Haatuf, Cadadki 110, July 8, 2002
Maxaa Ka Jira In Ay Wakiilladdu Koox Wasiiro Ah Dib Ugu Celiyeen Madaxtooyadda?
|
Hargeysa (Haatuf): Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa la filayaa inuu Madaxtooyada dib ugu celiyo liiska in ka badan 10 wasiir oo la magacaabay intii uu noollaa Madaxweynihii hore, balse aan ilaa iyo hadda goluhu ansixin.
Mudanayaal kala duwan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, ayaa Haatuf u xaqiijiyay in liis ay ku qoran yihiin sagaal Wasiir iyo Saddex Wasiir Ku-xigeen oo Golaha loo soo gudbiyay, si loo ansixiyo uu shir-guddoonku dib ugu celiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si uu dib ugu soo magacaabo.
Sida ay wararkaasi sheegayaan, tiradan Wasiiradda ah oo qaarkood ay shaqaynayeen muddo lix bilood ka badan, iyadoo aan la ansixin ayaa toddobaadkan la filayay in ay horraantoodu Golaha hortagaan si loo ansixiyo. Hase yeeshee, mudanayaal Golaha ka tirsan oo u dhuun-dalloola arrintu, waxay sheegeen in ay ka war heleen in shirguddoonku dib u celiyay liiskaa Wasiiradda, kadib markii ay muddo-dhaafeen, loona baahday in dib loo soo cusboonaysiiyo magacaabistooda.
Mudane kale ayaa isaguna noo sheegay in aanu ogeyn dib-u-celinta Wasiiraddaas, laakiin sharci ahaan ay lagama maarmaan tahay in la celiyo. Mudanuhu waxa uu sheegay in sida dastuurku dhigayo ay tahay in muddo bil gudaheed ah, Golaha lagu horgeeyo Wasiiradda marka Madaxweynuhu magacaabo, haatana Wasiiraddaasi ay shaqaynayeen dhowr bilood, iyadoo aanu goluhu ansixin. Sidaas darteed, waxa uu sheegay in aanay ka fursanayn in dib loo soo magacaabo ama si kale looga wareego.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde oo aanu xalay telefoonka ku weydiinay arrinta Wasiiradda, ayaa sheegay in aanay jirin Wasiiraddaas dib loo celiyay.
Mudane Jirde, waxa uu sheegay in ay jiraan wasiiro aan la ansixin oo magacaabistooda loo soo gudbiyay Golaha, laakiin ansixintooda ay ka soo dhexgashay geeridii Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, isla markaana aan la celin. Mudane Cabdulqaadir Jirde, waxa uu muujiyay in aanay jirin sabab loo celiyo Wasiiraddaas.
Arrintan oo maalmahan dambe aad loo hadal hayay, waxa ay ku soo beegantay iyada oo si weyn loogu dhegtaagayo isku shaandhay uu Madaxweyne Rayaale ku sameeyo golihiisa Wasiiradda, isla markaana dooddi ka taagan tahay sharciyada Golaha Wasiiradda oo dadka qaar qabaan in dawlad cusub la dhiso.
“Marka debedaha la tago, dekedda anigaa ka wakiil ah, laakiin….” Rashiid X. C/laahi
|
Hargeysa (Haatuf): Wasaaradda ganacsiga Somaliland ayaa shalay markii u horaysay daboolka ka qaaday inay diyaarisay sharciga lagu maamulayo shirkadaha kala duduwan ee adeegyada bulshada (Company low), sidaana waxa shir-jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay kaga dhawaaqay wasiirka ganacsiga dawladda Somaliland mudane Rashiid X. Cabdilaahi.
Wasiirka ganacsigu waxa uu sheegay inay wasaaradiisu muddo sannad iyo dheeraad ah ku hawlanayd diyaarinta sharcigaa,isaga oo xusay inay diyaarinta hawshaa gacan ka geysteen khubaro ka tirsan hayadda UNDP iyo rag aqoon sharci leh oo Reer-Somaliland ah, wuxuuna Rashiid X. Cabdilaahi sheegay inuu qoraalka qaynuunka shirkaduhu ka kooban yahay 292 qoddob.
Wasiirka ganacsigu ugu horayn, isaga oo tafaasiil ka bixinayaa diyaarinta sharcigaa iyo danta ay dawladdu ka leedahay waxa uu yidhi “ waxay wasaaraddani diyaarintiisa muddo soo wadey sharuuc loo baahnaa in dalka loo dhigo, shuruucdaa oo ku saabsan haddii ay tahay, kuwa ganacsi, hadii ay tahay kuwa caymis, hadii ay tahay kuwa maal-gelinta iyo hadii ay tahay kuwa shirkadahaba, markaa maanta waxa naga diyaar ah qaynuunkii shirkadaha, waad-na ogtihiinoo dadkeennu shirkadaha way samaystaan ee nooca ay shirkadda u samaysanayaan ma yaqaaniin, shirkaduhuna waa dhawr nooc, qaar shuraako ah, qaar nin qudhi iska leeyahay, qaar kembeniyo ah oo sheerer ah, had iyo goor-na waxa dhici jirtey in inta ay in-yar oo ama isku qoys ah ama saaxiib ahi inta ay isu tagto ay yidhaahdaan shirkad baanu samaynay, hadhowna ay is- qaybsadaan oo ay Madaxa isla galaan kalana furmi waayaan, markaa dawladda Somaliland waxa ka diyaar ah sharcigii shirkadaha (Company Low) oo ka kooban 292 qoddob, wuxuuna nagu qaatay muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaanuna hor-dhigaynaa golaha wasiirada, ka dibna waxa loo gud-binayaa baarlamaanka”.
Mudane Rashiid, waxa uu tilmaamay in markii ay sharcigan diyaarinayeen ay dalal kale oo dunida ah wax ka soo dheegteen, wuxuuna yidhi “ shuruucda aduunku waa isku wada mid, laakiin haddana dal waliba waayihiisa gaarka ah ayuu leeyahay, anagu waxa aanu eegnay qaynuunada Kenya, Tansaaniya, Itoobiya, Uganda, Ingiriiska iyo Hindiya oo ah dalal aynu qaarna wadaagno dhaxalkii Isticmaarka, qaarna ay ka duwan yihiin”.
Wasiirka ganacsigu waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inay hadda diyaarintiisa gacanta ku hayaan oo ay toddobaadka dambe soo saari doonaan sharci ku saabsan kala xadaynta ganacsiga, isaga oo sharcigaa tilmaamayana waxa uu yidhi “ Waxa kale oo aanu diyaarinaynaa oo soo bixi doona toddobaadka dambe, oo aanu Golaha wasiirada u gud-bin doonaa sharci in badana dadku baahi u qabey oo la yidhaahdo kala xaddaynta ganacsiga, kaas oo kala xaddaynaya ganacsigeenna oo uu ka weyni noqdo Whole saler ( Iibka weyn) oo ah nin Soo dejiye iyo dhoofiye ah ( Importer and Exporter), ka ku xigaana uu noqdo ganacsiga guud (Genaral Trader) oo ah kuwa bakhaarleyda ah, ka saddexaad-na uu noqdo Mac-daarada (Retailer)”.
Wasiirka ganacsigu waxa kale oo uu intaa ku daray inay isna diyaarintiisa gacanta ku hayaan sharcigii caamka ahaa ee ganacsiga, kaas oo yidhi “ dalku ma lahayn sharci ganacsi oo caam ah oo balaadhan oo ka dawladaha u dhigma, laakiin gacanta ayaanu hadda ku haynaa waxaanu naga diyaar garoobayaa bisha Ogost, 2002, aakhirkeeda”, laakiin wuu sii waday hadalka wuxuuna sheegay inay gacanta ku hayaan diyaarinta shuruuc kale, isaga oo shuruucdaa tilmaamayana waxa uu yidhi “ waa maqasheen baan u malaynayaa inaynu leenahay saddex shirkadood oo caymiska ah, laakiin shirkaduhu waxay samaysmeen intii aan sharciga la samayn, markaa sharcigaana hadda waanu diyaarinay waxaase jira sharci caymiska ah oo ay diyaarisay wasaaradda hawlaha guud iyo mid ay wasaaradda maaliyaddu diyaarisay, balse sharciga ay wasaaradda ganacsigu diyaarisay ayaanu soo bandhigaynaa hadhow Cidii rabtaa xilkiisa ha qaadee.
Waxa kale oo iyana jirta oo muddo badan la is-waydiiyaa sharciga maal-gelinta shisheeyaha, mid baa hore inoogu yaalay oo 1996-kii la baas-gareeye oo degdeg ahaa, iyadoo aad ogaydeen waayaha berigaa taagnaa, kaas-na waxaanu rabnaa inaanu yara balaadhino oo inta aanu sannadkani dhammaan aanu dhamaystirno, intaa hadii aanu ku guulaysano waxaanu is leenahay waa soo celiseen shuruucdii ganacsi ee dalkan dhaxal u noqon lahaa” ayuu wasiirku hadalkiisa kaga baaxay, laakiin weriyayaashii shirkaa jaraa’id ka qayb galay ayaa su’aalo waydiiyey wasiirka, waxayna su’aashii u horaysay ahayd maadaama dadka Reer-somaliland aanay intooda badani aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn shuruucdaa, horena aan dalka loogaga dhaqmi jirin intee ayey le’eg tahay rajada aad wasaarad ahaan ama dawlad ahaan-ba ka qabtaan inay shuruucdaasi noqon karaan, kuwo si hawl-yar u dhaqan gala mustaqbalka dhow, wuxuuna taa kaga jawaabay “ Shuruucdaa marka la ansixiyo waxaanu jecel-nahay in laga baahiyo Raadyowga iyo jaraa’idka, dabadeed-na dadka wacyi-gelin fara badan loo sameeyo oo uu qofku ogaado waxa waajib iyo xaq loogu leeyahay, taasi muddo ayey inagu qaadan doontaa ku dhaqankeedu, laakiin waxa loo baahan yahay uun cid bilowda, markaa waxay ila tahay dadkeenu inay baran doonaan in shuruucda lagu dhaqmo”.
Su’aasha kale ee wasiirka la waydiiyey waxay ahayd, inay shuruucdani u muuqdaan, kuwo dib u dhacay, taas oo la waydiiyey sababta waqti hore loo keeni waayey, wuxuuna, isaga oo dhoola caddaynaya ku jawaabay “Horta faani maayee wasaaraddu 11 sannadood bay jirtey, aniguna laba sannadood ayaan joogay, afar iyo labaatankaa bilood ee aan joogayna aniga oo aan siyaasad iyo wax kale toona gelin, waxaan ka shaqaynayey sidii aan shuruucdaa u samayn lahaa, aniga iyo saaxiibadayda wasaaradda igala shaqeeya iyo raggii kale aan la kaashadayba maanta waan ka gam’I karaa hawsha qabsoontay mudadaa, waayo 9 sannadood ee hore ciddina waxba kama qaban shuruucdaa, markaa waxay ila tahay inaan talaabo weyn qaaday mar hadii ay maanta iga dhamaystirmeen”.
Wasiirka ganacsiga mar la waydiiyey shuruucdan cusubi bal sida ay wax uga tari karaan xidhiidhada ganacsi ee aynu la leenahay ama la yeellan karno dalalka kale ee dunida waxa uu yidhi “ Marka aynu dal kale la samaynayno xidhiidh ama aynu heshiis la gelayno waxyaalaha ay na waydiin jireen waxa ka mid ahaa ma leedihiin sharci shirkadaha ah, ma leedihiin sharci wax soo dejinta iyo wax dhoofinta ah, ma leedihiin sharci wakiil-nimada maraakiibta ah, ma leedihiin sharci maal-gelinta ah, laakiin maanta shuruucdaasi way naga dhan yihiin Illaahay mahadii oo waxaynu nahay dawlad- dawlad kale la heshiin karta oo shuruucdeeda waafajin karta”.
Wasaaradda ganacsiga Somaliland waxay markii hore ama sannadihii u horeeyey ka mid ahayd Wasaaradaha ugu baaxadda weyn Wasaaradaha dawladda Somalliland, laakiin si weyn ayaa waqtiyo dambe loo rifay, waxaana laga hoos saaray waaxo iyo hayado muhim ah sida: dekedda Berbera oo markii hore hoos iman jirtey, laakiin laga madax banaaneeyey mar dambe, haamaha shidaalka Berbera oo hore u hoos iman jirey ayaa, iyagana laga hoos saaray, sidoo kale wasaaradda Wershadaha oo hadda ka mid ah Wasaaradaha dawladda ayaa hore u ahaan jirtey waax ka tirsan wasaaradda ganacsiga.
Sidaa darteed waxay dad badani u arkaan inay wasaaradda ganacsigu tahay meel laga rifay baalashii ay ku duul jirtey intii ugu tug-tugta roonayd, haddana ay shafka dhulka ku hayso, laakiin wasiirka ganacsiga, Rashiid X. Cabdilaahi oo la waydiiyey inuu sidaa u arko iyo inkale iyo weliba inuu rajo ka qabo in dib loogu soo celiyo waaxihii iyo hayadihii laga hoos saaray ayaa ku jawaabay “ Wasaaraddu markii la abuuray waxay ahaan jirtey wasaaradda ganacsiga, Wershadaha iyo dekedaha oo ay haamaha shidaalkuna hoos iman jireen, balse markii aan anigu la wareegay waxay ahayd wasaaradda ganacsiga, laakiin si ded-ban iyo si kaleba marka debadda la tago ama aynu iib-gelinayno dekedda anigaa ka wakiil ah, balse maamulkeeda way u madax banaan tahay, wasaaradda wershadaha ( Waaxdii Wershadaha ee wasaaradda ganacsiga) wasiir cusub baa loo sameeyey oo hadii aad maamulkeenna eegtaan marka la rabo in wasaarado la kordhiyo, malaa talada ayeynu beekhaaminaynaa”.
|
Bishii Sabtembar ee sannadkii 2000 ayey ahayd markii ay dawladaha Khaliijka carabtu xayiraadda ku soo rogeen xoolihii uga soo dhoofi jirey dhammaan degaamada Afrikada bari, iyadoo ay talaabadaasi adhax-jab weyn oo dhaqaale iyo nololeed ku noqotay ama ku tahay guud ahaan dadka Somalida ah ee ku dhaqan degaamada kala duwan ee Man-daqadda, gaar ahaan dadka Reer-Somaliland, maxaa yeelay nolosha iyo dhaqaalaha dadku si toos ah iyo si dad-banba waxay ugu xidhnayd dhoofka xoolaha.
Dawladaha gacanka carabtu waxay xayiraadda ay ku soo rogeen ganacsiga xoolaha Man-daqadda u sibir saareen tuhun la xidhiidha cudurka xummadda ah ee loo yaqaan “Rift Valley Fever”, wuxuuna tuhunkaasi ka dhashay, iyadoo uu maal-mahaa xanuunkaasi ka dilaacay gobolka Jeesaan ee dalka boqortooyada Sucuudi Arabiya iyo degmooyin ka mid ah dalka Yamen ee ay Sucuudiga jaarka yihiin, taas oo ay dawladaha dalalkaasi qaadeen ka dhalatay shaki ah inuu xanuunkaasi uga soo talaabay dhinaca dalalka geeska Afrika, sidaa daraadeed-na ay u joojiyeen xoolihii uga soo dhoofi jirey Man-daqadda bariga Afrika.
Dawladda Boqortooyada Sucuudi-arabia oo ahayd suuqa ugu wey ee ay u dhoofi jireen xoolaha Somalida ku dhaqan degaamada bariga Afrika ayaa wasiirkeeda beeruhu 18-kii Sabtembar, 2000 soo saaray wareegto uu ku sheegayo in si ku meel-gaadha ah loo joojiyey xoolihii ka soo dhoofi jirey dalalka Afrikada bari, isaga oo yidhi “ dhoofka xoolaha waxa loo joojiyey si ku meel-gaadh ah ilaa inta la hubsanayo xanuunkan”. Hase yeeshee waqtigaa waxa hadda laga jooga 21 bilood iyo 22 maal-mood, taas oo noqonaysa laba sanno ku dhowaad, laakiin ilaa hadda xaaladda waxba iskama bedelin, lamana oga sababta ay arinta xayiraadda dhoofka xoolaha wax isaga bedeli waayeen, maadaama la og yahay baadhitaano caafimaad oo ilaa heer gobol iyo heer caalamiba gaadhsiisan oo dhawr goor laga sameeyey degaamadii bariga Afrika, gaar Somaliland iyo Somalida kaleba inay najtiijooyinkii ka soo baxay noqdeen jawaabo togan (Positive Response), taas oo ay la waayey tuhunkii la qabey, lana sheegay inay xooluhu ka bed qabaan xanuunkaa.
Marka laga hadlayo ama la faallaynayo sida ay u abaadey arinta xayiraadda xooluhu, waxay dadka qaar arinta wax ka saaraan dedaal xumo, iyaga oo farta ku fiiqaya dhinaca dawladda iyo ganacsatada laftoodaba, waxaad-na moodaa inaanay hadda arintaa cidiba hadal hayn oo la iskaba ilaaway, laakiin si kastaba wax haw jireene, waxay is-waydiintu tahay arinta miyaa laga rajo go’ay, mise mid dhow iyo mid dheer waxay doonto ha noqotee weli xaaladu quus ma gaadhin?.
Iyadoo laga yaabo inay su’aalahaasi dadka badidiisa xaganayaan ama ku takhlan yihiin oo ay hubaal tahay in aad la isu waydiinayo, waar tolow xaaladdii xayiraadda xooluhu rajo iyo rajo la’aan xagee bay ku dambaysey, miyaan juuq-na laga hayn ayaanu fursad u hellay inaanu su’aashaa waydiino wasiirka ganacsiga dawladda Somaliland, Rashiid X. Cabdilaahi. Hase yeeshee wasiirku ugu horayn farta nooguma fiiqin bidhaan rasmi ah oo ah qoraal dhukmantis ah ama odhaah sugan midka ay doonto ha ahaatee, laakiin waxa uu ku tiraabay weedho farta ku fiiqaya yididiilo iyo inaanay arintu ahayn, una dhowayn wer-werka rajo go’u ka muuqdo ee ay dadka qaar qabaan, taas oo uu sheegay inay jiraan warar iyo dhaqdhaqaaqyo rajo iftiiminaya oo la xidhiidha qadiyadda xayiraadda dhoofka xoolaha, isaga oo weliba ku faanay inay dawlad ahaan arintaa wax ka qabashadeeda dedaal wanaagsan ka sameeyeen, wasiirka ganacsiguna, isaga oo su’aashii arintaa laga waydiiyey ka jawaabaya waxa uu yidhi “ Horta arintaa dedaal fiican baanu ka muujinay, warar badan oo wanaagsan oo xiise leh-na way inoo socdaan oo weliba gaadhsiisan heerar sare oo dhinaca Sucuudiga ah, waan-waanta iyo ifafaaluhuna way fiican yihiin, illaaha weyn ee waaxidka ahna waxaanu ka filaynaa in dhowaan wax wanaagsani ka soo baxaan”, laakiin wasiirku inkasta oo uu tibaaxay warar aan yididiiladoodu xumayn, haddana wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil hoos u qallan ka bixiyo wararka yididiilada leh ee uu sheegay inay ku saabsan yihiin dhinaca qadiyadda xayiraadda xoolaha, wuxuuna, isaga oo ka cudur daaranaya inuu warka hoos ugu sii daadego yidhi “ Ma jecli, iyadoo ay wada hadalo iyo xidhiidho jiraan inaan ka sii hor dhaco arinta” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa .
Berbera: Is-Malaha Bogcadda Muhiimka
Ah Ee Ay Ku Taal Iyo Dul-Xumada Magaaladu
C/raxmaan X. Daahir (Weriyaha Haatuf, Berbera)
|
Magaalada dekedda ah ee Berbera ee ku taal xeebta badda cas ee Somaliland waxay dhacdaa bog-cad muhim ah, waayo marka hore waa hooyada dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dhaqaalaha Somaliland, mar labaadkana waxa lagu tilmaamaa marin badeedka ugu muhimsan man-daqadaha is-kulaalaya ee Afrikada bari iyo gobolka badda cas, laakiin marka la eego muuqaalka magaalo iyo at-mosfeerka nololeed ee Berbera waxa la odhan karaa is-ma laha muhimadda bog-caddaas iyo muuqaalka busaaradda leh ee ay ishu ku dhacaysaa.
Dhul-weynihii ay ku fadhiday Jamhuuriyaddii burburtay ee Soomaaliyeed oo in ka badan laba goor ku laban-laabmaya dhulka ay ku fadhido Jamhuuriyadda Somaliland dekedda Berbera waxay ahayd isha dhaqaale ee ugu shilis ee waraabin jirtey, sidaa darteed waxay dad badani bilowgii u arkayeen iska daa degaanka yar ee ay ku fadhidee inay dekedda Berbera noqonayso hooyo ay dadka iyo dalka Somaliland u soo hoysa horumar balaadhan, balse dad badan ayaad moodaa inay u qaadan la’yihiin basaasta hadda ka muuqata magaalada Berbera lafteeda.
Marka la eego mudooyinkan dambe sababtu waxay doonto ha ahaatee dekedda Berbera waxay u muuqataa meel ay marba marka ka sii dambaysta wax ka sii dhacayaan oo ay cududeeda dhaqaale iyo shan-shadeeda ganacsi sii naashifayaan, taas oo aad moodo inay hadda caatadu tagoogeeda si fiican uga muuqato.
Marka la eego qaab-dhismeedka magaalada Berbera waa magaalo ay ku badan yihiin shismayaasha qadiimka ahi, taasina waxay keentay in qaar badan oo ka mid ah dhismayaasha gal-dhacsaday ee qadiimka ah inay maamulayaasha dawladdu oogada kaga dhuftaan calaamad cas oo ay ujeedada loogu dhuftay tahay digniin laga digayo cabsi laga qabo inuu dhismahaasi dumo. Waxaad arkaysaa suuqyadii faras-magaalaha ahaa ee ugu caan-sanaa magaalada Berbera, sida: Daaroole iyo Dhalaal-weyn oo laba guri oo isku xiga midna dad u hoydo, midna uu yahay kharaabad ay Eydu u hoyato, iyadoo ay wadooyinka iyo surimada xaafadaha dhooban yihiin Ey tiro badan oo harraad iyo gaajo darteed ku soo xerooday gudaha magaalada, ka dib markii ay dhowaan biyihii magaalada dayac-ti ku samaysay hayadda T.H.W, taas oo meesha ka saartay biyo badan oo meelahaa wadhnaan jirey oo ay Eyda iyo shinbiruhu cabi jireen.
Waxa kale oo suuqyada iyo xaafadaha dhexdooda wadhan xoolo u badan geel, iyadoo ay dhinaca kalena laamiyada iyo wadooyinka magaalada dhex mara qarisay ciid caro bataax oo is-biirsatay.
Sidoo kale waxa dayac ka muuqdaa meelo badan oo ka mid ah goobaha adeegga guud, tusaale ahaan Cusbataalka guud ee berbera oo muddo badan ahaa xarumo laga uriyo adeeg tayo leh oo ay dadka Reer-Somaliland kaga soo hirtaan afarta bayni jaho hadda wax baa iska bedelay, ka dib markii ay faraha kala baxday hayadda COOPI oo gacanta ku haysay laga soo bilaabo 1991-kii ilaa 2000, taasina waxay keentay inay shaqaalihii caafimaadka ee Cusbataalku inta meesha baneeyaan,ka dib markii ay duruufaha nolosha iyo waayaha la soo dersaygoobihii ay ka shaqayn jireen u jilib dhigi kari waayeen. Sidoo kale waxa uu cusbtaalkaasi caydh ka noqday agabkii adeegyada caafimaadka, waxayna hadda xaaladdu maraysaa inay mashiinada laydhka ee cusbataalka u baxaa mararka qaarkood bakhtiyaan, iyadoo ay xiligan tahay xiligii xagaaga ee ay ugu darrayd xaraaradda kulaylka xeebta Berbera.
Waxa kale oo uu, iyana dayac kaa la mid ahi ka muuqdaa meelo kale oo ka mid ah goobaha adeegga bulshada sida xarumaha waxbarashada iyo xarumaha hayadaha nabadgelyada.
Waxa kale oo ay ka mid ah meelaha ay bulshada Reer Berbera dareenka tiiraanyada leh ku eegaan xaruntii kaluumaysiga Berbera oo tobankii sannadood ee u dambeeyey ahayd meel aanay wax camal ah iyo dhaqdhaqaaq ka socon oo ay al-baabadu u xidhan yihiin, iyadoo aanay marna cidi isku taxalujin wax ka qabashadeeda, iyadoo ay ahayd wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee ku shaqada lahayd inay meeshaa ahmiyad siiso oo ay calal-aqilu dadka ku dhiiri geliso sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka badda, waxaana xaruntii kaluumaysiga Berbera maanta lagu tilmaami karaa hudheel uu ninkii karin lahaa meel kale uga qado tegey.
Magaalada dekedda ah ee Berbera waa meel ay xayntuna xageeda u soo dareerto, xaaladeedana aan la malayn karayn, iyadoo ay dadka reer Berbera dayaca meesha yaal intiisa badan ku dhaliilaan maamulka ka taliya gobolka Saaxil oo lagu tilmaamo mid aan inta badan hadal mooyee hawl laga dugsan, waxaynuna hadalka ku koobaynaa Berbera is-malaha bog-cadda dahabka ah ee ay ku taal iyo dul-xumadeedu.
|
Horaantii toddobaadkan waxa magaalada Baydhabo ee koonfur-galbeed Somaliya oo ah Xarunta dadka Raxan-weynta loo yaqaan ka qarxay dagaalo Ehliya oo ay iskaga hor yimaadeen dadka wada dhashay ee ku dhaqan gobolkaa. Dadkaas oo ka kooban beelaha Digil iyo Midhifle loo yaqaan waxa hogaamisa jabhadda RRA (Raxan-weyn Resistance Army)
Iyadoo ay dadka Raxan-weynta loo yaqaan yihiin dad ka soo kaban kari la’ diiftii iyo dhibaatadii ay kala kulmeen xasuuqii iyo dilkii ay u geysteen kooxaha ku loolama dalka Somalida Koonfurta, ayaa haddana waxa arin naxdinteeda leh noqonaysa dhiigga ku daadanaya degaamada Baydhabo ee ay ka socdaan dagaalada sokeeye ee u dhexeeya dadka qoomiyadda Raxan-weynta, taas oo wer-wer iyo murugo weyn ku riday dadka Digil iyo Midhifle ee aan weli ka soo kaban burburkii iyo halaagii ay badeen xoogagii dooxatada ku noqday e isaga dambeeyey laga soo bilaabo ilaa cahdigii taliskii Siyaad Barre ilaa iyo kow iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey oo ay degaamada Raxan-weyn ku doobyayeen xoogagga kala taageera hogaamiyayaasha kooxaha ka soo kala foofa jiidaha Muqdisho, Kismaayo ilaa gedo, taas oo la odhan karo ma jirto cid ka tirsan dalka Somalida koonfureed oo aan markeeda cagta marinini, taasina waxay keentay markii ay u adkaysan waayeen dhacii iyo xasuuqii bahal-nimo ee lagu hayey inay shacbiga qoomiyadda Digil iyo Midhifle qoriga qaataansi ay hanbadooda mood iyo nool-ba bahalka uga waabiyaan, waxayna taasi ahayd sababtii uu ururka RRA ee Jabhadda Raxan-weyntu ku aasaasmay, iyadoo uu ururka RRA mudadii uu jirey inuu bahalkii haadka u wadhayey ka horjoogsado shacbi ay tiradiisa lagu qiyaaso in ka badan hal malyuun oo qof. Laakiin waxa maanta nasiib daro weyn ku ah dadka qoomiyadda Digil iyo Midhifle colaadda sokeeye ee ka dhex dilaacday ururka RRA dhexdiisa, iyadoo ay weli wax badani ka hadhsan yihiin xaqiijinta himilooynkii ay dadka Raxan-weyntu ku taamayeen inay gaadhaan, kuwaas oo ay kamid yihiin inay helaan madax banaani iyo jiritaan ummad-nimo oo ay nafttooda iyo maal-kooduba ku bad-baadaan, waxayna dad badan oo dhaqdhaqaaqyada siyaasadda u dhuun daloolaa rumaysan yihiin inuu maamulka C/qaasin ee Nuqdisho lug ku leeyahay dirirta ka dhex qaraxday ururka RRA.
Iyadoo ay tahay dadka Reer-somaliland inay ka damqadaan mooyee inaanay marna ku diirsan dhiig kasta oo ka daadanaya dad Somali ah ama cid kasta oo ka mid ah dadyowga muslinka ah ayey tahay door muuqda inay dadka iyo dawladda Somalilanc ka dam-qadaan dhiigga ka daadanaya iyo dirirta sokeeye ee ka dhex hol-caysa qoomiyadda Raxan-weynta, waxaase xusid mudan inay inay dadka Raxan-weynta iyo Jabhadda hogaamisa ee RRA ay yihiin cidda keliya ee dadyowga ku nool dalka somalida Koonfureed garawsatay wixii ay talisyadii Somalidu u geysteen shacbiga Reer-Somaliland, Isla markaana waqtiyadii u dambeeyey sida cad u yiqiinsaday inaanay ahayn wax la dafari karo xaqa ay dadka Reer-Somaliland u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, iyadoo uu ururka RRA qiray xaqa gooni isu taagga Somaliland, halka ay kooxaha kale ee dalka Somalida koonfurtu had iyo goor ka shaqeeyaan waxyaalo ay ku hagar-daamaynayaan Jamhuuriyadda Somaliland oo halgan ugu jirta sidii ay beesha caalamku aqoonsi uga heli lahayd.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee waxa maanta door muuqda u eg inay dawladda iyo shacabka Reer-Somaliland u gurmadaan dadka qoomiyadda Raxan-weyn ee ay colaadda sokeeye ka dhex hol-cayso, taas oo ay tahay in laga ergeeyo sidii heshiis iyo waan-waan looga ridi lahaa dhinacyada ay dirirtu sokeeye ka dhexayso ee ururka RRA, iyadoo ay u muuqato in halkaa loo diro ergo culus oo nabad raadin ah oo ka kooban xubno ka kala socdo hogaamiyayaasha dhaqanka, odayaasha Guurtida, Golaha wakiilada, Golaha xukuumadda, ururada mucaaradka ama siyaasadda, xubno waayo arag ah oo ka mid ah saraakiishii iyo duqaydii SNM iyo wax garad kale, kuwaas oo ay si weyn suurtagal u tahay inay furdaamin karaan shaqaaqada naxdinta leh ee ka aloosan degaamada Baydhabo, waxayna ujeedadu tahayin la helo heshiis nabadeed oo dhex mara hogaamiyayaasha Jabhadda RRA ee hogaamisa dadka Raxan-weynta iyo guud ahaan dhinacyada qoomiyadda Digil iyo Midhifle, waxaana aad macquul u ah inay dadka Raan-weyniyo hogaamiyayaasha Rra labaduba soo dhowayn lahaa ergo oo ay nabadeed oo Reer-Somaliland ah.
Hadii ay talaabo noocaas ah qaado dam-qashada dhiigga halkaa ku daadanaya ka sokow, waxa kale oo suurta gal ah inay Somaliland ka hesho sum-cad iyo libin siyaasadeed, sidaa darteed waxay marka arinta dhinac kasta laga milicsado waa door muuqda oo ay tahay in lagu dhaqaaqo, iyadoo dhinaca kalena ay tahay in la sii qadimo baaq loo jeediyo dhinacyada RRA ee ay dirirta soleeye ee ka dhex ooggan tahay, looguna yabooho inay colaadda joojiyaan.
|
Hargeysa (Haatuf): Koox saraakiil ah oo ka tirsan ciidanka nabad-gelyada wadooyinka Somaliland (Taraafik) ayaa shalay tababar uga furmay dugsiga barashada aqoonta gaadiidka ee UNIDVI oo ku yaal magaalada Hargeysa, waxayna saraakiisha tababarka loo furay ka kala socdaan laamaha gobolada ee ciidanka taraafigga, iyadoo uu tababarkani yahay kii u horeeyey ee noociisa ah ee waayadan dambe loo furo saraakiil ciidanka taraafigga ah.
Tababarkan oo socon doona muddo 5 maal-mood ah waxa ku deeqday shirkadda caymiska NICOS (North Insurance Company of Somaliland) oo ah shirkad wadaniya oo ay xarunteeda tahay Hargeysa, waxayna saraakiishaasi mudada uu tababarku socdo ku barran doonaan duruus la xidhiidha shuruucda caymiska, shuruucda ilaalinta nabadgelyada wadooyinka iyo nidaamka hogaaminta ciidanka.
Xafladdii furitaanka tababarkaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday ciidanka booliska, shirkadda caymiska NICOS, maamulka dugsiga lagu qabanayo tababarka, kooxo ka tirsan raga wararka faafiya iyo marti-sharaf kale, laakiin taliyaha hogaanka hawlaha ciidanka ee taliska booliska Somaliland Axmed Cali Ciise ayaa tababarkaa si rasmi ah u furay, iyadoo uu isna munaasibaddaa ka soo qayb galay taliyaha hogaanka gaadiidka booliska Axmed Cali Maygaag. Hase yeeshee taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka Xasan Daahir ayaa ugu horayn dadkii madasha isugu yimi taf-siir kooban ka siiyey ujeedada iyo nuxurka looga dan leeyahay tababarkan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ waxa maanta sharaf weyn noo ah inaanu halkan isugu yeedhno saraakiishii gobolada ee ciidanka taraafigga, waxayna tababarkan ku qaadan doonaan saddex dersin (mawduuc) oo kala ah: Arimaha caymiska khuseeya, arimaha ciidanka hawlaha ciidanka taraafigga khuseeya oo ay ka mid yihiin calaamadaha horteenna ka muuqda (Calaamadaha kala hagidda baabuurta) iyo hogaaminta ciidanka, tababarkaana waxa noogu tabaruc-day oo kharashka ku baxaya iyo wixii aqoon ah bixintooda naga qaabishay shirkadda caymiska NIKOS oo aanu aad iyo aad ugu mahad naqayno”.
Fu’aad Axmed oo ah maamulaha dugsiga UNIDRIV ee tababarka lagu bixinayo, isla markaana ah nin ku xeel-dheer shuruucda wadooyinka, tababarkaana casharo ka bixin doona ayaa isna halkaa ereyo ka yidhi “ waa fursad muhim ah in maanta halkan lagaga doodo waa maxay faa’iidada caymisku, maxaa xal oo wax lagaga qaban karaa mushkiladda shilalka faraha badan ee dhaca, waana la idin-kula xisaabtami doonaa wixii aad ka faa’iideen tababarkaa, maantana ragga halkan fadhiyaa waa madaxdii iyo saraakishii ciidanka taraafiigga, waxaana u mahad naqayaa shirkadda NICOS oo aad isugu hawshay inuu tababarkani qabsoomo iyo madaxda ciidanka booliskaba”.
Gudoomiyaha shirkadda caymiska NICOS Nuux Sh. Cumar ayaa isna munaasibadaa ka hadlay tilmaamona ka bixiyey faa’iidooyinka iyo wax-tarka uu caymisku u leeyahay mujtamaca, wuxuuna yidhi “ Ujeedada aanu u qabanay tababarkan waxa ugu weyn dadkeenna oo aad moodo inaanay fahamsnanayn faa’iidada uu caymisku leeyahay iyo khasaaraha imanaya la’aantii, taas oo aanu door bid-nay inuu fahamkaasi ka bilaabmo ciidamada taraafigga oo ay si fiican u fah-maan qaladka dhacay sidii loo qiyaasi lahaa iyo ciddii la saari lahaa ee leh”.
Cali Fu’aad oo ah agaasimaha maamulka shirkadda caymiska NICOS ayaa isna halkaa ka hadlay “ Somaliland kol-ba talaabo ayey hore u qaadaysaa kal hore caymis ma jirin, maantana wuu jiraa” ayuu yidhi Cali, wuxuuna intaa ku daray “ waxa loo baahan yahay saraakiisha ciidanka nabadgelyada wadooyinku inay haystaan cilmigii ay ku furfuri lahaayeen kol-ba dhibaatadii timaadda, muhimadda ugu weyn ee laga leeyahay tababarkanina waa intaa”.
Taliyaha hogaanka arimaha booliska Axmed Cali Ciise ayaa ugu dambayn tababarka si rasmi ah u furay, kana jeediyey hadal kooban, isaga oo yidhi “ waxaanu u mahad naqaynaa shirkadda caymiska NICOS oo muujisay dedaal iyo wadaniyad dheeraad ah, taas oo aanu uga mahad naqayno tababarkan fiican ee ay u qaban-qaabisay ciidanka nabadgelyada wadooyinka oo aanu filayno inuu wax weyn ka tari doono kor u qaadidda aqoonta ciidanka taraafigga, waxaana saraakiisha uu tababarku u furmay ku guubaabinayaa inay si fiican uga faa’iidaystaan si aad wax ugu tartan wadankiina, maantana shilalka wadankeenna ka dhacaa way badan yihiin, dadka shilalka ku dhinta iyo khasaaraha kale ee ummada ka soo gaadhaana way badan yihiin, markaa waxaan idinku guubaabinayaa inaad mudada uu tababarku socdo dedaashaan, aqoonta aad barateenna hadhow u gud-bisaan ragga kale ee saaxiibadiin ee shaqada idinla haya”.
Arrimo badan ayaa khuseeya xoojinta nidaamka Maamulida Dawladda Hoose ee Hargeysa. Hase yeeshee, waxa haboon in marka hore la sugo waxa sababay in dawladda hoose ee Hargeysa ay noqoto meel aanay jirin farsamo suurtagal ka dhigtay in bulshada deegaanka la gaadhsiin karo adeegyada fayadhowrka, caafimaadka, nabadgelyada, Waxbarashada, biyaha, iyo horumarinta magaalada (Urbanization). Waxa lagu doodi karaa in aanay ka jirin dawladda hoose ee caasimada arrimaha ay ka mid yihiin:-
· Qaab-dhismeed lagu muujiyay hawlaha kala duwan ee ay qaabilsan tahay dawlada hoose ee caasimaddu iyo awoodaha iyo waajibaadka masuuliyiinta sare, kuwa dhexe, iyo kwa hoose ee ka hawgala;
· Dad leh xirfad ay ku dajin karaan ama ay ku qorshayn karaan barnaamijyo la xidhiidha adeegyada bulshada.
· Nidaam lagu ururin karo macluumaad ku saabsan baahiyaha deegaanka ee dhinacyada adeegyada kal duwan oo wax lagu qaban karo dhinacyada kala duwana oo wax lagu go’aamin karo;
· Nidaam maaliyadeed iyo hanaan xisaabeed oo suurtagal ka dhigaya in la ururina karo dakhliga cashuuraha ee sharcigu waajibiyay, islamarkaa lacagta loo isticmaalo dariiqada faa’iidada badan isticmaalo faa’iidada badan;
· Farsamo lagu fuliyo sidii xidhiidh shaqo uu uga dhexayn lahaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo hay’adaha dhexe;
· Iyo guud ahaan xafiisyo iyo goobo shaqo oo ku filan hawgalada qalab iyo gaadiid fududeeya shaqada, xaashiyo shaqo (Business forms) oo leh qaab laga heli karo macluumaad kala duwan iyo nidaamka fulinta hawlaha oo lagu daabacay waraaqo si masuuliyiintu ay u tixraacaan.
Sida awgeed, xoojinta nidaamka maamulida dawladda hoose ee Hargeysa waxa khuseeya in maaro loo helo arrimaha aynu soo sheegnay. Waxa ayuu isku dayeynaa inaynu xal u helno arrimaha aynu tilmaanay inay sababeen in dawladda hoose ee Hargeysa ay ahaato meel shaqaalaha ka hawgalaa ay u haystaan in loo aasaasay oo kaliya dadka inay u sharciyeeyaan dhulka banaan ee magaalooyinka.
Xoojinta nidaamka maamulidda dawladda hoose ee Hargeysa waxa ugu mudan in loo sameeyo Qaab-dhismeed si gaar ah loo habeeyay. Qaab-dhismeedka ugu haboon wuxu hawlaha u kala qaybinayaa xafiiska Duqa, xaafiiska xoghayaha Fulinta (executive secretary) xafiiska Xoghayaha dawladda hoose (Town clerk), waaxda adeegyada bulshada, waaxda maaliyadda, waaxda maamulka shaqaalaha, iyo xafiiska Gudoomiyaha degmada (sub-district commissioner). Hase yeeshee, xafiisyada iyo waaxaha dawladda hoose ee Hargeysa mid waliba waxay yeelanaysaa qaab-dhismeed u gaara, isla markaa waxa jiraya qaab isku xidha waaxda ama xafiiska iyo shanta degmo ee magaaladu ay ka koobantahay. Sidaa awgeed, xafiiska Xoghayaha fulintu wuxu qaabilsan yahay isku xidhka hawlaha xafiiska Duqa iyo xafiiska Gudoomiyaha degmada.
Qaybahan soo socda waxa aynu ku eegaynaa qaab-dhismeedka guud ee dawladda hoose ee Hargeysa iyo qaab-dhismeedyada xafiiska Xoghayaha dawlada hoose, waaxda maaliyada, waaxda adeegayada bulshada, waaxda maamulka shaqaalaha, iyo xafiiska Gudoomiyaha degmada.
(1) Qaab-dhimeedka Guud
Qaab-dhimeedka guud ee dawladda hoose ee Hargeysa waxa ugu sareeya duqa magaalada oo si dadban uga amar qaata Golaha deegaanka. Duqa magaalada waxa garab siiya ku-Xigeenka oo hawl gaar ah u xilsaaran iyo Xoghayaha fulinta oo qaabilsan xidhiidhinta. Waxa kale oo duqa magaalada hoos yimaada xoghayahay dawladda hoose, agaasimaha maaliyada, agaasimaha adeegyada bulshada iyo agaasimaha maamulka & shaqaalaha. Sidoo kale, Xoghayaha Fulinta (executive secretary) waxa hoos yimaadda shanta gudoomiye degmo ee shanta qaybood ee magaalada.
(2) Qaab-dhismeedka Xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose.
Xoghayaha dawladda hoose (Town clerk) ee Hargeysa wuxu toos uga amar qaataa duqa magaalada. Hase yeeshee, isaga waxa hoos yimaada masuulka sare ee dhul-bixinta, masuulka sare ee liisamada ganacsiga, masuulka sare ee diiwaan-gelinta, iyo masuulka sare ee nabadgelyada.
(3) Qaab-dhismeedka Waaxda Maaliyada:
Agaasimaha maaliyada oo ka amar qaata duqa magaalada waxa hoos yimaadda xisaabiyaha guud (comptroller), qasnajiga sare (Treasurer), iyo masuulka sare ee cashuuraha.
(4) Qaab-dhismeedka Waaxda Adeegyada Bulshada:
Agaasimaha adeegyada bulshada wuxu hoos yimaaddaa duqa magaalada, isaguna wuxu amraa masuulka sare ee fayodhowrka, masuulka sare ee caafimaadka, iyo masuulka sare ee hawlaha guud
(5) Qaab-dhismeedka Waaxda Maamulka & Shaqaalaha:
Waaxda maamulka & shaqaalaha waxa xukuma agaasime hoos yimaadda duqa magaalada. Dhinaca kale, agaasimaha maamulka & shaqaalaha waxa hoos yimaadda masuulka sare ee shaqaalaynta iyo tababarada, masuulka sare ee xidhiidhka dadweynaha (senior liaison officer), iyo masuulka sare ee farsamada (senior system analyst).
(6) Qaab-dhismeedka Xafiiska Gudoomiyaha Degmada:
Shanta gudoomiye degmo ee magaaladu leedahay mid waliba wuxu hoos yimaaddaa Xoghayaha fulinta. Hase yeeshee, gudoomiye walba waxa hoos yimaada masuuliyiin ka kala tirsan waaxyaha iyo xafiisyada kala duwan ee dawladda hoose ee Hargeysa. Sida Madaxda fayodhowrka, Madaxda caafimaadka, iyo Madaxda hawlaha guud oo ka tirsan waaxda adeegyada bulshada, Madaxa liisamada ganacsiga iyo Madaxda diiwaan-gelinta oo ka mid ah xafiiska Xoghayaha dawladda hoose, iyo madaxa cashuurta oo ka tirsan waaxda maaliyada.
· -Unug-hoosaadka sharciga iyo dacweynta;
· Unug-hoosaadka qorsheynta iyo fulinta;
· Unug-hoosaadka xoghaynta iyo maaliyadda
(3) Unugga Maamul ee xafiiska Agaasimaha Maaliyada:
Unugga maamul ee xafiiska agaasimaha maaliyaddu wuxu qaabilsan yahay qorsheynta maaliyadda iyo dejinta miisaaniyadda dawladda hoose ee Hargeysa. Sidaa awgeed, unuggu maamul ee xafiiska agaasimaha maaliyaddu wuxu ka kooban yahay unug-hoosaadyada kala ah:
*unug-hoosaadka miisaaniyadda;
*unug-hoosaadka hanti dhawrka gudaha
*Unug-hoosaadka diiwaan gelinta hantida raagta
(3)Unugga Maamul ee Xafiiska Masuulka sare ee fayodhawrka:
unugga maamul ee xafiiska masuulka sare ee fayodhowrku wuxu ku shaqo leeyahay qorsheynta istiraatiijiyada fayodhowrka, ururinta macluumaadka ku saabsan baahida bulshada ee dhinaca fayodhowrka, iyo qiimeynta kharashyada hawlgalada fayodhowrka. Sidaa awgeed wuxu ka kooban yahay Unug-hoosaadyada ay ka mid yihiin:
*Unug-hoosaadka qorsheynta Istiraatiijiyada,
*Unug-hoosaadka daraasadda iyo warbixinta,
*Unug-hoosaadka Xisaabinta qiimaha (cost accounting)
(4)Unugga maamul ee xafiiska masuulka sare ee caafimaadka
Unugga maamulka ee xafiiska masuulka sare ee caafimaadku wuxu qaabilsan yahay qorsheynta istiraatiijiyada caafimaadka, ururinta iyo xisaabinta kharashka hawgalada caafimaadka. Sidaa awgeed, unugan wuxu isugu jiraa unug-hoosaadyada kala ah;
*Unug-hoosaadka qorsheynta istiraatiijiyada caafimaadka,
*Unug-hoosaadka daraasadda iyo warbixinta caafimaadka.
*Unug-hoosaadka xisaabinta qiimaha
(5) Unugga maamul ee Xafiiska Masuulka sare ee Hawlaha Guud
Unugaa maamul ee xafiiska masuulka sare ee Hawlaha guud wuxu u xil saaran yahay qorsheynta istiraatiijiyada hawlaha guud, ururinta macluumaadka ku saabsan baahida bulshada deegaanka ee adeegyada guud, iyo xisaabinta kharashyada hawlaha guud. Sidaa awgeed, unugga maamul ee xafiiska masuulka sare ee hawlaha guud wuxu ka kooban yahay unug-hoosaadyada ay ka midka yihiin
*Unug-hoosaadka horumarinta deegaanka magaalada (urbanization programme)
*Unug-hoosaadka xisaabinta qiimaha (cost accounting ).
Xafiiska Gudoomiyaha degmadu waa unug maamul oo ku shaqo leh arrimo dhowr ah. Dhinaca kale caasimaddu waxay u kala qaybsantahay shan degmo oo mid waliba leedahay gudoomiye u gaar ah. Sidaa awgeed, Unugga maamul ee xafiiska Gudoomiyaha degmadu wuxu isugu jiraa unug-hoosaadyo ay ka mid yihiin:
*Unug-hoosaadka xoghaynta iyo maamulida;
*Unug-hoosaadka maareynta xogaha iyo warbixinaha.
*Unug-hoosaadka nabadgelyada degmada.
*Unug-hoosaadka fayodhowrka .
*Unug-hoosaadka caafimaadka.
*Unug-hoosaadka hawlaha guud
*Unug-hoosaadka liisamada ganacsigia
*Unug-hoosaadka cashuuraha degmada
*Unug-hoosaadka diiwaan gelinta (Registrations)
*Unug-hoosaadka xisaabinta iyo miisaaniyadda
(7)Unugga Maamul ee Xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose.
Inkasta oo unugga maamul ee xafiiska Xoghayaha dawladda hoose uu u xil saaran yahay arrimo kala duwan haddana hawlaha badankooda waxa uga masuul ah Gudoomiyaha degmada marka laga reebo hawsha dhul bixinta oo aad u xaasaasi ah.
Sidaa awgeed, unugga maamul ee xafiiska Xoghayaha dawladda hoose wuxu si gaar ah u qaabilsan yahay arrimaha unug-hoosaadka dhul-bixinta.
Heerkan aynu soo gaadhnay waxa macquul ah in aynu tilmaamo unug-hoosaadyadu, marka laga reebo qaab-dhismeedyada inay yihiin halka laga bilaabayo xoojinta nidaamaka maamulida dawladdaha hoose ee Hargeysa. Sidaa awgeed, waxa haboon inaynu unug-hoosaadyada mid mid ugu dajino istiraatiijiyad suurtagal ka dhigta xoojinta nidaamka maamulida ee ku wajihan hawlaha ay kal qaabilsan yihiin si loo fulin karo ujeedada guud. Hase yeeshee ma suurta galayso in warbixin lagu daabacay wargeys lagu soo bandhigo dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay istiraatiijiyadda unug-hoosaadyada. Sidaa awgeed, xoojinta nidaamka maamulida dawladda hoose ee Hargeysa waxay ku xidhan tahay la tashi lala sameeyo dadka khibrada u leh.
Kudkii Kabaha Loo Tolay
Siciid I. Guraase – Q: 2aad
4. Marxaladii Gobanimada
|
Kadib markii ay xornimada qaateen Somaliland iyo Soomaaliya, ayna samaysantay Jamhuuriyad keliya oo ay ku midoobeen July 1960-kii, waxa markiiba soo baxday dhibaatadii ay qabyaaladdu lahayd. Markiiba waxa ay dadku ku qiimeeyeen dawladnimadii, sida ay reerkoodu uga heleen Jagooyinka sar-sare ee dawladda haddii ay wax ku yeellan waayaana waxa ay u arkayeen in aanay ahayn dawlad hagaagsan, si ay reer waliba u helaan xaqooda waxa markii dambe dhacday in ay samaysteen xisbi u gaar ah oo ka qayb-qaata Tartanka doorashooyinka, iyadoo musharaxiinta lagu kala taageerayay cida uu yahay. Tani waxa ay ka timid, sidii khaldanayd ee loo fahmay Dimuqraadiyadii markaa lagu dhaqmayay, taas oo sababtay in ay had iyo jeer doorashooyinka ku soo baxaan musharaxiinta ay reeruhu wataan, iyadoo aan loo eegayn aqoontooda, kartidooda iyo waxqabadkooda iyo in ay cidlo ku dhacaan dadkii aqoonta lahaa ee ka waabanayay in ay qabyaaladda dhex galaan. Loollankaasi waxa uu gaadhay in markii dambe loo sii kala baxbaxo jilibo iyo raasas, iyadoo ay furteen xisbiyo mid waliba leedahay calaamad gaar ah. Sida lagu sheegay tirakoobyo la sameeyay 1968 xisbiyada ka jiray dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray waxa ay gaadhayeen ilaa 80 Xisbi.
Arrintani waxay ka mid ahayd waxyaabihii seeska ka xumeeyay dawladdii burburtay, kadib markii geella loo diray kuwii maqasha dayacay.
5. Marxaladii Xukunka Milateriga
Kadib markii uu meel ba’an gaadhay loollankii axsaabtii ku dhisnayd qabyaaladdu, dadkuna ay khaati iska taageen ayay ka faa’iidaysteen Ciidamadii Milaterigu, kuwaas oo inqilaab ay dhigeen xukunka kula wareegay 21-kii Oktoobar 1969-kii, madaxna uu u ahaa Maxamed Siyaad Barre. markiiba waxa ay soo saareen qoraalo ay ku sheegayeen in ay isbedel samaynayaan, gaar ahaanna waxa ay ku baaqeen in ay la dagaalamayaan Qabyaaladda iyo dhammaan cudurada aafeeyay ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay dadku aad ugu sacab tumeen, una soo dhaweeyeen. Tallaabooyinkii indho-sarcaadka ahaa ee uu Siyaad Barre qaadayna, waxaa ka mid ahaa isaga oo sheegay in la aasayo qabyaaladdii, iyadoo waxyaabo lagu sheegay qabyaaladdii la aasay 1970-kii. Nasiib-darraduse waxay ahayd, Siyaad Barre oo isagu hoosta ku haystay Qabyaaladiisii, dadka kalena doonay in ay aasaan. Inkasta oo markii hore ay dadka badankoodu rumaysteen, daacadna ay ka moodeen Siyaad Barre, haddana waxay arrimuhu isku cayn iyo bayd go’een markii ay qabyaaladii ka timid dhinicii Siyaad Barre iyo Maamulkiisii, taasi waxa ay soo shaac baxday markii si isir-raac ah loo xasuuqay Qabaa’il iyo beelo gaar ah.
Tani waxa ay soo noolaysay qabyaaladii oo udbaheedii iyo dhigaheedii wadata, kadib markii ay dadku ka gadoodeen tacadigii iyo cadaadiskii lagu hayay, taana waxa uu Siyaad Barre kaga jawaabay inuu colaad ka dhex huriyo beelihii iyo reerihii wada degganaa, isagoo ku dhaqmayay siyaasad ah (Qaybi oo Xukun). Kala-qaybintii noocaa ahayd ee uu ku dhaqmayay Siyaad Barre, waxa ay qabyaaladii gaadhsiisay heer aanay waligeed gaadhin, kadib markii ay kala dhaqaaqeen dadkii ehelka ahaa ee wada-dhashay, hubkan ay isku qaateen.
6. Marxaladii Halganka
Sida aynu soo sheegnay Siyaad Barre, waxa uu ku dhaqmayay siyaasad ah qaybi oo xukun, isaga oo marba seeftiisii saawirta ahayd qolo la dul baxayay, dhinaca kalena waxa uu isku taxalujiyay inuu soo jiito kolba beelaha aan ahayn ta uu u dan leeyahay.
Tani waxa ay keentay markii halganka lagula jiray Taliskiisii in ay iska horyimaadaan beelihii iyo dadkii wada-deggenaa, iyadoo uu halganku kolba reer ku ekaa, inta kalena uu Siyaad Barre sawir khaldan ka siiyay, si aanay halganka ugu biirin isagana ugu adeegaan. Mushkiladdani waxa ay ahayd, caqabadihii ugu adkaa ee soo waajahay halgankii ay ku jireen Jabhadihii xaq-u-dirirka ahaa. Taasina waxa ay khasab ka dhigtay in ay jabhadihii yeeshaan sawir beeleed, kolba beeshii mucaarid noqonaysaana ay samaysato magac cusub, halkii ay ka ahayd in meel la isugu tago, lana mideeyo cudidihii halganka, balse taa waxa suurto-galin waayay duruuftii aynu soo sheegnay.
7. Marxaladii Xorreynta
Markii la soo gaadhay marxaladii Xukunka laga tuuray Nidaamkii Siyaad Barre, xaaladdu waxay u qaybsantay laba qaybood oo kala duwan, kadib markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 18-kii May 1991-kii iyo qaybtii Koonfureed ama Soomaaliya oo dhinac ah.
Haddii aynu ku horreyno dhinaca Somaliland, waxa ka bilaabmay dedaal ku saabsan in xal loo helo colaadihii iyo uur-xumadii uu taliskii Siyaad Barre kala dhex dhigay dadka reer Somaliland, taas oo markiiba keentay natiijo dhaxal-gal ah, kadib markii ay beelaha Somaliland isugu yimaadeen shirweyne magaalada Burco, kaas oo ay isku saamaxeen beelaha reer Somaliland, ayna ku heshiiyeen in ay la soo noqdaan madaxbannaanidoodii marin habowday. Balse tallaabadani may soo afjarin caabuqii iyo utuntii laga dhaxlay taliskii macangaga ahaa iyo halgankii qadhaadhaa ee lala galay.
Mushkiladdan markan taagand timi waxay ahayd mid ka dhalatay habkii maamulka loo qaybsan lahaa iyo sidii loo midayn lahaa ciidamadii SNM ee horseeday halgankii lagu xorreeyay Somaliland. Taasina waxay keentay dhibaatooyin muddo soo jiitamay, balse markii dambe xal loo helay kadib markii la qabtay dhawr shir oo turxaan bixin iyo dib u heshisiin ah, halka ay xaaladdu ka sii dartay dhinaca Soomaaliya oo ay dagaalo iyo gumaad iskala horyimaadeen, Qabaa’ilka iyo beelaha wada-deggeni, taas oo ilaa hadda socota, maaraynteeduna ay adkaatay.
Haddii aynu intaa ku dhaafno, marxaladihii qabyaaladda, waxaynu qoraalada dambe ku eegaynaa sababaha xididdada u sii adkeeya qabyaaladda iyo sida xal loogu heli karo.
La soco…..
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Garsoorkii Ma Hagaagay
|
Adigoo gacan kale marti ugu ah xaqaaga aasaasiga ah, kana hela wax aad u yar oo aan kuu qalmin, haddii falagmeero oo bidixdu wax yar kuu sed kordhiso, waa in aad tidhaahdaa “Mahadsanid.” Taasi macnaheedu ma aha in ay intaa kuugu idishahay ama kuugu dhan tahay, laakiin Soomaalidaa tidhaahda “Candho-na waa xubin,” halka maahmaah Ingiriisi ahina ay ahayd “Xabad roodhi ah jabkeed waxay dhaantaa roodhi la’aan.”
Masaalkaas kooban waxa aan u qaadan karnaa rajada, in aanay quustu bannaanayn iyo in inta wax yari jiraan ay wax jiraan. Ugu yaraan waa in la maqlay codkaaga, ugu yaraan waa meel garasho jirto, sidaas darteed nafta lagu sasabi karayo, laguna daba-geli karo xuquuqda maqan.
Sannado badan oo xidhiidh ah markii dadweynaha Somaliland ka qaylinayeen cadaalad-darro iyo musuqmaasuq garsoorka dalka barriinsadey, balse aanay wax jawaab iyo garawshiiyo ah kaga helin cidna, ayaa tallaabada toddobaadkan Maamulka Daahir Rayaale Kaahin ka qaaday, waxay noqonaysaa deeq fara-guudkood ah, marka loo eego baaxadda mushkiladda garsoorka iyo baahida jirta, balse lagu bogaadiyay, looguna mahadnaqay.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo markii uu xafiiska la wareegay laga joogo laba bilood iyo dhawr habeen, wuxuu khudbadiisii u horreysay oo uu dadka u jeediyay May 18, ballanqaaday inuu wax ka qabanayo Cadaaladda Maxkamadaha oo dadweynuhu aad uga cawdeen, iyo musuqmaasuqa. Si ka duwan ballanqaadyadii kale ee uu ka sameeyay Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, labada qodob ee cadaaladda iyo musuqmaasuqa oo ah kuwo si toos ah u saameeya nolosha iyo nabadgelyada dadweynaha maalinkasta, ka sokow mugdiga mustaqbal, waxa ay dadku ku qabteen gows-dambeedka, si ay ugu qiimeeyaan Maamulkiisa, iyada oo aan rajo buuran lagu qabin inuu ka rumeeyo.
Rayaale, wuu ka dhabeeyay tallaabadii ay wasaaradda cadaaladdu Axadii Maxkamadaha dalka kaga dareerisay Garsoorayaashii hore oo lagu tilmaamay kuwo ku gafanoobey sayladda shariciga, ayaa ah tii u dambaysay barnaamij uu kaga dhabaynayo ballanqaadkiisii oo uu guda-galay isla bishii May, markaas oo uu magacaabay guddi u soo ururisa macluumaadka cabashada garsoorka, kana soo talla bixisa, taas oo keentay inuu shaqada ka fadhiisiyo Garsoorayaashii Maxkamadda Sare oo uu ku bedelay dhammaan xubno cusub, iyada oo uu horena Guddoomiye cusub ugu magacaabay Maxkamadda Sare, taas oo noqonaysa in dhammaanba meesha laga saaray garsoorayaashii hore ee Maxkamadda Sare oo la tuhunsanaa in ay dan-wadaag lahaayeen garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee hadda Guddiga Cadaaladdu shaqada ka saaray.
Garsoorayaasha loo magacaabay maxkamadaha hoose iyo ta sareba, waxay u badan yihiin rag cusub oo aan aqoontooda iyo akhlaaqdooda shaqo waxba laga ogeyn, laakiin si kastaba waa la soo dhoweeyay, waxaana laga filayaa in ay noqdaan kuwo lagaga raysto catawga iyo calaacalka danyartu la hordhooban tahay Maxkamadaha.
Hase yeeshee, waxa isweydiin leh intaasi dawo ma u noqonaysaa mushkiladda?
Tallabadani lagu diirsaday waa bilow wanaagsan, laakiin ma aha dhammaad. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Gaal dil, gartiisana sii.” Waxa la ogyahay in mushkiladaha ka jira maxkamadaha ay qayb weyn ku leedahay dawladda lafteedu, waxa aan daah saarnayn in hab-dhaqanka gurracan ee garsoorayaasha ay wehelisay gacan-dhaaf ay ku samaymeen qaar ka mid ah Madaxda sare ee dawladdu, mushahaarka garsoorayaasha iyo shaqaalaha maxkamadaha oo aad u hooseeya, Inkasta oo dhawaan waxoogaa loo kordhiyay, adeegga xafiisyada oo aanay ka haqab la’ayn iyo dadweynaha laftiisa oo aan ku kalsoonayn garsoor aanay iibsan ama aan rumaysnayn in sharciga hortiisa la siman yahay, sababo doorra oo ay ka mid tahay fara-gelinta dawladda iyo ku tagrifalka awoodda darteed.
Waxa intaas dheer, si garsoorku u tisqaado, una noqdo mid hanaansan, waxa iyana muhiim ah in la tayeeyo hay’adaha amniga, gaar ahaan laanta baadhista dambiyada iyo xeer-ilaalinta, isla markaana loo fidiyo garsoorayaasha tababaro iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri-gelinayo.
Hawshaas oo dhammina waa mid u taalla Mr. Rayaale, taas oo ka culus qof la eryo oo mid kale lagu bedelo. Haddii aanay ahayn inuu dhisanayo hay’ado isaga daacad ah, waxaa la eegayaa inuu kalsooni ku beero dadweynaha iyoi garsoorka laftiisuba, gaar ahaan garsoorka uu gaadhsiiyaa xorriyad dhaqaale iyo mid maskaxeed.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la dareemi karaa inta ay qoto le’eg tahay mushkiladda cadaaladda iyo sida aanay u fududayn in muddo yar gudaheed lagu toosiyo hannaan nus-qarni qallooc ku soo dhisnaa. Laakiin, waxa mudan in dawladda, shacabka iyo garsoorayaashuba ay si dhab ah isugu kaashadaan in bilowgan la sii ambaqaado.
Madaxweynaha Baakistaan Oo Soo
Rogay Qawaaniin Ku Saabsan Doorashooyinka Dalkaasi
|
Islamabad (W.Wararka) – Madaxweynaha dalka Baakistaan Jan. Musharaf ayaa soo saaray wareegto uu musharaxnimada doorashooyinka kaga mamnuucayo qof kasta oo laba jeer Ra’iisal-wasaare ka soo noqday dalkaasi ama laba jeer madax ka noqday maamulka gobolada dalkaasi.
Wareegtadan waxaa loo arkay inuu Musharaf ula dan leeyahay Nawaas Shariif iyo Banaasiir Buuto, oo labaduba laba goor Ra’iisal-wasaarayaal dalkaasi ka soo noqday intii u dhaxaysay 1998-kii ilaa 1999-kii. Kuwaas oo la sheegay inay haystaan taageero badan oo dhinaca shacbiga reer Baakistaan ay ku leeyihiin.
Jan. Musharaf, ayaa hore labadoodaba ugu eedeeyay inay hanti badan ka boobeen dalkaasi, sidaa darteedna waxa uu sheegay inaanu oggolaanayn inay isa soo sharaxaan doorashooyinka lagu wado inay dhacaan bisha October ee soo socota.
Dadka ka faalooda dhinaca siyaasadda ayaa sheegaya inay milaterigu ka cabsi qabaan inay doorashadaasi ku guulaysato Banasiir Buuto, iyo inay abaabusho xisbigeeda P.P.P oo la sheegay inuu leeyahay shacbiyad ballaadhan.
Labada xisbi ee ugu waaweyn Baakistaan, madaxdana ay ka yihiin Nawaas Shariif iyo Banasiir Buuto, ayaa cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday Jan. Musharaf oo ay ku tilmaameen kuwo uu ku adkaysanayo xukunka.
Shir-Madaxeedka Afrika Oo Maanta Furmaya
|
Durban (W.Wararka) – Shir ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Afrika ayaa shalay lagu soo gebogebeeyay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo gogol-xaadh u ahaa shir-madaxeedka dalalka Afrika oo maanta lagu wado inuu ka furmo Durban.
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Afrika, waxa ay shirkan ka soo saareen go’aamo iyo talooyin badan oo ay hordhigi doonaan madaxda Afrika, si ay go’aamo kama-dambays ah uga soo saaraan muddada uu socdo shirka ay ku kulmayaan.
Shirkan oo la sheegay inuu yahay shirkii ugu dambeeyay ee lagu soo gebo-gebaynayay ururkii midnimada Afrika O.A.U, oo hadda la sheegay inuu isku beddalayo Midowga Afrika, kaas oo looga dan leeyahay inay dalalka Africa yeeshaan midaw ka xoog weyn sidii hore.
Madax badan oo ka tirsan Afrika ayaa ku qul-qulaya magaalada uu shirku ka dhacayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo isagu dabada ka riixayay midaynta Afrika. Waxa kale oo isna shalay gaadhay halkaasi xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Koffi Anan oo u dhashay dalka Gaana.
Shirkan waxaa lagu wadaa inay mudada uu socdo la iskula meel-dhigo halka ay noqonayso xarunta ururka cusub, taas oo la sheegay inuu khilaaf ka jiro.
U Hamuumidda Hantida Ummadda Iyo Halis Ay Leedahay
|
Hantida ummadda waxaa lagu qeexi karaa maaliyadda dhismaha, dhulka, qalabka, khayraadka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay, oo dhammaantood ah kuwa sida guud loogu adeego dadka, ama ku soo baxay magac ummadeed.
Mas’uuliyadda, gacan ku haynta hantida guud ee ummadda kolba waxaa leh cidii markaa mas’uul looga dhigo, taas oo mas’uuliyadda macnaheedu yahay ugu adeegista hantidaas ummadda iska leh ee uu mas’uulka qudhiisu ka midka yahay.
Hab-dhaqanka uu mas’uul u maamulo xilliga uu hayo xil umadeed si saxa ama si khaldan waxay noqonaysaa mid saamayn ku yeelata ummaddaas, xataa mas’uulka qudhiisa waqti dhow ama waqti fog.
Haddii aynu soo qaadano, mas’uulka canshuur-ururinta u qaabilsan ummadda waa u maamulo hantidaa ummadda, laakiin hantidaa uu sida qalloocda u maamulay suurtogal in uu si khaldan u isticmaalo waa mid saamayn ku yeelan doonta dhinacyada nolosha, sida daryeelka caafimaadka, wax-barashada, nabadgelyada, degaanka, waddooyinka iwm.
Haddaba haddii uu mas’uulku lumiyo fursadda hantida wax ka qaban lahayd arrimahan aynu soo sheegnay oo dhan oo xataa mas’uulka qudhiisa saamaynaysa, markaa waxaa muuqanaysa marka laga reebo dhibaatada dadweynaha kale oo dhan gaadhaysa in qofkii mas’uulka ahaa ee u haliilay lungsiga hantida ummadeed ee uu mas’uulka ka yahay uu hagraday naftiisii.
Waxaa xusuusin mudan in aan waayeelka dalkeenu fahamsanayn erayada qaar sida; kaalaya ii raaca mas’uulkaa ha igu qoro meel fiican oo wax laga cuni karo...!”
Codsiga noocaasa, waa hubaal in duqay badani ay duubka u adkaysteen si ay u fuliyaan codsigaa wiilka ay odayga u yihiin, laakiin arrintani waa sallaanka musuq-maasuqa hantida ummadda ee curyaamisay wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Somaliland. Wuxuuna qofka odayaashan aan soo sheegnay abaabulanayay ay kursi ama ujeedadiisu tahay in la fadhiisiyo shaqo ka mid ah shaqooyinka uu qofku ummadda uga mas’uulka noqdo hanti, siiba lacag si uu ugu tagri falo.
Xaq ayuu qof waliba u leeyahay inuu shaqo doonto (muwaadiniinta), waxaase habboon in ay niyadiisa ku jirto inuu helo wixii ay xaq u siinayso shaqada uu qabtay oo uu weliba ku samro.
Nooc wal oo hantida ummada ah oo si khaldan loo isticmaalo, waa mushkilad ku soo korodhay ummadda, sida haddii lacag lunsigu bato, waa dhaqaale xumo soo korodhay. Waxaana wiiqmaya adeegyadii guud ee ummadda, taas oo dhibaato u keenaysa dadka.
Dhulka danta guud oo la bixiyaa, iyana waxay keenaysaa in la bixiyay dhulkii laga dhisi lahaa dhimayaasha danta guud ee ay ka midka yihiin; Isbitaalada, iskuulada, xannaanooyinka carruurta iyo hooyooyinka, rugaha Booliska, garoomada ciyaaraha, waddooyinka baabuurta, xarumaha tabobarada xirfadaha, goobaha xannaanaynta dhirta iwm.
Dulucda qoraalkani waxay tahay u haliilka hantida ummaddu waxay keenaysaa halis nololeed oo saamayn ku yeelata dhammaan danta guud, xataa qofkii sameeyay.
Si xun u maamulka hantida ummadda, waxaa hubaala in dhibaatada ka dhalataa ay si toosa ama si dadban si uun ay u saameyn doonto.
Dhinaca kale, waxaa qurux badan oo midha-dhal ah in danta guud uu qof waliba (Somaliland) ka horreysiiyo tan guud oo uu horta fuliyo, kadibna tiisa gaarka ah. Waayo, waxaa hore waayo-aragnimo dunidu ugu heshay in danta guud ee ummadda oo dayacan qurxinta danaha gaarka ahi ay dhaliso muuqaal khayaali ah oo uu qofku ku noolaado, waayo haddii aanad taageerin nidaamka sharci, horumar ee dalkaaga waxaa is-weydiin leh, halka iyo sida aad si fiican ugu noolaan karto dalkaaga gudihiisa, mar haddii ay dhutinayso dantii guud.
Talaalka Cudurada Iyo Shareecada Islaamka
Siciid I. Guraase
|
Diinta islaamka oo uu Ilaahay u soo dejiyay maslaxadda iyo danta uumiyaha ku nool kownka, waa mid dhammaystiran oo ay ku jiraan wax kasta oo ku tacaluqa nolosha iyo sidii ay wanaag u gaadhi lahaayeen addoomuhu Ifka iyo Aakhiroba.
Sida uu nebigu (NNKHA) xadiis inoogu sheegay, quraanka ayaa koobaya arrimahaasi oo dhan, isaga oo yidhi; “Quraanka waxaa ku jira wax kasta oo aad u baahataan, waayo wuxuu ka hadlyaa wixii hore u dhacay ee idinka horeeyay, waxa taagan ee idin dhexyaala iyo waxa soo socda ee dhici doona.” Sidaa darteed ma jiro meel kale o laga helayo arrimahaasi oo dhan.
Haddii aynu si gaar ah u soo qaadano caafimaadka, waxaynu arkaynaa inay diintu siisay ahmiyad gaar ah, maadaama ay ku jirto maslaxadda qofka muslimka ahi, inuu ahaado mid caafimaad qaba oo ka qaybqaadan kara acmaasha looga baahan yahay inuu qofka muslimka ahi ka soo baxo.
Nebigu N.N.K.H.A, wuxuu xadiis ku yidhi; “Qofka mu’minka ah ee xooga leh, ayaa ka khayr badan qofka mu’minka ah ee daciifka ah, inkasta oo ay labadooduba khayr leeyihiin.” Sababtuna waxay tahay, mu’minka xooga ah ee awooda lihi wuxuu qaban karayaa wax aanu qaban karayn mu’minka aan awooda lahayni. Taana wuxuu macnaheedu noqon karayaa inuu qofkaasi yahay qof caafimaad qaba oo ay awoodiisu dhammaystiran tahay, isla markaana leh awoodii dhinaca iimaanka ee taa u suurtogelin lahayd.
Marka caafimaadka la eego, waxaa jira waxyaabo badan oo ay shareecada isalaamku u xaaraantimaysay dhibaatada uu u leeyahay caafimaadka dadka, waxyabahaana waxaa ka mid ah; khaansiirka ama doofaarka, in dhiiga la cabo, in khamriga la cabo iyo waxyaabo kale oo badan.
Halkaa waxa kaaga muuqda inay diinta islaamku ahmiyada koowaad siisay in laga hortago cudurada inta aanay dhibaatadoodu dadka gaadhin, xikmad ayaana tidhaa; “Kahortaga ayaa ka fiican daawaynta.”
Waxyaabaha kale ee ay shareecadu dadka amartay, iyada oo loo danaynayo caafimaadka dadka waxaa ka mid ah; inay dadka muslimiinta ahi waysaystaan, inay iska maydhaan nijaasta iyo inay iska ilaaliyaan waxyaabaha xaaraanta ah sida; sinnada oo aynu ognahay inay ka dhashaan cuduro halis ku ah dadka oo dhan.
Haddii aynu eegno kahortaga cudurada iyo sida ay u aragto diinta islaamku waxa aynu soo qaadan karnaa tusaaleyaal ay ka mid yihiin;
· Diinta islaamku waxa ay amartay inaan la gelin meesha uu ku dhacay daacuunku, qofkii ku jira ama jogaana aanu ka bixin, taas oo ay ujeedadeedu tahay in laga hortago cudurada, lagana digtoonaado inta aanay faafin. Sidaa darteed, ayaa waxa dhacday in markii uu Cumar binu Khadaab madaxda ka ahaa dawladdii islaamka, Ilaahay raali ha ka ahaadee, uu daacuun ka dhacay goob ka mid ah dhulkii islaamka oo uu Jihaad ka socday, markaasuu Cumar amray inaanay ciidamadii islaamku gelin goobtaasi. Markii la weydiiyay sababta uu sidaa u yeelay, iyada oo ay qaar ka mid ah muslimiintu u arkeen inuu ka hor imanayo qaddarka Ilaahay, ayuu Cumar ku jawaabay; “Waxaanu ka ordaynaa qadarka Ilaahay, waxaanuna u ordaynaa qaddarka Ilaahay.” Taas oo uu macnaheedu yahay, waxaanu ka cararaynaa qaddarka Ilaahay oo ah cudurka dhacay annaga oo u cararayna qaddarka Ilaahay ee caafimaadka, waayo caafimaadka iyo cudurka labaduba waa qaddarka Ilaahay.
Marka cudurka laga cararayo, waxaa loo cararaa uun caafimaadka oo labaduba ah qaddarkii Ilaahay, waayo? Ilaahay lagama cararo ee waa loo cararaa.
Haddii aynu si gaar ah u eegno tallaalka, isaguna waxa uu ka mid yahay kahortaga cudurada ee ay dadku isku dayayaan inay kaga badbaadaan cudurada.
Lasoco……..
WAADIGA CIYAARAHA
“Koobka Adduunka Ee 2002 Wax Waliba Waxay
U Dhaceen Sidii Loogu Talogalay Iyo Si Kasii Fiican”
|
Waxay ahayd arrin dad badan u cuntami weyday, walaacna ku abuurtay in Kuuriya ku dhaqaaqi karto tallaabadaa martigelinta koobka adduunka oo ay kaalin libaax ka qaadatay, iyaga oo u arkay in dusha loo saaray xil culus oo aanay ka bixi karayn.
Dad doora oo ay madax-martay jibada ciyaaraha oo ay daawashadeeda u khamradoodaan, dadkaas oo kala doortay laba kala daran, ta hore oo ah inay ka qadaan daawashada ciyaaraha koobka adduunka iyo ta labaad oo ahayd inay isku miidaamiyaan wadan aanay aqoon afkiisa, dhaqankiisa iyo degaanta uu ku yaalo midna.
Waxay taladii ku soo gorortay inay indho isku qabad ku tagaan meel aanay ogayn, waxay kala kulmi doonaan iyo waxa mustaqbalkoodu ku damayn doono. Waxa kale oo intaa udheerayd, iyada oo ciyaaruhu ka kala dhacayeen laba wadan oo ku kala duwan afka iyo dhaqankaba.
Ta hore, Korea waxay noqotay goob ku haboon inay martigeliso koobka adduunka. Japan xataa way kaga horaysay, laakiin, isaga laftiisu dab yar ma shidayn. Dabcan wax waliba way iska beddeleen sidii lagu waday, hase yeeshee, waxaa soo baxday carqalad kale oo ilaa dhammaadkii taagnayd. 20 garoon oo ciyaaraha lagu qabtaa waa mid iska cad inay aad u badan tahay, sidaa darteed waxay dad badani is-weydiinayeen sababta waddan keliya loogu qaban waayay.
“Waxaaan qabaa inaan taasi mardambe dhici doonin. Waxaan anigu u codayn lahaa Korea, oo aan markeliya arkay noloshayda. Dabcan Japan ayaa iyana ah goob aad ugu habboon,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii ka qaybgalay daawashada koobka adduunka si weyna uga baqayay xaaladdiisa ammaanka.
Kala duwanaanta dhaqanka iyo luqadda dadka isugu yimi tartanka ayaa ahayd mid aad u muuqanaysay. Korea, iyada oo isku dayaysa inay meesha ka saarto ayay albaabada u furtay xuduudaha qaar ka mid ah jaarka oo dadku si xor ah isu dhex-mushaaxayeen.
Nasiib-wanaag, waxay noqotay in Korea iyo kooxdoodii galaan taariikhda koobka adduunka, wayna u qalmeen.
In badan oo ka mid ah shacabka reer Korea, ayaa dhacdadaa ku tilmaamay tii ugu waynayd ee dalkooda soo marta.
“Way I seegtay fursaddaasi, waxayna igu reebtay dareen iyo nolol,” sidaa waxa yidhi Jang He Hrin o ah nin ka shaqeeya xarun farsamada-gacanta ah oo ku taala magaalada Seoul.
Shacbiga reer Korea, ayaa iyana u arkayay fursad ay u heleen is-dhexgalka dhinaca bulshada…kumay adkayn 64 kulan oo si xidhiidh ah uga socday, taageeradu waxay ahayd xad-dhaaf.
Bulshada oo idil-na waxaa ku weynayd jibada taageerada ay la barbar-taagnaayeen kooxaha kala duwan.
In badan oo ka tirsan qorayaasha ka faalooda ciyaaraha ayaa ku tilmaamay tartan aan tayo lahayn, laakiin xaqiiqdu sidaa way ka gedisan tahay.
Waxaa jirta in-badan oo rumaysan in uu yahay koobkii ugu fiicnaa ee dhaca tan iyo sannadkii 1970.
Inta badan kulamadii dhacayna waxay ahaayeen kuwo ka wanaagsan koobkii 1994 ama 1998. wareegii koowaad, kaqaybgalayaashii guud ahaan way garan kari waayeen cida badinaysa. Tiro ka mid ah kuwa dhaliilaya tartanka ayaa ku fogaaday garsoorka oo ay ku tilmaameen mid aad u jilicsanaa.
Hase yeeshee, xaqiiqadu waxay tahay, iyada oo ay isa soo gaadheen tayadii ciyaareed ee wadamadu, iyo cimilada dabiiciga ah oo badhi-taartay kooxaha waddamada qaarkood.
Waxa kale oo kuwa wax dhaliilaya ku badan qaar daawanayay kooxahooda oo gelin horeba ka hadhay tartanka, kuwaas oo ay burburtay dhammaan saadaashii ay bixiyeen, isla markaana ayu soo baxeen wadamo aan cidiba tirada ku darsan sida; United States oo ka mid noqday wadamadii fartu ku god-nayd.
Si aanad ula yaabin dhacdooyinka cusub, waa inaad maskaxda ku haysaa saddexdii koob ee adduunka ugu dambeeyay oo ay wareega ugu dambeeya soo gaadheen waddamada loogu yeedho (dalalka hoose).
Bulgaria waxay timi 1994, Croatia 1998 iyo hadda oo ay soo gaadheen Korea iyo Turki.
Su’aasha u badan ee hadda la is-weydiinayaa waa tallaabooyinka ay qaadeen.
Korea, Senegal iyo America ma soo laaban doonaan mar labaad. Bulgaria iyo Croatia, labaduba way ku soo laabteen koobka adduunka, laakiin waxaa ka muuqatay itaal-darro. Bulgaria way ka hadhay sannadkan.
Waddamada Yurub waxay bar-tilmaameed ka dhigteen garsoorka, waxaana ka mid ahaa Sepp Blatter oo si aan caqli-gal ahayn u cambaareeyay garsoorka FIFA.
Dabcan way jireen wax is dhaaf-dhaafin badani, wayna jireen waxoogaa jilayc ah oo ka muuqatay calan-walayaasha. Waase mid ka dhacday koob kasta oo adduunka ah.
Si kastaba ha ahaatee, aragtida ah koobka adduunka ee Aasiya maaha mid midha-dhal noqday, waa mid aad u yar, waana caddahay inuu ka fiicnaaday kii France 1998. moralkii martigelinta iyo muuqaalka intaba, qofna ma ilaawayo shacbiga Korea.
Lama caddayn karo ilaa hadda inuu ka dhaqaale badan yahay kii USA 1994, balse wuu ka dhacdooyin weynaa.
Dad badan ayaa xusuusnaan doona kulamadii dhexmaray kooxaha waddamada ay ka mid yihiin, Korea Vs Italy, USA Vs Portugal, Senegal Vs France ama England Vs Brazil.
Waa laga yaabaa inay waqti dheer qaadato ku soo laabashada koobka adduunka ee qaarada Aasiya, laakiin waxay ka heshay magac iyo sumcad weyn oo ugu filan in markale lagu abaal-mariyo martigelintiisa.
Kooxda FAACO Oo 6-2 Kaga Badisay Shacabka
Harg (Haatuf) :- Tartan kubadda cagta ah oo dhexmaraya xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa doraad ka bilaabmay garoonka 31-ka May ee magaalada Hargeysa.
Tartankaas oo maalintii labaad shalay galay, waxa isku haleelay kooxda ku ciyaaraysa magaca shirkadda Sigaarka ee FAA Company iyo koox ku ciyaaraysa xaafadda shacabka, wuxuuna ku dhammaaday 6-2 ay guushu ku raacday FAA. Co.
Kooxda FAA Co. oo u badan ciyaartoy waayo-arag ah, muddona ku soo dhex-jiray kubadda cagta, ayaa ciyaarta inteeda badan ku gacan sareeyay, halka dhallin-yarada shacabka oo ah kuwo intooda badani ku cusub yihiin garoomada waaweyn, balse u muuqda kuwo mustaqbal fiican ku leh ciyaarta kubadda cagta ay iyaga laftoodu soo bandhigween ciyaar xiiso badan, waxa keliya ee ka dhinaa waxaa la odhan karaa waa waayo-aragnimada oo ku yarayd.
Labada gool ee shacabku heleen waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanada lagu magacaabo; Awliyo iyo Jaylaani.
Dhinaca kale, FAA Co. waxaa iyana goolasha ay ku badisay u kala dhaliyay; Khadar Shafay (2 gool), C/qaadir Kurtin, Diito iyo C/laahi, ayaa u kala dhaliyay afarta gool ee kale.
R. Ayala Ma Dabooli Doonaa Kaalinta Rio Ferdinand
|
Kabtanka xulka Argentina Roberto Ayala, ayaa qabyo-tiray warar maalmahanba la isla dhexmarayay oo tibaaxaya inuu buuxin doono kaalinta Rio Ferdinand haddii uu ka tago Leeds United. Wuxuu sheegay in dalab uga yimi kooxda Yorkshire.
“Waan ogahay in Leeds wado dedaal ay igu raadinayso ana aad baan u jeclahay inaan England ka ciyaaro,” sidaa waxa shalay daboolka ka qaaday difaaca Argentina.
29-jirka Ayala, wuxuu cadeeyay inaanu ku deg-degayn ka tegida Mestalla Stadium, hase yeeshee, wuxuu gar-waaqsaday in maamulka Valencia iibinayo hadday lacag fiican ku helaan kahor xagaaga soo socda oo heshiiskoodu ku eg yahay.
“Haddii ay doonayaan inay I fasaxaan, waan ku faraxsanahay, haddii ay iska kay daayaana si la mid ah ayaan ugu faraxsanahay,” ayuu ku daray.
Ayala waxay u badnayd inuu ku biiro Manchester, gaar ahaan xilli-ciyaareedkii hore, laakiin Old Trafford hadda waxay isugu luga duwatay doonisteeda Rio Ferdinand oo bilaabantay intii lagu jiray koobka adduunka.
Manchester United, waxay diyaar la tahay 25 milyan oo Gini, balse wararka ka imanaya dhinaca Leeds, ayaa sheegaya in haddiiba ay iibiyaan kabtankooda ay ku doonayaan 35 milyan oo gini.
Guddoomiyaha Valencia Jaime Orit oo 22 milyan oo gini ku diiday sannadkii hore ayay u muuqataa inuu hadda oggol yahay kala-badh lacagtaas, sababtoo ah waxay ka cararayaan inuu sannadka dambe si xor ah uga tago, kadib marka heshiiskoodu ka dhammaado.
Heshiiskaasi si rasmi ah u hirgeli maayo tan iyo inta Leeds xaqiijinayso cidda ay ku beddelayso jagada tabobare David O’Leary.