Haatuf, Cadadki 109, July 7, 2002
Dadweyne Ka Gadooday Dhisme Cusub Oo
Laga Seesay Is-Goyska Suuqa Idaacadda Hargeysa
“Khaladku wuu dhacaa… Meeshiina waanu banneynay cid la siinayaana ma jirto…”
Maayar-xigeenka 1aad ee hargeysa – Khaliil Ibraahim Xawaadle
|
Hargeysa (Haatuf): Dhisme cusub oo goor hore oo hiirtii waaberi ee shalay laga bilaabay is-goys ku yaal dhinaca waqooyi-bari ee Xarunta wasaaradda warfaafinta (Ex-Raadyow Hargeysa) ee magaalada Hargeysa ayaa isla shalay, haddana dib loo baabi’iyey, ka dib markii ay kooxo dadweyne ah oo ka cadhooday dhismaha cusub ee meesha laga bilaabay dumiyeen gidaar cusub oo halkaa laga binneeyey, isla markaana ku gadooday oo kala dareeriyey dadkii shaqaalaha ahaa ee hawsha dhismahaa gacanta ku hayey, wuxuuna buuqa dhismahaa ka dhashay sababay inuu maamulka dawladda hoose isna goor dambe oo barqadii ah goobtaa yimaado, ka dibna amar ku bixiyo in gebi ahaan-ba la baabi’iyo dhismaha cusub ee meesha laga binneeyey, iyadoo ay goobta dhismaha laga binneeyey tahay bog-cad is-goys ah oo ay ku kulmaan ilaa saddex waddo oo ka kala yimaadda jihooyinka koon-furta, waqooyiga iyo dhinaca gal-beedka, isla markaana waxa uu is-goyska la binneeyey ku yaal halka ay iskaga darsamaan suuqa weyn ee bacadlaha ee ku yaal agagaarka dhismaha qabyada ah ee loo yaqaan guriga xisbiga iyo suuqa kale ee dhinaca waqooyi ee sariibadda idaacadda ka soo farcama.
Sida ay Haatuf u sheegeen dad goob joog ahi abaaro 4:00 habeenimo ayaa la bilaabay dhismahaa, iyadoo bay yidhaahdeen dhagaxa iyo ciiddana la dhigay goor saq-dhexe ah oo ay ku tilmaameen dadkaasi abaara 2:00 habeenimo, “Aroortii markii uu waagu beryey ee la soo toos-toosay ayaanu aragnay dhismaha cusub ee meesha laga wado, dabadeed-na markii ay dadkii soo bateen ayaa lagu dareeray oo la dumiyey, shaqaalihii dhisayeyna way iska carareen” ayey yidhaahdeen dad goob joog ah oo u waramay weriyaal goobta tegay oo Haatuf ka tirsan, waxaana saacadihii hore ee ilaa barqadii shalay goobta dhismaha cusub laga binneeyey ka oog-naa buuq iyo sawaxan ka dhashay dadweyne badan oo ka gadooday arintaa, taas oo keentay inay dadku ku qamaamaaan ama ku qayliyaan cid kasta oo ay ka uriyaan inay nas-teex u yihiin wadista dhismaha ama ka soo hor-jeedaan duminta dhismahaa, iyadoo ay dadweynihii gadooday burburiyeen seeskii la taagay oo meelaha qaarkood gaadhay ilaa hal mitir, waxayna weriyayaasha Haatuf ee goobta tegay la kulmeen burburka dhismahaa oo uu xataa ku jiro taangigii biyaha oo la burburiyey.
Hase yeeshee waxay xaaladdu degtay, dareenkii kacsanaa ee dadkuna hoos u dhacay, ka dib markii uu goobta yimi Maayar-xigeenka Hargeysa Khaliil Ibraahin Xawaadle, ka dibna uu amar ku bixiyey in gebi ahaan-ba la baabi’iyo raadka dhismaha cusub ee meesha laga seesay, waxaana goobta timi cagaf-cagaf ay dawladda hoose leedahay, taas oo xaadhay burburkii dhismahaa, isla markaana xididada u saartay hadhaaga seesaskii dhismaha la dumiyey.
Si rasmi ah looma sheegin cidda la siiyey goobtaa ee dhismaha cusub ka binnaysay, laakiin qaar ka mid ah dadweynihii goobta joogay iyo dad kale oo xog-ogaal ah ayaa tibaaxay inuu maamulka sare ee dawladda hoose goobtaa waraaq lahaansho ah u siiyey nin ka mid ah saraakiisha dawladda hoose, taas oo ay wararku sheegeen inuu isna cid kale oo ehliyadiisa ah ku magacaabay, iyadoo ay qaar ka tirsan dadkii goobta joogay magac-rebayeen ninka meesha la siiyey oo ay weliba lahaayeen waxa siiyey maayar Cawl. Hase yeeshee maayar-xigeenka koowaad Khaliil Ibraahin ayey weriyayaasha Haatuf kula kulmeen goobta lafteeda, waxna ka waydiiyeen arinta, taas oo inkasta oo uu maayar-xigeenku qirtay inuu qalad dhacay, haddana ma bixin tafaasil dheeraad ah oo ku saabsan halka uu amarka bixinta meeshaasi ka soo fulay, wuxuuna yidhi “ Waad aragtaan oo waanu hagaajinay meeshii, qaladkuna waa dhacaa, meeshana waanu bannaynaa, cid la siinayaana ma jirto ee waa meel dan guud ah”.
Bog-cadda dhismaha laga binneeyey waxa dhinac walba ka mara jid laami ah, taas oo ay baabuurta saddexdaa waddo isku dhaafaysaa meel ay kala maraan la’ yihiin, iyadoo ay dhinaca kalena meeshaasi tahay Is-taan tagaasidu hogato, sidoo kalena waxa is-goyskaa hareerihiisa ku xoon-san dad tiro badan oo ka mid ah dadka dan-yarta ah ee masaariifta kala soo baxa ganacsiga yar yar, sidaa darteed waa goob aad u cidhiidhi ah oo aan dad iyo baabuur dartood laga helayn meel cagtaa la dhigo, waxaana la odhan karaa waa meel u baahan in culayska saaran laga kala fudaydiyo, laakiin uma baahna binnooyin cusub oo afka lagaga sii jaro, waxaase la odhan karaa waxay taasi ka mid tahay mushkiladda faraha ka baxday ee dhul-boobka aan loo aabo yeelayn ee mudooyinkan dambe beriinsaday qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyni ee Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.
Gudoomiyayaal Iyo Garsoorayaal Cusub Oo
Loo Magacaabay Maxkamadaha Hoose Ee Dalka
|
Hargeysa (Haatuf): In ka badan dhawr iyo afartan xubnood oo ah gudoomiyayaal iyo garsoorayaal cusub ayaa shalay loo magacaabay maxkamadaha gobolada iyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka Somaliland, waxayna talaabaddaasi noqonaysaa dib u habayntii iyo isbedelkii ugu balaadhnaa ee lagu sameeyo maxkamadaha dalka.
Warkan oo xalay laga sii daayey idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa waxa uu ka soo baxay wasaaradda cadaaladda ee dawladda Somaliland, wuxuuna soo baxay laba maal-mood ka dib markii ay lix ka mid ah gudoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha hoose ee dalku is-casilaad shaqo ka tegis ah u gud-biyeen guddiga sare ee cadaaladda, waxaana raga is-casilay ka mid ahaa gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada Hargeysa, Saaxil, Awdal iyo maxkamadda Racfaanka Hargeysa, iyadoo raga is-casilay dhammaantood lagu bedelay garsoorayaal cusub, isla markaana sida warka loo dhigay dhammaan garsoorayaashii is-casilay iyo qaar kale oo weli sii shaqaynayeyba waa laga maar-may.
Warku faah-faahin kama bixin go’aanka cusub ee magacaabista iyo shaqo ka fadhiisanta garsoorayaasha. Hase yeeshee sida qoraalka loo baahiyey waxa go’aankaa gaadhay guddiga cadaaladda, taas oo uu distoorkuna wasaaradda cadaaladda xaq u siinayo fulinta go’aamada ka soo baxa guddiga cadaaladda.
Sida uu warkaasi sheegay waxa gudoomiyeyaal iyo garsoorayaal cusub loo magacaabay dhammaan maxkamadaha heer gobol ee dalka, marka laga reebo gobolka Sool, maxkamadaha rac-faanka dalka iyo qaar ka mid ah maxkamadaha degmooyinka, laakiin warku ma sheegin magacyada garsoorayaasha shaqada laga eryey, wuxuuse sheegay in garsoorayaashii hore u shaqayn jirey balse aan magacaabista cusub ku jirin in lagu war-geliyey in shaqada laga fadhiisiyey.
Magacyada gudoomiyayaasha iyo garsoorayaasha cusub ee la magacaabayna waxay kala yihiin:
Max-kamadda rac-faanka gobolka Hargeysa:1- Axmed X. Muuse Siraad , gudoomiye, 2-Xuseen Warfaa Sigad, garsoore 3- C/nasir Maxamed Shide, Garsoore iyo 4- Maxamed Xuseen Faarax, garsoore.
Max-kamadda gobolka Hargeysa: 1- Maxamed Saalax Cige, gudoomiye, 2-Sh. Faarax Nuur, garsoore iyo 3- ciise yuusuf Faahiye, garsoore.
Max-kamadda degmada Hargeysa:1- c/raxmaan Jaamac Hayaan, gudomiye, 2- C/raxmaan Madar Caraale, garsoore, 3- Ismaaciil Qaalib Diiriye, garsoore iyo 4- Mukhtaar Cali Xil-diid, garsoore.
Max-kamadda degmada gebilay: 1-Barkhad Isaaq Barre, gudoomiye iyo Sh. Ismaaciil Maxamed Ibraahin, garsoore.
Max-kamadda Rac-faanka gobolka Awdal: 1-Ileeye Ciid Xoosh, gudoomiye iyo 2- Khadar Xasan Maxamed, garsoore.
Max-kamadda gobolka Awdal : 1- Axmed Cabdilaahi Bakaal, gudoomiye iyo Sh. Muxumad Daahir, garsoore.
Max-kamadda degmada Boorame: 1- Sh. C/raxmaan Cilmi Xuseen, gudoomiye, 2- Cali Shucayb Sh. Ibraaahin, garsoore.
Max-kamadda degmada Baki: Xuseen Cabdilaahi Kibaar, gudoomiye.
Max-kamadda degmada Saylac: SH. Ibraahin Cabdi Saxar, gudoomiye.
Max-kamadda gobolka Saaxil: 1- Ibraahin Aadan Yaasiin, gudoomiye iyo 2-Xuseen Jaamac Guuleed, garsoore.
Max-kamadda degmada Berbera: 1-Ciise Maxamuud, gudoomiye iyo 2- Maxamed Jaamac Cashuur, garsoore.
Max-kamadda degmada Sheekh: Sheekh Ibraahin Aadan, gudoomiye.
Max-kamadda Rac-faanka gobolka tog-dheer: 1-Axmed Xuseen Dirir, gudoomiye iyo 2- Yuusuf Nuur (laan-gadhe), garsoore.
Max-kamadda gobolka Tog-dheer: 1- Ibraahin Iidle Saleebaan, gudoomiye, 2- Axmed Diiriye Qaalib, garsoore iyo 3- Cismaan Tarabi, garsoore.
Max-kamadda degmada Burco: 1- Yaasiin Xuseen Abyan, gudoomiye, 2- Maxamed Xuseen Siciid, garsoore, 3- C/weli Cali Cabdilaahi, garsoore iyo 4- Aadan Jaamac Saleebaan, garsoore.
Max-kamadda Rac-faanka gobolka sanaag: 1- Axmed Iidle Saleebaan, gudoomiye iyo 2- Cali Cabdi Cali-maax, garsoore.
Max-kamadda gobolka sanaag: 1-Axmed Saalax Yoonis, gudoomiye iyo 2- C/raxmaan Xuseen Nuur, garsoore.
Max-kamadda degmada Ceerigaabo: 1-Axmed Olol Jaamac, gudoomiye, 2- Sh. Cali Ismaaciil Axmed, garsoore iyo 3- Sh. Axmed Saalax Faarax, garsoore.
Max-kamadda degmada Dhahar: Khaliif Xuseen, gudoomiye.
Max-kamadda degmada Laas-qoray: Daahir Cali Cabdi, gudoomiye.
Max-kamadda degmada Caynaba: Axmed Faarax Jaamac, gudoomiye.
Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Maanta Hortegaya Labada Gole Ee Baarlamaanka
|
Harg (Haatuf) :- Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa lagu wadaa maanta inay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan ansixinta Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland.
Guddoomiyaha maxkamadda sare Mr. Siciid Faarax, waxa magacaabay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin horraantii June, waxaana uu xilka kala wareegay garsoorihii sida-ku-meel-gaadhka ah u sii hayay, xilkaas oo aan cidina ku magacownayn ilaa February horraanteedii, markii shaqada laga fadhiisiyay guddoomiyihii hore Mr. Cismaan Shunuu.
Guddoomiyaha maxkamadda sare, sida distoorku dhigayo, waxa soo magacaaba madaxweynaha, waxase uu u baahan yahay kalsoonida labada aqal oo fadhi wada-jir ah ku oggolaanaya ama ku diidi kara.
Guddoomiyaha cusub, waxay ansixintiisa labada gole u ballansanaayeen shalay, laakiin dib ayay u dhacday, waxaana loo ballansan yahay maanta.
Guul-Fadhiga Siyaasadda
Somaliland, Cokan Iyo Oomman Waa Iyama?
A.Ducaalle
|
Xiliga jiilaalka ee ay xooluhu biyo-cabka yihiin, had iyo goor ishinka geela waxa la geeyaa meel daaq leh oo biyo ka dheer ah, wuxuuna biyaha ka qatanaadaa in muddo ah, sida: hal toddobaad, toban maal-mood, dhawr iyo toban maal-mood IWM, laakiin maadaama uu biyo ka dheer joogo marka uu kal-kiisu galo maalinta aroorka geelu waxa uu xeradiisa ka dhaxaa laba habeen, waxaana labadaa habeen ee uu geelu xerada ka maqan yahay loo yaqaan “ Guul-gal”, waxayse kala yihiin guul-cokan iyo guul-oomman.
Subaxa uu geelu xeradiisa ka soo dareero ee uu aroorka yahay maalintii oo dhan wuxuu ku jiraa socod, dabadeed-na habeenkaa waxa uu u hoydaa ceelka dushiisa aroortiina waxa lagu horaa biyaha, sidaa darteed habeenkaa uu geelu oomman yahay ee uu ceelka dushiisa fadhiyo waxa loo yaqaan guul-oomman, sidoo kale maalinta, isaga oo cabey uu ceelka ka fulo waxa uu u sii hoydaa jidka dhexe, gaar ahaan meel u dhow jiidihii uu cawska ka daaqi jirey, habeenkaana waxa loo yaqaan guul-cokan, erayga guul-galna waxa uu micnihiisu yahay wax sugid, waayo labada habeen ee uu geelu guul-fadhiga yahay mid-ba wax buu sugayaan, laakiin baahida labada habeen way kala duwan tahay oo habeenka uu geelu guul-galka oomman yahay waxa uu sugayaan biyo, habeenka uu guul-galka cokan yahayna waxa uu sugayaa daaq, marka si kale loo macneeyana labada maal-mood ee uu geelu socodka yahay maalinta hore waxa uu jiidaal u yahay ceelkii uu biyaha ka cabi jirey , maalinta labaad-na waxa uu jiidaal u yahay daaqsintii uu cawska ka cuni jirey.
Sidaa darteed ragga geela wataa labada habeen ee uu geelu guul-galka yahay, waxayku jiraan heeggaa, taas oo ay habeenka guulka oomman heegan u yihiin sidii ay aroortii geelooda biyaha uga haqab-tiri lahaayeen, waxayna habeenkaas iyo maalinta ka horaysa ee uu jidka ku soo jiroba ku hawlan yihiin diyaarinta weelkii iyo kaalintii uu ka cabi lahaa, ugana ilaalin lahaayeen hungo iyo kaalin-dhaaf. Sidoo kale habeenka uu guulka cokan yahayna waxay heegan u yihiin sidii ay aroortii geela ugu hagaajin lahaayeen jiidihii cawska iyo baadka lahaa ee uu daaqi jirey, ugana ilaalin lahaayeen inuu daaq iyo xero waydaarto, sidaa awgeed labadaa habeen xaaladda ragga geela hayaa waa keeb la yuurur si ay hawsha uga saaraan kaalinta adag ee ay taagan tahay.
Taa waxa ka dhigan hab-dhaqanka siyaasadda sida ay hal-abuurrada suuugaantu marka ay gabay ama hees tirinayaan araartooda ugu muujiyaan dabeecado is-shabaha oo ka dhexeeya hab-dhaqanka geela iyo hab-dhaqanka siyaasadda, “ Dhismaha dawlad-nimo ayaa ka dhigan sidigta dhoor-wiile” sidaa waxa yidhi nin gabyaa ah oo u araaranayey gabay uu u tiriyey dawladdii hore ee Soomaaliyeed, laakiin hadii aynu is-nidhaahno micneeya sababta la isugu shabaho labadaa hab-dhaqan, waxaynu odhan karnaa dhiqidda geela iyo maamulidda nidaamka dawladeed labaduba waa laba hab-dhaqan oo u baahan karti badan, tabaabusshe adag iyo hawl-gal had iyo goor lagala tacaalayo surma-seegtada.
Sida la ogyahay dawlad ama maamul kasta waxa xilka loo igmadaa muddo cayiman, sidaa darteed marka uu dawladda kalkeedu dhamaado waxa la galaa xili cusub, waxaana meesha timaadda dawlad cusub oo tii hore bedesha. Sidaa darteed maal-maha ama maalinta ka horaysa aminta ay doorashadu dhacayso waxaynu odhan karnaa waa guul-oomman, waayo dadka wax dooranaya iyo kuwa la dooranayaaba waxay habeenkaa ama habeenadaa dhaxdin ku yihiin duleedada goobaha ama madasha wax lagu dooranayo.
Hadaba su’aasha aynu ugu horayn is-waydiinaynaa waxay tahay geeridii madaxweynihii hore(Marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal) ka dib, berinka cusub ee ay siyaasadda Somaliland cagaha dhigtay guul-oomman iyo guul-cokan, midkee bay ugu caweynaysaa ?.
Hadii aynu wax yar dib u milicsano sidii uu jawiga siyaasaddu ahaa maal-mo ka hor geeridii madaxweynihii hore iyo sidii ay at-mosfeerka siyaasadda wax isaga bedeleen geeridii marxuumka ka dib.
“Muddo-kordhintu waxay ahayd qayral-sharci, anaguna waxaanu qabanaynaa shir-weyne qaran”, Qabashada shir-beeleed iyo wixii la mid ahi waa qayral-sharci, muddo-kordhintuna waxay ahayd go’aan disooriya”, weedhahaa iyo kuwa kaleba waxay ka mid ahaayeen hadalo kul-kulul oo ay gibilka at-mosfeerka saxaafadda si joogta ah isugu waydaarsan jireen dhinacyo kala ahaa: dawladda iyo xisbigeeda UDUB oo is-huwan iyo huwan kale oo ka kooban ururo mucaarad xag jira ah iyo kooxo salaadiin ah oo ku baaqay shirweyne qaran, waxaana dagaalka afka ka sokow labada dhinac-ba socday dhaqdhaqaaqyo iyo hawl-galo xaami ah oo ay qolo waliba dhinaceeda ugu tabaabushaysanayso sidii ay gaashaanka ugu daruuri lahayd qoloda ka soo horjeedda, iyadoo ay arintu gaadhay is-dhafoor-taabad iyo soo mar meleggaa, taas oo ay ragga mucaaradka ahna dhinacooda ka muuqatay cadho badan iyo waabasho la’aan, ayna ku hanjebayeen in hadii ay dawladdu dhinacooda u soo guuxdo ay indhaha faraha ka gelin doonaan, halka ay ragga talada hayaana ka muuqatay cabsi badan oo ay ka qabaan inay mucaaradku madax-madax u soo geli karaan, sidaa darteed dhufayska ayey dabada la galeen, waxayna hanjebayeen inay kambasha ka dhigi doonaan nimanka mucaaradka ah hadii ay halkaa u soo dhaafaan, taasina waxay dadka ku abuurtay su’aal wer-wer xan-baarsan oo ah, tallow muxuu xaalka Somaliland ku dambayn doonaa hadii ay xaaladdu ka soo degi waydo jarka ay hadda saran tahay, iyadoo ay dhaliilaha maamulka loo jeedinayey kash-kaassha ka bad-naayeen.
Hase yeeshee mar qudha ayaa gibilka at-mosfeerka siyaasaddu midab kale yeeshay ,geeridii marxuum: M. I.Cigaal ka dib markii uu kursiga madaxweyne-nimada hore ugu durkay mudane: Daahir Rayaale Kaahin oo hore u ahaa madaxweyne-kuxigeenkii Somaliland, taas oo mucaaarad iyo muxaafid-ba si wada jir ah loo qaatay mawqif feejigo leh oo xag-tinta lagaga dhawrayo xasiloonida Somaliland, iyadoo ay dadku caleemo-saarka madaxweynaha cusub, Daahir Rayaale si shilis u soo dhoweeyeen, taas oo xataa hadii ay jireen rag aan ku qanacsanayn sida uu Daahir Rayaale kursiga ku fuulay ay taa iska ilaaween, iyadoo la odhan karo dariiqa dastuuriga ah ka sokow, waxa jirey sababo badan oo loo soo dhoweeyey ama looga xishooday in wax laga sheego hogaamiyaha cusub, laakiin sababuhu waxay doonaan ha ahaadeene, markii uu mudane Rayaale talada qabtay waxay arini noqotay inay rag isu dhaarsanaa mar qudha hubka dhigaan, ka dibna inta ardaaga hareeraha laga soo fadhiistay hadda guul-gal loo yahay ama laga war-sugayo bal ka soo yeedha hogaamiyaha cusub.
Raggii mucaaradka fog lagu tilmaami jirey ee ku kala jirey ururada ASAD iyo SAHAN oo ay ku badnaayeen rag ku dhiir-dhiiran dhaliilaha iyo wax ka sheegidda hogaamiyihii hore ayaa bilowgii iyo ilaa hadda afkooda ka dhawray eray dhiif leh, laakiin arintu intaas oo qudha kuma ay ekayn ee dhinaca siyaasadda lafteeda wax baa iska bedelay, waxaana arimaaha is-bedelay ka mid ahaa ururka ASAD oo markii hore iska diiday inuu is-diiwaangeliyo, isla markaana safka hore kaga jirey mucaaradkii uu hogaamiyihii hore faraha kaga gubtay ayaa mawqifkooda marxaladda cusub ku af-taxay inay aqbalaan is-diiwaan-gelinta, “ Inkasta oo ay weli jiraan aanuna sugayno in wax laga qabto sababihii aanu markii hore ku diid-nay is-diiwaan-gelinta, haddana waxaanu ummadayada tusaynaa inaanaan ahayn niman wax walba diidan” sidaa waxa ku dooday hogaamiyayaasha ururka ASAD, Iyaga oo ka jawaabaya su’aalo laga waydiiyey sababta ay uga soo deb-ceen mawqifkoodii hore. Sidoo kale Siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo intii uu noolaa hogaamiyihii hore mawqifkiisa siyaasadeed ahaa dhex-dhexaadinta iyo isu soo dhowaynta dhinacyadii sida ba’an isugu khilaafsanaa aragtida siyaasadda, horena isaga diiday inuu ku biiro ururada siyaasadda ayaa isna bedelay mawqifkiisii hore, kuna dhawaaqay xisbi cusub oo la yidhaahdo KULMIYE.
Arinta marka dhinac laga eego waxaaad moodaa inuu jiro dareen farta ku fiiqaya bidhaamo dood xan-baarsan, taas oo ay dadka qaar leeyihiin madaxweyne Rayaale ma aha nin cusub ee waa ninkii mudada shanta sannadood ka badan madaxweyne-kuxigeenka ka ahaa maamulkii ay qayladu ka taagnay, laakiin waxa is-bedelay keliya waxa weeye kursi banaanaaday markii geeridu timi ka dib oo uu ku durkay ninkii ku fadhiyey kursigii ka hooeeyey kursiga banaaanaaday oo Daahir Rayaale Kaahin, halka uu madaxweyne-kuxigeenkiisuna,Axmed Yuusuf Yaasiin isna yahay ka soo durkay kursi uu waaxda sharci-dejinta ee isla maamulka kaga fadhiyey intii uu Rayaalena xagga kale fadhiyey,haddana ku durkay kursi waaxda fulinta ee isla maamulka ah.
Hase yeeshee waxa dood kale oo leh waar malaa arintu sidaa ma aha, ayna ugu muuqato inuu meesha yimi hogaan cusubi, hogaankasta oo cusubina sida ay caadada siyaasaddu tahay laga filayo aragti cusub, qorshe cusub iyo hogaamin cusub inuu la gole yimaado. Ta kale Daahir Rayaale mudadii uu madaxweyne-kuxigeenka ahaa waxa jirtey xan ah inuu ahaa nin talada ka qatan oo aan lahayn awood lagu qiimayn karo waxtarkiisa iyo wax-tar daradiisa, taas oo ay dad badani u arkaan inay fursadiisu hadda uun kow tahay. Sidaa darteed leh waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo fursad uu ku soo bandhigo aragtidiisa cusub, laakiin marka faaqidaadda ra’yul-caamka dadka laga yimaado waxay xaqiiqdu tahay inay tahay laba sheeko oo kala duwan fursadii mudane Rayaale haystay markii uu ahaa ku-xigeen wixii uu ninka ka sareeyaa u igmado uun ay awoodiisu tahay iyo maanta oo uu yahay ninka dalka ugu awoodda badan.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee madaxweyne Rayaale talaabadii u horaysay ee uu ku af-taxay hogaamintiisa cusub waxay ahayd dareen soo dhowayn ah oo uu markiiba u qoor laad-laadiyey dhinacyadii mucaaradka ahaa ee ururada siyaasadda iyo hogaamiye-dhaqameedyadii ay hogaamiyihii hore is-eedeen, laakiin ilaa hadda sheekadu ma dhaafin kulamo uu ku dhegaystay afkaartooda iyo talooyinkooda, waxayse taasi ahayd talaabo ay ra’yul-caamka dadku aad u soo dhoweeyeen, iyaga oo ugu hambalyeeyey gogosha wada hadalka ee uu fidiyey.
Muddo gaadhaysa 7 bilood iyo laba toddobaad ayaa hadda ka hadhsan mudadii sannadka ahayd ee hore loogu kordhiyey jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka ee ay kala dumaaleen mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed yuusuf Yaasiin, taasina waxay u muuqataa muddo yar, sidaa darteed su’aasha hadda neecowda siyaasadda ku dhex-wareegaysaa waxay tahay doorasho ma ku qabsoomaysaa mudadaa, waxaana su’aashaa ku lifaaqan su’aal kale oo leh hadiise ay doorashadu qabsoomi waydo sababtu waxay doonto ha ahaatee ma muddo kordhin ayuun buu xaasilku noqonayaa?
Madaxweyne Rayaale dhawr cisho ka dib caleemo saarkiisii waraysi uu BBC-da siiyey waxa uu ku sheegay inuu doorashada qabanayo, laakiin dadka arimaha siyaasadda faaqida qaarkood ayaa qaba inay taasi ka mid noqon karto af-gobaadsiga siyaasadda, iyaga oo intaa ku daraya sida ay xaaladdu ku dambaynayso marka hore illaah baa og, mar labaadkana waxay ku xidh-naan doontaa sida ay duruufo isu qoraan. Hase yeeshee dhinaca kalena waxaad moodaa inay bidhaantoodu yara muuqato dareemo hogaamiyaha ccusub mudane Daahir Rayaale uga digaya inaan arinta lala sugin inta naftu qulaan-qulshaha imanayso.
Ururka UCID oo maal-mihii ina dhaafay dhawr goor oo isku dhow-dhow meelo kala duwan ka hadlay ayaa ku cel-celiyey inaanay is-macayn wax muddo kordhin ah, iyadoo uu ururka UCID safka hore kaga jirey ururadii iyo dhinacyadii markiiba taageeray mudadii sannadka ahayd ee muddo kordhintii hore, sidoo kale, inkasta oo aanu ururka KULMIYE daboolka ka qaadin mawqifkiisa kama dambaysta ah, haddana gudoomiyahooda Axmed-Siilaanyo ayaa waraysiyo uu siiyey saxaafadda qaarkeed ku tiraabay weedho laga dhadhansan karo digniin ah yaanay meesha iman wax muddo kordhin ahi, “ ma aha in hadhow la isku aj-buro muddo kordhin iyo wax caynkaas ah” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, isaga oo u waramaya telefishinka Hargeysa, laakiin inkasta oo ay weli baaqi yihiin mawaaqiifta inta badan ururada siyaasaddu, isla markaana weli laga war-sugayo ku talo galka iyo qorshaha hogaamiyaha cusub iyo waqtigaba, haddana koleyba waxa su’aal taagan ah, hadii uu waqtigu isa soo guro, iyadoo aanay wax doorasho ahi qabsoomin maxay talo noqon doontaa,iyadoo ay su’aasha xiisaha leh ee arintaa ku lifaaqani tahay, tolow hadii ayba dhacdo in muddo kordhin laga fursan waayo nin waliba muxuu yeeli .
Hadal iyo murti, marka la isku daro istaraatijiyadda cusub ee madaxweyne Rayaale weli looga fadhiyo inuu dalka ku hogaamiyo mudada hadhsan iyo is-bedelka 7 bilood ka dib looga fadhiyo, miyaanay taasi u muuqan laba guul-gal oo isku murugsan, sidaa darteed arimuhu sida ay doonaan ha ku dmbeeyeene, waxaynu doodda ku soo af-jaraynaa guul-galka cokan iyo oomman, waa midkee arintu.
|
Kaabul (W. wararka) Xukuumada Afqaanistaan ayaa bilawday baadhitaan ku saabsan cidii ka dambaysay dilkii Madaxweyne Ku-xigeenkii dalkaa X. Cabdul Qadiir isla markaana ahaa Wasiirkii hawlaha guud oo ay shalay dileen niman hubaysan oo aan ilaa iyo hada la garanin haybtooda.
Shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda ee dalka Afqaanistaan in-yar ka dib markii uu dilku dhacay uuna gudoominayay Xaamid Karsaay ayay ku go’aansadeen in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo cidii ka dambaysay dilka xaaji Cabdul qadiir iyo laba ka mida ilaaladiisa oo baabuurtka la saarnaa markii ay shan nin oo hubaysani rasaas ooda kaga qaadeen isaga oo ka soo baxaya xafiiskiisa.
Ilaa iyo hadda ma cadda cida ka dambaysay dilka Cabdul Qadiir oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha waaweyn ee Baashtuuga intii aan la qaban shirkii Looya-jirga ee Guurtida dalkaasina waxa uu madax ka ahaa gobolka Nangarhaar oo ku yaalla bariga Afqaanistaan waxaanu gacan weyn siiyay Isbahaysigii reer waqooyiga ee qabsaday Kaabuul Xukunkana ka tuuray Ururkii Daalibaan. Ciidamada Caalamiga ah ee jooga afqaanistaan ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya baadhintaanka socda ee ku saabsan dilka loo geystay Cabdulqadiir.
Dawladda Ingiriiska Oo
Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Madaarradeeda
London (W.Wararka) - Shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha kale ee safarada iyo dalxiiska ee dalka Ingiriiska ayaa cabasho ka muujiyay sharci ay dhowaan soo saartay dawlada Ingiriisku, oo lagu adkaynayo sharciyada dadka ka dhoofaya garoomada diyaaradaha ee dalka Ingiriiska.
Sharcigan waxay doonaysaa wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska oo loo yaqaan “Home Office,” in qofka safraya la weydiiyo magaciisa, baasaboor-lambarkiisa iyo cinwaankiisa, intaanu diyaaradda fuulin. Laakiin nin u hadlay shirkadaha diyaaradaha ee Ingiriiska, ayaa sheegay in sharcigan cusubi uu waqti lumin ku keenayo rakaabka diyaaradaha xilligan xilli-fasaxa ah.
Xog-hayaha Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska David Blunkett, ayaa codsaday inay kulmaan Agaasimaha fulinta ee shirkada diyaaradaha ee dalka Ingiriiska, si ay uga wada hadlaan saamaynta uu sharcigani ku leeyahay shirkadahooda.
Af-hayeenka Mr. Blunket, ayaa isna sheegay inay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingirisku arrintan wada-tashi badan ka samaysay intii aanay ku dhawaaqin sharcigan.
Af-hayeen u hadlay ururka shirkadaha socdaalada ee Britain (Abta), Mr. Keith Betton, ayaa u sheegay BBC-da oo yidhi; “Waxaa muuqata inuu ammaanku muhiim yahay. Dhammaantayo waanu aqoonsanahay taa, laakiin aragtidayadu waxay tahay in arritna aad loogu deg-degay, iyada oo aan wax wada-tashi laga samayn.
Runtii saamayn ayaa ku yeelanaysa macaamiishayada, cabashana way ka imanaysaa, waxayna iila muuqataa in dib loogu noqday halkii la marayay 50 sannadood kahor.”
Haweenay iyana af-hayeen u ah hay’adda ugu weyn ee ka hawlgasha socdaalada ee (Thomas Holidays), ayaa sheegtay inuu sharcigani keeni karo in ay qiimaha tigidhada diyaaraduhu kor u kacaan oo ay qaaliyoobaan.
Warka dawlada ee sharcigani, wuxuu soo baxay maalintii Khamiistii, markii uu nin Masriyi qori ku weeraray Airport-ka Los Angels ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu laba qof ku dilay intaan isagana toogasho lagu dilin.
Muran Ka Dhex Aloosmay Ciraaq Iyo Qaramada Midoobay
|
Baqdaad (W. Wararka) – Dawladda Ciraaq ayaa Maraykanka dusha ka saartay mas’uuliyadda burburka wadahadalladii dhex-maray iyaga iyo Qaramada Midoobay, oo maalintii Jimcihii ka dhacay magaalada Viena.
Xog-hayaha guud ee Xisbiga u taliya Ciraaq Sacad Qaasim Xamuudi oo arrintan ka hadlay shalay, ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku dedaal ugu jirtay sidii ay u ridi lahayd hoggaamiyaha Ciraaq Sadaam Xuseen, isla markaana ay sabab u ahayd fashilaad ku dhacday wada-hadalladii dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ciraaq Naji Sabri iyo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.
Wada-hallada dhexmaray labada wefti oo ku xidhiidhay sidii la isula meel-dhigi lahaa arrimaha ay labada dhinac isku khilaafsan yihiin oo ay ugu horrayso dib ugu noqoshada Ciraaq ee baadhayaashii hubka, kuwaas oo Ciraaq ka baxay 1998-kii.
Dawladda Ciraaq ayaa ku adkaysanaysa in marka hore loo damaanad-qaado inuu Maraykanku ka noqdo hanjabaadiisa ku saabsan inuu ridayo madaxweyne Sadaam Xuseen.
Kofi Annan ayaa isna sheegay inaanu taasi ballan-qaadi karayn, balse inay labada dhinac ku heshiiyeen sii wadista wada-hadallada arrintan ku saabsan.
Dadka oo laga hubiyo xaqiiqdu iyo tayada daawooyinka iyo raashinka noocyadiisa kala duwan ee dalka debediisa ka yimaadda waa arin u wanaadsan caafimaadka iyo dhaqaalaha dalkaba.
Dalalka adduunka, gaar ahaan wadamada hore u maray waxay leeyihiin hayado qabilsan hubinta iyo ilaalinta tayada iyo xaqiiqdu waxyaalaha dusha kaga qoran daawooyinka iyo raashinku inay dhab tahay inay ka kooban yihiin iyo in kale.
Dalka Maraykanka sannadkii 1931-kii waxa laga sameeyey hay’ad marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo FDA (Food and Drug administration), hayadaasina waxay ka shaqaysaa hubinta in daawooyinka iyo raashinka ay dadku isticmaalaan ay ka kooban tahay waxyaalaha ku qoran weelka ay ku jiraan iyo inay leeyihiin faa’iidooyinka ay dadku u iibsadaan ee ay shirkadii soo saartayna ku suuq keentay.
Waxa kale oo ay hayaddani ka shaqaysaa hubinta qoraal ay shirkadaha soo saara raashinka iyo daawooyinka kala duwan ku cadaynayaan in wax soo saarka ay suuqa soo dhigeen aanu lahayn wax waxyeelo caafimaad ah.
Hayadda FDA waxay leedahay shaqaale aqoon fiican u leh hubinta inay ru yihiin iyo inay been yihiin waxyaalaha ay ka kooban tahay bucshiradda ay shirkadaha wax soo saarku suuqa keeneen.
Waxa kale oo iyana jirta hayad kale oo la yidhaahdo FTC (Fedaral Trade Commission) oo ka hawl gasha hubinta inay shirkaduhu xayeysiiyaan waxyaalaha aan run ahayn iyo in kale iyo inaanay waxyaalaha ay xayeysiinayaan wax tar lahayn iyo in kale, taas oo shirkadda qalad lagu xukumo ganaax lacageed.
Hadaba Somaliland oo ay dadkeedu debedda ka keenaan raashin iyo daawooyin kala duwan, ka dibna, iyadoo aanay ciddina hubin la is-ticmaalo, waxay taasi muujinaysaa inay dadka Reer-Somaliland u dayacan yihiin ama ay baylah u yihiin raashin iyo daawo aan la ogayn waxtarka loo iibsanayo iyo waxyaalaha runta ah ee ay ka kooban yihiin, taasina waxay keeni kartaa waxyeelo caafimaad iyo khasaare dhaqaale iyo weliba lug gooyo ku dhacda qofka iibsaday.
Arintaa wax ka qabashadeeda waxa loo baahan yahay inay iska kaashadaan ganacsatada sida xalaasha u xoogsata iyo xukuumadda dalka ka jirta, taas oo la doonayo sidii looga hawl geli lahaa abuurista dad aqoon u leh hubinta inay waxyaalaha debedda laga soo dejinayaa leeyihiin tayada iyo waxtarka loo iibsanayo.
Dhinaca kalena wax soo saarka dalka gudihiisa laftiisu waxa uu u baahan yahay hubin la mid ah ta loo marayo raashinka iyo daawooyinka debedda laga soo dejiyo, arintaasina waa hawl weyn oo ka mid ah daryeelka caafimaadka dadka Reer-Somaliland, laakiin hadda dayacan, una baahan in la dayac-tiro.
Kudkii Kabaha Loo Tolay
Siciid I. Guraase – Q: 1aad
|
Qabyaaladu waxay ka mid tahay cudurada aafeeyay dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna reer Somaliland taasoo sababtay dib u dhac farabadan oo haysta iyo dhibaatooyin farabadan oo ay xalintoodu adkaatay.
Tan iyo muddo dheer waxa la isku raacsanaa dhibaatada ay qabyaaladu leedahay iyadoo islamarkaasina lagu dadaalayey in xal loo helo ama la daweeyo balse nasiib darro markasta oo la qaado talaabo la doonayo in wax lagaga qabto qabyaalada waa looga sii darayey sababtu waxay doonto ha ahaatee.
Qormadan kudkii kabaha loo tolay ayaynu isku dayi doonaa inaynu iftiimin kaga bixino marxaladihii qabyaaladu soo martay, sababaha keenay inay qabyaaladu xidida sii aasato, Diinta Islaamku waxa ay ka qabto qabyaalada iyo sida loo daawayn karo qabyaalada.
Qabiilka iyo Qabyaalada.
Mushkilada ugu daran ee dadkeena haysataa waxay tahay iyada oo ay iskaga qasanyihiin Qabiilka iyo Qabyaaladu oo aanay u kala soocnayn taasaa keentay inay sii faafto dhibaatada ay qabyaaladu leedahay. Waxaa markaa isweydiin leh waa maxay Qabiilku? Waa maxayse qabyaaladu? Haddii aynu su’aalahan ka jawaabno Qabiilka waxa lagu macneeyaa inuu yahay (dad isku isir ka soo jeeda ama ka soo farcamay ayna ka dhaxayso Qaraabanimo una kala baxa Jilibo, iyo raasas) taasi waa marka loo raacayo si sax ah waana sida uu Ilaahay S.W.T. inoo abuuray inaynu ka koobnaano shucuub iyo Qabaa’il si aynu isku garano una farcano si nasabka iyo abtirsiinta nasabka qofka loo ilaaliyo.
Qabyaaladana waxaa lagu macneeyaa inay tahay (Aaminsanaanta uu qofku rumaysanyahay inay Reerkoodu dadka kale ka sareeyaan ama wax dheeryihiin taasoo ah cuqdad qofka ku beeran isagoo jecel inuu Reeraha kale caayo, Reerkoodana amaano) cudurka noocan ahi waa ka lagu khaldo magacii Qabiilka iyadoo markasta abuurta dhibaato culus. Muran iyo dagaalana horseeda
Marka aynu sidaa u fahamno faraqa u dhexeeya Qabiilka iyo Qabyaalada waxa soo baxaysa inaanay shaqo isku lahayn, qofku kolba tii uu ku sugan yahayna ay u kala cadaanayso.
Qabyaaladu waxay soo martay marxalado kala duwan ilaa ay soo gaadhay heerka aynu maanta arkayno. Marxaladahaana waxa ka mid ah.
1. Marxaladii Reer guuraaga:
Markii la ahaa Reer guuraaga iyo xoolo dhaqatada Qabyaaladu waxay ahayd waxa kaliya ee ay noloshu ku xidhantahay iyada oo ay socdeen loolan iyo legdan u dhexeeyey Qabaa’ilkii iyo Beelihii wada deganaa sababtuna waxay ahayd deegaanka iyo duruufta lagu nool yahay oo adkayd.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu halgamayeyna waxaa ka mid ahaa kala riixashada biyaha iyo baadka gaar ahaan marka aanay roobabku jirin iyadoo ay biyaha iyo baadku cidhiidhi ahaayeen, geela iyo gamaanka ayaa iyana la kala dhici jiray oo ay had iyo jeer colaado ka dhalan jireen. Arrimahaasi waxa ay keeni jireen in dagaalada loo galo qaab qabyaaladeed maadaama la isku xoog sheeganayo. Sidaa darteed ayay Qabyaaladu u lahayd ahmiyad gaar ah iyadoo uu qof waliba la safanayey Reerkooda. Qofkii ka hadha ama ka qayb qaadan waayana waxa uu ahaa mid ka soocma reerkooda balse marxaladaasi waxay lahayd xeerar iyo hab dhaqameed gaar u ah oo lagu xalin jiray colaadaha iyo waxyaabaha dhexmara qabaa’ilka sidaa darteed ayay xalinteedu u fududayd.
2. Marxaladii Gumaysiga:
Markii uu gumaysigu yimid ee uu qaybsaday dhulka Soomaalida badhtamihii qarnigii 19aad, waxa uu la yimid Nidaamyo iyo dhaqamo aanay dadka Soomaaliyeed hore u aqoon, taasi waxa ay keentay in uu khal khal ku dhaco habdhaqankii Soomaalida.
Waxyaabaha uu la yimidna waxa ka mid ah inuu Qabaa’ilka iyo Beelaha ka dhex samaysto madax-dhaqameedyo isaga la shaqeeya sida Salaadiin, Cuqaal, IWM taasi waxay horseeday burbur ku dhacay nidaamkii beeleed ee soo jireenka ahaa kuna dhisnaa ismaqalka iyo kala danbaynta dadkana looga talin jiray meel kaliya oo ah Suldaanka, Garaadka ama Ugaaska ay beeshu dooratay, kaasoo isna lahaa Guurti iyo Waxgarad la shaqeeya. Waxaa kale oo uu gumaysigu ku talaabsaday inuu deegaanada u kala qaybiyo Qabaa’ilka iyo Beelaha hadday tahay Gobolada iyo Degmooyinka dhexdoodaba. Waxaa taa ka sii daran isaga oo abuuray muran iyo dacaayado uu dhexdhigay beelaha iyo Qabaa’ilkaba. Taasi waxa ay xididdada u sii aastay Qabyaalada iyadoo ay taasi dheerayd maamulkii gumaysiga oo isticmaalay lacag iyo maaliyad uu danihiisa ku fushado taasoo aan muddadii hore jiri jirin
3. Marxaladii Xornimo Doonka
Markii ay bilaabmeen ururadii Xornimo doonku ka dib dagaal weynihii labaad ee adduunka waxa ay barnaamijkoodii ku darsadeen la dagaalanka Qabyaalada oo ay u arkeyeen inay ka mid tahay cudurada Aafeeyay bulshada Soomaaliyeed. Balse arrintaasi waxba kamay suurta galin ka dib markii ay ururadii gobonimo doonka ahaa laftoodii ku dhex rafteen mushkiladii Qabyaalada, markii danbena waxaabay noqdeen ururo suurad Qabyaaladeed leh.
Taasina waxay markii danbe saamayn weyn ku yeelatay Nidaamkii dawladnimada iyo geedi socodkii maamuladii ay dhisteen soomaalidu.
“6000, Oo Hablood Ayaa Maalin Walba Dhibaato Caafimaad Ka Soo Gaadhaa Gudniinka Fircooniga Ah”
Weris Diiriye
|
Weris Diiriye waa Gabadh soomaaliyeed oo ku caana xayaysiinta dharka.
Weris waxay sanadkii hore u soo wareegtay Gobolka Wales ee dalka Ingiriiska si ay halkaa uga sameyso urur ay ugu magac dartay Waaberigii Lama Degaanka (Desert dawn foundation), oo ay ugu talogashay inay ugu ololeyso joojinita Gudniinka fircooniga ah iyo inay dhaqaale ugu ururiso xarurmo caafimaad oo laga dhiso dhulka ay somalidu degto.
Weris Diiriye 13jirkeedii ayay ka tagtay qoyskooda oo ahaa xoolo dhaqato waxayna lugaysay 300miles si ay u gaadho Muqdisho, Weris waxay tagtay London (dalka Ingiriiska), waxay ka shaqayn jirtay Hudheel ku yaalla London oo lagu magacaabo Mc-Donald’s, halkaa waxa kula kulmay sawir qaade magaciisa la yidhaa Terence Donovan oo ka caawiyay in ay si deg dega uga mid noqoto xayaasiiyaasha dharka casriga ah kuwooda dunida ugu sareeyay.
Nolosha cusub ee ay gashay Weris ayaa ku dhalisay inay ka fikirto xuquuqaha ay Haweenku leeyihiin iyo xornimada ay u leeyihiin inay rabitaankooda doortaan.
Hada oo ay Weris ku jirto da’deeda oo ay sodon jirka wax yari u dheeryihiin 10 sanadoodna ay xidig hogaamisa hawlaha xayaysiinta ugu sareeyay ay ahayd waxay sumcadeeda ugaga faa’iidayneysaa daryeelka xuquuqda Haweenka.
Weris oo ka hadlaysa shaqadeeda iyo hawshan beni-aadamino ee ay gashay waxay tidhi “xayaysiinta dharka casriga ah waa noloshayda, laakiin hada waxaan qabanaya howl ka ballaadhan oo ka wanaagsan.
Weris waxay dhawaan booqasho ku timid London si ay uga hadasho hawlgalkeeda Beni-aadminimo oo u eg sidii safiir hawlaha caafimaadka uga shaqeeya qaramada Midoobay.
Weris waxaa sababay inay u ololeyso joojinta gudniinka fircooniga ah dhacdadii soo martay carruurnimadeedii taas oo ah gudniinka oo sababay inuu wejigeedu madoobaado marka ay ka hadlayso arrimaha gudniinka, waxayna tidhi “Waxaan dareemay jidhkayga oo makiinad lagu jarjarayo kor iyo hoos, xanuunka wuxuu ahaa mid aan si fufud loo qeexi karin, dhagaxii aan ku fadhiyay waxaa butaacay dhiig sidii oo xoolo lagu qalay”
Weris Diiriye waxay xustay in qaliinkii ay ku samaysay habartii guday uu sababay in dhibaato kala kulanto habdhiska jidhka ee qashin saarka kaadida, waxayna intaa ku dartay inaanay Hooyadeed ku Eedayneyn dhibtii uu u geystay gudniinkii fircooniga ahaa ee lagu sameeyay yaraanteedii waayo bay tidhi Weris anigaa doonaynay in Caadada la igu sameeyo, sababtoo ah maan garanayn dhibtan inay I gaadhayso.
Weris waxay sheegtay in intii ay ku jirtay ololaha joojinta gudniinka fircooniga ah ay madax adeyga kala kulantay joojinta caadadan haweenka iyaga hore loogu sameeyay gudniinka fircooniga ah inay iyaguna doonayaan gudniinka fircooniga ah ku sameeyaan hablaha ay dhaleen., xataa haddii aaney hooyooyinkani jeclayn caadadan, haddana waa inay sameeyaan waayo caadada ay qabatimeen ayaa sidana. Weris waxaa kalooy sheegtay in caadadan ay qarniyo soo wadeen Soomaalidu laakiin hadda ay tahay Gudniinka fircooniga ah ee habluhu Caado aan waxtar iyo nuxur midna lahayn. Hay’ada caafimaadka adduunka (WHO) waxay ku qiyaastay in (140) milyan oo hablood in lagu sameeyay Gudniinka fircooniga ah dunida Guudkeeda, Aqlibayada hablahaasina ay ku noolyihiin Afrika, (6000) oo ka mida 140 milyan ayay dhibaato caafimaad gaadhaa marka lagu sameeyo gudniinka maalin walba dunida dusheeda.
Weris Diiriye waxay sheegtay in Caadaddan Gudniinka fircooniga ah ee habluhu ay ay tahay “khalad” waxayse raacisay in ilaa dadku ay fahmaan dhibaatadeeda aanay Caaddadani ka suulay dadka ku dhaqma.
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Wasaaradda Dibu-Dejinta Wax Faa’iido Ah Uma Laha Dalka
Wasaaradani waxay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka shaqadeeduna waxa weeye ogaanshaha xaaladda qaxootigeena adduunyada ku filiqsan, iyo ogolaansha ah soo celinta qaxootiga.
Haddaba hawlahaas ay u xilsaarnayd wasaaradani kamay soo bixin waajibaadkeedii shaqo, sababtoo ah.
1) Boqolaal kun oo qof ayaa u qaxay waddamada aynu jaarka nahay sida Itoobiya sanadihii 1988-1994 kii, waxaanay ahayd intaan dadkaas la soo celin in hay’addaha ku shaqada leh arrimaha qaxootiga sida UNHCR, in ay wasaaradani xidhiidh la samayso, kana sii diyaariso arrimihii kaabayaasha nolosha ahaa sida biyo balaadhinta, waxbarashada, caafimaadka, jidadka carro kaawada ah ee magaalooyinka isku xidha, si aanay dadkaasi culays u saarin dadkii sii deggenaa ee muwaadiniinta ahaa.
2) Imika dhibaatooyinka taagan waxaa ka mid ah biyaha oo magaalo kasta oo Somaliland ah cidhiidhi ku ah, waxaana keenay cidhiidhigaas dadkan aan waxba loo sii qorshaynin ee la iska soo celiyay tiradooduna ay aad u badantahay.
Haddaba waxay aniga iila muuqataa Madaxda Wasaarada Dibu-dejintu maxay ku qanceen oo dadkoodaas boqolaalka kun ah ee la soo celinayo ku aqbaleen?
Mida kale waxaan arkay baabuur qurux badan oo land crusero ah oo loo keeno in la isweydiiyo in madaxda wasaarada sida (Wasiirka, Ku xigeenkiisa Agaasimaha guud iyo Xafiisyo xoogaa ah oo lagu daray wasaaradda).
Markaa su’aashu waxa weeye Baabuurtaas quruxda badan iyo xafiisyadaas la kordhiyay miyaynu odhan karnaa waa waxqabad u soo kordhay wasaarada? Jawaabtu waa maya.
Markaa waxan leeyahay dib xukuumadu ha uga fiirsato Wasaarada Dibu-dejinta oo aan aaminsanahay in aanay wax faa’iido ah u lahayn dalka hawsheediina ay gabtay.
Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi
Hargeysa
Hambalyo Iyo Talo Ku Wajahan M/Weynaha J.S/Land.
Waxaan marka hore maqaalkaygan ugu mahad naqayaa Madaxweynaha J. Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin dedaalka uu ugu jiro in la helo garsoor xalaal ah iyo talaabaduu qaaday 30/6/02 Waxa kale oo aan ku boorinayaa ragga cusub ee loo magacaabay gudida garsoorka in xilka culus ee loo igmaday lana yimaadaana cadaalad iyo garsoor Shacbigu ku kalsoonaan karo, markaan taas intaa ku dhaafo.
Waxaan Madax weynaha xusuusinayaa in ay jiraan hay’ado badan oo madaxdoodu caadaysatay cadaalad darro iyo maamul xumo, musuqmaasuq IWM.
Sida Dawlada hoose ee caasimada Somaliland oo haddii aan degdeg wax looga qaban aan isleeyahay waxaabay idinka xumayn nabadgelyada caasimada. Taas waxaa ugu marag ah xabad kasta oo sanqadheeda laga maqlo Hargeysa waa muran dhul oo laba dhinac midba dhiniciisa uu u haysto sharci Dawladda hoose ee Hargeysa siisay waxa aad mararka qaarkood arkaysaa sharciga labadaa dhinac sitaan oo huwan sexeexa masuul qudha oo ka tirsan maamulka sare ee Dawladda hoose. Waxaa kale oo aanu maalin walba aragnaa dad meeshay 50 sano ka hor lahaayeen la leeyahay dad baa ku haysta, taasna waxa marag ugu filan ummada reer Somaliland, Warshadii Hargaha iyo Saamaha ee uu lahaa Marxuum Axmed Batuun Aw Axmed oo imika ay dhaxleen carruurtiisii waxaa maalin walba Maayarku geliyaa askar hubaysan taas iyo arrimo kale oo badan oo lid ku ah Nabadgelyada iyo xasiloonida caasimada, waxay dad badani dhaliisheeda guudka ka saaraan maamulka D/hoose ee Hargeysa haddii aan degdeg wax looga qabana Madaxweyne halisteeda ayay leedahay.
Sulub Mataan Abtidoon
Hargeysa.
Ismaaciilow Waxbarashada Waad Ku Geftay
Aniga oo tix-raacaya maqaal wargayska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii Julay 2, 2002, oo uu qoray nin la yidhaahdo Ismaaciil C/raxmaan Cumar, waxaan leeyahay Ismaaciil bal dib u joogso waan kula dac-wiyayaaye. Sidaa awgeed marka hore Somaliland waxa ka dhisan 24 wasaaradood, laakiin wasaaradda keliya ee haykal-keedu dhamaystiran yahay waa wasaaradda waxbarashada min fasalka koowaad ilaa heer jaamacadeed-na dalka ka hirgelisay, balse si aad taa iila xaqiiqsato ugu horayn bal eeg shaxdan hoos ku qoran oo sheegaysa tirada Dugsiyada iyo tirada ardayda wax ka barata. Tirada ardayda: 43004, tirada Dugsiyada: 265, tirada fasalada: 952, tirada macalimiinta: 1838, tirada ardayda u fadhiisatay imtixaankii dugsiga dhexe ee u dambeeyey waxay ahayd 3800 arday, sidoo kale tirada ardaydii u fadhiisatay imtixaanka dugsiga sare waxay ahayd 460 arday.
Manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland oo la bilaabayo bisha Ogost ee foodda inagu soo haysa waxa isna lagu tababaray dhammaan macalimiinta 6 gobol ee Somaliland, taas oo uu labadii gobol ee u dambeeyey (Sool iyo Sanaag) hadda tababarkii u socdo, buugtii manhajka cusubna waa la qorsheeyey, hayadaha dhinaca tababarka macalimiinta gacanta ka geystana waxa ka mid ah: SCF, HANDI CUP, CARE, AET, UNICEF, CFBT iyo UNISCO sannadkastana ugu yaraan waxa la bixiyaa ilaa 20 tababar oo macalimiinta ah, iyadoo ay dhinaca kalena wasaaradda waxbarashadu sannadkasta Masar u dirto 25 arday.
Ta kale hadii aan kaaga waramo dhismayaasha cusub ee aan hore u jiri jirin ee ay wasaaradda waxbarashada Somaliland dalka ka hirgelisay laga soo bilaabo 1991-kii ilaa hadda Hargeysa oo keliya waa 34 dugsi oo ay 14 ka mid ahi gudaha magaalada yihiin oo ay 5 ka mid ahi tahay Dugsiyada dhaqaalaha guriga ee ay haweenku wax ka bartaaan, halka ay 20-ka kalena ku yaaliin tuulooyinka iyo degaamada debedda ka ah magaalada Hargeysa, intaas oo dugsina anigu cagahayga ayaan dhammaantood ku tegey, sida aynu kor ku soo sheegnay tirada Dugsiyada Somaliland waa 265 dugsi, taas oo marka caasimadda laga saaro ay gobolada kale ku kala yaaliin 231 dugsi oo qaarkood-na dib u dhis lagu sameeyey, qaarkood-na ay cusub yihiin.
Ta kale saaxiib Ismaaciilow, wasiirka iyo agaasimaha guud ee aad is-tidhi ku can-baaree waxay ku dhasheen Gebilay waxaan taa kaa leeyahay saaxiib hebel meel hebla ayuu ku dhashay ma aha wax la isku can-baareeyo iyo wax la isku caayo toona, waayo qof waliba meel buu ku dhashay, sidoo kale agaasimaha guud ee aad tilmaantay cimrigiisa shaqo, waxaan ku leeyahay waa ninka aabaha ka ah hawshaa balaadhan ee ay wasaaradda waxbarashadu ku talaabsatay, ta kale waxaan aniga laftaydu u soo joogay, iyadoo ay labaduba (Wasiirka iyo Agaasimaha guud) mushaharkoodii ugu deeqeen dhismayaal loo samaynayo Dugsiyada qaarkood, waxa kale oo aan ogahay in miisaaniyadda ay wasaaraddu leedahay laga dhisay Dugsiyada sare ee Somaliland qaarkood sida, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo kale, isla markaana ardaydu hadii ay laban-laabantay iyo hadii ay shan-laabantayba saaxiib Ismaaciilow weli miyaad maqashay arday baa dugsi loo waayey. Sidaa darteed waxa ku haysta gabaygii ahaa “ Waxba yaanu xeerkay I marin, xoolana I siine, xaasha’e nin libin kaa xis-diyey xumihi waa yaabe”. Balse waxaad u egtahay nin aan dalka joogine bahda waxbarashadu madax iyo minjoba way halgameen, mana qarsoomi karo wax qabadkoodu.
Sidaa awgeed waxaan ku leeyahay saaxiib kala saar colaadda aad cid u hayso iyo xaqiiqdu hortaada taal ee ku saabsan wax qabadka ay wasaaradda waxbarashada dawladda Somaliland ku talaabsatay, aniga oo weliba intaa kuu raacinaya madaxda sare ee wasaaradda waxbarshada iyo guud ahaan bahda waxbarashada Somaliland-ba waad ku geftaye xaal sii, iyadoo dhinaca kalena aan leeyahay madaxda sare ee wasaaradda waxbarashadu amaan iyo bogaadin ayey ku mudan yihiin wax qabadkooda, ugu dambayna waxaan leeyahay wax qabadka ay wasaaraddani ku talaabsatay mudadii u dhexaysay 1991-kii ilaa maanta ma aha wax maqaalad keliya lagu soo koobi karo, sidaa darteed wasiirka iyo agaasimaha guud-ba waxaan kula talin lahaa inay magacaabaan guddi soo ururisa wax qabadka wasaaradda ee dhinaca horumarinta waxbarashada dalka si meesha looga saaro wararka malo-awaalka ah ee dadweynaha lagu jiho-wareerin karo, iyadoo badka la soo dhigayo xaqiiqdu jirta.
Kormeere: Axmed Ciise Jaamac, Hargeysa
Madaxweyne Wax Ii Qabo
Aniga oo ah nin u dhashay Somaliland, isla markaana ah nin ay haysato dhibaato caafimaad waxaan hadii aad tahay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin kaa codsanayaa inaad wax ii qabato oo aad dhakhtar debedda ah ii dirto, aniga oo madaxweynihii geeriyoodayna muddo baryayey, laakiin aanay waxba iiga suurta gelin. Sidaa darteed madaxweyne maadaama aad qaabishay dadkii kale oo dhan waxaan aniguna kaa codsanayaa inaad I qaabisho oo aad wax ii qabato, sidoo kale waxaan, iyagana caawimo waydiisanayaa jaaliyadaha Reer-Somaliland ee debedaha ku nool, kuwaas oo aan ka codsanayo inay wax igala qabtaan dhibaatada caafimaad ee I haysata.
Cumar Cabdulle ( Cumar-Asqo), Hargeysa
WAADIGA CIYAARAHA
Psv Oo Arsenal Ka Diiday
Inay Ka Iibiso Mark Van Bommel
|
Holland (Reuters) – Kooxda PSV Eindhoven, ayaa diiday dalab uga yimi naadiga Arsenal, kaas oo ah inay Kanu iyo lacag kaga bedelato ciyaaryahanka Mark Van Bommel.
“Sidaan odhanayaa Kanu markaan haysto Kezman, Vennegoor, Bruggink iyo De Jong? Kuma adkaysanayo inaanu xalino dhibaatada Arsenal,” sida waxa hadal jawaab-celin ah ku sheegay maamulaha PSV Harry Van Raaij.
Arsenal waxay doonisteeda Mark Van Bommel kor u sii kacday, markii ay ka sii dartay mushkilada dhibaatada ee ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara. Taas oo ka sii dartay markii la helay warka dhaawaca cusub ee Fredrik Ljungberg oo uu soo food-saaray dhaawac uu muddo saddex bilood ah ciyaaraha uga fadhiyi doono.
Kooxda dablayda, waxaa ka maqnaan doona ninka khadka dhexe uga ciyaara ee Giovanni Van Bronkhorst iyo ninka baalka ka ciyaara ee Robert Pires, tan iyo ciida masiixiga, kadib markii labadaba qaliino lagaga sameeyay Ruugga, waqti dambe oo xilligii dhammaaday ah.
Iyada oo dhinaca kale Roy Parlour ay u socoto gala-galaysi uu la leeyahay Leeds United iyo Sunderland, iyo tabobare Arsene Wenger oo doortay sii daynta xiddiga koobka adduunka ee Japan Junichi Inamoto.
Van Raaij, maamulaha PSV, ayaa kalsooni ka muujiyay in Van Bommel ku sii negaanayo PSV, ilaa bilowga xilli-ciyaareedka Dutch-ka.
“Tan iyo waqtiga nasashada ee yar, Van Bommel, Mateja Kezman, iyo Kevin Hofland, fursad way u helayaan rabitaankooda inay debedda u ciyaar-tagaan, laakiin ilaa hada waa PSV,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “suuqa wax kala iibsigu waa furan yahay ilaa bisha August 31, wax kala kaxaysiguna waa mid dhici kara ilaa waqtigaa, laakiin ma rumaysni intaasi dhacayso.”
Van Raaij, oo sababaynaya sida aanay u fududayn jilaabashada ciyaartoygiisa, wuxuu yidhi; “Siday wax u dhici karaan labadan bilood, iyada oo horeba suurtogal u noqon weyday muddo sannad badhkii ah? Waxaan rumaysanahay, Arsenal inay soo dalban karto Van Bommel, keliya haddii Patrick Vieira noo yimaado.”
Xaaladda Ljungberg ayaa la arkaa inay wax iska beddelaan, iyada oo khabiirka dhakhaatiirta Yurub Jan Ekstrand uu caddeeyay jimcihii in ciyaartoyga khadka dhexe ee reer Sweden had iyo goor carqaladi ka haysato kala-goysyada, taas oo uu sheegay inaan cid la mid ahi jirin.
Ljungber oo xanuun ku ciyaaray kulamadii koobka adduunka, wuxuu gar-waaqsaday inuu madaxa la galay wado dheer oo soo kabasho ah. “Waxay u eg-tahay in arrintu muddo qaadan doonto, waxaa jirta xummad aad u badan. Hadda waxa keliya ee I caawin karaa waa qalliin,” sidaa waxa yidhi Ljungberg oo ka walaacsan xaaladda caafimaad-daro ee la soo gudboonaatay.
“Waa jidka keliya ee ugu fiican, waayo, waxaan ogahay waxay dhibtu tahay, waana nafiska ugu horreeya ee aan hadda ogahay. Waa inaynu taa wax ka qabanaa,” ayuu ku daray.
Arsenal waxay aaminsan tahay, in ciyaartoygeedu ku soo kici doono muddo bilo ah, hase yeeshee dhakhtarka reer Sweden ee Anders Valentin, ayaan arrintaa ku qanacsanayn, isla markaana qaba fikrad taa ka duwan.
“Waxaan filayaa inuu maqnaanayo muddo ka dheer taa… ugu yaraana waxay noqon kartaa saddex bilood. Waa xaalad aad u qalafsan qalliinkeedu,” ayuu yidhi dhakhtarka reer Sweden oo ka hadlay xaaladda ciyaartoyga Ljungberg.
Kooxda Arsenal oo urursatay dhammaan koobabkii waaweynaa ee waddanka England ee sannadkan, waxay isku diyaarinaysaa sidii ay kaalin mug leh ugu yeelan lahayd tartamada Yurub iyo kuwa gudaha ee xilli-ciyaareedka soo socda. Sidaa darteed waxay u baahan tahay hub-urursi weyn oo dhinaca ciyaartoyga ah, gaar ahaana khadka dhexe oo ah halka ay ka liici karto. Iyada oo kooxdu haysata difaac aad u adag ayay ku dedaalaysaa fursad kasta oo ay ku sixi karto gol-dalooladeeda.
Arsenal oo sannadkii hore kharash aad u badan ku bixisay ciyaartoy badan, ayaa hadda u muuqata inaanay awoodi karayn kharash kale oo badan oo ay ciyaartoy fiican ku soo iibsato, taasina waa ta keentay in ciyaartoy laga saaro xerada Arsenal.
Warbaahinta Oo Jawaab U
Weyday Sababta Ronaldo U Qancin Waayay Inter
|
Milan (Reuters) – Geesiga Brazil ee koobka adduunka, ayaa gaashaanka ku dhuftay warar tibaaxaya inaanu ku faraxsanayn kooxda Talyaaniga ee Inter Milan, oo uu jecel yahay inuu Real Madrid u digo-rogto.
Ronaldo oo dhaliyay labadii gool ee Brazil kaga badisay Germany, kulankii Axaddii ee dhammaadkii koobka adduunka ee lagu qabtay Yokohama, wuxuuna noqday ciyaartoyga ugu gool-dhalinta badan. Ronaldo wuxuu tartanka ka dhaliyay siddeed gool.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa soo werisay in weeraryahanku ku guulaysan waayay in Inter mahad-naq ka kasbato taageerayaasheeda intii uu ku jiray saddexdii dhaawac ee u kala dambeeyay, taas oo ay food-saaro uga dhigayaan sababta ugu weyn ee xilligan uu uga tegayo kooxda.
Ronadlo oo afka ka xidhay warbaahinta, balse hadal qoraal ah ku faafiyay sanduuqa uu ku leeyahay Website-ka. “Kamaan jawaabi karayn su’aalihii ku saabsanaa Brazil markaan Inter u ciyaarayay, iyada oo bilo yar dabadeed noqotay inaan u qalab-qaato koobka adduunka,” ayuu yidhi.
“Waana taa sababta aanan u doonayn ka hadalka arrimo kale… waxaan tallaabo qaadayaa markay ku habboonaato,” ayuu ku daray.
Ronaldo wuxuu sidaa ku caddeeyay farriin uu jaalayaashiisa u daray, kadib koobkii adduunka.
Waqtigii ugu dambeeyay, dhalleecaynta Ronaldo waxay ahayd, markii uu ku laabtay Brazil bishii February, oo ahayd intii lagu jiray dabaal-degii Rio, markaas oo uu ku hawlanaa sidii uu u soo kaban lahaa.
Inkasta oo dhaliishaasi ahayd mid khaldan oo aan cidina isku khilaafin, haddana Talyaaniga waxa ka jira madow badan oo su’aalo ka taagan yihiin.
Ronaldo wuxuu sheegay in laga been-abuuray sababtii uu waqtigaa u tegay Brazil, sidaas oo kalena looga been-sheegay xaqiiqda jirta.
“Tan oo kale waxay dhacday intii aan joogay Rio De Janeiro, markaas oo ay si adag u soo muuqatay soo kabashadaydii. waxay isku dayeen, inay si khaldan iiga turjumaan, wayna iga been-sheegeen,” ayuu ku daray Ronaldo.
Xiddiga reer Brazil, oo hadda ka mid noqday saddexda nin ee ugu sarreeya gool-dhalinta taariikhda koobka adduunka, oo hadda la sinmay Pele, ayaa sheegay inuu doonayo waqti yar oo keliya inu usii ciyaari, kadibna iska nasto.
“Hadda muraadkaygii waan gaadhay, in yar uun baa ii dhiman, intaa wixii ka dambeeyana waxaan rabaa nasasho aan ehalkayga la qaato oo aan ka dheeraado dadka aan garanayn xataa xushmaynta xirfaddayda.”
Ronaldo, waxa kale oo uu mar hore diiday warar sheegaya inuu ka tegayo Inter.
Dhinaca kalena, warar lagu faafiyay Internet-ka ayaa sheegaya in Ronaldo ku laabanayo Milan, kahor intaanu bilaaban xilli-ciyaareedka cusubi.
“Hadda waan fasax-tegayaa, laakiin waxaan ku faraxsanahay halkan (Inter), oo aan diyaar u ahay ku soo noqoshadeeda, si aan xilli-ciyaareed fiican ula bilaabo Inter,” ayuu yidhi qoraalka kooxdu faafisay.
Xiddiga reer Brazil, oo muddo dheer dhaawacyo uga fadhiyay ciyaaraha kooxda Inter, ayaa keentay in dad badani ka qancaan mustaqbalkiisa, iyada oo qaar ka tirsan taageerayaasha kooxduna ay marar badan cambaareeyeen Ronaldo. Hase yeeshee, maamulka kooxda ayaa u dhabar-adaygay oo aan dayrin ciyaartoygooda, taas oo ay iyaguna hadda uga fadhiyaan abaal-gudkii samirkooda.
Mulkiilaha kooxda Inter, ayaa dhawaan sheegay in hadal dhegihiisu maqlaan uu ugu neceb yahay Ronaldo wuu tegayaa, xataa buu yidhi haddii 100 milyan oo dollar loo gaadho.
Waxa jiray warar isa soo taraya oo tilmaamaya in kooxda Real Madrid xod-xodanayso musixirka kubadda cagta adduunka, taas oo uu hormood ka yahay Roberto Carlos, oo jecel inuu markasta wehel u noqdo Ronaldo. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintu ma kala miir-dilaacin, lamana oga halka xaalku ku biyo-shuban doono.
Juventus Oo Diiday In Davids U Wareego Roma
|
Turin (AP) – Juventus ayaa is-hortaagtay dedaal ku lug leh sidii xiddiga Holland Edgar Davids ugu wareegi laahaa kooxda loolanka weyni ka dhexeeyo ee Roma xagaagan.
Maamulaha guud ee Juventus Luciano Moggi, ayaa sheegay inay ku fara-adaygayaan ciyaartoygooda.
“Dabcan waanu haysanaynaa ciyaartoyga xilli-ciyaareedkan, mana jirto sabab aanu u iibinaa,” ayuu yidhi Moggi.
Tabobarah Roma Fabio Capello, ayaa laga war-qabaa inuu dedaal ugu jiro sidii uu ciyaartoyga khadka dhexe ula geli lahaa heshiis afar sanadood ah, balse Juventus-na shuruud kaga dhigtay weeraryahanka Marco Delvecchio oo loogu beddelo.
“Ciyaartoygu wuu imanayaa Roma, Juventus-na way aqbalaysaa shardiga aanu hordhignay,” sidaa waxa Jimcihii sheegay Guddoomiyaha kooxda Roma Franco Sensi.
Mustaqbalka Davids, ee Juventus mad-madow ayuu ku jiray, iyada oo wararkuna tilmaamayaan inuu hungurigiisa dib uga liqay tan iyo bishii December, ee kal-hore, oo ahayd markii uu kooxda u yimi Marcello Lippi.
Ciyaaryahanka 16-ka milyan ee gini ku iibsani, wuxuu ka cadhooday go’aankii Lippi ku gaadhay inuu fadhiisiyo kursiga kaydka, kana dhur-sugo Igor Tudor, gaar ahaan kulankii horyaalada Yurub ee Arsenal garaacday.
Tudor oo dhaawacmay bilowgii ciyaarta, ayaa lagu beddelay Davids, kahor intii aanu qaadin tallaabo libaax oo ku lahaa hanashada hroyaalka Talyaaniga (Scudetto).
Dhinaca kalena, Juventus, ayaa ku war-gelisay ciyaartoyga difaaca ah ee Emiliano Moretti inay kala soo wareegayso kooxda Fiorentina, oo dib ugu siibatay naadiyada derejada labaad.