Haatuf, Cadadki 106, July 2, 2002

“Madaxweyne Rayaale Wuxuu Qaaday Tallaabadi U Horreysay Ee Uu Ku Fullinayo Ballan-Qaadkiisii”

Cabdi Xasan Buuni

 

Boorama (Haatuf): Cabdi Xasan Buuni oo ka mid ah Siyaasiyiinta Caanka ah ee Somaliland, ayaa Shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Boorama kaga hadlay xaaladda uu dalku haatan marayo iyo qorshihiisa dhinaca Siyaasadda.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama, Cabdi Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii ugu horeeyay ee Baarlamaankii ugu horeeyay ee la sameeyay 1960-kii, markii ay midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay inuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin qaaday tallaabadii ugu horreysay ee uu ku fullinayo Ballanqaadyadiisii, markii uu dhawaan isku shaandheeyay guddiga Cadaaladda.

Cabdi Xasan Buuni, waxa uu Xukuumadda u soo jeediyay talo ahaan in la helo saddex arrimood in la sameeyo wacyi-gelin ballaadhan oo dhinaca qaadka ku saabsan, in la helo dhallinyaro aqoon leh oo wada-hawlaha Garsoorka iyo in la helo Ciidan tayo leh oo u tababaran sugidda nabadgelyada.

Isaga oo ka hadlayay qorshihiisa dhinaca Siyaasadda iyo waxa uu qabtay, waxa uu sheegay inuu hore uga qayb-qaatay horumarinta dalka intii tamartiisa ah, haatana uu sii wadi doono, dhinaca Siyaasadda-na “Maadaama aan ka mid ahay Siyaasiyiinta iyo odayaasha Somaliland, markasta waxa uu xil iga saaran yahay in aan wixii aan talo hayo u soo jeediyo Shacbiga iyo dawladda Somaliland, Illaahay ayaana I baday, Siyaasadda-na Mansab kuma raadinayo, sidaa darteed ayaanan uga hadhin, uguna jiraa arrimaha Siyaasadda,” ayuu yidhi Cabdi Xasan Buuni.

Booliska Oo Aan Weli Ku Guulaysan

Soo Qabashada Shufto Jid-Gooyo Gashay

 

Hargeysa (Haatuf): Koox dabley ayaa habeenkii Axaddu soo gelaysay ee toddobaadkan weerar jid-gooyo ah ku qaaday baabuur xamuul ah oo marayey wadada laamiga ah ee xidhiidhisa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera meel qiyaastii 2 KM dhinaca bari ka xigta tuulada Hallaya ee ku taal duleedka bari ee Hargeysa.

Baabuurkaas oo noociisu yahay Marshandiis (Mercendiz) waxa uu siddey shixnad sonkor ah oo uu ka soo qaaday magaalada dekedda ah ee Berbera, waxayna dableyda jid-gooyada u gashay ka koobnaayeen ilaa toddoba nin oo hubaysan, kuwaas oo wejiyadooda qariyey sida ay Haatuf u sheegeen qaar ka mid ah dadkii baabuurkaa saarnaa, iyadoo sida ay sheegeen goob-joogayaashu uu xiligaasi ahaa abaara 12:00 saqda dhexe.

Dadkaa goob-joogayaasha ahi waxay sheegeen inuu markii hore baabuurku ka joogsaday oodo iyo dhag-xaan wadada lagu gooyey, ka dibna ay dableydu ku amartay darawalkii baabuurka wadey iyo dadkii rakaabka ahaa ee baabuurka saarnaa inay dhulka u degaan, laakiin ay darawalka iyo dadkuba ka dhego-adaygeen amarka dableyda, ka dibna ay dableydu rasaas oodda kaga qaaday baabuurka iyo wixii saarnaaba.

Hase yeeshee dableydii uma ay suurta gelin inay baabuurkaa gacanta ku dhigaan, wuxuuna dib ugu cararay dhinaca tuulada Aw-barkhadle, laakiin waxa la sheegay inay rasaastii dableyda dhaawac fududi ka soo gaadhay darawalkii gaadhiga iyo gaadhiga laftiisaba, waxayse dadka goob-joogayaasha ahi dhaliileen ciidanka booliska oo ay sheegeen inaanay wax gurmad ah u soo fidin xiligii ay dableydu heshay, iyadoo bay yidhaahdeen aanay goobta falku ka dhacay midna ka fogayn sal-dhigyada booliska ee Hallaya iyo Aw-barkhadle.

Dhinaca kale taliyaha qaybta booliska Hargeysa Maxamed Jaamac Ibraahin oo aanu shalay wax ka waydiinay dhacdadaa ayaa ugu horayn noo xaqiijiyey inuu falkaa jid-gooyada ahi dhacay, wuxuuse khilaafay aminta falku dhaca, wuxuuna sheegay inuu falkaasi dhacay abaara 3:00 habeenim, isla markaana aanay tacshiiradda ay dableydaasi riday geysan wax dhaawac dad ah iyo khasaare kale toonna.

Taliyaha qaybta booliska Hargeysa waxa kale oo uu sheegay inaan ilaa hadda la aqoonsan dableydii falkaa geystay, wuxuuse intaa ku daray inuu boolisku weli ku daba jiro baadigoobka nimankaa.

Taliyaha qaybta booliska Hargeysa, Maxamed Jaamac waxa kale oo uu beeniyey dareen tuhun ah oo laga qabey inay nimanka falkaa jid-gooyada ah geystay yihiin Askar cadhootay oo ciidanka Qaranka ka tirsan, taas oo uu taliyaha qaybta booliska Hargeysa sheegay inaanay nimanka falkaa geystay ahayn ciidan, balse ay ahaayeen niman iska soo urursaday tuulooyin miyiga ah.

Falkan jid-gooyada ahi waa kii u horeeyey ee noociisa ah ee la maqlo sannadahan dambe, wuxuuna dad badan maskaxdooda xusuusin karaa toddoba-sideed sannadood ka hor wixii ka dhici jirey, waqtigaas oo lagu jirey marxalad qalalaase ah oo ay dalka ku bad-naayeen maleeshiyaada hubaysan oo ku xoogsada boob iyo jid-gooyooyin ay dadka ku baadhaan, iyadoo ay jiidda habeenkii dhowayd baabuurka lagu helay ka mid ahayd meelaha ay safarada iyo dadka socotada ahi aadka uga qaylin jireen xiliyadaa.

Qaar Ka Mid Ah Hoggaamiye-Kooxeedyada Soomaaliya Oo Diiday Faro-Gelin Milateri Oo Dibedda Kaga Timaada

 

Muqdisho (W. Wararka): Qaar ka mid ah hoggaamiya-kooxeedyada Soomaaliya, ayaa dhaleeceeyay dalabka ka soo yeedhay Kooxda Carta Axaddii ee ay ku weydiisatay beesha Caalamka fara-gelin Milateri.

Cabdulqaasim Salaad Xasan, ayaa ka codsaday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya la keeno Ciidamo Caalami ah, kuwaas oo uu u dalbaday in ay hubka dhigaan kooxo uu sheegay in ay Itoobiya taageerto. Waxana uu go’aankan ku dhawaaqay, kadib markii ay isku raacday dawladdii dhicisowday ee lagu dhisay shirkii Carta ee Djabuuti.

“Koox iskeed isu magacawday kuma tallaabsan karto baaqa noocan ah. Soomaalidu way ku xallin kartaa khilaafkeeda, si walaaltinimo ah,” sidaa waxa yidhi hoggaamiye-kooxeedka Waqooyiga Muqdisho, Muuse Suudi Yalaxow oo u waramay Wakaaladda Wararka AFP.

“Sida keliya ee aanu ku aqbali karno Ciidamo Caalami ahi in ay yimaadaana Soomaaliya, waa haddii ay u imanayaan in ay hubka ka dhigaan Argagixisada iyo Cabdulqaasim Salaad Xasan ayuu raaciyay Suudi Yalaxow.”

Hoggaamiye-kooxeedyadu, waxay ku eedeeyaan Cabdulqaasim inuu yahay Muslimiinta mayalka adag.

“Ta isku magacawday dawladda Ku-meelgaadhka ah, waxay ku andacootaa in ay tahay dawladda sharciga ah ee la aqoonsan yahay ee Soomaaliya, haddii ay tahay dawlad maxay ugu yeedhanaysaa fara-gelin milateri oo shisheeye? Waa in ay dadka hubka ka dhigtaa.” Sidaana waxa AFP u sheegay, hoggaamiye-kooxeedka kale ee Xuseen Maxamed Caydiid.

Sabtidii ayaa Baarlamaanka Kooxda Carta ogoladay, dalabka faragelin milateri oo shisheeye, kadib markii Cabdulqaasim soo hordhigay.

“Dawladda Soomaaliya, ma awoodo in ay hubka ka dhigto kooxaha hubaysan,” sidaa waxa yidhi, Cabdalla Deerow Isaaq, guddoomiyaha Baarlamaanka Kooxda Carta.

Dalabka Ciidamo shisheeye ee Wakhtigan, ayaa loo fahmay mid uu Cabdulqaasim marmarsiiyo ugu raadinayo fashilaadda iyo guul-darrada ku habsatay Kooxda oo beesha Caalamka, si weyn isaga dhaadhicisay markii Djabuuti lagu dhisay, waxana uu uga jeedaa ayay weriyayaasha Muqdisho leeyihiin, inuu dadka ugu soo bandhigo in kooxdiisu ay ka shaqaynayso in dalku hagaago, laakiin aanay dawladdi jirin ilaa hub-ka-dhigis la sameeyo mooyaane.

Waxaase weli si weyn loo xasuusan yahay in faragelintii beesha Caalamku ku samaysay Soomaaliya ay ku dhammaatay burbur iyo abdo la’aan, sagaal sannadood ka hor markii askarta Maraykanka lagu diley Muqdisho gudaheeda.

Maraykanku si degdeg ah ayuu Ciidamadiisii uga qaatay Muqdisho dilkaas kadib, ilaa sannadkii hore markii uu bilaabay dagaalka uu kula jiro argagixisadana, ma uu jeclayn in ciidamadiisu ay ka hawl-galaan dal shisheeye. Waxase jiray sannadkii dhammaaday, saadaal ah in Maraykanku laga yaabo inuu farageliyo Soomaaliya, haddii xubno ka tirsan Al-Qaacida ay u firxaddaan, markii laga saaray Afgaanistaan.

Afrika Iyo Hirgelinta Midowga Cusub

 

Reuters – Shir-Madaxeed ay ku kulmayaan dalalka Afrika, ayaa lagu wadaa in toddobaadkan lagu qabto magaalada Derban ee Koonfur Afrika, si ay ugu dhawaaqaan Midaynta dalalka Afrika oo ah, qorshe muddaba ay ku soo hawlanaayeen Madaxda Afrika.

Ururkan cusub oo bedeli doonna ururka Midowga Afrika ee hadda jira, kaas oo ay xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa, waxa loogu talo-galay in ay dalalka Afrika yeeshaan isku soo dhawaansho inta hadda ka weyn, iyadoo wax laga bedelayo xeerarka haatan u dejisan ururka OAU oo inta badan tixgelin siinayay Madaxbannaanida dalalka Afrika iyo dhawrista Soohdimaha kala qaybiya wadamada Afrika.

Waxyaabaha haatan lagu talo jirana, waxaa ka mid ah in la fara-gelin karo meelaha ay mashaqooyinku ka dhacaan in la xoojiyo Dimuqraadiyadda iyo Xorriyadda Siyaasadda iyo in laga hortago dib-u-dhaca iyo saboolnimada haysata dalalka Afrika, taas oo caqabad ku ah horumarka Afrika.

Haddii uu hirgalo qorshaha Midowga Afrika, waxay dalalka Afrika samaysanayaan Baan dhexe oo ka dhexeeya, lacag midaysan iyo hirgelinta suuq ganacsi oo ka dhexeeya dhammaan dalalka Afrika.

“Wax kasta waanu ku khasaaraynaa, haddii aanaan midoobin. Sidee baanu uga hortagaynaa isbahaysiyada iyo urur goboleedada haatan adduunka ku sii badanaya, sida Midowga Yurub iyo ururka dalalka Aasiyada Bari, iyo kuwa la midka ah, Afrikana waa meel ay waligeed dhibaato ka taagnayd.” Sidaa waxa yidhi, Cumaara Ciisa oo ah Xoghayaha Guud ee Midowga Afrika, una Dhashay dalka Ivory Coast.

Ururka haatan jira ee OAU oo la aasaasay 40-sannadood ka hor, waxa ka horyimid dhibaatooyin ay ugu weyn tahay dhinaca Maaliyaddu, iyada oo deynta baaqiga ku ah dalalka Afrika lagu qiyaasay 55-malyuun oo doollar, taas oo hoos-u-dhac ku keentay miisaaniyadda guud ee ururka OAU, taas oo ah 26.8-malyuun oo doollar. Dhibaatooyinkaas oo lagu cabsi qabo in ay haatan ka horyimaadaan ururka cusub ee Midowga Afrika.

Maraykanka Oo Veto Ku Horjoogsaday Golaha Ammaanka Go’aan Muddo Kordhina

 

Shirkii Golaha Ammaanka ee maalintii Axaddii ayay dawladda Maraykanku saartay awoodda diidmada ee (VETO), go’aan dib loogu cusboonaysiinayay joogitaanka Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay u joogga Bosnia.

Diidmada Maraykanku, waxay ka dambaysay Maxkamadda Caalamiga ah oo sii wada dacwado lagu qaadayo dambiilayaal dagaal, arrinta Maxkamadda Caalamiga ah socoshadeedu waxay Maamulayaasha Maraykanku u arkaan in ay horseedi karto falal aargoosiya oo lagula kaco askartiisa nabad ilaalinta u joogta gobolkaasi.

Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ciidamada Nabadgeylyo Ilaalintu ku joogeen Bosnia, wuxuu dhammaanayay shalay Isniintii (04:00 GMT), haddii sidaa lagu soo gaba-gabeeyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Bosnia, waxaa halkaa ku istaagaya tababarkii u socday ciidamada Booliska Bosnia oo ay wadeen Ciidamada Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo goob-joog ka ahaa u codeynta qaraarka ee Golaha Ammaanka, ayaa codsaday in laga hawl-galo sidii la isugu soo dhawaan lahaa, waxaanu yidhi Kofi Annan; “Dunidu uma adkeysan karto xaalad ay si qoto dheer golihii ammaanku ugu kala qaybsan yihiin arrin muhiim ah, taas oo carqalad ku ah hawlaha nabadda ee Qaramada Midoobay.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Mr. Jack Straw, ayaa isku dayaya inuu arrintan dhexdhexaadiyo oo la isku soo dhawaado.

Falastiiniyiinta Oo Ka

Cadhooday Mawqifka Maraykanka Ee Y. Carafaat

Mas’uuliyiinta Falastiin ayaa ficil cadho leh kaga jawaabay markii uu xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Mr. Colin Powell uu sheegay in maamulka Washington dib aanu ula xidhiidhi doonin hoggaamiyaha reer Falastiin ee Yasir Carafaat.

Mas’uuliyiinta Falastiin waxay ku tilmaameen in faquuqidda Yasir Carafaat ay keeni doonto burbur iyo waxyeelo cusub, waxayna ku baaqeen inaan lala kulmin weftiyada Maraykanka iyo Isra’il, iyaga oo kaga jawaabaya go’aanka uu Maraykanku ku diiday maamuuskii hoggaamiyenimo ee uu Yasir Carafaat ku mateli jiray Falastiiniyiinta.

Isaga oo la hadlaya Telefishanka Maraykanka, wuxuu Mr. Powell u sheegay in aanu qorshaha ugu jirin Maraykanku inuu la xaajoodo Carafaat xilligan hadda ah iyo mustaqbalka toona, wuxuuna intaa ku daray in aanay suurtogal ahayn in la wado oo la dhaqaajiyo hawlaha nabadaynta ee Bariga Dhexe ilaa la helo hoggaamiye reer Falastiin ah.

Mr. Collin Powell, wuxuu intaa ku daray in guriga cad ee Maraykanka lagu soo qaaday rag badan oo hoggaamiyeyaal u ah Falastiiniyiinta, laakiin aan la soo hadal-qaadin Carafaat tan iyo intii uu madaxweyne Bush 24-kii June ka hadlay qorshihiisa cusub ee Bariga Dhexe. Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Maamulka Falastiin Axmed Abdul-rahman ayaa isna yidhi; “Bush ma leh qorshe, ma leh barnaamij, ma leh wado maap leh, ma leh qorshihiisa ku aadan Bariga Dhexe.”

Fadeexadda Khasaaraha
Shirkadda World Com Oo Sii Kordhaysa
 

Shirkadda ee dalka Maraykanka ee loo yaqaan World Com ayaa la sheegay in khasaare ka badan inta hadda la og yahay la filayo, sidaana waxa sheegay dadka saadaaliya suuqyada saamiyada ee dalka Maraykanka.

Maamulka Shirkadda World Com. ayaa dhowaan sheegay inay shirkadda khasaartay lacag dhan 3.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah waxayna sidaa ku sheegeen war-bixin ay siiyeen hayadda SEC, iyaga oo intaa ku daray inay hadda baadhayaan buugaagtoodii xisaabaha ee sannadihii 1999—2000.

Qiimihii saamiyada suuqyada lagu kala iibsado ee shirkadda ayaa 97% hoos u dhacay, khasaarahaa ka sokowna waxa la sheegay inay shirkaddaasi ku guul-daraysatay inay iska bixiso dul-saarka lacagihii dayntaa ahaa ee ay qaadatay oo gaadhaya 4.25 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taas ayaana ah sababta shirkaddaa ku riixaysa inay kacdo.

Sida ay wararku sheegeen si qaldan oo ay shirkaddaasi in muddo ah u diiwaan-gelinaysay xisaabaadkeeda ayaa keenay inay haysato war-bixin muujinaysa inay macaashtay, halka uu khasaare culusi soo gaadhay.

Shirkadda World Com. Waxay khasaaraha soo gaadhay eediisa saaraysaa laba nin oo hore agaasimayaal fulineed uga ahaa shirkadda, kuwaas oo kala ah Mr: Scott Sullivan iyo Davide Myers waxa ka hore ahaan jirey Madaxa maaliyadda, halka ka dambena ahaan jirey ninka ilaaliya ama koontaroola qaabka socodka xisaabaadka maaliyadda.

Labadan nin oo diyaariyey xisaab-xidhkii shirkadda ee sannadkii 2001 iyo xisaabta saddex biloodkii hore ee sannadkii 2002, laakiin intii aanu shirka isugu iman guddiga shirkadda oo ahayd 25-kii Juun 2002, waxa labadaa nin (Scott iyo Divide) lagula taliyey inay is-calaan, hadii ay is-casili waayaana la eryi doono.

Arinta khasaaraha ee shirkadda World Com. Waxa baadhaya laba guddi oo ka socda aqalka Kongaraska Maraykanka, madaxweyne Bush-na waxa uu sheegay in sharciga la hor gayn doono Cidii uu ku cadaado musuq-maasuq iyo wax is-dhaaf-dhaafini. 

Sooyaal Burco Oo Soo Bandhigtay

Barnaamij Horumarinta Farsamooyinka Gacanta Ah

 

Burco (Haatuf): Xarunta Jimciyadda Sooyaal ee magaalada Burco, ayaa shalay soo bandhigay barnaamij loogu talo-galay sidii loo horumarin lahaa farsamada gacanta, taas oo lagu soo bandhigay farsamo gacmeed kala du-duwan oo ay ka mid yihiin, samaynta dharka oo isugu jira kuwa ragga, macawiiso, shaadhadh iyo cimaamado iyo kuwa dumarka oo leh guntiimooyin, toobab iyo garbasaarooyin-ba; waxa kale oo ay halkaas ku soo bandhigeen alaabta hidaha iyo dhaqanka Somaliland, sida; cawskii guryaha laga samaysan jiray oo dhawr nooc isugu jira, xeedhooyin, dhiilaha caanaha iyo alaab fara badan oo gacanta lagu sameeyay, kuwaas oo ay sameeyeen dumar ay Mujaahidiintu qabaan iyo kuwo agoomihii mujaahidiinta hayaba.

Waxa ugu horeyn bandhigaas ka hadlay Guddoomiyaha Sooyaal ee Gobolka Togdheer iyo Gobollada Bari, Muj. Yuusuf Cismaan (Y. Tallaabo), wuxuuna yidhi; “Ujeedada aynu isugu nimi maanta (shalay), waa iyadoo dumarkii soo halgamay iyo agoomihii oo soo bandhigaya barnaamijka horumarinta farsamooyinka gacanta, taas oo ay macalimiin barayaan dumarka iyo Carruurta agoonta ah, xirfad ay ku shaqaystaan, waad aragtaan iminka ilmahaa yar ee wershadaas ku samaynaya marada waa 10-jir, waxa magaciisa la yidhaahdaa C/shakuur Cilmi Faqash, waa agoon Mujaahid dhalay, waxaanu ku rajo weynahay in aanu wakhti dhow sidaas oo kale u tababarno inta badan agoomaha.”

Waxa iyana halkaas ka hadashay, Madaxa Macalimiinta Aamina Cabdi Jaamac oo sheegtay in aanay hawshoodu intan uu n ku ekayn, balse ay cunto karintu ku jirto, waxaanu intaas ku dartay in aanu wax gacan ah ka helin dawlad iyo hay’ado-toona, waxaanuna iminka u baahanahay in wixii aanu soo saarno farsamadayada gacanta ah aanu u helno suuq-gelintiisii, iyadoo hay’adaha iyo dawladdaba ka codsatay in la caawiyo.

Bandhigaas, waxa isugu yimi dhammaan Jimciyadda Sooyaal, hadday tahay Mujaahid, Agoomo iyo Dumarba.

Waa Sidee Xaaladda Degmada Caynaba?

 

Caynaba (Haatuf): Degmada Caynaba oo maamul ahaan ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ku taal badhtamaha magaalooyinka Burco iyo Laas-caanood waxa ku yaal Kastamka maamulka Somaliland dhinaca bariga ugu shisheeya, waana degaan xoolo dhaqato ah, waqtigan xaadirka ahna waxa ka jira duruufo maamul, nololeed, bulsho IWM, iyadoo ay hadda dadka degaankaasi ku jiraan xili jiilaal ah.

Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Liibaan Maaweel Shire oo magaalada Caynaba socdaal ku tegey jimcihii u dambeeyey ee Juun 28, 2002, ayaa war-bixin nooga soo diray xaaladda degaankaa, wuxuuna weriyuhu war-bixintiisa ku bilaabay:

“Waqtiga aan magaalada galay oo ahayd goor maalin ah waxa ceelka ay magaalada Caynabo leedahay ka cabayey xoolo tiro badan oo ka soo arooray degaamada xoola-dhaqatada ah ee Caynaba, laakiin dadka ceelkaa xoolaha ka waraabinayey waxa haysata dhibaato waayo xoolaha ceelkaa ka cabayaa waxay dhibaato kala kulmaan wadooyinka ceelka laga soo galo oo xidh-may, ka dibna xooluhu la’ yihiin meel ay ceelka ka soo galaan.

“Dhibaatada ugu darran ee haysata dadka iyo xoolaha ceelkan ka caba waxa weeye wado la’aan, waayo xoolaha ceelka ka cabayaa ma haystaan meel ay u soo maraan.” Sidaa waxa yidhi Nuur Jaamac Maxamed oo ka mid ah dadka xoola-dhaqatada ah ee ku dhaqan degaamada Caynaba oo aan kula kulmay Caynaba.

Ceelka Caynaba oo dhinacyo badan lagaga soo arooro, haddana waxay dadka ka cabayey ii sheegeen inay waddo qudhi u furan tahay xoolaha, taasna ay cidhiidhi aad u badan kala kulmaan xoolaha ceelka ka cabayaa, iyadoo ay wadooyinkii ceelka laga soo geli jirey dad degeen oo ay xidheen.

Cel-celis ahaan ilaa 2000 oo halaad ayaa maalintii ka cabba ceelka Caynaba sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan dadka ceelka ka cabbaa, tirada adhiga ka cabbaana waa xaddi aad u badan.

Waxyaalaha kale ee ay dadka xoola-dhaqatada ahi ka cabanayaan waxa ka mid ah dullinka shilinta loo yaqaan oo xoolaha farabaas ku haya.

Dadka magaalada Caynaba gudaheeda ku nool ayaa, iyaguna ka cabayey kaneeco ay sheegeen inay ka dhalatay biyaha ceelka, “ Dadkaba wax yar mooyaane waxaan bukini kuma jiraan, waxayna xanuunadaasi u badan yihiin Qufac iyo Kaneeco iyo dumarka oo uu ku badan yahay Umulaashigu miyi iyo magaalaba” Sidaa waxa tidhi Tusmo Cali Cabdi oo degan magaalada Caynaba.

Guud ahaan waqtigan xaadirka ah jiidaha degaanka Caynaba waxa ka muuqday xasilooni iyo jawi nabad-gelyo oo weyn, laakiin dhibaatada ugu ba’an ee degaankaa ka ooggan waxa lagu tilmaami karaa xidh-mooyinka lagu sameeyo dhul-daaqsimeedka, taas oo ay xooluhu la’ yihiin meel ay afka dhigaan, ka dib markii meel walba ay dad ooteen, taasina ay keentay in inta badan dhulkii ay xooluhu daaqi jireen laga dhigay seerayaal dad gaar ah u xidhan, iyadoo cawska xidhmooyinkaa ka baxana baabuur lagu daabulo, loona iib-geeyo xeebaha Puntland sida dekedda Boosaaso oo kale.

“Wadankii oo dhan rag baa xidhay oo xabbad baa xoolihii lagala hor-taagan yahay dhulkii ay daaqi lahaayeen, cawskiina gawaadhi baa lagu rarayaa oo bari baa loo iib-gaynayaa, taasina waxay keentay inay xoolihii gaajo layso”, sidaa waxa tidhi Hooyo Tusmo oo farta ku fiiqaysa dhibaatada ay xidhmooyinku ku hayaan dadka xoola-dhaqatada ah, iyadoo uu degaanka ay degmada Caynabo xukuntaa yahay degaan dhul-daaqsimeed ah oo ay xoola-dhaqatadu ku badan tahay.

Dhibaatooyinka kale ee lagala kulmo xidhmooyinka faraha badan waxa ka mid ah, iyadoo had iyo goor lagala kulmo khatar dhinaca nabadgelyada ah, taas oo ka imanaysa isku dhac mar walba ka dhex-abuurma dadka xoola-dhaqatada ah iyo dadka dhulka xidhay.  Hsae yeeshee waqtigan xaadirka ah way wanaagsan tahay xaaladda nabadgelyo ee degmada Caynaba, kamana muuqan wax xarakaad iyo wax dareen ah oo nabadgelya daro keeni karaa, laakiin sida uu ii sheegay maayarka degmada Caynaba Khaliif Ismaaciil Saleebaan waxa xaaladda nabadgelyo ee degaankaa waxoogaa saamayn ah ku yeelatay dhacdoooyin dilal ah oo dhowaan ka dhacay jiidaha degmada Yagoori oo ay deris yihiin degmada Caynaba, “Xaaladda nabad-gelyo ee degmadu aad bay u fiican tahay, laakiin degmadan aanu xuduudka leenahay ee Yagoori waxa ka dhacay shil (dil) aanu aad uga naxnay, arintaana wax ka qabashadeeda anagu degmo ahaan waanu ka qayb galnay, xagga Yagoori iyo xagga Laas-caanood-na waa lagaga soo baxay si loo dhex galo labada beelood ee arintu ka dhacday” ayuu yidhi maayrku.

Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Caynaba Saleebaan Cali-daad ayaan isna wax ka waydiiyey arinta dilka ah ee ka dhacday wadada laamiga ah ee u dhexaysa Caynaba iyo Yagoori, wuxuuna yidhi “ Labada nin ee lagu dilay laamiga xoolo aroor ah, iyaga oo wada ayaa laga soo af-duubay meel la yidhaahdo Jid-baale (Ceel laga cabo) oo ku yaal halka ay iskaga darsamaan degaamada Yagoori iyo Xudun, ninka kalena waxa lagu dilay meel la yidhaahdo Waxari-ka ciday (ceel laga cabo) oo yaal meel waqooyi-bari ka xigta magaalada Yagoori , dabadeed-na markii ay arintaasi dhacday waxa nala soo xidhiidhay booliska Laas-caanood, iyaga oo doonaya inaanu gurmad siino, marka ayaan kaxaystay 15 Askari oo boolis ah, waxaanuna halkaa ka wada hawl-galnay booliska Laas-caanood iyo booliska Yagoori, waxaanu la kulanay odayaashii labada beelood ee ay masiibadu ka dhex dhacday, dabadeed-na waxaanu labada dhinac-ba ka saxeexnay inay nabad-gelyo bixiyaan inta arinta wax laga qabanayo”.

Maayarka Caynaba mar aan wax ka waydiiyey xaaladda caafimaad ee dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaankiisa waxa uu tilmaamay inay jiraan waxoogaa xanuuno ah oo dadka iyo xoolahaba hayaa, “ koley waxoogaa xanuuno ahi way jiraan sida qufac, shuban iyo kaneeco dadka haya , xoolahana wax way jiraan sida geela oo uu hayo cudurka Dhugatada loo yaqaan” ayuu yidhi maayarka Caynaba, laakiin maayarka Caynaba mar aan waydiiyey sababta uu maamulkiisu wax uga qaban waayey dhibaatada wado-xumada ee haysata xoolaha ceelka ka cabaya wuxuu ku jawaabay “  horta kuwa degay jidadkii ceelka loo soo marayey iyo xooluhu waa isku caqli, anaguna waanu isku daynay inaanu talaabo ka qaadno, laakiin weli kumaanu guulaysan”.

Degmada Caynaba waxa ku yaal kastamka dhinaca bari ugu xxiga maamulka Somaliland, taas oo marka la isu geeyo dakhliga degmadaa ka soo gala xaddiga laga siiyo dakhliga kastamka iyo dakhliga ka soo geli kara cashuuraha ay ka urursato degaanka balaadhan ee ay xukunto lagu tilmaami karo inay ka mid tahay meelaha ugu dakhli roon degmooyinka asaageed ah,laakiin haddana taasi kama muuqato, tusaale qaar ka tirsan shaqaalaha dawladda hoose oo aan la kulmay ayaa ku cawday inaanay muddo gaadhaysa ilaa 18 bilood wax mushahar ah qaadan.  Hase yeeshee maayarka oo isna dhiniciisa wax ka waydiiyey mushahar la’aanta ay shaqaaluhu ka cabanayaan ayaa inkasta oo uu sheegay tiro ka yar bilaha ay shaqaaluhu sheegeen inay mushahar la’aayeen, haddana qiray inay mushahar la’aani jirto, wuxuuna yidhi “ shaqaalaha qaar baan 4 bilood mushahar qaadan, qaarna 5 bilood”, laakiin maayarka mar aan waydiiyey sababta keentay mushahar la’aanta shaqaalaha wuxuu ku micneeyeyey oo uu yidhi “ Cashuur badan ayaa nagaga lunta booliska degmada oo nagu yar oo aan noo qaybsamin darteed, waayo degmadu waxay ku fadhidaa dhul balaadhan booliska ka hawl-galaana waa 3o Askari, marka dakhli badan ayaa naga luma hadii ay tahay caws ama adhi dhuumasho lagu raro” ayuu yidhi, wuxuuna maayarku ugu dambayn ku cawday in hadii loo kordhin lahaa tirada booliska aanu ka lumeen dakhli badan oo hadda ka lumaa, “Hadii booliska la kordhin lahaa , dakhliguna si fiican buu noogu kordhi lahaa” ayuu yidhi. Taliyaha booliska Caynaba, Saleebaan Cali-daad-na waxa uu sheegay inuu booliskiisu si rasmi ah uga hawl-galo ilaa 5 rugood, isla markaana ay had iyo goor ka hawl-galaan ilaalinta kotarabaanka, taas oo uu xusay inay gaadiidka badeecadaha ganacsiga sida ee cashuurta la baal mara kastamka ka soo qabtaan jiidaha hawdka iyo Saraarta oo ah jiido magaalada Caynaba ka kala xiga aagga koonfurta iyo aagga waqooyiga. 

Marka laga hadlayo arimaha maamulka degmada Caynaba waxa jirta xan ku saabsan inuu khilaaf ka dhexeeyo maayarka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta kale ee maamulka degmada, iyadoo la leeyahay waxa jirta wada shaqayn la’aan, laakiin maayarka oo aan arintaa waydiiyey waxa uu ku jawaabay “ xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah baa naga dhexeeya xubnaha maamulka degmada oo dhan”.

Maxaa Laga Ogyahay Hab-Dhaqanka Caano-Diiqda?

Maxamed Xasan (Weriyaha Gebilay)

 

Marka aynu eegno dadka ka ganacsada caanaha xoolaha ee laga dhoofiyo degaamada degmada Gebilay iyo jiidaha kale oo ee ood-wadaagta la ah, loona iib-geeyo magaalada Hargeysa, iyaga oo ka buuxa jirikaano u badan caagagga 2o litir-qaadka ah, waxay dadkaasi u badan yihiin dumar.

Caanaha waxa laga kala keenaa degaamo dalka gudihiisa ah iyo degaamo u talowsan kililka 5aad ee Itoobiya, waxayna caanaha la iib-gaynayaa leeyihiin goobo lagu ururiy oo ah furdadaha laga soo dhoofiyo, goobahaasna lama wada laha ee waa la kala leeyahay oo dumarka caanaha ka ganacsada ayey u kala suntan yihiin oo ay qaarba meel sheegtaan.

Dumarka caanaha ka ganacsada oo ay tiradoodu aad u badan tahay waxay caanaha ku rartaan baabuurta xaajiyadaha loo yaqaan oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 50 Xaajiyadood, iyadoo ay haweenka caanaha ka ganacsada qaar ka mid ahi isku leeyihiin caanaha iyo baabuurka sidaba, Laakiin arimaha xusidda mudan ee ka mid ah hab-dhaqanka dadka iyo baabuurta ka ganacsada bucshiradda caanaha xoolaha waxa ka mid ah xawaare aad u dheer oo ay had iyo goor ku socdaan baabuurta xaajiyadaha ah ee caanaha qaadaa, hadii aad istaagto jidka xidhiidhiya Tog-wajaale ilaa Hargeysa waxaad arkaysaa baabuur xaajiyado ah oo ku soconaya xawli aad u sareeya , iyaga oo la ciir-ciiraya dad iyo weel caano ka buuxaan, taasina waxay had iyo goor dhibaato ku haysaa dadka iyo xoolaha ku nool agagaarka wadadaa, iyadoo ay baabuurta xawaaraha dheer ku socota ee wadada dheer isticmaasha, gaar ahaan xaajiyadaha caanaha qaadaa had iyo jeer la kulmaan shilal.

Dad xog-ogaal u ah ganacsiga caanaha ayaa ii sheegay inay baabuurta caanaha sida midkasta shidhka ugu jiraan dumar ka shaqeeya iibka caanaha, waxaana la sheegay inay wadaha baabuurka hoosta ka shuqeeyaan si uu caanaha goor hore u geeyo sayladda iibka.  Dumarkaasna waxa lagu naanaysaa Dhadhamisooyin, waxayna isticmaalaan oo ay wadaha baabuurka ku yidhaahdaan weedho ay ka mid yihiin: “ Duuli oo ama dhay gee ama dhiig gee”, taas oo macneheedu yahay inuu baabuurku dheereeyo si ay caanuhu goor hore magaalada galaan, waxaana baabuurka caanaha la habsaama lagu naanaysaa dhannaaneeye, iyadoo ay ujeedadu tahay inay caanuhu magaalada loo iib-gaynayo galaan goor hore, iyaga oo dhay ah oo aan dhannaanin.

Sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta caanaha qaada oo aan la sheekaystay qaar ka mid ah dumarka caanaha xoolaha ka baayac-mushtareeya ayaa samaystay iskaashato ka diiwaan-gashan degmada Aw-barre ee kililka 5aad ee Itoobiya, taasina waxay keentay inay cidhiidhi ganacsi la kulmaan dadka aan iskaashatadaa ku jirini. Tusaale ahaan sida ay sheegeen warar xog-ogaal ahi waxa dhowaan degmada Aw-barre ee kililka 5aad ee Itoobiya muddo lagu xanibay qaar ka mid ah baabuurta caanaha qaadda, iyadoo sababtana lagu tilmaamay inaanay ganacsatada caanahaa lihi ku jirin iskaashatada caanaha ee ka diiwaan-gashan degmamadaa, taas oo qofka iskaashatada ku jira mooyee uu maamulka degmadaasi diiday inay cid kale oo caano sidataa soo talowdo.  Laakiin qaar ka mid ah ganacsatada halkaa lagu xanibay oo aan la kulmay ayaa ku dooday inay arintaasi tahay arin aan xaq loogu lahayn, waayo bay yidhaahdeen ma aha in qofka lagu dirqiyo wax aanu doonayn, taas oo macneheedu yahay inuu iskaashatada geli karo qofkii doonaya oo keliyi, laakiin dhinaca kalena sida uu ii sheegay nin degan magaalada Tog-wajaale waqtigan xaadirka ah waxa jira xafiil-tan iyo kaambayn lagu kala qabsanayo ama lagu kala ridanayo furdadaha laga soo raro caanaha, taasna waxa ugu wacan baa la leeyahay caano yaraan jirta.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Maqnaanta Adeegyadii

Nolosha Iyo Koboca Danaha Gaarka Ah

 

Iyadoo ay 12-jirstay Qaran-nimada cusub ee Somaliland ee la soo noqoshadeeda lagu dhawaaqay May 1991, ayaa haddana waxaa muuqata in aan ilaa hadda horumar tayo leh laga gaadhin adeegyada aasaasiga (infra structure) ah ee bud-dhigga u ah nolosha qofka aadamaha ah, sida; Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Wadooyinka, Garsoorka, Xabsiyada iyo dhammaanba adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah.

Adeegyada noocan ahi, waa kuwa waajibiyay in dawladdu dadweynaha ka qaado noocyada cashuuraha kala duwan ee ay bixiyaan, sidaa aawadeed wuxuu dawladdana Cashuur-bixiyuhu xaq ugu leeyahay in ay horumariso adeegyada nololeed ee uu u baahan yahay. Macnuhu waxa weeye, lacagta dadka laga qaado waa in waxtarkeedii dib ugu soo noqdaa cahuur-bixiyihii oo uu helaa biyihii uu u baahnaa, waxbarashadii, Cusbitaalkii, jidadkii iyo adeegayada kale ee la midka ahba. Waayo, cashuurtu maaha baad ay dawladdu khasab ugu leedahay Shacbiga ee waxa weeye, dan lagu horumariyo dalka iyo nolosha bulshada. Sidaa aawadeed, waxaa haboon in Cashuur-bixiyuhu uu yaqaano waxa uu xaq ugu leeyahay dawladiisa iyo waxa ay xaq ugu leedahay-ba.

Haddii uu Cashuur-bixiyuhu kala garanayo waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay, isla markaana aanu sag-saagin bixinta cashuurta, dawladdana uu ku daba-joogo meesha ay martay wixii laga qaaday, iyo in loo qabtay adeegyadii uu u baahnaa iyo in kale, markuu sidaa u soo jeedo Cashuur-bixiyuhu ma dhacdo in la lunsado hantida ummadda. Hase yeeshee, haddii aanu Cashuur-bixiyuhu garanaynin wuxuu xaq u leeyahay, waxa khasab ah in ay laba farood dhexdood ka baxdo oo la lunsado, iyada oo aan waxba lagaga qabanin dantii guud ee ummadda. Cashuurta wadadaa martaa ee tiro yari iskaga danaystana, waxaa lagu magacaabaa “BAAD,” waxaana dadkooda ka qaada nidaamyada keli-taliska ah ee musuq-maasuqa ah.

Baytal-qasiidkuna waxa weeye in dad koobani dulaystaan inta badan, iyagoo u adeegsanaya lacagtii ay bixiyeen ee laga soo ururiyay. Nidaamkani, wuxuu horumariyaa danta gaarka ah ee dadka awoodda gacanta ku haya iyo inta ku xeerran, waxaanu baabi’iyaa oo meesha ka saaraa adeegii ay u baahnaayeen dadka inta badan ee bacadka fadhida ee cashuurta laga ururiyaa.

Haddaba, haddii aynu hoos ugu sii degno dulucda Badheedhahan, waxaa muuqata adeegyadii danta guud ee Somaliland in ay dhulka yaallaan oo aanay tayo badan lahayn, isla markaana aan la horumarinin muddadaa 12-ka sanno ku dhow-dhow ee ay Somaliland Qaran-nimadeeda ka talinaysayba. Inaga oo aan meel dheerba ka eegin, waxaa tusaale inoogu fillan magaalada Hargeysa oo ah Caasimaddii dalka, waayo madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto oo qurux iyo fool-xummo, horumar iyo horumar la’aanba, waa meesha koowaad ee laga dheehan karo, hadba wejiga uu dalku leeyahay. Maanta Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad tiradoodu caga-cagaynayso hal-milyan oo qof, Cusbitaalkii keli ahaa ee ay caafimaad ahaan ugu xillanayeen, xaaladduu ku sugan yahy maaha mid aynu qormadan yar kaga bogan karo. Taas ka sokow, dadka reer Hargeysa xoolaha ay hillibkooda isticmaalaan, waxaa loogu gawracaa goob yar oo uuskii, dhiigii, iyo qashinkii kaleba dugsanaysa. Horumarin kale ha joogtee, qaybo ka mid ah dhulka goobtaas yar ee xoolaha loogu gawraco magaalada, ayaaba hadda la dayrtay oo dad la mulkisiiyay.

Dhanka kale, xaddiga dambiyada ka dhaca magaalada Hargeysa waa qaar tiro badan, hase yeeshee tayadii Ciidanka dembi-baadhista ee waajihi lahaa iyo qalabkii loo baahnaa, midna ma muuqdo. Xafiiska Ciidanka dambi-baadhista ee xarunta Hargeysa, waxaa u qalab ah hal teeb iyo wax la jira, gaadiidkooduna sida la sheegay waa hal gaadhi oo Land Rover ah. Markaa maxay ka qaban karaan dunuubta dhacaysa oo qaarkood ay yihiin qaar aan dhaqan ahaan hore loogu arag Somaliland, sida; Sixirka oo ay dadka soo-galootiga ah qaarkood waxyeelo ugu geystaan bulshada, kuwaas oo dadkii sameeyay oo qaarkood la qabtay aan lagu qaadin ciqaab u dhiganta dembiyadii ay galeen.

Intaas oo keli ah kuma koobna ee adeeg kasta oo danta guud ahiba, waa dulaysan yahay oo sidaas oo kale ayuu u dhutinayaa oo uu u ragaadsan yahay.

Marka la eego dakhliga dawladda soo gala mar hore iyo Haddaba, isla markaana lagu darbiyo wixii gacmaha samafalka inaga soo gaadhay, waxaa cad in aan la waayin awood dhaqaale oo lagu kobciyo adeegyada aasaasiga ah. Hase yeeshee, waxaa marag-madoon ah oo aan la dafiri karin in Somaliland lagu canqariyay dawladnimadeeda, hannaan xun oo musuq-maasuq ah, kaas oo u muuqda mid dawladda iyo dadku iskaga raali yihiin.

Marka aan eegno, Madaxda dawladda iyo inta ku xeeraniba, waxay badi ku jiraan nolol qurux badan, qaar badan oo ka mid ahina waa ganacsato, hantida ma-guurtada ah iyada hadalkeedaba daa. Markaad is-barbar dhigto noloshoodii shalay iyo ta ay maanta ku jiraan, waad dareemaysaa faraqa weyn ee u dhexeeya. Sidaa daraadeed, waxaa muuqata in hantidii Qaranka si khaldan loo maamulay oo aynu raacnay wadadii tirada yari dhergi jirtay, inta badanina gaajoon jirtay, sida dabaqadii Burjuwaaga iyo uurar-waaweynta ee hore uga dhismay wadamada dunida qaarkood.

In sidani dhacdo, waxaa dhabaha u xaadhay Shacbiga cashuurta laga qaadayo oo duudsiyay xaqoodii, isla markaana noqday hoy uu ku dhuunto fayraska musuq-maasuqu. Tusaale ahaan, dhawr bilood ka hor waxaa Xafiiska Haatuf, cabasho la yimi dhawr qof oo haween iyo rag isugu jiray, waxay tirsanayeen xaqsoor la’aan iyo cadaalad-darro ay sheegeen in masuuliyiin dawladda ka tirsani ku sameeyeen. Waxay carabka ku dhufteen in ay tiraba dhawr jeer lacag laaluush ah bixiyeen oo ay masuuliyiinta siiyeen, balse ay haddana waayeen wixii ay doonayeen. Markaanu weydiinay sababta ay laaluushka u bixiyeen, waxay sheegeen in aanay masuuliyiintu odhanin keena laaluush, laakiin ay iyaga la noqotay in ay sidaa wax ku helayaan.

Hadal iyo dhammaan, haddii aan dhakhso dawo loogu helin cudurkan oo aanay shicibku noqonin, qaar indhaha kala haya oo ka maydha uskaga fayraska musuq-maasuqa ee ay gacmahoodu la haliillayaan, isla markaa aanay ahaanin qaar daba-gala meesha ay cashuurta laga qaadaa gasho oo aanay raadsanin xuquuqdooda, lama filayo in wax isbedelaan, xaalkuna wuxuu iska ahaanuun, tiro yar oo dheregta oo qosol ku cawaysa iyo tirada badan (dadweynaha) oo lagu dulaysto wixii ay bixiyeen ee laga ururiyay.

RAADYOW MA QALOOCSHE

 

Halkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq aqoonka ah.

Dhegaystayaashayada dhagada mad-madow lahow, waxa la soo gaadhay waqtigii aanu idin huluuqsiin jirey wixii war iyo wacaal caro-edeg ka jiray,waxaana maanta dal-dalistiisa u biyeystay weriye Mr: War-jiir.

Warkii oo kuududda:

Muqdisho: Shirab iyo shuqulo loogu dabaal-degayo dab-shidkii laba iyo afartanaad ee xoriyad qaadashada Soomaaliya ayaa shalay laga dhex sanqadhiyey ceelkii lagu kala guuray ee Muqdisho la odhan jirey.  Dabaal-degaas waxa nooga soo waramay weriyaha Raadyow ma qaloocshe ceelkaa xamar u jooga Mr: Xirsi Garawle oo yidhi.

“Mooryaan, maleeshiyo iyo masuuliyiin ka mid ah dawladda ku meer-meerka ah ayaan saaka khadka fooniyaha kula xidhiidhay, iyaga oo gaadho ka cayaar ugu dabaal-jiqlaynaya munaasibadda kowda luuliyo oo ah midowgii gobanimadii geediga kaga timi waqooyi iyo markii ay Reer-Somaliya calanka ka qaateen Fajiistihii haysan jirey ee Talyaani.

Dawladda ku meer-meerka ah ayaa munaasibaddaa ka sheegtay inay arladu u baahan tahay ciidamo shisheeye ah oo qabsada oo hubka ka ururiya dadka, si arladaa dib loogu gumaysto, dhanka kale dad digirta gada oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inay wax lagu maadsado tahay in dawlad sheeganaya oo u dabaal-degaya maalintii ay xoriyadda qaateen ee uu gumaysigu ka kacay inay dib u dal-badaan ciidamo xaqa-naas iyo shisheeye gumaysta.

Xagga kalena maalin ka hor ayey baarlamaanka dawladda maararawgu ansixiyeen wareegtada lagu dal-banayo inay ciidamo wax gumaystaa arlada yimaadaan, dalabkan oo dawlado badan loo kala diray ayaan ilaa hadda wax jawaab ahi ka soo noqon, waxaase warku sheegayaa in dalka Masar,isaga lagu sheegay dukaamo gumaysiga lagu iibiyo”, waa tahay xirsi garawle, ma qaloocshe, Muqdissho.

Hargeysa: Madax-yuubka shankaroon land ayaa shaqada ka fenishay afar qaadi oo maxkamadaha joog joogi jirey, isaga oo afartaa afartoodiina xilka ku dhid-bay isla aroortiiba.

Madax-yuubku wuxuu sidan wax yidhi markuu arkay: Miisaanka ka saaran calaamadda qaran, markuu akhriyey Ashahaadada calanka ku qoran, markuu baan-dheeyey distoorka, markuu isha la helay baalka bedele xaakin bahaloobay, qoddobkiisa, qoolaab, xariijin soo celin cadaalad yaacday, markuu aqoonsaday Asaasaqa garsoorka galay, markuu jil-bihiisa la tashaday, waxa uu isaga oo aan nin madow ka baqayn firdhiyey afar oday oo gar-eegayaal ahaa.

Madax-yuubku markii uu xilka ka dumaalay marxuumkii dhintay wuxuu dharaartii u horaysay ee uu afka kala qaadayba sheegay inuu indhaha u jeexi doono garsoorkan shuqul-xumadu ka jirto ee uu marxuumkiina haleeli waayey.

Haddaba garsoorayashan jagada ka car-maliyeeyey ayaa dad iga yaqaanaa ku sheegeen inaanay qaadiyo ahayne, ay ahaayeen qarbooshayaal laaluushku meel darran ka riday, iyadoo ay maxkamadaha dalka oo dhamiba kala siman yihiin anshax-xumada, haddana raggani waxay ahaayeen baa la yidhi geedka ay gacanta ugu dambaysaa ka go’do.

Habar ka mid ah dillaaliinta garta eexo ayaa ku maah-maahday “ Nin musuq-maasuq bartay iyo xaakin laaluush bartay midna ma mergado”.

I

nkasta oo bedelka qaadiyadan ay dad badani mirqaan ka muujiyeen, laakiin waxay haddana yabaal ka muujiyeen inay qaadiyadan cusubi yihiin qaar kuwii hore dhaama iyo in kale.

Washintong: Madaxyaraha Maraykanka Mr: Jiri Bush ayaa la sheegay in dhowaan caqligiisa iyo calooshiisa lagu sameeyey shaybaadh.

War-saxaafadeed ubucdiisa laga soo saaray ayaa sheegay inay dhakhaatiirtu ku lug go’een oo ay waxba ka waayeen.

Mr: Jiri bush ayaa la sheegay toddobaadkan inuu masuuliyadda madaxweynenimada muddo saddex saacadood ah talaajad ku riday, ka dib markii la sheegay in xiid-maha hargab kaga dhacay oo la qalayo.

Mr: Bush waxa la sheegay inaan qumaati loo ogayn waxa laga baadhayey, iyadoo ay wararka qaarna sheegayaan in cudurka laga baadhayey uu ahaa nacas-nimo iyo waalli labadaba, laakiin dhakhtarada baadhay may sheegin inta digrii ay gaadheen nacas-nimada iyo waallida ku jirtaa, waxaase la rumaysan yahay inay hooyadii maadar Bush geysay meesha la yidhaahdo Kaam dhayfidh si looga cuudiyo cuqubadii culimadii yar yarayd ee Al-qaacida.  Si kastaba ha ahaatee waxa la sheegay inuu Mr: Jiri Bush hadda bed-qabooo uu biririx yidhi oo xilkiisiina kala soo baxay talaajadii uu ku yara ritay.

Kenada: Sideedda wadan ee dheregga ku taran-dacay ayaa shirkoodii shaxaad bixinta wax ugu qorshaynaya wadamada qadhaadhoonaya ee caro-edeg ku uumman.

Shirkaas oo ka furmay tuulo ku taal dalka Kenada ayaa war-bixin laga soo saaray waxa lagu sheegay in bakhayl-nimo aan hore looga barran uu haatan Maraykanku la soo baxay, taas oo ay madaxda Reer-Afrika aad u qawadeen waxa uu ninkaa weyn ee Maraykan raggaa u soo fiiqay, iyadoo uu sheegay in wadamada Reer-Afrika ee gaajaysan loo qoon-deeyey hal-malyuun oo aw-bidaar ah oo keliya, halka kuwa dheregsana loo qoon-deeyey labaatan malyuun oo aw-bidaar ah, argagixisadana loo qoon-deeyey labaatan mal-yuun iyo badh, mar lagu yidhi Afrika wax u kordhiyana waxay ku jawaabeen “ Sadaqo cindalaah”.

Shaxaadkaas oo ah dhaameelka Reer-Afrika qayr-kood ka reebay waxa uu qayb laxaad leh ka ahaa farsamooyinka uu gumaysigu ku shaqaysan jirey, taas oo aan is idhi hadii laga joojiyo lacagtaa Afrika waxa ku filaan lahaa fur ciir ah.

Falastiin: Falastiin ayaa looga baqe qabaa in lagu sameeyo Inqilaab, inqilaabkaas oo la sheegay inuu yahay Made in U.S.A waxay wararku sheegeen inuu inqilaabkaa soo sido ninka la yidhaahdo Koohin Baal oo uu dhowaan arlada Falastiin ka soo dejin doono shixnadaas oo dayuurad lagu sido, waxaana xamaaliin ka ah Israa’iiliyiinta.

Amuurtan waxa uu wer-werkeedu bilowday dhowaan markii uu Maraykanku sheegay in Falastiiniyiinta dawlad loo sameeyo, madaxweynena looga dhigo nin ha xamiid karasaaniga labaad, isaga Carafaat-na ku sheegay inuu yahay ool-faashiyan istayl.

Warkii minjo ka ciyaarka: Dalka Baraarsil ayaa lugta ku cal-faday galaas dhako buurran, ka dib markii dalka Jarmalka la huwiyey laba jawo, labadaa jawo waxay Jarmalka xuluusheen markii ay qawsaaro reer baraarsil ahi dabro weerar iyo duduuc ku hinjiyeen afaafka watan-teeriyaha Jarmalka, halkaas oo kubbad dheregsan uu ganaca laad kaga tumaatiyey wiilka qumayga ku ah gool saaruqnimada ee ay ciyaalku ugu yeedhaan Rooraando, wiilkaas oo awel hore dhukuraan jirey, laakiin hadda bad-raanimo daraadeed dhoor yari u soo baxay.

Dadka Reer baraarsil ayaa foodhi, geeraar iyo wishiiri la biqleeyey, iyadoo ay dumar badan oo uur lahaa farxad la umuleen markii ay maqleen “Baraarsil world Cup cajiing with her legs”.

Magaalada Riyodijooro ayaa la sheegay inay bahal khamri la’aan ahi soo food saartay, ka dib markii ay dadku casar-dheeraba heensaysteen booyado iyo jirikaano khamri ah, maayarka magaalada Riyojooro ayaa dal-baday in kaalmo dheeraad ah lala soo gaadho dadka ku bara kacay sakhradda ka dhalatay farxadii galaaska adduunka ee ay ciyaalkoodu u soo qaadeen.

Dalka Jarmalka oo ahaa dalkii u dambeeyey ee muraara dilaaca qaata ayaa la dhogor madoobaaday wax aan ciil iyo cadho u kala garan waayey, wuxuuna ku biiray soddonkii dal ee, iyagu hore u qaatay biladaha oohinta iyo dhiig karka adduunka.

Minjo ka ciyaarkan oo afar guuro kasta la qabto waxa sannadkan qabashadeeda loo kala dilaaciyey laba wadan oo ka kala ah Kuuriya iyo Jabaan, sababta labadan wadan loogu qaybiyey ayaan u qaatay arin laan-gaabnimo ku saabsan.

Labadan wadan oo aanay indhahoodu waxba kala weynayn waxay ka tirsan yihiin wadamada shaydaanku abtiga u yahay, Insiguna adeerka ugu toosan yahay.

Minjo ka ciyaarkan oo ahaa mid lala dool-raacay intii uu socday waxa laysku dhaliyey 161 jawo iyo 20 bitiq.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hadaanu Nahay Shaqaalaha La Eryay,

Dawladdu Maxay Noo Haysaa Arrin Iyo Adduun?

A

nnaga oo ah Muwaadiniin u dhalatay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, degana magaalada Hargeysa ayaanu jeclaysanay in aanu ka hadalo arrin miisaankiisa iyo mugiisa leh. Arrintaas oo qof walba oo muwaadinimo ku dheehan tahay, marka uu u kuur-galo uu dareenkiisa diidmada ah ka muujinayo isla markaaba.

Taariikhdu waxay ahayd 29/3/2000, markaas oo aniga iyo 80-qof oo shaqaale ka ahaa haamaha shidaalka Berbera, gidaarka naloogu soo dhajiyay warqad shaqo ka fadhiisin ah, taas oo uu ku saxeexnaa Wasiirkii Ganacsiga, Wershadaha iyo Dekedaha ee wakhtigaa “Axmed Aadan Cumar (Qootaali)” shaqaalahan oo isugu jiray agaasimayaal, Enjineero, farsamayaqaano, karaaniyo ilaa illaaliyayaal oo dhammaan ahaa kuwii hore uga soo shaqayn jiray ilaa wakhtigii dawladdii hore ee Siyaad Barre. Wakhtigaas oo ay ahayd “Wakaaladda Batroolka Ummadda” Shaqaalahan oo ka ugu wakhtiga yarina uu ahaa ilaa 80-maadkii oo ahaana shaqaale khibrad iyo waayo-aragnimo u leh shaqadoodaa ay inta badan ku soo shaqeynayeen. Shaqo ka eryidan aan wax sababa lahayn, ayaa yaab iyo amakaag ku riday dadweynaha muwaadiniinta ah ee reer Berbera iyo dhammaan shicibka Somaliland, taas oo ay dawladdu u madaxbannaanaysay shirkad ay heshiis dayactir haamaha ah la gashay oo la yidhaa “TOTAL RED SEA” muddada heshiiskuna yahay 50-sannadood, taas oo ay dawladdu ku wareejisay dhammaan haamaha shidaalka Berbera iyo wixii qalab dhex yaallaba. Waxa intaas dheer in awood loo siiyay Maamulida shidaalka shirkadaha Private-ka ah ee dalka shidaalka keena, kuwaas oo ay iminka ka sii hadheen Sahel Petroleum Co iyo Red Sea Petroleum Co, meeshana ay ka baxeen ugu yaraan saddex shirkadood oo dalka keeni jiray batroolka, markii ay u adkaysan waayeen cadaadiska ay shirkadda Total ku hayso, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

Haddaba, shaqo ka eryidan ku dhacday muwaadiniintan shaqaalaha ahaa ayay Total u badheedhay, iyadoo mar-marsiiyo uga dhigaysa; waanu buuxnaa iyo u taga maamulkiina, iyada oo uu jiro heshiiskii Xukuumaddu la gashay Total, in qodobka ka mid ahi uu qeexayo markay shirkaddu dhammayso hawlaha dayactirka in ay la wareegto dhammaan shaqaalihii ka hawl-galayay haamaha ee ay ugu yimaadeeen, waxaanay dibadda ka doonan karayaan marka ay iyaga (Shaqaalaha) ka dhex waayaan, qof aqoon u leh “Possition-ka” ay u doonayaan cid u buuxisa. Haddaba iyada oo taasi jirtay, ayaa ogaan loo dhaafay sharciyaddaa, lagana dhigay sidaan doonayo iyo cidaan doonayo ayaan yeelayaa. Arrintani waxay keentay in shirkaddu Djabuuti iyo meelo kaleba uga yeedhato shaqaale Muqaawil ah, iyagoo buuxa kuwii weligoodba ka soo shaqaynayay haamaha tixgelinna siinaya luuqadda Faransiiska.

Kadib arrimahaas ayaanu isku daynay in aanu samayno Bannaanbax aanu ku diiddanahay dhacdadaa. Bannaabaxan oo aanu ugu talo-galnay inuu si nabadgelyo ah u dhaco, isaga oo aan wadan wax rabshado ah, waxaase ishortaagay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo noo sheegay in aanu isaga sugno, balse wax guul ah may keenin sugidaasi, haddana waxaanu la kulanay wasiirkii wakhtigaa arrimaha gudaha ahaa, annagoo u faahfaahinay sida ay wax noogu dhaceen, kadib wuxuu noo sheegay inuu guda-geli doono arrimahaas. Balse sidii tii hore, tanna wax midha dhal ah may keenin. Markii ay arrini halkaa marayso, ayaa shaqaalaha oo isku duubani ku tashadeen in ay dacwadooda gaadhsiiyaan cidii ay u tuhmayeen in ay wuxuun ka qaban karaan, kadib sida lala wada socdo waxaa dhacday in Baarlamaanka Somaliland uu laallo heshiishkii Xukuumaddu la gashay Shirkadda “Total Red Sea,” waxaana arrintaa waxba kama jiraan ka soo qaaday Maamulka Sare ee Somaliland.

Shaqaalahan oo ahaa kuwii iyagoo dagaaladii dalka ka dhacay ilaa kii Faqashtii ilaa kuwii sokeeye ku jiray xerradda, isla markaana ilaalinayay biraha, alaabta iyo qalabkii kale ee dhexyaalay xerradda oo ah, kuwo qiimahoodu aad u qaali yahay, haddii aanay joogeena bool-bool loo furan lahaa, lana billiiqaysan lahaa, sida wershadihii kale ee dalka yaalay. Waxaase la yaab leh 81-qof oo ah Muwaadiniin u Dhashay dalkan Somaliland, si aad iyo aad u fudud loo yidhaa iska taga aan haysan wax u jeedo ah, sida imtixaan baa la idinka qaaday oo waad wada dhacdeen, waxaase ka sii daran iyada oo aan wax xuquuq ah la siin, sida uu sharciga shaqaaluhu dhigayo, arrin noocan oo kale ah oo ku dhacday shaqaale tiradoodu intaa le’eg tahay lama arag, haddayse dhacdo xaqooda ayaa la siin jiray. waase la arkaa in la dhimo shaqaale dawladeed, shirkadeed, hay’adeed, iwm, sababo dhaqaale awgeed iyaga oo aan ahayn dhammaan, xitaa dawladii Faqashtii ee laga xorreeyay dalkan, taariikhdeeda laguma hayo shaqaale sidaa u baaxad weyn oo ay dulmiday, waabayse u roonayd oo shaqaalaha xil gaar ah ayay iska saari jirtay, waxayna samayn jirtay ururo ka shaqeeya danaha shaqaalaha, lehna sanduuq maaliyadeed oo wax loogu qabto, hadba kii taag daran.

Haddaba, markii aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arrintan Madaxda Total Red Sea, waxay noogu jawaabeen; “Annaga xaq nooguma lihidin ee u taga maamulkiina iyo dawladiina.” Taas oo kuu caddayn karaysa in haddii ay helaan cid ay nagaga baqdaan oo xaga maamulka dawladda ka socda ay arrintayada sida ugu dhakhsaha badan leh u fulinayaan, laakiinse ayaan-daradu waxa weeye in kii maalintaa kursiga fuullaaba uu dhex mushaaxaayo danihiisa gaar ahaaneed, isaga oo ku fikiraya berri ayaad meesha ka tegi doontaa.

Haddaba waxa isweydiin leh, shaqadii ay hayeen shaqaalahani ma shirkaddaa la wareegtay, mise waa la baabi’iyay?

Jawaabtu waxa weeye, shirkadani haamo, qalab iyo mishiino ayuun bay la wareegtay, balse ma jirto shaqo ay halkii ka sii wado oo ah tii ay hayeen shaqaalihii la eryey.

Tusaale: Shaqaalahani wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, wada-shaqayna la lahaa wasaaradda ganacsiga Somaliland, magacooda guudna uu ahaa “Hay’adda Shidaalka Qaranka,” main office-kooduna uu ahaa Hargeysa, hawshuna ay ka socotay Berbera, shaqadiisuna ahayd isku xidhka xaaladda keydka iyo wasaaradda ganacsiga. Sidoo kale habaynta iyo ku talo-galka shidaalka dalka, si aanu shidaal yari u dhicin. Waxa kale oo hoos iman jiray kaalmaha dawladda ee ku kala filiqsan 6-da Gobol, una diiwaangashanaa oo ay Cashuur ka qaadi jireen, hawlahaas oo imika baylahsan cid u xilsaaranina aanay jirin ilaa imika, dawladdana looga soo xareyn jiray lacag aad u faro badan. Mase la wada ogsoon yahay faa’iido iyo khasaare midka ay u keentay shirkaddan 50-ka sannadood dhaxalka loo siiyay Haamaha?

Sida aynu la wada soconnana, waxa ay Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqadu dhawaan soo saartay xeerka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, iyada oo ku sheegtay xaaraan maqdac ah inuu hawl uu qaban karayo Nin Muwaadin ah, amase muwaadin hore u joogay goobtaa shaqada la dul keeno mid kale. Sidoo kalena, waxaa xeerkaa ku cad in eriga shaqo dhimista iyo waxyaabaha kale ee lagula kaco shaqaalaha 10-cisho ka hor la soo ogeysiiyo Wasaaradda Caafimaadka. Xeerkaa imtixaan ka qaadista shaqaalaha in ay goob-joog ka ahaadaan Wasaaradda Caafimadka iyo shaqadu, taas oo waajib lagaga dhigayo kuwa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa dawladdaba, iyada oo tan cadaalad-darro badan in badani ka tirsanayeen, habka imtixaanaadka shaqo qorista.

Arrimahan oo haddii sidooda loogu dhaqmo, guul laga gaadhi karo, keeni karana horumar iyo horusocod xaga cadaaladda ah.

Haddaba, haddii aanu nahay shaqaalihii la dulmiyay, waxaanu leenahay dawladdu arrin iyo adduun maxay noo haysaa, mise arrintu waa; “Nin dawee la leeyahay, xalka doon la leeyahay, dambi uu badh leeyahay, isagay u darantoo, inuu daaro ma ogola, daaraanta mililka leh.”

Liibaan Cumar Iidaan iyo C/Weli Xasan Axmed, Hargeysa

WAADIGA CIYAARAHA

Brazil: Dabacsannaan Bay Ku Bilowday, Dar-Darna Way Ku Hanatay

 

Yokohama (Haatuf) :- Waddanka markii shanaad ku guulaystay horyaalnimada ayaa markeliya dunida dacaladeeda isaga gudbay, iyada oo min hal daraf ilaa dacal looga dabaal-degay guusha ay ka soo hooyeen koobka adduunka.

Luis Felipe Scolari, oo ahaa nin ay haysatay caga-jugleyn, canaan iyo cambaarayn ayuu culays weyni ka dhacay Axaddii markuu gacanta ku dhigay guusha oo ay 2-0 ku sagootiyeen Germany. Waxay taasi soo gunaanaday hayaan sanad kahor ku bilaabmay duruuf adag iyo xaalado kala duwan, markaas oo Brazil mugdi kaga jiray siday uga qaybgeli lahaayeen koobka adduunka.

Hoggaanka Germany Rudi Voeller, wuu ogaa inuu ku saxnaa xeeladdii uu kala hortegay Brazil, waayo hadduu ciyaarta toos u isticmaalo awoodiisu umay saamaxayn, kooxda koonfurta Ameerikana dur-duro ayay kaga badin lahayd, weliba waxa lugta sii qabatay ganaaxii uu kaga maqnaa Michael Ballack.

Sidaa darteed, wuxuu kaashaday isku-xidhka kooxda, wada-shaqan joogto ah, khibrada iyo feejignaanta Bernd Schneider, oo buuxiyay kaalintii Michael Ballack, laakiin awooda biloga ayaa ka liidatay difaaca.

Dhinaca kale, Scolari, oo gacanta ku haystay dhammaan qoryihiisii waaweynaa, ayaa gaadayay fursaddii uu ku kasban lahaa labeenta. Iyada oo taasi jirto, ayay Germany inta badan ciyaarta sarraysay qaybtii hore. Kamay ciyaar sarayn kooxda kasoo horjeeday, laakiin waa loo been guurayay.

Shaqadii xidhiidhka ahayd ee Christian Metzelder, Torsten Frings, Oliver Neuville iyo Schneider, ayaa xaqiijisay in Germany si joogto ah u hesho hal ciyaartoy oo markasta meel bannaan taagan.

Brazil oo si hoos ah isu dhistay, ayaa dhanka midig ciyaarta ka xoojisay, kadibna gacanta ku dhigtay raggii Voeller, oo markii dambe si buuxda uga ogolaaday in Brazil kulanka la wareegto, oo weliba gacan adag ku qabato.

Dhibaatada Germany waxay noqotay, iyada oo aan haysan ciyaartoy tayo leh, kubadda maamulkeedana farsameeya.

Waxay waayeen qaar la mid ah awooda dheeraadka ah ee Saaxirka Brazil, kaas oo si dunida ku cusub madaxa u xiirtay.

Inkasta oo Schneider oo ahaa furaha khadka dhexe uu kubado fiican gaadhsiinayay Miroslav Klose iyo Marco Bode, haddana labaduba waxay ku guul-daraysteen inay xoojiyaan awood-darradii afka hore ka muuqatay.

Brazil, ayaa si liidata u ciyaaraysay muddo nusa-saace ah. Ronaldo, oo dadka o odhami isku halaynayeen ayaa ku guulaysan waayay inuu dhaliyo laba fursadood oo qaali ah, iyada oo la dhawrayo dhammaadkii qaybtii hore ayuu Oliver Kahn la kulmay khataro weyn, ta hore waxay ahayd markii Kleberson kubbad u soo salaxay Ronaldo oo kubbad xoog leh ku ganay Kahn oo badbaadiyay mid ka mid ah fursadihii ugu khatarta badnaa ee soo mara.

Scolari, wuxuu ogaa in uu dhammaad yahay waqtigu ayaan wax beddel ah samayn.

Markii la isu soo laabtay, Germany may muujin khataro badan, marka laga reebo bilowgii oo uu Neuville kubbad fiican ku laaday goolka, taas oo Marcos si fiican isaga difaacay.

Si kastaba ha ahaatee, daqiiqaddii 67aad ayay Brazil ugu dambayntii heshay fursad u qalantay inay dhaliyaan, taas oo Ronaldo kaga dhabeeyay. Ronaldo ayaa ka dhigtay Dietmer Hamann, kadibna u dhiibtay Rivaldo oo kubbad uu goolhayaha ku beega ka soo danab-kacday, taas oo Ronaldo shebega ku dhammaystiray.

Jarmalka ayaa isku dayay ciyaar fiican inuu sameeyo, laakiin 10-daqiiqadood kadib ayuu Ronaldo u quus-gooyay innamadii reer Yurub.

Germeny way dedaaleen ciyaarta, laakiin tayada farsamo ee labada kooxood waxay ahaayeen kuwo aad u kala fog.

Rudi Voeller, waxaa farxad-gelin lahayd oo aan mashaqadani ku habsateen, keliya hadduu haysto ciyaartoyga kala ah; Ballack, Sebastian Deisler, Jens Nowotny iyo Mahmet Scholl.

Halyaygii ciyaartu wuxuu ahaa Kleberson (Brazil). Waxaa loo doortay inuu ka gudub ciyaaro Ronaldo iyo Ronaldinho. Kleberson oo khadka dhexe ka caawinayay ciyaartii Germany, wuxuu kulankaa muujiyay fir-fircooni, wuxuuna garaacay goolka, isaga oo soo gudbiyay kubbadda labaad ee Ronaldo dhaliyay.

Goolkii ciyaarta waxaa noqday goolki labaad ee Ronaldo.

Wuxuu dareensanaa inuu qaddar nasiib ahi weheliyay goolkiisii koowaad, sidaa darteed wuxuu u baahnaa inuu soo bogo laba fursadood oo qaybtii hore uu lumiyay.

Hase yeeshee, wuxuu helay fursad qaali ah, taas oo uu dhaliyay goolkiisii siddeedaad. Ronaldo, wuxuu noqday ninkii ugu gool-dhalinta badnaa tan iyo sanadkii 1970, oo Mexico lagu qabtay koobka adduunka.

Oliver Kahn, oo kulankaa kahor gool keliya laga dhaliyay ayaa lahaa khaladka goolka labaad, waana khaladka keliya ee uu galay intii tartanku socday.

Dhinaca kalena, khabiirka Germany ee Franz Backenbauer ayaa sheegay in Ronaldo sii laban-laabay wac-darihiisii, sidaa darteedna aanay jirin cid caabiyi kartaa. “Cidina maqarin karto, waana boqor cusub oo ciyaaruhu heleen,” ayuu yidhi Beckenbauer.

Maradona Oo Sheegay In Brazil

Nasiib Ku Qaaday Koobka Adduunka

 

Yokohama (Reuters) – Diego Maradona, oo ah halyayga Argentina ku dhaarato, ayaa ka hadlay guusha Brazil ka gaadhay koobka adduunka, wuxuuna ku tilmaamay in ay nasiib ku qaaday ee aanay ciyaarteedu u qalmin guusha intaa le’eg.

Maradona, waxa kale uu ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya isaga iyo Pele, oo ku sheegay mid aan fiicnayn, kaas oo uu Pele ku eedeeyay sababta keentay inay coloobaan.

“Pele waa siyaasi weyn, dad badanina waxay igu yidhaahdeen isaga ayaa kaa hortaagan inaad ka mid noqoto bahda FIFA,” ayuu yidhi Maradona.

Maradona wuxuu intaa ku daray in Pele isaga ilaaliyo, si aanu isagu (Maradona) isaga ilaalin, taasina ay shaki abuurtay.

Ciyaaryahankii hore ee reer Argentina, wuxuu kaloo ka hadlay sida loo takooro markay noqoto in laga hadlo ciyaaraha adduunka iyo inaan lagu marti-qaadin xafladaha iyo munaasibadaha heerka caalami ah.

Maradona oo wax laga weydiiyay siduu u arko garsoor-xumada FIFA lagu sheegay sannadkan ayaa sheegay inay weligeed-ba jirtay, balse FIFA is diidsiin jirtay.

“Muddo dheer baan ka hadlayay sidii garsoor fiican loo heli lahaa. Hadda ayay si deg-deg ah u taabatay Talyaaniga iyo Spain, sidaa darteed waxay bilaabeen inay maqlaan hadaladii Maradona,” ayuu ku daray Maradona.

Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Kabaha Dahabka Ah

 

 

Yokohama (Haatuf) :- Abaal-marinta kabaha dahabka ah ee Adidas, ayaa sannadka 2002 lagu abaal-mariyay weeraryahanka Ronaldo oo kordhiyay tirada gool-dhalinta oo uu siddeed gaadhsiiyay. Kaalinta labaadna waxa ku wada guulaystay Rivaldo oo reer Brazil ah iyo Miroslav Klose oo Germany ah, oo min shan gool dhaliyay, kuwa kalena gacan ka geystay.

Ronaldo, wuxuu noqday ninkii ugu gool-dhalinta badnaa tan iyo 1970, markaas oo Gerd Mueller 10 gool ka dhaliyay lix ciyaarood. Ronaldo, xataa wuxuu kor u dhaafay Grzegorz Loto, oo Poland u dhashay, kaas oo koobkii adduunka ee 1974 ka dhaliyay toddoba (7) gool.

inta badan gool-dhaliyaha ugu fiicani wuxuu dhaliyaa lix (6) gool, balse mar-marbay dhacdaa tan oo kale.

Abaal-marinta kabaha Adidas ee dahabka ah, waxaa la guddoonsiiyaa ciyaartoyga ugu goolal-dhalinta-bata koobka adduunka.

Miqyaaskii la dhigtay ayaa jabay, kaas oo FIFA u saartay guddi farsamo oo si wada-jir ah go’aan uga gaadhaysa bal inla qaato tirada rikoodhka cusub iyo inkale.

FIFA, waxay arrinta guddi u saartay 30 June ee 2002.

Kasokow tirada gool-dhalinta ee Ronaldo sannadkan kor u qaaday, wuxuu kale oo gaadhay rikoodhkii uu Brazil u dhaliyay Pele, oo ahaa 12 gool, oo laba tartan uu ka dhaliyay.