Haatuf, Cadadki 105, June 30, 2002

Aamuska Rayaale Iyo

Loollanka Xukuumadda Dhexdeeda

“Wasiiradda Qaarkood waxay u haystaan Madaxweyne Rayaale Nin ay khal-khalin karaan”

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo muddo 58-maalmood gaadhaysa laga joogo, markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa waxa soo ifbaxaya hoos u dhac ku yimi xakamihiii kala dambaynta masuuliyadeed ee dawladda, isla makaana waxa weli la dhawrayaa isbedel uu Madaxweyne Rayaale ku sameeyo Golaha Xukuumadda ee talada haya oo ah mid uu hore u soo dhisay Madaxweynihii geeriyooday.

Siday tibaaxeen warar laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-dalloola arrimaha dawladdu, intii ka dambaysay geeridii Madaxweynihii hore waxaa xoog isu-dhimay isku xidhnaantii shaqo ee xafiisyo badan oo kuwa Xukuumadda ah. Wararku waxay intaa ku dareen in Wasiiradda qaarkood ay u muuqdeen dhaqan ahaan, qaar kala go’doominaya isku xidhnaantii shaqo ee maamulka ee taxnaa ilaa Madaxweynaha, ragga loollanka noocaas ah wadaa waxay u badan yihiin sida la sheegay, qaar aanay isku san-bannaanayn Madaxweynaha cusub Daahir Rayaale Kaahin, intuu jagadan hayay iyo intii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaaba, isla markaana waxa la sheegay in xubnahani yihiin qaar awoodo badan lahaa intii uu noollaa Madaxweynihii hore, sidaa aawadeedna aan jeclaysan dhaarinta Daahir Rayaale Kaahin xilka loogu dhiibay.

Siday wararkaasi tibaaxeen, xubnahan oo wasiiro iyo masuuliyiin kaleba isugu jiraa waxay ciyaarayaan hab ay ku waabinayaan Madaxweyne Rayaale, si aanu isugu deyin inuu meesha ka saaro, taas oo ay si weyn uga shaki qabaan, balse aan ilaa hadda dhicin. Arrintani waxay sababtay sida muuqata, loollan Xukuumadda dhexdeeda ah iyo hab-dhaqano kale oo aan la arki jirin intii uu noollaa Madaxweynihii hore.

“Wasiiro badan ayaa u muuqda sidii Madaxweyne-yaal aanay cidiba ka saraynin intii Madaxweynahan cusubi talada hayay.” Sidaa waxa ku dooday illo xog-ogaal ah oo la socda xaalka Golaha Xukuumadda iyo sida hawlaha maamul u socdaanba.

Ficilladda hoose ka sokow, masuuliyiinta dawladda qaarkood, ayaa meel fagaare ah ka muujiyay dhaawaca gaadhay anshaxa kala dambaynta maamul ee Madaxda dawladda. Doodda arrintani waxa kale oo ay dhextiilay maalmahanba goobaha lagu kulmo, waxaanay muran ka dhex-dhalisay dadka arrimaha Siyaasadda la socda.

“Wasiiradda qaarkood waxay u haystaan in Madaxweyne Rayaale yahay masuul aan ku-dhac lahayn oo ay ku khal-khalin karaan xeellado ay ugu muujinayaan halis, si ay meesha u sii joogaan.”

“Sidii ay uga waaban jireen Madaxweynihii hore, hadda kama muuqato.” Weedhahaa iyo qaar kale oo badaniba, waxay qayb ka yiniin doodo ay dadku isweydaarsanayeen. Badi dadka faaqiddaada mawduucan ka qayb-galay, waxay farta ku fiiqayaan in ficiltanka noocan oo kale ahi uu wiiqi karo hawlaha Qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, ayaan ilaa hadda samaynin isbedel dhinaca Xukuumadda ah, kaas oo hadal-hayntiisu soo noqnoqotay, balse aan weli soo bixin. Siday sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay illo xog-ogaal ahi, waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynuhu soo saaro isbedelka Xukuumadda marka uu ka soo laabto safar la filayo inuu dhawaan ku tago dalka Itoobiya. Waxay wararku intaa ku dareen in isbedel uu Madaxweynuhu ku tallaabsadaa uu yahay, furaha keli ah ee meesha ka saari kara mushkiladaha huursan ee Xukuumadda dhexdeeda.

Golaha Wakiiladda Iyo

Ajandayaashii U Dambeeyay Ee Lagu Soo Qaado

Hargeysa (Haatuf): Laba qoddob oo uu mid ku saabsan yahay nin Mudane ah oo ay xeer-ilaalintu soo eedaysay, qoddobka kalena ku saabsan yahay moosin ay koox mudanayaal ahi soo jeediyeen oo ku saabsan idaacad muran ka taagan yahay ayaa shalay la soo hor-dhigay fadhigii Golaha wakiilada, laakiin mid-na go’aan lagama gaadhin , waxaana go’aan ka gaadhistooda dib loogu riixay fadhiyada dambe.

Mudanaha ay xeer-ilaalintu soo eedaysay oo ah Mudane Axmed Cabdi Kaahin waxay xeer-ilaalintu eedaynta mudanahaa u sibir-saartay tuhun la xidhiidha inuu ku lug lahaa asaayaha nin kal hore lagu dilay magaalada Hargeysa, waxayna xeer-ilaalintu dhowaan ka soo dal-batay aqalka wakiilada in mudanahaa laga xayuubiyo maamuuska xilka Mudanenimo si ay suurtagal u noqoto in lagu oogo eedda loo haysto, laakiin markii ay arintaasi soo gaadhay Golaha wakiilada waxa loo saaray guddi mudanayaal ah oo baadhis ku soo sameeya eedda lagu xidhiidhinayo mudanahaa, taas oo ay guddigaasina Golaha dib ugu soo celiyeen natiijada baadhistoodii, sidaa darteed waxa uu ku talo-galku ahaa inuu goluhu fadhigiisii shalay go’aan ka gaadho arinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin, taas oo la damacsanaa inuu goluhu cod u qaado  qoddobka maamuus ka xayuubinta mudanahaa ee ay xeer-ilaalintu soo codsatay, iyadoo go’aanku noqonayo in la meel-mariyo codsiga xeer-ilaalinta iyo in la diido. Hase yeeshee go’aan ka gaadhista arintaa fadhiga maanta ayaa dib loogu riixay, ka dib markii uu buuxsami waayey kooramkii ama tiradii looga baahnaa in lagu go’aamiyo arintaas oo kale, taas oo ay maamuus ka xayuubinta mudanuhu ku ansaxayso saddex meelood oo meel tirada Golaha wakiilada.

Guddigii mudanayaasha ahaa ee loo xil-saaray soo xaqiijinta eedda ay xeer-ilaalintu ku soo oogtay Mudane Kaahin, ayaa iyaguna laga soo xigtay inay baadhistoodii ku soo waayeen wax raad ah oo xaqiijinaya eedda loo haysto mudanahaa.

Qoddobka ku saabsan moosinka waxa soo qadimay 38 Mudane, waxayna Golaha wakiilada kaga dal-banayaan in guddi mudanayaal ah loo saaro idaacad dhowaan dalka la keenay, laakiin ay xukuumaddu diiday ogolaanshaheeda, taas oo ay mudanayaasha moosinka soo dhigay ku dac-wiyayaan ama leeyihiin waa inay guddigaasi baadhis ku sameeyaan mac-luumaadka idaacaddaa iyo sababta ay xukuumaddu u diiday ogolaanshaheeda.  Hase yeeshee gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo fadhiga gudoominayey ayaa madasha ka sheegay inaanay dhinaca xukuumadda ka hayn wax war ah oo arinta idaacaddaa ku saabsan, sidaa darteed waxa uu Mudane Qaybe Golaha u soo jeediyey inay haboon tahay in laga war sugo xukuumadda, taas oo ay mudanayaashuna la qaateen, iyadoo la isla gartay in marka dhinaca xukuumadda laga helo war sugan oo arinta idaacaddaa ku saabsan, ka dib uu goluhu ka tashado moosinka ay kooxda mudanayaasha ahi soo dhigeen ee ku saabsan idaacaddaa.  Hase yeeshee lama oga warka cusub ee idaacaddaa ku saabsan ee ay wakiiladu sheegeen inay ka sugayaan dhinaca xukuumadda waxa uu yahay, waayo xukuumaddu horaantii bishan ayey soo saartay go’aan ay gebi ahaanba ku mam-nuucayso keenista iyo lahaan-shaha idaacadaha gaarka ah, iyadoo uu go’aankaasina ka dambeeyey muran cirka isku shareeray oo ka dhashay imaatinkii idaacaddaa, taas oo uu muranku ku saabsanaa cidda idaacaddaa iska leh ee dalka soo gelisay iyo sharciyadda ay idaacaddaasi dalka ku soo gashay, waxayna sheekada idaacadaasi saamaysay dhinacyo kala duwan, dhinacyadaana waxa ka mid ahaa Akaademiyadda cilmi baadhista iyo horumarinta nabadda Somaliland oo ay xarunteeda tahay Hargeysa , iyadoo ay warar bilowgii soo if-baxay tibaaxeen inay hayaddaasi ku lug lahayd keenista idaacaddaa, laakiin Akaademiyaddu way iska fogeeyeen arintaa, waxayna si adag ugu doodeen inaanay haba yaraatee wax lug ah ku lahayn amuurta idaacaddaa keenis iyo lahaansho midna.  Hase yeeshee ilaa hadda ma jirto cid rasmi ah u qiratay ama u sheeegatay lahaan-shaha idaacaddaa , laakiin waxa lahaan-shaha idaacaddaa iyo keenisteedaba lagu xidhiidhinayaa nin la yidhaahdi Mustafe Yuusuf Ismaaciil, balse muddo toddobaad gaadhaysa oo ahayd horaantii bishan Juun oo ay oognayd dood ba’an ku saabsan qadiyadda idaacadaa Mustafe mar qudha wax jawaab ah kama bixin arintaa.

Dhinaca kalena koox mudanayaal ah oo ka tirsan Golaha ayaa ka mid ah dhinacyada ay sheekada idaacaddaaasi raadaysay, kuwaas oo la sheegay inay si dad-ban ugu lug leeyihiin, iyadoo waqtigan xaadirka ahna la aaminsan yahay inay mudanayaashaasi yihiin, kuwa dabada ka wada moosinka cusub ee shalay Golaha la soo dhigay, laakiin ilaa hadda lama oga halka iyo sababta ay mudanayaashaasi kaga xidhan yihiin sheekada idaacaddaa.

“Dadka Dekedda Boosaaso

U Leexday Waa Cashuur-Diid”

Shir-Jaraa’id – Eng. Cali Xoor-xoor

Berbera (Haatuf): Maareeyaha dekedda Berbera ENG: Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo maamul oo dhowaan loo jeediyey hanaanka maamul ee dekedda uu Maareeyaha ka yahay ee Berbera, wuxuuna Cali Xoor-xoor arintaa kaga hadlay shir jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay khamiistii ina dhaaftay ee 27-kii Juun 2002, iyadoo arimaha uu Cali Xoor-xoor jawaabta ka bixiyey ee maamulkiisa lagu dhaliilay ay mid yihiin maamul-xumo iyo musuq-maasuq ay dhowaan qaar ka tirsan madaxda ururada siyaasaddu u jeediyeen .

Eng: Cali Xoor-xoor isaga oo ugu horayn if-tiiminaya sababta uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Waxaan la yaabay qolooyin syaasiyiin ah oo maal-mahan dambe dekedda aad uga hadlay, siyaalo kala duwana uga hadlay, iyaga oo jaraa’idka aniga wax igaga sheegay, aniga oo aah garanayn halka ay xogta ka heleen”, laakiin maareeyuhu, isaga oo jawaabta dhaliilaha loo jeediyey maamulkiisa ku soo dhowaanaya waxa uu yidhi “ Mid baan doonayaa inaan cadeeyo, una iftiimiyo dadweynaha Somaliland, ma jirto dhibaato aan ahayn dhibaatadii ay xayiraadda xooluhu ku keentay dekedda oo dekedda ku timi, lamana helayo dhibaato ku saabsan maamul-xumo iyo musuq-maassuq  oo dekedda ka jirta, isla markaana lama helayo meelo kale inoga leexday”.

Maareeyaha dekedda Berbera waxa uu ku dooday inay waqtigan xaadirka ah jaban yihiin tac-riifadaha dekedda wax lagaga cashuuraa, wuxuuna yidhi; “Tac-riifadihii 93-kii iyo kuwa maanta ee dekeddu aad bay u kala jaban-yihiin, masalan 94-kii ayaa ugu horaysay ururin aanu ururino badeecadaha so dega, waxayna ahaayeen 229,000 Tone, sidoo kale sannadkii 2000 waxay ahaayeen 55400 Tone, taana muddo 8 sannadood ah ayaa u dhexeysa, waxayna noqotay laban-laab, tacriifadiina meel hoosaysa ayey maraysaa, taana waxa iiga marag ah dadka ganacstada ah, dhibaatada ay xayiraadda xooluhu ku keentay dekeddana waa wax la wada garanayo mar hadii ay xoolaha oo ahaa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka ay is-taageen, taasina waxay keentay inay, iyaguna yaraadaan wixii debedaha laga keeni jirey”.  Hase yeeshee maareeyuhu waxa uu qiray inay jiraan dad ganacsato ah oo wax kala soo dega dekedda Boosaaso, laakiin sababta ay ganacsatadaasi Boosaaso ugu leexdeen waxa uu ku tilmaamay oo uu yidhi “Waanu ognahay inay jiraan dad ganacsato ah oo wax kala soo dega Boosaaso, sababtana uma aragno inay tahay inay Berbera uga tageen maamul-xumo ee waxaanu u aragnaa inay sababta ay Boosaaso ugu wareegeen tahay cashuur diid, waayo Markabku marka uu dekedda Berbera isa soo taago waxa rar ka dejinta la bilaabaa 7:00 subaxnimo, waxaana la wadaa ilaa 2:00 habeenimo, taasna waxa looga dan leeyahay si loo yareeyo mudada uu Markabku dekedda taagan yahay”.

Eng: Cali Xoor-xoor waxa kale oo uu yidhi “ Dekeddu waa hal-bowlaha dhaqalaha dalka, wayna u furan tahay dhammaan ganacsatada Reer-Somalilaand iyo kuwa kale ee dalalka aynu jaarka nahay, balse waa inuu qofku iska bixiyaa cashuurta dalka wax loogu qabanayo, Anagu deked ahaan iyo Kastamka iyo Wasaaradda maaliyaddu in badan ayaanu shirar u qabanay ganacsatada si aanu wax uga qabano tabashadooda, balse waxa noo cadaatay inaanay wax kale jirin ee ay cashuurta uun diidan yihiin”.

Eng: Cali Xoor-xoor, isaga oo hibanaya hadal jaraa’idka lagu faafiyey oo uu gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-waraabe si ba’an ugu dhaliilay maamulka dekedda Berbera waxa uu yidhi; “Jaraa’idka waxa lagu qoray dekedda Berbera waxa ka jira nidaamkii Af-weyne, laakiin taa waxa aanu u aragnaa cay loola badheedhayo hayadaha dawladda, iyadoo ay nidaamka dekedda ka jira og-yihhiin ganacsatadu, balse ay siyaasiyiinta toodu tahay maqal uun, taasna waxa ka haboon inay talooyinkooda noo soo gud-biyaan, cidda in wax loo sheego ee la isugu tago u baahanina waa dadka Boosaaso tegay ee cashuurtii yarayd ee dalkiisa wax loogu qaban lahaa la baxsaday ”.

Ugu dambayna Maareeyaha dekeddu waxa uu shirkiisaa jaraa’id ku yidhi “Tan iyo markii 1993-kii marxuum Cigaal la doortay dekeddu 70% ilaa 80% waxay bixisaa miisaaniyadda iyo kharashaadka dawladda, sidaa darteed meesha ma yaal wax Musuq-maasuq ahi, waxaanuna ganacsatada ugu baaqaynaa inay kordhiyaan isticmaalka dekedda, anaguna waxaanu ku soo dhowaynaynaa gacmo furan”.

Intaa ka dibna Maareeyaha waxay weriyayaashu waydiiyeen su’aalo, waxaana ugu horayn la waydiiyey kharashaad badan oo ay ganacsatadu ku cawdaan inay uga carareen dekedda Berbera sababta ay wax uga qaban waayeen, wuxuuna su’aashaa kaga jawaabay “ Horta dekeddu waa macaash doon , dawlad la’aanta Somaliya ka jirtana Maraykanka intaa u jira ayaa ka qayliyey ee maxaad u malanaysaa inageenna intaa u jirna, marka hadii ay dhibaatada inaga tahay waxoogaa kontarabaan ah oo inaga soo gala, taasi waa sahalo, ganacsataduna waxay dekedda Boosaaso ku raacayaan nidaamka aan adkayn ee meeshaa ka jira”.

Maareeyaha waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd ganacsatadu waxay ku cabataa inuu qalabka wax lagu dejiyaa duug yahay iyo habka rogista oo liita, wuxuuna taa kaga jawaabay “ Dekedda Berbera waxa yaalla qalab ku filan rogista badeecadaha dekedda yimaadda, kuwaas oo shaqaynayey mudadii aan joogayba, mana jirto wax dhibaato ah oo taa ka yimaadaa rogistana waa lagu dhakhsadaa ilaa intii suurta gal ah, qalabkana aad baanu u daryeellaa”.

Waxa kale oo Cali Xoor-xoor la waydiiyey bal waxa ka jira khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo maamulka dekedda iyo Kastamka, wuxuuna yidhi “ Ma jiro wax khilaaf ah oo noo dhexeeya anaga (dekedda) iyo Kastamka waayo waxaanu nahay laba hay’adood oo dawladeed oo ay qolo waliba leedahay xil iyo masuuliyad u gaar ah”.

Taliska CID-Da Hargeysa

Oo Amray In La Qabto Cabdi-Farjar

Hargeysa (Haatuf): Taliyaha ciidanka baadhista dembiyada Somaliland (C.I.D) Daahir Muuse Abraar ayaa ciidankiisa ku amray inay qabtaan C/raxman Cismaan Cabdulle (Cabdi-farjar) oo ahaa nudane ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, laakiin oo uu Shir-gudoonka Wakiiladdu dhawaan ku dhawaaqay in saddex Mudane oo uu ka mid yahay laga saaray Golaha, ka dib markii ay muddo dheer ka soo xaadiri waayeen fadhiyada golaha, waxaana la filayaa inay ashkatada uu shir-gudoonku u qadimay CID-da la xidhiidho muran ka dhashay markii Cabdi-farjar uu shirguddonku Golaha ka saaray oo dhex maray Cabdi iyo Shir-gudoonka, gaar ahaan gudoomiye-kuxigeenka 1aad C/qaadir Jirde, iyadoo ay arintaa lafteedu maalin maal-maha ka mid ah muran ku saabsan cidda awoodda u leh go’aanka kama dambaysta ah ee eriga mudanayaasha Golaha laga saaray uu dhex-maray Shir-gudoonka  iyo koox ka tirsan mudanayaasha oo soo qadimay moosin ku saabsan arintaa.

Taliyaha C.I.D-du shan maalmood ka hor oo ahayd 25-kii Juun 2002, ayuu soo saaray qoraal uu ciidankiisa qaabilsan arimaha xuuraanka iyo baadhista ku amrayo inay qabtaan Cabdi-Farjar, laakiin sida ku cad qoraalkiisa taliyaha C.I.D-du waxa uu amarkiisa qabashadu ka dambeeyey qoraal ashkato ah oo uu xog-hayaha guud ee Golaha wakiilada Maxamed Xuseen (Mu’adinka) 24-kii bishan u gudbiyey taliska CID-da, qoraalkaas oo uu xog-hayaha guud ee wakiiladu ku dal-banayo in wax laga qabto Cabdi-farjar, isaga oo ku eedaynaya inuu Af-lagaado iyo Hanjabaad u gaystay gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane C/qaasir X. Ismaaciil Jirde.

“Tix-raac warqadda tirsigeedu TR/GW/X/110/02 ee 24.6.2002, kana soo baxday xog-hayaha guud ee Golaha wakiilada waxa la idinka codsanayaa inaad soo qabataan ninka magaciisu yahay C/raxmaan Cismaan Cabdulle( Farjar ) oo ka mid ahaan jirey Xubnaha Golaha wakiilada, haseyeeshee ka baxay” ayuu qoraalkiisa ku yidhi taliyaha CID-du.,isaga oo  eedda loo haysto ku tilmaamay in ay tahay aaf-lagaado iyo hanjabaad ah wax baan dilayaa.

Hase yeeshee Cabdi-farjar ilaa hadda lama qaban, wuxuuna jooga magaalada Hargeysa gudaheeda.

Qaar Ka Mid Ah Haweenka Siyaasiyiinta Ah Ee Somaliland Oo Isku Raacay Inay Ka Qaybgalaan Tartanka Doorashooyinka

 

 

Harg (Haatuf) – Dood-cilmiyeed ku saabsan barashada doorashooyinka iyo cod-bixinta oo ay ka qaybqaateen 35 haween ah oo ka tirsan ururada siyaasadda Somaliland ayaa Jimcihi lagu soo gebo-gebeeyay xarunta gabboodka haweenka NEGAAD ee magaalada Hargeysa.

Madasha dood-wadaagu ku dhexmaray haweenka siyaasadda u dhuun-daloola oo muddo laba maalmood ah socday, waxaa u diyaarisay gaboodka Negaad oo kulmiya ururo haween oo badan, waxaana intii doodu socotay lagu lafo-guray qoddobo doora oo ay ka mid yihiin; sidii haweenka Somaliland wax uga ogaan lahaayeen habka doorashooyinka iyo cod-bixinta, ahmiyadda doorashooyinka iyo sidii haweenku isugu diyaarin lahaayeen doorasho xor  iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca.

Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay sidii loo midayn lahaa, meelna la isugu keeni lahaa cududa haweenka kala filiqsan.

Inkasta oo haweenkii shirkaa isugu yimi ka tirsanaayeen ururada siyaasadda ee Somaliland, oo qaar ka mid ah afkaartooda siyaasadeed aad u kala fog tahay, haddana kama muuqan farqi ku wajahan siyaasadda ururada ay xubnaha ka yihiin.

Haweenka siyaasadda ku hawlan ee dood-wadaagtu dhexmartay ayaa isku af-gartay in dumarka oo aqoon ahaan ka hooseeya raga iyo diyaar-garow la’aan badan oo jirta darteed, aanay waqtigan suuro-gal noqon karin inay isu taagaan kursiga madaxweynimada. Sidaa daraadeed, waxay sheegeen inay isla qaateen ka qayb-galka tartanka doorashooyinka, iyaga oo wejiga hore ka qayb-qaadanaya doorashooyinka heerka hoose, sida golayaasha degaanada ee dawladaha hoose, badhasaabada iyo maayorada iyo weliba kuraasta Baarlamaanka.

Khadra Maxamed Cabdi, oo ka mid ah ka qaybgalayaashii doodaa, isla markaana ka tirsan urur-siyaasadeedka Ilays, ayaa bilow fiican ku tilmaantay duruusta ay qaateen muddadii labada maalmood ahayd, iyada oo intaa ku dartay inay jirto baahi weyn oo haweenku u qabaan sidii kor loogu qaadi lahaa mustawaha ay hadda joogaan.

Marwo Caasha Mxamed Axmed, oo ku xigeenka gaboodka haweenka Negaad ah, ayaa hadal kooban oo ay ka soo jeedisay gunaanadkii shirkaa, kula dardaarantay sidii haweenku u buuxin lahaayeen kaalintoodii siyaasadeed oo ay mid madhan ku tilmaantay.”Waxaan filayaa in aydaan dib dambe sacab ugu tumi doonin oo aad la xisaabtami doontaan xisbiyadiinii markaad dib ugu laabataan goboladiinii,” sidaa waxa tidhi Marwo Caasha oo carabka ku adkaysay siday haweenka uga go’antahay ka qaybgalka tartanka doorashooyinka dalka.

Canab Cumar Ileeye, oo ka tirsan urur-siyaasadeedka HORMOOD, oo iyana tilmaantay sida haweenka looga qadiyay mansabyada siyaasadda hoggaanka dalka, iyo maamulka intaba. Marwo Canab, waxa kale oo ay carabka ku dhufatay inaan dumarku helin doorkii war-baahineed, si bay tidhi ay u iftiimiyaan xuquuqdooda ka maqan, iyada oo sii hadlaysana waxay tidhi; “Waxaanu u baahanahay in loo sinaado warbaahinta, waxaanu u baahanahay inay nasoo gaadho oo haweenku qaybtooda ka qaataan, gaar ahaan Radio Hargeysa.” Iyada oo ka hadlaysa kaalinta dumarku kaga jiraan siyaasadda Somaliland waxay tidhi; “Waxaad moodaa in dumarku daba-dhow yahay oo aanay kaalin toos ah ku lahayn siyaasadda.”

Sidoo kale, Carfi Jaamac Cali oo ka tirsan ururka UDUB, ayaa cabsi ka muujisay sidaan raggu waxba ugu oggolayn haweenka, iyo kala daadsanaanta haweenka.

Carfi, oo ka soo jeeda degaanka gobolka Sool, waxay haweenkii halkaa isugu yimi ku guubaabisay inay dhexda xidhaan, fadhigana ay ka kacaan, maadaama aanay jirin cid wax u soo wadaa.

Marwo Carfi, waxa kale oo ay kula talisay inay u tabobartaan sidii kaaderiyiinta, haddii kale aanay cadkooda dhacsan karin.

“Waxaa naloo tabobaray inaanu noqono haweenkii badhasaabada iyo maayorada ka noqon lahaa gobolada iyo degmooyinka dalka,” ayay tidhi Carfi, oo daah-furtay siday haweenku diyaar ugu yihiin kaalina uga qaadan lahaayeen tartanka doorashada oo la filayo in dhawaan dalka laga qabto.

Waa Sidee Xaaladda

Maamul Ee Degmada Gebilay?

 

Gebilay (Haatuf): Degmada Gebilay oo ka mid ah degmooyinka waaweyn ee gobolka Hargeysa waxa lagu majeertaa inay ka mid tahay degmooyinka dalka ugu dakhliga baddan, laakiin su’aasha is-waydiinta lihi waxa weeye dakhligaasi ma wada daboolaa adeegyada kala duwan ee ay bulshada degaankaa ku dhaqani uga baahan yihiin maamulka gacanta ku talada degmadaa.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay Maxamed Cumar, ayaa guud ahaan-ba waayihii ay soo martay iyo xaaladaha kala duwan ee ay degmadaasi hadda ku sugan tahay ka soo diyaariyey war-bixin dheer oo qoraal ah, wuxuuna ku bilaabay:

“Magaalada Gebilay xiligii uu Somaliland ka talinayey Mustac-markii Ingiriisku ayaa markii u horaysay loo aqoonsaday Degmo-yar (Sub-district) laga xukumo degmada Hargeysa oo iyaduna ka mid ahayd 6 degmo oo waaweyn oo uu Mustac-markii guud ahaan u qaybiyey xuduudaha maamul ee dhulka Somaliland, laakiin mar dambe ayey Gebilay qaadatay degmo buuxda, waxayna hadda muddo dheer ahayd degmo ka tirsan gobolka Waqooyi Galbeed (Gobolka Hargeysa), balse degmada Gebilay mudadii ay jirtay waxay soo martay xaalado iyo mar-xalado kala duwan oo uu mid waliba muuqaalkiisa gaarka ah leeyahay.

Degmada Gebilay waxa degaan ahaan hoos yimaadda dhul balaadhan, waxaana meelahaa ka soo gala dakhli badan, laakiin sida looga bartay caadada ama qaabka ay maamuladu u shaqeeyaan heerka ay doonaan ha noqdeene, maamulka degmada Gebilay waxa uu ka kooban yahay qaybo iyo waaxo u xilsaaran ama qabta adeegyo kala duwan sida: Waaxda biyaha, Xafiiska Wasaaradda waxbarashada, sal-dhigyada iyo laamaha booliska, waaxaha garsoorka (Maxkamadda iyo xeer-ilaalinta) iyo dhamaan qaybaha kale ee qaabilsan hawlaha iyo adeegyada maamulka degmada, iyadoo uu xafiiska sare ee maamulka dawladda hoose yahay xafiiska ugu muhimsan.  Hase yeeshee xafiisyadaasi isku adeeg iyo isku hawl-qabad ma aha ee waxay u qaybsan yihiin noocyo badan oo ay ka mid yihiin: qaar hawli ka socoto oo ilaa intii suurtagal ah u shaqeeya sidii ku talogalku ahaa, qaar aad moodo in mushaharka uun lagu sugo, qaar ay duruufo laba dibleeyeen oo wax badan itaal u waayey, qaar Al-baabada loo xidhay iyo qaar meeshaba ka maqan oo la iska ilaaway jiritaankooda.

Meelaha adeegyadooda la majeerto waxa ka mid ah Laanta nabad-gelyada wadooyinka (Traffic), Garsoorka iyo Maxkamadda degmada oo ku shaqaysa awood heer gobol, laamaha Wasaaradda maaliyadda (Kastamka, Cashuuraha beriga iyo xisaabaadka), Laanta baanka iyo Xafiisyada ama qaybaha waxbarashada iyo caafimaadka, laakiin dhinaca kalena meelaha lagu dhaliilo inay xilalkoodii adeeg gabeen waxa, iyaguna ka mid ah: Xafiisyada wasaaraadda beeraha, dib-udejinta, boosaha iyo is-gaadhsiinta iyo meelo kale.

Sidoo kale meelaha aan waxba hag-ran laakiin wax badan awood ay ku fuliyaan waayey waxa ka mid ah xafiiska daaqa iyo horumarinta degaanka, xafiiskaas wax dakhli ah waxa soo gala cashuur uu ka qaado dhuxusha oo ay Faraasiladii dhuxusha ahayd ka qaadaan 250 SH.SL ah, laakiin waxyaalaha uu xafiiskani la cadillan yahay ee uu u waayey itaal uu wax kaga qabto waxa ka mid ah: Xaalufinta lagu hayo dhirta la gubayo ee dhuxusha lagala soo baxayo iyo ilaalinta dhul-daaqsimeedka.

Sidoo kale Xafiisyada ama Wasaaraddaha aad moodo in la iska ilaaway ee meeshaba ka maqan waxa ka mid ah xafiisyadii Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Dhinaca kale degmada Gebilay waxa ku yaal madaar (Airport), madaarkaas-na waxa markii ugu horaysay la furay sannadkii 1992-kii, wuxuuna noqday goob wax soo saar iyo adeeg oo si xoog leh u shaqayn jirtay, laakiin taasi hadda way is-bedeshay.

Sida ay ii sheegeen saraakiil xog-ogaal u ah arimaha madaarkaa, waxa bilaha bad-xidhanka dakhli gaadhaya ilaa $75000 US-dollar, halka ay bilaha bad-furankana ka soo xeroon jirtey ilaa $35000 US-dollar bishiiba, tusaale ahaan badeecadaha ganacsi ee ay ganacsatadu kala degi jireen madaarkaa waxa halkii toddobaad ka soo xeroon jirey ilaa 120-milyan oo shillin Somaliland ah.

Dhinaca kale ilaa kontameeyo qof ayaa shaqaale ka ahaa madaarkaa, iyadoo ay intaa dheerayd dad badan oo ka xoogsada hawshii meesha ka socotey iyo dad badan oo ka ganacsan jirey dhaqdhaqaaqii madaarka ka socdey.

“Bishii ilaa 5000 Birr ayaa I soo geli jirey” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii ka ganacsan jirey dhaqdhaqaaqii madaarka. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee sannadkii 2001 ayey Wasaaradda duulista hawadu gebi ahaan-ba albaabada u xidhay madaarkaa, adeegyadii uu qaban jireyna loo soo wareejiyey madaarka Hargeysa, laakiin waxa la sheegay inaanu dakhligii madaarka Kalabaydh ka soo xeroon jirey sidii uu ahaa uga muuqan madaarka Hargeysa, iyadoo uu madaarka Kalabaydh hadda yahay sidii guri laga guuray beri hore, taas oo ay joogaan shaqaalihiisii, dadweynihii ka ganacsan jirey dhaqdhaqaaqiisana indhaha ayuu isku qabsaday ganacsigoodii welina waxay quudaraynayaan bal in wax is-bedelaan.

Inkasta oo uu hadda meesha ka baxay dakhligii degmada Gebilay ka soo geli jirey Madaarka Kalabaydh, haddana waxay degmada Gebilay dakhli badan ka heshaa Kastamka Kalabaydh, laakiin dawladda hoose Kastamka oo keliya kama hesho dakhli ee sida caadiga ah waxay dakhli badan ka heshaa cashuuraha maalin-laha ah iyo kuwa bilaha ama sannadka lagu qaado sida Ardiyadaha dhismayaasha IWM, oo aanay dawladda hoose wax cashuur ahi ka baaqan, qofka hore u bixin waayana waxa meheradda ama guriga uu degan yahay lagaga jebiyaa quful weyn, waxaana cel-celis ahaan lagu qiyaasaa dakhliga dawladda hoose ee Gebilay ka soo gala cashuuraha saddex biloodka, lix biloodka iyo sannadlaha ah ilaa 15 milyan oo Shillin Somaliland ah.

Sida ay sheegayaan qiyaaso la sameeyey cel-celis ahaan dakhliga dawladda hoose ee degmada Gebilay bilkasta sida tooska ah ugu soo xerooda waxa lagu qiyaasaa in ka badan 12 milyan iyo kabka dawladda dhexe ay dawladda dhexe ka hesho bil-walba oo isna gaadhaya ilaa dhar iyo toban milyan bishiiba.

Inkasta oo uu dakhliga soo gala dawladda hoose ee Gebilay u muuqdo mid buuran haddana dhinaca kale waxa muuqata baahi maamul oo aan yarayn, tusaale ahaan waxa mararka qaarkood shaqaale ka cabanaya dhinaca mushaharka sida shaqaalaha biyaha oo hoos yimaadda maamulka dawladda hoose, laakiin aan muddo bilo gaadhaysa aan mushahar la siin.

Degmada Gebilay maadaama ay tahay meel ay degaamada beeruhu ku badan yihiin waxa jira Cagafyo tiro badan oo ay maamulka degmadu ka masuul yihiin, laakiin marka laga reebo tiro yar Cagafyadaa intooda badani waa hawl-gab, waxayna intooda badani u fadhiyaan dayac-tir aan ka bad-nayn hal bool ama dhawr bool oo uu qiimahoodu yahay wax aad u yar, iyadoo hadii la dayac-tiro ay wax badan ka tari lahaayeen wax soo saarka iyo adeegyada degmada, intaas oo qudhana ma aha dayaca muuqdaa ee inkasta oo uu maamulka degmadu shaqeeyo, haddana waxa jira meelo badan oo farta lagu godayo oo uu dayac-maamul ka muuqdo, lagana sugayo inuu maamulka dawladda hoose wax ka qabto.

Laga soo bilaabo tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda oo hadda laga joogo ilaa 12 sannadood maamulka degmada Gebilay waxa iska bedelay ilaa 6 maayar, waxaana ugu dambeeyey Maayarka hadda xilka haya Xasan X. Yuusuf oo ah nin markii labaad ku soo noqday jagadan, taas oo uu hore u ahaa maayarkii u dambeeyey ee degmadaa, waxaana lagu xantaa inuu yahay nin ku wanaagsan xagga hawlaha maamul ee xafiiskiisa iyo abaabulka dadka, laakiin dhinaca kale lagaga fiican yahay dhinacyada shaqo abuurista iyo wax soo saarka”.

Maxaad ka ogtahay Dabeecadaha Ka Dhexeeya Gelbiska Aroosyada Iyo Soo Gelinta Qaadka?

A.A.Garas

 

Caweysin dambe oo inta shaqo iyo shaqaaqoba laga soo hoyday, ka dibna inta Illaahay la magan-galay guryaha hoosta laga xxidhay oo ay dadkii fiid-horraadka seexday ilaa laba sar-dho iska rogeen ayaa waddo gurigayga duleedkiisa ah waxa soo maray raxan baabuur ah oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa Afartameeyo baabuur oo yar-yar.

Baabuurtaasi waxay ahaayeen, kuwo sanka isku haya oo ku soconaya xawaare sare, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen oo ay shidayeen laydhka cas ee loo isticmaalo waxyaalaha dhiillada ah, waxaase ta ka sii dar-naa gur-xanka iyo reenka guuxa baabuurta iyo san-qadha kulul ee hoonka aan kala go’ lahayn oo ay dhammaantood ka cisiinayaan.

Guuxa xooggan iyo san-qadha kulul ee baabuurtaas iyo weliba sawaxanka iyo gur-xanka dadka baabuurtaa saarani waxay sababeen inay dadkii guryaha hurday caruur iyo cirooleba hurdada ka selelaan, waxaase ugu naxdin bad-naa caruurta qurbaha ka timi, kuwaas oo markii ay maqleen hoonka kor u dhawaaqaya ee baabuurta u qaatay inay magaalada rabshado ka dhaceen oo la kala qaxayo, waayo magaalooyinkii ay ka yimaadeen kuma ar arki jirin hoon kor u dhawaaqaya oo habeenimo la isticmaalayo, laakiin keliya hoon kulul oo kor u dhawaaqaya waxay maqli jireen xiliyada ay dhiillooyinka iyo rabshaduhu jiraan. Hase yeeshee dadka magaalooyinka hore ugu noolaa waxa laga yaabaa hurdada oo ay ka saseen mooyaane inaanay sidaa ula yaabin, waayo markiiba way iska garteen inay ammuurtu tahay gel-bis aroos, balse waxay dadku ka sinnaayeen  saska iyo karaha ay kala kulmeen san-qadha xoogga leh iyo hoonka kulul ee baabuurta iyo dadka hawsha gel-biska wada, taasina waxay ahayd fir-kanax iyo barakac maskaxeed oo habeenkaa iyo habeenno badan oo kale soo gaadhay dad badan oo ku gudo jirey xiligoodii hurdada iyo nasashadoodii habeenimo.

Marka aad eegto gurdanka, hoonka aan kala go’ lahayn, socodka xawaarihiisu sareeyo ee aad moodo in col dabada kaga jiro waxay baabuurta arooska gel-binaysaa meelo badan ka shabah-daa baabuurta qaadka magaalada soo gelinaysa oo aan orodkoda iyo san-qadhooda toona loo aabo yeelin taas oo ay xataa ugu daran yihiin marka ay xaafadaha iyo suuqyada magaalooyinka badhtankooda marayaan.

Dadka guryaha hurda oo keliyi arintaa ma dareemin ee xataa dadkii marayey ama fadhiyey agagaarka wadadaa ayey, iyagana xasiloonidii dareenku ka luntay oo ay maskaxdoodu ka diday sanqadha badan ee ka baxaysa kolonyada baabuurta ah ee meesha is-baacsanaysa.  Sidaa darteed dadkii guryaha ku jiray ee ama soo jeeday ama hurdada ka kacay iyo dadkii wadada iyo agagaarkeeda ku sugnaaba inta ay dhegaha is-qabteen ayey cay iyo habaar arooskii ku miiseen.

Qaar ka mid ah dadkii habaaramayey waxa weedhihii ay ku hadaaqayeen ka mid ahaa “ Hoodh la isu kiin mari oo ha isku raagina, inkaari idinku dhacday iyo weedho. ”

Sida la ogyahay damaashaadka iyo dabaal-degga aroosyada lagu qaabilaa ma aha sheeko cusub ee weligeed-ba waxay ahayd wax jirey, laakiin dhaqanku sida uu hadda yahay ma ahaan jirinee wax baa is-bedelay oo waxa jira bal-wado iyo dhaqamo cusub oo waayadan dambe inagu soo biiray. Sidaa awgeed hadii aynu wax yar dib u milicsano sidii uu waayadii hore, gaar ahaan xiliyadii ay bulshadeenu u badnayd nolosha miyiga ahaan jirey hab-dhaqanka aroosyada iyo gelbisku, waxa jiri-jirtey in gel-bisska arooska laga dhigi jirey casar-gaabkii abaara 5:00 ilaa 5:30 galab-nimo, dabadeed-na marka ay dhalinyaradu kayn cidla ah oo aan cidina joogin cayaar ka tun-taan ilaa caweysinka ayaa la kala hoyan jirey, laakiin hadda marka aad eegto dhaqanka aroosyada waxa gel-biska la bilaabayaa ilaa 10:00 habeenimo iyo wixii ka dambeeya.

Sida aynu guurku waa shay lagama maar-maan u ah nolosha aadamaha, kaas oo ay diinta islaamku aad uga faallootay wanaagiisa iyo xik-madda uu dadka ugu fadhiyo, taas oo ay qofka lama huraan ku tahay inuu guursado xiliga haboon ee noloshiisa,wuxuuna ka mid yahay nimcooyinka ugu waaweyni ee aadamaha Illaahay ugu deeqay, waana dhaqan dunida oo dhan ka jira, iyadoo hadii aanu guur jirin ay mar hore tafiirta aadamuhu go’I lahayd.  Sidaa darteed, ninka iyo gabadhu marka ay is-guursanayaan waxay uga dan leeyihiin inay aayahooda nololeed dhisaan oo ay noqdaan qoys meel degan oo ubad iyo khayr kaleba kala hela.

Sida la ogyahayna qoysku waa aasaaska ama unugga bulsho kasta oo meel degan, waxaana la yidhaahdaa wanaagga ama xumaanta bulsho kastaa waxa uu ku xidhan yahay had-ba inta ay wanaag ama xumaan leeyihiin qoysaska ay ummaddaasi ka kooban tahay, waxaana jira hal-kudheg ay dunida qaarkeed isticmaasho ah “Dadka qoysas wanaagsan ka koobani waxa uu had iyo goor yeeshaa dawlad ama qaran wanaagsan”, hal-kudhegaasina waxa uu muujinayaa sida ay isugu xidhan yihiin qoyska iyo bulsho-weyntu nolol ahaan iyo dhaqan ahaan-ba.

Sidaa darteed maadaama uu guurku nolol ahaan iyo dhaqan ahaan-ba qiimo weyn ku fadhiyo, waxaan ku talin lahaa dhawrkan arimood ee hoos ku calaamadsan:

·          Waxa haboon ama odhan lahaa waa in lammaanaha is-guursanaya la isugu arooso sida ugu fudud ee ugu dhibta iyo buuqa yar,

·          Waa in far-xad iyo ray-rayn lagu maamuuso xiliga aqal galka iyo gel-biska arooska, laakiin far-xadda loo samaynayo reerka arooska ah (Caruuska iyo Caruusadda) waa in laga ilaaliyo inay soo hoyso hadimo oo dad kale lagu ciyaaro far-xadooda iyo xiligoodii nasashada, lagana galabsado karaahiyo, waana in si habaysan oo aan fawdo ahayn loo maamulo dadka iyo gaadiidka ka qayb gelaya gel-biska.

·          Waa inaan labada qof ee is aroosanaya laga dareemin mus-rifnimo iyo dhaqan kibradi ka muuqato, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “ il iyo inshaaroba way jirtaa”.

Waxa kale oo iyana ila haboon in reerka arooska ah la gurya geeyo ugu dambayn marka ay qoraxdu godka gasho ama wax yar laga horaysiiyo, islamarkaana waxaan ku talin lahaa in gabadha iyo wiilka guriga ay ku aqal gelayaan lug lagu geeyo, iyadoo marka hore ay haboon tahay in guriga laga soo kaxaynayaa aanu guriga ay ku qal gelayaan ka fogaan masaafo ilaa boqol talaabo aan ka badnayn.

Akhristayaal talooyinkaa iyo kuwa kale oo dhaxal-gal ahba ma aha ra’yi aniga igu keli ah ee waa arin ka soo maaxatay dad badan oo culimo iyo codkar-ba leh, waxaana faalladayda ku soo af-jarayaa dhalinyarada xiligan joogta oo laga yaabo inay intooda badani garanayaan keliya sida la isu guursado, waxa fiican inay, iyadana talada ku daraan barashada iyo fahamka sida fiican ee la isu qabo.

Deeq Mishiinada Waraabka Ah

Oo Gaadhay Beeraleyda Degmada Gabiley

Hargeysa (Haatuf): Hay’adda Wadaniga ah ARDO, ayaa shalay u qaybisay 20 (labaatan) mishiin oo ah kuwa waraabka Beeraleyda dooxyada Huluuq iyo Agamso ee degmada Gebiley.

Mishiinadaa waxaa ku deeqday hay’adaha USAID iyo CARE.

Hawsha qaybinta mishiinadani waxay ka mid tahay mashruuca hay’adda (CARE) ee lagu magacaabo SCEP/CARE.

Xaflad ay ka soo qaybgaleen Madaxda degmada Gebiley, madaxa mashruuca SCEP, dadweynaha beeraleyda ah ee dooxyada Huluuq iyo Agamso, ayaa shalay Beeraleydaa loogu qaybiyay Mashiinadaas.

Beeraleyda labadaa doox, waxa hore u gaadhay caawimo loogu hagaajiyay 20 ceel oo kuwa waraabka beeraha ah.

Baakistaan Oo U Ballanqaaday $330,000 Cidii Soo Qabata 10-Nin Oo Loo Haysto Dilkii Weriye Maraykan Ah

Karachi (W. Wararka): Dawladda Baakistaan ayaa ansixisay liiska Toban nin oo ay dawladda Baakistaan uga shakisantay in ay dileen Weriye Daniel Pearl oo ka tirsanaa Jariiradda Wall Street Journal.

Tobanka nin ee loo haysto dilkii Daniel Pearl oo ahaa Weriye u Dhashay Maraykanka, waxaa kale oo loo haystaa in ay qarxiyeen oo ay bartilmaameed ka dhigteen, goobaha ay degen yihiin dadyowga ka socda wadamada reer galbeedka.

Dawladda Baakistaan waxay shaaca ka qaaday maalintii Sabtidii ee shalay, sawirada 10-nin iyo abaal-gud dhan 20, 000-Milyan oo Rubiga Baakistaan ah, una dhiganta $330,000 oo doollarka Maraykanka ah oo loogu ballanqaaday cidii soo qabata nimanka 10-ka ah ee ay dawladda Baakistaan doonayso in ay qabato.

Liiskan Kooxda tobanka ah, waxaa ugu horeeya ninka magaciisu yahay Asif Ramzi oo ahaa hogaamiyihii hore ee Kooxda lagu tuhunsan yahay in ay dileen Mr. Pearl oo lagu afduubay magaalada ku taal Koonfurta Baakistaan ee Karachi bishii January ee sannadkan, kadibna la dilay. Liiskan waxaa kale oo ku jira rag lagu tuhunsan yahay in ay fulliyeen Bamkii lagu qarxiyay Qunsuliyadda Maraykanka ee ku taal Karachi oo ay ku dhinteen 12 Baakistaaniyiin ahi, 14-kii Juun ee sannadkan. Ninka labaad ee la magacaabay waa Naveedul Xasan oo ku eedaysan Qaraxii Qunsuliyadda Maraykanka ee Baakistan. Waxaa isna la magacaabay nin la yidhaa Abdul-rahmaan Sindhi oo la sheegay in ay isku xidhnaayeen Saud Memon oo ah, nin ganacsade ah oo dhul uu isagu leeyahay laga helay Meydkii ninka Weriyaha ah ee la dilay (Daniel Pearl).

Sida ay sheegeen Booliska Baakistaan ee arrintan ku hawlan soo qabashada Ramzi ayay dawladda Baakistaan baahisay in ay ku bixinayso 3,000,000 oo Rupee, una dhiganta $50,000, halkii doollar wuxuu la mid yahay 60 Rubood oo ah lacagta Baakistaan.

Madaxweyne Bush Oo Xilkii

Uu Hore U Wareejiyay Dib Ula Wareegay

 

Washington (W. Wararka): Guriga cad ee Maraykanka ayaa shalay sheegay in uu Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush uu ku wareejiyay xilka Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mr. Dick Cheney.

Madaxweyne Bush, wuxuu xilka dib ula wareegay 9:24am kadib markii uu in ka badan 2 saacadood ku jiray qalliin xiidmaha lagaga sameeyay.

Xilwareejinta noocana, waxaa u fasaxaya Madaxweynaha Maraykanka Qodob (25) ee distuurka dalka Maraykanka oo sheegay in uu Madaxweynuhu xilka uu wareejin karo si mutadawacnimo ah haddii ay dhacdo xilli aanu hawshiisa gudan karin.

Waa markii 2aad ee taariikhda Maraykanka la isticmaalo qodobkan 25aad oo ka mid ah, qaybta saddexaad ee distuurka dalka Maraykanka. Mr. Ari Fleischer oo ah Afhayeenka guriga cad ee looga taliyo Maraykanka, ayaa sheegay in qalliinkan oo ay Bush ku sameeyeen koox dhakhaatiir ah, kana dhacay guriga Madaxtooyada ee Camp Divide aan laga helin wax burooyina iyo xannuun aan caadi ahayn toonna.

Qalliinka kadib, ayuu Madaxweyne Bush sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay hawl maalmeedkiisa uu ka wadi doono halka uu hadda ku sugan yahay ee loo yaqaan Camp David.

Madaxweynaha Kenya Oo Dedaalaya

In Dib Loo Dhigo Doorashooyinka Dalkiisa

Nairobi (W. Wararka): Madaxweynaha Dalka Kenya Daniel Arab Moi, ayaa ku dhawaaqay inuu taageersan yahay dalabka mudanayaasha xisbigiisa KANU ee ku saabsan in la kordhiyo, muddada baarlamaanka tan iyo inta ay gudiga dib u eegista dastuurku dhamaysanayaan hawshooda, si ay suurto-gal u noqoto in la qabto doorashooyinka oo uu qorshuhu hore u ahaa in ay dhacaan dabayaaqada sannadkan.

Guddida dib u eegista dastuurka, ayaa hore u sheegay in aanay ka gaadhsiinayn dhammaystirka hawshooda inta ka horraysa bilowga sanadka soo socda, taas oo keenaysa in dib loo dhigo doorashooyinka iyo in la kordhiyo muddada Xukuumadda iyo baarlamaanka, iyadoo uu wakhtiga Madaxtinimada Moi uu ku egyahay bisha January ee horaanta sannadka dambe ee 2003.

Madaxweyne Moi, wuxuu sidan ku sheegay xaflad loo qabtay Midowga Xisbiga KANU ee talada haya iyo Xisbiga ugu weyn mucaaridka oo ah Xisbiga Dimuqraadiga Wadaniga ah, taas oo la sheegay in ay dhabarjab ku tahay Axsaabta kale ee mucaaridka ah oo ku guulaysan waayay in ay samaystaan isbahaysi oo ay la tartamaan Xisbiga talada haya.

Hadalada uu ku dhawaaqay Moi, waxay ka hor imanayaan isaga oo hore u sheegay in aanu ku talo jirin in muddada loo kordhiyo, marka uu xilligiisu dhammaado iyo inuu taageersan yahay qabashada doorashooyinka xilligii loogu talo-galay.

Dalka Kenya, waxa uu ka mid ahaa wadamada Xisbiga kaliyihi uu ka taliyo, kaas oo ah Xisbiga KANU oo talada hayay muddo 38-sanno ah, balse sannadkii 1992-kii ayaa lagu dhaqan-geliyay nidaamka axsaabta badan, iyadoo la qabtay doorashooyin ay ku tartameen axsaab dhawr ihi, kuwaas oo uu Moi iyo xisbigiisa KANU dib ugu soo baxay.

India Oo Madaxweyne Muslima Dooranaysa

Warbixin – C/casiis Axmed Muuse, India

 

Dr A.P.J abdul kalam  oo  ah saynis yahanka  u sameeyay dalka India hubka wax gu,maada ee nucleary-ka ayaa xisbiyada siyaasada ee  dalka India isku raaceen in uu  noqodo ninka badali lahaa madaxweynaha imika ee India  president naryana, Abdul kalam oo ka soo jeeda magaalada Madaras ee gobolka Chenia ..ee  konfurta India ..waa nin  ku soo barbaray nolol aad u liidata..

Waxanu yaraantiisi ka shaqeyn jiray maqaayadaha shaaha iyo iibinta jaraa,idka abdul kalam waxa uu seexan jiray yaraantiisi darbiyada magaalada Madaras oo hoy u ahayd ..abdul kalam waxa uu ahaa nin jecel waxbarashada .oo uu waqti siin jiray markii uu dhameeyay wax –barashadii  dugsiga  dhexe waxa uu lacag u waayay in uu galo dugsiga sare. Laakiin walaashii oo   haystay waxooga dahaba ayaa u iibisay dahabkeedii. Sidaas ayaanu ku galay waxbarashadii sare ee schoolka. Mr abdul-kalam waxa uu galay kaalinta koowaad dugsiga sare. Waxaanay dawlada India u dirtay scholarship. Waxanu abdul kalam tagay wadanka RUUSHKA. Halkaas oo uu ka galay jaamacad military, waxanu dalkiisa India u soo hooyoy guul ka dib markii uu u sameeyay hubka nucleary-ka ah ee ay kula tartamayso PAKISTAN, ABDUL-KALAM..waxa uu sumcad ku yeeshay bulshada hinduuga ee dalka India u badan ka dib markii uu ku guulaystay sameynta hubka nucleary-ka

Abdul-kalam qof kasta oo hindi ahi waa uu u hanweyn-yahay waxaana loo yaqaan (missile man).. muu ahayn nin hadal badan  waxa uu  yahay qunyar socod .. laakiin nasiib darro abdul-kalam lama mid ahaan doono labadii madaxweyne ee muslimka ahaa ee soo maray dalka India Dr zakir husain iyo mr Fakrudin ali ahmed   kuwaas oo ahaa rag ku dheer diinta islaamka ..aadna u jeclaa dhaqankii rasuulka (scw)..xilligay madaxweynaha ka ahaayeen India. 

Laakiin  hadii loo eego abdul-kalam..Waa uu ka duwan yahay raggaa hore. Xagga islaamnimada ..abdul kalam waligii muu tukan. Waligii muu soomin, (Ramadan)  qur,aanka waligii muu akhriyin. Waxa uu akhriyaa kitaabka hinduga. Ee loo yaqaan (Gita) waxa uu xiiseeyaa xafladaha hinduga, ma yimaado xafladaha muslimka.  Abdul-kalam ayey ku tilmaamen muslimiinta dalkani in aanu noqon doonin mid lagu sasabo oo la yidhaa madaxweynihii ayaad leedihiine taageera xukumada India.DR rafiq zakaria.oo ah qoraa muslima ayaa u sheegay jaraa’idka in uu abdul-kalam magaciisa uun uu yahay muslim ee aanu muslnimo dhaqan u ahayn………….abdul-kalam madaxweynaha mustaqbalka dhow ee India Waxa loo doortay in uu dajiyo xiisada gobolka Gujarat ee u dhaxaysa muslmiinta iyo hindu-ga iyo xiisada Kashmir. Laakiin dadka wax ka faalooda waxa ay ku tilmaamen in aanu Dr kalam aanu maare u helayn arrinkaasi. Abdul-kalam waligii mu guursan..waxanu 13-ka BISHAN NOQONAYAA MADAXWEYNAHA  INDIA..LAAKIIN AWOODIISU WAY KOOBANTAHAY .RAYSAL WASAARAHA INDIA VAJPAYEE .AYAA KU TILMAAMAY ABDUL-KALAM NIN GEESIYA OO GUDAN KARA XILLKAN,

 Cabdi-Casiis Ahmed Mousa..Abdiaziz2@Hotmail.Com….India

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wasaaradda Waxbarashadu Way Ku Fashilantay Xilkay Ummadda U Haysay

Wasaaraddan Waxbarashada oo ah Wasaaradaha aasaasiga ah, kana mid kuwa ugu muhiimsan dalka, waxaan aaminsanahay in ay ku fashilantay xilkii ay ummadda u haysay sababahan awgood:

1.       Laga soo bilaabo 1991=kii ilaa maanta Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan marka la isu geeyo lixdeeda Gobol, dugsiyada ku kordhay waa 10 Dugsi, dadka dalka ku noolina maalintaynu qaxnay (1998) ilaa maanta waa labanlaab tiradoodu.

2.       Wasaaradda Qorshaheeda marnaba kuma darsato ama kuma jiraanba in dugsiyada dalka la kordhiyo, ama kuwii hore fasalo lagu kordhiyo, ha noqoto ama qaar cusub oo la dhiso ha noqotee.

3.       Wasaaraddu marnaba dalab dhinaca hay’adaha ah may qoran, dalabkaas oo ah in Wasaaraddu u baahan tahay in Dugsiyo la dhiso.

4.       Dugsiyadii hore waxaa dayactiray hay’adaha, kuwa cusubna hay’adahaa dhisay, wasaaradduna dugsi keli ah may dhisin.

5.       Wasaaraddu marnaba Maayarada dalka kamay dalban in la siiyo dhulka danta guud ah, si looga dhiso dugsiyo cusub.

6.       Wasiirka Waxbarashadu weli maan maqal isagoo dugsi ka mid ah dugsiyada dalka kormeer ku maraya, Allaylehe maalin dhawayd ayaan Radio Hargeysa ka maqlay Dugsiyada Gabiley ayuu kormeerayaa, waxaanan aaminsanay in aanu Wasiirku arag Dugsiyada Waxbarashada ee Hargeysa ku yaalla qaarkood.

7.       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ah Masuulka ugu cimriga dheer masuuliyiinta dawladda ilaa 1991-kiina xilkan hayay, haddii nasiibkiisu siiyay inuu ilaa maanta joogo waxay ahayd inuu wax badan u soo kordhiyo Wasaaradda oo uu wax la taaban karo keeno.

Haddaba, aniga waxay ila tahay in tababar la bixiyo sannad walba inta dugsiyadu xidhan yihiin, lana geeyo dugsiga tababarka macalimiinta, si aqoontooda kor loogu qaado.

Madaxda Wasaaradda Waxbarashadana waxaan leeyahay dhalliilo badan, ayaa ka muuqda shaqadiina iyo dib-u-dhac ee waa in aad ku dhaqaaqdaan tirada dugsiyada oo la kordhiyo, tayada Waxbarashada oo kor loo qaado Manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo dhakhso loo soo saaro.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-Xaashi, Hargeysa

Burburkii Soomaali-Weyn

Burburka ku dhacay Somaliweyn ma aha mid iska yimid ee waxaa jira sababo badan oo loo aaneynayo burburkaas Somaliweyn haddii aan kuwii ugu muhiimsanaa ka soo qaatana waxaa ka mid ahaa:-

1.Akhriste ma jirin wax daraasad ah oo lagu sameeyey erayga Somaliweyn,ma jirin wax cilmi baadhis ah oo lagu sameeyey cida rabta Somaliweyn,sida loo rabo Somaliweyn iyo xuduuda Somaliweyn midkoodna,maadaama aanay jirin wax aasaas u ahaa sida shuruuc,xeerar iwm markaa waxaa halkaa kaaga cad in arinka Somaliweyn uu iska ahaa laab lac,qiiro iyo qaylo aan waxba ka hooseeyn,taasina waa tan keentay in maanta uu soo muuqdo buburkii Soomaliweyn,arimaha hadda socdaana ma dhaafsana in erayga Somaliweyn in la baro jiilka cusub.

 2.Akhriste erayga Somaliweyn waxaa fooshiisu dhamaatay amase uu dhashay 26 juun 1960 markii calankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed laga taagay ciida Somaliland,waxaa lagu soo dhoweeyey qiiro ay ku dheehan tahay wadaniyad caafimaad qabtaa,waxaa loo qaaday heeso ay ka mid ahaayeed "kana siib kana saar" "aan maalo hasheena maandeeq" "Somaliyeey Toos oo isku tiirsada" iwm. 4 casho ka dib 01 Luuliyo 1960 waxaa loogu bushaareeyey Calankii Hargeysa ka taagnaa in uu u dhashay mid kale oo walaalkiis ah,kaas oo laga taagay isagana Muqdisho farxad awgeed waxaa loo qaaday heesihii kii hore iyo in ka badan.

 Akhriste halkaa waxaa ka bilaabmay isku soo boodkii beenta ahaa ee dhex maray Soomalidii Talyaanigu gumeysan jiray iyo Soomaalidii Ingiriisku gumeysan jiray,waxaana halkaa isugu yimid odayaal,aqoonyahano,siyaasiyiin aan odhan karo garaadkooda siyaasi aad ayuu u kala horeeyey,mid ka mid ah SYL wuxuu ii sheegay 1987 in Somaliland ay ka yimaadeen dad WAALAN  OO QIIRO SOMALIWEYN HAYSO.

Waxaan qabaa in xilligaas 1960 uu ahaa markii ugu horeysay ee uu XANUUNSADO(JIRADO) erayga Somaliweyn,cid in ay daaweyso raadisayna ma jirin.

 3. Akhriste magaca Somaliweyn inkasta oo aan xanaansanayey, haddana wuxuu ahaa mid iska tukuba,hayska tamardaraadee.Akhriste magaca Somaliweyn wuxuu dhabarka ka jabay 25 sano ka hor markay Jabuuti ka xorowday Gumeysigii Faransiiska,sababtoo ah Jabuuti waxay ka mid ahayd kuwii loo gacan haadinayey(loo baaqayey),Jabuuti waxay ka mid ahayd kuwii ay tilmaamaysay Xiddigta cad ee ku taal Calanka Buluuga ah,waxayna ka dooratay in ay magac Soomaliyeed ka fogaato oo la baxdo Djabuuti,waxay Jabuuti ka dooratay Somalida in 1000 Askari oo Faransiis ahi ka ilaaliyaan Somaliweynta kale weligeed,weliba waxaa intaa dheer dhibta ilaa maanta loo geysto dadka Somalida sheegta ee Djabuuti ku sugan,marnabana Djabuuti ma qarin cadownimada ay u hayso Somaliweyn,bililiqada ay Somaalida u geysateyna ma jirto Dowlad kale oo Geeska Afrika ku taal oo geysatay !

 4. Waxaan maray dhulka loo yaqaan NFD oo Kenya gumeysato iyo Kililka 5aad ee Itoobiya, kana mid ah shanta Somaliweyn,waxaan dad badan oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano ahba  kala sheekaystay erayga Somaliweyn mana arag cid niyad u haysa,ma arag cid fahansan macnihiisaba,maadaama aanay labadaasuna fahansaneyn waxa looga jeedo Somaliweynba waxay markale keentay in magaca Somaliweyn loo sii dhoweeyo xagga dhimashada.

 5. Akhriste waa cadaan in dowladaha deriska aanay ka madhneyn burburka Somaliweyn,laakiin uma arko wax sidaa u sii weyn,waxaan taa uga jeedaa ma jirto cid hoo ku odhaneysaa ee cida ay khuseyso ayey u taalaa gaar ahaan dadka degani in ay dantooda raacdaan.

 Waxaan hadalka ku soo koobayaa dhamaan waxyaabahaa aan kor ku soo sheegay waxay ka mid yihiin amase ugu muhiimsan yihiin waxyaabihii keenay burburka Somaliweyn, mana qabo in ay keentay kala taga Somaliland iyo Somaliya, waxaan qabaa in ay dhib u samreen intii karaankood ah, waxaan aaminsanahay ay ku dadaaleen mudo dheer sidii Somaliweyn loo heli lahaa, waxaa kaga lumay waqti badan oo ay horumar ku gaadhi lahaayeen, waxa Somaliland iyo Soomaliya ka soo gaadhay Somaliweyn dhibaatada iyo burburka ilaa maanta ka jira ee ma idinla tahay in aynu kuwa maqana u DUCAYNO, labadana (Somaliland iyo Somalia) kala badbaadino, mise waxaynu ku jirnaa " i jiid aan ku jiidee "?

 Hadal iyo dhamaantii Somaliweyn xilli hore ayey burburtay erayga Somaliweyn ma dhaafsana dibna iyo dano gaar ah, amase in aynu barno jiilka cusub in ay jiri jirtay wax la odhan jiray Somaliweyn waa qayb TAARIIKHDEENA ka mid ah oo ina soo martay,

 Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Kahortaga Cudurada (Disease Prevention)

Ilaa hadda kahortagga cuduradu waa qaabka ugu wax-tarka badan ee lagula dagaalamo cudurada waxyeelada u leh caafimaadka dadka.

Ka qaybgalka dawlada ayaa lagama maarmaan u ah si uu si fiican ugu hirgalo barnaamijka kahortaga cudurada (prevention).

Xukuumadda waxaa khuseeya biyo-gelinta, adeega nadaafada iyo qashin ururinta, ilaalinta degaanka, barnaamijyada talaalka, ka digista cudurada halista ah.

Bawrnaamijka kahortaga cudurada, inkasta oo ay fulinteeda xumuumaddi lagama-maaarmaan u tahay, haddana haddii ayna dadweynuhu gacan weyn ka geysan hirgeilnta barnaamijyada kahortaga cudurada, ma hirgeli karo, inta badana waxaa la isu raacay inay dadweynuhu ay qayb weyn ka qaadan karaan hawlaha lagaga hortagayo cudurada halista u ah caafimaadkooda.

Tusaale ahaan, waxaa ka mid noqon kara hawlaha lagaga hortegayo cudurada ee ay dawladuhu fulin karaan, wax-tarkana leh, waxaa ka mid ah; barista haweenka ee culuumta nafaqada ku jirta raashinka, waxbarashada khusaysa caafimaadka oo lagu baahiyo dadweynaha.

Barnaamijyada talaalada lagaga hortago cudurada oo lagu baahiyo dadka, gaar ahaan da’yarta soo koraysa. Barnaamijyada madaxa bannaan iyo kuwa ay dawladdu wado oo lagaga hortagayo cabida sigaarka, dhiirigelinta barnaamijyada ciyaaraha iyo barahsada jimicsiga, gaar ahaan dugsiyada wax lagu barto.

Barnaamijyada kahortaga cudurada waxaa kale oo ka mid ah; ladagaalanka jiirka iyo waxyaabaha kale ee qaada cudurada.

Qof, qof, ahaan waxaan si wayn uga qayb-qaadan karnaa kahortaga cudurada, qof walibana wuu fahmi karaa sida ay waxtar ugu leedahay nadaafada oo la ilaaliyo.

Raashinka nafaqada u leh jidhka oo aynu cuno, kolba nooca aynu dhaqaale ahaan heli karno, si aad u hesho nafaqada lagama maarmaanka u ah jidhka ee Barotiin (protein), waxaan ka heli karnaa hilibka, kaluunka, beedka iyo digiraha kala duwan.

Haddii markaa aad awoodi kari weydo in aad iibsato ama aad carruurtaaada u iibiso hilib, waxaa ku filan inaad u iibiso digir ama faasuuliyad kolba kii aad u hesho.

Jidhka banii’aadamku wuxuu u baahan yahay khudrada, si uu uga helo fiitamiinada uu ka midka yahay vitamin ‘c’. jidhka dadku haddii ay suurtogal tahay maalin walba wuxuu u baahan yahay khudradaha kala duwan, waayo jidhka dadku muddo dheer ma kaydin karo fitamiin c, sidaa daraadeed ayay lagama maarmaan jidhka dadka ugu noqotay inuu helo cunto ay ku jirto khudradda laga helo fiitamiinadu.

Fiitamiinadu kaalinta ay jidhka banii’adamka u qabtaan waxay tahay adkaysiga uu jidhku iskaga difaaco cudurada.

Gar-Gaarka Deg-Dega Ah (First Aid)

Shil wal oo dhaca ama xaalad waxyeelo oo ku dhacda jidhka dadku waxay leedahay duruufaheeda gaarka ah.

Laakiin waxaa jira tallaabooyin guud oo loo baahan yahay in lagu dhaqmo, kuwaas oo ah gar-gaarka deg-dega ah (firs Aid), oo qofka lagu caawinayo marka ay waxyeelo ka so gaadho shilalka iyo waxyeelo kale oo ku timaada meel ka mid ah jidhka qofka inta uu ka gaadhayo goob ay joogaan dad xirfad caafimaadka ah lihi.

Tallaabada ugu horreysa ee qofka la kulmay waxyeeladu waa, inuu qofku is dejiyo, waa haddii markaa miyirkiisu taam yahay oo aanu shilku ku keenin isbeddel. Markaa qofku inuu neefsado oo is ururiyo oo deganaansho muujiyo ayaa caawimo u noqonaysa inta uu helayo gar-gaarka uu u baahan yahay.

Tan labaad haddii uu shil kugu dhaco oo aad hore u taqaanay qaabka la isku xidho ee loo joojiyo dhiiga oo markaa aad awoodi karyso inaad isku samayso gar-gaar deg-dega ku dhaqaaq oo fursad ha siin dhiiga kaa baxaya, waa khatar’e.

Haddii uu qofka ku dhaco nabar halis ah oo uu shil dhacay u keenay, waxaa talo ah in aanad qofka isku deyin inaad dhaq-dhaqaajiso, waayo dhaq-dhaqaaqa qofka dhibtu ku dhacday ee aanub markaa ku talin qof aqoon caafimaad leh, waxaa laga yaaabaa inay sii kordhiso waxyeeladii soo gaadhay qofka, laakiin qofka oo aad ku caawiso in aad dado oo aad saarto waxyaalo sida bustaha ah si jidhkiisu uu diirimaad u ahaado, waxay noqonaysaa wax-tar ilaa inta uu ka imanayo gar-gaarka caafimaad qof aqoon u lihi, si aad gar-gaar caafimaad ugu geysato dad uu shil ku dhacay, hubi arrimahan;

Tan koowaad, hubi in qofkan ku waxyeeloobay shilku inuu neefsanayo iyo inkale. Haddii aanu neefsanayn markaa ku samee gar-gaarka neefsiga ka ugu fudud ee afka loo geliyo qofka, hawadana ku afuuf. Xoog marka hore adigu neefta u qaado, kadib afkaaga ku beeg afka qofka aad caawinayso oo ku neefso afar jeer oo isku xiga, deg-degna ah. Hubi in ay sanbabada ku beegani ay dhaq-dhaqaaqayso iyo inkale, haddii aad arki weydo wax astaan neefsi ah, u rog qofka dhinac oo dhabarka kaga garaac baabacooyinka gacmahaaga, si aad u furfurto xannibaadaha dhuumihii neefsiga. Arrintan qofka oo joojiya neefsigu waa khatar, waayo daqiiqad kasta oo uu neefsigu qofka ka joogsado, waxaa maqnaanaya ogsijiintii (oxygen) tegaysay maskaxda.

Arrintan oo leh waxyeelo caafimaad, haddii ay lix daqiiqadod oo isku xiga ay qofka ku taagnaato inaanu neefsan waxaa suurogal ah oo ay u badan tahay in uu qofkaasi u dhunto.

Marka aad bilaabayso gar-gaarka neefsiga ee qof shil dhacay awgii aan neefsanayn, ugu horrayn waxaad gacan saaraysaa cunaha qofka, adiga oo madaxiisana dib u riixaya si aad u eegto in cunaha ay qofka kaga jiraan wax u diiday inuu neefsado ama hunguriga neefsiga xanibay. Haddii aad aragto wax xanibay hunguriga oo aad ka soo saari karto, isticmaal laba farood, si aad uga soo saarto, laakiin ha dhaafin inta kuu muuqata hunguriga, si aanad waxyeelo ugu geysan.

Eeg dadka shilku uu ku dhacay kuwooda uu dhiig ka socdo, dhiiga dhaaca fududi sidaa uma ba’na, laakiin dhiig-baxa xooga lihi wuxuu keeni karaa dhiig-bax. Haddii aad haysato baandhays ama cudbi waad isticmaali kartaa haddii aanad haysan isticmaal marada ugu nadiifsan. Saar halka dhiigu ka socdo oo ku cadaadi gacantaaada, haddii nabarka uu dhiigu ka socdaa qof kaga yaalo gacan ama lug aan jabnayn isticmaal gacanta aad ku cadaadinayso halka uu dhiigu ka socdo mooyee ta kale oo kor ugu qaad si aad u yarayso socodka dhiiga marka ay gacanta ama lugtu laalaado. Markaa kor u tiiri si uu dhiigu u joogsado.

Haddii uu sidaa ku joogsan waayo markaa waxaad ku dhaqaaqaysaa inaad xoog u cadaadiso meelaha u dhaxeeya halka uu nabarka dhiigu ka socdo iyo wadnaha oo ah laba iyo toban meelood oo jidhka qofka ku yaala. Barahaas waxaa ku yaala hal-bowlayaasha dhiiga oo ay si fudud gacantu markay cadaadiso isbeddel ku keeni karta socodka dhiiga ee qofka u keeni kara halista.

Laba iyo tobankan barood ee jidhka ee loo yaqaan (pressure points), waxay ku kala yaalaan’ afar ku yaala gacmaha, laba ku yaala xaga sare ee laabta iyo afar, laba ku yaalaan madaxa, labana cunaha.

Barahan jidhka ee la cadaadiyo marka dhiig-bax qof laga gar-gaarayo waa meelo ay inta badan muuqdaan jidhka dushiisa oo laga arki karo in uu xidid halkaa maro.

La soco….

Cudurka Xiiqda India Waxaa Lagu Daweeyaa Kalluun Yar Oo Nool Oo La Liqo

 

Magaalada Hyderabad oo ku taal koonfurta dalka Hindiya waxaa sanad walba isugu yimaada kumaanan qof oo ka kala socda dalka dibadiisa iyo gobolabada dalka kuwaas oo dhamaantood ay hayso cudurka Xiiqdu.waxaana si weyn looga aaminsanyahay dawo caan baxday oo ay hindiseen qoys la yidhaa Bathima Family oo sheegta in ay dabiib yahan yihiin dawayn kara  cudurkan oo dawada qudhee loo hayaa tahay liqida kaluun caydi ah oo nool kaasoo xaabsanaya xabka xidhaya habneefsiga .Si kastaba wax how jireene dadka qaar ayaa yaqiinsadayn halka dadka kalena ay ka muujiyeen walwal xoogleh oo ay ulaba muuqato indha sarcaad balse hadana waxaa ka go'an in ay mar isku dayaan dawada tan. Maalintan oo ku beegnayd 08-06-02 ayaa dadku waxay u galaan safaf dhaadheer waxay dawlada gobolkuna iska saartay masuuliyad xoogleh oo ay ugu adeegayso dadweynaha taabalaysan sugida amaanka, fayo dhowrka, gurmadka degdega ah iyo dhamaan adeega guud, halka kooxo iskood isku xilqaamayna ay u adeegan dadka bukaanka ah oo ay siinayaan biyo iyo cuntoba.mana arkaysid saxmad badan oo dadku dhibsado.balse aynu eegno sida ay dadka caadiga ahi u liqi karaan kaluun nool oo leh indho ku soo tegaya.

Singh waa sarkaal sare oo ka tirsan cidamada policke ah ee Punjab waxaa soo ritaday xiiqda walow uu hawlo adag  ka soo kifaaxay intii uu hawshan hayey balse markay noqoto liqida kaluun nool waa wax ku adag oo uu in badan ka maagay.kadib markii uu in doora ka maagana ayaa waxaa soo gaadhay kalkiisii waxaa uu ka indho dadbay markii uu indhaha qac ku siiyey kaluun nool oo hortiisa carcaraya . Indhaha ayuu isku qabtay afkana waa kala waaxay waxaana dalaqla siiyey kaluunkii oo nool waxaana uu sii jibaaxay carjawda hunguriga oo si sibiqa ugu siibtay taaso dadka qaar is moodsiinayaan inaanay waxba liqin .ma liqaybaa ah hadalka ugu horeya ee ka soo baxa.

Tanise waa mid laga wada simanyahay dhamaan dadka qaadanaya dawadan mucjsida ah dadka ay ku cusubtahay dawadani ayaa inta ay firka naxaan kolba dib u sii faaganaya halka dadka caadaystay aanay waxba iskaga tirinayn ee ay afka ku hayaan kaluunka in mudo ah halka dadka qaar markaaba ay soo tufaan.dadkase iyagu caadaysaytay hawshatan waxay u muudmuudiyaan sida ilamaha caruurta ahi uu u muudmuudsado nacnac shaglaydhka ah.

Ururada qaar kood ayaa ka calool waydsan hawshatan iyagoo su'aalo doora ka keenaya waxtarka dawadatan balse waxaa gashaanka u daruura dadwayne fara badan oo iyagu xal lama huraana u arka hawshatan maadaamooy tahay hawl lacag la'aana looguna adeegayo iyaguna ay amiineen, way adagtahay in laga furfuri karo.  " u malayn maayo in ay dawayn u noqon doonto xanuunka jira balse wax dhibi ma jiro hadii aan isku dayo " sidaa waxaa yidhi nin beeray ah oo ka yimid Latur oo ka tirsan gobolka Maharashtra.balse waxaa jira dad igu yaqiinsaday in ay tahay dawo dhab u bogsiisa xanuunka Xiiqda waxtar layaab lehna leh, sidaa waxaa yidhi Shashank Srivasta, oo keenay aabihii oo ay dishootay Xiiqdu mudo badan kana soo boqoolay Agra , isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi' aabahay afar sano ayuu qaadanayey dawadan waxaanu iskaga gartay il .

Marka laysku soo xooriyo jiritaanka dawada tan iyo sida ay dad badan ugu muuqato waxtarkeedu ayaa ah mid aan layskuwada raacsanayn oo ay qoloba ka bixinayso jawaabo midiba mid burinayso hadana dadka bukaanka ah ee ay dishootay Xiiqda ayaa u arka  dawo u soo baxday oo ay ku bogsan karaan.Balse ilaa wakhtigan ma jirto cilmi baadhis rasmi ah oo lagu sameeyey waxyeelada iyo faaiida uu keeni karo kaluunka caydiga ah ee, isaga oo nool la dhex huluuqsinayo carjawda jilicsan ee hunguriga, waxayse jawaab lama dhaafana  u tahay  "nin buka boqol u tali".

Daa’uud Gilin-gil - Hyderabad India

WAADIGA CIYAARAHA

Turkiga Oo Cidhiidhsaday Kaalinta

Saddexaad Ee Tartanka Koobka Adduunka 2002

Seoul (Reuters) – Xulka Turkiga ayaa cidhiidhsaday kaalinta saddexaad ee koobka adduunka, kadib markii ay 3-2 ku samirsiiyeen Korea oo ay shalay wada yeesheen ciyaar loogu beretamayay abaal-marinta kaalinta saddexaad ee tartanka.

Kasokow guusha Turkigu soo hooyay kulanka, wuxuu kaloo ku tallaabsaday guul kale oo dhaxal-gal dhitoba u ah waddanka markii ugu horraysay muddo nus qarni ah taabay guushii ugu weynayd. Weeraryahanka Hakan Sukur, ayaa dhaliyay goolkii ugu dhakhsaha badnaa ee weligii soo mara taariikhda koobka adduunka.

Ciyaartoyga Turkiga oo intooda badani u saftaan kooxda Galatasaray ee waddanka ugu magaca weyn, waxay tartankan muujiyeen is-faham ciyaareed oo ka tayo sarreeya ka kooxda Korea soo bandhigtay.

Weeraryahanka Turkiga ee Hakan Sukur, ayaa dhaliyay goolkii ugu dhakhsaha badnaa koobka adduunka, markii ciyaartu socotay 11 il-bidhiqsi oo keliya.

Korea oo ka gil-gilatay dheg-xumada ayaa weeraro is-daba-joog ah qaaday, Lee Eul Yong, oo kubbad laad toos ah loo dhigay qiyaas 25 mitir ah u jirta goolka ayaa kubbad qiimo leh daba-mariyay goolhaye Recber Rustu.

Turkiga oo ku tallaabsaday qaddar is faham ah ayay u suurto-gashay inay jaanta isla helaan ciyaartoyga kala ah Yildiray Basturk, Ilhan Mansiz iyo Hakan Sukur, taas oo keentay in Ilhan Mansiz dhaliyo goolkii labaad daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta.

Ilhan Mansiz oo ahaa ciyaaryahankii dhaliyay goolkii dahabiga ahaa ee Turkigu kaga badiyay Senegal, ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad intii tartanku socday isla daqiiqaddii 32aad ee qaybtii hore.

Hakan Sukur, ayaa ku sigtay inuu goolkii afraad ka dhaliyo Korea shan daqiiqadod oo keliya kadib goolka saddexaad.

Korea, oo ku dedaalaysay sidii ay goolasha isaga soo gudi lahayd, ayaa kubadda dhaafin kar weyday goolhaye Recber Rustu.

Ugu dambayntiina Korea ayaa goolkii labaad keentay dhammaadkii  ciyaarta.

Brazil Iyo Germany:

Bar-Barkay Ka Baxdaa Waa Bakayle Qaleen

Yokohama (Reuters) – Brazil iyo Germany oo ah waddamada ugu guulaha badan ayaa maanta ku kulmaya ciyaartii ugu dambaysay koobka adduunka oo ka dhacaysa magaalada Yokohamaa ee dalka Japan.

Brazil iyo Germany, oo ahaa kuwo aan rajo weyn ka qabin bilowgii koobka adduunka, ayaa noqday kuwa iyagu ku kala baxaya koobka 17aad ee dunidu ku tartanto.

Inkasta oo labadan waddan aanay ku kulmin ciyaar faynal ah, haddana waxaa la odhan karaa waa qaar is ciyaar yaqaan oo aan loo kala sheekaynayn, mid waliba wuxuu ku dedaali doonaa inuu awoodiisa dul-dhigo koobka.

Waddanka Germany oo waq-cado kaga dhaceen labadii tartan ee kan ka horreeyay iyo weliba koobkii Yurub 2000, oo uu wareegii koowaad ku hadhay, ayaa keentay inay dib isu canaanato ciyaartoyda Germany, taas oo keentay inay si lama filaan ah ugu soo dusaan kaalinta kama-dambaysta ah.

Germany oo dhaawac dartii uga yimi afar ka mid ah ciyaartoyga laf-dhabarta u ah xulka qaranka, waxay ilaa hadda ciyaareen lix kulan oo ay shan ka mid ah badiyeen, midna barbaro la galeen waddanka waqooyiga Ireland. Waxay dhaliyeen 14 gool, halka iyana laga dhaliyay gool keliya. Taas oo ku tusaysa baaxadda uu leeyahay difaaaca kooxda iyo goolhayaha caanka ah ee ka dambeeya ee Oliver Kahn.

Astaanta ciyaareed ee Germany ayaa qudheedu ah mid culus oo dunida inteeda badani ka baqato.

Germany, waxa kulanka kama-dambaysta ah ka maqnaan doona mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe kuwa ugu fiican dunida, oo ah Michael Ballack. Ciyaaroyga Bayer Munich, wuxuu xulkiisa uga fadhiyaa sabab ganaax, kadibmarkii uu qaatay laba kaadh oo huruudo ah oo isugu biiray.

Dhinaca kale, ciyaartoyga Brazil, ayaa lagu war-geliyay inay ka fogadaan khaladaad la mid ah kii 1998, markaas oo lagu eedeeyay inay dhayalsadeen ciyaarta, si fududna guusha isu siiyeen.

Dhammaan ciyaaroyga Brazil, waxaa lagu adkeeyay inay iska ilaawaan is-qancinta iyo in mid kasta oo ka mid ahi iska tuuro fikradda odhanaysa Brazil ayaa fursaddu u dhawdahay.

Iyada oo taasi jirto, ayay haddana qaar ka mid ah ehelada ciyaartoygu bilaabeen inay u soo duulaan Japan, si ay uga qayb-galaan dammaashaadka guusha ay ka filayaan ciyaarta aan weli dhicin.

Dhakhtarka Faransiiska ah ee labada goor qalay Ronaldo, ayaa isna kulankaa ka qaybgelaya, isaga oo marti-qaad ka helay xidhiidhka kubadda cagta Brazil.

Sidoo kale, guddida ciyaaraha Brazil, ayaa ka wada tashanaya halka laga bilaabayo dabaal-dega haddii Barzil ku guulaysato koobka, iyada oo ay isku haystaan afar magaalo oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn oo ay weliba u dhaxayso cillad siyaasadeed.

Magaalada Fortaleze, oo ku taal waqooyiga bari ee Brazil, ayaa ku andacoonaysa inay tahay goobta ugu mudan, maadaama ay ahayd halkii ay Brazil ku ciyaartay kulankii saaxiibtinimo ee bishii March ay la yeelatay Yugoslavia.

Sido kale, magaalada uu deggan yahay Rivaldo ee Recite, ayaa ka mid ah meelaha ay suurto-galka tahay in lagu qabto xafladda guusha.

Magaalooyinka Rio De Janeiro iyo Sao Paulo, ayaa iyana qorshaha ku jira. Hase yeeshee, taasi waxay iman kartaa keliya haddii ay guulaystaan ciyaarta maanta.

Kulanka maantu, wuxuu noqonayaa mid tabobare Scolari ku ciyaarsiinayo hannaan cusub oo ah in saddex ka mid ah 11 ciyaartoy weerar galaan, waana ciyaartoyga kala ah Ronaldo, Rivaldo iyo Ronaldinho oo ka soo laabtay ganaax uu kaga fadhiyay kulankii Turkiga.

Ciyaaryahanka Rivaldo, oo ka fadhiisanaya ciyaaraha caalamiga ah kadib koobka adduunka ayaa ku hamiyaya inuu guul ku khatimo ciyaaraha adduunka.

Rivaldo, ayaa sheegay inuu jecel yahay inay kulankaa maanta badiyaan oo uu isaguna goolal badan dhaliyo si uu u noqdo horyaalka dunida.

“Waa inaanu ciyaarta badinaa oo aan goolal dhaliyaa. Waa kulan adag, Germany waanu naqaanaa, waana koox khatar badan, laakiin farsamadayada oo ka sarraysa ayaa guusha noo fududayn doonta,” ayuu yidhi Rivaldo.

Difaacyahanka Brazil ee Roberto Carlos iyo Roque Junior, ayaa iyana ku raacay fikradda Rivaldo, waxayna sheegeen in lagaga gudbi karo dedaal dheeraad ah.

“Ma jirto cid fursad haysataa, waan inaad ku guulaysataa kulanka, ilaa haddana ma muuqato fursad sahlan oo noo muuqataa,” ayuu yidhi Roberto Carlos.

Kooxda Brazil, haddii ay ku guulaysato ciyaarta Axadda, si fiican ayaa loogu soo dhaweynayaa dalkooda, haddiise laga badiyo waxay qaar badani go’aansadeen inay u duulayaan Thailand ama Hawaii, si ay uga baxsadaan halaag nafahooda gallaafta.

Si kastaba ha ahaatee, waxay wax waliba ku xidhan yihiin ciyaarta maanta oo kala reebtii ah.

Ronaldo Oo Ku Sifoobay Sansaankii Pele Ku Caano-Maalay

Yokohama (Haatuf):- Aayaha ciyaareed ee Ronaldo ayaa gaadhay halkii ugu hoosaysay, kadib markii ay ku habsatay mushkilado xidhiidh oo dhawaacyo ah. Sannadkii 2000, ayuu ruuga kaga dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee koobka Talyaaniga (Italian Cup).

Xiddiga reer Brazil wuxuu muddo ka dhur-sugayay in uu garoomada ku soo laabto, dadka qaarkii ayaa ku baraarujiyay in qalliinka iyo muddo bilo ah oo tijaabooyin caafimaad lagu sameeyay ay soo dedejinayso inuu marlabaad garoomada ka dhex-muujiyo wacdarihii looga bartay. Waxay ku yidhaahydeen kumaa Pele ka fiicnaa?

Kadib booqashadiisii dhakhtarka ku talax-tegay dhaawacyada ciyaaroyga ee Paris deggen, Ronaldo wuxuu ku laabtay Brazil, wuxuuna bilaabay wadadii dheerayd ee soo kabashada, isaga oo booqashadiisa inta badan ku lumiyay ciyaartoyga kubadda cagta ku caan-baxay.

“Pele wuxuu ii sheegay inay haleeshay xummad ba’an oo ka dhalatay dhaawac xun oo gaadhay intii lagu jiray koobki adduunka ee 1966, iyada oo dhakhtarkiisuna u sheegay inaanu weligii kubbad dambe ciyaari karin,” ayuu yidhi Ronaldo.

“Laakiin waxay dhacday afar sannadood kadib, markii uu ku guulaystay koobkii adduunka ee 1970, ee loo doortay ciyaartoygii tartankaa. Pele wuxuu igu dhiiri-geliyay inaan sidaa ku biyo-cabo,” ayuu ku daray.

Ujeedadii Ronaldo iyo halgankii Pele, dabcan waxay u eg tahay in lagu abaal-mariyo koobkan adduunka.

Saddex bilood iyo badh keliya uun markuu ka soo laabtay dhaawacii, Ronaldo wuxuu noqday dhaliye sare tartankana wuxuu ku hoggaaminayaa lix gool… kii ugu dambeeyayna wuxuu dhaliyay guushii Arbacadii ee ay wareega kama-dambaysta ugu soo gudbeen.

Hadda wuxuu laba gool keliya ka dambeeyaa Pele, oo Brazil u dhaliyay 12 gool oo ciyaaraha kama-dambaysta koobka adduunka ah.

Ronaldo, waxa kale oo uu si fiican u meelaystay in uu ku guulaysto kabaha dahabka ah oo lagu abaal-mariyo qofka ugu gool-dhalinta bata koobka adduunka, waxayna ugu darsamaysaa abaal-marintiisii ciyaartoygii ugu fiicnaa tartankii 1998.

Taasi dabcan waxay isku sidkaysaa caan-bixidii Ronaldo iyo aabihiisa labaad ee Pele.

Labaduba waxay ciyaaraha koobka adduunka ku bilaabeen iyagoon qaan-gaadh noqon… Pele, wuxuu ahaa ciyaaroygii ugu yaraa ee weligii goolal ka dhaliya kama-dambaysta koobka adduunka, markaas oo da’diisu 17-jir ahayd. Wuxuu goolka ka dhaliyay Wales sanadkii 1958, kadibna wuxuu noqday ciyaartoygii ugu yaraa ee saddex gool (hat-trick) dhaliya, iyada oo 5-2 ay Faransiiska kaga adkaadeen kulankii wareega afarta.

Ronaldo, wuxuu ku biiray xulka Brazil, isaga oo da’daas ahsanndkii 1994, inkasta oo aanu si dhab ah ugu guulaysan inuu u safto waddankiisa oo ku guulaystay kama-dambaysta oo ay rigoorayaal kaga qaadeen Talyaaniga.

Pele iyo Ronaldo, labaduba waxay ka siman yihiin cabasho xun oo koobka adduunku ku keenay.

Pele, wuxuu ka mid ahaa xulkii 1966 oo ku hadhay wareegii koowaad, waxay kaalinta saddexaad ka galeen qaybtoodii, markii min 3-1 ay kaga kala badiyeen Hungary iyo Portugal, Pele laftiisu wuxuu ku dhammaystay kulankii ugu dambeeyay oo uu ruug kaga dhaawacmay.

Ronaldo, waxay carqaladi ku bilaabantay badhtamihii 1998, markii lagu jiray koobkii Faransiiska, guud ahaan wuxuu ku shaqaynayay stiil uu waddankiisa ku gaadhsiiyay ciyaarta kama-dambaysta ah oo uu 3-0 kaga badiyay waddankii martigeliyay.

Waxaa laga dayriyay xaaladdiisa, waxaana lagula taliyay inuu ciyaarta ka hadho, laakiin may dhicin oo wuxuu saftay isaga oo aan caafimaad qabin, taas oo keentay in xumadi hareerayso jidhkiisa, xaaladdii uu galay ayaa u furtay bog cusub, iyada oo uu muddo sanado ah ku dhex jiray murugo xidhiidh ah.

Laakiin, labaduba way soo kabteen.

Pele, wuxuu kasoo kacay dhaawaca 1970, isaga oo dhaliyay lix gool, taas oo la mid ah sida Ronaldo tartankan muujiyay, iyada oo 4-1 ay waqtigaas kaga guulaysteen Talyaaniga oo ay kama-dambaystii isugu soo baxeen.

Inkasta oo labadooduba door-bidayaan ku kala hor-marida haybadda ay waddankooda u soo hoynayaan, haddana wax-qabadkooda way ku kala mudan yihiin.

Halka Ronaldo si noq-noqosho leh uga weerar-geli karo khadka dhexe, wuxuuna aad ugu wanaagsan yahay agagaarka xerada ganaaxa, Pele wuxuu dheeraa awood ballaadhan oo uu u lahaa weerarada bilowga ah, isaga oo fursadaha samayn jiray, inta badana wuxuu ciyaarta ku dhammaysan jiray dhaq-dhaqaaq joogto ah.

Marka la eego isaga oo dhinac kasta kala sinmay Pele iyo isaga oo gaadhay hadda dhammaan, wuxuu ku hamiyayay, keliya wuxuu ku faraxsan yahay Ronaldo inuu ku soo laabto fagarayaasha, kadib markuu saddex sannadood la huursanaa cawaaqib-xumo dhaawacyo geyaysiiyeen.

Guul iyo guul-daroba isaga waxaaa liibaan weyn u ah inuu markale ciyaaro dhibaato kasta oo haleeshay kadib. “Waxaan dareemayaa farxad xad-dhaaaf ah, waxaan awooday inaan goolal dhaliyo oo aan ordo ama aan kubadda cagta ciyaaro, waana ta kor u qaaday niyaddayda,” ayuu yidhi Ronaldo.