Haatuf, Cadadki 112, July 10, 2002 “Waxaan U Guul-Wadaynayaa Dawladda, Dastuurka…. Waxaan Ka Shidaal Qaadanayaa Madaxweynaha Hoggaamintiisa” Maayarka Hargeysa _ Cawl Cilmi Hargeysa (Haatuf): Duqa Magaalada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla ayaa shalay si ballaadhan uga hadlay waxqabadkiisii muddadii uu xilka caasimadda hayey iyo eedaha iyo dhalliilaha loo jeediyey maamulkiisa, gaar ahaan gadoodkii sabtidii dad cadhaysani ku burburiyeen dhisme dowladda hoose ku lug lahayd oo laga seesay is-goyska jidka hormara Suuqa Idaacadda Hargeysa iyo cabashooyin kale oo ka jira suuqaas. Cawl Cilmi Cabdalle oo shalay ka hadlay Idaacadda Dowladda ee Raadiyow Hargeysa, kadib markii uu booqday suuqa Idaacadda ee loo bixiyey Gobannimo waxa uu mar kale qirtay in khalad dhacay oo la damaaciyey gooladda is-goyska suuqa Idaacadda oo dadweyne gadooday sabtidii burburiyeen sees si qarsoodi ah looga binaynayey. Hase yeeshee, waxa uu difaacay wax qabadkiisa, waxana uu si ba’an u weeraray saxaafadda Madaxa bannaan. Booqashada Cawl ee suuqaasi waxa ay maalin ka dambeysey kormeer uu Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo madax ka ah guddi baadhis ah oo uu madaxweynuhu u saaray cabashooyinka iyo eedaha ku lid ah maamulka dowladda Hoose ee suuqaas ka jira uu ku tegey halkaas. Cawl waxa uu soo eegay isgoyskii muranku ka dhacay. Dad goob-joog ahina waxa ay sheegeen in lagu muddaharaaday oo ay dadku ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diiddan yihiin maamulkiisa markii uu suuqaasi tegey shalay aroornimadii. Kadibna waxa uu tegey Istuudiyaha Raadiyowga halkaas oo uu muddo 30 daqiiqo ku dhow uu ka hadlayey waxqabadkiisa iyo dhalliilaha loo jeedinayo. Waxa uu sheegay in gooladda is-goyska uu isagu deyr ku wareejiyey uuna ugu talagalay beer nasasho oo dhir lagu beero gudaheeda, waxase uu sheegay in dadku ay u saamixi waayeen oo ay degeen seeska gudihiisa iyo hareerihiisaba. Kadib waxa uu sheegay in uu amray in la dumiyo deyrka oo laga dhigo calaamad wadadu hareeraha ka marto. Laakiin, waxa uu sheegay in sidaas aanay u fulin. Dadweynaha suuqa iyo xaafadaha deriska ah ayaa ogaadey habeenkii sabtidu soo gelaysey, in goobtaas saqdii dhexe laga bilaabay dhisme uu qof shicib ahi leeyahay, kaas oo ay si gacan-nebi-nin-doonow ah ugu dareereen, una burburiyeen. Dadkaasi waxay rumaysan yihiin in Maayor Cawl laftiisu uu goobtaas siiyey nin ka mid ah masuuliyiinta dowladda hoose. Waxana uu hadalkiisa shalay ku xusay in arrintaas wax ka jiraan, isaga oo yidhi: “Waa jiraa dad khalad samayn karaa, wixii damacaasi qaadayna tallaabo cad baan ka qaaday. Imminkana saakaan (shalay subax) soo maray oo shaqadii si fiican bay u socotaa. Meeshii waxaan ka dhisaynaa “round about” wax la yidhaahdo, goolad wareegi ah oo bannaan fiican leh si ay baabuurtu isu arki karaan”. Cawl, hase yeeshee, ma sheegin cidda damaacigu qaaday ee uu tallaabda ka qaaday. Waxa kale oo uu qiray in dad ku muddaharaadeen shalay. “Dad yar oo meelahaa ka buuqbuuqay way jiraan. Way khaldan yihiin oo waanay fahamsanayn,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay shalay inuu soo kormeeray Aqalka qabyada ah ee loo yaqaanno xisbiga, kaas oo uu sheegay in uu amray isla shalay in loo dhiso deyr kala qaybiya dhismaha xisbiga iyo suuqa loo bixiyey Gobanimo oo deyrkii hore ee gurigaas ku dhexyaalla. Maayorka waxa kale oo si weyn uga cawday ganacsatada yaryar ee suuqaas oo Madaxtooyada iyo Aqalka Baarlamaanka ku tegey bannaanbaxyo cabasho ah oo ay ku diiddan yihiin lacag laxaadleh oo uu ku soo rogey Maayorku si loogu dhiso guryo dhagax ah oo ay ku ganacsadaan oo dhismahooda dowladda hoose ka waddo suuqaas, taas oo ay sheegeen in aanay awooddi karin lacagtaas. Cawl isaga oo arrinta dadkaas ka hadlaya waxa uu sheegay in ganacsatadaas yaryar ee khudaarta, hilibka iyo waxa la midka ah ka ganacsada uu u dhisayo hool weyn oo ay fadhiistaan, laakiin aanu garawsanayn, una jawaabeyn ashkhaas uu ku tilmaamay kuwo iska cabanaya. Cawl waxa uu aad uga hadlaya waxqabadakiisa iyo sida looga abaal ka dhacay. “Waxaan u halgamayaa in taariikhdu is xasuusato, waxqabadkayguna wuu muuqdaa. Maalintii aan maayorka noqday iyo maanta siday Hargeysa tahay aad bay u kala fogtahay,” ayuu yidhi Cawl. Waxa uu aad ugu faanay taallada diyaaraddu saaran tahay ee uu ka dhisay Khayriyada Hargeysa iyo dhismayaasha kale ee uu ka sameeyey laamiyada qaarkood. “Bacadlaha Gobanimo ayaa isna ka mid ah iyadoo aanu bacadle kili ahi magaalada ku fillayn, anigaana marxuumkii u sheegay isaguna wuu iga aqbalay. Madaxweynaha dambena ee marka ay dhammaato, Daahir Riyaale isaguna wuu farxi doonaa,” ayuu yidhi Cawl. Waxana uu sheegay in mashruuca suuqaasi uu yahay dhaqdhaqaaq weyn oo shaqo ka abuurantay. “Nin hadduu meel joogo-na cid ammaanta iyo cid cayda labaduba way jirayaan. Laakiin xaasidnimadu meel ma gaadho oo Illaahay baa ka gaadh ah. Markaad samayso wax wanaagsan Illaahay baa ku garab taagan, markaad khalad samaysona goldoloolo waa laguu helayaa,” ayuu raaciyey. “Anigu waxaan isleeyahay dalkan iyo caasimadda wax allaale iyo wax aan kala hadhay ma jirto…shacbiguna wuu I ogyahay,” ayuu yidhi. “Waxaan maqlayey Cawl wuu guulwadeeyaa oo marfushyada iyo meelahaa la iiga soo sheegaa ama aan maqlay ama anigoo jooga oo maqlayaba la yidhi. Guulwadenimo maaha, anigu waxaan u guulwadaynayaa dastuurka, waxaan u guulwadaynayaa maamulkaynu dhisanay inuu jiro oo uu joogo, waxaan u guulwadaynayaa inaan qabyaaladi jirin oo aan qofna qabiil lagu riixin, sifahaan ku shaqaynayey waa kaa…,” ayuu yidhi. Cawl waxa kale oo uu sheegay in aanu weligii dhul iibin ama cid ka tirsan maamulkiisu aanay dhul iibin, isaga oo beeninaya dhalliilaha iyo eedaymaha ku saabsan in dowladda hoose ay noqotay saylad dhulka lagu kala iibiyo. Waxa uu sheegay Cawl in aan la helayn baloodh dhul ah uu iibiyey intii uu xilka hayey, isla markaana waqtigan aanu heli karin dhul dowladi leedahay oo bannaan. Waxana uu dhammaan dhalliilihiisa dusha ka saaray saxaafadda Madaxa bannaan, waxana uu si cadho leh uga hadlay waxyaabo ku soo baxay wargeysyada oo uu ku tilmaamay inay ahayd cay ee aanay ahayn toosin. Waxana uu yidhi isaga oo aad uga cabanaya saxaafadda: “Saxaafaddu waxay maalin kasta qoraan waan arkay. Saxaafadda iyadaa xishoodku ku wanaagsan yahay, waayo ummad keliya ayaynu nahay, ardaa keliya ayaynu nahay ilaa Lawya-caddo ilaa Qaw—xadkeenna halka ugu koonaysa. Caalamku waxaynu kaga duwan nahay waynu isku xidh-xidhanahoo waynu isnaqaannaa oo nin walba meel bay ka kale iska soo gelayaan, qabyaalad ina kala kaxaynaysaa ina anfici mayso, ardaa baynu nahay ilaahay ballaadhiyey. Cidna caasimadda laga sheegan maayo cidda degganina keligeed ma laha, Burcona cid laga sheegan maayo, intaa aan sheegay ee xadkeennu taxan yahay waynu wada leenahay. “Waxaynu saxaafadda isku leenahay ixtiraam. Haddii ixtiraamka laga tago oo qof la iska caayona dee ama sharci dowladeed baa qaban oo qofka wax baa lagu caddayn, dee haddii sharci dowladeed la isla dhaafona waxay noqon doonto waynu garanaynaa oo foolxumo weeye.” Cawl waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi: “Laakiin anigu waxaan leeyahay saxaafaddu ha noqoto ta hagta ummadda, laakiin dhinaca toosinta ha ku noqoto, oo aniga wixii laga shakiyo ha la ii yimaaddo oo ha la I weydiiyo. “Laakiin jariidad aan garanayo qofka qora oo aan sida Illaahay ii yaqaanno aan u aqaanno markuu wax qoro waxaan leeyahay xishood…xishood, hadduu xishoon waayona sharciga ayaa ina kala saari doona” ayuu yidhi. Cawl Cilmi Cabdalla ma aha markii u horreysey ee uu sidaas u hadlo. Hase yeeshee, waxa u caado noqotay in markasta oo saxaafaddu dhalliilihiisa tilmaantoba uu saaro ashkhaas gaar isaga ugu calaamadsan. Sidoo kale, waxa uu dhawr goor ku celceliyey dhibaatada qabyaaladda, taas oo la rumaysan yahay inuu u arko in dhalliilaha loo jeediyaa ay yihiin kuwo salka ku haya qabyaalad ama loollan deegaanka ka dhexeeya. “Maalinba nin baa meesha imanaya, aan ku xisaabtanno waxqabad, yaynaan ku xisaabtamin hebel baa joogoo, caynkaasoo, ardaagaa ka soo jeeda. Waa xaaraan,” ayuu yidhi Cawl. “Anigu Cawl ahaan iyo maayor ahaanna waxaan ka shidaalqaadanayaa oo aan hoggaamintiisa wadayaa Madaxweynaha mudane Daahir Rayaale Kaahin oo Ilaahay u gartay, dastuurkeenuna u saxay,inana aynu doorannoo Ilaahay ina garansiiyey.Hadba haadaafta lagu shaqaynayo ee saxa ah ayaan ku shaqaynayaa,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay inuu dhex u yahay ururrada siyaasadda marka ay ka hadlayaan fagaarayaasha. “Madaxweynaha Koonfur Afrika Wuxuu Amray In Warbixin Looga Keeno Somaliland” Marwo Edna Aadan-Dhakhtaroo ka soo laabatay Safar Koonfur Afrika ah
Hargeysa (Haatuf): Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ahayd laba xubnood oo Somaliland lagu martiqaaday shir ay ururada Bulshada ee Afrika ku yeesheen Koonfur Afrika oo lagu qiimaynayay waxtarka iyo saamaynta uu ku yeelan doono Barnaamijka Dan-wadaagta Horumarinta Afrika (NEPAD) oo ka mid ah barnaamihyada uu fullin doono ururka cusub ee Midowga Afrika (AU) ee dhawaan lagu dhisay Koonfur Afrika, ayaa shalay uga warantay saxaafadda waxqabadkii ka soo baxay shirkii iyo kulamadii ay ka qayb-galeen intii ay joogeen Koonfur Afrika. Dr. Edna waxay xog-warankaas ku bilowday ereyadan: “Shirka aanu ka qayb-galnay, wuxuu ahaa shir ay dawladda Somaliland noo magacawday anagoo laba qof ah in aanu ka qayb-galno. Shirkaa oo lagaga dooddayay waxyaalaha ururka Midowga Afrika oo isu bedelaya Midowga Afrika, barnaamijyada uu qabanaya waxaa ka mid ah barnaamijka ururka NEPAD, markaa ururada bulshada ayaa ka dooddayay NEPAD waxtarka iyo siduu u saamayn karo dalalka Afrika, shirkaas ayaanu ka qayb-galnay, laakiin shirku hawlihii halkaa noo yaallay ka mid uun buu ahaa. Martiqaadka dawladda Koonfur Afrika ayaa u fidisay dawladda Somaliland in ay laba qof soo dirtaan. Faa’iidada uu shirkaasi lahaa annaga waxay noogu muuqatay inay tahay munaasibad ay dad faro-badani ka soo qayb-galayaan, in aanu ka faa’iidaysano fursadaas oo aanu qadiyadda Somaliland ku soo bandhigno halkaas, una caddeyno dalalka Afrika ee halkaas isugu yimid in aan Somaliland raadinayn hadda gobanimo, waayo Somaliland waxay qaadatay gobanimadeedii 26 Juun 1960-kii, dawladda Ingiriiska ayaanay ka qaadatay, cidkale oo ay markaa raaciyad u noqotay Somaliland ma jirto oo ay gobanimo kale ka doonaysaa. Dalalka Afrika ee aqoonsiga laga doonayaa waa dalal markii ay Somaliland xorta ahayd ee ay gobanimada qaadatay, iyagu gumeysi ku jiray oo aanu aad uga da’ weynahay, iyadoo taasi ay ceynkaa tahay ayaa haddana maanta dalal badan oo la aqoonsan yahay ayaanu ka nidaam wanaagsanahay, hadday tahay xag nabadgelyo, hadday noqoto xag dimuqraadiyadeed, hadday noqoto hawlahayaga bulsho, haddii ay noqoto dib-u-dhiska, hubka dhigista, waxaanu kale oo aanu ka hadalay sidii NEPAD waxqabadkeeda uga mid noqon lahayd raadinta xuquuqda Somaliland, wixii aanaan xaq u lahayna in lanugu qanciyo in aanaan xaq u lahayn, wixii aanu xaq u leenahayna in lanagu abaalmariyo ayaanu doonaynaa, taasi ayaanu ka dhaadhicinaynay, Somaliland siday u timid, intay jirtay iyo sidii ay Soomaalidii uu Talyaanigu gumeysan jiray ay u shurkeen, markii dambe markii ay taasi socon wayday in iyagu (Somaliland) ay danahoodii ay dib u maamusheen, taana Somaliland kumay khasaarin ee waxay ka mid tahay wadamada Geeska Afrika kuwooda ugu mustaqbalka wanaagsan.” Dr. Edna oo ka waramaysay madaxdii wadamada Afrika iyo gaar ahaan masuuliyiintii reer Koonfur Afrika ee ay la kulmeen intii ay joogeen Koonfur Afrika, waxay tidhi; “Marka hore qoladii anaga naga horreysay ee tagey Koonfur Afrika, shirkii ay ka qayb-galeen (Faadumo iyo Bulxan), ayaa waxaa furay Madaxweynaha Koonfur Afrika Mr. Embeki, khudbadii furitanka kadib, ayaa su’aalo la weydiiyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, markaa Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa ka mid ahayd dadkii su’aalaha weydiiyay. Su’aashii wuu uga jawaabay Madaxweynaha Koonfur Afrika, su’aashaas oo ahayd qadiyadda Somaliland, waxaana nasiib wanaag ahayd inuu Madaxweynaha Koonfur Afrika amar ku bixiyay isla goobtii in warbixin looga keeno qadiyadda Somaliland ee ay ka hadashay Faadumo Siciid. Arrintaasi albaab ayay noo noqotay, waxaanu la kulanay la Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha Koonfur Afrika, la Taliyaha Nabadgelyada, Maayar Ku-xigeenka Pretoria caasimadda Koonfur Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Afrika oo ah qof dumar ah, K/xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika, Madaxa ururka Haweenka ee Koonfur Afrika.” Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ka jawaabaysay natiijada muuqata ee ka soo baxday safarkii iyo kulamadii ay ku tageen Koonfur Afrika, waxay sheegtay; “Intii aanu joognay Koonfur Afrika, waxaanu u bandhignay qadiyadda Somaliland dad badan oo aan u warhayn, waxaa kale oo nooga soo kordhay in ururka NEPAD iyo Koonfur Afrika ay yihiin dad qadiyadda Somaliland xiisaynaya, waxayna fursad noo siiyeen in aanu qadiyadda Somaliland ka sii dayno hay’adooda warbaahinta ee (South African Boardcasting Cooperation), markaa waxayna siiyeen madal aanu arrimahayaga ka sheegano, waxayna yidhaahdeen haddii aad samaysan (Public Relations) oo aad arrihiina sidaa u soo bandhigtaan, waxaad moodaa in dadku ka war heli doonaan qadiyadiinan laakiin idinkii ayaan soo baxaynin oo aan sheeganeynin danihiina.” Dr. Edna Aadan oo ka hadlaysay sida ururka NEPAD iyo qadiyadda Somaliland ay isku waafaqsan yihiin, waxay tidhi; “Shuruudaha ururka NEPAD, ayaa waxay dhigaysaa xuduudihii Isticmaarkii laga dhaxlay lama bedeli karo, anagu waxaanu leenahay Somaliland xuduudeedu waa tii aanu ka dhaxalay maalintii aanu Ingiriiska xoriyadda ka qaadanay, ka aanu degenahayna waa kii aanu gumeysiga ka dhaxalnay, gobol ma nihin meel ka soo go’aya.” Dr. Edna waxaa kale oo ay ku sheegtay warbixintii ay shalay ka bixisay waxyaalihii uga soo qabsoomay Koonfur Afrika in la filayo in dawladda Somaliland iyo Koonfur Afrika ay ka wada xidhiidhi doonaan, sidii guddi ka socota Koonfur Afrika ay u iman lahaayeen Somaliland. Arrintan oo ka timid amarkii uu Madaxweynaha Koonfur Afrika ku bixiyay in waxbixin looga keeno qadiyadda Somaliland.” Dr. Edna Aadan Ismaaciil, waxay intaa ku dartay in ay hadda dawladda Koonfur Afrika diyaar u tahay caawimo dhinaca Waxbarashada Jaamacadaha ah iyo tababaro, lana filayo in ay dhawaan Koonfur Afrika siiso tababar dhinaca hawlaha warfaafinta ah Somaliland. Xaaladda Biyaha Burco Iyo Duruufaha Horyaal
Burco (Haatuf): Magaalada Burco oo aad moodo inay ka soo kabatay burbur dhinacyo badan leh oo ka soo gaadhay dagaaldii, isaga dambeeyey, haddana weli dhinacyada adeegga guud ee bulshada waxa meelo badan ka muuqda duruufo kala duwan. Hase yeeshee waxaynu qormadan ku eegaynaa xaaladda biyaha Burco sida ay tahay waqtigan xaadirka ah, waxaana arintaa warbixin nooga soo diray weriyaha Haatuf ee Burco, Liibaan Maaweel Shire, waana tan warbixintii: “Magaalada Burco waxa foostada biyaha ah lagu iibsadaa 9,000 oo Shillin Somali ah, taas oo u dhiganta 3,000 oo Shillin Somaliland ah, waxayna magaalada leedahay laba Ceel oo toos u waraabiya magaalada, laakiin ma jiraan Taangiyo biyaha kaydiyaa, sidaa darteed biyaha marka ay ceelka ka soo baxaan waxay toos u raacaan qasabadaha biyaha qaada, mana jirto meel ay biyuhu ku hakadaan oo u dhexaysa qasabadda afkeeda iyo isha biyuhu ka soo baxaan ee Ceelka, iyadoo ay weliba intaa sii dheertahay qasabadaha ay biyuhu raacaan oo ah , kuwo gaboobay oo wer-werkooda leh. Hase yeeshee marka laga yimaaddo labada Ceel ee hore hayadda samafalka caalamiga ah ee HAPITATE ayaa dhowaan magaalada Burco ka bilowday qodista laba Ceel oo kale oo ay ku kordhinayso, kuwii hore u jirey. Labadaa Ceel oo ay hadda qodistoodu dhamaatay, balse weli laguma rakibin mishiinadii biyaha ka soo saari lahaa, waxaase taa ka sokow muuqata car-qalad la odhan karo waxay waxyeelo u geysan karaan tamarinta mustaqbalka dhow ee labadaa Ceel. Tusaale ahaan carqaladaha ilaa hadda aad moodo inay muuqdaan waxa ka mid ah dhuumihii ama qasabadihii biyaha qaadi lahaa meeshii ay mari lahaayeen, waxayna tahay dhibaatada muuqataa, iyadoo hadii la damco in la dhigo qasabadaha biyaha ay caqabadi ka imanayso dariiqii ay ka dusi lahaayeen, taas oo inta meel kasta sees lagu wareejiyey aanay jirin meel cagtaa la dhigaa, taasina ay keeni karto inay dhibaato k timaaddo dhigista qasabadaha. Sidoo kale waxa jirta duruuf dhaqaale oo haysata wakaaladda biyaha Burco, iyadoo ay sababtuna tahay wakaaladda oo dayn badan ku leh hayadaha dawladda, sida: cusbataalka guud, Wasaaradaha gobolka, Xarunta maamulka gobolka iyo dawladda hoose. Hase yeeshee Maareeyaha wakaaladda biyaha Burco Maxamed Yaasiin ayaan waydiiyey inta ay le’eg tahay lacagta daynta kaga maqani, wuxuuna ku jawaabay “ Runtii waa lacag badan, waxayna gaadhaysaa 103,000,000 Sh.SL.”. Dayntaas-na 34,094,300 SL.SH (Afar iyo soddon milyan, afar iyo sagaashan kun iyo saddex boqol oo shillin Somaliland ah.) Ka mid ah waxa uu sheegay maareeyuhu inay kaga maqan tahay dawladda hoose, laakiin isaga oo tilmaamaya sifaha ay lacagtaa daynta ah ugu yeesheen dawladda hoose waxa uu yidhi “ 26,200,000 SL.SH. (Lix iyo labaatan milyan iyo laba boqol oo kun oo shillin Somaliland ah) oo ahayd lacag kaash ah oo baanka noo taalay waxay dawladda hoose naga amaahdeen dabayaaqadii sannadkii 2000, waqtigaas oo uu maayar ahaa Haybe ilaa haddana ma jirto wax ay noo soo celiyeen ”. Sidoo kale waxaan Maareeyaha waydiiyey sababta ay u samayn waayeen taangiyadii kaydadka biyaha, wuxuuna yidhi; “Waanu samayn lahayn ee waxaanu u waynay dhaqaale aanu ku samayno, mishiinada biyhuna ma nastaan oo waxa la istaadhaa 3:00 habeenimo ilaa 12:00 duhurnimo, haddana waxa la shidaa 2:00 duhurnimo ilaa 11:00 cawaysnimo”. Maareeyuhu waxa uu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen hayadda HAPITATE ee hadda ka shaqaynaysa biyaha Burco oo ay waydiisteen inay ka caawiso samaynta Taangiyada kaydadka biyaha, taas oo uu yidhi waxay noogu jawaabeen “Marka aanu Ceelasha aanu qodayno aanu dhamayno ayaanu samaynaynaa”,laakiin maareeyuhu waxa uu yidhi “ Hayadda HAPITATE ma jirto wax la taabankaro oo ay noo qabatay Sarfey ay hadda wado mooyaane, taasina dhibaato ayey nagu haysaa oo dadweynaha uun bat nagu soo jebisay labadii ceel ee ay noo qodeen, wiishikiina meeshii buu ku qalalay, marka wax aan lug gooya ahayn kamaanu faa’iidin hayadda HAPITATE ”. Maareeyuhu, isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan waxa ay yihiin car-qaladaha hortaagan dhigista qasabadaha biyaha ee magaalada dhexdeeda waxa uu yidhi; “Waxyaalaha aanu ka shaqayn kari la’nahay waxa ka mid ah Sandaqado ka soo horeeya gidaarka dhismaha, lawdhadh dhag-xaan ah oo meelo iska yaal, buudhiyo iyo caqaayado baabuur oo meelahaa iska yaal, meelahaasina waa meelihii ay beebku mari lahaayeen, taas oo ay shaqadii ku xidhan tahay,” maareeyuhu waxa uu tilmaamay arin kale oo uu sheegay inay ka mid tahay dhibaatooyinka haysta qaar ka mid ah dadweynaha oo aan lacagta biyaha iska bixin, ama marka biyaha laga jaro si tuugo u furta, wuxuuna yidhi; “Waxa kale oo carqalad nagu ah oo aanu dadweynaha uga digaynaa dadka lacagta iska bixin waaya ee marka laga gooyo, haddana sida tuugada ah u furta, laakiin dadweynaha badankiisa waanu u mahad naqaynaa, waxaase jira qaar dhibaato nagu haya oo markay doonaan shaqaalaha wakaaladda la shuraakooba, dadkaasna waxaanu leenahay sifo sharci ah wixiina mariya”. Maareeyuhu waxa uu ugu dambayn sheegay in wakaaladda lagu leeyahay dayn, wuxuuna yidhi; “Daynta nalagu leeyahay $3200 U.S, dollar waa bil walba waa kor socod kharashka shidaalada ah, waxa kale oo jirta lacag $300 U.S, Dollar oo nalagaga leeyahay baabuurka dhaynaha ah ee ay wakaaladdu iibsatay oo la siiyey lacag qaali ah oo gaadhaysa $7800, U.S-Dollar, lacagtaas oo aanu hafto iskaga bixino”. Wakaaladda biyaha Burco ma hoos tagto maamulka dawladda hoose ee Burco Boorama: Maamulayaasha DawladdaIyo Gunti-Giijiska Kor-U-Qaadidda Dakhliga
Boorame (Haatuf): Dhaqdhaqaaqyo loogu ololaynayo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dawladda ayaa mudooyinkan dambe ka socda gobolka Awdal, iyadoo culays la saarayo hayadaha iyo Xafiisyada dakhli soo saarka ee dawladda dhexe iyo dawladda hooseba. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Boorame, Maxamed Cumar waxa uu dhaqdhaqaaqan cusubi ka dambeeyey socdaal hawleed uu dhowaan gobolka ku yimi agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Axmed Daa’uud, isaga oo Axmed Daa’uud masuuliyiinta gobolka, gaar ahaan maamulayaasha Xafiisyada dakhli soo saarka ku war-geliyey talooyin iyo amaawiir oo ku waajahan kor u qaadidda iyo xoojinta dakhli soo saarka gobolka. Sida ay weriyaha Haatuf u sheegeen qaar ka tirsan saraakiisha kastamaka Boorame waxa durba soo baxay calaamado muujinaya inuu kor u kacay dakhliga kastamka Boorame, sidoo kale dawladda hoose ayaa isna ka soo raynaya, iyadoo ay dhaqaalaha dawladda hoose si weyn u curyaamisay dayn is dul-fuushay oo uu mid-ba mid ku reebay maamuladii, isaga dambeeyey magaalada. Inkasta oo uu dhaqdhaqaaqa kor loogu qaadayo dakhliga gobolku yahay mid socda oo weliba la tibaaxay inuu horumar sameeyey, haddana dhinaca meel-marinata arintaasi ma sahlana ee waa sheeko dhibteeda leh. Tusaale ahaan maamulayaasha kastamka iyo hayadaha kale ee dakhli soo saarka dawladda dhexe waxa lagaama maar-maan ah inay hawl-galadooda ku saabsan xoojinta iyo ilaalinta dakhli soo saarka u adeegsadaan ciimada kala duwan ee gobolka ku sugan, iyadoo ay sababta ay u adeegsanayaana tahay ciidanka ilaalinta cashuuraha oo aan ku fillayn hawsha loo baahan yahay , waxaana mararka qaarkood dhacdo inay dad ganacsato ahi badeecadahooda la baal-maraan baraha cashuur qaadista., taasina ay u baahato awood wax lagaga qabto. Gaadiidka kastamka ayaa burbur iyo dhibaato badan kala kulma baacsiga baabuurta xamuulka ah ee baal-mara rugaha cashuur qaadista ama la baxsada cashuurta. Sidoo kale shaqaale badan ayaa lagu eryey sababo la xidhiidha baacsiga kootar-baanka, iyadoo ay dhacdo gacan ka hadal iyo tacshiirado rasaas ah oo mararka qaarkood la iswaydaarsado, waxaana mararka soo if-baxa khilaafaad ka dhex dhasha madaxda kastamka iyo qaar ka tirsan shaqaalahooda, gaar kuwa lagu tuhmo inay barabaro ka qaateen ganacsatada cashuurta la baxsanaysa. Hase yeeshee warar u dhuun-daloola saraakiisha kastamka ayaa sheegaya in wax badan laga soo gudbay, sidaa daraadeed-na laga soo bilaabo bishii Juun ee ina dhaaftay uu korodhka dakhligu isa soo tarayo,laakiin warku ma sheegin inta uu xajmi le’eg yahay dakhliga kordhay. Maayarkii Shaqada Laga Fadhiisiyay Ee Burco Oo Niman Hubaysani Weerareen Burco (Haatuf): Maayarkii dhowaan xilka laga fadhiisiyey ee magaalada Burco, Maxamed Cali Maxamed ayaa shalay koox niman ah oo hubaysani isku xeereen, ka dibna qoryo ku qabteen. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire nimanka dableyda ah oo ay tiradoodu ahayd ilaa tobaneeyo nin, wateyna laba baabuur oo ah nooca loo yaqaan Mark2, waxay masuulkaa hareereeyen abaara 11:00 maalinimo, isaga oo baabuurkiisa ku dhex wata xaafadda Afgooye ee badhtamaha magaalada Burco, taas oo ay dableydu labadii baabuur ay wateen xagga hore iyo xagga dambe kaga gooyeen baabuurkii uu maayarku watey, ka dibna intay qoryo ku qabteen ayey ku amreen inuu baabuurka dhulka uga soo dego, laakiin wuu diiday taa, waxaana markiiba ku soo xoomay dadweyne badan, kuwaas oo kala dhex galay labadii dhinac, mana jirto wax waxyeelo ah oo halkaa ka dhacday. Ilaa hadda si rasmi loogama waramin sababta ay nimankaasi u weerareen masuulkaa. Hase yeeshee nimanka wax weeraray waxa ku jirey nin lahaa mid ka mid ah guryola dumiyey oo ku yaalay xerada Inji oo uu maayarkaasi dumiyey markii u horaysay ee uu xilka la wareegay horaantii sannadkan, sidaa darteed waxa loo malaynayaa inuu ninkaasi daba socdo mag-dhow uu rabo in laga siiyo dhismihii laga burburiyey. Wax yar ka dib waxa goobtii yimi qaar ka tirsan masuuliyiinta gobolka, mana uu dhicin wax iska hor-imaad ah intaa dhaafsiisani, waxaana masuuliyiinta meesha timi ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha C/raxmaan Daahir Cajeb oo hadda ku sugan magaalada Burco iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Burco. Maayarka xilka laga qaaday Maxamed Cali oo aan arinta wax ka waydiiyey ayaa sheegay inaanu garanay sababta loo weeraray, wuxuuna intaa ku daray inaanay jirin cid uu mag-dhow siiyey iyo cid uu u ballan qaaday toonna, and isaga oo yidhi “Ma jirto cid aanu mag-dhow siinay”. Maxamed Cali waxa kale oo aan waydiiyey inay dawladdu wax talaabo ah ka qaaday arintaa iyo sida uu hadda yeelayo, wuxuuna ku jawaabay “ Ma jirto wax talaabo ah oo ay ka qaaday, laakiin waxa muhim ah in nabad-gelyada la sugo, booliska ayaana u xil-saaran sugidda nabadgelyada”. Maxamed Cali, inkasta oo dhowaan xilka maayar-nimo laga qaaday, magaaladana loo soo magacaabay maayar cusub oo hadda ku sugan Burco, haddana weli xilka ma wareejin, laakiin mar aan waydiiyey inuu xilka wareejinayo iyo inkale waxa uu yidhi “ Dhakhso ayaan u wareejinayaa oo labadayada dhinacba diyaar baanu u nahay inaanu xilka kala wareegno”. Guddi Madaxweyne Rayaale U Saaray Wax Ka Qabashada Caashooyinka Dekedda Oo Berbera Ka Hawl-galay Berbera (Haatuf): Wefti ka kooban Wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacsiga, Hant-dhawraha Guud iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa socdaal hawleed la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera ku jooga magaalada Berber, iyadoo ay xubnahaasi ka mid yihiin guddi uu madaxweyne Rayaale u xil-saaray inay wax ka soo qabtaan wixii dhibaatooyin ee ku saabsan cabashooyinka Ganacsatada. Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Xuseen Faarax Doodi, Hantidhowraha Guud, Aadan Cali Yoonis iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, C/raxmaan Faarax Sugaal oo fiidnimadii habeen hore tegey Berbera ayaa shalay gelinkii hore shir dhawr saacadood qaatay oo ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay maamulayaasha dekedda iyo kastamka Berbera. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir Wasiirka Maaliyadda ayaa shirkaa ka dib saxaafadda u sheegay inuu shirkaasi qayb ka ahaa kulamo hore u socday oo u dhexeeyey madaxda dekedda iyo kastamka iyo ganacsatada wax kala soo degta dekedda, isaga oo wasiirku sheegay in guddi uu isagu (Wasiirka Maaliyadda) xubin ka yahay uu hore Madaxweynuhu ugu saaray sidii wax looga qaban lahaa cabashooynka ganacsatada ee dhinaca dekedda la xidhiidha. “Tallaabadani waa mid aanu ugu kur gelayno sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha ka soo dega dekedda iyo cabashooyinka ganacsatada ” ayuu yidhi wasiirku, wuxuuna mudane Doodi carrabka ku dhuftay inuu awood u leeyahay wixii wax ka qabasho u baahda ee la xidhiidha tabashooyinka baayac-mushtarka. Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Faarax Doodi waxa kale oo uu sheegay inay la kulmi doonaan ganacsatada, taas oo uu xusay in isla eegi doono sidii looga wada hadli lahaa arimo badan. Sidoo kale Wasiirka ganacsiga Rashiid X, Cabdilaahi ayaa isna gelinkii dambe ee shalay gaadhay magaalada Berbera, iyadoo uu socdaalkiisa Berbera qayb ka yahay ujeedada ay weftiga Wasiirka maaliyaddu u tageen halkaa ee la xidhiidha cabashooyinka isa soo taraya ee ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera, waxayna wufuudaasi gelinkii dambe ee isla shalay hudheelka Biyo dhacay ee magaalada Berbera kulan kula yeesheen Ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera. Kulankaas-na, inkasta oo aan war rasmi ah laga soo saarin, haddana sida ay wararku sheegeen waxa lagaga wada hadlayey sidii xal looga gaadhi lahaa waxyaalaha ay ganacstadu ka cabanayaan, iyadoo uu wada hadalkaasi magaalada Berbera ka sii socon doono ugu yaraan ilaa maanta.
Budhcad Hubaysan Oo Kolonyo BaabuurAh Jid-Gooyo Ugu Galay Galbeedka Boorama
Boorame (Haatuf): Hal nin ayaa dhaawac soo gaadhay,ka dib markii ay dabley hubaysani habeen hore baabuur kolonyo oo rakaab sidda jid-gooyo ugu galeen meesha la yidhaahdo HILOWDA oo u dhexaysa magaalada Boorame iyo tuulada Boon ee gobolka Awdal. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar waxay baabuurta jid-gooyada loo galay ka koobnaayen ilaa 7 gaadhi oo ay saarneeyeen dad rakaab ahi, iyadoo ay dableydaasi baadheen dadkii rakaabka ahaa, waxayna wararku sheegeen in dableyda jid-gooyada gashay la filayo inay yihiin maleeshiyo is-urursatay oo u dhashay degaamadaa. Meesha ay dableydaasi jid-gooyada ka sameeyeen waxay ku taal wadada xidhiidhisa magaalooyinka Boorame, Qol-ujeed iyo Boon, waxayna dadka rakaabka ah ee baabuurrta jid-gooyada loo galay la socday ka kala yimaadeen degaamada xeebaha galbeed ee Somaliland iyo dalka Jabuuti. Dableydu waxay baabuurtaa markii u horaysay ku fureen tacshiirado rasaas ah, halkaas oo ay ku joojiyeen gawaadhidii, ka dibna ay ku baadheen dadkii rakaabka ahaa. Ninka jid-gooyadaa ku dhaawac-may oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Rabiile Cumar, waxa hadda lagu dawaynayaa cusbataalka guud ee Berbera, wuxuuna Cumar Rabiile u sheegay weriyaha Haatuf oo cusbataalka ku booqday inay dableyda jid-gooyada u gashay tiradoodu ahayd ilaa tobaneeyo nin, goobta ay ka helleenna ay qiyaas ilaa 3o Km. Ah dhinaca galbeed ka xigto Boorame, isaga oo Cumar sheegay inay shuftadu lacag iyo alaabo kaleba ka qaateen rakaabka iyo baabuurtaba. Cumar Rabiile, isaga oo ka hadlaya dableyda jid-gooyada u gashay waxa uu ku waramay inaanay nimankaasi meel kale ka iman ee ay u dhasheen degaamada ay jid-gooyada ka galeen. Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamed Muuse Bahdoon ayaa dhacdadaa ku tilmaamay fal budh-cadnimo oo aan loo baahnayn inuu sii jiro, sidaa darteed ay talaabo ka qaadayaan. Hase yeeshee Badhasaabku waxa uu darawaliinta baabuurta ku eedeeyey inay iska dhego tireen amar laba bilood ka hor lagu war-geliyey, amarkaas oo uu sheegay inuu ahaa inaanay marin jidka mara HILOWDA oo ah meesha jid-gooyadu ka dhacday, sidaa darteed ay masuuliyadda dhibta meesha timi, iyagu leeyihiin ayuu ku andacooday badhasaabku. Laakiin waxa uu tilmaamay inuu jiidda jid-gooyadu ka dhacday u diray ciidamo si ay wax uga soo qabtaan arintaa. Hase yeeshee warku ma sheegin in si rasmi ah loo aqoonsaday iyo in gacanta lagu dhigay dableydii jid-gooyada gashay, iyadoo aan falkan jid-gooyada ah muddo dheer noociisa oo kale lagu arag jiidahaa. Kudkii Kabaha Loo Tolay Siciid I. Guraase – Q: 4aad 2- Dhaqanka iyo suugaanta Inaga oo ku soo jirnay xididada qabyaalada, waxaynu hore u soo sheegnay inay degaanka iyo noloshu ka mid yihiin xididada qabyaalada ayna ka qaybqaataan jiritaankeeda. Dhaqanka iyo suugaanta ayaa iyaguna ka mid ah xididada qabyaalada, marka loo adeegsado sida khaldan. Waayo, dhaqankeena iyo suugaantu waa badweyn ay ka buuxaan xikmado iyo murti aad u gun dheer. Balse, waxaa jira qaybo ka mid ah dhaqanka iyo suugaanta oo caawiya qabyaalada ayna ka faa’iidaystaan fidmo-wadayaasha iyo warxumo-tashiilku dhinaca dhaqanka waxaa ka mid ah bulshadeenu waxa ay dhaqan u leedahay in caruurtu marka ay yar-yar tahay lagu ababiyo abtirsiinta reerkooda, dushana ay ka xafidaan. Taasi ma xuma inuu qofku garto nasabkiisa, balse waxaa loogu talax-tagaa mararka qaarkood si khaldan. Iyada oo abtirsiinta la raaciyo qabyaalada sida sheekooyin ku saabsan ammaanta iyo faanka reerkooda, iyada oo dadka kalena cay iyo xumaan laga sheegayo. Waxaa intaa dheer, iyada oo loo raaciyo gabayo iyo suugaan arrimahaa ku saabsan. Kadib, waxa ay carruurtu madarasadda koowaad oo ah guriga ka soo baxaan iyaga oo ay ka buuxdo ammaanta reerkooda iyo cayda reeraha kale, taas oo marka uu suuqa iyo goobaha lagu kulmo yimaado ay fooda isla galaan dadkii kale oo iyaguna sita sahay la mid ah ta uu sito. Arrintani waa ta abuurta muranka iyo buuqa ka taagan suuqyada iyo goobaha lagu kulmo oo ku salaysan anagaa idinka fiican iyo anagaa idin fiican. Arritan oo loo baahan yahay in laga digtoonaado, waalidkuna ay gartaan xilka ka saaran ubadka oo ay tahay inay baraan anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan, kana ilaaliyaan ubadka inay ku beeraan cudurada xun-xun ee iyaga iyo bulshadaba dhibaatada ku ah. 3- Habka maamulka dawladda Marka la eego sida aynu dawladnimada u fahamnay ayaa iyaduna ah mid caawinaysa qabyaalada, taas oo ah in qofka mas’uulka ahi uu noqdo mid reer ka wakiil ah, halkii ay ka ahayd inuu xil ka saaran yahay dhammaan ummadda, ayna tahay inuu ugu adeego si isku mid ah. Qaaciidada la raacaana waxay tahay; “Geel-jire geela wuu wada jirtaa, haddana wuu kala jirtaa,” oo ah sidii lagaga dhaqmi jiray miyiga. Dawladnimadii ayaynu ka dhignay sidii geela oo kale, taas oo la wada jirayo, haddana la kala jiranayo. Taana waxaa ugu wacan marka uu ninka mas’uulka ahi u shaqeeyo reerkooda oo keliya, waxaa khasab ah inay reeraha oo dhamina wada doonaan in jagooyin la siiyo. Taas oo meesha ka bixi lahayd haddii uu qof kasta oo mas’uul ahi ugu shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa si caddaalad iyo sinnaan ah. Haddii ay muddadii aynu soo dhaafnay taasi keenaysay duruurtii lagu jiray waxaa haboon in hadda laga gudbo. 4- Siyaasiyiinta siyaasiyiinta ayaa iyaguna door muhiim ah ka qaata fiditaanka qabyaalada, gaar ahaana muddooyinkii la soo dhaafay oo ay ku fushan jireen dantooda, xataa haddii ay keenayso colaado lagu hoobto. Siyaasiyiintu waxa ay kaadhka qabyaalada la soo baxaan marka ay awrka ku kacsanayaan, sida marka ay doorashooyin dhacayaan ama ay fushanayaan waxyaabo iyaga dan u ah. Markaas oo ay tumaan durbaanka qabyaalada, si ay u abaabulaan dagaalo iyo xiisado cusub oo ka dhex dhasha bulshada, waxaana nasiib-darro ah inay dad badani u hoggaansamaan kuna daataan dabka ay hurinayaan, iyaga oo aan ka fiirsan ujeedada laga leeyahay ee ka dambaysa. Taas oo u baahan in laga digtoonaado, gaar ahaana hadda oo ay furmeen axsaab siyaasadeed, lana filayo inay doorashooyin dhacaan. Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa ka mid ah xididada qabyaalada, loona baahan yahay in xal loo helo. SHAREECADA ISLAAMKA IYO QABYAALADA Ugu dambayn, haddii aynu eegno shareecada islaamku waxa ay ka qabto qabyaalada, waa mid xaaraan ah, marka loo adeegsanayo si guracan oo fitno abuuris iyo xumaan abuuris ah. Balse, shareecadu waxa ay banaysay in loo isticmaalo si-garasho iyo is-barasho dadka dhexdiisa ah sida uu Ilaahay Qur’aanka inoogu sheegay. Aayad Qur’aan ah ayaa macnaheedu yahay; “Waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si ad isu garataan, Ilaahay agtiisana waxaa idiinku wanaagsan kiina ugu Alla ka cabsiga badan.” Taas oo uu macnaheedu yahay inay dadku ku kala fadli badan yihiin oo ku kala wanaagsan yihiin sida ay u kala cibaado iyo Alla ka cabsi badan yihiin, balse aanay ku kala sarayn cidda qoladoodu tahay. Nebiguna C.S.W, waxa uu Xadiis ku yidhi; “Dhammaantiin waxaad tihiin ilma Aadan, Aadana waxaa laga abuuray dhoobo.” Sidaasay dadku ku yihiin qaar siman oo ciid laga wada abuuray. Waxa la is dheeryahayna waa sida loo kala cabsi badan yahay. Xadiis kale, waxa Rasuulku csw ku sheegay inaanu ummaddiisa ka mid ahayn qofka ku baaqa qabyaalada, isaga oo yidhi; “Naga mid maaha qofka ku baaqa wixii jaahilnimada.” Taas oo ah qabyaalada. Waxa kale oo uu Rasuulku yidhi; “iskaga taga qabyaalada oo ah wax qadhmuun.” Waayo, waxaa laga neceb yahay xaga Ilaahay iyo xaga diintaba. Qofka qabyaalada ku jiraana waa qof dembi dhex dabaalanaya kolba inta uu ka dhigto-ba. Sidaa darteed waa in qabyaalada laga hadho, lagana waantoobo doodaha ku saabsan, waayo haddii aanu afku xumaan gacantu ma xumaato, qiimaynta qof kastaana waa inay noqoto wuxuu isagu yahay xumaan iyo fiicniba. Nebiguna waxa uu yidhi; “Fidnadu way hurudaa ee Ilaahay ha nacdalo qofkii toosiya.” Xilkaasina waa mid saaran qof kasta meeshuu doonaba ha joogee. Dhammaad. Ku Dhaqanka Axdigii OAU Oo Maanta Ku Eg Ururka Midowga Afrika ee dhowaan lagaga dhaawaaqay magaalada Durban ee Koonfur Afrika, ayaa waxaa ka horreeyay hawlgalkii Midowga Afrika. Dhalashadii Midowga Afrika (AU), waxaa ka hawlgalay, NEPAD o ah dan-wadaagta Horumarinta Afrika iyo (CSSDCA) oo ah kulanka Nabadgelyada, Deganaanta, Horumarinta iyo Iskaashiga Midowga Afrika. Maanta oo ay July 2002 tahay 10, ayaa ugu dambaysa isticmaalkii jaartarkii OAU. Waxaana beddelaya distoorka sharciga ee Midowga Afrika (AU). Dan-wadaaga NEPAD, waa barnaamijka horumarinta Afrika ee Afrikaanka, waxaana NEPAD lagu ansixiyay shir ka dhacay Lusaka – Zambia 11-kii July 2001. Waxaa aas-aasay dawladaha Afrika ee ku dhaqma nidaam wanaagsan oo dawladeed, xorriyadda siyaasadeed, ilaalinta xuquuqda aadamaha, taas oo ku shaqaynaysa in laga hortago shaqaaqooyinka iyo deganaansho la’aanta ka jirta Afrika. Ururka Al-Qaacida Oo Si Kulul Ugu Hanjabay In Ay Weeraro Qaadayaan Ururka Al-Qaacida, ayaa sheegay inuu dib u soo cusboonaysiinayo weeraro uu ku qaadayo danaha Maraykanka. Maalintii Salaasadii ee shalay ayaa Jariirada ‘Al-Youm’ ee ka soo baxda Al-Jeeriya, waxay daabacday waraysi ay la yeelatay Sulieman Abu Ghaith oo Af-hayeen u ah ururka Al-Qaacida ee Usma bin Laden, Af-hayeenkaas oo waraysiga ku bixiyay Email-ka, waxaa ka buuxay canaan uu Maraykanka canaanayo, isaga oo tilmaamaya weeraro ay ku qaadi donaan Maraykanka iyo Yuhuda. Af-hayeenkaasi, wuxuu waraysiga ku sheegay in ololihii Maraykanku uu guul-daraystay, iyo inay Al-Qaacida u shaqaynayso si wacan. Suleiman Abu Ghaith, wuxuu u dhashay dalka Kuwait, waana raga lagu tiriyo asal-raaca islaamiga ah, waxaa sanad kahor lagu arkay cajalad fiidyow ah, isaga oo ag-fadhiya Usama bin Laden, bishii hore ayaanu si cad shaaca uga qaaday colaada uu u hayo reer Galbeedka. Waraysigan waxaa kale oo uu ku sheegay inaan Al-Qaacida weerarada joojinayn ilaa inta uu Maraykanku joojinayo waxa uu ugu yeedhay siyaasadda caddaalad-darrada ah ee uu Maraykanku kaga soo horjeedo muslimiinta, kuna taageerayo Yuhuuda iyo masiixiyiinta. Frank Gardner, oo arrimaha nabad-gelyada u qaabilsan BBC-da, ayaa yidhi; “Haddii uu waraysigani run ahaan yahay mid Al-Qaacida bixisay, markaa kuma jiraan wax cusub oo halisa. Bilihii ugu dambeeyay, Al-Qaacida waxay dhawr jeer tilmaantay inay weerarayso reer-galbeedka, laakiin wixii dhacay waxay ahaayeen waxyaalo fudud marka la barbar dhigo dhacdadii 11-kii September. Ciidamada NAATO Oo Xidhay Dembiile Dagaal Oo Kufsaday Haween Muslim Ah Ciidamada NAATO, ayaa xidhay nin ka tirsan Serb-iska reer Boosniya. Radovan Stan-Kavoc, oo ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada dalaayadaha ku booda (Paramilitary), ee Seerbiyiinta Boosniya, ayaa ahaa baafin loo doonayay dembyadii dagaalka ee ay maxkamadda Hague kusoo oogtay dadka loo haysto inay fuliyeen. Radovan, waxay maxkamadda Hague u haysataa inuu ka qaybqaatay olele kufsi ah oo lagu sameeyay haweenka muslimka ah sannadihii 1992-1993, waxaanu ka mid yahay 23-ka qof ee ay maxkamadda caalamiga ahi aadka u doonayso inay qabato. Gaashaanle Scott Lundy oo u hadlay ciidamada ay NATO hoggaaminayso ee dejinta xaaladda nabadeed ee Bosnia ayaa sheegay in Radova Stankovic loo qaadayo dhinaca maxkamadda Hague. Radovac waxaa lagu qabtay tuulada FOCA ee ku taal Koonfurta Bari ee Bosnia. Tuulada Faco, ee Bosnia waxay Seerbiyiintu qabsadeen April 1992, waxayna ururiyeen dhammaan rag iyo dumar wixi muslimiin ay ku qabsadeen tuuladaa. Seerbiyiintu, iyaga oo u kala qaybiyay rag iyo haween. Haweenka waxaa la geeyay hoolalka ciyaaraha iyo fasalada iskuulada, waxaana hablo ay da’doodu ka yar tahay 12-jir lagu sameeyay kufsi. Mr. Stankovic oo 33-jir ah, wuxuu ka mid yahay 8 Seerbiyiinta Boosniya ah oo ku eedaysan kufsi, qaar ka mid ah hore ayay maxkamadda Hague ugu xukuntay xadhig dheer oo xabsi ah. Maxkamadda Hague, waxay hore kufsigii ka dhacay tuulada Foca ee Boosniya u aqoonsatay dembiyo ka dhan ah banii’adamnimada (Crimes Against Humanity). ODHAAHDA AKHRISTAHA Madaxweyne Wada-Tashigu Waa Lagama MaarmaanMudane madax-weyne, waxa aad ii raalli gelisay khudbbaddii aad fagaaraha khayrida ka jeedisay maalintii sannad-guurada 11naad ee la soo noqoshada qaranimada JSL. Taasoo taabanaysay xaqaa’iq taariikhi ah oo dalka iyo dadkuba soo maray, iyo marxaladdan xasaasiga ah ee taagan. Inkasta oo nin walba marka uu ku cusub yahay madaxnimada ama uu doorasho u taagan yahay, arrimo badan oo aad loogu baahan yahay uu ku ballan qaado si uu dadka u soo jiito ama tiqad uu uga helo, haddana waxaan ku rajo weynahay inay waxyaabo badani kuu suuragalayaan. Waxaan aad kuugu garab taaganahay dhaqdhaqaaya firfircoon ee aad qaadday muddadii yarayd ee aad xilkan cusub haysay. Waxa xasuus iyo magacba mudan sida la yaabka leh ee aad u fur-furtay siyaasaddii aad moodaysay inay kala qoqoban tahay adigoo albaabada u furay dhinacyo badan oo kala aragti fogaa, waana ta loo baahan yahay, dalka iyo dadkana dhaqaysa. Mudnaanta koowaadna waa sidii ay u meel mari lahayd doorashadu, ayadoo muddo-kordhintii sannadka ahayd haatan gabagabo tahay, si aanay u noqon mid mar afraad loo baahdo dibu dhig iyo korodhsiimo dambe. Sida aad ogtahay ma raalli gelin doonto qaybo badan oo bulshada ka mid ah, waxaaney keeni kartaa niyad jab, kalsooni darro ku timaadda himilada shacab-weynaha iyo ta siyaasiga ahba. Si taa looga gudbo waa in hay’adaha dawladdu ay dhamays tiraan arrimaha ku xidhan doorashada Madax-weyne, dadku waxay baryahan dambe isla dhex marayaan laba arrimood oo kala ah: waa ta hore eh; magacaabiddii madax-weyne-ku-xigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo la leeyahay waxay u dhacday si gole ka fuul ah, sababta oo ah :mudanaha oo ku cusub xaynddaabka siyaasadeed, cilmigiisa sare oo kooban, isaga oon lahayn khibrrad iyo waayo-aragnimo kaafi ah marka loo eego jagada uu qabtay iyo marxaladan kala guurka ah. Ta labaadna; socdaalkii lama filaanka ahaa ee Jibouti adiga iyo weftigaagu ku tagteen. Iyadoo ay tahay lama huraan dalalka jaarka in lala lahaado nabad,xidhiidh fiican oo walaaltinimo, ta ganacsiga iyo dhinacyo kale oo fara badanba, waana haddii ay joojinayaan siyaasiyiinta reer Jabuuti suul-daaradii ay ku hayeen ama ay kaga soo har-jeedeen gooni-isu-taagga carriga Somaliland iyo dadkiisaba tan iyo halgankii xoreynta dalkan. Taasay dad badan oo ka saadaaliya siyaasadda ay isweydiinayaan, billaynoo ay Ismaaciil Cumar Geelle ka tahay xeelad marin habaabin ah mar haddii aanu calanka Jamhuuriyaddu ka dul baban hoteelkii madax-weyne Rayaale iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyey sidii ay yeeleen Addis-ababa iyo Pretoria . Waxa la yidhi xabaal baa xigto ka maarmi weydey markaa jaararku ma kala maarmaan, ina Geelle waxan leeyahay arrinta Somaliland waa mid Eebbeh wato oon soo laabad lahayn, wixii Ilaahay watana binu’aadam ma leexin karo. Waar maanta isdaba qabo oo magac iyo maamuus ku bedelo colaaddii hore, Somaliduna waxay ku maahmaahdaa farba farta xigtaa lagu kabaa Madax-weyne waxaad tahay nin aad iyo aad u nasiib badan, waayo, Somaliland manta waa caano kula dege, sidaad ogtay, dalka aad manta horseedka aad ka tahay waxa si fiican uga hir-galay dastuur diimuqraadi ah oo dadka kala haga, lehna albaab laga galo iyo mid laga baxo. Tan waxa markhaati cad u ah sidii loogu wan-qalay dastuurka qodobkiisa: 89aad ahna habka buuxinta jagada bannaanaatay, oo ah ka adiga kuu xalaaleeyey kursiga madax-nimada dalka, sidii habsamida iyo qaanuuniga ahayd ee waajibka xil-buuxinta loo gutay waxay u quus-goysay cadaw fara badan oo ka soo hor jeeda wanaagga dalkan iyo dadka ku dhaqanba, oo hanqanka la soo kacay markii ay maqleen geeridii xaqa ahayd ee ku timid Allah ha u naxariistee madax-weynihii hore ee dalka “President Igal”, ayagoo isyidhi imikay kale yaacayaan, ina-Cigaal baa isku karkarayey, laakiin imika ka hor may yiqiinsan in dalkani hir-galay oo maanta uu ku dhaqmayo dastuur saldhiggiisu yahay diimuqraadiyad. “Waa ciide ciidaay oo xorriyad lagu ciyaaraayo” haddaan maalintaadii caddayd calanku kaa weehan, caasimad haddaanaan ka dhigin ceelka herer weyne, cid ma lihid Hargeysaay haddii cudud laguu sheeg to. ALLAAH mahad leh, may beenoobin tixdan oo ka mid ah gabayadii halyeey Cali Xasan Aw Adem (Balfas). Madax-weyne, dawladdaadu waa da’yar, waa maamul curdin ah, degenaansho iyo hubsiimo taxadir badan, qun-yar socod xeeldheeri huwan, iyo talo wadaag sida ku cad dastoorka dalka qodobkiisa 9aad faqraddiisa koowaad oo u dhigan sidan: Nidaamka siyaadeed ee JSL waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag dimuqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyad badan. Haddaba, Mudane madaxweyne, waxad qaadataa talooyinka intii tayo iyo wax-ku-ool leh. Ugu dambayna haddaynu eegno tibicyadan ka mid ah gabay uu leeyahay abwaanka weyn ee Mohamed I. W. Hadraawi wuxa daliil u yahay, in wada tashigu yahay lagama maarmaan bulshada dhixdeedana wanaag ku taro. Gurgurshaagu awr buu ka yahay rarasho gaadiide,Gadhwadeenku ruux buu ka yahay geylan wadareede, Nin uun baa guddoonshee xil waa laysu gororshaaye, Galladuna waxay saran tahay wax isu geygeyne, Inkastuu wax galo ama wax gudo ama wax weyn gooyo, Inkastuu galool mudhay ka yahay dhiraha gaabaan. Hadduu Geel abuuriyo hadduu gaas cartama beero, Inta ruux wax gaadhsiin karaa way gun dhowdahaye.” Maxamed X. Cabdullaahi Faarax (Indha-cawl,) Riyadh. Amaantii Wuxuu Ku Helay Abaal-GudShir-jaraa’id oo uu Cismaan Awr-liqe ku qabtay xafiiska duqa Hargeysa waxa uu hadalkiisu ahaa mid daaha saaraya dhaliilaha maamul ee dawladda hoose, laakiin waxaan leeyahay cadceeddu wax sacab lagu qariyo ka weyn, cidiise ku shaqaysata cadaalad daro iyo musuq-maasuq way qoomamayn doontaa. Abaaro 6:15 daqiiqo dadweynaha degan xaafadda 26-ka Juun ku waaberiisteen, gaar ahaan inta u kallahda shaqada iyo hadhaaga dadkii masaajidada ku tukaday salaadda subax , waxay mar qudha ku war heleen siidhiga iyo shaqaale lagu fayliyey dhisidda binno cusub oo laga seesayo goob ku taal wejiga hore ee Ex-guriga xisbiga ama isgoyska u dhow Raadyow Hargeysa. Goobtaa oo uu hore uga taagnaa sees la wareejiyey, lana dhisay kal hore markii laga kicinayey dadkii dan yarta ahaa ee wax ku iibsan jirey waxa loo sheegay in meesha laga dhigayo isgoys ay baabuurtu isku waydaartaan, iyadoo ay masuuliyiintii meesha timi oo uu ka mid ahaa madaxii waaxda arimaha bulshada Cismaan Awr-liqe ay halkaa ka ballan qaadeen inay goobtaasi noqonayso dan guud, taas oo ay yidhaahdeen hadii ay noqon waydo dan guud xabad-xabad u qaata lebanka meesha lagu dhisay, laakiin waxa ka dambaysay, inay goobtii isugu soo baxaan dadweyne ku qaylinaya Cismaan awr-liqe oo leh, dhul-cune dooni mayno, danayste dooni mayno iyo hadalo kale, halkaas oo uu dhagaxu hadh belay, ka dibna ay dadkii burburiyeen dhismihii cusbaa ee meesha laga seesay oo dhulka ayaa lala simay. Oday ka mid ahaa dadkii goobta joogay oo ay da’diisu ilaa 68 jir ahayd ayaa igu halkan (Goobta la dhisay) ayaan adhiga ku raaci jirey, weligayna ismaan odhan cid baa intay kuugu timaado kugu amar-ku taaglaynaysa, laakiin wixii Bile Rafle ka xishooday ayaa maanta nin muwaadin meesha u dhashay ahi u soo tafaxaytay waa nasiib daro. Iyadoo ay weli dadku goobtii ku sugan yihiin ayuu maayar-xigeenka caasumadda Hageysa, Khaliil Ibraahin noqday masuulkii u horeeyey ee dawladda ah, isaga oo si fiican u qanciyey dadweynihii meesha isugu yimi, taas oo uu ballan qaaday inay goobtaasi ahaan doonto dan guud. Hadaba dadweynihii goobtaa isugu soo baxay waxa ka mid ahaa hadaladii ay isla dhex marayeen amaantii Ina-Awrliqe ee Cawl ma waxa uu abaal-gud u helay in madaxeenna jaa’isad loo siiy Hase yeeshee wasaaradda daakhiliga oo ay dawladaha hoose hoos yimaadaan ayaa lagu dhaliilayaa inay gacmaha ka laabatay wax ka qabashada dhibaatada dhul-boonka, iyadoo madaxweynaha laftiisuna aanu dhaliisha ka madhnaanayn, waxaanse arinta kaga gam’I doonaa hadii ay shacbigu noqdaan, kuwo soo jeeda oo wixii xun iska arkaya, hadiise taa la waayo waxa ina haysta Hal-ku dheggii ahaa “Talyaaniba dad xumo ayuu u jabay”. Mawliid Saleebaan, HargeysaGaalada Dalka Joogtaa Yaanay Dumarka Maskaxda Ka Bedelin Asal ahaan hay’adaha dalka joogaa ma jirto wax ay u qabtaan dalka iyo dadka Haddaba iska daa wax ay qabtaano waxa ay dalka ka wadaan qaarkood falal aad u xun-xun isla markaana haddaan wax laga qaban ama aan laga hortagin waxay inoo gaysaneysaa meel aynaan ka soo laaban karaynin kuwaas oo ah; 1- Dhalan rogad dhaqan bi’is 2- Iyo waxyeelo diinta wax u dhimaya. Tusaale ahaan haddaynu soo qaadano dumarka ku J.Somaliland waxa ay qaarkood ku jiraan Ururo Siyaasadeed kuwaas oo u bixiyay magacyo u gaara isla markaana ula magac baxay isla mar ahaantaama ay Gabood iyo dhufays ka dhigteen ha’yado u gaara oo bixiya adduun fara badan (maal badan) kuwaas oo ku kharash gareeya dumarkaa. Marka taas laga yimaado dumarka waxa ay baraan waxyaabo aan faa’iido u lahayn ama munaasib ahayn kuwaas oo u fura siminaaro markay ugu yar tahay socda 10 cisho. Dumarkaa waxa aad arkaysaa marka ay goobaha joogaan iyaga oo uu lumay dhaqankoodii xishoodnimo. Waxa kale oo ay badalku sameeyaan dhaqankii Diinteena suuban ee wanaagsanayd, si badheedha iyaga oo adeegsanaya dumarka, iyaga oo ka dhaadhiciyay mudnaanta dumarka ayaa iska leh. Waa arrin lala yaabo oo ah in wax laga qabto oo xoog la saaro. Waxa Haddaba iswaydiina Maxaa ay ka ogtahay gabadhu, carruurtuse maxay samayn doonaan ama samayn karaan? Su’aashaa haddii aan lafa guro waxay noqonaysaa, haddii aynu soo qaadano inamada waxa ay ka faa’iidaysanayaan Hooyadda aan aqalka joogin oo suuqa ayay gelayaan talaabadda ugu horeysaa ee ay samaynayaan; waxa uu bilaabayaa ilmihii balwad sida sigaarka iyo jaadka iyo balwado kale oo maandooriye ah halkaa waxa ku lumaysa oo dhabar jab weyn ku noqonaysaa mustaqbalkoodda. Xagga hablaha, hooyadda ay haysato tarbiyada ubadka oo ilaalin karta ubadkeeda. Laakiin marka ay ubadka ama hablihii arkayaan Hooyadii oo aqalka ka maqan kadibna arkaysa iyaga oo ku talaabsanaya halkaa waxa ku baaba’aya qoyskii dhisnaa Haddaba waxa aan korku soo sheegay ee kor ku xusani maaha wax lagu farxo oo la jeclaysto qofkasta waxa Dhashay Hooyo oo Hablo ayay walaalo yihiin iyo inamo. Waxase aan dulucda aragtidaydan kaga baxayaa, guntii iyo gabagabaddii Dumarku waa in ay ku ekaadaan aqalkooda xaaskeedda iyo carruurteeda oo ay bartaa, una sheegtaa tarbiyadda iyo barashadda diinteena suuban iyo dhaqankeena fiican. Axmed Cali Muxumed |