Haatuf, Cadadki 114, July 14, 2002
Wasiiradda Somaliland Ee
Socdaalka Ku Joogga Yurub Iyo Jaaliyadda Holland Oo Kulan Isku Xaal-Wareystay

Den Haag (Haatuf): Wefti ka kooban Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Mudane Maxamed Cabdi Xuseen iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Mudane Qaasim Sh. Yuusuf oo socdaal ku maraya, qaar ka mid ah wadamada Yurub, ayaa toddobaadkii hore la kulmay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Holland, halkaas oo ay labada dhinac (Jaaliyadda iyo Weftigu) ay isku weydaarsadeen is-xog waraysi guud oo ku saabsan xaaladda Somaliland.

Weftigani waxa uu dalka ka ambabaxay June 20, iyagoo u kicitimay dalka Jarmalka iyo xarunta Midowga Yurub ee Brussels, halkaas oo ay kadib uga sii gudbeen dalka Holland oo ay hadda ku sugan yihiin.

Kulanka weftigu la yeeshay Jaaliyadda reer Somaliland oo ka dhacay magaalada Deng Haag ee dalka Holland, waxa ka qayb-galay Weriyaha Haatuf ee waqooyiga Yurub, Cabdi Xasan, waxaanu nooga soo diray warbixintan:

“Wefti ka kooban laba Wasiir iyo Sarkaal ka socda Hay’adaha Samafalka aan dowliga ahayn (NGO) ee Somaliland, Mr. Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa beryahanba ku sugnaa dalka Holland, iyaga oo soo maray dalka Jarmalka oo ay martiqaad ka heleen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas iyo xarunta Midowga Yurub ee Brussels, dalka Belgium-ka. Weftigu waxa ay Axaddii July 7, la kulmeen Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Holland. Kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen dad aad u farabadan oo isaga yimi dhammaan gudaha dalka Holland, waxa furay Guddoomiyah Jaaliyadda reer Somaliland ee Holland, Mr. Fu’aad Cismaan Muxumed oo ay weftiga uga waramay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka qurba-joogga ah ee ku dhaqan dalka Holland. Wuxuu sheegay Fu’aad in dhammaadkii Sagaashanaadkii ay dalka Holland ku noolaayeen ilaa 8,000 oo qof oo asalkoodu ka yimi Somaliland, laakiin sannadihii u dambeeyay waxa uu sheegay in ay ku soo badannayeen dad geedi ah oo qaarkood ay ka soo hayaameen dalka Ingiriiska, taas oo ka dhigtay dadka u Dhashay Somaliland ee deggan Holland I nka badan 10, 000 oo qof.

Wasiirka Duullista Hawada, Mudane Maxamed Cabdi Xuseen iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Mudane Qaasim Sh. Yuusuf, ayaa iyaguna jaaliyadda uga xog-waramay socdaalkooda iyo waxyaabaha uga qabsoomay, xidhiidhka jaaliyadaha dibadda iyo dawladda iyo xaaladda dalka guud ahaan.

Wasiirka Duullista Hawada, Mr. Maxamed Cabdi-dheere oo ka hadlayay Socdaalka weftiga, waxa uu sheegay in June 23, ay tageen Jarmalka, booqashadooduna ay ka dambaysay martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Jarmalka. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in dalka Jarmalka ay ku galeen Baasaboorka cusub ee Somaliland samaysatay, taas oo bushaaro weyn u ahayd dadkii shirkaa ka qayb-galay.

Mudane Maxamed Cabdi, waxa uu sheegay in muddadii ay Jarmalka joogeen ay la kulmeen Madax ka tirsan dawladda iyo hay’addo aan dawli ahaynba. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay tageen dalka Biljam oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah Madaxda Yurubta Midowday, isaga oo sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay ahayd in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Midowga Yurub, in ay Somaliland kaalmo dhaqaale uga heli lahayd Midowga Yurub iyo sidii Somaliland ay aqoonsi Caalami ah u heli lahayd.

Arrinta Aqoonsiga, waxa uu sheegay in ay fiican tahay in la aqoonsado Somaliland, laakiin waxa uu sheegay taasi in ay ku xidhan tahay inaga lafteena oo isu aqoonsana dal xor ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxdii ay la kulmeen ay is-fahmeen, xogtii ay siiyeena ay garwaaqsadeen, isaga oo dhinac xaaladda dalka gudihiisa uga waramaya, waxa uu sheegay in bilihii la soo dhaafay dalka la soo derseen duruufo badan oo ay ka mid ahaayeen geerida Madaxweynihii hore iyo buuxinta jagooyinkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeeenka, waxana uu sheegay in duruufahaas lagaga gudbey dastuurka. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in muddo lagu mashquulsanaa Arrimaha Gudaha, haatana ay fursad u heleen arrimaha dibadda.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Qaasim Sh. Yuusuf, ayaa isaguna kala hadlay Jaaliyadda sidii ay Wasaaradiisa iyo jaaliyadaha dibadda u wada xidhiidhi lahaayeen.

Mudane Qaasim waxa uu sheegay in shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay tahay xidhiidhinta Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadda, isla markaana waxa uu ugu baaqay dadka dibadda in ay kaalin ka qaataan dhismaha iyo horumarinta dalka.

“Dadka guduhu idinka ayay idinka sugayaan in aad tagtaan oo dalkii dhistaan, illayn waxaad tihiin maskaxdii dalka’e,” ayuu yidhi Qaasim Sh. Yuusuf.

“Laakiin, waxa muuqata in aad idinna sugeysaan inta dalka gudihiisa joogtaa ay dalka dhisayaan, dabadeedna aad ku noqotaan marka la dhiso,” ayuu raaciyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in kuwa doonaya in ay ku noqdaa dalka, marka hore ay soo dhisaan wax ay ku noqdaan, waxana uu ku dhiiri-geliyay jaaliyadaha in ay isu habeeyaan sidii ay dalka wax u tari lahaayeen. Waxa kale oo uu ku war-geliyay in wasaaraddu waddo qorshe cusub oo ay u dhigtay wada-shaqaynta iyo xidhiidhka Jaaliyadaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Axmed Yuusuf oo isna ka socday hay’adaha aan dawliga ahayn ee Somaliland (LNGOs), ayaa isaguna ka hadlay dhinaca gargaarka Somaliland la siiyo. Axmed waxa uu sheegay in Somaliland, maadaama aan la aqoonsanayn ay Caalamka ka hesho kaalmo aad u yar, waxana uu tusaale u soo qaatay hay’adaha Jarmalka ee Samafalka, kuwaas oo uu sheegay in ay Sagaal (9) hay’adood Soomaaliya ka shaqeeyaan, laba keli ahi ay Somaliland ka joogaan, toddobada kalena Soomaaliya joogaan. Caawimada ay dalalka Yurub bixiyaana ay Somaliland ka hesho 24%, inta kalena ay qaadato Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Axmed in muddadii ay joogeen Jarmalka iyo Brussels ay arrintaa ka hadleen, sidoo kalena hay’ado samafal oo reer Holland ahna ay la kulmeen. Sidaas darteed, Jaaliyadaha looga baahan yahay in ay arrintaa ka hawl-galaan oo ay daba-joogaan.

Xog-waramadaa kala duwan kadib, waxa weftiga la weydiiyay su’aalo door ah oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo badankoodu ku saabsanaa Arrimaha Bulshada, xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Djabuuti, doorashada dalka ku soo fool leh iyo sida ay ku dhici doonto. Waxa kale oo Jaaliyadaha dibadda muujiyeen in ay jiraan waxyaabo ay salluugsan yihiin ama tabashooyin u badnaa dhinaca adeegyada bulshada oo ay sheegeen in dawladii aanay waxba ka qaban aanay kafayn baahida jirta.

Wasiiraddu su’aalihii Jaaliyaddu weydiinaysay, waxay dhammaantood uga jawaabeen si deggan oo diblomaasiyadi ku dheehan tahay, iyaga oo isku dayay in qofkasta oo su’aal qaba ay ugaga jawaabaan si kalsooni leh. Kulankaasina, waxa uu ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan, dadka badankiisu waxa ay ku faraxsanaayeen in ay la kulmeen Wasiiro ka socda dawladda Somaliland.

Haweenayda Madaxweyne Bush Oo Jaa’isad Gudoonsiisay

Washington (W. Wararka): Laura Bush oo ah xaaska Madaxweynaha Dalka Maraykanka George W. Bush, ayaa gudoonsiisay Jaa’isadda Hawlaha Dimuqraadiyadda iyo Hawlaha loogu doodayo xuquuqda dadka, Maryam Xuseen Maxamed oo ka tirsan Hay’adda Somali Human Rights ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Rights Organizations.

Gudoonsiinta Jaa’isadda ee Laura Bush ay gudoonsiisay Maryam Xuseen 9 July oo ahayd Salaasaddii toddobaadkii hore, waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda NED ee Maraykanka ah ee hawlaha Dimuqraadiyadda iyo Dhowrista Xuquuqda Iinsaanka, waxaanay Maryam Xuseen Maxamed ka mid ahayd afar haweenna oo dunida Muslimka ah laga siiyay Jaa’isaddaa oo la siiyo dadka hawlaha firfircoon ee waxtarka leh ka qabta xorriyadda iyo xuquuqda Beni’aadamka dhowristeeda.

Hay’adda NED ee jaa’isaddan soo qaban-qaabisay, waxay gudoonsiinta Jaa’isadahan dadka ku guuleysta sannadkan u xushay in ay guddoonsiiso Marwada koowaad ee dalka Maraykanka Laura Bush.

Jaa’isadda ay ku guuleysatay Maryam Xuseen Maxamed oo Soomaaliyad ah, waxaa iyaguna ku guuleystay kuwo la mid ah; Nadjet Bouda oo u dhalatay Aljeeriya; Mehrangiz Kar oo uu dhalatay Iiraan, Muborak Tashpoulatova oo u dhalatay Uzbekistan.

NED (National Endowment For Democracy), waa urur Madaxbannaan oo aan ahayn urur ganacsi iyo faa’iido-doon, waxaana la aasaasay sannadkii 1983-kii, haddana wuxuu NED xafiisyo ku leeyahay Sagaashan (90) dal oo dunida ah.

Hay’adda NED, waxay ka shaqaysaa dalalka ay xafiisyada ku leedahay dhismaha Nidaamka Dimuqraadiga ah oo laga soo bilaabo seeska.

Hadda NED, waxaa madax ka ah Mr. Carl Gershman, wuxuuna yidhi isagoo ka hadlay xafladii ay Laura Bush Jaa’isadda ku gudoonsiisay Maryam Xuseen Maxamed; “20 sannadood ee tegay Ned waxay ka shaqaynaysay kor u qaadidda ku dhaqanka Dimuqraadiyadda, inta badan waxaa hawsha gacan ka geystay xilligaa haweenka, sidii ay kor ugu kici lahayd, taasi waa run gaar ahaan dhinaca dunida Muslimka ah.”

Garsoorayaashii Shaqada Laga Fadhiisiyey Oo Faahfaahin ka bixiyay sababihii ay isu casileen

Hargeysa  (Haatuf): Garsoorayaashii shaqada shaqada iska casilay ee maxkamadaha hoose ee Somaliland ayaa shalay markii horaysay faah-faahin ka bixiyey sababaha ay shaqada isaga casileen.

War-saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin afar ka mid ah garsoorayaashii shaqada maxkamadaha iska casilay ayey tafaasiil kaga bixiyeen sababaha ay isu casileen oo ay sheegeen inay ugu muhimsan tahay fara-gelin ay xukuumaddu ku samaysay waaxda garsoorka iyo weliba distoor jebin ay ku tilmaameen inay xukuumaddu ku talaabsatay, waxayna kala yihiin afarta garsoore ee war-saxaafadeedka saxeexay: Maxamed Siciid Xirsi oo hore u ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Hargeysa, Saleebaan Ismaaciil Xuseen (Ciro) oo hore u ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa, C/raxmaan Ibraahim Caalin oo hore u ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Boorame iyo Fawsi sh. Yoonis Xasan oo hore u ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Hargeysa.

Garyaqaanada war-saxaafadeedka soo saaray waxay ugu horayn hadalkooda ku bilaabeen   “Anaga oo ah garsoorayaashii is-tiqaaladooda u gud-biyey guddiga cadaaladda Julay 3, 2002, ilaa haddana aan wax jawaab ah oo qoraal ah ka helinguddiga cadaaladda ayaa, iyadoo aanu daba socono waraysigii uu wasiirka cadaaladdu siiyey BBC-da Julay 7, 2002, waxa lagama maar-maan noqotay inaanu faah-faahin ka bixino sababihii dhaliyey inaanu iska casilo xilalkii garsoorenimo ee aanu Qaranka u haynay ”, Laakiin, iyaga oo tilmaamaya sababaha waxay yidhaahdeen “ Faro-gelin ay xukuumaddu fara gelisay hayaddii garsoorka ”, waayo bay yidhaahdeen “ Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi uu gudoomiye u yahay madaxweyne-kuxigeenku oo ka kooban xukuumadda iyo xeer-dejinta, iyadoo uu qoddobka distoorka ee 37aad ( 2 ) leeyahay “ Dhismaha Qaranku waxa uu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka, kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doontaa sida dastuurku dhigayo, waax waliba awoodda dastuurku u gaar yeelay way u madax banaan tahay”, taas oo uu qoddobka dastuurka ee 97aad ( 2 ) dhigayo “ Waaxda garsoorku waxay hawleheeda u fulinaysaa si dastuurka waafaqsan, iyadoo ka madax banaan waaxaha kale ee Qaranka”. Sidaa darteed ayey yidhaahdeen Garyaqaanadani waxa hawshii guddiga cadaaladda la wareegay guddiga uu madaxweynuhu soo magacaabay, taasina waxay meesha ka saaraysaa madax banaanidii distoorku siiyey waaxda garsoorka, waxayna ka dhigaysaa meel aan dhex ahayn oo ay gacanta ku hayso xukuumaddu..

 Waxa kale oo ay garyaqaanadani sheegeen inay sababta kale ee ay isu casileen tahay madaxweynaha, madaxweyne-kuxigeenka iyo xukuumaduba inay jebiyeen dastuurka, waxayna, iyaga oo taa faah-faahinaya yidhaahdeen “ Madaxweynuhu waxa uu magacaabay guddi ka kooban xukuumadda iyo xeer-dejinta, wuxuuna jebiyey qoddobada dstuurka ee 37 (2), 97 (2).  Madaxweynuhu waxa uu soo saaray xeer uu ku magacaabayo gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer uu ku magacaabayo garsoorayaasha maxkamadda sare, labadaa xeer-ba waxa uu madaxweynuhu cadeeyey inuu kala tashaday guddiga uu magacaabay ee xukuumadda iyo xeer-dejinta isugu jira, wuxuuna madaxweynuhu jebiyey qoddobka 105 ee dastuurka oo dhigaya “ Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa gudoomiyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda sare marka uu la tashado guddiga cadaaladda , isaga oo tix-gelinaya heerka waxbarasho, waayo-aragnimo, xirfadeed iyo suubanaanta akhlaaqda”. 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu kala diray ayey yidhaahdeen garsoorayaashii maxkamadda sare oo ah maxkamadda dastuuriga ah, iyadoo aanu jirin qoddob dastuuri ah oo sheegaya inuu kala diro garsoorayaasha, laakiin keliya uu magacaabi karo. Sidoo kale guddiga uu madaxweyne-kuxigeenku gudoomiyaha ka yahay waxay jeibiyeen qoddobka 108 ee dastuurka, ka dib markii ay la wareegeen hawshii uu dastuurku u xil saaray, guddiga cadaaladda, taasna waxa ka marag furay wasiirka cadaaladda waraysigii uu siiyey BBC-da. Waxa kale oo ay xukuumaddu ku geftay qoddobada dastuurka ee kala: 20aad iyo 24aad oo damaanad qaaday xuquuqda shaqada iyo xurymaynta magac-samida qofka, ka dib markii ay xukuumaddu xuquuq la’aan shaqadii kaga saartay 53 garsoore, kana ceebaysay war-baahinta, iyadoo aan soo bandhigin dembi ay galeen ama ku cadaaday.   Waxa kale oo jirta inay wasiiro guddigaa ka mid ahi xilka wasiirnimo hayeen in ka badan saddex bilood, iyadoo aanay Golaha wakiiladu ansixin, waxayna marka jebiyeen qoddobka 114 ( 3 ) ee dastuurka oo dhigaya “ Masuuliyiinta dastuurku waajibiyey ansixintooda si ku meel-gaadh ah xilka uma hayn karaan saddex bilood ka badan”.

Garyaqaanada war-saxaafadeedka soo saaray, iyaga oo xusaya sababta kale ee ay isu casileen waxay yidhaahdeen “ Gebagebadii madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo xukuumadiisuba waxay ku gefeen qoddobada dastuurka ee kala ah : 20, 24, 37(2), 97(2), 105(1), 108, IYO 114(30, iyadoo uu dastuurku yahay kii madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa dhawr bilood ka hor u saamaxay inay ku fadhiistaan kuraasta ugu mudan qarank, kuna dhaartay ilaalintiisa, isla markaana dastuurka ay masuuliyiintaasi sida hawsha yar ugu tunteen waa kii ay dadweynaha Somaliland saacadaha badan bacadka u taagnaayeen ansixintiisa, kuna ansixiyeen codkooda 97%, taas oo ay sixid la’aanta gefka dastuurka ee xukuumadda curdinka ah keeni karto in sida ay xukuumaddu u kala dirtay waaxda garsoorka ay si la mid ah u kala diri karto waaxda xeer-dejinta, iyadoo dastuurka iska laabaysa, dalkana wareegto ku maamuli karta” ayey garyaqaanadaasi ku soo xidheen hadalkooda.

Dugsiga dhegoolayaasha

Boorame oo xusay sannad-guuradiisii 5aad

 

Boorame (Haatuf): Xaflad lagu xusayo sannad-guuradii 5aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dugsiga dhegoolayaasha ee magaalada Boorame ayaa habeenimadii julay 9, 2002, lagu qabtay dhismaha dugsigaa, waxaana xafladdaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga iyo martisharaf kale oo badan. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar xuska maalintii la aasaasay dugsiga dhegoolayaasha Boorame dib ayuu sannadkan uga dhacay maalintii caadiyan la xusi jirey oo ah 14-ka juun sannadkasta, iyadoo dugsigaa markii u horaysay la aasaasay sannadkii 1997-kii, waxaana sababta uu kalkan dib ugu dhacay lagu tilmaamay geerida nin macalin ka ahaa dugsigaa oo dhowaan ku dhintay magaalada Nayroobi ee caasumadda dalka Kenya.

Marwo: Analeno Tonelli oo qayb muhim ah ka soo qaadatay aasaaskii dugsigaa ayaa ka hadashay xafladaa, kana warantay marxaladihii uu soo maray iyo dedaalkii ay ka gashay aasaaskiisa, iyadoo xustay sida uu dugsigaasi dadka dhegoolayaasha ah ugu soo dhex daray mujtamaca oo markii aaminsanaa bay tidhi inay dadka dhexdiisa ka takoorran yihiin.

Maamulaha dugsiga dhegoolayaasha Boorame, Cilmi Muuse Axmed ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna sharax ka bixiyey sida wax loo baro dadka dhegoolayaasha ah ee dugsigaa wax ka barta, taas oo uu Cilmi sheegay in dugsigaa markii u horaysay ee la furay lagu bilaabay 2 qof, laakiin ay hadda wax ka bartaan 63 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo buu yidhi wax ka barta manhajka caadiga ee ay wax ka bartaan ardayda caadiga ahi, isaga oo maamuluhu xusay inay dadka dhalinyarada ah ee dugsigan wax ka bartaa ka kala yimaadeen gobolada gobolada Somaliland, isla markaana uu dugsigani yahay dugsiga keliya ee noociisa ah ee ka furan Somaliland iyo guud ahaan-ba degaamada Somalidu degto.

Marka laga yimaado dhalinyarada dhegoolayaasha ah ee wax lagu baro dugsigaa waxa kale oo, iyana jira dhalinyaro naafo ah oo wax lagu baro dugsigaa, dugsigaasina waxa uu ka kooban yahay fasal, waxaana wax ka dhiga 14 macalin.

Daacadi Ma Hungowdo

Halkan waxaynu ku soo bandhigi doonaa sheeko yaab leh oo beri fog ka dhacday magaalada Maka ee dalka Sucuudi-arabia.  Sheekadaa qayb ka mid ahi waxay tilmaamaysaa ahmiyadda ay leedahay daacad-nimadu iyo iska ilaalinta booliga, iyadoo hore loo yidhi “ Daacadi ma hungowdo”.

Qisadani waxay ku dhacday nin ku noolaa magaalada Maka, waxaana ninkaa laga soo weiryey inuu isaga laftiisu ka sheekeeyey.  Sidaa darteed, isaga oo ninkaasi ka waramaya qisada la kulantay waxa uu sheekadiisa ku bilaabay:

“Waxaan deganaan jirey magaalada barakaysan ee Maka, waxaan ahaa nin sabool ah oo aan xataa heli karin qutal-daruuriga, waxayna xaaladaydu ahayd “ Ma qadaa ma dhergaan”, taas oo aan labadii maalmood ee isku xiga maalinna qadada heli jirey, maalinna aan qadi jirey, laakiin waxa dhacday inaan dhawr maalmood oo isku xiga waayo wax aan afka geliyoba, dabadeed markii aan is-idhi gaajo ayey naftu kaaga baxaysaa ayaa ka luuday meeshii aan joogay aniga oo dirqi ku soconaya.   Aniga oo wadadii ciir-ciiraya oo aanu socod igu jirin ayaan markii dambe ku soo baxay jawaan afka ka xidhan oo wadada badhtankeeda yaal, dabadeed jawaankii ayaan tuurta u ritay oo aan cago-jiid iyo dirqi gurigaygii ku gaadhsiiyey. 

Markii aan gurigaygii galay ayaan degdeg albaabka hoosta uga xidhay, waxaana markiiba furay xadhigii jawaanka afka lagaga guntay, markii aan xadhigii ka wada furay ayaan jawaankii gacanta geliyey, wixii ku jirey ayaan gacanta la helay, ka dibna waan soo saaray, waxayna noqotay Johorad dheeman ah oo malaasan oo ay dhalaalkeeda iyo quruxdeeda indhuhu kugu daraan-darayaan, markaas ayaan idhi bal risiqan Illaahay afka iiga soo geliyey eeg, haddana Johoradii markii aan dhinac walba ka eegay ee aan ka daawasho dhamaystay ayaan jawaankii ku crliyey, gurigii ayaan debedda uga baxay oo dib ayaan o noqday, laakiin markii aan gurigii cabaar ka socday ayaan la kulmay nin oday ah oo qaylinaya, wuxuuna ninkaa odayga ahi kor ugu dhawaaqayaa “ Cidii jawaankaygii aragtay ee soo celisa waxaan baadifad u siinayaa lacag, yaa Illaahay khayr siiyey oo alaabtaydii arkay”. 

Waan gartay inuu doonayo alaabtii aan helay ee gurigayga taaley, naftaydii ayaan la showray, waxaana ku idhi “ naf yahay inkasta oo ay gaajo kulul iyo baahi badani ku hayso, haddana xoolaha aad heshay adigu ma lihid ee waa xoolo aadame, sidaa darteed hadii aad ifka qarsato aakhiro qarsan kari maysid ee maxaad yeeli ?, maxaad ku hadli doontaa marka aad Illaahay hortimaado maalinta qiyaame ?,  naf yahay waxa kale oo aad is-waydiisaa gaajada maanta ku haysa iyo cadaabta aakhiro, mid kee baa kulul “.  Waxaan naftayda la showraba waxaan markii dambe isku qanciyey inaan jawaankaa iyo waxa ku jira iska celiyo oo aan gacanta u geliyo odayga dawerinaya ee iska leh, dabadeed odaygii ayaan u yeedhay, waxaanna ugu bishaareeyey inaan jawaankaa iyo alaabta ku jirta anigu hayo oo aan ka helay wadada dhexdeeda, isaga oo yaal.  Odaygii oo aad u farxay, lana yaaban ninkan dhalinyarada ah ee alaabtiisii ugu yaboohay ayaanu isu raacnay xagii gurigayga, laakiin markii aan meel dhexe sii soconay ayaan ka fekeray sidii aan u hubsan lahaa inuu odaygani alaabta leeyahay iyo inkale, dabadeedna waxaan waydiiyey astaamaha uu leeyahay jawaanka ay ku jirto alaabta ka luntay, waxa kale oo aan waydiiyey waxa jawaanka ku jirey iyo waxa afka kaga xidhan.  Hase yeeshee su’aal kasta oo aan waydiiyo, isaga oo aan inyarna u war-wareegin ayuu sida ay tahay uga jawaabaa, markii aan hubsaday inay alaabtu alaabtiisii tahay  ayaa intaan gurigii galay debedda ugu saaray jawaankii iyo wixii ku jireyba, waana gudoonsiiyey.

Odaygii markii uu jawaankii gacanta ku dhigay ayuu furay si uu u hubsado inay alaantii dhan tahay, dabadeedna markii uu hubsaday inay alaabtii u dhan tahay ayaa neefi ka soo boodday oo ay naxdintii ka ba’day.  Odaygii inta uu xagaygii u soo jeestay ayuu ugu horayn si weyn iigu mahad naqay, isaga oo farxad la ilmaynaya, wuxuuna ii badiyey ducada iyo amaanta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ nin yohow horta alaabtani inay gacantayda dib ugu soo noqoto kama qabin wax rajo ah oo quus baan ka taagnaa, waayo beledkan aynu joogno waxa waayadan dambe dhimatay amaanadii, waxaana badatay khiyaamadii, tuugadii iyo dhacii, maantana adiga ma garanayo wax aan kugu abaal gudo”.

Odaygu hadalka wuu sii waday, wuxuuna yidhi “ Wiil-yohow waxaad iga dejisay wer-wer iyo wal-bahaar weynoo dusha iga saarnaa, hadii aan kuu waramona wixii aan noloshayda xoolo tabcaday jawaankaas ayey ku jiraan, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan abaal-gud ku siiyo, maadaama aad alaabtii aan ka quustay gacanta dib iigu soo gelisay, aadna ka xishootay inaad hungurayso iyo inaad qarsato toonna”.  Odaygii wuxuu hadloba waxa uu markii dambe hadalkiisii ku soo xidhay “ wiil-yohow hoo shantaa boqol ee dir-ham, abaal intaa ka badana Illaahay agtiisa ayaad ka heli doontaa”.

Waqtigaa shanta boqol ee dir-ham waxay ahayd lacag aad u fara badan, odaygii markii uu lacagtii ii soo taagay ee uu damcay inuu gacanta iigu shubo ayaan ka xishooday inaan ka qaato, waana ku diiday, waxaana ku idhi “ Adeer anigu baadifadda ma qaato ee waxba kaama rabo’e nabadgelyo, alaabtaadana qaado”. Sidaa ayaanuna ninkii odayga ahaa isku macasalaamaynay, aniga oo aan hal dir-ham ka qaadan.

Waqtigaa markii ay muddo badani ka soo wareegtay ayaan maalintii go’aansaday inaan Maka ka haajiro oo aan weliba badda ka talaabo.  Dooni ayaan raacay,doontaasna waxa saarnaa dad kale oo, iyana rakaab ah. Hase yeeshee anaga oo badda badhtankeeda marayna ayuu duufaan xoog lihi nagu kacay, halkaas ayeyna doontii ku degtay, xoolihii iyo dadkii saarnaana biyihii badda ayey kala raaceen oo meel ay mareen lama arag.   Halka ay doonto ku qaraqantay waxa indoora u jirey jasiirad yar oo ay dad muslin ahi ku nool yihiin, laakiin mar dambe ayey ogaadeen inay badda u dhow dooniyi ku qaraqantay, dabadeedna way soo gurmadeen bal inay qofna bad-baadiyaan, nasiib wanaag aniga oo ay naf silic lihi igu jirto, laakiin weli yiqiinsan inaan ifkii joogo oo aan noolahay ayey I soo gaadheen dadkii soo gurmaday, dabadeedna intay I qaadee ayey magaaladii ay ku noolaayeen I geeyeen, si fiican oo hagar la’aan ah ayeyna halkaa iigu xanaaneeyeen, waana ka soo kabtay dhibaatadii iga soo gaadhay qaraqankii.  

Muddo badan ayaan halkaa ku noolaa, waxaana hoy ii ahaa masaajid, masaajidkaa oo aan hoyga ka sokow quraanka ku akhrisan jirey, iyadoo ay magaaladaasi ahayd meel ay masaajidadu ku badan yihiin, dadkii magaalada ku dhaqnaana waanu is wada baranay, iyaga oo aad uga heli jirey quraan akhriskayga iyo luuq- wanaagayga.  Dabadeed waxay iga codsadeen inaan magaalada quraanka ka dhigo oo ay mush-qaayad I siiyaan, aniguna waan ka yeelay, taas oo ay caruurtoodii oo dhan ii wada keeneen.  Sannado badan ayaan dadkaa la noolaa oo aan caruurta quraanka iyo higaadda carabiga u bari jirey, waxaana ka shaqaystay lacag aad u badan.  Hase yeeshee aniga oo sidii hawshayda isaga wata ayaa waxa maalintii dambe ii yimi odayaashii magaalada oo dhan oo wada socda, waxayna igu yidhaahdeen “ Wiil-yohow waxaanu jeclaysanay inaad nala xidido oo aanu gabadh kuu guurino”, waxayna ii sheegeen inay go’aansadeen inay ii dhisaan gabadh agoon ah oo uu aabeheed keligeed ifka kaga tegey, xoolo badana uga dhintay oo maal-qabeen ah.

Runtii anigu marka guur maanka ku haya maan ahayn, waxaana markasta maskaxdayda ka guuxi jirey ama aan ku fekeri jirey sidii aan wadankaygii hooyo ugu noqon lahaa. Sidaa darteed arintii guurka ahayd ee ay odayaashu ii soo jeediyeen ayaan ka cudur-daartay oo aan ku idhi “Nimanyohow nin maanta gabadh xil qaadi karaya ma ihi oo guur u diyaar ah ma ihiye iga raali ahaada waad-na ku mahadsan tihiin sida aad ii sharifteen”, laakiin odayaashii intaa igagama ay hadhin ee way igu celiyeen hadalkii oo si weyn ayey iila hadleen, sidaa darteed markii ay odayaashii si weyn oo sharaf leh iila hadleen waan ka xishooday inaan taladooda iska diido maadaama ay si weyn ii xurmeeyeen, ta kalena waxaan ka baqay inuu xaal I qabto, dabadeedna arintii waxay ku dhamaatay qabuul iyo hagaag sidaa ayaana la iigu meheriyey gabadhii agoonta ahayd ee xoolaha badan lahayd ee ay odayaashu ii soo dooreen, taas oo markiiba la ii meheriyey, dhawr maal-mood ka dibna aqalkaygii ayaa la abaabulay, waana aqal galay, laakiin habeenkii aqal galka ayaa gabadha aan guursaday arageeda iigu horaysay…..

La soco cadadka dambe

Talaalka Cudurada Dilaaga Ah

Oo Ka Bilaabmay 5 Magaalo Oo Somaliland Ah

Hargeysa (Haatuf): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr: Axmed Cabdi Jaamac ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu 5 magaalo oo Somaliland ka mid ah si rasmi ah uga bilaabmay olole lagu talaalayo lixda cudur ee dilaaga ah, waxayna shantaa magaalo kala yihiin: Hargeysa, Boorame, Burco, Laas-caanood iyo Ceerigaabo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka waxa kale oo uu sheegay inay hawsha talaalka fulinayaan 85 kooxood oo ka kooban hawl-wadeenada iyo shaqaalaha caafimaadka, iyadoo ay meel-marinta hawshaa gacan ka geysanayaan labada hayadood ee samafalka caalamiga ah UNICEF iyo WHO, xafiisyadooda Somaliland, wuxuuna agaasimaha guud ee caafimaadka ku baaqay inay dadka Reer-Somaliland caruurtooda uga faa’iiyaan talaalkan.

Dhinaca isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Awdal, Siciid Bile ayaa sheegay inay hawsha talaalku si rasmi ah uga bilaabatay shalay Boorame, wuxuuna isuduwuhu intaa ku daray inay ololaha talaalka magaalada Boorame ka hawl-galeen 15 kooxood hawl-wadeenada iyo shaqaalaha caafimaadka ka kooban, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku talo galku yahay in la talaalo ilaa 7000 oo caruur ah oo ay dq’doodu ka yar tahay 5 jir.

Magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayuu, iyana 7:00 subaxnimo ee shalay ka bilaabmay ololaha talaalka ee lixda cudur ee dilaaga ah.

Nelson Mandela Oo Ku Baaqay In…

Nelson Mandela ayaa maalintii Jimcihii ee 12 July ku baaqay in daawada Aids-ka lagu caawiyo dhammaan dadka u baahan.

Mr. Mandela, wuxuu ku dooday in ay dunidu ka hortagto cudurkaa (Aids), oo uu sheegay inuu dagaal baabi’in ah kula jiro dadka.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo la hadlayay (1500) kun iyo shan boqol oo ahaa wufuud ka soo qaybgashay shir ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Spain, oo lagu codsanayay intiisa badan in loogu helo malaayiin dollar oo dawo loo siiyo dadka u buka cudurka Aids-ka ee dalalka saboolka ah ee dunida. Nelson Mandela oo arrintaa ka hadlayay, wuxuu yidhi; “Kani waa dagaal u baahan in la abaabulo dadweynaha oo dhan.”

Cudurka Aids-ku wuxuu 20-kii sannadood ee tegay (10-kii) il-bidhiqsiba wuxuu dilayay hal qof dunida guudkeeda.

Xubnaha Golaha Ammaanka Ee Midowga Afrika..

 

Ururka cusub ee Midowga Afrika (AU), ayaa samaynaya gole ammaan oo awood u yeelanaya inuu farageliyo militari ahaan khilaafyada ka dhaca Afrika.

Tartanka loogu jiro shanta kursi ee guddoomin doona golahaa ammaanka ee Afrika ayaa ah mid socda oo u dhaxeeya dalalka u tartamaya, isaga oo dal waliba sii xoojinaya sidii uu taageero ugu heli lahaa inuu hirgeliyo qorshihiisa.

Arrintan fursada xubinimada ee golaha ammaanka ee Afrika waxaa ka qayb ah, sida uu dal waliba xidhiidh ula leeyahay dalalka kale, awooda militari ee dal waliba leeyahay iyo ku xidhnaanta dalalkaas ee Yurub iyo Maraykanka.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa 10-kii July 2002, oggolaaday in la sameeyo hay’ad nabad ilaalin ah iyo gole amaan oo qayb ka ah Midowga cusub ee Afrika (AU) oo beddelay ururkii 39-jirka ahaa ee (OAU).

Golaha ammaanka ee Afrika wuxuu ka koobnaan doonaa 15 xubnood oo ka kala imanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida golaha ammaanka ee Qaramada Midobay oo kale.

Wuxuu golahan Afrika ee ammaanku awod u yeelanayaa inuu farageliyo wadamada Afrika, ee ay ka dhacayaan dembiyo ah ku xad-gudub xuquuqda Aadamaha ah.

Midowgan Afrika, wuxuu qorshaynayaa inuu abuuro ciidan joogto u ah in ay ka jawaabaan oo ay farogeliyaan xurgufaha ka dhaca dalalka xubnaha ka ah sida xasuuqa iyo ku xad-gudubka xuquuqda Aadamaha, golahan-na wuxuu adeegsan karaa si uu u difaaco ama u weeraro ficilo ka dhashay is-afgaran waa dadyawga xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Cududan cusub ee golaha ammaanka Afrika wuxuu noqonayaa saldhiga nabadda ama khilaafka Afrika, maadaama faragelinta militeri ay summad u noqon doonto guusha laga gaadhayo hawsha xubnaha madaxda ka ah golaha ammaanka iyo si ay wax u qabtaan oo horumar ay uga keenaan gobollada Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Arrintan oo ah ta kululaysay tartanka kuraasida (5) xubnood ee guddoonka golaha ammaanka ee Afrika.

Doorashada xubnaha shanta ah, waxaa saamayn ku leh dalalka loo dooranayo xubinimada shanta kursi xidhiidhka ay la leeyihiin Yurub iyo Maraykanka. Taas oo macnaheedu yahay in uu Maraykanku gacan weyn ama raad weyn ku leeyahay tallaabooyin militeri oo ay Afrika ku bahowdo si ay wax uga qabato xurgufaha iyo xaaladaha ka abuurma qaaradeeda dhexdeeda.

Xubnaha Midowga Afrika oo ka kooban 53 dal, waxay iska dhex dooranayaan 15 dal oo noqonaya xubnaha golaha Amaanka ee Afrika muddo 2 sanno ah, halka 5-ta xubnood ee guddoonka golaha ammaanka laga soo dooranayo gobollada Afrika ee galbeed, bari, koonfurta, badhtamaha iyo waqooyiga, oo iyaga muddo 3 sannadooda ah la dooranayo.

Ilaa hadda wadamada Koonfur Afrika iyo Gabon, ayaa u muuqda inay isku hubaan in loo dooranayo inay wakiil uga noqdaan golahaa gobolada Koonfurta Afrika iyo Badhtamaha Afrika.

Wadamada kale ee buuxinaya 3-da kursi ee kale weli ma cada.

Wadamada Aljeeriya, Liibiya iyo Masar, ayaa ku loolamaya kursiga Waqooyiga Afrika, halka wadamada Itoobiya Kenya iyo Tanzania ay ku tartamayaan wadankii meteli lahaa Bariga Afrika.

Senegal iyo Nigeria, ayaa iyaguna ku loolamaya ciddii meteli lahayd Galbeedka Afrika.

Wadamada ku guulaysanaya xubinimada shanta kursi ee guddoonka golaha ammaanka ee Afrika doorashadooda waxaa saamayn ku leh dhawr qodob.

Tan koowaad, wadamada ay ciidamadoodu aad u qalabaysan yihiin ee leh laxaadka militeri ayaa u muuqda inay leyihin fursadaha ugu badan.

Wadamada xubnaha ka noqonaya guddoonka golaha ammaanka Afrika, waa wadamo laga rajaynayo inay ku deeqaan tiro badan oo ah cududa ciidan ee looga baahan yahay nabad-ilaalinta, deeq dhaqaale, taakulayn saad iyo inay ku xoojiyaan wadamada yar-yar ee Afrika militerigooda farsamo sare iyo qalab.

Waxaa iyana la tixgelinayaa waayo-aragnimadii hore ee wadamadaasi ay kaga qaybqaateen hawlo nabad-ilaalin ah ciidamadoodu gobolkooda Afrika ee ku yaala.

Arrinta dambe ee waayo-aragnimada nabad-ilaalinta ee dalalka waxaa tusaale loo soo qaadan karaa Nayjeeriya iyo Senegal.

Tixgelintii militeri ee Nayjeeriya ay ku lahayd galbeedka Afrika, waxaa shaasheeyay eedayntii lagu eedeeyay Nayjeeriya dagaalkii Laybeeriya in ay ciidamadeedu bililiqaysteen dalka yar ee galbeedka Afrika (Laybeeriya), maadaama ay Nayjeeriya hoggaaminaysay ciidamadii nabad-ilaalinta loogu diray Laybeeriya oo lagu magacaabay (Economic Community Of West African States Monitoring Group).

Dalalka yar-yar ee galbeedka Afrika oo ka wer-wersan quwada Nayjeeriya, waxaa laga yaabaa inay kursigooda guddoonka golaha ammaanka xilligan u doortaan Senegal.

Dhinaca kale, sida xidhiidh ay dalalka Afrika ula leeyihiin wadanka Maraykanka, maadaama loo baahan yahay badhi-taare dhaqaalaha iyo qalabka ay u baahan yihiin, markaa dalalka xidhiidhka la leh Maraykanka sida Kenya iyo Nayjeeriya ayaa iyaguna u muuqda inay fursado leeyihiin marka la eego qalabka iyo tabobarada uu Maraykanku u gudbin karo.

Siminaar Xuquuqda Caruurta Ku Saabsan Oo…

 

Berbera (Haatuf) :- Siminaar ku saabsanaa xuquuqda caruurta oo ay soo qabanqaaqbisay hay’adda Save The Children, ayna ka qaybqaadanayeen 35 xubnood oo ka kala socday ciidamada Booliska iyo Asluubta, macallimiinta, waalidiinta, dhakhaatiirta iyo duqayda, ayaa dorraad la soo gebo-gebeeyay, kadib markii uu muddo afar cisho ah ka socday magaalada Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyahayaga magaalada Berebera, siminaarkan waxa ay ka qaybgalayaashu ku baranayeen duruus la xidhiidha xuquuqda caruurta iyo sidii looga hortegi lahaa ku xad-gudubka xuquuqda caruurta.

Munaasibaddii xidhitaanka siminaarkaa waxaa hadal ka soo jeedisay Faadumo Axmed Sheekh oo mas’uul ka ah xafiiska hay’adda SC/USA, madaxna ka ahayd hawshii siminaarka, waxaanay ka warantay faa’iidada uu siminaarkani lahaa iyo ahmiyadda ay leedahay dhawritaanka xuquuqda caruuta, loogana badbaadin lahaa tacaddi loo geysto.

Badhasaab ku xigeeka gobolka Saaxil C/raxmaan Yuusuf Badheedhe, oo sina ka hadlay xidhitaankii siminaarka ayaa sheegay inaanay baraarujinta xuquuqda caruurtu ku ekaan inta siminaarkan ka qaybgashay oo keliya ee loo baahan yahay in la gaadhsiiyo dhammaan bulshada, maadaama ayuu yidhi ay caruurtu yihiin madaxdii berito qaadi lahaa xilka dalka.

Osama Oo Halkuu Joogo Uu Ka Waramay…

 

Osama bin Laden wuu nool yahay, wuxuu ugu dhowaan joogaa gobolka ku yaal xadka Pakistan iyo Afghanistan.

Sidaa waxaa wargeys u sheegay nin ka tirsan qaybta sirdoonka dibedda ee hay’adda BND ee Jarmalka. “War aanu hayno waxa uu caddaynayaa in uu Bin Laden weli nool yahay.”

Warbixintan waxaa siiyay wargeyska ‘Weit am Sonnta’ madaxa hay’adda Jarmalka ah ee sirdoonka, loona yaqaan BND (Bundes Nachrichten Dienst), Mr. August Hanning.

Hanning wuxuu ku daray oo kale warbixintiisa oo uu yidhi; “Isagu (Usama) weli waa madaxa Al-Qaacida, laakiin wuxuu u muuqdaa inaanu dhaq-dhaqaaq badan samaynin oo uu u hawlgalo qaab qarsoon.”

Mr. Hanning, wuxuu intaa ku daray in weli ilaa (5,000) shan kun oo ah taageerayaasha Al-Qaacida in ay weli ku sugan yihiin dhinaca Pakistan iyo Afghanistan.

Waxaa tiradaa iyaguna ku jira xubno hore uga tirsanaa Taalibaan ama taageeri jiray iyo in dad u dhashay dalal kale oo ku sugnaa halkaa ay ku noqdeen dalalkoodii.

Mr. Hanning, waxaa kale oo uu intaa ku daray in taageerayaasha Al-Qaacida ay isu diyaarinayaan weeraro ay doonayaan inay fuliyaan wixii awoodooda ah, waa inaynu u diyaargarownaa ayuu u sheegay wargeyska daabacay waraysigiisa.

Waraysigaa waxaa kale oo uu sirdoonka Jarmalku ku sheeagy in weerarkii 11-kii September uu ku kacay Al-Qaacida lacag wax yar ka badan hal milyan oo dollar.

Mr. Hanning waxa uu isagoo sii wata warbixintii u usiiyay jariirada Weltam Sontag ee Jarmalka uu ku sheegay inuu Bin Laden iminka aad u doonayo in uu weeraro la beegsado Maraykanka, si uu uga aar-goosto xulafada uu Maraykanku hoggaaminayo ee maamulkii Taalibaan ka saartay Afghanistan.

Warkan waxaa isna la mid ahaa war uu sii daayay nin sheegay inuu Af-hayeenka Al-Qaacida yahay oo ku waramay in Cumar Mullah iyo Osama bin Laden, labaduba ay nool yihiin.

Jarmalku wuxuu ka qaatay qayb baadhitaanka dhacdadii 11-kii September.

Sadex ilaa afar af-duubayaashii diyaaradihii lagu qarxiyay xarunta New York ee ganacsiga adduunka oo uu ku jiro Maxamed Atta ayaa sannado ku noolaa magaalada Dekedda ah ee Hamburg ee dalka Jarmalka.

FAAQIDAADDA ADDUUNKA

Ma Hirgali Doonaa Midowga Cusub Ee Afrika?

 

Waxa maalintii khamiistii lagu soo gabagabeeyay magaalada Derban ee dalka Koonfur Afrika shirkii ugu horeeyay ee ay Madaxda Afrika seeska ugu dhigayeen ururka Midowga Afrika oo bedalaya ururkii hore ee midnimadda Afrika OAU oo haatan talax gab noqday ka dib markii ay soo food saareen caqadabado culculus iyo mashaakilo suurta galin waayey in uu shaqeeyo.

Ururkii Midnimadda Afrika oo la aasaasay 25kii Julaay 1963kii waxa ay ujeedadiisu ahayd inay dalalka Afrika yeeshaan cod kaliya ayna kaga hortagaan dhibaatooyinka Qaarada soo wajaha iyo inay la yimaadaan qorshe cad oo lagu hore marin karo Qaarada cagaaran oo ah ta ugu liidata Qaaradaha adduunka dhinac kasta marka laga eego.

Hase yeeshee muddadii 39 sano ahayd ee uu ururku jiray laguma guulaysan hirgalinta ujeedooyinkii loo aasaasay iyadoo ay Qaarada soo wajaheen duruufo qalafsan oo qayrkeed ka reebay.

Mushkiladaha ugu daran ee qaarada soo wajahay muddadaa waxa ka mid ahaa.

-          Xeerarkii iyo qawaaniintii u yaalay ururka oo inta badan dabar ku noqday in la qaadi karo tallaabooyin adadag oo wax lagaga qaban karo mashaakilka qaarada ka dhaca gudaha dalalka iyo haddii ay laba dal wax dhexmaraanba. Maadaama uu xeerka OAU dhigayay in aan la fara galin karin madaxbanaanida iyo xuduudaha dalalka Afrika.

-          Waxaa isna muddadaa socday halgan ay ku jireen dalal badan oo Afrika ka tirsan kuwaasoo xoriyadooda u dagaalamayay dalalka ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika oo uu ka jiray nidaam midab takoor ahi ilaa 1994kii oo uu dalkaas isbadal ka dhacay, Simbabwi oo xonimadeeda qaadatay 1980kii horena loogu yaqaanay Roodhiisiya dalka Namiibiya ayaa isna xonimadiisa qaatay 1990kii. Waxaa iyaguna xornimadoodii qaatay dalalka Eretariya Saxaraha galbeed, iyo Jabuuti.

-          Markaa laga yimaado dagaaladii xornimo doonka ahaa ee qaarada ka socday waxa iyaguna jiray dagaalo sokeeye oo inta badan ka socday dalalka Afrika kuwa ugu muddada dheeraana waxa ka mid ahaa dagaalkii ka socday dalka Angoola kaasoo dhexmarayey dawladda dalkaasi iyo ururka Unita muddo 20 sano ah. Dagaaladii ka socday Mosambiig, Itoobiya, Soomaaliya, Laybeeriya, Siiraaliyoon Yugaandha Suudaan iyo xasuuqyadii ka dhacay dalalka Ruwaandha Burundi iyo Kongo(sa’iir)

-          Mushkuladdii ugu adkayd ee soo waajahday shirarkii O.A.U. ee Madaxda Afrika waxay ahayd markii ay Marooko qabsatay dalka Saxaraha galbeed oo gobonimadiisa qaatay 1979kii taasoo ay ku adkaatay sidii qaraar looga gaadhi lahaa, hase yeeshee 1984kii ayay Madaxda Afrika ku dhiiradeen inay aqoonsadaan Saxaraha galbeed oo uu matalayay ururka Bulisaariyo taasina waxay keentay inay dawlada Marooko ka baxdo ururka O.A.U. isla sanadkaa ilaa hadda Marooko way ka maqantahay xubinimada ururkaasi.

-          Waxa kale oo qaarada soo waajahay dhaqaale xumo ku habsatay badanaa dalalka Afrika taasoo keentay saboolnimo iyo macaluul ka jirtay meelo badan oo Afrika ka tirsan. Waxa taa sii xoojinayay colaadaha iyo dagaalada oo keenay Qaxoonti fara badan oo ka baro kacay guryahooda darxumo weyna la kulma.

-          Waxaa kale oo ay taasi saamayn weyn ku yeelatay ururka O.A.U. oo waayay dhaqaale ku filan oo uu wax kaga qabto hawlaha horyaalay.

-          Marka arrimaha laga yimaado waxaa isaguna dheeraa dagaalkii qaboobaa ee ka dhexeeyay quwadihii waaweynaa ee Ruushka iyo Maraykanka intii aanu burburin Midowgii Soofiyati iyagoo kala hogaaminayey isbahaysigii shuuciyada iyo xulafada reer galbeedka kaasoo saamayn xoog leh ku lahaa Afrika maadaama ay kala jiidanayeen labada Quwadood ee hirdanku ka dhexeeyay.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ururkii OAU ka dhigay mid talax gab ah oo aanay hawshiisu ka badnayn shirar la isku soo hor fadhiisto iyo bayaano qur-qurux badan oo la soo saaro. Isweydiintu waxay tahay muxuu ururkan cusubi kaga duwan yahay ururkii hore ee O.A.U.? Maxaase laga filayaa inuu soo kordhiyo?

Ururkan midowga Afrika ee cusub marka hore waxaa wax laga bedelay xeerkii dabacsanaa ee ururkii OAU iyadoo lagu daray in ay banaantahay wax ka qabashada mushkiladaha ka dhaca qaarada waxaa kale oo qorshuhu yahay samaynta Ciidan ka dhexeeya Afrika oo wax ka qaban kara xaaladdaha faro gelinta u baahan samaynta lacag iyo baan dhexe oo ka dhexeeya Afrika iyo sidoo kale suuq ganacsi oo kulmiya Afrika iyadoo la iska kaashanayo sidii qaaradu u gaadhi lahayd horeumar dhinac kasta ah.

Hase yeeshee, waxaa wali jira caqabado hor yaalla ururkan cusub sidii loo hirgalin lahaa qorshayaasha u dejisan. Waxaana ka mid ah qaabka loo dhaqan galin karayo midowga cusub gaar ahaan awood qaybsiga  shanta gobol ee loo qaybiyay Afrika oo uu gobol waliba kursi ku yeelanayo Golaha ururkan cusub loo sameeyay gaar ahaan waxaa la sheegay inuu muran ka taagan yahay cidii matali lahayd woqooyiga Afrika oo ay uu tartamayaan dalalka Masar, Liibiya, Iyo Aljeeriya iyo bariga Afrika oo ay ku tartamayaan dalalka Itoobiya, Kiiniya, iyo Tansaaniya waxaa kale oo jira kala duwanaansho dhinaca afkaaraha ah oo u dhexeeya qaarka ka mida ah dalalka Afrika taasoo badanka  ku saabsan habka loo hirgalinayo midowgan cusub waxaa iyaduna wali jirta mushkilada dhinaca dhaqaalaha. Waxaadse moodaa inay haatan yaraadeen colaadaha iyo dagaalada Afrika ka socda oo badankoodii ay bakhtiyeen, laakiin hirgalinta midowgan cusubi waxay ku xidhan tahay sida ay dalalka Afrika daacad uga noqdaan hirgalinta wixii ay ku heshiiyeen iyo sida ay uga gudbaan caqabadaha ku gudban iyagoo iska ilaalianay wixii Afrika qayrkeed ka Reebay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Abaal Way Guddaa Jabuuti

Maqaalkani wuxuu jawaab u yahay mid hore oo ku soo baxay Jamhuuriya salaasaddii 2julay 2002 ciwaankiisuna ahaa Jabuuti abaal ay gaddo mooyaane lama arag abaal ay gudo oo uu qoray ninka la yidhaahdo Maxamed Xaashi Cismaan. Runtii qoraalkaasi wuxuu ahaa dhaliil aan haysan wax murti ah oo laga qaato, waxaanu qoray aflagaado aan qaban bulshada reer Jabuuti ee aan walaalaha nahay balse waxa lla yidhi nin kula hadlay kaa hadli.

Qaawananaantu kuma fuul xuma oo kaliya dadka balse hadalka qaawan ayaa u fool xumo badan, hadaad wax dhaliilaysana waa inaad Asluubaysaa hadalka adiga oo adeegsanaya sarbeeb iyo anshax wanaag erayada uu adeegsaday Ninkaasi waxa ka mid ahaa “Jabuuti abaal ma gudo, bisad tareen jiidhay baad noqon” waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa (Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay,” ‘Afxumo nabadna way fogaysaa colaadna waxba kaagama tarto” waxa kale oo la yidhi “gar la qaaday dabadeed gocasho reeban”

Hadday xurgufi ka dhaxaysay Jabuuti iyo Somaliland maanta waa laga heshiiyay.

Waxana naga dhaxeeya is qadarin iyo walaalnimo.

Hadday arrimuhu sidaa yihiin Maxaa kuu xambaariyay erayadaas dhaqankeena ka baxsan ee qaawan ma waxa kuugu danbaysay maqalkiisa shirkii Carta iyo ismaan dhaafkii ka Dhashay oo waxa kaa maqnan in la heshiiyay?

Mise waxa kuu cuntami wayday dabaysha caafimaad ee ka dhalatay wada hadalkii labada dawladdood ee walaalaha ah horaa loo yidhi (dhidid baa la maydhaaye dhalasho lama maydho) waayo Jabuuti iyo Somaliland waa isku dad, dan, diin, iyo dhaqan baan wadaagnaa colaaduna ma noqon karto mid sii socota sida darteed waxa aan ku leeyahay ha ku sifoobin maaha maalintii ay ahayd ( dhidar xabaalo qodaa qudhun buu u dhaadhacaa) horaa loo yidhi dan joogtaa baa jirtee saaxiibtinimo joogtaa ma jirto. Siyaasadu maaha geed meel taagan, saaxiib duruufta la qabso hana ka dhicin salaanka siyaasada hadaan halkaa ku dhaafo jawaabtii Mr. Xaashi.

Waxaan talo u soo jeedinayaa Wargeysyada ka soo baxa dalka qaarkood oo caadaystay buubuuninta arrimaha ku tidhi ku teenta ah, Somaliland maaha beed ama qosol ku jab jiritaankeedu kuma xidhna Jabuuti iyo Itoobiya midna, balse waxay ku xidhantahay dadkeedu sida ay u fuliyaan ilaalinta midnimadooda iyo horumarinta isku filaanshaha dalka sidaa darteed inta aad ku jahawareeraysaan Ummada Jabuuti baa idin neceb iyo Xamar baa la inagu wadaa ilayn dalku maaha xoolo hadba saylad laga baayacayo ee waxa ka haboon inaad uga warantaan ama ku wargalisaan sida ay wax u qabsan lahaayeen. Hana noqonina arkaa qaad wixii loo keenaba u soo gudbiya bulshada iskana ilaaliya wixii khal khal abuuraya heshiisyada inaga dhexeeya dawladdaha aan jaarka nahay.

Axmed Aw Cismaan (M.DH)

Jaamac Yuusuf Axmed

Tala Bixin Burco Ku Aadan Nadaafadda Burco

Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa Maamulka D/hoose ee magaalada Burco, waxgaradka iyo dadweynaha aragtiyaha ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda magaalada Burco. Taas oo lafdhabar u ah caafimaadka bulshaweynta reer Burco. Waayo, Haddii aad u fiirsataan goobaha daryeelka caafimaadka ee dadka bukaa yimaadaan waxaad ogaanaysaa inay mushkiladdu ka timid nadaafad la’aanta jirta waxanan u arkaa in nadaafad darradaa dawo u noqon karaan qodobadan.

1.       In qashinka loo qodo saddex god oo magaalada koonayaasheeda ah

2.       In sandaqadaha magaalada dhexdeeda sida qaabka daran looga dhisay basar loo sameeyo.

3.       In wadooyinka magaalada dhexdeeda si fiican loo baneeyo.

4.       In geedka tiinka la yidhaahdo la dabargooyo.

5.       In qashinka dhismayaasha ka hadha la ururiyo.

6.       In toga Burco qashinka laga daayo.

7.       In ceelasha laga cabo iyo  nadaafadooda loo ilaaliyo.

8.       In gaadiidka dameeraha la yidhaahdo loo sameeyo istaan cayiman.

9.       In meheradaha dadweynuhu wax ka cunaan nadaafadooda aad loo ilaaliyo

Qodobadan aan kor ku soo sheegay waa kuwa ugu mihiimsan nadaafad darrada magaalada.

Waxaan ku soo ururinayaa reer Burcow fadhiga ka kaca maanta waxay taagan tahay yaa xilku dhibayaa 

Nuux Kaarshe Bidaar, Burco

Heshiiskii Total Wuxuu Sugayaa Caddaaladda Rayaale

Ugu horayn Madaxweyne Daahir Rayaale waxa aan ku bogaadinayaa dedaalka uu muujiyay muddada yar ee uu xafiiska joogay ee uu u qaaday dhinaca dib u sixida khaladaadkii hore gaar ahaan dhinacyada siyaaasadda gudaha iyo tan arrimaha debedda lafteedaba, garsoorka iyo maamulkaba.

Inkasta oo aanu dedaalkaasi gaadhin heer la mahadiyo, haddana runtii waa kuwo bulshadu caam ahaan si niyad ah u soo dhoweysay, rajadoodii liidateyna soo noolaysay.

Hase yeeshee waxa iyana u yaalla Madaxweyne Rayaale, khaladaad kale oo muggooda leh oo u baahan in dib loo saxo, waxaana ka mid ah oo sharci darro ku haysta hanti qaran iyo ummaddu wada leedahay.

Waxa la ogyahay in heshiiskii Xukuumadu la gashay shirkadda total uu is hortaagay baarlamaanku, hase yeeshee uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku meel mariyay.

Heshiiskaa sharci darrada ah ee total ku haysato Haamaha shidaalka Berbera waxa uu duudsiyay xaquuqda aasaasiga ahayd ee Muwaadiniin badan oo dalka kaga xaq leh Total, islamarkaana waxa dhaxal wareegay hantidii gaarka ahaydee muwaadiniintaasi iyo hanti guud oo qaranku wada leeyahay.

Waxa intaas dheer shaqaale Muwaadiniin ah oo nolol maalmeedkooda ka xoogsan jirey Haamaha shidaalka ayaa shaqada laga eryay heshiiskaas ka dib. Sidoo kale waxa la xusuusan yahay tacaddigii lagula kacay muwaadiniintii ku sumoobey Haamaha shidaalka, kuwaas oo ay Total shaqada ka eriday iyaga oo dhaawac ah, xaquuqdoodiina duudsiday. Iyadoo islamarkaana magdhow iyo xuquuq maxkamada sare ee qaranku u xukuntay dhibanayaashaas, Xukuumaddu u tirtirtay danta Total oo kaliya.

Sidaa darteed arrintani waa mid aan laga samrin waxa lala sugayey mark ay noqotoba hoggaan cadli ah iyo dawlad sharcigu hago oo dalka ka dhalata. Waana mid ay tahay Madaxweyne Rayaale inuu xisaabta ku darsado.

Cabdillaahi Gamadiid Jaamac. Berbera

WAADIGA CIYAARAHA

Ferguson Oo Ka Wer-Wersan Heshiisyadii Oo Ku Adkaaday

Manchester (Reuters) – Tabobaraha Manchester United Sir Alex Ferguson, ayaa cadeeyay inuu weli rajo ka qabo heshiiska difaaca Leeds United Rio Ferdinand, inkasta oo bartilmaameedyo badani ku adkaadeen inay ka midha-dhaliyaan.

“Waa niyad-jab haddii aanad weli heshiis keliya xaqiijin, waana arrin calool-xumo yar igu beertay,” sidaa wxa warbaahinta u cadeeyay Ferguson oo sabtidii ka hadlay faramadhnaanta Manchester haysata.

Manchester waxay ku guul-daraysatay inay kasbato goolhayaha Turkiga Restu Recber, halka uu markale ka dhicisoobay yoolki Damien Duff, oo la filayo inuu heshiis lagalay Blackburn Rovers.

“Koobkii adduunku waa na wiiqay, waayo laba ilaa saddex ciyaartoy oo aanu codsi u qoranay ayaa noo dayriyay intaanu bilaaban tartanku kahor.” Laakiin Ferguson weli ma rajo dhigin, wxuuuna baadhayaa sidii uu u heli lahaa cid uun.

“Laakiin taa macnaheedu maaha in xilli-ciyaareedku bilaabmayo anaga oo aan ciyaartoy cusub helin,” ayuu ku daray.

Tabobare Ferguson wuxuu ku celceliyay inay ku hawlan yihiin Rio Ferdinand, welina ay dhawrayaan wixii horumar ah ee ka soo kordha. Wuxuu kaloo sheegay inaan shaqadoodu ahayn in dadka khasab lagaga dhigo iyo inaanay dagaal wax ku doonayn. Ferguson wuxuu tilmaamay inay ka badheedhsan yihiin rabitaanka Ferdinand oo aanay ka qarin Leeds.

“Haddii uu diyaar yahay waanu rabnaa, laakiin haddii aanay waxba cadayn waanu ka shaqo-tegaynaa oo meel dhaanta ayaanu daydayanaynaa,” ayuu yidhi Alex Ferguson.

Tabobaraha Manchester wuxuu walaac ka muujiyay khatarta difaac la’aantu ku hayso, isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaa naga lumay saddex ka mid ah khabiirada difaaca kooxda. Waanad dareemi kartaa culayska ka iman kara markaad weydo, Denis Irwin iyo Ronny Johnsson oo waayo-aragnimadooda la yaqaano.”

Si kastaba ha ahaatee, Ferguson weli ma qancin, wuxuna weli quud-daraynayaa in uu helo nin difaac ah iyo weeraryahano cusub, qiime kasta oo ay qaadanayso.

Cragnotti Oo Ku Dedaalaya Inuu Rivaldo Iyo Nesta Xero Isugu Keeno

 

Rome (Reuters) – Guddoomiyaha Lazio Sergio Cragnotti, ayaa ku rajo-weyn inuu gacanta ku dhigo weeraryahanka reer Brazil ee Rivaldo, oo uu ku hubsado xerada kooxda Bariga Roma ka dhisan ee Lazio, wuxuuna dedaal ugu jiraa siduu ugu beddelan lahaa Gaizka Mandieta oo Barcelona danaynaya.

Rivaldo waxaa heshiisku kaga e’g yahay July 2003, halka Mandieta uu xagaagii hore Lazio uga wareegay Valencia.

“Mandieta-Rivaldo waa laysku beddelan karayaa. Barcelona waxay rabtaa inay ciyaartoyga la hadasho, laakiin anigu waxaan filayaa inaanu horumar ka gaadhno Lazio-na hesho xiddig weyn,” sidaa waxa Sabtidii wargeysyada u sheegay Cragnotti.

“Waxaanu sugaynaa intaanu ka ogaanayno niyadda Braziliga. Waxaanu rajo ku qabnaa in wadahadalku wanaag ku dhammaado,” ayuu raaciyay.

Rivaldo oo loo doortay gooldhaliyaha labaad ee koobka adduunka ee Korea iyo Japan ka dhacay oo uu shan gool dhaliyay. Wuxuu kaalin libaax ku lahaa guushii Brazil oo 2-0 kaga badisay Germany oo ay ka qaaday koobka adduunka oo markii shanaad u xero galay.

Mustaqbalka 30-jirka hore ugu guulaystay xiddiga adduunka ee Barcelona waxaa galay madow tan iyo markii kooxda dib loogu so celiyay tabobare Louis Van Gaal.

Rivaldo, wuxuu marar badan isku dayay inuu ka tago intii tabobaraha reer Holland gacanta ku hayay, wuxuuna marar badan dalabyo ka helay kooxo Lazio ku jirto.

Cragnotti, isaga oo ka faa’iidaysanaya xidhiidhka qallafsan ee Rivaldo iyo Van Gaal, iyo doonista Barcelona ee Mandieta ayuu ku dedaalayaa sidii uu Rivaldo u qaadan lahaa.

Sidoo kale, wuxuu ku mintidayaa Nesta oo uu haysanayo hadduu Rivaldo helo.

Guddoomiyaha Lazio wuxuu dib uga maagay iibinta Nesta oo markii hore shuruud adag ku xidhay.

“Haddaanaan helin dedaal sed-bursi leh Nesta xilli-ciyaareedka dambe wuxuu ku biirayaa xeradiisa.”

Inkasta oo Lazio si weyn u doonayso Rivaldo, haddana Van Gaal iyo kooxdiisa lagama hayo wax hadal ah oo ku saabsan Rivaldo. Tabobaraha Holland oo ay hore isu eedeen Rivaldo ayaa ka gaabsanaya inuu ku degdego, maadaama uu marar hore faraha kaga gubtay.

Gullit Oo Doorbidaya Inuu Gacanta Ku Qabto Xulka Nayjeeriya

 

Abuja (AP) – Xiddigii hore ee Holland Ruud Gullit ayaa aad u danaynaya inuu buuxiyo kaalinta Festus Onigbinde ku baneeyay Nayjeeriya oo ahayd lataliye xaga farsamada ah.

“Haa Gullit waa kii ugu dambeeyay oo la faa’iido, danaynayana shaqada,” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xidhiidhka kubada cagta Nayjeeriya.

Gullit wuxuu tartan kala qaybgelayaa John Fashanu, oo hadda ku hawlan taageero uu ka raadsaday Abuja, halkaas oo uu ka wado olole uu kaalmo kaga doonayo madaxweynaha waddanka O. Obasanjo.

Tallaabada Fashanu waxay aad uga cadhaysiisay guddiga ciyaaraha wadanka. “Haddii Fashanu filayo inuu madaxweynuhu shaqada toos u geyn karo ha qabto shaqada, wuxuu kala kulmi doonaa dhabana-hays,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah guddiga.

Gullit oo shaqada tabobarka ka bilaabay kooxda Chelsea, wuxuu ku tallaabsaday horumar door ka ah intii aan shaqada laga eryin. Hase yeeshee, waxaa hoos-u-dhac ku keentaru keentay Newcastle oo aanu tallaabo keliya ku kordhin intii uu la joogay.

Nayjeeriya waxay u baahan tahay tabobare khibrad leh oo dhisa xul adag oo soo celiya haybaddii ciyaareed ee wadanka oo muddadan dambe luntay.