Haatuf, Cadadki 107, July 3, 2002

 

Masuuliyiinta Burco Oo Isku Maan-Dhaafay Qabashada Iyo Siideynta Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee  Kooxda Jaamac Cali Jaamac Ah

 

 

Burco (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkii Puntland laga eryey ee Jaamac Cali Jaamac oo hore uga dhoofay Burco ayaa shalay mar kale ka degey madaarka magaalada Burco, iyadoo ay la socdeen xubno kale oo maamulkaas ka tirsan.

 

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee Magaalada Burco Liibaan Maaweel, ninkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Shuluco iyo Xubnaha la socdey waxa ay diyaarad kuwa rakaabka qaadda ahi la soo caga-dhigatay madaarka Burco abbaaro 10:30 shalay, iyaga oo ka soo kicitimay Jamhuuriyadda Djabuuti una sii jeedey dhinaca magaalada Laascaanod iyo Garoowe.

 

Hase yeeshee, saraakiisha Laanta Socdaalka iyo sirdoonka gobolka ee ka hawlgala madaarka Burco ayaa gartay isla markaana qabtay Cabdiraxmaan Shuluco, iyada oo xubnihii la socdey oo kadib la aqoonsaday inuu ka mid ahaa La-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Jaamac Cali Jaamac ay ka baxsadeen booliska, si caadi ahna u galeen magaalada oo ay kadib kaga baxeen gaadhi.

Qabashada Cabdiraxmaan Shuluco waxaa isla markiiba kulan deg-deg ah ka fadhiistay Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer xubnihii waqtigaas ka joogay oo kala ah: Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka, Taliyaha Qaybta Booliska iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka. Kulankaas guddiga oo uu guddoominayey Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Mr. Yaasiin Maxamed, waxay ay amreen in xabsiga loo taxaabo Mr.Cabdiraxmaan Shuluco, lana hayo ilaa amar dambe.

 

Ku-xigeenka Badhasaabku waxa uu Haatuf u sheegay in guddigu uu is-tusay in maadaama uu yahay nin siyaasi ah oo ka tirsan maamul kale aan la ogolaan karin inuu ogolaansho la’aan uu uga soo dego ugana dhoofo dalka Somaliland. Waxana uu sheegay in xabsiga loo gudbiyey, laguna hayn doono ilaa amar kale uga yimaaddo madaxda sare ee dalka. Waxa kale oo uu sheegay inuu mar horena ninkaasi ka dhoofay madaarka Burco iyada oo aan la ogeyn.

 

Hase yeeshee, gelinkii dambe ee isla shalay ayaa Cabdiraxnaan lagu siidaayey amar sida la sheegay ka yimi Taliska Sirdoonka Qaranka Somaliland ee Hargeysa. Go’aankaasina sida wararku sheegayaan waxa uu ka cadhaysiiyey masuuliyiinta gobolka ee iyagu xadhigga ninkaasi amray oo aan waxba kala socon go’aankaas. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maamulka gobolka iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu aanay ku qancsanayn siideynta ninkaas.

 

Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Togdheer, oo weriyaha Haatuf arrinta kala xidhiidhay ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Shuluco lagu siidaayey amar uu ka helay Taliyaha Sirdoonka Somaliland. Waxa uu sheegay in go’aankaas ay qaateen markii isaga iyo taliyuhu ay isla eegeen ammaanka muwaaddiniin badan oo reer Somaliland ah oo ku sugan Puntland iyo xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya dadyowga labada gobol.

Ma cadda ujeedada siidaynta ninkaas iyo halka uu saldhigay ismaan-dhaafka la sheegay inuu ka dhex aloosay maamulka gobolka iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo isku dhinac ah iyo Hay’adda Sirdoonka oo dhinac ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan xalay isku daynay in aanu wax ka weydiinona nooma suura gelin inaan helno.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Shuluco oo abbaaro 3:00 galabnimo la siidaayey ayaan la ogeyn halka uu tegey, waxaase la filayaa inuu ku sugan yahay magaalada Burco gudaheeda, iyada oo Baasaboorkii aannu ogaanay xalay inay hayaan saraakiishii Waaxda Socdaalka ee qabatay.

Cabdiraxmaan Shuluco oo ah nin da’ ah oo xanuunada Macaanka iyo Dhiig-kar oo uu ka cabanayey ay wejigiisa ka muuqdeen, waxa intii boolisku hayey ay uu suuragashay inuu la hadlo weriyaha Haatuf, waxana uu u sheegay inuu yahay nin bukaan ah, wax siyaasad ahna aanu wadin ama ku jirin waqtigan ee uu u socdo reerkiisa oo deggan Garoowe.

 

Cabdiraxmaan Shuluco waxa uu ka dhoofay horraantii May isaga oo ka soo cararay Boosaaso oo uu Col.Cabdillaahi Yuusuf kala wareegey Jaamac Cali Jaamac.

 

Jaamac Cali Jaamac oo tan iyo markii Cabdillaahi Yuusuf xoog dib ugu qabsaday maamulka Puntland horraantii bishii May dibad meer ku jooga Jabuuti ayaa dhowaan waraysi ay BBC-du halkaa kaga qaadday waxa uu ku sheegtay deegaamo ka mid ah Somaliland isagu ka taliyo. Magaalooyinka Laas-caanod, Badhan iyo Hadaaftimo oo ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland ayaa Jaamac Cali Jaamac wuxu sheegay in taageerayaashiisu ay joogaan oo ay dib isugu abaabulayaan kadib markii cabdillaahi Yuusuf ka soo saaray Puntland.


Golaha Wakiiladda Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Dalab Ay Xeer-Ilaalintu Ku Doonaysay Maamus Ka Xayuubinta Nin Mudane Ah

 

“Xildhibaanku ma ahayn gacan ku dhiigle, balse waxa gacan ku dhiigle ahaa…”

 

 

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay oo cod aqlabiyad ah ku diiday codsi ay xeer-ilaalintu u soo gudbisay oo ay ku dalbanaysay inuu goluhu maamuuska xilka ka xayuubiyo Mudane Axmed Cabdi Kaahin oo ah Mudane ka tirsan Golaha wakiilada, iyadoo ay xeer-ilaalintu mudanahaa ku soo eedaysay tuhun la xidhiidha inuu ku lug lahaa nin kal hore lagu dilay magaalada Hargeysa, sidaa darteed ay u soo dalbatay maamuus ka xayuubinta mudanahaa, si ay ugu suurta-gasho in ay ku oogaan eedda loo haysto.

 

42 Mudane ayaa diiday codsiga xeer-ilaalinta, halka ay 4 Mudane ogolaadeen, sidoo kalena ay 8 Mudane ayaa ka aamusay, kadib markii uu goluhu cod gacan-taag ah u qaaday codsiga xeer-ilaalinta.

Markii ugu horaysay ee ay xeer-ilaalintu Golaha Wakiiladda u soo gudbisay codsigeeda ku saabsan maamuus ka xayuubinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin, waxa uu goluhu u saaray guddi soo xaqiijisa eedda mudanahaa lagu xidhiidhayo, kana soo talo bixisa, kadibna waxay guddigaasi ku tallaabsadeen baadhitaan arrintaa la xidhiidha, taas oo ay natiijadii baadhistooda dib ugu soo celiyeen Golaha, waxayna guddigaasi sheegeen in ay baadhistoodii ku soo ogaadeen in aanu mudanahaasi wax lug ah ku lahayn eedda ay xeer-ilaalintu ku soo oogtay.

 

Mudane C/rashiid oo ka mid ahaa guddigii loo saaray in ay soo hubiyaan eedda ay xeer-ilaalintu ku soo oogtay mudanahaa, ayaa intii aanu goluhu arrintaa u coddeyn madasha ka akhriyey natiijadii guddigaa.

 

“Mudanahaa laguma soo oogin eedayn sax ah oo ku fadhida xaqiiqda sharciyeed sababahan dartood” ayey guddigaasi ku yidhaahdeen qoraal ay ka soo saareen natiijada baadhistooda. Laakiin, iyaga oo tilmaamaya sababta aanay eeddayntaasi xaqiiq u ahayn waxay yidhaahdeen “Qoraalka xeer-ilaalinta ee 15/2/2000, waxa ku cad in aanu xildhibaanku ahayn gacan ku dhiigle, balse uu gacan ku dhiigle yahay ninka la yidhaahdo Ilyaas Cismaan Xaddi oo maqane ah, ninkaas oo gacantiisa ku dilay Marxuum: Axmed Xasan Ardaale, qoraalkaasina waxa uu eedda ku xidhiidhinayaa eedayn dil ah, marka la eego dhinaca sharcigana mudanuhu waxba ma dillin, ta labaad waxa xusid mudan qoddobada 49 iyo 79 ee dastuurka Qaranka JSL oo caddeynaya in ninka xildhibaanka ah tallaabo laga qaadi karo marka la qabto, isaga oo faraha kula jira dembi.”

 

Intaa kadib, waxay guddigaasi qoraalkooda gundhig uga dhigeen sidan; “Sidaa darteed waxaanu guddi ahaan Golaha u soo jeedinaynaa eeddaynta xeer-ilaalinta ee Mudane Axmed Cabdi Kaahin in aanay ahayn mid xambaarsan wax dembi ah oo mudanahaa lagaga qaadi karo dhawrsoonaantiisa mudane-nimo”.

Intaa kadib ayuu goluhu guda-galay hawshii coddeynta, waxaana wakhtigaa Golaha ku sugnaa 55 Mudane oo uu Gudoomiyaha oo shirka gudoomayey ku jiro, taas oo aanu guddoomiyuhu coddeynta ka qayb-qaadan karin, maadaama uu shirka guddoominayo.

 

Muddo hal toddobaad ka badan ayey Golaha Wakiiladda u suurta-geli wayday in ay go’aan ka gaadhaan arrinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin, iyadoo ay sababtu ahayd kooramkii looga baahnaa go’aan ka gaadhista codsiga xeer-ilaalinta oo mar qudha buuxsami waayey, taas oo loo baahnaa saddex meelood oo meel tirada Golaha Wakiiladda, iyadoo ay tirada guud ee Golaha Wakiiladdu tahay 82 Mudane.


Gebagebada Sannad-Dugsiyeedka Dugsiga Sare Ee ILAYS

 

 

Hargeysa (Haatuf): xaflad ballaadhan oo lagu sagootiyey xidhitaanka sannad-dugsiyeedka 2001/2002 ee dugsiga sare ee ILAYS oo ka mid ah dugsiyada Waxbarashada gaarka ah ee ku yaal magaalada Hargeysa, ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Hargeysa.

 

Xafladdaa oo aad loo agaasimay, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin dawladda ah, maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta dugsigaa, waxaana halkaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey ardayda kaalmaha hore galay dhinacyada Waxbarashada iyo akhlaaqiyaadkaba.

 

Maamulaha dugsigaa Yaasiin Macalin Xuseen, ayaa ugu horreyn halkaa ka hadlay, kana waramay aasaaskii iyo marxaladihii kala duwanaa ee dugsigaasi soo maray, taas oo uu sheegay in dugsigaa la aasaasay sannadkii 2000, isla markaana uu aasaaskiisu ka dambeeyey markii ay muuqatay baahida loo qabo helidda dugsiyo sare, iyadoo ay sababtuna ahayd buu yidhi arday badan oo ka soo baxday ama ka soo baxaysa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo soo dhammaystay Waxbarashada dugsiyada dhexe, wuxuuna maamuluhu farta ku fiiqay in lagu guulaystay meel-marinta ujeedadii loo aasaasay dugsigaa.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr: Cali Qaadi oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladdaa ka soo qayb-galay ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in ay ardayda dugsiga sare ee ILAYS xafladooda xidhitaanka ku qabsadaan xarunta Jaamacadda Hargeysa oo ah buu yidhi meesha ay waxbarashadooda dambe ku qaadan doonaan, taas oo uu ardayda dugsigaa kula dardaarmay in ay ku dedaalaan dhinaca Waxbarashada.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Xuseen Cilmi ayaa isna ka hadlay munaasibaddaa, wuxuuna agaasimaha guud ugu horreyn tilmaamo ka bixiyey Siyaasadda Wasaaradda Waxbarashada ee ku waajahan kor-u-qaadista tayada Waxbarashada dalka, gaar ahaan Waxbarashada dugsiyada gaarka loo leeyahay, taas oo uu agaasimuhu xusay in ay wasaarad ahaan, khafiifiyaan culays badan oo fuuli lahaa geedi socodka Waxbarashada dugsiyada gaarka ah, taas oo buu yidhi aanu uga dan leenahay dhiiri-gelinta Waxbarashada gaarka ah.  Hase yeeshee, waxa uu Xuseen Cilmi farta ku fiiqay in ay lagama maarmaan tahay tayeynta Waxbarashada gaarka ah iyo in iyana loo baahan yahay in ay wasaaradda waxbarashadu ku lahaato kaalinteeda, sida buu yidhi kormeerka iyo qiimeynta heerka ay Waxbarashada dugsiyada gaarka ahi gaadhsiisan tahay.

 

 Waxa kale oo isna munaasibaddaa ka hadlay, Sh. Xasan Cabdi Salaan iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo labaduba tilmaamo ka bixiyey qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in lagu dedaalo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinteeda iyo tayeynteeda.  Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay, Baashe Cabdi Gaboobe oo ku hadlayey magaca waalidiinta dugsiga sare ee ILAYS, wuxuuna Baashe mahad-naq u soo jeediyey maamulka iyo macalimiinta dugsigaa oo uu ku tilmaamay inay xoog saaraan waxbarista iyo kor u qaadidda Waxbarashada ardayda dugsigaa wax ka barata, ugu dambayna waxa xafladdaa lagu soo gunaanaday abaal-marino kala duwan oo la gudoonsiiyey ardayda kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka galay fasalkasta oo ka mid ah ardayda dugsigaa iyo weliba ardaygii ugu akhlaaq wanaagsanaaday dugsiga muddadii ay waxbarashadu socotey.

 

Dugsiga sare ee ILAYS, waxa uu ilaa hadda heerkiisa waxbarasho gaadhsiisan yahay fasalka labaad ee dugsiga sare, sidaa darteed waxay ardayda dugsigu ka kooban yihiin fasalada koowaad iyo labaad.


Tamashlaha Mudanayaasha

Iyo Baylahda Somaliland

Faallo – Cumar Daahir Cumar

 

 

Sida ay dunida kale oo dhanba muhimka u yihiin ayay Golayaasha Sharci-dejinta Somaliland u yihiin halbawlaha Qaran-nimada, laakiin taasi waa haddii ay u hawl-galaan ama ay fulliyaan waajibaadka loo igmaday.

 

Subaxnimadii shalay, waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha mudanayaasha Golaha Wakiiladda looga fadhiyo in ay gutaan ama qabsadaan hawl-maalmeedkooda Caadiga ah, taas oo ay waajib tahay in ay ka soo xaadiraan madasha Golaha Wakiiladda, si ay u gutaan hawlaha u yaal.

Waxa waajib ah inuu ninka mudanaha ahi, madasha ka soo xaadiro maalinkasta oo ay socoto hawl u baahan in la qabto ama la meel mariyo, laakiin waxay isweydiintu tahay, Ninka mudanaha ah ee awoodi kari waayay inuu fadhiisto Madasha oo uu buuxiya kooramka loo baahan yahay, si ay hawshu u socoto, iyadoo ay hawl fulli lahayd ama ajande la meel marin lahaa laga yaabo in ay u baaqato hal ama laba mudane iyo wax aan dhaamin, waa maxay hawsha laga rajaynayaa ama laga fillayaa inuu mudanahaasi qabto.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd July 2, 2002, waxa Golaha Wakiiladda horyaallay Ajande ku saabsan codsi ay Xeer-ilaalintu, Wakiiladda kaga dalbanaysay in maamuuska Mudane-nimo laga xayuubiyo nin mudane ah oo eed lagu soo oogay, ajandahaas oo la doonayay in ay mudanayaashu cod ku meel mariyaan oo ay diiddaan ama yeellaan, waxa uu ajandahaasi saacaddo badan oo shalay ah iyo maalmo horeba u meel mari waayey tirada mudanayaasha looga baahnaa fullinta qodobkaa oo buuxsami wayday.

 

Saacaddu markay ahayd 11:25, ayay shalay suurto-gashay in ay buuxsanto tiradii loo baahnaa, laakiin waxay tiradaasi ku buuxsantay si dirqi ah. Tusaale ahaan: arrinta xiisaha leh ama la-yaabka leh waxay ahayd, Nin mudane ah oo fadhiyay intii hore ee la sugayay in ay tiradu buuxsanto, laakiin dibadda u booday markii ay tiradu buuxsantay, taas oo keentay inuu Shir-gudoonku ka daba qayliyo, iyadoo ay xubno mudanayaal ahina ka daba carrareen si ay u soo celiyaan, waayo haddii uu sidaa ku tago waxa is-dhimi lahaa kooramka oo awalba dirqi ku buuxsamay, wuuna soo noqday.

Waxa kale oo ka mid ah dhaqamada ka muuqday Mudanayaasha Golaha Wakiilladda, is-dhegeysiga iyo kala dambaynta oo ku yar, waxaanad arkaysaa mudanayaal haddii ay doonnaan ku sugan ama laba-laba ugu sheekaysanaya Kaamboolka dhismaha Baarlamaanka, kuwaas oo u muuqda in aanay dooneyn in ay madasha hawshu ka socoto ka xaadiraan, taasina waxay keentaa in marar badan xubno mudanayaal ah dibadda laga duduuco, si ay u buuxiyaan kooram dhimman.

 

Marka la eego hawlaha hadda horyaal Golaha Wakiilladda iyo guud ahaan golayaasha Baarlamaanka, ama sida qaalibka ah-ba waajibaadka looga fadhiyo mudanayaasha golayaasha sharci dejinta waa mid culus, iyadoo xilligana lagu jiro marxalad loo kaan-kaansanayo ama loo diyaar-garoobayo in loo gudbo Nidaamka Xisbiyada badan, taas oo waajib ka dhigaysa in ay golayaasha sharci-dejintu dhammaystiraan wixii arrimahaa kaga xidhan iyo weliba adkaynta sharciyadda iyo daba-galka hawlaha Maamul ee dalka oo la odhan karo waxa ka muuqata baylah badan, laakiin waxa muuqata arrin aan loo baahnayn oo ka muuqata nin mudane ah oo wakiil ka ah, bulsho ay ku xeerran yihiin duruufo adag oo u baahan in loo helo xal, sida; cilmi-baadhis, horumarin, shuruuc adag, iwm. Laakiin haddii uu mudanihii hawshaa qaybta ugu muhiimsan ku aaddannaa muujiyo tamashle ay ka muuqato xilkasnimo-darro oo uu xataa awoodi kari waayo shaqo maalmeedkiisa u taal madasha, maxay taasi noqonaysaa.

 

Ma aha in si qaldan loo turjumo sharafta iyo karaamada mudanayaasha oo aan laga dhigin in aanu ninka mudanaha ah sharci qaban, haddii uu ka meermeero hawl-maalmeedkiisa waajibka ku ah, ama gudashada hawlaha muhimka ah ee ay bulshadu u igmatay, waxaase taas lagaga midho dhallin karaa in arrin kasta oo sharciyadda ku saabsani ay noqoto wax fulla.


Dood Cilmiyeed Lagu Lafo-Guray Helidda Suuq Xor Ah Oo Ganacsiga Somaliland

Ah Oo Ka Dhacday Jaamacadda Hargeysa

 

 

Hargeysa (Haatuf): Dood-cilmiyeed ku saabsan samaynta iyo helidda suuq xor ah oo dhinaca ganacsiga ah, ayna soo qaban qaabiyeen Jaamacadda Hargeysa iyo Hay’adda UNDP, ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Hargeysa.

 

Dood-cilmiyeedkan oo la isku dhaafsaday afkaaro ku saabsan, sida uu Somaliland uga hirgeli karayo suuq xor ah (Free Trade Zones), marka loo eego xaaladda haatan lagu jiro, waxana ka qayb-galay Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Rashiid X. C/Laahi, Madaxa Hay’adda UNDP, xafiiskeeda Hargeysa Mr. Firooz Salarian, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Cali Sh. Ibraahim, Ganacsato, Aqoonyahano iyo marti-sharaf kale oo badan oo ay tiradoodu gaadhayso 27-qof, waxaana la isku dhaafsaday aaraa’ ku saabsan suuqa xorta ah iyo sida looga hirgelin karayo Somaliland.

 

Sida laga sheegay dood-cilmiyeedkan, suuqa xorta ahi waxa uu kaga duwan yahay ganacsiga caadiga ah, iyadoo badeecadii taallay suuqyada dibadda ay dalka ku imanayso si billaa Cashuur ah, taas oo dadka ganacsatada ah u leh faa’iido ah in loo soo dhaweeyay wixii ay ka doonnan lahaayeen dibadda. Taasi waxaa kale oo ay furaysaa inuu dalka ka samaysmo, suuq ay u soo alaab doonnan karaan dalalka Jaarku.

 

Sida ay qaar ka mid ah ka qayb-galayaashu ku doodeen, arrintani waxay faa’iido u tahay ganacsiga dalka, halka ay qaar kalena werwer ka muujiyeen in ay ka iman karto dhibaato dhinaca ganacsiga ahi.

Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay Furitaankii dood-cilmiyeedkan, ayaa ka waramay Siyaasadda Dawladda ee ku aaddan ganacsiga xorta ah oo dalka ka dhaqan-gashay iyo ahmiyadda uu leeyahay, gaar ahaanna bixinta cashuuraha oo dhismaha dalka ahmiyad u leh.

 

Dood-Cilmiyeedkan oo hal maalin ahaa, isla shalay ayaa la soo geba-gabeeyay.


“Shirkii Hong Kong Waxaan Ku Fadhiistay Magaca Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya”

Shir-Jaraa’id – Wasiirka Caafimaadka Somaliland

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil oo toddobaadkan ka soo laabtay socdaal uu ku tegey Jasiiradda Hong Kong ee dalweynaha China oo uu kaga soo qaybgalay shir caalami ah oo ku saabsanaa caafimaadka ayaa sheegay in uu shirkaa kaga qaybgalay magacii Soomaaliya.

 

Dr. Xasan Ismaaciil oo shir-jaraa’id shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in shirkaas Hong Kong uu ahaa kii Tobnaad ee noocaas ah, oo lagaga hadlayey daawooyinka iyo sidii bulshada caalamku isaga kaashan lahayd dhibaatooyinka daawada.

 

Shirkaas oo socdey May 22 ilaa 27-kii waxa uu sheegay in ay ka soo qaybgaleen dhammaan waddamada dunida iyo hay’aha caalamku ee ku taxaluqa xakamaynta daawooyinka, waxana lagaga wadahadlay arrimo door ah oo ku saabsan daawooyinka iyo daaweynta sida samaynta daawooyinka, iibgeyntooda, soo dejintooda, qaadashada dawooyinka, daawo qorista dhakhaatiirta iyo daawooyinka aan casirga ahayn sida dawo-dhaqameedka iyo dhirta la isku daweeyo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Xasan Ismaaciil waxa uu dalka kaga baxay May 17, martiqaad rasmi ah oo uu kaga qaybgalayey shirkaas. Waxase uu sheegay in uu fadhiistay kurisigii Soomaaliya ee shirkaas.

“Shirkaas oo ay isugu yimaaddeen dad aad u fara badan, wax Soomaali ah waxa ka qaybgalay aniga oo keli ah oo ka socdey Somaliland,” ayuu yidhi Dr.Xasan Ismaaciil.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ahaa wasiirka keliya ee ka qaybgalay shirkaas, isaga oo sheegay in waddamada badankoodu ay u soo dirteen dad farsama-yaqaanno ah, laakiin uu isagu isku darsaday inuu yahay Wasiirka Caafimaadka iyo inuu aqoon u leeyahay arrinta.

 

“Miiska aan fadhiyey waxa ku qornaa Xasan Ismaaciil Yuusuf, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya… halkanna bahal (kaadh) bay ii sudheen ay intaas oo kale ku qoran tahay..” ayuu yidhi Wasiirku. Waxa uu sheegay Dr. Xasan Ismaaciil inuu arrintaas ka dooday oo uu u sheegay in uu isagu wasiirka Caafimaadka u yahay Somaliland ee aanu Soomaaliya u ahayn, isla markaana Somaliland ay ka go’day Soomaaliya wax isugu jiraana aanay jirin, sidaas darteed uu codsaday in laga daayo. Balse waxa uu sheegay in taas ay kaga cudurdaarteed aqoonsi la’aanta aan Somaliland caalamku aqoonsanayn. Wasiirku waxa uu sheegay in arrintu ay sidaa ku socotay, laakiin markasta uu shirka kaga hadlayey magaca Somaliland iyo xaaladdeeda, taasna uu markii dambe tixgelin dheeraad ah kaga helay ka qaybgalayaashii shirka, isaga oo sheegay inuu martiqaadyo gaar gaar ah oo ay aad isugu xogwaraysteen  uu ka helay Wasiirka Hong Kong u qaabbilsan Caafimaadka iyo sidoo kale Wasiirka Daawooyinka iyo arrimaha Caafimaadka u qaabbilsan dalka China oo dhan.

 

“Aakhirkii way dareemeen Somaliland, wayna soo dhoweeyeen. Waa la diiddanaa Somaliland (officially) rasmi ahaan in lagu qoro (kursiga) balse niyadda waa laga xisaabsanaa,” ayuu yidhi Mudane Xasan Ismaaciil.

Waxa uu sheegay in waddamo badani ay u muujiyeen inay Somaliland xidhiidh la samaystaan, waxana uu intaasi ku daray in uu ku tala jiro waddamada qaarkood in casuumad ay xukuumaddu u fidiso.

Mudane Xasan Ismaaciil, waxa uu sheegay in shirka uu u bandhigay dhibaatada ay Somaliland ku hayso daawooyinka looga keeno Bakistaan, Hindiya iyo Iiraan, kuwaas oo uu sheegay in la soo mariyo waddamo, gaar ahaan Soomaaliya, dabadeedna inta lagu sameeyo macmal oo daqiiq lagu soo daro loo soo dhoofiyo Somaliland. Daawooyinkaas waxa uu ku tilmaamay in aanay dawo ahayn ee ay yihiin “Sun.”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in uu naqdiyey tallaabada 17 dal oo kuwa caalamku ugu horrumarsani ay ku samaysteen urur ay iyagu isku bahaysteen oo ka koontaroola dawooyinka, ururkaas oo lagu magacaabo (ICS), iyadoo buu yidhi dunida inteedii kale oo 85% dadku ku nool yihiin aanay awood u lahayn inay sidaas oo kale yeelaan. Waxa uu sheegay wasiirku in aanu dooddiisa shirkaas aanu cidna ugu habranayn.


Dawladda Baakistaan Oo

Qab-Qabatay Xubno Al-Qaaciida Ka Tirsan

 

 

Islamabad (W. Wararka): Dawladda Baakistaan ayaa ku dhawaaqday in ay qab-qabatay xubno ka tirsan Al-Qaacida, mar ay ciidamadoodu hawl-gal ballaadhan ka fulliyeen buuralayda dhulka xuduudda ah ee u dhaxeeya Baakistaan iyo Afgaanistaan.

 

Hawl-galkan oo ku saabsanaa xubnaha Al-Qaacida ee lagu tuhunsan yahay in ay u soo gudbeen dhinaca Baakistaan, waxa la sheegay in ay Ciidamadu ilaa iyo hadda ku guulaysteen qabashada 7-xubnood oo lagu tuhunsan yahay in ay xubno ka yihiin ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usaama Binu Laadin.

 

Hawl-galkani, wuxuu ka dambeeyay markii uu dhawaan dagaal dhexmaray Ciidamada Baakistaan iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Qaacida, kaas oo ay ku dhinteen 10 ka tirsan ciidamada Baakistaan.

Dhinaca kale, dawladda Baakistaan ayaa dadka ka codsatay in ay ka qayb-qaataan soo helidda xubnaha Al-Qaacida, iyadoo u ballanqaaday abaalmarin cidii soo hesha, waxaa kale oo ay qaybisay, gidaarradana la sudhay sawiro ku saabsan xubnaha la baadi-doonayo ee ka tirsan Al-Qaacida.


71-Qof Oo Ku Dhintay Diyaarado Hawada Isku Jiidhay

 

 

Barcelona (W. Wararka): Ugu yaraan 71-qof ayaa ku dhintay, kadib markii ay hawada sare ee Jarmalka isku duqeeyeen laba diyaaradood oo ay mid rakaab siday, ta kalena ay ahayd nooca xamuulka qaada.

 

Shilkan oo ka dhacay mid ka mid ah Madaarrada dalka Jarmalka, ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay, balse waxaa la sheegay in ay isku dhaceen labada diyaaradood oo isku joog ku duulayay.

Dadka shilkan ku dhintay oo u badan dad u Dhashay dalka Ruushka, gaar ahaanna gobolka Bashkirtoosaan oo ay badanka ku nool yihiin dad muslimiin ahi, una jira caasimadda Ruushka 1500km dhinaca bari.

Sida ay sheegeen Masuuliyiin Ruush ahi, dadka dhintay 51 ka mid ah ayay da’doodu ka yarayd 18-jir, kuwaas oo dalka Jarmalka u tegay in ay ka qayb-galaan xaflad ay qaban-qaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo culuunta ee UNESCO, taas oo ku saabsanayd dhinaca Waxbarashada. Ardaydan badankoodu waxaa la sheegay in ay ahaayeen, carruur ay dhalleen masuuliyiin ka tirsan gobolkaasi oo dhinaca Saliidda qani ku ah.

 

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, Madaxweynaha Ruushanka ayaa markiiba tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkaasi ku geeriyooday shilka diyaaradeed, isaga oo amray in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo. Saddex cisho oo baroor-diiq ah, ayaana lagaga dhawaaqay gobolka ay u dhasheen dadka dhintay.

 

Ciidamada Ammaanka ee Jarmalka, ayaa wada baadhitaan ku saabsan sababtii keentay shilka labada diyaaradood, iyadoo la wado gurmad ku saabsan ururinta Meydka ku filqay goobta uu shilku ka dhacay.

Masuuliyiin ka hadashay shilkan, ayaa ku tilmaamay inuu ku dhacay khalad bani’aadami, iyadoo uu wadihii diyaaraddu iska dhego mariyay digniino badan oo loo jeediyay, taas oo looga digay diyaaradda kale ee hawada ku soo jirtay.

 

Dhacdadani, waxay dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay arrintan oo kale u dhici karto, taas oo keentay cabsi cusub oo dhinaca hawada ah.


Qaxootigii Ugu Da’da Weynaa

Qaxootiyada Afrika Oo Ku Laabanaya Dalkoodii

 

 

Reuters – Kumanaan kun oo Ereteriyaan ah, oo ah qaxootiga ugu da’da weyn qaxootiyada Afrika, ayaa ku noqonaya dalkoodii, iyaga oo ka tegaya bariga Suudaan oo ay ku noolaayeen muddo ka badan 30 sannadood.

 

Hay’adda UNHCR, ayaa dib ugu noqoshada dadkaa ee dalkoodii Ereteriya gacan weyn ka geysanaysa. Iyaga oo tiro badan oo dadkaas ah hore uga caawiyay ku noqoshada dalkooda.

Caruurta ka tirsan qoysaska Ereteriyaanka ah ee ku noqonaya dalkoodii, ayaa sii raacaya baabuur fara-badan oo xidhiidha, waxayna sii marayaan safar iyo jid dheer.

Carruurtan intooda badani waxay ku dhasheen xeryaha qaxootiga ee Ereteriyaanku kaga noolaayeen bariga Suudaan, aqoona uma laha dalkooda ay ku noqonayaan.

Bellings Sikanda, oo ka tirsan UNHCR, ayaa sheegay in dadka noqonaya ee ku noqonaya Ereteriya ay yihiin dad 30 sanadood joogay Suudaan, oo qaarkood ay ku dhasheen Suudaan oo ay ku leeyihiin xidhiidh, una yaqaanaan in ay Suudaan tahay dalkoodii.

 

Mr. Sikanda, wuxuu intaa ku daray, inay adag tahay oo ay waqti qaadanayso sidii dadkaasi dib ay ugu noqon lahaayeen dalkoodii, laakiin iyaga ayay ku xidhan tahay inay go’aansadaan ku noqoshada dalkoodii.

Abdi-rahman Ibrahim Maxamed oo ka mid ah Ereteriyaankii ka tegay Suudaan ee ku noqonaya waddankoodii ayaa yidhi; “Markii aan imid, waxaan la imid rajo-qab wanaagsan, laakiin habeenimadii, waxaa I soo food-saaray dhibaatooyin. Dhammaan caruurtayda waxaa raali-gelinaysay inay dib ugu laabtaan iskuuladoodii ay ka dhiganayeen Sudan.

 

Nolasha cusub bilowgeedu ma fududa, waxay ku qaadan doontaa muddo badan inay degaan oo ay la qabsadaan iskuulada iyo jewiga, siday doonaan wax ha u jiraane. Haddaba dalkooda way ka heli karaan waxay doonayeen.”

 

C/raxmaan Ibraahim Maxamed waa 65-jir da’diisu, hadda oo uu ku soo noqday dalkiisii Ereteriya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR), ayaa sheegtay in dhammaadka sannadkan ay qaxootigii Ereteriya ee joogay Suudaan kaga eg-tahay u aqoonsigoodii qaxootinimo ee caalamiga ahayd, iyo daryeelkii (protection), markaa cidda Ereteriyaana ee ku hadha Suudaan kadib dhammaadka sannadkan aanay UNHCR u aqoonsan doonin qaxooti.


50,000 Oo Itoobiyaan Ah Ayaa Abaarro Uga Qaxay Gobolka Canfarta

 

Saraakiil Itoobiyaan ah, ayaa dhowaan ka digay waxyeelada ka timid abaar ku habsatay gobolka Canfarta ee Itoobiya.

 

Laba sanadood oo roob yaraana kadib, waxaa qalalay ceelashii biyaha iyo dooxyadii ku yaalay gobolka Bari ee Itoobiya.

Haweenkii ayay qasab ku noqotay inay biyo u doontaan meel ay gaadhi karaan marka ay socdaan ilaa (7) saacadood.

Abaartani waxay laysay xoolihii ay dadkaasi ku noolaayeen.

 

Badhasaabka gobolka bari ee Itoobiya oo ay Canfartu degto Mr. Ismaaciil Alisero, ayaa sheegay in abaartan ka dhacday gobolkiisu ay aad waxyeelo ugu geysatay carruurta iyo dadka da’da weyn ee waayeelka ah. Wuxuuna intaa ku daray, in xoolo-dhaqatadii Canfarta ee gobokaa degani ay bilaabeen inay u qaxaan gobolada la jaarka ah ee Amhara, Oromo, iyo Tigray oo ka roob badnaa sannadkan gobolkiisa.

 

Koox isugu jirta khubaro ka tirsan UN-ta, Hay’adaha aan dawliga ahayn iyo saraakiil Itoobiyaan ah, ayaa maraya gobolka Canfarta, si ay qiyaas ugu soo sameeyaan baahida benii’aadanimo ee ka jirta halkaa.

Mr. Ismaaciil, wuxuu intaa ku daray, inkasta oo Hay’adda federaalka Itoobiya ee kahortagga masiibooyinka (DPPC) ay ka digtay bishii October ee sannadkii hore ilaa (400,000) oo dadka ku nool Canfartu ay u baahan doonaan caawimo deg-deg ah, hadana ay gobolkaasi soo gaadhay gar-gaar aan ku filayni.


WAADIGA CIYAARAHA

 

M. Platini Oo Ka Hadlay

Dhacdooyinkii Koobka Adduunka 2002

 

“Japan iyo USA, waxay leeyihiin mustaqbal fiican….. N. Korea-na waxay ka faa’iidaysatay….” Michel Platini – Wareysi

 

 

Ciyaaryahankii caalamiga ahaa ee Faransiiska, waqtigana xubin ka ah guddida fulinta FIFA Michel Platini, ayaa sababeeyay guul-darradii Faransiiska ee koobka adduunka 2002, oo uu wareegii koowaad ku hadhay. Hase yeeshee, wuxuu diiday inuu sharaxaad ka bixiyo qaabka garsoorka. Sidaa wuxuu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay xarunta kaydka macluumaadka ee FIFA. Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Sidee u sababayn kartaa guul-darada horyaalka adduunka oo wareegii koowaad ku hadhay?

J: Weli si buuxda uma sharixi karo sababaha dhabta ah, laakiin waxaa la odhan karaa waxaa ugu horreeya is dhigasho iyo is mahadin. Markaad baqdin qabto, dib ayaad isu habaynaysaa.

Dirays-buluuglay inay tahay kooxda ugu wanaagsan waxay ka heshay wargeysyada dusheeda, laakiin waddamadii kale ee fursadaha lahaa way halgamayeen.

Faransiisku wuxuu wax-walba ku guulaystay afartii sannadood ee la soo dhaafay, laakiin nasiibkoodu wuxuu tusay inay fagaaraha laysku hayo ka hadhaan.

Ta labaad, waxay waayeen muddo ay ku diyaar-garoobaan. 10 cisho oo keliya ayay fursad u heleen u diyaar-garowga tartanka, marka loo eego kii 1998. toban casho oo nasasho ah kadib ayay shaqadii dib u bilaabeen, taasina waa mid ay kaga duwanaayeen dhammaan kuwa ay isku maqaamka yihiin.

Haddaynu eegno Rivaldo iyo Ronaldo, labaduba waxay seegeen kulamadii xilli-ciyaareedka oo ay ka dhaawacnaayeen, taasina waa ta ay wacdaraha u muujiyeen.

S: Miyaan la odhan karin, faa’iidada marti-gelinta ayaa keentay guushii Faransiiska afar sannadood kahor?

J: Faransiisku wuxuu marti-geliyay qaramo badan oo koobkii adduunka ee FIFA ugu dambeeyay, kadibna waxay ku guulaysatay koobkii qaramada Yurub oo Holland iyo Belgium lagu qabtay. Way jirtay dabcan faa’iido guri, waase arrimo si kala duwan u dhacay. Qaabkii aan u ciyaaray horyaalkii Yurub 1984, ee lagu qabtay Faransiiska lamuu mid ahayn maqaamkaygii 1978 iyo 1986 ee koobka adduunka.

S: Ciyaartoygu waxay wada ciyaareen kulamo badan oo gaadhaya afar ilaa siddeed sanadood, markaa siddee ayay isu fahmi waayeen?

J: Kubadda cagtu way is beddeshay, tartamadiina way adkaadeen. Kulamadii waxay noqdeen qaar adkaysi badan u baahan, taasna waxaa lagu macnayn karaa ta ay ku guul-daraysteen kuna cabanayaan ciyaartoy sare oo badani, laakiin wax la qarin karo maaha cidhiidhiga ay leedahay muddada 10-ka maalmood ahi.

S: Kooxdee horumarkii ugu weynaa ka muuqdaa tartankan?

J: Saddexda kooxood ee ugu deg-dega badani waa; Japan, South Korea iyo United States-ka. Waxaa ka muuqda diyaar-garow ay dheer yihiin dhammaan kooxaha kale ee tartankan. Waxay heleen adeegyo ka fican kuwoodii hore, inta badan ciyaartoygooduna uma ciyaaraan kooxaha Yurub., waana ta keentay in ay faa’iido ka helaan tartamada.

Waxaa soo raacda Senegal, oo ciyaartoygeedu ku mataanaysan yihiin Faransiiska oo ciyaarihii tartankoodu dhammaaday bil kahor bilowgii koobka adduunka, aniguna lamaan yaabin guulahooda, waayo waxay gaadheen kama-dambaysta koobka Afrika.

Dhinaca kale, waxay markasta leeyihiin karti dhinacyo badan, waana koox isu dheeli-tiran.

S: Sideed u dareentay wac-daraha Turkigu dhigay?

J: Turkigu wuxuu ka mid yahay kooxaha ugu xooga badan, shakina kuma jiro, iyada oo inta badan ciyaartoygoodu u soo wada ciyaareen Galatasaray, kahor inti aanay dunidas u kala foofin, waxayna garaaceen Arsenal muddo laba sannadood kahor ah oo ay ku guulaysteen koobka Yurub (UEFA Cup). Sidaa darteed, may ahayn kuwo taag daran.

S: Sideed u aragtaa guul-darada Germany?

J: Germany waxaa ka lumay afar ilaa shan ka mid ah ciyaartoygeeda, taas oo keentay in Voeller doorto ciyaartoy da’ yar oo ku cusub tartanka, maxsuulkiina waad aragtaa. Haddii laba kooxood isku mustawe ka joogaan jidh-ahaan, ta farsamo badan ayaa guulaysata, laakiin haddii aanu saxnayn adkaysigaagu, farmsamadaaduna meel kuma geyn karto.

S: Awooda afarta wadan ee yaryari ku soo gaadheen siddeeda ugu dambeeya, miyaanay simin mustawaha kubadda cagta dunida?

J: Japan iyo Maraykanku waa laba dal oo mustaqbal ku leh tartamada, halka Korea ka faa’iidaysatay go’aan-darada garsoorayaasha. Kulankii Portugal ee wareega koowaad dhibi ma dhicin, laakiin Talyaaniga iyo Isbaanishka oo goolal laga diiday ayaa keentay inay heerkaa soo gaadhaan…., markaa ma odhan kartid Korea way ka wanaagsan tahay Portugal. Italy ama Spain, waxaa qariyay nasiib, waana ta ay lasii socon weyday. Kooxda Maraykanka lafteeda nasiib-baa reebay, waayo rigoore ay lahayd ayaan loo dhigin.

S: Korea, waxaa ka dhashay su’aalo laga qabo garsoorka… adigu sideed u aragtaa?

J: Dhibaatadu way soo jirtay, waxaan xusuustaa 1982 iyo 1986, markuu dhashay muran ka dhan ah Faransiiska, laakiin lama mid ahayn ka hadda dhacay. Dabcan tani waa markii ugu horraysay oo uu qaran xoog weyn saameeyo. Warbaahinta labadaa wadana kamay aamusin masiibada. Garsoorihii Talyaaniga ahaa wuxuu diiday rigoore koobkii adduunka ee 1986, laakiin ma jirin cid Faransiiska ah oo ku tidhi kelmad ku lid ah, halka Talyaanigu kula sinmay Chile, afar sannadood kahor rigoore aan jirin.

S: Keebaad is leedahay wuu ugu fiican yahay ciyaartoygii isugu yimi Korea iyo Japan?

J: Kulamada casriga ah, waxaa ku badan awood is-kaashiga oo ka horraysa ta shaqsiga ah, taas oo aan hore u dhicin. Zidane oo ah ciyaartoyga dunida ugu wanaagsan, waxaa ku adkaatay fursad uu ku muujiyo wax-qabadkiisa. Rivaldo wuxuu awooday inuu caadooyinkiisii ku dhaqaaqo. Ronaldo wuxuu la soo noqday wac-darihiisii, waana tallaabo ku filan. Hase yeeshee, ciyaartoyga sida Owen, oo kale waa nin wanaagsan, wuxuuna ku muuqan karaa dedaalka kooxda, mana odhan kartid Englad cid gaara ayay dedaalkeeda horumar ku gaadhi kartaa.

S: Ma jiraan ciyaartoy kugu cusub oo aanad filayni?

J: Ciyaartoyga fiicani waxay ka ciyaaraan Yurub oo aan toddobad walba daawado, laakiin waxaa igu cusub Claudio Rayna iyo Landon Donavan, oo Maraykan ah, waxaa kaloo xusid mudan Tony Sanneh ama Junichi Ina-moto, oo wac-daro dhigay. Waa ciyaatoy maskax badan oo daawashada u fiican oo laga helay ciyaarihii Korea iyo Japan.

 

Oliver Kahn Oo Ku Guulaystay Kubadda Dahabka Ah Ee 2002

 

 

Tokyo (AP) – Kabtanka xulka Jarmalka Oliver Kahn, ayaa noqday goolhayihii ugu horreeyay ee ku guulaysta abaal-marinta kubada dahabka ah ee Adidas oo FIFA bixiso dhammaadka tartanka.

33-jirku, wuxuu si geesinimo leh ugu tallaabsaday inuu xulkiisa soo gaadhsiiyo kulanka kama-dambaysta, taas oo uu ku helay 25% codaynta warbaahintu bixisay.

 

Inkasta oo Ronaldo oo jagada kula tartamaya laba gool ka dhaliyay kulankii dhammaadka, taasina ay hoos u dhigtay qiimihiisii, haddana warbaahinta reer Gal-beedka ayaa inta badani ugu codaysay ciyaartoygii tartanka ugu fiicnaa. Ronaldo oo ku guulaystay abaal-marinta kabaha dahabka ah, ayaa laga yaabaa in la isugu dari waayay labada dahab. Hase yeeshee, wuxuu galay kaalinta labaad, wuxuuna helay billada maarta ah. Sidoo kale, ciyaaryahanka Koonfurta Kuuriya ee Hong Myung Bo, ayaa kaalinta saddexaad galay. Rivaldo, ayaa kaalinta afraad cidhiidhsaday.

Oliver Kahn wuxuu helay 147 cod.

Ronaldo wuxuu helay 120 cod.

Hong Myung Bo wuxuu helay 108 cod.

Rivaldo-na wuxuu helay 93 cod.

 

Abaal-marinta Adidas waa koob ku cusub tartankan, waxaana loogu magac-darayaa magaca mid ka mid ah shantii ciyaartoy ee hore ugu guulaystay abaal-marintan, kuwaas oo kala ahaa; Paolo Rossi (Italy), oo ku guulaystay koobkii 1982 ee Spain. Diogo Maradona (Argentina) 1986 – Mexico. Salvatore Schilaci (Italy) 1990 - Italy. Romario (Brazil) 1994 – USA. Ronaldo (Brazil) 1998 - Farance.

Iyada oo dhammaan guulaystayaasha kalena loogu magac-dari doono sanadaha soo socda. Qaabka koobka cusub ee Adidas wuxuu noqonayaa mid la mid ah Adidas-ka taariikhiga ah ee kubadda cagta Chile, oo jiray tan iyo sannadkii 1960-kii. Koobka Adidas, wuxuu ka mid ahaanayaa hantida shirkadda Jarmalka ah ee Adidas, oo ku deeqday iyo FIFA, waxaana la dhigi doona guriga FIFA ee ku yaal Zurich – Switzerland.

 

Tabobarihii Spain Oo Is Casilay

 

Madrid – Spain (AP) – Tabobaraha xulka qaranka Spain Jose Antonio Camacho, ayaa is casilay Salaasadii shalay oo ah 10 cisho kadib, markay ku guul-daraysteen ciyaartii koobka adduunka.

“Noloshu waxay abuurtaa marxalado, tanina waa tii ay aniga iigu dhammaatay,” sidaa waxa shir-jaraa’id kaga dhawaaqay Camacho.

 

Camacho, wuxuu is-casilaadisa gundhig uga dhigay baahidiisa oo ah in si dhakhso ah looga rabo shaqo kale oo adag.

 

“Tartanka Yurub 2004, laba sannadood ayaa inaga xiga, koobka dunidana laba sannadood oo kale ayaa inaga xigaya. Markaa waxaan u baahanahay is-beddel weyn,” ayuu ku daray.

Camacho oo heshiiskiisu ku eg-yahay 2004, tartanka Portugal, waxaa la guda-galay sidii loo heli lahaa tabobare waayo-arag ah oo beddela kaalinta uu banneeyay.