Haatuf, Cadadki 113, July 12, 2002

Madaxweyne Rayaale Oo Dib U Soo Magacaabay Lix Wasiir Iyo Saddex Wasiir-Xigeen Iyo Dareemada Laga Bixiyay

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dib ugu soo magacaabay xilalkii ay hayeen lix wasiir iyo saddex Wasiir Ku-xigeen, sidaana waxa xaqiijiyay Xoghayaha Golaha Wakiilladda.

Wasiiradaas waxa magacaabay Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, dhawr bilood ka hor dhimashadiisii. Hase yeeshee, ilaa wakhtigan waxay shaqaynayeen iyadoo aanu Baarlamaanku ansixin.

Sida uu dhigayo Dastuurku Wasiiradda iyo Wasiir Ku-xigeenada uu magacaabo Madaxweynuhu waa in bil gudaheed loogu gudbiyaa Golaha Wakiilladda, si uu ansixiyo ama u diido.

Dib-u-soo-magacaabistooduna, waxa ay ka dambaysay markii ay wasiiradaasi muddo dhaafeen wakhtigii dastuurku u cayimay in Goluhu ku ansixiyo ama ku celiyo, isla markaana uu shir-guddoonka Wakiilladdu dib ugu celiyay Madaxweynaha.

Sida uu Haatuf u sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilladda, Mudane C/qaadir Jirde, Shir-guddoonku waxa uu raaciyay qoraal uu Madaxweynaha ku weydiisanayo inuu dib u soo magacaabo wasiiraddaa muddo-dhaafay, taas oo uu ku tilmaamay tallaabada xigta ee looga wareegayo marka ay sidaas oo kale dhacdo.

Wasiiradda Madaxweynuhu dib u soo magacaabay, waxay kala yihiin:

1         Wasiirka Wershadaha, Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye);

2         Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil;

3         Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Cali;

4         Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/laahi Cumar Cige;

5         Wasiirka Duulista Hawada, Maxamed Cabdi iyo

6         Wasiirka Cadaaladda, CabdiXamiid Garaad Jaamac.

Iyo Wasiir Ku-xigeenada wasaaradaha Caafimaadka, Cadaaladda iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Xoghaya Golaha Wakiilladda Mr. Maxmed Cismaan, ayaa u sheegay Haatuf in wasiiradaas mar hore-ba la gaadhsiiyay u yeedhis qoraal ah oo uu goluhu ku dalbanayo in ay horyimaadaan, si loo ansixiyo ama loo diido, waxaana uu sheegay in Sabtida la filayo wasiiradaasi in ay hor tagaan Golaha Wakiilladda.

Dib-u-magacaabista Wasiiradaasi, waxa ay timid wakhti si weyn loo naawilayo dib isugu shaandhayn uu Mudane Rayaale ku sameeyo dawladii uu kursiga la dhaxlay ee uu ka tegay Madaxweynihii hore Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, isla markaana waxaa dib-u-magacaabistan dareen walaac leh ka bixiyay dadka Siyaasadda u dhuun-daloolla oo ay ku jiraan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweyne Rayaale, markii uu hogaanka la wareegay bishii May, waxa uu ugu horeynba xidhiidh la sameeyay Salaadiinta iyo ururadii mucaaridka ee ku baaqay in shirweyne Qaran la qabto, kadib markii uu dhammaaday wakhtigii Xukuumaddu. Waxayna Salaadiintaasi iyo siyaasiinta mucaaridka ee ay isku ologa yihiin, waxay isla barbar taageen Madaxweyne Rayaale taageero, kadib wada-hadalo ay is-afgarad iskula gaadheen. Dadka go’aankan naqdiyay waxay ku doodayaan in Madaxweyne Rayaale uu ballanqaaday inuu dhisayo dawlad Midnimo Qaran oo dalka ka saarta marxaladan adag ee Siyaasadeed, kalsoonidii dadkana dib u soo noolaysa. Sidaa darteedna, fursaddani ay ahayd mid muhiim ah oo uu uga faa’iidaysan karayay isbedel, haddii uu ku samaynayo Golaha Xukuumadda.

Aragtiyahaasi waxa kale oo ay qabaan in dib u  cusboonaysiinta wasiiradaasi ay u muuqan karto in Rayaale uu sii amba qaaday hannaankii hore, ayna u quus-goynayso xubno mucaaridka waaweyn ah oo muddo-ba ka dhursugayay isbedelka la rajaynayay in mudane Rayaale ku sameeyo dawladiisa.

Dhinaca kalena waxa jira dareen isa soo tarayay intii sheekadani soo baxday oo iftiiminaya werwer iyo walaac laga qabo in wasiiradaas loo soo dhigay wakhtigan in Golaha Wakiilladda laftiisu uu kala reebo wasiiradaas dib loo soo magacaabay, iyadoo isla markaana la rumaysan yahay in aanay muuqan dhiiri-gelin iyo tabantaabo badhi-taaraysa in goluhu meel mariyo wasiiradaas. Hase yeeshee, Mudane ka tirsan Golaha Wakiilladda ayaa tilmaamay in guux dareenkaa ku xidhiidhsan uu Golaha ku dhex jiro, laakiin waxa uu qabaa in haddii xataa ay jirto ujeedo in goluhu diido wasiiradaas ay tahay wax bar-kuma-taal ah oo aan loo guuxi karin.

Maamulka Cusub Ee Burco Oo Xilka Kula Wareegay Deyn Ka Badan SL.SH 1.6 Bilyan

Burco (Haatuf): Maamulka cusub ee dhowaan loo magacaabay magaalada Burco ayaa shalay xilka kala wareegay maamulkii hore, xilkaas oo ay weheliso dayn ka badan Sl.shs 1.6 Bilyan oo lagu leeyahay dowladda hoose.

Maamulka cusub oo ka kooban Maayorka, Kuxigeenkiisa iyo Xoghayaha Degmada waxay xilka kala wareegeen masuuliyiintii hore oo shaqada laga fadhiisiyey.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Xarunta dowladda hoose ee Burco waxaa ka qaybgalay saraakiil ka socotey wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu horkacayo Aggaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Mr.Cabdiraxmaan Daahir Cajab iyo madaxda maamulka gobolka Togdheer, waxaana si ballaadhan loogaga wadahadlay dhibaatada dhaqaale iyo mushkiladda dhulka oo curyaamiyay hawlaha dowladda hoose ee Burco.

Maayorkii hore, Mr. Maxamed Cali oo ka warbixinayey muddadii uu xilka hayay ayaa sheegay inuu wax weyn ka qabtay dhul boob ba’an oo magaalada ka socdey waqtigaas iyo adkaynta nabadgelyada. Waxa kale oo aannu culayska saarnay ayuu yidhi ilaalinta dhismayaasha iyo dhulkii danta guud.

Hase yeeshee,Maxamed Cali waxa uu sheegay inay culays weyn ku noqotay dayn laxaad leh oo dowladda hoose lagu leeyahay, taas oo dhan SL.Shs. 1.6 Bilyan (Hal Bilyan iyo Lix boqol oo Milyan) oo aanay ku jirin mushaharka shaqaalaha dowladda hoose oo shan bilood lagu leeyahay. Maxamed Cali waxa uu sheegay in deyntaas marka laga reebo mushaharka shaqaalaha uu ugu yimi xafiiska oo uu ka tegey maayorkii isaga ka horreeyey.

Dhinaca dakhliga dowladda hoose ayuu sheegay in markii uu xilka qabtay uu ahaa SL.Shs 1.5 milyan maalintii, isla markaana uu gaadhsiiyey Sl.Shs 4 ilaa 6 milyan maalintii. Sidoo kalena uu la xidhiidhay hay’ado door ah oo qaarkood ay u soo jawaabeen oo ay hadda gobolka ka caawiyaan dhinaca adeegga bulshada sida; UNDP, HABITAT, IRC iyo COOPI.

Maayorka cusub ee Burco Mr. Aadan Waqaf oo isna halkaa ka hadlay ayaa walaac ka muujiyey masuuliyadda culus ee uu qaaday waqti duruuf adagi ay haysato dowladda hoose ee Burco.

Aadan Waqaf waxa uu sheegay in aanu u soo shaqo tegin dowladda hoose ee uu u yimi inuu u shaqeeyo Burco. Waxana uu waano iyo hogatusaalaynba u jeediyey shaqaalaha dowladda hoose iyo dadweynaha reer Burco.     

Mr. Waqaf waxa uu dadweynaha reer Burco u soo jeediyay in ay u midoobaan dantooda oo ay wax wada-qabsadaan, waxana uu beeniyay fikradaha qaba in shar iyo khayrba Hargeysa uga yimaado.

“Waad ogtihiin Hargeysa, meel ahayd dhul dan guud ah oo dhagaxaan la dhigay in ay dadweynihi si wada-jir ah subax qudha dhagaxaantii hal-hal u qaateen,” ayuu yidhi Maayar Waqaf, isagoo reer Burco guubaabinaya, isla markaana ku tusaalaynaya dhacdadii wadada idaacadda Hargeysa.

“Waar iskuul iyo meel dantaada ah oo ilmahaaga iyo adigu aad manaafacaadsanayso marka uu nin degayo ee uu ku takrifalayo maxaad tihiin reer Burcow,” ayuu raaciyay Maayarku, waxa uu arrinta dhulka danta guud uga hadlay si qiiro leh, waxana uu dadka ku baraarujiyay in ay ogaadaan in ay wada leeyihiin oo ay tahay in ay wada-ilaashadaan.

Munaasibadaas xil-wareejinta, waxa iyana dood kulul oo ku saabsan cidda masuulka ka ah mushkiladda maamul iyo dhul ee deegaanka Burco ku dhexmartay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Daahir Cajab iyo maayor ku xigeenkii hore Mr. Maxamuud Cali Jaakuli.

Agaasimaha guud Mr. Cajab oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaraddu ay muddoba halkaa u joogeen toosinta maamulka oo ay u soo gurmadeen, maadaama ayuu yidhi; “Ceebta halkan ka dhacdaa ay na saamaynayso,” waxa uu sheegay in muddadii ay joogeen isaga iyo saraakiisha kale ay ku guulaysteen in ay mushahar siiyaan shaqaalaha badh, qaybta hadhayna ay dhakhso u heli doonaan. Sidoo kale in hadda wixii ka dambeeya aanay faraha kala bixi doonin.

Waxa uu sheegay in hawl-galkoodu aanu ahayn duullaan ay maamulka ku soo qaadeen, tas oo uu xusay in dadka qaar ay sidaa u arkeen.

Hase yeeshee maayar ku xigeenkii hore Maxamuud Cali Jaakuli, ayaa sheegay in mushkiladda maamul iyo ta dhulka ee degmada Burco aanay ahayn mid ku dawoobaysa qof-qof kale lagu beddelo, laakiin mushkiladda lafteeda la abaaro. Maxamuud Cali waxa uu u hambalyeeyay xubnaha maamulka cusub, waxana uu dareensiiyay mushkiladaha ay muumuladii ka horeeyay waayo-aragga u yihiin, iyagana soo waajihi doona oo ay tahay in ay maanka ku hayaan, waxna uu xusay laba qodob oo ah dakhliga iyo mushkiladda dhulka. Maxamuud waxa uu sheegay in dakhliga dawladda hoose uu toos ugu xeroodo dawladda dhexe ilaa kabkii dawladda dhexe la helona waxa uu sheegay in aanay waxba qabsoomayn.

“Dakhliga halkan ka soo baxa dadku afka way ka dhawraan ee dawladda dhexe ayaa qaadata,” ayuu yidhi.

Arrinta dhulkana waxa uu sheegay in fawdada iyo fara-gelinta ugu badani ay kaga timaado wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waxa jira Waraaqo badan oo ay wasaaradda arrimaha guduhu noo soo qortay oo ay dhul ku bixinayso,” ayuu yidhi Maxamuud cali, haddana waxa uu sheegay in guddiga nabadgelyada gobolku ay tidhaahdo dawladda hoose ayaa bixisay, waxana uu madasha xilwareejinta ku soo bandhigay ka mid ah waraaqahaa wasaaradda arr. Gudaha oo sida la sheegay qaarkood uu saxeexay agaasimaha guud. “Wasaaradda arr. Guduhu ha joojiso waraaqaha ay ku amrayso maayarada,” ayuu yidhi.

Madaxweyne Ku-Xigeenka

Somaliland Oo Booqday Ceelasha Geed-Deeble

Hargeysa (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu weheliyo taliye-xigeenka ciidanka booliska Siciid Ismaaciil ayaa shalay booqasho hawleed ku tegey ceelasha biyaha geed-deeble oo ah meesha ya ka yimaadaan biyaha lagu cabo Hargeysa.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris waxay ujeedada booqashada madaxweyne-kuxigeenka ee Geed-deeble ka dambaysay cabashooyin dhinaca biyaha oo indhowaale soo yeedhayey, wuxuuna madaxweyne-kuxigeenku soo kormeeray lix ka mid ah ceelasha biyaha geed-deeble iyo saldhigga biyaha qaybiya ee biyo-shiinaha loo yaqaan, iyadoo ay hadda shaqeeyaan ilaa 9 ceel, taas oo uu madaxweyne-kuxigeenku wax ka ogaanaayey sida ay ceelashaasi u shaqeeyaan, xaddiga biyaha ah ee ay soo saaraan, wixii cillado farsamo ah ee jira iyo guud ahaan wixii duruufo ah ee halkaa ka jira.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa ceelasha uu booqday ka mid ahaa ceel aan hadda shaqayn, ceelkaas oo sida uu war-saxaafadeedku sheegay soo jabsaday mooskii iyo gabyankii ku dayr-naa, waxaana halkaa ka muuqata halis ku soo fool leh Xarunta dhexe ee kaydka biyaha.

Abiib Aw-Diiriye oo ka tirsan maamulayaasha ceelasha geed-deeble ayaa madaxweyne-kuxigeenka war-bixin ka siiyey guud ahaan dhibaatooyinka dhinaca farsamada ee halkaa jirta, sidoo kale Eng: Saalax oo isna ka tirsan wakaaladda biyaha ayaa ka xaal waramay baahiyaha dhinaca biyaha ee jira.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inuu dhibaatooyinka halkaa ka jira sida wax looga qabanayo iyo talaabooyinka laga qaadayo ay ka wada tashan doonaan madaxweynaha.

Socdaalka uu madaxweyne-kuxigeenku ku tegay ceelasha biyaha geed-deeble waxa ay ku soo beegantay, iyadoo ay mudooyinkan dambe soo noq-noqonayeen cabashooyin dhanaca biyaha ah, taas oo ay dadka magaalada ku dhaqani si weyn uga qaylinayaa cidhiidhi dhinaca biyaha ah, waxayna madaxda wakaaladda biyuhu arintaa kaga jawaabaan xaddiga biyaha soo saarka iyo tirada dadka magaalada ku dhaqan ayaa kala badan.

“Xukuumaddu Hadday Dekedda Wanaajinayso Ama Xumaynayso Iyadaa U Door Leh”

Guddiga Turxaan-Saarka Iyo Ganacsatada Oo Kulmaya

Berbera (Haatuf): Guddiga Turxaan-bixin adeegga Dekedda Berbera, ayaa weli ku guda jira wada-xaajoodyo iyo ururinta ay ugu kuur-gelayaan cabashooyinka ganacsatada iyo guud ahaanba hawlaha dekedda, waxay Arbacadii kulan la yeesheen ganacsatada waaweyn ee dalka ee dekedda waxa kala soo degga, waxna ka dhoofiya.

Kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen wax war ahi kama soo bixin, waxaase la sheegay in uu ahaa mid guddiga iyo ganacsatadu ay iskaga xog iyo xaal waraysteen cabashooyinka ka jira adeegga dekedda iyo sida ugu suurta-galsan ee wax looga qaban karo.

Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indha-deero) oo ganacsatada ugu horreysa dhinaca isticmaalka dekedda oo kulankaas kadib u waramay Weriyaha Haatuf ee Berbera, ayaa sheegay in ganacsatadu wixii ay tabanayeen iyo talo-bixintoodaba ay qoraal iyo afba ugu gudbiyeen Guddiga intii shirkaasi socday, waxana uu sheegay in go’aan ay ka sugayaan Guddiga.

“Xukuumaddu hadday dekedda hagaajinayso iyo hadday xumaynaysoba, iyadaa u door leh,” ayuu yidhi X. Cabdi Indha-deero.

“Qof waliba meeshuu dan moodo ayuu tegayaa,” ayuu raaciyay.

Guddigaas oo ka kooban Wasiirka Maaliyadda, Mudane Xuseen Faarax Dooddi, Wasiirka Ganacsiga Rashiid X. C/laahi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Yoonis, waxa ay booqasho hawleed ku tageen Berbera Salaasadii, waxayna hore kulamo ula yeesheen Masuuliyiinta dekedda iyo kastamka.

Weftiga waxa uu Madaxweyne Rayaale u xilsaaray in ay soo baadhaan cabashooyin ganacsatadu ka sheeganayaan dekedda Berbera iyo musuqmaasuq loo rumaysan yahay inuu ku baahay dekedda.

Dekedda Berbera oo horraantii sannadkii 2000-ka, laga dhigay hay’ad madaxbannaan oo toos u hoos tagta xafiiska Madaxweynaha, ayaan dakhligeedu ku jirin Miisaaniyadda dawladda, isla markaana hal Bilyan oo lagu tilmaamay deeq ay dekeddu ku kabayso miisaaniyadda dawladda dhexe ayaa la filayaa in aanay soo xerayn, iyada oo gebi ahaanba dakhliga dekeddu aanu marin xisaab, lana ogeyn.

Warar ku dhow-dhow guddiga, ayaa sheegaya in guddigu uu go’aamo ka gaadhi doono arrintaa.

Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Faarax Dooddi oo guddigaa hoggaaminaya ayaa weriyayaasha u sheegay in guddidu ilaa xad uu leeyahay awood uu go’aan kaga gaadho arrinta.

“Daawooyin Dhacay Iyo Kaabsol

Madhan Baa Inooga Yimaadda Meelaha Qaar”

Wasiirka  Caafimaadka Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka caafimaadka iyo shaqada dawladda Somaliland, Dr: Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa shalay ka hadlay arimo la xidhiidha dhinaca adeegyada caafimaadka, gaar ahaan hawlaha talaalka, daawooyinka dalka laga isticmaalo iyo qorshe cusub oo uu sheegay inay wasaaradiisu ku talo jirto sidii ay iskaashi ula yeelan lahayd ganacsatada ka baayac-mushtaraysa daawooyinka, sidaana waxa uu wasiirka caafimaadku ka sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka caafimaadku, isaga oo ka hadlaya daawooyinka dalka lagu isticmaalo ee ay farmeesiyadu iibiyaan waxa uu yidhi “ Saddex farmesi ayaan magaalada Burco ka iibsaday dawo isku mid ah, waxaan la tegey gurigayga, dawadaas oo ahayd kiniinka kabsolka lagu shubo, waan kala furay kabsolkii, mid wuu madhnaa, midna wax yar ayaa ku jirey, midna kala badh ayaa ku jirey, markaa daawooyin dhacay iyo kabsol madhan ayaa inagaga yimaadda meelo ay Somaliya ka mid tahay, arintaasna waxaanu ka soo saarnay sharci ”. 

Wasiirku, isaga oo tilmaamaya sharciga ay arinta daawooyinka ka soo saareen waxa uu yidhi “ Marka hore waxaanu diiwan gelinaynaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka, meeshii farmesi laga furayo iyo Cidii furanaysaana inay aqoon u leedahay caafimaadka ayaanu hubinaynaa, dhowaana waxaanu doonaynaa inaanu la shirno ganacsatada ka baayac-mushtaraysa daawooyinka, sababtuna waa si aanu uga hor-tagno dhibaatooyinka daawada, laakiin waxa loo baahan yahay inay ganacsatada daawooyinku la kulanka wasaaradda u arkaan iskaashi ee aanay u arag mid car-qaladaynaya ganacsigooda”.

Wasiirka caafimaadku, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd inaanay shaqaalaha ka hawl gala ololaha talaalku ahayn, kuwo aqoon ku fillan u leh hawsha caafimaad ee ay fulinayaan, waxa uu yidhi “ Talaalladan hadda la samaynayaa waa, kuwo lagama maarmaan ka dhigaya inay ka hawl galaan shaqaale aqoon u leh caafimaadka, marka laga reebo talaalka dabaysha, laakiin qof kasta oo hawsha talaalka gelayaa ama shaqaalaha caafimaadka ha ahaado ama meel kale ha ka yimaadee waa in la tababaro oo ay wasaaradiisu tababarto hawl-galkiisa ka hor” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaa ku daray inaanu wasiir ahaan ogayn shaqaale si musuq-maasuq ah loo qoray, taasna hadii uu ogyahay uu wax ka qaban lahaa.

Wasiirku, isaga oo ka hadlaya dacaayado laga faafiyo talaalka waxa uu yidhi “ Borobagaandada la faafinayo runta ayaa lagaga hor tegayaa, weli ma jirto hal kiis oo qof la talaalay ah oo talaalka awgii u xanuunsaday, talaalka dadka ee lagu talaalo caruuraraha, kuwa Yurub jooga iyo kuwa caruurteenna lagu talaalo isku meel ayaa lagu soo sameeyaa, soo noq-noqoahada talaalka dabayshana waxa keenay, iyadoo ay dunidu doonayso in sidii furuqa laga dabar-gooyo dunida, taas ayaana keentay inuu dalkeenna talaalka dabayshu ku soo noqnoqdo, weligeedna intii ay dawo jirtey waxa jirtey dacaayad, wiigii la soo saaray dawada Penicilline-ta waxa raggii soo saaray dacaayadeeyey raggii meel la joogay”.

Dr: xasan Ismaaciil, isaga oo ka hadlaya olole talaal cusub ah oo bishan 13-keeda (Beri) bilaabmaya waxa uu sheegay in magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ay yihiin meelaha ay caruurtu ugu badan tahay, sidaa darteed loo baahan yahay in marka ay hawsha ololaha talaalku bilaabato in xoogga la saaro meelahaa, iyadoo buu yidhi ku talo galku yahay in looga sii gud-bo tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah, taas oo ay tahay sidii caruurta Somaliland ku nool looga talaali lahaa lixda cudur ee dilaagga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in talaalka la bilaabi doono bisha 13-keeda laga bilaabayo marka u horaysa magaalada Berbera, iyadaoo uu sababtana ku tilmaamay xiliga xagaaga awgeed, taas oo ay qoysasku inta ka badan ka xagaa baxaan kulaylka xagaaga.

 

Ciidamada Maraykanka Iyo Hindiya Oo Ku Xoonsan

Markab La Rumaysan Yahay In Lagu Laayay Dad Soomaali Ah

Markab kuwa xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Lubnaan oo maagaciisana la yidhaahdo ALMURTADA ayaa dhowaan la helay, isaga oo dul sabbaynaya bad-weynta Hindiya meel u dhow xeebta gobolka la yidhaahdo MAHASTARA oo ku yaal Koonfur-galbeed Hindiya, waxaana Markabkaa hadda ku xooonsan oo baadhaya ciidamo ilaalada xeebaha ah oo isugu jira Maraykan iyo Hindi.

Ciidamada badda ee Maraykanka iyo hindiya ayaa u baxay dusha markabkaa, laakiin waxay u tageen, iyadoo aanay cidina dul-saarnayn.  Ciidamada Maraykanka ee FBI-da la yidhaahdo ayaa baadhitaan ku sameeyey Markabkaa, waxayna markii ay markabkaa guudkiisa u baxeen ku arkeen laba qori oo AK47 ah, mid ka mid ah labadaa qorina waxa ku qornaa “ Allaahu akbar”, waxayna FBI-du u qaateen inay qoryahaa leeyihiin ururka Al-qaacida, laakkin baadhitaan dheeraad ah oo ay FBI-du samaysay ayey ku heleen dhokmantis ka waramaya cidda leh qoryahaa.

Ninka markabkaa iska lahaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Cismaan Midaal, iyadoo uu wakiilkisu yahay Axmed Dalaal.   FBI-da ayaa la xidhiidhay wakiilka markabkaa oo jooga dalka Lubnaan, wuxuuna Axmed dalaal waraysi uu siiyey FBI-da ku sheegay inay markabkaa baaxadiisu dhan tahay 1500 tone, isla markaana uu ahaa Markab xamuul ah oo isaga gooshi jirey Somaliya iyo meesha la yidhaahdo Dubai ee dalka Imaraadka Carabta. 

Wakiilka Markabkaasi waxa kale oo uu FBI-da u sheegay in markabkaasi, isaga oo shixnad u sida dhinaca Somaliya ay shufto hubaysan oo Somali ahi af-duubeen, iyadoo buu yidhi ay shuftadaasi waydiisteen lacag madax-furasho ah oo gaadhaysa $25000 U.S-Dollar, wuxuuna wakiilku yidhi “ kala badh ayaanu lacagtaa bixinay, laakiin intii aanaan qaybtii kale ee lacagtaa bixin ayaa waxa dhacday inay Bad-maaxyadii markabka saarnaa iyo nimankii hubaysnaa ee markabka afduubay is-laayeen”, wuxuuna wakiilku, Axmed Dalaal sheegay in markii uu dagaalku dhacay la laayey nimankii shuftada ahaa, laakiin intii uu dagaalku socday uu markabkii meel jiidhay, waxaase shaqaalihii markabka oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 12 qof bad-baadiyey ciidamada badda ee dalka Cumaan, haddana ay shaqaalahaasi ku sugan yihiin dalka Cumaan, waxayna shaqaalahaasi kala yihiin: 4 Somali ah, 4 Hindi ah, 4 Lubnaaniyiin ah iyo 4 Suuriyiin ah.  Hase yeeshee shuftadii markabka afduubtay waxa la sheegay in inta la laayey maydkoodiina lagu daadiyey badda dhexdeeda.

Markabkan oo aanay warbaahinta dunidu ka hadlin waxa markii ay bidhaantiisa arkeen uu shaki ku abuuray ciidamada badda ee Hindiya iyo Maraykanka oo ku jira heeggan ay bad-weynta kaga ilaalinayaan ciidamada Al-qaacida.   Hase yeeshee inkasta oo ay FBI-du heshay warar ku saabsan markabka Dul-sabbaynaya biyaha badda, haddana lama oga sababta dhabta ah ee uu Markabkaasi la caaryey, waxaana weli socda baadhitaano lagu baadi goobayo xaqiiqooyin ku saabsan sababta uu markabkaasi u qaraqmay, waxaana la rumaysan yahay inaanay arintu ahayn sida looga waramay ee markabkaa dushiisa lagu laayey dad Somali ah, ka dibna maydkoodii lagaga dulyaacay, iyadoo ay jiraan warar tibaaxaya inuu Markabkaasi ka mid ahaa Maraakiib shix-nadaha hubka ah soo gelisa Somaliya.

“Qofkii Laaluush Noola Yimaadda

Waxaau Ka Qaadaynaa Tallaabo Sharci Ah”

Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Degmada Gabiley

Gabiley (Haatuf) Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gabiley Barkhad Isaaq Barre  ayaa xilkii kala wareegay Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda degmada Gabiley Maxamed Jimcaale Maax.

Xil wareejinta Gudoomiyanimadda Maxkamadda degmada Gebiley waxay dhacday dabayaaqadii todobaadkan waxaana goob joog ka ahaa Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland Xuseen Cabdi Qalinle, Maayarka degmada Gabiley Xasan Xaaji, K/xigeenkiisa Cabdirisaaq Sh. Aaden iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan degmada Gabiley. Maayarka degmada Gabiley Xasan Xaaji oo hadal uga jeediyay dadweynihii ka soo qayb galay xafladdaa xil-wareejinta ahayd ayaa sheegay in Isbedel maamulka maxkamadaha iyo garsoorku uu yahay mid si guud uga dhacay Somaliland uuna ku salaysan yahay cabasho garsoorka ah oo ka timid dadweynaha.

Gudoomiyaha xilka la wareegay degmada Gabiley Barkhad Isaaq Bare ayaa isna xilwareejinta ka yidhi: “Waxaanu balanqaadaynaa, wax bay qaateen waa naga xaaraan, in aanu qabyaalad ku shaqayno, in garsoorka halkuu leeyahay aanu ka leexino iyo qofkii laaluush noola yimaad waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah. ”

Maxaa Caddaymo Loo Hayaa

Fadeexadaha Loo Tirinayo Madaxweyne George W. Bush

BBC-U.S Affairs: Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush laftiisa, Madaxweyne-kuxigeenkiisa, Mr: Dick Cheney, xoghayihiisa gaashaandhigga, Mr: Thomas White iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa lagu hadal hayaa inay galeen fadeexado kala duwan iyo musuq-maasuq dhinaca maamulk ah. Hase yeeshee ilaa hadda ma jirto fadeexad keliya oo si cad loogu soo oogay madaxweyne Bush iyo Xubnaha kale ee maamulkiisa, laakiin sababta ilaa hadda loogu soo oogi waayey waxay tahay, iyadoo hadda la baadhayo xisaabaadka la xidhiidha eedaha dhinaca musuq-maasuqa iyo ta labaad oo ah, iyadoo ay xiligan indhaha saxaafadda Maraykanku ku jihaysan tahay meel kale.

Waqtigii uu talada hayey madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr: Bill Clintone waxa xiligaa jirey inay yareeyeen arimaha dalka Maraykanka kaga furnaa dhinaca debedaha iyo dhaqaalaha dalka oo u kobcayey si xoog leh, isla markaana saxaafadda ayaa fursad u haysay inay baadhitaano iyo dabagal ku samayso sheekooyinka la xidhiidha dhinacyada musuq-maasuqa iyo ku xad-gudubka sharciga ee khuseeya masuuliyiinta Maraykanka.

Qaraxii 11-kii Sabtembar, ka dib waxa soo baxay arimo kale oo khuseeya guul-darada Sirdoonka Maraykanka, halka markii hore fadeexadaha madaxda diiraddu saarnaan jirtey.

Dhinaca kalena madaxweyne Bush waxa uu iska diiday inuu eryo qaar ka tirsan masuuliyiinta maamulkiisa oo ay fadeexado saamayn ku lihi banaanka u soo baxeen.

Waxa, iyana jirta arin kale oo adkaysay in cadaymo loo helo fadeexdaha loo tirinayo madaxweyne Bush iyo masuuliyiinta maamulkiisa, taas oo ah, iyadoo ay raggaasi yihiin rag aad isugu dhuun daloola, sidaa darteed ay yar tahay xanta laga heli karaa iyo wax iska sheegistooduba, taas oo keentay inaanay xog badani banaanka uga soo bixin, waxyaalo yar mooyaane.

Qaar badan oo ka mid ah ragga madaxweyne Bush ugu dhow dhow ayaa xusuustay xiligii uu Maraykanka madaxweynaha ka ahaa Mr: Ford saamayntii Mr: Dick Cheney (Madaxweyne-kuxigeenka hadda) oo xiligaa sarkaal ahaa ay ku yeelatay fadeexado lagu oogay maamulkii Ford.

Waxa kale oo, iyana xusuus mudan eedayntii khatarta ahayd ee fadeexadii hubkii laga iibiyey Iiraan ee madaxweynihii Ronald Reagan, taas oo uu Reagan yidhi “ ma xusuusan karo wixii dhacay” si uu uga bad-baado dembigii loo haystay.

Ugu dambayn faaqidaadda arintani waxay madaxweyne Bush iyo masuuliyiintiisa kale ugu cudur daaraysaa dagaalka ay kula jiraan Argagixisada.

Shirkii Nayroobi Ee Soomaalida

Oo Dib Loogu Riixay Bisha Sebtember-2002

Nayroobi (W. Wararka): Ururka (IGAD) ayaa go’aamiyay in shirkii Soomaalida ee Nayroobi in la qabto 2da bisha September, kadib markii lagu guul daraystay in shirkaasi la qabto ama uu dhaco xiligii hore ugu qorshaysnaa oo ahayd bishii Abril ee ina dhaaftay.

Sida ay sheegayaan warar xogogaali waxay mudayntan cusubi ka dhalatay ka dib markii ay wada tashiyo dhexmareen dalalka IGAD oo hore isugu khilaafay qabanqaabada shirkaas.

Shirkan Nayroobi oo qabashadiisu dhawr jeer  Dib u dhacday waxa la sheegay in ay sababtu ahayd, dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, khilaaf ka dhex aloosmay dalalka Itoobiya, Djabuuti iyo Kenya oo uu Ururka IGAD bishii January ee ina dhaaftay u xilsaaray qabanqaabada shirkaasi shir ay isugu yimaadeen Khartuum waxaa kale oo iyaduna jirtay dhaqaale la’aan ku timid miisaaniyada lagu qabanqaabin lahaa shirka oo ay markii hore balan qaadeen dhowr dal oo daneeya Soomaaliya, waxaana la sheegay in miisaaniyadaa laga helay (500,000) oo ah lacagta (Euro) oo uu ku deeqay midowga yurub, waxaana intaa dheerayd dhibaatooyin lagala  kulmay isu soo dhawaynta aragtiyaha kala duwan ee Soomaalida ee shirkaa ku saabsan.

Sida ay sheegeen wararka ka imanaya Nayroobi gudiga qabanqaabada shirkaasi ayaa lagu wadaa in todobaadkan shir isugu yimaadaana iyadoo la filayo inay shirkaasi ka soo qaybgasho dawladda Jabuuti oo hore Gudidaasi uga baxday ka dib markii ay Itoobiya isku khilaafeen qaabka qabanqaabadda shirka.

 

Cusbitaalka Edna Maternity

Oo Ku Guulaystay Qalliin Kaadi-Haysta Ah

Hargeysa (Haatuf): Cusbitaalka gaarka ah ee Edna Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa ayaa ku guulaystay qaliin kaadi haysta ah oo uu ku sameeyay 16 Haween ah, qaliinadan lagu sameeyay haweenka oo uu fulinayay dhakhtar ajanebi ah waa kuwo kala duwan, dumarka qaarkood waxa laga qalay dhagxaan kaadi haysta dhexgashay oo dhibaato caafimaad oo culus ku haysay, halkaa qaar kalena toliin lagaga sameeyay kaadi haysta oo dilaacday.

Mid ka mida dumarkii cusbitaalka lagu daaweeyay oo wariye ka tirsan Haatuf la kulmay ayaa sheegtay inay bogsatay oo ay dhakhtarka ka baxayso berito (maanta).

Faadumo oo ah gabadh dhalinyaro ah kana timid magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo qaliinka lagu sameeyay yahay dilaac aad u xun oo kaadi haysta ah waxay intaa ku dartay inay muddo saddex sanadood ah xanuunkan qabtay, Faadumo waxay sheegtay in laba jeer oo hore qaliino loogu sameeyay balse aanay wax ka beddelin xaaladeeda caafimaad ee waqtigaa.

Iyada oo ka hadlaysa dareenkeeda iyo isbedelka caafimaad kadib qaliinkan lagu sameeyay, waxay caddaysay in ay si wayn u faraxsantahay caafimaadkeeduna aad u fiican yahay.

“Laba goor oo hore ayaa laygu qalay cusbitaalka Berbera, dhakhtaradii horena waxaan ka baxay aniga oo aanay waxba iska kay beddelin, laakiin kan caafimaad baan kala baxay” ayay tidhi Faadumo oo ka waramaysa farqiga u dhexeeya ee ay labada cusbitaal ku kala duwan yihiin.

Gabadhan dhalinyarada ah oo noqotay tii ugu horeysay ee xanuun noocan oo kale ah laga daweeyo ayaa sheegtay in aanay wax rajo ah ka qabin in dalka gudihiisa wax lagaga qaban karo, sidaa darteed ay halkan Hargeysa u timid sidii ay u heli lahayd fursad dhakhtar oo wadanka debediisa ah, hase yeeshee ay hadda ka maarantay maadaama ay caafimaad fara badan dareemayso. Faadumo oo arrintan ka hadlaysaa waxay tidhi-

“Markii hore waxaan islahaa aad debedda qabatid, laakiin markaan halkan imid ayaan dhakhtarkan ogaaday sidaa ayaan kaga baaqday” Marwo Edna Adan oo dhidibada u taagay cusbitaalka ayaa keentay dhakhtarka qaliin fulinaya, iyadoo oo aan wax lacag ah qofka laga qaadayn dhinca dawaynta iyo qaliinka midna. “Markaan arkay dhibaatada iyo niyad jabka haysta dumarka ayaanu talaabadan qaadnay, mana jirto wax kharash ah oo la waydiinayay” ayay tidhi Dr. Edna Adan oo ka hadlaysa sababta ay talaabadan u qaaday.

Qaliinka iyo daawaynta lagu sameeyay waxay ku qaadatay muddo laba todobaad ah, oo ka bilaamaysay 27 juun - 11 julaay 2002. waa markii ugu horeysay ee qaliin noocan oo kale ah oo dalka lagu sameeyay lagu guulaysto, iyada oo markii hore meesha ugu dhow ee qaliinkanoo kale loo doonan jiray ama loo tagi jiray ay ahayd cusbitaal ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya taas oo gabadha Soomaalida ah dhibaato weyn ku haysay.

Sidaa darteed fursadan waxaa lagu tilmaami karaa mid dahab ah oo u soo hoyatay loona baahanyahay inay ka faa’iidaystaan haweenka dhibaatadan oo kale ay haysataa.  

C/Laahi Yuusuf Iyo

Jaamac Cali Jaamac Oo Isu Hub Urursanaya

Boosaaso (Haatuf): C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan ka taliya Maamul-Goboleedka Puntland ayaa heegan geliyay ciidamadiisa ku sugan Boosaaso, iyadoo ay wararku sheegeen inuu damacsan yahay inuu weerar ku qaado ciidamada Jaamac Cali Jaamac ee ku sugan Qardho iyo wadada xidhiidhisa Garoowe iyo Boosaaso.

Dhinaca kalena Jaamac Cali Jaamac ayaa la sheegay inuu isna isu diyaarinayo sidii uu u qabsan lahaa magaalada dekedda ah ee Boosaaso.

Sida ay sheegeen wararka ka imanaya Boosaaso C/laahi Yuusuf waxa uu diyaariyay ciidamo lagu qiyaasay 1800 oo ah Ciidamada isaga ka amar qaata, kuwaas oo u suurta geliyay inuu qabsado bishii May xarunta ganacsiga ee Boosaaso, waxaanu sheegay inuu sifayn doono wax uu ugu yeedhay budhcad jidgooyo ku haysa isku socodka gaadiidka iyo safarada ee magaalooyinka Puntland.

Jaamac Cali Jaamac oo ku sugan Djabuuti tan iyo intii uu C/laahi Yuusuf ka qabsaday Boosaaso, ayaa isagana la sheegay inuu ciidamo ku urursaday meel u dhaxaysa Boosaaso iyo Garoowe halkaas oo Boosaaso ka xigta 110KM dhinaca Garoowe, kuwaas oo la filayo inuu kaga hortegayo C/laahi Yuusuf.

Labadda nin ayaa mid waliba sheegaynayaa inuu yahay Madaxweynaha sharcig ah ee Puntland. Tan iyo markii ay dhammaatay muddadii 3-sano ahayd ee 1998kii loogu doortay C/laahi Yuusuf Madaxweynaha Puntland.

Sida la sheegay waxa maalmihii u danbeeyay lagu dilay nin ganacsade ah, isaga oo joogga gurigiisa hortiisa gudaha Boosaaso oo aan ka fogeyn Xarunta Booliska ee Boosaaso, ninkaas oo la odhan jiray Axmed Sheekh, ilaa hadda lama aqoonsan nimanka dilay ninkaa iyo sababta ay u dileen midna.

Hawl-Galo Lagu Gallaa-Bixiyay Cusbitaalka Berbera

Berbera (Haatuf): Guddi dhawr xubnood ka kooban oo uu hogaaminayo Maareeyaha wershadda Laydhka Hargeysa, Eng: Cabdi Cali Barkhad ayaa shalay dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay ilaa laba maal-mood qaatey ku tageen cusbataalka Berbera, iyadoo ay guddigaasi Cusbataalka Berbera u tageen wax ka qabashada dhibaatooyin oo halkaa ka jira, waxaana sida ay warar xog-ogaal ahi sheegeen guddigaa laga magacaabay dhinaca madaxtooyada si ay wax uga soo qabtaan mushkiladaha ee cusbataalkaa ka jira.

Sida ay wararku sheegeen dhibaatooyin dhinacyo badan leh aya ka jira cusbataalka Berbera, laakiin qaylada ugu daran ee maal-mihii u dambeeyey ka soo yeedhaysay waxay ahayd laydh la’aan, taas oo la sheegay inuu mishiinka laydhku ka bakhtiyey marar badan, iyadoo lagu jiro xiligii kulaylaha xagaaga, taasina ay dhibaato badan ku hayso dadka bukaan jiifka ah.  Hase yeeshee sida ay wararku sheegeen guddigaa ayaa cusbataalka geeyey hal mishiin oo ay meel kale ka soo qaadeen, isla markaana waxay wararku intaa ku dareen inay guddigaasi dawladda soo gaadhsiin warbixin ku saabsan xaaladda cusbataalkaa.

Sidoo kale waxay wararku sheegeen inay, iyaguna cusbataalka Berbera isla toddobadkan ka hawl galeen koox kale oo ciidanka CID-da ah oo uu hogaaminayo taliye-xigeenka CID-da Somaliland, kuwaas oo, iyaguna la sheegay inay halkaa u tageen baadhitaano la xidhiidha mushkiladaha maamul ee cusbataalkaa laga soo sheegayo.

Safiirka Xukuumadda Carta U Fadhiya Qaahira Oo Baranaya Baaskiiladaha Kadib Markii Uu Dhaqaale U Waayay Gaadhigiisii

Qaahira (Sharqul-awsad) - Safiirka xukuumadda Carta u fadhiya Qaahira Cabdullaahi Xasan ayaa haatan bilaabay barashada fuulista baaskiiladaha, kadib markii uu ka fadhiistay gaadhigii keli ahaa ee uu lahaa, si  uu ugu tago xafiiska iyo kulamada ay isugu yimaadaan wakiilada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu, sababtuna waxay tahay isaga oo aan haysanin dhaqaale uu ku samaysto gaadhigiisa.

Sida uu ku soo warramay wariye wargeyska Sharqul-Awsad ee ka soo baxa London uga soo warama Qaahira. Safiirku dhawaan ayuu shil la soo dersay gaadhigii keli ahaa ee uu lahaa, shilkaas oo uu isagu ka badbaaday, balse waxay dhaawacyo ka soo gaadheen saddex qof oo uu ku jiro inan uu dhalay. Iyada oo uu gaadhigana soo gaadhay burbur xoog lihi, kadib markii ay isku dhaceen gaadhi ka horyimid oo xawaare aad ah ku socday. Waxaanay haatan dhibaato ka haysataa sidii uu hawl-maalmeedkiisa u qabsan lahaa.

Waxaa kale oo lagu soo waramay in Cabdilaahi Xasan ay dhibaato xoog lihi ka haysato dhinaca maaliyadda, isaga oo aan wax mushahaarooyin ah helin, tan iyo markii ay burburtay dawladdii Siyaad Barre.

Muddadaana wuxuu ku noolaa waxoogaa kaalmo ah oo uu ka heli jiray dawladda Masar, isaga oo Safiir u ahaa dawlad aan rasmi ahaan u jirin.

Cabdillaahi Xasan oo ay duruuftiisa nololeed aad u adag tahay, haddana mar arrintaa wax laga weydiiyay wuxuu ku adkaystay in uu hawshiisa sii wadan doono, balse wuxuu ku werwersan yahay muddada ay ku qaadan doonto barashada fuulista baaskiiladaha, isaga oo ay da’diisu aad u weyn tahay.

Ololaha Tallaalka Lixda Cudur Ee Dilaagga Ah Ayaa Beri Ka Bilaabmaya Shan Ka Mid Ah Magaalooyinka Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Olole xoojinaya talaalka lixda cudur ee dilaaga ah ee 5 ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa beri oo Sabti ah (13, July, 2002), ka bilaabmaya Somaliland.

Ololahaas oo ku talogalku yahay in iyo (95,000) shan iyo sagaashan kun oo ah caruurta ay da’doodu ka hoosayso 5-jirka, iyo 20,000 oo ah dumarka uurka leh oo ku nool magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Laas-caanood, iyo Ceerigaabo, ayaa lagaga talaalayaa cudurada jadeecada, Qaaxada, Dabaysha, Kixda, Gawracatada iyo Teetanada.

Carruurta ololahan lagu talaalayaa waa kuwa aan hore looga talaalin cuduradaas. Ololahan waxaa fulinaya Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada ee Somaliland iyo hay’adda UNICEF, iyada oo ay gacan ku siiyeen hay’ado kale oo caalami ahi.

Talaalkani wuxuu ka dhici doonaa (54) goobood oo ku baahsan Somaliland, waxaana ka hawlgelaya shaqaalaha caafimaadka oo ka kooban 85 kooxood oo ay kooxdiiba ka kooban tahay 4 qof, tiradooda guudna ay noqonayso 340 qof iyo (55) gaadhi. Waxaa kale oo dhinac socon doona hawlgalka wacyigelinta talaalka oo ay ka hawlgelayaan warbaahintu.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ee Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa shalay si rasmiya u furay ololahaas talaalka cudurada, wuxuuna wasiirku sheegay inuu heerka talaalku hooseeyo, marka loo eego ku talogalkii Wasaaradda Caafimaadka oo ahaa in 85% la gaadhsiiyo caruurta ka talaalan cudurada dilaaga ah, laakiin ilaa hadda ay Wasaaraddiisu gaadhsiisay talaalka 40% caruurta Somaliland.

Itoobiya Waxay Gobolka Ku Leedahay Abaallo Taariikhiya

Maxamed Xaashi Cimaan

Itoobiya waxay taariikhiyan ka mid tahay dawladaha ugu da’da weyn dunida, waxayna leedahay xadaarad waqti fog ah, tusaalaha ahaan boqortooyadii hore ee itoobiya waxay xiliyada qaarkood xukumaysay ilaa Yamen , waqtiyadaas oo sida la ogyahay uu Itoobiya xukumayey boqorkii la odhan jirey Abraha oo ahaa boqorkii ku duulay Kab-cada, waxaana xiligaa lagu tilmaamaa waqtiyadii uu dhashay nebi Maxamed ( N.N.K.h ).

Sida la ogyahay Rasuulka iyo Asxaabtiisu markii ay u adkaysan waayeen dhibaatadii ba’anayd ee ay xiliyadii sannadkii afraad ee Hijrada ay ku hayeen gaaladii quraysheed waxay taasi sababtay inay Muslimiintii ka haajiraan Maka, waqtigaasna waxa uu Rasuulku qaar muslimiinta ka mid ahaa u tilmaamay inay u haajiraan dhinaca dhulka Xabashida oo ay ku nooleeyeen dad ehlul-kitaab ahi (Kiristaan), taas oo uu Rasuulku yidhi halkaa waxaan ku ogahay boqor aanay agtiisa cidina idinku dulyeyn.

Dabadeedna waxay Maka kaga baxeen dhuumasho, waxayna firxadkii ku galeen dhulka Itoobiya, halkaas oo ay ku heleen nabad-gelyo iyo inay madax banaani diintooda ku caadudaan, taas oo ay gaaladii qureesheed-na aad uga xumaadeen arintaa, ka dibna, iyaga oo ka wer-wersan inay muslimiinta Itoobiya tegtay inta ay halkaa ku bataan, ka dibna kaga soo duulaan ayey ka daba direen laba nin oo ad-adag oo boqorkii marka Itoobiya haystey ee Najaashi kala soo xaajooda inuu soo celiyo muslamiinta Maka ka soo firxatay oo uu dib gacanta ugu geliyo gaaladii Quraysh.

Labadaa nin ee ay qurayshi u dirtay boqor Najaashi iyo culimadiisii diinta kiristaanka waxa loo soo dhiibay hadiyado fara badan oo lagu yidhi inta aydaan boqorka u tegin culimadiisa midkasta hadiyad siiya, waxaadna waydiisataan inay dadkaa Maka ka soo baxsaday gacanta idiin soo geliyaan, sidii ayaanay labadii nin yeeleen oo ninkasta oo ka mid ah madaxdii boqorka farta ayey hadiyad ka saareen, waxayna labadaa nin madaxdaa ay hadiyadda siiyeen ku yidhaahdeen boqorka aanu boqorka la hadallo, idinkuna kula taliya inuu dadkaa gacanta noo soo geliyo, isaga oo aan waxba waydiin.

Dabadeed boqorkii ayey u tageen oo gacanta ka saareen hadiyadii ay isna u sideen, wuuna ka gudoomay, waxayna intaa ka dib ku yidhaahdeen “ Boqorow waxa dhulkaaga nooga soo baxsaday niman dhalinyaro ah oo waallan oo ka baxay diintii reerkooda, taadana aan soo gelin, kuwaas oo la yimi diin cusub oo aanay cidina garanayn, anaga iyo idinka toona, waxaana noo soo kaa diray madaxdii reerkooda iyo xigtoodii si aad ugu soo celiso, taas oo aanu kaa codsanayno”.

Madaxdii boqorka ka hoosaysay ayaa, iyaguna yidhi “ Boqorow waa runtood ee gacanta ka geli ha ku celiyeen dhulkoodiiye”, dabadeed boqor Najaashi intuu cadhooday ayuu diiday inuu sidaa yeelo ilaa uu dhegaysto dhinacooda oo uu dacwad ka qaado, wuxuuna Najaashi yidhi “ Illaahay baan ku dhaartee inaanan u dhiibayn, waar sidee baan ugu dhiibaa dad I soo magan galay oo iga doortay qayrkay oo wadankayga ku soo degay, aniga oo aan u yeedhin oo aan waydiin waxa ay odhanayaan”.   

Boqor Najaashi inta uu u yeedhay nimankii dhalinyarada ahaa ee muslimiinta ahaa ayaa, iyadoo ay culimadiisii diinta Kiristanku kutubtoodii la hareero tubban yihiin waxa uu waydiiyey oo uu ku yidhi “ waa maxay diintan idinka soo saartay qoladiinii ee aydaan diintaydana soo gelin, diin cid kalena u gelin”, intaa ka dib waxa sara joogsaday Jacfar binu Abii Daalib oo ahaa af-hayeenkii u hadlay muslimiinta soo haajirtey, wuxuuna yidhi “ Boqorow waxaanu ahayn dad jaahil ah oo Sanamyo caabuda, bakhtiga cuna, xumahana sameeya, riximka gooya, jaarka dhibaateeya, oo kaayaga xoogga lihi cuno ka jilicsan, sidaa ayaanu ahayn ilaa Illaahay noo soo diray Nebi naga mid ah oo aanu garanayno nasabkiisa, runtiisa, aaminimadiisa iyo dhawrsanidiisa, wuxuuna noogu yeedhay inaanu Illaahay keligii caabudno oo aanu iska dhaafno wixii aanu caabudi jirey anaga iyo aabayaashayo ee ahaa dhagxaanta iyo sanamyada, waxa uu na faray runta, Amaanada, xidhiidhinta riximka wanaajinta jaarka, ka tegidda xaaraanta iyo dhiigga, markaas ayaanu rumaynay oo aanu raacnay, markaa wuxuu alle ka keenay ayey qoladayadii nagu colaadiyeen, oo way dhibeen oo na dulmeen si ay dib noogu celiyeen caabudiddii As-naamta, dabadeed markii ay na dhibeen ee ay isku dayeen inay naga leexiyaan diintayada ayaanu dhulkaaga u soo baxsanay oo aanu kaa dooranay cid kale oo aanu jeclaysanay jaarnimadaada, taas oo aanu rajaynayno inaan agtaada nalagu dulmin”.  Boqorkii Najaashi ayaa haddana yidhi “ Wax ma ka haysaa wuxuu keenay alle oo aad ii akhrido”, Jacfar ayaa yidhi “ Haa”, wuxuuna akhriyey aayado ka mid ah suuradda la yidhaahdo “ KAAF, YAA, HA, CAYN, SAAD, ”.  Intaa ka dibna boqor Najaashi ayaa yidhi “Kan kii Ciise la yimi ayey meel ka soo wada baxeen, waar iska taga Illaahay baan ku dhaartee inaanan idiin dhiibayn”. 

Hase yeeshee ergadii quraysheed kuma ay quusan intaa ee waxay mar kale isku dayeen inay isku dhuftaan boqorka iyo nimanka muslimiinta ah, waxayna yidhaahdeen “ Waxay Nebi Ciise ka sheegayeen hadal weyn ee bal waydii waxa ay yidhaahdeen, Boqor Najaashi ayaa waydiiyey “ Nebi Ciise maxaad ka tidhaahdeen”, Markaas ayuu Jacfar yidhi “ Waxaanu ka leenahay tii uu rasuulkayagu ka yidhi oo ah waa adoonkii illaahay waa rasuulkiisii iyo ruuxdiisii iyo kelinimadiisii uu ku soo tuuray Maryantii bikirka ahayd ee Alle ka cabsiga badnayd”.

Intaa ka dib boqor Najaashi inta uu Ul qaaday oo uu dhulka ku xariiqay, iyadoo ay farxadi ka muuqato wejigiisa ayuu yidhi “ Diintiina iyo diintayda uma dhexeeyo wax ka badan xariiqan, waar orda oo iska taga waxaad dhulkayga ku tihiin amaane, ka idin caayaana waa ganaax, mana jecli inaan qaato buur dahab ah aniga oo dhibay nin idinka mid ah”, dabadeedna waxa uu boqor Najaashi, isaga oo ka hadlaya ergadii quraysheed ayuu kuwii madaxdiisa ahaa ee ka hooseeyey amray oo ku yidhi “ Waar ku celiya hadiyadooda, uma baahniye oo walaahay Illaahay igama qaadan laaluush markuu igu soo celiyey xukunkaygii, dadkuna iguma adeecin laaluush ee ma anigaa ku adeeca laaluush”. Marka uu boqor Najaashi leeyahay xukunka ayaa la igu soo celiyey. Waxa jirtey mar la inqilaabay oo uu haddana xukunka ku soo noqday.

Ergadii quraysheed, iyaga oo hungo ah ayey ka soo huleeleen madashii oo uu jabkii ugu weynaa ku dhacay oo wal-waalaya hadiyadihii dib loogu soo daadiyey, waxayna Maka tageen, iyaga oo fara madhan jooga oo soo guul daraystay, iyadoo ay halkaa ka caddaatay uun hadalkii rasuulku u sii sheegay As-xaabtiisa ee ahaa Itoobiya waxa jooga boqor aan agtiisa cidina idinku dulmiyeyn.

Nimankii muslimiinta ahaa ee Itoobiya tegay waxay halkaa ku sugnaayeen ilaa dhawr iyo toban sannadood ilaa uu rasuulku amray inay dib u soo noqdaan.

Boqor Najaashi magan gelyada uu u fidiyey nimankaa muslimiinta ah, iyadoo ay As-xaabtii Nebiguna waqtigaa ku jireen marxaladdii ugu adkayd waxaad qiyaasi kartaa raadka ama saamaynta ay ku yeelanaysey rasuulka marka la eego cidhiidhigii iyo dhibaatadii lagu hayey rasuulka, taas oo la sheegay inuu rasuulku u duceeyey Ardal-xabash, wuxuuna yidhi “Xabashida alle ha barakeeyo”.

 Ducadii rasuulku waxay ahayd mid la aqbalay, waxayna barakadii uu rasuulku ugu duceeyey halkaa ka soo ifbaxday boqor Najaashi laftiisii, taas oo uu boqor Najaashi islaamay, islamarkaana waxa uu noqday boqor Najaashi qofkii u horeeyey ee uu Rasuulku jinaasaddiisa ku tukudo, isaga oo Madiina jooga.

Abaalkaa ay Xabashidu u galaan Muslimiinta Rasuulku wuu u hayey, taas oo mar uu rasuulku booqday Itoobiya uu isaga laftiisu damcay inuu u adeego Xabashida qaderin awgeed, haddana As-xaabtiisa ayaa yidhi iska joog anaga ayaa ku filane.

Hadaba, shaki kuma jiro ducadii rasuulku inay ka muuqato Itoobiya, marka aad eegto barwaaqada dabiiciga ah, lamana gumaysan markii afrikada kale la wada gumaysanayey, afrikana waa dalkii u horeeyey ee uu islaamku soo gaadhay, isaga oo aan weli gaadhin Madiina iyo meelo kale oo jasiiradda Carabta ah, taas oo ay Itoobiya noqotay gurigii uu islaamku kaga soo fiday afrikada bari oo dhan, waxa kale oo ay Itoobiya noqotay xaruntii ururka midowga Afrika.

Marka laga yimaado taariikhda wanaagsan ee Itoobiya u qorantay xiligii bilowgii Islaamka, waxa kale oo jirta marar kale oo badan oo ay Itoobiya samaysay waxyaalo taariikhda meel fiican uga galay, taas oo la odhan karo marar badan ayey dad ka cararay dulmi lagu hayaa u firxadeen Itoobiya, kuna nabad-galeen.

Horaantii Sideetamaadkii waxa Itoobiya u magan galay SNM oo markaa ahayd koox yar oo ka firxanaysay dhibaatadii ba’anayd ee uu maal-mahaa ku haye shacbiga Reer-waqooyiga ( Somaliland ), iyadoo uu taliskii Siyaad Barre dabar-goyn lahaa hadii kooxihii SNM ee Itoobiya loo soo gacan gelin lahaa, laakiin Itoobiya kooxihii SNM ee u soo magan galay way dejisay sidii ay u dejisay kooxihii muslimiinta ahaa ee xiligii rasuulka soo magan galay, halkaas oo ay SNM ku xoogaysatay, ka dibna ay u suurta gashay inay iska difaacdo cadowgii ay ka soo firxatay ee laynayey, isla markaana markii ay aad u xoogaysteen shacbigana ay ka heleen taageero balaadhan, Itoobiyona ay u geysatay wixii ay tari karaysay, waxay dabadeed u biyeysteen halgan hubaysan oo ay la galeen taliskii dadka laynayey ee wadanka ka talinayey ilaa ay ka xoreeyeen.  

Waxa taa dheer oo, iyana xusuus weyn leh markii ay SNM-tu soo gashay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay ciidamadii taliskii Siyaad Barre bilaabeen inay dadkii rayidka ahaa ee caruur iyo waayeelba lahaa madaafiic iyo diyaarado ku garaacaan, dabadeed-na dadkii inta ay caruurtii ilkaha ku qaateen ayey u yaaceen xagga Itoobiya, halkaas oo ay Itoobiya ku qaabishay dalkeeda, ugana samaysay xeryo qaxooti, dunidana qaylo ugu dirtay caalamka, iyadoo ay dadkii halkaa u qaxay shacbiga Itoobiyana kala kulmeen soo dhowayn wanaagsan iyo derisnimo wanaag.

Waxa kale oo la ogyahay sida ay Itoobiya ugu samata baxeen kumanaankii qof ee Somalida ahaa ee xiliyadii dambe ka soo qaxay dagaaladii mudada dheer ka socday koonfurta Somaliya.

Ta kale dawladda hadda ka jirta Itoobiya ee uu hogaamiyo Males Zenawi waxay, iyana meesha ka saartay colaadii mudada dheer ka dhex jiri jirtey dadyowga Somalida iyo Itoobiyaanka ilaa ay arintu gaadhay in Somalida Itoobiya ku dhaqan ee berigii hore Madaxa lagaga taagnaan jirey la yidhaahdo ismaamula oo aayihiina ka tashada oo xataa hadii aad madax banaani doonaysaa waa la idiin ogol yahay, waxayna Itoobiya gobolka bariga Afrika ka muujisay odaytinimo weyn, iyadoo Somaliland-na u muujisay soo dhowayn iyo derisnimo wanaagl, taas oo uu hadda u dhexeeyi xidhiih fiican oo walaal-tinimo, halka ay Somalida kalena geed dheer iyo geed gaaban-ba u fuushay sidii ay heshiis uga dhex ridi lahayd ee ay nabad ugu soo dabaali lahayd.

Way jiraan kooxo Somali ah oo Itoobiya canbaareeyaa sida kooxda carta ee Jabuuti lagu sameeyey, laakiin Itoobiya qiimaha mar hore iyo mar dambebab gobolka u yaal ma aha wax la qarin karo, hadii la is yidhaahdo qariyana waxay taasi noqonaysaa cad-ceedda oo sacab la saaray.

Ugu dambayn maantana hadii aanu Somaliland nahay waxa keliya ee aanu ka codsanaynaa waxay tahay inay qaado daaha anaga iyo caalamku noo dhexeeya si aanu caalamka isu aragmo.

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Maxaa Looga Baahan Yahay Qofka Diinta Faafinaya?

Wanaagu oo la isfaro iyo xumaanta oo la iska waaniyaa waxay ka mid tahay camaladda la qabto kuw a ugu fadliga badan. Waana waajib saaran qofkasta oo Muslim ah inuu kaalintiisa ka qaato intii taagtiisa ah gaar ahaana waxa uu waajib ugu yahay qofka karaya ama awood u leh inuu wanaagana amro xumaantana uu joojiyo balse waxaa jirta inay arrintani u baahantahay in dhinacyo badan laga eego.

Haddii aynu ku horeyno waxa uu yahay macruufka ama wanaagu waxa lagu macneeyaa inuu yahay (waxkasta oo ay shareecaddu amartay Hadal, Ficil, iyo Caqiido kii uu doono ha ahaaddee,) kaasoo ay tahay in la isfaro ama la isku waaniyo.

Munkarka ama xumaantuna waa (wax kasta oo ay shareecaddu nahiday ama diiday inla sameeyo hadal, ficil, ama caqiido kuu doono ha ahaade, kaasoo ay tahay in la iska waaniyo) marka la eego fadliga ama ajarka lagu helayo wanaaga oo la is faro iyo xumaanta oo la iska waaniyo waxay ka mid tahay darajooyinka ugu sareeya ee la gaadho xaga khayrka, waxaana dadka loo qaybiyaa marka arrintan la eego:-

1         Dadka halawsan oo aanu khayr ku jirin sharna ku ah dadka.

2         Dad aan khayrna lahayn sharna lahayn joogitaankooduna uu la mid yahay maqnaan shahooda.

3         Dad u wanaagsan naftooda, balse dadka kale aan khayr u lahayn.

4         Dad u wanaagsan naftooda dadka kalena khayr u leh, kuwaasoo ah kuwa naftooda hagaajiyay dadka kalena wanaaga la jecel iskuna daya inay hagaajiyaan oo toosiyaan.

Sida Qur’aanka kariimka ah ku cad wanaag farista iyo xumaan reebistu waxay tahay sababta ay Umadeena Nebi Maxamed (N.N.K.H) ku noqotay umada ugu fadliga badan marka loo eego umadihii inaga horeeyay, laakiin waa haddii la inaga helo inaynu xumaanta iska Reebno wanaagana isfarno.

Arrintani waxay leedahay darajooyin kala duwan oo saddex ah kuwaas oo kala ah:-

1         haddii uu qofku karayo waa inuu xumaanta gacantiisa ku baabi’iyaa taasoo ah darajada koowaad ee ugu saraysa.

2         Haddii uu taa kari waayo waa inuu afka ku bedelo oo uu ku sheego xumaanta.

3         Haddii uu taana kari waayo waa inuu niyadda ka naco xumaanta taasoo ah darajada ugu hoosaysa iyadoo uu macneheedu yahay haddii aad wax kale kari waydo xumaanta qalbiga ka nac.

Waxaa iyaguna jira shuruudo laga doonayo qofka xumaanta dadka ka reebaya wanaagana faraya kuwaasoo kala ah:-

1          Inuu yahay qof xil qaadi kara ahna qof Muslim, qaa n gaadh ah caqlina leh.

2          Waa inuu yahay qof karaya inuu arrintaa sameeyo

3           Waa inaanay dhibaato ka soo gaadhayn ka weyn waxa uu la imanayo.

4          Waa inuu yahay qof cilmi leh garanayana waxa uu amrayo iyo waxa uu nahinayo. Waayo? Qofku haddii aanu cilmi lahayn wuxuu leeyahay cudur daar waxaana u banaan inuu marka hore cilmiga barto. Iyadoo arrimaha qofka laga doonayo ay yihiin saddex:

5          Inuu marka hore cilmiga barto.

6          Inuu markaasi ku camal  falo cilmiga uu bartay.

7          Iyo Inuu marka danbe dadka baro cilmigii uu bartay.

Culimadu waxay sheegeen haddii uu qofku cilmi la’aan dadka doono inuu wax u sheego waxa suurta gal ah inuu isaga oo isleh hanuuni uu halaabiyo.

Sidoo kale waxaa jira shuruudo uu leeyahay xumaanta ama munkarka dadka laga waaninayaa kuwaasoo kala ah:-

1         Inuu yahay waxay shareecaddu mamnuucday ama xaaraantinimaysay.

2         Waa inuu yahay wax taagan oo markaa dhacaya haddii se uu yahay wax dhacay ama dhici doona waxaa wax ka qaban kara cidii masuul ah balse wacdigu waa arrin mar kasta banaan.

3         Waa inuu yahay wax muuqda oo la arkayo, haddiise uu yahay wax qarsoon ma banana in qofka la basaaso ama la baadho.

Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in qofka laga helo aadaabta looga baahanyahay qofka doonaya inuu dadka waaniyo waxna u sheego waxaana ka mid ah:-

1         Inuu yahay qof cilmi iyo aqoon leh.

2         Waa inuu yahay qof xikmad leh oo garan kara sida qofba wax loogu sheego Waayo? Dadku way kala duwan yihiin si kasta, qof walibana wuxuu u baahanyahay in si gaar ah wax loogu sheego waxna looga dhaadhiciyo.

3         Waa inuu yahay qof akhlaaq wanaagsan oo raali galin kara qofka uu wax u sheegayo balse haddii uu caayo isaga oo isleh wanaaji qofkii wuxuu u siyaadiyay xumaan kale.

4         Waa inuu yahay qof samir iyo dulqaad leh oo u adkaysan karaya dhibaatada kaga iman karta dadka uu wax u sheegayo, waxaana looga baahan yahay inuu la mid noqdo geedka marka ay dadku shiidaan midhaha usoo daadiya

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Madaxweyne Hambalyo Laakiin Hoos U Dhaadhac

Anigoo ah Caaqil Jaamac Mire Cawaale oo ka tirsan Degmada Sheekh, waxaan aad iyo aad ugu taageeraya Madaxweyne Rayaale sida wanaagsan ee xilkasnimadda leh ee uu u arkay garsoor xumada ka haysta bulshada Somaliland Maxkamadaha iyo dhibaatada ay leedahay, iyadoo ay maxkamaduhu noqdeen meelaha laga kiciyo bulshada si ay isu dilaan taasoo ku imanaysa in bulshadda qof hantidiisa looga qaado qof kale dabadeedna ay isku dilaan laba dhinac Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ayax tag eelna reeb” marka Madaxweyne waxaan ku leeyahay hoos u dhaadhac.

Madaxweyne meelaha ugu sii daran waxa ka mid ah, sida Maxkamadda Rafcaanka oo loogu tala galay in lagu daweeyo qofku meeluhu ka cabanayo taasoo markaad soo gasho lagu odhanayo “Khayraadkii ma sidaa” taasoo markuu qofku yidhaahdo wax ma haysto laga xukumayo xaqiisa taasoo markuu qofku ka hadlo loo hanjabayo, waxaanad moodaa Maxkamadda maanta in uu nin quudhi wada joogo, sidaa  awgeed waxan Madaxweyne kugu taageerayaa in aad toosiso meelaha xumaddu ka jirto si ay bulshaddu dhibta uga baxdo, Madaxweyne Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in uu kula qabto.

Garsoorka cusubna waxaan u soo jeedinayaa in Ilaahay garansiiyo kana soo baxdaan xilka aad u haysaan bulshadda Somaliland dadweynaha reer Somalilandna waxaan kula talinayaa in ay ka waantoobaan Hantidooda ay meelaha madow ku bixinayaan, oo ay ku xisaabtamaan in uu god madaw iyo xisaabi ka dambayso.

Caaqil Jaamac Mire Cawaale.

Sheekh.

Hadii Aan Cidhiidhiga Biyaha Wax Laga Qaban Xaaladdu Waa Halis

Hargeysa oo ah caasumadda Somaliland waxa ku nool dad tiro badan oo lagu qiyaaso shan boqol oo kun oo qof ilaa lix boqol oo kun oo qof (500,000--- 600,000 qof), iyadoo ay maalin walba ku soo kordhayaan tiro dad ahi, sida dadkii qaxootiga ku ahaa bariga Itoobiya ee soo guryo noqonaya maalin kasta oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa boqolaal kun.  Sidoo kale xiliga xagaaga ee lagu jiro waxa degaamada xeebaha ah ka soo xagaa baxa oo magaalada ku soo kordha dad badan, sidoo kalena waxa, iyaguna debedaha fasax kaga yimaadda qoysas badan oo ka mid ah dadka debedaha ku dhaqan.

Dadka qaxootiyada ah ee soo noqonaya waxay ahayd inay hayadda dib u dejinta qaabilsani intaanay iman u sii diyaariso wax badan oo ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, sida: biyaha, miyi iyo magaalo meesha ay doonto ha ahaatee.

Magaalada Hargeysa muddo 5 bilood ah waxa ka jira cidhiidhi dhinaca biyaha ah oo joogto noqday, taas oo aanay xaafadaha qaarkood laba-laba cisho iyo saddex-saddex cisho arag biyo ay cabaan, waxaana la aaminsan yahay maamul-xumo ka jirta wakaaladda biyaha Hargeysa, hadii ay tahay dhinaca biyo qaybinta iyo hadii ay tahay ururinta dakhliga ee dhinaca biilasha, taas oo ay dhacdo inaanay biilasha cidiba xaafadaha ka soo ururin.

Hase yeeshee madaxda wakaaladda biyuhu marka la waydiiyo sababta keentay cidhiidhiga dhanaca biyaha waxay ku jawaabaan dadka iyo biyaha ayaa kala badan, laakiin su’aasha meesha taal waxa weeye, maxaa biyaha Hargeysa loo balaadhin waayey oo ay xukuumaddu wax uga qaban wayday wixii awoodeeda ah, isla markaana wixii aanay awoodi karin ula kaashan waydey hayadaha samafalka caalamiga ah, sida : UNHCR iyo UNICEF IWM.

Arintu sida ay doonto ha ahaato, laakiin waxaan xukuumadda Somaliland kula talin lahaa inay si deg deg ah wax uga qabato cidhiidhiga dhinaca biyaha ee magaalada ka taagan, taas oo hadii ay sii socoto keeni karta halis ah biyo yaraan xoog leh ama biyo la’aan magaalada soo food saarta, hadii ay taasi dhacdona waxa lumi karo xasiloonida nololeed ee magaalada, waayo biyuhu waa hal-bawlaha nolosha oo hadii aanay biyo jirin nololiba ma jirto, waxayna dadku ku talaabsan karaan gadood harraadka awgii, laakiin waxa haboon in inta aanay dhibaatadu iman laga hor tago oo wax laga qabto cidhiidhiga dhinaca biyaha ee isa so taraya.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi, Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Fulham Oo Iibsatay Ciyaaryahanka Inamoto

Osaka (BBC) - Ciyaaryahanka qaranka Japan Junichi Inamoto ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda Ful-ham oo kala wareegaysa Arsenal oo uu hore ugu safan jiray.

Kooxaha Talyaaniga ah ee Perugia iyo Atalanta, ayaa aad u danaynayay 22-jirka khadka dhexe, kadib markii lagu dhawaaqay inaanu u tirsanayn Arsenal, hase yeeshee, Inamoto wuxuu go’aansaday inuu u diga-rogto kooxda reer London ee ay Arsenal isku magaalada yihiin. Inkasta oo aan si cad loo sheegin qiimaha la kala siistay, haddana waxay wararku sheegayaan in 2.9 oo gini ay kula kala waregayaan Fulham iyo Gamba Osaka.

Inamoto ma safan kulamadii horyaalka Ingiriiska ee Arsenal, keliya wuxuu uu ciyaaray laba kulan oo ah koobka Worthington Cup, iyo laba kulan oo horyaalada Yurub ah oo uu beddel ku soo galay.

CYGAN OO KU BIIRAY ARSENAL

Kooxda haysata horyaalka England ee Arsenal ayaa dhammaystirtay heshiiskii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedkan oo ay kula wareegtay difaacyahanka Faransiiska ah ee Pascal Cygan.

28-jirka hadda ka mid noqday colka Highbury, wuxuu hordhac u yahay talaabo Arsenal isugu diyaarinayso koobka horyaalada Yurub.

Tabobaraha Arsenal, Wenger, ayaa Pascal ku tilmaamay waayo-arag awood u leh ciyaaraha martabada sare ah.

Cygan oo qaadanaya funaanada 18-ka oo uu hore u xidhan jiray Giles Grimandi oo isna Faransiis ah, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kooxda Arsenal. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku biiro Arsenal,” ayuu yidhi Cygan.

Juninho Oo Diiday Inuu Ku Biiro Middlesbrough

Kooxda Middlesbrough ayaa cadaysay inay ku guul-daraysatay ciyaartoyga khadka dhexe ee Juninho in ay makrii saddexaad iibsato.

Madaxa hawl-fulinta kooxda Boro, Mr. Keith Lamb, ayaa xaqiijiyay inay ku guul-daraysteen Juninho soo iibsashadiisa.

“Waxaanu yeelanay wada-hadal saaxiibtinimo, balse natiijo maanu wada gaadhin,” ayuu yidhi Keith.

Kooxda Isbaanishka ee Atletico Madrid oo uu hore uga safan jiray ayaa iyana doonaysa inuu u ciyaaro xilli-ciyaareedkan, kadib markii ay xaraashtay kal-hore markii ay derejada hoose ku dhacday.

Zico Oo Loo Doortay Tababaraha Xulka Japan

Tokyo (Reuters) - Halyayga reer Brazil ee Zico ayaa tabobare u noqonaya xulka qaranka Japan, sidaa waxa shaaca ka qaaday war rasmi ah oo ka soo baxay xidhiidhka kubadda cagta ee Japan (JFA).

Zico oo da’diisu 49-jir tahay, horena u ahaa agaasimaha farsamada Japan koobkii adduunka 1998, wuxuu xilka tabobarenimo kala wareegayaa Philippe Troussier oo jagadan hore u hayay.

Troussier, wuxuu xilka iska casilay markii Japan wareega labaad Turkigu kaga adkaaday ciyaartii koobka adduunka.

Zico, wuxuu aqbalaadiisa ku dhawaaqay Khamiistii shalay.

Guddoomiyaha (JFA) Mr. Shunichiro Okana ayaa ugu dambayntii sheegay in lagu guulaystay wadahadal dheer, kadibna uu gar-waaqsaday shaqada Japan ka dalbatay.

“Waa arrin horumar weyn u ah ciyaaraha Japan iyo ciyaartoygaba,” sidaa waxa yidhi Atsuko Toyama, kadib heshiiskii ay wada-galeen Zico.

“Inkasta oo aanu wada-xaajood dheer galay, muddona ay nagu qaadatay, haddana waa mid mararka qaarkood dhacda in heshiiskan oo kale la gaadho,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha JFA.

Zico, wuxuu si rasmi ah shaqada u bilaabayaa 20-ka July, oo uu bilaabay diyaarinta kooxda bisha soo socota safanaysa kulanka saaxiibtinimo ee bisha soo socota dhexmari doona iyaga iyo China.

Goolhayihii hore ee Brazil oo saddex goor saftay ciyaaraha kama-dambaysta koobka adduunka markii uu ka fadhiistay wuxuu ku biiray kooxda Kashima Antler ee dalka Japan.

Kooxda Kashima oo uu hadda gacanta ku hayo intii uu la joogay waxay ku guulaysatay afar ka mid ah horyaalka Japan.

“Japan waxay aad u xiisaynayeen inay I helaan, waana arrin aad u layaab badan,” ayuu yidhi ciyaartoygii hore ee Flamengo.

“Markasta waxaan odhan jiray shaqadayda ugu dambaysaa waxay noqonaysaa tabobare,” ayuu ku daray Zico.

UEFA Oo Wax Ka Bedeshay Hanaankii Horyaalada Yurub

Belgium (Reuters) - Guddiga fulinta Yurub (UEFA) ayaa caddeeyay in laga saaray wareegii labaad ee tartanka ciyaraaha horyaalada Yurub marka lagaadho xilli-ciyaareedka 2003-2004 ee soo socda.

Kooxaha ka qaybgelaya tartanka waxba lagama beddelin, waana sidii ay hore u ahaayeen 32 kooxood inta wareega hore isku arkaysa.

Is-beddelka cusub ee UEFA, wuxuu dhaqangelayaa kadib marka uu dhammaado ka hada laysu diyaarinayo ee 2002-2003.

Waxay noqonaysaa in siddeed qaybood oo min afar kooxood ah wareega koowaad la isku arko.

Intaa kadib waxay noqonaysaa in laba kooxoodba laba jeer wada ciyaaraan hannaan qoor-qabad ah (Nock out) marka la gaadho 16-ka kooxood. Sidoo kale, waxaa iyana qab la mid ah u dhacaya wareega siddeeda iyo ka afarta kooxood.

Kooxdu waxay ciyaarta kama-dambaysta ah ku gaadhaysaa markay 12 kluan ciyaarto, halkii ay markii hore 16-ka ciyaarood ka ahayd.

Guddoomiyaha UEFA Lennort Johansson ayaa isbeddelkaa ku macneeyay mid keenaya xiise badan oo dhinaca tartanka ah, isla markaana aan ka go’I doonin maskaxda Yurub.

“Waxaanu rumaysanahay in qiyaasta hannaankani xambaaraysan yahay noqonayo mid xiiso badan muddo dheerna la dhawrayay, qof  walibana heli doono, gaar ahaan, kooxaha, ciyaartoda, taageerayaasha, warbaahintaa, wakiilada, dhamaane kubadda cagta yurub). ayuu yidhi Lenart.

Gudoomiyaha UEFA wuxuu qiray inaanay arrin fudud ahayn  wax ka bedelka mid ka mid ah tartamada loo aqoonsaday kuwa dunida ugu wanaagsan, hase yeeshee wuxuu intaa ku daray inay khasab tahay in marar qaarkood laga fekero mustaqbalka. Lennart wuxuu intaa ku daray inay si dhug leh u dhagaysanayaan talaabooyinka la soo jeediyo, fekradaha muhiimka ahna ay qaadaan doonaan xidhiidhka dawliga ah ee yurub waxay dunida ku haysaa dhowr arrimood oo kala duwan, laakiin ciyaaraha iyo ganacsiga ayaa ah labada arrimood ee markasta muhiimada la siinayo.

“waxaanu rabnaa  sida ugu fiican uguna dheelitiran kubbada cagta yurub. iyada la isku miisaamayo liiska magacyada ciyaartoyga kooxaha u safanaya, si kooxuhu isku ceshadaan awood ahaan” ayuu ku daray gudoomiyaha UEFA.

UEFA, waxay qirtay in isbedalkani saamayn dhaqaale ku keenayo, hase yeeshee ay ka doorbideen qorshaha mustaqbalka tartankani sidii uu xiise ugu yeelan karayo

“waxaanu rumaysanahay  in talaabadai fariin sax ah ugu noqon doonto dal kasta, iyada oo dhamaan wadamada yurubna ay sii wada jir ah uga wada shaqayn doonaan sidii hore loogu marin lahaa ciyaaraha iyo tartamada yurub” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa.