Haatuf, Cadadki 108, July 5, 2002
Lix Ka Mid Ah Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka Oo Is-Casiley
|
Hargeysa (Haatuf): Lix ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadaha hoose ee dalka ayaa la sheegay inay shalay iscasilaad u gudbiyeen guddiga Caddaaladda oo uu guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Si rasmi looma faafin is-casilaadda garsoorayaashaas, hase yeeshee, waxa Haatuf shalay u xaqiijiyey mid ka mid ah garsoorayaasha is-casilaadda bixiyey.
Garsooraha aannu la xidhiidhnay wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababta ay isu casileen, waxase uu sheegay in codsiga is-casilaaddooda ay si rasmi ah ugu qoreen hay’adaha ay khusayso, saxaafaddana ay uga warrami doonaan marka ay la gudboonaato.
Sida warku sheegay Garsoorayaasha iscasilaadda gudbiyey waxa ay kala yihiin:
1. Maxamed Siciid Xirsi, Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa,
2. Yuusuf Ismaaciil Cali, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil, Berbera,
3. Saleebaan Ismaaciil Xuseen (Cirro), Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa,
4. Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin, Maxkamadda Gobolka Awdal, Boorame
5. Cabdi Jaamac, Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Garsoore,
6. Iyo Fowsi Sheekh Yoonis Xasan, guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa.
Iscasilaadda Garsoorayaashani waxa ay ku soo beegantay Afar maalmood uun kadib markii Maxdaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu qaaday tallaabadii u horreysey ee lagu turxaan bixinayo Garsoorka dalka, taas oo uu shaqada kaga fadhiisiyey garsoorayaashii Maxkamadda Sare oo isla markaana ahaa guddiga Caddaaladda. Sidoo kalena uu beddelkooda u magacaabay lix xubnood oo cusub.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, khudbaddiisii u horreysey ee uu dadka u jeediyey isaga oo Madaxweyne ah 18kii May ayuu ku ballanqaaday inuu si degdeg ah wax uga qaban doono cabashada ka jirta caddaaladda dalka. Isaga oo oofinaya ballanqaadkaas waxa uu Madaxweyne Rayaale kadib magacaabay guddi ka soo talabixisa sida iyo qaabka wax looga qabanayo turxaanbixinta garsoorka.
Lama oga sababta ay garsoorayaashu is-casilaadda u bixiyeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga caddaaladda la isugu yeedhay kulan maalmaha soo socda, kaas oo la filayo in ku saabsan yahay turxaanbixinta maxkamadaha hoose.
Guddiga Caddaalada ayaa dastuurku awood u siinayaa, dallacsiinta, darajo-ka-dhimista, shaqo-kafadhiisinta iyo anshaxmarinta garsoorayaasha maxkamaddaha Hoose.
“Magaalooyinka Waxaanu U Xulli Lahayn
Maayaro Aan Hore Xabsiga Ugu Gelin Dambi Tuugo Ah”
Shalay: UCID iyo Fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa
|
Hargeysa (Haatuf): Isu-soo-bax uu soo qaban-qaabiyay ururka UCID, ayaa shalay lagu qabtay Fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa, halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiinta ururkaasi.
Isu-soo-baxaas oo ay ka qayb-galeen taageerayaasha ururkaas, qaybo kale oo bulshada ka mid ah, arday iyo fannaaniin uu hogaaminaya Abwaanka Axmed Saleebaan Bide, waxa lagu soo bandhigay ciyaaro kuwa hidaha iyo dhaqanka ah, iyo bandhig-faneed isugu jiray heeso, gabay iyo riwaayad oo ay fannaaniintaasi dhigeen. Intaas ka sokow, waxa halkaas khudbado ka jeediyay masuuliyiinta sar-sare ee ururka, kuwaas oo ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo aragtida ay ka qabaan.
Guddoomiyaha ururkaas, Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxa uu ugu horeyn ku dhaliillay Maamulka Dekedda Berbera oo uu sheegay in Maamul-xumadiisu sababtay in ganacsi badan oo reer Somaliland lahaayeen ka wareego oo uu u baydho dhinaca dekedda Boosaaso.
Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu khudbadiisaa ku sheegay in aanu ururka UCID aqbalaynin, warar uu sheegay in ay suuqa ku jiraan oo ah, inuu Maamulka talada hayaa doonayo in muddada loo kordhinayo, taas oo uu ku tilmaamay in warar xanshashaq ah oo suuqa la isla dhexmarayaa tibaaxeen, waxaanu Faysal Cali Waraabe sheegay in aanu ururka UCID ogolaanaynin in muddada loo kordhiyo Maamulka.
“Ma ogolaanayno cidii wadata shir-beeleed iyo shir Qaran,” ayuu yidhi Faysal, waxaanu ku baaqay in loo diyaar-garoobo doorashooyinka dawladaha hoose, golayaasha iyo Madaxweyne-nimada.
Guddoomiyaha UCID, mar uu ka hadlayay arrimaha Siyaasadda Dibadda iyo aragtida ururkoodu ka qabo, wuxuu sheegay in ay qabaan in xidhiidh wanaagsan lala yeesho dalka Itoobiya oo uu tibaaxay inuu nasteex u yahay Somaliland, una ahaa markii diyaaradaha lagu duqaynayay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo wakhtigan-ba. Hase yeeshee, Faysal wuxuu cambaareeyay dal aanu magacaabin oo uu sheegay inuu yahay dal yar oo aan dhaqaale ahaan isku filnayn, balse meel kale laga masruufo, kuna yaalla Geeska Afrika, kaas oo uu ku dooday inuu lid ku yahay Somaliland, waxaanu xusay in haddii uu ururkiisu ku guulaysto doorashooyinka ay xaqiijin doonnaan in dalkaasi baaba’o, Somaliland-na ay muuqato.
Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo khudbadiisaa kaga hadlay arrimo ku saabsan Maamullada Dawladdaha Hoose, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Haddii ay UCID talladeeda noqoto, waxaanu u xuli lahayn Maayarada magaalooyinka rag aqoon Jaamacadeed leh oo aan hore Xabsiga ugu gelin dambi tuugo la xidhiidha.” Waxaanu ugu baaqay dadweynaha in ay cashuurta dawladda bixiyaan, balse wuxuu xusay in loo baahan yahay in cashuurta wax loogu qabto dadkii bixiyay ee aan la lunsan.
Xoghayaha Guud ee ururka UCID, Axmed Muuse Geedi oo isna hadal ka jeediyay Madashaa, ayaa sheegay in ururkoodu kala shaqaynayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, sidii dhabarka looga jebin lahaa Cadaalad-darada.
“Maaha Maxkamadaha oo la bedelo oo keliya, ee waxa weeye in maamulka heeryo cunka ah ee meel walba fadhiya ee dawladda hoose fadhiya ee dawladda dhexe fadhiya, meesha laga saaro, taasaa lagu dhabar-jebin karaa cadaalad-darada ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee ururka UCID.
Cabdi C/llaahi Kaahin oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden, kana tirsan ururka UCID, ayaa isna khudbad uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in maanta halgan dheeri u yaalo Somaliland, sidaa aawadeed ayuu yidhi; “Bulshoy, waxaan idinkala talinayaa nin siyaasi sheeganaya oo aan macnaha Siyaasadda garanaynin oo u haysta kursigu inuu yahay darajo la siiyay.” Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Kursigu, waa meel dan-yarta loogu adeego, waa meel lagu shaqeeyo. Ninka u haysta kursiga Somaliland in carruur lagu korsado, waxaa ka wanaagsan in aad tidhaahdaan bacadlaha makhsin ka raadso oo shaqayso.”
Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi-galbeed u qaabilsan ururka UCID, Xasan Xaydh, ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay kaga sheekeeyay sababihii kalifay in ururka UCID la aasaaso. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Rashiid C/laahi Gaas oo ka tirsan ururka UCID, kana soo horjeedda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.
“Markii shalay la ahaa Maamul-beeleedka, waanu ka qatanayn dawladda, balse waxa Illaahay Mahadiiya markii axsaabta loo guuray in aanu ka dhex muuqano fagaaraha Siyaasadda, kana dhex muuqan doono Maamulka,” ayuu yidhi Rashiid X. C/laahi.
Isu-soo-baxa ururka UCID oo qayb ka ah, loollan siyaasadeedka nabadeed ee ay xilligan Somaliland madaxa la gashay, wuxuu ku dhammaaday jewi deggan.
|
Hargeysa (Haatuf): Madaxa Akadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Dr. Xuseen Cabdilaahi Yuusuf (Bulxan) iyo Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo Somaliland uga qaybgalay shirkii NEPAD ee iskaashiga dhaqaalaha ee Africa oo lagu qabtay dalka koonfur Afrika ayaa shir jaraa’id oo ay shalay wada-jir u qabteen kaga waramay doodo iyo dedaal ku wajahan qadiyadda Somaliland oo ay ka sameeyeen madashii shirkaa.
Shirka NEPAD ee iskaashiga cusub ee horumarinta Afrika oo lagu soo gebagebeeyay waxa uu qayb ka yahay hanaan cusub oo Afrika ugu guurayso sidii loo bedeli lahaa ururkii hore ee midnimada Afrika, waxaana ka soo qayb galay aqoonyahano fara badan oo loogu yeedhay (Continental experts).
Hase yeeshee aqoonyahanada Somaliland ee lagu marti qaaday shirkaas waxay uga faa’iidaysteen shirkaa fursad ay ku oogaan qadiyadda Somaliland, kuna eegaan xeerarka OAU-yada.
Faadumo Siciid oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul insaanka ayaa shirkaa jaraa’id ka sheegtay in axdiga ururka midnimada Afrika oo shirka loo qaybiyay ay ka heshay qodob Somaliland xaq u siinay qaranimadeeda iyo in la aqoonsado, kaasna ay doodiisa shirka ka oogtay.
Faadumo waxay sheegtay in ay axdiga OAUda qodobka ay ka heshay uu u dhigan yahay “we (OAU) recognize the borders of the time of independent” oo macneheedu noqonayo “Waxanu aqoonsanahay xuduudihii waqtigii xornimada”.
Waxay sheegtay in su’aal arrintaa ku saabsan ay shirka hordhigtay islamarkaana ay weydiisay in laga qanciyo sababta Somaliland oo xuduudeheeda la yaqaano loo aqoonsan waayay.
Faadumo waxay sheegtay in madaxdii shirkaa fadhiday ay diideen inay jawaab ka bixiyaan.
Waxa kale oo ay intaa ku dartay in M/weynaha Koonfur Afrika laftiisa ay arrintaa hordhigtay, oo lagu wado inuu shirka OAU-da ee sannadkan oo dalkiisa lagu qabanaya, isla markaana uu gudoomiye-nimada ururka kula wareegayo, uu ku soo qaadi doono arrinta Somaliland.
Faadumo Siciid iyo Dr. Bulxan waxay sheegeen intii ay joogeen halkaas in ay la kulmeen mudanayaal, iyo wasiiro ka tirsan Dawladda Koonfur Afrika, safiiro iyo xubno kale, kuwaas oo ay tibaaxeen inay ka dhaadhiciyeen arrinta Somaliland, isla markaana ay qabteen barnaamijyo TV-yada Koonfur Afrika laga sii daayay oo laga waraystay arrinta Somaliland.
Faadumo Siciid iyo Dr. Bulxan waxay ku cel-celiyeen kaalinta Koonfur Afrika kaga jirto Afrika oo ay ku tilmaameen mid hormoodnimo ah, loona baahan yahay in xidhiidh adag Somaliland la yeelato.
Waxay tibaaxeen in dadka iyo Dawladda Koonfur Afrika ay u heelan yihiin Somaliland, fursado iskaashi iyo wax wada qabsina Somaliland ay ka helayso.
“Koonfur Afrika waa dal mustaqbal wanaagsan yeeshay, waxaanan u arkaa inagana mustaqbalkeenu halkaa ku xidhan yahay” Sidaa waxa yidhi Dr. Bulxan
Faadumo Siciid iyo Dr. Bulxan waxay ku taliyeen in aan la dayacin ee ay Somaliland xidhiidh adag la yeelato Koonfur Afrika.
Ururka Shaqaale Oo Shalay
Dhismihiisa Lagaga Dhawaaqay Hargeysa
|
Hargeysa (Haatuf): Urur cusub oo ah Ururka Xidhiidhka Guud ee Shaqaalaha Somaliland, ayaa shalay aasaaskiisa lagaga dhawaaqay Hargeysa. ururkan oo la sheegay inuu kulmiyo dhammaan qaybaha shaqaalaha S/land waxa xaflad aasaaskiisa ku saabsan lagu qabtay xarunta Jaamacada Hargeisa, taas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday dawlada, xubno ka tirsan ururada siyaasada iyo marti sharaf kale oo badan. Waxaa halkaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan. Maxamed Haybe Guulleed oo ah Gudoomiyaha ururkan oo ka hadlay xafladdaa, ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka ururkan loo aasaasay, waxaanuu sheegay in ay aasaaska ururkan bilaabeen 06/03/02 ayna ilaa muddadaa la soo kacaa-kufayeen, imikana ay u suurta-gashay inay ku dhawaaqaan. waxaanu intaa ku daray inay markii hore rag badanku ahaayeen aasaasidii ururka, balse imika ay ku soo hadheen 9xubnood oo kaliya. Mar uu ka hadlayay ujeedooyinkii ay ururkan u aasaaseen waxa uu sheegay inay tahay sidii ay shaqaalaha S/land u heli lahaayeen urur kulmiya oo u dooda xuquuqdooda. Waxa isna xafladaa ka hadlay C/raxmaan Iidaan Xasan oo xubin ka ah ururka waxanu sheegay in Barnaamijkoodu yahay daryeelida, u doodida, iyo tababarida shaqaalaha.
wasiir-xigeenka wasaarada caafimaadka iyo shaqada Maxamuud Jaamac Warfaa oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ururkani yahay mid aan dawli ahayn ujeedadiisuna tahay inuu u doodo shaqaalaha gaarka ah (Private).
Agaasimaha waaxda shaqada ee wasaarada caafimaadka iyo shaqada Cismaan Xasan Cali oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ururka ka mid yahay baalasha wasaaradu ku duusho si ay hawleheeda u fuliso. Ururkanina uu la shaqayn doono wasaarada caafimaadka iyo shaqada. Gaar ahaana qaybteeda shaqada.
Waxa kale oo xaflada ka hadashay Canab Cumar Ileeye. Oo ka tirsan ururka siyaasiga ee Hormood iyadoo sheegtay in loo baahanyahay urur shaqaale oo kala haga loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha isagoon midna dulmiyin.
Maayor Cusub Oo Loo Magaacabay Burco
|
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay u Maayor cusub u magacaabay magaalada Burco, isla markaana xilkii ka qaaday maayorkii hore magaaladaas.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada.
Siduu sheegay warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu, Madaxweynuhu wuxuu u magacaabay Aadan Maxamed Mire (Waqaf) inuu noqdo Maayorka cusub ee magaalada Burco, jagadana uu kala wareego Maayorkii hore ee magaaladaas Maxamed Cali Maxamed oo xilkii laga qaaday.
Madaxweynuhu wuxuu Qoraalka ku sheegay in dhibaato aan dhamaystir lahayni ay mar walba ka taagantahay magaalada Burco taasoo loo nisbaynayo ayuu yidhi “Masuuliyiinta oo aan loo dulqaadan karin.”
Sidaa aawadeedna wuxuu warku sheegay in Madaxweynuhu markii la tashaday masuuliyiinta ay arrintu khusayso uu go’aansaday inuu hawshaa nin cusub oo hanan kara xilkaas u dhiibo.
Digreetada uu Madaxweynuhu ku magacaabay Maayorka cusub ee Burco waxay amraysaa in Maayorka cusub iyo kii hore ay si habsami ah xilka ula kala wareegaan.
Magacaabistan ka hor, waxaa kale oo magaalada Burco loo magacaabay maayor ku xigeen cusub kaasoo dabayaaqadii bishii hore magacaabistiisa la soo saaray.
Rugta Ganacsiga Oo Qabanaysa Carwadii 3aad
|
Hargeysa (Haatuf) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal iyo Xoghayaha Guud ee Rugtaas C/laahi Diiriye, ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay arbacadii, in la qaban doono carwo loogu talogalay in lagu muujiyo wax soo saarka Gudaha iyo adeegyada ganacsi ee dalka.
Labadaa masuul waxay sheegeen in carwadaa lagu qaban doono xarunta hayadda shaqaalaha dawlada ee Hargeisa 31july ilaa 5 August 2002.
Waxaanay intaa ku dareen in carwadaa ay ka soo qayb-geli doonaan suxufiyiin iyo weriyayaal ka socda telefishino iyo wargeysyo caalami ah. Ujeedada ugu weyn ee carwadan loo qabanaya waxay ku sheegeen masuuliyiintu inay tahay mid looga dan leeyahay sidii bulshada loogu dhiirigalin lahaa inay isticmaalaan wax soo saarka wadaniga ah ee gudaha dalka ka soo baxa iyo sidii indhaha Caalamka loo tusi lahaa xaqiiqda dhabta ee Somaliland. Gudoomiyaha iyo Xoghayaha guud ee Rugta Ganacsigu, waxay sheegeen in carwadan loogu talogalay inay ka soo qaybgalaan dhammaan shirkaha ganacsi, warshadaha, ururada bulshada Hoteelada iyo nooc kasta oo ganacsi,kuwaaso laga rabo inay badeecadohooda iyo adeegyadooda, ku bandhigaan Carwada, cidii guulaystana la siin doono abaalgud.
Labada masuul-ba waxay intaa ku dareen in carwadaas uu ku bixi doono kharash gaadhaya ilaa 10-kun oo dollar, waxaanay intaa raaciyeen inaanay jirin cid kale oo ka caawinaysaa balse ay dawladda oo keli ahi ka taageerayso qabashadeeda, carwadani waa tii 3aad waxaana hore loo qabtay laba bandhig carwo oo lagu muujinayay wax soo saarka iyo adeegyada ganacsi, kuwaasoo qabsoomay sanadihii 1999-2001.
Qalab Isboorti Oo Loogu Deeqay Ciyaartoyda Gobolka Saaxil
|
Berbera (Haatuf): Qalab Isboorti oo isugu jira Direyska, kabo, kubadaha Cagta iyo kuwa kolayga (Basketball), ayay Shirkadda Total Red Sea shalay guddoonsiisay maamulka Gobolka Saaxil, waxaana deeqdaa guddoomay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Xasam X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne), waxaanu uga mahad celiyay shirkaddaa deeqdaa ay bixisay oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn tii ugu horeysay ee ay Total Red Sea ugu deeqday ciyaartoyga Gobolka Saaxil.
Dhinaca kale, kooxda ciyaartoyga gobolka Saaxil, ayaa isla shalay guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Koobkii loo dhigay munaasibadii 26 Juun oo ay ku guulaysteen Ciyaartoyga Gobolka Saaxil, kadib markii ay ka badiyeen Ciyaartoyga Gobolka Togdheer.
|
Berbera (Haatuf): Urur Waddani ah oo lagu magacaabo GAVO oo ka dhisan Gobolka Saaxil, ayaa shalay ka furay magaalada Berbera xarun cusub oo lagu daryeelayo, waxna lagu barayo ubadka suuqyada ku daadsan ee is-koriska ah ee aanay waalidiintoodu gacanta ku hayn.
Xaruntaa cusub ee uu ururka GAVO ka furay Berbera, waxa shalay si rasmi ah xadhigga uga jaray Badhasaabka Gobolka Saaxil, Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne).
Sida uu noo soo tebiyay Weriyahayaga Berbera, C/raxmaan X. Daahir, xaruntan cusub waxa lagu bilaabayaa oo wax lagu barayaa ilaa 60 carruur oo uu ururka GAVO ka soo ururiyay suuqyada Berbera. Masuul ka tirsan ururkaas oo hadal ka jeediyay, xafladdii furitaanka xaruntaa cusub, ayaa sheegay in hawshan ururkooda ay ka kaalmaysay Hay’ad lagu magacaabo CIDA. Waxa kale oo uu mahad-celin u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo uu sheegay in uu gacan ka geysto, hawlaha samo-fal ee uu ururka GAVO ka wado Gobolka Saaxil.
|
Burco (Haatuf): Masuuliyiinka urur-siyaasadeedka KULMIYE oo socdaal ku jooga magaalada Burco, ayaa shalay la kulmay xubno ka tirsan ururada Haweenka Burco iyo taageerayaasha ururkooda.
Sida uu noo soo tebiyay Weriyahayaga Burco, kulankaas ayaa ahaa mid la isku weydaarsaday xog-wareysi la xidhiidha Siyaasadda ururka iyo guud ahaanba dhismihiisa. Warku wuxuu intaa ku daray in haweenka shirkaa ka qayb-galay ay muujiyeen taageero ay u hayaan ururka KULMIYE.
Geba-gebadii kulankaasna, waxa la isla qaatay in hoggaanka ururku kulamo dambe uu la yeesho ururada haweenka ee gobolka Togdheer.
Masuuliyiinka ururka ee kulankaas ka qayb-gashay, waxa ka mid ah; Guddoomiyaha ururkaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gud.xigeenka, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee ururkaas oo ay ka mid ahaayeen Garyaqaan Faysal X. Jaamac iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey).
|
Los Angeles (Reuters): Laba qof ayaa toogasho lagu diley, ugu yaraan Afar kalena way ku dhaawacmeen markii nin hubaysani rasaas ku furay madaarka caalamiga ah ee Los Angeles khamiistii shalay, sidaana waxa sheegay booliska.
Ninkaasi waxa uu tacshiiradda la beegsaday qolka tigidhada looga goosto Diyaaradda Israa’iil ee lagu magacaabo El Al ee madaarkaas.
Toogashadani waxa ay timi iyada oo nabadgelyada aad loo adkeeyey Maraykanka oo dhan, isla markaana dadka dalkaasi ay jaahwareer ka qaadeen digniinaha dowladdu bixinayso iyaga oo shalay u dabaaldegayey maalintii qaranimadooda, taas oo ah markii ugu horreysey ee munaasibad noocaas ah xusaan intii ka dambeysey Sept.11 markii weerarada lagu qaaday New York iyo Washington.
Sida ay sheegeen warbixinihii ugu horreeyey, nin ayaa rasaas ku furay mid ka mid ah shaqaalihii joogay xafiiska diyaaradda El Al oo ku dhexyaalla halka socotadu ku nastaan ee gudaha madaarka abaaro 11:30 a.m ee waqtiga Maraykan. Dabadeed waxa uu ku jeestey oo uu rasaas ku saydhiyey dadkii kale ee hareerihiisa joogay ka hor intii aan ciidanka nabadgelyada madaarku rasaas ku furin, oo aanay toogasho ku dilin ninkaas.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in aan si dhakhso ah loo ogaan ujeedada ka dambeysey toogashadaas, isla markaana telefishanka magaaladaas ayaa ku warramay in boolisku ay doondoonayaan cid kale oo laga shakiyi karo.
Afar qof ayaa loola cararay cusbitaallo madaarka u dhow, laakiin tirada dhab ahaan ku dhaawacantay halkaa lama ogaan.
Diyaaradda El Al ee Israa’iil, ayaa la ogyahay inay leedahay nabad-ilaalinta ugu adag diyaaradaha.
Goob-joogayaashu waxay sheegeen in ay maqleen qaraxa rasaasta, waxayna sheegeen in ay ahayd 8-10 qarax. Goob-joogayaasha qaarkood waxay u maleeyeen sanqadhaas qaraxyada damaashaadyada loo rido, halka qaar kalena ay dhulka isku tuureen markii ay maqleen sanqadha.
Boolis dheeraad ah oo badidoodu ay wataan eyda wax urisa ayaa la geeyey madaarka Los Angeles oo ah madaarka saddexaad ee dunida uga mashquulka badan.
Faahfaahin kale oo ku saabsan toogashada lama helin, laakiin ugu yaraan shan ambalas ayaa joogay madaarka, halkaas oo ay diyaaraduhu ay sii wateen inay caga-dhigtaan, kana duulaan wax yar kadib toogashada. Inta badan madaarka waa la xidhay, kumanaan dad ahna waa laga daadgureeyey. Baabuurta ayaa laga joojiyey inay jidka madaarka ka qaadaan rakaabka, laakiin waxay jidkaas u marayeen dadku si tartiib ah.
Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka AP, wakiillada FBI ayaa joogay goobta laakiin ma jiraan wax tilmaan ah oo ku saabsan aqoonsiga ama dhalashada ninka wax toogtey.
|
Muqdisho (Haatuf) :- Shixnad hub ah oo ka yimi Liibiya ayaa soo gaadhay Muqdisho daboyaaqadii bishii June ee dhammaatay, kuwaas oo u socday maamulka Carta ee uu madaxda u yahay Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Sida ay sheegeen ilo ku dhow-dhow maamulka Cabdiqaasim, hoggaamiyaha Liibiya ayaa hubkan u soo diray, kadib markii uu qaylo-dhaan ka helay dhinaca Cabdiqaasim oo ku hanjabay inuu is-casilayo, kuna biiri doono mid ka mid ah kooxaha maamulkiisa diidan, haddii aanay dawladaha Carabtu muddo gaaban ku soo gaadhsiin dhaqaale iyo hub uu isku difaaco.
Dawladda Liibiya, ayaa noqotay tii ugu horaysay ee ka soo jawaabta qayla-dhaanta ka soo yeedhay Cabdiqaasim horraantii bishii June ee dhammaatay.
Maamulka Carta ayaa beryahan dambe cadaadis isa soo tarayaa kaga imanayay kooxaha ka soo horjeeda oo la sheegay inay isku diyaarinayaan weerar ay ku ekeeyaan kooxda Carta oo ay ku eedaynayaan inay taageero ka hesho dawladaha Carabta, taasaana la sheegay inay qayla-dhaanta ka keentay Cabdiqaasim.
RIYADDII SOMAALIWEYN (1960KII- 1990KII)
Kala Duwanaanshaha Reer Somliland iyo Soomaalida Koonfureed
Yuusuf Goodir Maxamed, Islamabad – Bakistan.
|
Waxaynu ognahay in wax badan loo huray doonistii midnimaddii soomaaliyeed. Maantana waynu ka war qabnaa guuldaradda laga joogo. Laba su’aalood ayeynu iska weydiinaynaa: Maxaa dhiciseeyey? Dedaalkaas iyo tadxiyadaas la sameeyey waxa beeneeyey labada shacab ee ay midaynaysay oo taariikhdoodu kala duwan tahay taasoo ay habtay kala duwanaanshahooda saqaafadda, wadaniyadda, siyaasadda iyo dhaqan dhaqaalaha. Dhawrkaa arimood ee aynu tilmaanay waxay saldhig u yihiin sababta ay isugu kabmiweyday midnimaddii soomaaliyeed, iyagoo shidaal u noqotay labada jiho ee labadan shacab u kala socdeen, taasoo keentay inay ugu danbayntii kala noqdaan.
Iyadoo dad badani ila qabaan aragtidaas ayaa haddana ay jiraan qaar kale oo ka biyo diidi karaa. Mase jirto meel ay ka dhaafaan sawirka horyaal ee xardhaya waayaha soomalida taariikhda u ah. Haddii toodu run tahay arimuhu sida ay maanta yihiin may noqdeen. Tusaale ahaan, bur-burkii dhaqaale iyo maskaxeed ee dagaalkii sokeeye ka soo gaadhay reer Woqooyigu lama sin-ayn kii koonfurta, maalmo gudahood baa Barre lagaga saaray Muqdisho. Hanti ka lunta iska daayoo wixii soomaaliyi lahayd iyo ajnebiba Muqdisho ayaa lagaga tegay, iyadoo ay dheerayd dheeftii dawladnimo ee isugu biyo shubatay reer Soomaliya. Sidaas darteed, dhibaatadu mar walba waxay ku badnayd reer Somaliland, sidaas ayey ku toosnaan lahayd burburka iyo dawlad la’aanta ka jirta somaliya in mid ka xumi ka jirto somaliland, iyadoo loogu garaabi lahaa weliba. Farqiga jira wuxuu aad uga muuqday macaluushii ka dhacday Soomaaliya 1993kii, waa mahad Ilaah guusha u soo hoyatay Somaliland, halkaas oo duruufo badan lagu dhaafay isu diirnax sida qaxii iyo bur-burkii 1988kii,, si ka duwanna isdaawaysi ama is gacan qabasho ma jirin dhinaca Soomaliya,
Waayahan cusub ee Soomaalida soo waajahay siyaasadda labada gobol guud ahaan waxay ku kala baydhay, mid doonaysa inay gooni xal ugu hesho duruufeheeda nololeed iyo mid talada ka sugeysa gacan shisheeye. Reer Somaliland marwalba waxay muujinayeen quudhsi nacayb iyo qab ay ku kalsoonaayeen dareenkooda wadaniyadeed. Maanta taasi si aan muran lahayn bay u muuqatay, waayo si laxaad leh ayey ugu qanacsan yihiin in aan nin shisheeye danahooda garan karin, manay dhicin in mar qudha shir loo qabto.
Mad madow kuma jiro in qiyamka iyo dadnimadu hoos u dhaco ama lunto marka dadku sidii duurjoogta ayda galaan kana huleelaan hoygoodii iyo noloshoodii sidii dhacday. Xaqiiqaduna waxay ahayd in reer Somaliland maanta ka hooseeyaan dhinaca kale oo marka maare loo waayo sida Soomaaliya ay ku doodaan in maskax iyo dhaqaale bur-burba ay ka badnaayeen. Sheekadu way is rogtay mana jirto sabab aan ahayn in labada shacab kala duwan yihiin oo sharxi karta si-da maanta xaal aduun yahay. Gundhigeedu wuxuu ahaa wadaniyad iyo xoriyad jacayl ay dadku ku doorsadeen noloshii ay markaas ku jireen. Waana tilmaan weli hageysa reer Soomaaliland oo lagu baadi goobayo halgan nololeedka. Sanadahan danbe taariikhda cusub ee soomaalidu waxay banaanka soo dhigtay in tilmaamahaas aynu xusney rumoobeen reer Somaliland-na kaga duwanyihiin Somaliya dhamaantood.
Dhaqanka: Aadamigu wuxuu ka siman yahay dhaqan iyo garasho midaysan marka loo eego xayawaanka, waana ta lagu soo dirsooco. Ka hore marka loo soo noqdo laysna bar-bar dhigo kala duwanaanshaha aqoontooda iyo dhaqankuba wuu sii kordhaa. Inta badanna isku dhaqan waxaa loo eegaa iyadoo aanay ka fogeyn degaan siyaasadeedku (Geo-Polotics). Taasi waa doonista helid bulsho midaysan oo ka duwan dunida ay xayndaabka la wadaagto, inta badanna carrabka ayaa laga dhawraa in dad isku wadan ah la yidhaahdo waa kala dhaqan. Miisaanka ugu yar ee aynu beegsan karo si aynu u ogaano in dad meel wada degani isku dhaqan yihiin waa haddii farqiga kala duwanaanshahoodu ka yar yahay ka wadammadda kale iyo iyaga u dhexeeya. Somaalidda tilmaantaas marka la barbar dhigo waxaa soo ifbaxaya runnimadeeda oo ah inay aad u kala duwan tahay. Waan hubaa in hooyadda ka safarta Hargeysa ay amankaag qaadayso markey Xamar tagto, halka aanay wax isbedel ah dareenteen Cadan gaar ahaan xiligii aan mabaadiida shuucigu soo gelin. Waa la odhonkaraa gumeystayaashii ayaa sii kordhiyey farqigii jiray, laakiin soddonkii sanadood ee la midaysnaa xataa laysuma soo dhawaan. Kala duwanaanshuhu Wuxuu ku siman yahay sida dharka loo xidho, cuntada, meelaha qaarkood magta la kala qaato, guurka dhaqankiisa iyo weliba halbeega qiyamka aadamaha.
Wadaniyadda: Dareenkaas labadda gobol aad bay ugu kala fogaayeen. Tusaale ahaan, weriyihii BBC-da ee ka soo waramayey maalintii midowga wuxuu xusay in dadkii woqooyiga ka yimi aad u jibaysnaayeen halka reer koonfureedku aanay warba u hayn. Taariikhduna waxay ina baraysaa sidii duqeytidii reer Somaliland heshiiska ula saxeexdeen boqortooyaddii Ingiriiska Qarnigii 19aad dabayaaqadiisii, si ay u ilaaliyaan dhaqankooda iyo diintaba. Markii xoriyadda la qaatayna si buuxda ayaa calankiisii loo laalaabay. Dhinaca kale haddaynu eegno, dhamaan wadamaddii Talyaanigu gumeysan jiray waa laga dhaxal wareeijiyey ka dib markii laga guulaystay dagaalkii labaad ee dunida. Inuu Soomaaliya sii haysto waxaa qayb ka ahaa dad soomaaliyeed. Talyaani jacaylku wuxuu keenay inaan si buuxda looga xoroobin, si la mida kii Ingiriiska. Bulsho talyaani ah ayaa xamaamadda dhigatay Muqdisho. Cidda qudha ee la timi dareen midnimo waa madaxdii iyo shacabkii reer Woqooyiga oo xoriyaddii ay qaateen ku baadidoonay Soomaaliweyn.
Haddaynu u soo noqono halgankii lagu riday maamulkii Siyaad Barre oo guud ahaan burbur ku hayey umaddii soomaliyeed, reer koonfureedku dantooda ayey ka eegeen rididiisa, mana jirin dareen shacab ilaa laga gaadhay ayaamihii ugu danbeeyey ee uu ilko beelay. Waxaa iyana ina hortaal sababta soo hogaamisay ciidamaddii shisheeye ee gacanta ku dhigay Soomaaliya bilowgii sagaashanaadka. Jawaabtu waa macaluushii, laakiin macaluusha maxaa keenay? Waxaa keenay markii ay hay'adihii gargaarku qaybin kariwaayeen taakulayntii, waayo waxaa soo if baxay Mooryaan aan cidi xukumin. Guud ahaan waxaa meesha ka maqnaa dareen ka damqada foolxumadda taagnayd.
Reer Somaliland waxay u hamranayeen in shisheeye soo noqdaa waxyeeleeyo dhaqanka iyo diinta amaba gooni isu taaga Somaliland. Halkaas waxay ku waayeen qaybtii ay ku lahaayeen caawimaddii loo fidiyey Soomaaliya sanadihii sagaashanaadka. Garashaduna waxay siisay inay wax badan qabsan karaan. Ugu dan bayntiina dunidii baa usoo joogsatay oo garatay in reer Somaliland yihiin dad dareenkoodu ka duwan yahay reer Soomaaliya. Su'aal la weydiiyey Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Kiiniya, maruu booqasho ku joogey shirkii Boorama ee 1993kii in Maraykanku maagan yahay duulaan ku wajahan Somaliland, sidii uu Somaliya u qabsaday, aad buu uga gilgishay. Jawaabtiisa gundhigeedu waxay ahayd in aanay Somaliya qabsane ay ahayd meel macaluuli ka jirtay oo ay usoo gurmadeen, Somalilandna aanay la mid ahayn, danteedana ka tashatay. Sidaasoo kale ayaa xoghayaha Safaaradda Talyaaniga ee Pakistaan, Islamabad uu u sheegay Gudiga Qaxootiga Somalida ee Pakistan inuu ku soo arkay Somaliya hogaamiyayaashooda oo aad u kala duwan. Wuxuu xusay in kuwa Somaliya ka argagaxaan marka lagu yidhaahdo shir Somaaliya ha laydinku qabto, iyagoo aad u jecel inay ku hoydaan daaro wadamo kale leeyihiin, halka, buu yidhi, Somaliland ay ka dhisan tahay dawlad aqoonsigii ka maqan yahay.
Inkastoo aanay jirin meel laga dhaafo dadnimadda oo ah dun wanaag ka askunta dhaqanka, hadana arimo badan baa gundhig u noqon kara. Haddii uu markaas jiro qof weli ku adkeysanaya in Somaalidu dhaqan iyo wadaninimo wadaagto [iyadoo aan iila muuqan] sharaxaadna uu u doonayo kala duwanaanshaha jira wuxuu ku tiban karaa dhinaca saqaafadda.
Saqaafadda: Qayb ahaan waa run, reer Somaliland waxay dhaxleen tacliin ka tayo badan ta reer Somaliya, gaar ahaan dugsiyaddii ka aas-aasmay halgankii aqoonta ee uu hogaaminayey MAXAMUUD AXMED CALI. Guushaas tacliimeed waxay soo saartay dhalintii calankii xoriyaddu gacanta u galay oo noqday jiriddii maamul ee Somaliya, intii aanu Kacaanku xididada u bixinna laga dheehan jiray hanaan maamul oo wacan. Taas waxaa weheliyey dadka Somaliland oo ahaa dad dhul mareenna soona arki jiray waxa ka jira dunida, iyagoo xidhiidh dhow la lahaa wadamadda Carbeed gaar ahaan Cadan oo ahayd meel ay xadaaraddu hore uga jiri jirtay. Dugsiyadeediina raggii wax ku soo bartay door laxaad leh ka ciyaareen abuurista soomaliyaddii cusbayd.
Siyaasadda: marwalba kala duwanaanshuhu wuu muuqday iyadoo sababtu ahayd dadka labada gobol uga qayb galay dawladnimadda iyo weliba dareenka ay shacbiyada Somaliland ku eegaysay qaranimadda. Dhinaca Somaliland waxaa horkacayey dhalin yaro nasiib u heshay aqoonta casriga ah, maadaama ay wax ku barteen wadamaddii shisheeyaha ma odhon karo way ka hufnaayeen aragti debadeed. Waxaase hubanti ahayd inay ku barbaareen dhawaaqii xoriyad doonka, qaybna ay ka ahaayeen halganka. Iyagoo filayey dawlad Soomaaliyeed ixtiraamna siiyey kuwii ay walaalaha u haysteen ee ay Muqdisho ugu tageen. Kuwaas waxaynu ka soo qaadan karaa dhawrkii nin ee wasiiradda ka noqday dawladdii uu raysal wasaaraha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharma Arke Cali Garaad, Cigaal iyo Axmed Kayse oo kan danbe uu markiiba ka booday habdhaqankii reer Koonfureedka. Intuu iscasilay ayuu ka dhoofay dalka dibna ugu soo noqon ugu yaraan arimo siyaasadeed. Waxaa ka mid ahaa Ragaas Michal Maryama oo ahaa nin wadaniyaddu ku dheer tahay, isagoo ka mid ahaa ragii kala taliyey markii Qaramadda Midoobay maamul gaadhsiinta halkaas ka wadeen 1950kii.
Nasiibdarose dhalinyaradaas iyo kuwii la socdayba ay ugu tageen Muqdisho Talyaanigii oo weli ixtiraam weyn mudan. Waxyaabaha amankaaga ku riday reer woqooyiga waxaa ka mid ahaa iyadoo wax walba lagala tashanayey ninkii gumeysigu keenay tiiyoo aan waxba laga su'aalin dhinaca kale. Mar qudha ayaa la afduubay dastuurkii u dhaxayn lahaa labada gobol, oo ay hagayeen garyaqaano talyaani ahi. Sidaas darteed, siyaasadda labada gobol midkood shisheeye ayey ku xidhnayd halka ta kale la da'ahayd dadkeeda. Haddii aynu tilmaano dhinicii ciidamadda reer Woqooyigu waxay lahaayeen qaar loo taba baray ciidan ahaan (military,) iyadoo markii danbena ay dhalinyaro dugsiyadda sare dhamaysay tababarka ciidamadda ku soo qaateen akadamiyadda mulateriga ta ugu horaysay dunidda oo ku tiil cariga Ingiriiska. Dhinaca Somaliya waxaa joogay ciidamo loo tababaray booliis kuwaas oo markii danbe qaar ka mid ah loo wareejiyey dhinaca ciidamadda. Nasiib darada soo gaadhay ciidamada Soomalidu waa iyadoo la hoosgeeyey nimankii booliiska loo tababaray oo markoodii horeba ka soo dalacay askari caadi ah. Waana kuwii markii danbe la wareegay taladdii dalka.
Sawirka siyaasadeed ee labada gobol wuxuu ahaa mid aad u kala duwan oo ka woqooyigu mar walba ku tibanayey habka casriga ah ee dawladaha, halka ka koonfureedka ay hagayeen dadkii ka qayb galay hanaankii dawladeed ee gumeystaha. Waxay u badnaayeen qabqablayaal siyaasadeed gaadiidsanayey waayo aragnimaddii xafiisyaddii talyaaniga oo markii danbe isu rogay xornimo gaadhsiin. Taas waxaa weheliyey dareenkii qabiil oo ku soo mirkacayey ee nin waliba uu ku soo barbaaray, waayo isagoo weyn baa askari la qorey ama uu galay dugsi aqoon korodhsiyeed. Taasina waxay la timi in mar walba si aan sinayn loo maalo qaranimaddii.
Haddaynu eegno, dawladdii ugu horeysay ee Soomaaliya ka dhalatay waxay gacanta u gashay hogaamiyayaashii reer koonfureedka. Dawladaas oo laga sugayey inay dhisaan labadii hogaamiye ee labada gobol doorteen C/laahi Ciise iyo Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Nasiib darro taasi may dhicin, marinkeediina waxaa leexiyey ururkii SYL oo doortay Adan Cabdale Cismaan (Adan Cadde), waayo kalsooni bay ku qabeen inuu fulinayo danno gaar ah. Markii uu noqday madaxweynihii Soomaaliyana wuxuu burburiyey sidii midnimo ku jiri lahayd isagoo raysalwasaarihiina nin reer koonfureed ah ka dhigay, Cabdirashiid Cali Sharma'arke kan danbena si buuxda uu ugu gabood falay xaq qaybtii reer woqooyiga. Isagoo dhamaan wasiiraddii mudnaa gacanta ka saaray reer Koofureedkii. Guul daradda ugu wayni waxay ka timi golihii sharci dejinta oo ka koobnaa 123-xubnood oo 90 ka mid ahi ahaayeen Koonfur, iyadoo habayaraatee aanay jirin hanaan isku mid ah oo lagu soo wada doortay. Gebogebaddiina noqotay in reer Woqooyigu u muuqdaan dad aan cod lahayn (minority.)
Waxaa taa soo raaca cadaalad xumaddii iyo wax qabad la'aantii uu bur-burku weheliyey ee taliskii Barre u geystay magaalooyinkii waaweynaa ee woqooyiga iyo dadkii ku noolaaba. Waxyeeladaasina ahayd mid u dhiganta xasuuqa ka dhaca meelo badan oo ay ka mid tahay Falastiin, runtiina lagu waday bulshadaas gumayn haddii, Raxmaankuna waa deeqsiye ugu gargaaray halgankii hubaysnaa ee SNM. Arxandaradaas waxaa ka mid ahaa iyadoo diyaaradihii soomaalidu duqaynayeen maatadii ka qaxday Hargaysa, wasiirkii Warfaafintuna ku dhawaaqay war laga sii daayey Iddaacaddii Muqdisho inaan dadkaas dawladda Itoobiya u fidin wax taakulayn ah biyona ku dhehoo. Maantana aynu ognahay Xorfadaha la magax baxay Malako Durduro oo Saraakiishii Soomaaliyeed intay dhaafeen dareenkii muslinimo iyo soomaaliyeed ay isku xidh xidheen dad maato ah rayidna ah.
Ugu danbeyntii kursigii madaxtooyadda waxaa si sharci darro ah ugu fadhiistay Cali Mahdi, iyadoo aanay dhaadinba in midnimaddii iyo qaranimaddii bukootay. Taasooo markhaati ka noqonaysa inaan reer koonfureedku bur-bur mooyaane aanay waxba ku soo kordhin sidii labada dal wax u wada qabsan lahaayeen.
Markaas midnimaddii Soomaaliya waxay ku bukootay gacmihii Aadan Cadde, Siyaad Barrena wuxuu markhaati ka ahaa sidii silica ahayd ee ay u nafbaxday, Cali Mahdina wuxuu abaabuli kari waayey aas wanaagsan oo loo sameeyo. Isagoo kan danbe ku fadhiya kursigii madaxtooyadda ayuu ka sheegay in halgankii lagu riday Siyaad Barre ka soo bilaabmay goboladda dhexe kuna dhamaatay Muqdisho. Weedhaas macneheedu waxay saldhigeysaa inuu madaxweyne u ahaa Somaliyadda maanta. Halkaas waxaynu ka soo xiganeynaa midnimaddii Soomaaliya oo ku danbeysay riyo aan weligeed rumoobin masuuliyadeedana ay lahaayeen reer koonfureedku.
Aan u soo noqdo khaladka ay reer Woqooyigu ku leeyihiin midnimaddaa rumoobiweyday, waa deg-deg iyo salfudayd. Mana aha taasi mid la aqbali karo marka laga hadlayo qaranimadda waaga cusub oo ay hagayso aqoonta casriga ahi. Ugu horayn waxay diideen taladdii Ingiriiska ee ahayd in aanay ku deg-degin midowga, taasoo ay la socotay inuu dhiso wadanka. Markii midowgu dhacay xili yar ka dibna ay joogsatay deeqdii waxbarasho iyo horumarineed oo muddo sii socon lahayd. Madaxdii reer Woqooyigu waxay noqdeen qaar masuuliyaddii dadkooda qaadi kari waayey, waxay u kala jabeen mid cadho la boqoola iyo mid danaysta. Aqoontoodii way fashilantay maadaama ay hagi kari wayday midnimo macno samaysa. Sidoo kale waxay ambisay shacbiyaddii u wakiilatay midnimadda oo dhibaatada ku dhacday ay iyagu masuul ka ahaayeen, ma aha in qofku waraabe xoolihiisa raacsado. Guul wayn bay noqon lahayd haddii ay geli lahaayeen heshiis shuruuddo leh.
Cigaal oo ka sheekeeyey sagaashanaadkii Golihii Baarlamaanka ee xiligaas wuxuu xusay inay casuumadd u joogeen meel ku dhow Xamar markii la ansixinayey go’aano (resolutions) saamaynayey aayihii reer Woqooyi. Habowgaas caqliyeed waa mid aan cudurdaar loo helayn, waana ka mid waxyaabaha ay ka dhalatay marin habowga midnimaddii Soomaaliyeed.
Madaxweyne Wax Nala Qabo
Annaga oo ah odayaasha iyo wax-garadka degaanka Geed-Abeera iyo nawaaxigiisa, waxaanu madaxweyne kuu soo gudbinaynaa salaan diiran oo kal-gacaltooyo. Intaa waxa raaca oo aanu kula socodsiinaynaa inaanu nahay dad beeralay iyo xoolo-dhaqato ah oo deggen dhul ballaadhan dadkuna ku badan yahay. Markaa waxa na haysta dhibaatooyin fara badan o ay ka mid yihiin; iskuulo la’aan, biyo la’aan, wado la’aan iyo miinooyin dhulka ku xabaalan. Hase yeeshee, madaxweyne waxa noogu culus iskuulo la’aanta.
Waxaanu weydiisanay wasaarada wax-barashada, hay’adda qaxootiga iyo wasaaradda Dib-u-Dejintaba in naloo dhiso dugsi Hoose/dhexe. Waanu marnay wadadii loo marayay hawlaha noocaas ah laga bilaabo 1995-kii.
Sannad walba waxaanu u qori jirnay codsiyo xusuusin ah, tii u dambaysayna waxay ahayd 8/4/2001, taas oo aanu u dirnay wasaaradda Wax-barashada. Laakiin mudane madaxweyne ilaa hadda ma hayno wax natiijo ah iyo wax-qabasho midnaba. Sidaas darteed Soomaalidu waxay tidhaahdaa; madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto, markaa waxaan kaa codsanaynaa inaad arrimahaa soo dhex gasho, oo aad ogaatid waxa hortaagan, kadibna aad madaxweyne wax nagala qabatid.
Maxamuud Muxumed Yoonis,
Yuusuf Cali Xaashi,
Cismaan Ibraahim Cilmi,
Abiib Ibraahim Furre,
Mawliid Daahir Muxumed,
Nuur Maxamuud Shire,
Ismaaciil C/Laahi Cali,
Xariir Cabdi Gaas,
Daa’uud Cismaan Axmed.
Koobkii Adduunka Ee 2002: Qosol Iyo Qamuumyo Midkee Lagu Xasuusan Doonaa?
Wuxuu kibir-jebiyay Madaxyo-weyntii magacyada huwanaa
|
Dhammaadka koob kasta oo dunidu isku mudato waxaa ka soo baxa dhacdooyin isugu jira farxad iyo naxdin intaba, waxa kale oo tartamada qaarkood laga dhaxlaa dhabana-hays ka qayb-galayaasha qaarkood ku habsata.
Haddaba, koobkan dhawaan dhamaaday, waxaa lagala kulmay yididiilo iyo murugooyin is-barkan oo kooxihii iyo ciyaartoygii haklaa ku kulmay midba weji ku salaantay.
Ciyaaryahanadii ka qayb-galay tartanka 17aad ee koobka adduunka iyo mid waliba wixii uu kala kulmay waxaanu isku daynay inaanu faalo kooban ka bixino, annaga oo ugu horaysiinayna Ahn, oo ku cusbaa indhaha caalamka iyo Zidane oo ahaa khabiir lawada sugayay.
a) Ahn Jung-Hwan; wuxuu billad-geesi ku qaatay goolkii dahabiga ahaa ee kooxdiisu taariikhda ku gashay, markii ay gaadheen kaalinta afarta kooxood.
Ahn, waxa kale oo uu goolkaa ku helay sumcad iyo taageero dheeraad ah, kadib markii Guddoomiyaha kooxda Talyaaniga ah ee Perugia dayriyay, isaga oo sabab uga dhigaya inuu fashiliyay awoodii kooxda Talyaaniga iyo weliba guud ahaan ciyaaraha Talyaaniga.
b) Ballack (Micheal Ballack):ciyaaryahanka khadka dhexe waxaa aaduga farxiyay goolkii uu Jarmalka u dhaliyay kulankii waddankiisu ugu gudbay ciyaarta kama-dambaysta ah. Hase yeeshe, Ballack waxaa ka nixiyay kaadhkii huruuda ahaa ee isla ciyaartaas la siiyay, kaas oo ka reebay inuu u safto ciyaarta kama-dambaysta ah.
Beckham: (David Beckham): warbaahinta ayaa aad u qaadaa dhigtay qaabka uu timaha u xiirtay iyo weliba qaab-ciyaareedkiisa oo ah mid uu dad badna ku kasbaday. Inkasta oo uu aad u dedaalay oo uu kaga dhabeeyay ballantii uu taageerayaashiisa u qaaday oo ahayd inay ka badinayaan Argentina, haddana may gaadhin halkii ay ka filayeen.
Basturk (Yirldray), oo ku sifoobay hanaanka ciyaareed ee reer Brazil, markaad daawato-na isku qaban maysid inuu cid kale yahay.
Saddexda ciyaartoyba waxay leeyihiin mustaqbal fiican, laakiin waxaa ka duwan Bielsa (Marcelo), oo maamulka xulka Argentina bohol ku riday, lumiyeyna awoodi ciyaartoyga waqtigan dunida ugu fiican, taas oo maskaxda ka waynaatay.
c) Chilavert (Jose-Luis): wuxuu ku tallaabsaday inuu laba gool u dhaliyo waddankiisa tartankan, waxa kale oo uu mas’uul ka ahaa in Paraguay halis ku gasho inay ku hadho wareega hore ee tartanka.
Cafu; waa ciyaaryahanka ah ee sadex goor oo xidhiidh ah ciyaaray koobka adduunka.
d) Duff (Damien) iyo Diouf (El-Hadji): waxay noqdeen kuwo aan la filayn oo dunida magac ku yeeshay.
e) Eriksson; waa tabobare aan ku niyad-samayn dedaalka uu muujiyay koobka adduunka, haddana ma dafirsana inuu soo ban-dhigay farsamo ka saraysa tii looga bartay England
f) France: waxaa ku habsatay dhimashadii ugu weynayd ee dhammaan tartamadii dhacay. Waxay hadhay iyada oo aan tartanka gool keliya ka dhalin, oo la mid ah Sucuudiga iyo China. Iyada oo taasi jirto, haddana lama odhan karo ciyaartoy xumo ayaa reebtay. Waxa ka mid ahaa khubaro ku xeel-dheer ciyaaraha oo aan mar-dambe fursad u haysan ka qayb-galka tartamada adduunka oo ay ka mid yihiin Christophe Dugary, Youri Djorkaeff, Frank Leboeuf iyo kuwo kale.
Waxa kale oo ku jiray xiddigo fiican oo dunida magac ku leh sida David Trezeguet, Thierry Henry iyo qaar kale, waxaana la filayay inay ugu yaraan gaadhi doonaan derejada sideeda.
g) Germany: koox aan la jeclaysan, oo aan la dhayalsan, lana qiimaynin, oo dur-duro ku timi, laakiin cidina kumay tuhmayn inay leedahay awooda ay kama-dambaysta ku timi.
h) Hierro (Fernando Hierro): kabtan dagaal-yahan ah, inta badana waa difaaca keliya ee markasta horraanta kaga jira gool-dhalinta.
H): waxa kale oo ka mid ah Hong (Myung – Bo), oo isku darsaday maskax iyo ficil, waxaa loogu yeedhaa dagaal-yahanka kooxda Kuuriya. Marka laga tago tabobaraha kooxda Kuuriya Hiddink, waa ka ugu caansan ee debedaha laga jecel yahay, isaga oo waddankiisana ku daabacay taariikhda dunida.
i) Inamoto: wuxuu la soo dabaashay Japan, wuxuu ka xumaaday xakamaynta Arsenal.
Waxaa dhici karaysay in haddii uu meelo kale ka ciyaaro uu khibrad iyo ciyaar intan ka fiican heli lahaa.
j) Julius iyo Jay-jay: dadka intiisa badani waxay u taqaana Aghahowa iyo Okocha, mid wuxuu ku dhaw yahay inuu noqdo xiddig sare, ka kalena wuxuu qarka u saaran yahay inuu ciyaaraha ka fadhiisto. Laakiin labadaba waxaa weji-gabax ku riday markay waayeen fursado ay muddo tartanka kaga dhex muuqdaan.
K) Korea: waa qaran kooxdiisu ku tallaabsatay kaalintii ugu saraysay ee Asia gaadho, wac-darahaana waxa soo ban-dhigay rag aan 12 qof ka badnayn.
l) Lemerre: waa tabobaraha rajo xumi iyo fara madhnaan kala dheelmaday tartankii dhammaaday. Lines-men (calan-walayaal); waa kooxo caawiya garsoorayaasha. Waa qaar magac iyo taarkiikh xun xambaartay tartanka.
m) Missin-action (kuwo fursado waayay): waa halyeeyo koobka adduunka wax ku soo kordhin karayay, laakiin waxaa seegtay fursaddii ay isku muujin lahaayeen, waxa ka mid ah; Hernan Crespo, Vicenzo Montella, Vicent Candela, Pius Ndiefe, Davor Vugrinec, Dimitri Sichev.
o) Oliver Kahn: goolhayaha ugu sareeya ee koobka adduunka, waana ninka aan cidina ku wehelin inuu kooxdiisa kama-dambaysta soo gaadhsiiyo, mana dhicin tan oo kale intii ka dambaysay markii Maradona tallaabadan oo kale qaaday, laakiin Kahn waxay wadhi la kulantay ciyaartii ugu dambaysay oo afka dhulka loo dhigay.
r) Ronaldo, Rivaldo, Rohandinho, Roberto Carlos: magacyadani waa kuwa ugu badan ee bud-dhiga u ahaa Brazil.
Waxa iyana lagu xusuusan doonaa dhallin-yarada magacyadoodu kaw bilaabmaan ‘G’ ee (Gilberto Silva iyo ‘K’ (Kleberson) oo iyana dedaalweyn ka geystay hanashada guusha Brazil.
s) Senegal: waa kooxdii hungada baday horyaakii dunida, waana kooxdii labaad ee Afrika ah oo gaadha kaalinta siddeeda. Waa qaran yar oo qalbi adag. ‘S’ (Scolari); waa nin laga cambaareeyay Brazil iyo meel kasta oo kale, oo haddana xaal-marin weyn la siiyay. Wuxuu muujiyay inaan waxba laga aqoon, waayo wuxuu qaaday koobkii adduunka.
t) Tomasson (Jon Dahl): waa ninkii Denmark u dhaliyay afar gool oo ay marxalado kala duwan kaga soo gudubtay.
Torrado (Gerardo), wuxuu ahaa mashiinkii khadka dhexe ee Mexico, wuxuuna dhaliyay hal gool.
u) USA: waa kooxdii Portugal suxulada dhulka ugu muday, iyada oo iyana taa mid la mid ah kala kulantay Germany.
v) Vierri (Chirstian): wuxuu xasuusnaan doonaa afartiisii gool oo lagu daro laba gool oo kale oo la diiday iyo walaacii uu ka qaaday kulankii Korea, oo haddii aan lagu reebin uu la tartami kari lahaa Ronaldo oo ay Inter Milan u wada ciyaaraan, taas oo uu uga dan lahaa inay u fududaato xiddignimada sannadka dambe.
y) Yoo (Sang Chul): waa nin calaamada hurdiga ah siiyay Ballack oo ka hadhay ciyaartii kama-dambaysta.
z) Zinedine Zidane: waa mid ka mid ah ragga aan ku farxin tartanka, inkasta oo uu hore ugu guulaystay, koobka kooxaha, ka horyaalada, horyaalka qaramada Yurub iyo koobka aduunka. Haddana waxaad dareemaysaa sida wadnihiisa dhaawac u gaadhay, wuxuu waayay wixii uu filayay oo ahaa inuu isaga oo faraxsan ciyaaraha ka fadhiisto, balse waxay natiijadii isu rogtay dhinaca kale.