ku yidhi Cawl, wuxuuna intaa ku daray “Marka ay suura gashay inaanu ka fekerno xagaynu talaabo u qaadnaa ayaanu halkan nimi oo guriga xisbiga la odhan jirey oo aad ka xishoon waydeen inaad ka bedeshaan magaca xisbigii hantiwadaagga kacaanka Somaliyeed, markaas ayaan madaxweynihii aynu jeclayn ee daacadda ahaa ee uu xaqu ku soo degay (Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal) u tegey oo aan ku idhi bacadle keli ahi kuma fila magaalada, dabadeed Illaahay ha ka jaa’isa siiyee wuu idiin ogolaaday inaanu halkan dhisno , markaa iminka waxa dhamaaday114 aqal , ilaa 500 oo aqal ayaa iyana bariiska cad kala soo baxaya”. Cawl, isaga oo ka hadlaya wax qabadkiisa waxa uu yidhi “Ama aanu biro taagno ama wax beernee magaalada bilicdeeda waanu sii kordhinaynaa.., talaabada aanu labadaa sannadood qaadnay waa mid qofkastaaba arkayo, ninkii caafimaad qabaaba wuu arkayaa, anigu nin buka lama hadlayno, nin qabiilo ka soo jeeda lama hadlayno, nin afar nin oo siyaasiyiin ah ka amar qaata lama hadlayno. Ummad yahay waxaad tihiin cidhib la’, meelna ku gaadhimaysaan xaasid-nimo, nin u jeed iyo saqajaanimo, taa waxaan ballan idiinku qaadayaa inaydaan guul ku gaadhayn, waxa keliya oo aad waayo-arag u tihiin iminka sidii uu Maxamed Ibraahin Cigaal uga tegay ee uu xaqu soo degey inaad idinkuna soconaysaan, anaguna soconayno. Ninkii Illaahay cimriga u dheeraynayo isagaa ku shuqul leh ee cay, dacaayad iyo saqajaanimo laguma soo dhowayn karo cimriga, laakiin amaanta iyo sadaqadda iyo marka aad wax qabadkaaga uga jeedo inaaddan meesha ku sii joogto way barakaysaa cimriga, anigu waxan uma dhisayo meesha ku sii joog, maalin dhowna doorashaa dhici doonta idinka ayaana u xor ah ninkaa dooranaysaan, waxaana laga yaabaa inaan doorashada ku jiro iyo inaan ku jirin-ba, laakiin bal ninka nala tartamaya ee waxaas oo kale qabanayaa ha soo baxo, yuu jaraa’idka wax ku qorine.” Maayar Cawl wuu sii waday khud-badiisa wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay beel ka mid ah beelaha Somaliland oo uu u jeediyey hadalo uu ku naanaysayo, wuxuuna yidhi “Somaliland waxa ugu xun, maalin dhowayd-na waan idhiye inta badhtanka ku jirta ee Isaaqa sheegata, Isaaq ma aha ee waa is-daaq oo mid-ba mid buu cunayaa, cid la nabad-gelinayaana ma jirto, madax la ogol yahayna ma jirtoi, sidaana ummad ku noqon maysaan, marka waxaynu odhanaynaa hadii aad leedihiin cad isu damqanaya Isaaq-nimadu way jirtaa, hadiise aanay jirin wax isu damqanayaa, waar adeer ma jirtee habro ayeynu nahayye aynu is nabad gelino, kelmadda la yidhaahdo Isaaq-na waxaynu ku bedelanaynaa is-daaq. Waar mansabka la fuulayo Illaahay baa ku shuqul leh, cayna lagaga tegi maayo, hadii aad afar iyo labaatanka saacadood I caayeysaana kagama tegayo, amaanna kuma joogi karo, markaa idinku wax qabadka ku xisaabtama ”.
Ururka Midowga Afrika OoMawqif Iska Taagay Qadiyadda MadakaskarAddis Ababa (W. Wararka): Wufuud ka kala socda dawladaha Xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika oo shalay gelinkii hore kulan 8 saacadood socday ku yeeshay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kagana wada hadlay muranka dhinaca talada ah ee ka ooggan jasiiradda Mada-gaskar ayaa isku raacay go’aan ah inaan mid-na sharci ah loo aqoonsan labada nin ee isku haya talada hogaaminta Mada-gaskar Mr: Marc Ravalomanana iyo Mr: Didier Ratsiraka. Gudoomiyaha xiligan ee ururka Midowga Afrika oo ah Madaxweynaha dalka Sambia Mr: Levy Mwanawasa ayaa idaacadda BBC-da u sheegay inay dawladaha ururka Midowga Afrika ogaadeen inaan labada maamul ee ku muransan Madagaskar inaan midkoodna si sharci ah loo dooran sida darteed ay dawladaha ururka Midowga Afrika ay doonayaan inay jasiiradaa ka dhacdo doorasho xaq ah oo xalaal ahi, taas oo ay dawladaha ururka OAU, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay gacan ka gaysanayaan, waxaynu dalalka Midowga Afrika sheegeen inuu banaannaan doono kursigii ay Mada-gaskar ku lahayd ururka OAU ilaa inta dalka laga soo dooranayo dawlad sharci ah oo distoori ah. Go’aanka OAU-da waxa markiiba aq-balay Mr: Didier oo ah mid ka mid ah labada Nin ee isku haya talada Mada-gaskar oo isaga iyo wefti uu hogaaminayaa ka soo qayb galeen shirka OAU-da ee Adis-ababa ka dhacay shalay. Hase yeeshee wefti kale oo ka socday ninka kale Mr: Rovalamanana ayaa ururka Midowga Afrika ku eedeeyey inay garab siinayaan dhinaca kale. Bishii hore ee sannadkan ayey maxkamadi xukuntay inuu Mr: Rovalamanana yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Mada-gaskar, waxaynu taasi ka dambaysay markii uu muran ka dhashay doorashooyin bishii Diisambar ee sannadkii hore ka dhacay halkaa. Diblomaasiyiin Adis-ababa jooga ayaa laga soo xigtay inay arintu sii adkaatay, ka dib markii ay dawladaha Maraykanka, Norway iyo Swezerland aqoonsadeen Mr: Ravalamanana u aqoonsadeen inuu yahay Madaxweynaha Madagaskar. Waxa hadda laga cabsi qabaa in Mr: Rovalamanana uu qaab milateri ku sii adkaysto sheegashadiisa Madaxweynenimo, taas oo la sheegay inay keeni doonto iska hor-imaadyo dhex mara taageerayaasha labada Nin ee isku haya talada jasiiradda Madagaskar. Weftigii Madaxweynaha Oo Maanta La FilayoHargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee socdaalka ugu maqnaa dalka Djabuuti ayaa maanta lagu wadaa inay dalka dib ugu soo laabtaan, iyadoo ay weftiga Madaxweyne Rayaale dalka ka dhoofeen khamiistii toddobaadkii hore. Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa lagama hayo warar rasmi ah oo saabsan waxa ay kala kulmeen safarkooda Djabuuti. Hase yeeshee waxay warar ka soo yeedhay dhinaca Djabuuti tibaaxeen inay Madaxweyne iyo weftigiisu kulamo la yeesheen masuuliyiin sar-sare oo dawladda Djabuuti ah oo uu ku jiro Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, laakiin wararku ma sheegin natiijada wada hadalada dhex-maray labada dhinac, iyadoo ay wararku tibaaxeen in waxyaalaha ay dhinac isla soo qaadeen ay ka mid yihiin xidhiidhka mudada xumaa ee labada dal oo uu jiro muranka ku saabsan xuduudka ay labada wadan wadaagaan, taas oo marka laga yimaado xuduudka marar dhawr ah xidhmay ay labada dawladoo d xataa isku maan-dhaafeen marinka la isaga gud-bayo,iyadoo ay dawladda Djabuuti kal hore kastamkii ka rartay halkii uu hore u ahaan jirey ee Law-yacado, una rartay meel dhinaca gal-beed ka xigta oo la sheegya inay dadka iyo gaadiidku kala kulmaan dhibaato badan , taas oo ay dawladda Somaliland-na ku gacan saydhay rarista ay dawladda Djabuuti meeshii hore ka rartay Kastamkii. Arimahaa iyo arimo kale oo ka mid ah meelaha ay sartu ka qudhuntay ayaa la filayaa inay labada Madaxweyneka wada hadlaan, iyad oo ay dadku si wey ugu dheg-tagayaan waxa ka soo bixi doona booqashada uu Madaxweyne Rayaale ku tegay dalka Djabuuti iyo wada hadalada la sheegay inuu la yeeshay MadaxweyneIsmaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kormeer Kedis Ah Ku Tegay Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Hargeysa (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay subaxnimadii hore kormeer kedis ah ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa si uu u soo hubiyo hawlaha adeega caafimaadku sida ay uga socdaan cusbitaalka. Madaxweyne ku xigeenka oo ay booqashadiisan ku wehelinayeen wasiirka madaxtooyada Nuux Axmed Cismaan iyo lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha Jaamac Gaas Mucaawiye, waxa ay cusbitaalka gaadheen 8:00 subaxnimo, iyaga oo ku soo wareegay qaybaha kala geddisan ee uu dhakhtarku ka kooban yahay, waxaana warbixin ka siinayay goobahaasi Agaasimaha guud ee cusbitaalka Dr. Yaasiin Carab, iyaga oo u kuur-galay imaatinka hawl-wadeenada iyo wax-qabadkooda, daryeelka bukaan-jiifka, nadaafada iyo guud ahaanba sida ay u socdaan hawlaha cisbitaalka looga baahan yahay. Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadu Cabdi Idiris Ducaale, madaxweyne ku xigeenku kormeerkaa kadib waxa uu sheegay in cusbitaalku uu u muuqday meel laga guuray, marka loo eego shaqadii looga baahnaa inay ka socoto iyo joogitaanka dadkii hawlaha ugu kala aadanaa. Xog warrankii uu ka helay bukaan-jiifka iyo agaasimaha guud oo hadda dhawr bilood joogayna ay caddeeyeen arrintaasi, sidaa darteed waxa uu madaxweyne ku xigeenku sheegay inay dawladdu ka tashan doonto sidii ay tallaabo uga qaadi lahayd dayaca ka taagan cusbitaalka guud, iyada oo muddaba ay cabashadiisu taagnayd aadna u badnayd. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaa ku daray inuu arrintaasi hordhigi dono golaha wasiirada marka uu xog urursigu u dhammaado, si ay dawladdu arrintaasi wax ka qabashadeeda go’aan uga gaadho. Maayarka Boorama Oo Hay’adda COOPI Ka Difaacay Eedo Loo Jeediyay Boorama (Haatuf): Xubno ka tirsan odayaasha iyo Madaxda ururada rayidka ah ee Boorama, ayaa ugu baaqay hay’adda COOPI in ay ka baxdo magaalada Boorama, inta aan dhibaato loo geysan, isla markaana Badhasaabka Gobolka Awdal oo isla markaana ah Maayarka Boorama, ayaa isna difaacay hay’adaas, xubnaha digniinta siiyayna ku tilmaamay in ay yihiin qaar aan metelin bulshada Boorama. June 18,2002, ayaa xubno odayaal, dhallinyaro iyo Madaxda ururada rayidka deegaanka ka mid ahi ay shir-jaraa’id ku qabteen magaalada Boorama. Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, xubnahaasi waxay shirkooda Jaraa’id ku sheegeen oo ay digniin ku siiyeen hay’adda COOPI, taas oo ay ugu baaqeen in ay si dhakhso ah uga baxdo deegaanka, inta aan loo geysan dhibaatooyin nabadgelyadooda la xidhiidha. Xubnaha shirkaa ka hadlay, waxay ku eedeeyeen hay’adda COOPI, waxqabad la’aan muddo 7-sanno gaadhaysa oo ay aagaas joogtay. Mid ka mid ah odayaasha shirkaa ka hadlay oo la yidhaahdo Muxumed Rooble, ayaa isagu waxqabad la’aanta ka sokow ku eedeeyay hay’adaas in ay Gobolka Awdal ka hortaagan tahay hay’adaha kale, waxaanu intaa ku ladhay oo uu sheegay in la gaadhay wakhtigii ay hay’adda COOPI ka bixi lahayd Boorama. Cilmi Muxumed Kaahin oo ka mid ahaa odayaasha shirkaa ka hadlay, ayaa isna sheegay rag reer Boorama ah oo u shaqayn jiray hay’adda COOPI in ay u dhinteen cudurka Aids-ka, waxaanu xusay in la tuhunsan yahay ragaasi in ay xidhiidh la sameeyeen haweenay Talyaani ahayd oo ka tirsanaan jirtay Masuuliyiinta laamaha COOPI. “Waanu garanaynaa ragaasi waxay u dhinteen, mana doonayno in ay dhibaato kale soo gaadhsiiso ragga ama haweenka Boorama.” Sidaa waxa yidhi Cilmi Muxumed Kaahin, waxaanu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Mar haddaanay waxba noo qabanayn, waxaanu Xukuumadda Somaliland ku waaninaynaa in ay naga kaxayso hay’adaasi.” Shirkaa Jaraa’id, waxa kale oo iyaguna ka hadlay xubno kale oo ka tirsan dhallinyarada Ciyaaraha ee Boorama iyo Madaxda hay’adaha rayidka ah, kuwaas oo dhammaantoodba sheegay in aanay hay’adda COOPI, waxba ka qaban horumarinta sannadahanba. Shirka Jaraa’id kadib, Maayarka magaalada Boorama Maxamuud Muuse Bahdoon, ayaa jawaab ka bixiyay digniinta ay xubnahaasi u jeediyeen hay’adda COOPI. Maayarku mar uu shalay subax ka hadlay xaflad lagu furay aqoon-is-weydaarsi lagu qabtay Boorama, wuxuu sheegay in hay’adda COOPI ay wax u qabatay Gobolka Awdal, isla markaana ay u sii qaban doonto. Dhalliilaha laga sheegayana, wuxuu ku tilmaamay qaar been-abuur ah. Maayarka Boorama, wuxuu inta ku daray odayaasha ku baaqay in hay’adaa la saaraa in ay yihiin, qaar aan metelin magaca odayaasha Boorama. Guddoomiye Bahdoon, waxa kale oo uu xusay in hay’adda COOPI joojisay mashaariicdii ay maal-gelisay, balse wuxuu xusay in ay dib u bilaabi doonto, laakiin muu cayimin wakhti go’an oo ay bilaabayso. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Oo Kormeer Ku Tegay Degmada Gebiley Gebilay (Haatuf): Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Qaranka Mudane C/laahi Cabdi X. Cumar iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa maalintii shalay kormeer hawleed ku tegay degmada Gebilay, taas oo qayb ka ah socdaalo ay guddidu beryahanba ku marayeen Gobolada iyo degmooyinka dalka. Sida uu noo soo sheegay Weriyahayaga Degmada Gebiley Maxamed Xasan, Guddidu waxay maalintii shalay kulan ballaadhan kula yeesheen ururada isdiiwaangeliyay ee xafiisyada ku leh Gebiley oo kala ah; UDUB, HORMOOD, SAHAN iyo UCID oo ay weheliyeen qaar ka mid ah ururada bulshada ee degmada Gebiley, sida haweenka, dhallinyarada, cuqaasha, culimaa’udiinka iyo indheer-garadka, hoolka shirarka ee dawladda hoose ee Gebilay. Hadal furitaan ah oo uu halkaa ka jeediyay Guddoomiyaha degmada Gebilay, Mr. Xasan X. Yuusuf, waxa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay kormeerka ay Guddida Doorashooyinku ay ugu tageen iyo xeerka dhawaan laga soo saaray gobolada iyo degmooyinka oo uu xusay inuu degmada Gebilay ku hayay culays badan, isagoo intaa raaciyay in muddo-kordhintii dawladdu ay ururada Siyaasadda ku keentay debecsanaan. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka C/laahi (Jawaan) oo isna hadalka qaatay, ayaa ka waramay ujeeddada Socdaalkooda oo uu ku tilmaamay in ay tahay Wacyi-gelin ku saabsan doorashooyinka iyo wada-tashi laa yeelanayo qaybaha bulshada iyo ururada Siyaasadda, si uu u dhaco tartan xallaala oo loo siman yahay. Waxaanu intaa ku daray in ay haatan ku hawlan yihiin, dhammaystirka arrimo yaryar oo la isku khilaafsan yahay oo ay ka mid tahay, arrinta diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay in ay u baahan tahay. “Tusaale ahaan, shan iyo tobankii kun ee card oo min $1 ah, waxay noqonaysaa $15000, waana kharash badan, ra’yiyo kala duwan ayaanu helnay, laakiin go’aanka anagaa iska leh, dadkoo dhan in waa waajib waana arrin u baahan in la jilciyo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo ballanqaaday in ay dhex u ahaanayaan ururada Siyaasadda, kadibna waxa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda iyo xubno ka socday ururada bulshada, iyagoo ka hadlay sida ay u arkaan Doorashooyinka. Guddidu kormeerkooda Gabiley kadib, waxay u kicitimayaan dhinaca Gobolka Awdal. Maxaa Ka Soo Kordhi Doona Safarrada Ay Wasiirada Somaliland Ku Gallaa-Bixiyeen Dunida Hargeysa (Haatuf): Wefti ka kooban wasiirka duulista hawada iyo wasiiru-dawlaha arimaha debedda Somaliland, Maxamed Cabdi-dheere iyo Qaasin SH: Yuusuf ayaa khamiistii toddobaadkii hore u dhoofay dalka Jarmalka, taas oo uu Wasiirka Duulista Hawada oo madaarka ugu waramay weriyayaal ka tirsan saxaafadda wadaniga ah sheegay inuu ujeedada socdaalkoodu yahay mid shaqo, iyadoo uu wasiirkaasi sheegay inay dalka Jarmalka ku maqnaan doonaan ugu yaraan tobban maal-mood. “Waxaan ku dedaalayaa inaan u soo shaqeeyo madaaradayda. Wixii kale ee aanu soo qabanaana koleyba waa wax aanu dalkayaga u soo qabanay” ayuu yidhi Maxamed Cabdi-dheere, isaga oo tilmaamaya waxyaalaha ay ku talo jiraan inay safarkooda ku soo qabtaan. Socdaalkan ay labada wasiir ee duulista hawada iyo wasiiru-dawlaha arimaha debedda Somalilaand ku tageen Jarmalka waxa uu ka mid yahay safaro is-daba joog ah oo ay ilaa bishii iyo badhkii u dambeeyey wasiiro badani, iyaga oo keli-keli iyo xubno wada socdoba ah ugu kala kicitimeen dalal kala duwan oo dunida ah. Wasiirka caafimaadka DR: Xasan Ismaaciil ayaa isna toddobaadkii hore u kicitimay dalka HONG-HONG oo ah jasiirad ku taal bariga Aasiya. Sidoo kale wasiirka maaliyadda Xuseen Faarax Doodi ayaa isna hadda muddo ku maqnaa dalka Lubnaan, iyadoo la filayo inuu mudane Doodi maanta dalka ku soo laabto. Waxa kale oo iyaguna socdaalo ay ka soo laabteen dalal kale ku tegay qaar kale oo ka tirsan wasiirada xukuumadda Somaliland. Hase yeeshee waxa jirta su’aalo la iska waydiiyey safaradan tirada badan ee ay wasiiradu ugu kala kicitimeen dalalka debedaha, taas oo aad moodo inay tahay arin cusub socdaaladan ay Xubnaha Golaha Wasiiradu debedaha ugu kala yaaceen, iyadoo ay waqtiyadii hore naadir ahaan jirtey taas oo kale, waxayna ahayd arin marmar la arko. Waxa kale oo ay tahay arinta xiisaha leh ee socdaalada wasiiradaa la xidhiidhaan.iyadoo ay wasiirada qaarkood u socdaaleen meelo ama wadamo la is-waydiin karo tolow maxay yihiin waxa inagaga xidhmay, taas oo macneheedu yahay waxa wadamadaa ka mid ah wadamo aanay baadideenuba is-gaadhin, sida: Hong-kong iyo Lub-naan, inkasta oo dhinaca kalena waqtigan xaadirka ah dunida loogu yeedho xaafad (Village), Laakiin haddana marka dhinac kale laga eego waxa la odhan karaa lama diidana ama lalama yaabana safarradan tirada badan ee ay Xubnaha Golaha wasiiradu debedaha ugu kala fir-dheen, balse waxaad moodaa nuxurka su’aasha la is-waydiinayaa inuu yahay , garanay in safaro dunida lagu galaabixiyey,laakiin maxaa wax ku-ool ah ee ka soo baxay ama ka soo qabsoomay, taas oo hadii ay noqdaan socdaalo marka la isu geegeeyo natiijo ama natiijooyin wax-tar leh dhala, waa wax laga garto, hadii kale waxa su’aal ahaanaysa waa maxay sababta keentay safarrada badan ee ay mudooyinkan dambe u kala yaaceen wasiiradii dalku, maxayse tahay danta ku jirtaa ama waxtarka ka soo kordhay. Inkasta oo ay wadamada ay wasiiradasi u kala safreen ay yihiin meelo looga yeedhay oo ay ku tageen marti-qaadyo rasmi ah oo loo fidiyey, lagana yaabo in inta badan ay ka qayb gelayaan ama ka qayb galeen shirar lagaga hadlayo ajan-dayaal la xidhiidha hawlo kala duwan sida: Arimo samafal, kuwo ganacsi, kuwo horumar ama wax qabad-yo ku saabsan hawlo farsamo IWM., laakiin waxay is-waydiintu tahay shirarkaasi ma yihiin, kuwo ay natiijadoodu wax-tar la arki karo ama la dareemi karo ina soo gaadhsiinayso, hadii ay doonto haba yaraatee, mise waa shirar aanu nuxurkoodu ka bad-nayn doodo kooban oo la is-dhaafsado dhawrka maal-mood ee kulanku socdo iyo shillimo xaqal-masaariif ah oo ay ka hesho cidda ka qayb gashaa. Ugu dambayn, wararka socdaaladaa iyo wixii wax-tar ah ee inooga kordha bal aynu ka war-sugno, guud ahaan xukuumadda, gaar ahaana wasiirada ku lug leh.
Dad Ku Le’day Marinka Baaxad-Sooraha Ah Ee Xadka Somaliland Iyo DjabuutiBoorame (Haatuf): Afar qof oo ka mid ahaa dad socoto ah ee isaga gud-bayey xuduudka gal-beed ee uu dhexeeya Somaliland iyo Djabuuti ayaadhowaan geeriyooday, waxaynu dadkaa dhintay qaarkood u le’deen harraad, halka qaar kalena u dhinteen xanuuno ku qabsaday dhulka eerigo’anka ah ee ku yaal xuduudda labada dal u dhexaysa, iyadoo ay dadkaasi ka talaabayeen marinka cusub ee ay dhowaan dawladda Djabuuti u rartay kastamka xadka labada dal (Somaliland iyo DDjabuuti), meeshaas oo hadda lagu naanayso TOORRA-BOORA. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, waxay dadka dhintay kala yihiin saddex nin iyo qof dumar ah, waxayna dhinteen 16-kii bishan aynu ku jirno, wuxuuna sheegay weriyaha Haatuf inay dhimashada dadkaa u xaqiijiyeen dad socoto ah oo ka yimi dhinaca xadka. Sida uu warka arintaa la xidhiidhaan sheegay mid ka mid ah saddexda nin ee halkaa ku dhintay waxa uu qabey xanuunka macaanka loo yaqaan, ka dibna waxa uu xanuunkaasi ku kacay, isaga oo lugaynaya meel eerigo’an ah, dabadeed-na waxa lagu aasay tuulada Lawyacado oo ku taal xadka labada dal, halka ay labada nin ee kalena ahaayeen nimandhalin yaro ah oo harraad u le’day, sidoo kale qofka dumarka ah-na waxa la sheegay inay ahayd haweenay uur leh oo uu shuban ku dhacay ka dib-na markii ay fuuq baxday ee ay caawimona wayday qudh baxday. Sida uu warkaasi sheegay waxay dadkaa dhintay qaarkood ahaayeen Oromo, halka qaran ahaayeen da Somali ah, laakiin lama xaqiijin Somalida ay yihiin. Dhinaca kalena wararka jiidahaa ka imanayaa waxay sheegeen in jidka cusub ee ay dawladda Djabuuti dhowaan u rartay marinka ay labada dal isaga gud-bayaan oo hore u ahaan jirey Law-yacado ay dadka socotada ahi xiliga xagaaga ee lagu jiro kala kulmaan dhibaato badan, taas oo sida la sheegay inaanay dadka jilicsan sida dadka waayeelka ah, caruurta yar yar iyo dumarka uurka leh xamili Karin marka ay isugu darsamaan kulaylka ba’an ee xiliga xagaaga iyo fogaanta jidkaa. Midowga Yurub Oo Isku Raacay Xakameynta Qaxootiga Iyo 10 Dal Oo Ku Biiraya Shirkii Midowga Yurub (EU) uga socday Seville, Spain Seville, Spain (W. Wararka): Qodobo lagu xakamaynayo Qaxootiga sida Sharci-darada ah ku soo galaya dalalka 15-ka ah ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, ayay isla ogolaadeen wufuudii dalalkaa uga qayb-gashay shir ay ku yeesheen magaalada Seville ee dalka Spain. Midowga Yurub, waxaa kale oo uu kulanka Seville ka dhacay iskula ogolaaday in ay ku soo biiraan 10-xubnood oo cusub oo ah intooda badan wadamadii ka tirsanaa bah-wadaagtii Warso ee Shuuciyadda oo codsi ka mid noqosho u soo gudbiyay Midowga Yurub, shirkii ay ku yeesheen Copenhagen, taas oo ay ku rajaynayeen in ay ugu dambeyn ku biiraan Midowga Yurub sannadka 2004. Shirku wuxuu dib u dhigay tallaabooyinkii ay wada-jirka uga qaadi lahaayeen dalalka ay ka yimaadeen Qaxootiga soo gala Yurub ee aan iskaashi la sameyn Siyaasadda Yurub ee ku saabsan Qaxootiga. Chris Morris oo shirkaa uga soo waramay BBC-da, ayaa sheegay in shirkan ka dhacay Seville, Spain uu ahaa mid dalal yar oo ka soo qayb-galay shirkaa uu u fulay Hindisayaashii ay wateen, inta badana aanu u hirgelin Hindisayaashii ay la yimaadeen shirka, si loogu raaco. Joojinta iyo xakameynta Qaxootiga soo galay ama soo galaya Yurub, ayaa ahaa qodobka ugu horeeya ee ay shirkan kaga wada-hadlayeen Midowga Yurub, sababta keentayna ay tahay Xisbiyada Midig ee Yurub oo arrintaa kor ugu soo kacay, taageerana ku helay sannadihii tegay. Ra’iisal-wasaaraha Spain, Mr. Jose-maria Aznar oo shirka ka hadlayay, ayaa sheegay in Yurub ay u qorsheysan yihiin tallaabooyinkii ay ka qaadi lahayd wadamada aan iskaashiga ka muujin arrinta qaxootiga, laakiin muu caddayn tallaabooyinkaasi kuway noqon doonaan. Ra’iisal-wasaaraha Sweden Goran Persson, ayaa isna tilmaamay in tallaabo laga qaado wadamada faqiirka ah ee Qaxootigu kaga yimaado Yurub ay keeni doonto, Qaxooti hor leh oo kaga soo fataha dalakaas oo sii kordhiya mushkiladda hadda taagan. FBI-Da Oo Ka DigtayWeeraro Ku Soo Fool Leh MaraykankaWashington (W.Wararka) – Hay’adda dembi-baadhista u qaabilsan dalka Maraykanka ee FBI, ayaa ka digtay weeraro loo geysto bar-tilmaameedyo ka tirsan gudaha Maraykanka iyo dibaddiisaba. FBI, waxay dalbatay in heegan la geliyo ciidamada ammaanka si looga hortago weerarada lala maagan yahay in lagu aado Maraykanka. Mas’uul sare oo u u hadlay FBI-da ayaa sheegay in ay macluumaadkaas ka heleen maxaabiis ka tirsan Daalibaan iyo Al-Qaacida oo loo qabtay falal argagixiso, balse aanay daliil adag u hayn dhicitaanka weeraradaasi iyo sida ay ku iman karaanba. Dalka Maraykanka ayaa cabsi weyn laga qabaa weeraro ka dhaca xuska maalinta gobonimada Maraykanka oo ku beegan 4/July/2002 ee fooda inagu soo haysa, waxaanay arrintaasi keentay cabsi weyn oo gasha dadka Maraykanka, oo ay weli maskaxdooda ka sii guuxayso weeraradii ka dhacay Maraykanka 11-kii September 2001, oo aan weli khasaarahooda Maraykanku ka soo kaban. Cabsida iyo wer-werka dadka Maraykanka, waxaa la qaba mas’uuliyiinta iyo madaxda sare ee Maraykanka oo had iyo jeer uga diga dadka Maraykanka suurtogalnimada weeraro loo geysto bartilmaameedyo ka tirsan Maraykanka, taas oo intii hore ku ekaan jirtay goobaha ku yaala dibedda Maraykanka, balse haatan cabsidii waxay gashay dalka Maraykanka gudihiisa. Waxa ay tani calaamatu-su’aal gelisay tiknoolajiyaddii iyo farsamadii sare ee qalabka Maraykanka oo aan marna la filayn inay tan oo kale dhacdo. Cabsida ugu weyn waxay ka qabaan Maraykanku ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden, oo ay Maraykanku ku tiriyaan Arga-gixisada ugu weyn adduunka, iyaga oo ku eedaynaya inay ka dambeeyeen weeraradii 11-kii September 2001. 500 Oo Qof Ayaa Ku DhintayDhul Gariir Ruxay 52 Tuulo Dalka IranTehran (W.Wararka) – In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariir shalay ruxay waqooyiga galbeed ee dalka Iran. Saraakiil wakaaladda wararka ee Iran ee ‘IRNA’, ayaa sheegay in dhimashada ka sokow uu dhul-gariirkani uu dhaawacay 2000 oo qof, halka ay 25000 oo kalena ay ku guryo beeleen. Dhul-gariirkan oo qiyaastiisu ahayd 6.0 ee qiyaasta Richter-ka oo lagu cabiro dhul-gariirada wuxuu ruxay 52 tuulo oo ku yaala dhulka buurlayda ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Qasfin iyo Xamadaan. Ilaa 1000 qof oo dhaawac ah ayaa lagu daaweynayaa cusbitaalka magaalada Qasfin oo keliya. Inta badan dhimashada dhul-gariirkani waxay ka dhacday tuulada Bou’in-Zahra oo ku taala meel 60km koonfur galbeed ka xigta magaalada Qasfin oo ah magaalo-madaxda gobolka Tremor ee dalka Iiraan, una jirta 13km caasimadda Iran ee Tehran. Iran waxay ka mid tahay waddamada ugu dhul-gariirka badan adduunka. Gurmadkii ugu horreeyay ee dhul-gariirkan-na waxa gaadhsiiyay waddamada Ingiriiska iyo Ruushka. Prof. Fariborz Nateghi, oo ah khabiir Iiraan kala taliya arrimaha dhul-gariirada ayaa sheegay in nooca guryaha ka dhisan gobolada uu dhul-gariirkani ka dhacay ay tahay sababta ugu weyn ee keentay dhimashada faraha badan ee uu keenay dhul-gariirkani. Qurux Badso Qurux Beel Bay Leedahay Dhibaatada Dawooyinka la isku Qurxiyo Q: 2aad – Muuse F. Jaambiir Akhristayaal waxaanu cadadkayagii jimcihii soo baxay idiinku soo gud-binay qisadii cinwaankeedu ahaa “Qurux badso qurux-beel bay leedahay”, taas oo aanu idiin ballan-qaadnay inaynu qayb kale oo sheekadaas ah idiin soo gudbino, waxaynu inoogu joogtay Khadiija oo uu qabo nin la yidhaahdo Raage oo Sucuudi-arabia ka shaqaysta, taas oo ay dumarku Khadiija ku cel-celiyeen inay bilowdo bal-wadda is-qurxinta, iyaga oo ku cabsi gelinaya in haddii kale uu ninkeedu nici doono haddii aanay is-casayn, laakiin Khadiija muddo dheer ayey ka dhego-adaygtay, waxayse u soo debecday markii ay ilmihii shanaad dhashay,taas oo ay waxoogaa da’ ah ka dareentay oogadeeda. “Ninku mar hadii uu lacag haysto wuu kaa digo roganayaa hadii aanad jidhkaaga iyo quruxdaada debeca ka ilaalin “ weedhahaas iyo kuwo kale oo la mid ah waxay ahaayeen sheekooyinka xiskeeda lagu disay, taasina waxay ka mid tahay sababaha kelifa inay dumar badan oo jiilasha dambe ahi ubadkooda naaska ka ilaaliyaan, iyaga oo aaminsan in hadii ay ilmaha naaska jaq-siiyaan uu naaska ama jidhkuba ka debcayo. Sidaa darteed Marwo: Khadiija aakhirkii, iyada oo qurux-doon ah waxay talo ku gaadhay inay isticmaasho daawada la isku qurxiyo oo ay ka mid noqoto bahda bal-waddaa leh, dabadeed-na maalin khamiis ah ayaa goor ay cad-ceeddu baalka sii dhiganayso Marwo Khadiija lagu dhamooqay daawada kiimikalka ah ee ay haweenka laasimay ula baxeen “quruxda suuqa taal”. Dhawr maal-mood oo huuris iyo shaqo adag ah ka dib, waxay marwo: Khadiija soo baxday, iyadoo uu jidhkeedii muldhaday oo ay xididadii jidhkeeda dhiigga iyo dheecanka u qaybinayey dhiig-rooreen, waxayna Khadiija dani ku khasabtay inay cadceedda waayadan dambe kululaatay ee Hargeysa ka gabood-sato shal-mad yar oo khafiif ah oo ka mid ah dharkii uu odaygeedu debedda uga keenay. Intaa wixii ka dambeeyey Khadiija waxay ka mid noqotay asxaab cusub oo ah bahda laasintay balwadda is-qurxinta. Sidaa darteed saaxiibadeedii markii hore ku dacaayadayn jirey Khadiija madow ee ugu baaqi jirey inay is cadayso, waxay bilaabeen sheeko cusub, waxayna yidhaahdeen ”Naa yaa dheheen ma aragteen inay shanta isa saartay oo ay jidhkeedii ka shaqaysay oo ay iminka tahay Khadiija cad ”. Wixii intaa ka dambeeyey Khadiija waxay dhex gashay As-xaab ay baahidoodu badan tahay, dabadeed-na shaxaadka ayaa ku batay, iyada lafteeduna maadaama ay noqotay qof balwad leh waxay noqotay qof kharash badan, taasina waxay keentay inay meeshii wax yari ugu guntanaayeen-ba soo furo ilaa ay xaaladdu gaadhay inay biilkii reerka u isticmaasho balwadeedii. Marwo Khadiija waxay ka mid ahayd dadka daawooyinka caadiga ah qaarkood xasaasiyadda ka qaada, laakiin way iska ilowday ama waxa laga yaabaa inaanay ogayn ama garanayn-ba in waxan ay isticmaalaysaa ay yihiin alaabooyin kiimikal ah oo iyaga laftoodu jidhkeeda ku keena kara xasaasiyad, iyadoo laba sannadood ka hor mar laga daweeyey xanuunka kaneecada ay ku diiqadootay dawooyinkii la siinayey, taas oo ahayd xasaasiyad ay ka qaaday daawooyinkaa. Marwo: Khadiija markii ay bal-wadii is qurxinta laasintay waxa jidhkeedii meeliba meesha ay ka jilicsan tahay, gaar ahaan wejiga ku heermay ama qariyey baro guntan, laakiin way sii dhex gashay balwaddii, waxaynu jidhkeedii gelisay hanti badan iyo tamar badan si ay mar uun u hesho midab casaan ah. Hase yeeshee way ku adkaatay inay gaadho quruxdii ay doonaysay, sida darteed marb marka ka dambaysta waxay sii dhaxashay nabaro badan oo haaro mad-madow yeeshay, weji cawlan oo ay xididii qarsoonaa debedda joogaan iyo guntimo dhiig-roor leh oo hoosta ka madoobaaday. Marwo: Khadiija intii hore marna is-may odhan nolol aduunyo inta ay tiro le’eg tahay waxaad ka wer-weri doontaa jidhkaaga, laakiin hadda waxay talo kaga ururtay inay jidhkeeda uun ka fekerto, waxaana nafteedii hadheeyey hammi iyo wal-bahaar aan jim-cis lahayn, taas oo ay habeen iyo maalin-ba noqotay qof mashquulsan oo uu nafteeda culays saaran yahay. Khadiija caruurteedii ayaa dareentay inay hooyadood dhibaataysan tahay, su’aalihii ay caruurteedu waydiinayeen ee ay lahaayeen “ Hooyo maxaa beryahan ku helay ee aad la mashquulshay ”, laakiin ma hayso jawaab ay siiso, taasina waxay keentay in labada qof ee ciyaalkeeda ugu korrani ay yidhaahdaan “Hooyadayo way buktaa.” Waayo, waxay arkeen hooyadood oo aan kadinka guriga meel-na u dhaafayn, isla markaana waxay wejiga ku shareeray maro xijaab ah oo aanay hore u xidhan jirin, taas oo xataa cid kale daayoo aanay caruurteedii wejiga siin karayn. Marwo: Khadiija waxay is lahayd qurux korodhso, laakiin waxay heertay quruxdeedii, waxayna nafteedii badday kadeed, dabadeed-na iyadoo ay xaaladeedu sidaa tahay ayaa la gaadhay xiligii uu saygeedu fasaxa ku iman jirey, taas oo uu Raage maalintii dambe madaarka Berbera ka soo degay, isaga oo la socda diyaarad ay leedahay shirkadda DAALLO AIRLINE, laakiin Raage kuma hakan Berbera ee wuxuu markiiba u soo gud-bay dhinaca Hargeysa, isaga oo u soo deg-degaya bohol-yaw uu u qabo ooridiisa iyo ubadkiisa oo uu muddo ka maqnaa, laakiin markii uu gurigiisii kadinka ka soo galay waxa uu isha ku dhuftay gabadh xijaaban, dabadeed-na indhaha ayuu cabaar la sii raacay, wuuse aqoonsaday inay ooridiisii Khadiija tahay, wuxuuna u qaatay inay diiniyan u xijaabatay ,taasna wuu ku farxay, dabadeed-na waxa uu hadal ugu horaysiiyey oo uu yidhi “Waa Illaahay mahadii mar hadii dabeecad-wanaagaagii ku darsatay dhaqan diimeed”, intaa markuu yidhi ayey Khadiija oo cod itaal darani ka soo baxayo waxay iyana tidhi “ walaal Illaahay ma ku nabad keenay”. Daqiiqado ka dib waxa gurigii soo galay labadii qof ee ugu roon-roonaa caruurta il-ma Raage, waxaynu aabahood ku salaameen “ aabo hooyo way xanuunsanaysaa oo finan bay yeelatay, wayna cadaatay”, dabadeed-na markii ay caruurtiisu sidaa ku tidhi dareen baa galay, waayo wuxuu isu gaystay muuqaalkii ka muuqday ooridiisa iyo hadalka ay caruurtiisu ku salaantay, laakiin markiiba wuu ogaaday xaqiiqda, ka dib-na muraayadda ayaa jabtay markii uu arkay ooridiisii oo bedeshay midabkii uu markii hore ku cal-maday ee uu ilaa haddana ku jeclaa oo uu xataa ay naftiisu u bohol-yoobi jirtey maal-maha uu maqan yahay. Raage wuu gar-waaqsaday inaanay marwadiisu ku dhacday wixii muddo badan ka waanin jirey,isla markaana arag inaanay fah-min dookhiisa ee ay wax qal-dan is tustay, wuxuuna fah-may in mas-kaxdeedii la maamulay oo madaxeedii minjo loo rogay oo ay quruxdeedii sidaa ku suulisay, waxaynu taasi noqotay arin aanu qaadan Karin, dabadeed-na waxa uu talo ka wadi waayey inuu furo,wuuuna furay, sida ayuuna ku burburay Qoyskii dad iyo duunyaba aadka u ladnaa. Laakiin Raage waxa uu markiiba u gole fadhiistay gabadh leh midabkii uu dookhiisu jeclaa ee uu Khadiija ku xushay, kaas oo ah maariin dhalaal madow xiga, wuxuuna Raage hadda qaba gabadh la yidhaahdo Cibaado-madow. Ta kale caruurtii ay Khadiija u dhashayna waxa uu qaar u kaxeeyey debedaha, qaarna weli Hargeysa ayey joogaan. Sidoo kale marwadii ay waayois jeclaayeen ee caruurtana u dhashay marwo Khadiija waxay ku sugan tahay magaalada Hargeysa, waxaana la sii fogaatay Bal-waddii ay waaliftay ee isticmaalka daawooyinka kiimikalka ah ee la isku qurxiyo. Hadaba sheekadan iyo kuwa kale oo badaniba waxay tusaale u yihiin dhibaatooyinka laga dhaxlo bal-wadda is qurxinta, taas oo ah dhaqamada inagu cusub, laakiin taa macneheedu ma aha inay dumarka oo qudhi la yimaadeen dhaqamo dhaliil leh, waxaase iyana jirta dhaqamo badan oo rag iyo dumar-ba ka muuqday waayadan dambe, kuwaas oo dhaqan ahaan, saynis ahaan iyo dhaqaale ahaanba dhaliilahooda leh, loona baahan yahay in dib looga fiirsado. Hase yeeshee marka dhinacyo badan laga eego bal-wadda isticmaalka daawooyinka la isku qurxiyo ee kiimikalka ah, isla markaana markhaati laga dhigto dhacdooyin badan oo sannadihii, bilihii ama maal-mihii ina dhaafay dhacay, waxay xaqiiqdu tahay inay bal-waddaa natiijadeedu tahay “ qurux badso, qurux beel bay bay leedahay ” ama si kale hadii aynu nidhaahno “wax badso, wax beel bay leedahay ”. ODHAAHDA AKHRISTAHA Sidee Loo Maamulaa Sixitaanka Imtixaanada? Markaynu ka hadlayno macnaha horumar sida ay sheegto xaddaaradda reer galbeedku ama caalamku maanta taagan yahay, tiirarkiisa ugu waaweyni waa cilmiga uu xambaarsan yahay caqligii ku haboonaa. Qarnigii 17aad ee kacaankii Wershadaha ayay reer Yurub oo adeegsanaya xaddaaradda reer galbeedku ay heshiis ku gaadheen in ay hantiyaan dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee adduunka, iyagoo bar-tilmaameed ka dhiganaya Qaaradda Afrika, sidoo kalena waxay isla meel dhigeen in ay qaybsadaan dhammaan dhulweynaha Afrika, waxay haddana mar labaad baadi-goob u galeen sidii ay u hantiyi lahaayeen dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee Qaaradda, sida; macdanta iyo shidaalka, sidoo kale waxay bar-tilmaameed ay ku duulayaan ka dhigteen in ay helaan khayraadka ay daad-guraynayaan, Saylado ganacsi oo ay u iib keenaan. Haddaba, waxaa konton sanno ka hor hoy iyo adoonsi ku joogay Somaliland, gumaysi uu horsed u ahaa Ingiriisku, gumaystahaasina isagoo adeegsanaya aqoon la’aanta bulshadii hore ee Somaliland iyo hogaamiyayaashoodii qabaa’il baalna iskaga riixeen caqligii iyo cilmigii wakhtigaas, waxaa iyaguna kadib wakhtigii xornimo-doonkii ku dhaqdhaqaaqay laba xisbi oo reer Somaliland lahaayeen, lana kala odhan jiray SNL & NUF, sida xaqiiqdu tahayna labadaas xisbi way kala aqoon iyo waayo aragnimo badnaayeen, mid dalkuu u cararayay, midina dantiisuu u cararayay. Sidoo kale, waxay mararka qaarkood iskaga hor iman jireen danta guud ee dalka iyo aayaha dambe ee mustaqbalka. Xifaaltankoodiina waxaynu ku waynay deeq uu gumaystuhu uu inoogu talo-galay oo ahayd dhakhaatiir, iskuulo iyo jaamacado. Haddaba, iyadoon aqoontu aanay ka maarmin caqliga caafimaadka qaba, ayaa haddana waxaa maanta caado inoo noqotay in shaqaalaha dawladeena ay u bataan kuwo ku jooga goobahay ka hawl galaan hab qabaa’il ama hab qaraabakiil, waxaa dhacda mararka qaarkood in masuul qaran marka xilka loo dhiibo uu kala dareeriyo shaqaalaha isla muddo yar oo gaabana uu dib u soo shaqaalaysiiyo qaraabadiisa. Haddaba isku soo duuboo, ilaa 1991-kii waxay wasaarada waxbarashadu soo maraysay wakhtiyo kala gedisan, iyadoo la jaan-qaadaysay hadba duruufaha ku gadaaman, waxay mararka qaarkood soo martay laga soo bilaabo in derbiyada dunsan ardayda ay dhigan jireen daasado, gidaaradana loo midabayn jiray, si ay halkaa duruustooda ugu qaataan, maantana dalku wuxuu marayaa in dalka ay ka hawl-galaan laba Jaamacadood iyo tiro aad u badan oo Dugsiyada sare ah oo gobolada dalkoo dhan ilaa heer degmo. Haddaba inta badan markay ardeydu ku jiraan dugsiga dhexe, waxay in badan ka fikiraan sidii ay u heli lahaayeen Dugsiga Sare, markay dugsiga sare ku jiraana siday u heli lahaayeen Jaamacado. Barte guul-darada ardayda haysata maanta ardaygii waxbarasho, ayaa kama dambaysta ku dambeeya qoomamo iyo ciil, inta badan waxa dhacda mararka qaar in ay ardaydu ka haajiraan imtixaanka kama-dambaysta ah ee Dugsiyada, iyagoo tirsanaya sababo cadaalad-darro oo kaga yimaada Imtixaanka, hadday noqoto xaga diyaarinta hore oo aan lagu salayn manaahijtii ay soo qaateen oo wax cusub dusha lagaga keeno oo uu Ajanabi soo diyaariyay, iyana waxay cabasho badan ka muujiyeen xaga qaadista imtixaanada oo inta badan hadigaad iyo hagardaamooyin badan kaga yimaadaan macalimiinta iyo askari aan xuquuqdaa ardaynimo garanayn, sidoo kale waxaa iyaduna hawsha ugu culus tahay, dib-u-sixidda dambe ee imtixaanaadka, waana goobta qudha ee ardaydu ka tirsadaan cadaalad-darrada ay sababtayna maanta ardayda Hargeysa joogta ee Dugsiyada Sare dhigataa tiradoodu dhammaan lix boqol oo arday iyo in ka saraysaa ay dib ugu soo noqdaan maanta afar boqol iyo waxaan gaadhin, waxyaabahaa ay ku cawdaan ardaydu, waxaa ka mid ah; haddii ardaygu u baahdo inuu arko imtixaankiisii looma ogolaado, haddii ay dhacdana waxaa la yidhaa lacag lagugu tuso keen, waana hab ka baxsan qaanuunka ardaynimo iyo sharciga caalamiga ah, waxaanuse maanta Xukuumadda leenahay yaanu arrinkiinu noqon “KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR,” waa in aanay isku mid noqon ninka suuqa jooga iyo ardayga iskuulka. Waa in ardayga soo dhammaystay tacliintiisii la gudoonsiiyaa shahaado sharaf lagu aqoonsado wuxuu soo dhigtay, haddii kalese waxba kama duwana ninka suuqa jooga. Aqoon la’aani ma hayso masuuliyadda wasaarada, balse hagrasho badan ayaa taalla, waxaanse Xukuumadda iyo goloyaasha dawladda iyo wasaarada waxbarashada lafteeda in dib u habayn lagu sameeyo hawlaha agaasimka imtixaanka, waalidiintuna waa in ay joogteeyaan una kuur galaan waxyaabaha ay ka cabanayaan ubadkoodu. Waxaan ku soo gunaanadayaa qoddobadan hoos ku qoran: 1. In la abuuro guddi ka dhaxaysa Wasaarada Waxbarashada, guddiga Waalidiinta iyo guddi dhexdhexaad ah, sida; ganacsato, culimaa-u-diin. 2. Sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa hawlaha imtixaanaadka iyo cabashooyinka ardayda. 3. Sidii aan dib-u-dhac ugu iman sannad dugsiyeedka cusub, sidii hore u dhacday. 4. In la helo goobo cusub oo rasmi ah oo dugsi sare ama Jaamacadeed oo kuwii hore u jiray aan ahayn sababtoo ah korodhka ardaydoo sii batay. 5. In iyana wax laga qabto ardayda aan awoodin soddonka dollar ee Jaamacadda ee fee-ga ah. 6. In ay ganacsatadu ogaadaan waxbarashada iyo da’yarta oo ay u qalabeeyaan, una dayactiraan sida; laababka iyo kiimikooyinka. 7. Iyo in ay dawladaha hoose awdaan baahiyaha aasaasiga ah ee Macalinka. Mawliid Saleebaan (Mawliid Ilka-case), HargeysaFAHAMKA CAAFIMAADKA AIDS Waa Cudur Da’ Wal Oo Dadka Ah.. Bishii July ee sannadkii 1999 ayaa markii ugu horraysay Somaliland la falan-qeeyay Aids-ka dhibaatadiisa caafimaad. August 1999, ayaa madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu tilmaamay in Somaliland muhiimadda koowaad ay siiso la dagaalanka Aids-ka. 28-29 September 1999, waxaa Hoteel MAANSOOR ee magaalada Hargeysa lagu qabtay seminar-kii wacyi-gelineed ee ugu horreeyay Somaliland ee lagaga hadlo cudurka Aids-ka, waxaana ka soo qaybgalay mudane Daahir Rayaale Kaahin madaxweynaha Somaliland ee hadda oo markaa ahaa madaxweyne ku xigeen. Guud ahaan seminaarada iyo wacyi-gelintooda ku saabsan cudurka Aids-ka ee lagu qabtay Somaliland, waxaa laga hadlaa wacyi-gelinta waxyeelada iyo siyaalaha uu u faafo cudurkaasi. mid ka mid ah siminaarada lagaga hadlay Aids-ka oo lagu qabtay Huteel Maansoor 13 September 2000, oo ay qaban-qaabisay hay’adda (Hope World Wide), waxaa ka hadlay Mr. Mark Dthenwelles, waxaanu sheegay in astaamaha ka soo baxa qofka uu hayo xannuunka Aids-ku ay ka mid yihiin abiteed-ka cunista raashinka oo qofka ka lunta, miisaanka qofka oo luma hoosna u dhaca, xummad, afka iyo debnaha oo xannuuna, maqaarka jidhka oo ay ka soo daataan baro mad-madow oo aan qofka jidhkiisu hore u lahayn, qufax, xundhur shuban leh, indho-xannuun, iyo qofka oo u nuglaada qaadista cudurka loo yaqaan qoor-gooyaha (Meningitis). Sannadkii 1991-kii, waxaa cudurkaa laga helay Somaliland hal qof oo keli ah, taas oo ahayd haweenay uur lahayd, laakiin sannadkii 1997, waxaa cabirka dadka qaba xannuunka Aids-ka ee Somaliland lagu qiyaasay saami dhan 5% dadkii yimi goobaha caafimaadka ee la baadhay. Dhammaan qoraalada iyo siminaarada lagaga hadlay cudurka Aids-ka ee ka dhacay Somaliland waxay guud ahaan tilmaameen in cudurkani uu 90% ku faafo qaabka galmada qof cudurkan qaba oo la kulma qof aan hore u qabin, dhiiga uu ku jiro fayraska HIV oo lagu shubo qof kale ayaa isna kaalin muhiim ah ka qaata faafitaanka cudurka, hooyooyinka u buka cudurka Aids-ka ee uurka yeesha ayaa iyaguna inta badan u gudbiya ilmaha uurka ku jira. Ilaa hadda waxa jira daawooyina aan si kama-dambays ah u daawaynayn cudurka Aids-ka sida daawada AZT, DDI-DDC, Protease, Cocktails, Nevaripine. Waxaa iyaguna jira tallaalo tijaabooyin lagu sameeyay, waxaase dhacday inuu fayraska keena Aids-ku ee HIV, uu yeeshay astaamo cusub, oo aan hore loo aqoon, taas oo ah isbeddel xeeladeed uu sameeyo, isaga oo adkaysi iyo difaac cusub yeesha, kaas oo ka duwan kii lagu xisaabtamayay markii la bilaabay cilmi-baadhista tallaal ee ku jihaysan. Arrintan oo keentay inaan ilaa hadda lagu guulaysan tallaal lagaga hortago Aids-ka. Bulshooyinka caalamka ayaa loo soo jeediyay inay qaadaan tallaabooyin lagu yaraynayo faafitaanka cudurada lagu kala qaado galmada ee loo yaqaan “STD” sida Jabtida, Xabbadda iwm. Tan labaad waxa loo baahan yahay in dadku ay si mutadawacnimo ah ay isu baadhaan, si ay isaga hubiyaan inay qabaan Aids-ka iyo inkale, si ay ugu saleeyaan hab-dhaqankooda dambe. Waxaa arrin muhiima ah joojinta wixii qalab qalliin ah ee lagu isticmaalayo dad kala duwan oo aan la hubin inay qabaan cudurka Aids-ka iyo inkale, sida kan lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah iyo xataa in caadadaaba laga tanaasulo si loo ilaaliyo caafimaadka hablaha oo ah hooyooyinka beritoole. Caawi Qofka Wer-Wersan Ee Isku Buuqsan Duruufaha adag iyo kuwa farxadda leh la kulankoodu waa arrin mar walba siyaalo kala duwan ula soo derista qofka, wxaana loo baahan yahay inuu qofku u aqbalo duruufta adag sida uu wanaaga ugala naaloodo maalmaha wanaagsan ee noloshiisa soo marta. Haddii aad meel ku wada-nooshihiin qofka ku jira duruuf adag marka la eego dareenkiisa in uu qofkaasi gaadhay heer aanu samayn karayn dhaq-dhaqaaq shaqo ama uu goostayba inaanu hadlin laba go’aan keebaad qaadan lahayd? In aanad fara-gelin iyo inaad fur-furto si aad u fahmi karto mushkiladda qofkan ku keentay inuu wer-wero oo ay maskaxdiisu isku buuqdo, sidaana uu kaga baxo noloshii caadiga ahayd ee bulshada. Labada talaabo tii aad qaadayso adigaa u xor ah, laakiin sabab banii-aadamnimo awgeed waxaa suurtogal ah inaad caawin karto si uu qofkani uu uga baxo xaaladdan adigoo qaadaya tallaabooyinkan. · Isku day inaad qofkan la hadasho isna uu hadlo, uga sheekee dhacdooyinka wer-werka leh sida looga guulaysto, guul-darrooyinka nololeed ee qofka la soo dersa iyo siduu uga dabaasho iyo inaan macnuhu ahayn haddii mar iyo dhawr jeerba ay noloshu kugu adkaato inaanad weligaaba sidaa ahaanayso, ee lagaba yaabo in waqti aad qofka ugu wanaagsani uu ku soo fool leeyahay haddii uu samro. · Tijaabi inaad qofkan geliso fir-fircooni iyo dhaq-dhaqaaq, waayo qofka xaaladdan ku jiraa wuxuu noqdaa caajis aan waxbaba xiisaynayn, arrintan oo sii kordhisa wer-werka iyo buuqa qofka ku furan, waxa ugu fudud ee qofka dar-dar gelin karaa waa adiga oo ku dhiiri-geliyo inuu nadiifsado halka uu ku nool yahay, taas oo muujinaysa in qofkan ugu yaraan uu hawl-maalmeed qaban karo. Haddii ay arrintani sii socoto oo uu qofkani isku bedeli waayo tallaabooyinkan muddo laba toddobaad ah, markaa ku tallaabso sidii aad ula raadin lahayd dawo wax ka tarta duruuftan la soo deristay qofkan, haddii qaab-dhaqankani uu faafo waxaa suurtogal ah inay kor u kacdo is-caawinta bulshadeen dhexdeeda, taas oo wax-tar weyn leh. WAADIGA CIYAARAHA Isla-Weynidii Yurub Wadhi Bay Ku Dambaysay Korea (Haatuf) – Waddanka Koonfurta Kuuriya ayaa markii ugu horraysay taariikhda wac-daro ka muujiyay tartanka 17aad ee koobka adduunka, kadib markii ay si lama filaan ah ugu soo gudubtay wareega ugu dambeeya is-reeb-reebka. Dhallinyarada u ciyaarta Korea waxay rigoorayaal (3-5) ku reebtay waddanka Isbaanishka oo ahaa kii ugu dambeeyay waddamadii loo saadaalinayay hanashada koobka. Kooxda Korea oo aan cidiba tirida ku darsan ayaa cagta marisay inta badan waddamadii saadaashu dul saarnayd, oo u badan kuwii ka yimi qaaradda Yurub, gaar ahaan waddamada Portugal, Italy iyo Spain, oo dhammaantood ahaa kuwii ugu hadal-haynta badnaa marka la falanqaynayo cidda ugu dhow ee ku guulaysan karta. Marka laga tago kooxaha aynu soo sheegnay, waxa kale oo ay dhulka dhigtay waddanka Poland oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay ku bilowday guul-darrooyinka ay u xambaarisay madaxyo-weyntii Yurub. Ilaa hadda waxay ciyaartay shan kulan, afar ka mid ah oo ay la yeelatay kooxo ka socda Yurub way ka badisay, kooxda keliya ee ay is-barbareeyeen waa xulkii waddanka Maraykanka oo ay barbaro ku kala nasteen kulankoodii dhexmaray oo ahaa kii labaad ee wareega koowaad. Inkasta oo dhulkoodii lagu ciyaarayo oo ay kaalmo weyn ka helayaan ciidooda iyo taageerayaashooda oo sida roobka hadheeyay garoomada ciyaartu ka dhacayso, haddana waxay dadka ciyaaraha ka faaloodaa ku tilmaameen rooxaan aan caadi ahayn. Kulankoodii ugu horreeyay waxay 2-0 ku dhirbaaxeen Poland, kulankii labaadna waxay barbaro 1-1 ku kala baxeen xulka Maraykanka. Kulankii saddexaad ee wareegii ugu horreeyay ayay bilaabantay muuqashada Korea, kadib markii ay 1-0 dhulka ku dhigtay kooxda ay u saftaan dhallin-yarada dahabka ah ee Portugal. Korea oo kaalinta kowaad kaga soo baxday qaybta ‘D’, waxay isku soo beegmeen waddanka Talyaaniga oo isna ka mid ahaa waddamadii ugu rajada weynaa dunida. Hase yeeshee, waxay markale ku dhigtay waq-cad lagama kacaan ah, waxayna Talyaanigii ku sagootiday 2-1, kadib markii ay goolka dahabiga ah ka dhalisay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray. Korea, iyada oo aan marna laga badin ayay kulankii siddeeda rigoorayaal 3-5 ah ku dhirbaaxday Isbaanishka oo ahaa waddanka labaad ee wada badiyay dhammaan ciyaarihii uu yeeshay. Guushaa ugu dambaysayna waxay keentay inay qaaradda Aasiya gaadhsiiso kaalinta afraad oo aanay weligeed hore u gaadhin koox ka socota Aasiya. Sidoo kale, kooxda Turkiga ayaa markii ugu horraysay soo gaadhay wareega kama-dambaysta ah oo aanay weligeed ugu soo dhowaan. Turkigu waxay 1-0 kaga badiyeen Senegal oo wac-daro ka dhigtay ciyaaraha oo ay markii ugu horraysay kasoo qaybgashay. Afarta waddan ee u soo gudbay wareega ugu dambeeya midkoodna talada cidiba kuma darsan, laakiin saadaashii oo ka lumay ayaa ka dhigtay in kuwii la filayay ay ka adkaadaan waddamo qarsoon. Korea waxay kulanka kama-dambaysta loogu gudbayo wada yeelanayaan Jarmalka, halka ay Turkiga wada ciyaarayaan Brazil, oo ay isku qayb ahaayeen wareegii koowaad ee tartanka koobka adduunka. Waddanka Isbaanishka ayaa la odhan karaa waxaa la kulantay nasiib-darro weyn, waayo ciyaarta inteeda badan isaga ayay gacanta ugu jirtay, waxaana laga diiday laba gool oo ay dhaliyeen waqtigii lagu jirtay ciyaartii xamaasadda badnayd ee 120-ka daqiiqadood ay labada wadan ku tartamayeen. Xulka Isbaanishka ayaa caddaalad xumo ka tirsanaya qaabka garsoor ee wax loo maamulay. Maaha markii ugu horraysay ee waddan reer Yurub ahi ka cawdo dhex-dhexaadiyeyaasha kooxaha u garsooraya. Waddanka Talyaaniga ayaa laba goor cabasho ka muujiyay hannaanka garsoor. Waddanka Turkiga ayaa isna ahaa kii ugu hor dhawaaqay markii uu caddaalad darro ka tirsaday kulankii koowaad ee dhexmaray Brazil. Waddanka Isbaanishka ayaa noqday kii saddexaad ee reer Yurub ah oo cabasho ka soo bandhigay garsoorayaasha. Waa markii ugu horraysay ee in muddo ah waddamada Yurub laga maqlo cabashooyin noocan oo kale ah, hadda kahor waddamadii laga caban jiray waxay ahaayeen kuwo Yurub oo ay marar badan dhacday in siidhiga loogu hiiliyay. Senegal oo kulankii shalay lagaga gacan-sarreeyay ayaa ka mid ah waddamada xaq-darrada tirsanaya, sidoo kale Maraykanka ayaa ku jira waddamada kooxohooda khaladka garsoor laga galay. Iyada oo la odhan karo sannadkan cidina kamay badbaadin xaq-soor xumada jirta, ayaa waddanka Brazil si khaldan kaadhka cas loogu taagay Ronaldinho oo aan u qalmin oo ka maqnaan doona kulanka wareega ugu dambeeya oo ay maalinta Arbacada wada yeelanayaan xulka Turkiga. Si kastaba ha ahaatee waddamada Turkiga iyo Korea ayaa si weyn ugu dabaal-degaya guulaha ay markii ugu horraysay kooxohoodu u soo hooyeen. Korea, oo damaashaadka bilowday toddobaadkii hore markay ka badisay Talyaaniga ayaa markale sii laban-laabtay dabbaal-degyada ay ku soo dhaweynayaan guusha u soo hoyatay waddankooda oo marba marka ka dambaysa rajadiisu kor u sii kacayso. Waxay kulanka soo socda wada yeelanayaan Germany, tii badisaana waxay u gudbi doontaa ciyaarta kama-dambaysta. Turkiga Oo Bakhtiiyay Faynuuskii Afrika U Baxayay Weeraryahanka xulka Turkiga Ilhan Mansiz, ayaa dhaliyay goolka dahabiga ah ee Turkigu kaga adkaaday Senegal oo ay ku wada ciyaareen magaalada Osaka ee dalka Japan. Turkiga oo u soo gudbay wareega ugu dambeeya ee afarta kooxood waxay isku soo beegmeen Brazil oo ay ku wada jireen qaybta ‘C’. Dagaalka ay isku haleeleen labada waddan ee sida yaabka leh ku yimi wareega siddeeda, waxay ku guul-darraysteen in mid waliba ta kale bara-dheerayso. Inkasta oo Turkigu ku soo baxay gool uu dhaliyay waqtigii dheeraadka ahaa, kaas oo uu u saxeexay Ilhan Mansiz, oo kubbad gudub ah ka helay Umit Davala daqiiqaddii afraad ee waqtigii dheeraadka ee ciyaarta lagu daray. Senegal oo isku dayday inay ku najaxdo hanaankii ay kaga badisay Faransiiska kulankii furitaanka ayaa ku toosi weyday inay ku tallaabsato derejo hore leh oo aan Afrika ka gaadhin ciyaaraha FIFA. Labada kooxoodba bilowgii waxay muujiyeen weeraro qaayo badan. El Hadji Diouf-ka Senegal iyo Hasan Sas oo Turki ah ayaa kala hoggaaminayay weerarka labada dhinac, inkasta oo Diouf iyo Yildiray Basturk mid waliba fursado halis ah ka helay xerada abaal-marinta dhexdeeda haddana mid waliba intaanu ka bogan halkii uu dhigi lahaa ayuu laaday. Senegal ayaan ku guulaysan inay bilowdo gool-dhalinta, kadib markii Khalilou Fadika kubbad uu laaday uu dhaafiyay goolhaye Recber Retsu, uu arkay Henri Camara oo joojiyay. Inkasta oo Camara kubbadda shebega dhex dhigay haddana goolkii looma oggolaan oo waxaa lagu sheegay mid offside ah. Hakan Sukur oo markasta gool-dhalinta hoggaamin jiray, balse aan ilaa hadda wax goolal ah ka dhalin tartankan ayaa helay fursado dahabi ah, hase yeeshee mid keliya ugama faa’iidayn kooxdiisa oo ka fursado-hel badnayd Senegal. Kubbaddii ugu fiicnayd oo uu ka helay qiyaas goolka u jirta ilaa lix mitir ayuu lumiyay, kadib markii uu ku turunturooday. Xaaladdiisa ayaan ka soo rayn oo sidii uu ahaa qaybtii hore ku sii socotay, wuxuu lumiyay fursad kale, markuu uu Ergun Penbe kubbad dhulka dul-xaabaysa dhanka bidix uga soo gudbiyay, taas oo Sukur markale ku guul-daraystay inuu goolka ku hagaajiyo. Omar Daf, ayaa ka badbaadiyay kubbad uu Basturk dhaafiyay goolhayaha Senegal inyar kahor waqtigii nasashada. Qaybtii labaadna waxay ku bilaabatay sidii tii hore, iyada oo labada dhinacba heleen fursado khatar badan. Diouf ayaa khasaariyay fursad laad xor ah oo loo dhigay daqiiqaddii 53aad ee qaybtii dambe, markii uu kubadda birta dul-mariyay, inyar kadib ayuu Basturk helay fursad bannaan ah oo uu kubadda la dhexmaray difaaca, balse ugu dambayntii markuu laday ayay cuskatay mid ka mid ah difaaca. In muddo ah markii ay is cel-celinayeen ayuu Turkigu waqti dambe hantay maamulkii kubadda. Waxay u muuqtay in guushu raaci doonto, hase yeeshee waqtigii caadiga ahaa wuxuu ku dhammaaday goolal la’aan. Turkiga oo aan marna dedaalkiisii ka hadhin ayaa helay fursaddii uu ku dhaafay Senegal oo kulankaa laga cad-cadaa, markii waqtigii dheeraadka ahaa socday afar daqiiqadood oo keliya ayuu Umit Davala kubbad kasoo wal-waalay baalka bidix ee ciyaarta, kadibna kula soo eertay Ilham Mansiz, oo qaybtii dambe ee ciyaarta beddelay Hakan Sukur. Henri Camara ayaa ku sigtay in waqtigii dhammaado, oo isna uu markii labaad ku guulaysto inuu waddankiisa u dhaliyo goolkii dahabiga ahaa, hase yeeshee Retsu, ayaa iska hortaagay oo ka joojiyay kubbad uu weeraryahanka deg-dega badani ku kala diri gaadhay Turkiga daqiiqaddii 92ad ee ciyaarta. Turkiga ayaa u baahday afar daqiiqadood oo keliya inuu ku soo gunaanado ciyaartii aan waxba la isula hadhin. Ilhan Mansiz, oo ka il-sugtay halkay u jilicsan tahay Senegal ayaa kubbadda uu helay shebega dabaalsiiyay, sidaana ku damiyay faynuuskii keli ahaa ee u bidhiiqiyay qaarada Afrika oo wareegii horeba lagu jiidhay kooxaheedii kale ee afarta ahaa. |