Haatuf, Cadadki 111, July 9, 2002 Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Hawgal Baadhis Ah Ku Tegay Goobtii Laga Dumiyay Dhismaha Ee Is-Goyska Idaacadda Hargeysa Hargeysa (Haatuf): Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay kormeer kedis ah ku tegey suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa, halkaas oo dadweyne gadoodsan ay sabtidii burburiyeen dhisme laga seesay isgoyska suuqa Idaacadda. Sidoo kalena ay ka jiraan cabashooyin soo noqnoqday oo ay ganacsatada suuqaasi kaga eedsheeganayaan maamulka dowladda hoose ee Hargeysa. Booqashada Madaxweyne-kuxigeenku waxa ay ka dambeysey, kadib Sabtidii aynu soo dhaafnay markii dadweynaha xaafadda iyo ganacsatada suuqa Idaacaddu ay ku waaberiisteen dhisme laga seesayo dhul yar oo ku yaalla is-goyska wadada hormarta suuqa Idaacadda oo hore loo dayrey iyadoo lagu tilmaamay Jardiino ama beer-nasasho, isla markaana ay si gadood ah u burburiyeen dhismihii halkaa ka socdey oo la bilaabay abbaaro 4:00 habeennimo. Dhismahaas oo la joojiyey markii dadweynuhu mid mid u qaateen dhagaxii iyo agabkii kale ee dhismaha si rasmi ah looma ogaan ciddii lahayd. Hase yeeshee, dadka suuqaasi waxay aamminsan yihiin in maayarka magaalada Hargeysa uu siiyey goobtaas sarkaal ka tirsan maamulka dowladda hoose. Isla markaana mayor-kuxigeenka koowaad ee magaalada Mr. Khaliil Ibraahim Xawaadle ayaa goor dambe tegey goobta, waxana uu amray in cagaf lagu xaaqo seeskii la burburiyey, isaga oo qiray in khalad dhacay, laakiin dib loo saxay. Dhinaca kalena, ilaa kontomeeyo qof ah oo ka mid ah ganacsatada yaryar ee Suuqa Idaacadda ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay banaanbax ay kaga cabanayeen amar dowladda hoose ku soo rogtey ganacsatada suuqaas ku tegey Aqalka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadaba. Dadkaas cabanayey waxay sheegeen in dowladda hoose ay ku amartay inay ka guuraan suuqaas haddii aanay bixin lacag dhan $1,300 qofkiiba oo ah qiimaha qolka ee guryaha dowladda hoose ka dhistay suuqaas, taas oo ay sheegeen in aanay awoodi karin. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay oo soo eegay goobtaas dhismaha la burburiyey iyo hawlaha kale ee ay dowladda hoose ka waddo suuqaas, isaga oo u kuurgelaya xaqiiqada halkaas ka jira. Madaxweyne-kuxigeenka oo koormeerkiisa kadib ay la kulmeen weriyayaal ka tirsan wargeyska Haatuf, waxa uu xusay in booqashadiisii shalay ay qayb ka tahay baadhis lagu samaynayo arrimaha suuqaasi ka aloosan. “Arrinta waannu baadhaynaa, ilaa aan ogaanno sida wax u jiraanna wax war ah ka bixin mayno,” ayuu yidhi mudane Axmed Yuusuf Yaasiin. Madaxweyne-kuxigeenka oo hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu hore kormeer u galaabixiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kaas oo dadweynuhu ay aad uga cawdaan adeeggiisa, tacaddi badanna ay ka tirsadeen dadka danyarta ah. Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Waa Kuma Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare? Hargeysa (Haatuf): Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku oggolaaday Guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Maxkamadda Sare ee Somaliland oo isla markaana ah maxkamadda Dastuurka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr. Siciid Faarax Axmed, waxa soo magacaabay Madaxweyne Rayaale horraantii bishii June, waxaana lagu ansixiyey sida dastuurku dhigayo fadhi wadajir ah oo ay labada Aqal ee Baarlamaanku ku yeesheen Xarunta Golaha Guurtida shalay. Fadhigaas oo uu guddoominayey guddoomiyaha Golaha Wakiillada mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) – iyadoo guddoomiyaha Guurtida oo sharci ahaan guddoomiya fadhiyada labada gole aanu kasoo qaybgelin sababo caafimaad darteed – waxa fadhiyey 122 mudane, waxaana oggolaaday in Garsoore Siciid Faarax Axmed uu noqdo guddoomiyaha Maxkamadda sare 117 mudane, iyadoo Afar (4) mudane ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aanu codayn. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida dastuurku dhigayo waxa soo magacaaba Madaxweynaha waxaana uu ku ansaxayaa cod aqlabiyad ah oo dhan 2/3 tirada labada gole ee baarlamaanka. Hay’adda Garsoorka oo sida dastuurku dhigayo ah awood saddexaad oo madax bannaan, taas oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha maxkamadda Sare ayaa ah meel cillad-bixi weydey tan iyo badhtamihii Sagaashanaadkii markii uu dhammaaday waqtiga dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay shirkii Boorame, waxana ay waaxdani ubac u ahayd khilaafkii ka dhex aloosnaa labada Waaxood ee kale ee Fulinta (Xukuumadda) iyo Sharci-dejinta (Baarlamaanka) iyo weliba is-mari waagii dowladda iyo mucaaridka ka dhex aloosnaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyey. Iyadoo maxkamadda sare oo isla markaana ah maxkamadda dastuurka lagu tilmaami jirey mid aan madax bannaanayn oo xukuumaddu danaheeda ku fushato. Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Cismaan Shunuu oo mar loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Golaha Wakiillada ka waayey codka ansixinta ayaa la ogyahay inuu muddo dheer ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare, uuna shaqaynayey iyadoo aan Baarlamaanku ansixin. Waxa kale oo jirtey in Madaxweynihii hore uu baabi’iyey xukun ay riddey Maxkamadda Sare. Guddoomiyaha cusub ee hadda loo magacaabay Maxkamadda Sare Gar. Siciid Faarax Axmed oo ah nin ku cusub xilkan iyo guud ahaanba saaxadda garsoorka dalka ayaan la saadaalin karin sida uu wax uga beddeli karo xaaladdaas. Hase yeeshee, waxa la tilmaami karaan marka la eego taariikh nololeedkiisa aqoon iyo waayo-aragnimo ee garsoorka iyo wacyiga dalka in aanu laftiisu lahayn miisaankii looga baahnaa buuxinta masuuliyaddaas muhiimka ah. Sida uu dhigayo qoraalka taariikhdiisa aqoon iyo waayo aragnimo (Curriculum Vitae) oo shalay fadhiga labada gole laga akhriyey ka hor intii aan codka loo qaadin, Gar. Siciid Faarax Axmed oo ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 1957-kii, waxa uu ka baxay Kulliyaddii Sharciyada ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee Muqdisho 1986-kii. Janaury 1987-kii ayuu ka hawlgalay Wasaaraddii Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee dowladdii Siyaad Barre, bil kadib, February 87 ayuu garsoore ka noqday Maxkamaddii Gobolka Banaadir, halkaas oo uu tababar ahaan (Practice) uga shaqaynayey ilaa dhammaadkii 87. April 1989 ilaa 1990 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. 1990 ilaa 1991 markii la ridey taliskii Siyaad Barre waxa uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag. 1995 ilaa 98 guddoomiyaha maxkamadda Degmada Badhan/Laasqoray. 1999 ilaa July 2001 waxa uu ahaa xubin ama garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Maamul-goboleedka Puntland ee Cabdillaahi Yuusuf. Sida CV-ga ka muuqata Gar.Siciid Faarax Axmed waxa uu Somaliland u soo wareegay kadib markii uu sii baahay khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay gobolkaas markii uu dhammaaday cahdigii Col.Cabdillaahi Yuusuf oo ku ekaa dhammaadkii June 2001, laakiin uu Baarlamaanku u sameeyey muddo kordhin muran ku jiro, khilaafkaas oo ay Maxkamadda Sare ee Puntland door weyn ka ciyaartay. Waxana uu Gar. Siciid ku hawlgalay Maxkamadda Sare ee Somaliland oo uu ka ahaa xubin ama garsoore aan buuxin laga soo bilaabo Septembar 17, 2001 ilaa markii loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka horraantii June.Berbera: Himilada GAVO Iyo Hawlaha Saaxil Ururka GAVO, oo ka mid ah ururada bulshada ee dhinaca samofalka, kana dhisan magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, ayna dhiseen dhallin-yaro is xilqaamay, si ay uga qaybqaataan hawlaha loogu adeegayo bulshada ku dhaqan gobolka ayaa ah ururka ugu wax-qabadka badan Berbera, bulshaduna ay dareentay. Ururka oo gacan ka hela qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah sida CIAD oo uu fadhigeedu yahay Nayroobi, iyo maamulka gobolka Saaxil. Hawlaha ururku qabto waxaa ka mid ah, cusbitaalka waalida ee Berbera, oo ah halkii ay ka soo bilaabeen wax-qabadkooda, waxaanay gacan ka geysteen daryeelka iyo daaweynta dadka waalan ee ku jira cusbitaalka. Sidoo kale, waxa ay ku caawiyeen cusbitaalka qalab ka qayb-qaata dejinta maskaxda dadka ay wax u dhiman yihiin sida Telefishano ay daawadaan iyo waxyaabo kale oo ay ku maararoobaan. Waxa kale oo uu ururku ka qaybqaataa hawlaha lagu nadiifinayo magaalada, iyaga oo qaada olololayaal qashinka lagaga gurayo suuqa iyo waddooyinka magaalada, kuwaas oo wax weyn ka tara bilicda magaalada Berbera. Sidoo kale, ururku waxa uu sameeyay xarun lagu tabobaro dhallinyarada oo la baro xirfadaha kala duwan, iyaga oo sidoo kale ka qaybqaata sare u qaadista aqoonta ardayda oo la siiyo waxbarasho kala duwan, sida luuqadaha, kumbuyuutarka iwm. Waxaa iyana dhawaan xadhiga laga jaray xarun cusub oo ay ugu talo-galeen in lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta suuqyada ku dayacan, kuwaas oo ay kafaalo-qaateen cuntadooda, hurdadooda iyo waxbarashadoodaba. Sidoo kale, waxa ay dhawaan tabobar u fureen dhallinyaro gaadhaysa 40, kuwaas oo baranaya xirfadaha kala duwan. Marka la isku soo duubana hawlaha uu ururka GAVO ka wado Berbera, waa mid tusaale u ah tubta lagu gaadhi karo horumar dhinac kasta ah oo ay bulshasduna aad u hadal-hayaan. Madaxda ururka GAVO, waxa ay u mahad-naqaan Guddoomiyaha gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadh-weyne), oo ay sheegeen inuu aad ugu gacan-siiyo hawlaha ay ka wadaan gobolka Saaxil. Mudane Ka Tirsan BaarlamaankaKeneda Oo Ku Soo Fool Leh SomalilandHargeysa (Haatuf): Mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenada oo magaciisa la yidhaahdo Jim Kargiannis ayaa damac-san inuu booqasho 5 maal-mood ah ku yimaado Somaliland, ka dib marka uu ogolaansho ka helo dawladda Somaliland, iyadoo ay xubno ka tirsan jaaliyadda Reer-Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenada hadda ku hawlan yihiin fariimo ay isaga gud-binayaa mudanahaa iyo baarlamaanka Somaliland si uu xidhiidh rasmi ahi u dhex-maro labada dhinac. Samsam Haybe Xirsi oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Kenada ayaa fariin ay shalay Isgaadhsiinta E.Mail-ka ugu soo gud-bisay Golaha Guurtida ku sheegtay inuu mudanahaasi ogolaansho booqashadiisa ku saabsan ka doonayo dawladda Somaliland, sidaa darteed waxay Samsam fariinteeda uu ay ku socod-siisay shirgudoonka aqalka odayaasha ku dal-baysaa in golayaasha dawladda Somaliland laga doonayo jawaab ku saabsan inay aq-balaan Socdaalka mudanahaa, isaga oo mudanahaasi doonaya inuu kulamo la yeesho golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadaba. Xog-hayaha guud ee Golaha Guurtida Cabdilaahi dheere oo aanu waydiinay inuu soo gaadhay warka ku saabsan mudanahaa ayaa sheegay cadeeyey inay fariintaasi timi, laakiin ay tahay mid hadda uun timi oo aan weli jawaab laga bixin, iyadoo uu xoghayuhu saadaaliyey in haddii ay booqasho uun tahay la siin doono jawaab lagu ogolaanayo booqashadiisa. Lama xusin wax ajandayaal ah oo uu mudanahaasi doonayo inuu kala hadlo dawladda Somaliland, laakiin waxa la filayaa inay ujeedadiisu tahay inuu ogaado xaaladaha ka jira, waxaase loo malaynayaa imaatinka uu mudanahaasi goostay inuu Somaliland yimaado inay ka shaqeeyeen jaaliyadaha Reer-Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenada. Tallaal Loo Helay Cudurka AIDS-Ka Barcelona (W. Wararka): Shirweynaha 14aad ee la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee hadda ka socda magaalada Barcelona ee dalka Spain ayay laba shirkadood oo Maraykan iyo Swizirland ahi ay ku soo bandhigeen taallaa loogu talo-galay inuu wax ka qabto faafitaanka Jeermiska HIV ee jidhka dhexdiisa, kaas oo lagu wado inuu suuqyada ganacsiga soo galo horraanta sannadka 2003. Cilmi-baadhayaasha ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid horumar u ah dedaalka loogu talo-galay in lagula dagaalamo cudurka AIDS-ka oo faro baas ku haya adduunyada. Shirkan oo ay ka qayb-qaadaynayaan aqoonyahano gaadhaya 14-kun oo isugu jira dhakhaatiir, cilmi-baadhayaal iyo dawo sameeyayaal, waxa uu qorshuhu yahay muddada toddobaadka ah ee uu shirku u socdo in ay soo bandhigan dawo qiimaheedu macquul yahay oo lagu daweeyo 40-malyuun oo qof oo uu ku jiro jeermiska HIV oo sababa cudurka AIDS-ka. Afrika ayaa ah halka ugu daran ee uu aafeeyay cudurka AIDS-ku, iyadoo la sheegay in laga helayo 28-malyuun oo qof oo sida jeermiska HIV, taas oo ah 30% dadka sida HIV adduunyada, taas oo ay sabab u tahay faqriga iyo dib-u-dhaca haysta Afrika. Midowga Cusub Ee Afrika Oo Dhaqan-Galay Durban (W. Wararka): Hogaamiyayaasha dalalka Afrika, ayaa ku sugan magaalada Durban ee Koonfur Afrika, waxaanay halkaa kaga dhawaaqayaan Isbahaysiga cusub ee Afrika oo lagu magacaabo Midowga Afrika “African Union” (AU). Ururkan cusubi wuxuu isku dayi doonaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha, isaga oo beddeli doonna ururkii OAU oo isaga ujeedadii loo abuuray ahayd la dagaalanka gumeysiga iyo midabtakoorka. Ururkan cusub ee Midowga Afrika, waxaa lagu wadaa inuu awood u yeesho fara-gelinta dal ka mid ah xubnaha 53-dal ee ay ka dhacayaan xasuuq. Golaha Midowga Afrika u qaabilsanaan doonna Afrika oo shan dal xubno ka noqonayaan, ayaa waxaa qaaradda loo qaybiyay 5 Gobol oo kala ah; Koonfur Afrika, Galbeedka Afrika, Waqooyiga Afrika iyo Badhtamaha Afrika, iyadoo gobol walba uu dal ka galayo, warku wuxuu intaa ku daray inuu tartan ka jiro wadamada Bariga Afrika (Itoobiya, Kiiniya iyo Ugaandha) cidii qaadan lahayd xubinta bariga Afrika, tartan kaas la mid ah ayaa isna ka jira wadamada Waqooyinga Afrika. US $ 350,000 Oo Lagu Furtay Markab Lagu Af-Duubay Puntland Markab kuwa xamuulka qaada ah oo ay dabley ku af-duubeen toddobaad ka hor xeebta Eyl ee Puntland, ayaa la sii daayay, kadib markii lacag madax-furasho ah oo dhan $350,000 oo doollar laga bixiyay sii dayntiisa. Warar xog-ogaal oo arrintaa la xidhiidha, waxa ay sheegeen in lacagtaa laga soo shubay dalka Maraykanka uuna bixiyay Mulkiilihii Markabkaas lahaa oo u dhashay Maraykan la yidhaa Paule. Warku wuxuu intaa ku daray in lacagtaa Madax-furashada ahi la geeyay magaalada Boosaaso, kadibna markabka laga soo daayay magaalada Eyl oo uu yimid Boosaaso. Markabkani wuxuu siday 1200ton oo isugu jira raashin, dhar, dawo iyo taayirada baabuurta, wuxuuna ku socday dekedaha Kismaayo iyo Ceel Macaan. Markabkan waxaa iska leh nin dhalashadiisu tahay Maraykan, laakiin wuxuu u kiraysnaa nin Soomaaliya oo ganacsade ah, magaciisana la yidhaa Axmed Muuse (Al-Aamin). RAADYOW MA QALOOCSHEHalkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha dhaadheer ee kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq badiska ah. Dhegaystayaashayada dhegaha yuub-yuubanow eegga ku soo durka war iyo wacaal wixii caro-edeg naga soo gaadhay oo aanu damacsanahay inaanu si xarago leh idiin huluuqsiino, waxaana maalinkan maanta ah idinku bakiisi doono weriye Dhako maydhax. Warkii oo kam-dhuudhaShanka roonland: Jamhuuriyadda shanka-roon land ayaa doonaysa inay dib ansixiso laba marduuf oo ka mid ah wasiiradeeda,ka dib markii ay magacaabidii horena ka engegtay, ansixin dambena aan lagu deyin. Marduufyadan wasiirada ah oo la sheegay inuu marxuumkii geeriyooday kolay meel yaal ka naqaystay muddo hore, balse aanu baarlamaanku ookayda saarin ayey xil-dhibaanada qaarkood raadyow maqaloocshe u sheegeen inay wasiiradaasi haatan baarixi noqdeen oo aanay fujaan qaxwe ah goynayn. Madaxyuubka shanka roonland oo aan ilaa iyo maalinkan maanta ah kolayada wax wasiiro ah ka naqaysan, balse waxa uu ku hayl-haylay gar-walayaashii maxkamadaha oo uu kala kulmay ku qancid badan iyo qoan-simaad yar. Afrika: Wadamada Afrikada madow ayaa ansixiyey naanays cusub oo ay isku magacaabeen, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisiyeen magacii hore ee la odhan jirey OO, AA, YUU, waxayna iskood isugu baxsheen Afrikaan Istaad. Shir ka dhacay magaalada Darisbaag ee qadaadka Afrika ayaa la sheegay inay labadaa magac xilka kula wareegeen, waxaana uu magaca cusubi xilka kaga tirsaday magaca hore laba iyo konton jilib oo reer caro edeg ah. Magacan la duco qabeeyey oo uu aynigiisu ahaa dhawr iyo soddon jir waxa lagu yidhi “ duco qabe magacu waa meerto”. Magacan hore oo ahaa NGO waa hore la sameeyey ayaa mudadii uu jirey aan waxar xadhaadhay ceel ka bixin, waxaana uu ku koobnaa oo keliya sheegista saddexdiisa magac ee la soo gaabiyey, laakiin magacan cusub oo la sheegay in Maraykanka laga soo waariday waxa lebiskaa laga soo eegtay sida ay Urubiyan istaylka ay wadamada uray samaysteen. Naanaystan oo la sheegay inay yeelan doonto maxkamad nacasyada qabqabata iyo farsamooyin shaari-shaarinimo ku jirto. Nafaqada ururkan oo maraykanka laga tuugayo wixii ka soo baaqi noqda argagixisada. Ragga urukan sheedda ka arkaaya ayaa xirfad la isugu salaxay raga wax gumaysta iyo weel cusub oo loo samaystay shaxaadka ay baxshaan wadamada kibray ee caantaymada badan kiishadda ku haysta oo afrikaanka u isticmaala calaamadda gaajada,iyaga oo u haysta inay gaajo la madow yihiin, taas oo ay yidhaahdaan inaynu u qoondayno lacag ay isku cadeeyaan. Habar reer Kenada ah oo la waydiiyey fakhrigu midabka uu ee uu egyahay ayaa tidhi “ It is black, because I seen African puoblis”. Wadamada naanaysta cusub lebistay inkasta oo aanay shanka roontu ka mid ahayn sida uu sheegay afyuub u hadlay oo yidhi “ anagu waxaanu xubin muhim ah ka nahay wadamada la yidhaahdo hor Illaahay istaylis. Wadamada Afrika oo ah qaarad gadh iyo gafuurba leh ayaa la sheegay in shan gobol oo cusub loo qaybsaday, shantaas gobolna waxa laga iibshay oo laga faasaxay ururka la yidhaahdo ururka gobolada beeshanka inkasta oo aan la ogayn qiimaha la siistay, laakiin eegadan waxa naadada xaraashka lagu sheegayaa caro Yurub iyo beri-maraykan. Wararkii oo xuurar ahBerbera: Tuulada Berbera oo ahayd tuulada ugu caqiibo roon tuulooyinka Shan ka roonta ayaa waayadan dambe dayradu ku badan tahay, waxaana la sheegay in dadkiina bahal samad ah oo kululi jiidhkii iyo jibaadhkiiba ka siibtay, dergadihii dadku hadhsan jireyna inta xar galay ay haatan dacal-basar yihiin, waxayna habar raadyowga u warantay sheegtay inuu kash-kaashku meel walba buuxiyey. Baydhaba: Tuulo aanan anigu aqoon, balse la sheegay inay meel fog ku taal oo la yidhaahdo Baydhawa ayaa la sheegay inay dharaar dhoway kow iyo kax iskaga siiyeen niman aan haybtooda kari waayey, laakiin aan raggii ka waramayey ereyadooda ka gartay dug iyo maydhaf, waxaanan khadka fooniyaha ka maqlayey “ Maay, aay ku daaree, aadaale..aadaale”. Hargeysa: Madaxyuub ku xigaha shan ka Roonland ayaa dharaartii ina dhaaftay dhabaabaco ku tegey isgoys dhowaan jidgooyo lagu dhistay, balse kuwii dhabacashada ku dhisayey ay cagaha wax ka dayeen, kadib markii ay dad ka xaraysan shuqul-xumada dawladda hoose ku soo cabaadeen, waxayna habar raadyowga uga soo waranta daarta agteeda la isku galay sheegtay inuu madaxyuub ku xigeenku yidhi “ Weli wax eeg-eeg baa noo socda, balse marka wax eeg-eeggu noo dhamaado ayaanu wixii war ah idin huluuqsiin doonaa ee bilays naga raali ahaad”, laakiin warar meelo aan la aqoonsan ka duul-duulay ayaa sheegay inuu madaxyuub xigeenku kabjarta ka dhigi doono Cidii ay wax basar-xumo ahi ku cadaato. Dhegaystayaal warku halkaa sii joogo oo yaan laynaga dhaqaajin, iminkana waxaan u yara gacan baxayaa oo aanu rag isku farasaaray ee iga dhura. Geeraar aan dhoobo walaaqay, dhab-dhaboon isu geeyey, marna dhiidhi ku tuuray, haddana aan dhal-dhalaashey, dhuftay oo iga yaacay, haddana aan dhabac gaaday, isaga oo dhukusaaya, dhabarkaa xun halleelay, dhadhankiisa macaan, car ma kaa dhergiyaa. Afartaa ma gammuuray, ma gal-gaal darayeeyey, sidii geel hadhi-waayey, garow uu boob ku caseeyey, af-gaajaysan ku qaaday, gawsas waallan ku laayey, gashadoo canka jiifshey, kol hadaan gabay maago, wuxuun baan gembiyaaye, bal gigtayda dhegayso, gab-gab maayar is-qaatay, goolaaftankii la abraaray, wuxu geystay la sheegay, gar-garooca baloodhkiyo, guryo suuqa dhexdiisiyo, markuu gaade damcaayo, dilaal gaabtay la moodo, Alla gaadi ogaa ma ninkii guray baa. Afartaa ma gammuuray ma gal-gaal darayeeyey, bal gariirkan dhegayso, ged-yaqaanba ka waacye, dunidaa giblo maaggan, galbeed baa bari doonay, guluf baa ka aloosan, gabanaa hirdamaaya, gar-na daw ma cilleeyo, geesi hiil ma awoodo, habaar daalin ma gaadho, gafanaa dhalac-yeeyey, nin gafuur ka qaniinay, nin goosay wadnaha, nin gantaal ku ridyoo, nin-na gooja amaar, ni-na ciilka ku gaaxi, nin-na gaajo ku faafi, anna ways guraynaa. BADHEEDHAHA WARGEYSKAHogaan Cusub Iyo Hab-Dhaqan Cusub Subax-nimadii shalay oo ahayd maalin Isniin ah madaxweyne-kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa cagihiisa ku tegey goob sabtidii doraad laga dumiyey dhisme laga seesay oo ku taal duleedka dhinaca koonfur-galbeed ee dhisamaha Xarunta wasaaradda warfaafinta ( Ex-Raadyow Hargeys ), ka dib markii ay dadweyne gadoodsani dhismahaa burburiyeen, iyadoo ay dadweynahaa gadooday subaxnimadii isla sabtida ku waabariisteen dhisme ka socda bog-cad is-goys ah oo ay saddex waddo ku kulmaan, halkaas oo ah goob dan guud ah oo ay hore uga dhisnayd kaabad wareegsani. Dhcdadaa oo subaxnimadii maalintaa ka dambaysay ee Axadda ay jaraa.idku wax ka qoreen ayuu madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ku tegay booqasho hawleed, waxayna imaatinka uu madaxweyne-kuxigeenku tegay goob in muran ka taagan yahay lagu war helay maalin ka hor maalinta uu meesha tagey muujinaysaa dedaal iyo firfircooni,iyadoo ay taasi u egtahay hab-dhaqan cusub oo ku soo kordhay hogaanka Somaliland, sidaa darteedna waxay talaabada madaxweyne-kuxigeenku muujinaysaa inuu hogaanka sare ee dalku ku go’aan qaatay xogtii uu helay,isla markaan uu daneeyey wax ka qabashada ama ugu yaraan ka war helidda meel dhibi ka jirto ama ka dhacday, wayna kala duwan tahay masuulka marka arin looga waramo iyo marka uu waxa dhacay ama jira indhihiisa ku soo arko, taas oo sida uu u waajahayo ama uga go’aan qaadanayaa ay tahay mid xaqiiq biyo kama dhacdo ah ku fadhida, Socdaal hawleedka uu madaxweyne-kuxigeenku ku tegay goobta dhismaha laga dumiyey waxa kale oo,iyaduna ka sii horaysay tiroba laba goor oo uu madaxweyne-kuxigeenku ku tagey cusbataalka guud ee Hargeysa oo ah goob hal-bawle u ah adeegyada caafimaad ee magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, laakiin ay dayradiisa adeeg aad u badan tahay, iyadoo ay dad badan yididiilo gelisay inay hogaanka sare ee dalku indhahooda ku arkaan duruufta liidata ee uu ku sugan yahay cusbataalka guud Hargeysa. Arinta kale ee xusidda mudani waxay tahay talaabadii uu hogaanka sare ka qaaday dhinaca maxkamadaha, iyadoo garsoorayaal cusub loo magacaabay maxkamadaha dalka oo ahaa meelaha ugu cabashada badan, waxaana la dheegay in garsoorayaasha cusub loo soo xulay si hufan oo la xidhiidha tuhun aqooneed oo loo qabey oo keliya, taasina gabalka u ridaysaa qaacidadii ahayd marka masuul la bedelayo ha lagu bedelo nin ay isku beel yihiin, iyadoo halkaa lagaga tegay dhinacyo badan oo muhim ah oo ay tahay in la tixgeliyo marka masuul meel loo magacaabayo. Inkasta oo aanay ujeedadu ahayn inay madaxweynaha Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin goobkasta oo wax ka dhacaan ama dhibaato laga soo sheego cagahooda ku taagan, haddana mararka qaarkood marka ay soo if baxaan dhacdooyin ama arimo ay dadka iyo maamulayaasha kala duwan ee dawladdu way fiican tahay talaabadaas oo kale, sida dhacdadii sabtidii oo kale oo ay iskaga horyimaadeen dadka iyo maamulayaashi dawladda hoose ee suurta geliyey in la dhiso meeshaa oo ay muhim tahay in la helo sida wax u jiraan iyo wixii turxaan ama qaladaad la galay, ka dibna uu hogaanka sare talaabo mudan ka qaado. Marka la soo koobo waxa uu camalka noocaas ahi u muuqdaa hab-dhaqan cusub oo ay soo kordhiyeen hogaanka cusubi, kaas oo hadii ay najiisadiisu wax ku ool noqoto, lagu tilmaami karo dareen wax qabad oo yididiilo leh, waxay se qiimaynta kama dambaysta ahi ku xidhnaan doontaa mustaqbalka dhow iyo sida ay labadan oday arrimaha uga jawaabaan, laakiin aynu qormadeenan ku soo afjarno hogaan cusub iyo hab-dhaqan.Kudkii Kabaha Loo Tolay Siciid I. Guraase – Q: 3aad Tallaabooyinkii indho-sarcaadka ahaa ee uu Siyaad Barre qaadayna, waxaa ka mid ahaa isaga oo sheegay in la aasayo qabyaaladdii, iyadoo waxyaabo lagu sheegay qabyaaladdii la aasay 1970-kii. Nasiib-darraduse waxay ahayd, Siyaad Barre oo isagu hoosta ku haystay Qabyaaladiisii, dadka kalena doonay in ay aasaan. Inkasta oo markii hore ay dadka badankoodu rumaysteen, daacadna ay ka moodeen Siyaad Barre, haddana waxay arrimuhu isku cayn iyo bayd go’een markii ay qabyaaladii ka timid dhinicii Siyaad Barre iyo Maamulkiisii, taasi waxa ay soo shaac baxday markii si isir-raac ah loo xasuuqay Qabaa’il iyo beelo gaar ah. Tani waxa ay soo noolaysay qabyaaladii oo udbaheedii iyo dhigaheedii wadata, kadib markii ay dadku ka gadoodeen tacadigii iyo cadaadiskii lagu hayay, taana waxa uu Siyaad Barre kaga jawaabay inuu colaad ka dhex huriyo beelihii iyo reerihii wada degganaa, isagoo ku dhaqmayay siyaasad ah (Qaybi oo Xukun). Kala-qaybintii noocaa ahayd ee uu ku dhaqmayay Siyaad Barre, waxa ay qabyaaladii gaadhsiisay heer aanay waligeed gaadhin, kadib markii ay kala dhaqaaqeen dadkii ehelka ahaa ee wada-dhashay, hubkan ay isku qaateen. 6. Marxaladii Halganka Sida aynu soo sheegnay Siyaad Barre, waxa uu ku dhaqmayay siyaasad ah qaybi oo xukun, isaga oo marba seeftiisii saawirta ahayd qolo la dul baxayay, dhinaca kalena waxa uu isku taxalujiyay inuu soo jiito kolba beelaha aan ahayn ta uu u dan leeyahay. Tani waxa ay keentay markii halganka lagula jiray Taliskiisii in ay iska horyimaadaan beelihii iyo dadkii wada-deggenaa, iyadoo uu halganku kolba reer ku ekaa, inta kalena uu Siyaad Barre sawir khaldan ka siiyay, si aanay halganka ugu biirin isagana ugu adeegaan. Mushkiladdani waxa ay ahayd, caqabadihii ugu adkaa ee soo waajahay halgankii ay ku jireen Jabhadihii xaq-u-dirirka ahaa. Taasina waxa ay khasab ka dhigtay in ay jabhadihii yeeshaan sawir beeleed, kolba beeshii mucaarid noqonaysaana ay samaysato magac cusub, halkii ay ka ahayd in meel la isugu tago, lana mideeyo cudidihii halganka, balse taa waxa suurto-galin waayay duruuftii aynu soo sheegnay. 7. Marxaladii Xorreynta Markii la soo gaadhay marxaladii Xukunka laga tuuray Nidaamkii Siyaad Barre, xaaladdu waxay u qaybsantay laba qaybood oo kala duwan, kadib markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 18-kii May 1991-kii iyo qaybtii Koonfureed ama Soomaaliya oo dhinac ah. Haddii aynu ku horreyno dhinaca Somaliland, waxa ka bilaabmay dedaal ku saabsan in xal loo helo colaadihii iyo uur-xumadii uu taliskii Siyaad Barre kala dhex dhigay dadka reer Somaliland, taas oo markiiba keentay natiijo dhaxal-gal ah, kadib markii ay beelaha Somaliland isugu yimaadeen shirweyne magaalada Burco, kaas oo ay isku saamaxeen beelaha reer Somaliland, ayna ku heshiiyeen in ay la soo noqdaan madaxbannaanidoodii marin habowday. Balse tallaabadani may soo afjarin caabuqii iyo utuntii laga dhaxlay taliskii macangaga ahaa iyo halgankii qadhaadhaa ee lala galay. Mushkiladdan markan taagand timi waxay ahayd mid ka dhalatay habkii maamulka loo qaybsan lahaa iyo sidii loo midayn lahaa ciidamadii SNM ee horseeday halgankii lagu xorreeyay Somaliland. Taasina waxay keentay dhibaatooyin muddo soo jiitamay, balse markii dambe xal loo helay kadib markii la qabtay dhawr shir oo turxaan bixin iyo dib u heshisiin ah, halka ay xaaladdu ka sii dartay dhinaca Soomaaliya oo ay dagaalo iyo gumaad iskala horyimaadeen, Qabaa’ilka iyo beelaha wada-deggeni, taas oo ilaa hadda socota, maaraynteeduna ay adkaatay. Xididdada Qabyaaladda Marka aynu ka nimaadno marxaladihii ay soo martay Qabyaaladu waxaa iyana jira xididdo ay leedahay qabyaaladdu oo ka dhigay inay ilaa maanta ku beerantahay bulshadda markastana ay xaraarradeeddu sii kacayso xididdadaana waxaa ka mid ah: 1-Deegaanka iyo Nolosha Duruufaha adag ee ay ku noolaayeen bulshada Soomaalidu markii la ahaa Reer guuraaga, haatana ay ku nool yihiin dadka Reer miyiga ahi oo ah kuwa ugu badan bulshadda Soomaalida, iyadoo markii ay jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya lagu qiyaasi jiray 75% dadka Reer miyiga ah haatana marka la qiyaasayo Somaliland lagu qiyaaso 55-60% ayaa ka dhigay qabyaaladda inay xididdadu usii aasnaadaan maadaama ay duruufta adagi qasbayso dadka inay isbahaystaan si ay xoolahoodda iyo dhul biyo leh oo ay ka cabaan, taasoo mararka qaarkood ay ka curtaan colaado iyo dagaalo dhexmara beelaha wada degan markaasoo ay qabyaaladdu cirka isku shareerto magaalooyinkana waxaa markasta saamayn ku leh duruufta ka taagan. Marka taa laga yimaadaana, duruufta nolosha ee adag ayaa khasba inay shaqo halista, iscaawinta iyo shaxaadkuba ay inta badan ku xidhan yihiin sida qaraabo ahaan la isugu dhaw yahay ama la isku xigo. Tani waxa ay qofka ka dhigtaa inuu had iyo jeer ku xidhnaado dhinaca nolosha iyo taladaba. Arrintan oo meesha ka bixi lahayd haddii lagu shaqeeyo hore umarka dalka miyi iyo magaalaba iyadoo la abuurayo goobo shaqo iyo adeegyada bulshadda dhulka miyiga ahna lagu hirgaliyo mashaariic dhinaca biyaha Daaqa iyo beerahaba la xidhiidha La soco Talaalka Cudurada Iyo Shareecada Islaamka Siciid I. Guraase – Q: 2aad Waxa ugu weyn ee marka shareecada Islaamka la eego lagu doodo waxa ka mid ah inuu tallaalku yahay qadarkii Ilaahay oo laga soo horjeedo, uuna ka hor imanayo Arkaanul Iimaanka oo ay ku ku jirto in la rumeeyo qadarka Ilaahay. Waa run inuu Qadarku ku jiro Arkaanta Iimaanka ee ay tahay inla rumeeyo, laakiin waxaa loo baahan yahay in la fahmo Qadarka iyo macnihiisa iyo waxa hor imanaya. Qadarku waa wixii uu Ilaahay gartay inay dhacaan khayr iyo sharba, dhibaato iyo wanaagba, kuwaasoo ay tahay in la rumeeyo loona hogaansamo iyadoo raali laga yahay wuxuu Ilaahay Qadaray inay dhacaan. Taasoo aanay adoomuhu awood u lahayn inay baajiyaan balse waxaa kala duwan Qadarka iyo inay dadku sameeyaan wixii ay isku badbaadinayaan si ay dhibaato uga nabad galaan. Tusaale ahaan waxa ay dadku dadaal u sameeyaan inay naftooda badbaadiyaan sidaasaa aqalada loo dhistaa, gaadiidka loo raacaa, shaqada loogu kalahaa, dawadda loo cunaa iyadoo aanay taa macnaheedu ahayn in la baajin karayo Qadarka Ilaahay. Nin baa Rasuulka N.N.K.A. u yimid isaga oo uu ku yidhi “ Rasuulkii Ilaahayaw, awrkayga miyaan xidhaa mise Ilaahay baan talo saartaa oo waan iska sii daayaa” Rasuulku waxa uu ugu jawaabay “maya ee awrkaaga xidh, ka dibna Ilaahay talo saaro” taasoo macneheedu yahay marka aad awrkaaga xdhato wixii ku yimaadda ayaa Qadar ah, balse haddii aanad marka horeba adigu xidhin waad dayacday nin kale ayaa Rasuulka waydiiyay shaqo taga waxanu u sheegay inuu faashkiisa qaato oo uu subaxii kalaho, isaga oo Ilaahayna talo saaranaya. Sidaa darteed Diintu may odhan hala iska fadhiyo oo Qadarka hala sugo ee waxay tidhi hala dedaalo wixii awooda ka baxsan hala garto inuu Qadarka yahay hana loo hogaansamo. Balse waxaa danbi ah haddii aad Rumaysnaato in aad qadarka kaga badbaadayso wax aad samayso tusaale ahaan haddii aad rumaysnaato inay dawladdu kaa badbaadinayso xanuun laguu qadaray waa dambi balse waa inaad rumaysnaato inay dawladdu ku bogsiinayso haddii uu Ilaahay kugu caafimaadinayo, adiga oo baryaya. Tallaalkuna waa sidaas oo kale waa taxadar iyo feejignaan si ay uga badbaadaan cuduraradda, taas oo aanu macnaheedu ahayn in laga hortagi karo wixii uu Ilaahay Qadaray. Sidaas darteed waa in aanu Tallaalku ka soo horjeedin Diinta Islaamka ee uu yahay mid ku banaan isaga iyo wixii dan u ah dadkaba. Balse waxaa shardi ah in uu tallaalku yahay mid la hubo waxtarkiisa, iyo inaanu dhibaato u lahayn dadka, masuuliyadaana waxa leh dhakhaatiirta u cilmiga leh dawadda, kuwaasoo iyaguna caddeeyay inay daawooyinka wax lagu talaalo iyo qalabkuba yihiin qaar lagu kalsoon yahay oo wax tar u leh dadka. Waxaa kale oo uu xilka saaran yahay dawladda, gaar ahaana wasaaradda caafimaadka inay hubiyaan tallaalka iyo cidda wadaba. Markaa shardigaa la helo tallaalku wuxuu noqonayaa mid ku banaan shareecadda Islaamka. Dhammaad. DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA Cumar Daahir Cumar Nabaad-Guurka Ay Dabayshu Keento Dhaq-dhaqaaqa ciida ee uu socodka dabayshu sameeyaa ma dhaco marka ayna ciidu qalalayn ee ay rays ama roob ku da’ay. Nabaad-guurka ka dhasha socodka dabaysha ee ka dhaca dhulka loo yaqaan kulaalayaasha (Tropics), waxa uu si toosa saamayn ugu leeyahay dhul ay roob la’aantu ku dhacdo xilliyada isku xiga ee loo yaqaan (Arid) ama lama-degaan ku xigeenka (semi Arid). Nabaad-guurka noocan ahi, haddii uu ku bilowdo meel, wuxuu muddo yar gudaheed ku ba’abin karaa caro-san fara badan oo wax-tar u lahayd degaanka, iyada oo dabayshu qaadayso carrada sare. Marka uu kordho xawaaraha ay ku socoto dabayshu, waxaa kordha awooda iyo baaxada carada ee ay qaadayso dabayshu. Haddii aanu dhulku sinayn oo uu leeyahay moosas ama jeex-jeexyo gudban oo ku dadban jihada ay dabayshu u socoto, waxaa suurtogal ah in waxyeelada ama nabaad-guurka ay dabayshu keenaysaa u ka yaraado kan ay u keenayso dhulka siman ee aan lahayn wax waabiya dabaysha. Quruuruxa ay ka kooban tahay ciidu, haddii uu qiyaastiisu ka weyn yahay (1mm), marka la eego dhex-roorkiisa, wuxuu adkaysi u leeyahay inuu iska caabiyo oo aanay qaadi karin dabayshu. Laakiin quruuruxa ciida ee ka yar qiyaasta hore waxaa qaadi karta dabaysha ku socota xawaare ku filan oo ay ku qaadi karto ciida. Arrimaha saamaynta ku leh in ay ciidaas ku dhici karto nabaad-guur ay sababtay dabayshu iyo inkale, waxaa ka mid ah; dhumucda nooca quruuraxa ee ay ciidaasi ka koobantahay (texture), kolba qaddarka nafaqada dabiiciga ah ee ay ciidaasi ka kooban tahay (organic matter), macdanta kaalashiyam karbonayt kolba inta ku jirta caradaa (Calcium carbonate) iyo farsamooyinka loo caro rogi jiray carradaas. Marka quruuruxa caradaasi ka kooban tahay ay ku yar yihiin nooca carooyinka dhoobada ah iyo caro-madowda oo keena inay caradu yeelato isku cufnaan aanay dabayshu qaadi karin, markaa carada ay ku yar yihiin waxaa fudud inay dabayshu qaado. Si looga hortago nabaad-guurka ay keento dabayshu, waxaa la qaadayaa tallaabo wal oo kordhinaysa kaydka biyaha ah ee ku kaydsamaya ciida, si ay u yeelato caradu rays muddo dheer. Dhulka oo loo sameeyo hakadyo ay dabaysha xawaaraheedu ku yaraado sida moosas ama dhir dhaadheer oo lagu beero muska beerta, dhirtaas oo isku dhow-dhow, baaq-baaqa oo beerta la baaq-baaqo xilliga ku habboon inta aanay jeex-jeexyada ku samayma beertu fursad u helin inay dib u uumi-saaraan biyaha galay ciida, iyana waa wax-tar keydinaysa qoyaanka ciida ku jira oo dawo ka ah nabaad-guurkan dabaysha. Qodaalka beeraha oo la sameeyo si dhakhso ah roobka kadib, ayaa gacan ka geysan karta kahortaga nabaad-guurka dabaysha. Beerta oo aan la banayn oo mar walba ay ku yaalaan dalag, doog, ama geed ayaa ah farsamo yaranaysa nabaad-guurka dabaysha. Guud ahaan, waxaa la isku raacay in beerista dhirta dhaadheer ee kala dambaysa ee ku xeeran beerta loona yaqaan (Windbreak), ay tahay farsamada ugu faa’iidada badans ee lagula dagaalamo nabaad-guurka ay dabayshu keento iyo weliba dhirayn faa’iido degaan leh. Ilaalinta Degaanku Waa U Dan Naftaada Iyo Nolashaada Hawsha daryeelka degaanka ee lagu daryeelayo degaanka aynu ku nool nahay oo ah saddexda ugu muhiimsan nolasheena, sameeyana qaabka wanaagsan ee nolosha aynu ku nool nahay oo kala ah; biyaha, hawada iyo dhulka. Sida aad loo wada aqoonsan yahay, nooluhu kama maarmo biyo, markaa ilaalinta degaanka ee biyuhu waa, iyada oo laga ilaaliyo wax alle wixii wax-yeelo u geysan kara nadaafada biyaha ay dad iyo duunyaba cabaan, si noloshoodu u noqoto mid caafimaad qabta. Taasi waxay muujinaysaa inaan nolushu ka maarmin biyo, sidaa daraadeed, waxaa haboon inaanu qofku ka qayb-qaadan ficil keenaya in ay wasakhoobaan biyo wax-tar u leh noolaha. Arrintan waxaa ka mid noqonaya, inaad ka ilaaliso goobaha ay biyuhu ku kaydsamaan sida Ballayada inaad ku maydhato dhexdooda ama ku darto oo aad ku saydhiso hadhaa wasakheed, adigoo markaa u arkaya in aanad adigu ka cabin goobtaa, laakiin waxaa jira dad iyo xoolo iyagu ka caba goobahaas, markaa ka fikir sida adiga oo la wasakheeyay ilaha biyaha aad cabto. Tan labaad, waa la ogyahay in aynu bacda u isticmaalo weel ahaan mudd gaaban, laakiin xabadii bac ah ee aad iibsato, kadibna aanad u farsamayn qaab ayna degaanka waxyeelo ugu geysan oo aad iska tuurto, ogow waxaad qayb ka qaadatay ficil waxyeelo degaan, waayo bacdu waxay waxyeelo u leedahay xoolaha, ciida, dhirta iyo weliba marka ay tiro badan ku habsadaan laamaha geedaha oo ay qariyaan midabkii caleemaha iyo geedaha ee indhaha u wanaagsanaa. Dhinaca kale, hawada oo aan la ilaalin oo ay ku yaraato ogsijiintu marka ay ku bataan gubashooyinka saliidaha ay Batrool, naaftada, gaasta iyo weliba dhuxushas la shidayaa ku badato waa mid keenaysa caafimaad-darro ka dhalata hawada ay ku yaraatay ogsijiintu. Dulucda qoraalkani wuxuu yahay, marka aad ka qaybqaadato ficil waxyeelo u leh degaanka adiga oo markaa arkaya inaanu saamayn ku keenayn caafimaadka noloshaada ama waxyeeladaasi aanay adiga ku taaban doonin, waa arrin muujinaysa inaan qofku fahmin sida ay u hirgeli karto barnaamij guud oo lagu ilaalinayo degaanka oo u baahan in qof walba, qoys walba, bulsho kasta, degmo, gobol, qaran, dhammaan isku si loogu hawlgalo; ilaalinta, daryeelka, horumarinta degaanka oo ah dan guud oo dadka ka wada dhaxaysa. Arrimahan aynu xusnay awgeed, waxaa la odhan karaa, maadaama uu degaanku yahay halka ay nolosha dadkau ku tiirsan tahay, halka daryeelkeedu ka turjumayo caafimaadka dadka ku nool, markaa runtu sow maaha “Ilaalinta Degaanku waa u dan naftaada iyo noloshaada.” Garan-Waaga Goormaa La Garan? Geedka Garan-waaga oo beryahan dambe aad caan ugu noqday dalka ayaa ah mid ay weli fogtahay in faa’iidadiisa la fahma. Dhibaatooyinkiisa la sheego ay waxa ka mid ah in meesha uu ka baxo aanay wax kale ka bixin, isaga oon xooluhu daaqin iyo qodaxdiisa oo ay dadka qaar yidhaahdaan “Teetano” ayay jidhka aadamaha ku dhalisaa. Haddaba, qormadan waxaynu isku dayaynaa inaynu daaha ka qaadno xaqiiqada la xidhiidha geedka. Ugu horrayn, halka la yidhi ‘Garan-waa’ wuxuu noqon doonaa geedka ugu caansan dhirta dalka ku taal. Haddaan tusaale yar soo qaato, maalin aan sii fogeyn ayan caruurtayda magaalada Hargeysa dibeda uga saaray, anigoo uga jeeday inay quruxda gu’ga soo daawadaan, soona bartaan dhirta. Markaanu meel dhexe marayno, ayaan idhi… anoo kolba geed farta ku fiiqaya; “Aabo geedkaas ma garanaysaan?” maya! Kaana maya! Kaasna maya! Dhirta aan tilmaamayay waxay ahaayeen, galoolkii, qudhacii, dhafaruurtii, cadaadii iwm. Ugu dambayntii ayaan arkay geed Garan-waa ah, markaasaan idhi; “Bal kana garta?” mar keliya ayay caruurtii dhammaantood wada yidhaahdeen waa Garan-waa! Waxa isu key qaban waayay magaca geedka iyo sida uu ilmihii shan jirka ahaa u gartay. Geedkan waxaa loo yaqaanaa inaanu lahayn wax dheef ah, waxase tijaabooyin lagaga qaaday gobolka Texas ee cariga Maraykanka, iyada oo ay cunto lo’du dhaameelkiisa oo aad u nafaqo badan. Nin reer-miyi ah oo ku nool Dabada-cadaada ee duleedka bari ee Hargeysa, wuxuu ii sheegay in reerkiisu dakhli joogto ah ka helo ulaha Garan-waaga oo uu u soo iib-geeyo Hargeysa. Wuxuu kaloo tilmaamay inuu geedku leeyahay …waa siduu u dhigaye… “jiilaal-bax”, taas oo ay xayntiisa yari si fiican uga soo doogato xiliga abaarta. Iyada oo ay cunaan dhaameelka Garan-waaga iyo caleenta dhacda. Waxa kale oo uu sheegay in laamihiisa oo sarab noqda laga sameeyo ulaha xaragada (bakooradaha). Haddii aynu u soo noqono magaalooyinka gudahooda, iyada oo ay beryahan dambe aanay fududayn beerista dhirta la hadhsadaa, sababo la xidhiidha tiradii xoolaha magaalada o kordhay iyo dhaq-dhaqaaqii dadka iyo baaabuurta, ayaa uu geedka garan-waagu noqday geed is-koris ah oo ku bixi kara durufuha deegaan ee ugu adag. Waxa dhacday mar aanu dhowaan dhir ku qaybinay xaafada Maxamed Mooge, in islaani na tidhi “waar aniga geed garan-waa ah uun I siiya” waanu is eegnay, annagoo yaaban ayaanu ku nidhi; “ayeeyo maxaad ku jeclaatay garan-waaga?” waxay ku jawaabtay; “Hooyo wuu hadh wanaagsan yahay, riyo iga daaqa uga biqi maayo, biyona iga doonimaayo.” Waxa la ii sheegay in wasaaradda Beeraha ee Itoobiya ay go’aan ku gaadhay sidii loo dabar-goyn lahaa geedkan, dalkeenana aad looga jeclayn. Haddaba, iyada oo la sababayn karo dhibaatooyinka loo nisbayn karo geedkan, waxa habboon in la barbar dhigo faa’iidadiisa… mid dhow iyo mid dheerba qofka la socda dayuurad dul haadaysa dhulkeena ayaa arki kara xaalufka xad-dhaafka ah ee wax weyn ka dabooli doono baahida xaabo iyo dhuxuleed ee dalkeena waqtiyada soo socda. Waxay dad badani rumaysan yihiin in ay aadu u adag tahay sidii loo dabar-jari lahaa geedkan, oo tallaabo kasta oo dhan ka ah uu geedku gadood ka sii qaadi karo, si baaxad lehna u sii fidi karo. Waxa habboon in la yeelo talaabo kasta oo lagaga faa’iidaysan karo geedkan oo dhibtiisa loo rogo dheef. Waxa loo baahan yahay in la sameeyo tijaabooyin iyo baadhitaano ku saabsan geedkan, lana raadsado macluumaadka laga hayo geedkan. Axmed Ibraahim Cawaale. Markii Ay Isku Hawshay Daryeelka Degaanka Ayay Ku Guulaysatay Billad Iyo Abaal-Gud (Faadumo Jaamac Jibriil)Gabadh Soomaaliyeed o lagu magacaabo Faadumo Jaamac Jibriil ayaa ku guulaysatay billada degaanka sannadka 2002. Faadumo, sida ay hay’adda Fenton Foundation sheegtay, waxay biladaas ku mutaysatay ololaha ay u gashay dhawrista degaanka, gaar ahaan Soomaaliya. Iyada oo qayb weyn ka qaaadatay ku guulaysigii in dhoofka dhuxusha laga mamnuuco Puntland, halkaas oo geedka Galoolka xoog loo shidayay, si loogu dhoof-geeyo dalalka Carabta intii aan arrintaas la mamnuucin. Qoraa hore ayaa dhoofka dhuxusha Soomaalidu ay u dhoofiyaan dalalka Carabta ku tilmaamay, inay Soomaalidu dhulkooda u xaalufinayaan dad dhulkoodii hore u shitay. Waa Khaliijka. Faadumo waxaa lagu amaanay in ay u badheedhay inay qaabisho hawl aad u culus oo ay ka mid tahay wax ka qabadka ganacsiga dhuxusha iyo maraakiibta xaaqanaysa kalluunka badaha aan cidna ilaalin ee Soomaaliya. Billadan dahabka ah, waxaa sannadkiiba mar la siiyaa dadka u ololeeya degaanka oo iskood isu soo saara, iyada oo hab-degaan ahaan lagu bixiyo. Degaanadaas oo kala ah; Afrika, Aasiya, Yurub, wadamada Islands-ka loo yaqaan, waqooyiga Ameerika iyo Koonfurta dhexe ee Ameerika. Saddex qof oo bilada waqooyiga Ameerika ee sannadkan ku guulaystay waxa ay qaybsanayaan lacag dhan US$ 125,000. Waxaa kale oo jira, dad kale oo ku guulaystay abaal-marinada degaanka sanadkan oo ka kala yimid degaanada kor ku xusan, waxaana dadkaas ka mid ah dad u dhashay qaaradda Maraykanka ee loo yaqaan “Natives-ka”, ama dadka carriga Maraykanka loogu yimid oo ka dhiidhiyay mashruucyo shidaal lagaga soo saari lahaa dhulka loo yaqaan ‘Arctic’, iyaga oo aaminsan in taasi ay degaanka dhibaato soo gaadhsiin karto. War ay dhowaan qortay jariidada Indianapolis Star ee cariga Maraykanka, wuxuu sheegay in ganacsade Soomaaliyeed uu dhowaan Xamar ka dhoofiyay 16,000 oo kiintaal ama jawaan oo dhuxul ah, taas oo halki jawaanba uu Soomaaliya ka joogo US$ 1.50, marka la iib geeyona lagu sii gadayo US$ 3.00, iyada oo weliba wargeyskaasu tilmaamay sida aanay cidi arrintaas wax uga qaban, halkaas oo joornaalku ku muujinayay in khasaare la soo koobi karin oo ku habsada degaanka loo xaalufinayo si ay dadka noocaas u dhaqmaa uga helaan dheef deg-deg ah. Faadumo waxay xidhiidhiye u tahay ururo iyo kooxo ka shaqeeya dhinaca degaanka oo tiradoodu dhan tahay 13, kuna baahsan Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu magacaabo Xidhiidhka Maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaalida (Resource Management Somalia Network), oo ay ka mid tahay hay’adda Candlelight. Faadumo waxay kaloo madax ka tahay hay’ad samofal oo la yidhaahdo Horn Relief oo ka hawl-gasha bariga Sanaag iyo Puntland. ODHAAHDA AKHRISTAHA Garsoorayaasha Cusub Haloo Qoro Mushahar Ku FilanShacbiga Somaliland si weyn ayey u soo dhoweeyeen isbedelka lagu sameeyey garsoorayaasha maxkamadaha, taas oo qaarna shaqada laga fadhiisiyey, qaar cusubna halkoodii loo magacaabay, iyadoo uu Madaxweynuhu khudbadiisii fagaaraha khayriyadda ee 18 May, 2002, ku ballan qaaday inuu si weyn wax uga qabanaya cadaalad darada. Hadaba waxaan ku talin lahaa in maskaxda lagu hayo arimahan: 1- Dawlad-nimadu halka ay ka hagaagto ama ka xumaato maxkamadaha ayaa kow ka ah, taas oo haddii ay si wanaagsan u shaqeeyaan ay qaybaha dawladdu wada toos-naadaan, haddii ay xumaadaana way wada qaloocsanaataa. 2- Guddiga cadaaladda oo uu gudoomiye u yahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare waxay u baahan yihiin isku shaandayn iyo laga saaro xubnaha aan u qalmin xilkaa, waana inay guddigaasi si adag ula xisaabtamaan garsoorayaasha, taasoo aan odhan lahaa waa in bishiiba hal mar la isugu yimaado kulan lagu fallan-qaynayo arimaha garsoorka. 3- Waa in garsoorayaasha loo qoro mushahar ku fillan, mushaharkaasina waa inuu ahaado mid lagu saleeyo derejo sida ay u kala sareeyaan ah, waana inuu mushaharkaasi noqdo mid ay 100% kaga maar-maan baahiyo meel kale kaga xidhma. 4- Waa in dib loogu noqdaa maxkamadaha dalka oo dhan, gaar ahaan waa in hoos loo eego qaybaha maamulka, sida: meelaha la yidhaahdo kaalmaha iyo adeegayaasha iyo shaqaale hoosaadka, meelahaas oo qudhoodu aan ka madhnayn dhibaatooyinka maxkamadaha ka jira waxa loo baahan yahay in meesha laga saaro dadka aan ku haboonayn. Ismaaciil C/raxmaan Cumar Xaashi, HargeysaXuquuqda Beesga Gabooyaha Ha Lagu Xuso Distoorka Sida la ogyahay beesha gabooyuhu waxay ka mid tahay beelaha ku dhaqan Somaliland, iyadoo ay beesha gabooyuhu degan tahay dhammaan lixda gobol ee Somaliland. Dadka beesha gabooyuhu waxay ka mid ahaayeen dadkii dib uga soo noqday xeryaha qaxootiga Itoobiya ee ay hawshooda dib u soo celintu bilaabatay sannadkii 1997-kii, iyadoo ay sababta ay dib ugu dhaceen ee ay goor hore u soo noqon waayeen ahayd, iyaga oo woxoogaa dareen ah ka qabey in loo aanayn karo xulafadii taliskii Siyaad Barre, laakiin taasi may dhicin oo ma jirto cid waxyaalo ugu geystay aano la xidhiidha arintaa, isla markaana laguma samayn wax xad-gudub ah oo waxyeelaya xuquuqdooda aasaasiga ah, waxaanuna ka mahad naqaynaa sidii wadaniyadda ahayd ee ay noo soo dhoweeyeen dadka Reer-Somaliland, una sugeen nabadgelyadayada, taas oo ay xir-fadleyada gabooyuhu si xor ah uga dhex xoogsadaan dadkooda iyo dalkooda. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa hogaamiyayaashii iyo mujaahidiintii ururka SNM oo aan samayn wax aargoosi ah, si fiinna ula dhaqmay dadkii ay dalka ugu soo galeen. Beelihii kale ee Reer-Somaliland waxay dhamaantood ka faa’iidaysteen heshiisyadii iyo isa saamaxaadii dhex-martay markii uu dagaalku dhamaaday, taas oo ay beel waliba heshay xuquuqdeedii beel-nimo iyo saamigii ay dawladda ku lahayd. Sidaa darteed ay wasaarad walba ka dhex muuqdaan. Dawladdii hore waxay isku deyi jirtay raali gelinta beelaha laga tirada badan yahay oo ay bulsho-weynta kale ka xigsan jirtay, waxaanay ka faa’iidaysan jirtay awoodooda iyo xirfadooda, laakiin hadda isbedel baa dhacay oo maanta waxa na xigsaday bulsho-weynta oo xuquuqdayada aasaasiga ah iyo nabad-gelyadayadaba sugay, halka ay Xukuumaddu ka gaabisay inay beesha siiso xuquuqdeedii beel-nimo iyo saamigii ay dawladda ku lahayd, iyadoo dhinaca kalena aanay xukuumadda Somaliland wax la taaban karo ka qaban tabashada beesha oo aan xataa hubsanin in waxa ay beeshu ka cabanaysaa daw yihiin iyo in kale. Tusaale ahaan wasiir kasta oo aanu u tagno oo aanu waydiisano saamigii wasaaradda waxa uu noogu jawaabaa way buuxda oo shaqaalihii hore ayaanuba dhimaynaa, taas oo aanu mar walba is-waydiino haddii ay wasaarad waliba inaga buuxsantay xagee bay jirtaa xuquuqdeenii beel-nimo. Beesha gabooye ma laha degaan gaar ah oo ay degan yihiin oo ay awoodoodu ku urursan tahay, sidaa darteed awoodayadii beel-nimo waxay ku filiqsan tahay lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay, iyadoo ay gobol kasta iyo degmo kasta ku nool yihiin dad beesha ka tirsan oo ku tirsan qabiilooyinka kale , taas oo aanay beeshu weli u bislaanin inay wax la qaybsato beelaha waaweyn ee ay ku dhex filiqsan yihiin mudada qarniyada ah . Sidaa darteed waxaanu soo jeedinaynaa sida ay dalalka kale ee caalamkuba dadka laga tirada badan yahay u siiyaan xuquuqda distooriga ah in beesha gabooyaha ee Somaliland ku nool la siiyo xuquuq distoori ah. Ugu dambayn waxaanu Madaxweynaha u soo jeedinaynaa arimahan: 1- In beelaha laga tirada badan yahay xuquuqdooda saamiga dawladda lagu xuso distoorka Qaranka, lana siiyo tiro go’an, sida ay dawladaha caalamkuba ugu qoondeeyaan tiro go’an. 2- Waxa kale oo aanu kuu soo jeedinaynaa inaad xeer Madaxweyne ku magacowdo xuquuqda beesha. 3- Waa inaad tabashada beesha wixii mac-quul ah wax ka qabato oo aaddan ku mashquulin keliya fekradaha iyo tabashada beelaha tirada badan oo yaanay arintu noqon gabooyaa iska haw-haw lehe geediga inoo wada. Xasan Sh. Maxamed Aw-Cali, Hargeysa Gudoomiyaha beesha gabooye WAADIGA CIYAARAHA Leeds Oo La Wareegtay Tabobare Terry Venables London (Reuters) – Tabobare Terry Venables, ayaa si lama-filaan ah loogu magacaabay inuu tabobare u noqdo kooxda Leeds United. Venables ayaa sheegay in tallaabadani ka dambaysay dedaal muddo gaaban socday oo uu ku dhaqaaqay maamulka Leeds. Tabobare Venables oo hore u caddeeyay inuu ka fadhiisanayo shaqada tabobarenimo, ayay hada u muuqataa inuu ka hadhay go’aankaa uu hore u gaadhay. “Muddo laba saacadood ah ayaanu wada hadlaynay, kadibna waxaan ku raacay inaan tabobare u noqdo Leeds,” ayuu yidhi Venables. Dhacdadani waxay soo af-jartay dedaal muddo laba toddobaad ah kooxdu ugu jirtay siday u heli lahayd tabobare, iyada oo xooga ugu badan saartay Steve Mc Claren oo hadda tabobara Middlesbrough, taasina waxay keentay in labada kooxood isku maandhaafaan cidda qaadanaysa Mc Claren. Kahor Mr. Claren, Leeds waxaa kale oo ay sacabo madhan kala soo hoyatay Martin O’Neill, oo ku gacan-saydhay inuu u wareego kooxda Leeds. Maamulaha Leeds Ridsdale ayaa beeniyay inay ku guul-daraysteen labada tabobare, wuxuuna intaa ku daray inay wadahadallo u socdaan Mc Claren. Hase yeeshee, Keith Lamb oo Middlesbrough ah ayaa ka soo horjeeda hadalka maamulka Leeds. Inkasta oo Keith Lamb diidan yahay in laga fara-maroorsado tabobaraha khibradda badan ee Steve MC Carlen, hadana iskama indha-tiri karayo halista jirta, sidaa darteed, wuxuu door-bidayaa inuu kooxda adkeeyo, si uu u qanciyo tabobaraha oo saluugsan tayada Boro. “Waxaanu la heshiinay laba ciyaartoy, waxaanuna diyaarinaynaa in ka badan laba ciyaartoy,” ayuu yidhi Lamb. Kooxda Leeds ayaa Axaddii caddaysay in bar-tilmaameedkeedu yahay MC Carlen, kadib markii ay go’a u tuureen tabobarahoodii hore oo aan mustaqbalkiisu fiicnayn. Middlesbrough, ayaa dhinaceeda isu diyaarinaysa inay difaacato maamulaha kaalinta 12aad keenay horyaalka, halka uu koobka FA Cup-kana wareega afarta kooxood soo gaadhsiiyay. Steve McClaren oo hore lambarka labaad ugu qaadan jiray Manchester United, isla markaana kaaliye u ahaa xulka England iyo tabobare Erikkson, intii lagu jiray koobkii adduunka ee dhawaan dhammaaday, kama madhna doonis la xidhiidha sidii uu ugu wareegi lahaa koox ka awood weyn tan hadda. Haddii ay dhabawdo in uu sidaa ku xidhmo heshiiskii u dhaxeeyay Middlesbrough, waxay noqonaysaa in Leeds biixnayso 1.2 milyan oo gini. Sidoo kale, mas’uul u hadlay kooxda Leeds ayaa sheegay in aanay kooxdu ka tanaasulin rabitaankooda McClaren. Af-hayeenka Leeds, oo lagu magacaabo Ridsdale, wuxuu intaa ku daray inay ku rajo-weyn yihiin in si dhakhso ah loo xaliyo xaaladana maalmo lgu soo af-jaro. “Waa inaanu caddaynaa cidda aanu rabno aad baanu ula yaabsanahay inaanaan weli helin anaga oo laba toddobaad si toos ah ugu hawlanayn kana shaqaynaynay tan iyo intii shaqada laga joojiyay David O’Leary,” ayuu yidhi Ridsdale. Maamulka Leeds waxay u baahan yihiin tabobare ay ku beddeshaan David O’Leary, oo shaqadii laga fadhiisiyay, kadib markii laga warhelay inuu dedaal ugu jiro sidii Manchester United ula wareegi lahayd kabtanka kooxda Leeds Rio Ferdinand, taas oo dhinaca kooxda looga aqoonsaday khiyaamo weyn. Haddii Venables gacanta ku dhigo Leeds United, wuxuu marka ugu horaysa isku deyayaa inuu xaliyo mustaqbalka kabtanka Leeds Rio Ferdinand. Manchester, ayaa ula diyaar ah lacag dhan 25 milyan oo gini, halka Arsenal lafteedu hadda bilowday in ay kula loolanto tabitaanka difaacyahanka xulka Leeds. Dhinaca kale, tabobare O’Leary, ayaa sheegay inuu ka noqday iibka Rio Ferdinand, oo uu sii haysanayo, hase yeeshee, tallaabadaasi ma baajin doonto shaqo ka joojinta lagu soo rogay toddobaadkii hore, markaas oo kooxdu sheegtay in laga fekerayo aayaha David O’Leary. Ferdinand oo hadda ku maqan fasax ayay wararku sheegayaan inay u dhowdahay inuu kooxda ka fan-jeediyo marka uu fasaxa ka soo hoydo. Ajax Iyo Real Madrid Oo Ka Wada Hadlaya Ciyaartoyga Chivu Netherlands (AP) – Agaasimaha farsamada kooxda Ajax, Leo Beenhakker ayaa daboolka ka qaaday in kooxdiisu diyaar u tahay inay ka iibiso Real Madrid ciyaartoyga Christian Chivu. Inkasta oo Chivu doonayo inuu ku sii negaado Ajax, haddana kooxda ayaa ku adkaysanaysa iibka ciyaartoyga reer Romania, haddii ay ku helaan qiime qanciya. “Haddii Real la timaado dedaal iyo qiime noo cuntama waanu ka wada hadli karnaa kala wareejintiisa. Laakiin haddii sicirku hooseeyo, waxaanu wadahadal la gelaynaa kooxo kale oo badan,” sidaa waxa yidhi agaasimaha Ajax. Chivu, wuxuu ahaa furaha ugu muhiimsan guushii Ajax ka gaadhay horyaakla xilli-ciyaareedkii tegay, sidaa darteed Beenhakker, wuxuu rumaysan yahay inaan hadal ka soo noqonayn 21-jirka. “Cris waa ciyaartoy dhammaystiran, dhinac kastaba, jidh ahaana waa mid xoog weyn oo mid-mid ula ciyaari kara, isla markaana dheereeya. Wuxuu dhisaa ciyaarta waana nin laad weyn, weliba intaa waxa u dheer waa dhallinyaro,” ayuu ku daray Leo, oo ku dheeraaday sharaxaadda qaab-dhismeedka iyo ciyaarta difaacyahanka ay iibinayaan. Leo, wuxuu Chivu ku tilmaamay mid khibrad difaac leh oo aanu hore u arkin difaac dhexda ka ciyaara oo la mid ah. Chivu oo isna ka hadlay rabitaankiisa Ajax ayaa tilmaamay inay wadnaha kaga taalo Ajax, uuna jecel yahay inuu u ciyaaro ilaa sannadka dambe, isaga oo intaa ku daray inuu dedaalkiisa sii kordhin doono, balse wuxuu qiray inaanu wer-wer ka qabin mustaqbalkiisa ciyaareed. Wakiilka Chivu, Giovanni Becali ayaa toddobaadkii hore caddeeyay qiimaha Real Madrid lagaga iibin karo oo uu ku sheegay 14 milyan oo gini. Real Madrid, oo haysata horyaalka Yurub waa kooxda keliya ee Ajax weydiisatay inay ka iibsato ciyaartoyga. Chivu, oo ku biiray Ajax, oo uu uga soo wareegay University Croatia sannadkii 1999, waxa kale oo uu si xiiso leh u soo jiitay AC Milan. Kooxda Talyaanigu waxay ku dedaalaysaa inay ciyaaryahanka reer Georgia ee Kakha Kaladze iyo lacag ay ku bedeshaan difaacyahanka dhallinyarada ah. Sidoo kale, Inter Milan, oo ku guda-jirta dib-u-habayn kooxda ay ku samaynayaan ayaa ka mid ah naadiyada doonaya inay hantaan wiilka dhallinyarada ah ee Romania u dhashay. Tottenham Oo Iibsanaysa Nuno Gomes London (Reuters) – Kooxda ka dhisan magaalada London ee Tottenham Hotspur, ayaa la filayaa inay heshiis la saxeexato weeraryahanka caalamiga ah ee Portugal Nuno Gomes muddo 48-ka saacadood ee lagu jiro ah. Warar ka imanaya dhinaca Talyaaniga ayaa daboolka ka qaaday in kooxda Florence ka dhisan oo hadda ku jirta derejada hoose ee (Serie B) ay u baahan tahay lacag ay ku furdaamiso dhibaatada dhaqaale ee ku habsatay. “Waa inaanu horumar ka gaadhnaa maalmaha soo socda,” sidaa waxa ku waramay agaasimaha ciyaaraha Fiorentina Guiseppe Pavone oo waraysi siiyay wargeyska Sunday Express. Gomes waxaa amaah ku doonaysa kooxdiisii hore ee Benfica, laakiin Fiorentina keliya waxay xiisaynaysaa heshiis dhammaystiran. “Ma doonayno inaanu amaah ku bixino ciyaartoyga siday Benfica rabto. Waxaanu rabnaa inaanu beddelno habkii hore, waxaanu ciyaartoyga iibinaynaa keliya haddii aanu lacag fiican ku helno,” ayuu ku daray Pavona. “Waxaa nagaga baxay Gomes ilaa 10 milyan oo gini, markaa wax macno ah samayn mayso haddaanu amaah ku bixino,” ayuu raaciyay. Gomes wuxuu ka mid ahaa xulkii Portugal uga qaybgalay koobka adduunka oo ku guul-daraystay inay ka gudbaan qaybtii ay tartanka kaga jireen. Hoggaanka Spurs Glenn Hoddle, ayaa ku talo-jira inuu adkeeyo weerarkiisa, maadaama ay xerada ka baxayaan inta badan weerarka kooxdu haysato. Christ Armstrong oo heshiiskiisii dhammaaday ma muuqato in dib loogu cusboonaysiinayo, halka Norway-jiyaanka Steffen Iversen uu ka cabanayo dhibaato kaga timi dhaawacyo ku soo noqnoqday, intuu uu u safnaa Tottenham. Sergie Rebrov, ayay isna fursaddiisu aad u yartahay, halka Teddy Sheringham oo da’diisu 35-jir tahay iyo Lee Ferdinand oo 36-jir ah ay labadaba wax yari uga hadhay waqtigii ay fadhiisan lahaayeen. Spurs, waxay soo jilaabatay laba ciyaartoy tan iyo dhammaadkii xilli-ciyaareedka, waxayna la heshiisay Jamie Redknapp iyo Milenko Acimovic, oo reer Slovakia ah oo ay si xor ah ula wareegtay. Tottenham, waxay filaysaa inay toddobaadkan dhammaystirto ilaa (800,000) oo gini inay kula heshiiso wiilka dhalinta yar ee reer Bulgaria Jonathan Blondel oo ay ku rajo-weyntahay inay heshiis afar sannadood ah la saxeexato. |